Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. “Madaxweyne Mustafa wuxuu cod sira ah oo laga duubay Madaxweyne Muuse biixi wuxuuna codkii ugeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo madaxa Xarunta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo (PP)” Waxaa sidaasi yidhi Madaxii hore ee hab-maamuuska (protocol) Madaxweyne Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafa Cumar. Bisle ayaa intaasi raaciyay in Madaxweyne Mustafa xiligaasi ku yidhi, maadama uu muuse biixi taageero Ahmed madoobe, Madaxweynaha Jubaland, inaguna waa waajib inaan taageerno Farmaajo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Israa’iil oo burburisay dhismo ay degnaayeen Warbaahino caalami ah Dhismo ku yaalla marinka Qaza oo ay degenaayeen warbaahinta Aljazeera iyo AP ayaa burburay kadib markii Israa’iil ay duqeysay. Ka hor weerarka waxaa laga guuray dhismaha kadib markii milkiilaha dhismaha ay digniin u dirtay Israa’iil, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Dhismaha waxaa ku yaallay xafisyo iyo guryo dhowr ah. Oh my god. The building where al Jazeera’s office is housed has just been taken down by Israeli airstrikes. There was a warning and evacuated. It houses offices and private homes. I can’t believe it. pic.twitter.com/Q4luRYk9H9 — Stefanie Dekker (@StefanieDekker) May 15, 2021 Militeriga Israa’iil oo xaqiijiyay inay gantaallo ku garaaceen dhismo ay degenaayeen warbaahin caalami ahi Militeriga Israa’iil ayaa xaqiijiyay inay gantaallo ku garaaceen dhismo ku yaalla Gaza Tower oo ay degenaayeen warbaahinta Aljazeera iyo AP. Bayaan kasoo baxay militeriga oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in dhismaha uu yaallay ‘agab militeri’ oo ay lahaayeen ururka Xamaas isla markaana ay gabaad ka dhiganayeen halkaas. A short while ago, IAF fighter jets struck a multi-story building which contained military assets belonging to the intelligence offices of the Hamas terror organization. pic.twitter.com/cFMIXhaRGc — Israeli Air Force (@IAFsite) May 15, 2021 Qaran News
  3. Dawladda Shiinaha oo Markab Dagaal & Ciidan u soo dirtay xeebaha Somalia + Sababta Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Sabti ah markab nooca dagaalka ah iyo ciidamo u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya, si ay u galbiyaan maraakiibta ganacsi ee isticmaala biyaha Soomaaliya iyo sidoo kale meelaha ka baxsan. Markabkan oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa dul-saaran diyaaradaha kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka, gantaallada wax burburiya iyo doomo nuuca dheereeya, wuxuuna noqonayaa markabkii miid 38-aad ee ay la socdaan ciidamada xoreynta badda (PLA). Wararkii ugu dambeeyey ee ku geedaaman markabkan ayaa sheegaya inuu kasoo amba-baxay dekedda Zhoushan oo ku taalla gobolka Zhejiang ee dalkaasi Shiinaha. Ujeedka ayaa waxa uu yahay sidii ciidamada badda ee Shiinaha iyo maraakiibtooda ay uga hortegi lahaayeen weeraro lagu qaado maraakiibta ganacsiga ee mara biya Soomaaliya. Si kastaba Shiinaha ayaa sanadihii ugu dmabeeyey sare u qaaday howl-gallada uu ka wado biyaha dalka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah, waxaana ciidamadiisa ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan Gacanta Cadmeed iyo sidoo kale Biyaha fog ee dalkeena Soomaaliya. Qaran News
