Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in la xalliyay tabashadii maamulka Hirshabeelle ka muujiyay shirka arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu khadka Taleefonka kula hadlay madaxweynaha Hirshabeelle, islamarkaana ka raalli-geliyay tabashadii uu ka qabay Shirka. Qoraalka waxa kale oo lagu sheegay, in madaxweynaha Hirshabeelle shirka uu aaladda Fogaan-aragga ee Zoomka kaga qayb-galayo shirka oo maanta furmaya, kadib markii laga qanciyay Tabashadii uu muujiyay. “Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Hirshabeelle laga qanciyay Tabashadii Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay, in ay Axaddii shalay degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ku toogteen lix ruux oo ku eedaysnaa basaasnimo. War ka soo baxay Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in lixdaas ruux dhammaantood ahaayeen jawaasiis u shaqeeya hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da. Sida laga soo xigtay Al-shabaab, dadka la toogtay waa shan nin iyo qof dumar ah oo dhammaantood bixiyay macluumaad sirdoon oo ku saabsan Al-shabaab. Waana Cumar Cabdulqaadir Hiiraale, Cabdi Xasan Axmed, Ibraahim Cumar Cali, Sadaam Cusmaan Maxamed, Aweys Xasan Xaaji iyo Fartuun Cumar Abkow. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab oo shan nin iyo qof dumar ah ku toogtay degmada Saakow appeared first on Puntland Post.
  3. Warar ay Warbaahinta Puntlandi.com ka helayaan Muqdisho, maalmahaanba Hirshabelle waxay u ololaynayeen in Soo xulida Xildhibaanada Maamulkaan ka imaanaya lagu qabto Jowhar oo qura lagana tanaasulo Baledweyne. Arintaan waxaa si weyn uga horyimid Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Raysal wasaaraha, waxayna soo jeediyeen in aan waxba laga badalin Heshiisyadii horay loo gaaray. Madaxweynaha Horshabella ayaa maalmahaan doonayay in aysan Doorashadu ka dhicin Baledweyne, taas badalkeedana wuxuu doonayaa in Xildhibaanada Beelaha Dega Gobolkaan la isugu keeno Jowhar halkaasna lagusoo xulo Xildhibaanada Gobolka Hiiraan. Beesha ugu Tunka weyn Gobolka Hiiraan oo ah Beesha Xawaadle ayaa aaminsan in Villa Soomaaliya ay u ololaynayaan Shaqsiyaad Beesha Ah oo ay iyagu wataan. Jubbaland ayaa horay looga diiday in Deegaan Doorashadu ay noqoto hal magaalo, Sababtoo ah Muranka ka taagan Gobolka Gedo, Puntlandi.com Muqdisho The post Hirshabelle oo laga diiday codsigii wax ka badalka Heshiiska doorashada appeared first on . Source
  4. Alloow alle Shaxdaan degayba maad garan oo way kaashisheysaa. Waxaan aad ulayaabay siyaasiyiinta durbaanka utumaaya furista axsaabta Waxabadan oo aan siisheegay hortiina ayay Yimaadeen hadaan idiin iftiimiyo Ujeedada muuse biixi kaleeyahay furista axsaabta hadii aad kufarxaysaan iyo hadii kaleba Wuxuu uga danleeyahay marka wakhtigii Doorashada maalmo yari inaka xigaan Inuu yidhaahdo liisankii xisbiyadu Wuu dhacay doorashana sidaan Laguma geli karo doorasho haynoo danbayso Ee xisbiyada halafuro hadii aan arintaa laga gaashaaman soomaaliland waxay kudhici doontaa god madow waxaan ka cabsi qabaa Inay horseedo dhamaadkii jiritaankii soomaaliland waa sabata xukuumadu Udoonayso inuu qabto hogaanka baarlamaanka cid kushaqayn karta Fulunta amarada. Madaxtooyada Cid waliba way usacaba tumilahayd Haday xaajadu kaduwantahay Sidaan kasoo sheekeeyey Waxaa inalagudboon feejignaan Inlaga yeesho mudokordhin loogu gabado furis xisbiyo W/Q Boqor Buurmadow Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu codsaday in uu ka qeybgalo shirka la filayo in toddobaadkaan uu ka qabsoomo Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble u sheegay in maadaama heshiis laga gaaray doorashada Soomaaliya, islamarkaana shirka hadda qabsoomaya uu yahay mid farsamo iyo dardar gelinta doorashada uu Madaxweynaha daneynayo in uu ka qeybgalo si uu ula dardaarmo madaxda maamullada iyo mas’uuliyiinta kale ee ka qeybgalaya. Farmaajo ayaa sidoo kale doonayey in niyad-wanaag iyo is-cafis la sameeyo kahor doorashada dalka, si rajada shacabka sare loogu qaado. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu Madaxweynaha u sheegay in ka qeybgalkiisa ay abuuri karta xasarad siyaasadeed oo cusub, islamarkaana uu dhalan karo khilaaf siyaasadeed oo markale saameeya doorashada Soomaaliya. Cadaadis badan kadib Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qancay soo jeedintii Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la sheegay in uusan ka qeyb-geli doonin balse waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Madaxweynaha u ballan qaaday in uu la kulansiin doono Maamul Gobaleedyada dalka oo intooada diidan Madaxweyne Farmaaajo. Shirkii la filayay in uu maanta ka qabsoomo Muqdisho ayaa u baaqday qaadacaad uu sameeyey madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, oo dalka Turkiga ku maqan. Sababta rasmiga ah ee uu Guudlaawe u qaadacay shirka halkan ka aqriso. The post Xog: Rooble oo diiday codsi ka yimid FARMAAJO oo ku saabsan shirka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Dheere ayaa lagu warramayaa in uu ciidamo beeleed ku diyaarsaday duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, halkaas oo ay ku badan yihiin qoyskiisa ama dadka uu ka soo jeedo. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wasiirka oo siyaasad ahaan aad uga soo horjeeda Madaxweyne Axmed Madoobe, islamarkaana aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA, la filayo in kursigiisa lagu doorto Kismaayo maadaama uu ka soo galo Jubaland. Waxaa suurta-gal ah in kursigaas loo wareejiyo degmada Garbahaarey, hase yeeshee waxaa hadda socda dadaal la doonayo in deegaan doorashada maamul goboleedyada lagu soo koobo min hal magaalo. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasiir Cabdiraxmaan Dheere uu beeshiisa ka dalbaday in loo diyaariyo ciidamo beesha ah, kuwaasi oo suga ammaankiisa haddii ay dhacdo in uu tago Kismaayo ama la isku dayo in la boobo kursiga beesha, sida uu u sheegay odayaashiisa degaanka. Wasiir Cabdiraxmaan Dheere waxa uu kamid ah shaqsiyaadka ugu dhow Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uuna ku jiraa shaqsiyaadka xoogga geliyay in uu badasho kursigiisa inkastoo qorshahaas suurta geli waayay. Cabdiraxmaan Dheere ayaa sidoo kale ahaa ninkii ka shaqeeyey heshiiskii uu wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Janan isugu soo dhiibay dowladda federaalka, ugana soo goostay Jubaland. Doorashada Soomaaliya ayaa loo arkaa in sanadkaan ay ka adagtahay sanadihii hore waxaana sababta lagu sheegay ahmiyadda ay doorashada sanadkaan leedahay iyo siyaasiinta Soomaaliyeed oo aad ukala fogaaday muddooyinkii dambe. The post Xog: Wasiir ka tirsan DF oo ciidamo ku diyaarsaday duleedka KISMAAYO appeared first on Caasimada Online.
