Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Aagga Mirinaayada ee degmada Cabdicasiis waxaa hadda ka billowday banaanbaxyo looga soo hor jeedo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxayna dadka dhigaya ku qeylinayaan erayo ay ku cabirayaan shacuurtooda. Dadka banaanbaxaan dhigaya oo wata cod baahiyeyaal ayaa ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah madaxweyne Farmaajo, waxayna leeyihiin, “Kaligi-taliye dooni meyno, Farmaajo ha dhaco, mudo kororsi dooni meyno, Farmaajo waa gacan ku dhiigle” iyo erayo kale oo ay ku muujinayaan diidmadooda ku aadan mudo kororsigii dhacay 12-kii bishan. Sidoo kale warbaahinta madaxa-banaan ayaa goordhaw gaartay halka ay banana-baxyadu ka bilaawdeen, waxaana lagu wadaa in xubnaha hoggaaminaya dibad-baxayaasha ay warbaahinta la hadlaan. Halka uu banaanbuxu caawa ka bilaawday ee Mirinaayo waxaa gacanta ku haya ciidamo ka soo hor jeeda mudo kororsiga Farmaajo, kuwaas oo shalay dagaal ka dhacay aagaas uga awood roonaaday ciidamo kale taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka. Waxaa xusid mudan in dagaalkii shalay uu ka bilaawday banaanbax ay dhigayeen dad shacab ah, kaas oo ka bilaawday isgoyska Fagax ee kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa ee gobolka Banaadir. Xaaladda magaalada Muqdisho oo maanta deganeed, kadib dagaalladii shalay iyo xalay ayaan caawa marti gelinaysa banaanbaxyo laga cabsi qabo inay sii xoogeystaan, isla markaana ay sababaan isku dhacyo hor leh. The post Daawo: Dibad-bax ka dhan ah Farmaajo oo ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  2. Komishanka doorashooyinka Qaranka ayaa warqadan u Diray Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland. komishanka ayaa dalbanaya in lasii daayo murashax Ku xidhan Berbera oo ka sharaxan Xisbiga UCID. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Taliyihii Saldhigga booliska ee degmada Yaaqshiid Faarax Cadaani Maxamed uu galabta ku biiray ciidamada gadoodsan ee ka soo hor jeeda mudo kororsiga hey’adaha dowladda federaalka ee ku sugan qeybo ka tirsan Muqdisho. Taliye Faarax oo wata gaadiid dagaal iyo ciidan ayaa la sheegay inuu ku biiray ciidamo ku sugan aagga Mirinaayo, kuwaas oo shalay halkaas dagaal kula galay ciidamo daacad u ah madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Tallaabada uu galabta qaaday Taliyaha booliska degmada Yaaqshiid waxay ku soo aadeysaa, iyadoo sidaan oo kale uu galabta ciidamada ka gadoodsan mudo kororsiga ugu biiray taliyihii saldhigga booliska degmada Shibis ee gobolka Banaadir Farxaan Jaraaye. Taliye Farxaan Jaraaye ayaa warbaahinta kula hadlay aagga Mirinaayada, waxuuna sheegay inuu gartay waxa saxda ah, isla markaana uu ka soo horjeedo gumaadka lagu hayo shacabka magaalada Muqdisho. Sidoo kalena uusan is-dhiibin, balse uu ka baaqsanayo in uu dadka iyo dalka u horseedo dagaal sokeeye, isaga oo markii hore ka tirsanaa ciidamada daacada u ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Taliyihii saldhigga booliska degmada Shibis Farxaan Jaraaye ayaa saraakiisha iyo ciidanka booliiska ugu baaqay inay iskaga soo baxaan dhanka dowladda, isla markaaana ay soo garab istaagaan dadkooda, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa sidaas galabta garabka dowladda ku baneeyey ilaa laba sarkaal oo laba ka mid ah degmooyin waqooyi ee gobolka Banaadir u qaabilsanaa booliska Soomaaliya oo hadda saraakiisha ugu sareysa ay daacad u yihiin madaxda waqtigu ka dhamaaday ee qaadatay go’aanka mudo kororsiga ah. The post Taliyihii labaad oo ka mid ah booliska gobolka Banaadir oo ka goostay dowladda appeared first on Caasimada Online.
  4. MOGADISHU (HOL) - The US Government has warned its citizens against traveling to Somalia following the outbreak of violence and the ongoing security risks in the country. Source: Hiiraan Online
  5. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay xabbad in shir deg deg ah la isu’gu yimaado, si xabbad-joojin looga hirgeliyo magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan jeediyey, kadib markii uu la kulmay xubnaha bulshada rayidka, waxaana uu sheegay inuu ka xunyahay dhibkii ka dhacay magaalada Muqdisho 24-kii saac ee u dambaysay. Waxa uu sheegay in uu ku baaqayo shir degdeg ah oo ay kasoo qaybgalaan waxgaradka Muqdisho iyo siyaasiyiinta, kaasi oo uu sheegay in xaaladda lagu dejinayo looga arrinsanayo amniga. Baaqa Rooble ayaa imanaya iyadoo weli magaalada ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, kadib markii ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradsan mudda kordhinta dowladda. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo ku baaqay shir deg deg ah appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-hayaa Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay xabbad joojin ka dhacda magaalada Muqdsho, iyo shir degdeg ah oo la iskugu yimaado sida ugu dhaqsiyaha badan. Rooble ayaa hadalkan jeediyey kadib markii uu galabta la kulmay xubnaha bulshada rayidka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay inuu ka xunyahay dhibkii ka dhacay magaalada Muqdisho 24-kii saac ee u dambaysay. Waxa uu sheegay inuu ku baaqayo shir degdeg ah oo ay kasoo qaybgalaan waxgaradka Muqdisho iyo siyaasiyiinta, kaasi oo uu sheegay in xaaladda lagu dejinayo looga arrinsanayo amniga. Waxa uu sheegya inuu ciicdanka farayo sugidda amniga muwaadiiinta, difaacda dalka, iyo la dagaalanka argagixisada, islamarkaana aysan siyaasadda ku milmin. Hadalka kasoo yeeray Rooble ayaa waxaa durba hareeyey su’aalo, ayada oo dadka ay is-weydiinayaan sababta uusan ula kulmin dhinacyada ay dowladda ay is-hayaan, iyo waxa uu soo kordhin karo shir aanu kala tashan ama kala Shirin mucaaradka. Tan iyo markii xiisadda colaadeed ka billaabatay Muqdisho, Rooble ayaa waxaa lagu dhaliilayey inuusan aheyn shaqsi go’aan qaadan kara, si uu u bad-baadiyo magaalada iyo shacabeedka oo xaalad kasii dareysa wajahaya. Kadib dagaalladii shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho, Rooble ayaa soo duubay muuqaal uu xalay ciidanka ku faray inay gutaan waajibkooda, ayna la-dagaalamaan dadka wada khal-khalka amni, sida uu hadalka u dhigay, hadalkaas oo ka carreysiiyey mucaaradka, siina fogeeyey rajadii laga qabay xal laga gaaro xiisadda magaalada. The post Daawo: Rooble oo ku dhowaaqay xabad joojin iyo shir deg deg ah appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska degmada Shibis Farxaan Jaraaye ayaa goordhoweyd si rasmi ah ugu biiray Agga Mirinaayadda oo ay difaac kaga jiraan ciidamo ilaalada u ah madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ciidanka Millateriga ah ee ka gadoodsan muddo korarsiga Farmaajo. Taliye Farxaan Jaraaye ayaa hadda warbaahinta kula hadlay aaga Mirinaayada, wuxuuna sheegay inuu gartay waxa saxda ah, kana soo horjeedo gumaadka lagu hayo shacabka magaalada Muqdisho. Taliyaha ayaa sheegay in uusan is-dhiibin, balse uu ka baaqsanayo in uu dadka iyo dalka u horseedo dagaal, isaga oo markii hore ka tirsanaa ciidamada daacada u ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Anigu isma dhiibin ee waxaan arkay in dadka lagu kor dagaalamayo ay yihiin dadkeyga, waxaana u tagay walalahayga,” ayuu yiri Sidoo kale waxa uu Saraakiisha iyo Ciidanka Booliiska ugu baaqay inay iskaga soo baxaan dhanka dowladda, islamarkaaana ay soo garab istaagaan dadkooda, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka daawo Taliyaha oo la hadlay The post DEG DEG: Taliyihii booliska Shibis oo ka goostay DF, kuna biiray ciidamada diidan muddo kororsiga (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  8. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga digay hay’adaha dowladda iyo cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta dalka, hadallada ama qoraallada ka hor imanaya Dastuurka Dalka. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku faahfaahiyay hab-raaca dastuuriga ah ee xeer-dejinta dalka kaas oo qeexaya awoodda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka koobanyahay. “Awoodda xeer-dejinta Dalka waxaa iska leh labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hal Aqal kaligiina iskuma koobi karo, mana ku shaqeyn karo awoodda Baarlamaanka sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay labo gole oo kala ah Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka” ayuu qoraalka ku yiri Cabdi Xaashi. Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in muddo kordhinta ay ansixiyeen Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay Dastuurka KMG ee Dalka, wax sharciyad ahna aan laheyn Dalkana u horseeday xasilooni darro iyo qalqal amni oo uu sheegay in uu horey uga digay. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare oo ka digay tallaabooyinka ka hor imanaya Dastuurka Dalka appeared first on Puntland Post.
