Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Daily Mail has agreed to pay £15,000 plus legal costs to a Muslim charity it falsely accused of colluding with people smugglers. Source: Hiiraan Online
  2. Aimed at transfiguring the conventional & costly ways of doing the livestock export business, Ethio-Djibouti Livestock Export Promotion Forum kicked off on Sunday (July 4, 2021) attracting scores of high-level officials from each side, several experts from relevant stakeholders as well as dozens of exporters in the sector. Source: Hiiraan Online
  3. In a move that will expand its East Africa portfolio to 18 hotels, Radisson Hotel Group has signed up to create Radisson Hotel Djibouti. Salaam Properties will be the property’s owning company. Source: Hiiraan Online
  4. U.S. Army civil affairs Soldiers in support of Combined Joint Task Force-Horn of Africa (CJTF-HOA) completed their final lessons of first aid and English at Solidarte Feminine July 1, 2021, in Djibouti City, Djibouti. Source: Hiiraan Online
  5. Once the most pirate-infested region on the planet, the waters off the coast of Somalia are now home to a different maritime crime - illegal, unreported and unregulated (IUU) fishing, according to a new report by the Global Initiative Against Transnational Organized Crime. Source: Hiiraan Online
  6. Qarax xooggan oo Gilgilay Dekedda Dubai+Khasaaraha Markab ku xidhnaa dekedda magaalada Dubai, oo mid ka mid ah dekedaha ugu weyn caalamka, ayaa waxaa ka dhacay qarax xooggan oo sababay dab qabsaday qeybo ka mid ah dekeedda. Qaraxa ayaa sababay holac xooggan oo laga arkayey hawada sare ee qeybo ka mid ah magaalada, hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa hadda sheegaya inay xaaladda gacanta ku hayaan oo ay xakameeyeen. “Dab ka dhashay qarax ka dhacay mid ka mid ah konteenarada saarnaa markab ku xidhnaa dekedda Jabel Ali ayaa la xakameeyey. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay,” waxaa sidaas barta twitter-ka soo dhigay xafiiska warbaahinta Dubai ee Dubai Media Office (DMO). Qarax ayaa ruxay dhismooyinka badan oo magaalada ka mid ah, waxaana soo daatay daaqadaha guryaha qaarkood, ayada oo saameynta ay gaartay illaa 25km meelo ka baxsan dekedda. Ganacsi ahaan ka sokow, dekeddan ayaa sidoo kale waxaa inta badan kusoo xidha maraakiibta dagaalka Mareykanka. Ma cadda xaddiga waxyeelada uu dekedda gaadhsiiyey qaraxa. Sidoo kale ma cadda waxa sabab qaraxa.Saraakiisha dekedda ayaa sheegay inay qaadayaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si howlaha dekedda ay usii socdaan. Mona al-Marri, oo ahaa agaasimaha Dubai Media Offica ayaa sheetay in markabka uu xidhanayey markii uu qaraxa uu dhacay. Dekedda Jabel Ali oo ku taalla waqooyiga Dubai ayaa ah tan ugu weyn caalamka waxayna u adeegtaaa dalalka Asia iyo Afrika badankood. Qaran News
  7. Muxuu salka ku hayaa khilaafka Sacuudiga iyo Imaaraadkaka dhex qarxay,Halkeese Sartu ka qudhuntay? Amiir Maxamed Bin Salmaan iyo Amiir Maxamed bin Zayed al Nahyan Khilaafka iyo xiisada udhaxeysa dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka oo muddo dheer xulufo ku ahaa arrimaha gobolka Khaliijka, ayaa dhowaan soo shaac baxay.Halka xiisaddu ka bilaabatay ayaa ahayd shirkii OPEC ee toddobaadkan oo uu qabtay Ururka waddammada dhoofiya shidaalka iyo waddamada kale ee soo saara saliidda. Soo saarayaasha ugu waaweyn ee saliidda adduunka, waxaa ka mid ah dalalka Sacuudiga