  4. Warbixin:Labada Musharrax ee u Tartamaya Madaxtinimada Dalka Iran+Shuruudaha lagu kala saarayo Labada nin ee sida weyn ugu baratami doona doorashada madaxtinimada dalka Iran ee bisha danbe, oo kala ah madaxa guddiga garsoorka Ebrahim Raisi iyo afhayeenkii hore ee baarlamaanka Ali Larijani ayaa Sabtida maanta iska diiwaangeliyay guddiga doorashada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Doorashada Iran ee 18-ka June ayay shacabka dalkaasi go’aan uga gaari doonaan qofka u beddeli doona madaxweyne Hassan Rouhani oo mar dhow dhameysan doona labada muddo xileed ee uu dastuurka Iran u ogolyahay in madaxweyne uu xilka hayo. Ebrahim Raisi oo 60 jir ah, ayaa ah wadaad mintid ah oo ay ixtiraamaan dadka muxaafidka ee Muslimiinta Shiicada. Bishii March ee sannadkii 2019-kii ayaa hogaamiyaha ruuxiga Iran Ayatollah Ali Khamenei uu u magacaabay guddoomiyaha guddiga garsoorka Iran. Madaxa garsoorka ayuu Rouhani uga adkaaday doorashadii madaxtinimada ee 2017. Ka sokow xilka madaxtinimada uu hadda u ordayo, waxaa loo arkaa in uu yahay ninka baddali doona Ayatollah Ali Khamenei. Ninka la tartamayo oo ah Ali Larijani, wakiilki hore ee Iran u qaabilsanaa wada-xaajoodka Niyukleerka, haddana ah lataliyaha Khamenei, ayaa raja ka qaba in uu helo codadka dadka fikirkoodu dhex-dhexaadka yahay iyo kuwa muxaafidka intaba. Kooxaha isbadal-doonka iyo kuwa u ololeeya xuquuqda ayaa sheegaya inay ka argagexeen taariikhda Raisi oo ahaa garsoore mayal adag, gaar ahaan sannadihii 1980-meeyadii markii uu ka mid ahaa afar garsoore oo ciqaab dil ah ku xukumay kumanaan maxaabiis siyaasadeed ah. Diiwaangelinta musharrixiinta ayaa ku eg Sabtida maanta ah, iyadoo ay guddi sare oo 12 xubnood ah ay bilaabi doonaan hubinta aqoonta siyaasadeed iyo tan Islaamiga ee musharraxiinta loo oggolaaday tartanka. Lix ka mid ah xubnaha guddigan ayaa waxaa magacaabay Khamenei. Qaran News
  5. Dad cadaan ah & Eydoodii oo la badbaadiyay halka Afrikaankiina laga tegay Dad laga soo badbaadiyay Palma oo gaaray Pemba 31-kii March 2021. Dad ka badbaaday weerar uu ururka “Al-Shabaab” ee Mozambique ku qaaday magaalada Palma ee gobolka Cabo Delgado ee dalkaas ayaa sheegay in hawlgal lagu samata-bixinayay mudnaanta la siiyay dad cadaan ah. Warbixin ay hay’adda Amnesty International la diyaarisay dhacdadaas ayaa lagu sheegay ku dhawaad 200 oo qof oo Afrikaan ah iyo qiyaastii 20 cadaan ah ay gabbaad ka dhigteen huteelka Amarula Palma markii ay magaalada Palma weerar ku soo qaadeen mintidiinta 24-kii March. “Dad goobjoogayaal ahaa ayaa noo sheegay in qaab cunsuriyaysan loo kala soocay dadkii huteelka ku sugnaa oo mudnaanta la siiyay cadaanka,” ayuu yiri Deprose Muchena oo ah agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika. Maamulaha huteelka Palma oo cadaan ah ayaa la sheegay in laba eey oo uu lahaa uu diyaarad helicopter ah saartay, isagoo goobta uga tegay dadka madowga ah ee khatarta ugu jiray weerarka “Al-Shabaab”. Dyck Advisory Group (DAG) oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo dowladda Mozambique ka caawinaysa la dagaallanka ururkaas ayaa beenisay eedeyntaas. Asaasaha shirkaddaas, Lionel Dyck ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in warbixinta aanay sax ahayn, ayna shirkaddiisa si faahfaahsan uga warrami doonto sida ay wax u dhaceen. Dadka ka badbaaday weerarka ayaa u sheegay Amnesty International in laamaha ammaanka ee Mozambique iyo shirkadda DAG ay isku khilaafeen cidda ay tahay inay dadka huteelka ku sugan ka badbaadiso weerarka “Al-Shabaab”. Kumanaan qof ayaa ka barakacay Palma Wasaaradda gaashaandhigga ee Mozambique ayaa u sheegtay Amnesty International in ay ka hadli karto oo keliya hawlgallada samata-bixinta ee ay ciidamadeeda ka fuliyeen gobolka Cabo Delgado, isla markaana ay dadka si aan kala sooc lahayn u badbaadiyeen. Weerarka ay xooggaga Al-Shabaab ee Mozambique ka geysteen magaalada Palma ayaa muujiyay awoodda iyo khatarta uu leeyahay ururkaas oo intii muddo ah ka dagaallamayay gobolka Cabo Delgado. Maalmo kadib weerarkaas, meydadka 12 qof oo qoorta laga jaray ayaa lagu arkay afaafka hore ee huteelka, sida ay sheegeen laamaha ammaanka. Ururkan oo magaca uun la wadaaga Al-Shabaabka Soomaaliya ayaa doonaya inuu uu Khilaafo Islaami ah ka hirgeliyo Mozambique. Horraantii March, Maraykanka ayaa ururka “Al-Shabaab” ee Mozambique u aqoonsaday argagixiso xiriir la leh Daacish. Qaran News