  7. Magacaabidda Jeffrey Feltman ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika ayaa rajo iftiimisay. Diblomaasiyaddaas ayaa sare u qaadday dadaallada wax looga qaban karo gobol ay ka jiraan colaado aan wax badan laga fahmin, iyo dhibaatooyin isku miliqsan oo ay hadheeyeen loollan awood iyo dano shisheeye. Itoobbiya oo culays diblomaasiyadeed kala kulantay buuxinta wejiga labaad ee harada biyoxireenka (Grand Renaissance Dam – GERD) iyo colaadda Tigray ayaa adeegsatay “lobbyist – Holland & Knight” si ay ula jaanqaaddo siyaasadda maamulka Joe Biden dibna loogu xoojiyo saameyntoodii congress-ka Mareykanka. “Diblomaasiyad hufan” waa tubtii uu Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaga badbaaday cunaqabatayn ku soo food lahayd kaddib markii uu ku simbiriirixday talo xumidii Golaha Shacabka. Dhinaca kale, Nairobi oo xayiraad ku soo rogtay duullimaadyada isaga kala goosha Soomaaliya iyo Kenya, maalmo uun ka dib markii Soomaaliya ay si niyad wanaag ah dib usoo celisay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee labada dal, ayaa June 10, 2021 dib u furtay duullimaadyada hawada Soomaaliya. Dad badan ayaa su’aal gelinaya xikmadda ka dambeysa tillaabadaas iyo guud ahaan isbeddelka siyaasadda Kenya ee Soomaaliya. Qayb ka mid ah jawaabaha arrintaas ayaa ah: Kenya oo doonayso inay badbaadsato heshiiska ganacsiga ay la gashay maamulkii Trump iyadoo maamulka Joe Biden uu dib u eegis ku samaynayo si loo hubiyo inuu la jaanqaadi karo ajandahooda, oo ay qayb ka tahay xasilinta Geeska Afrika; iyo Kenya oo isku muujineyso dunida inaysan khatar ku ahayn deriskeeda ayaa ku barraarugta ashtakada Soomaaliya ay horgeysay Golaha Amniga QM ee xasuuqa dadka rayidka ah iyo burburinta hantida gaarka ah, taasoo maamulka Joe Biden uusan indhaha ka qabsan karin dhici kartana in lagu canaanto mid la mid ah “cunaqabatayntii” lagu soo rogay Addis Ababa oo ahayd “Weysha Gowrac Dibiga Ha Ku Quustee.” Ka hor inta aan lagu eedayn dhibaatooyinka bina’aadamnimo ee Tigray, Addis Ababa waxaa weligeedba bogga ku sitay Washington oo u dulqaadan jirtay gaboodfalladeeda dabooli jirtayna daldaloollada maamulladii kala duwanaa ee soo maray. Dabcan wax badan ayaa isbeddelay tan iyo toddobaadkii ugu horreyay ee June 2020 markii Feltman uu gaarsiiyay dalalka Qadar, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Kenya waxa Mareykanku ka filayo. Ujeeddada Washington waa sida ay gacan kaga geysan karto fududaynta xallinta arrimaha murugsan ee Geeska Afrika. Waxayse su’aal kedis ah ku noqoday dad badan in mar qur ah Muqdisho lagu wada arkay wafdi ka socda Boqortooyadda Sacuudiga iyo Danjiraha Imaaraadka oo aan in muddo ah cag soo dhigin Muqdisho. Dhammaan digorrogashadaas waxaa loo aaneynayaa inay sababtay “cunaqabateynta,” mase ka tarjumeyso in Washington ay si joogta ah u beddeshay siyaasaddii ay ku dhaqi jirtay Soomaaliya soddonkii sano ee la soo dhaafay “ka hortagga iyo xakameynta – deterrent and containment.” Si kastaba ha ahaate, Soomaaliya iyo Kenya ma awoodi karaan in cilaaqaadku ka sii xumaado meesha uu gaaray. Xidhiidhkooda waxaa had iyo jeer hadheeya “kalsoonidarro.” Waa inay ka gudbaan siyaasadda aragtida gaaban ee ribix doonka ah si hufanna u raadiyaan fursado macquul ah oo sababi kara horumar wadareed raja leh. W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Maxaa sababay isbeddelka siyaasadda Kenya ee Somalia? appeared first on Caasimada Online.
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa shaaciyey in konton dhalinyaro ah la soo xiray kadib markii ay ku labisteen, islamarkaana ay muqaalo iyo sawiro ku soo galeen calanka Soomaaliya, ayaga oo xusayay 26-ka June. Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyaradaas la horgeyn doono maxkamada iyo xeer ilaalinta, si loo marsiiyo ciqaabta ficilada ay ku kaceen. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyaradaas ay gadaal ka riixayaan cid ay ku sheegen inay dano gaar ah ka leedahay Somaliland, islamarkaana ay ku raad-joogan oo deg-deg usoo qaban doonaan. Ma ahan markii u horeysay ee xukuumadda Somaliland xarig kula kacdo dad ku labistay calanka Soomaaliya, balse waa tiradii u badneyd ee halmar loo xiro arrintaas, midaasi oo la yaab ku noqotay bulshada. Hoos ka aqri qoraalka kasoo baxay Ciidamada Somaliland Ciidanka Booliska Gobolka Awdal waxay xabsiga u taxabeen ku dhawaad kontan dhalinyaro(50) ah kuwaas oo la soo baxay calanka Somalia. Dhalinyaradan ayaa qaarkood ku labisnayeen calanka halka kuwa kalana muqaalo iyo sawiro ay ku galayeen meel ka baxsan magaalada. Dhalinyaradan ayaa hada ku kala xidhan xabsiyada dalka waxaana la hor gayn donaa maxkamada iyo xeer ilaalinta si ay uga gutaan waajibaadkoga. Sida warar xogogaal ku helayaan laamaha amaanku waxa dhalinyaradan dabada ka hagaaya cid dano gaara leh, cidaas hagaysana waanu ku raad joognaa degdagna waa loo soo qaban Insha Allah The post Somaliland oo maxkamad soo taageysa dhallinyaro ay ku haysato arrin yaab leh appeared first on Caasimada Online.
  9. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntlad ayaa soo bandhigay xogta codbixiyeyaasha iska diiweengeliyay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Guddiga ayaa wadarta guud ee dadka sida saxda ah isaga diiwaangeliyay 3-daas degmo ku sheegay 46,187 qof oo in ka badan boqolkiiba konton (50.5%) yihiin dhedig. Degamada Qardho waxaa iska diiwaangeliyay 24,921 qof, degmada Eyl waxaa iska diiwaangeliyay 11,364 qof, halka Ufeyn ay iska diiwaageliyeen 9,902 qof. Tirada koobka guud ee dadka degamada Qardho ayaa lagu sheegay 181,039 qof, degmada Eyl waxaa lagu qiyaasay 148,611 qof, halka Ufeyn lagu sheegay 57,095 qof. PUNTLAND POST The post Puntland: Codbixiyeyaasha Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo la soo bandhigay appeared first on Puntland Post.
  10. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay Isbitaalada magaalada Muqdishu ku booqday bukaannadii ku dhaawacmay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen degmada Wisil ee Gobolka Mudug. Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa si adag u cambaareeyay weerarka kana tacsiyeeyay dhamaan intii ku dhintay dagaalkii degaanka Wisil. Dhinaca kale madaxda ayaa bogaadisay shacabka iyo ciidamada qalabka sida ee iska caabiyay weerarka xarakada Al-shabaab. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa u duceeyay bukaanada in Ilaahey caafimaad degdeg ah siiyo, ayagoona dhanka kale ballan qaaday in ay sii labalaabi doonan hawlgal ka dhan ah Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Rooble iyo Qoor Qoor oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada weerarkii Wisil appeared first on Puntland Post.
  11. Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku hanjabay in ay si muuqata iyo si aan muuqan-ba u dili doonaan cid kasta oo lug ku yeelata amni-darrada gobolka. Guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay in ay hayaan liiska dad isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada Mudug oo siyaabo kala duwan ula shaqeyn jiray Al-shabaab, isla markaana ay marin doonaan wadadii 18 nin ee lagu toogtay Gaalkacyo. Gudoomiye Sanyare oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Shabaabkii hubeysnaa oo dadka layn jiray ama qaraxyada geysan jiray xooggoodii gacanta dowladda ayuu ku jiraa, laakiin koobi (Copy) Shabaab baa jira, iyagaan hadda bilaabaynaa, waxaan liiskooda haynaa ganacsato lacag siin jirtay, kuwo meelo waxbarasho ku gabada oo dadka tashkiilin jiray, kuwo masaafurin jiray iyo kuwo dadka marin habaabin jiray” “Gobolka Mudug ciddii qas ka sameysa si muuqata baan u dilaynaa, xataa qaar baan maxkamad la gaarsiinayn” ayuu hadalkiisa raaciyay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland. PUNTLAND POST The post Sanyare: Mudug ciddii qas ka sameysa waa la dilayaa, xataa qaar baan maxkamad la gaarsiinayn appeared first on Puntland Post.
