Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. SOMALILAND DOES NOT NEED SOMALIA FOR RECOGNITION APPROVAL European Colonial Borders define patriotism, nationalism, independence, statehood, and diplomatic recognition of each country in Africa, Asia, and Arab World. Somaliland is not an exception. It inherited its Internationally recognised colonial borders from Somaliland British Protectorate as any other African Country did from its colonising power. The borders of Djibouti, Somaliland and Somalia have internationally the same legitimacy and status for being all colonially-drawn borders defining their independence, territory and nation as the rest of Africa. There is no disputed land or area in Somaliland as there is no disputed land or area in any other African country inhabited by different tribes kept together by European colonial borders and sharing colonial history and Independence Day. There are no clan or tribal borders in Africa but there are state borders. Borders of countries are based on land, not on clan lineage or tribal origin. Any tribe or entity which tries to claim parts of Somaliland on the basis of tribal lineage or tries to dismember Somaliland territory for aggression must pay price for such attempt. Any foreign enemy that tries to violate Somaliland borders in order to seize a span or a part of Somaliland territory must face humiliating defeat. The unity of Somaliland nation and territory are sacred and inviolable. The internal security, stability, and peace of the continent of Africa depend upon respecting, recognizing, and implementing its current borders that rose from colonial borders. If an African country would claim the tribe and its area located in another African country, the whole continent would fall to endless devastating, bloody clan wars, violence and anarchy. The African continent would not exist as we know it today if tribes were allowed to dismember African countries by rejecting land-based colonial borders. The peace and stability of African states as well as Arab World states and Asian countries depend on respecting and recognizing colonial borders. Somaliland does not need approval from Somalia for its recognition as no African country needed approval of its independence and recognition from another African country. Similarly, Somaliland does not need to hold referendum for its independence and recognition as there are no African countries that needed to hold referendum for the approval of their independence and recognition. Somaliland calls on the UN and International Community to recognize it for its colonial borders and independence dated June 26, 1960. Abandoning colonial borders in Africa on which the independence and recognition of each African country depend upon would bring destruction to current African states and lead to endless tribal wars of catastrophic proportions. The declaration of Organization of African Unity (O.A.U) in 1964 on African Borders was the formal acceptance of the existing colonial borders inherited from colonial powers on which independence and recognition of each African country were based including Somaliland. That declaration had nothing to do with unifications, federations, and unions between two or more African countries like the failed union between Somaliland and Somalia formed with chauvinism and haste in 1960. A union or federation could be dissolved anytime if the sides disagree each restoring and retaining its original independence and borders. That declaration reinforces the rightful claim of Somaliland to be recognized as independent nation based on its colonial borders inherited from Somaliland British Protectorate on June 26, 1960. That declaration does not prevent Somaliland from withdrawing from the union with Somalia and restoring its independence and diplomatic recognition achieved on June 26, 1960 without the need of approval from Somalia. If Uganda and Kenya share union or federation today and after some time they disagree and dissolve that union or federation, each country would still be independent, recognized nation on its own colonial borders. Senegal and Gambia founded federation or union in February 1982 calling it Senegambia. That union was dissolved in September 1989 after disagreement and each country retained its original independence and diplomatic recognition without changing the borders of Africa. So, why denying Somaliland of retaining that independence and recognition it had before the union with Somalia 1960? Somaliland is not a secessionist or separatist or breakaway region from Somalia but Somaliland just withdrew from the union with Somalia after Somalia breached the emotionally-driven union with injustices and