Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka aynu jaarka iyo walaalaha nahay ee Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo diyaarad khaasa u soo diray weftiga. Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinaya, ayaa ka qaybgeli doona caleemo saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta berri ah taariikhduna tahay 15/05/2021 si rasmi ah loo dhaarin doono. Xubnaha weftiga ah ee madaxweynaha safarkiisa ku wehelinaya, ayaa kala ah, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
  2. Kenya has allowed two aircrafts to fly to Somaliland to deliver electoral material in spite of a ban on air traffic with Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Safar Shaqo Ugu Ambo Baxay Dalka Jabuuti. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka aynu jaarka iyo walaalaha nahay ee Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo diyaarad khaasa u soo diray weftiga. Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinaya, ayaa ka qaybgeli doona caleemo saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta berri ah taariikhduna tahay 15/05/2021 si rasmi ah loo dhaarin doono. Xubnaha weftiga ah ee madaxweynaha safarkiisa ku wehelinaya, ayaa kala ah, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore. Qaran News
  4. Carab Mudaharaadyo Rabshado wata ka istaadhey gudaha Israa’iil oo magaalo dhan xayiray? XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Carabta reer Israa’iil way codeyn karaan doorashada laakiin qaar badan oo ka mid ah waxay sheegaan in hannaanka dowladda uu cunsuriyeeyo iyaga Muddo hal isbuuc ah ayuu qalalaase ka jiraa dhulalka Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta. Dhowr maalmood oo ay socdeen isku dhacyo iyo xasilooni darro kaddib, Israa’iil waxay ku dhawaaqday in ay xaalad deg deg ah galisay magaalada ku taalla bartamaha ee Lod, taasoo u dhow caasimadda Tel Aviv, kaddib markii mudaharaadyo rabshada wata ay sameeyeen Carabta Israa’iil. Arrintan ayaa saameyn weyn ku yeelaneysa xiisadda hadda taagan ee u dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin – maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee xukuumadda Israa’iil ay awoodda amarka degdegga ah u adeegsatay bulshada Carabta ah tan iyo sanadkii 1966-kii. Haddaba maxay yihiin Carabta Israa’iil? Taariikhda Carabta Israa’iil Carabta Israa’iil iyo taageerayaashooda Yuhuudda ah ayaa mudaharaad wadajir ah sameeyay bishii April 2021 waxayna kasoo horjeedeen iibsashada guryaha magaalada Jaffa ee ku dhow Tel Aviv Waxaa laga yaabaa inaad marar badan maqashay dad Israa’iil ku tilmaamaya waddan ay leeyihiin Yuhuudda, laakiin sidoo kale waxay hoy u tahay dad aan Yuhuud ahayn. Waxaa ka mid ah carabta laga tirada badan yahay ee Israa’iil, kuwaasoo asal ahaan kasoo jeeda Falastiin balse heysta dhalashada Israa’iil. Israa’iil waxaa ku nool shacab wax yar ka badan 9 milyan, ku dhawaad shan meelood meel ka mid ah dadkaasina – oo lagu qiyaaso 1.9 milyan – waa carabta Israa’iil. Waa dad Falastiiniyiin ah oo ku nagaaday xuduudaha waddanka loo bixiyay Israa’iil markii la aasaasay sanadkii 1948-kii, halka 750,000 oo ka mid ahna ay qaxeen ama guryahooda xoog looga saaray markii uu dagaalka qarxay yagleeliddii Israa’iil kaddib. Kuwii qaxay waxay dageen meelaha u dhow xuduudda Israa’iil, Daanta Galbeed, Marinka Qasa iyo xeryaha qaxootiga ee gobolkaas. Bulshadii kusoo hartay gudaha Israa’iil