Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali President Abdullahi Farmaajo has arrived in Uganda to attend the swearing-in ceremony of President-elect and National Resistance Movement Chairperson Yoweri Museveni. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shalay soo saartay go’aan ay ku joojineyso duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, marka laga reebo duulimaadyada caafimaadka iyo kuwa gargaarka bani’aadannimo. Si rasmi ah looma shaacin sababta go’aanka, hase yeeshee waxaa la sheegay in joojinta ay jiri doonto muddo saddex bilood ah, waxeyna ku soo aaday saacdo kadib markii ay Soomaaliya sheegtay in aysan fasaxin qaadka ka iman jiray dalka Kenya. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Kenya u joojisay laba arrin oo kala ah. 1- In dowladda Soomaaliya aysan fasaxin qaadka ka yimaada dalka Kenya oo sanadkii malaayin lacag ay ka hesho dowladda Kenya. Wararku waxay sheegayaan in nin la dhashay Madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Xasan Farmaajo iyo Cali Yare Cali ay dalka keenaan qaadka Itoobiya dartoodna loo joojiyay kan Kenya. Qaadka Kenya ayaa markii hore u xirnaa ganacsato Soomaali ah, hase yeeshee maadaama aan laga wareejin karin la joojiyey gebigiisa si mashruuc kale oo dhanka Itoobiya ah loogu furo Xasan Farmaajo iyo Cali Yare, kaasi oo ay malaayiin dollar hadda ka sameeyaan. 2- Warqad ay dowladda Soomaaliya u dirtay Midowga Afrika, taasoo lagu dalbaday in la badalo ergaygii dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya oo ah madaxweynihii hore ee Kenya John Mahama, waxaana warqadda ku qornaa inuu daganyahay Kenya islamarkaana uu ganacsi ku leeyahay. Arrintaas ayaa loo arkaa in wali muujineyso in Soomaaliya ay wali ku taagantahay dagaalka siyaasadeed ee dalka Kenya, islamarkaana soo-celinta xiriirka uu muuqdo mid ku kooban kaliya oraah, oo aan ficil laga muujin. Waxaa la filayaa in dowladda Qatar markale soo kala dhaxgasho labada dal oo ay markii hore ka shaqeysay inay soo celiso xariirkooda. The post Xog: Laba qodob oo sababay inay dowladda Kenya joojiso duulimaadyada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa dhamaan bulshada reer Somaliland meel walba oo ay jooga iyo guud ahaan shucuubta Islaamka u direy dhambaal hambalyo ah Ciidal Fidriga awgeed. “Ilaahay baa mahad leh nimcooyinka badan ee caafimaadku kow ka yahay, nabada, roobka iyo barwaaqada, fadliga ramadaan, ilaahaybaa ku mahad leh, waxaan dhammaan hambalyo iyo salaan u dirayaa ummadda islaamka ah meel ay joogtaba, gaar ahaan ummadda Somaliland, gude iyo dibed waxaan u dirayaa salaan iyo hambalyo,” ayuu yiri. “Waxaa ilaahay uga rajaynayaa sannadkaa sannadkiisa inay barwaaqo iyo bash-bash iyo caafimaad ku ciidaan oo ilaahay caafimaad inagu wada gaadhsiiyo iyo horumar, ramadaantu waxay ku soo hagaagtay sannadkan roob, qabaw iyo barwaaqo dalkuna nabad yahay.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xuska 18-May oo maalmo kooban inaga xigaan, maalintaas oo ay Somaliland u dabaal-degto madax-banaanida ay ku doodo, iyo doorashooyinka la filayo inay ka qabsooman deegaanada Somalilan. “Ramadaanta waxa inoogu xiga oo iyana soo socota 18 May oo maalintii qarannimada Somaliland oo shan cisho ka danbayn doonta haddii Alle yidhaahdo, waxa ku xigidoona 18-ka, haddana doorashadii oo ilaa hadda ku qotonta inay qabsoonto 31-May bishan aynu ku jirno, arrimahaasa isu keen dabayaala.” “Waxa kusii xiga 26-June, waxa weeyaan arrimo wada muhiim ah, dabaal-deg, xus, cibaado iyo farxad ah oo ciid ah, waa ilaahay mahadii intaa isku xigtaa, si ilaahay ciidahaa iyo doorashooyinkaa isdaba-jooga ahi inoogu qabsoomaan nabad, qof walba oo muwaadina oo Somaliland ah, waxa ku waajib ah in uu ilaaliyo dalkiisa, nabadiisa, dadkiisa inay si nabad ah oo barwaaqo ah oo caafimaada caruurtiisa iyo ciroolihiisu ku ciidaan.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale farta ku fiiqay cadow uu sheegay inay leedahay Somaliland, islamarkaana loo baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto, “Somaliland cadaw badan ayey leedahay oo aan jeclayn horumarkeeda iyo nabadeeda iyo wada jirkeeda, waxaan ku dardaarayaa dhammaan muwaadiniintu inay meel uga soo wada jeedaan wixii inaga khal-khalinaaya horumarkeena, nabadeena, walaaltinimadeena, maalmahaa ciida, tan fidriga, tan 18-ka, ta doorashada, ta 26-June, waxay isku wada xigaan”. Ugu danbayntiina madaxweynuhu waxa uu ka hadlay xanuunka Covid-19 oo faro ba’an ku haya Somaliland, wuxuuna sheegay in sannadkan sidii kal hore uu ka cuslaa, isagoona ilaahay uga baryay dadkii u geeriyooday inuu naxariistii janno ka waraabiyo, inta la jiiftana uu ka kiciyo. The post Muuse Biixi oo farrin u direy shacabka SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