atrocities against Somaliland people(1960-1991). If Nyanza Province of Kenya, or Arusha Region of Tanzania, or Puntland province of Somalia break away from their own respective countries, that would make them secessionists, separatists, or breakaways and that would change or shift the colonial borders of Africa inherited from colonial powers and that would create instability and political unrest in the continent of Africa because these provinces share history and colonial borders with their own countries. There is no doubt that Somaliland Republic will be recongnized soon or later for its colonial borders from Somaliland British Protectorate and for its independence achieved on June 26, 1960; two conditions necessary for the diplomatic recognition of each African country. So, People of Somalia are urged to focus on their interests and needs instead of chasing an unattainable unity. Both Somaliland and Djibouti locked their gates permanently from unity with Somalia, not for bilateral relations. Somaliland people don’t hate people of Somalia but the nightmares of the hijacked thirty-year old virtual union by Somalia dismiss any chance of restoring it. Somaliland people do not need to be convinced to come back to Somalia or get apology from Somalia for the atrocities committed against them. They just want to have their country back with respect and dignity. Ibrahim Hassan Gagale Qaran News
  2. Xubnaha guddiga maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland ayaa maanta fadhi rasmiya oo ay yeesheen ku doortay shir gudoon cusub. Xilka Gudoomiyaha guddiga waxaa loo doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye Ku Xigeen loo doortay Mudane Najiib Xuseen Samaale. Doorashada waxaa ka maqnaa 4-ta xubnood ee ka yimid garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana isdoortay 7 xubnood oo ka kala yimid garabka Mahdi Guuleed iyo xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble. Xubnaha garabka Cabdi Xaashi ayaa doonayay in aysan doorashada ka qeybgelin 3-da xubnood ee laga soo magacaabay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble. Waxaa muuqata in khilaafka siyaasiyiin Waqooyi uu saameeyay guddiga maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland. PUNTLAND POST The post Khilaafka siyaasiyiinta Waqooyi oo saameeyay guddiga doorashada appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha guddiga maamulaya doorashada kuraasta labada Aqal ee xildhibaanada metelaya Somaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku doorteen guddoon cusub. 7-xubnood oo ka mid ah guddigaas ayaa Khadar Xariir Xuseen u doortay xilka guddoomiyaha guddiga, halka guddoomiye ku xigeen ay u doorteen Najiib Xuseen Samaale. Bogga Facebook ee Guddiga Doorashada FIET, ayaa lagu shaaciyey doorashadaan, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in xubnaha wax doortay aysan ku jirin kuwii uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi. Todobada xubnood ee maanta guddoonka dooratay afar ka mid ah waxaa soo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, halka 3-da kale ay yihiin kuwii uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana goobta doorashada guddoonka ka maqnaa xubnihii uu soo magacaabay guddoomiye Cabdi Xaashi. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah siyaasiyiinta garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, xubnaha ugu jira guddiga laguma soo war-gelin doorashadaan, waxayna ka war heleen garabkii kale oo doortay guddoon. Kolkii hore waxaa taagneed dood ah in guddoonka ay soo doortaan 8-da xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, iyadoo doorashada guddoonka aan laga qeyb gelineyn seddaxda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble, oo la xajinayo dhanka Mahdi Guuleed, waxaana doodaas keenay garabka Cabdi Xaashi, ayada oo la sheegay in Rooble uu aqbalay. Si kastaba, doorashadii maanta ayaa lagu jebiyey ballan-qaadkii uu sameeyey Rooble, ayada oo saddexdii xubnood ee uu magacaabay ay doorashada ka qeyb-galeen, sidoo kalena doorashadii lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi. Sida muuqata khilaafkii siyaasiyiinta labada garab ee gobollada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, waxaana xubnaha guddiga ee labada garab khilaafkaas dartiis loo kala dejiyey laba hotel. Sida aan xogta ku helnay guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu wadaa inuu berri warbaahinta la hadlo, isla markaana uu cadeeyo mowqifkooda ku aadan guddoonka la doortay ee guddiga maamulaya doorashada kuraasta xildhibaanada federaalka ee gobollada waqooyi. The post Doorasho ay ka maqan yihiin garabka Cabdi Caashi oo guddoon loogu doortay guddiga gobollada Waqooyi appeared first on Caasimada Online.
