-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in markii u horraysay dowladda ay soo food-saartay dhaqaale xumadii ugu darnayd, kadib markii deeq-bixiyaashu ay ka jarteen dhaqaalihii ay siin jireen dowladda Federaalka. Wasiir Beyle, ayaa sheegay mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada dowladda, oo ay ku jiraan cuntada iyo adeegga Ciidanka ay ku baxdo lacag dhan $30 malyan oo Dollar, taas oo aysan xataa kala barked dowladdu heli karin, kadib markii laga jartay lacagtii kabka ahayd ee Caalamku bixin jiray. “Kabkii nala siin jiray waxaa nalaga jaray Agost, Sacuudiga oo lacag noogu deeqayna waxay naga dhamaatay December, Qatar waxa ay nasiisay xoogaa weyna dhammaadeen, marka maanta waxa aan ku soconaa sagxadda” ayuu yiri wasiir Beyle. Wasiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday, in ay dowladda dhaqaale siiyaan, si looga kabto dhaqaale xumada soo wajahday dowladda, islamarkaana aan gacan shisheeye wax looga sugin. Sidoo kale, wuxu tilmaamay in uu soo bandhigi doono akoonno lagu caawiyo dowladda, kuwaas oo qof kasta laga rabo in uu ka qayb-qaato Qaaraanka lagu ururinayo. PUNTLAND POST The post Wasiir Beyle: Waxa na soo wajahday dhaqaale xumo daran sagxad baan ku soconnaa appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Maaliyada ee Xukuumada Xilkeedu dhamaaday Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa shaaca ka qaadey in laga goostay Lacago laga labo jiray isla markaasna ay hada haawanayaan Qasnadihii Dowlada. Wasiirku wuxuu sheegay inay kusoo moodeen Bilihii Decembar iyo Janaayo waxaagaa Lacag ah oo mar hore uga timid Sacuudiga iyo Qatar, wuxuu Wasiirku yiri.. Lacagtii kabka ahaa waa nalaka jartay, hada sagxada Ayaan taaganahay, Soomaaliya habisku tashato. Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili ay shalay soo baxeen in Madaxweyne Farmaajo uu boqolaal kun oo Dollar uu ku kiraystay Shirkado Loobiyayste ah si uu u booqdo Maraykanka. Puntlandi.com Muqdisho The post Wasiir Beyle “ Lacagtii waa naga dhamaatay, Sagxadaan nalaa” appeared first on . Source
-
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo ka gadoodsan mudda kororsiga dowladda ay ka soo baxeen furimaha dagaalka Gobolka Shabeellada dhexe. Ciidan oo ku hubaysan noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka, ayaa soo gaaray duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo xooggan, sida laga soo xigtay saraakiil Ciidan. Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen. Odawaa Yuusuf Raage, ayaa la sheegay in uu xalay saraakiisha Ciidamadan hoggaaminaysa ugu baaqay, in ay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka, balse waxa la sheegay in ay ka amar diideen. Wararka qaar ayaa sheegaya, in Saraakiisha Ciidamadan hoggaaminaysa ay doonayaan, in ay warbaahinta la hadlaan saacadaha soo socda, islamarkaana ka ka warbixiyaan tallaabooyinka ay qaadi doonaan, haddii mudda kororsiga aan laga laaban. PUNTLAND POST The post Cutubyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ka gadooday mudda kororsiga dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Amniga Xukuumadda Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa guddi u magacabay shaqaaqadii maalmo ka hor ka dhacday garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aden Adde . Xundubeey ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo Amarkii Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu magacabay Guddi baaris ku sameeya dhacdadii 22-kii bishan ka dhacday garoonka diyaaradaha . Guddigan oo ka koobaan Shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Maareyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan . Sikasaba Khamiisti la soo dhaafay ayey aheyd markii ciidamada ka tirsan kuwa nabad sugidda NISA iyo shaqaalaha immigration ay isku gacan qaadeen guddaha garoonka halkaas oo ay ku bur burtay hanti dadweyne . GoobJoog Source: goobjoog.com
-
