Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,042
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada qadiimiiga ee Cadale, taasoo dhacda xeebta gobolka Shabeelada Dhexe ee koofurta Soomaaliya. Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh safarka waxaa ku wehliya Xildhibaano, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo degaanka ah oo ay ku jiraan odayaal dhaqan iyo ganacsatada Shabeellada Dhexe, waxayna halkaas soo joogi doonaan ilaa dhowr maalmood, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo kala duwan. Xog rasmi ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in safarka Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya uu salka ku haayo afar qodob oo muhiim ah, kuwaasoo u baahan in si deg deg ah looga jawaabo. Afarta qodob ee sababay in Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh safar deg deg ah ku tagaan Cadale ayaa kala ah. 1- Doodda beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone Maalmihii ugu dambeeyay waxaa xoogeestay dood ay qabaan Jufooyinka ku abtirsada beelaha Agoonyar-Gaabane iyo Obakar-Gaabane, kuwaas oo kala Cabdalla Caroone iyo Nugaale oo si guud u hoos yimaada beelwaynta Harti-Abgaal, waxayna doodda ku saabsaneed xuquuq ay sheegeen in laga duudsiiyay intii ay xilka haayeen Madaxweynayaasha maanta booqday ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif. Labadaan beel ee Cabdalla iyo Nugaale ayaa wax ku leh kuraasta ay ku fadhiyaan Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxayna Jowhar iyo Muqdisho ka billaabeen qeyla dhaan iyo eedeyn loo jeedinayo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, waana sababta keentay in safarkaas ay galaan labadaan mas’uul. Waxaa la filayaa in ay xal u raadiyaan tabashooyinka beelahaan inta ay joogaan Cadale, inkastoo ay ku geedaaman yihiin culeysyo badan. Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone waa labo Jufo oo aan wax dooran lana dooran wixii ka dambeeyay doorashadii Soomaaliya ee 2009-kii, waxaana kuraastooda la siiyay beelo kale oo ka tirsan beel-weynta Mudullood, sida ay ku doodeen. Joojinta abaabul dagaal oo ka socda Jowhar Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellada Dhexe waxaa la geeyay maleeshiyaad badan oo ka tirsan beelaha aan kor ku soo xusnay ee Cabdalla iyo Nugaale, kuwaas oo u diyaar garoobaya in aysan Jowhar ka dhicin doorasho haddii aan la xalin tabashadooda, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaas dagaal ka qarxo haddii aan la xalin xiisada taagan. Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh uu ku war geliyay in labadaan beelood ay abaabul ka wadaan Jowhar, islamarkaana ay qasab tahay in ay ka qeyb-qaataan maadaama ay yihiin odayaasha Abgaal iyo Murashaxiin ka soo jeeda Beesha Abgaal, waana sababta 2-aad ee safarka loogu aaday Cadale oo ka tirsan Shabeellada Dhexe. Abaabulka Kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa la filayaa in ay gobalka Shabeelada Dhexe iyo guud ahaan dhulka ay dagaan beel-weynta Abgaal ay ka bilaabaan kacdoon ka dhan ah Al-shabaab si degaanka loogu sameeyo hormarin iyo fursado shaqo abuur ah. Dhowr jeer ayaa shirar ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale laga sheegay in Mudullood dhulkooda ay dhibaatooyin badan ku haayaan Al-Shabaab, taasina ay ceeb ku tahay beeshaan oo lagu tiriyo beelaha ugu awoodda, dhaqaalaha iyo dadka badan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa bilo ka hor shir ay Mudullood Muqdisho ku lahaayen ka sheegay in dhulka ay ka soo jeedaan uu la daalo dhacayo amni xumo iyo horumar la’aan waxaana la filayaa in uu dhowaan kacdoon ka bilaawdo gobalka. Saameenta Beesha Abgaal iyo Murashaxnimada Xasan iyo Shariif Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo labadooduba ah Murashaxiinta ugu cad cad doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dhacayso sanadkaan waxay dadaal badan ugu jiraan in ay isku xirnaan iyo kalsooni ka dhax-abuuraan beelaha Mogadishu Clan, si gaar ah kuwa ay ka soo jeedaan ee Mudullood, taasoo la aaminsan yahay in caqabad ku noqon karto hadii aysan xalin tabashooyinka dhaxdooda doorashada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa la filayaa in Murashaxiinta kale ee Mogadishu Clan ay dhankooda billaabaan isu keenida beelahooda maadaama uu jiro qorshayaal ay Villa Somalia la damacsantahay Murashaxiinta Mogadishu Clan, iyadoo ay xusid mudantahay in beelaha yaryar ee Hawiyaha ay sanadkan kicin ku waddo Villa Somalia. Lama oga waxa uu ku soo dhamaan