  4. Shacabka iyo Laamaha Amniga Garoowe oo is kaashanaya, ayaa xalay soo badbaadiyay nin oday ah oo ku go’doomay biya ku soo rogmay togga magaalada Garoowe. Oday Xasan Maxamed Cumar, ayaa fiidnimadii xalay ku go’doomay bartamaha togga, kadib markii biya ku soo rogmeen, xilli uu ka baxay magaalada, islamarkaana ku sii jeeday xerada Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad oo ku taalla dhinaca waqooyi ee caasimadda. Kadib saddex saacadood oo uu ku go’doonsanaa togga dhexdiisa, ayaa markii dambe lagu guulaystay in la soo badbaadiyo, sida ay sheegeen saraakiisha Laamaha Amniga Garoowe. Oday Xasan ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qayb-qaatay badbaadintiisa, gaar ahaanna rag dhalinyaro ah oo ka soo saaray halkii uu ku go’doonsanaa mudda saddex saacadood ah. Sida isagu caddeeyay, da’diisu waa lixdan sano jir, waxaana mar lagu qabtay dagaalkii ‘77’ ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo dhaawacan, kadibna wuxu kamid noqday maxaabiistii ay is weydaarsadeen labada dal. PUNTLAND POST The post Garoowe: Lixdan jir Itoobiya ku qabatay dagaalkii 77 oo xalay la soo badbaadiyay appeared first on Puntland Post.
  5. GENEVA, SWITZERLAND – The United Nations warns Somalia faces a perilous future as drought followed by torrential rains have destroyed this year’s planting season. Somalia is one of the countries in the world most prone to the erratic and calamitous impacts of climate change. It has been hit by a double climate disaster for more than two weeks that is likely to worsen its already acute situation of food insecurity. The drought, which was declared on April 25 was soon followed by torrential rains that caused flash floods and rivers to overflow. The U.N. organization for the coordination of humanitarian affairs reports the rains came too late for the planting season. OCHA spokesman Jens Laerke said floods have killed at least 25 people in various parts of the country. The victims include nine children who died when their house flooded in the Benadir region, in the capital, Mogadishu. “The Juba River has burst its banks, houses have been washed away and livestock have perished. There are also reports of flooding in the north of the country and there are continuous flash flood warnings across Somalia, especially for people living in low lying areas. In flooded areas, local communities are struggling to prevent further flooding by placing sandbags, poles and other materials to reinforce riverbanks,” he said. The World Food Program reports 2.7 million Somalis are short of food, with more than half-a-million on the brink of famine. An estimated 300,000 children under age five are malnourished, including 48,000 who are severely malnourished and at high risk of disease and death. OCHA spokesman Laerke warned the combined impact of drought and floods is likely to worsen this critical situation. “Both climate shocks cause displacement, jeopardize access to safe water, increase waterborne diseases and impact people’s livelihoods. Despite increasing humanitarian needs, the funding forecast for 2021 is the worst in six years. This year’s Somalia Humanitarian Response Plan requires $1 billion to assist four million people. As of today, the plan is only 19 percent funded,” he said. Laerke said OCHA and partners are using the limited funds at their disposal to step up operations in drought-affected areas and reach at least 353,000 people with aid. Urgent efforts, he adds also are under way to respond to the flash flooding. The World Food Program reports it has distributed food to more than 20,000 people in Jowhar city, one of the areas hardest hit by flooding in central Somalia. Source: VOA The post Drought, Torrential Rains Devastate Somalia appeared first on Puntland Post.
