-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Getachew K Reda oo kamid ahaa lataliyayaasha sarsare ee Madaxweynihii Tigreyga ayaa lagusoo waramayaa in la qabtay shalay oo sabti ahayd. Hadal lagasoo xigtay Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa lagu sheegey in la qabtay Getachew K Reda oo mudo lagu taad joogay. Ciidamada Dowlada Itoobiya ayaa Mudadii u dambaysay waxay ugaarsanay een Siyaasiyiinta Tigreyga. Puntlandi.com Muqdisho The post Itoobiya oo sheegtay inay qabteen mid kamida Hogaamiyayaasha Tigrey appeared first on . Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirrada laba ruux oo ay sheegeen in laga qabo tuhunka ugu badan ee ah in ay ka dambeeyeen afduubkii dhowaan loo geystay gabar Soomaali ah oo ku nool gudaha Nairobi. Hay’adda dambi baarista Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa barteeda Internet-ka ku faafisay in ciidamada ammaanka ay gsaaka acanta kusoo dhigeen haweeney iyo nin Kenyaan ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen afduubkii Xafsa Maxamed Luqmaan oo aheyd gabar Soomaaliyeed oo ganacsato ah, kuna mid ah Soomaalida xaafadda Islii DCI waxay sheegtay in labadan ruux ay gacanta ku soo dhigeen, kadib howl-gal gaar ah oo subaxnimadii hore ee maanta ay sameeyeen ciidamada sirdoonka dowladda Kenya. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in labada ruux ee ay soo qabteen ciidamada amniga iyaga oo ku sugan hotel ku yaalla magaalada Nairobi oo ay ku dhuumaaleysanayeen. Sirdoonka Kenya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in cid waliba ay uga digayaan afduubka, qof walba oo falkaasi lagu helana la ciqaabi doono. Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa 15-kii bishan June lagu afduubtay gudaha magaalada Nairobi, waxaana ugu dambeyn Booliska ay soo bad-baadiyeen 20-kii bishan, kadib marki guri afduub ahaan loogu heystay oo ku yaalla tuulada Matopeni ee deegaanka Kayole, waxaana ka muuqday dhaawacyo iyo jirdil xoogan ay u geysteen afduubayaasha. Soomaalida ku dhaqan gudaha dalka Kenya ayaa walaac xoogan ka muujiyey afduubka iyo tacadiyada ay la kulmayaan haweenka Soomaaliyeed ee ku nooql dalkaasi oo sare u kacay. The post Kenya oo dad horleh usoo qabatay afduubkii Xafsa Maxamed + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Muqdisho waxaa ka furmaya Shir ay isugu imaanayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Raysal wasaare Rooble, Shirka oo looga arinsanayo Qodobo kamida Heshiiskii Horay loo wada gaaray ee Doorashada. Madaxweynaha Hirshabele Cali Guudlaawe ayaa ka carooday ka qaybgalka Shirka wuxuuna sheegey in aan isaga lagu wargalin qabsoomida Shirka. Qodobka xasaasiga ah ee sababay in kulankaan la isugu yimaado ayaa ah qodob kamida Heshiiskii 17 Sebtembar, waana Qodobka Doorasha Deegaanka. Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa gadaal ka riixaya in Doorashada Hirshabele ay ka dhacdo hal goob oo ah Jowhar. Madaxweyneha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna sheegey in Hadii Hirshabelle ay Doorashadu ka dhacayso hal meel in Isagana loo ogolaado in Doorashadu ay ka dhacdo Kismaayo oo qura . Muranka Qodobkaan ayaa cirka isku shareeray tasoo keentay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu Dalbado in shir degdeg ah la isugu yimaado si looga arinsado Qodobkaan . Maantanoo Axada ayaa la filayay in kulanku furmo waxaase dhici karta in uu dib u dhaco maadaama Madaxda Dowlad Goboleedyada ay qaar wali maqan yihiin. Puntlandi.com Muqdisho The post Shir xasaasi ah oo maanta ka furmaya Muqdisho appeared first on . Source
-
Wararka naga soo gaarayo deegaanka Wisil ee hoostaga magaalada Hobyo ee goblka Mudug ayaa sheegaya in saaka dagaal uu ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Ururka Al-shabaab. Dagaalka ayaa bilawday kadib markii xubna ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in subaxnimadii hore ee saaka ay ku waabariisteen dhawaqa rasaasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Al-shabaab iyo ciidamada daraawiishta Galmudug ku dhex maray deegaanka Wisil ee gobalka Mudug. Wixii Faahfaahin ah ee warkaan ku soo kordha kala soco Goobjoog Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo saaka ka dhacay degaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug. Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku billowday qarax is-miidaamin ah oo loo aadeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ku qaadeen saldhigyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin deegaankaasi oo u dhexeeyo Hobyo iyo Gaalkacyo. Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac. Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi waxa ay shaacisay inay ku dishay illaa 34 askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 21-aad ee ku sugan halkaas. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in muddo koobgan ay wareegtay gacan ku heynta deegaanka Wisil, sida ay hadalka u dhigtay. Dhankooda saraakiil u hadashay ciidamada dowladdda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxdaasi, isla-markaana ay dib ugu noqdeen deegaanka Wisil. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Maalmihii u dambeeyey waxaa deegaanada Galmudug ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan Al-Shabaab & sidoo kale ciidamada huwanta ay ka wadeen gobollada Galgaduud iyo Mudug. The post Al-Shabaab oo weerar ku billowday ismiidaamin ka fulisay Mudug + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Ankara)-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar, Samiix Shukri ayaa sheegay in xilligan la joojiyey Wada-xaajoodkii Diblomaasiyadeed Ee Turkiga, isla markaana aanu jirin Wafti Masaari ah oo ku waajahan dalkaasi. Wasiirka oo Wareysi siiyey TV Maxali ah waxa uu ku nuuxnuuxsaday in ayna jirin wax Taariikh Rasmi ah oo ay labada Dowladood dib ugu eegi doonaan Xidhiidhkooda Diplomaasiyadeed. “Waxaan rajeynaynaa in Xidhiidhka labada dal asaas u noqdo qoddobada waa weyn ee Deganaanshaha Xidhiidhadda Caalamiga, Faragelin La’aanta Arrimaha Gudaha iyo Deris Wanaaga” ayuu yidhi Wasiir Samiix Shukri. Waxa uu intaasi ku daray inaan la oggolaan doonin dhaqdhaqaaq kasta oo dhul Dowladeed oo loo adeegsanayo Deganaansho La’aanta dal kale. Wasiirka waxa uu si kulul u naqdiyey La-taliyaha Madaxweynaha Turkiga, Yaasiin Aktay, kaasi oo dhaliilay Qawaaniinta Dowladda Masar ee ka dhanka ah Hoggaamiyayaasha iyo xubnaha Ururka Akhwaanul-Muslimiinka ee Masar laga mamnuucay. Maqaal uu La-taliyaha Madaxweyne Erdogan dhawaan ku qoray Wargeyska Turkishka ee YENI SAFAK waxa uu ku soo hadal-qaaday Sanad-guuradii 8-aad ee ka soo wareegtay waxa uu ugu yeedhay Afgembiga Milliteri ee Masar ka dhacay. Inkastoo uu Xidhiidhka Masar iyo Turkiga uu mar kale xumaaday, haddana waxaa socday Isku-day Diplomaasiyadeed oo lagu hagaajin lahaa Xurgufta ka dhex aloosan, iyadoo Wafdi Turkish ah ay Qaahiar booqdeen bishii la soo dhaafay ee May 5-dii ilaa 6-dii, kadib markii ay Dowladda Masar ka heleen Casuumaad Rasmi ah. Source
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa waaberigii hore ee saaka dil toogasho ah ku fulisay xubna ka tirsan ururka Al-shabaab. Gen. Maxamuud Cabdi Maxamed guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Puntland ayaa sheegay in raggaan oo gaaraya illaa iyo 18 xubnood oo horay uga tirsanaa ururka Alshabaab ay dilal ka geysteen deeganada Puntland Maantana lagu fuliyay dil toogasho ah . Raggaan xukunka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu toogtay magaalada Gaalkacayo dhinaca Puntland . dhanka kale magaalooyinka Qardho iyo Garowe ayaa la sheegay in lagu toogtay seddax xubnood oo kale kuwaas oo horay maxkamadda u xukuntay . Xubnaha la toogtay saaka ayaa wadar ahaan waxa ay gaarayaan 21 xubnood kuwaas oo shabaab ka tirsanaa, iyadoo maxkamadda ku fulisay qisaasta dadkii ay dileen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT- Gaalkacyo)-Maxkamadda Ciidamada dowlad Gobolleedka Puntland ayaa saaka oo ah Axad ah xukun dil toogasho ah ku fulisay rag badan oo ka tarsan Al-shabaab, kuwaasi oo hore Maxkamadda xukuno dil ah ugu riday. Goob fagaare ah oo ku taalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa lagu toogtay 18 xubnood oo lagu helayo inay ka dambeeyeen dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo dad kale oo ka dhacay halkaas. Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa goobjoog ka ahaa goobta xukunka dilka toogashada uu ka dhacayay, waxaana xubnaha la toogtay dhammaatood ay la sheegay inay tirsanaayeen Al-shabaab. Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri) ayaa kamid ah xubnaha saaka xukunka lagu fuliyay, kuwaasi oo hore loogu soo qabtay howlgallo la sameeyay. Waa markii horreeysay oo Puntland xukun dil toogasho ah ku fulisay in ka badan 15 xubnood oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, isla markaana ay fuliyeen dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo oo Mas’uuliyiin iyo dad kala duwan lagu dilay. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa saaka toogasho ku fuliyey llaa 21 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ay horey xukun dil ah ugu ridday maxkamadda ciidamada maamulkaasi oo go’aan ka gaartay kiiskooda. Xubnaha la toogtay oo dhammaan rag ah ayaa waxaa ay ahaayeen shabakado isku xirnaa oo ay Puntland ku eedeysay inay dad badan ku dileen magaalooyinka maamulkaasi. Toogashada ayaa ka kala dhacday Gaalkacyo oo lagu dilay 18 xubnood, Garoowe oo lagu toogtay labo xubnood iyo xubin kale oo lagu toogtay magaalada Qardho ee gobolka Bari. Sidoo kale ragga la toogtay waxaa ku jiray saraakiil sar-sare oo horey wareysiyo looga qaaday, kuwaas oo qirtay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, isla-markaana ay dilal iyo qaraxyo khasaare dhaliyey ka fuliyeen Puntland, waxaana ka mid ahaa Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-Dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (Jeeri). Si kastaba waa markii ugu horreysay oo hal maalin oo kaliya toogasho lagu fuliyo dad gaaraya 21 ruux gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ahaa xoogaga Al-Shabaab. Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo fadhigooda uu yahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. The post Puntland oo dil toogasho ah ku fulisay 21 ka tirsanaa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in aysan ka qeyb galeynin shirka wadatashiga doorashooyinka oo uu ku baaqay ra’iisul wasaare Rooble . War ka soo baxay Hirshabeelle ayaa sidoo kale lagu sheegay in Hirshabeelle aysan qeyb ka aheyn shirka Muqdisho madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada uga furmayo . “Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Hirsahabeelle Hirshabeelle ayaana xustay in ay maamulka Guudlaawe aan laga tala gelin qabsoomidda shirka doorashada ee Muqdisho . “Dowladda Hirshabeelle maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya Dowladda Hirshabeelle.” ayaa lagu daray warka ka soo baxay Hirshabeelle. “Ugu dambeyn Hirshabeelle waxa ay dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.” Shirkan oo lagu balan sanaa in shalay oo sabti ah ka furmo maagaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay kadib markii madaxda qaar ay kasoo dib dhaceen waqtigii lagu balamay shirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-London)-Wasiirkii Caafimaadka Britain Matt Hancock ayaa is casilay kadib markii la sawiray isagoo dhunkanaya haweeney u ahayd kaaliye. Matt Hancock ayaa hase ahaatee waxa uu sheegay inuu isu casilay kadib markii uu jabiyay xeerarka ka hortagga cudurka Covid 19. Siyaasiga xaaska leh ayaa la sawiray isaga oo dhunkanaya isla markaana isku duuban la-taliyihiisa, waxayna majaladda The Sun ee Ingiriiska ka soo baxda qortay inuu xidhiidh la leeyahay. Wargeysku wuxuu ku warramay in sawirradu ahaayeen May 6, laba toddobaad ka hor inta aan loo fasaxin dadka inay isku dhowaan karaan gudaha England. “Waxaan u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha inaan iska casilay xilka Xoghayaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada … Kuweena sameeya xeerarka waa inaan ku adkaysanno inaan ilaalino, waana taas sababta aan u casilay,” Hancock ayuu ku yidhi muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Hancock ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa saarnaa cadaadis la xadhiidha sida uu u maareeyay cudurka coronavirus ee ka dillaacay dalka Britain. Illaa hadda, in ka badan 128,000 oo qof ayaa ku dhintay Boqortooyada Midowday (Covid-19) – waana dhimashadii ugu badneyd ee Yurub. Source
-
UK Health Secretary Matt Hancock resigns after Covid breach
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
UK Health Secretary Matt Hancock resigned on Saturday following revelations he broke government coronavirus restrictions during an affair with a close aide, with former finance minister Sajid Javid taking up the role. Source: Hiiraan Online -
Dowladda Puntland ayaa Saaka oo Axad ah Gaalkacyo ku toogatay 18 xubnood, oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab. Maxkamadda ciidamada Puntland, ayaa hore xukun dil ah ugu ridday raggan oo ka kooban shabakado Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada Gobolka Mudug, gaar ahaaanna magaalada Gaalkacyo. Xukmanayaasha la toogtay waxa ku jira, horjoogayaal sare oo wareysiyo laga qaaday ku qirtay in ay hoggaamin jireen Amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Mudug. Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri) ayaa kamid ah horjoogayaasha saaka lagu toogtay Gaalkacyo. Sidoo kale, caasimadda Garoowe waxa saaka lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo lagu hayay xabsiga weyn ee Garoowe, halka magaalada Qardho lagu toogtay hal xubin oo Shabaab ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo Saaka dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.
-
On the side of a rural highway leading south from the city of Kaya in central Burkina Faso, Boureima Ouedraogo mixes gold ore slurry with soapy water in a rusted oil drum, then pours it down a crude metal sluice into a shallow pit. He plies a small mine just over a stubby plateau nearby with a dozen other men, some of whom are mixing clean ore with toxic mercury in blue plastic tubs. Two months ago, Ouedraogo was forced to flee a mining site near Solhan, a village 100 miles to the east. “They wore turbans and they had guns, and 100 of them came one day riding motorbikes and shooting,” says Ouedraogo, one of the more than 1m artisanal miners who excavate half the gold in Burkina Faso, much of which ends up being refined in Dubai. “They said you guys have to leave or you’re dead, so I ran.” Solhan lies in northeastern Burkina Faso, which forms part of the tri-state region with Mali and Niger that has for the last few years been at the centre of a surge in jihadi activity, killing thousands, displacing millions and rendering wide swaths of the region completely ungoverned. The wave of violence, now increasingly targeting gold mining areas, is threatening to destabilise the wider region, including coastal states such as Ivory Coast and Ghana. “There is a big danger because these terrorists’ goal is to be able to manoeuvre from the coastal states to the Sahara,” a region bigger than western Europe, says Zéphirin Diabré, federal minister of reconciliation. If the Sahel collapses, there will be “a domino effect of insecurity, wholesale violence [and a] breakdown of borders as internally displaced persons spread across the Sahel, first into ‘safer’ countries within the region and then across to Europe,” says Ayisha Osori, head of the Dakar-based Open Society Initiative for West Africa. On June 4, extremists on motorcycles arrived in Solhan, a centre for gold mining in the area, and massacred more than 130 people. The government and the UN said last week that the assailants were mostly children aged 12 to 14. It was the deadliest attack in the country’s history, and a visceral sign of how Islamists, keen for lucrative sources of funding, are directly targeting the country’s thousands of artisanal mines, which together are estimated to produce up to 30 tonnes of gold a year. After the attack Burkina Faso’s