-
Content Count
211,194 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
OVERVIEW. New immature swarms are forming from hopper band infestations in northwest Somalia; however, the number and sizes of the swarms remain low so far. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkey ayaa wada-hadallo kula jirta saddex dal, ayada oo raadineysa in laga caawiyo qorshe ay Soomaaliya uga dhiseyo xarun laga diro dayax-gacmeedyada, sida uu sheegay madaxa hay’adda Serdar Huseyin Yildirim, oo ah madaxa hay’adda hawada sare u qaabilsan Turkey ayaa hadalkan u sheegay wakaaladda wararka Ruushka ee Sputnik isaga oo ku sugan magaalada Saint Petersburg oo 14-kii illaa 18-kii June lagu qabtay shirka caalamiga ah ee sahminta hawada sare Inkasta oo uusan sheegin saddex dal ee ay Turkey la hadleyso, haddana hadalladiisa ayaa waxaa laga fahmay in Russia ay tahay mid ka mid ah. “Waxaan Ruushka kala shaqeyn karnaa dhinacyo badan, mid ka mid ah waa xarun laga diro dayax-gacmeedyada. Waxaan kala xaajoonay suurta-galnimada ah in Ruuska ay gacan ka gaystaan dhismaha xaruntan. Khibrad weyn ayey u leeyihiin dhinacan,” ayuu yiri Yildirim. Bishii Febraayo ayaa waxaa lagu warramay in Ankara ay ka fakareyso inay Soomaaliya ka dhisto saldhig laga diro dayax-gacmeedyada oo ku kacaya hal bilyan oo dollar, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka sahminta hawada sare. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay qorsheyneyso inay dayaxa sare tagto 2023, markaasi oo ku beegan 100 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska Jamhuuriyadda. Turkey ayaa dhistay hay’ad qaabilsan hawada sare bishii December 2018. 2020-kii waxay ku dhowaaqday inay horumarisay gantaal hawada sare loo diri karo, kaasi oo ay sameysay shirkad qandaraasle ah oo lagu magacaabo Roketsan. Waxay sidoo kale qorsheyneysaa inay cir bixiyeeno u dirtay saldhigga hawada sare, ayna dirto satellite u gaar ah, si ay u aas-aasto nidaamka meeleynta caalamiga ah ama la yiraahdo GPS (Global Positioning System). The post Turkey oo war cusub kasoo saartay xarunta ay Soamaaliya ka sameyneyso ee laga diri doono dayax-gacmeedyada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda diyaar garowga maalmaha xorriyada ee ku asteysan xuska sanad guurada 61-aad ee markii laga xoroobay gumeystihii Ingriiska iyo Talyaaniga 1960-kii. Magaalada Muqdisho oo si weyn looga dareemayo diyaar garowga maalmaha xorriyada ee 26-June iyo 1-da Luulyo ayaa waxaa wadooyinka Muqdisho la suray tabeelooyin lagu muujinaayo qiimaha maalmaha xorriyada. Hase ahaatee waxaa tabeelooyinka la suray ka mid ah mid uu sawiran yahay madaxweynaha xilkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu hoos qoray “Lixdan iyo kow guurada Xorriyada iyo Midnimada 1960-2021”. Sawirkaan oo baraha bulshada si weyn looga faafiyay ayaa dhaliyey su’aalo xoogan oo ku saabsan danta laga leeyahay, wuxuuna muujiyey marin habaabin jiilka danbe lagu sameynaayo iyo gudbinta in Farmaajo lala meel dhigay halgamayaashii xorriyada usoo halgamay ee dhiigooda iyo dhiicaankooda ku baxay, inkasta oo uusanba dunida joogin maalinkii la qaatay xoriyadda. Qoraalada barraha bulshada la isla wadaagay ayaa dhamaantood muujiyay in ay gef iyo aqoondari inay tahay in sawir lagu muujinaayo maalmaha xorriyada in lagu soo gudbiyo madaxweyne mudo xileedkiisa dhamaaday, taasoo dhaawacaysa dowladnimada iyo xuska loo sameynaayo maalmaha xorriyada. In boorarka lagu xusaayo halgamayaashii xorriyada usoo dagaalamay in lagu xardo sawirka madaxweynaha waxay muujineysaa ama gudbineysaa in shaqsiga lagu sawiray lala meel dhigo halgamaayaashii xorriyada soo gaarsiiyay dalka, taasina waa qeyb ka mid ah marin habaabinta iyo xukun jaceylka ku dhisan diktatooriyada. Tan iyo burburkii dalka Somalia soo maray ee dowladdihii KMG iyo tii danbe ka gudubtay KMG marna ma dhicin in maalmaha xorriyada madaxweyne lagu xayeysiiyo, iyadoo guddiyadii abaabulka maalmahaasi ay si waafaqsan sharciga iyo muujinta dareenka jaceyl ee loo qabay halgamayaashii gumeysi la dirirka lagu muujin jiray boorarka loo diyaariyo maalmaha 26-ka June iyo 1-da Luulyo. Gobolada Waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa markii ugu horeysay gumeysitihii Ingriiska xornimada ka qaatay 26-kii June, halka gobolada Koonfureed ay ka xoreebeen gumeystihii Talyaaniga 1-dii Luulyo, halkaasina uu ka dhashay israacii gobolada Waqooyi iyo Koonfur. The post Su’aalo ka dhashay sawir Farmaajo ah oo lagu daray boorarka maalmaha xorriyada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog muujineysa in inta badan shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir aysan qaadan mushaarkii bishii hore ee May, xili ay dhammaad joogto bisha June. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa 15-kii bishan billaabay bixinta mushaaraadka, waxaana la siiyay qeybta arrimaha Bulshada iyo guddoomiyaasha degmooyinka, hase yeeshee waxaa dhiman in ka badan 3 meelood shaqaalaha gobolka, oo weli sugaya mushaarkooda. Qeybaha dhiman ayaa kala qeybta amniga iyo siyaasadda, qeybta Howlaha Guud, qeybta maaliyadda iyo qeyb kale oo hoos tagta xafiiska guddoomiyaha Gobalka Banaadir. Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in markii la billaabay mushaar bixinta la joojiyay maalin kadib markii la waayay lacag shaqaalaha la siiyo. Caasimada Online ayaa todobaadyo ka hor xog ay heshay waxay ku sheegtay in gobolka Banaadir uu wajahayo dhaqaale la’aan xoog leh waxaana muuqata in hadda ay dibadda usoo baxday xogtii aan baahinay maalintaas. Waxaa isa soo taraya qeyla dhaanta ka soo baxeysa shaqaalaha gobolka oo intooda badan sheegay in ay halis ugu jiraan in laga saaro guryaha ay dagan yihiin oo kiro ah, halka qaarkoodna ay wajahayaan daruufo kale. Xariiro aan la sameynay mas’uuliyiinta gobolka kama aysan jawaabin wicitaankeenna, si aan wax uga weydiino cabashada shaqaalaha oo wajahaya daruufo badan. The post Xog: Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir oo loo la’yahah mushaaraadkii appeared first on Caasimada Online.