  6. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaaraysay duqaymaha ciidamada Israa’iil ku hayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku sugan Daanta Galbeed iyo magaalada Quddus, gaar ahaanna masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa. Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Balal Maxamed Cismaan oo khudbad ka jeediyay shir deg deg ah oo Golaha Jaamacadda Carabtu ka yeeshay xaaladda Falastiin, ayaa cambaarayn xooggan u jeediyay weerarada Israa’iil ka wado dhulka Falastiiniyiinta. “Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin” ayuu yiri Wasiir Balal. Sidoo kale, wuxu Caalamka ugu baaqay, in ay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israa’iil ku hayso xadgudubyada joogtada ah iyo duqaymaha xiriirka ah. “Waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israil dhibta ku hayso.” Ayuu sii raaciyay. Wasiir Balal Cusmaan, ayaa sidoo kale Israa’iil ugu baaqay, in ay joojiso dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan magaalada Qudus iyo guud ahaan dhulka Falastiin. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay duqaymaha Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.
  7. Qiiq ka baxaya duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Qaza Xamaas ayaa sheegtay inay 130 gantaal ku garaacday magaalada Tel Aviv ee Israa’iil kadib markii duqeyn dhanka cirka Israa’iil ka gaysatay dhismaha munaaradda Gaza. Gantaalada Xamaas ayaa qaar kood ku dhaceen dhuun ay leedahay shirkadda tamarta Israa’iil, sida uu sheehay sarkaal ka tirsan waaxda tamarta Israa’iil. Muuqaal Video ah oo uu sii daayay Channel 12 ayaa muujiyay olol ka kacaya wax umuuqda inuu yahay weel weyn oo shidaal oo u dhow magaalada Ashkelon ee koonfurta Tel Aviv. Gantaalada ayaa yimid ka dib markii Xamaas ay soo saartay amar kama dambeys ah oo looga dalbanayo Israa’iil in ay ka joojiso ciidamadeeda amniga masaajidka Al-Aqsa oo ka mid ah goobaha barakeysan ee Muslimiinta. Maamulka caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in ugu yaraan 28 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 10 caruur ah lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ka geysanayaan marinka tan iyo dabayaaqadii Isniintii. In ka badan 700 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay magaalada Qudus iyo guud ahaan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed maalmihii la soo dhaafay. Beesha Caalamka ayaa ku boorrisay labada dhinac inay soo afjaraan xiisadda sii kordheysa, taasoo daba socota rabshado maalmahan ka socday magaalada Qudus. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo burburisay dhismihii munaaradda Gaza iyo Xamaas oo gantaalo ku garaacday Tel Aviv appeared first on Puntland Post.
  8. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay Nidaamka Maamul ee ay Dalka ku hagayeen Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu sheegay in Xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka soo maray, sida Xukuumadihii ay Madaxweyneyaasha ka ahaayeen Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xukuumadda hadda joogta ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aad mooddo inay wada galeen heshiis aan qornayn, kaasi oo dhigaya in aanu midna daba-gelin wixii uu khalday kii ka horreeyay. Maxamed Xaashi faahfaahiyey Deraasad uu ku sameeyay Lacagta Qaadka kaga baxday Somaliland intii ay Xukunka hayeen Saddexdii Madaxweyne ee talada Somaliland soo maray, kuwaasi oo uu ku jiro Madaxweynaha Xilka haya iyo weliba Cadadka Lacagta Somaliland muddadaa ku soo iibsatay Sibidhka, xilli la kicin karo Warshadda Sibidhka ee Somaliland, taasi oo ku taalla meel ku habboon. Wasiir Hore Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu si qoto dheer uga hadlay dhaqaalaha Somaliland ku wayday Sibidhka iyo Qaadka, iyadoo hagaajisan karta Warshadda Sibidhka oo uu sheegay inuu xilligii Siilaanyo ka mid ahaa Guddi loo saaray sidii dib loogu soo kicin lahaa, laakiin fikraddii uu soo jeediyey laga diiday, taasi oo ahayd in Saamiyo la bixiyo, halkii Ashkhaas laga siin lahaa. Shaqaalaha. Eng. Xaashi wuxuu ugu horrayn farriin u diray Madaxda Qaranka, waxaanu si gaar ah uga hadlay Daryeelka shaqaalaha Dawladda, “Madaxda waxaan Xasuusinayaa Dhaartii ay galee, markaan taa ka imaaddo, dal ma hagaago haddaan Shaqaalihiisa iyo Ciidammadiisa la daryeelin, tuugana ma dhamaanayso.