ayaa hadda isku magacaaba Carabta Israa’iil, Falastiiniyiinta Israa’iil ama xitaa Falastiiniyiin kaliya. Carabta Israa’iil badankood waa muslimiin, laakiin si la mid ah shacabka kale ee Falastiiniyiinta, Masiixiyiinta ayaa ah bulshada labaad ee ugu badan dhexdooda. Waxay lahaayeen xuquuq ay ku codeeyaan tan iyo markii ay doorashadii ugu horreysay ka dhacday Israa’iil 25-kii bishii January ee sanadkii 1949-kii – laakiin waxay sheegaan in ay dhibbaneyaal u yihiin cunsuriyad ku dheehan hannaanka dowladda oo soo socotay tobannaan sano. Is-dhex-gal Intii uu socday cudurka safmarka ah, Dhakhaatiirta Yuhuudda ah iyo kuwa Carabta Israa’iil waxay isu baheysteen in ay daweeyaan dadka isbitaallada loo dhigay Covid-19 Carabta iyo Yuhuudda inta badan ma wadaagaan shaqooyinka bulshada, inkastoo fayraska corona uu la yimid hal dhinac oo wanaag ah maadaama ay labada bulsho ka dhaxeysay wadashaqeyn dhow. Hal meel oo ay is-dhex-gal buuxa ka sameeyeen waa hannaanka caafimaadka – halkaasoo bukaannada Yuhuudda ah iyo kuwa Carabta ah ay isla wadaagayeen isbitaallada, dawooyinka iyo xitaa dhakhaatiirta. 20% ka mid ah dhakhaatiirta, 25% ka mid ah kalkaaliyeyaasha iyo 50% ka mid ah Farmashiisteyaasha waa Carabta Israa’iil. Laakiin dhinaca dhalashada way adag tahay in la kala saaro Carabta iyo Yuhuudda. Laakiin aqoonsiga qarannimo ee kala qeexaya Carabta Israa’iil iyo Yuhuudda way adag tahay in la ogaado. Tusaale ahaan, militariga wuxuu doorka ugu weyn ka ciyaaraa bulshada Israa’iil, muwaadiniinta Yuhuudda ahna waajib ayay ku tahay inay adeegga militariga ka qeyb qaataan. Dhanka kale, Carabta Israa’iil waa laga reebay muwaadiniinta khasabka ay ku tahay shaqada ciidanka.. Cunsuriyad XIGASHADA SAWIRKA,MUNA.KURD15 Qoraalka sawirka,Muuqaal laga arkayo nin Israa’iili ah oo sheeganaya milkiyadda guri ay leeyihiin qoys reer Falastiin ah ayaa ku faafay baraha bulshada Carabta Israa’iil waxay sheegaan in ay dhibbaneyaal u yihiin cunsuriyad ku lifaaqan hannaanka maamulka ee gudaha waddanka ay ku nool yihiin, aragtidaas oo ay ku raaceen qaar badan oo ka mid ah ururrada u dooda xuquuqda aadanaha. Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in Israa’iil ay mar walba maamul cunsurinnimo ah kula dhaqanto Falastiiniyiinta ku nool Israa’iil. Warbixin ay Hay’adda Human Rights Watch soo saartay bishii April 2021 ayay ku sheegtay in mas’uuliyiinta Israa’iil ay sameeyaan midab kala sooc iyo dambi ka dhan ah bani’aadannimada, oo ay kula dhaqmaan Falastiiniyiinta Israa;iil ku nool iyo iyo waliba kuwa ku nool dhulka ay Israa’iil heysato ee Daanta Galbeed iyo Qasa. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa warbixintaas ku gacan seyrtay, waxayna ku tilmaantay “mid aan sal iyo raad toona lahayan”. Waa sidee Awoodda iyo hubka Xamaas? Israa’iil oo xoojisay weerarka dhulka iyo cirka ee ka dhanka ah Qasa Carabta Israa’iil waxay mar walba ka cawdaan in dowladdu ay taariikh dheer u leedahay falalka la xiriira inay dhulkooda ka qaadato, waxayna maamulka Yuhuudda ku eedeeyeen inuu cunsuriyeyntooda u adeegsado awoodda dowladda, sidoo kalena laga qadiyo miisaaniyadda heer qaran. Sharciyada qabta bulshooyinka Israa’iil ayaa sidoo kale kala duwan. ‘Muwaadiniinta dabaqadda labaad’ Tusaale ahaan, sharciyada Israa’iil ee loo adeegsado dadka dhalashada la siinayo waxay u eexdaan Yuhuudda, kuwaasoo si toos ah u qaadan kara baasaboorka iyagoo aan loo eegeynin meesha ay ka