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Booliska Sacuudiga ayaa waday 10-kii cisho ee u dambeeyay qab-qabashada muwaadiniinta Ethiopian-ka ah ee ku sugan dalkiisa, kuwaasi oo si kala sooc laheyn loogu guray xabsiyada, sida uu baahiyey wargeyska Middle East Eye. Howl-gal ay sameeyeen booliska Sacuudiga oo lagu bartilmaameedsanayay xaafadaha ay ku badan yihiin dadka muhaajiriinta ah ayaa waxaa lagu xiray kumanaan Ethiopian ah oo ku baahsan boqortooyada. Waxaa howl-galka si isku mid ah loogu soo qabtay Ethiopian-ka aan sharciga haysan iyo kuwa dukumtiyada leh, midaasi oo mowjada xariga ka dhigtay mid bartilmaameed gaar ah, taasi oo bilaabatay saqdii dhexe ee habeenimadii 11-kii June. Ethiopian-ka ku sugan Sacuudi Carabiya oo la hadlay wargeyska ayaa ku sifeeyay howl-galka booliska “qab-qabasho aan kala sooc lahayn”, waxayna sheegen in qaarkood ay booliska xoog ku galeen guryahooda. “Booliska waxay dhaheen ‘waxaan haynaa amarro aan ku qaadano wixii Xabashi ah’. Xataa sababaan ku qanacno nama siiyaan. Waxay joojinayaan qof kasta oo u muuqda inuu Ethiopian yahay,” ayuu yiri mid kamid ah dadka degan Jeddah. Hawl-gallada booliska ee muhaajiriinta ku sugan Sacuudi Carabiya ayaa aheyn mid ku cusub dalkaas, balse midkaan ayaa waxa uu kaga gedisan yahay in booliska uu ku darayo dadka uu aruurinaya xataa kuwa haysta degenaanshaha sharciga ah, midaasi oo si rasmi ah loo ogeyn ujeedka ka dambeeya. Sacuudiga ayaa tallaabada masaafurinta inta badan uga dan leh yareynta dadka tirada badan ee waddanka ku nool ee aan haysan dukumiintiyada, kuwaasi oo badankoodna ay yihiin Ethiopian. Waxaa xusid mudan in howl-gal kan lamid ah oo dhacay sanadkii 2013-kii ay dowladda xirtay oo ay masaafurisay ilaa 100,000 oo Ethiopian ah. Si kastaba, 10-kii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxay booliska soo qabteen tiro aad u badan oo Ethiopian ah oo wata waraaqaha degenaanshaha sharciga, kuwaasi oo qeyb ka ah dadka ay soo aruuriyeen, waxaana socda dadaalo ku aadan furdaaminta dadkaas oo ay ku howlan tahay qunsuliyada Ethiopia ee Jeddah. The post Sacuudiga oo billaabay olole ka dhan ah Itoobiyaanka appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal u dhexeeyay Booliiska Haramcad ee dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, ayaa xalay ka dhacay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho. Dagaalkaan ayaa waxaa uu bilowday, kadib markii xubno ka mid ah Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Bar koontarool oo Ciidanka Haramcad ay ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi, gaar ahaan halka laga ilaaliyo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Saraakiil ka tirsan Haramcad ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Shabaabka, isla markaana uu dhacay dagaal kooban oo dhexmaray dhinacyada. Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay inay gacanta ku dhigeen saddex kamid ah xubnihii weerarka ku qaaday Ciidanka Booliska ee ku sugnaa Barta koontarool ee ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi. PUNTLAND POST The post Dagaal dhexmaray Booliiska Haramcad iyo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Sheekh Caan ka ah Dhulalka Somalidu degto oo ka hadlay sida looga hortagi karo afduubka Haweenka Sheekh Maxamed Cabdi Umal Weli waxaa socoto raadinta laba gabdhood oo kale oo la la’yahay. Mid ka mid ah gabdhahaas weli la la’yahay oo lagu magacaabo Xafsa Cabdi, waxay la socotay Xafsa Luqmaan oo Axaddii la soo badbaadiyay. Xafsa Cabdi Axmed, waxay ahayd gabadh ka ganacsata qudaarta ka soo go’da beer ay iyada leedahay oo ku taalla deegaanka Bura oo ka tirsan Tana River, Gobolka Xeebta ee Kenya. Sida guud, xaafadda Islii waxaa laga hadal hayaa afduubkaas gabdhaha, tas oo walwal ku abuurtay dad badan. Siyaasiyiinta iyo culimada waxay shacabka u sheegayaan in ay feejignaadaan, iyagoo ka wacyigelinaya dhibaatada afduubka. Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida ayaa si weyn uga hadlay falalkii afduubka ahaa ee dhawaan ka dhacay Nairobi iyo Mombasa, wuxuu shacabka u soo jeediyay talooyin ku aadan sidii ay iskaga dhowri lahaayeen afduubka. Sheekha wuxuu Soomaalida uga digay bunbuuninta ku aadan dhacdooyinka la xiriira afduubka, oo ah arrin dhallin karta cabsi iyo welwel, sidaas darteed in shacabka ay iska ilaalaan faafinta wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan arrintani. Sheekh ayaa ka hadlay waxyaabaha la is dhihi karo wey ka dambeeyaan afduubka: Waxyaabaha horseeda afduubka Amniga – Wuxuu sheegay in falalka afduubka ah ay ka dhashaan amni darro. Tusaale ahaan wuxuu soo hadal qaaday dad la waayay halkii jaan iyo cirib ay dhigeen oo markii dambe meydkooda la helay, welina aan wax wayn laga qabanin wixii ku dhacay. Arrin dhaqaale – Sheekha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in mararka qaar afduubka uu ka dhasho xifaaltan iyo loolan dhanka ganacsiga iyo dano dhaqaale lagu raadiyo. Wuxuu soo hadal qaaday in arrintan ay soo ifbixi karto marka gaajada iyo baahida ay korodho. Madaxfurasho – Wuxuu shacabka uga digay in ay bixiyaan wax madaxfurasho ah maadama ay arrintaas horseedi karto in ay sii bataan falalka afduubka oo lacag madaxfurasho ah laga dalbado qoyasaska ay dadka ka maqan yihiin. Xifaatal dhanka siyaasadda ah – dadka uu tartanka siyaasadda ah ka dhexeeyo waxay isku adeegsan karaan arrintani. Kufsiga – Sheekh Maxamed Cabdi Umal wuxuu sheegay in tacadiyadda dhanka jinsiga iyo kufsiga haweenka iyo in gabdhaha loo afduubto in shahwada laga guto ay keeni karaa afduubka. Sidee looga hortaggi karaa afduubka gabdhaha? Sheekh Maxamed Umal, oo ka mid ah culimada Soomalida ee Kenya, wuxuu shacabka kula taliyay in ay raacaan talooyinka soo socda si looga hortaggo afduubka. In qofka uusan afka ka bixin xuska Alle iyo ducada oo aanan xirsi-xirka laga tegin. Wuxuu ku baaqay in carruurta iyo dumarka la baro ducooyinka iyo adkaarta. In qofka uu feejignaado oo uu iska ilaaliyo goobaha halista ah iyo in qofka uusan soconin xilliyada qaar. In lala dagaallamo shabakadaha afduubka geysta iyo in dadweynaha laga wacyigeliyo dhibaatadiisa. In aanan la bixinin madaxfurasho. Wuxuu Sheekha ka digay in haddii ay arrintaas dhacdo ay horseedeyso in ay kordhaan falal afduubka ah. In aanan gabaad la siinin dadka afduubka geysta. Soo furashadii Xafsa Luqmaan Axaddii booliska Kenya waxay sheegeen in ay ku guuleysteen soo badbaadinta Xafso Maxamed Luqmaan. Waxaa lagu hayay guri cidla oo mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi. Qoraal ay laanta dambi baarista Kenya soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in nabarro dhanka wajiga iyo gacmaha uu ka muuqdo sidaas darteedna la geeyay isbitaal si xaaladdeeda loo daryeelo. “Haweeneyda waxaa wajigeeda iyo gacmaheeda ka muuqday nabarro, durbadiiba waxaa loola cararay cisbitaalka si loo daweeyo”, ayaa lagu yiri qoraalka booliska Kenya. Xafso Maxamed Luqmaan Waxay booliska