doono safarka madaxdaan hase yeeshee waa mid kamid ah safaradii ugu muhiimsanaa oo ay galaan Shariif iyo Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay xilka ka dagaan sanadihii 2012-kii iyo 2017-kii. The post Afar qodob oo sababtay in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay tegaan Cadale appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya baaritaanka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar u shaqeysa hay’adda NISA oo hadda la la’yahay muddo ku dhow bil, kadib markii la waayey 26-ka June. Ikraan ayaa aheyd gabar aqoonyahanad, oo aad ugu wanaagsan qorista warqadaha xiriirka xafiisyada sida dowlad ama hay’adaha kale. Ikraan ayaa dhex-daganeyd xeendaabka NISA, ee ka xiran cirifka global iyo kan KM-0, taasi oo hay’adda farta kusoo fiiqday. Habeenka 26-ka June ee Ikraan uu baabuurka ka qaaday gurigeeda, waxaa dalka ka maqnaa taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji. Dhanka kale, taliyaha NISA ee gobolka Banaadir gaashaanle sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud “Yaasiin Farey”, iyo gaashaanle sare Farxaan Maxamuud Qaroole, oo ah taliyaha booliska gobolka ayaa ayaga oo ku sugan xarunta Godka Jilicow hagayey sugidda amniga caasimadda, maadaama la isku diyaarinayay damaashaadkii maalmahii xoriyadda oo habeenkaas kow u ahayd. Ikraan ayaa ku baxday gaari u muuqday in qofka waday uu awood badan ku lahaa NISA, sidoo kalena ahaa qof ay aamintay. Illaa iyo hadda ma cadda cidda wadatay Ikraan iyo cidda bixisay amarka lagu watay Ikraan, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee ku ehelka ah Ikraan iyo kuwa aan ku ehelka aheynba waxay eedeeyeen madaxda sare ee hay’adda. Xildhibaan Mahad Salaad oo maanta qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa yiri “Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arrimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis [Taliye ku-xigeenka] ku lug leeyihiin.” Sidoo kale, dad ehel la ah Ikraan oo codsaday inaan la magacaabin ayaa si gaar ah u eedeeyeey Kulane oo ay sheegeen inay Ikraan is-qabteen, kana jaray gunnooyinkeeda, sidoo kalane uu amray xanibaad xagga socodka ah oo la saaray. Sida aan xogta ku helnay, Ikraan laguma baraarugin maqnaashaheeda labadii cisha ee ugu horreysay, markaas kadib ayaa walaasheed oo joogto Faransiiska waxay soo wacday Yaasiin Farey, oo ah taliyaha Nabad-Sugidda gobolka Banaadir. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Yaasiin Farey uu hadda hoggaaminayo kiiska baaritaanka maqnaanshaha Ikraan. Waxyaabaha illaa iyo hadda uu baaritaanka ku ogaaday ayaa la sheegay inay ka mid yihiin inuu hubiyey inaysan dalka ka bixin, maadaama uusan soo helin record galeed ama muuqaallada ay duubeen kaamirooyinka garoonka wixii ka dambeeyey maalmihii la waayey. Taliyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale soo helay muuqaallada kaamirooyinka u dhow gurigeeda, oo muujinaya raadka u akaanshiyaha gabadha iyo gaariga nuuciisa, balse weli lama hayo xog intaas dhaafsan. Taliyaha ayaa sidoo kale weydiistay shirkadaha taleefonada Muqdisho inay siiyaan xogta xiriirka ugu dambeeyay ee ay sameysay gabadha balse sida la sheegay way diideen inay dhiibaan. Darwalka la magacaabay oo magaciisa lagu sheegay Wadna-qabad ayaa ah sarkaal ka tirsan NISA, oo aan marna darawal u noqon taliye Yaasiin Farey. Yaasiin Farey iyo Ikraan Tahliil, ayaa waxaa sida aan xogta ku helnay is-baray taliyaha NISA Fahad walaalkiis, ayada oo la sheegay in sidoo kale uu kala ballamay Fahad laftiisa, wixii markaas ka dambeeyay waxa ay u ahayd xogheyn aqoonteeda kula joogto. Yaasiin Faray iyo Ikraan ayaa la sheegay inay aad isugu dhowaayeen oo uu xitaa bartay qoyskeeda, waxa ay isku ahaayeen dad isku fiican oo shaqada isaga dhow. Yaasiin ayaa sidoo kale mas’uuliyad iska saaray Ikraan, waxa uuna bixinayay adeegyada nolosheeda marka ay magaalada joogto sida kirada iyo biilkeedaba, markii ay hay’adda lacagta ka jartay. Waxa uu sidoo kale kala ballamay laba wiil oo darawalladiisa ka tirsan inay u adeegaan marka ay u baahato dhaq-dhaqaaqa magaalada. Taliye Yaasiin Farey ayaa la sheegay inuu yahay ninka kaliya ee dadaal kasta ku bixiyay sidii uu heli lahaa Ikraan, balse uu aad uga xumaaday markii siyaasiyiin dano gaar ah leh ay ku eedeeyeen darawalkiisa in ay ku dambeysay maqnaanshada Ikraan, taasi oo uu u arkay sumacd dil shaqsi ah. The post Wararkii ugu dambeeyey baaritaanka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax appeared first on Caasimada Online.