imaadeen. Falastiiniyiinta lasoo eryay iyo carruurtoodaba waa loo diidaa xuquuqdaas. Sanadkii 2018-kii, baarlamaanka Israa’iil ayaa meel mariyay sharci muran dhaliyay oo ku saabsanaa ‘xeerka qaranka’ kaasoo meesha ka saaray in luuqadda carabiga ay Israa’iil ka tahay luuqad rasmi ah oo la mid ah tan Hebrew-ga – wuxuuna sharcigaas dhigayaa in dadka Yuhuudda oo kaliya ay leeyihiin xuquuqda go’aan qaadashada shakhsiyeed. Ayman Odeh, oo ah xildhibaan Carabta Israa’iil ah oo ka tirsan baarlamaanka, ayaa xilligaas sheegay in waddanka laga ansixiyay sharci ‘gacanta sarreysa siinaya Yuhuudda’, isagoo Carabta Israa’iil u sheegay in ay waligood ahaan doonaan ‘muwaadiniinta dabaqada labaad’. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ballan qaaday inuu xaqiijin doono xuquuqda shacabka, laakiin wuxuu sheegay “in aqlabiyaddu ay go’aanka leedahay”. Qaran News
  5. Taliyaha Qaybta Booliiska Nugaal Degelle Ciidamada Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa gacanta ku dhigay nin hubaysan, oo saaka nin kale ku dilay magaalada Garoowe, kadib muran shikhsiyeed oo dhexmaray. War kooban oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo saaka gudaha magaalada Garoowe ku dilay Marxuum, Maxamed Muuse Faarax. “Booliiska Garoowe ayaa gacanta ku dhigay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo saaka dil u gaystay Marxuum Maxamed Muuse Faarax” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Booliiska Gobolka Nugaal. Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ay dib ka soo gudbin doonaan macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan dhacdadan dilka ah. PUNTLAND POST The post Booliiska Gobolka Nugaal oo gacanta ku dhigay nin dil ka gaystay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  6. Former Ghanaian President John Mahama. FILE PHOTO | NMG Nairobi-Mogadishu diplomatic and trade dispute is back in the news this week with new rounds of sanction from both sides. It is time that the two countries found an amicable solution to the issues affecting diplomatic relations and trade. Somalia on Tuesday rejected the appointment of former Ghanaian President John Mahama as African Union’s (AU) special envoy to help mediate its political impasse with Kenya. Somalia argues that the former Head of State has “extensive links” with Kenya, and has written to AU Chairperson Moussa Faki Mahamat notifying him that Somalia will no longer support Mr Mahama in his new role. This is likely to drag the dispute with citizens of both nations paying the heavy price of the diplomatic standoff. Kenya and Somalia are important neighbours historically and geographically. The two countries share a lot in common and have been on the receiving end the Al Shabaab terrorist group. Currently, about 100,000 Kenyans work in Mogadishu and other parts of the country as it tries to recover from decades of war. On this other side of the border, there are Somalis who live and work, benefiting both countries. Kenya and Somalia needs each other in the war against terror. Moreover, as a Mogadishu tries to rise from the ashes of instability, it needs more friends than enemies. Source: Business Daily The post End Kenya, Somalia feuds appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal ay hoggaanka ururkaas ugu baaqayaan dhallinyarada ajnabiga ah ee “jihaad” doonka ah inay usoo haajiraan Soomaaliya, si ay uga qeyb galaan “jihaadka ka socda.” Muuqaalka