qabteen nin 24 sano jir ah oo la sheegay in uu qeyb ka ahaa dadkii afduubay Xafso Maxamed Luqmaan. “Nin 24 sano jir ah oo ka qeyb ahaa dadkii afduubtay Xafsa ayaa la xiray. Waxaa su’aalo weydinayaa baarayaasha si uu sharraxaad oga bixiyo falalka afduubka ah, si uu uga caawiyo in la soo qabto dambiilayaasha kale,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay booliska. Booliska waxay digniin u direen qof kasta oo damacsan in uu ku kaco falal la mid ah dambigan, isla markaana ay dadaal kasta ku bixinayaan sidii loo soo qaban lahaa dadka arrin noocaas ah ku lug leh. ‘Salaad ayay ku jirtay markii la afduubanayay’ Xafsa Luqmaan Sakariye Maxamed Luqmaan oo la dhashay Xafso ayaa BBC-da u sheegay in walaashii markii la afduubayay ay salaad ku jirtay. “Saaxiibteed ayaa u waday mel la yiraahdo Kayole. Salaaddii Maqribka ayaa la gaaray. Iyadoo sujuud ku guda jirta ayay laba nin soo galeen oo ay xoog ku wateen oo qashin ayay afka uga gureen si aysan u qeylinin, wayna ceejiyeen. Dhaawaca ay qabta, markii la afduubayay ayuu soo gaaray,” ayuu yiri Sakariye. Xildhibaanka deegaanka Kamakunji ee magaalada Nairobi, Yusuf Xasan, ayaa maanta ku booqday isibitaalka ay ku jirto Hafsa Maxamed Luqman. Yusuf Xasan, isbitaalka wuxuu kula kulmey qoyska Hafsa, oo uu kamid yahay aabaheed iyo walaalahee Qaran News
-
Istanbul (Caasimada Online) – Muwaadin u dhashay dalka Japan ayaa lagu wadaa in dowladda Turkiga ay masaafuriso kadib markii ay booliska magaalada Istanbul ku ganaaxeen dilka iyo cunista Biyadaha, sida uu baahiyey wargeyska Daily Sabah. Wargeyska ayaa sheegay in Ninka Japanese-ka uu ku dhawaad saddex sanno deganaa degmada Kucukcekmece ee magaalada Istanbul, isaga oo dhowr jeerna la arkayey isaga oo baaldi ku sita bisado dhowr ah. Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa wargeyska u sheegay inuu arkay Ninkaas oo sita Shan bisado ah, kaasi oo ugu dambeyntii ku wargeliyay booliska toddobaadkii lasoo dhaafay. Booliska ayaa xiray Ninkaan, wuxuuna qirtay inta ay wareysiga ka qaadayeen inuu ceeji ku dilo oo uu cuno bisadaha. Waxaana lagu riday ganaax lacageed oo dhan 10,375 Lira oo u dhiganta 1,212 doollarka Mareykanka ah. “Waxaa loo wareejiyay Ninkaan Japanese-ka ah xarun u xilsaaran masaafurinta ajaanibta,” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska Daily Sabah. Si kastaba, Istanbul ayaa waxay caan ku tahay bisado badan oo aan deegaan laheyn, waxayn kamid tahay magaalooyinka Turkiga ee ay bisado kor u dhaafaya 125-kun ay daryeel u fidiyaan mas’uuliyiinta iyo bulshadu. The post Turkey oo masaafurinaya nin Japanese ah oo arrin yaab leh dalkaas ka sameeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Muddo 20 sanadood ka badan CabdiNasir oo xildhibaanada UCID ee Gobolka Maroodijeex ka mid ahi wuxu ahaan jiray gacanta midig ee Gudoomiye Faysal. Sadex goor oo Faysal uu u tartamay Madaxwayne oo sadexdaba uu dhacay CabdiNasir marna kamuu baydh Faysal. Xildhibaan CabdiNasir oo hankiisu yahay in uu u ordo Gudoomiye xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada qof ahaan iyo aqoon ahaanna u bisil una qalma jagadaasi waxa laga yaabaa in caqabad ugu wayn uu ku noqdo heshiiska labada xisbi ee mucaaridku. Shirgudoonka codka lagu dooranayaa maaha sidii Dawladaha Hoose cod haldheeri ah ee wuxu noqonayaa cod badnaanshe-buuxa ah(absolute majority) oo ah kala badh tirada guud ee xildhibaanada Golaha iyo hal cod oo noqonaya (42cod). Xogo u dhuundaloola isbahaysiga mucaaridka ayaa tibaaxaya in Gudoomiyaha loo wado Xildhibaan Cabdirazaaq Khaliif oo WADDANI halka labada ku xigeenna la siinayo UCID balse heshiiska labada xisbi yahay in ay kala noqdaan Xildhibaan Cumar Jaamac iyo Xildhibaan Cali Xaamud oo ka soo kala jeeda gobolada Sanaag iyo Awdal. Hadii ay sidaasi run tahay Xildhibaan CabdiNasir iyo Guddoomiyaha xisbigiisu waxa muuqata in aanay wada socon ee ay kala socdaan taas oo noqonaysa markii ugu horeysay ee ay labadoodu talo ku kala baydhaan. Si kastaba xaalku ha ahaado eh Xildhibaan CabdiNasir heshiiska labada xisbi kuma qasbi karo in uu ka hadho tartanka ee sharci ahaan isaga ayaa xaq u leh in uu tartamo iyo in uu tanaasulo labadaba. Qaran News
-
Turkey is in talks with three countries as it seeks help in developing a space port in Somalia and a rocket to carry out lunar landings, according to the head of its space agency. Serdar Huseyin Yildirim, head of the Turkish Space Agency, made his comments to the Sputnik news agency on the sidelines of the Global Space Exploration Conference, held in St Petersburg between the 14 and 18 of June. Although he did not say which countries were involved, his remarks suggested Russia was one of them. “We could work with Russia in many areas, on the spaceport, on rocket engines. We discussed the possibility of Russia providing assistance in the construction of our spaceport. They have a great deal of experience in this area, both in launch pads and spaceports themselves,” Yildirim commented. It was reported in February that Ankara was considering the construction of a spaceport in Somalia as part of a $1bn plan to develop a space exploration programme. According to Recep Tayyip Erdogan, the president of Turkey, this is aimed at carrying out a “hard” landing on the Moon in 2023, the centenary of the founding of modern Turkey. This mission would allow Turkish scientists to gain experience for a soft landing in 2028 followed by the carrying out of scientific experiments and the deployment of an exploration vehicle. Yildirim added that Turkey had held talks with the Centre for Operation of Space Ground-Based Infrastructure, a subsidiary of Russian space agency Roscosmos, and more detailed planning may begin in the next year, once the location of the spaceport is finalised. Turkey launched its space agency in December 2018. In 2020, it announced the testing of a rocket developed by defence contractor Roketsan. It is also planning to send a Turkish astronaut to the International Space Station, and launch satellites to set up its own global positioning system. In an interview with Sputnik last year, Yildirim indicated that the country’s space agency was working on nearly 30 separate projects, and that it has held talks with about 20 countries on space cooperation, including Ukraine, Kazakhstan, Russia, Japan, China, Pakistan, India and Azerbaijan. The post Turkey in talks over Somalia space station and missions to the Moon appeared first on Caasimada Online.