iyo Ruushka, waxayna soo jeediyeen in la sii wado dhimista isu gudbinta saliidda illaa dhammaadka sanadka 2022-ka. Dhanka kale, Imaaraadka ayaa sheegay in arrintaa uu ku diiday sababo ay ku sheegeen “inay iyaga ku noqonayso caddaalad darro”. Si kastaba ha noqotee, khubarada iyo falanqeeyayaasha Bariga Dhexe ayaa sheegaya in khilaafkan uu muujinayo xiisadda u dhaxeysa Sacuudiga iyo Imaaraatka, oo muddo dheer ka wada shaqeynayay gobolka Khaliijka, arrimo kala duwan. Marvan Alblushi, la-taliyihii hore ee Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Carabta, ayaa u sheegay wargeyska Financial Times, in “Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ay aasaaseen iskaashi istiraatiiji ah muddo ku dhow 10 sano. Balse waxaa uu yiri” waxaan aragnaa in loolanka dhaqaale ee u dhexeeya dalalka Khaliijka uu xoogeystay dhawaanahan.” Maxaa dhowaan ka dhacay Imaaraadka iyo Sacuudiga? Tallaabo la xiriirta ganacsiga ayaa ka timid Sacuudiga isla markii ay Imaaraadku diidday shirkii OPEC +. Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in cashuur dhaafka la hoosgeeyay Golaha Iskaashiga Khaliijka ee (GCC) uusan dabooli doonin badeecadaha laga soo saaray aagagga xorta ah iyadoo la adeegsanayo wax-soo-saarka Israel.Go’aankan wuxuu si dhow ula xiriiray Imaaraatka, oo ah dalka labaad ee ugu weyn ganacsiga Sacuudiga marka laga reebo Shiinaha. Sababtoo ah wax soo saarka ugu badan ee Imaaraadka waxaa lagu sameeyaa aagagga bilaashka ah, iyadoo ay jiraan heshiisyo kala duwan oo cashuur, ganacsi iyo dhaqaale oo ay kala saxiixdeen Imaaraatka iyo Israa’iil kuwaas oo qayb ka ah hanaanka caadiga ee bilowday sanadkii hore. Dhaqaaleyahan sare oo ka tirsan Bangiga Qaranka ee Sacuudiga laguna magacaabo Caamir Khayr Amiir Khaan oo la hadlayay Telefishinka Al-jazeera ayaa yiri, “Meesha ugu horeysa ee fikirka lagala baxay wuxuu ahaa in la sameeyo suuq GCC oo wadajir ah. Balse hadda waxaa muuqata in ahmiyadda Sacuudiga iyo Imaaraadka ay aad u badan yihiin. midba midka kale ka duwan Go’aanka ugu dambeeya ee Sacuudiga ayaana ah in labada dal uu yahay mid ka tarjumaya kala duwanaanshaha danaha siyaasadeed,”. Arrinta kale ee jirta ayaa ah in Sacuudi Carabiya ay ka mamnuucday muwaadiniinteeda inay u safraan dhowr dal, oo Imaaraadku ku jiro sababo la xiriira cudurka faafa ee Covid-19. Imaaraadku waa dalka kaliya eexubin ka ah GCC ee ku jira liiska wadamada la mamnuucay. Intaa waxaa dheer, Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inay dhisi doono shirkad diyaaradeed oo caalami ah taas oo qayb ka ah dadaalkooda si loo yareeyo ku tiirsanaanta dhaqaalihiisa dakhliga saliidda waxayna arrintaas ay samayn doontaa maalgashiyo.Hadalkan waxaa loo fasiray tallaabo sii kordhisay loolanka ka dhanka ah dalal ay ka mid yihiin Qatar, iyo Imaaraatka. Halkee dhibaatadu ka soo bilaabatay? Falanqaynta iyo faallooyinka la sameeyay, ayaa tibaaxaya in inkastoo labada dal ay xiriir dhow la leeyihiin marka laga hadlayo saaxiibtinimada shaqsiyeed ee amiirrada ilaa muddo sano ah haddana wixii ka dambeyay sanadkii 2019-kii waxaa bilowday dhibaato dhanka xiriirka ah . Sanadkii 2019-kii Imaaraadku wuxuu ku dhawaaqay inuu ka baxay isbahaysiga uu hogaaminayo Sacuudigu ee dagaalka kula jira fallaagada Xuutiyiinta Yemen,waxaana la sheegaa in halkaa ay ahayd halkii xurguftu ka soo askuntay.Qiyaastii hal sano kadib Imaaraadku wuxuu heshiis la saxiixday Israa’iil si loo hagaajiyo xiriirka kala