Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,194
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed G/Sare Cali Xaashi Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalka u dhexeeya Militeriga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ka socda deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidanka xoogga dalka ayaa haatan guluf dagaal oo xoog leh ka wada gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana ciidanka hor-kacaya Taliyaha guud ee Militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage. Afhayeenka ayaa sheegay in saacadihii u dambeeyey ay kooxda ka dileen ku dhawaad 20 dagaalame, isla markaana ay kala wareegeen deegaano dhowr ah, sidoo kale waxa uu sheegay in dad shacab ah oo ay Al-Shabaab dhibaateeyeen ay gargaar u fidiyeen. “Howlgalladii maalmahaan ka socday Sh/Dhexe deegano badan ayaan ku xoreynay, shalay iyo maanta dagaalku waxa uu ka socday deegaanada Araxley, Cali-fooldheere iyo Qurac-madoobe, intaas waa dhul keyn ah oo aad ay ugu dhoomaaleysan jirtay kooxdu, waxaan ku dilnay 17 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, welina dagaalku waa socdaa,” ayuu yiri Cali Xaashi Afhayeenka ciidanka xoogga dalka. Sidoo kale Afhayeenku waxa uu sheegay in hadafkooda uu yahay in guud ahaan gobolka Shabeellada Dhexe laga cirib-tiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xusay in ciidan boolis ah oo ka socda dowlad goboleedka HirShabeelle ay qeyb ka yihiin howlgalka,. “Go’aanka ay qaadatay wasaaradda gaashaandhigga, si gaar ah Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, waa in nabadiidka Al-Shabaab laga xoreeyo gobolkaan iyo guud ahaa wadanka oo dhan,” ayuu yiri Afhayeenka Militeriga Soomaaliya G/Sare Cali Xaashi Cabdi. Deegaano badan oo muhiim ah oo dhaca gobolka Shabeellada Dhexe ayaa todobaadyadii u dambeeyey ka baxay gacanta Al-Shabaab, waxaana guud ahaan gobolkaas ka bilaawday duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo furimaha hore ee dagaalka lagu arkay Odawaa Yuusuf Raage oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidanka xoogga dalka. Hoos ka Daawo Afhayeenka The post Daawo: Xaguu marayaa dagaalka culus ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe? appeared first on Caasimada Online.
  2. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyada Isbahaysiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa si rasmi ah u shaaciyey xildhibaannada ay ku heshiiyeen in ay noqdaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland. Isbahaysiga Mucaaradka ayaa saddex cisho oo xidhiidh ah shirar uga socay magaalada Hargeysa, waxa ayna Shir-guddoonka ay dhisayaan u doorteen. 1- Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo laga soo doortay gobolka SOOL kana soo baxay Xisbiga WADDANI.2- Gud. Xigeenka koowaad Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo laga soo doortay gobolka (SANAAG) Xisbiga UCID.3- Gud. xigeenka Labaad Xildhibaan Cali Caamud Jibriil oo laga soo doortay gobolka (AWDAL)-UCID . Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Shir-guddoonka golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta Gudiyo u saaray xeerarka kala ah xeerka Liisamada Ganacsiga, Xeerka Furista Ururada Siyaasada iyo Xeerka Shaqaalaha Dawladda. Fadhiga maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa gudiyada kala duwan ee loo xulay ka soo tala bixinta xeerarkaasi ku wargeliyay in ay ku soo dhamaystiraan xeerarkaasi inta ka horaysa maalinta Axda ah ee todobaadka soo socda dibna ugu soo celiyaan golaha. Geesta kale Xildhibaanad kala ah Maxamud Xareed Rooble iyo Xildhibaan Axmed Cali Aadan, oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida ayaa ka hadlay shilalka gaadiidka iyo sidii wax looga qaban lahaa, xildhibaanada ayaa sidoo kalena ka hadlay Gaadiidka Tigaha loo yaqaano ee ka shaqeeya magaalooyinka Burco iyo Boorama kuwaasi oo ay sheegeen in ay khasaare dhanka shilalka ah ku hayaan magaalooyinkaasi. Mudanayaashan ayaa sidoo kalena sheegay in qaar ka mid ah gaadiidka yaryar ee loo yaqaano Fitista ee ka dhex shaqeeya magaaladda Hargeysa qaar ka mid ahi ay ka qayb qaataan arrimo aan ku fiicnayan dhaqanka suuban loona baahanayahay in wax laga qabto. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa casuumad rasmi ah u diray madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si maalinta Sabtida ay iskugu imaadaan shir ka dhacaya magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo uu soo saaray xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in shirka Sabtida la iskaga wareysan doono howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dar-dar gelinta shaqooyinka harsan. Shirka Sabtida ayaa imanaya kadib markii uu xalay Ra’iisal Wasaare Rooble uu kulanka dhanka qadka Zoom-ka ah kula yeeshay madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho oo aan kulmin wixii ka dambeeyey markii uu dhacay heshiiskii doorashada ee lagu saxiixay magaalada Muqdisho. Xogta shirka Sabtida oo ay hore u baahisay Caasimada Online ayaa waxa uu qeyb ka yahay dar-dar gelinta heshiiskii doorashada iyo kor joogteynta hanaanka doorasho ee hore loogu heshiiyey iyo howlihii qabsoomay. Shirka lagu wado in maalinta Sabtida uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa waxa uu qorshuhu yahay inay hortegi doonaan guddiga farsamada ee uu magacaabay Ra’iisal Wasaaraha, kuwaasi oo warbixin siin doona madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka. Sidoo kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegeysa in Ra’iisal Wasaare Rooble uu magacaabi doono guddi dib u heshiisiin ah, kaas oo heer wasiirro ah, waxaana xubnaha guddigaas laga soo kala xuli doonaa xukuumadaha dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland. Guddiga wasiirrada ah ayaa sida uu qorshaha yahay waxaa loo diri doonaa magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxayna kasoo tala bixi doonaan qaabka loo xalin karo is-mari waaga maamul ee ka jira gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland. The post Rooble oo casuumad rasmi ah u diray madaxda dowlad goboleedyada + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  5. DOORASHOOYINKA SOMALILAND WAXA LAGA BARAN KARAA AWOODA SHACABKA IYO QIIMAHA AY LEEDAHAY. Nidaamka siyaasadeed ee dalku qaatay waa nidaamka dimuqaradi ah oo ah habka ururada iyo axsaabta badan ee siyaasadeed , dadka ayaa awooda leh oo si toos ah ugu soo doorta doorashooyin hogaanka dalka , iyo dhamaan kuraasida goleyaasha ee doorashooyinka ku yimaada. Dooradjoyinku wax hadda cusubna maaha ee waa nidaam soo shaqeeyey oo dalka hore ugu soo caano maalay kaasi oo soo hanoqaaday mudo dheer na soo socday , hadda may ahayn markii ugu horeysay ee ay muuqato awooda dadku oo ay axsaabta mucaaridka siiyaan codka ugu badan ee waxa ka horeeyey doorashooyin kale oo isbadel siyaasadeed keenay waxaana ka mid ah ; Doorashadii golaha wakiilada ee sanadkii 2005 waxa ay dadku u codeeyeen mucaaridka oo aqlabiyada dalka helay isla markaana noqday shirgudoonkii golaha wakiilada maadaama ay haystaan tiradii ugu badnayd golaha oo ahayd 49 mudane axsaabta mucaaridka Somaliland ee Ucid iyo Kulmiye halka uu helay xisbigii talada dalka hayey 33 mudane sidaasina lagu muquuniyey. Nidaamkaasi waxa uu abuuray in caalamku Somaliland kalsooni weyn ku qabo doorashooyinka ay qabsatayna ay yihiin qaar heerarka ugu wanaagsan aduunka ku jira , waxa kale oo bogaadin noqotay in xisbigii xukuumada lagaga guuleysto aqlabiyadii golaha waa wax aan inta badan hore uga dhicin gobolka geeska Africa oo la yaab leh. Waxa Somaliland ka faaiidey in goleyaasha baarlamaanku ay noqdaan goleyaal la aqoonsan yahay sida goleyaasha dalalka kale , waxaana uu golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ka mid ahaa goleyaasha wakiilada Africa oo leh isku xidhnaan iyo kala faaiideysi, sidoo kale waxa uu ka helay goluhu aqoon korodhsi iyo dhaqaale u gaar ah oo uu ku shaqeyn karo. Sanadkii 2010 waxa doorasho lagaga adkaaday xukuumadii talada dalka haysay waxaana ay noqotay markii ugu horeysay ee xisbi talada dalka haya xisbi kale kala wareego ilaa intii hanaanka axsaabta badan dalku u guuray sanadkii 2001 , waxaana ay noqotay taariikh iyo dhacdo kale oo ku sii biirtay wanaag iyo qiimeyn badan oo aduunku Somaliland u hayey dalkana ka dhigtay mid qaaday jidkii horumarka. Doorashadii ugu dambaysay ee 31-05-2021 dalka ka dhacday waxa ay noqotay doorasho kale oo la mid ah doorashooyinkii hore ee isbadelada ka keenay dalka waxaana aqlabiyadii helay xisbiyada mucaaridka Somaliland oo ku guulaystay 52 mudane oo ah golaha wakiilada iyo aqlabiyada dhamaan goleyaasha deegaanada dalka , waxaana ay hadda haystaan 5 mayor oo ka mid ah 7 degmo ee A da ah . Waa taariikh kale oo tilmaamaysa in hanaanka dimuqaradiyadeed ee somaliland in uu socdo oo ka soo kabtay mudo kordhino badan oo dalka ka dhacay oo doorashooyinka dib loogu dhigayey kuwaasi oo sababay in hanaanka dimuqaradiyadeed ee dalku in uu ragaad noqdo dadka jamhuuriyada Somaliland ka niyad jabaan hanaankii doorashooyinka . Doorashooyinku waxa ay soo saareen awooda shacabku leeyihiin iyo in dadka jamhuuriyada Somaliland bisil yihiin , waxa aan hubaa hadii doorashooyinka xiligooda lagu qaban lahaa maanta dalku meel wanaagsan ayuu mari lahaa wax badana waa laga gudbi lahaa. Doorashadan ugu dambaysay ee labada doorasho mar lawada qabtay waxaa ka soo baxay faaiidooyin waaweyn oo ay ka mid tahay: 1- In dalka doorashooyinkiisa hal mar lawada qaban karo kuwaasi oo Somaliland ku haya culeysyo badan oo dhaqaale iyo dalkii oo marwalba doorasho u joog ahaa waxaana meesha ka baxay xiligii waxqabadka. 