-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Al-Shabaab militants have taken control of a town in Somalia shortly after the Uganda People’s Defence Forces (UPDF) handed it over to the federal government there. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Tigray)-Ciidamada Falaagada TPLF ayaa la sheegay inay la wareegeen xarunta Raadeerada ee la socodka duulimaadyada gobolka Tigray. Warbaahinta ayaa tabineysa in dagaalka markale qarxay ee u dhaxeeya Millatariga dalka Itoobiya oo garab ka helaya kuwa Ereteria iyo ciidamada Falaagada Tigrayga inuu ka dhashay khasaara badan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Deegaanka ay la wareegeen ciidanka Falaagada ayaa lagu magacaaba Raaya, waxaana la sheegay in halkaasi diyaaradaha dalka Itoobiya duqeymo culus ka geysteen. Saraakiisha TPLF ayaa sidoo kale sheegatay inay soo rideen diyaarad ay leeyihiin Millatariga dowladda Itobiya taasoo nooceedu yahay C-130 Hecules. Diyaaradaha Itoobiya ayaa la sheegay inay duqeyn ka geysteen Suuq ku yaalla magaalada Makelle, waxaana la sheegay iney ku dhinteen dad gaadhaya 43 qof. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidammada TPLF aay qabsadeen Saldhigyo kale oo aay haysteen saacado kooban dabadeedna aay isaga baxeen si aanan loogu duqeynin. Dagaaladan dib uga billaamay gobolka Tigray ayaa imaanaya xilli gobolkaasi aay ka taagneed xaalad Bani’aadanimo midka ugu daran waxaana mar kale halkaasi dib uga bilaawday barakac xooggan oo ay sameynayaan dadkii ku harsana deegaanada gobolkaasi. Source
-
(SLT-Barcelona)-Ganacsade John McAfee oo ah ganacsade ka shaqeeya barnaamijyada ladagaalanka virus-ka ayaa meydkiisa laga helay xabsiga Barcelona saacado kadib markii maxkamada Spain ay aqbashay inay dib ugu celiso Mareykanka si uu ula kulmo dacwado la xidhiidha la baxsi canshuur.Waaxda Caddaaladda ee Catalan ayaa sheegtay in dhakhaatiirta xabsiga ay isku dayeen inay badbaadiyaan, laakiin aysan ku guuleysan. Bayaan ay soo saartaya dowlada Spain ayaa lagu sheegay in Mr McAfee uu is dilay. Shirkadda Mr McAfee waxay soo saartay barnaamijkii ugu horreeyay ee ganacsi ee lagula dagaallamo fayraska. McAfee VirusScan wuxuu helay balaayiin doollar, ugu dambayntiina waxaa looga iibiyey shirkadda weyn ee teknoolojiyadda Intel in ka badan $ 7.6bn (£ 4.7bn). Bishii Oktoobar 2020, Mr McAfee waxaa lagu xidhay Spain isagoo doonayay inuu diyaarad u raaco Turkiga, waxaana lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu soo xareeyo canshuur celinta muddo afar sanno ah, inkastoo uu ka kasbaday malaayiin shaqo la-talin iyo barnaamijyo kale. Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku andacootay in Mr McAfee uu ka baxsaday mas’uuliyadda canshuuraha iyadoo dakhligiisa lagu shubo akoonnada bangiyada iyo akoonnada sarrifka ee loo yaqaan ‘cryptocurrency’ magacyada dadkale oo aan la aqoon. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu qariyey hanti, oo ay ku jiraan doonyaha iyo hantida maguurtada ah, isagoo isticmaalaya magacyada dad kale. Maxkamadda Qaranka ee Spain ayaa u oggolaatay dhiibistiisa Mareykanka inuu wajaho eedeymaha subaxnimadii Arbacada. Sannadihii la soo dhaafay, Mr McAfee wuxuu si isdaba joog ah u sheeganayay inay jirto qorshe la doonayo in lagu xidho – si kastaba maxkamada ayaa sheegtay in “aysan jirin cadeyn muujineysa” in loo maxkamadeynayo sababo siyaasadeed ama fikir, sida ay werisay El Pais. Ganacsadaha, oo ku dhashay magaalada Gloucestershire, ee dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay caan ku noqday 1980-meeyadii markii uu aasaasay shirkaddiisa