  6. Wararkii ugu Danbeeyay ee Duqeymaha Gaza iyo Gantaalaha Xamaas Weerarrada cirka ah ee Israel iyo gantaalada Hamas ayaa galay maalintii lixaad, iyadoo aysan muuqan rajjo laga qabo in hadda la gaaro xabad joojin deg deg ah, si loo dhammeeyo colaadda u dhaxeya labada dhinac. Diblamaasiyiinta Carabta iyo Mareykanka ayaa isku dayaya in xaaladda la qaboojiyo, ka dib habeen ay rabshado iyo duqeymo hareeyeen oo ay xalay ku waabariisteen dadka Falastiiniyiinta iyo Israel, ka gadaal markii ay Israel sii xoojisay bambaanooyinka ay ku garaaceyso waqooyiga Gaza, halka ururka Hamas ay ugu yaraan 200 oo gantaal ku tuureen magaalooyinka Israel. Weerar cirka ah ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan carruur. Weerar kale ayaa waxaa isna ku dhintay ugu yaraan laba qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Falastiin. Jimcihii, rabshadaha u dhexeeya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ayaa sii xoogeystay ka dib markii uu dagaal ka qarxay Daanta Galbeed xilli ay socdaan duqeymaha diyaaradeed ee Gaza iyo xasillooni darro ay Carabtu ka dhex bilaabeen gudaha Israel. Qeybaha ka tirsan Daanta Galbeed, boqolaal Falastiiniyiin ah iyo booliiska Israel ayaa isku dhacay, iyadoo ay Falastiiniyiintu tuurayeen dhagxaan islamarkaana gubayeen taayaro , waana mudaaharaadyadii ugu weynaa ee muddo dhowr sano ah ka dhaca gobolka. Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa soo wariyay in 11 Falastiiniyiin ah lagu dilay rabshadaha. Gudaha Israel-na, rabshado u dhexeeya Yuhuudda iyo Carabta ayaa habeenkii afaraad ka socda magaalada Lod. Magaalada Gaza-na, Israel ayaa ciidamo dhulka ah dhoobtay xadka ay la wadaagto Marinka Gaza ee ay Falastiin maamusho, taas oo sii kordhineysa cabsida laga qabo in rabshadaha 5-ta maalmood jirsaday ay isku beddelaan dagaal toos ah. Afhayeen u hadlay militariga Israel, Lieutenant Colonel Jonathan Conricus, ayaa sheegay in diiradda Israel ee weerarka Gaza uu yahay godadka dhulka hoostiisa mara ee ay Xamaas dhistay sanadihii la soo dhaafay. Israel ayaa sheegtay in ay banneyneyso godadka dhulka hoostiisa mara ka hor inta aysan ciidankeedu qaadin duulaan dhulka ah. Qiyaastii 9,000 oo ah ciidamada keydka ku jira ee Israel ayaa loogu yeeray in ku biiraan ciidammada kale ee ku sugan xadka. Sheikh Cikrima Sabri, oo ahaa khaddiibka salaaddii Jimcaha ee Masjidka al-Aqsa, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dhowr mar lagu xadgudbay muqaddasnimadii masaajidka intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadan, wuxuuna ku tilmaamay xadgudubyada noocan ah kuwo “aan horay loo arag” tan iyo sanadkii 1967-kii oo uu dhacay dagaalkii lixda maalmood ee u dhexeeyay Israel iyo Carabta. Dagaalkaas ayay Israel ku qabsatay Magaalada Qadiimiga ah ee Qudus, halkaasi oo uu ku yaallo masaajidku, iyo dhulal kale oo weli si weyn ay labada dhinac ku muransan yihiin. Qaran News
  7. Jabuuti (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Jabuuti horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Geelle, isaga oo u rajeeyay in ay sii ambo-qaadi doono dadaalladaas. Rooble iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo diblomaasiyiinta ka soo qeyb galay xafladda, waxa ayna kala hadleen danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeyo dalkeenna. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti waxaa ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Xubno kale oo ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. The post Sawirro: R/W Rooble oo ka qeyb galay caleemo-saarka madaxweynaha JABUUTI appeared first on Caasimada Online.