  3. Baydhaba (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer maamul gobaleed ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegay in la dejiyay, islamarkaana lagu amray in ay ku shaqeeyaan Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan qeybta degaanka u ah Madaxweyne Lafta-gareen. Ilo wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in guddiga la siiyay qolkii fadhiga ee Madaxweyne Lafta-gareen, halkaasoo la sheegay in ay noqon doonto xafiiskooda ugu weyn oo ay ka maamulayaan doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Siyaasiin badan oo mucaarad ah ama ka aragti duwan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Caasimada Online u sheegay in guddigaan la awooday in la siiyo qolal kale oo ka tirsan Madaxtooyada qeybaheeda shaqada ama xafiisyada ah, halkii la dejin lahaa qeybta degaanka u ah Madaxweyne Lafta-gareen. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedada arrintaan ay tahay in la boobo doorashada Xildhibaanada iyo in aysan guddiyada u shaqeynin si madaxbanaan. Sidoo kale xogta ayaa tilmaamaysa in guddiga heer federaal uu ku qasbanaan doono inuu la dago iyo in uu la shaqeeyo guddiyada heer dowlad gobaleed markii ay tagaan magaalooyinka ay ka dhacyso doorashada baarlamaanka ee maamul gobaleedyada dalka. Sanadkaan waxaa cabsi weyn laga qabaa in uu musuq maasuq xoog leh hareeyo doorashada Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in Lafta-gareen uu yahay Madaxweynaha ugu daacadsan taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo kadib markii doorasho dhiig ku daatay Laftagareen lagu geeyay Baydhabo daba-yaaqada sanadkii 2018-kii. The post Doorashada xildhibaanada BF ee Koonfur Galbeed oo la geeyey guriga Lafta-gareen appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorashooyinka, taageerada amniga iyo Tageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib u eegista Ciidanka AMISOM, Dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya, maadaama ay xubin ka yihiin golaha amniga ee Qaramada Midoobay. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dowladda Ireland uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta xiriirka ku qotoma iskaashi. Wasiirka arrimaha Dibedda Ahna Wasiirka Difaaca Ireland Simon Coveney oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa bogaadiyay horumarka ay dowladdu ka gaartay arrimaha doorashooyinka, amniga iyo hannaanka dowlad dhisidda Soomaaliya. Wafdiga wasiirka ayaa waxaa maanta garoonka wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu welhiyo wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq. Sidoo kale waxaa soo dhoweynta wafdigan qeyb ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Maxamed Saciid Samatar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga. The post DF oo war kasoo saartay kulankii Rooble iyo Wasiirka A/Dibedda Ireland + Video appeared first on Caasimada Online.
  5. Addis Ababa (PP News Desk) — It was a sense of déjà vu when Girma, not his real name, this morning saw crowds of people chanting anti-American slogans. “It brought back memories of nineteen seventies when I , as a child, used to chant ‘Yankee, go home’” Girma, an Amhara activist who opposes the extremist and expansionist FANO, told Puntland Post stringer. Demonstrators were chanting anti-American slogans today in Addis Ababa despite Abiy Ahmed’s neoliberal credentials. A mammoth rally to demonise Tigray people has taken place in Addis Ababa today. Organised by the Ethiopian government, the rally is aimed to ratchet up demonisation and harassment campaign against Tigrayans in Addis Ababa. In this bizarre campaign against Tigray, the Orthodox Tewahedo Church is the torchbearer. In Gondar and Gojjam Amhara priests blessed bloodthirsty militias who were calling for the extermination of Tigrayans. “Amhara priests are doing what Catholic priests were doing to bless fascist invaders who wanted to subjugate Ethiopia more than eighty years ago” said Assefa , an Ethiopian political activist. “The irrationality of Ethiopian government functionaries reached a point of absurdity when one politician close to Abiy’s Prosperity Pary described vaccines from USA as poison from CIA” added Assefa. Radicals: An anti-American demonstration in Addis Ababa more than four decades ago. Prime Minister Abiy Ahmed’s admiration for Mengistu Haile Mariam, the former Marxist leader of Ethiopia now in exile in Zimbambe, comes in several forms, according to a political analyst who prefers to be quoted anonymously: commitment to centralisation and assimilationist policies of governments before 1991, and desire to exploit superpower rivalry. “The former USSR cut Mengistu loose when they realised he was using them to prolong his reign of terror” said the political analyst. © Puntland Post, 2021 The post Ethiopia’s Prime Minister Takes a Leaf from Derg’s Book appeared first on Puntland Post.