Xaalada Muqdisho oo Cirka isku shareertay+ Ciidamo Militari ah oo ka soo horjeestay Mudo-korodhsiga Farmaajo oo Muqdisho galay Ciidamo ka tirsan milateriga dowladda federaalka Somalia oo ku sugnaa difaacyada deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa soo galay duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho, ayagoo sheegay inay kasoo horjeedaan mudo korodhsiga labada sano ee uu sameystay madaxweyne Farmaajo. Ciidamadaan oo ku hubeysan gaadiid dagaal oo ku dhow boqol ayaa qaarkood gudaha usoo galay magaalada, gaar ahaan degmada Kaaraan, kuwo kalena waa ay kusoo wajahan yihiin, sida ay xog ku heshay Warbaahintu.Markii arrintaan ay ka war heshay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa wadooyinka qaar ee magaalada la dhigay ciidamo kale, kuwaasi oo xidhay qaar dhowr isgoys oo muhiima. Xoggo ay heshay Warbaahintu ayaa tibaaxaya in madaxweyne Farmaajo uu ku amray taliyaha ciidamada Milateriga Jeneral Odawaa Yuusuf Raage in uu ka hortago ciidamadaas, waxaana Jeneral Odawaa uu gaadhay deegaanka Sheekh Cali Cabdulle oo ciidamadaasi taliyeyaashooda ay ku sugan yihiin isaga oo kula kulmay Kornayl Saneey Cabdulle oo ah hoggaamiyaha ciidamadaas, hase yeeshee kulankooda ayaa noqday mid waxba la’aan ku idlaaday. Col. Saneey Cabdulle, ayaa sida warbixintu xogta ku heshay u sheegay Jeneral Odawaa in ay ciidamada kasoo horjeedaan mudo korodhsi islamarkaana ay maanta mowqifkooda warbaahinta u caddeyn doonaan, Iyagoo qabanaya shir jaraa’id. Geesta kale, Farmaajo ayaa ku amray madaxweynaha Hir Shabelle Cali Guudlaawe inuu arrintaan wax ka qabto, maadaama taliyeyaasha ciidamadan ay isku heyb yihiin hase ahaatee Cali Guudlaawe oo la xidhiidhay saraakiisha ciidamada ayaa ku guuldareystay dalabka Farmaajo in la fuliyo. Tu kalena, magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan iyo saan saan aan wanaagsaneyn, ayada oo Xukumada ay isku dayeyso inay xakameyso ciidamada kasoo horjeeda muddo korodhsiga oo sii kordhaya. Xukumada Farmaajo ayaa horey waxay u hujuumi kari weyday taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Jeneral Saadaq Joon, oo ciidamo badan ku haysta xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, kadib markii isna uu diiday muddo kororsiga. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Duceyle Beyle ayaa shaaca ka qaaday in dalalka deeqaha bixiya ay goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen dowladda federaalka, oo ay dowladdu hadda wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo aad u darran. “Lacagihii kabka ahaa ee adduun weynaha na siin jiray waa ay naga goosteen, xoogaa Sacuudiga iyo Qatar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December iyo January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda,” ayuu yiri Beyle. Beyle ayaa sheegay in dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha uu markii horeba ahaa 30%, inta kalena ay ka heli jireen dalalka deeqaha bixiya, kuwaas oo iminka lacagtooda goostay, sidaas darteedna loo baahan yahay in Soomaalida ay isku tashato. Caasimada Online ayaa bishii tagtay qortay in qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda ee illaa 8 wasaaradood aysan qaadan mushaharkooda billaha ahaa, kadib markii ay dowladda awoodi weysay inay bixiso. Sida ana xogta ku helnay, Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, muranka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jirta cabsi xooggan oo ku aadan in Soomaaliya ay isku rogtay nidaam kali-talis ah. Dowladda Sacuudiga ayaa hore sidaan oo kale u joojisay miisaaniyad 10 Milyan oo ay siin jirtay Soomaaliya markii uu socday go’doomintii Qatar, hase waxay dib u soo celisay markii uu hagaagay xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyadoo lacagtiina ka dhigtay 5 Milyan oo dollar. Arrintan ugu weyn ee uu Beyle shaaca ka qaaday ayaa ah in xitaa Qatar aysan bixin lacagtii ay ku taageeri jirtay dowladda federaalka, oo la rumeysan yahay inay saaxiibkeeda koowaad, waxaana suurta-gal inuu cadaadis kaga yimid Midowga Yurub iyo Mareykanka. The post Beyle: Lacagihii kabka ahaa waa nalaga goostay, waxaan taagannahay sagxadda appeared first on Caasimada Online.