  8. Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 5aad xilka madaxtinimada Jbuuti loo dhaariyay Waxaa maanta markii shanaad xilka madaxtinimada loo caleemo saaray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday bishii lasoo dhaafay, doorashadaas ay qaadaceen mucaaradka Jabuuti. Waxaana munaasabadda dhaarinta madaxweynaha ka qeybgalay hoggaamiyeyaal ka socday gobolka oo ay kamid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Qaran News
  9. (SLT-Hargeysa)-Warbaahinta Dawladda Jabuuti ayaa si weyn uga warrantay socdaalka Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu ku tagay dalkaasi ee uu kaga qaybgalayo xafladda mar kale loogu caleemo-saarayo Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Qaybta Ingiriisiga ee Telefishanka Qaranka Jabuuti oo xalay si weyn uga warbixiyey socdaalka Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi uu ku tagay Jabuuti, waxaanay sheegeen in Ra’iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed uu si meeqaamkeedu sareeyo madaarka Jabuuti ugu qaabilay Madaxweynaha Somaliland isla markaana ay kulan ku yeesheen qaybta VIP-da. Telefishanka Jabuuti waxa uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Aroorta ku biirayo madax tiro badan oo ka socota beesha caalamka oo ka qaybgalaysa caleemo-saarka madaxweynaha Jabuuti oo dhawaan ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay waddankaas. Telefishanku wuxuu intaas ku daray in xidhiidh saaxiibtinimo ka dhexeeyo Jamhuuriyadda Somaliland. Source
  10. Hady Amr oo ah ergay Mareykanku u soo magacaabay arimaha Falastiin iyo Israa’iil ayaa gaaray Magaalada Tel Aviv,si uu u qaboojiyo xiisadaha ka taagan Marinka Qasa ee u dhexeeya labada dhinac. Ergayga iyo saraakiil ka tirsan UN-ka ayaa ka qeybqaadan doona wadahadallo lagu dhexdhexaadinaayo Israel iyo Falastiin oo muddo lix cisho ah ku dagaalamaya Marinka Qasa. Mas’uulkaasi ka socda Mareykanka waxa uu rajo ka muujiyay in labada dhinac la dhexdhigi doono heshiis xabbad joojin ah. Subaxnimadii hore ee maanta, miletariga Israa’iil waxay duqeymo cirka ah ka fuliyeen Qaza ,halka fagaalyahanada Falastiin ay iyaguna gantaallo ku rideen Israa’iil. Illaa 140 qof oo Falastiin ah ayaa lagu diley Gaza ,sideed kalena waxay ka dhintay Israel tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay Isniintii la soo dhaafay. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo ergay u soo diray Israa’iil iyo Falastiin appeared first on Puntland Post.