dhaxeeya. Waxaa la ogyahay in Sucuudigu uusan raali ka ahayn in wadamada Carabtu ay Israel xiriir la sameystaan. Ugu dambeyntiina, dowladda Sacuudiga ayaa heshiis nabadeed la saxiixatay dalka Qatar, oo ay go’doomin galisay tan iyo sanadkii 2017-kii, markaa oo Mareykanku u kala dabqaadayay. Tallaabadaan ayaa soo ifbixisay inuusan Imaaraadku jecleysan sida wax u socdaan.Diblumaasi sare oo Carab ah oo lana hadlayay wargayska Wall Street Journal ayaa yiri, “Xumaanshaha xiriirka labada dal waxay ahayd kaliya wakhti go’an. Arintu waxay ka soo baxday shirarkii OPEC.”. Dad badan, way ku adag tahay in ay saadaaliyaan sida xiisada hadda muuqata ee u dhaxeysa Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ay ku dambeyn doonto. Si kastaba ha noqotee, dhaq dhaqaaqyada uu Sacuudigu wado si loo yareeyo ku tiirsanaanta shidaalkiisa ayaa loo arkaa inay u badan tahay inay kordhiso xiisadaha iyadoo suurtagal ay tahay in la wiiqo mowqifka Imaaraadka ee gobolka. Qaran News
  8. Goobtan ma tahay halkii ay ku degtay Doontii Nebi Nuux? Jasiiradda qaddiimiga ah ee Nessebar Nessebar waa magaalo hore oo ku taalla meel u dhaw jasiirad dhacda xeebaha Bulgaria. Magaaladan waxaa ku yaalla guryo qaddiimi ah oo lagu tiriyo inay jiraan 3,000 oo sano. Hay’adda Qaramada Midoobey ee qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa waxay u aqoonsatay goob taariikhi ah. Seynisyahannada iyo khuburada taariikhda ayaa daraasaad ku sameeyay qalab badan oo la rumeysan yahay inay adeegsan jireen dadkii qarniyeyaal hore halkaas u deganaa. Daraasad cusub oo tixraaceysay sida ay jasiiradda aheyd 7000 oo sano ka hor ayay khuburada ku sheegeen in badda madow xilliggaas ay aheyd mid baaxad ahaan yar. Cilmi-baaris laga sameeyay gudaha baddan ayaa ugu dambeyntii lagu ogaaday daadaadka la garan wayaay ee dhacay iyo qisadii doonta nebi Nuux. Zdravka Georgieva, oo kamid ah khuburada ku takhasustay cilmiga dhulka kana mid ahaa cilmibaarayaasha badda Sozopol ee Bulgaria kuna dhashay jasiiradda Nessebar ayaa sheegay in uu doonayo in uu wax ka ogaado waxyaabaha lagu arkay badda. “Waxaa doonayay in aan ogaado waxa ku jiray badda,” ayuu yiri Zdravka Georgieva oo markii ugu horreysay arkay haraagga dooni la garan waayay oo lagu arkay matxaf ku yaalla jasiiradda Nessebar. Wuxuu sheegay in matxafkan la dhigay waxyaabo taariikhi ah oo ku saabsan taariikhda dadka iyo deegaanka oo uu rajo weyn yahay in uu baaritaan ku sameeyo. Markii uu cilmiga badda kasoo bartay jaamacadda Southampton wuxuu ka rumeeyay riyadiisii aheyd in uu ka qeyb qaato mashaariic ku aadan baaritaannada lagu sameynayo gunta hoose ee badda iyo xeebaha. Koox ka socota Belgium iyo Britain oo uu hoggaaminayo Professor Jon Adams oo ka socda jaamacadda Southampton oo kaa kashanaya laanta dowladda u qaabilsan baaritaanada biyaha badda ayaa waxay arkeen doon jirtay 2400 sano oo uu lahaa ganacsade u dhashay Giriigga iyo doomo kale oo 60 ah oo ku burburay xeebaha badda. Khuburrada qaabilsan cilmiga badda waxay rumeysan yihiin inay heleen halkii ay kasoo faracmeen biyihii lagu halaagay qowmkii nebi Nuux iyo burburkii soo gaaray magaalooyinkii qaddiimiga ahaa ee ku yaalla badda Mediterranean-ka iy badda madow muddo lagu qiyaasay 7,600 sanadood ka hor. Qisada Nebiga Nuux waxaa mid caan ah oo lagu sheegay Qur’aanka iyo Injiilka. Sida lagu xusay buug laga qoray qisadan, ku dhawaaad 20,000 sano badda madow waxaa kala xiray buuro ku yaallay badda Mediterranean-ka. Dalka Bulgaria waxaa ku yaalla goobo taariikhi ah oo ku xusan marxaladihii ay soo mareen dowladihii Ruum, Giriigga iyo qowmiyadihii hore ee adduunka ku noolaa. Qaran News