Al-Shabaab ayaa sare loogu qaaday looguna amaanay ajaaniibtii horey uga garab dagaalamay xarakada eee ka yimid dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan Yurub, wuxuuna muuqaalka ku baxay afar luuqad oo kala ah; Somali, Carabi, English iyo Swahili. Inkastoo aan la ogeyn xilliga muuqaalkan la duubayay iyo goobta lagu duubay, ayaa waxaa haddana ka muuqda dagaalyahano ajnabi ah oo tababar ay usoo xirayaan Amiir ku-xigeenka Al-Shabaab Mahad Karate iyo hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab ee Kenya Ahmed Imam. Dhallinyarada tababarka loo soo xiray ayaa ka yimid Kenya. Muuqaalka Al-Shabaab ayaa ujeedkiisu ahaa olole lagu doonayo in lagu soo jiito dhallinyarro cusub oo dibadda uga soo biirta kooxda, waxaana Mahad Karate iyo Ahmed Iman ay ugu baaqayaan dhallinyarrada caalamka ee Muslimiinta ah inay kusoo biiraan “jihaadka ka socda” Soomaaliya. Waxaa sidoo kale ololahan qeyb ka ahaa baaqyo ay dirayaan dhallinyaro ajnabi ah, oo qaarkood ay geeriyoodeen iyo qaar nool, oo dhallinyarada kale ee caalamka ugu baaqaya kuna dhiiri-gelinaya inay Soomaaliya yimaadaan, ayaga oo sheegaya inay nolol fiican ku heystaan gudaha Soomaaliya. Ajaaniibta ugu badan ee Al-Shabaab ka barbar dagaalama xilligan waa muhaajiriinta Kenyan-ka kasoo jeeda. Dadka fallanqeeya amniga ayaa rumeysan in habka xun ee dowladda Kenya iyo ciidankeeda ay ula dhaqmaan dhallinyarada muslimiinta ah ee dalkaas, oo lagu hayo beegsi ay ka mid yihiin dilal ka baxsan sharciga, ay horseeday in dhallinyaro badan ay u biiraan Al-Shabaab. The post Hoggaanka Al-Shabaab oo baaq yaab leh u diray dhallinyarada caalamka ee ‘jihaad’ doonka ah appeared first on Caasimada Online.
  8. Xildhibaan Barlamaan oo shaaciyey Arrin yaab leh oo aan hore looga baran Xildhibaanada Mudane ka tirsan Baarlamanka Kenya oo lagu magacaabo Moses Kuria ayaa qirtay in sannadkii hore uu qaatay lacag dhan $1,000 dollar oo laaluush ah si uu u taageero magacaabista hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka dalkaas. Kuria ayaa hadalkan sheegay xilli asaga iyo labo xildhibaan oo kale loo haysto inay soo jeediyeen eedeymo ah in lacago badan oo laaluush ah lagu siiyay xildhibaannada Kenya taageeridda isbeddalka lagu samaynayo dastuurka Kenya. “Waa iska caadi in xildhibaanadu ay qaataan laaluushka noocaan ah,” ayuu yidhi, asagoo intaas ku daray in uu soo celinayo lacagtii uu qaatay ee laaluushka aheyd oo uusan cadeynin cida bixisay. Amos Kimunya oo ah Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wax laaluush ah la siiyey baarlamanka. Xildhibaannada Kenya ayaa ka mid ah kuwo ugu mushaharka badan baarlamaannada caalamka hase ahaatee dalkan ayaa ka mid ah dalalka caalamka ee safka hore kaga jira Musuqmaasuqa. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn uga timid maamulka Hirshabeelle oo ay sheegeen in ay xayirtay lacago loogu tala galay in wax looga qabto Fatahaada wabiga Shabeelle. Warsaxaafadeedka Guddiga fatahaadaha Hir-Shabeelle kasoo baxay waxaa Wasaaradda Maaliyadda lagu eedeeyay in ay is hor istaag ku sameysay lacag laga fasaxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Janaayo 2021. War kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidaan u qornaa: Wasaaradda Maaliyadda ee DFS, markay aragtay war saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Maamulka Hirshabelle ee maaraynta musiibooyinka, waxay caddaynasaa sida ay u socdaan hawlaha ka hortagga fatahaadaha ee Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ka waddo Dawlad Goboleedka Hirshabelle. 