  11. Munaasabad ka dhacday Caasimadda dalka Jabuuti ayaa Maanta markii Shanaad xilka Madaxweynaha dalka Jabuuti loogu dhaariyay Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ku guuleystay doorrasho ka dhacday dalkaas 9kii Bishii Apriil ee sanadkan 2021. Munaasabadda dhaarinta & Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa ka qeyb galay Madax badan oo Afrikan ah, sida hoggamiyeyaasha dalalka Kenya, Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhaarinta kadib Goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay Madaxda ka socota dalalka Afrika ee munaasadda ka qyeb galay, isaga oo balan qaaday in Shacabka Jabuuti uu si cadaalad ah ugu Shaqeyn doono. Sidoo kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu sii xoojin doono xiriir kala dhaxeeyay wadamo badan oo Caalamka ah, kuwaas oo ay iska kaashadaan dhinacyada amniga iyo horumarka. PUNTLAND POST The post Ismaaciil Cumar Geelle oo markii Shanaad loo dhaariyay Madaxweynaha Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  12. The European Union held a ground-breaking ceremony to launch the Berbera Beach Development, part of the EU funded Urban development project that was launched in 2020. Today, the European Union held a ground-breaking ceremony to launch the Berbera Beach Development, part of the EU funded Urban development project that was launched in 2020. The Beach component will be implemented by the Berbera Municipality and UN-Habitat over the next 7 months. The Berbera Beach project, which will particularly focus on inclusion and livelihood creation, will have the following areas: a family area, a female-only area where girls and women can enjoy the beach and the sea freely, sports and youth facilities for girls and boys, a market area, a recycling facility and pocket spaces reserved as public areas to rest, play, host street vendors or small cultural activities. “The new Berbera beach project will not only be an attractive recreation opportunity for the people of Berbera, but also a unique economic opportunity. It will attract a large number of visitors and thus create revenues for the region, business opportunities for the private sector, and direct and indirect employment for residents,” said the EU Ambassador to Somalia, Nicolas Berlanga Martinez. “The public space development at the beach will unlock its potential as an asset for tourism. Consequently, these public spaces will create a vibrant and accessible environment that integrate the needs of a variety of stakeholders, especially the most vulnerable groups such as children, youth, girls, waste pickers and those working in the informal sector,” said Ishaku Maitumbi, Officer in charge of UN-Habitat Somalia Programme. The municipality identified the beachfront as a priority area for the urban regeneration of Berbera following the current trends of the city growth and the recommendations from the review of the 2017 Strategic Development Plan. Background: The Berbera Beach development is part of the larger EUR 7.5M Berbera Urban Development project that was launched in January 2020. UN-Habitat in collaboration with the Berbera Municipality is implementing this urban development project aimed at contributing to inclusive and sustainable urban development and economic growth through improved waste management, infrastructure and services. Other than the beach development, the municipality aims to improve infrastructure and services of the Beach Road and the main street connecting the beachfront with the city centre. This is a great opportunity to increase connectivity and accessibility of the road, developing a people-oriented network of public spaces, as well as support the future development of the city. The Berbera public space regeneration project follows the UN-Habitat principle for quality public space network to envision an inclusive and vibrant city. The project also works towards the achievement of the New Urban Agenda and the Sustainable Development Goals 11 to make cities and human settlements inclusive, safe, resilient and sustainable and provide universal access to safe, inclusive and accessible, green and public spaces for all by the year 2030. Source: EU The post The EU launches the Berbera Beach Project with the Berbera Municipality and UN-Habitat appeared first on Puntland Post.