  12. Wasil (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka deegaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin degaanka Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarka uu ku billowday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay irridda hore ee xerada. Ilo ku sugan magaalada Wisil ayaa sheegay in dagaalka ay ku geeriyoodeen in ka badan 30 qof oo isugu jira shacab iyo askar, halka khasaare xoog leh loogu geystay dagaalyahanadii weeraray deegaankaas, Al-Shabaab markii ay gudaha u galeen Wisil waxay madaafiic u qeybiyeen deegaanada kale ee u dhaw, waxyoolo badan ayaana kasoo gaartay dad u badan shacab. Dadka ugu badan waxaa dilay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen wadooyinka soo gala deegaanka ka hor inta aysan weerarka ku qaadin, sidoo kale madaafiic ayey ku garaaceen deegaanada u dhaw Wisil markii ay kala wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe xoogga isugu geeneysay sidii ay ula wareegi laheyd deegaanada dhaca koonfurta gobolka Mudug oo magaalada Wasil ay ku jirto, waxayna horay ula soo xirireen odayaal dhaqanka deegaankaas oo ka soo jeeda Beesha Sacad, waxayna u gudbiyeen dalab ah in maamulka magaalada Wasil lagu wareejiyo Al-Shabaab. Odayaasha Sacad ayaa si cad uga hor yimid qorshaha Al-Shabaab, waxayna kooxdaan ku hanjabtay inay magaalada Wasil ka sameyn doonto dhibaatadii ay ka sameysay deegaanka Bacaadweyn oo qiyaasatii 30-km u jira Wasil. Al-Shabaab ayaa dhowr jeer ku fashilmay weerarro ay ku soo qaadeen magaalada Bacaadweyn, balse ugu dambeyntii way u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan, kadib markii ay mid mid u ugaarsadeen odayaashii iyo waxgaradkii ugu muhiimsanaa deegaankaas, taas oo ugu dambeyntii keentay inay is dhiibto beesha Qubeys – Dir oo degta Bacaadweyn, iskana difaaci jirtay Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa siyaabooyin kala duwan Magaalada Muqdisho iyo Bacaaweyn ugu dishay dad gaaraya 20 qof oo isugu jiray dhallinyaro, culumo, waxgaradka iyo ganacsato ay ku eedeeyeen inay sabab u yihiin in Al-Shabaab laga hor istaago qabsashada Bacaadweyn, waxayna ugu dambeyntii beesha dagan Bacaadweyn ogolaatay inay hoos tagto Al-Shabaab, kadib cabsi xoog leh oo soo wajahday. Kooxdaan ayaa dhawaan maamul cusub u sameysay deegaanka Bacaadweyn, waxaana loo sameeyey garsoor iyo ciidan, iyadoo la sheegay in hadda doonayaan in sidaas oo kale ay ka sameeyaa Wasil oo muhiim u ah isku xirka jidka magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ee gobolka Mudug. The post Xog: Maxaa dhex-maray odayaasha beesha Sacad iyo Al-Shabaab kahor weerarkii Wisil? appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay habeen hore ka baxeen hoolka lagu qabanayay manaasabaddii loogu dabaal dagayay 26-ka June. Xafladda oo lagu qabtay hool yar oo ku dhex yaalla xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegay in dhammaan dadka ka qeyb-galaya oo ay ku jiraan Wasiirada, Xildhibaanada iyo madaxda kalaba loo diiday in ay Mobeelladooda la galaan. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in amarkaas uu ka soo baxay Villa Somalia waxaana diiday oo dibadda munaasabadda uga baxay Wasiirada kala ah Saalax Axmed Jaamac oo ah Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo ka soo jeedaa Somaliland iyo Wasiirka Kaluumeysiga Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo kasoo jeeda Sool. Sidoo kale waxaa Munaasabadda ka baxay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya una badan kuwa ka soo jeeda degaanada Puntland iyo mas’uuliyiin kalaba. Cabashada xubnahaan ayaa ku saleysneyd laba arrin oo kala ah, in Wasiirada iyo Xildhibaanada ay la geli karaan moobeeladooda islamarkaana aysan jirin daruuf diidi karta iyo haddii laga reebayo in meel gaar ah loogu rido ama looga reebo halka hadda mas’uuliyiinta iyo shacabka la casuumay-ba hal meel looga reebayay. Dood muddo socotay ayaa guul dareysatay waxaana la sheegay in xubno badan ay ka baxeen Xafladda halka qaarkoodna ay banaanka hore ka laabteen. Sidoo kale waxaa jiray cabashooyin ku saabsanaa cariiri ka jiray hoolka ay ka dhacaysay xafladda dabaal dagga oo lagu qabtay hool yar kadib markii uu codsaday madaxweynaha Farmaajo, taasi oo iyana keentay in xildhibaano qaar oo aan la casuumin loo diido inay xafladda ka qeyb-galaan. The post Xog: Wasiiro iyo xildhibaano ka baxay xafladdii 26-ka June kadib arrin la isku qabtay appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarkii ay dagaalamayaasha Al-Shabaab saakay ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolka Mudug ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada dadkii ay Al-Shabaab ku dileen weerarkaas oo ahaa mid culus. Ugu yaraan 30-qof oo shacab iyo askar isugu jira ayey Al-Shabaab ku dileen weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Wasil oo dhaca koonfurta gobolka Mudug, halka dhankooda Al-Shabaab laga dilay 41-dagaalame, sida ay sheegeen saraakiisha militeriga Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin deg deg oo loogu gurmanayo shacabka reer Wisil, oo saakay muujiyey geesinimo, iskana caabiyey Shabaabkii soo weeraray. “Xukuumaddu iyadoo dhiiragelineysa guusha shacabka reer Wisil waxay qaaday tallaabooyin deg deg ah oo gurmad loogu fidinayo shacabka ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii iyo qaraxyo ay dhulka geliyeen nabadiidka Al-Shabaab,” ayuu yiri Al-Cadaala oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkaas. Dadka ugu badan waxaa dilay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen wadooyinka soo gala deegaanka ka hor inta aysan weerarka ku qaadin, sidoo kale madaafiic ayey ku garaaceen deegaanada u dhaw Wisil markii ay kala wareegeen ciidamada dowladda, waxaana galabta Wisil dhaawacyo isugu jira shacab iyo askar ka soo qaaday diyaarad ay dirtay dowladda federaalka, taas oo ka soo dejisay Muqdisho. Sidoo kale Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobollada dhexe ayaa xaqiijiyey in 41 xubnood kooxda looga dilay dagaalkii saakay barqadii ka dhacay Wisil, halka tiro intaas ka badana looga dhaawacay. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka DF The post DF oo war kasoo saartay weerarkii Wisil, iyo wararkii ugu dambeeyey khasaaraha + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  15. Maxkamadda Sare ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigii labaad ee ay ku dhagaysanayso dacwadaha la xidhiidha natiijadii golaha Wakiillada JSL ku dhagaysatay maanta 7 dacwadood. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali iyo 9 garsoore oo kala ah ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Axmed Diiriye Qaalib, Yaxye Cali Idiris, Maxamed Faarax Siciid, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan iyo Cabdilaahi Cabdi Aadam oo ay wehelinayso kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Sahra Ismaaciil Cabdilaahi ayaa maanta fadhi buuxa (Full bench) ku dhagaystay 7 dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiillada JSL. Sida uu qorshuhu ahaa maanta waxa mudaysnaa 8 dacwadood hase ahaatee saaka ayuu hal (1) murshax ka noqday dacwadiisii, sidaa daraadeed maxkamadu waxay dhagaysatay 7 dacwadood, oo marka lagu daro 7-dii dacwadood ee ay hore u dhagaysatay 23/06/2021, ka dhigaysa wadarta dacwadaha la dhagaystay 14 dacwadood. Waxa sidoo kale mudaysan 8 dacwadood oo ay Maxkamadu dhagaysan doonto maalmaha soo socda, marka uu soo dhammaado dhagaysiga dacwaduhu waxay maxkamaddu soo saari doontaa go’aan kama dambays ah oo la xidhiidha dacwadahaasi. Qaran News
  16. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi, uu dagaal sharci darro ah ka dhex wado golaha wakiilada. Faysal ayaa sheegay in madaxweyne Biixi, aanu ku qanacsanayn qaybta uu xisbigiisu ka helay xubnaha wakiillada. “30 ayaad heshay labadii xisbi ee kale, ayaa helay 52, qaybtaada imaanso” ayuu yidhi. “Shir gudoonka isbahaysiga ayaa leh xumaana maaha ayaan leeyahay, dalkii oo dhan baad gacanta ku haysaye hagaaji” ayuu hadalkisa ku daray. Faysal ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu joojiyo dagaal uu sheegay in uu ka dhex wado golaha wakiilada ee cusub. “Madaxweyne jooji dagaalka gudaheena ah” ayuu yidhi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in madaxweynuhu uu wado mid lamida sharci daro uu sheegay in ay dhacday 2005. “Madaxweyne haynagu celin sharci daradi dhacday 2005 ee intuu UDUB helay 33, ee UCID helay 21, Kulmiye na helay 27”. “Sharcidaradi keentay in Kulmiye yeesho 62 Waddani oo aan dorashaba galina uu yeesho 20, UCID oo 21 heshayna la yidha male xildhibaan” ayuu yidhi. “Waa sharci daradii aduunka ugu foosha xumayd ee dhacda ee tii haynagu celinin” ayuu hadalkisa ku daray. Xisbiga KULMIYE iyo xisbiyada mucaaradka oo dhan aha ayaa loolan ugu jira hanashada shir gudoonka golaha wakiilada ee cusub. Source
  17. (SLT-Khartoum)-Dowladda Sudan ayaa qorsheynayso inay Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jeneral Cumar Xasan Axmed Al-bashiir iyo xubno kalae oo ka tirsanaa Dowladiisa ku wareejin doonaan Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ee ICC oo ay Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Hayg ee dalka Netherlands. Wasiirka Arrimaha Federalka ee Sudan, Buthayna Diinaar ayaa hadalkaasi ku sheegtay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Khartoum, waxayna xustay inay Dowladda Sudan go’aansan doonaan inay Al-bashiir iyo xubno kale u gudbiyaan Maxkamadda ICC-da. Waxay intaasi ku dartay in Al-bashiir la wareein doono marka ay Maxkamadaha Gudaha soo gebagebeeyaan Dacwadaha Musuqa iyo kuwa kale ee loo haysto. Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda ee ICC-da waxay ku eedeeyeen Al-bashiir iyo saddexda Sarkaal ee kale inay geysteen Dembiyo Dagaal, Xasuuq iyo Falal ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, waa sida ay Maxkamada ku doodayso. Source
  18. Dhawr dhinac ayaynu su’aashan ka eegaynaa: Waxay ku jirnaa wadama dunida ugu saboolsan. Adeegyada aasaasiga ah sida waxbarshada, caafimaadka, biyaha aad ayay u hoosaysaa. Miisaaniyada marka laga saaro deeqaha debeda kama badna $223.7 malyuun. Kala badh miisaaniyadu waxay ku baxdaa ciidamada. Dhaqaalaha dalku inyar ayuu gacanta ugu jiraa tusaale ahaan dhoofka xoolaha, soo dejinta badeecadaha, isgaadhsiinta iyo xawaaladahaba. Abaaraha soo laalabanaya ayaa iyana saboolnimada ka qayb ah – iyaga oo sababaya in dad badani isaga soo hayaamaan miyiga oo nolol iyo shaqo u soo raadsadaan magaalooyinka. Xaalada saboolnimo ee aynu ku jirno ma ka bixi karnaa? Haday jawaabtu haa tahayna, jidkee qaadi karnaa si aan horumar dhaqaale u gaadhno. In aad horumar dhaqaale aynu samaynoo waxa aad u baahanay lacag adag, haddii aynaan helin lacag, ma horumarayno. Horumarka waxa fure u ah dhigaalka – dhigaalka lacageed iyo maalgashiga. Labadan ayaa sababa inaynu awood u heli karno waxsoosaar ama bixin karno adeegyo. Somaliland dhibta dhigaalka ayaa haysata oo dadku dhigaal ma laha. Inta shaqaysaaba yar. Intaasina lacag buuran oo dhigaal geli kartaa ma helaan. Kharash ayay dib ugaga baxdaa. Markaa maxaa xal ah? Si aad dhigaal lacageed u hesho waxa aad u baahan tahay kaalmo. Kaalmadaas waxay noqon kartaa kaalmo debedeed sida maalgashi– oo tusaale ahaan aan usoo qaadan karno maalgashiga DP World ee dekeda Berbera iyo midka shirkada Coca-Cola ku maalgashay Hargaisa. Kaalmooyin kale ayaan iyana u baahanahay haday ahaato mid dadkeena qurbuhu inoo diraan, kaalmo aqooneed/farsamo (sida hayada lacagta adduunka oo inaga caawisa wax ka bedelka nidaamkeena misaaniyeed, iyo caruureedba), lacageed, iyo mid horumarineedba ama biniaadanimoba. Maalgashiga iyo dhigaalku waa isku sidkan yihiin. Haddaanaynaan helin maalgashi gudeed ama debedeed oo waafiya, ma helayno dakhli aan dhigaal ka dhigan karno. Maalgashiga ayaa abuura in la helo mushahaarooyin iyo faaidooyin dhigaal laga helo, dhigaalkaas ayaana ka dib noqda mid wax lagu maalgashado – xaalada isku soo laalaabanaysa ayaa falkisa oo kobcisa kor u kaca dhaqaalaha. Sidaa darteed dalku maalgashi iyo dhigaal lacageed inuu helaa waa khasab. In dhaqaaluhu koro waxa iyana albaab u ah nidaam iyo hayado dawladeed oo tayo leh. Dhibta inaga haysata inaynu horumar dhaqaale samayno waxa ka mid ah tayada liidata ee hayadaha dawlada – waa siyaasiinta, madaxda dawlada, iyo kuwa danahooda dhex marsada dawlada si ay u helaan dheefta sida qandaraasyada, leexsashada hantida qaranka. Waa in awooda dawladnimada looga faaidaysto dano dhaqaale oo shakhsi ah si toos ah iyo si dadbanba. Haddaad dib u xasuusato mashaariicda malaayiinka dollar ku baxday ee guuldaraystay waxaad ila qiraysaa in tayaynta hayada dawladu ay iyana albaab u yihiin horumarka. Inaan haayadaha dawlada salka kasoo dhisno oo tayayno, kana saarno nidaamka awoodu inuu qofaf ku ururo – abuurnona maamul-daadejin ku dhisan hab banaanyaal, hufnaan iyo isla