  4. Garbahaarey (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo, waxaana si diiran u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka Gobolka. Socdaalka Ra’iisul Wasaaruhu uu ku yimid Garbahaarey ayaa la xiriira arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta deegaanka. Rooble ayaa dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee degmada Garbahaarey, kaa soo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee Xukuumaddu ka hirgelinayso gobolka Gedo. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka kugu tagey Ciidanka Xoogga ee ku sugan garbahaaray ayaa ku boggaadiyey difaaca dalka iyo howlgalada ay ku beegsanayaan kooxaha argagixisada. Safarka Rooble ee Garbahaarey ayaa yimid kadib markii uu soo gabagabeeyey safarkii shaqo ee uu ku joogay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland ayaa sheegay in uu kormeerayo dhammaan magaalooyinka ay ku qabsoomeyso doorashada Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka FS. “Safarkaygan waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka iyo habraacooda, Jubbaland waa deegaankii ugu horreeyey ee an ka bilaabayo safarkaygaas, waxaanna mari doonaa dhammaan magaalooyinka kale ee ay ka dhacayso doorashado, sida Baydhabo, Marka, Jowhar iyo Beladweyne, Dhuusamareeb, Gaalkacayo, Garoowe iyo Boosaaso,” ayuu yiri Rooble. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa inta uu ku sugnaa Kismaayo waxa uu kulammo la qaatay odeyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo sidoo kale ka qeyb galay kulan Golaha Wasiirrada ah ee heer Dowlad-goboleed ee Jubbaland. The post Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Rooble ee Garbahaarey + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  5. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo ah xildhibaan asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland, dhawaana loo doortay inuu ka mid noqdo golaha wakiilada ee dalka Finland, isla markaana ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ee caasimada dalkaasi ee Helsinki, isagoo noqday taariikhda markii u horaysay ee uu ka soo muuqdo masuul asal ahaantiisu ay tahay madaw saafiya oo aan iska dhal ahayni. Waxaana kulanka madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wasiiradda wasaaraddaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, mudane Siciid Sulub Maxamed iyo gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan. Xildhibaanka oo safarkii sii u horeeyey intii la doortay uu kaga baxo dalka Finland ayaa go’aansaday inuu ku yimaado dalkiisi hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu maalmo kooban ku joogi doono booqasho, waxa madaarka ku soo dhaweeyey wasiirada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo ay wehelinayaan masuuliyiin kale oo ka mida xukuumada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabiley Xildhibaankii U Horeeyey ee Madaw Ah ee ka mid noqday Barlamaanka Dalka Finland Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo ah xildhibaan asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland, dhawaana loo doortay inuu ka mid noqdo golaha wakiilada ee dalka Finland, isla markaana ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ee caasimada dalkaasi ee Helsinki, isagoo noqday taariikhda markii u horaysay ee uu ka soo muuqdo masuul asal ahaantiisu ay tahay madaw saafiya oo aan iska dhal ahayni. Waxaana kulanka madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wasiiradda wasaaraddaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, mudane Siciid Sulub Maxamed iyo gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan. Xildhibaanka oo safarkii sii u horeeyey intii la doortay uu kaga baxo dalka Finland ayaa go’aansaday inuu ku yimaado dalkiisi hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu maalmo kooban ku joogi doono booqasho, waxa madaarka ku soo dhaweeyey wasiirada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo ay wehelinayaan masuuliyiin kale oo ka mida xukuumada. Qaran News
  7. Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Digniin Adag Diray Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Iyo difaaca baddaha Jamhuuriyadda Somaliland, Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa uga digayaa dadka degan degaanada xeebaha Somaliland in ay ajaanibta ka caawiyaan dhoofinta duurjoogta iyo keenista kootarabanka uu ka mid yahay hubku. Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa sheegay in ciddi lagu helo danbigaas muwaadin iyo ajaaniba sharciga la horgayn doono ciqaab adagna ay mutaysan doonan sida xeerku dhigaayo. Taliye Xiirane ayaa faray Dhammaan taliyayaasha saldhigyada, barada hoos yimaada in ay fiiro gaara ay u yeeshaan si gaarana ula socdaan una ilaaliyaan xeebaha Somaliland Qaran News
  8. MOGADISHU, Somalia (AP) — A large explosion in Somalia’s capital killed at least nine people and injured eight others, a health official said Saturday. Dr. Mohamed Nur at the Medina Hospital told reporters that the toll reflected only the dead and wounded who were taken to the facility in Mogadishu where he works. “I am sure the number is bigger as some of the victims were rushed to other hospitals, such as the privately owned ones,” he said. The al-Shabab extremist group claimed responsibility. A Somali police spokesman said Mogadishu’s police commissioner, Col. Farhan Mohamud Qaroleh, was the target of the attack but he was safe. “A suicide car bomber with heavy explosives plotted by the terrorist group al-Shabab has targeted the Mogadishu police commissioner,” police spokesman Sadiq Adam Ali said. “They hit the vehicle of the Mogadishu police commissioner.” It was the second such large explosion in the city this month. A blast targeting a teashop killed at least 10 people last week. Last month, a suicide bomb attack at a military base in Mogadishu killed at least 15 people. AP The post Extremist attack in Somalia’s capital kills at least 9 appeared first on Caasimada Online.