  6. ADDIS ABABA (Reuters) - Attacks by Tigrayan forces in Ethiopia’s Afar region have forced more than 54,000 people from their homes, an official said on Thursday, as tens of thousands of people rallied in the capital to support the prime minister. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa goordhoweyd si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga fasalka 12-aad ee sanad-dugsiyeedka 2020-2021-ka iyo ardeyda ka galay kaalmaha hore. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tirada ardayda imtixaanka sannadkan u fariisatay ay tahay 34,908 arday oo ku galay 122 xarumood oo ku kala yaalla gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada. Natiijada lasoo bandhigay ayaa waxaa gudbay 30,262 arday oo ka tirada boqoleyda ka noqoneysa 87%, halka ay ku dhaceen imtixaanka 4,646 oo tirada guud ee boqoleyda ka noqoneysa 13%. Sida ku xusan War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda 4,646 arday ee Haray waxay 1,881 yihiin gabdho, halka 2,765 ay yihiin Wiilal, waxayna badankooda ka dhaceen gobolka Banaadir. Shaxda Natiijada imtixaanka ayaa muujinaysa in tirada ugu badan ee gudubtay iyo kuwa dhacay ay yihiin gobolka Banaadir oo asagu hogaanka u haya tirada ardeyda gashay imtixaanka shahaadiga. Gobolka Banaadir, oo sidoo kale sanadkii hore ay arday badan kaga hareen imitixaanka, ayaa sidoo kale waxaa sanadkan ku dhacay 4,382 oo ka mid ah 26,031 arday oo imtixaanka gashay, ama 16.8%. Dhammaan maamul goboleedyada kale ayaa waxaa kasoo baxay natiijooyin aad u wanaagsan, waxaana gudbay inta badan ardaydii gashay imtixaanka. Maamulka Galmudug ayaa ahaa kii ugu wanaagsanaa, ayada oo ay ka hareen kaliya 2 arday oo ka mid ah 2,302 oo gashay. Jubaland waxaa gudbay 1,155 oo ka mid ah 1,158, waxaa haray kaliya saddex. HirShabelle, waxaa ka haray 8, waxaana gudbay 1,619, halka Koonfur Galbeed ay gudbeen 3,539 ka mid ah 3,790. “Wasaaraddu waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa ardayda gashay 10-ka Kaalin ee hore, islamarkaana waxay si rasmi ah ugu ballan-qaadaysa deeq waxbarasho heer jaamacadeed ah. Sidaas oo kale ayey hambalyo iyo bogaadin u diraysaa 30-ka dugsi ee ugu heerka sarreeya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda. Ugu dambeyntiina Wasaaradda ayaa shaacisay 16-ka arday ee ayagu galay 10-ka kaalmood ee u horeeyay dalka oo dhan, kuwaasi oo magacdooda aad hoos ka arki doonto. The post DF oo shaacisay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah iyo ardayda Muqdisho oo ku hoobtay + Kaalimaha appeared first on Caasimada Online.
  8. Garowe (PP News Desk) — Unconfirmed reports indicate that President of Puntland State Said Abdullahi Deni and Puntland Parliamentary Speaker Abdirashid Jibril have struck a deal over articles amended by the Parliament of Puntland. Under the new rules, the Speaker of Puntland Parliament will have to garner the same number of votes as the President’s or Vice President’s to avoid a Vote of No Confidence. Spanner in the works: President Deni’s plan to influence selection of MPs from Eastern Sanaag faltered in the face of opposition from Puntland Parliamentary Speaker. President Deni returned to Garowe earlier today after a visit to Nairobi. Last week, Puntland MPs voted on amendments to key articles on losing a Vote of Confidence while President Deni was visiting Kenya. Jibril challenged Deni’s plan to have a final says on Eatern Sanaag MPs and Senators to be selected for the Somalia’s next bicameral legislature. Staying the course: Jibril has managed to persuade President Deni to leave amended articles unchanged until Somalia holds presidential elections in October 2021. Deni and Jibril have agreed to leave amended articles unchanged until the next parliamentary session. Before amendments took effect Puntland Parliamentary Speaker had been in a weaker political position that the executive branch could exploit by canvassing only 34 of MPs’ votes out of 66 MPs. “Amendements made by the MPs may make the Parliament less beholden to the Presidency” said a political commentator in Garowe. © Puntland Post, 2021 The post Puntland President and Parliamentary Speaker Strike a Deal over Amended Articles appeared first on Puntland Post.