-
Sir-culus:Villa Somalia Oo Markii la go’doomiyey lacag malaayiin dollar kala baxday Baanka Dhexe ee Muqdisho+Halka la geeyay & Xoggo kale oo xasaasiya Xilli marxalad adag Somalia ku jirto ayaa waxaa jira warar soo baxaya Oo sheegaya in lacag lala baxay. Inkastoo Hayadaha Maaliyada Somalia weli ka hadlin arintaan hadana Xoggo Hoose ayaa la helayaa. Lacagta caddadkeedu weli lama ogaan hayeeshee waxa lacagtaa lagala baxay Bangiga dhexe ee Soomaaliya waxaana la sheegay in la geeyey Villa Somalia (Xafiiska Farmaajo). Ilo wareedyo ka tirsan Baanka dhexe ayaa si Hoose looga ogaaday in lacagtaas loo isticmaalayo in lagu mustafeeyo ama lagu kharash gareyo odayaal Mucaaradka lagu dhabar jebinayo. Qorshahan ayaa ah mid Xukumada farmaajo ku dooneyso inay Xukunka kusii joogto cid walbo Oo ka hortimaadana ay lacag ku aamusiiso. Warar madax banaan ayaa sheegaya In 5 Million oo dollar laga bixiyey Bankiga dhexe Soomaaliya.Hase yeeshee Weli ma jiro war kasoo baxay Villa Soomaaliya Oo ku saabsann eedaasi lacag la bixida loo jeediyey iyadoo Maamulka Bankiga dhexe Soomaaliyana ka gaabsadeen qadiyadaas. Qaran News
-
MOGADISHU, Somalia - Turkish Red Crescent conducted food distribution in Mogadishu's Kahda district on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Biden oo “Xasuuq” u Aqoonsaday Dilay Cusmaaniyiintu ka Gaysteen Armenia Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Sabtida maanta ah xasuuq u aqqoonsaday dilalkii badnaa ee xilligii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka ay boqortooyadii Cusmaaniyiintu ka gaysatay Armenia. Aqoonsiga Biden ayaa ah fulinta balanqaadkii ololahiisa doorashada, wuxuuna ku soo beegmay Maalinta Xusuusta Xasuuqa Armenia ee laga xuso Armenia iyo qurba joogta Armenia. “Sannad kasta maanta oo kale, waxaan xusuusannaa noloshii dhammaan dadkii ku dhintay xasuuqii xilligii Cusmaaniyiinta ee Armenia, waxaanan dib isku xasuusineynaa in aan ka hortagno sidii uusan xasuuqaas oo kale mar dambe u dhicin,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray. “Dadka Mareykanku waxa ay sharfayaan dhammaan dadka Armenia ee ku halaagmay xasuuqii billowday 106 sano ka hor maanta.” Intii uu waday ololihiisii madaxweynenimo sanadkii hore, Biden ayaa sheegay in uu “taageeri doono qaraar aqoonsanaya xasuuqa Armenia, wuxuuna mudnaanta koowaad siin doonaa xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.” Ilaa 100 xubnood oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo kala socday labada xisbi ayaa warqad ay Arbacadii qoreen waxa ay Biden ku booriyeen in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee dilalkaasi u aqoonsada xasuuq. “Aamusnaanta ceebta ah ee Dowladda Mareykanka ee xaqiiqda taariikhiga ah ee xasuuqii Armenia ayaa socotay muddo aad u dheer, waana in ay dhammaataa,” ayay xildhibaannadu ku qoreen warqadda. “Waxaan kugu boorrineynaa in aad raacdo fulinta wixii aad ballan qaadday oo aad runta ka hadasho.” Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa horaantii toddobaadkan sheegay in aqqoonsiga Biden uu dhaawici doono xiriirka ka dhaxeeya xulafada NATO. Cavusoglu ayaa Sabtidii ku sheegay qoraal uu soo saaray in aqqoonsiga Biden “uu qalloocinayo xaqiiqooyinka taariikheed, taas oo aysan dadka Turkigu waligood aqbali doonin, wuxuuna furi doonaa nabar qotodheer oo wiiqaya is aaminaadeenna iyo saaxiibtinimadeenna.” “Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweynaha Mareykanka in uu saxo qaladkan weyn, oo aan laheyn wax ujeeddo ah marka laga reebo qancinta kooxo siyaasadeed, iyo in uu taageero dadaallada ujeedkoodu yahay in la abuuro dhaqan ay si nabad ah gobolka loogu wada noolaado, gaar ahaan qowmiyadaha Turkida iyo Armenia, intii uu u adeegi lahaa ajandaha kooxahaas isku dayaya in ay cadaawad ka abuuraan taariikhda,”ayuu Cavusoglu ku daray. Taariikhyahannada ayaa sheega in dad lagu qiyaasay 1.5 milyan oo reer Armenia ah ay ku dhinteen gacanta Boqortooyadii Cusmaaniyiinta intii u dhaxeysay 1915 iyo 1923-kii. Turkiga ayaa meesha ka saara inuu jiray xasuuq iyo qorshe kasto oo si ula kac ah loogu ciribtirayo Armenia. Waxa ay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dhibbanayaashu ay ku dhinteen dagaalka ama ay dileen Ruushku. Turkiga ayaa sidoo kale sheegaya in tirada dadka reer Armenia ee la dilay ay aad uga yar tahay tirada inta badan la isla wada oggol yahay ee gaareysa 1.5 milyan. Qaran News