  9. Xawaaldle Somali Ah Oo Lagu Eedeeyey Inuu Si Sharci Darro Ah Lacag Uga Saarayey Dalka Norway Booliska magaalada Oslo ayaa xawaaladle soomaali ah kusoo oogay dacwad-danbiyeed la xidhiidha inuu qaab aan sharci aheyn dalka uga saaray lacag gaadhayso 422 milyan kr oo lacagta Norway ah. Ninkan soomaaliga ah ayaa dhankiisa iska fogeeyay danbiyada lagu soo oogay. 48-sano jirkan soomaaliga ah ayay boolisku ku qabteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Oslo, isaga oo Shandadao ku watay lacag gaadhayso 13,5 milyan kr, kuna sii jeeday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Ilaalada garoonka ayuu ku wargaliyay inuu wato lacag gaadheyso lix(6) milyan oo kr, laakiin markii la furay Shandadihiisa kale oo uu watay, waxaa laga helay todobo(7) milyan kale oo uusan ilaalada garoonka diyaaradaha ku wargalin. Wuxuuna sidoo kale watay waraaqda cadeynta ee iibsiga saacad nooca qaaliga ah(Rolex) oo qiimaheeda uu gaarayo 2 milyan. Qabashada ninkan ee xiligaas ayaa aheyd markii labaad ee la qabto isaga oo lacag cadaan ah ka bixinayo Norway, maadaama sanadkii 2018 lagu qabtay isla garoonka diyaaradaha Oslo, isaga oo wato lacag cadaan ah oo gaashayso 110.000 Euro, taas oo boolisku ay markii danbe la wareegeen, Booliska ayaa sheegay in wixii intaas ka danbeeyay ay il gaar ah ku hayeen xawaadlahan Soomaaliga ah oo boolisku ay sheegeen in mudadii u dhaxeysay 2015 ilaa 2018 uu Norway ka diray lacag gaadhayso 617 milyan kr. 422 milyan kr oo lacagtaas kamid ah ayay boolisku sheegeen inay tahay lacag la dhaqay ama sifo aan sharci aheyn dalka looga saaray. Qareenka booliska ayaa sheegay in laamaha danbi baadhistu ay ka shaki qabaan in qeybo badan oo lacagtaas kamid ah ay tahay lacago ay kooxo burcad ah oo ka shaqeeya daroogada ay ka bixiyeen dalka. Dad aan lacag dirsan, ayaa magacooda lagu diray: Mid kamid ah waxyaabaha yaabka badan ee ninkan xawaadlaha ah ay boolisku ku eedeynayaan ayaa ah in lacag uu u dirayayay uu ku diray magacyada dad macaamiil ka ah xawaaladiisa oo aan lacagtaas wadanka ka dirsan. Waxeyna sheegeen in boolisku ay heleen magacyo kala duwan oo wax xidhiidh ah aanuu ka dhaxeyn, kuwaas oo hal qof lacago kala duwan ku diray. Booliska uu helay diiwaanga macaamiisha ninkan xawaaladlaha ah, ayay waxey boolisku sheegeen in hal magac uu numbero kala duwan lacag ku diray, halka dad kala duwan oo lacag loo direyna, ay lacagta ku qaateen isla hal magac. Ujeedka adeegsiga magacyada dadka aan lacagaha dirsan ee magacooda lacagta lagu diray, ayay boolisku sheegeen inay tuhunsanyihiin in nidaamka xawaaladaha ee sharciga ah la mariyo lacag kooxo burcad ah ay rabaan inay dalka ka saaraan. Arrintaas oo ay boolisku sheegeen inay kasoo horjeedo dhowr sharci oo kuwa lacagaha ah. Booliska ayaa aaminsan in xawaaladluhu uu kooxo burcad ah ka ganacsato daroogada ah ka gacansiin jiray inay malaayiin dollar oo kasoo xarooto daroogada uu dalka uga saaro, isaga oo marayo nidaamka xawaaladaha. Qareenka booliska ayaa sheegay in kiiskan uu yahay mid culus oo halis ah oo waqti badan qaadan kara, wuxuuna sheegay in tuhuno badan oo boolisku ay qabaan aanay wali cadaan. https://www.vg.no/nyheter/innenriks/i/A3dPR5/oslo-mann-siktet-for-hvitvasking-av-minst-422-millioner-kroner Qaran News
  10. Daawo:Sac Curri ah oo soo jiitay indhaha dalxiisayaasha Caalamka Beer ku taala dalka Bangladesh waxaa ku sii qulqulaya boqollaal qof, si ay u arkaan sac caan ah oo cilin ah, kaas oo loo yaqaano Rani. Neefkan lo’da ah oo aad u baryar, wuxuu jiraa 23-bilood, wuxuuna dheererkiisu yahay 51 sentimitar oo keliya, culeyskiisuna waa 28 kilo gram. Halkan ka Daawo:- Qaran News