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Markuu Subaxdii soo kallahayo qofka Shaqaalaha ahi ee Gabadhu tidhaahdo wax dabka Carruurta loo saaro ma hayo, bakhtigaa u xalaal ah, markaa Daryeelkii Shaqaalaha Farahaa laga qaaday.” Maxamed Xaashi wuxuu sheegay “Markii aan ahaa Wasiirka Maaliyadda, waxaan Shaqaalaha u kordhiyey 100%, waanan ogaa inaan soo saarayo, waxaanan qorshaystay inaan sidaa ku wado illaa Dadku uu helayo wax uu ku noolaado, laakiin tii ma dhicin oo Siilaanyo waa kii xilka iga qaaday markii qayladu yeedhay ee la yidhi waxba lagama daba helayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in aanay Somaliland dhaqaale xumo haynin, balse ay jirto Farsamo xumo, taasi oo keentay in faraha laga qaado Daryeelka Shaqaalaha “Waa Dal dhan oo aan Hanti-dhowrkiisu shaqaynayn, dal dhan oo Madaxdiisu kii ka horreeyay ka tirsanayn oo aad mooddo inay Ilmaadeer yihiin, dal dhan oo aan Horumarkiisii laga fikirayn oo aan la odhanayn maxaa Sannadkan ina soo galay ee aynu kordhinay, shaqaalihii muxuu ku nool yahay, markaa waxaad arkaysaa inay Arrinteenu aad u qasan tahay, markaa taasaa igu keliftay inaan Saxaafadda la hadlo..” Maxamed Xaashi wuxuu Jaantuuskan hoose ku muujiyey Markii uu Wasiirka Maaliyadda ahaa waxa Shaqaalaha Dawladdu u qaadan jiray Mushahar ahaan iyo wixii uu kordhiyey. Sibidhka iyo Jaadka. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa kale oo uu ka hadlay Dhaqaalaha Somaliland kaga baxay Qaadka iyo Sibidhka, waxaanu isagoo arrimahaa ka hadlaya uu yidhi “Madaxweyne Qudha ma canaananayo mid walba intuu lahaa ayaan u soo dhigay (qoray).” Maxamed Xaashi wuxuu sheegay in intii u dhaxaysay 2004 illaa 2010 oo uu Dalka xukumayey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ay Somaliland Sibidh ku soo iibsatay Lacag dhan $ 95,262,960,00, halka 2011 illaa 2017 oo uu Madaxweyne Siilaanyo dalka xukumayeyna Somaliland Sibidh dalka dibeddiisa kaga soo iibsatay Lacag dhan $ 173,604,528,00, sidaasi oo kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dalka xukumayo ayuu Eng. Maxamed Xaashi Cilmi sheegay in Somaliland Sibidh ku soo iibsatay $ 33, 907,75,00, lacagtaasi oo marka la isku geeyo dhan $ 371,193,426,00. Eng. Xaashi waxa kale oo uu soo bandhigay Khasaaraha uu Somaliland ku hayo Qaadka oo ka yimaadda dhanka Itoobiya, waxaanu sheegay in intii uu dalka Xukumayey Daahir Rayaale Kaahin ay Somaliland Qaadka kaga baxday $ 531,691, 174.00, muddadii uu Madaxweyne Siilaanyo uu dalka xukumayeyna Somaliland ay Qaadka kaga baxday lacag dhan $ 1,622,143,236.000, halka inta uu Madaxweyne Muuse dalka xukumayeyna uu Somaliland Qaad kaga baxday Lacag dhan $ 297,492,160.00, lacagtaasi oo marka la isku geeyo noqonaysa $ 2, 970,785,713.00. Lacagta Somaliland kaga baxday Qaadka iyo Sibidhka 2004 illaa 2021 ayuu sheegay inay dhan tahay $ 3, 341,979,134 Dollar, taasina Markhaati u tahay khasaare laga baaqsan karayey oo dalku galay, wuxuuna iswaydiiyey Cidda masuulka ka ah Khasaaraha intaasi leeg “Markaa ma Dalkaa ina gabay Mise Madaxda Ina Gabtay, Waxaan qabaa in Madaxdu ina gabtay, Waayo? khasaare ayaynu ku jiraa ee yaa sabab u ah, Khasaaraha ugu weyna waa Qaadka iyo Sibidhka.” Wuxuu intaa ku daray in khasaaraha intaas lee gee dhanka Sibidhka la galay markii la yeeli waayey Talooyinkii uu soo jeediyey ahaa in Saami la bixiyo oo dib loo kiciyo Warshadda Sibidhka ee Berbera “Tii markii la yeeli waayay, Natiijadii waxay noqotay ta Maanta ka dhacday, Jaadkana waalla joojin karaa haddaan laga war wareegin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Madaxweyneyaashii dalka u kala dambeeyay, gaar ahaan intooda nool ee Rayaale, Siilaanyo iyo Muuse ay dhisi karayeen Warshadda, balse ay hagradeen “Saddexdan Madaxweyne mid walba gaarkiisa ayuu Warshadda u dhisi kari lahaa.” Ayuu yidhi. Qaran News
  9. Miraa farmers from Meru have asked the government to resolve the diplomatic row with Somalia saying they are making huge losses following the frosty relationship between the two countries. Source: Hiiraan Online