  9. Xisbiga Waddani oo digniin u diray xildhibaanada xisbiyada mucaaradka Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, ayaa xildhibaanada mucaaradka uga digay in ay laaluush ka qataan xukuumada.Afhayeen Batuun ayaa sheegay in ay aamin sanyihiin in xukuumadu laaluushayso xildhibaanada mucaaradka. “Marka dagaal la galo ee laba col isqabtaan cida gurmadka u baahata ayaa jabta, cida dhaqaale suuqa laso gashay ayaa jabtay” ayuu yidhi. Batuun ayaa xildhibaanada uga digay in ay qaataan wax laaluush ah.”Cashuurta laga qaaday hooyada milicda fadhida, ee aan suuli haysan, ee aan caafimaad haysan ka qaadanaya iyo ka bixinayaaba waa damiir laawe yaal” ayuu yidhi. “Waxan leeyahay masuuliyada xildhibaanadu Alle hakaga baqaan” ayuu hadalkiisa ku daray. Xukuumada iyo axsaabta mucaaradka ah ayaa loolan ugu jira sidii uu midba midka kale ugaga guulaysan lahaa shir gudoonka wakiilada. Qaran News
  10. Maxkamad dammaanad ku sii daysay Haweenay Soomaaliya oo Afduub Haweenay kale loo haysto+Sababta Hafsa Abdi iyo Jackson Njogu, oo loo haysto kiiska afduubka Hasfa Mohammed Luqman ayaa maanta lagu sii daayay dammaanad. Maxkamadda ayaa amar ku bixisay in labadan eedaysane aysan wax xiriirin ah la samaynin markhaatiyaasha iyo dhibanahaba. Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato ah oo 23 jir ah, ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibteed ay ka mid ahayd dadkii afduubtay. Waxay sheegtay in Xafsa Cabdi, haweeneyda ay maanta damaanadda ku sii daysay maxkamadda, ay ahayd maskaxdii afduubka ka dambaysay. Dhowr afduub oo loo geystay gabdho ayaa la soo werinayay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay. “Waxay ahayd saaxiibtay, in kasta aysan ahayn qof aan aad isugu dhownahay, laakiin iyada ayaa igu hoggaamisay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo ay ku yaallaan dukaankeeda kale, “ayay tiri Xafsa Luqman. Qaran News
  11. Hargeysa: Xaafad Go’doonsaneyd oo Waddo Baneyn loo Sameeyay Dowladda hoose ee Hargeysa ayaa banaysay wadada guryaha laynka Booliska oo muddo xidhnaa. Dhawaan ayay ahayd markii guri ku yaala halkaasi uu dab ka kacay isla markaasina ay ciidanka dab-demisku waayeen meel ay usoo maraan halkaana ku nafwayeen laba caruur ah. Haddaba waxaa shalay lagu baneeyay hawlgal uu hoggaaminayay duqa caasimada iyo ciidamada booliska oo iskaashanaya. Maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa mudane Khadar Xuseen ayaa sheegay in xaafadani ay go’doon ahayd isla markaana ay afarta jahaba ka xidhnayd. “Waxaanu baneynayn maanta oo aanu afar albaab u sameynay xaafada laynka Bileyska oo afarta jahaba ka xidhneyd. Waxaa hawshani nala fududeeyay ciidamada ammaanka iyo dadweynaha xaafadani degan oo in aanu albaabadan banneyno gacan naga siiyay. Xaafadaha magaalada Hargeysa ee meel loo maro la-laayahay waanu hagaajinayna, waxaa aanu dadweynaha ka codsanayna in shaqaalaha dawladda hoose iyo ciidamada Booliskaba ay garab siiyaan. Xaafadani marka hore waa ay dhibaateyneyd oo iskuulkaa ka soo horjeeda umu talaabi kareyn, waddooyinkan la baneeyayn waxaa iska kaashanaya ciidamada booliska iyo dawladda hoose ee Hargeysa, goobtani waa xaruntii laynka bileyska qorshe rasmi ah ayaanu ka yeelanaynaa, albaabadaasina waxaa lagu sameynayaa Gajeelo ah ayaanu ka dhigi doona haddii ILLAAHEY yidhaaho dadkuna waa ay mari doonaan” Taliyaha qaybta galbeedka ee caasimada Hargeysa oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in afar albaab oo xaafadani laga soo geli karo ay u baneeyeen waxaanu yidhi. “Halkan xaafada laynka bileyska waxaa aanu ka baneynay afar kadin, hawshaasina waxa ay ku dhammaatay si nabadgelyo ah waxa aanu ku wargelinayna cidkasta dadka gaadiidleyda ah ee doonaya in ay baarkino ka dhigtaan in aanay soo geli karin” Qaran News
