Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faransiiska ayaa wada dadaallo dibolomaasiyadeed oo qaar ka mid ah dalalka Yurub iyo waddamada Bariga Dhexe ay ku doonayaan in wax looga qaabto ska horimaadyada dhimashada badan ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin. Dalalka Faransiiska,Jarmalka,Masar iyo Jordan ayaa ku riixi doona Israel iyo Falastiin inay dib u bilaabaan wadahadalka iyada oo la raacayo qaab dhismeedka sharciga caalamiga ah iyo qaraarada Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay. wasiirka arrimaha dibadda dalka Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa walaac ka muujiyay wareegga cusub ee iskahorimaadyada sii xoogeysanaya ee geystay dhimashada in ku dhow sideetameeyo Wasiirka ayaa xusay in xalku uu ku jiro dhismaha laba dowladood oo kuwada noolaada nabad iyo ammaan iyadoo Qudus ay tahay caasimada labada gobol. PUNTLAND POST The post Faransiiska oo wada qorshe lagu xalinayo xiisada Falastiin iyo Israa’iil appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa boqollaal shacab iyo mas’uuliyiin ah kula tukaday masjidka Shuhada ee ku dhex yaallay madaxtooyada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed ay ugu wada ciidaan farxad iyo damaashaad. Sidoo kale Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Koobaad ee Ciidul Fitriga, isaga oo u rajeeyay in sanadkaan sankiisa kale ay ku gaaraan Bashbash iyo Barwaaqo. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga dalka. The post Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo la ciiday shacabka appeared first on Caasimada Online.
  3. Turkey's lira fell around 0.8% against the dollar to its weakest level this year on Thursday, a market holiday in Turkey, after U.S. inflation figures put it under pressure. Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada Salaadda Ciidul-fidriga. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada, maamulka gobolka Maroodi-jeex, ayaa Boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukay Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu duceeyey bulshada reer Somaliland in Ilaahay ka aqbalo, cibaadadii iyo wanaaggii ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan, Quluubtooda mideeyo, islaamnimadana u quweeyo, waxana uu yidhi,“Ilaahay ha inaga yeello ummad Islaam ah oo qalbiga ka heshiis ah oo Diintooda Aaminsan oo dhan u wada jeedda.” Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shacabka ugu baaqay inay isku duubnaadaan, isku tashadaan, hoosna u eegaan kuwooda itaalka daran, kana maarmaan gacmo shisheeye, kana dheeraadaan wax kasta tafaraaruq ku keenaya midnimada bulshada oo ay qabyaaladdu kow ka tahay. Source
  5. Garaadka Garaad Jaamac Garaad Cali, oo uu weheliyo Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan, ayaa saaka magaalada Saaxdheer Gobolka Sool kula iiday dadweynaha ku dhaqan Degaankas. Garaadka iyo Wasiirka ayaa salaadda iida halkaas kula oogay shacabka magaalada Saaxdheer, waxaana Garaadku umadda Islaamka, gaar ahaanna dadka Soomaaliyeed ku hambalyeeyay munaasabadda Ciidda. Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka soo jeeda magaalada Saaxdheer, ayaa booqasho ku jooga Degaanka, isagoo u kuur-galaya xaaladda ka jirta Saaxdheer iyo Tuulooyinka hoos yimaada. PUNTLAND POST The post Wasiirka Caafimaadka Puntland oo la ciiday Shacabka magaalada Saaxdheer appeared first on Puntland Post.
  6. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa saaka salaadda iidda mas’uuliyiin kale iyo boqollaal shacab kula tukaday masjidka Shuhadaa ee madaxtooyada Villa Somalia. Ra’iisul wasaare Rooble, oo hadal kooban ka jeediyay masjidka Shuhadaa ee madaxtooyada Soomaaloiya, ayaa shacabka ugu baaqay in la waaciyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga. Inta badan dunida muslimka ayaa maanta laga iiday, marka laga reebo dalal kooban oo shalay iiday. Sidoo kale Soomaaliya maanta ayaa laga iiday, balse waxa jirtay in shalay laga iiday magaalooyin ka tirsan koonfurta dalka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo shacab badan Muqdisho kula tukaday salaadda iidda appeared first on Puntland Post.