  11. Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb ama (GIIB) ? Qaybta 3aad By Cabdiraxmaan Fadli WA Australia. Waxay inoo joogtey in cashuurtii lagu waajibiyey ay ka horyimaaddeen dadkii reer burco, haddaba inaggoo marka hore qoraalladii arrinka laga qorey oo aad u badan qaybo kasoo qaadaneynna website-ka www.kaiserscross.com ama (The soldeirs’s buden) qaybta the Somaliland camel corps waxaa ku xusan in xagga Hargeisa qudheeda laga hawl geliyey 300 oo ciidamadii camel corpska ah oo uu madax u ahaa maammulihii soomaaliya oo dhan uga wakiilka ahaa ingiriiska ee Sir Geoffrey Archer iyagana cashuurta loo direy iney baadiyaha xagga hargeysa cashuurta kasoo kasoo guraan, laakiin meeshii diidmada koowaad kaga timi ay ahayd CADAADLEY. Taasoo keentey in bilowgii September 1921-kii cadaadley dab la sudho xoolihii iyo hantidii dadka deegaankana si arxan darro ah loo baabbi-iyo. Markeynu tii burco ku noqonno sidaas oo kale, ayaa culeys loo saarey waxaana ingiriisku cuqaashii iyo salaadiintii togdheer oo berigaa faro-ku tiris ahaa, caaqil walba lagu amrey inuu geelasha reerkooda kasoo qaado cashuurta. Sida taariikhaha afka la isugu gudbiyaa sheegayaan marka qofku diido cashuurta waxaa report ama ribboodhkiisa gudbin jirey dad ingiriiska u shaqeeya qofkaasina wuxuu noqon jirey WANTED qof la raadinayo isaga iyo xoolihiisaba. Tusaale ahaan waxaa loo fadhiisan jirey ceelasha jiilaalkii xooluhu ka cabbaan ee ama oodweyne, Burco, Caynaba ama Beer iyo meeshii jiilaal lagagasoo gabbado. Waa markan marka culeyskii kusii badanayo dadkii waxana qoraalka arrintaa ku saabsan ee (The soldier’s burden) qaybta Somali Camel Corps (SCC) ee dilka Giib lagaga faaloonayaa qoreysaa, in burco noqotey xarunta ugu weyn ee cashuurtii dawladdu soo rogtey sida weyn ugasoo horjeesatey ee diiddey. (Burao now became a centre for dissent against the poll-tax). Mar kalena qoraal aan in yar oo kooban kasoo qaadaneynno oo ku xusan WIKIPEDIA (The free encyclopedia), qaybta loogu magacdarey 1922 Burao Tax Revolt). Waxaa lagu xusayaa (The 1922 Burao Tax Revolt was a revolt waged by Habr Yunis tribesmen in the city of Burao in early 1922 against British Somaliland authorities, n.d.). In Beesha ku calaamadsan Galbeedka Burco iyo maamulkii dawladda ingiriisku ay isku qabteen oo isku diidsanaayeen arrinka cashuurta waana markhaatiyada la taaban karo ee loo hayo in sababta Giib loo diley ay tahay cashuurtii beeshaasi diiddey. Markeynu kusii soconno dhuuxa sheekada iyo sidii Giib loo diley waxaynu u kala qaadaynnaa qayb ku saabsan sheekooyinkii odayadii hore ee soomaalida ahaa ee arrinkan soo gaadhey usoo tebiyeen, iyo qaybta dawladdii ingiriisku qortey ee taariikhdaasi ugu jirto kaydadka Libraies ama qoraalada internetka ku jira. (Wax baahi ah uma qabno in aanu wax buunbuuninno balse xaqiiqda allaah hannagu sugo). Qaybta dawladdi ingiriisku u qortey waa in markii cashuurta la diidey dabeeto 24 February 1922, niman kusoo talo-galey ay ku dileen Giib isagoo xafiiskii maammulka dawladda ee burco jooga taasoo keentey in dawladdii ingiriisku si aad u daran arrinkaasi u dhibsatey oo ay dabeeto siyaabo dhawr ah u aargoosatey. Sida uu ku qorey (Rolland A Hill, MBE) qoraalka uu u bixiyey (A tribute to captain A Gibb, DSO, DCM) wuxuu sheegey in maydkii Giib loo qaadey magaalada Sheekh oo uu immikadan xataa ku aasan yahay ( Gibb’s body was taken to sheikh where he now lies buried). (tallow reer sheikh ma ogyihiin arrinkaas). Wuxuu kaloo xusayaa in markii lasoo gaadhey 5 March 1922 inuu ninkii u sarreeyey maammulka degmadu u yeedhay qabiilkii dilka geystey oo uu ku amrey iney bixiyaan 3000 Halaad (waa sida qoraalkaas ku jirta). Waxaa qoraalka ku xusan in qabaa-ilka dilka geystey iyagu markey nin dilaan ay kala qaataan 100 Halaad. Waxaa Waaligii ama badhasaabkii ingiriisku u sheegey qabiilkii in marka laga reebo masaajidka burco ee lagu tukado magaalada inteeda kale la gubi doono oo dabka la sudhi doono weyna dhacdey taasi. La soco qaybta 4aad ……….. HALKANI KA AKHRISO QAYBTII LABAAD IYO KOOWAAD Qaran News