xisaabtan leh oo haayadaha dawladu u adeegaan. Marka laga yimaado tayada hayadaha dawlada. Doorka dawladu ka qaadan kartaa inaynu dhaqaalaha kor u qaadno waxa ka mid ah inay dawladu samayso hanaan la saaxiib ah suuqyada – tan waxaa ka mid ah in dawladu dhisto kaabayaasha kaabayaasha sida wadooyinka (sida wadada Ceerigaabo iyo Burco oo dhamaad ku dhaw), dekedaha, garoonada diyaaradaha, iyo dabka. Hantida waxsoosaar ee ugu wayn Somaliland waa xoolaha. Waa in dawladu xooga saartaa in la dhiso kaabayaasha xoolaha sida biyaha, calafka xoolaha, caafimaadka xoolaha, iyo aqoonta cilmiga xoolahaba. Sidoo kale waa inay dhistaa nidaamka, dhismayaasha iyo ka shaqaysiinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Biyana oo magaalooyinka waawayn khaasatan caasimada ku ahna xal u heshaa. Dawladu waa inay dhiirigelisaa wax dhoofinta sida xoolaha, beenyada, kaluunka iyada oo suuqyo cusub u raadinaysa ama gorgortan la gelaysa wadamada wax badan inoo keena sida Ethopia oo ay tahay inay wax inagaga bedelato badeecadaha ay inoo soo dhoofiso. Iminka Somaliland walaw ay sabool tahay, hadana inta yar ee dhaqaale ah ee soo gasha ma wada gaadho goboloda oo dhan si xajmi ahaan is le’eg – horumar dheeli tiran markaa ma iman doono oo goboladu way kala hormari tano ay tahay in siyaadaha iyo qorshayaasha qaran lagu saleeyo in horumar dheelitiran la wada gaadhsiiyo dalka oo dhan. Arimahan oo dhani qorshayaal wakhti fog, wakhti dhexe iyo wakhti dhaw iyo dhaqaale ayay u baahan yihiin. Siyaasado haga ayay u baahan yihiin. Shuruuc la raaco ayay rabaan. Dhaqaale ahaan, kaabayaal badan maalgashi ayay dawladu u raadin kartaa sida dekeda Berbera, iyo wersheda CocaCola ugu heshay. Dadka reer Somaliland ama shirkadaha/ganacsiyada gaarka loo leeyahay ayaa maalgashan kara sida dabka, isgaadhsiinta, bangiyada. Halka kaabayaasha aan macaashka laga healayn ay tahay in xukuumadu miisaaniyada ka dhisto. Iyada oo la eegayo khatarta amni ee Somaliland debeda kaga iman karta, hadana waxa muuqata in kala badh miisaaniyada dalka ku baxdo ciidamada – tani waxay curyaaminaysaa awooda dawladu wax kaga qabanayso samaynta kaabayaasha dhaqaale ee dalku u baahan yahay. Midan ayaa u baahan in dib loogu laabto. Ugu danbayn waxaan ku soo koobayaa, si aynu jidka horumarka u qaadno oo Somaliland uga baxdo dabaqada hoose ee dhaqaalaha waxa lagama maarmaan ah inaan helno maalgashi iyo dhigaal; in aan haayadaheena dawladeed aynu tayeyno; dawladuna dhaqaalaheena dib u qaabayn ku samayso iyada oo ka dhigaysa mid mid u dhiyaarsan inuu kor u kac sameeyo iyada oo in aynu dhisno kaabayaasha dhaqaale ee dalkeenu u baahan yahay, helnona suuq xor ah oo ganacsiga gaarka loo leeyahay wado si aan uga baxo saboolnimada, uguna talaabsado horusocod dhaqaale Cabdinaasir Axmed X. Aadan Afqallooc Qaran News
  19. Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa Golaha Ammaanka ee QM ka hor sharaxday qorshaheeda ku aadan caawimaadda Soomaaliya, ayada mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay in loo wajaho qaab dhammaystiran oo looga hortagayo xagjirnimada rabshadaha wata ee ka jirta Soomaaliya. Go’aankaan ayey Dowladda Qatar ku sheegtay bayaanka uu Wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Qatar Sheikha Alya Ahmed bin Saif Al Thani u gudbiyay Qaramada Midoobay. Ambassador Sheikha Alya Ahmed bin Saif Al Thani oo ka hadashay munaasabadda asbuucii labaad ee Qaramada midoobay ee La-dagaallanka Argagixisada oo cinwaankeedu yahay “caqabadaha cusub iyo kuwa soo koraya ee tobanka sano ee soo socoto: iyada oo loo marayo dhaqan-celinta iyo dib-u-dhex-galka Soomaaliya,” oo ay soo qaban qaabisay Dowladda Qatar oo kaashanaysa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Sanduuqa Hawlgelinta iyo adkeysiga Beesha Caalamka. Safiirka ayaa sharaxday in Qatar ay taageero siiso Sanduuqa Caalamiga ah iyadoo ay ujeedada tahay ka hortagga iyo la-dagaallanka xag-jirnimada iyo argagixisada, waxayna sheegtay in ay si weyn u aaminsan tahay lama huraanka wax ka qabashada xag-jirnimada rabshadaha wata, iyadoo xustay in howlaha uu qabtay Sanduuqa Caalamiga ah ay ka faa’ideysteen dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay. “Qatar waxay leedahay qorshayaal dhowr ah oo caalami ah oo loogu talagalay in lagu dhiso bulshooyin nabdoon, cadaalad ah, oo loo dhan yahay isla markaana kor loogu qaado xasiloonida iyo sinnaanta heerarka siyaasadeed, bulsho, iyo dhaqaal” ayay tiri Ambassador Sheikha Alya Waxay sharraxday in Qatar ay higsaneyso inay horumariso dhaqanka nabadda iyo dulqaadka iyadoo loo marayo waxbarashada iyo isboortiga. Sidoo kale waxay shaacisay in dowladda Qatar ay aad u daneeneyso in la hagaajiyo xaaladaha dhaqaale iyada oo la siinayo fursado shaqo iyo kaalmooyin horumarineed wadamada ku nool xaaladaha khilaafaadka ama kuwa kasoo baxaya. Sheikha Alya ayaa carabka ku adkeysay in Qatar ay marwalba tahay saaxiib caalami ah oo la isku halleyn karo oo ay leedahay Soomaaliya, maadaama ay siiso taageero siyaasadeed iyo noocyo kale oo ay ku jirto taakuleynta militariga, si loo xoojiyo laamaha amniga loona wanaajiyo awooddeeda ay ku wajahayaan hanjabaadaha joogtada ah ee uga imaanayo argagixisada. Waxay hoosta ka xariiqday in garashada Qadar ee wax ka qabashada rabshadaha iyo argagixisada iyo qaadashada habab amni aysan kaligood ku filnayn. Sidaa darteed waxay sheegtay in kaalmada Qadar ay siiso Soomaaliya ay u jihaysay dhinaca bixinta kaalmooyin horumarineed iyo maalgashi dhinacyada muhiimka ah sida waxbarashada iyo bixinta fursado shaqo oo ka caawiya Soomaaliya soo celinta xasilloonida iyo barwaaqada. Waxay xustay in abuurista fursado shaqo ay tahay aalad wax ku ool ah oo lagu yareyn karo rabshadaha isla markaana ay muhiim u tahay fududeynta kala-soocidda iyo dhaqan celinta dhallinyarada horay ula xiriiray kooxaha xag-jirka ah ee rabshadaha wata sidaasna ay ku suurta geli karto in dhallinyaradaas ay dib ula midoobaan bulshadooda. Sheikha Alya ayaa tilmaamtay in howshaas ay tahay mid adag oo u baahan qarash badan loona baahan yahay inay ka wada qeyb galaan hoggaamiyaasha dhaqanka , kuwa Diinta iyo NGO-yada maxalliga ah sidoo kalana ay lagama maarmaan tahay caawinta Beesha Caalamka. Sheikha Alya waxay iftiimisay doorka Silatech, oo ah hay’ad aan dawli ahayn oo Qatar ah kana shaqaysa horumarinta bulshada waxayna ka shaqaysaa isku xirka dhalinyarada iyo shaqooyinka iyo xoojinta mashaariicda guuleysta ee dalal