-
Somaliland oo lagu Ammaanay Doorashooyinka ay u Jihaysatay Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u jihaysatay dhinaca doorashooyinka, waxana ay 31-ka Bisha May ee sannadkan ka qabsoomaya doorashooyinkii u horreeyey ee isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka. Shacbiga Somaliland ayaa baraha bulshada kaga dareen-celiyey dedaalka loogu jiro qabsoomid doorashada, iyadoo Komishanka Doorashooyinku ay soo saareen tirada guud ee dadka lagu wado inay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka soo socda oo tiradoodu tahay 1,297,838 oo qof. Halka doorashooyinku ay ka qabsoomayaan 1, 642 goobood oo ku kala yaalla 23 degmo doorasho. Ra’yul-caamka bulshada ayaa aaminsan in doorashooyinka oo si nabadgelyo ah inoogu qabsoomaa ay guul u tahay hannaanka dimuqraadiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi oo juhdi geliyey sidii mar loo wada qaban lahaa doorashooyinkii dhaqaalaha badani dalka kaga bixi jiray. Suxufiga caalamiga ah ee Raage Oomaar ayaa Bartiisa Twitterka kaga hadlay doorashooyinka Somaliland, waxaanu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay heshiis la gashay xisbiyada mucaaridka iyadoo aan wax farogelin ah aanay ku lahayn beesha caalamku. Waxa kaloo uu Raage Oomaar ku amaanay Somaliland in xukuumaddu ay maalgelisay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka. Sidoo kale, Doorashooyinka Somaliland ayaa farriin cad u ah farqiga u dhexeeya Somaliland oo dimuqraadiyadeedu jiridaysatay iyo Soomaaliya oo ku guuldaraysatay isku-dayadeedii la xidhiidhay inay gasho doorasho, taasi oo sida xunbada u soo gudhay islamarkaana uu madaxweyne Farmaajo naarlamaanka ka ansaxday muddo kordhin 2 sannadood ah oo ay ka horyimaadeen murrashaxiintii la loolamaysa iyo qaar ka mid ah Maamul-goboleedyada ka jira dalkaas colaaduhu ragaadiyeen Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Mamaul goboleedka Jubaland ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee 22 April 2021, kaasi oo si xooggan loogu cambaareeyey muddo kororsiga hay’adaha dowladda federaalka. Qoraal kooban oo ay soo saartay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri “Waxaan aaminsanahay in heshiiska doorashada ee September 17 ay tahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo.” Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu dhowaan soo magacaabo ergey u kala dab-qaada dhinacyada Soomaaliya, islamarkaana dib u fura wada-hadalladii doorashada ee u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka ah iyo madax goboleedyada. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo shalay Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhoweynayaan qodobka la xiriira in ergey gaar ah uu Midowga Afrika usoo magacaabo Soomaaliya, si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida, taasi oo uu sheegay inay aheyd soo-jeedin ka timid madaxweyne Farmaajo. Si kastaba Dubbe ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ay diidan tahay qodobka la xiriira cambaareyntii uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu u jeediyey muddo kororsigii uu golaha shacabka u sameeyey hay’adaha dowladda iyo madaxweynaha. “Ma jiro urur goboleed sharci u leh inuu ka hor yimaado go’aan kasoo baxay baarlaman dal madax banaan, waana sharci darro mana soo dhoweyneyso dowlada Soomaaliya cambaareynta loo soo jeediyay golaha shacabka, waa arrin la yaab leh qodobkaas, waxa uu si cad uga horimaanayaa waajibaadka shaqo ee AMISOM ee ah qaraarka 2568 ee ka soo baxay Golaha Aammaanka Qaramada Midoobay,” ayuu yiri wasiir Dubbe. Ma cadda sida ay wada-hadallo ku dhici karaan haddii ay dowladda weli ku adkeysaneyso muddo kororsi. The post JUBALAND oo shaacisay sida ay u aragto go’aankii kasoo baxay MIDOWGA AFRIKA appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan milateriga DF ee ku sugnaa difaacyada deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho soo galay, kuwaasi oo sheegay inay kasoo horjeedaan mudo kororsiga labada sano ee Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynihii mudo xileedkiisa dhamaaday. Ciidamadaan oo ku hubeysan gaadiid dagaal oo ku dhow boqol ayaa qaarkood gudaha magaalada usoo galay, gaar ahaan degmada Kaaraan, kuwo kalena ay kusoo wajahan yihiin. Markii arrintaan ay ka war heshay madaxtooyada ayaa waxaa wadooyinka la dhigay ciidamo kale, kuwaasi oo xiray isgoysyada qaarkood. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Farmaajo uu ku amray taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage in uu ka hortago ciidamadaasi, hase ahaatee Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaaray deegaanka Sheekh Cali Cabdulle oo ciidamadaasi taliyeyaashooda ay ku sugan yihiin, wuxuuna kula kulmay Col. Saneey Cabdulle oo hoggaaminaayo ciidamadaasi, wuxuuna kulankooda noqday mid aan waxba kasoo bixin. Col. Saneey ayaa u sheegay Jen. Odawaa in ay ciidamada kasoo horjeedaan mudo kororsi isla markaana ay beri mowqifkooda warbaahinta u caddeyn doonaan. Sidoo kale, Farmaajo ayaa amray Cali Guudlaawe in uu arrintaan wax ka qabto, maadaama taliyeyaasha ciidamadaan ay heyb ahaan wadaagaan, hase ahaatee Cali Guudlaawe oo la xiriiray saraakiisha ciidamada ayaa ku guuldareystay dalabka Farmaajo in la fuliyo. Dhinaca kale, magaalada Muqdisho ayaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan iyo saan saan aan wanaagsaneyn. Wixii warar ah ee kusoo kordha xaalada magaalada Muqdisho wararkeena danbe ayaa si toos ah ugula socon doontiin IA. The post Ciidamo militari ah oo kasoo horjeestay mudo kororsiga Farmaajo iyo xaalada Muqdisho oo kacsan appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (PP News Desk) — Mohamed Ismail Siibad, the Chairman of Mustaqbal, a political association in Puntland, has accused the Transitional Puntland Electoral Commission (TPEC), of violating Puntland Constitution articles on elections. Siibad had held a press conference in Garowe to clarify Mustaqbal’s stance on the democratisation process in Puntland “Artcile 114 of Puntland Constitution states elections will have to be based on universal suffrage” said Siibad, who slammed organisers of the planned pilot local elections for violating constitutional rights of citizens. “The path to free and fair elections is clear. A wrong approach to democratisation will yield disappointing results. We believe that conducting elections before a census and without the goal to form district councils violates the Constitution of Puntland” said Siibad. Siibad: “The Puntland Constitution stipulates universal suffrage.” Siibad highlighted a fundamental anomaly in the TPEC-prepared electoral process that will lead to arbitrary selection of councilors and MPs. “Without census it is difficult to determine the number of MPs and district councilors for each district and region. MPs selected locally will elect a President” added Siibad. Some analysts believe that the Constitution of Puntland needs to be revised. If MPs can elect a President, the powerful Puntland executive branch will gain a new lease of life, they reasoned. “Citizens should elect a President if they can elect MPs and district councilors” said Dahir Ali Aw Mohamud, a retired civil servant in Bosaso. “If pilot local elections get conducted at three designated districts, will it fall to the winning political association to appoint a district administration?“ said Siibad. He pointed out that the absence of a constitutional court would adversely affect the democratisation process “if TPEC is accused of favouritism.” Puntland Constitution stipulates the role of a constitutional court to address serious allegations against the electoral commission. Mustaqabal Chairman urged TPEC to put the democratisation process back on the right track in line with the Constitution of Puntland. © Puntland Post, 2021 The post Mustaqbal Chairman Accuses TPEC of Constitutional Violations appeared first on Puntland Post.