  12. Waxanan u qalab qaataa wax akhris, wax qoris ama wax qabad.- Waa maxay wadaniyad, bal dib u jaleec hillinkii dheeraa ee xornimada iyo qaranimada Somaliland loo soo maray, sideese shacabkayga loogu beeri karaa geedka wadaniyada ay lahaayeen. Mudane madaxweyne, xasuuso, magaalada burco, xasuuqii 20.12.84. lagu toogtey waxgarad kii, Somaliland. Mudane madaxweyne, xasuuso, magaalada Muqdisho, xasuuqii, 18.07.89. Waxii shucuur iyo qiiro aad uqabto dalkaaga iyo deegaankaaga wey kuu hayaan; Waxaad damqasho iyo diirnax aad u hayso dadkaaga dalkaaga iyo duunyadiisaba wey kuu og yihiin. Waxii wel wel iyo walaac kusoo food-saara, ama waxqabad, shacabkaaga iyo dalkaaguba wey kuu og yihiin, dhalinyarada u xidhan calamada ee ka soo jeeda Sool iyo Awdal, kuna xidhan qeyrul dastuuri, maxkamadna lana marin, degdeg haloo sii daayo. (Waa talo). PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA) ANKARA, TURKIYA. jaafaa66@gmail.com Qaran News
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland ayaa maanta shaaciyay shirkaddaha ku guulaystay afar mashruuc oo ay hore u shaaciyeen tartankooda. Afartan mashruuc oo kala ah: barnaamijka isku xidhka hay’addaha iyo wasaaradaha dawladda oo ay ku soo tartameen afar shirkadood ah oo kala ah Somtel, Telesom, So iyo GTS waxaana ku guulaysatay shirkadda Somtel. dhisme lagu kordhinayo cisbitaalka degmada Gar-adag oo ay ku soo tartameen 17 shirkadood waxaana ku guulaystay shirkadda BIG BOSS. Dayactirka dhismaha xeer ilaalinta qaranka waxa ku soo tartamay 13 shirkadood waxaana ku guulaysatay shirkadda Qasri construction company. Qalabaynta 12 dugsi oo hore looga dhisay gobollada dalka waxa ku soo tartamay 7 shirkadooda waxaana ku guulaysatay shirkadda Colorzone. Guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen ayaa shirkadaha ku guulaystay mashaariicdan kula dardaarmay inay u fuliyaan sida ugu haboon waxaanu sheegay in ka guddi ahaan ay ku daba gali doonaan. Dhankooda waxa iyaguna halkaasi hadlay shirkadihii ku tartamayay mashaariicdan kuwii ku guulaystay iyo kuwii lagaga guulaystayba iyaga oo sheegay inay ku faraxsan yihiin tartanka. Halkan hoose ka DAAWO Warkan Source
  14. Garbahaarey (Caasimada Online) – Ugu yaraan Saddex diyaaradood oo ay kireysay Villa Somalia ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaaqyo siyaasadeed oo ku aadan 16-ka kursi ee aqalka hoose ee yaalla degmadaas. Sida ay dadka deegaanka u sheegeyn Caasimada Online, diyaaradaha laga dajiyey Garbahaarey ayaa siday odayaal dhaqameed maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa mid ka mid ah hoteella magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay taageersan yihiin madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sida xogta sheegeyso, odayaasha dhaqanka ayaa lala kulan-siiyey hogaanka dhaqanka iyadda oo ay wehliyaan saraakiil taabacsan Villa Somalia oo ku sugan magaaladda Garbahaareey. Xildhibaan hore Cabdullaahi Cabdulle Magan (Bood) oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho waxa uu sheegey in aggaasimaha NISA Fahad Yasiin uu fashilinayo dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaare Rooble maantana uu odayaal ku xir-xirey Gedo, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay in musharixiin u raadinayay gudoomiyaha Garbahaareey lagu celiyay magaaladda Muqdisho diyaaradaha lagu wargaliyay inaysan ka qaadi karin magaaladda Muqdisho. Arrintan ayaa kusoo aadeyso xilli Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Maanta tagay Magaalada Garbahaarey, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la qaato odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ku sugan deegaankaas. Sidoo kale, talaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli Jubaland ay Khamiistii u diidey lataliyaha doorashooyinka madaxweyne Farmaajo in uu ka dego Kismaayo kuna eedeysay “in uu magaalada u waday hub sharci darro ah iyo khalkhal gelin”. Cali Cabdi Raage, oo musharax u ah kursi degaan doorashadiisu tahay Kismaayo, ayaa cambaareeyay falkaas waxaana uu ku eedeeyay hogaanka Jubaland in ay kasoo horjeedaan musharaxnimadiisa. Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xoogiisa isugu geynayo sidii uu gacanta ugu soo dhigi lahaa 16-ka kursi ee taalo Garbahaarey, wuxuuna horey ciidamo badan u geeyey Gobolka Gedo si uu awood Militari ugu isticmaalo doorashada. Jihada cusub ee khilaafka xukumadda iyo Jubbaland ayaa la rumeysan yahay in ay dib-u-dhac horleh ku keeneyso doorashooyinka la filayey in ay wadanka ka qabsoomaan dhowaan, waxaana ay soo kordhineysaa hubantii la’aantii ka taagneyd in coddeyn nabadeed dalka ka dhacdo. The post Maxay ahaayeen saddexda diyaaradood ee Villa Somalia ay ka dajisay Garbahaarey? appeared first on Caasimada Online.