Sahel region announced a ban on all artisanal mining — recognition of the growing link between extremism and gold. Men like Ouedraogo are at the sharp end of the surge in gold mining across the Sahel. Beyond the reach of governments, which often receive no tax on its extraction, criminal gangs including jihadi groups are taking control of informal mining sites. Burkinabè gold is mostly smuggled through the country’s porous border with Togo and flown to Dubai for refining. Wealthy consumers end up buying the finished products unaware of the illicit production or export process. Diabré, a former mines and industry minister, says the terrorists are trying to acquire more territory in mining regions “because it’s a source of revenue” — gold prices have soared roughly 30 per cent to around $1,800 an ounce in the last two years. Burkina Faso is Africa’s fourth-biggest producer, according to the World Gold Council, which includes estimates of artisanal output. “What happened in Solhan, it had to do with the [desire] of these terrorist groups to take hold of these artisanal mines,” says Diabré. “The terrorists want to grab hold of them to be able to exploit them for resources and money.” ‘They need gold’ Gold mining can be a murky business. Artisanal processing by the likes of Ouedraogo and his colleagues is fraught with health and environmental issues. Children often work in small-scale mines. The informal side has long been a playground for money launderers, smugglers and criminals. Unlike precious stones, traceability remains elusive — there is no equivalent of the flawed Kimberley Process for diamonds. In part that is because it is not as easy to chemically trace a particular piece of gold to a specific mine. Gold from all over the world gets melted together in refining centres such as Dubai, where most west African gold is shipped before it heads to jewellers in the west, India and China. Deposits of the precious metal are abundant in countries across Africa, especially the Sahel region. Like other natural resources, it can be a curse for local populations. A 2019 Reuters report detailed how billions of dollars worth of gold is smuggled from Africa into the United Arab Emirates every year, skirting trade rules and depriving African governments of much-needed tax revenue. Traders in the region confirmed that much of the Sahel’s artisanally mined gold is smuggled into Togo, where it is taxed at the country’s lower rate, before being flown off to Dubai, mostly in hand luggage on commercial flights. A 2018 OECD study suggested that around 20 tonnes of gold is smuggled into Togo from Burkina Faso each year. Much of the gold excavated in Burkina Faso ends up being refined in Dubai © Francois Nel/Getty Images As gold prices soared from the early 2000s, industrial mining took off in Burkina Faso. The production surge drove the metal to the top of its export list — from 2 per cent of all exports in 2007 to 77.5 per cent in 2019, according to MIT’s Observatory of Economic Complexity. Meanwhile, an artisanal gold rush has swept the Sahel since a rich seam from Sudan to Mauritania was discovered by artisanal miners nine years ago. Small-scale miners now produce 20-50 tonnes of gold in Mali, 10-30 tonnes in Burkina Faso and 10-15 tonnes in Niger, according to a 2019 International Crisis Group report, employing more than 2m people directly and 6m indirectly. Burkina Faso’s 1m artisanal miners support roughly five dependants each, according to UN estimates, covering a quarter of the country’s population. Armed groups in all three countries have been seizing sites since at least 2016, according to ICG, which noted that some major artisanal miners are also key drug traffickers. In December, Interpol seized 40,000 sticks of dynamite during an operation at land borders in Burkina Faso, Ivory Coast, Mali and Niger: “all intended for illegal gold mining which constitutes a new source of financing, and even a recruiting ground, for armed terrorist groups in the Sahel.” Some mining sites are secured by volunteer self-defence forces, such as the Koglweogo in Burkina Faso, traditional hunters such as the Dozo in Mali and rebel groups in Niger. But in the tri-border region, where violence is at its most potent and the reach of the state minimal, the takeover of artisanal mining by extremist groups is spreading at an alarming pace, particularly in Burkina Faso. “In the beginning they weren’t targeting mining sites so much, but now they are,” says Dieudonné Nonaba, president of the Wendkouni Association of Namentenga province, an NGO that works with artisanal miners. “And it is only increasing.” Daniel Eizenga, research fellow at the US defence department’s Africa Center for Strategic Studies, says the violence in Burkina Faso over the past year is “more and more concentrated in areas where we know there are also concentrations of gold . . . it’s pretty clear that those are related”. The three countries have been at the centre of a dynamic mix of violence that has spread across the region ever since Tuareg rebels joined Islamist groups to capture northern Mali in 2012, only to be pushed out by the extremists. France intervened to crush the insurgency in 2013 but is now overhauling its Operation Barkhane counterterror mission in an effort to get a grip on the crisis. But that original