-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa munaasabadda Ciida ugu hambalyeeyay Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland. Axmed Karaash ayaa faray hay’adaha ammiga Puntland in ay labo laabaan shaqadooda sugidda ammiga maalmaha lagu jiro mumaasabadda Ciiidul Fidriga. Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa shacabka ugu baaqay in ay maalmaha Ciida ka taxadaraan caabuqa Covid-19, iyagoo kaashanaya culimadda iyo wasaaradda caafimaadka. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash: Hay’adaha amniga shaqadooda waa in ay labo laabaan appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay caleemo-saarka Museveni
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeybgalay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo soo bandhigay doorka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadaneyso xoojinta nabadda iyo horumarinta shucuubta Geeska Afrika. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay u leedahay dalalka Gobalku in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga, si loo mideeyo dadaallada lagu cirib tirayo saboolnimada iyo xagjirnimada, korna loogu qaadayo nolasha shucuubta dalalkan iyo guud ahaan horumarka Qaaradda Afrika. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Uganda horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Yoweri Museveni, isaga oo u rajeeyay in ay sii ambo-qaadi doono qorsheyaasha horumarineed ee heer Qaran iyo heer Qaaradeed, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka. Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo diblomaasiyiinta ka soo qeyb galay xafladda, waxa ayna kala hadleen danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeyo dalka Soomaaliya iyo dalakla kale. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay caleemo-saarka Museveni appeared first on Puntland Post. -
Afooge (Caasimadda Online) – Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa xabsi iyo jirdil isugu daray imaamyo iyo dadka Shacab ah oo salaadda Ciidul Fidriga ka oogi rabay qaar ka mid ah masaajida ku yaal Degmadaas. Imaamyadaan ayaa la sheegay inay qaateen amarkii kasoo baxay Al-Shabaab ee ahaa in Maanta oo Arbaco ah ay tahay Ciid, islamarkaana la arkay dhalashada bisha Shawaal. Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa xoog ku galay masaajidaas, waxaana xabsiga la dhigay dhowr imaam oo diiday inay joojiyaan Takbiirta isla markaasna ay qaataan amarka Dowladda ee ahaa in Maanta ay tahay Maalin Soon ah. Al-Shabaab ayaa awood muuqato ku leh gudaha Magaalada Afgooye, waxayna qeybo kamid ah Magaalada si toos ah uga qaadaan Canshuur, iyadoo ay magaalada ku sugan yihiin xubno Al-Shabaab u qaado waxa ay ugu yeereyn Zakawaad. Dhammaan Gobolada Soomaaliya ayaa Maanta laga sooman yahay, marka laga reebo Magaalooyinka ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xalay shaaciyey in dalka Soomaaliya aysan Maanta Ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo bisha barakeysan ee Ramadaan. Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili inta badan dowladaha Islaamka ay ku dhawaaqeen in maanta aysan Ciid aheyn. Kooxda Al-Shabaab ayaa Xalay sheegtay in Maanta ay tahay maalin ciid ah, waxaana laga ciiday dhammaan goobaha ay gacanta ku heyso Xaramada, waxaana ugu waaweynaa meelaha laga ciiday Garhareeri, Jilib iyo Saakow. The post DF oo tallaabo ka qaaday Masjid iyo Imaam qaatay amar kasoo baxay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta magaalada Kambaala ee caasimadda Ugandha kula kulmay madaxweynaha waddanka Burundi, Évariste Ndayishimiye. War kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu kulan-doceed la qaatay madaxweynaha waddanka Burundi, Évariste Ndayishimiye. Villa Somalia waxay sheegtay in labada madaxweyne ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga dhaqaalaha iyo siyaasadda. “Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo kulan-doceed ku yeeshay caasimadda Kambaala ee dalka Uganda ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.” Ayaa lag yiri warka Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweynaha Burundi appeared first on Puntland Post.