  12. 30-kii bishii hore Juun waxaa xabsiga weyn ee magaalada Qardho laga saaray nin dil toogasho ku xukunaa oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Jaamac. Xukumanaha oo markii hore nin ku dilay magaalada Laascaanood ayaa dowladda federaalku ku qabatay Muqdisho, waxayna ku soo warejiyay Puntland oo xukunka ku riday. Odayaal iyo waxgarad dhibane u ah kiiskan oo warbaahinta la hadlay ayaa madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ku eedeeyay in uu lug leeyahay siidaynta gacan ku dhiiglaha. Muuqaalka odayaasha Odayaasha ayaa sheegay in ninkaas hadda lagu hayo deegaan ka tirsan gobolka Sool, waxayna madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ka codsadeen in uu wax ka qabto dhacdadan. Dhanka kale Afhayeenka Ciidanka Asluubta Puntland Cabdirisaaq Maxmuud Xirsi ayaa sheegay in maxbuuska toogashada ku xukunaa xabsiga looga saaray arrimo caafimaad, hase ahaatee ay ciidamadii ilaalinayay ula galeen koox hubaysan. Muuqaalka Afhayeenka Asluubta Afhayeenka Asluubta wuxuu intaas ku daray in kiiskan ay u xiran yihiin saraakiil ciidan oo ku lug leh, kuwaas oo sida uu sheegay sharciga la horkeeni doono. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo lagu eedeeyay xukumane laga saaray xabsiga Qardho appeared first on Puntland Post.
  13. Dubai (Caasimada Online) – Markab ku xirnaa dekedda magaalada Dubai, oo mid ka mid ah dekedaha ugu weyn caalamka, ayaa waxaa caawa ka dhacay qarax xooggan oo sababay dab qabsaday qeybo ka mid ah dekeedda. Qaraxa ayaa sababay holac xooggan oo laga arkayey hawada sare ee qeybo ka mid ah magaalada, hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa hadda sheegaya inay xaaladda gacanta ku hayaan oo ay xakameeyeen. “Dab ka dhashay qarax ka dhacay mid ka mid ah konteenarada saarnaa markab ku xirnaa dekedda Jabel Ali ayaa la xakameeyey. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay,” waxaa sidaas barta twitter-ka soo dhigay xafiiska warbaahinta Dubai ee Dubai Media Office (DMO). Qarax ayaa ruxay dhismooyinka badan oo magaalada ka mid ah, waxaana soo daatay daaqadaha guryaha qaarkood, ayada oo saameynta ay gaartay illaa 25km meelo ka baxsan dekedda. Ganacsi ahaan ka sokow, dekeddan ayaa sidoo kale waxaa inta badan kusoo xirta maraakiibta dagaalka Mareykanka. Ma cadda xaddiga waxyeelada uu dekedda gaarsiiyey qaraxa. Sidoo kale ma cadda waxa sabab qaraxa, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay koronto. Saraakiisha dekedda ayaa sheegay inay qaadayaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si howlaha dekedda ay usii socdaan. Mona al-Marri, oo ahaa agaasimaha Dubai Media Offica ayaa sheetay in markabka uu xiranayey markii uu qaraxa uu dhacay. Dekedda Jabel Ali oo ku taalla waqooyiga Dubai ayaa ah tan ugu weyn caalamka waxayna u adeegtaaa dalalka Asia iyo Afrika badankood. The post Qarax xooggan oo caawa ka dhacay dekedda Dubai appeared first on Caasimada Online.