jihadi-rebel marriage of convenience in Mali is typical of the grey zone of criminality in the Sahel, where a man might be a smuggler, an extremist, a rebel, a bandit or an ethnic militia member depending on the day or the context. The main jihadi groups in the Sahel are the al-Qaeda-linked Jama’at Nasr al-Islam wal Muslimin, a coalition of groups that is more widespread and has engaged in negotiations with authorities in Mali and Burkina Faso; and Islamic State in the Greater Sahara, an IS offshoot which is considered more brutal and unwilling to negotiate with governments. Both groups have exploited existing communal tensions in the region, slipping in and out of alliances with ethnic militias. Each makes money from cattle rustling, kidnapping for ransom, and a protection racket for smuggling routes, through which cigarettes, drugs, arms and people cross the Sahel and the Sahara Desert. With ports and borders shut many of those revenue streams slumped during the coronavirus pandemic, driving both JNIM and ISGS further into gold, says Christian Nellemann, director of Rhipto, a UN-linked non-profit Norwegian security analysis group. In the Gourma area of Mali, for example, the two groups, until recently collaborators, have for the past year been engaged in a fierce battle, including for control of mining sites. “The critical thing is that if these groups want to get big, they need financing. It’s only in the movies that a Kalashnikov is the price of a chicken,” he says. “They desperately need gold.” ‘A kind of mafia’ Sitting at his home on the outskirts of Kaya, Kibsa Ouedraogo is surrounded by masks and statues from his life as an antique dealer. Now he serves as head of the Volunteers for the Defence of the Homeland (VDP, by its French initials) in the Centre-Nord region, which borders the Sahel and East regions that have been the hardest hit by extremist violence. The VDP — farmers and hunters given two weeks training and an AK-47 — are the frontline in the fight against extremism and the main defence for many mining villages. They’ve also been accused of gross human rights violations. They get little support from the military, Kibsa says: “We ask for help and no one comes.” The Burkinabè government has not officially acknowledged any negotiations with terrorist groups. But Kibsa says that three months ago he was invited to three rounds of talks in Kaya, where, he says, military and government officials, international NGO workers and traditional leaders were also present. Similar localised negotiations on ceasefires have been held in other parts of the country. This agreement lasted one month. “We laid down our weapons but the terrorists did not — they kept attacking us,” he says. “They took advantage of it to expand their territory.” Kibsa is chief of the village of Noaka, 29km away and surrounded by mining sites. “The terrorists hear that this site or that one is thriving with gold, and then they target those sites — they can kill everyone or they take control and take taxes,” he says. “To me, it’s not about religion — it’s a kind of mafia.” Mahamadou Sawadogo, a Burkinabè security analyst, says jihadi groups spent the last year expanding their territory around the country. “No matter which region, their first target is to control the mining area,” he says. “It’s their top revenue source, and also a good place for them to recruit young men.” After initial threats some Islamist groups work to build trust, says Sawadogo. If artisanal mining has been outlawed locally, they tell miners to work and that they will guarantee their safety, highlighting the difficulties for authorities trying to impose bans. “No more robbery, no more banditry, no more [communal] feuds,” he says. Crucially, they also buy gold, “and they pay the normal [market] price”. In some ways, the jihadis step in for a government that has long abandoned the area, and is unable to oust them. They can exploit local frustration with government policy that many argue favours the foreign industrial mining groups which have also been subjected to major attacks by Islamists. “They engage in more low-level violence to maintain compliance from populations and regulate social behaviour in areas under their influence, including at artisanal mining sites,” says Heni Nsaibia, Sahel analyst at the US-based Armed Conflict Location and Event Data Project. ‘It is only spreading’ Artisanal mining is back-breakingly hard work. In the western Sahel, it is also often the only work available. Men set out for territory they’ve heard is promising, hoping to get lucky. They pay the local community for access and spend months digging by hand. If they’re lucky enough to strike gold, they might be robbed by bandits. Sometimes ethnic tensions bubble up between miners and locals and there is bloodshed. And, increasingly, young men on motorcycles arrive and tell the miners to cut their trousers and grow their beards. And then the luckier among them flee, to start all over again somewhere new. At a roadside café in the capital Ouagadougou, two miners who recently fled the north speak about their three decades in the industry. Rasmane Ilboudo, 52, says he first encountered extremists three years ago, but has since had nearly a dozen run-ins. In late May, scores of men rode into Sonda, where Ilboudo was working, just down the