1. Mashruuca waxa uu bilaabay qiimeynta baahida ka hortagga fatahaadaha webiyada Shabelle iyo Jubba 27 Marso 2021. Qorshaynta hawlaha waxaa si wadajir ah u fuliyay Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) iyo dawlad Goboleedka aan kor ku xusnay. 2. Waxaa la sahmiyay 71 goobood oo laga fulinayo ka hortagga fatahaadaha. 3. Waxaa la diyaariyay naqshadaynta loo raacaayo biyo xirista 5 April 2021. 4. Waxaa la furay u tartanka fulinta hawlaha ka hortagga fatahaadda. 5. Waxaa soo tartamay 44 qandarasleyaal oo maamulka Hirshabelle soo xulay (Jowhar 19 iyo Beletwayne – 25) 6. Laba shirkadood ayaa hadda hawlo biyo xirid ah ka wada 7 goobood (sites) gobolka Hiiraan. 7. Waxaa diyaar ah 10 qandaraaslayaal (contractors ) oo hawlgeli doona usbuuca soo socda: 6 shirkadood oo ka howlgali doonna Beletwayne iyo 4 ka howlgali doonna Jowhar iyo nawaaxigeeda. Wasaaradda Maaliyadda ee DFS waxay dhibaatada fatahaadaha la qaybsanaysaa Dowlad Goboleedka iyo shacbiga reer Hirshabelle. Waxaa dadaal aan ugu jinaa dardargelinta hawlaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) uga qorshaysan degmooyinka Hirshabelle. Waxaan cadeynaynaa in Wasaarada Maaliyadda DFS aanay jirin wax dhaqaale ah oo ay ka xayirtay Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna sida ku cad qorshaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ay howluhu u socdaan sidii loogu talagalay. Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Guddiga Ka hortagga Fatahaadda ee Hirshabelle ka codsanaysa inay caddaymo ka bixiso lacagaha ay ku eedeyeen in dawladda dhexe ka xayitray wax ka qabashada fatahaadda degaanada Hirshabelle. Dhammaad The post Beyle oo ka jawaabay eedeyn uga timid Guddiga Fatahaadaha Hirshabelle appeared first on Caasimada Online.
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta safar ugu baxaya dalka Jabbuuti. Madaxweyne biixi ayaa dalka Jabuuti kaga qayb-geli doonna Caleemo-saarka Madaxweyne Geelle oo markii shanaad la doortay. Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa safarkiisa wehliya sida uu qorshahu yahay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, iyagoona saacadaha soo socda ka dhoofi doonaan Magaalada Hargeysa. Source
  11. Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedayn uga timid dowlad goboleedka Hirshabeelle, oo ku saabsan in ay dhaqaale ka xayirtay maamulkaas. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka, ayaa lagu sheegay in aysan jirin dhaqaale wasaaraddu xayirtay oo lagu bixin-lahaa mashruuca ka hortagga Fatahaadda degaannada Hirshabeelle. Wasaaraddu waxay maamulka Hirshabeelle ka codsatay, in ay caddayn ka bixiyaan eedaynta ku saabsan in dowladda Federaalku ay lacag ka xayirtay mashruuca ka hortagga fatahaadda webiyada Jubba iyo Shabeelle. Halkaan ka khriso war-saxaafadeedka oo dhan PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay dhaqaale ka xayirtay maamulka Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