-
Suaal: Horta Siyaasadu MA khiyaamaa?. Siyaasadu MA waxbay xumaysaa mise waxbay Hagaajisaa /qurxisaa?. ———————————————— Waxaan arkay dhalinyaro badan oo siyaasada jecel inay galaaan, jecel inay marwalba ka hadlaan, hadana aan fahamsanayn qaabkii ay bulshada ula wadaagi lahaayeen arimaha LA xidhiidha siyaasada ee ayka hadlayaan, ama si qaldan U fahamsan. (way jiraan dhalinyaro fahamsan si wacana bulshada ugu soo gudbiya). Sidaas daraadeed, waxan jeclaystay inaan qoraalkan yar ee kooban idinla wadaago, kana jawaabo siday ila tahay ama fahamkayga shakhsiga ah. ————————————————– Siyaasad /Siyaasadda: Erega Siyaasad luqo ahaan waa erey carabiya, markaad eegto habka loo macneeyey luqad ahaan(Meaning) , dhamaan Macnayaasha Kala duwan naxwo ahaan ee loo sameeyey, waxay kusoo ururayaan, laba eray. Macnaha waa nuxurka kalmada carabi ahaan waa (siyaasadu waa Farid iyo Reebid). Macnaha in dadka oo waxa wanaagsan LA faro, waxa xunna laga reebo. Si kale waa AMAR. Markaad macnahaas qaadato waa kalmad asalkeedu yahay wanaag. Dhanka kale markaas Eegno sida loo qeexay, ee Macnaha loogu sameeyey shaqo ahaan (Definition/in terms of Functionality), ee aad eegto dhamaan khubarada ku xeeldheer arimaha siyaasada iyo waxay ka qoreen, nin Waliba dhanka uu ka galay, iyo sida uu u cabiray siyaasadu waxa ay tahay, markaas soo khulaasayso iyo nuxurka xeeldheerayaashu kusoo biyo shubanayaan, waxa kusoo baxaaya “Siyaasadu waa hab lagu ilaaliyo nolosha bulshada, lagu dhaweeyo dhamaan arimaha mujtamaca, lagu qurxiyo dowladnimadooda, wada jir kooda, hormarkooda, xuquuqdooda Gudaha iyo debedaba, waa hab lagu wanaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya xukunka iyo LA xukumaha, waa hab lagu qaybiyo khayraadka umadu leedahay, lagu ilaaliyo cadaalada”. Macnahan kooban waxa kasoo dhexbaxaysa Macnaha dowladnimada, waayo waaba shaqadii dowladu qabanaysay /loo samaystay dowladnimada /loogu baahday in dowladnimo LA samaysto. Sidaas daraadeed waxaynu odhan karnaa macno kale oo kooban oo ah “Siyaasaddu waa kabbihii dowladnimadu /dowladu ku soconaysay, ee qodxaanta, dhagaxa iyo dhaawacaba ka ilaalinaysay dowladnimada iyo guud ahaan shacabka hoos jooga”. Islaamka /khubarada Islamku iyagu maxay qabaan, siyaasadu waa maxay?. Fahamka islaamka ee siyaasada Waxaan iyana kusoo koobayaa “Siyaasadu waa dhag an galinta kitaabka iyo sunaha NABIGEENA Mohamed Scw, bulshada oo la dhiso aduunkeeda iyo aakhiradeedaba, wanaaga oo la faro, xumaanta oo la reebo, masaalixda bulshada oo la ilaaliyo iwm). Macnahan waxa uu ku biyo shubanayaa uun in bulshada nolosheeda LA ilaaliyo, lana kobciyo. Sidaas daraadeed, muslimiinta iyo dadka aan muslimka ahayniba, waxay isku Waafaqsanyihiin siyaasadu inay tahay wax wanaagsan oo lagu qurxiyo nolosha, dowladnimada, lagu camiro aduunka. Markaan isku soo gayno, suaalaha horena aynu ka jawaabno, waxa inoo soo baxaaya laba shay : 1. Siyaasadu waa wanaagsan,horumarka nolosha aduunka iyo ta aakhiraba guusheedu waxay ku xidhan tahay waa siyaasad, kolba habka loo maareeyo. 2. Siyaasadu waa cilmi, waa aqoon LA barto, waqti LA galiyo, dhaqaale LA galiyo, maaha hadal iyo TV laga dhurmo, waxay leedahay hab looga hadlo, qaaciidooyin LA raaco, faham, sifooyin lagu tilmaansado iwm. Sidaas daraadeed siyaasadu maaha Khiyaamo, maaha ficiltan, maaha hadal iyo waan hadlayaa uun, maaha wax xun, waa wax wanaagsan, waxna wanaajisa, qurxisa. Sidaas daraadeed siyaasada wanaagsan iyo siyaasiga wanaagsan ee siyaasada sidaa waxba MA xumeeyo waxbuu wanaajiyaa. Wuu ila dheeraatay LA soco qaybta labaad iyo halka dhalinteenu markay bulshada LA hadlayaan, meesha ay kasoo galayaan, iyo waxa ay ka hadlaan aan kusoo qaadan doono. Aragtidiina waa soo dhaweynayaa. Sir Abdirashid Hussein Yousuf Gahadhle@live.com. Doha, Qatar. Afkana xidho badbaadi bulshadaada. Qaran News
-