-
Xoogaga Fallaagada Tigray ee (TDF) ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen tiro magaalo ah halkaas oo dad sheegeen inay arken dagalyahanada oo rondo sameynayo. Milatariga itoobiya ayaa sheegashoyiinkaas meesha ka saaray waxayna ku tilmaamen warar been abuur ah. Dagaalkan ayaa ah kii ugu cuslaa tan iyo bishii Nofeembar, markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday inay ku guuleysatay dagaalkii hore dalkas ugu dhacay. Dalkaas ayaa hada waxaa ka socda doorashooyin ay muran badan ka keeneen xisbiyada siyaasadeed ee dalkaas kuwaas oo sheegay in doorashada ay ka dhacday wax isdaba marin. Sidoo kale waxa ay sheegeen in qaar kamid ah madaxda xisbiyada mucaaradka ah loo diiday iney tagaan goobaha ay ka dhaceysay doorashada kadib markii ay is dhaheen kormeer ku taga balse loo diiday. PUNTLAND POST The post Xooggaga Tigray oo gacanta ku dhigay qayba kamid ah Waqooyiga Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Filipino Rodrigo Duterte, ayaa ku hanjabay inuu xiri doono dadka diidan inay qaataan talaalka ka hortaga Corona Virus. “Dadka diiday in aay qataan Cirbada ka hortaga Corona waxay kala dooran doonaan qaadashada tallaalka ama xabsi ” ayuu Duterte ku yiri khudbad telefishanka Filipino laga sii daayay fiidnimadii Xalay, ka dib markii inta badan Shacabka ku nool caasimadda dalkaasi Manila ay diideen in ay qataan Tallaalka ka hortaga Covid 19. Dalka Filibiin ayaa hadda si adag ula dagaallamaya xanuunka Corona Virus, iyadoo wadarta dadka xanuunkan laga helay ay gaarayaan 1.3 milyan oo qof, halka dad gaaraya 23,000 ay u dhinteen xanuunkan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Filipino oo hanjabaad u diray dadka diidan talaalka COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Heavy fighting has broken out in several areas in Ethiopia's northern region of Tigray between rebels and federal troops, reports say. The rebel Tigray Defence Force (TDF) said it had seized several towns, ... Source: Hiiraan Online
-
Riyadh (Caasimada Online) – Golaha Shuurada Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa qorsheynaya cod u qaadista ka noqoshada go’aanka ah in la xiro meelaha ganacsiga ah inta lagu jiri xilliyada salaadaha sida lagu daabacay wargeysyada kasoo baxo dalkaas. Wargayska Okaz oo soo xiganaya ilo aan la magacaabin ayaa sheegay in talo bixinta ah inaan goobaha ganacsiga la xirin waqtiyada salaad ay soo gudbiyeen wakiilada kala ah Atta Al-Subaiti, Faysal Al-Fadil iyo Latifa Abdul Karim. Talo soo jeedintaan ayaa waxaa wasaaradda wasaaradda Arrimaha Diinta ee Dowladda Sacuudiga looga codsaday inaysan ku qasbin goobaha ganacsiga, xurumaha Shidaalka iyo farmashiyaasha in la xiro xilliyada saalada, maalin kasta marka laga reebo Saalada Jimcaha. Dadka talo soo jeedintaan soo gudbiyey ayaa cuksaday dhowr sababood oo ay kamid tahay in xiridda xarumaha ganacsiga xilliyada salaadda ay tahay nidaam cusub oo u gaar ah boqortooyada, taasoo aysan la wadaagin dhammaan wadamada carabta iyo kuwa Islaamka intaba. Talada ayaa lagu sheegay in go’aanka ay Boqortooyada hirgelineysay muddo tobanaan sano ah, uu ku saleysnaa sharciga mid ka mid ah hay’adaha dowladda, iyadoo talada lagu xusay in aysan jirin Aayad qur’aan ah ama Xadiith waajib ka dhigayo arrintaan. Sidoo kale talo soo jeedintaas ayaa lagu sheegay in go’aanka ah in la xiro dukaamada inta lagu jiro waqtiga salaadda uu dhaawacayo danaha dadka, taasoo ay ku sheegeyn inay ka soo horjeeddo nuxurka diinta. Talooyinkaasi waxay ku yimaadeen macnaha guud ee geeddi-socodka “dib-u-habeynta” ee uu bilaabay Amiir Maxamed bin Salmaan, waxaana isbadal lagu sameeyey dhowr waxyaabood tan iyo markii uu Maxamed Bin Salman qabtay xilka loo magacaabay ee Dhaxalsugaha Boqortooyada sanadkii 2017. Dib u habeynta uu Maxamed Bin Salman ku sameeyey Sacuudiga ayaa waxaa kamid ah in la yareeyey awooddii Hey’adda Faridda wanaagga oo aheyd hey’ad awood buuxda ku leh fulinta waxyaabaha la xiriira dhanka Diinta, waxaana laga takhalusay waxyaabo badan oo u gaar ahaa boqortooyada oo ay ugu horeyso xagga xorriyadda Haweenka. Wax ka yar bil ka hor, Dowladda Sacuudiga ayaa soo saartay go’aan lagu xaddidayo adeegsiga sameecadaha Masaajidda, taasoo khilaaf weyn ka dhex dhalisay Sacuudiga, laakiin dowladda ayaa ku doodday in dheereynta sameecadaha Masaajidda aysan ahayn waajib, laakiin ay tahay dadaal. The post Sacuudiga oo qorsheynaya isbeddel lama filaan ah oo la xiriira xeerka xilliyada salaadda appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa foolxumo wayn ah in nin aan u dhalan magaalo madaxda Hirshabeele Jowhar, ammaano kana sheekeeyo quruxdi ay lahayd berri-samaadki iyo dhibaatada iyo burburka maanta ka muuqda, iyadoo madaxdii iyo masuuliyiinta u dhashay deegaanka ay iska daawanayaan kana damqanayn dhibaatada haysata dadkooda iyo deegaankooda. Mr. Dubbe, Xil-gaarsiyaha Wasaaradda Warfaafinta ee booqday magaalada Jowhar, waxna ka qoray afkana ku adkayey in Jowhar ahayd magaalo loo soo dalxiis tago, kana mid ahayd magaalooying ugu quruxda