  9. View of Mogadishu fishing harbour. AMISOM Public Information/FlickR Having endured cyclical crises spanning three decades, Somalia is both a fragile state and a resilient society. For decades, people have been organizing themselves and helping address crises on their own. At the local level, hybrid forms of governance, such as customary, religious, civic, private sector, and governmental authorities, have emerged to provide communities with variable, sometimes illiberal, but nonetheless real systems of governance. In the face of nascent state-led services, the private sector has filled the void to provide services. In our latest Somalia Urbanization Review, Fostering Cities as Anchors of Development, we show that innovation has been the defining feature of the Somali private sector, which has flourished despite the difficulties, and has been the driving force behind the extraordinary pace of economic growth and revival. The future of Somalia’s cities, which hold the key to helping the country develop faster and further, will depend on the vibrancy and responsiveness of the private sector, putting a premium on developing policies, urban planning, and regulatory capacities that enable and catalyze accountable private sector behavior. Fig. 1 Somalia is Urbanizing Rapidly At the same time, an estimated 2.6 million people who have been displaced within the country have largely migrated to urban areas and live on the city periphery in poverty. They cluster in camps, de facto slums which today are increasingly concentrated at the edge of cities, beyond the reach of basic services. They are here to stay, but most lack security of tenure and are vulnerable to multiple forced evictions. Those who live there are subjected to low-paying, unstable informal jobs, and many are removed from the clan-based support system that can provide a safety net and protection. It is in cities where both opportunities and challenges for Somalia’s development and prosperity are acutely felt. Cities exhibit both the greatest wealth and the most enduring poverty, impressive and inclusive cosmopolitanism alongside entrenched clannism, the highest levels of security and the most destructive acts of political violence, and the greatest potential for expanded economic opportunities as well as risky exposure to external economic shocks. The quest then is how to manage and reduce the risks Somali cities face, increase their potential to provide livelihoods and services, and do so in a way that is more inclusive and accessible for all. Somali cities feature a complex mix of different state and non-state authorities, in what emerges as hybrid governance. In addition to the presence of multiple state actors, much to most de facto authority resides in the hands of traditional clan elders, business leaders, militia leaders, civic groups, and religious authorities. Their relations with one another range from cooperation and power sharing to open rivalries. These hybrid governance arrangements are fluid and variable in their degree of legitimacy and capacity. Delivery of nearly all services normally associated with the state is the domain of the private sector, with roles also played by local civic groups and NGOs, international aid agencies, mosques, or lineage-based mutual support systems. These hybrid governance arrangements and third-party service delivery systems are a mixed blessing. Flexible hybrid governance is part of the reason why Somali urban communities have survived and managed decades of political violence and collapsed or fragile state authority. But non-state sources of governance are often exclusionary when it comes to women and weaker ethnic communities. Private sector-led service provision means that goods that should be public, like education and basic health care, become available only to those who can pay, excluding poor Somalis. The complex and fluid array of authorities and service providers also creates real challenges for external aid agencies trying to partner with local actors. Somalia’s impressive hybrid governance systems are critical sources of governance and services in the short-term, but are no panacea. Fig. 2 Access to Piped Water Fig. 3 Access to Electricity A transitional strategy for strengthening urban governance and service delivery in Somalia could be the starting point for the country going forward. Ongoing efforts to strengthen government capacity could be twinned with pragmatic strategies aimed at working with existing local capacities to deliver long-awaited basic services to urban populations. This may require a mindset change; cooperating partners—especially development partners—must be willing to embrace hybrid, “good enough” solutions to improve service delivery. As part of an interim