-
Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Kampala ee dalka Uganda kula kulmay madaxweynaha dalka Burundi, Évariste Ndayishimiye, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay Villa Somalia. Kulanka ayaa waxay labada madaxweyne kaga wada-hadleen xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka dhaxeeya ee amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. “Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo kulan-doceed ku yeeshay caasimadda Kambaala ee dalka Uganda ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu shalay kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, waxayna ka wada-hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkan, isaga oo u rajeeyey horumar iyo barwaaqo Shacabka iyo dawladda Uganda. Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa dhawaan gaaray dalka Uganda, waxaana safarkaan ku wehlinaya wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil kale, si ay uga qeyb-galeen caleema saarka madaxweyne Museveni. Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine. Madaxweyne Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%. The post Muxuu Farmaajo kala hadlay madaxweynaha Burundi? appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Nairobi)-Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay in weli uu hakad ku jiro qorshe ay ku billaabeyso duulimaadyo isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa, ayada oo beenisay warar shalay soo baxay. Qaar ka mid ah baraha bulshada ayaa waxaa shalay ku baahiyey qoraal loogu lagu sheegay inay duulimaadyada Hargeysa billaabeyso daba-yaaqada bishan May. “Kenya Airways waxa ay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay iminka hakad ku jiraan, ayada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yidhi qoraal ay shirkadda soo saartay. “Ma jiraan wax duulimaadyo ah oo iminka shaqeynaya oo aan leenahay, si ka duwan wararka la wareejinayo baraha bulshada.” Source
-
Jilib (Caasimadda Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday deegaanada ay gacanta ku heyso ururka Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliy iyo qeybo kamid ah Kenya. Deegaanada laga ciiday oo ay Al-Shabaab gacanta ku hayaan waxay ku kala yaalaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Magaalooyinka sida weyn looga ciiday oo ay Al-Shabaab gacanta ku heyso waxaa kamid ah Magaalada Jilib ee Jubbalada Dhexe. Boqolaal qof oo isugu jiro shacab, madax iyo ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa isugu yimid barxad loo diyaariyey in salaadda Ciidda lagu dukado taasoo loogu magacay daray macallin Aadan Xaashi Ceyrow. Dadka isugu yimid halkaas ayaa waxaa khudbado kala duwan u jeediyey madax iyo saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab. Sidoo kale deegaanada Shabaab gacanta ku hayaan ee laga sida weyn looga ciiday waxaa kamid ah Magaalada Galhareeri ee gobolka Galguduud. Dhanka kale, waxaa si weyn looga ciiday Magaalada Saakow ee Jubbalada Dhexe, halkaas oo ay isugu soo dhaweyno dadweyne aad u badan iyo ciidamo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaas kasoo muuqday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo hadalo jeediyey. Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo kamid ah deegaanada ay Shabaab gacanta ku hayaan ayaa sidoo kale si weyn looga ciiday, waxayna Al-Shabaab dadka isugu keeneyn barxad weyn halkaas oo lagu dukaday Salaadda. The post Sawirro: Sidee looga ciiday deegaanada ay gacanta ku heyso xarkada Al-Shabaab? appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaa ka jira in Kenya Airways ay billaabeyso duulimaadyo Nairobi-Hargeysa ah? Kenya Airways Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay in weli uu hakad ku jiro qorshe ay ku billaabeyso duulimaadyo isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa.. “Kenya Airways waxay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay iminka hakad ku jiraan, ayada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yidhi qoraal ay shirkadda Kenya Airways soo saartay. “Ma jiraan wax duulimaadyo ah oo iminka shaqeynaya oo aan leenahay, si ka duwan wararka la wareejinayo baraha bulshada.” Hay’adda duulista hawada Kenya ayaa shalay hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya, laga bilaabo shalay oo Salaaso aheyd, marka laga reebo diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay. Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay sheegtay bishan May 9-keedii in xayiraaddi duulimaadyada qaadka ay weli taagan tahay. Qaran News
-