2- Waxa koobmay oo soo yaraaday hanaankii qabiilka iyo nidaamkii qabyaaladeed wallow goleyaasha lagu soo xulay tartamayaasha hab beeleed haddana way ka culeys yarayd qabyaaladii qaawanayd ee wada xanafta ahayd. 3- Waxa markii ugu horeysay soo baxay murashaxiin lagu doortay rabitaanka shacabka oo aan hanaan qabiil loogu codeyn kuwaasi oo noqday mucjisadii doorashada , waxaana ay kala yihiin mayerka caasimada Cabdikarim mooge iyo xildhibaan barkhad batuun oo loo doortay golaha wakiilada . Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga digay, sharci-darana uga dhigay lix wareegto oo uu saxiixay madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dhamaaday, kuwaasi oo qaarkood wax ka bedel uu ku sameeyay. Waraaq kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha oo si gaar ah ugu socotay ra’iisal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada, beesha caalamka, mucaaridka iyo bulshada rayidka, ayaa waxaa looga horyimid shuruucdaasi oo aan la horgeyn Aqalka Sarre, islamarkaana uu saxiixay Farmaajo. “Goluhu wuxuu si dhow ula socdaa islamarkaasna diiwan-geliyay dhamaan isku-dayo wareegtooyin ah oo lagu dhaqan-gelinayo shuruuc laguna sameynayo hay’addo khilaafsan Dastuurka KMG ah, kuwaas oo aan soo marin Aqalka sarre,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxa uu madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dhamaaday ku eedeyay guddoonku “ku tumasho sharci iyo jabinta hanaanka dastuuriga ah ee xeer-dejinta dalka”. Lixda sharci ee uu saxiixay Farmaajo, islamarkaana uu kasoo horjeedo Golaha Aqalka Sarre ayaa waxaa kamid ah guddiga madax-banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, Ansixinta wax ka beddelida qoddob kamid ah sharciga lagu dhisay guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka. Golaha Aqalka Sarre ayaa dhamaan hay’addaha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah DF iyo beesha caalamka ku wargeliyay inay sharci darro tahay la macaamilka hay’addahaas, kuwaasi oo lagu dhisay hanaan baalmarsan dastuurka KMG ah, sida uu sheegay. “Goluhu wuxuu uga digayaa dhamaan hay’addaha ku magacaaban wareegtooyinkan sharci-darrada ah inay ku howl-galaan ama ku shaqeeyaan wareegtooyinkaasi ayna ilaaliyaan dastuurka iyo xeerarka dalka,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi. Hoos ka aqriso waraaqda uu soo saaray Cabdi Xaashi iyo Lixda Sharci ee uu ka digay. The post Lix wareegto oo uu saxiixay madaxweyne FARMAAJO oo sharci-darro laga dhigay appeared first on Caasimada Online.
  7. In aad tahay rajadii dhallinta iyo rajadii shacabka ee aan inta badan ka dhur sugaynay ayaa igu dirqiyaysa in aan ka fakero sidii aad hoggaaminta DHH ugu guulaysan lahayd. Waxa aan u arkaa haddii aad fadhilanto in dhallinyarta oo dhan fashilkaasi gaadhayo, sidaas na kalsoonidii iyo rajadii shacabku god ugu dhacayso anna sawirkaas weyn aniga oo dhawraya ayaan talooyin kan iyo kuwa kale oo saaxiibnimo oo aan hoos kuu odhan doono ba igu dhaliyay. Lix sanno ayaan DHH wax ka qorayay sababtuna in aan Soltelco necbaa maaha e waa in aan garanayay hay’adda Dawladda Hoose Ee Hargeysi doorka ay noloshayda ku leedahay. Si kasta ba ha ahaatee, qodob badan baan dan mooday in aan kula wadaago. 1. Haki dhismeyaasha iyo galalka dhulka ee socda dhammaantood si aad fakaag ugu hesho samaynta qorsheyaasha dib u karaarinta shaqada cusub. 2. Haddii aad ka dhawrsato xoolaha ummadda waxa kuu fududaan hoggaaminta iyo jahaynta xildhibaannada. Sida oo kale dad weynaha ayaa fursad ay kugu soo gaadhaan kuu heli doona. 3. Xilku waa awood iyo dhaqaale kulmay waana bartaas halka rag badan oo markii hore wanaagsanaa ay ku turunturoodeen adna waxa aan kaaga digayaa in aad ka foojignaato. 4. Warbaa laga shaqeeyaa DHH waxaana jooga shakhsiyaad xumaha ku takhakhusay oo darsay sida madaxda loo marin-habaabiyo iyagana ka taxadir. 5. Shaqaalaha dawladda hoose inta aanad culays shaqo ku soo kordhin horta waxa aad sare u qaaddaa mushaharkooda iyo niyad-samaantooda. Intaas kaddib ayay kuu suurto-geli kartaa in aad la xisaabtanto, tusaale; Joomitirku celcelis ahaan wuxuu qaataa 50$ waxaanu ka garnaqaa dhul qimahiisu gaadhayo Malyuun doolar sideen qofkaas uga sugi karnaa shaqo wanaagsan iyo caddaalad? 6. Shirkadaha xashiishka gacanta dawladda hoose ku soo celi, waxay la wareegeen adeeg ka mid ah kuwii dawladda hoose shacabka u qaban lahayn, xashiishka waxa ay ka qaadaan Hargeysa isla Hargeysana way ku qubaan. 