badan Soomaaliya. Sow ayaan daro ma ah Wasiiradi, Xildhibaanadii iyo Mas’uuliyiintii heer federal iyo maamul goboleed oo leh muxaafid iyo mucaaridba ee matalayey dadka iyo deegaanka Hirshabeele ay iska fadhiya Xamar ayagoo wax dareen iyo damqasho ah ka muuqan. Marka hadiiba nin ka soo jeeda degaan aad uga fog magaalada Jowhar iyo guud ahaan Hirshabeele sidaas uga damqaday dhibaatada haysata dadka reer Jowhar, kuwii deegaanka u dhashana ee sheeganaya in ay matalaan deegaanka ay hoteelada Xamar soo dhaafi la’yihiin, aniga iima muuqato sabab aan ku eedeeyo Dowladda Federalka. Waxa keliy oo ii muqda Jowhar iyo guud ahaan dadka Hirshabeele ay arrintooda tahay “Cidna uma maqna, ceelna uma qodna”. Arrinkaan wuxuu I soo xasuusiyey sheeko uu ii sheegay oday ka soo jeeda Hirshabeele, gaar ahaa Shabeelada Dhexe. Odaygaas oo ka mid ahaa oday dhaqameeyadi waqtigii xukunka militariga. Wuxuu ii sheegay in ay u tageen Gen. Mohamed Siyaad Barre ayagoo ergo odoyaal ah codsanayana in xariga laga soo daayo Xildhibaan Cabdullaahi Warsame Nuur. Xildhibaanka ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu khudbad ka jeediyey kal-fadhi Golaha Shacabka kuna muujiyey dareenkiisi ku saabsan dhibaato loo geeystay degaano ka tirsan Gobolka Mudug. Odaygi wuxuu ii sheegay in Gen. Mohamed Siyaad Barre uu su’aal na waydiiyey: “Imisa Xildhibaan oo ka soo jeeda Mudug ayaa Golaha Shacabka fadhiyey marka uu Cabdullaahi Warsame ka hadlaayey wixii ka dhacay Mudug?”. Jawaabta waxay noqotay xildhibaano tiro badan ayaa Mudug ka soo jeeda. Siyaad Barre su’aal kale ayuu daba dhigay: “Cabdullaahi Warsame muxuu uga hadli waayey baahida Gobolka Shabeelada dhexe u qabo jidad, ceelal iyo horumarinta deegaankiina?”. Odaygii wuxuu yiri anagoo ku qanacsan hadalkii Gen. Mohamed Siyaad Barre ayaan albaabkiisa ka soo baxnay. Marka haddii dadki matalayey degaanka Jowhar aysan wax danqasho aysan lahayn, wax keliya aan leenahay Allaha U Naxariisto dadka ka soo jeeda Jowhar. Madaxda deegaanka, kuwa federaalka, dhamaan mas’uuliyiinta muxaafid iyo mucaarid waa danaystayaal fiirsada danoohooda gaarka ah. Alloow Sahal Umuuraha. Wabilaahi Toowfiiq. Qore: Abdirashid Ali ab_ali14@hotmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Madax isku-sheeg aan damiir iyo danqasho lahayn (Faallo) appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaa muranka iyo khilaafka ka dhaliyay in gudniinka gabdhaha la joojiyo? Maxaase gudaha gabdhaha loogu mashquulsanyahay? Waxaa degaannada Puntland maalmahan ka socda khilaaf iyo colaad hawada la isku marinayo oo ka dhashay go’aan ay dawladda Punland dhawaan ka soo saartay gudniinka gabdhaha. Khilaafkan oo ay horboodayaan rag ka tirsan culumada iyo odey dhaqameedyada degaanka qaar ka mid ah. Marka u horreysa bal aynnu is-weydiiyo: arrintani yay khusaysaa? Cidda la gudo oo dhibaatada gudniinku ku dhacaysaa waa gabdhaha yaryar. Go’aanka gabdhaha lagu gudo wuxuu ka yimaaddaa hooyooyinka dhalay oo iyagaaba horay loo soo guday. Cidda gabdhaha guddana waa dumar. Haddaba, xaggee raggu arrintan ka soo galaa? Su’aasha kale waxaa weeye: Yaa ragga u xilsaaray inay gudaha gabdhaha booliis ka noqdaan? Ujeeddada qoraalkaygu ma aha inaan halkan si ballaaran uga hadlo taariikhda gudniinka, diintu waxay ka qabto, waxyeellada iyo saameynta uu dumarka iyo gabdhaha yaryar ku leeyahay. Waxaan filyaa inay jiraan daraas cilmiyeed iyo baaritaanno badan oo arrintan la xiriira. Waxaa kale oo jira ururo caalami iyo maxalliba ah iyo dad u ololeeya sidii arrintan looga wacyi-gelin lahaa bulshooyinka ku dhaqma, lana wajaho waxna laga qabto si dunida looga cirib-tiro. Haddaba, qoraalkaygu wuxuu gaar ahaan ku saabsanyahay muranka iyo khilaafaadka ka socda Puntland ka dib markii ay dawladdu dhawaan soo saartay xeer lagu joojinayo gudniinka gabdhaha iyo sida wax ku oolka ah ee ay aniga ila tahay in gudniinka lagu joojin karo. Go’aanka ay dawladda Puntland gaartay ma aha mid ku cusub degaannada Soomaalidu ku nooshahay. Dawladda Federaalka Soomaliya waxay gudniinka dumarka in la joojiyo ku dhawaaqday 2012 in kasta oo aysan weli sharci noqon. Sidoo kale, maamulka Somaliland ayaa horay u ballan qaaday inay joojinayaan gudniinka laakiin aan weli ku guuleysan inay sharci ka soo saaraan. Waxaan filayaa in degaannada Puntland arrintan horay dadweynaha loogu soo bandhigay lagana wada xaajooday iyada oo ururrada haweenka, odey dhaqameedyada, culumada, dhallinyarada iyo maamulkuba ay u dhanyihiin. Waxay iila muuqataa in dawladda Puntland ee hadda jirtaa ay ku dhiirratay inay arrintaas go’aan ka gaarto lana soo afjaro. Maxay diinta Islaamku ka qabtaa gudniinka gabdhaha? Aniga oo aan ku dheeraanayn, marka kowaad, waxaa dhammaan la isku raacsanyahay inaysan jirin aayad quraan oo arrintan gudniinka gabdhaha dadka faraysa ama ka reebaysa. Taas oo muujinaysa inay arrintani tahay wax kitaabka quraanka ka baxsan. Marka labaab, waxaa la soo wariyaa inay jiraan xaddiisyo gudniinka lagu xusay oo aan la isku waafaqsanayn. Waxaa kale oo la soo wariyaa inay jirto qisada haweenay Nabiga (CSW) ugu timid inay kala tashato gudniinka gabdhaha oo ay sameyn jirtay. Waxaa la warinayaa inuu Nabigu (CSW) kula taliyay haweenayda inay u khayr roontahay inay iska dayso oo aysan sameyn laakiin haddii aysan dayn karin ay sida ugu fudud oo aan waxyeello lahayn u samayso. Marka xaddiista laga hadlayo, muhiimaddoodu waxaa weeye in lagu daydo oo la raaco dhaqankii ama sidii habboonayd ee Nabiga (CSW), asxaabtiisii, xaasaskoodii iyo gabdhahoodii u dhaqmi jireen. Haddaba waxaa is-weydiin leh, weli ma la hayaa meel dumarkii Islaamka ee xilligaas, xaasaskii iyo gabdhihii Nabiga (CSW) iyo asxaabtii kale dhaleen mid la guday si loogu daydo? Caqligu wuxuu haddaba inoo sheegayaa inuusan gudniinka gabdhuhu ahayn wax diinta Islaamka iyo Nabigeennii suubanaa midkoodna inoo jiheeyeen ama ina fareen inaynnu sameyno. Xagga dhaqammada kala duwan marka la eego, waxaa hubaal ah in dhaqan kastaa oo dunida ka jira uu leeyahay qaybo aan loo baahnayn ama waxyeellooyin bulshada u geysta. Haddaba waxaa ummadda Soomaaliyeed la gudboon inay caaddooyinka soo-jireenka ah ee waxyeellooyinka leh garowsadaan, sida gudniinka gabdhaha lana joojiyo iyada oo aan laga eegayn faragelin shisheeye iyo diin la dirir toonna. Midda kale, iyada oo la tixgalinayo diimaha iyo dhaqammada kala duwan ayaa waxaa dunida laga middeysanyahay dhowrista xuquuqda qofka bani’aadamka ah ee ilaahay siiyay (lab iyo dheddig, yar iyo weyn, mid naafo ah iyo midkaan ahaynba) iyo inaan lagu tuban xuquuqda dadka bulshada ugu awoodda/tabarta yar oo carruurta, dumarka, gabdhaha iyo dadka naafada ahi ka mid yihiin. Nasiib-darro, dadka Soomaalida ah badankoodu weli uma bislaan inay xuquuqda dadkaas fahmaan ayna weli rabaan in loo noolaado hababkii xilligii jaahiliyada (the age of ignorance). Su’aasha kale waxaayee haddii gudniinku yahay wax diinta Islaamka iyo xaddiistu dadka farayaan, Maxay dalalka kale ee dunida Islaamku gabdhaha u gudi waayeen? Ma Soomaalida kaliya baa Muslin ah? Waxaa la rumeysanyahay in gudniinka dumarku ka soo jeedo Faraaciintii Masaarida. Dalka Masar ayaa dhammaan gudniinka noocyadiisa oo dhan laga mamnuucay oo uu sharci darro ka yahay ilaa iyo sanadkii 2007. Haddaba danta iyo horumarka bulshadu waxay ku jiraan inaan is-qab-qabsi siyaasadeed iyo iska hor-imaadyo arrintan laga abuurin balse waxa ay tahay loo arko. Waxa ay tahayna waxaa weeye tacaddiyo gabdhaha yaryar oo aan awoodda iyo codka toonna lahayn loo geysanayo. Waa lagama maarmaan in maamullada/dawladuhu sharciyo ka soo saaraan joojinta gudniinka gabdhaha. Laakiin arrintani waxay u baahantahay in xag wacyi-gelin iyo waxbarasho laga wajaho si loo gaaro hadafka laga leeyahay ee ah inay dadku fahmaan dhibaatooyinka gabdhaha ka soo gaara gudniinka iyo inuu yahay caado waxyeellooyin mooyaane aan wax faa’iido ah bulshada u lahayn. Xag siyaasad, xag diimeed iyo xag dhaqanba, waxa ugu weyn ee dadka lagaga faa’iideystaa waa jahliga. Haddaba, WAXBARASHO, AQOON, WAXBARASHO!!! Ururrada iyo dumarka u ololeeya arrimahan dibad iyo gudaba waxaa la gudboon inay arrintan danaha shakhsiga ah ka saaraan. Waxaa la ogyahay inay jiraan shakhsiyaad ka raadiya magac iyo dheefo u ololeynta joojinta gudniinka gabdhaha Soomaaliyeed. Waxaa loo arkaa inaysan dadkaasi si hufan oo daacad ah u wajihin arrintan, bulshadoodana ugu soo bandhigin laakiin ay inta badan isku koobaan shirarka caalamiga ah iyo inay ajaaniib u warramaan iyagoo wax jira iyo waxaan jirinba ku dara. Taasina waxay ka mid tahay waxyaalaha keenaya shakiga, dareenka cambaareyn iyo inay dadku ka horyimaaddaan joojinta gudniinka gabdhaha. Gaar ahaan, waxaan jeclaan lahaa in arrintan laga abbaaro wacyi-gelinta iyo waxbarashada hooyooyinka Soomaaliyeed iyo fahamka bulshada guud oo raggu ka mid yihiin si caadadan xun loo joojiyo. Kaddibna markii hooyooyinku go’aan ku gaaraan inaysan gudin gabdhahooda waxaa macaamiil waayaya dumarka ku shaqaysta inay gabdhaha gudaan. Waxaa kale oo aan ku baaqi lahaa in dumarka gabdhaha guda iyagana dadaallada wacyi-gelinta iyo waxbarashada la gaarsiiyo. Ka dibna, lala socodsiiyo in gudniinka gabdhuhu fal dambiyeed yahay. Waxaa kale oo aan soo jeedin lahaa in dumarkaas shaqooyin kale loo abuuro haddii noloshoodu ku xirantahay gudniinka gabdhaha si ay u joojiyaan falkan. Haddaba iyada oo aan arrintan la siyaasadeyn, khilaafna bulshada dhexdeeda laga abuurin, waxay joojinta gudniinku ku fududdahay in la isla helo hooyooyinka Soomaaliyeed oo go’aansada inaysan gabdhahooda gudin, dumarka gabdhaha guda oo falkan joojiya iyo dhallinyarada/wiilasha Soomaaliyeed oo garaadkoodu kor u kaco. Culumada iyo odey dhaqameedyadu markaa maxay sameyn? Yaase markaa gabdhaha gudi doona? Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “BAROORTU ORGIGA KA WEYN” Muranka iyo muruq muujinta ka imanaya culumada iyo odey dhaqameedyada qaarkood waa wax ka weyn gudniinka gabdhaha- TARTAN AWOODEED!!! Waana in laga gudbo in shacabka af-duub lagu haysto. Qore: Ruqiyo Aw-Maxamed Faarax The post WAR BAROORTU ORGIGA KA WEYN!! appeared first on Puntland Post.
