-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Duqeynta Israa’iil ee Marinka Gaza ayaa gashay maalintii toddobaad oo xiriir ah, iyada oo duqeyn xagga cirka ah maanta lagu dilay ugu yaraan afar Falastiiniyiin ah, laguna dhaawacay tobanaan kale, halka sidoo kale dhulka lala simay ugu yaraan laba dhisme oo dad ay deganaayeen. Rabshadaha cusub ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa salka ku haya cabashooyin muddo dheer soo taagnaa oo labada dhinac u dhaxeeya xaal waarana aan loo helin ayaa markale colaad horleh hurisay. Dagaalyahanada Xamaas ayaa tiro gantaallo ah ku riday magaalooyinka Israa’iil, waxaana ku dhintay weerarkaas nin ku sugnaa deegaan dhaca bariga magaalada Tel Aviv. Meelo badan oo ka mid ah dunida, waxaa ka socda banaanbaxyo looga soo horjeedo duqeymaha ka socda dhulka Falastiin,waxaana dadkan ka mid ahaa muslimiin badan oo ku nool dalka Britain. Banaanbaxayaasha ayaa socod ku tagay fagaaraha kasoo horjeeda safaaradda ay Israel ku leedahay magaalada London. PUNTLAND POST The post Khaasaraha ka dhashay Duqeynta Israa’iil ee Marinka Gaza oo sii kordhaya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah askartii ciidamada dowladda ee ku biiray ciidanka bad-baado qaran ee kasoo horjeeday muddo kororsiga madaxweynaha ayaa saacadihii lasoo dhaafay meydkiisa laga helay agagaarka Iskuul Buluusiya ee Muqdisho. Marxuumka oo si arxan darro ah loo dilay ayaa waxaa meydkiisa lasoo dhigay, isaga oo xiran dharka ciidanka god qashin ah oo ku yaalla agagaarka Iskuul Buluusiya. Qaar ka mid ah ehellada marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Muqtaar (Maxamed Deeqow) ayaa sheegay inay waayeen wiilkooda, kadibna loo soo sheegay in meydkiisa uu yaallo nawaaxiga xerada Generaal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Deeqow ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada nabad sugida, gaar ahaan Unuga Duufaan, waxaana wararka ay sheegayaa in dhawaan looga yeeray taliska hay’adda NISA, si uu dib ugu laabto shaqadiisa, maadaama xal laga gaaray xiisadii ka taagneyd Muqdisho. “Geeridu kala xanuun badan walaalkay aa aduunka ugu jecla mohamed muktar mohamed Mahamed Muqtar ilaahay hakuu naxariisto. Gacan kaa xaqdaran aa ku dishay qabriga ilaahay hakuu waasiciyo kitaabkaaga gacanta midig ilaahay hakaa siiyo, ”ayuu yiri Cabdiraxmaan Muqtaar Maxamed oo ay walaalo yihiin marxuumka. Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan falkan dilka ah ee loo geystay marxuum Maxamed Muqtaar Maxamed Deeqow. Si kastaba dhacdadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo horey ay mucaaradka uga digeen in la beegsado askarta iyo saraakiisha ka horyimid muddo kordhintii labada sano aheyd ee loo sameeyey madaxweyne Farmaajo, taas oo mar dambe uu ka noqday golaha shacabka. The post Askari ka tirsanaa ciidamada bad-baado qaran oo si arxan darro ah loogu dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The Commander of the United States Africa Command (AFRICOM) met with the state President of Jubaland on Saturday in the regional capital of Kismayo. Source: Hiiraan Online
-
Xukuumadda Puntland ayaa $90, 000 doollar bil walba u qoondaysay Urur siyaasadeedyada Puntland. Ku simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in dowladdu ay $ 90, 000 doollar ay u qonddeyeen arurrada siyaasadeedyada Puntland. Madaxweyne ku xigeenka oo arrintan kaga dhawaaqay, xilli uu magaalada Qardho ka daah-furayey is diiwaan gellinta dadweynaha doorashada golayaasha degaanka oo lagu geli doono hannaanka dimuqraaddiyadda ee nidaamka axsaabta badan. Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa sheegay in sagaalka urur siyaasadeed midkiiba la siin doono bishii $10, 000 doollar, si ay u dardar geliyaan shaqooyinkooda, si hannaanka talada shacabka loogu gacan gelinayo uu u noqdo mid guulaysta. PUNTLAND POST The post Xukuumada Puntland oo $90, 000 doollar bil walba u qoondaysay ururada siyaasadda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta dibad-bax ka dhan ah dowladda oo ay dhigeen boqolaal shacab oo careysan. Dibad-baxa oo ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ka qeyb-galay dhalinyaro iyo waalidiin ka cabanayey caruur ay dowladda u qaaday Ereteriya , si loo soo askareeyo. Dadka dhigayey dibad-baxa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ku qeylinayey arayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka, iyaga oo shaaciyey in caruurta ay la’yihiin nolol & geeri. Sidoo kale waxay ugu baaqeen madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday inuu soo fara-geliyo arrintan, si dalkooda dib loogu soo celiyo caruurtaasi. Waalidiinta oo wejiyadooda ay muuqaatay murug aad u xoogan ayaa sheegay inay ka waalacsan yihiin xaaladda ay ku sugan yihiin caruurtooda oo muddo fog ka maqan. Si kastaba cabashada waalidiintan ayaa bilihii u dambeysay isa soo tareysay, kadib markii la sheegay in ciidamo Soomaali ah oo tababar loo geeyey Ereteriya ay ka qeyb-galeen dagaalladii ka dhacay gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaaan gobolka Tigray ee waqooyiga wadankaasi. The post Shacab careysan oo dibad-bax ka dhigay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sabtidii ka baaqday ka qeybgalka xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, arrintaas oo noqotay hadalheynta bulshada, su’aalana la iska weydiiyey sababta iney noqon karto go’doomin. Farmaajo sanadkii ugu dambeeyey waxaa uu isku koobay Eritrea iyo Ethiopia taasi oo keentay in Soomaaliya ay noqoto saxiib iyo olog la’aan dunida, gobolka iyo ugu dambeyntii qas gudaha ah. Farmaajo iyo Gobolka: Soomaaliya waxaa daris la ah saddexda dal ee kala ah Kenya, Itoobiya iyo Djibouti, labada madaxweyne ee Uhuru Kenyatta iyo Ismaaciil Cumar Geelle ma fiicna xiriirka ay la leeyihiin Farmaajo, isaga oo Nairobi xiriirka u jaray Hiil-walaalka ugaba hiililiey Asmara, una arko Djibouti dal cadow ku ah masaalixda Soomaaliya. Farmaajo iyo Afrika: Midowga Afrika hey’adihiisa kala duwan oo ay ku jiraan golaha amniga oo fadhigoodu yahay Adis Ababa, xafiiska midowga Afrika ee Soomaaliya iyo xataa hawlgalka AMISOM waxay si cad uga hor yimaadeen damaca Farmaajo ee muddo kordhinta, iyada oo ergay gaar u magacaabay Soomaaliya si loo helo wada hadal saamileyda ah, loona qabto doorasho degdeg ah. Farmaajo iyo Beesha Caalamka: Marka laga soo tago inuu Farmaajo ku hungoobey iskudey kasta oo uu galaangal ugu sameyn lahaa gudaha Mareykanka, kuna booqan lahaa dalkaasi. Farmaajo markii uu labo sano ku darsaday, waxaa ay isku dhaceen diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya, taas oo keentay labo tillaabo iney qaadaan reer galbeedka gaar ahaan dalalka biila maamulkiisa, bixiyana kabka miisaaniyadda 60%. (1). In laga goosto kabkii la siin jiray (2). In loogu hanjabo cunaqabateyn. Arrimahan oo ka dhigay inuu la kulmay go’aamin ka dhan reer galbeedka ah. Farmaajo iyo Maamullada Soomaaliya: Soomaaliya waxaa ka dhisan lix maamul marka lagu daro Somaliland, waxaa xusid mudan in saddex ka mid ah maamulladaasi kana taliya dhulka ugu weyn Soomaaliya aaney Farmaajo salaanta iska qaadin, taasi oo ku tuseysa siyaasadiisa arrimaha gudaha heerka ay joogto. Farmaajo iyo Baarlamaanka: Hey’adaha dowladda gaar ahaan baarlamaanka federaalka waa uu kala jabay sababtana waxaa lahaa Farmaajo, aqalka sare oo ka mid ah baarlamaanka wax xiriir lama laha halka golaha shacabka uu ka dhigay meel uu ka sameysto sida uu doono. Farmaajo iyo Ciidanka: Burburkii kadib, waxaa markii ugu horeysay la arkay ciidamo ku gadooday