  12. Ururka warbaahinta Puntland (MAP) iyo Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa xalay saxiixay Xeerka habdhaqanka Saxaafada ee goobaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland. Xeerkan oo saldhig u yahay xeerka warbaahinta Puntland ayaa waxa MAP u saxiixay Gudoomiyaha Maxamed Daahir Caynsane halka dhan TPEC uu u saxiixay Gudoomiye Guled Salah Barre, waxana korjoogto ka ahaa Gudoomiyaha Dallada PUNSAA Faysal Axmed Warsame, Agaasimaha PDRC Cali Faarax Cali iyo wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade). Xubnaha Guddiga Doorashooyinka, guddiga fulinta MAP, hawlwadeenada MAP iyo TPEC, madaxda iyo masuuliyiint qaar ka mida warbaahinta Puntland iyo marti sharaf ayaa ka soo qaybgalay munaasabadan kooban oo xalay lagu Hotel martisoor Garowe. Markii ugu horey xeerka ayaa MAP iyo TPEC waxay saxiixeen 23 June, 2013. PUNTLAND POST The post MAP IYO TPEC oo kala saxiixday Xeerka habdhaqanka Saxaafada ee tebinta doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Gaza)-Ciidamada Israa’iil ayaa lasoo dhoobay xuduudda Gaza, xilli ay weli duqeyn ku socoto magaalada, halka ururka Xamas ay iyagana gantaallo ku garaacayaan Israa’iil, ayada oo xaaladda ay kasii dareyso. Duqeymo cusub oo ay maanta ka fuliyeen Gaza, ayaa ciidamada Israa’iil waxay ku garaaceen dhisme ka kooban lix dabaq oo ay sheegeen inay leeyihiin Xamas oo maamusha magaalada. Ugu yaraan 83 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii ay billowdeen duqeymaha Israa’iil Isniintii, sida ay sheegeen kooxaha caafimaadka, ayada oo cisbitaallada oo markii horeba la tiicayey bukaanada COVID-19 la geeyey dhaawacyo. “Waxaan wajaheynaa Israel iyo COVID-19. Waxaan dhexda uga jirnaa laba cadow,” waxaa sidaas yidhi Asad Karam oo ah 20 jir ka shaqeeya dhismeyaasha, isaga oo dhinaca taagan waddo ay waxyeeleeyeen duqeymaya Israa’iil. Dhinaca kale, weeraradii ugu dambeeyey ee gantaallo ee Xamas, ayaa mid ka mid ah wuxuu ku dhacay dhisme ganacsi oo ku yaalla caasimadda Tel Aviv, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen shan Israa’iiliyiin ah, sida ay sheegeen booliska. Toddoba qof ayaa ku geeriyootay Israel tan iyo markii ay billowdeen gantaallada Xamas, sida ay sheegeen millitariga Israa’iil. “Israa’iil oo dhan waxaa ku socda weerar. Waxaa xaalad aad cabsi u leh in lagu sugnaado,” waxaa sidaas yidhi Margo Aronovic oo ah 26 jir arday ah oo ku sugan Tel Aviv. Israel ayaa ciidamo dagaal ku diyaarisay xuduudda Gaza, waxayna ku sugan tahay “marxalado kala duwan oo ay isugu diyaarineyso howlgal dhulka ah,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga. Source
  14. (SLT-Muqdisho)-Madaxwaynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar Tamim Bin Hamad ayaa khadka telefoonka isku dhaafsaday Hambalyadda Munaasibada Ciida. Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa amiirka Dowladda Qadar Iyo Shacabkiisa urajeeyey in Rabbi sanadkan sanadkiisu ku Gaadhsiiyo Barwaaqo iyo Horumar. Dowladda Qatar ayaa ka mid ah Dowladaha xidhiidhka wanaagsan la leh Dowladda Soomaaliya, waxaana Qadar ay galaan-gal siyaasadeed oo xooggan ay ku leedahay Siyaasadda Soomaaliya, xili dhawaan ay Ergay cusub u soo dirsatay Soomaaliya. Source
  15. (SLT-Nairobi)-Xildhibaan reer Kenya ah oo lagu magacaabo Moses Kuria ayaa BBC-da u sheegay in sannadkii hore uu qaatay lacag dhan 1,000 dollar oo laaluush ah si uu u taageero magacaabista hoggaamiyaha aqlabiyadda. “Waa iska caadi in xildhibaanadu ay qaataan laaluushka noocaan ah,” ayuu yidhi, asagoo intaas ku daray in uu soo celinayo lacagtii uu qaatay. Mr Kuria ayaa hadalkan sheegay xilli asaga iyo laba xildhibaan oo kale loo haysto in ay soo jeediyeen eedeymo ah in lacago badan oo.laaluush ah lagu siiyay xildhibaannada Kenya taageeridda