road from Solhan. “They set up camp, and now they run the mine,” he says. Sana Seydou, 53, says the last attack he witnessed was near Bouroum, about a month ago, in a Centre-Nord area where the jihadis operate openly. “You see the terrorists in the market,” he says. They usually come to the mine and preach. “They say you should grow your beard, wear short trousers and pray every day,” he says. Asked how he responds to the threats, he laughs ruefully. “Look at my beard!” he says, tugging the hairs on his chin. For artisanal miners such as Seydou and Ilboudo, the Islamists’ increased focus on gold heralds an ever more precarious future in one of the most neglected places on earth, as high prices for the precious metal beneath their soil fuels mining activity — and extremists embed deeper into their lives. Ilboudo says he’ll probably never return to the north. Instead, they have started mining in the south-west, which is less affected by violence. But extremist activity has spread to another porous tri-border area, where Mali, Burkina Faso and Ivory Coast meet. Data from Acled illustrates how jihadi activity has grown around artisanal mining areas along Burkina Faso’s southern borders with Ivory Coast and Ghana. “We know they could come there too,” Ilboudo says. “It’s not diminishing — it’s only spreading.” Both say every miner they know has a story of an encounter with jihadis. The others are dead. “The terrorists say, wherever you go, we will find you,” Ilboudo adds. “Anywhere you go to, they say, we’re coming.” Source: Financial Times The post Instability in the Sahel: how a jihadi gold rush is fuelling violence in Africa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa si lama filaan ah u qaadacay shirka ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada uga furmaya magaalada Muqdisho ee ku saabsan arrimaha doorashada. “Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay HirShabelle. Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada HirShabelle ayaa qaadacaadda sabab looga dhigay inaan lagala tashin qabsoomidda shirkan. “Dowladda HirShabeele maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya dowladda HirShabelle,” ayey tiri HirShabelle HirShabelle ayaa ugu dambeyn sheegtay inay dhowri doonto fulinta heshiiskii 17-kii September iyo kii 27-kii May ee lagu saxiixay magaalada Muqdisho. Marka laga soo tago sababta ay sheegtay HirShabelle, haddana ma cadda ujeedka dhabta ah ee ka dambeeya qaadacaadda Guudlaawe ee shirka, oo la rumeysan yahay in mid ka mid ah qodobada looga hadli doono uu ka mid yahay qodob si gaar ah isaga ugu daneynaya, kaasi oo ah in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo. Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, oo laga diidan yahay magaalooyinka Beledweyne iyo Garbahaarey ayaa olole ugu jiray in doorashooyinka ay ka dhacaan hal magaalo, maalmulkiiba, si ay ugu qabtaan kaliya Jowhar iyo Kismaayo. Go’aanka uu Guudlaawe qaatay ayaa waxaa durba soo dhoweeyey qaar ka mid ah taageerayaasha madaxweyne Farmaajo, taasi oo dhalineysa tuhun ku saabsan in qaadacaddiisa ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia, inkasta oo aysan caddeyn danta ugu jirta. The post Guudlaawe oo qaadacay shirka ka furmaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Bilyaneerka ugu da’da yar UK ee bilaa xafiiska ah Johnny Boufarhat Johnny Boufarhat wuxuu muddo 2 sano gudahood ku sameeyay in ka badan $ 5.6 bilyan oo doolar kadib markii u furtay shirkad qaabilsan qabashada shirarka Online-ka. Wuxuu shaqaaleysiiyay in ka badan 500 qof, dadkaas intooda badan weligood ma aysan la kulmin ninkan maadama uusan laheyn wax xafiis ah. Sida laga soo xigtay wargeyska The Sunday Times oo soo bandhigay liiska dadka ugu taajirsan UK, Johnny Boufarhat oo 27 jir ah wuxuu noqonayaa bilyaneerka ugu taajirsan UK. Ninkan ayaa wuxuu jecel yahay in uu soo bandhigo shaqooyin kheyrul caadi ah. Shirkaddiisa ma lahan xafiis, wuxuu shaqada ka qabtaa hadba halka uu tego, Johnny Boufarhat ma lahan xitaa guri joogta ah. “In shirkaddeyda ay shaqeyso iyadoo aysan xafiis ah laheyn waxay inoo suurogelisay in aan sameyno waxyaabo aysan horey u qaban shirkadaha kale” ayuu yiri Johnny Boufarhat. “10 sano ka hor ma awoodin in aan sameeyo arrintani sababta oo qalabka Online-ka ee suurtogeliyay ganacsigan ma jirin, xitaa waxaa adkeyd in si wanaagsan laisugu dhex diro Email-lada” ayuu yiri Boufarhat. Wuxuu intaas ku daray in laga shaqeeyo meelo ka baxsan xafiisyada waxay noqotay arrin waxtar weyn soo kordhineyso isla markaana horseedeyso in ganacsiga uu ballaarto. Wakhtiga ugu haboon Shirkaddiisa Online-ka ee Hopin wuxuu sanadkii 2019-ka ku bilaabay lix shaqaale ah oo kaliya ah balse wuxuu dhaqaale badan sameeyay kadib saameynta ka dhalatay safmarka Karoona taas oo horseeday in uu hakad galo ganacsiga adduunka. Shirkaddiisa waxaa uu suurtogashay inay qabato in ka badan 80,000 oo shirar ah tan iyo sanadkii 2020, wuxuu la shaqeeyaa hay’ado iyo shirkado sida Qaramada Midoobey, gaashaanbuurta Nato, Slack iyo Unilever. Haatan uma yaallo wax qorshe ah oo ku aadan in uu wax ka baddalo sida uu hadda u shaqeeyo. Boufarhat oo ku sugan Barcelona xilli uu shaqadiisa halkaas ka watay Wuxuu qaaday dhabbo ganacsi oo casri ah oo muujin kara in mustaqbalka la hirgelin karo shirkado u shaqeeyo noocan. Wuxuu shaqaalihiisa ka kooban 500 bil kasta u qabtaa kulan