7. Raadso dadka aqoonta u leh basrinta khashinka caafimaadka “Medical west management” xilli aan daba-gal ku sameeyay raadka khashinka caasimadda ayaan ogaaday halista caafimaad ee khashinkaas dadka ku haya. Dhakhtarrada Hargeysa Adna oo keliya ayaa leh hannaan gaar oo khashinkaas loo maamulo xataa dhakhtarka weyn ee Hargeysi ma leh. 8. Karasharka iyo agabka DHH suuqa ayaa lagaga shaqaystaa iyana waxaan ku soo jeedin lahaa in aad GPS ku xidho nidaam na u samayso si aad ula socoto dhaqdhaqaaqooda. 9. Diwaan-geli tirada guryaha DHH leedahay ee kiraysan, lacagta ay ku kiraysan yihiinna dib u eegis ku samee oo go’aan ka gaadh, sababtuna waa in qaar faras magalaha ku yaal 40$ ku kiraysan yihiin. 10. Dawladda Hoose xafiis xogta luugu yimaad oo gaar ah ma leh” Data center” waxaanan u arkaa bar bilawga dardar-gelinta shaqada. 11. Waxa ayaan-badnaan ah in xildhibaannada golahaaga rag badan oo nadiif ah, karti leh oo hawl-kar ahi ku jiraan fadlan uga faa’iidayso mid kastaa wuxuu ku wanaagsan yahay. 12. Hadalkaagu ha yaraado, wacyi-gelinta hay’adda dawladda hoose na yay kala go’in. 13. Hargeysi waxay leedahay odayaal guurti ah oo raggii kursiga aad ku fadhido soo maray dhammaantooda talo u doonteen, dhismaha magaaladana wax weyn kala qabtay, kuwaas oo aan ka xusi karo Xaaji. Aadan Axmed Diiriye “ Aadan-baradho” waxa aan kuu soo jeedin lahaa in u talo doonato. 14. Shirkadda gaar ah ee dhulka GIS gelisaa waxay gacanta ku haysaa adeeg hay’adeed sharcina kuma dhisna heshiiskeeduna xalaal maaha, qiimaha ay dadka ka qaadaanna waa mid aad iyo aad u sarreeya oo damiirka nooli diidayo fadlan gacanta DHH ku soo celi. 15. Shaqada degmooyinka u dhaadhici si xarunta dhexe culaysku uga yaraado. FG: Rabbi waxa aan ka baryayaa in golaha deegaanka ee Cusub guulaysto oo ummadda si wanaagsan ugu adeego. Si ay u dhawaato Rajada ah in hoggaaminta dalka dhawaan dhallinyaro la wareegto. Abdinaasir Ahmed Ibrahim somaliland_author@yahoo.com Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma ah qaar anaga naga socda ee waa aragtida mid ka mid ah akhristayaasha kuna cabiraaya rayigiisa u gaarka ah Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixin ay kusoo bandhigtay waddamada ugu halista badan oo ay carruurta ku noolaadaan, waxaana liiska kaalinta koowaad ka galay Soomaaliya, ayada oo ay kusoo xigaan Congo, Afgaanistaan iyo Suuriya. Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay colaadaha ugu halista badan oo ay wajahaan carruurta 60% ay ka dhaceyn wadamada Soomaaliya, Congo, Afgaanistaan iyo Suuriya, waxaana wadamadaan lagu sumtay inay ku jiraan liiska madow, waxaana jiro wadamo kale oo ay ka dhaceyn dhibateynta carruurta 40% sida lagu caddeeyey diiwaan gelinta lasoo uruuriyey. Sida ku xusan warbixinta, in ka badan 3,200 oo caruur ah ayaa la xaqiijiyay in lagula afduubay xaaladaha dagaalada sanadkii 2020, ugu yaraan 1,268 waxay ahaayeen dhibanayaal tacadiyada galmada. Dambiyaddiiugu xumaa ayaa, sida ku cad warbixinta, waxay ka dhaceen Soomaaliya oo ay ka jiraan xadgudubyadii ugu badnaa illaa iyo hadda, iyaddoo Al-Shabaab ay tahay cidda ugu badan. Soomaaliya oo kasoo kabaneysa colaadda ayay warbixintu si cad u sheegtay in horumar kooban laga sameeyay gabaad-siinta dhalinyaradda, balse aysan muuqan dedaalo abaabulan. Myanmar ayaa sidoo kale, kaalinta koowaad kaga jirta liiska xadgudubyada waaweyn, oo ay ku jiraan tirada ugu badan ee carruurta la askareeyay lana isticmaalay, halka Yemen ay ka mid tahay tirada ugu badan ee carruurta la dilo ama la naafeeyo. Afgaanistaan, waxay sheegtay warbixinta, in Taalibaan ay mas’uul ka tahay saddex-meelood laba meel xadgudubyada, dowladda iyo maleeshiyooyinka dowladda taageera inta kale. “Carruurtu hadda kadib ma noqon karaan mudnaanta ugu dambeysa ee ajandaha caalamiga ah ama kooxda ugu yar ee la ilaaliyo ee shakhsiyaadka ku sugan meeraha,” ayay tiri Virginia Gamba, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta xilli ay la hadleysay warbaahinta kadib markii lasoo bandhigay warbixintaan. “Waxaan u baahanahay inaan siino caruurta bedelida rabshadaha iyo xadgudubka. Waxaan u baahanahay nabad, ixtiraamka xuquuqda carruurta iyo dimuqraadiyadda.” Ayey markale tiri. Gamba waxay sheegtay in xadgudubyada ugu ballaaran ee dhacay sanadka 2020 ay ahaayeen qorista iyo adeegsiga caruurta ee dhanka ciidamada iyo dilalka iyo rabshadaha ay sameeyaan kooxaha hubeysan taasoo ay ku sheegtay mid cuuryaamineysa carruurta. The post Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay liis cusub oo ay soo saartay QM appeared first on Caasimada Online.