  15. “Kaftanka maanta . Dhoonyacab dharaartii la qabtey”. Dhoonyacab wuxuu ahaa nin geesi ah ,colwadeena oo abaanduule ah , kana dhashay beesha Ogaden reer cabdile oo ku noolaan jirey gobolka doolo qarnigii horre . Dhoonyacab waqti waqtiyadda ka midda ayaa jufadoodii oo reer xirsi la odhan jirey is dishey dabeeto waa rag coloobey iyo caadkiiye waa la kala guurey . Maalin maalmaha ka midda ayaa dhoonyacab oo meel iska maraya ilmaadeertiisii ay is hayeen qabteen , dabeeto waxay ku tashadeen dhoonyacab waa nin Wayn oo inagama go oo dili maynee aynu ka yeedhsiino hadal aynu hafhoow kaftanka kagga hello . Dhoonyacab dabeeto waa loo yimi waxaana laggu yidhi dhoonyacaboow dardaaran , dabeeto wuxuu ugu jawaabey . Anigana I dila idina waa I daba gelaysaane Aqal labadii daah baynu nahey oo kala danbayn mayno Dan halooga baxo reer xirsaa doortay aakhiro e . Imika waa halkii dhoonyacabe saaxiibadey waxaan leeyahey ,hankayga hadaa yaraysataan oo I dhagaysan waydaan idina hankiina gaadhi maysaane ogaada ilayn faraha laggu kala badinayo fartayduna way ku jirtaa In fartayda halkaa u taago guushu ku xidhantahayna lagaba yaabee. W/Q Xildhibaan Axmed Guruuje Source
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo uu joogay Kismaayo kadib Maanta u ambabaxay Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay yaalaan qaar ka tirsan kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya. Rooble ayaa madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ka sagootiyey garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo kula dardaarmay inuu guto waajibka ka saaran doorashada kuraasta labada Aqal ee taalo Jubbaland. Rooble ayaa sheegay inuu Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiye Axmed Madoobe kala xisaabtami doono doorashada kuraasta taalo Kismaayo iyo Garbaharey. “Jubbaland waxa aan kala xisaabtamayaa Doorashooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey, Madaxweyne waa in aad gudataa mas’uuliyadda kaa saaran doorashada labadaas degmo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta uusan ka ambabaxin magaalada Kismaayo waxaa uu kormeeray goobta magaalada Kismaayo looga diyaariyay inay ka dhacdo doorashada labada Aqal, isaga oo kulan dardaaran ahaa la qaatay Guddiga doorashooyinka Jubbaland. Rooble ayaa tilmaamay in safarkiisa Kismaayo uu soo gaba-gabeeyay, qorshaha labaad waa Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo si uu ula kulmo qaybaha kala duwan ee Maamulka & Bulshada Magaaladaas. Rooble oo ay wehlinayaan Guddigii uu u magacaabay arrimaha Gobolka Gedo ayaa waxaa ay degmada Garbahaareey uu kula kulmi doonaa Odayaasha Dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo si xal looga gaaro arrinta Gobolka Gedo oo ay isku hayaan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland. Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal, waxaana dhawaan la filayaa in la geeyo Ciidamo ka tirsan Boolisa AMISOM iyo kuwa dowladda sida uu dhigayay heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo hadlay ayaa sheegay in dhamaan uu booqan doono xarumaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka, sida: Boosaaso, Garoowe, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Baraawe, Baydhabo, Jowhar iyo Beledweyne. The post R/W ROOBLE oo shaaciyey cidda uu kala xisaabtamayo kuraasta taalla Jubaland appeared first on Caasimada Online.