Online-ka ah oo wax laisaga weyddiyo waxa u qabsoomay iyo caqabadaha taagan . “In laga shaqeeyo meel aan xafiis aheyn waxay inoo suurtogelisay in aan shaqaaleysiino dad kala duwan oo caalamka ku sugan” ayuu yiri Johnny Boufarhat. ‘Wuxuu ii horseeday isbaddalkan’ Sheekadiisa waa mid dhiirogelin leh-waxay fikraddan aasaaska shirkadda Hopin ku bilaabatay markii uu ku xanuunsaday London. Qoyskiisa waxay kasoo jeedaan dalka Lubnaan balse wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray Australia ka hor inta uusan soo aadin London isaga oo da’yar. Wuxuu sanadkii 2015-kii u safray Koonfur Bari Asia kadib markii uu ka qalin jebiyay jaamacadda Manchester gaar ahaan kuliyadda Injineernimada. Shirkaddiisa Hopin waxay qaabilsan tahay shirarka Online-ka “Wuxuu xanuunka ii horseeday in la yimaado isbaddal, xitaa guriga kama bixi karin, muddo ka badan sanad, waxaan go’aansaday in aan noloshaas go’adoonka ah aanan kusii jiri karin” Wuxuu in muddo ah ku shaqeynayay shaqo aan joogto aheyn oo ku saabsan barnaamijayada ganacsiga ee Online-ka si noloshiisa uu ugu dabaro. Sanadkii 2019 waxaa ugu dambeyntii u suurogashay in uu hirgeliyo shirkaddiisa Hopin taas oo uu ka macaashay kadib saameynta ka dhalatay safmarka Karoona. Qaran News
-
Diyaarad siday madaxweyne oo rasaas lala dhacay Madaxweynaha Colombia oo ka hadlay weerarka Waxaa la rasaaseeyay diyaarad siday madaxweynaha Colombia xilli ay mareysay meel u dhaw hawada xadka Venezuela. Madaxweyne Iván Duque ayaa ku wajahnaa gobolka Norte de Santander, waxaana diyaarad la saarnaa wasiirada gaashaandhigga, arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha gobolkaas. Afhayeen u hadlay madaxweynaha ayaa sheegay in cidna aysan waxyeello kasoo gaarin weerarka. Madaxweynaha Colombia Iván Duque ayaa dhacdada ku tilmaamay ‘weerar fuleynimo ah’ Wuxuu intaas ku daray in aysan ka nixinin weerarka argagixisada ah. “Gobolkeena waa mid awood leh, Colombia waxay awood u leedahay inay ka hortagto halista noocan ah” ayuu yiri madaxweynaha. Wuxuu sidoo kale sheegay in laamaha amniga la faray inay raadiyaan kooxihiin ka dambeeyay weerarka lagu qaaday diyaaraddaas. Dowladda oo baahisay waxyeellada soo gaartay diyaaradda siday madaxweynaha kadib weerarka Sawirrada diyaaradda Wargeys maxalli ah oo lagu magacaabo Semana ayaa ku warramay in la maqlay dhawaaqa rasaasta isla markaana ay u muuqato in rasaasta ay haleeshay matoorka diyaaradda xilli ay soo dageysay. Ciidamada qaran ee xoreynta ee u jaanjeera dhinaca bidixda ELN ayaa ka howlgalaa gobolka Catatumbo iyo deegaanada xadka Colombia uu la wadaago Venezueala. Waxaa ururka ELN la aasaasay sanadkii 1964, waxay u diriraan ka hortagga sinaan la’aanta dhanka dhulka iyo kheyraadka, kooxda ELN waa jabhadda ugu weyn ee ka howlgasha Colombia. Dowladda Colombia, Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay ku tilmaameen urur argagixiso. Horraantii bishan, ELN waxay beenisay inay ka dambeysay weerar lagu qaaday saldhig militeri oo ku yaalla gobolka Cúcuta. waxaana weerarkaas ku dhaawacmay 26 qof oo ay kamid yihiin 2 kamid ah militeriga. Qaran News
-
Würzburg (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta dalka Jarmalka ayaa weli baaraya sababta ku kaliftay nin Soomaali ah inuu fuliyo weerar mindi oo uu ku dilay saddex qof, lix kalena ku dhaawacay, kaasi oo ka dhacay magaalada Würzburg ee gobolka Bavaria, Jimcihii. Hase yeeshee, waxaa hadda soo baxayaa xog ku saabsan qaabka uu Soomaaligan 24 jirka ah weerarka u fuliyey iyo sida uu ku helay mindida. Tuhmanaha ayaa la sheegay in isaga oo aan wadin wax mindi ah uu soo galay dukaan weyn oo alaabaha lagu iibiyo, kadibna uu haweeney weydiiyey halka ay yaallaan mindiyaha, sida laga soo xigtay madaxa booliska gobolka, Gerhard Kallert oo shir jaraa’id qabtay Sabtidii. Waxa uu kadib soo qaatay mindi, isaga oo saddex haween ku dhex-dilay dukaanka kahor inta aanu weerarka kusoo qaadin dad ku sugnaa dibedda. Wuxuu halkaas ku dhaawacay lix qof, oo mid ka mid ah xaaladdiisa ay liidato. Waxaa kadib laga adkaaday markii booliska ay lugta ka toogteen, isaga oo hadda wajahaya saddex dacwad oo dil ah, iyo lix isku day dil ah, sida uu sheegay qareenkiisa. Ninkan Soomaaliga ah ayaa dalka Jarmalka ku noolaa tan iyo 2015. Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in si ku-meel gaar ah horraantii sanadkan loo dhigay isbital cudurada dhimirka lagu daweeeyo kadib markii uu mindi ugu hanjabay qof ay iskula noolaayeen xarun ay ku nool yihiin dadka hooy la’aanta ah. Agaasimaha waaxda dambi-baarista Jarmalka Armin Kühnert ayaa sheegay in baarayaasha ay sidoo kale qoraallo naceyb ah ka heleen taleefonkiisa. Wasiirka Arrimaha gudaha Bavaria Joachim Herrmann ayaa sheegay in baarayaasha ay eegayaan in xanuun dhimirka ah ama xagjirnimo islaami ah ay horseeday weerarka. “Ma garaneyno mid ay tahay dhab ahaan, hase yeeshee midna weli meesha lagama saarin,” ayuu yiri Herrmann. Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ninka Soomaaliga ah uu ku qeylinayey “Allahu Akbar” markii uu weerarka fuliyey. Hase yeeshee ma jiraan dad kale oo sheegay inay sidaas oo kales maqleen. Si kastaba, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tuhmanaha aanay booliska ku aqoon wax dambiyo ah “oo u weecan dhanka xagjirnimada islaamiga ah.” The post Sida xeeladeysan ee uu mindida ku helay Soomaaligii weerarka ka fuliyey Jarmalka appeared first on Caasimada Online.