tiknoolajiyadda McAfee VirusScan. In kasta oo uu hormood ka ahaa ammanka kombuyuutarka, haddana wuxuu mar qirtay BBC-da in uusan waligii barnaamijkaas ku isticmaalin kombiyuutarkiisa gaarka ah – ama barnaamij kasta oo ka hortagga fayraska. “Waxaan naftayda ku ilaaliyaa anigoo si joogto ah u badalaya cinwaankayga IP [internet protocol], anigoon magacayga ku lifaaqayn aalad kasta oo aan isticmaalo, iyo inaanan aadin goobaha aad ka qaadan karto virus,” ayuu u sheegay weriyaha teknolojiyada ee BBC Leo Kelion sanadkii 2013. Wuxuu sidoo kale bilaabay dadaalo uu ku doonayay inuu ku noqdo musharaxa Xisbiga Libertarian ee doorashooyinka madaxtinimada ee 2016 iyo 2020 balse wuu ku guuldareystey. Sannadkii 2019 Mr McAfee wuxuu muujiyey sida uu u neceb yahay canshuuraha, isaga oo bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuusan bixin wax canshuur ah muddo siddeed sano ah isagoo ku tilmaamay canshuurtu inay tahay sharci darro. Source
-
(SLT- Koofur Afrika)-Wararka ka imanaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in haweeney dhowaan sheegatay inay dhashay toban carruur ah ayna weligeed uur qaadin ilmana dhalin lana dhigey hadda cisbitaal cudurada dhimirka lagu daweeyo. Sida ay qoreen wakaaladaha wararka dalka Koofur Afrika Gosiame Thamara Sithole, oo 37 jir ah ayaa la geeyay qeybta dhimirka ee cisbitaalka Tembisa magaalada Johannesburg waxaana baadhay dhakhaatiir caafimaad. Baadhitaan caafimaad ee lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in ayna weligeed uur yeelan, waxaana laga waayay calaamado muujinaya in qaliin caloosha ah lagu sameeyay weligeed. Weriyihii billaabay warkan ee sii faafiyay, Piet Rampedi, ayaa hadda wajahaya xaalado adag – Maamulka Gobolka wuxuu amray in dacwad sharci ah lagu oogo weriyahaas. Rampedi waa saxafiga qoray warbixinno badan oo uu ku sheegay in Sithole ay dhashay 10 carruur ah oo mataane ah, ayna jebisay rikoorkii caalamka. Waxaa wararkaas sii qaatay warbaahinta caalamka, oo daafaha dunida ku sii faafiyay. Waxaana bilaabmay ololeyaal tabarrucaad loogu uruuriyay lamaanahaas. Balse, shakiga wuxuu bilaamay markii Rampedi uu keeni waayay magaca cisbitaalka ay carruurta ku dhasheen. cisbitaallada gobolkaas ayaana beeniyay in haweeneydaas ay xaruntooda ku dhashay. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta wada-hadal dhanka khadka Internetka ee Zoom la yeeshay danjiraha dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda Galmudug iyo arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, sida lagu shaacisay qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulkaasi. Qoor Qoor iyo Kate Foster ayaa diiradda saaray arrimaha horumarinta kaabayaasha dhaqaale, amniga gudaha iyo dhismaha hay’adaha kala duwan ee Galmudug. Sidoo kale waxa ay labada dhinac isla soo hadal qaadeen arrimaha dardar-gelinta doorashada dalka oo haatan si habsami leh u socota. Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale uga mahad-celiyay danjiraha UK taageerada iyo garab istaagga ay mar weliba u muujiyaan guud ahaan Soomaaliya. Ingiriiska ayaa Galmudug siiyo taageero, waxaana gobollada dhexe uu ka fuliyaa mashaariicyo dhowr ah, iyada oo sidoo kale UK ay gacan siiso hay’adaha maamulkasi. Si kastaba kulankan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Galmudug ay ka socdaan mashaariicyo kala duwan oo lagu hormarinayo deegaanada maamulkaasi, waxaana ka mid ah dib u dhiska garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo ku yaalla caasimada Dhuusanareeb. The post Sawirro: Muxuu QOOR QOOR kala hadlay KATE FOSTER? appeared first on Caasimada Online.