  7. Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa shalay subax xoog soonka uga furay dadka ku nool degaanka Warciise oo ku yaalla duleedka degmada Jowhar ee gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana halkaasi ka dhacay arrin la yaab ah. Dad goob joogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay qasab biyo ku siiyeen dad soomanaa kadibna waxaa la isugu geeyay masjid cusub oo laga dhisay degaanka, kaas oo ka sameysnaa Bulkeeti. Masjidka oo bilooyin ka hor la dhisay ayaa dumay markii ay Takbiirta ka billaabeen Al-Shabaab, islamarkaana dad aan badneyn qasab loo geeyay si Salaada Ciidda ugu Tukadaan. Ilo wareedyo dadka degaanka ah ayaa sheegay in Masjidka uu ka dumay laba qeybood, waxaana wax ku noqday dhowr dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab. Arrintaan la yaab ku noqotay dadka degaanka waxaana aad looga hadal hayaa gobalka Shabeellada Dhexe, ayada oo dadka qaar ay ku tilmaameen mucjiso lagu tusayey Al-Shabaab in cidda ay shalay ciideen ay aheyd mid qaldan. Al-Shabaab ayaa shalay dadka ku nool deegaanada ay maamulaan ku amray inay ciidaan, kadib markii ay sheegeen in Bisha Shawaal laga arkay deeganao ka mid ah Hiiraan, Bakool iyo meelo kale oo ay joogaan Al-Shabaab, oo gaaraya illaa sideed goobood. Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa laga ciiday maanta kadib markii la waayey cid sheegtay inay bisha aragtay, ayada oo dowladda federaalka ay amartay in shalay ay aheyd 30-ka Ramadaan, cidduna ay tahay maanta. The post Xog: MASJID ku soo dumay dagaal-yahano Al-Shabaab ah kadib arrin ay sameeyeen appeared first on Caasimada Online.
  8. The Horn of Africa was and is a region of utmost importance throughout the ages from time immemorial. It is where man first crossed from Africa to other parts of the world and it has always been a point of connection between Asia, Africa and Europe, transferring both ideas Source: Hiiraan Online
  9. JAKARTA, Indonesia (AP) — Muslims celebrated Eid al-Fitr in a subdued mood for a second year Thursday as the COVID-19 pandemic again forced mosque closings and family separations on the holiday marking the end of Islam’s holiest month of Ramadan. Source: Hiiraan Online
  10. To celebrate International Nurses’ Day, marked around the world on Florence Nightingale’s birthday on 12 May, and International Midwives’ Day, which falls on 7 May, the World Health Organization (WHO) in Somalia is acknowledging the remarkable contribution of nurses and midwives in the country. Source: Hiiraan Online
  11. School superintendent says at least 40% of the city's 5,000-plus students are from immigrant families, most of them Muslims. Source: Hiiraan Online
  12. DENVER (AP) - Two small airplanes collided in midair Wednesday near Denver, leaving one aircraft nearly ripped in half and forcing the pilot of the other to deploy a parachute attached to the plane to land safely. Remarkably, no one was injured, officials said. Source: Hiiraan Online
  13. Ciidamada Israa’iil ayaa xalay mar kale in ka badan 500 oo duqaymood ka fuliyay gooba kala duwan oo ku yaal marinka QASA, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Ugu yaraan 69 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 17 carruur ah iyo 7 haween ah ayaa ku dhintay duqaymahaas, halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 388 ruux, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Caafimadka Falastiiniyiinta. Dhinaca kale, Xoogagga Falastiiniyiinta Xammaas ayaa sheegay in ay 130 gantaal ku rideen dhinaca Israa’iil, kuwaas oo ku dhacay bartilmaameedyo ku yaalla magaalooyin ka tirsan dhulka Yahuudda, islamarkaana khasaare kala duwan dhaliyay. Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale xaqiijisay in gantaalo laga soo riday marinka QASA ay ku dhaceen gudaha Israa’iil, ayna jiraan dad ku waxyeelloobay iyo gurya ku gubtay duqaymaha, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin. PUNTLAND POST The post Ciidamada Israa’iil oo in ka badan 500 oo duqaymood xalay ka fuliyay marinka QASA appeared first on Puntland Post.