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Isbahaysiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey xildhibaannada ay ku heshiiyeen inay noqdaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, kaasi oo loolankiisa uu socday maalmihii u dambeeyay. Guddoomiyeyaasha xisbiyada Waddani iyo Ucid, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa isku raacay in guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland uu qaato xisbiga Waddani, halka labada kuxigeen ayagana la siiyey xisbiga Ucid. Waxay arrintaan imaneysa shirar isdaba joog ah oo socday maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay xisbiyada mucaaridka kal hore ku kala baxeen xilalkii golaha deegaanka ee maayirada iyo ku-xigeenadooda. Hoos ka aqriso magacyada mudaneyaasha loo doortay guddonka golaha wakiilada; 1. Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed = Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaa laga soo doortay gobolka Sool – xisbiga Waddani. 2. Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax = Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha, waxaa laga soo doortay gobolka Sanaag – xisbiga Ucid. 3- Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil = Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha, laga soo doortay gobolka Awdal – xisbiga Ucid Isbaheysiga xisbiyada mucaaradka ayaa meesha ka saaray in xisbul xaakimka Kulmiye uu xilal muuqda ku yeesho golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee Somaliland, oo aqlabiyada u badan ay lahaayeen mucaaradka. The post Gudoomiyaha iyo labada ku-xigeen ee golaha wakiilada Somaliland oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  10. Xisbiyada isbahaysiga mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa shaaciyay magacyada musharaxiinta ay u dhisayaan guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland. Labada xisbi ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiillada u wata Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka tirsan Waddani, kana soo baxay gobolka Sool. Sidoo kale guddoomiye xigeennada koowaad iyo labaad ayay u wataan Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo laga soo doortay gobolka Sanaag iyo Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo laga soo doortay gobolka Awdal, kuwaas oo labaduba ka tirsan xisbiga Ucid. Isbahaysiga mucaaradka ayaa maalmihii la soo dhaafay shirar ay kaga arrinsanayeen guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland uga socdeen magaalada Hargeysa. Dhanka kale xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa musharaxa guddoomiyaha Golaha Wakiillada u wata Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka soo jeeda gobolka Sool. PUNTLAND POST The post Mucaaradka Somaliland oo heshiis ka gaaray musharaxiinta guddoonka Golaha Wakiillada appeared first on Puntland Post.
  11. Guddoomiyaha Aqalka sare cabdi xaashi cabdillahi ayaa gebi ahaan baabi’iyay wareegtooyin uu madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu saxiixay. Aqalka sare ayaa sheegay wareegtooyinkaas ansixintooda aan la soo marsinin senetorada Aqalka. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka ka soo baxay Aqalka Sare Wareegtooyinka La Baabi’iyay Source: goobjoog.com
  12. Somalia, Congo, Afghanistan and Syria top the list of the most dangerous conflict zones for children, the United Nations said Monday, accounting for nearly 60% of all violations among the entries on its annual blacklist of countries where children suffer grave abuses. “Children can no longer be the last priority of the international agenda nor the least protected group of individuals on the planet,” Virginia Gamba, U.N. special representative for children in armed conflict, told reporters Monday at the report’s launch. “We need to give children an alternative to violence and abuse. We need peace, respect for children’s rights, and democracy.” Gamba said the most widespread violations in 2020 were the recruitment and use of children by security forces and armed groups and the killing and maiming of children. “We are extremely alarmed at the increase in the abduction of children by 90% compared to previous years, as well as the increase in rape and other forms of sexual violence, registering an increase of 70% compared to previous years,” she added. More than 3,200 children were confirmed abducted in conflict situations in 2020, and at least 1,268 were victims of sexual violence, the report said. Of the worst offenders, Gamba said Somalia had the “most violations by far,” primarily perpetrated by al-Shabab terrorists. In Afghanistan, she said the Taliban was responsible for two-thirds of violations, and the government and pro-government militias the rest. Myanmar also ranked high on the list of grave violations, including for the highest numbers of children recruited and used, while Yemen has among the highest figures for children killed or maimed. Attacks on schools and hospitals remained high last year at 856, mostly in Afghanistan, Congo, Syria and Burkina Faso. “Education against girls was particularly targeted,” Gamba said. As with everything else in 2020, the COVID-19 pandemic only complicated matters. The report found, for example, that the use of schools by militaries rose last year. Many schools were closed temporarily because of the pandemic, making them easy targets for military occupation and use. New to the list are Cameroon, Burkina Faso and the Lake Chad Basin region. The report contained some good news. Due to advocacy efforts, armed groups and security forces released 12,643 children. And the number of actors engaging with Gamba’s office, signing on to action plans and making new commitments toward children is growing. However, human rights groups have criticized the report over the years, saying that double standards apply to the creation of the blacklist and that some countries escape accountability. “We strongly urge the (U.N.) Secretary-General to reconsider his decision and hold parties to conflict all over the world to the same standard,” Inger Ashing, CEO of Save the Children International, said in a statement. “Secretary-General (Antonio) Guterres is letting warring parties implicated in the deaths and maiming of children off the hook by leaving Israel, the Saudi-led coalition (in Yemen) and other violators off his ‘list of shame,'” said Jo Becker, children’s rights advocacy director at Human Rights Watch. “His repeated failure to base his list on the U.N.’s own evidence betrays children and fuels impunity.” Responding to the criticism, Gamba said that regarding Israel, violations carried out during the recent fighting in Gaza would be examined in next year’s report. She added that she did not experience any political pressure from parties in terms of who would be listed. Source: VOA The post Somalia, Congo, Afghanistan, Syria among most dangerous for children in conflict appeared first on Caasimada Online.