  10. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Axmed Cabdilaahi ayaa sheegay in la dhammaystiraayo soddonka bisha ramadaan . “Gobollada dalka, Geeska Afrika iyo dawladaha Islaamka waannu la xidhiidhnay, cid bishii aragtayna ma jirto, sidaas awgeed berri oo Arbaca ah waa Ramadaan, ciidduna waa Khamiista idam Alle”. ayuu yidhi Maalinta khamiista ayaa noqonaysa maalinta kowaad ee ciida fidrida sida uu sheegay wasiir Khaliil Source
  11. Kenya has suspended flights to Somalia just days after its neighbour said diplomatic ties between the two countries had been normalised following months of tension. Source: Hiiraan Online
  12. (SLT-Hargeysa)-Ururka Xamaas ayaa Gantaallo isdaba jooga ku garaacay magaalada Yuhuudda ee Talaabiid. Sawirro la soo qaaday ayaa muujinaya colac iyo qiiq ka baxaya goobaha Gantaalladu ku dhaceen. Dhimasho iyo dhaawac Yuhuudda ah ayaa jira, dhinaca kale Diyaaradaha Israa’iil ayaa sii wada duqaynta dhulka Falastiin. Waddamo Turkigu ku jiro ayaa canbaareeyay weerarka Yuhuuddu ku qaaday shacabka Falastiin. Source
  13. Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa shaaciyay inay soo saareen Liiskii kama dambaysta ahaa ee dadkii qaatay kaadhadhka codbixinta ee gobolada iyo degmiiyinka dalka. Kulan ay wada qaateen gudida doorashooyinka qaranka iyo Xisbiyada qaranka ee ka qayb galaya doorashooyinka ayuu guddoomiye ku xigeenka Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Mustafe Maxamed Daahir Ka sheegay in Liiskani yahay dadkii is diiwaan geliyay ee qaatay kaadhadhkoodii codbixinta balse aanay liiskaasi ku jirin dadkii hore isu diiwaan galiyay ee aan kaadhadhkooda doonnan. Iyadoo tira guud ee dadka codbixiyeyaasha ah ee gobolada iyo degmooyinku noqonayaan “Hal milyan shan iyo lixdan kun siddeed boqol iyo todoba iyo afartan codbixiye”. Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa sheegay in liiskan ay soo saareen gudida doorashooyinka qaranku uu noqon doono ka rasmiga ah ee lagu galayo doorashooyinka goleyaasha Wakiilada iyo deegaanka ee ku astaysan 31-may 2021 inay ka qabsoomaan dalka. Source
  14. (SLT-Riyadh)-Iyadoo si weyn caawa isha loogu wada hayay guud ahaan dunida Muslimka bisha Soonfur ee Shawaal ayeey inta badan waddamada dunida Muslimku ku dhawaaqeen in maalinta berri ah oo Arbaca ah ay tahay maalin Soon ah. Dowladda Sacuudiga oo inta badan si weyn loola socdo hadba warka ay ka soo saartay sanad walba bilashada bisha Shawaal ayaa ugu danbeyntii ku dhawaaqday in maalinta berri ah la kaamilayo 30ka bisha Ramadaan, maalinta Khamiista ahna tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga. Inta badan masaajida ayaa la tukanayaa maalintii ugu danbeysay salaada taraawiixda iyadoo dadkuna isku diyaarinayaa maalinta berri ah 30ka bisha Ramadaan. Source
  15. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni. War-saxaadadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ka wadahadleen xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkaas, isaga oo u rajeeyey horumar shacabka iyo dawladda Uganda. Madaxweyne Farmaajo oo maanta tegay dalka Uganda ayaa ka qeybgalaya caleemo-saarka Yoweri Museveni oo 35 sano xukumayay dalkaas, dhawaana la doortat markii lixaad. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Museveni oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhaw shaaciyey in dalka Soomaaliya aysan berri Ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo bisha barakeysan ee Ramadaan. Wasiirka oo ay wehliyaan Culumaa’udiin Soomaaliyeed ayaa illaa Afurkii caawa ku sugnaa Wasaaradda Warfaafinta, si ay u xaqiijiyaan bilashada bisha Shawaal ee Soonfur, balse markii la waayey waxay wasaaraddu go’aamisay in Arbacada berri la buuxiyo 30-ka bisha barakeysan ee Ramadaan. Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili inta badan dowladaha Islaamka ay ku dhawaaqeen in berri aysan Ciid aheyn. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda caawa xaqiijisay in Arbacada berri ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maadaama galabta la waayey bilashada bisha Soonfur ee Shawaal. Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Talaadadii maanta lagu ogaaday in aysan dhalan bisha Shawaal ee Soonfur. Sidoo kale dowladda Qatar ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May. Dhanka kale war ka soo baxay ururka Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta taageerta ayaa lagu iclaamiyey in Arbacada berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, isla markaana la arkay bilashada bisha Soonfur ee Shawaal Al-Shabaab waxa ay sheegeen in illaa 8-qof oo ku kala sugan gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool ay xaqiijiyeen inay arkeen bisha Soonfur oo dhalatay. The post DEG DEG: DF oo go’aan kasoo saartay maalinta ciidda appeared first on Caasimada Online.