-
The History of Chauvinism-Created Union [This is 12 year-old article published on Hiiraan Online in 2009. It is about Somaliland`s fanatical, hasty unification with Somalia in 1960 and how Somalia doomed the union with political deprivation (1960-1982) and atrocities (1982-1990). It also states reasons of why the union is not revivable. In this article, North is referred to Somaliland and South is referred to Somalia as used in the three decades of the union.] by Ibrahim Hassan Gagale Saturday, February 21, 2009 A union, when it is about countries, is an act of uniting two or more countries with the objective of enhancing strength and advancing common interest. However, any union succeeds only if its initiative is fully deliberated, its constitution is well- thought of and defined and all sides respect and abide by it with real commitment to put it forward. The voluntary unification that took place between Somaliland and Somalia on July 1st, 1960 was driven by chauvinism (Blind patriotism) from the part of Somaliland people who failed to foresee that such hasty act in Africa without deliberations on possibilities could result in devastating consequences as happened in the 1980s. The successive, South-centered governments throughout the history of the union clearly indicated that Somalia was not ready for the unity but just took advantage of the fanatical patriotism of the North which carelessly threw its independence to unwelcoming place. On 20 July 1961 and through a popular referendum, Somalia ratified a new constitution, which was first drafted in 1960. The new constitution was rejected by Somaliland. In the thirty years of the union (1960-1990), Somaliland people have learned a lot from Somalia that dismisses any chance of reviving the doomed union in the future. The following past actions of Somalia that failed the union and make it impossible to revive in the future are:- When the first government was formed in 1960 for the New Republic of Somalia, emerging from former British Somaliland and former Italian Somalia, the South took the president, Mr. Aden Abdulle Osman (1960-1964), the prime minister, Mr. Abdirasheed Ali Sharma`arke, the ministers of foreign affairs, interior, finance, Commander of the National Armed Forces, and the National Police Chief. The union parliament was sham too for the South taking unfair number of seats. This political hijack by the South was the first political blow to the power-sharing of the freshly formed union. Mr. Mohamed Haji Ibrahim Egal, who was prime minister of the North at the eve of unification, was denied of the premiership which he had as a right after the South took the presidency. President Aden Abdulle Osman was re-elected in 1964 (1964-1967) and repeated the same political blunders by giving the prime minister to Mr. Abdirizak Haji Hussein (South-born) and other major cabinet posts to the South again. The North was treated as an ordinary region in Somalia like Mudug or Benadir ignoring the fact that the North became independent state, taking independence on June 26, 1960, before the South, which became independent on July 1st, 1960, and that the North initiated the unification of the two newly independent countries in the Horn of Africa. The political betrayal and humiliation by the South angered the politicians, traditional leaders, intellectuals, business community as well as military officers of the North. This deep resentment influenced North-born young military officers, at the command of Hassan Kayd, to lead the unsuccessful military coup in Hargeisa on December 10, 1961 to reclaim independence and dignity of the North from the South-breached union. Instead of addressing the grievances that led to the Northern mutiny and starting national dialogue for reconciliation, president Aden Abdulle Osman immediately transferred South-born military to North and North-born military to South to suppress and repress Northern people socially and politically to punish them for the rightful military mutiny. The Southern troops turned Northern Regions into semi-colony of the South with no freedom at all. Northern people were forced to travel to Mogadisho for school certificates (Even middle school certificates), passports, healthcare, business licenses etc. In such situation of political deprivation and lack of investment in the North, General Siad Barre (South-born) overthrew the civilian government of the shaky union through bloodless coup on October 21, 1969 dissolving the constitution and the parliament immediately after the assassination of president Abdirasheed Ali Sharma`arke (South-born) on October 15, 1969. Many people believed that president Abdirasheed (1967-1969) was murdered for giving prime minister post to the North and that is why General Siad Barre toppled Egal`s two-year old government too (1967-1969). President Abdirasheed gave the prime minister to the North to control the damage inflicted on power-sharing by president Aden Abdulle Osman. General Siad Barre ruled Somalia for 21 years with iron-fist dictatorship (1969-1990) that curtailed all civil liberties. He continued the political deprivation and suppression of the North and strengthened the political domination of the South. Worse than South-centered civilian governments, General Siad Barre grossly breached the agreement of the union which was shared between the North and the South only by making it a union shared by all Somalis in the five Somali-territories (Somaliwein) in the Horn of Africa. He gave special political and military privilege to the Ogaden tribe inhabiting in Western Somalia (Occupied by Ethiopia) and in Somalia Northeastern Region (Occupied by Kenya) thus adopting refugees as citizens and making citizens, especially those in the North, as second class citizens. General Bile Rafle, born in Somali Galbeed, became the governor of Hargeisa and Burao in the 1970s, and General Aden Gabyow, born in N.F.D, Kenya, became once the minister of defense of the then Republic of Somalia. These citizen-turned refugees widely participated in the atrocities and displacement of the central tribes in Somaliland (Isaaq Clan) during civil wars. Northern officials in South-owned governments were symbolic and powerless. Their posts were intended to mislead Northern public perception to believe in power-sharing that did not exist. If the Northern officials in the government had real power, they would prevent injustices and crimes committed against the North. During the disastrous union, Darod and Mogadishu Clan clans dominated the government. Isaaq clan (The biggest clan in the North) was alienated throughout the union to eliminate political rivalry from North. It was also political hostility focus for challenging the hijacked union. The middleland clans and the minorities were not in the radar of the political system of the union. Southern governments also practiced “divide and rule” policy in the North turning native clans against each other politically before the civil wars and finally arming them against each other during civil wars. After all talks and negotiations between Northern leaders and Siad Barre`s regime to reverse the anti-North policies failed, the Northern people had no choice but to challenge the unabated injustices of the South with armed resistance. A group of Isaaq emigrants living in London founded the Somali National Movement (SNM), with political and military wings, in April 1981 to overthrow Siad Barre`s dictatorship. The military wing of SNM waged relentless attacks against Southern troops of oppression, suppression, and repression based in the North. It