  9. DAGAALKA ETHIOPIA YAANU NOQON MID GODOB UGA TAGA QOOMIYADDA SOOMAALIDA …!!! Soomaalidu waa qoomiyad ka mid ah qoomiyadaha Africa , gaar ahaan Bariga Africa qoomiyadaha ku nool , waxa ay degaan ku yihiin oo ay ku abtirsadaan 5 shan dal oo ku yaalla Bariga Africa oo kala ah Jamhuuriyada Somaliland , Jamhuuriyada Federalka Somalia , Jamhuuriyada Djibouti , Jamhuuriyada federalka Ethiopia iyo Jamhuriyada Kenya. Gobolkani ay soomaalidu ku nooshahay waxa ku nool qoomiyado kala duwan oo badan oo ay dadka soomaalida ah isir ahaan isugu dhow yihiin deegaan ahaana ay is yihiinba kuwaasi oo somalida u haya xushmad badan , taariikh wanaagsan iyo gobanimo u dirir taariikhda ku xardhan . Wallow saameynta dadka soomaaliyeed ee siyaasada gobolku aanay aad u muuqan gaar ahaan wadamada Ethiopia iyo Kenya oo labadaba la yaraystay marka loo eego qoomiyadaha kale ee ay dalalkaasi la leeyihiin haddana shaki kuma jiro in dadka soomaalidu yihiin dad fir-fircoon , maskax furan oo saameyn badan ku leh siyaasada Africa iyo aduunkaba . Waxa la galay xili siyaasadii gobolkani ay u eeg tahay in ay u xuub siibatay tartano iyo siyaasado ku fadhiya qoomiyado , waxa aan u arkaa in ay tahay wax aan loo baahnayn arintani sababta oo ah dagaalada gobolka ka socda iyo taariikhda qormaysaa waxa haboon in ay dalwalba gudihiisa ku ekaato. Waxa ayaan daro ah iyo wax lala yaabo ah in ciidamada Somalia ay ka qayb galaan dagaalka lagu qaaday gobolka Tigray oo la xaqiijiyey in askar soomaaliyeed oo ay leeyihiin jamhuuriyada federalka Somalia ay ka qayb galeen dagaalkaasi , arinkaasi oo ka dambeeyey is xulafaysigii sadex geesoodka ahaa ee Ethiopia , Somalia iyo Erateria. Sidoo kale waxa jirta in dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia ay ciidamo u dirtay deegaanada ay dagaaladu ka socdaan ee ay isku hayaan qoomiyadaha amharada iyo Tigray ee Ethiopia iyaga oo u arka in dagaalkaasi yahay dagaal dawlada Ethiopia iyo Tigray oo ay TPLF hogaaminayso in uu yahay. labada hogaamiye ee midna madaxweynaha ka yahay dawlada federalka Somalia midna dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia waxa ay iska dhigaan madaxweynayaal hami iyo aragti fog oo soomaalinimo ku socda , haddaba iyagu oo isku dhigayaa meeqaamkaasi ay sheegteen waxii ay godob kursiga ku galaan waxa uu noqon doonaa mid iyaga kaligood u yaalla , ama inta ay horjoogaan hadda ee aan u oolin umada soomaaliyeed ee weyn. Aduunyadu way soconaysaa taariikho ayaana qormaya , khalad iyo gef badheedh ah ayey ahayd in waxii intii dawladii EPRDF ee ay TPLF hogaaminayeen qaladaad iyo dhibaatooyin dhacay loo aaneeyo Tigray oo gaadhay in qoomiyada tigray oo dhan dagaal lagu qaado sababta oo ah isirkooda , waana taariikh xumo aragti ku suntami doonta cidii falkaasi gashay. Sidaasi oo kale si aanay u dhicin taariikh xumadaasi ayaa waxa aan aaminsanahay in aan umadda soomaaliyeed oo dhan aanay u noqon godob waxa dadka soomaalida qaybo ka mid ahi geystaan iyaga oo ku socda danaha dalalkooda iyo danaha xulafadooda . Xiligani mabay ahayn xiligii dagaal gobolkani u baahnaa iyo in uu kala noqdo qoomiyado ee waxa ay ahayd goortii lagu fekeri lahaa dadka gobolkani ee ay daashadeen dhibaatooyinka kala duwan ee dagaalada , gaajada , faqriga , tahriibka , iyo dib u dhaca nololeed eek u habsaday nusqarnigii ka dambeeyey intii Africa ku xuubsiibatay gumeysiga gobolkani ku sugnaa. Waxa ay ahayd xili mudnaa in loo guuro aragti mideysa umadaha iyo qoomiyadaha gobolkani iyo dalalkoogaba oo u jiheysa xaga horumarka , wax wada qabsiga , iskaashiga lagaga gudbi lahaa dhibaatooyinkii hore u soo jiray ee ragaadka ka dhigay guud ahaan gobolkani . ” Markaa sida aanan u jeclayn in dadka soomaaliyeed isirkooda , diintooda , dalalkooda , aragtidooda siyaasadeed , iyo xuquuqahooga loogu duudsiyin dadka ay yihiin ayaanan u jeclayn in dad kale oo gobolkani ama gobolada kale ee aduunka ah aan loogu layn haybtooda ama waxa ay aaminsan yihiin ” Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sarre iyo Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka. Kulanka uu Ra’iisal wasaaraha la qaatay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa ku qabsoomay jawi wanaagsan, ayada oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka kuraasta gobollada Waqooyi, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha. Inta uu socday kulanka Rooble ayaa faray Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay muddo kooban xal uga soo gaaran khilaafka ka dhex aloosan ee sababay in guddiga doorashooyinka Somaliland u kala jabo labo garab. Rooble ayaa ugu dambeyntiina labada mas’uul ku booriyey muhiimada ay leedahay in la xaliyo kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka, si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi. Si kastaba, Kulanka maanta ayaa imanaya xili uu Ra’iisal wasaaraha shalay sheegay inuu wado wada-tashiyo ku aadan arrinta Somaliland, isla markaana meel fiican ay marayaan wada-hadalladu, si meesha looga saaro khilaafka ka taagan doorashadooda. The post Rooble oo isku keenay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed iyo amar uu dul-dhigay appeared first on Caasimada Online.