  17. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aan dhulka Soomaaliya aanan laga arkin curashada Bisha shawaal. Xukuumadda ayaa sheegtay in berro oo Arbaca ah la dhameystirayo bisha ramadan, khamiistana ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa sheegay in berro la soomayo maalinta 30-naad ee Bisha Ramadan. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) –War ka soo baxay ururka Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta taageerta ayaa lagu iclaamiyey in Arbacada berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, isla markaana la arkay bilashada bisha Soonfur ee Shawaal Al-Shabaab waxa ay sheegeen in illaa 8-qof oo ku kala sugan gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool ay xaqiijiyeen inay arkeen bisha Soonfur oo dhalatay. Deegaanka Afcad oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, Al-Shabaab waxay qoraalkooda u sheegeen inay bisha ku arkeen 3-qof, sidoo kale deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buulo-Burte ee isla gobolka Hiiraan, waxaa bisha ku arkay hal qof, sida lagu sheegay qoraalka kooxda. Sidoo kale duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayey sheegeen inay bisha ka arkeen laba qof, halka deegaanka Tuulo-barwaaqo oo ka tirsan gobolka Gedo ay bisha ka arkeen illaa labo qof, sida lagu sheegay qoraalka Al-Shabaab. Aragtida bisha ee sideedaas qof darteed Al-Shabaab waxay iclaamiyeen in berri oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Shawaal, isla maraakan ay tahay Ciid. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda caawa xaqiijisay in Arbacada berri ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maadaama galabta la waayey bilashada bisha Soonfur ee Shawaal. Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Talaadadii maanta lagu ogaaday in aysan dhalan bisha Shawaal ee Soonfur. Sidoo kale dowladda Qatar ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May. The post Shabaab oo ku dhowaaqday in berri ay ciid tahay oo bisha ‘laga arkay’ dhowr gobol appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan, ayaa maanta hooygiisa magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheesh Maxamuud. Safiirka iyo Madaxweynaha ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, waxuuna Xasan Sheekh Danjire Aadan uga mahadceliyey booqashadaas. Xasan Sheesh Maxamuud ayaa boggiisa Twitter-ka ku soo qoray, “Sharaf ayey ii ahayd in uu maanta i soo booqday Safiirka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Ambassador Aadan Xasan Aadan”. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dowladda Jabuuti ku tilmaamay dal ka shaqeeya dib u dhiska Soomaaliya. “Waxaan uga mahadceliyay dadaallada dowladda Jabuuti ee dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu ku yiri qoraalkiisa. Waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay go’aanka Jabuuti ay ku garab taagan tahay walaalahood Soomaaliya, isagoo xusay in weligiis uusan isbedeli doonin. Intaas waxa uu raaciyey in aysan Jabuuti lamid ahayn dalal fara badan oo Soomaaliya saaxiib la ah. Waxa uu sheegay inay Jabuuti tahay dal walaal ah oo Soomaaliya, garab istaagay waqtiyo ay xaaladuhu aad ugu adkaayeen. “Jabuuti waa walaal iyo saaxiib na garab istaagay xilli adag” ayuu Xasan Sheekh ku yiri qoraalkiisa. Booqashadaan waxay imaaneysaa iyadoo dowladda Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay ay ugu yaraan laba jeer ku eedeysay dowladda Jabuuti inay xagal-daacineyso Soomaaliya. Sidoo kale xukuumadda madaxweyne Farmaajo ayaa horay loogu eedeeyey inay lumineyso Jabuuti oo dadka Soomaaliyeed aysan u aaminsaneyn dal kaliya deris la ah, balse u arka walaal u soo hiiliyey, xilliyadii adkaa ee Qaran-jabku ku dhacay umadda Soomaaliyeed. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo war kasoo saaray kulan uu la qaatay safiirka Jabuuti appeared first on Caasimada Online.