  14. Qaxooti ka soo cararay colaadda waddanka Yemen oo ay weheliyaan dad Soomaaliyeed oo ku noola dalkaas ayaa shalay soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa dekedda Boosaaso ku soo dhoweeyay dadkaas isu’gu jira Soomaalida iyo Yemeniyiinta kadib markii halkas ay keentay doontii siday. Wasaaradda ayaa sheegtay in 55 Qoys ay ku soo dhowaysay dekedda Boosaaso waxaana loo gudbiyay xarun ku yaalla gudaha magaalada oo lagu qaabilo dadka ka imaanaya waddanka Yemen ka hor intaan la dejin. Muddooyinkii u dambeeyay waxa Boosaaso soo gaaray Qoysas ka kooban Soomaali iyo yemeniyiin oo ka soo cararay colaadda sokeeye ee ka loosan dalkaas. PUNTLAND POST The post 55 Qoys oo ka soo cararay colaadda Yemen oo soo gaaray Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda dadaallada ay dowladdu ku bixisay kor u qaadidda adeegyada waxbarashada dalka, iyada oo la mideeyey manhajka Qaranka, dibna loo soo celiyey waxbarashadii aasaasiga ahayd. Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Guddoonka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda warbixin ku saabsan fursadaha iyo tayada waxbarasho ee dalkaas, caqabadaha iyo talooyin ay qabaan guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda. Sidookale, Guddoomiyaha Midowga Ardayda Soomaliyeed ee Uganda Cabdimaajid jaabir Salaad ayaa u mahadceliyay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed dalka Uganda appeared first on Puntland Post.
  16. Israeli air raids level buildings and kill dozens of Palestinians in Gaza, while Hamas rockets kill several Israelis. Source: Hiiraan Online
  17. Dowlada Kenya ayaa hoosta ka xariiqdey inay Soomaaliland ka taageeri doonaan Raadinta Aqoonsiga Dowladnimada Soomaalililanf. Qoraal kasoo baxay Aqalka Madaxtooyada Kenya oo lasoo dhigay Twitterka ayaa lagu sheegey inay Kenya isu diyaarinayso inay Soomaaliland ku Garab istaagaan Aqoonsi raadinta. Qoraalka waxaa lagu yiri “ Soomaaliland waxay 18 May u dabaal dagayaan 30 sano guurada Gooni isutaaga, Dowlada Kenya waxay diyaar u tahay inay isgarab taagan walaalaha Soomaaliland raadinta Aqoonsi Caalami ah” Puntlandi.com Nairobi The post Kenya oo shaacisay inay Soomaaliland ay ka caawinayaan Aqoonsiga appeared first on . Source
  18. The current Somali government, whose mandate ended, came to power with the expectations of massive reforms in institutional and development settings. President Farmajo completed his term in office without paving the way for consensus-based elections; instead, he messed up the growing Somali institutions and the trust-building processes. Source: Hiiraan Online
  19. The ceremony comes following the bloodiest pre-election crackdown in years and widespread allegations of irregularities. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan guddoomiyaha Midowga Afrika ku war-gelisay in Soomaaliya aan looga baahneyn Ergeyga uu 7-dii bishan May usoo magacaabay ayaa hadda u diidan in uu dalka soo galo, sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa horay ugu gacan seyray dalabkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in laga laabto ergeyga cusub oo ah madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo ay ku eedeysay inuu xiriir dhow la leeyahay Kenya. Hase yeeshee Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan ah in ergeygaas uusan soo gelin dalka, haddii Midowga Afrika aanu ka laaban magacaabistiisa. Warqad uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq u diray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo ku taariikheysan 9-kii bishan May, ayey dawladda Soomaaliya ku cadeysay in aysan taageero siin doonin John Mahama oo ah madaxweynihii hore ee dalka Ghana, saaxiib dhowna la ah Kenyaanka sida ay ku doodeen mas’uuliyiinta Soomaaliya. Sidoo kale Soomaaliya waxay ku dooday in haatan hannaanka heshiis lagu wada yahay uu bilaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana 20-ka bishan May loo balansan yahay shir guud oo lagu dhameynayo madmadow hor taagan in la qabto doorashooyinka dalka. Warqadda uu wasiirku u diray Midowga Afrika waxaa kaloo lagu sheegay in magacaabistan ay jahawareer iyo siyaasadayn gelin karto howsha doorashada ee uu haatan guda galay Ra’iisul Wasaare Rooble. The post Xog: DF oo diidan inuu dalka soo galo ergeyga Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.