  11. Some health officials could be collaborating with travel agents and issuing Covid-free certificates to Kenyans flying overseas without testing them for the deadly virus, The Standard has established. Some of these travel agencies are based in Eastleigh, Nairobi County. Source: Hiiraan Online
  12. Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa shaacisay natiijada Imtixaanka dugsiyada sare ee dalka. Natiijada ayaa lagu sheegay in 34908 arday ah oo sanadkaan imtixaanka u fadhiisatay Imtixaankana ay hartay 14%, halka 86% ay Ku soo baxeen Imtixaanka . Hoos Ka Akhriso Natiijada 10-Ardya ee Kaalmaha ugu Horeeyo Gashay Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu maanta madaxtooyada ku qaabilay ganacsade Axmed Cismaan Geele, waxa ay yeesheen kulan qaatay in ku dhow laba saacadood. Xildhibaan Mohamed Hussein Jama-Rambo ayaa warkan ku xaqiijiyay qoraal kooban oo ku baahiyay bartiisa facebook waxaanu yidhi sida tan: “Madaxweynaha JSL wuxuu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ganacsade Axmed Cismaan Geele, guddoomiyaha Laas group. Waxa ay yeesheen kulan qaatay in ku dhow laba saacadood oo midho dhalay.“ Source
  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxwaynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta safar deg-deg ah ugu baxay aaga deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug, oo ay saaka la wareegeen ciidamada isku dhafanka ah ee dowladda federaalka iyo Galmudug. Qoor Qoor oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa safarkaan uu ku tegay furimaha dagaalka ku dhiiri-gelinaya ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo xoojinta howl-galada ka dhanka ah. Madaxwxeynaha maamulka Galmudug ayaa kulamo la qaadan doona Saraakiisha kala duwan ee ciidamada, ayaga oo ka dhageysan doono warbixin ku aadan howl-galada ay ciidamada kula jiraan cadowga dalkeena. Sidoo kale waxa uu madaxweynaha kala hadli doonaa Saraakiisha ciidamada dar-dar gelinta iyo ballaarinta howl-galada ay wadaan ciidamada ee argagixisada looga saarayo gobolka Mudug iyo dhamaan deegaanada Galmudug. Qoor Qoor ayaa sii wadi doona safarkiisa ku aadan kormeerka howl-galada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, wuxuuna Qaycad uga sii gudbi doona sida uu qorshaha yahay deegaano kale oo isla gobolka Mudug ah, oo ciidamada ka wadaan howl-galo ka dhan ah Al-Shabaab. The post Qoor Qoor oo safar deg-deg ugu baxay Qaycad + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  15. The City of North Mankato is providing swim lessons for Somali children at no cost to families at Spring Lake Park Swim Facility this summer. The Mankato Clinic Foundation is helping to fund the lessons with a $2,500 grant and a commitment for further funding if needed. Source: Hiiraan Online
  16. The rash of kidnappings continues a decade after Kenya joined the fight against the armed group in Somalia. Source: Hiiraan Online
  17. Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta gobollada Waqooyi la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa wadatashi iyo gorfeyn ka dib la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi. Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa dhawaan ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble in uusan dhexdhexaad ka ahayn doorashada gobollada Waqooyi. Khilaafka siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ayaa saameeyay guddiga doorashada gobollada Waqooyi oo dhawaan labo shir guddoon doortay. PUNTLAND POST The post Rooble oo isu keenay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed appeared first on Puntland Post.