-
Haldoorkee baad is-leedahay wuu ku haboon yahay in lagu Maamuso Shirgudoonka Golaha Guurtida S/land ee soo socda Ali Fayr Xuseen Waa Khabiir-Dhaqan oo 25-kii sanadood ee ugu danbeeyay ku fooganaa Hawlaha Nabadeynta,Dibu-heshiisinta & isu-soo-jiid jiidka Beelaha Gudaha & Deriskaba oo mararka Qaar xiisado & isku-dhacyo koobani ka dhex Aloosmaan,Ku darsoo waxaa taa garab socda ka Ergeynta Hawlaha Dhaqanka & Shirarka siyaasadeed ee lagu Furdaaminayo ama lagu baadigoobayo Xal Qadiyad Murugtay. Waxaa Oday Cali Fayr Intaas u dheer isagoo saaxiib dhow la ah Madax-dhaqameedka & Haldoorka Somaliland ee ku suntan Xalinta khilaafyada & Hawlaha Nabadeynta Dalka Gudihiisa & Deriskaba,Wuxuuna Ergo & Safaro Nabadeyna ku tegay Gobolada Dalku ka kooban yahay Badidood & Deriskaba. Filo Dhawaan Xoggo intaas ka badan Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maanta ay bisha mareyso 27-ka June ayaa wali waxaa mushaarka bishii hore ee May qaadan qaar kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar, waxaana soo baxaya qeyla dhaan xoog leh oo ay dirayaan shaqaalaha mushaarka ka maqan yahay. Shaqaalaha Maamulka Gobalka Banaadir ee ku qoran Xafiisyada Arrimaha Bulshada iyo Duqa ayaa wali helin mushaarkooda, waxaana la sheegay in qaarka kalane ay haleen laba maalmood ka hor. Sababta mushaarka shaqaalaha Gobalka Banaadir bishaan qaar uga soo daahay qaarna ay weysan yihiin ayaa xog aan helnay ay sheegeysaa inay tahay in lacagtii Maamulka Gobalka Banaadir ee dakhliga aheyd loo isticmaalay diyaar garowga toddobaadka Xorriyadda Soomaaliya. Guddoomiye Cumar Filish ayaa qeyb ka ah guddiga qaban qaabada iyo diyaar garowga todobaadka Xorriyadda ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana sidoo kale loo sheegay in wixii kharash ah uu ka dabaro guddiga qaban qaabada todobaadka xorriyadda Soomaaliya. “Dhaqaalaha Gobalka Banaadir soo gala oo aad u yaraa ayaa haddane waxaa la amray in wixii kharash ah ee ku aadan diyaar garowga todobaadka xorriyadda uu gobaolka bixiyo,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha maamuliyadda ee Gobalka Banaadir. Inkastoo aysan warbaahinta la hadli karin shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir ee wajahaya mushaar la’aanta ayaa hadane waxaa jirto ay muujinayaan qeylo dhaan badan, islamarkaana ay qaarkood sheegeen in culeesyo dhinaca qoyska ay heystaan. The post Halka lagu bixiyey lacagtii mushaarka ee shaqaalaha maamulka G/Banaadir – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa ka hadlay toogasho ay Puntland saaka ku fulisay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay horey u xukuntay maxkamadda ciidamada maamulkaasi. Guddoomiyaha ayaa marka hore soo dhoweeyey toogashadan oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo, laguna fuliyey illaa 18 xubnood oo ahaa shabakad isku xiran oo Shabaab ah, laguna eedeeyey inay dad badan ku dileen gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. “Waxaan hada ku fulinay Xukunkii Maxkamadeed 18-kii xukumane ee ahaa Shabakadii ugu waynayd Ururka Argagixisada Al-shabaab ee mudada 13 sanaa dhuumashadaa iyo sida Arxan darida ah ku laynayey Bulshada Magaalada Gaalkacyo. Xukunkan Maxkamadeed waxaan ka fulinay Magaalada Gaalkacyo, 18-kii Xukumane Waxaana marinay dariiqii ay mariyeen haldoorka-yagii oo ahayd inaan ka gudno Qisaasta,” ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay fuliyeen mid ka mid ah yoolashooda ka sifeynta deegaanada Puntland ee kooxda Al-Shaaab, sida uu hadalka u dhigay. “Ka maamul ahaan waxaa fulay mid kamida yoolashii aan ka lahayn inaan kaga sifayno Ururka Argagixisada Alshabaab guud ahaan Gobolka Mudug, intaan ka xasuusano waa tiradii ugu badnayd abid ee soomaaliya oo halmar goob fagaaraa lagu toogto, waa maalin taariikhiya maanta oo dhaxal wanaagsan oo ay ku faani karto unoqon doonta Magaalada Gaalkacyo,” ayuu markale yiri guddoomiye Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare). Si kastaba waa markii ugu horreysay oo hal maalin oo kaliya toogasho lagu fuliyo rag gaaraya 21 ruux gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ahaa xoogaga Al-Shabaab. Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo fadhigooda uu yahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. The post Puntland ‘oo fulisay mid ka mid ah yoolasheeda sifeynta’ Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Dowlad goboleedla Hirshabeelle ayaa ka horyimid shir shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo in uu berri oo Axad ah ka furmo magaalada Muqdisho. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu yiri “Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa in aysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir berri uga furmaya magaalada Muqdisho”. Hirshabeelle waxay tilmaantay in aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka Muqdisho, wixii kasoo baxana aysan quseyn Hirshabeelle. Hirshabeelle waxay sheegtay in ay dhowri doonto fulinta heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa safar dibada ah ugu maqan dalka Turkiga, waana mas’uulka kaliya ee weli ka maqan magaalada Muqdisho. Shirka Muqdisho ayaa la sheegay in looga hadlayo howligii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27 May iyo dardargelinta shaqooyinka harsan. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo ka hortimid shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