Warbixin Xiiso leh+Qaadkii oo Qiimo beelay Qhaadka oo qiima beelay Dowladda Kenya ayaa shalay hakisay diyaaradaha ka yimaada ama aada Soomaaliya ee ka bixi jiray Nairobi. Ma aysan caddeynin sababta, balse waxaa ka sii horeysay Soomaaliya oo soo “celisay diyaarado khaat siday”. Arrimahan waxay ku soo aadee maalmo uun ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay soo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya ee kala go’ay dhammaadkii sannadkii hore ee 2020. Xiisadda diblomasiyadeed ee u dhaxeysa labada dal ayaa saameyn ba’an ku yeelatay ganacsiga khaadka ee Kenya, waxayna beeraleyda jaadka iyo ganacsataduba sheegeen in ay ceyrtoobeen ka dib markii dowladda Soomaaliya ay horraantii sannadkan joojisay jaadka uga yimaada Kenya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojinta jaadka sababta uga dhigtay cudurka Corona, haseyeeshee haatan waxaa lagu soo warramayaa in midka Itoobiya uu ka dego magaalooyin dhowr ah oo gudaha dalka ah. Qaar ka mid ah beeraleyda jaadka oo noolal ahaan ku tiirsanaa jaadka waxay sheegeen in hadda beeraha aysan laheyn nacfigii ay waagii hore u lahaayeen. Dadka leh beeraha jaadka, waxaa ka mid ah haweeney lagu magacaabo Marry Ntonja oo ah hooyo 49 sano jir ah, waxay sheegtay in markii dowladda Soomaaliya ay joojisay ay waayeen wax ay cunaan. Xayiraadda khaadka waxaa ka dhashay shaqo la’aan. Lix sano kahor dowladda Britain ayaa joojisay in jaadka loo dhoofiyo dalkaas, waxaana taas ay keentay in uu u soo haro suuqa Soomaaliya oo keliya, balse bishii Maarso ee sannadkan, dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale joojisay in jaadka Kenya loo dhoofiyo dalkeeda, si la mid ah kumannaanka kale ee beeraleyda jaadka ah, Marry waxay ka walwalsan tahay waxa ay ku noolaan doonaan mustaqbalka. “Dhibaato noolaleed ayaa inagu dhacday, fuqaro ayaanu noqonay lacag la’aan darted, in aan wax cunno waa nagu dhib, dharkii way naga dhammaadeen, caruurta wax aan siino ma heyno, dhibaato ayaa inagu habsatay tan iyo markii la mamnuucay dhoofinta jaadka, saddexii bil-ba mar ayaanu jaadka soo goynaa, waxaan ka heli jirnay kun ilaa iyo shan kun oo doollar; lacagtaas ayaan ku nooleyn, hadda hal doollarna iga ma soo galo jaadka”, ayay tiri Marry oo la hadleysay BBC-da. Jaadka ka baxa deegaanka Maua ee hoostaga maamul goboleedka Meru, waxaa halkaas looga yaqaanaa dahabka cagaaran, waana isha dhaqaale ee deegaanka Meru ee bariga Kenya. Geedaha Jaadka hadda looma guro sidii hore, waxayna caleenta qaar ku halowdaa geedka ama bakhaarada lagu xareeyo Ururka ganacsatada jaadka ee Kenya waxay sheegeen in maalintiiba ay Soomaaliya u dhoofin jireen 50 tan oo jaad ah, waxayna ka heli jireen lacag ka badan 140 kun oo dollar, balse hadda oo aanay taas jirin. Waxaa jiro jaad yar oo lagu iibiyo gudaha Kenya, halka inta kalena ay qubaan. Bakhaarada haawanaya Weriyaha BBC-da, Bashiir Maxamed Caato oo booqday deegaanka uu jaadka ka baxo ayaa sheegay in bakhaaradii lagu diyaarin jiray jaadkii Soomaaliya loo dhoofin jiray ayaa hadda cidlo ah, waxaana ku sugan dad yar oo fajac iyo amakaak uu ka muuqdo. Waa weriyaha BBC-da, Bashiir Caato oo haddiyad ahaan loo siinayo khaad kadib markii uu qiima beelay Marka laga soo tago un beeraha khaadka ay leeyihiin dadka deegaanka, waxaa kaloo jira ganacsato Soomaali ah oo dadka beeraleyda ah ka soo iibsada jaadka, kuwaas oo geeya Soomaaliya iyo gobolka waqooyi bari ee Kenya. Waxay sheegeen in dhaqaale xumi baahsan ay dareemeen markii uu xirmay suuqa jaadka ee Soomaaliya. “Gawaaridii jaadka lagu qaadi jiray waa shaqo la’aan, go’aanka dowladda Soomaaliya wuu ina saameeyay,” ayuu yiri Maxamed Qureesh oo ka mid ah ganacsatada Jaadka Soomaaliya. “Dadka qaar ganacsi kale ayay sameysteen. Soomaali badan ayaa ka guuray deegaanka Meru, kuwa kalena halkan ayay ku tabaaleysan yihiin oo wax shaqo ah ma heystaan. Aniga kula hadlaya dad badan ayaa ii shaqeyn jiray balse hadda waa shaqo la’aan”, ayuu yiri Maxamed. Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in jaadka ay ku tiirsanaayeen oo uu shaqo abuur u ahaa dad lagu qiyaasay boqol kun oo qof, kuwaas oo ay ka mid yihiin dadka leh beeraha jaadka, kuwa ka soo iibsada, kuwa jawaanada ku gura iyo gaadiidka isugu jira diyaarado iyo baabuur ee u kala safri jiray gudaha Kenya iyo Soomaaliya. Saxmaddii ka jiri jirtay beerahan jaadka ayaa aad u yaraatay. Xiisadda diblomasiyadeed ee labada dhinac ma ahan mid sidaa u sahlan in la xalliyo. Dowladda Federaalka waxay Kenya ku eedeysay in aanay u hagar bixin dhanka diblomaasiyada iyo ganacsigaba, waxayna shuruudo hor dhigtay dib u fasixidda jaadka. Muqdisho ayaa dooneysay in Kenya ay joojiso faragelin ay sheegtay in ay ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, balse eedeymahaas waxaa beeniyay Kenya. Shaqo la’aanta ka dhalatay xayiraadda khaadka Barasaabka deegaanka Jaadka uu ka baxo ee Meru, Kiraitu Murungi, wuxuu sheegay in uu rajo weyn ka qabo in isbedel uu imaan doono. “Waxaa jira heshiis horudhac ah oo ay gaareen Kenya iyo Soomaaliya, kaas oo la xiriira ganacsi dhinacya badan leh, jaadkuna wuu mid ka mid yahay. Waxay ila tahay in dowladda dhexe ay sameeneyso waxwalba oo karaankeeda ah, waxaana ku rajo fiican ka qabaa in arrintan la soo afjari doonaa,” Ayuu yiri Kiraitu Murungi. Balse bilo ka hor, Soomaaliya waxay u yeeratay safirkii u fadhiyay Nairobi, taas oo sii hurisay khilaafka diblumasiyadeed ee labada dhinac u dhexeeya. Inta ay labada dal ka heshiinayaan, waxaa mustaqbal aan la hubin iyo dhibaato dhaqaale wajahaya beeraleyda iyo ganacsatada jaadka Kenya. Qaran News
-
Mogadishu (PP News Desk) — Kenya Airways has put on hold the plan to start direct flights to Hargeisa. In a press release published one after Government of Kenya suspended civilian flights to Somalia, Kenya Airways stated that “ we do not have any operational flights between Nairobi, Kenya and Hargeisa, Somaliland at this time. These plans are on hold pending requisite approvals and clearances. to launch flights to Hargeisa… are currently on hold pending requisite clearance and approvals”. Kenya Airways was the planning to start direct flights from Jomo Kenyatta Airport to Hargeisa three times a week from 28 May. The flight suspension will not affect UN and medical evacuation flights. Somalia and Kenya restored diplomatic relations one week ago. Somalis travelling to Nairobi will be able to use Djibouti or Addis Ababa route while the suspension remains in place. © Puntland Post, 2021 The post Kenya Airways Puts Planned Flights to Hargeisa on Hold appeared first on Puntland Post.
-
ujeeddada qormadani waa: ku dhiirrigelinta hayadaha saharcigu u xilsaaray dejinta, fulinta iyo ilaalinta shuruucda dalka ilaalinta sarreynta sharciga, u tilmaamidda shacabka Soomaaliyeed saxnimada shuruucda lagu dhaqayo. Hordhac Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqu waa mid ka mid ah guddiyada madaxabannaan ee uu Dastuurka KMG ah ku xusayo Cutubka 10aad. Marka guddi dastuuri ah la yagleelayo waxaa qasab ah in uu dastuurku sheego hab-raaca/yada loo marayo dhismah guddiga, sidoo kalana waxaa waajib ah in ay Labada Aqal BFS dejiyaan sharci gaar ah oo qeexaya tirada xubnaha guddiga, hab-raaca magacaabista xubnaha guddiga, shuruudaha, wajibaadka, awoodaha, doorashada Guddoonka Guddiga, muddada xil-heynta, xilweynta, xil ka qaadista, miisaaniyadda, warbixinnadda guddiga, IWM. Haddaba, Guddiga Madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxaa sal iyo tixraac sharci u ah Dastuurka KMG qodobbada 111C iyo 112aad iyo Xeer lr. 12 oo ah Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer oo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana uu Madaxweynaha Jamjuuriyadda Federaalka Soomaaliya saxiixa 21 Sep, 2019. Qoraalkani wuxuu ka hadlayaa wax-ku-oolnnimada Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa, iyo sharcinnimada xubnaha Guddiga ee uu dhaariyay Madaxweynaha JFS Apr 25, 2021, doortayna guddoonka guddiga May 4, 2021, ugu dambeyn qormado waxay soo jeedinaysa talo. 1: wax-ku-oolnimada Dhismah Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa Soomaaliya waxay sanad walba ka gashaa musuqmaasuqa iyo maamul xumada kaalinta 1aad, sida ay sheegayaan international trancparancy iyo hayada kale ee daah-furnaanta iyo maamuul wanaagga ka faalloda, sidaas darteed dhismaha guddigan waxuu laf-dhabar u yahay A: Horumarinta iyo adkeynta tallaabooyinka lagu joojinayo lagulana dagllamayo Musuq-maasuqa ka dhaca dalka iyo dibadda. kaas oo ay ku kacaan saraakiisha Dowladda. B:Xaqiijinta habsami u maamulka hawsha Qaranka, iyada oo la ilaalinayo danta dadwaynaha Soomaliyeed iyo hantidooda lagana dhawrayo boob iyo ku- takrifal awoodeed. C: Ka ilaalinta Saraakiisha dowladda ku xadgudubka xilkooda iyo ka gaabinta waajibaadkooda. D: Iyada oo laga duulayo baahida loo qoba xaqiijinta arrimaha kor ku xusan loona hoggaansamayo Dastuurka KMG qodobkiisa 111C oo farayaa dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxay Labada Aqal ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyeen Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer islamarkaana Madaxweynaha Jamjuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixay Sharcigan Sep 21, 2019. 