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo u dhaxeyay ciidamada Itoobiya iyo Ururka TPLF kuwaas oo tan iyo shalay ka socda magaalooyinka waaweyn ee gobalka Tigreega. TPLF ayaa sheegtay goordhaw in ay soo rideen diyaarad ay lahayeen Militeriga Itoobiya taas oo uu noocedu yahay C-130 Hercules. Suuq ku yaalla gudaha magaalada Makelle ayaa la sheegay in lagu garacay tira gantaalla ah oo ay soo rideen kooxda dagaalka kula jirta Ninka haysta billadda nabadda ee dagaalka oogay. Saraakiisha caafimaadka Makelle ayaa xaqiijiyay ugu yaraan 43 dhimasho, kadib weraro is xig xigay oo dhacay. khasaaraha kale ee halkaas laga soo warinayo ayaa shegaya in hanti badan ay ku burburtay dagaalka, sidoo kalena ay dad badan ay bilaabeen in ay ka barakaacan guryahooda. TPLF ayaa saaka shegatay in ay la wareegtay magaalooyin badan oo ka tirsan Gobalka Tigrega, iyadoo ku baaqday in ay weli sii wadi doonto dagaalka. Dowladda Itoobiya weli kama hadlin dagaalada ka socda deeganada waqooyiga dalkaas. Soo laba kacleynta kooxdan ayaana u muuqata mid sii kala furfyreysa siyaasadda Itoobiyanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cutubka Ilaalada Badda u qaabilsan Ciidanka PMPF, ayaa Arbacadii hawlgal qorshaysan ku qabtay Markab kalluumeysi, kaas oo si sharci-darro ah uga jillaabanayay xeebta degmada Qandala ee Gobolka Bari. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Puntland ee PMPF, oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Cafiish, ayaa sheegay in markabka hawlgalka lagu qabtay uusan dowladda Puntland ka haysan wax rukhsad kalluumeysi ah. Cafiish ayaa sidoo kale sheegay in markabka ay saaran yihiin 10 shaqaale ah oo ka kooban hal injinee, Kabtan iyo sideed qof oo kalluumeysato ah, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin dalka ay ka socdan markabka iyo shaqaalaha saaran. PUNTLAND POST The post Ciidanka Badda Puntland oo qabtay markab Jariif ah appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Fawziya Abiikar Nuur, ayaa kulan gaar ah la yeelatay safiirka dowladda Filand u qaabilsan Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Eritrea Amb. Erik Lundberg. Kulanka labada mas’uul ayaa looga wada-hadlay arrima ku saabsan xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka caafimaadka, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska wasiir Fawziya. Wasiirka Caafimaadka ayaa ugu dambeyntii uga mahadcelisay safiirka Filand dadaalka ay dowladdisu ka wado Soomaaliya iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda caafimaadka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeelatay Safiirka dowladda Filand appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in Sabtida uu shir uga furmo Magaalada Muqdisho, iyadoona looga arrinsan doono wixii ka qabsoomay heshiiskii dhincyadu ay 27-kii bishii May ku gaareen Xerada Afisyooni. Ra’iisal Wasaare Rooble iyo masuuliyiinta kale ayaa qalinka ku duugay shan qodob oo heshiiskaasi muhiim u ahaa, kuwaa oo kala ah tubta xalinta cabashada la xiriirta Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, hannaanka xalinta khilaafaadka Gobolka Gedo, xal u helidda Guddiga Maamulka Doorashada ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, qoondada haweenka iyo in lixdan cisho doorasho lagu qabto. Waxaa la fahamsan yahay illaa iyo hadda in hal qodob uu ka qabsoomay heshiiskaasi, waana qodobka xalinta cabashada la xiriirta Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, oo Dowlad Goboleedyada ay soo wada gudbiyeen, iyadoona Ra’iisal Wasaaruhu uu Sabtidii magacaabay Guddiyada Doorashooyinka & Xalinta Khilaafaadka. Madaxdu waxay garwaaqsan yihiin inaanay lixdan cisho ku qabsoomi karin Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada, waxayna mar kale qorsheynayaan inay jiheeyan doorashooyinka dalka. Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay daneynayaan in lix deegaan doorasho lagu soo koobo doorashooyinka, bedelkii kow iyo toban goobaad lagu qaban lahaa, si lamid ah doorashadii 2016 oo lix goobood ay ka dhaceen. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la fahamsan yahay in uu cadaadis ka haysto Magaalada Garbahaarey, iyadoo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu door bidayo in doorashada laga soo wareejiyo Baraawe, sababo ku aaddan amnigeeda oo uu ka walaacsan yahay, halka Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu walaac ka muujinayo Beledweyne, haddii dadka deegaanka ku kala qaybsamayn dhismaha maamulka uu Madaxweynuhu ka yahay. Wararka ayaa intaa ku daraya in ay u badan tahay in madaxdu isu raaci doonaan in lix goob doorasho lagu soo koobo doorashooyinka dalka, haddii muddada shirka uu socdo aanay arrimo kale soo bixin, kuwaas oo kala ah Muqdisho, Baydhaba, Kismaayo, Jowhar, Dhuusomareeb iyo Garoowe. “Dabcan haddii khasab looga dhigo inay lixdan maalmood doorashada ku qabtaan, ayagana xaq waxay u leeyihiin inay yiraahdaan hala soo koobo deegaan doorashada, ayadoo waqtiga yar ee harsan la eegayo,” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan. Dadka u dhuunduleela arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa sheegaya inay arrintani mucaaradad kala kulmi doonto bulshada qaybteeda, waa haddii deegaan doorashada la soo koobo, isla-markaana ay baalmarsan tahay heshiiskii September 17. Marxaladaha ku gadaaman doorashada sanadkan ayaa ka dhigaysa inay Soomaaliya wajaheyso doorashadii ugu adkeyd, tan iyo dib u yegleelidda dowladnimadeeda, muddo kow iyo labaatan sano laga jooggo. The post XOG: Isku day la doonayo in lagu soo koobo deegaan doorashada dalka oo socda appeared first on Caasimada Online.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada badda ee dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay Markab kalluumeysi oo si sharci darro ah uga jilaabanayey biyaha Soomaaliya, sida saraakiisha ciidamada badda Puntland ay warbahinta u sheegeen. Ciidamada oo warbaahinta u soo bandhigay markabkaas ayaa sheegay in ay kasoo qabteen xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari, kadib markii ay ka war heleen inuu halkaas ka wado Jariif. Sarkaalkii hoggaaminayey howlgalka lagu soo qabtay markabkaas ayaa sheegay in wax sharci ah uusan wadan Markabkaas, isla markaana hadda wareejiyey taliska guud ee ciidanka badda Puntland. Markabka iyo shaqaalihii saarnaa ayaa maanta la keenay dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. “Waxaan howlgal uga soo baxnay dekedda Boosaaso, u jeedkeenu waxa uu ahaa soo qabashada Markab si sharci darro ah uga kalluumeysanayey xeebta degmada Qandala, saqda dhexe ee habeenkii ayaan qabanay Markabka, raggii watayna wax iska caabin ah kalama aanaa kulmin, mana aysan wadan wax sharci ah, si sharci darro ah ayuu ku kalluumeysanayey, sidaas ayaana ku qabanay,” ayuu yiri Xidigle Maxamed Axmed oo ah sarkaalkii hoggaaminayey ciidanka. Sidoo kale sarkaalkan waxa uu sheegay in ragga watay Markabka la qabtay ay ahaayeen 10 nin, isla markaana warbixinta Markabka ay u gudbiyeen taliska guud ee ciidamada badda Puntland. Bishii Maarso ee sanadkan ayey aheyd markii ciidamada badda Puntland ay howlgal noocaan oo kale ah ku soo qabteen 10 doonyood iyo shaqaalihii watay, oo si sharci darro ah uga kalluumeysan jiray biyaha Soomaaliya, kuwaas oo laga lahaa dalka Yemen. Hoos ka Daawo The post Daawo: Xeebaha Somalia oo lagu qabtay markab dembi culus loo haysto iyo 10 nin appeared first on Caasimada Online.