Wanlaweyn (Caasimada Online)-Magaalada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa caawa lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Leego iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, kadib markii lagu weeraray guri ay ku sugnaayeen. Koox hubeysan ayaa Bambaanooyin ku weerartay hooyga uu guddoomiyihii Leego ka deganaa degmada Wanllaweyn, waxaana halkaas ku geeriyooday isaga iyo laba askari, halka dhaawacyo kalena ay jiraan. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wanllaweyn ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey geerida guddoomiye Gucdur, waxaana magaalada ka bilaawday howlgallo lagu baacsanayo kooxdii fulisay weerarkaas. Illaa hadda ma jirto cid la shaaciyey in loo soo qabtay weerarkaas, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa. 2-dii bishii Agoosto 2020 weerar noocaan oo kale ahaa oo goor habeen ah ka dhacay degmada Wanllaweyn ayaa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda degmadaas Maxamed Cabdullahi Koosto, kadib markii lagu weeraray gurigiisa, iyadoo weerarkaas dhaawacyo lagu gaarsiiyey xubno ka mid ahaa qoyskiisa. The post Weerar lagu dilay gudoomiyihii Leego iyo askar kale oo ka dhacay Wanlaweyn appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Sabtidii maanta xasuuq u aqoonsaday dilalkii badnaa ee xilligii dagaalkii koowaad ee Adduunka ay boqortooyadii Cusmaaniyiintu ka gaysatay dalka Armenia. Aqoonsiga Madaxweyne Biden ayaa ah fulinta balanqaadkii ololahiisa doorashada, waxuuna ku soo beegmay maalinta xusuusta xasuuqii Armenia, taas oo laga xuso dalka Armenia, sidoo kale qurba joogta reer Armenia xusa. “Sannad kasta maanta oo kale, waxaan xusuusannaa noloshii dhammaan dadkii ku dhintay xasuuqii xilligii Cusmaaniyiinta ee Armenia, waxaanan dib isku xasuusineynaa in aan ka hortagno sidii uusan xasuuqaas oo kale mar dambe u dhicin,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray. “Dadka Mareykanku waxa ay sharfayaan dhammaan dadka Armenia ee ku halaagmay xasuuqii billowday 106 sano ka hor maanta.” Intii uu waday ololihiisii madaxweynenimo sanadkii hore, Biden ayaa sheegay in uu “taageeri doono qaraar aqoonsanaya xasuuqa Armenia, wuxuuna mudnaanta koowaad siin doonaa xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.” Ilaa 100 xubnood oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo kala socday labada xisbi ayaa warqad ay Arbacadii qoreen waxa ay Biden ku booriyeen in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee dilalkaasi u aqoonsada xasuuq. “Aamusnaanta ceebta ah ee Dowladda Mareykanka ee xaqiiqda taariikhiga ah ee xasuuqii Armenia ayaa socotay muddo aad u dheer, waana in ay dhammaataa,” ayay xildhibaannadu ku qoreen warqadda. “Waxaan kugu boorrineynaa in aad raacdo fulinta wixii aad ballan qaadday oo aad runta ka hadasho.” Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa horaantii toddobaadkan sheegay in aqqoonsiga Biden uu dhaawici doono xiriirka ka dhaxeeya xulafada NATO. Cavusoglu ayaa Sabtidii ku sheegay qoraal uu soo saaray in aqqoonsiga Biden “uu qalloocinayo xaqiiqooyinka taariikheed, taas oo aysan dadka Turkigu waligood aqbali doonin, wuxuuna furi doonaa nabar qotodheer oo wiiqaya is aaminaadeenna iyo saaxiibtinimadeenna.” “Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweynaha Mareykanka in uu saxo qaladkan weyn, oo aan laheyn wax ujeeddo ah marka laga reebo qancinta kooxo siyaasadeed, iyo in uu taageero dadaallada ujeedkoodu yahay in la abuuro dhaqan ay si nabad ah gobolka loogu wada noolaado, gaar ahaan qowmiyadaha Turkida iyo Armenia, intii uu u adeegi lahaa ajandaha kooxahaas isku dayaya in ay cadaawad ka abuuraan taariikhda,”ayuu Cavusoglu ku daray. Taariikhyahannada ayaa sheega in dad lagu qiyaasay 1.5 milyan oo reer Armenia ah ay ku dhinteen gacanta Boqortooyadii Cusmaaniyiinta intii u dhaxeysay 1915 iyo 1923-kii. Turkiga ayaa meesha ka saara inuu jiray xasuuq iyo qorshe kasto oo si ula kac ah loogu ciribtirayo Armenia. Waxa ay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dhibbanayaashu ay ku dhinteen dagaalka ama ay dileen Ruushku. Turkiga ayaa sidoo kale sheegaya in tirada