  14. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa sida qorshaysan maanta oo Khamiis ah shaacinaysa natiijada imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada Puntland ayay ku sheegtay in ay duhurnimada maanta shaacinayso Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare. Imtixaanka Fasalka 4-aad ee dugsiyada sare waxa sannadkan u fariistay in ka badan 5,700 oo arday dhammaan Gobollada iyo degmooyinka Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland: Natiijada imtixaanka dugsiyada sare oo maanta la shaacinayo appeared first on Puntland Post.
  15. Xulka kubbada cagta Ingiriiska ayaa noqday xulkii labaad oo u soo baxay kam-dambaysta (final) tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kadib markii 2-1 uga adkaaday xulka Denmark, ciyaar waqti dheeriya lagu daray. Xulka Denmark ayaa daqiiqadii 30-aad la hormaray gool uu ka caawiyay Mikkel Damsgaard, hase ahaatee sagaal daqiiqo kadib ciyaartu waxay noqotay 1-1, markii uu gool khalad ah iska dhaliyay Simon Kjaer. Kulanka oo ahaa mid adag oo labada kooxood ay isku awood ahaayeen ayaa 90 daqiiqo ee loogu tala galay ku dhamaatay 1-1, waxaana lagu daray 30 qadiiqo oo dheeriya. Harry Kane ayaa daqiiqadii 104–aad keenay goolka xulkiisa gaariiyay kam-dambaysta tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020. Xulalka Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa kulanka kama-dambaysta ciyaari doona maalinta Axada ee todobaadka dambe, wuxuuna ka dhici doona garoonka Wembley ee magaalada London. PUNTLAND POST The post Ingiriiska oo u soo baxay final-ka Euro 2020 appeared first on Puntland Post.
  16. Somalia’s Prime Minister Mohamed Hussein Roble unveiled the timetable for indirect parliamentary and presidential elections. The timetable schedules elections for the upper house to take place on July 25 and the lower house between August 10 and September 10. Afterward, both houses will convene to vote for the presidency on October 10. Source: Hiiraan Online
  17. England have reached their first major tournament final since 1966 after beating Denmark 2-1 in extra time at Wembley. Source: Hiiraan Online
  18. Garowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka jawaabtay hadal maanta kasoo yeeray wasiirka qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku eedeeyey inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse uu is qarinayo, si uu saameyn ugu yeesho xildhibaanada federaalka ee laga soo dooranayo degaanada Puntland. Afhayeenka maamulka Puntland, Jaamac Dabaraani ayaa oo ka jawaabay hadalka wasiir Jamaal, waxuuna ku tilmaamay waxba kama jiraan iyo sawir qaldan oo wasiirku uu bixiyey maamulka gaamuray ee Puntland. “23 sano oo qaan-gaarnimo muuqata ah kadib. Waa nasiib-darro inaad isku dayeyso inaan sawir xun ka bixiso Puntland iyo shacabkeeda. Taariikhda ayaa weli ah midda wax kala saarta,” ayuu yiri Jaamac Dabaraani oo qoraalkaan ku baahiyey bartiisa twitter-ka. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay tahay maamul qaan gaaray oo horay u qabtay doorashooyin kala duwan, oo aan xiligaan la khalkhal gali karin. “Wasiir Jamaal, tweet-kaaga kama duwana kuwii hore ee aad bartan ugu adeegsan jirtay inaad rabashado iyo dagaal kaga huriso Puntland. Puntland waa dowlad 23 jir ah, horeyna u qabatay doorashooyin heer gobol iyo heer federal ah, oo natiijada qaarkood ay noqotay in hal cod lagu kal baxo,” ayuu Afhayeenka Puntland qoraalkiisa ku yiri. Wasiirka Qorsheynta xukuumadda xil-gaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu maanta soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay musharax doonaya inuu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse hadda uu is qaniyo, taas bedelkeedna uu cagajugleyn iyo boob ku hayo doorashada kuraasta xildhibaanada federaalka ee Puntland ka imaanaya. “Saciid Cabdullahi Deni wuxuu dib u dhigay ku dhawaaqista musharaxnimadiisa si uu saameyn ugu yeesho, una farageliyo doorashooyinka ka dhacaya Puntland. Odayaasha beelaha, wakiillada iyo musharixiinta baarlamaanka ayaa dhammaantood muujiyey walaac weyn oo ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay wax is daba marinta, cagajugleynta iyo faragelinta uu wado Deni,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Jamaal. Qoraalkaan uu Jamaal Maxamed Xasan soo dhigay twitter-kiisa ayaa intaas ku sii daray, “Maadama uu yahay musharax madaxweyne, Siiciid Deni waa inuu faraha kala baxaa dhammaan arrimaha la xiriira doorashada, oo uu si degdeg ah u joojiyaa faragelinta arrimaha guddiyada farsamada doorashada. Mar dambe aamusnaan kuma daawan karno faragelinta qaawan iyo dhaawaca loo geysanayo dimuqraadiyadda iyo kalsoonidii maamulka Puntland.” Hadalladaan ay is-weydaarsadeen Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya iyo Afhayeenka Puntland ayaa kusoo aadaya, xilli uu socdo loolan adag oo u dhaxeeya xildhibaanada taageersan madaxweyne Farmaajo ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland iyo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo la sheegay inuu ku dadaalayo in xildhibaan taageersan Farmaajo uusan ku soo laaban baarlamaanka federaalka. The post Puntland oo jawaab kulul ka bixisay weerarkii uu wasiir Jamaal ku qaaday Deni appeared first on Caasimada Online.
  19. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 8 dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ahaayeen shabakad ka tirsan Al-shabaab oo dilalka madax-jabinta iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Kadib dhegeysiga gar-maqalka dacwadda loo haysto 8-da xukmane, oo ka dhacday xarunta Maxkamadda ee magaalada Gaalkacyo ayuu garsoorku ku dhawaaqay in dhammaantood lagu xukumay dil toogasho ah. Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in dadka la xukumay ay heystaan 30 cisho oo racfaan ay ku qaadan karaan, si ay u qabsadaan qareenno u dooda oo ka difaaca dambiyada ay ku mutaysteen xukunka dilka ah. Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa soo bandhigtay caddeymo maqal iyo muuqaal oo ay eedeesanayaashu ku qiranayeen in ay ka dambeeyeen dilal madax-jebis ah iyo qaraxyo intooda badan ka dhacay Gaalkacyo dhinaceeda koonfureed ee Galmudug. Dhawaan ayay aheyd markii Puntland ay dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo, iyadoo 18 kamid ah raggaas lagu toogtay magaalada Gaalkacyo. Kooxdaan Al-Shabaab oo iyadana ka jawaabeysay xukunka dilka ah ee lagu fuliyey 21-ka ayaa koonfurta Soomaaliya ku toogatay 24 qof oo dhallinyaro u badan oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen sirdoonada Mareykanka iyo Soomaaliya. Hoos ka Daawo maxkamadeyntii maanta ee 8-da nin The post Daawo: Puntland oo xukun dil ku fulineysa 8 qof oo kale appeared first on Caasimada Online.