-
Raggii dilay Khashoggi oo la ogaaday in lagu tababaray Mareykanka Afar ka mid ah raggii sanadkii 2018 ka qeybgalay dilkiii Jamal Khashoggi oo ahaa weriye ka tirsanaa wargeyska Washington Post ayaa tababar khaas ah ku qaatay waddanka Mareykanka sanad kahor dilkiisa, waxaana qandaraaska imaashahooda ansixisay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. Wargeyska New York Times ayaa talaadadii qoray in tababarkan ay bixisay Tier 1 Group oo hoostagta shirkadda gaarka loo leeyahay ee Cerberus Capital Managerment, waxaana raggan loo tababaray ilaalada gaarka ah ee hoggaamiyaha Sucuudiga. Cerberus kama jawaabin codsiga fach-faahin ku saabsan arrinkan, kaas oo ay gudbisay wakaalada wararka ee Reuters. Isaga oo ka jawaabayay warbixinta New Times, ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price waxa uu sheegay in sharciga wasaaraddu aanu u oggoleyn in uu ka jawaabo wax kasta oo ay warbaahintu soo tabisay. Price ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Sacuudi Carabiya “ay mudnaanta siin doonto sarreynta sharciga iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha”. KHashoggi oo heystay deganaasha Mareykanka ayaa ka tirsanaa faallo-qoreyaasha qeybta fikradaha ee wareyska Washigton Post, isagoo naqdin jiray dhaxal sugaha Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salaam ayaa waxaa jar-jaray koox xiriiir la leh amiirka, kuwaas oo bishii Oktober 2018 ku dilay gudaha qusuliyadda boqortooyada Sucuudiga ee ee magaalada Istabul ee waddanka Turkey. Warbixintii sirdoonka Mareykanka ee bishii February ayaa lagu sheegay in amiirka dhaxal sugaha Sucuudiga uu ansixiyay howlgal lagu soo qabanayo ama lagu dilayo wariyahan. Madaxa shirkadda Cerberus Louis Bremer ayaa xaqiijiyay doorka shirkaddiisu ku leedahay tababarka afar xubnood oo tirsan kooxda dilka Khashoggi sanadkii hore jawaabo uu ka bixiyay su’aalaha xubnaha Congreeska, taas oo qeyb ka aheyd magacaabistiis xilka sare ee wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon ee maamulkii madaxweyne Donald Trump, sida laga soo xigtay Times. Laakiin sharci-dejiyeyaasha Mareykanka weli ma helin jawaabahan, sababto ah maamulkii Trump uma muuqan inuu Congresska u diro kahor inta aanu ka noqon magacaabista Bremer, sida laga soo xirtay Times oo intaas ku dartay in Bremer uu qoraal ahaan u gudbiyay. Bremer wuxuu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka iyo hey’adaha kale ee dowladda ay masuul ka yihiin turxan-bixinta ciidamada shisheeye ee lagu tababarayo gudaha Mareykanka. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Askar ka tirsanaa ciidamada ilaalada xuduuda ee Kenya ayaa la dilay, halka kuwa kalena la dhaawacay, kadib markii rag looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan ka tirsan Mandheera. Taliyaha Booliska ee gobolka Waqooyi Bari, Rono Bunay aya sheegay in weerarka uu ka dhacay goobta dhismaha darbiga Kenya ay ka wado xadka ay la wadaagto Soomaaliya, halkaas oo ay Al-Shabaab sidoo kale ku gubeen labo ka mid ah gaadiidka dhismaha. Bunay ayaa intaasi ku daray in ciidamada ilaalada Booliska ay isku dayeen in ay la dagaalamaan raggaasi oo ka soo gudbay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya. Weerarada Al-Shabaab ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafayey ku soo badanayey deegaano hoos yimaada maamulka Mandheera, iyada oo lagu dilay illaa 15 ruux. Kenya ayaa waxaa horey xadka ay la wadaagto Soomaaliya ay u soo dhigtay ciidamo gaar ah oo ay ugu tala-galashay inay ka hortagaan weerarada kooxdaasi. Gobolka Waqooyi Bari ayaa waxa uu xudun u noqday weeraro hubeysan oo ay qaadaan xoogaga Al-Shabaab oo inta badan beegsanaya