  13. The authorities of Turkey's Konya and Somalian capital Mogadishu agreed to strengthen their cooperation after senior Mogadishu municipality officials paid a visit to Konya and met with the city’s deputy mayor Ercan Uslu on Monday. Source: Hiiraan Online
  14. The top health official in the Horn of Africa nation of Djibouti on Monday received a delegation from Turkey’s Health Ministry. Source: Hiiraan Online
  15. Ankara (Caasimada Online) – Wafdi ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho oo uu hogaaminaayay Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Faarax Cabdi Diini, oo uu qeyb ka yahay Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir oo maalmihii dambe safar shaqo ku joogay dalka Turkiga ayaa la kulmay ku-xigeenka duqa magaalada Konya. Mr. Ercan Uslu, oo ah ku-xigeenka duqa magaalada Konya, oo kamid tahay magaalooyinka ugu waaweyn dalka Turkiga, uguna taariikhaha fog, ayaa waxa uu si weyn usoo dhaweeyay wafdiga ka socday dowladda hoose ee Muqdisho, ayagoona kala saxiixday heshiis cusub. Labda Maamul ee Konya iyo Muqdisho ayaa ka wada-hadlay kor u qaadida iskaashiga, maareynta biyaha iyo qashinka, sidoo kale fursadaha tababarada shaqaalaha gaar ahaan farsamadda gacanta ayaa kamid ahaa waxyaabihii aadka looga dooday, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda Hoose ee Muqdisho. Waxaa xusid mudan in kulanka intii uu socday laga mahad-celiiyay mudnaanta Gaarka ah ee Madaxweynaha Turkiga uu siiyay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta caasimadda dalka ee Muqdisho. Waxay labada Dawlad hoose intaasi kadib qalinka ku duugen heshiis cusub oo dhigaya in si wadajir ah looga wada-shaqeeyo arimaha soo socda; 1. Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga cusub labada magaalo. 2. In Maareynta qashinta laga taageero Dawladda Hoose ee Muqdisho maadaama Maamulka Konya ay khinrad buuxda u leeyihiin hawlaha dhinacaas la xiriira, sidoo kale waxaa Muqdisho laga taageeri doonaa khubarro farsamo oo tabanaro iyo hagitaan siin doono hawl wadeenadda nadaafadda Dawladda hoose ee Muqdisho. 3. Waxaa si wadajir ah ay labada Dawlad Hoose isugu waafaqeen in la bilaabo diyaarinta mataaneynta Muqdisho iyo Konya si labada dhinac ay iskaashi iyo wada shaqeyn buuxdo u dhex marto. 4. In si deg-deg ah loo bilaabo booqasho labada maamul ay is-weydaarsanayaa taaso labada Maamul ku kala tagi doonaan Konya iyo Muqdisho. 5. In Machadka tababaradda Konya uu gacan ka siin doono Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho dhinaca tababaradda shaqaalaha isla markaana ay si toos ah u wada xiriiri doonaan hawl-wadeenada labada dhinac ee Muqdisho iyo Konya. The post Heshiis shan qodob ah oo ay kala saxiixdeen maamullada Muqdisho iyo Konya + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  16. Maamulka magaalada Garowe ayaa go’aamiyey in magaalada laga saaro ”adhiga tirada badan” oo ay sheegeen iney cunaan dhirta magaalada lagu beero bilicda iyo nadaafadda magaaladana uu dhib ku hayey. Hase yeeshee, qaar ka mid ah milkiilayaasha ariga ee magaalada Garowe waxay ka soo horjeesteen tallaabbada maamulka magaalada uu qaaday iyaga oo sheegay ariga magaalada laga saaray inuu yahay go’aan hal dhinac ah oo aan lagala tashana dadkii ariga lahaa. Axmed Saciid Muuse, duqa magaalada Garowe ayaa sheegay in dhibaato badan uu adhiga ku hayay magaalada, waxa uuna xaqiijiyay in la geeyay dooxada magaalada dusheeda ah. “Adhiga in magaalada laga saaro waa go’aan ay gaadheen golaha degaanka ee degmada Garowe waxaana sababay in ariga uu nadaafad darro aad u faro badan uu ku hayaa magaalada, wuxuu fadhiistaa waddooyinka oo uu ku saalooda, sidoo kale gawaadhida ayaa jiiidha. Intaa waxaa dheer waxa uu cunaa dhirta lagu beeray maagalada si bilicdeeda loo soo celiyo.” Ayuu yidhi Axmed Saciid Muuse. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in adhiga laftirkiisa uu ku dhib qabo magaalada sababtoo ah waxa uu cunaa bacaha iyo qashinka oo uu xanuun ka qaadaa. “Waan u dignay dadkii lahaa oo waxaan siinay muddo bil ah inago farriinta u marinay warbaahinta iyo baraha bulshada ku wada xidhiidho sidaa darteed qof walba wuu ogaa in ka saaridda adhiga magaalada la bilaabayo, waana la bilaabay waxaan la uruuriyay ku dhawaad afar boqol oo neef waxaana la geeyay meel magaalada ka baxsan oo naq leh oo ay xooluhu daaqi karaan, haddi rabbi idmana halkaas ayaa lagu haynayaa ololuhuna wuu sii soconayaa ilaa magaalada laga cidhib tiro xoolaha ku dayacan,” ayuu yidhi guddomiye Axmed. Adhigaan ayaa waxaa la sheegayaa in inbadan oo ka mid ah aysan jirin cid leh oo ay ahaaheen kuwa ban joog ah iyadoo ay jiraan kuwa ay dadku leeyihiin oo u soo xarooda. Seynab waxa ay ka mid tahay dadka adhiga gudaha magaalada ku dhaqanayay, qaar ka baxsaday ayey u maleynaysaa in ahdigii la raafay looga daray, waxaana ay dhaliilsan tahay go’aanka maamulka degmada Garowe uu qaatay. “Xoolihii xalay la raray waxbaan ku laahayn oo baadi ayay inooga maqnaayeen laakiin dadkii kama ay fakarin danta culus oo dadka ka dhaxeysa, ” ayey tidhi Seynab. “Adhigaan dad badan baa ku hoos noolaa oo naga munaafacaad badnaa laakin waxaa weeye lagama fakarin oo aad loogama fiirsan sababtoo ah dad masaakiin baa ku noolaa, dad soo qaxay baa ku noolaa, dad haystay ilma agooma ah baa ku noolaa, dadkaa maxaa looga fakaray, shaqa fidin ma loo sameeynayaa.” Waxay Seynab ku talinaysaa in guddomiyaha uu ka iibsado adhiga iyadoo sheegtay inay faa’iido ku qabtay adhigeeda oo marka ay geeyso suuqa ku iibsan jirtay 90-100 doolar, marna ay maalan jirtay marka uu irmaan yahay. “Waan iibsan jiray, waan sadqeysan jiray laakin hadda afduub baa ina looga qaatay mana ahan afduubkaas mid dan inogu jirta anaga iyo dadweynaha Garowe Qaran News