2: Qiimeynta Sharcinimada Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee hadda jira Sharcinnimada Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa, waxaa tiir sharci u ah Dastuurka KMG iyo “Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer. Haddaba, si uu guddigu u helo sharciyad wax-qabadkiisuna u yeesho raad sharci oo ay waajib tahay in loo hoggaansamo, waa in magacaabista xubnaha guddiga waafaqdaa habraacyada uu dhigayo Dastuurka KMG iyo sharciga (Xeer lr. 12) oo ay ansixiyeen Labada Aqal uuna saxiixay Madaxweynaha JFS Sep 21, 2019. A: Dastuurka KMG Qodobka 112aad. Magacaabidda Guddiyada Heer Federaal ayaa u qoran sidan; Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro. B:Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer Sida uu dhigayo Sharcigani Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer ansixinta magacyada xubnaha guddiga (qodobka 9aad xarafaha t&kh,), xil ka qaadista (15aad faqradda 3aad iyo 4aad.) iyo dalbashada warbixinnada guddiga (Qodobka 22aad faqrada 2aad.) waxaa si isku mid ah u gudanaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sida la ogyahay xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee hadda jira waxaa ansixiyay hal Aqal oo ah Golaha Shacabka, iyada oo aan la hor geyn Golaha Aqalka Sare, si ay ugu codeeyaan xubnaha guddiga. Haddaba, Guddiga ay Xukuumaddii Xil-gaarsiinta magacaawday Sep 7, 2020, Golaha Shacabkuna ansixiyay Nov 16, 2020, islamarkaanan Madaxweynaga JFS dhaariyay April 25, 2021, doortayna guddoonka guddiga may 4, 2021, wuxuu khilaafsan yahay qodobka 55ad, 112aad ee Dastuurka KMG iyo Qodobka 2aad xarafka (d) qodobka 9aadxarfaha t&kh, (15aad faqradda 3aad iyo 4aad.) (Qodobka 22aad faqrada 2aad. ee “Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer, sidaas darteed, guddigani ma haysto sharciyad shaqooyinkiisuna ma yeelanayaan saameyn/raad sharci, maaddaam aan dhismaha Xubnaha Guddiga Madxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa loo marin habraacayadii shuruucda dalku fartay. 3Gunaanad iyo talo soo jeedin A Gunaanad Guddiga madaxabannaan ee la-dagaallanka musuqmaasuqa ee hadda jira ma haysto sharciyad uu ku noqdo gudiga la dagaallanka musuqmaasuqa ee uu tilmaamayo qodobka 111C ee Dastuurka KMG, hawlahiisuna ma noqonayaan ku leh raad sharciyadeed sax ah inta uu guddigu ka helayo ansixinta labada aqal, lana marsiinayo habraacayada ku xusan qodobbada Dastuurka KMG iyo Sharciga Dhismaha Guddiga ay ansixiyeen Labada Aqal uuna saxiixay Madaxweynaha JFS Sep 21, /2019. B Talo soo jeedin Giddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmasuqa wuxuu fure iyo laf-dhabar u yahay mmmaamul wanaag ka hana qaada gayiga Soomaaliyeed, haddaba, si xoogga, waqtiga iyo hantida gashay dhismaha guddiga uga soo baxaan miriha laga filayayo, guddiguna u helo sharciyad, waxqabadkiisuna u yeesho raad sharci oo ay waajib tahay u haggansamiddiso, qormadani waxa ay u soo jeedineysaa Wasaaradda Caddaaladda XFS, Golaha wasirrada XFS, Garsoorka, Golaha Shacabka, Madaxweynaha JFS, iyo cid kasta oo hadda joogta ama imman doonta oo ay khuseyso arrintani in ay ka qayb qaataan dib-u-sixidda guddiga la dagaallanka Musuqmaasuqa lana waafajiyo habraacyada ku xusan Dastuurka KMG iyo Shirciga Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa oo ah meelmarinta Xubnaha Guddiga Labada Aqal. Sida oo kale, Xubnaha Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa waa in ay ogaadaan sharciyadda ay heystaan in ay tahay mid dhimman kana codsadaan hayadaha iyo ashqaasta awoodda u leh arrimahan dib u sixitaan iyo in la dhameystiro hab-raacyada qaldamay, si loo gaaro sarreynta sharciga. =<Dhammaad>= Qore: Garyaqaan Dahir Shuuriye Source: goobjoog.com
-
Dhammaan deegaannada uu maamusho ururka Al-shabaab ee koonfur iyo bartamaha Soomaaliya ayaa maanta Arbaco ah laga ciiday. Deegaanada laga ciiday ayaa ka tirsan gobollada Jubbooyinka, Shabeellooyinka, Bay, Bakool iyo Galgaduud, waxaana sawiro ay baahisay warbaahinta taageerta Al-shabaab muujinayaan boqolaal qof oo isugu soo baxay tukashada salaada Ciidul Fidriga. Al-shabaab ayaa xalay iclaamisay in ay Arbacada u tahay ciid, waxayna sheegeen in deegaanno ay maamulaan laga arkay bisha Shawaal. Dalalka kale ee Afrika ku yaalla oo qaar kamid ah muslimiinta ku nool ay maanta ciiday waxaa kamid ah Mali, Niger iyo Ivory Coast. Muslimiinta Caalamka ayaa berri oo Khamiis ah ciidaya, maadaama aan shalay inta badan la arag bisha Shawaal. PUNTLAND POST The post Deegaanno ka tirsan Soomaaliya oo maanta laga ciiday appeared first on Puntland Post.