saldhigyada ciidamada Kenya. Si kastaba kooxda Al-Shabaab ayaa horey wacad ugu martay in ay sii wadi doonto weerarada ay ka fuliso gobalka Waqooyi Bari ee Kenya oo xad dheer la-leh Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo weerar ku dishay askar ka tirsanaa ciidamada Booliska Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Shirkadda Dahabshiil Group ayaa isniinta 28-ka June dah-furaysa dhismaha Dahab Tower oo noqon doona dhismaha ugu dheer uguna weyn geyiga Soomaaliyeed oo laga dhisi doono bartamaha caasimaadda Muqdisho. Dhismahan oo ka kooban ku dhowaad 30 dabaq ayaa sida uu sheegay maamulaha guud ee Dahabshiil ee Koonfurta iyo bartamaha Somalia Xasan Cabdi Cawed ka koobnaan doonaa Moolal, xafiisyo, dukaano, guryo iyo apartments. Tower-kan oo ay ku baxayso malaayiin Dollar ayaa dhismihiisa la bilaabi doonaa dhowaan, kaas oo wax weyn ku soo kordhin doona bilicda iyo shaqo abuurka Caasimadda Muqdisho. PUNTLAND POST The post Shirkadda Dahabshiil oo Muqdisho ka hirgelisay dhismaha ugu dheer Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar (Cabdullahi Carab) iyo Madaxa Waxbarshadda Bariga iyo Koofurta Afrika Muna Salih Meky ayaa Aaladda Fogaan Aragga (Zoom meeting) kaga wada hadlay sidii ay iskaga kaashaan lahaayeen hurumarinta Waxbarshada. Wasiirka Waxbarashada, Madaxa Madaxa Hurumarinta Waxbarashada Banka Aduunka ee Bariga, Koofurta Afrika ayaa kawada hadlay mashaariic ay iska kaashanayaan labada dhinac, uuna maalin gelinayo Bangiga Adduunka, ayaga oo isku afgartay in la bilaabo mashaariic cusub oo hadda diyaar ah. Wasiirka Waxbarashada ayaa balanqaaday ka miro dhalinta Mashaariicda ay kawada shaqeeyaan Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Somaaliya ee Arrimaha Waxbarashada. Shirka ayaa kusoo dhamaaday ayada oo la isku afgartay dhaman qodobadii laga wada hadlay iyo sii xoojinta wada shaqeynta Ka dhaxeysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Bankiga Adduunka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxa Waxbarashada Bariga yo Koonfurta Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu dhawaan madaxda dowlad goboleedyada ku casuumay shir loo asteeyey in Sabtida uu ka furmo magaalada Muqsisho ayaa waxaa soo baxaya shaki la xariira in dib u dhac uu ku imaan karo shirkaas. Shirkaas ayaa loo qorsheeyey in la isaga wareysto howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka, tan iyo heshiiskii la kala saxiixday 27-kii May, sidoo kale waxaa diiradda la saari doonaa dardar gelinta shaqooyinka harsan. Ustaad Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faallooda arimaha Soomaaliya ayaa isagoo la hadlayey BBC waxaa la hor dhigay su’aalo ku saabsan waxa laga filan karo shirkaas uu iclaamiyey Ra’iisul wasaaraha Rooble. Ustaad Daahir ayaa sheegay in sida uu qiyaasayo dib u dhac u uku imaan karo shirkaas, in kastoo sida uu qabo haatan madaxda ay ka dhex jirto xasilooni siyaasadeed oo wax badan ka bedeshay shakigii iyo cabsidii ay qabeen dadka Soomaaliyeed. “Tan iyo markii uu dhacay heshiiskaan wax weyn oo muuqda lama qaban, laakiin madaxda waa inaan u garaabo, sababtoo ah xasilooni siyaasadeed ooh or u socod leh ayaa la helay, gudiyadiina waa la soo xareynayaa, hada wixii ka dambeeya waxaa laga wadahadlayaa waxyaabaha xasaasiga ah ee dib u dhigi kara doorashada,” ayuu yiri Daahir Qoriyow oo ka faallooda arimaha siyaasada Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu qabaa in heshiiskii ay gaareen madaxdu uusan ku dhaqan geli karin waqtiga loo qorsheeyey, isla markaana ay ku qasbanaa doonaan in waqti dheeraad ah lagu daro. “Aad ayey u adag tahay in 60 cisho lagu qabto doorashooyinka, sidii horay loogu