  17. PRESS RELEASE AMISOM troops relocate from Marianguwaay Forward Operating Base in the Lower Shabelle region of Somalia and gives the community land back to the Federal Government of Somalia AMISOM set up the Marianguwaay FOB in October 2014 to ease the movement of troops between the port cities of Marka and Barawe MOGADISHU, Somalia, June 22, 2021/ — The Ugandan contingent of the African Union Mission in Somalia, AMISOM, have relocated from Marianguwaay Forward Operating (FOB) base in Lower Shabelle region in the Southwest State of Somalia as part of troop realignment to provide more effective security to the Main Supply Routes, MSRs, and the general area. AMISOM set up the Marianguwaay FOB in October 2014 to ease the movement of troops between the port cities of Marka and Barawe. Following the relocation, the FOB is now closed and the land ownership has reverted to the government. The AMISOM Uganda Contingent Commander, Brig Gen. Don Nabasa, on Sunday officially flagged off the FOB relocation. The event to mark this was attended by the Governor of Lower Shabelle, Abdikadir Murshid Sidi and the Deputy District Commissioner of Barawe, Ibrahim Abdinoor. Also present were the AMISOM Deputy Chief Operations Officer Lt. Col. Alemayehu Abera Kitila, the AMISOM Joint Support Operations Centre (JSOC) Officer, Maximillian Okech, and the Force Spokesperson Lt. Col. Daniel Mugoro. In his remarks, Brig Gen. Nabasa said the relocation is part of a harmonized joint operations plan laid out in April by AMISOM and the Somali National Army, SNA, to enable Somali Security Forces to assume security responsibilities ahead of AMISOM’s exit. “The recently concluded sector commanders conference guided by AMISOM Concept of Operations harmonized several tasks for execution by Sector I, which included the relocation of troops from Marianguwaay Forward operating Base to another area to beef up security. This will enhance operational efficiency as we pursue the AMISOM mandate,” said Brig Gen. Nabasa. “Marianguwaay has been one of the most peaceful areas. I extend my gratitude on behalf of AMISOM and Sector I to the local leaders and the community for cooperating with our troops,” he added. The Governor of Lower Shabelle, Abdikadir Murshid Sidi, noted that AMISOM joint operations with SNA had weakened the insurgents in the region, making it necessary for Somali Security Forces to take over security responsibilities. “You have helped us reach great milestones. The transfer of security responsibilities from AMISOM to Somali Security Forces is as a result of efforts and sacrifices made by our African brothers in the fight against terrorist group Al-Shabaab,” said Sidi. As part of the relocation process, Governor Sidi, the local leaders, and other AMISOM officers in attendance inspected the area and signed documents to hand over the community land on which the FOB operated. They also signed an environmental clearance certificate to certify that the troops did not degrade the environment. Ahead of the relocation, AMISOM troops conducted a cleanup that involved removing structures and levelling the ground to restore the environment in line with AMISOM’s environmental standard operating procedures. “We have cleaned everywhere to leave the environment the way we found it when establishing this FOB. Now we are set to leave for the next destination,” said the commander of the Uganda Battle Group 31, Colonel Francis Aragamoi. Since 2014, AMISOM troops have jointly operated in the general area of Marianguwaay, significantly improving the security situation of the area before the need to take up security responsibilities elsewhere in line with the ongoing AMISOM and SNA Reconfiguration Plan and the revised Concept of Operations (CONOPS) 2018-2021. AMISOM and the Somali Security Forces readjust and reorganize troop deployments to revitalize strategies that have enabled the recovery, consolidation, expansion and control of areas of South-central Somalia by the Federal Government of Somalia. Distributed by APO Group on behalf of African Union Mission in Somalia. SOURCE African Union Mission in Somalia Qaran News