  20. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in aanan dhulkeeda laga arkin curashada bisha Soon-fur . Sacuudiga ayaana ugu baaqay umadda Muslimiinta in berri la dhameystiro 30-ka ramadaan . Qoraal ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in maalinta Koowaad ee Ciidda ay tahay maalinta Khamiista ah . Source: goobjoog.com
  21. People wave Chinese and Djiboutian national flags at the launch ceremony of a housing project financed with Chinese support © Yasuyoshi Chiba/AFP/Getty At the top of a lighthouse in a deserted headland, Ali Hassan Ali points across the strait of Bab-el-Mandeb, to war-ravaged Yemen. Then, behind him, to war-torn Ethiopia. Then, to his right, at troubled Somalia. Finally, to his left at Eritrea, a dictatorship engaged in the Tigray conflict next door. “This is a point of peace, of trade,” said the wiry man in charge of keeping the lights on. Djibouti, a former French colony home to just 1m people, is a rare point of stability in a highly strategic location, the southern end of the Red Sea, en route to the Suez Canal, a linchpin of global commerce. About a third of all daily shipping in the world passes the north-east edge of Africa, where the water narrows to a chokepoint opposite Yemen. With economic growth of up to 7 per cent forecast this year, double Africa’s average, according to the finance ministry, helped by hefty Chinese investment in ports, free trade zones and a railway line to landlocked Ethiopia, Djibouti is set to be one of the fastest-growing economies on the continent. Home to five naval bases, including since 2017 China’s first overseas military base, its significance is geopolitical as well as economic. It is all about “location, location, location”, said Aboubaker Omar Hadi, chair of Djibouti Ports & Free Zones Authority and one of the most influential men in the country. Whispers, spies and snoops “It is both, location and stability,” stressed Nima Dirieh Warsama, chief executive of ATD-GIE, a transport industry group. Such stability is helped by French tanks, US helicopters, Chinese soldiers and Japanese vessels, which are a common sight because the area surrounding Djibouti is a “powder keg”, said a western military officer in the country. Still, the government thrives in its role as neutral host to global powers, sometimes soothing tensions between Americans and Chinese, in what a senior government official called “a return to the cold war” where “Djibouti is absolutely an epicentre”. “What gives Djibouti this effervescence is the fact that the big powers are here, so it means it is safe,” the official added. The French have trained 11,000 regional soldiers, mainly Djiboutian, and protect the country’s airspace with Mirage fighter jets. “We are really a guarantee of security here,” said Gen Stéphane Dupont, the commander of the base that hosts 1,500 French soldiers. Other powers, such as the US, agree. Djibouti is the backbone of a global coalition against al-Shabaab, an al-Qaeda-linked Somali terrorist group, as well as the now diminishing threat of piracy. But for some, the arrival of China, which made $853m of investments between 2005 and 2019 and owns 30 per cent of Djibouti’s total debt, is unnerving. “It’s a tsunami, it’s really a tsunami,” said a senior western official in Djibouti, referring to Chinese presence ranging from investments to soldiers. “They are not an enemy, but they are not a friend either. And we have to live together.” Djiboutian politicians, American contractors and French officials meet for soirées at the Café de la Gare to whisper about what the Chinese military may be doing at their concrete fortress. It safeguards merchant ships and holds a pier that could support China’s “aircraft carriers in the future”, the top US commander for Africa, Gen Stephen Townsend, recently said. Chinese military personnel attend the 2017 opening ceremony of Beijing’s