-
Wadamada laga ciidayo maanta+Siday Soomaalida ugu kala qeybsantahay (Kuwo maanta Ciiday,Kuwo Berri Ciidaya & Kuwo saad danbe Ciidi Doona) Wadamo badan oo Dunida ka tirsan ayaa maanta laga ciidayaa xili inta badan dunida islaamka ama Dalalka Diinta Islaamka haysta laga sooman yahay. Dalalka Senegal, Maali, Niger iyo Ivory Coast oo ku yaal Galbeedka Afrika ayaa maanta oo Arbaco ah laga ciiday, xilli laga sooman yahay inta badan dunida Islaamka.Dalalkan ayaa xalay shaaciyey inay arkeen bisha Soon-fur. Dhinaca kale Deegaanno ka tirsan Gobollada koonfurta fog ee Soomaaliya ayaa Saaka laga tukaday Salaada ciida, halkaasi oo ay joogaan Al-Shabaab. Dalal kale ayaa ayaa Maanta Soontu u tahay 29, waxaana la filayaa in ay Maalinta Jimcaha ciidaan. Soomaalidu saddexda heerba waa ku jirta;kuwa maanta ciiday, kuwa berri ciidaya iyo kuwa saadanbe ciidi doonaba. Qaran News
-
Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways, ayaa beenisay warar ku saabsan, in ay duullimaadyo toos k aka bilaabi doonto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Shirkadda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay, warar shalay lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegay, in ay dhowaan duullimaadyo ka bilaabayso magaalada Hargeysa. “Kenya Airways waxay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay haatan hakad ku jiraan, iyada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay shirkadda. Warkan ayaa ku soo beegmay, xilli dowladda Kenya ay hakisay dhammaan dullimaadyada Soomaaliya, marka laga reebo diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Kenya Airways oo beenisay in ay duullimaadyo ka bilaabayso magaalada Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
The African Union says its mission in Somalia, commonly known as Amisom, will get an extension on its mandate to December 31 this year, ending security uncertainties as the country heads to elections. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Shirikadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa maanta ka hadashay warar sheegaya in duulimaad toos ah ka bilaabi doonto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, dhamaadka bishan aan ku jirno ee May. Qoraal kasoo baxay maamulka Kenya Airways ayaa waxba kama jiraan loogu tilmaamay wararkaas oo shalay ilaa xalay si weyn loogu baahinayay baraha bulshada, ayada oo lagu lifaaqay heshiiskii ay hore u wada-galeen madaxweyne Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta. Wararka ay beenisay Kenya Airways ayaa waxaa lagu sheegay inay duulimaad toos ah ku tegi doonto Hargeysa toddobaadkiiba saddex maalin, kuwaasi oo lagu kala sheegay Arbacada, Jimcaha iyo Axadda. “Kenya Airways (KQ) waxay jeceshahay inay cadeyso in qorshooyinka ay duulimaadyada uga bilaabi doonto Hargeysa, Somaliland ay weli ku jiraan hakad, iyadoo la sugayo ogolaanshaha iyo ansixinta aas-aasiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Shirkadda. “Hadda ma jiraan duulimaadyo toos ah oo howl-galaya oo shirkadda ah,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka oo ay Kenya Airways ku beeninayso wararka la wareejinayo baraha bulshada. Qoraalka Kenya Airways ayaa laga fahmi kara in duulimaad ay ka bilowdo Somaliland ay ku xirantahay ogolaansho laga helo dowladda federaalka oo gacanta ku haysa maamulka hawada Soomaaliya, inkasta oo ay arrintaas ku cadeyn qoraalkeeda. Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliland ayaa heshiis ay kal hore wada-gaareen, waxaa qeyb ka aheyd in diyaaradda Kenya Airways ay duulimaadyo toos ah ka bilowdo Hargeysa. Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xili ay shalay dowladda Kenya ku dhawaaqday joojinta duulimaadyadii Soomaaliya, midaasi oo cadaadis hor leh lagu saarayo dowladda federaalka, si ay u fasaxdo qaadka laga soo dhoofiyo Kenya. The post Kenya Airways oo war kasoo saartay duulimaadyada la sheegay inay ku tageyso Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