  20. ADDIS ABABA, July 7 (Reuters) - Ethiopia said on Wednesday that it had allowed humanitarian flights to its northern Tigray region this week, amid concerns that aid is not reaching people facing famine, but the civil aviation head said no such flights had yet left the capital. Source: Hiiraan Online
  21. An Ethiopian Ship named “Gibe” has started cargo service at Berbera of Somaliland after two decades, APA learned on Tuesday.The ship has transported over 11,000 ton of Sugar and Rice through the Gulf-India Sub-Continent line to the Berbera Port in groundbreaking shipment. Source: Hiiraan Online
  22. A health emergency brings a loving couple with an adolescent son up against the nightmare of their own poverty in The Gravedigger’s Wife. Source: Hiiraan Online
  23. Dalka Afghanistan waxay xuduud la leedahay dalka Chine iyo Russia iyo Iran iyo Pakistan, indiana waa xulafo markii hore . Markii danbe 1967-kii laga bilaabo , waxa u janjeedh sadeen dhinaca Pakistan Dalka Britain’s waxay isku dayeen 3 jeer in ay qabsadaan dalka Afghanistan, Laakiin way ku guuldaraysteen , Waxay qabaa’ilka afghanistan ka kooban yihiin 14 qolo oo intooda badani wada sunni tahay iyo shiico 1933 boqortooyadii Afghanistan waxay la xulafo noqotay dalkiii india ,markii ay India iyo Pakistan 2-bo dal kala noqdeen 1947-kii , ilaa 1967 -kii 1973-(kii inqilaab ayaa boqorkii inaadeerkii ku sameeyay , oo uu qabiilka Bush tooga wax kasta gacanta ka geliyay iyo wadaadadii iyo shuyuuciyiintii oo koox isaga taageeray 1978 ayaa inqilaab ciidan lagu sameeyay boqorkii oo shuyuuciyiintii la wareegeen dalkii oo aad shuyuuciyada u qaatay iyo ku dhaqankeeda Kabacdi waxay iska horyimaadeen kooxdii wadaadada ahayd , iyaguna Soviet union-kii ayay u adeegsadeen oo u yeedheen 1979-kii December Halkaas oo ay kooxihii islaamiga ahaayeen u qaylo doon tagtay dunida carabta iyo islaamka in laga caawiyo dawlada aan diinta lahayn ee la colka ah diinta islaamka (sovet union-kii) Halkaas waxa fursadaa arkay dalka USA oo doonaayay meel uu kaga aarsado ( Soviet-ka dagaalkii Vietnam ee Dalka maraykanka ku Jabay Waxa uu uu dabada ka riixoba ay dawladihii carbeed (khaliijka iyo masar iyo) in ay jihaadka taageeraan oo ka qeyb galaan oo dawlada diimaha aan ogolayn la dagaalamaan , iyaguna way fuliyeen jihad ayaa loo wada dhaqaaqay . Waa lagu jebiyay Soviet union-kii afghanistan 1989-kii ayuu iskaga baxay , waxaana burburay Soviet union-kii 1991-kii Jabhadihii islaamiga ahaa gunshii Kabacdi way iswada laayeen , dagaal sokeeye In kasta oo ay u xoog weynaatay jabhadii Taalibaan la odhan jiray oo ay I imaarat islaamiya ku dhawaaqeen oo ay ictiraaf ka heshay dalka Pakistan iyo Saudi Arabia 2001 weerarkii New York (11/09/2001) 0(/11 September markii uu dhacay ayaa dalka maraykanka imaaradii afghanistan ka codsaday in ay usama bin ladin oo loo haysto in uu qaraxyadaa ka dhacay magaalada new York uu ka danbeeyay . Gacanta u soo geliso , afghanistan-na way diiday arinkaas , Kabacdi dalkii Maraykanka dagaal ayuu ku soo qaaday isaga iyo xulafadiisii 145.000 oo ciidan ah ayay keeneen dalka afghanistan loo soo qabto usama bin ladin Iminka markii guul darooyin badani kala kumeen dalka Maraykanka afghanistan waxay doonayaan in ay ciidamadooda kala baxaan Afghanistan mar kale ayay geli doontaa dagaal qabaa-il ( dagaal sokeeye) oo xoog badan Si kasta oo ay kooxda Bushtuuga u badnayd ee Talibaan u xoog weyn tahay Hadana waa mar kale iyo jaah Wareer iyo dagaalo sokeeye iyo quwado shisheeye oo afhanistan iskaga horyimaada Iyo mugdi aan la garanayn meel uu ku dhamaanaayo iyo burbur iyo baro kac kale iyo qaxooti hor leh Cali maxamed Biixi Caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News