strategy, the government would need to embrace the concept of a third-party service delivery model in which the government partners with or outsources roles to the private sector, civil society, and others for the delivery of critical social services in urban settings. Managing urbanization in Somalia is therefore a process by which a wide range of formal and informal rules and systems surrounding governance and service delivery incrementally come to have greater coherence, complementarity, credibility, and capacity. Source: The World Bank The post Somalia: A tale of two countries appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyey inay sharci-darro yihiin Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa, ee shalay lagu dhaariyey Villa Somalia, maadaama aan lasoo marsiin, oo aanu soo ansixin Aqalka Sare. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdi Xaashi. Aqalka Sare oo ka digay tallaabooyinka ka hor imaanaya Dastuurka Dalka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga digay Hay’adaha Dowladda iyo cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta dalka, hadallada ama qoraallada ka hor imaanaya Dastuurka Dalka. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faahfaahiyay Hab-raaca dastuuriga ah ee Xeer-dejinta dalka kaas oo qeexaya Awoodda Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka koobanyahay. “Awoodda xeer-dejinta Dalka waxaa iska leh labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hal Aqal kaligiina iskuma koobi karo, mana ku Shaqeyn karo awoodda Baarlamaanka sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay labo gole oo kala ah Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka” Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in muddo kordhinta ay ansixiyeen Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay Dastuurka KMG ee Dalka, wax sharciyad ahna aan laheyn Dalkana u horseeday xasilooni darro iyo qalqal amni aan la mahdin.Wuxuu Guddoomiyuhu sidoo kale xusay, inuu hore soo saaray go’aan uu ku faahfaahiyay sharci-darraninada go’aankaas Golaha Shacabka iyo waxa ka dhalan kara. Faahfaahinta Nidaamka Xeer-dajinta Dalka Sida ku cad “Madaxa Afaraad (Qod.79aad – Qod.86aad) ee Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah wuxuu xeerinayaa dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay in sharci kasta oo qabyo ah uu maro. Nuxurka tallaabooyinkaas waa sida hoos ku qoran: 1. In sharci kasta oo qabyo ah ee la horkeeno mid ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay waajib dastuuri ah tahay in uu maro aqalka kale ee Baarlamaanka Federaalka iyada oo la raacayo habraaca dastuuriga ah ee sida faahfaahsan loogu qeexay Qod.82aad iyo Qod.83aad ee Dastuurka KMG ah. 2. In nuqulka kama dambeysta ah ee ay si kala goonni ah u meel mariyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.90aad(f) ee Dastuurka KMG ah; si uu u saxiixo. 3. In nuqulka uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.85aad ee Dastuurka KMG ah”. Sida oo kale, Dastuurka KMG ah wuxuu si faahfaahsan uga hadlay habraaca lagu meelmarin karo Xubnaha Guddiyada Madaxa-bannaan oo uu ka mid yahay Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa, sida uu xeeriyay Qod.112aad ee Dastuurka KMG ah. Sida oo kale, xeerka lagu dhisay Guddigaan ayaa si qummaati ugu qeexay qodobbada 10aad iyo 11aad habraaca loo marayo dhismaha guddigaan. Haddaba, tallaabooyinka lagu soo magacaabay,sida loo ansixiyay iyo sida sharci-darrada ee loo dhaariyay waxay baalmarsan yihiin qodobbada Dastuuriga ah iyo sharciga kor ku xusan ee Labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalku ansixiyeen. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyay in Hay’adaha Dowladda & cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta Dalka in ay ilaaliyaan sharciga Dalka u yaala ayna ka fogaadaan hadallada ama qoraallada ka hor imaanaya Dastuurka Dalka. The post Aqalka Sare oo sharci-darro ka dhigay guddigii shalay lagu dhaariyey Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  11. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylci) ayaa ka qayb-galay kulan ay dawladaha hoose ee dalka iyo qaar ka mida wasaaraduhu ku kala saxeexanayeen barnaamijka JPLG-ga ee maamul daadajinta dawladaha hoose. Kulankan oo ay kasoo qayb-galeen Maayiradda lix-degmo iyo wasaaradaha waxbarashada iyo caafimaadka ayaa laysaga kaashan-doona sidii loo sii dar-dargelin lahaa adeegyada caafimaad iyo waxbarasho ee dagmooyinkaas. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylci) oo kulankaasi khudbad ka jeediyay waxa uu sheegay in mashruuca JPLG-ga uu soo maray marxalado kala duwan oo bilaw ah maantana uu kor u qaaday qaar kamida baahiyaha aasaasiga ah ee dagmooyinka qaar, isagoo Madaxweyne ku-xigeenku xusay in degmooyinka aan qaybta ka ahayn barnaamijkana qaar kood lagu darayo sanadkan. Source