  21. LEWISTON, Maine —Refugees in Lewiston are celebrating changes to federal policies which, they hope, will allow more people to resettle in Maine. Source: Hiiraan Online
  22. Somalia has one of the lowest prices for internet data bundles. It also has the fastest internet connection in the Eastern African region at a relatively low cost. In Somalia, most internet users rely on the internet for entertainment and access to the daily news. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda xil-gaarsiinta Duraan Axmed Faarax ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddiga shirkadaha diyaaradaha ka howlgala dalka, maalin ka dib markii ay Kenya xayirtay duulimaadyada Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay hannaan lagu wajahayo in aysan saameyn ku yeelan diyaaradaha xayiraadda ay ku soo rogtay dowladda Kenya isu-socodka labada dal, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya. “Waxaan ballan-qaadayaa in Dawladda ay kala shaqeynayso ganacsatada diyaaradaha wax kasta oo u sahlaya inuusan go’aankan saameyn ku yeelan,” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sidoo kale guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay in la hormariyo iskaashiga duulimaadyada waddamada gobolkan Geeska Afrika. Dowladda Kenya ayaa maalin ka hor soo saartay go’aan ay illaa bisha Agosto ku joojineyso isu-socodka duulimaadyada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, waxuuna go’aankaas ku soo aaday iyadoo dowladda Soomaaliya ay maalmo ka hor shaacisay in dib loo soo celiyey xiriirkii diblomnaasiyadeed ee labada wadan oo go’naa muddo lix bilood ah. Waxaa la aaminsan yahay in Kenya go’aankaas ay uga aar gudaneyso dowladda Soomaaliya oo diiday inay dib u fasaxdo Qaadkii laga soo dhoofi jiray dalka Kenya oo gabi ahaanba laga mamnuucay Soomaaliya, waxaana xusid mudan in laba maalin ka hor ay ganacsatada Kenya ku hungoobeen inay Qaad u soo dhoofiyaan Soomaaliya, isla markaana uu soo gaaray khasaare xoog leh. The post DF iyo shirkadaha diyaaradaha dalka oo ka shiray qorshe lagu wajahayo go’aankii Kenya appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa daboolka ka qaadeysa sababta u weyn ee diyaaradda Kenya Airways ay u bilaabi laadahay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalada Hargeysa ee Somaliland, bilo kadib markii ay sidaas ku heshiiyeen Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi. Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku sheegtay in duulimaadkii tooska ahaa ee Hargeysa uu weli ku jiro hakad, ayada ka gaabsatay faah-faahin intaas ka baxsan. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, sababta u weyn ee diyaaradda Kenya Airways u bilaabi laadahay duulimaadka tooska ah ee Hargeysa ayaa ah inay ogolaansho ka la’dahay wasaaradda. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa diiday inay diyaaradda Kenya Airways u ogolaato fasax ay ku tagto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kadib markii ay su’aal gelisay hab macaamilka Kenya ee Somaliland. “Anaga ayaa mamulna hawada Soomaaliya, mana jirto diyaarad iman karta garoon ka tirsan dalka, ayada oo aan fasax ka haysan dowladda federaalka,” ayuu yiri xubin sarre oo ka tirsan Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada oo la hadlay Caasimada Online. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u aragta Kenya mid wada fowdo, maadama ay rabto inay Somaliland ula taacamisho sidii dal ka madax-banaan Soomaaliya, taasi oo ay ka biyo diidan tahay dowladda federaalka oo ayadu gacanta ku haysa maamulka hawada. Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa maanta iska fogeysay warar sheegayay inay duulimaad toos ka bilaabi doonto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland dhamaadka bishan aan ku jirno ee May. “Kenya Airways (KQ) waxay jeceshahay inay cadeyso in qorshooyinka ay duulimaadyada uga bilaabi doonto Hargeysa, Somaliland ay weli ku jiraan hakad, iyadoo la sugayo ogolaanshaha iyo ansixinta aas-aasiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Shirkadda. “Hadda ma jiraan duulimaadyo toos ah oo howl-galaya oo shirkadda ah,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka oo ay Kenya Airways ku beeninayso wararka la wareejinayo baraha bulshada. Qorshaha ay diyaaradda Kenya Airways ugu tageyso duulimaad toos ah magaalada Hargeysa ayaa soo socday billooyinkii dambe, hase yeeshe waxa uu ka dhaqan gali laayahay dowladda federaalka oo u aragta xad-gudub ka dhan Jamhuuriyada. The post Xog: Sida ay DF Soomaaliya u hor-istaagtay qorshihii Kenya Airways ee Hargeysa appeared first on Caasimada Online.