badan oo gobolka ah. Waxay sheegtay in ururku la shaqeynayo la-hawlgalayaasha Soomaaliya si loo horumariyo is-dhexgalka dhaqaalaha iyo nabad ku wada noolaanshaha. Waxay sidoo kale fulineysaa barnaamijyo lagu siinayo kumanaan qaxooti dhalinyaro ah, barakacayaal, iyo kuwa soo noqday fursado nololeed oo waara iyada oo loo marayo tababar xirfadeed, horumarinta xirfadaha ganacsiga yar yar, xirfadaha beeraha iyo kalluumeysiga, iyo shaqaalaynta ardayda qalin jabisay. Waxay ku dhawaaqday in la aasaasay sanduuq maaliyadeed oo lagu maalgeliyo mashaariicda laguna abuuro fursado shaqo oo la siinayo kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah iyadoo lagu shaqeynayo shuruucda u degsan Sanduuqa Horumarinta Qatar. The post Qatar oo QM kahor sharaxday qorshaheeda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  20. Haweenay Soomaali ah & Nin Jaceyl ka dhexeeyo oo loo qabtay Afduubkii Xafsa Luqmaan oo Dirqi lagu badbaadiyey iyadoo dhaawacan Baadhayaasha Kenya ayaa soo xiray labo eedeysane oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen afduubkii iyo jirdilkii bishan horraanteeda loo geystay Xafsa Maxamed Luqmaan. Jackson Njogu, oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 sano jir ah, ayaa laga soo xidhay hoteelka Crystal View Lodge oo ku yaalla deegaanka Kinangop. Booliiska ayaa sheegay in labadan qof oo xidhiidh jaceyl uu ka dhaxeeyay ay ka dambeeyeen afduubka Xafsa Maxamed oo laga kaxaystay dukaankeeda. “Kaddib markii ay falka dembiga ah geysteen, (Jackson iyo Xafsa Cabdi) waxay u baxsadeen Kinangop waxayna iibsadeen maqaaxi, halkaas oo ay ka howl geli jireen,” ayaa lagu yidhi qoraal ay bata Twitter-ka soo dhigtay Waaxda Dembi-baarista Kenya. Xafsa Maxamed oo 23 jir ah, ayay bishan horraanteeda booliisku ka heleen qol mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Matopeni. The main suspects behind the kidnapping and torture of Hafsa Mohamed Lukman, the Kamukunji based businesswoman who was kidnapped on June 15, have been arrested by detectives. At the crack of dawn this morning, undercover teams from the revered pic.twitter.com/n3GSDAgOGb — DCI KENYA (@DCI_Kenya) June 27, 2021 Afduubayaasha ayaa lacag madax furasho ah oo gaareysa 5milyan ka dalbaday qoyskeeda. Si kastaba lama bixin lacagta madax furashada ah, eedeysanayaasha ayaana ka baxsaday goobta. Labada eedeysane ayaa lagu wadaa in berri la soo taago maxkamadda. Sida saaxiibtey Xafso ay iigu dhigtay dabinka afduubka” . Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato ah oo 23 jir ah, oo la afduubay muddo shan maalmood ah ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibteed ay ka mid ahayd afduubayaasha. Waxaysheegtay in Xafsa Cabdi, haweeneyda lasoo xidhay subaxnimadii maanta ee Kinangop iyo tuhmane kale, ay ahayd maskaxdii afduubka. Dhowr afduub oo loo geystay gabdho ayaa la soo werinayay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay. “Waxay ahayd saaxiibtay, in kasta aysan ahayn qof aan aad isugu dhownahay, laakiin iyada ayaa igu hoggaamisay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo ay ku yaallaan dukaankeeda kale, “ayay tidhi. Baadhayaasha dambiyada ayaa qabtay labada eedeysane oo ay ku tilmaameen kuwii ugu muhiimsanaa ee ka danbeeyey afduubka iyo jirdilka loo geystay Xafsa Maxamed Luqman. Haweeneyda 23-jirka ah oo ka ganacsan jirtey Islii ayaa la waayey Juun 15, 2021, waxaana soo badbaadiyay booliska shan maalmood ka dib. Jackson Njogu oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 jir ah ayaa saaka laga qabtay Crystal View Lodge oo ku taal nawaaxiga deegaanka Kinangop oo ay xalay ku hoydeen. Baadhayaasha ayaa yiri “Subaxnimadani maanta ma ahayn maalin nasiibkoodu hagaagsanaa. Waxaa la soo qabtay qolka nambarka 8-aad ee kuyaala Crystal view lodge,” Booliska ayaa sheegay in labadan qof ee is jecel ee soo abaabulay afduubka Hafsa Mohamed oo ka dhacay dukaankeeda, la sheegay inay ku guuleysteen inay lacag dhan 650,000 oo shilinka Kenya ah ay ka furteen akoonada bangiga dhibanahaas intii ay u afduubnayd. “Markii ay dambiga galeen, iyaga (Jackson Njogu iyo Hafsa Cabdi) waxay u baxsadeen Kinangop waxayna ka iibsadeen baar, halkaasoo ay ka shawlgelayeen,” ayaa lagu yiri fariin ay soo dhigeen agaasinka baarista dambiyada. Gabadha oo lagu magacaabay Xafsa Maxamed Luqman, waxaa markii ugu dambeysay lagu arkay dukankeeda kabaha lagu iibiyo ee Islii. Nimankan sirdoonka ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in labadan qof ee maanta la qabtay, xilli waagu baryay, kooxo qarsoodi ah oo ka socda Xafiiska Baadhista iyo Sirdoonka Dambiyada, ay qayb ka ahaayeen hawlgalka qabashadooda. Xafsa Maxamed, oo ku nool California Estate ee xaafadda islii ee magaalada Nairobi, ayaa waxaa baarayaashu ka heleen qol ku yaal Matopeni, Kayole, halkaas oo lagu qasbay inay ku sii negaato haanta biyaha ee madhan. Xafsa Cabdi sawirkeeda oo hooyadeed ay eegeyso Kahor intaan la waayin Luqmaan , duubista kaamirooyinka ilaalada ee dukaankeeda ayaa muujisay inay dukaanka soo gashay 4:44 pm Talaadadii, June 15 iyadoo ay la socoto Xafsa Cabdi. Waxaana la arkayey iyada oo indhaha kala hadlaysa nin kale oo aan la aqoon kahor inta aysan ka bixin dhismihii dukaanka. Xafsa Lukman ayaa sheegtay inay ku sugnayd goobteeda ganacsi ee caadiga ah Kaliforniya ee xaafada Islii markii ay Xafsa Cabdi u timid maalintaas kana codsatay in u raacdo goob ganacsi oo ay ku leedahay Kayole.”Waxay ii sheegtay inay dukaan ku leedahay Kayole, halkaas oo ay ku iibinaysay qaraha laakiin markii aan tagnay, ma jiraan wax aan ka ahayn dhul qashin badan oo ay i geysay,” ayay tiri. Markii dambe waxaa soo badbaadiyey saraakiil boolis ah iyada oo xaalad wanaagsan ku sugan in kastoo la jirdilay. Mid ka mid ah faraheeda ayaa sidoo kale la jaray. Labada afduubayaashu waxay dalbadeen madaxfurasho dhan 5 milyan oo shilin si ay u sii daayaan Hafsa Maxamed. Si kastaba ha noqotee, intii aan madaxfurashada la bixin ayay tuhmanayaasha ogaadeen in booliisku ku daba jiro kolkaas ayay doorteen inay cararaan. Labada eedeysane ayaa maxkamad la soo taagi doonaa Isniinta. “Waan ku kalsoonaa iyada oo had iyo jeerna waan caawin jirey markay ii baahn tahay. Kaliya waxaan rabaa in cadaalada shaqayso oo laga jaro wixii ay i soo mariyeen. Aad ayaan ugu faraxsanahay in la xidhay” ayay tiri Xafso. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa sababta uu Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe u qaadacay ka qeyb-galka shirka ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada uga furmaya magaalada Muqdisho ee ku saabsan arrimaha doorashada. Qoraal saaka kasoo baxay HirShabelle ayaa lagu yiri “Dowladda HirShabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka golaha wadatashiga qaran ee dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir. Dowladda HirShabeele maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya dowladda HirShabelle.” Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Guudlaawe ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha HirShabelle uu dareemayo in lagu sameeyey ixtiraam-darro iyo in la yareysaneyo maqaamkiisa siyaasadeed, taasi oo ka carreysiisay. Sida aan xogta ku helnay, Guudlaawe ayaan ka qeyb-gelin kulan toddobaadkii hore qadka Zoom-ka ku dhex-maray ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka oo lagu go’aamiyey shirka ka dhacaya Muqdisho. Guudlaawe oo ku sugan Turkiga, ayaa awoodi waayey inuu qadka soo galo, hase yeeshee waxaa la qabtay kulanka, ayada oo aan loo sameyn wax cudur daar ah ama aan dib loogu dhigin. Waxaa sidoo kale, kulankaas lagu go’aamiyey ajendayaasha shirka, taasi oo Guudlaawe aan sidoo kale lagala tashan, wuxuuna madaxweynaha HirShabelle dareemay in laga soo qaaday qof aan miisaan laheyn oo ku gowracan waxa ay isku raacaan xubnaha kale ee golaha wada-tashiga qaran. Sida ay ku warrameen ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online, ayada oo Guudlaawe uu sidaas dareemayo, ayaa haddana xalay mar kale la go’aamiyey in shirka maanta uu furmo, xilli Guudlaawe uu dalka ka maqan yahay. Madaxweynaha HirShabelle ayaa markaas kadib sii carrooday, wuxuuna is-weydiiyey sababta marar badan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni shirar loogu hakiyey toddobaadyo, isagana loogu dulqaadan waayey maalmo kooban oo uu safar ku maqan yahay, wuxuuna kadib soo saaray qoraalka uu shirka ku qaadacay. Madaxweynaha HirShabelle ayaa kasii maqnaan doona dalka illaa Jimcaha, markaas oo la filayo inuu kusoo laabto, waxaana hadda hakad galay shirkii kadib go’aankii uu qaatay. The post Xog: Sababta rasmiga ah ee uu Guudlaawe u qaadacay shirka ka furmaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  22. xoriyadii siqiirtay ee 1960-kii Xalay oo kale kale, 26 Juun 1960, waxay dadkii wakhtigaa ku dhaqnaa geyigan Somaliland u ahayd guul iyo gobanimo. Waxay ahayd habeenkii u horaysay ee ay ku seexdaan xorriyad dhulkooda ay ku maamushaan, kadib markii ay xalay oo kale 12 habeennimo xaqiijiyeen gebagebaynta habeenkii dheeraa ee ay muddada 86-ka sannadood ah la halgamayeen, dhulkana soo dhigeen calankii Gumeystihii Ingiriiska, dabadeedna ay ku seexdeen farxad, nayaayiro, qiiro, xamaasad iyo gobanimo. Habeenkaas 26 June, 1960 waxa ka soo wareegay 56 sannadood. Waxay ahayd Dharaar qiimaheeda, shucuurteeda, dareenkeeda iyo jawigeeda ay sawiri karaan dadkii u soo joogey ee habeenkaa ka ciyaarayey ama damaashaadayey Fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa oo laga qotomiyay calan Somali leedahay oo xor ah kii ugu horeeyay. Waxaana sida loo sugayey, sida loo soo dhoweeyey iyo xiisaha loo qabey dharaartaas lagu sajaley ama lagu qoray bogagga suugaanta iyo murtida dhaxal-reebta ah oo ay ka dheehan karaan jiilashii ku garaadsadey, kuwii ku dhashay xorriyadda iyo jiilasha soo socdaba. Hase yeeshee, gobanimadaa aad loo sugayay iyo dowladnimadii Somaliland ka qaadatay Ingiriisku kuma negaan Hargeysa iyo dhulka Somaliland, waxayna ku hafatay qiiradii iyo jibadii loogu halgamayey in la xorreeyo, kadibna meel la isugu keeno 5tii Soomaaliyeed oo kala ahaa Soomaaliya oo Talyaanigu gumeysanayey, Jabuuti oo Faransiisku gumeysanayey, dhulka Soomaalida Itoobiya iyo gobolka NFD oo la raaciyey Kenya. Sidaa darteedna, 4 maalmood ka dib waxay Somaliland Calankii ay ka sudhay Hargeysa la tagtay Muqdisho oo xorriyadda ka qaadaneysey Talyaaniga 4 maalmood kadib, si ay bud-dhig ugu noqdaan Soomaaliweyn; waxaana July 1 lagu kulmiyey xorriyadda Soomaaliya iyo midnimada Somaliland iyo Soomaaliya. Wargeyskii la odhan jiray Daily Herald oo xilligaas ka soo bixi jiray magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa cadadkiisii soo baxay 29th June 1960, waxa uu wax ka qoray xorriyadda ay Somaliland heshay iyo siday ugu tuurtay wadan kale oo aan weli qaadan madaxbanaanidiisii. Wargeysku waxa uu ciwaan ka dhigay The Colony That Rejected Freedom oo macnaheedu tahay Mustacmaradii diiday xorriyadda. Wargeysku waxa uu ciwaan hoosaad ku xusay qoraal kooban oo uu macnihiisu noqonayo, Saddex maalmood ka hor, waxa ay heleen madaxbanaanidoodii, Jimcihiina dib ayay isu dhiibeen. Warbixinta uu Wargeysku ka qoray madaxbaanidaas Somaliland ee luntay oo aanu idiin soo turjunay, waxay u qornayd sidan: “Somaliland oo ahayd mustacmarad ingiriisku gumaysto ku dhawaad 80 sannadood ayaa madaxbanaani qaadatay Axadii la soo dhaafay, islamarkaana jimcihii afar maalmood ka dib madaxbanaanideeda ayay mustacmaradani dhiibtay lana midowday walaasheed Somaliya. Somaliland waxa ay go’aansatay in aanay ka mid noqon ururka barwaaqo sooranka. Somaliland oo ku taala marinka bari ee qaaradda Afrika waxay ahayd saddex cisho ka hor mid aanay saxaafadda caalamku haba yaraate soo hadal qaadin. Hase yeeshe imika waxa ay noqotay meel muhiimad taariikhi ah leh, sababtuna waxa weeye la midowga ay Somaliya la midowday oo ah mid naadir ah, waayo Somaliya lafteeda ayaan weli xor ahayn.” Sida laga dheehan karo jariiradan, dunidu aad ayay ula yaabtay reer Somaliland, waxaanay bulshada caalamku isweydiinaysay ujeedada halgankii Somaliland, mar haddiiba ay maalmo kooban ka dib xoriyadii qaaliga ahayd ku tuurtay Somaliya oo aan xilligaas qaadan xorriyadda. Jibadii iyo caaddifaddii waxay ku burburtay Isu-taggii 1dii July, balse lagama hadhin, waxase himiladaasi si dhab ah u dhimatay, luxudkana u qabatay 17 sannadood kadib, markii Jabuuti oo ku hadhsanayd gacanta Gumeystihii reer Yurub ay qaadatay 27 Juun 1977 xorriyad iyo dowladnimo ay gaarkeed isugu taagtey, isla markaana ay diiddey inay ku soo biirto labadii dal ee midoobey. La Midowgaas Somaliya ee deg dega iyo salfudaydka ahaa, waxa ay Somaliland ka dheefsatay dhibaatooyin isugu jiray siyaasad, dhaqan iyo weliba dhaqaale. Ugu horayn dawladii markii la midoobay la dhisay waxa ay muujisay sawirka dhabta ah ee reer koonfureedka, waxaana Madaxweyne noqday Aadan Cabdule Cismaan