naval base in Djibouti © AFP/Getty “Djibouti is located in a vital geostrategic region where all members of the international community have a vested interest,” said foreign minister Mahmoud Ali Youssouf. “We recognise that there is a serious economic competition between major powers,” he added but stressed his country is “not falling under any kind of sphere of influence”. Indeed, said the country’s finance minister Ilyas Moussa Dawaleh: “It is truly false this idea that ​​China will take over Djibouti completely, it is a myth.” Many agree that the atmosphere of the port city, where most of the population lives, resembles that of Casablanca, the film about intrigue and romance in the second world war. “Everybody snoops on each other,” quipped a senior foreign diplomat. “We know very well that the Chinese want to spy. It doesn’t mean that we don’t do the same thing,” said a western military officer stationed in Djibouti. “We’re all friends here, but we all like to know what the other is doing.” Democratic erosion or 99 per cent support? Another key factor in the stability, many say, is 73-year-old President Ismail Omar Guelleh. He has run the country since 1999 and is widely described as a wily and savvy leader of what critics call a centralised autocracy. “He’s the only game in town,” said a non-African diplomat. “There has been an erosion over time on the democratic front.” Guelleh is credited with making Djibouti a base for both cargo shipments and foreign military. The size of the economy jumped from $536m when he took office to $3.3bn in 2019. His portrait is omnipresent in every shop, office and building. Last month, he won a fifth term with 99 per cent of the vote. Djibouti’s president Ismail Omar Guelleh with his Chinese counterpart Xi Jinping at a meeting in Beijing in 2019 © Madoka Ikegami/AFP/Getty The main opposition rival, newcomer Zakaria Ismail Farah, said that “99 per cent has never happened in the world, except in a country of extreme dictatorship”. Foreign powers in Djibouti, he said, “have sacrificed the democracy of Djibouti for the sake of regional stability”. Alexis Mohamed, a top adviser to the president, dismissed Farah’s criticisms, stressing that there are already discussions on the “political future of Djibouti” post-Guelleh as, legally, this is the president’s last term. The president has “managed to preserve peace and social cohesion in Djibouti, in a region where there are tensions in Ethiopia and Somalia,” he said. “God has not given us oil,” he added, echoing Ali at the lighthouse, “but he has given us a strategic point.” An earlier version of this story said that China had made $853bn of investments between 2005 and 2019. This has since been corrected to $853m. Source: Financial Times The post Spying and stability: Djibouti thrives in ‘return to cold war’ appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in Arbacada berri ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maadaama galabta la waayey bilashada bisha Soonfur ee Shawaal. Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Talaadadii maanta lagu ogaaday in aysan dhalan bisha Shawaal ee Soonfur. “Guddiga aragtida dayaxa ee Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijiyay Talaadadii in dayaxa bilaha ah oo curanaya bilowgii Shawaal aan la arkin. Sidaas darteed, Arbacada 12-ka May waxay noqon doontaa maalinta ugu dambeysa iyo 30-ka Ramadaan, Khamiista 13-ka May waxaa loo arki doonaa maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga,” ayaa lagu yiri qoraal goordhaw ay soo saartay dowladda Sacuudiga. Sidoo kale dowladda Qatar ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May. Dowladda Soomaaliya ayaan weli kala xaqiijin tallaabada ay shacabka Soomaaliyeed qaadanayaan berri, balse waxaa lagu wadaa in wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ay warbixin siiso shacabka. Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Talaadadii maanta ku beegneyd 29, waxaana loo badinayaa in berri la buuxi doono 30-ka, waxaana xusid mudan in bishii hore ee Shacbaan ay ku dhamaatay 30 maalmood. The post SACUUDIGA oo shaaciyey maalinta ay tahay CIIDDA appeared first on Caasimada Online.