  18. Jenaraalka loo magacaabay Hogaaminta Ciidamada Amxaarada Sareeye Guuto Tefera Mam Sareeye Guuto Tefera Mamo ayaa loo magacaabay abaanduulaha ciidamada gaarka ah ee deegaanka Amxaarada. Xilkan ayaa waxaa maalmo ka hor u magacaabay madaxwayanaha gobolka Amxaarada, Agenehu Teshager,. Warbaahinta ismaamulka Amxaarada ayaa sheegtay in saraakiil kale iyaguna loo magacaabay inay hogaamiyaan laamaha amaanka ee gobolkaasi. Sareeye Guuto Tefera Mamo Tefera Mamo ayaa waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha ciidamada militariga Itoobiya ka hor intii aysan xabsiga u taxaabin TPLF oo ku eedeeysay inuu isku dayay in uu afgembi xukunka kaga tuuro ra’iisul wasaarihii geeriyooday ee Meles Zenawi. Jananka ayaa xabsiga laga siidaaya ka dib markii uu xukunka la wareegay Abiy Axmed, waxaana loo magacaabay in uu hogaamiyo laamaha ammaanka gobolka Amxaarada, balse xilkaasi ma noqon mid muddo dheer uu si hayo. Sareeye Guuto Tefera Mamo ayaa laga qaaday xilkaasi, waxaana mar kale la dhigay xabsiga ka dib markii la dilay madaxwaynihii gobolka Amxaarada, Ambachew Mekonen iyo labo sagaal oo sarsare bishii June 2019. Dadka ka ololeeya baraha bulshada ayaa muddooyiinkii dambe ku cadaadinayay dowladda ismaamulka Amxaarada in Tefera Mamo loo magacaabo hogaaminta ciidamada gaarka ah ee gobolkaas. Waxay arrintan ka dambeysay ka dib markii jabhadda TPLF ay shaacisay in ay duulaan ku yihiin gobolka Amxaarada. Colaadda Tigray Gulufka ka dhanka ah TPLF Jabhadda TPLF ayaa tan iyo intii ay la wareegeen magaalada Mekelle waxay sheegeen inay dagaalka sii wadi doonaan. Meelaha ay dagaalkooda ku soo ballaariyeen ayaa waxaa ka mid ah gobolka Canfarta. Taliyaha guud ee militariga Itoobiya ayaa maalmo ka hor sheegay inay diyaar u yihiin in mar kale ay dagal ku qaadaan gobolka Tigrey, isla markaana ay sugayaan oo keliya amarka madaxda ka sareysa. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed, ayaa horrey ugu baaqay ismaamul goleedyada ka jira Itoobiya in ay diyaariyaan ciidamo qeyb ka noqda dagaalka looga hortagayo xoogagga TPLF. Deegaanka Soomaalida ayaa ka mid ah deegaanada ka jawaabay baaqa rai’sul wasaaraha waxa ayna halkaasi u direen qaar ka mid ah ciidamada gaarka ee deegaanka Soomaalida ee Liyuu booliiska loo yaqaano. Dabayaaqadii bishii June ayay ahayd markii ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabbad-joojin isla markaana ciidamadeed ay kala soo baxday gobolka Tigrey. Jabhadda TPLF ayaa dhankooda shuruudo ku xiray xabbad-joojin ay la gaaraan dowladda dhexe. Dhinacyadda ku dagaalamay gobolka Tigrey ayaa waxaa ay hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ku eedeeyeen in xadgudubyo ay ka geysteen gobolkaas. Dagaalka gobolka Tigrey oo billowday 8 bilood ka hor ayaa waxaa ka dhashay barakac ballaaran. Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya in kumannan qof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah. Qaran News
  19. Musqul dahab lagu xardhay oo laga helay guri nin boolis ah Musqusha lagu xardhay guriga ninka booliska ah ay baarayaasha soo arkeen Musqul lagu xardhay dahab iyo agab kale oo raaxada loogu talagalay ayaa laga helay guriga nin boolis ah kadib markii baarayaasha Ruushka ay u dheceen halkaas. Baarayaasha waxay sheegeen inay howgal ka sameeyeen guriga sarkaal boolis ah oo musuq maasuq loo heystay. Muuqaal lasoo dhigay bogga guddiga dabagalka ee Ruushka ayaa muujinaya iyagoo baaraya guriga weyn oo ay ka buuxaan agab qaali ah. Gaashaanle sare Alexei Safonov oo ahaa madaxii ciidamada waddooyinka gobolka koonfurta ku yaalla ee Stavropol iyo lix sarkaal oo kale ayaa la xiray. Waxaana lagu eedeeyay in laaluush ay ka qaateen dadweyne oo ay siiyeen shatiga gaadiidka oo been abuur ah. Wuxuu shatigan u horseeday darawallada inay maraan baro kantarool oo ay ku sugan yihiin booliska iyaga sida badeecado si sharci darro ah lagu gelinayo halkaas. Saraakiishan weli kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay. Dhammaan sarakiisha booliska Ruushka ee ka howlgala gobolkaas ayaa ka qeyb qaatay howlgalkan ka dhanka ah musuq maasuqa. Guddiga baaritaanada u qaabilsan Ruushka ee SK wuxuu sheegay in baaritaanada lagu soo qabtay lacag badan iyo baabuurta raaxada. Guryaha qurxoon ee la arkay kuwaas oo looga shakiyay inay leeyihiin saraakiisha Xitaa jikada waxaa lagu xardhay dahab Waxay intaas ku dareen