isbaddalka lagu samaynayo dastuurka dalka Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya ayaa beeniyey in wax laaluush ah la siiyey baarlmaanka. BBC-da ayaa Mr Kimunya waydiisay in uu ka jawaabo eedaynta gaarka ah ee Mr Kuria balse ilaa iyo hadda kama jawaabin. Xildhibaannada Kenya ayaa ka mid ah kuwo ugu mushaarka badan baarlmaannada caalamka – waxayna masuuliyiintu qiyaasayaan in dalkaas ku yaal Bariga Afrika uu balaayiin doollar ku lumiyo musuqmaasuq sannad kasta. Muxuu sheegay Mr Kuria? Mr Kuria ayaa sheegay in marar badan uu goob joog u ahaa baarlamaanka oo laaluush qaadanaya. “Arrintani xisaab ma leh inta jeer ee ay dhacday sideeddii sano ee aan baarlamaanka ku jiray,” sidaas ayuu u sheegay barnaamijka BBC-da ee Newsday. “Sida caadiga ah arrimahani kama dhacaan kaamarada horteeda,” Wuxuu tusaale u soo qaatay magacaabista Mr Kimunya. Kaas oo bishii June ee sannadkii hore baddalay hoggaamiyihii hore aqlabiyadda baarlamaanka Aadan Barre Ducaale. Xildhibaankaan oo laga soo doorto Gatundu South ayaa qirtay in falalka ku lugta leh musuqmaasuqa ay ahaayeen wax khaldan. “khalad bay ahayd. Waxaana aaminsanahay … haddii fursad la I siiyo waxaan celi lahaa midka aan xasuisto,” ayuu yidhi. ” Maantaba aan sidaas sameeyo … waxaan dib u celinayaa $1,000 oo qaatay si aan ugu codeeyo Amos Kimunya si uu u noqdo hoggaamiyaha aqlabiyadda. Muxuu ku saabsan yahay muranka haatan? Mr Kuria ayaa BBC-da wareysi siiyey markii looga yeeray baarlamaanka si uu uga soo hor muuqdo afhayeenka aqalka baarlamaanka sababo la xidhiidha in wax laga waydiiyo eedda ah in siyaasiyiinta qaar ay ku dhawaad 1,000 ku qaateen si ay ugu codeeyaan mashruuca wax ka baddalka dastuurka ee loo yaqaan BBI. Ujeedada sharcigaan – oo ay dhabarka ka riixayeen madaxweynaha iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga – ayaa ku aaddan in wax laga qabto caqabadaha waddanka ka taagan tan iyo markii uu madax bannaanida qaatay, sida qabyaaladda iyo musuqmaasuqa. Balse dadka dhaliila ayaa sheegaya in mashruucaan uu waqti lumis uun uu soo kordhinayo uuna kordhinayo xubnaha baarlamaanka sidoo kale dib loo soo celinayo jagada ra’iisal wasaaraha iyo dhowr ku xigeen. Mr Kuria ayaa taageersan madaxweyne ku xigeenka William Ruto, kaas oo aan taageersnayn sharciga BBI, waxayna si weyn isu hayaan Mr Odinga. In kastoo siyaasiyiinta qaar ay ka hor yimaadeen mashruucaan, haddana BBI-da waxaa meel mariyey wakiilladda ismaamul goboleedyada iyo waliba baarlamaanka Kenya. Source
  16. Ciidamada Israel ayaa maalintii shanaad xoojiyay weerarada ay ku hayaan dadka Falastiin ee deegaanka Qaza, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka,taangiyo iyo doomanka hubeysan . Ciidamada Israel ayaa sheegay in ciidamada cirka iyo kuwa dhulka ay lug ku leeyihiin weeraradii dhacay maanta oo Jimco ah, laakiin aysan galin Gaza. Maalintii Isniinta ee uu bilowday dagaalka illaa hadda waxaa dhintay 115 qof oo Falastiin ah halka 7 kale ay ka dhimatay Israel. Dhanka kale, kooxo Israa’iil ah iyo Carab ayaa ku dagaallamaya gudaha Israa’iil, taasoo keentay in madaxda Israaiil ay ka digaan dagaal sokeeye. Wasiirka gaashaandhigga Benny Gantz ayaa amar ku bixiyay in la xoojiyo amniga si loo xakameeyo qalalaasaha ka jira gudaha oo illaa hadda loo xiray in ka badan 400 oo qof. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo maalintii shanaad duqeymo ka wada Qaza appeared first on Puntland Post.