  13. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku began 15-ka bisha May. Raysalwasaaraha ayaa xusay doorkii xornimodoonka dhalinyaradda Sooomaaliyeed ka geysteen iyo in ay dhalinyaraddu tahay laf-dhabarta bulshadeena markastana yihiin kuwo door weyn ka qaata hawlaha loogu adeegayo qaranka. Ugu dambayn Raysalwasaaraha ayaa xusay in xukuummadiisu door weyn siinayso dhalinyaradda Soomaaliyeed. “Xukuumadda Soomaaliyeed iyadoo garowsan muhiimadda dhalinyaradda Soomaaliyeed, waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta dhalinyaradda Soomaaliyeed iyo sidii loo xoojin lahaa ka qayb galkooda dhinacayadda kala duwan ee nolosha si gaar ahna siyaasadda iyo hoggaaminta Dalka.” PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare rooble oo hambalyo u diray xuska maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  14. President Uhuru Kenyatta arrived in Djibouti Saturday to witness the inauguration of President Ismael Omar Guelleh, who is set to start his fifth term. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Booliska Soomaaliya ayaa baahiyey baadi goobka eedeysane la sheegay inuu baxsad ka yahay gacanta Booliska kaasoo loo heysto dambi. Eedeysanaha uu booliska baadi goobayo ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdixakiim Cabdisalaan Aadan, waxaana loo maleenayaa inuu ku sugan yahay dhulka Somaalida iyo deegaanada Soomaali Galbeed ee Itoobiya. Booliska ayaa Shacabka iyo maamulada ka jiro deegaanada Soomaalida iyo kuwa dariska la ah Soomaaliya ka codsaday inay booliska kusoo war geliyaan haddii eedeysanahaan lagu arko deegaanadooda. Booliska ma sheegin dambiga uu galay eedeysane Cabdixakiim Cabdisalaan Aadan, waxaana baadi goobkiissa lagu faafiyey dhammaan warbaahinta Dowladda iyo baraha Bulshada. Halkaan hoose ka akhriso farriinta ay soo qoreyn Booliska Wanted. (Eedeysane Baxsad ah). Dhamaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo Deegaanada Soomaali Galbeed, waxaa laga Codsanaya in ay nagala qeyb qaataan baadi-goobka eedeysane Cabdi Xakiim Cabdisalan Aadan, kaas oo Sawirkiisa halkaan idinkaga muuqdo. Cidii aragta hanagala so xiriirto tel 991 gudaha dalka ama baraha bulshada, iyada oo macluumaadkiisa loo gudbinayo xarumaha Boliiska ee kuugu dhaw, ama xiriirada Baraha bulshada. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Mahadsanidiin. The post Booliska Soomaaliya oo raadinaya eedeysane baxsad ah appeared first on Caasimada Online.
  16. Xilli dowladda federaalka kenya ay joojisay dhamaan duulimaadyadii ka imaanaye ama ku socde Soomaaliya , ayaa la sheegaya in ay ogolaatay in ay safar ku imaadaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Diyaaradahaan oo ay maamusho shirkadda Astral Aviation ayaa la sheegay in ay alaabo keenni doonaan magaalada Hargeysa , iyagoo ku hakanaya dalka Jabuti . MacDonnell Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F, ayaa la qorsheyay in ay laba maalin ay tagaan Hargeysa, iyadoo ay dhici karto in la kordhiyo maalmaha ay aadayaan Somaliland . Arrimahaan ayaa ku soo aaday xilli la soo celiyay xiriirka labada dal, balse aanu aheyn sidii la rabay, kadib markii Soomaaliya ay diiday qaadkii uga imaanayay Kenya, iyadoo Nairobi ay jawaab uga dhigtay in ay joojiso dulimaad yadii Muqdisho kaga imaanayay . Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Sabti ah markab nooca dagaalka ah iyo ciidamo u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya, si ay u galbiyaan maraakiibta ganacsi ee isticmaala biyaha Soomaaliya iyo sidoo kale meelaha ka baxsan. Markabkan oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa dul-saaran diyaaradaha kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka, gantaallada wax burburiya iyo doomo nuuca dheereeya, wuxuuna noqonayaa markabkii miid 38-aad ee ay la socdaan ciidamada xoreynta badda (PLA). Wararkii ugu dambeeyey ee ku geedaaman markabkan ayaa sheegaya inuu kasoo amba-baxay dekedda Zhoushan oo ku taalla gobolka Zhejiang ee dalkaasi Shiinaha. Ujeedka ayaa waxa uu yahay sidii ciidamada badda ee Shiinaha iyo maraakiibtooda ay uga hortegi lahaayeen weeraro lagu qaado maraakiibta ganacsiga ee mara biya Soomaaliya. Si kastaba Shiinaha ayaa sanadihii ugu dmabeeyey sare u qaaday howl-gallada uu ka wado biyaha dalka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah, waxaana ciidamadiisa ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan Gacanta Cadmeed iyo sidoo kale Biyaha fog ee dalkeena Soomaaliya. The post Shiinaha oo markab dagaal iyo ciidamo usoo diray xeebaha Soomaaliya + ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  18. Mogadishu (HOL) - Somalia is celebrating Somali Youth Day on Saturday. This annual event commemorates the founding of the Somali Youth League and marks the beginning of Somalia's struggle for independence. Source: Hiiraan Online