madaxweyne, taliyaha booliiska gobolka Banaadir, taliyeyaasha ciidamo ku sugnaa labada shabeelle iyo ciidamo kale gaar ahaa, ilaa Villa Somalia loo jirsaday hal kiilomitir, laguna qasbay inuu ka noqdo muddo kordhinta, ilaa hadda ciidamada lama mideyn. Farmaajo iyo Musharaxiinta: Waxaa intaasi dheer, waxaa ka aamin baxay musharaxiintii la tartamayey iyaga oo u arka inuu yahay keligii taliye aan ogoleyn inuu qabto doorasho hufan, oo xor iyo xalaal ah. Ugu dambeyntii, ka baaqashada Farmaajo ee caleemo-saarka madaxweyne Djibouti waxa ay xiriir la leeyahay go’doomintaas uu kala kulmay dunida, gobolka iyo dunida isaga oo maanta ay kusoo hareen oo keliya la taliyeyashii gaarsiiyey heerkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa maanta gadoodsan ka sameeyay Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle. Ciidamada gadoodka sameeyay oo gaaraya Illaa 50 askari oo ka tirsan Ciidamada Haramcad ayaa xirtay waddo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka oo ku taalla Magaalada Jowhar. Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Haramcad ee gadoodka sameeyay ay doonayaan in dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho oo markii hore laga qaaday. Ilaa iyo hadda jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Booliska dowladda Federaalka ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ku aadan gadoodka ciidankaas. PUNTLAND POST The post Booliiska Haramcad oo gadood ka sameeyay magaalada Jowhar appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxana ay kasoo degeen madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ugu maqnaa dalka Jabuuti, ayaa kamid ahaa wufuud caalami ah oo daafaha dunida isaga timi, kuwaas oo ka qaybgalay caleemo-saarka madaxweynaha dalka Jabuuti oo maalintii shalay ahayd qabsoontay. Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxa gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Xumbuli ee magaalada Jabuuti kusoo sagootiyey wasiirka xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo biyaha Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Laba qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib shil gaadhi oo goor dhaweyd ka dhacay degaanka Abaarso ee dhanka galbeed ee magaalada Hargeysa. Maydadka iyo dhaawaca ayaa hadda la keenay cisbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa. Dhinaca kale Cisbitalka ayaa sidoo kale la ‘ keenay maydka nin ku dhacay ceel ku yaal deegaanka Isha Gobka ee koonfurta magaalada Hargaysa. Sidaasi waxaa warbaahinta u xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha caafimaadka. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigeen hub si qarsoodi ah lagu soo geliyey deegaano ka tirsan maamulkaasi, kadib howl-gallo ay ka sameeyeen gobolka Sanaag. Hubkan oo doon lagu keenay ayaa laga soo dajiyey xeebta deegaanka Ceelaayo ee gobolkaasi, waxaana ugu dambeyn gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka ee Puntland. Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in hubkaasi laga keenay dhinaca dalka ay dagaalladu la dageen ee Yemen. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad oo ku aadan hubkaasi, dadka waday iyo sidoo kale cida loo waday. Booliiska Puntland ayaa haatan la wareegay hubkaasi, iyada oo illaa hadda aan loo soo bandhigin warbaahinta iyo shacabka. Puntland ayaa horey hub fara badan oo qaarkood loo siday kooxda Al-Shabaab ku qabatay gudaha maamulkaasi, kadib ay howl-gallo ballaaran oo ay sameeyeen ciidanka amniga. The post Xagee laga keenay hubkii badnaa ee ciidanka Puntland ay maanta gacanta ku dhigeen? appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (HOL) - Travel to the regional capital of Hirshabelle has been cut off after intense flooding rendered the roads unusable, according to local officials and residents. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa si adag kaga hadlay weerarada iyo duqeymaha Israel ay ku heyso dhulka Falastiin, isaga oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay xun tahay falkaasi. Amb. Baalle ayaa xusay in dowladda federaalka ay shacabka Falastiin ku garab taagan tahay inay helaan xuquuqdooda oo dhammeystiran. “Soomaaliya waxa ay Falastiin ku garab-taagan tahay in ay hesho xuquuqdeeda, waa in loo dhisaa Dowlad Madax bannaan oo Caasimadeedu tahay Qudus,” ayuu yiri Mr. Baalle. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladaha caalamka inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay haatan wajahayaan reer Falastiin. “Xaaladda militari ee halista ah waa mid ka dhanka ah Falastiin, waxa aan bulshada caalmaka u soo jeedinayaa in si deg-deg ah wax looga qabto,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u shaacisay mowqifkeeda ku aadan xiisada u dhexeysa Falastiin iyo Israel, iyada oo taageero u muujisay shacabka Falastiin. The post DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay xiisada Falastiin iyo Israel appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Tel aviva)-Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeymo dhowr ah ka geystay guriga hoggaamiyaha ururka Xamaas Yaxya Al Sinwar. Ma kala cadda tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawcantay duqeymihii ugu dambeeyay ee laga geystay Qaza xilli dagaallada ay galeen maalinkii toddobaad. Ururka Xamaas ayaa gantaallo ku riday Israa’iil, arrintaas oo dhalisay cabsi ah inay gabbaad ay raadsadaan. Mar sii horreysay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay sii xooggan uga jawaabi doonto gantaallada Xamaas tan iyo inta amniga dib looga soo celinayo. Wuxuu sheegay in wadahadallo la bilaabo doono oo kaliya ah marka la joojiyo gantaallada lagu ridayo dhinaca Israa’iil. Saraakiisha caafimaadka ee Qaza waxay sheegeen in 150 qof ay kamid yihiin carruur ay ku dhinteen halkaas, halka Israa’iil ay sheegtay in dhinaceeda ay dagaallada kaga dhinteen 10 qof. Source
-
Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal oo taageraya Falastiiniyiinta gabood falada lagu hayo ayaa socod ku maray waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee Yurub sida London, Berlin, Madrid iyo Paris, iyada oo rabshadihii ugu xumaa ee sanado ka dhex dhaca Israel iyo Muslimiinta Qaza ay socdaan. Magaalada London, dhowr kun oo mudaaharaadayaal watay boorar ay ku qoran yihiin “Jooji Qarxinta Gaza” kuna dhawaaqaya “Ha xorowdo Falastiin ” ayaa isugu soo baxay Marble Arch, oo u dhow caasimada Ingiriiska ee Hyde Park, iyaga oo banaanbaxyo ka sameyay Afaafka hore ee safaaradda Israel. Dadka banaanbaxyada ka dhigayay waddooyinka London ayaa gaarayay illaa 150,000 , Boliska magaalada ayaana sheegay in aysan awoodin xakameynta banaan baxayaasha maadama ay aad u tira badan yihiin . dhanka kale Guud ahaan Waqooyiga Ameerika, dhankeeda, isu imaatinno lagu muujinayo midnimada Falastiin ayaa ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Boston, Washington, Montreal iyo Dearborn, Michigan. Dhawr boqol oo qof ayaa isugu soo baxay aagga Bay Ridge ee Brooklyn, ee magaalada New York, iyagoo ku dhawaaqaya “Ha xorowdo Falastiin”. Waxay lulayeen calanka Falastiin waxayna siteen boorar ay ku qornaayeen “Wuu dhamaaday waqtigii Israail ” iyo ” Qaza xor ayey noqoneysa a.” Magaalada Madrid, ee caasimadda dalka Spain waxaa isugu soo baxay dad gaaraya ilaa 2500 oo qof, oo badankood ay yihiin dhalinyaro kor u sidda calanka Falastiin, kuwaas oo socod ku marayay waddooyinak waaweyn ee Spain . Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay magaalada Baarliin ee caasimadda Germany iyo magaalooyin kale oo Jarmalka kuwaas oo taageraya Falastiiniyiinta Yahuudda dhibka ku hayso. Waxaa mudda kooban la fasaxay shaqaalaha degmada degmada Neukoelln ee koonfurta Barliin , halkaas oo ay ku nool yihiin dad aad u tiro badan oo asalkoodu yahay Turki iyo Carab. Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Israel waxayna ku tuurayeen booliska dhagxaan iyo dhalooyin, taasoo keentay in dhowr jeer la xiro waddooyinka magaalada Mudaaharaadyo kale ayaa lagu qabtay magaalooyinka Frankfurt, Leipzig iyo Hamburg ee isla dalka Jarmalka . Griiga, booliisku waxay sheegeen in kudhowaad kun qof ay mudahaaradyo ka sameyeen afaafka hore ee safaarada Mareykanka ee Athens. Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa adeegsaday madfaca biyaha waxaana jiray dagaalo yar yar oo lala galay mudaaharaadayaasha safaarada horteeda, sida ay soo wariyeen wakaaladaha. Magaalada Rome,ee caasimadda dalka Talyaaniga dhowr boqol oo qof ayaa isugu soo ururay agagaarka Santa Maria Maggiore basilica, iyagoo watay calanka Falastiin kuna dhawaaqayay hal ku dhigyo. “Looma baahna inaad Muslim noqotid si aad u taageerto Falastiiniyiinta,” ayeey ku dhawaaqayeen dadka isugu soo baxay magaalada Rome . Dalka Tuniisiya banaanbaxyo ayaa ka dhacay magaalooyin dhowr ah. Boqolaal mudaaharaadayaal ah oo kor u sida Calanka Falastiin ayaa buux dhaafiyay waddooyinka magaalooyinka Tuunis . Magaalooyinka Waaweyn ee Yurub ayaa illa iyo hadda waxaa ka dhacaya Banaanbaxyo Falastiin lagu taagerayo xilli dowladaha yurub ay yaaban yihiin . Xukuumadda Tel Aviv ayaa gabood fallo u geysatay Muslimiinta Falastiin kuwaas oo ka biya diidan in Yahuudda ay gacanta ku dhigaan dhulka barakeysan ee Qaza . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Intelligent and fast paced midfielder Abdulnoor Lukwata is expected to sign a semi-professional contract with Somalia Premier League side Heegan Football Club. Source: Hiiraan Online
-
Does Prime Minister Roble have enough support and independence to ensure elections can be held at last? Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxa guddiga doorashada Ethiopia ayaa sheegtay in ayna macquul ahayn in la qabto doorashada baarlamaanka ee qorshuhu ahaa inay dhacdo 5-ta June, iyadoo aan la sheegin waqtiga cusub ee doorashada la qaban doono. Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa markii uu tallada qabtay saddex sanno ka hor waxa uu ballan qaaday in uu dalka ka saarayo hannaankii xukun ku dheganaanta ahaa, islamarkaana uu qaban doono doorashadii ugu dimoqraadiyadda badnayd ee abid soo marta dalkaasi. Doorashooyinka ayaa markii hore qorsheysnaa bishii August ee sannadkii hore, waxaana dib loogu dhigay sababo la xidhiidha cudurka safmarka ah ee coronavirus, iyadoo dhibaatooyin ay soo kordheen tan iyo waqtigaas oo ay ka mid tahay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray. “Codbixintu ma dhaceyso 5-ta June … ma sheegi karno taariikhda maaddaama guddiga ay tahay in ay darsaan talooyinka ay ka helaan xisbiyada,” ayay tidhi haweeneyda hoggaamisa guddiga doorashada Birtukan Mideksa. Waxa ay ku sababeysay dib u dhac xagga saadka ah, sida dhameystirka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, tababaridda shaqaalaha doorashooyinka, daabacaadda iyo qeybinta waraaqaha codbixinta. “Dhabtii, waxa ay noqotay wax aan macquul ahayn in dhammaantood lagu soo gudbiyo taariikhaha markii hore loo cayimay.” Mideksa ayaa sheegtay in marka la qorsheynayo taarikhda cusub maanka lagu heyn doono xilli roobaadka – oo soconaya bilaha June ilaa September. Iyadoo toddobaadyo ay ka hadhsan tahay doorashada ayaa waxaa jiray astaamo yar oo olole ah, waxaana dhowr xisbi oo mucaarad ah ay qorsheynayeen in ay qaadacaan codbixinta, iyagoo ku tilmaamay mid aan loo sinneyn. Source
-
Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in markale ay dib u dhacday doorashada baarlamaanka dalkaas. Doorashada oo la filayay in ay dhacdo 5-ta bisha June ee sanadkan ayeey sheegen in guddiga sababa la xiriira tirada dadka iska diiwaan geliyay goobaha codbixinta oo aad u yar, xilli dib u dhacaan uu noqonayo midkii labaad kadib markii doorashada Baarlamaanka Itoobaya oo la filayay in ay ay qabsoonto 20-ka August sanadkii hore xukuumadda ay dib u dhigtay sababa la xiriira xanuunka Corona Virus. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Xisbigiisa ayaa markale wajahayo culeysyo siyaasadeed oo kaga imaanaya xisbiyada mucaaradka dalkaas. Birtukan Mideksa, gudoomiyaha gudiga doorashooyinka itoobiya (NEBE), ayaa sheegtay in dib udhaca kuyimid furitaanka goobaha codbixinta iyo diiwaan galinta cod bixiyaasha oo yar ay dib ugu dhigeen maalinta doorashada bilaabmeyso . “Waxaan u sheegi doonnaa qof walba inuu ogaado sida ugu dhakhsaha badan muddada dib u dhaca si loo dhammaystiro howlaha dib-u-dhaca ku yimid , Ma noqon doono wax ka badan 3 toddobaad,” ayeey tiri Birtukan Mideksa, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Itoobiya . Sikastaba sanadkii hore ayey aheyd markii guddiga doorashooyinka ay shaaciyeen in doorashooyinka dalka Itoobiya dib loo dhigay taas oo ka dhalatay dagaallo qaatay Lix bilood oo u dhaxeeyay ciidamada ka amar qaata xukuumadda mudda kororsiga sameysatay iyo qomiyadda Tigreega ee dagta waqooyiga dalkaas. GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay inay istaagtay guud ahaan lacagtii uu qaadi jiray maamulka Gobalka Banaadir ee aheyd canshuurta dowladda Hoose. Lacagtaan Canshuurta ah ayaa laga qaadi jiray goobaha Ganacsiga, Guryaha, Bajaajta iyo hantida kale ee ma guurtada ah ee magaalada Muqdisho.. Sababta ay u istaagtay qaadista lacagta canshuurta ah ayaa lagu sheegay inay shaqada joojisay shirkada si gaar ah loo leeyahay oo nidaamkeedu (System) heerkiisu sarreeyo ay joojisay wada shaqeyntii gobalka, iyadoo sidoo kale diiday inay bixiso xogtii la keydiyay ee sanadihii la soo dhaafay. Shirkadaan oo qaabkeeda shaqada la mid yahay kan wasaaradda maaliyadda canshuurta ku qaado islamarkaana ay aqoonsan yihiin IMF iyo World Bank ayaa weysay lacagto boqolaal kun ah oo ay ku yeelatay dowladda Hoose. Nidaamka shirkadda ayaa sheegi jiray canshuurta iyo goorta la bixiyay haddii muran yimaado ama la isku dayo in laga been sheego xogta lacag bixinta. Sidoo kale waxaa ku keydsanaa xogta hanti badan oo ma guurto ah oo ay leedahay dowladda Hoose ee Xamar. Xogta ayaa tilmaameysa in aysan dowladda hoose helin shirkad kale oo shaqadaan qabata. Sidoo kale waxay xogtu sheegeysaa in haddii la helo shirkad kale ay adkaan karto qabashada shaqada maadaama aan la kala ogayn cidda lacagta bixisay iyo kuwa aan bixin. Saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska maaliyadda ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in bilaha soo socda aysan wax lacag ah oo ka mid ah adeegyada iyo mushaharka bixin karin islamarkaana ay bishaan si dhib leh ku bixiyeen. The post Xog: Lacagtii uu qaadi jiray Maamulka Gobalka Banaadir oo istaagtay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Madaxweyne ku xigeenka waxa magaalada Qardho ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda oo ay ku jiraan wasiiro, xildhibaanno, saraakiil madaxtooyo, maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho. Axmed Karaash ayaa magaalada Qardho kaga qayb-galay munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, kuwaas oo dhowaan laga qaban doono doorashooyin tijaabo ah oo ku salaysan qof iyo cod. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Munaasabadda Xuska halgameyaashii SYL awgeed xaflad maamuus ah la qaatay dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in caqabadaha dib dhigay dalka lagaga gudbi karo in dhallinyaradeennu ay raacaan dhabbihii Halyeeyadii SYL ee mideeyey cududda iyo caqliga shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa dul-istaagay hagardaamooyinkii gumaystuhu uu u gaystay Ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in halgankii, waddaniyaddii iyo wadajirkii aas-aaseyaashii iyo hawl-wadeennadii Ururkii Gobanimo Doonkii SYL ay kala tallaabeen caqabado iyo jallaafooyin waaweyn oo gumaystuhu ku wiiqayey halgankooda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kala qaybinta shacabka Soomaaliyeed si ku salaysan qabiil iyo kooxaysi. “Dadka Soomaaliyeed marnaba ma illaawayaan maamuuska Halgameyaashii SYL iyo in ay iftiinsadaan dhaxalkii waddaniyadeed ee ay uga tageen. Dhallinyaradii SYL waxa ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaqaaqyadii xoreynta dalalka Afrika.” Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dowlad dhiska dalka, adkaynta amniga, xoojinta midnimada iyo wacyi gelinta bulshada, isagoo ku boorriyey in ay dadaalladooda sii labo jibbaaraan si loo taabba-geliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo la jaanqaadi karta dowladaha kale ee caalamka. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay Dhalinyaradii SYL appeared first on Puntland Post.
-
Madaxa guddiga doorashada Ethiopia ayaa sheegtay in aysan macquul ahayn in la qabto doorashada baarlamaanka ee qorshuhu ahaa in ay dhacdo 5-ta June, iyadoo aan la sheegin waqtiga cusub ee doorashada la qaban doono. Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed ayaa kolkii uu talada qabtay saddex sano ka hor waxa uu ballan qaaday in uu dalka ka saarayo hannaankii xukun ku dheganaanta ahaa, islamarkaana uu qaban doono doorashadii ugu dimoqraadiyadda badnayd ee abid soo marta dalkaasi. Doorashooyinka ayaa markii hore qorsheysnaa bishii August ee sanadkii hore, waxaana dib loogu dhigay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee coronavirus, iyadoo dhibaatooyin ay soo kordheen tan iyo waqtigaas oo ay ka mid tahay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray. Waxa ay ku sababeysay dib u dhac xagga saadka ah, sida dhameystirka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, tababaridda shaqaalaha doorashooyinka, daabacaadda iyo qeybinta waraaqaha codbixinta. PUNTLAND POST The post Doorashada Ethiopia oo mar kale dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa inay sii gashay xaalad adag, kadib markii uu maalmihii lasoo dhaafay ku fatahay webiga Shabelle oo kar-kaaraha jabsaday. Magaalada oo dhan ayaa go’doon gashay waxaana go’ay jidadkii magaalada, kuwaas oo sababay inay istaagaan isku socdka gaadiidka isaga kala goosha halkaasi. Sidoo kale waxaa gabi ahaan xirmay garoonka diyaaradaha Jowhar, iyada oo haatan kaliya la adeegsanayo doono, si gudaha loogu galo magaaladaasi. Cabdi Mahad Cabdullahi Qoorgaab oo ah wasiirka gargaarka iyo maareynta muusiibooyinka maamulka HirShabelle oo uu warrmayaVOA ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Jowhar, isaga oo sheegay in dhammaan uu istaagay isku socodka gaadiidka. “Magaalada Jowhar waxa ay ku sugan tahay xaalad fatahaad ah, waxaana ku fatahay Wabiga Shabeelle oo biyo badan ka keenay labada buq ee Baarey & Mookey, Magaalada waxaa la isaga kala gudbayaa doon oo socodka Gaadiidka gudaha & Garoonka Diyaaradaha wuu istaagay” ayuu yiri Wasiir Cabdi Mahad oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA-da. HirShabelle ayaa haatan la taacaleysa xaalad adag oo ka dhalatay fahaadda webiga Shabelle oo marar badan kusoo noqo-noqtay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. The post Xaaladda Jowhar oo ka dartay iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.