  17. Kampala (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu intii uu joogay magaalada Kampala la kulmay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo ay ka wada qeyb galeen caleemo-saarkii madxaweyne Yoweri Museveni. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Farmaajo uu Moussa Faki kala hadlay diidmada dowladda federaalka ay ku aadan ergeyga cusub ee uu usoo magacaabay Soomaaliya, oo ah madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama. Warqad uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midnimada Afrika Moussa Faki Mahamat oo ku taariikheysan 9-ka May, ayey dawladda Soomaaliya ku sheegtay inaysan taageero siin doonin John Mahama. Warqaddan ayey Soomaaliya ku sheegtay in magacaabista ergay ee Mahama aysan haatan shaqaynayn sababtoo ah hannaanka heshiiska lagu wada yahay waxa billaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo kulan loo madlan yahay 20-ka May. Waxay kaloo Soomaaliya su’aal ka keentay dhex-dhexaadnimada John Mahama oo ay sheegtay inuu xiriiro qoto dheer la leeyahay hoggaanka Kenya. Xogta aan ka helnay kulanka Farmaajo iyo Moussa Faki ayaa sheegeysa in madaxweynaha uu farrintii warqaddaas ku qorneyd si toos ah ugu sheegay guddoomiyaha, isaga oo ku celiyey in dowladda federaalka aysan aqbali doonin ergeygaas. Illa aiyo hadda ma cadda waxa uu ku jawaabay Moussa Faki, hase yeeshee ururka Midowga Afrika ayaa horey u sheegay in ergeygaas uusan markii horeba ku iman talada dowladda federaalka, sidaas darteedna ay u badan tahay inaan la aqbali doonin codsiga dowladda. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in mowqifka dawladda Soomaaliya uu yahay in Mahama uusan dalka soo gelin, haddii Midowga Afrika uu ku adkeysto mowqifkiisa magacaabista. The post Xog: Farmaajo oo mowqifkiisa u caddeeyey Moussa Faki iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  18. Xildhibaan reer Kenya ah oo lagu magacaabo Moses Kuria ayaa sheegay in sannadkii hore uu qaatay lacag dhan 1,000 dollar oo laaluush ah si uu u taageero magacaabista hoggaamiyaha aqlabiyadda. “Waa iska caadi in xildhibaanadu ay qaataan laaluushka noocaan ah,” ayuu yiri, asagoo intaas ku daray in uu soo celinayo lacagtii uu qaatay. Mr Kuria ayaa hadalkan sheegay xilli asaga iyo labo xildhibaan oo kale loo haysto in ay soo jeediyeen eedeymo ah in lacago badan oo.laaluush ah lagu siiyay xildhibaannada Kenya taageeridda isbaddalka lagu samaynayo dastuurka dalka Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya ayaa beeniyey in wax laaluush ah la siiyey baarlmaanka. PUNTLAND POST The post Xildhibaan Kenyaati ah oo qirtay in uu laaluush qaatay appeared first on Puntland Post.
  19. For Qassim Abdullah, this year’s Islamic holiday of Eid al-Fitr marked a bit of a milestone: Now fully vaccinated, the 66-year-old finally felt comfortable enough to return to his mosque for the Eid prayer on Thursday, his first time back since the start of the pandemic. Source: Hiiraan Online
  20. It’s now five months since the death of twenty-four-old Mohamud Hassan, a death which triggered the first series of protests in the UK this year despite a strict national lockdown. Raoul Walawalker, freelance journalist who also writes for Immigration News which is part of a network of UK and Ireland immigration lawyers, reports Source: Hiiraan Online
  21. Somalia received 300,000 doses of the AstraZeneca coronavirus vaccine in March, but health officials say less than half the doses have been used. Authorities attribute the slow uptake to fasting during the Muslim holy month of Ramadan and misinformation about the vaccine itself. Mohamed Kahiye reports from Somalia's capital. Source: Hiiraan Online
  22. NAIROBI - Kenya's High Court ruled Thursday that a drive by President Uhuru Kenyatta to change the constitution was illegal, stopping what his critics have called a political move designed to check his deputy, whom he has fallen out with publicly. Source: Hiiraan Online
  23. Al Jazeera speaks to Rawdah Mohamed, the model behind a viral Instagram post during the #HandsOffMyHijab movement. Source: Hiiraan Online