-
Dacwad oogaha Maxkamadda caalamiga ah ee denbiyada, Fatou Bensouda, ayaa muujisay walaaca ay ka qabto dagaalka cusub ee ka dhax bilaawday Israa’iil iyo Falastiin. Fatou Bensouda ayaa tilmaantay in dagaalkan ay ka dhalan karaan xad-gudubyo sababa xasuuq shacab. Fatou Bensouda ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay dadaal ku bixiso si loo joojin lahaa daagaalkaan , waxeyna raacisay in xafiiskoodu la socodo waxa ka dhacaaya goobaha kala duwan ee Falsatiin. Bensouda ayaa horay si rasmi ah uga codsatay maxkamadda in la furo gal baaritaan oo ku saabsan dambiyo dagaal oo la sheegay in Israa’iil ka geysatay dhulka Falastiin. PUNTLAND POST The post Maxkamada danbiyada dagaalka oo war ka soo saartay isku-dhacyada Falastiiniyiinta iyo Yahuuda appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Cabashada gaamuurtay ee dagaalka Israel & Falastiin hurisay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Cabashada gaamuurtay ee dagaalka Israel & Falastiin hurisay XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Qoraalka sawirka,Xaaladda ka soo cusboonaatay Quddus ayaa cirka isku shareertay bishii la soo dhaafay Rabshadaha cusub ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa salka ku haya cabashooyin muddo dheer soo taagnaa oo labada dhinac u dhaxeeya xaal waarana aan loo helin ayaa markale colaad horleh hurisay. Waa nabar aan bogsan oo ku yaalla bartamaha Bariga Dhexe waana sababta keenta iney dhacaan iska horimaadyo fool ka fool ah oo markii dambe isu beddelay gantaallo la soo rido, duqeymo dhinaca cirka iyo dhimasho. In wararka ku saabsan isku dhacyada ay ka maqnaayeen boggaga hore ee warbaahinta, kama dhigna in aysan jirin wax isku dhacyo ah ama xaaladda ay dantay. Arrimihi taagnaana ma jiraan wax iska baddalay sida oo kale nacaybka iyo cabashooyinka gaamuuray ee sanadaha badan soo taagnaa waxay jiilal badan u horseedeen dil iyo dhibaatooyin fara badan. In ka badan hal qarni Yahuudda iyo Carabta waxay ku hardamayeen sidii ay u hanan lahaayeen dhulka u dhaxeeya Webiga Urdun ilaa iyo Badda Mediterranean. Israa’iil waxay Falastiin u geysatay jab isdabajoog ah tan iyo markii ay xornimada qaadatay ee 1948-kii, balse wali Israa’iil ma gaarin guul kama dambeys ah. Inkasta oo khilaafka qotoda dheer ee laba dhinac u dhaxeeya uu sii socdo. Midda la hubo ayaa waxay tahay in dhowrki sanaba mar ugu yaraan iney dhacaan qalalaasooyin rabshada wata. Iska horimaadyada 15-kii sana ee ugu dambeeyey labada dhinac dhexmarayey badanoodna waxay ka dhacayeen xeyndaabka kala qaybiya Qaza iyo Israa’iil. Balse wakhti xaadirkan rabshadaha ka dhacay magaalada Qudus iyo goobaha barakeysan ee ku yaalla ay leeyihiin awood ay ku sii huriyaan rabshadaha taagan. Turkiga oo safaarad ka furanaya Quddus Xiisadda Qudus oo sii karaar qaadatay, Qasa oo gantaalo lagu garaacay Aqoonsiga Trump ee Quddus oo khatar geliyey la dagaalanka argagixisada Magaalada muqaddaska u ah Kirishtanka, Yahuudda iyo Muslimka xaalkeedu ma aha mid diineed oo keli ah. Goobaha barakeysan ee diimaha Yahuuda iyo Muslimka waxay magaaladaasi ka yihiin astaamo