dadka reer Armenia ee la dilay ay aad uga yar tahay tirada inta badan la isla wada oggol yahay ee gaareysa 1.5 milyan. The post Joe Biden oo ‘Xasuuq’ u aqoonsaday dilal ka dhacay Armenia + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wax yar un ka hor salaadii maqrib ee galabta waxaa degmada Kaaraan lagu dilay Nabadoon caan ahaa oo ka mid ah ergadii afar sano ka hor soo xushay baarlamaankan waqtigu ka dhamaaday ee 10-aad. Koox ku hubeysan bastoolado ayaa Nabadoonka ku dishay agagaarka masjidka Turkiga ee xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Ciise Hilowle, waxuuna kamid ahaa Ergadii soo xushay xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilay marxuumka. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dilka kadib ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo baaritaano ka bilaabay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, halkaas oo Nabadonka lagu dilay. Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada dilka Nabadoon Cabdullahi Hilowle, balse kooxda Al-Shabaab ayaa mudo dheer ugaarsi ku heysay odayaasha iyo ergadii soo dhisay baarlamaankan 10-aad ee Soomaaliya. The post Mid ka mid ah nabadoonada beelaha Muqdisho oo la dilay appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa Qoraal usoo qoray uga jawaabay hadalkii Maanta kasoo yeeray Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee Wakhtigeedu dhamaaday. Wasiir Dube ayaa Jabuuti ku eedeeyay inay Midowga Afrika iga faa’iideysanayso inay wadaan Siyaasada Gudaha Soomaaliya. Wasiirka Maaliyada Kabuuti Ilyaas Muuse oo ka jawaabaya hadalka Wasiir Dubbe wuxuu yiri “ Ku eedeynta Jabuuti faragalinta arrimaha #Soomaaliya & la safashada dhinacyadu waa macno la’aan & waxay wiiqaysaa qiyamkeena asaasiga ah ee nabada iyo xasiloonida Soomaaliya. Waxaan sidoo kale si weyn u qiimeynaa waxa ay noo qabatay Soomaaliya.Sidaas darteed, ma sameyn karno wax kayar. Taasina waa sababta ay wiilasheennu ugu dhimanayaan dib u soo nooleynta Soomaaliya.” . Xukuumada Farmaajo ma ahan markii kowaad oo ay eedeyaan Jabuuti. Waxayna hada u muuqataa in Xiriirka Jabuuti iyo Muqdisho uu marayo meeshii u xumayd Abad. Puntlandi.com Garowe The post Wasiirka Maaliyada Jabuuti oo wax laga xumaado ka tilmaamay Hadalkii Wasiir Dubbe appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa magacaabay guddi soo baara cidda iska leh mas’uuliyadda rabshadihii Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magalaada Muqdisho. Guddigan oo ka kooban afar xubnood ayaa guddoomiye looga dhigay Axmed Macalin Xasan oo ah maareeyaha hey’adda duulista rayidka, waxaana la faray inay deg deg u howlgalaan. “Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya asaga oo fulinaya amarkii Ra’iisul wasaaraha iyo qodobadii ka soo baxay shirkii amniga ee deg dega ahaa ee dhacay 23/04/2021, waxa uu magacaabay guddi baaris iyo xaqiiqo raadin ku sameeya dhacdadii ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, taariikhdu markii ay ahayd 22/04/2021,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka amniga. Xubnaha guddiga ah ee loo magacaabay baaritaanka shaqaaqadaas ayaa kala ah: 1- Axmed Macalin Xasan Guddoomiye 2- Cabdi Aadan Xuseen Xubin 3- Cabdinaasir Xaashi Jimcaalle Xubin 4- G/Dhexe Ciise Maxamed Ciise Xubin 5- Dhamme Maxamed Cali Maxamed Xubin. “Haddaba xubnaha guddiga la magacaabay waxaa la farayaa in ay si dhaqsi leh u howlgalaan, isla markaana natiijada batista oo tafntiran ku soo gudbiyaan muddo gaaban gudaheed,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka amniga. Gacan ka hadalkii ka dhacay Garoonka Aadan Cadde oo u dhaxeeyey shaqaalaha garoonka iyo ciidanka NISA ayaa la sheegay inuu ka dhashay dad ajaaniib ah oo NISA u socday, kuwaas oo shaqaalaha garoonka ay u diideen inay gudaha dalka usoo galaan, iyadoo aan la hubin waxa ay yihiin iyo ujeedka socdaalkooda. The post AQRISO: Magacyada guddi loo xil-saaray shaqaaqadii garoonka Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.