in sarkaalkan lagu magacaabo Alexei Safonov uu sanado badan laaluushka qaadanayay isla markaana uu qaatay lacag dhan 255,000 oo dollar. Safonov wuxuu wajahi karaa 15 sano oo xarig ah, waa haddii lagu helo dembiga. Waxaa kamid ah saraakiisha la xiray taliyihii hore ee ciidamada waddooyinka gobolka oo lagu magacaabo Alexander Arzhanukhin. Halkan ka daawo warkaa:- Today's Russian papers display the gold toilet of a Russian police chief arrested on corruption charges. Describing his garish residence, one paper says: “It’s sad that in 30 years we’ve learned how to steal, but not how to spend the money.” #ReadingRussia @BBCNews @BBCWorld pic.twitter.com/jeRObjNzFD — Steve Rosenberg (@BBCSteveR) July 21, 2021 Alexander Khinshteyn oo ah xildhibaan taabacsan xisbiga haya talada ayaa sheegay in la xiray in ka badan 35 kamid ah booliska waddooyinka gobolkaas. Qaran News
  20. Antananarivo (Caasimada Online) – Xafiiska dacwad-oogaha guud ee dalka Madagascar ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day lagu dili lahaa madaxweyne Andry Rajoelina, islamarkaana ay xireen dhowr tuhmane oo “Ajaaniib iyo Malagasi ah.” Laba qof oo Faransiis ah ayaa ka mid ah dhowr qof oo Talaadadii lagu xiray jasiiraddan ku taalla Badweynte India, “taasi oo qeyb ka ah baaritaan ku saabsan waxyeeleynta amniga dalka,” sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed. “Dhowr qof oo ah ajaaniib iyo kuwa u dashay Madagascar, ayaa la xiray Talaadadii July 20, taasi oo qeyb ka ah baaritaan lagu sameynayey weerar ka dhan ah amniga qaranka,” waxaa sidaas bayaan ay xalay soo saartay ku tiri dacwad-oogaha guud ee dalka Berthine Razafiarivony. “Marxaladda iminka ee baaritaanka oo weli socda, dacwad-oogaha guud wuxuu xaqiijinayaa inaan tooshka ku ifin doonno kiiskan,” ayey tiri. Intii lagu guda jiray dabaal-degga maalinta xoriyadda ee June 26, militariga ayaa ku dhowaaqay inay fashiliyeen isku day lagu khaarijin lahaa madaxooda, oo sidoo kale ah gacan-yaraha madaxweynaha Jeneral Richard Ravalomanana. Maalintii ciidda ayey aheyd, madaxweynaha kumeel-gaarka ah ee dalka Mali, Assimi Goita uu isna ka bad-baaday isku day dil oo loo adeegsaday mindi ah intii lagu guda jiray salaadii Ciida-Carafo ee Masjidka weyn ee Bamako, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas. Weerarka ayaa waxaa fuliyey laba nin oo mid uu mindi watay, kuwaas oo la sheegay inay usoo dhaqaaqeen dhanka Goita, kaasi oo durba ay la ordeen ciidamada amniga. Qoraalk kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in la fashiliyey weerar lagu dili rabay madaxweyne Assimi, islamarkaana ay ka hortageen laamaha amaanka iyo ilaalada madaxweynaha. “Weerarka waxaa durbadiiba ka awood roonaaday laamaha amniga. Baaritaannadu way socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada ee la xiriiray weerarka Assimi. Goita, waa 38 jir kornayl ka tirsan ciidamada gaarka ah, wuxuuna xukunka la wareegay bishii Juun, kadib markii labaad oo uu afgambiyey madaxweyne muddo 9 bilood gudahood ah. AFP The post Madaxweyne kale oo Afrikan ah oo toddobaad gudihiis ka bad-baaday isku day dil appeared first on Caasimada Online.
  21. Isku day Dil oo lala beegsaday Madaxweyne Dal Afrikaana oo la fashiliyey Andry Rajoelina Xafiiska dacwad-oogaha guud ee dalka Madagascar ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day lagu dili lahaa madaxweyne Andry Rajoelina, islamarkaana ay xidheen dhowr tuhmane oo “Ajaaniib iyo Malagasi ah.” Laba qof oo Faransiis ah ayaa ka mid ah dhowr qof oo Talaadadii lagu xidhay jasiiraddan ku taalla Badweynte India, “taasi oo qeyb ka ah baadhitaan ku saabsan waxyeeleynta amniga dalka,” sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed. “Dhowr qof oo ah ajaaniib iyo kuwa u dashay Madagascar, ayaa la xidhay Talaadadii July 20, taasi oo qeyb ka ah baadhitaan lagu sameynayey weerar ka dhan ah amniga qaranka,” waxaa sidaas bayaan ay xalay soo saartay ku tidhi dacwad-oogaha guud ee dalka Berthine Razafiarivony. “Marxaladda iminka ee baadhitaanka oo weli socda, dacwad-oogaha guud wuxuu xaqiijinayaa inaan tooshka ku ifin doonno kiiskan,” ayey tidhi. Intii lagu guda jiray dabaal-degga maalinta xoriyadda ee June 26, militariga ayaa ku dhawaaqay inay fashiliyeen isku day lagu khaarijin lahaa madaxooda, oo sidoo kale ah gacan-yaraha madaxweynaha Jeneral Richard Ravalomanana. Qaran News