  12. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga digay Hay’adaha Dowladda iyo cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta dalka, hadallada ama qoraallada ka hor imaanaya Dastuurka Dalka. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faahfaahiyay Hab-raaca dastuuriga ah ee Xeer-dejinta dalka kaas oo qeexaya Awoodda Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka koobanyahay. “Awoodda xeer-dejinta Dalka waxaa iska leh labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hal Aqal kaligiina iskuma koobi karo, mana ku Shaqeyn karo awoodda Baarlamaanka sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay labo gole oo kala ah Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka” Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in muddo kordhinta ay ansixiyeen Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay Dastuurka KMG ee Dalka, wax sharciyad ahna aan laheyn Dalkana u horseeday xasilooni darro iyo qalqal amni aan la mahdin.Wuxuu Guddoomiyuhu sidoo kale xusay, inuu hore soo saaray go’aan uu ku faahfaahiyay sharci-darraninada go’aankaas Golaha Shacabka iyo waxa ka dhalan kara. Faahfaahinta Nidaamka Xeer-dajinta Dalka Sida ku cad “Madaxa Afaraad (Qod.79aad – Qod.86aad) ee Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah wuxuu xeerinayaa dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay in sharci kasta oo qabyo ah uu maro. Nuxurka tallaabooyinkaas waa sida hoos ku qoran: In sharci kasta oo qabyo ah ee la horkeeno mid ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay waajib dastuuri ah tahay in uu maro aqalka kale ee Baarlamaanka Federaalka iyada oo la raacayo habraaca dastuuriga ah ee sida faahfaahsan loogu qeexay Qod.82aad iyo Qod.83aad ee Dastuurka KMG ah. In nuqulka kama dambeysta ah ee ay si kala goonni ah u meel mariyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.90aad(f) ee Dastuurka KMG ah; si uu u saxiixo. In nuqulka uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.85aad ee Dastuurka KMG ah”. Sida oo kale, Dastuurka KMG ah wuxuu si faahfaahsan uga hadlay habraaca lagu meelmarin karo Xubnaha Guddiyada Madaxa-bannaan oo uu ka mid yahay Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa, sida uu xeeriyay Qod.112aad ee Dastuurka KMG ah. Sida oo kale, xeerka lagu dhisay Guddigaan ayaa si qummaati ugu qeexay qodobbada 10aad iyo 11aad habraaca loo marayo dhismaha guddigaan. Haddaba, tallaabooyinka lagu soo magacaabay,sida loo ansixiyay iyo sida sharci-darrada ee loo dhaariyay waxay baalmarsan yihiin qodobbada Dastuuriga ah iyo sharciga kor ku xusan ee Labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalku ansixiyeen. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyay in Hay’adaha Dowladda & cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta Dalka in ay ilaaliyaan sharciga Dalka u yaala ayna ka fogaadaan hadallada ama qoraallada ka hor imaanaya Dastuurka Dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Dalka Suudaan ayaa ku booriyey Soomaalida in si degdeg ah loogu laabto miiska wada hadallada iyada oo lagu saleynayo heshiiskii September 17. Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa sidoo kale looga dalbaday dhinacyada Soomaalida iney ka fogaadaan qalalaasaha isla markaana ay dhameeyaan wax walba oo khilaaf jira ah. Suudaan aya arrinkan qortay kadib markii sida ay sheegtay dagaallo ka dhaceen Muqdisho iyada oo intaa raacisay iney si dhow ula socoto. Dhanka kale waxaa ay Khartoum sheegtay iney ixtiraameyso midnimada iyo madaxbbanaanida Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli ka taagan magaalada Muqdisho xiisadii dagaal ee u dhaxeysay ciidamada kala taabacsan dowladda waqtigeedu dhamaaday iyo musharaxiinta mucaaridka, taasi oo bilaabatay shalay gelinkii dambe, kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen aaga uu degan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Kadib markii ay cirka isku shareertay xiisada dhinacyada is-haya oo dagaal xoogan uu magaalada Muqdisho ku dhex-maray 24-kii saac ee u dambeeyay, waxaa ra’iisal wasaaraha uu sheegay inuu waan-waan iyo wada-hadallo wado oo uu la leeyahay mucaaradka. Hase yeeshee, sida ay ogaatay Caasimada Online, illaa hadda majiro wax wada-hadal toos ah oo u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka ama waan-waan ah oo loogu tagay saraakiisha hogaamineysa ciidanka ka horyimid muddo kororsiga iyo qaar kamid ah midowga musharaxiinta oo weerar lagu qaaday hoyga ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho. Xubno ka tirsan Midowga musharixiinta ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuusan jirin xiriir dhexmaray mas’uuliyiinta dowladda waqtigooda dhamaaday iyo dhinacyada kala ee ku dagaalamay Muqdisho, taasi oo meesha ka saareysa sheegashadii Rooble. Wada-hadallada kaliya ee hadda socda ayaa ah kuwa u dhaxeeya musharaxiinta iyo beesha caalamka. Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa sheegay in hadalkii ra’iisul wasaaraha uu ku amray ciidamada dowladda inay gutaan waajibkooda amni, iyo kii wasiir Xundubey uu ciidamada musharaxiinta ugu yeeray maleeshiyo qabiil ay meesha ka saareen in la wada hadlo. Ra’iisal Wasaare Rooble oo xalay iska soo duubay muuqaal ayaa sheegay in xiisada taagan uu ku dhameyn doono wada-hadal, islamarkaana uu bilaabay arrintaas, waxaana soo baxaysa inuusan jirin dadaal ku aadan xiisadaan oo ay bilowday dowladda waqtigeedu dhamaaday. Arrintaan ayaa sarre u qaadeysa suurta-galnimada in Muqdisho mar kale uu dagaal ka dhaco, iyadoo ciidamadu difaacyo iyo dhufeyso caro-tuur ay dhigteen goobihii xalay iyo shalay dagaalada ka dhaceen, waxaana dadka reer Muqdisho ay qabaan wal-wal weyn iyo dareen ku aaddan amnigooda. The post Maxaa ka jira inuu billowday wada-hadallo u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka? appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay dagaalkii 24-kii saac ee u dambeeyay dhex-maray ciidamo kala taabacsan madaxda mudo xileedku ka dhamaaday ee dowlada federaalka iyo ciidamada Musharaxiinta oo garab ka helaya kuwa kasoo hor-jeeda mudo kororsiga. Fiqi ayaa si weyn u cambaareeyay hadalkii uu ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta kaga fal-celiyey dagaalladii ka qarxay magaalada Muqdisho, kaasi oo faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaadiniinta, xili ay xiisad taagan tahay. “Xalay fariintii halka daqiiqo ahayd ee timid dagaal 24 saac qiyaastii socday ka dib, kama turjumayn dareenka dadka Muqdisho iyo kuwa uu raysulwasaaraha u yahay Rooble oo weeraro gardarro ah oo muddo kordhin xukun oo qasab ah daba socday lagu qaaday hogaamiyaal diiday muddo kordhin sharciga hareermarsan,” ayuu yiri Fiqi. Axmed Macalin Fiqi ayaa dagaalladdaan la xiriiriyey kuwii 1991-kii, wuxuuna yiri “Dagaalkii 1991 Marka uu socday oo madaafiicda laga ridayey Villa Somalia ay guri walba ku dhacaysay waxaan xusuustaa madaxdii Villa Soomaalida fadhiday waqtigaas waxay lahaayeen: beeraha hala fasho, nabadda halaga shaqeeyo”. Waxaa uu ku baaqay in Rooble uu kaalin ka balaaran middii xalay uu ka qaato xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho oo ay isku faro-saareen ciidamo kala taabacsan mucaaridka iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday. “Raysulwasaaruhu inuu kaalin intaas ka balaaran cayaaro waa laga sugayey, hadal ka duwan kan wasiirkiisa amniga waa laga sugayey laakin marnaba loogama fadhin inuu dafiro waxa keenay isku dhacyada hubaysan iyo inuu amaano ciidamo amar qaldan fulinaya oo magaalo xasiloon qalalaase ka samayanaya kuwaasoo furimihii Alshabaab laga soo bixiyey!.” “Sida hala isku dhaamo, dhiigga dadka Muqdisho oo qulqulaya madaxtinimada lagu dhex sheegto waxaan magac xumo ahayn laga dhaxli maayo,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Fiqi. Hadalkaan ayaa imanaya ayada oo 24-kii saac ee u dambeeyay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaallo culus, kaasi oo xoogiisa uu ka bilowday guriga hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ku yaalla agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan. Xaalada magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid dagan saaka, inkasta oo ay dhinacyada is-haya ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo, ayada oo aagga KM4 iyo Maka Al-Mukarama lasoo warinayo in laga qaaday ciidamadii dowladda, ayna joogaan kuwa taabacsan musharaxiinta, xaaladdana ay degan tahay. The post Xildhibaan Fiqi oo jawaab ka bixiyey hadalkii Rooble, lana xiriiriyey dagaalkii 1991-kii appeared first on Caasimada Online.