  19. (SLT-Jabuuti)-Waxaa maanta lagu wadaa inay magaalada Jabuuti ka qabsoonto caleemasaarke Madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle. Waxaana halkaas ku sugan madax tiro badan oo ka kala yimid dibadda, gaar ahaan waddammada deriska la ah dalka Jabbuuuti halka kuwo kalena la filayo in maanta halkaasi ay gaadhaan. Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle markiisii shanaad uu ku guulaystay doorasho ay xilli horeba mucaaradka qaaddaceen. Taariikhda Ismaaciil Cumar Geelle Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sannadkii 1948 ku dhashay magaalada Diridhaba ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya. Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxa ay ahayd sannadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sannadkii 1977. Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sannadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sannadkan 2021. Madaxweynaha xaaskiisa waa Khadra Maxamuud Xayd, waxayna isku dhaleen afar carruur ah, laba wiil iyo laba hablood. Source
  20. GAZA CITY, Gaza Strip (AP) — An Israeli air raid in Gaza City killed at least 10 Palestinians, mostly children, early Saturday in the deadliest single strike since the battle with Gaza’s militant Hamas rulers erupted earlier this week. Both sides pressed for an advantage as cease-fire efforts gathered strength. Source: Hiiraan Online
  21. (SLT-Paris)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in uu booliska ka dalbaday inay mamnuucaan dibad-baxyada lagu taageerayo Falastiin, kuwaas oo la filayo in ay toddobaadkan ka dhacaan meelo ka mid ah Faransiiska. Dibad-baxayaashan ayaa ka soo horjeeda duqaymaha ka socda dhulka Falastiiniyiinta ee go’doonsan ee Qudus iyo Daanta Galbeed. Darmanin ayaa warbaahinta u sheegay in uu madaxa booliska ku amray in la joojiyo dibad-baxyadaas, hase yeeshe ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha Flastiin ayaa sheegay in aanay dhag jalaq u siin doonin hadalka wasiirka. Dagaalka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo ciidammada amniga Israa’iil ayaa ku fiday Daanta Galbeed, iyadoo la sheegay in 10 Falastiiniyiin ah ay dhinteen, Ugu yaraan 122 qof ayaa lagu diley Qaza halka sideedna lagu diley Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku bilaamay Isniintii. Source
  22. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markii shanaad loo caleema saarayaa xilka madaxweynaha ee dalkaasi. Munaabadda caleema saarka oo si weyn loo soo qaban qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb-galaya wufuud kala duwan, sida ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ra’isul wasaareyaasha dalalka Itoobiya iyo Rwanda Abiy Ahmed iyo Edouard Ngirente, madaxweynaha Guine Alpha Conde, madaxweyne ku xigeenka South Sudan iyo xubno sare oo ka socda dalalka Uganda, Kenya, Pakistan, Turkey, Sucuudiga iyo sidoo kale France. Sidoo kale waxaa la filayaa xubno kale oo ka qeyb-galaya xafladda caleema saarka inay maanta gaaraan gudaha wadankaasi. Geelle oo dhowaan dib loo doortay ayaa helay codad gaaraya 98.41%, kadib doorashadii ka dhacday Jamhuuriyadda dalka Jabuuti. Sidoo kale wuxuu Ismaaciil Cumar Geelle qaabili doono, isla-markaana kulan duceedyo la qaadan doono madaxda ka qeyb-galeysa caleema saarkiisa. Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya ee uu waqtigiisu dhammaaday ayaa ka baaqsaday ka qeyb-galka munaasabaddan, waxaana ku metalaya Ra’iisul wasaare Rooble, hase’yeeshee ka qeyb-galka ra’iisul wasaaraha ee caleemo-saarka ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka ka dhex-oogan dowladaha dariska ah ee Somalia iyo Jabuuti. Si kastaba khilaafkan ayaa kasoo billowday markii 2018-kii uu Farmaajo xulufo siyaasadeed la sameystay Eritrea oo haysata dhul ay Jabuuti leedahay, taasi oo aad ay uga xumaatay dowladda Jabuuti in madaxweyne Soomaaliyeed uu la safto dal haysta dhul Soomaaliyeed. The post Wararkii ugu dambeeyey ee caleema saarka Geelle appeared first on Caasimada Online.