  18. Dal Ciidankiisa Militariga Raashin & Saanad Ciidan looga yaboohayo caalamka Askariga aan darajo lahayn ee milatariga Lubnaan ayaa mushaarkiisa waxaa lagu qiyaasay 1.2m oo giniga lubnaan ah bilwalba taas oo u dhiganta $800 (£574) Milatariga Lubnaan ayaa kaalmo weeydistay quwadaha adduunka si looga caawiyo inay ka badbaadaan burburka dhaqaale ee dalkaasi, oo ciidamada baday gaajo iyo silic. Lacagta giniga Lubnaan ayaa boqolkiiba 90% hoos u dhacay sanadkii 2019kii arrintaas oo horseedday in mushaharaadka iyo dhaqaalaha ku baxaya milatariga ay meesha ka baxaan. Shir deeq-bixiyeyaasha isugu imanayaan oo uu martigelisnayo Faransiiska ayaan lagu codsan doonin dhaqaale balse waxaa la doonaya in laga codsado dalalka deeqda bixiya inay milatariga siiyan cuno, shidaal, daawo iyo agabyada lagu dayactiro hubka iyo gaadiidka. Ciidanku waa mid ka mid ah hay’adaha dalkaasi ee fara ku tiriska ah ee loo arko inuu yahay astaan Lubnaan mideysa islamarkaasina oo xasiliya dal dadkiisu ay aad u kala qaybsanyihiin. Waxaa uu caan ku yahay dhex-dhexaadnimadiisa waxaa uuna taageero ballaadhan ka haysta dhammaan 18-ka urur diimeed ee dalkaasi la aqoonsan yahay, iyo sidoo kale kooxaha siyaasadeed. Quwadaha reer galbeedka ayaa sidoo kale u arka ciidanka inuu yahay awoodda keli ee celinaysa dhaqdhaqaaqa Shiicada Islaamiyiinta xagjirka ah ee ay taageerto Iran, ee Xisbullah, kuwaas oo diiddan in hubka ay dhigaan. “Milatariga Lubnaan waa tiirka keli ee sugayo amniga sidoo kalena illaalinaya in amniga dalka , marka waa in si degdeg ah loo taagero si ay howlgaladooda ay u fuliyan,” waxaa sidaasi wariyasha u sheegay sarkal ka tirsan wasaarada gaashandhigga ee farasiika Faransiiska ayaa abaabulay shirkii deeq-bixiyeyaasha ee khamiistii ka dib markii taliyaha ciidamada Lubnaan Jeneraal Joseph Cawn uu bishii maarso shaaca ka qaaday “inay askartiisa silicsanyihiin oo ay u gaajaysan yihiin sida dadka kale”. Waxaa uu si cad u dhaleceyay hoggaamiyaasha siyaasadda Lubnaan kuwaas oo ku guuldareystay inay dowlad wadaag soo dhisan kadib markii Ra’isal wasaarihii ku meel gaarka ahaa Xasan Dhiyaab uu iscasilay, taas oo ka dambeeysay markii qaraxii dekkeda Beirut uu dhacay bishii Agoosto ee sanadki hore. ”halkeen u socona? Maxaad damacsantihin inaad sameysan?” ayuu isa su’aalay taliyaha. Khudbad uu talaadadi jeediyay ayaa Jeneraal Cawn uu ku yiri ” waxay danta nagu qasabtay inaan kaalmo weydiisano dalalka aan iskaashiga nahay , waxaana diyar u ahay in aan booqdo mesha dunida ugu dambeyso si milatariga uu cagahiisa ugu istaago.” Wakaalada wararka ee AFP ayaa soo xigatay ilo wareedyo ka ag dhaw wasiirka difaaca ee Faransiiska kaas oo sheegay in Milatariga Lubnaan ay waxyaabo waxyaabaha daruuriga ah, sida caanaha, burka, daawoyinka , shidaal iyo adeegyada qalabka ee saanad milatari. Dowladda Maraykanka ayaa bishii aynu soo dhaafnay waxay sheegtay inay kordhin doonto dhaqaalaha taakulaynta Milatariga Lubnaan oo ay gaarsin doonto $120m. Bangiga Adduunka ayaa ka digay in Lubnaan ay wajahayso xaalad dhaqaale tii ugu xumeyd tan iyo qarnigii 19aad. In kabadan kala bar bulshada dalkaasi Lubnaan ayaa la rumeysanayahy inay ku nool yihiin wax ka hooseeya heerka saboolnimada ee waddankaas, arrintaas oo saameyn ku yeelatay noolasha shacabka iyo adeegyada aas’aasiga ah. Askariga aan darajo lahayn ee milatariga Lubnaan ayaa mushaarkiisa waxaa lagu qiyaasay 1.2m oo giniga Lubnaan ah bil walba taas oo u dhiganta $800 (£574) ee sarifka rasmiga ah ee caalamka balse suuqa madow ee dalkaasi ayaa markii lacagtaasi la fiiriyo waxay noqonaysa $80 doolar. Arrintan ayaa niyad jebisay askarta waxayna sababtay in tirada ciidanka ay hoos uga dhacdo wax ka badan 3000 kun iyadoo haatan tirada guud ay haatan tahay 80,874 oo askari. Qaran News
  19. Xisbiyada mucaaradka Itoobiya oo sheegay iney jiraan wax isdaba marin Guddiga doorashada ee Itoobiya, ayaa muujiyey walaaca ay ka qabaan cabashooyinka la xiriira in wax is daba marin ay ka dhaceen goobihii codka laga dhiibanayey, sida ay soo gudbiyeen xisbiyada mucaaradka. Wakiilo ka socda xisbiyada mucaaradka, ayaa soo tabiyey in laga hor istaagey indha indheynta goobihii codka laga ridayey ee gobolka Amxaarada, iyo kuwa kale ee gobolada koonfurta. Dr Desalegn Chane, oo ah murashax ka socda xisbiga qaranka ee Amxaarada, ayaa ku sifeeyey xaaladda goobihii codka laga dhiibanayey iney ahaayeen kuwo adag, isagoo intaa ku darey iney jiraan mararka qaarkood waxyaabo sharciga lid ku ah. Berhanu Nega, oo kamid ah hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka, ayaa sheegay iney jiraan wax is daba marin, iyadoo dhacdooyin kaasi aanan lagu qiimeyn Karin kuwo waa weyn. Berhanu wuxuu intaa raaciyey in dhacdooyinka ka dhex dhacey doorashada inaaney saameyneyn natiijada doorashada. Xisbiyada mucaaradka qaarkood, ayaa qaadacey doorashadan, iyagoo sheegay in la xir xirey madaxdooda, dhibaatooyin kalana loo geystay. Qaran News
  20. Three police officers were on Tuesday morning injured when al Shabaab gunmen attacked their vehicle in Bambahowla area, Mandera County. Source: Hiiraan Online