  16. DOORASHADA WAKIILADA: (QIYAAS HORRAAD) Doorashada Baarlamanka Xisbul Xaakimka Kulmiye waxa la qiyaasi karaa in uu ka heli doono 35 ilaa 37 kuraasida loo tartamayo oo ah 82 kursi, halka labada xisbi ee mucaaridkuna ay isku heli karaan 45 ilaa 47 kursi. Kulmiye gobolka sida ugu wayn loogaga adkaan doono ee saamiga ugu yar uu ka heli karaa wuxu noqonayaa gobolka Togdheer oo laga yaabo in aanu ka heli karin wax ka badan 5 kursi halka mucaaridkuna ay isku heli karaan 10 kursi. Gobolka Togdheer waxa kuraasida ugu badan (7ila 8 kursi) ka heli kara xisbiga WADDAN. Guul darrada laga yaabo in Kulmiye uu kala kulmo gobolka Togdheer ayaa loo nisbaynayaa masuuliyiina xisbiga qaarkood oo kow uu ka yahay Cabdikariim Xinif laftiisu. Kulmiye gobolka uu guusha ugu wayn ka heli doonaa wuxu noqonayaa Gobolka Maroodijeex oo laga yaabo in uu ku guulaysto kala badh (10) 20ka kursi halka Gobolka Saaxil Kulmiye uu ka heli karo 4 ilaa 5 kursi Sool iyo Sanaag oo isku leh 24 kursi waxa laga yaabaa in Kulmiye uu ka heli karo ugu badnaan 9 ilaa 10 kursi. Sidaa daraadeed Kulmiye wuxu halis u yahay in lagala wareegi karo shirgudoonka Aqalka Hoose ee Baarlamanka ka dib doorashada oo uu noqdo doono gole uu mucaaridku hogaamiyo. Gaar ahaan Gudoomiyaha oo dhinaca Kulmiye uu u ordayo Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Mudane Yasiin ayaa muuqata in fursadiisu ay cidhiidh noqon doonto oo labada musharax ee mucaaridka Cabdirazaq Khaliif iyo Abyan uu midkood noqon doono Guddoomiyaha golaha cusub ee Baarlamanka Somaliland balse waa hadii labada xisbi ee mucaaridku ku heshiin karaan. Qaran News
  17. Dad Masiixiyin ah oo Soomay Bisha Barakaysan ee Ramadaan+Sababta ku keliftay Rehan Jayawickreme oo ah siyaasi da’yar oo matala xisbiga mucaaradka ee ugu caansan Sri Lanka, ayaa 13-kii April ku dhawaaqay arrin la yaab leh. “Waxaan aaminsanahay diinta ‘Budhist’ waxaanna isku dayaa in aan ayido falsafada diinteyda ay i fareyso,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka. “Waxaan si xiiso leh u rajaynayaa walaalahayga Muslimiinta ah in aan la soomo bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxayna ii noqoneysaa marki iigu horreysaye iigu hambalyeeya”. Ninkan ayaa ah guddoomiyaha golaha magaalada Koonfurta Sri Lanka ku taalla ee Weligama. Wuxuu sheegay in tan iyo bilowgii bisha Soon in uu iska gooyay cunnada iyo cabitaanka. Sannadkan, Muslimiinta Sri Lanka ee laga tirada badan yahay waxay billaabeen inay soonkooda sannadlaha ah la soomaan bulshooyinka Sinhala iyo Tamil. Balse shacabka Sri Lanka oo diimo kala duwan aaminsan, ayaa aad uga argagaxay weerar ay mintidiin Muslimiin ah ku qaadeen kaniisad ku taalla dalkaas, laba sana ka hor, ayna ku dileen 270 qof. Siyaasigan aaminsan diinta Budhist wuxuu sheegay in go’aanka uu qaatay ee ah inuu soomo bisha barakeysan ee Ramadaan, uu uga gol leeyahay inuu wax ka bedelo aragtida khaldan ee muslimiinta laga qaatay weerarka kaniisadda loo geystay ka dib. Rehaan Jayawickreme farriinta uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay waxaa ka falceliyay dad aad u badan iyaga oo go’aanka siyaasiga soo dhaweeyey. Dhankiisa wuxuu sheegay in qof aan Muslim ahayn uu soomo bisha Ramadan in uusan isaga uga horreynin oo ay dad badan uga horreeyeen. Marianne David, oo ah wariye ka howlgasha caasimadda Sri Lanka ee Colombo, waxay iyaduna ka dhawaajisay in ay sooman tahay, iyada oo aan muslim ahayn in mudda ah inay Ramadanka soo soomeysay. “Waxaan aaminsanahay madhabta Katolic, balse bisha Ramadan waan soomaa. Soonkana waxaad ku yeelaneysaa nadaafad, wacyi wanaagsan, damqasho iyo anshax. Nasiib wacan!” ayey tiri. Anuradha K Herath, oo ah agaasimaha guud ee waaxda arrimaha dibadda ee xafiiska Raa’isal wasaaraha, waxay sheegtay inay iyaduna bisha Ramadhaan Soonto. “Xilliga aan dhiganayey jaamacadda Moratuwa, waa soomi jiray,” ayey ku qortay barteeda Twitter-ka. “Saaxiibtey Sifaan ayaa xilliga suxuurta i toosiso si aan wax u cuno, sidoo kale xilliyada fiidki ee aan casharka jaamacadda ku jiranan waxay ila wadaagi jirtay cuntooyin aan ku afurno. Waxay ila tahay waa waaya aragnimo aad u wanaagsan.” Ka hortagga cunsuriyadda “Waxay ila tahay, waxaan u soomayo inay tahay sidii aan u muujin lahaa in aan ka soo horjeedo cunsuriyadda qofka diintiisa looga geysto. Balse taa kama dhigno in aan diinta Islaamka qaatay, ficilkaasina waa mid aan cunsuriyadda uga soo horjeedo”, ayuu yiri Rehan Jayawickreme. Wuxuuna BBC u sheegay in Muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalka Sri Lanka, la cunsuriyeeyo wixi ka dambeeyey weerarki lagu qaaday kaniisad ay ku sugnaayeen dad u dabaaldegayay ciidda Easter. Ku dhawaad, boqolkiiba 75% shacabaka ku nool dalka Sri Lanka ayaa haystaan diinta Budhist. Halka