  17. 23 xubnood oo kamid ahaa as’aasayaasha urur siyaasadeedka Mideeye, ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyay in ay isaga baxeen ururkaas. War-saxaafadeed ka soo baxay xubnahan, ayaa lagu sheegay in mudda sagaal bilood ah uu soo jiitamayay khilaaf u dhexeeya urur siyaasadeedka Mideeye, kadib markii la isku-fahmi waayay ku dhaqanka mabaa’didii lagu as’aasay ururka. Siyaasiyiintan ayaa ku eedeeyay guddoonka loo doortay Mideeye, in ay ku dhaqmi waayeen mabaa’dida ururka, taas oo abuurtay khilaafka, islamarkaana ay sabab u noqdeen in khilaafkaas la xallin waayo. Sidoo kale, waxay sheegeen in ay dacwad arrintaas ku saabsan u gudbiyeen guddiga KMG doorashooyinka Puntland, balse jawaabta TPEC ay xal u noqon wayday khilaafka Mideeye, sidaas darteedna ay ururka isaga baxeen. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Puntland: In ka badan 20 siyaasi oo isaga baxay urur Siyaasadeedka Mideeye appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowr hoobiye oo aan la garaneyn halka laga soo riday ayaa hadda ku soo dhacay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Ugu yaraan shan hoobiye ayaa ku dhacday hareeraha madaxtooyada, illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale lama garanayo meesha laga soo riday hoobiyeyaashaan, waxaana dadka ku nool xaafadaha ku hareereysan madaxtooyada soo wajahday cabsi xoog leh. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online. The post Hoobiyeyaal caawa lagu weeraray Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarrey ee Gobolka Gedo Jubaland, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Rooble ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Jubaland, halkaas oo uu wadahadallo kula lahaa madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan. Ujeedada ugu weyn ee safarka Ra’isul Wasaare ee Jubaland ayaa ah sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland, kaas oo la xiriira maamulka gobolka Gedo oo muddo dheer khilaaf ka taagnaa. Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashada, madaama magaalooyinka Kismaayo iyo Garbaharey ay yihiin labada magaalo oo ay ka dhici doonto doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federalka ee ay deegaan doorashadooodu tahay Jubaland. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada Garbahaarrey appeared first on Puntland Post.
  20. Ilaa 8 qof oo isugu jira rayid iyo ciidan ayaa ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ka badbaaday Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole. Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 10 qof oo isugu jira ilaalada Farxaan Qaroole iyo dad rayid ah oo ka dhawaa goobta qaraxu ka dhacay. Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari Saaruf ah ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo la socday Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxumuud Qaroole oo marayay meel u dhaw Isbitaalka Banaadir. Taliye Farxaan Qaroole ayaa la doonayay in weerarkaas lagu khaarajiyo, sida ay xaqiijiyeen Booliska Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa sidoo kale sababay burburka dhismayaal iyo xarumo ganacsi oo ka agdhawaa goobta uu ka dhacay. PUNTLAND POST The post Khasaaraha qaraxa Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. MOGADISHU (HOL) - At least five people were killed and about six others injured in a bomb attack in Mogadishu Saturday morning. Source: Hiiraan Online