oo ka soo jeeday koonfurta halka uu Raysalwasaare noqday Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isna ka soo jeeday goboladaas koonfurta ee ay Somaliland la midowday. Iyadoo Somaliland-na laga qadiyay mansabyadii sare ee dawladii ay dhisteen labadii gobol ee midoobay. Somaliland waxay ku qadday muxubadeedii. Waxay ku hungowdey himiladeedii. Waxayna baraarugtey iyada oo badhtanka ugu jirta badweyn aanay ka bixi karin, taas oo u sii taxaabtay inay u gacan-gasho talis naxariis-darran oo ay dadkeedu kala kulmeen cadaadis iyo colaad aanay kala kulmin Mustacmarkii Ingiriiska ee muddada 86-ka sannadood ah u talinayey. Shacabka Somaliland, mar labaad ayay bilaabeen halgan ay dib ugu soo celinayaan xoriyadoodii, waxaanay dib u bilaabeen halgan ka xanuun kulul, ka khasaare iyo burbur badan, kana qallafsan kii ay iskaga xorreeyeen Ingiriiska. Soddon sannadood kadib xorriyadeeddii ay ka qaadatay Ingiriiska ayay Somaliland mar kale u dabbaaldegtey oo ay ku soo hoysey halgan qadhaadh iyo dagaal socdey muddo 10 sannadood ah, kaas Tobannaan kun oo qof ay ku dhinteen, Boqollaal kun oo kalena ku barakaceen, hanti aan la qiyaasi karina ay ku baaba’een. Waxaanay mar kale Somaliland u dabbaaldegtey xorriyadeeda 18ka May, taas oo la xusayey 20kii sannadood ee u dambeeyey. Laakiin, inkasta oo ay Somaliland dib u soo celisay xoriyadeedii, haddana ma aha mid beesha caalamku aqoonsan tahay, sidii loo aqoonsaday xorriyaddii aan la mahadin ee 26kii June 1960. Si kastaba ha ahaatee, xorriyaddii 26kii June 1960 way luntay, farahana kuma jirto. Waxaana isweydiin leh; maalintani ma waxay noqonaysaa mid lagu xuso Farxad iyo gobanimo? Mise mid lagu xuso Murugo iyo ciil.? Wax kasta oo lagu xuso, waa taariikh, waxaana laga baran karaa cashar weyn oo ah in khaladka qofka caadiga ahi galo lagu sixi karo muddo yar, laakiin, khaladka siyaasadeed ee ay galaan hoggaamiyayaashu sixitaankiisu uu qaato ugu yaraan Qarni dhibaato badanna loo maro. Somaliland waxay hadda ku maraysaa Nus Qarni sixitaanka khaladkii ay gashay 56 sanadood ka hor, kaas oo ahaa xoriyadii sida fudud u luntay. Qaran News
  23. Nairobi (Caasimadda Online) – Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato Soomaali ah oo 23 jir ah, oo la la’aa muddo shan maalmood ayaa shaaca ka qaaday in Gabar ay saaxiibo ahaayeen ay ka dambeysay afduubkii loo geystay. Wareysi gaar ah oo ay Xafsa Luqmaan siisay Wargeyska The Standard ee dalka Kenya ayey ku sheegtay in haweeneydii saaka lagu qabtay xaafadda Kinangop ee lagu magacaabo Xafsa Cabdi iyo ninka lala qabtay ay ahaayeen maskadii ka dambeysay afduubkii iyo jirdilkii loo geystay. “Waxay ahayd gabar aan saaxiibo nahay, inkasta oo aysan aheyn qof aan aad isugu dhow nahay balse iyadaa ka dambeysay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo uu ku yaal dukaankeeda kale, ”ayay tiri Xafsa Luqmaan. Saacado ka hor inta aan la soo sheegin afduubkeeda, duubista kaamirooyinka ilaalada ee dukaankeeda kabaha, ayaa muujisay inay Xafsa Luqmaan soo gashay dukaanka saacadda markay aheyd 4:44 pm Talaadadii ay taariikhdu aheyd 15 June. Xilliga ay dukaanka galeysay ayaa waxaa dukaanka kula sugnaa haweeney kale oo xilligaas magaceeda lagu sheegay Xafsa Abdulwahab. Muuqaalada ay duubtay kaamirada qarsoon ayaa waxaa lagu arkayaa Xafsa Maxamed oo kasoo baxeyso dukaanka iyado oo ay la socoto Xafsa Cabdi daqiiqado kadib markii ay dukaanka kabaha lagu iibiyo soo galeyn. Xafsa Cabdi ayaa la arkaa iyadoo indhaha kala hadleyso nin aan la garaneyn oo fadhiyay kuraasta dukaanka markii iyada iyo Xafsa Maxamed ay ka baxayaan dhismaha. Maalintaas murugada leh, (Juun 15, 2021) Xafsa Luqmaan waxay sheegtay inay ku sugnayd goobteeda ganacsi ee caadiga ah ee ku taal California xaafadda Islii markii ay Xafsa Cabdi istaagtay oo ay ka codsatay inay u wado Kayole. “Waxay ii sheegtay inay dukaan ku leedahay Kayole, halkaas oo ay ku iibinaysay qaraha laakiin markii aan tagnay, ma jiraan wax aan ka ahayn balka oo ku faafay meel walba,” ayay tiri. Xafsa Luqmaan ayaa sheegtay inay salaada maqribka ku dukatay dukaanka ku yaalo Kayole oo ay saaxiibteeda usoo waday, waxayna tilmaamtay in Salaada kadib ay la kulantay afduubka. Waxay tilmaamtay inta ay ku sugnaayen Bakhaarka ay saaxiibteed Xafsa Cabdi geysay ay ku mashquulsaneyd taleefoonkeeda iyadoo qoreysay farriin qoraaleed isdaba joog ah. “Markii aan dhameeyay salaaddayda, waxaan arkay laba nin oo xoog leh oo ii imanaya isla markiina waxay bilaabeen inay i garaacaan,” ayay tiri iyadoo ay ilmada ka socoto. Waxay sheegtay in nimanka afduubka u geystay ay qoorta ka qabteen islamarkaana ay si xun u garaaceen, kadibna waxay sheegtay inay afkeeda ku dabooleen balka si ay uga hor istaagaan inay dhawaaqdo. Waxay intaas ku dartay markii la garaacay kadib laga daboolay indhaha, gacmaha iyo lugahana laga xiray in sidaas ay ku geliyeen Haan aan biyo ku jirin sidaasna ay ugu gudbiyeen guri ku yaal Magaalada Matopeni halkaas oo ay dambi baarayaasha markii dambe ay kasoo badbaadiyeen. “Saaxiibtey isoo waday marka ay dhacayaan waxaan oo dhan isha ayey ka fiirineysa” ayey tiri Xafsa Maxamed. Xafsa Luqmaan, oo hada kasoo kabaneysa dhibaatadii loo geystay, ayaa waxay Xafsa Cabdi ku baratay magaalada Kaliforniya, Waxayna deris la ahayd goobta shaqada ee ay ku iibiso qaraha. Xafsa ayaa xustay in ay aad isku jeclaayeen iyada iyo saaxiibteeda iyadoo ku dartay xitaa inay deen ahaan u siisay in ka badan 700,000 oo lacagta Kenya ay si ay ugu maalgashato ganacsigeeda qudaarta. “Waan ku kalsoonaa iyada had iyo jeerna way ila joogi jirtay markay ii baahan tahay. Kaliya waxaan rabaa in cadaaladda la marsiiyo. Aad ayaan ugu faraxsanahay in la xiray” ayay tiri. Xafsa Maxamed waxaa boolisku soo badbaadiyeen maalintii Axadda oo ay taariikhdu ahayd 20-ka Juun. Baarayaasha dambiyada ayaa xiray labada eedeysane oo kala ah Jackson Njogu oo 24 jir ah iyo Hafsa Abdi oo 21 jir ah oo loo heysto afduubka iyo jirdilka loo geystay Hafsa Mohamed Lukman. Labadooda ayaa laga qabtay halka loo yaqaan Crystal View Lodge oo ku taal nawaaxiga deegaanka Kinangop oo ay xalay ku hoydeen. Labada eedeysane weli lama soo taagin maxkamad, wuxuuna wargeyska The Standard sheegay in dadaalkii ay ku doonayaan inay kula xiriiraan qoyska iyo ehelka dhow ee Xafsa Cabdi ay u suurtag geli weysay. The post Xafsa Maxamed Luqmaan oo shaacisay sidii ay saaxiibteed Xafsa Cabdi u shirqooshay appeared first on Caasimada Online.