muuqda. Waxaana u dhaxeeya masaafa aad u yar oo qofki dhagax tuura uu la gaari karo. Kaniisadda Sepulchre oo ay si aad ah u xurmeeyan Falastiinyiinta Misiixiyiinta ahna waxay ku taallaa meel aan ka fogeyn goobta ay ciidamada Israa’iil wax ku baaraan. Rabshadahan ugu dambeeyeyna waxyaabaha kiciyey waxaa ka mid ah hanjabaado loo soo jeediyey Falastiiniyiin deggan xaafadda Sheekh Jarrah in guriyahooda laga saarayo. Xaafaddaasi oo ah mid ay Falastiiniyiintu ay deggan yihiin oo ka baxsan darbiyada magaalada Qadiimiga ah, oo ay sheeganayaan kooxa Yahuud ah oo tagay maxkamadaha Israa’iil. Israa’iil ayaa qorsheyneysa magaalada Qudus iney noqoto magaalo Yahuudda ugu badan lagu beero. Israa’iilna sanado isxigxiga waxay dhulka ay xooga ku qabsatay ee Falastiin ay ka dhistay deegaanno dadka Yahuudda la dajiyey taasoo la sheegay iney ka horimaneyso shuruucda caalamka u yaalla. Sanadihii ugu dambeeyeyna dowladda Israa’iil iyo Yuhuudda deegaameynta loo sameeyey oo iskaashanaya waxay ka shaqeynayeen si dad kale oo Yuhuud ah loo soo dejin lahaa deegaannada Falastiiniyiinta ee ku dhow darbiga magaalada Qadiimka. XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Qoraalka sawirka,Deegaannada Yahuudda ay ka qabsatay Falastiin oo ay deegaanno uga sameysay dadka Yahuudda. Intaa waxaa dheer dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa si weyn iisu fara saaray Booliska Israa’iil iyo Falastiiniyiinta inta lagu guda jiray bisha Ramadhaan, waxaana ka dhashay in masaajidka Al-Aqsaa gudihiisa lagu tuuro bamka qarxa ee naxdinta badan leh, masaajidkaasi oo ay Muslimiintu aad u xurmeeyaan marka laga reebo Maka iyo Madiina. Ururka Xamaasna wuxuu qaaday tallaabbooyin kaddib markii dalabkoodi ahaa ciidamada Israa’iil iney ka baxaan agagaaraha masaajidka Al-Aqsa iyo xaafadda Sheekh Jarrah kaddibna waxay magaalada quddus ku soo rideen gantaallo tira badan. Gabadha Trump iyo seeygeeda oo soo gaaray magaalada Quddus Trump oo shaaciyey qorshihiisa nabadaynta Bariga Dhexe Ra’isul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku qoray “Ururrada argagaxisada ee Qaza iney khadka cas soo dhaafeen…Israa’iilna awoodda ugu sarreyso ay uga jawabeyso”. Wariyaha BBC halkaasi uga soo warrama ayaa Isniinti i weydiiyey xilli ay rabshaduhu billowdeen, waa goortee xilligi ugu dambeysay oo laga raja qabay iney labada dhinac gaaraan xal nabad u horseeda. Waxaan magaalada Qudus anigu ku noolaa 1995-2000 marar badanna waa ku soo noqnoqday. Su’aashi aan wariyaha weydiiyey jawaabta ku habboon in loo helo wey adagtahay. Heshiiska ugu rajada wanaagsan ee la xusi karo wuxuu yahay geeddi socodki nabadeed ee Oslo ka dhacay 1990-kii waxaana heshiiskaa xusuusan kara oo keli ah dadka ay da’doodu 40 jirka tahay ama ka weyn tahay. Hoggaamiyeyaasha labada dhinac waxay u halgamayaan dagaalladooda siyaasadeed ee gudaha, iyagoo xoogga saaraya sidii ay u illaalin lahaayeen jagooyinkooda, marka arrinta ugu weyn ee hoggaamiye kasta oo Falastiini ah ama Israa’iil ah ay tahay inay nabad timaaddo. Caqabadaas ayaana ah mid aan sanado badan wax laga qaban. Qoraalka Muuqaalka,Magaalada Quddus ee qadiimka ah maxaa muhiim ka dhigay? Fikradaha cusub ee yididiilada leh ee haatan soo baxayana waxaa ka mid ah, warbixinno ay laba hay’adood oo caan ah ay soo saareen oo ay ku sheegeen in mudnaanta kobaad la siiyo xuquuq siman iyo nabadgalyo siman sidi ay Falastiin iyo Israa’iil looga heli lahaa, fikirkaasi oo ah mid wanaagsan oo soo dhaweyn mudan. W/D : Jeremy Bowen Tifaftiraha Bariga Dhexe ee BBC-da Qaran News