tirada soo hartay ay aaminsan yihiin diimaha Islaam, Hindu iyo Catolic. Wariye Marianne David, oo aaminsan diinta Catholic, waxay ramadhaanka soo soomeysay 15 sano ‘Quudi dadka kale’ Wariye Marianne David, oo aaminsan diinta Catolic, waxay Ramadanka soo soomeysay 15 sano. Waxayna sheegtay in sababta ay u soo meysay ay ahayd hanashada nafteeda iyo inay ka fakarto waxyaabaha iyada muhiimka u ah. “Soonka waxaad kaga maarmeysaa cuntada faraha badan ee aad xisaab la’aanta u cuneysay iyo wakhtigi kaaga lumayey. Maalinta oo dhan oo aad sooman tahayna wuxuu ku barayaa anshax iyo akhlaaq wanaagsan in aad yeelato,” ayey tiri. Waxay sheegtay inay aaminsan tahay inay soonka sidi la rabay ugu hoggaansanto, caafimaad badanna ay ka heshay. “Maalinti in aad soonto wax badan in aad u hurto uma baahnid, dadka soomanna hab noolaleedka ay doonaan ha ku jiraane ama shaqada ay doonaanba ha qabtaane, waxbadan ayey ka faa’idaystaan,” ayey tiri. Midnimada Dunida kale haddii aan eegnana, Badyne Parr oo ah haweeney aan Muslim ahayn oo ku nool dalka Mareykanka waxay soontaa bisha Ramadan. Haweeneydan oo haysata diinta masiixiyadda, aad ayeyna ugu jajaban tahay inay bisha Ramadan soonto, waxaana ku dhiirragelisay haweeney Muslimad ah oo ay saaxibbo yihiin. “Waa ficil aan midnimo ugu muujineyno saaxibbadeenna muslimka ah ee aan jecel nahay, waana qayb ka mid ah waxyaabaha diinteyda ay i fareyso, mar haddaan Masiixi ahay, waa sababta aan u doortay in aan bisha Ramadan soomo.” “Wakhti dheer ayaa ka soo wareegtay, ku dhawaad toddoba sano ayaan soomaa, waxaanna raacaa shuruucda soonka u yaalla, waan suxuurtaa, xilliga afurkana waan afuraa,” ayey tiri. Nadnye Parr oo ah haweeney aan muslim ahay waxay Ramadhaanka soomeysay 7 sano Wakhtiga wadajirka Sri Lanka haddii aan dib ugu laabanno, Marianne David waxay hoosta ka xarriiqday in “Ramadanka uusan ahayn oo keli ah mid anshax wanaagsan laga barto, balse wuxuu wataa wakhti cajiib oo ah aad kula kulanto shaqsiyadda aad jeceshahay”. Ma sahlana Laakiin Rehan Jayawickreme, iskudayga cusub ee uu ku soomayay uma ahayn mid sahlan. “Waxaan toosaa 4-ta subaxnimo, xilliga suxuurta, waxaanna ku suxuurtaa timir, iyo caano-garoor. Illaa laga gaaraya 6:30 galabnima wax ma cuno,” ayuu yiri mar uu BBC-da la hadlay. Wuxuu sheegay in khibrada cusub ay ka dhigtay inuu dareemo xaalad cusub, dhamaadka maalinta, laakiin sidoo kale wuxuu lahaa shaki ku saabsan inuu soomi karo bisha oo dhan. “Waan sii wadi doonaa illaa inta aan kari karo,” ayuu yidhi siyaasiga Buddhist-ga ah. Laakiin si naxariis leh ayuu ku yiri, “Way adag tahay in aanad biyo cabin maalintii oo dhan”. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd shir xasaasi ah u furmay Midowga Musharaxiinta mucaaridka iyo Beesha caalamka C6+ oo ka wada-hadlaya xiisada dagaal ee ka tagaan Magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xubno ka agdhow xerada Xalane ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaan oo ahaa dhanka fogaan arag oo ka qabsoomay qadka Zoom-ka ay labada dhinac ku lafo-gureen isku dhacyadii xalay illaa shalay dhacay iyo sidii xaalada loo dejin lahaa. Wakiilada Beesha caalamka ee fadhigooda yahay Xalane ayaa dadaal ugu jira sidii loo dejin lahaa xiisada ka taagan Muqdisho, si looga baaqsado dagaal markale ka qarxa caasimada, kadib xiisad dagaal oo 24-kii saac ee u dambeeyay ka taagneyd magaalada. Waxay xubnaha beesha caalamka ku booriyeen Midowga Musharaxiinta in deg-deg loo bilaabo wada-hadal dhex-mara madaxda waqtigoodu dhamaaday iyo mas’uuliyiinta mucaaridka oo shalay ciidamadoodu isku faro-saareen qeybo kamid aha magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiin ka agdhow Musharaxiinta mucaaridka ayaa sidoo kale waxay Caasimada Online u sheegen in wakiilada Beesha Caalamka ay midowga musharaxiinta kala hadleen sidii dib u eeg loogu sameyn lahaa kaalinta howl-galka AMISOM iyo waajibaadkooda ku aadan nabad ilaalinta. Waxaa socda dadaalo ku aadan in Ciidamo AMISOM ah la kala dhex dhigo goobaha shalay illaa xalay isku dhacyada ka dhaceen, si loo baajiyo dagaal kale, loona yareeyo khasaare soo gaara dadka rayidka ah. Xaalada magaalada Muqdisho ayaa kasii dartay 24-kii saac ee u dambeeyay, kadib markii ay dhaceen dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo qaar kamid ah midowga musharaxiinta mucaaridka. Hase yeeshe jawiga guud ee magaalada ayaa saaka degan. The post Musharaxiinta oo shir la leh beesha caalamka iyo qorshe Amisom kusoo fara-gelineyo dagaalka Muqdisho oo socda appeared first on Caasimada Online.