heshiiyaba, marka waxaan ka sugeynaa kulanka uu ra’iisul wasaaruhu iclaamiyey qorshe macquul ah oo bulshada Soomaaliyeedna ay ku qanci karaan, waana rajeynayaa in waqtiga howsha lagu qabanayo ay tahay waxyaaba ugu badan eel aga wadahadli doono,” ayuu yiri. Ra’iisal wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay casuumad rasmi ah u diray madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si maalinta Sabtida ay iskugu imaadaan shir ka dhacaya magaalada Muqdisho. Casuumaadaan waxay timid kadib kulan ay qadka Zoom-ka ku yeesheen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo lagu go’aamiyey in la isugu yimaado Muqdisho. The post Shiki laga muujiyey dib u dhac ku yimaada shirka Golaha Wadatashiga Qaran appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Muuse Biixi & Wefti uu hoggaaminayo oo Gaadhay Magaalada Berbera+Ujeedada safarkiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo uga baxay caasimadda Hargeysa, ayaa maanta gaadhay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera. Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee la socda oo safar shaqo halkaas u tegay, ayaa waxa si diirran u soo dhaweeyey madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, siyaasiyiin iyo madax kale. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu maalinta berri ee khamiista ah xadhigga ka arii doona wejigii hore ee Mashruuca Balaadhinta Dekedda Berbera. Qaran News
-
Aniga iyo Faysal waa la arki kaayaga xisbiga laga eryo……Siyaasi Ramaax Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, ayaa xilkii ka qaaday Xoghayihii Arrimaha gudaha xisbigaasi Maxamud Cali Saleeban Ramax. Xoghayaha xilka iyo xubinnimada Xisbiga laga eryey, ayaa shalay warbaahinta ka dhaleeceeyey qorshaha isbahaysiga Mucaaridku ku doonayaan Shirguddoonka Golaha Wakiillada, isagoo tilmaamay in aanu Xisbigu isku raacsanayn arrintaasi. Hase yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta soo saaray qaraar xil ka qaadis ah oo ku socda masuulkaasi.Dhankiisa waxa jawaab ka bixiyey arrintaasi Siyaasi Ramax oo ku tilmaamay mid cayaayir ah oo aan waxba ugu filayn Guddoomiye Faysal. Qaran News
-
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Garoowe (Caasimada Online) – Culimada Puntland ayaa maanta si adag uga jawaabay eedeyn uu u jeediyay maamulka Puntland, taasi oo la xiriirtay xiisada ka dhalatay xeerka gudniinka Gabdhaha ee ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Puntland. Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo kamid ah culimada Puntland ee dhawaan ka hor-yimid xeerka gudniinka ayaa “waxba kama jiraan” ku tilmaamay eedeyntii uu Wasiirka Cadaalada Puntland u jeediyay ee aheyd in siyaasad ahaan u diidan yihiin culimadu xeerkaas. “Majirto colaad gaar ah oo naga dhaxeysa anaga (culimada) iyo xukuumadda Deni, wuxuuna ku kooban yahay muranku xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in xeerkaas aysan uga soo horjeedin arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah xukuumadda Deni, balse ay aheyd arrin u murankeeda uu soo bilowday xiligii xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole. Culimaa’udinka Puntland qaarkood ayaa dhawaan si adag uga hor-yimid xeerka lagu joojinayo gudniinka gabadhaha maamulkaas oo ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Puntland. Waxaa tan iyo markii la ansixiyey xeerkaasi xiisad cusub ka dhex qaraxday Culimada iyo maamulka Deni, midaasi oo maalmihii dambe cirka isku shareertay, kadib hadalo adag oo hawada isku mariyeen labada dhinac. The post Culimada Puntland oo si adag uga jawaabay eedeyn loo jeediyey iyo xiisad ka taagan appeared first on Caasimada Online.