launched its first operation, operating from bases in Ethiopia, in February 1982 against the government troops. These military operations of SNM successfully continued and devastated the government troops until the major offensive of SNM in 1988. Claiming that all Isaaqs were supporters of the SNM guerrilla movement, Siad Barre`s government unleashed all sorts of human rights abuses against them such as killings, detentions, rapes, torture, unfair trials, confiscation of private properties, curfews and checkpoints in cities, towns, villages and rural areas in the North. Constraints on freedom of movement and employment and business discrimination against Isaaq were also common. Even Isaaq community living in the South suffered the same human rights abuses equally. Siad Barre also sent Northern prominent leaders and politicians such as Mohamed Haji Ibrahim Egal, Omar Arteh Qalib, Ismael Ali Aboker, top military officers and scholars to prison arbitrarily. The military wing of SNM launched major offensive against government forces based in Hargeisa and Burao in May 1988 destroying most of the troops and arsenal stationed there and crippling Siad Barre`s administration in the North. In Response to SNM offensive, Siad Barre declared all-out war against Isaaq clan and started bombarding Hargeisa and Burao brutally and indiscriminately with artillery, tanks and war planes, some of them piloted by mercenaries from former Rhodesia, forcing the population of these cities to flee into Ethiopia for sanctuary leaving Hargiesa and Burao in ruins. Tens of thousands of civilians were murdered, massacred or executed summarily. on July 17, 1989, Forty-seven (47) people, mainly from Isaaq clan, were slaughtered at Jasiira Beach near Mogadisho by Siad Barre`s Red Berets. In February 2000, the bodies of more than 700 people were discovered in mass grave near the Airport of Berbera. Other mass grave sites were also found at Malko Durduro in Hargeisa, near Burao, Gabiley and Erigavo. These mass graves held Isaaq victims of massacres and mid-night executions carried out by troops loyal to Barre`s regime in the years 1988 and 1989. It was brutal military campaign of ethnic cleansing against the entire Isaaq clan. In January 1991, the heroic armed struggle of SNM and USC finally ousted Siad Barre and his dictatorship simultaneously in the North and in the South. Siad Barre fled the country on January 26, 1991. Having seen the political deprivation and atrocities against the North and its people, the Northern Congress held in Burao on May 18, 1991 unanimously proclaimed the withdrawal of the North from the union with the South and reclaimed its independence of June 26, 1960 renaming itself: Somaliland Republic. The referendum held in Somaliland on May 31st, 2001 reaffirmed Somaliland sovereignty from Somalia. Somaliland is not a secessionist or breakaway region from Somalia as anti-Somaliland groups claim. It just withdrew from the union it joined as an independent state on July 1st, 1960 after it failed in the hands of Somalia. Djibouti became independent state in 1977 and rejected to join the union after witnessing how the South mistreated the North. Somaliland, Somalia and Djibouti are independent with equal status and legitimacy. Why Somaliland does not want to share another Union with Somalia ——————————————————————————————— The Somaliland people shall not revive the doomed union with Somalia for the following 7 reasons: 1. The above history of political deprivation and atrocities committed against Somaliland people during the union have no justification or excuse at all. 2. Somalia does not admit those injustices and heinous crimes against Somaliland people. It purposefully denies or covers them up by claiming that the people of Somalia suffered equally. What they do not want to hear is that they were responsible for the injustices and atrocities in Somaliland but the destructive civil wars in Somalia were self-inflicted. President Aden Abdulle Osman and General Siad Barre can not be blamed for the injustices and crimes against the North alone because they were supported by Southern politicians, military commanders, troops and tribes loyal to Siad Barre`s regime. 3. Any government shared with the tribes inhabiting in the most northern and in parts of central regions of Somalia is unlikely to survive long because they are power-obsessed, self-aggrandizing and uncompromising. Some of these tribes hijacked the union in the first decade of its age while others supported and defended Siad Barre`s brutal dictatorship. 4. Somalia still believes in government shared by Somaliwein (Government shared all Somalis, from Somalia, Somaliland, Djabouti, Somali Northeastern Region (Kenya) and Western Somalia (Ehtiopia). This is no man’s land and man’s government that leads to political anarchy, chaos and socio-economic setbacks. Somaliland belongs to Somalilanders only. 5. The place is Africa where democracy, fair elections and rule of law are not respected. Chronic tribalism, brutal dictatorships and crippling corruptions are common and normal practice of the day. Any federal government shared between Somalia and Somaliland can be easily overthrown at any time by military coups, just like General Siad Barre did, with the immediate dissolution of elected parliament and constitution. No one can guarantee or trust that this will not happen again. 6. Neither Somaliland people nor the people of Somalia can afford to have another risky unity that leads to brutal dictatorship or despotic turned-elected governments that plunge both peoples into other violent, atrocious civil wars. They need to have separate, safe, sisterly states with mutual relations like the 18 Arab countries that also share religion, color, language and culture but living in peaceful, prosperous independent states, respecting each other’s borders. Both nations must reject blind patriotism that led them to devastating civil wars in the past. 7. The place is Africa where the laws of the jungle rein, where tribalism and localism are more important than nationalism and patriotism and where poverty and ignorance drive people to seek living in tribal corrupt or dictatorial governments instead of making sacrifices and hard work for better life and for self-sufficiency. The critics of Somaliland independence, who advocate for reviving the disastrous unity, are either blind or indifferent to these political betrayal and appalling atrocities in this article. Their reckless, chauvinistic approach for another unity must be rejected by Somaliland people. Ibrahim Hassan Gagale Saturday, February 21, 2009 #Hiiraan Online Copyright © 2008 Hiiraan Onlin Qaran News
-
Aqalk Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray digniin ku saabsan ku dhaqanka shuruuc iyo dhismaha hay’addo aan soo marin Aqalka sare. War-saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in ay si dhaw ula socdaan, isla markaana diiwaan galiyeen dhamaan isku dayada, iyo wareegtooyinka lagu dhaqangelinayo shuruuc, laguna sameynayo hey’addo khilaafsan dastuurka KMG ah, kuwaas oo aan soo marin Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Aqalka Sare wuxuu digniintan ku wargeliyay dhammaan hay’adaha dowladda federaalka, dowlad goboleedyada, hay’adaha bulshada rayidka ah, iyo hay’adaha Caalamiga ah ee kaalmeeya Soomaaliya. Shuruucda iyo dhismaha hay’adaha uu sharci darrada ku sheegay Aqalka Sare ayaa kala ah: 1. Wax ka baddel lagu sameeyay xeerka maareynta maaliyadda guud 2. Ansixinta xubnaha guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa. 3. Ansixinta xubnaha golaha adeegga garsoorka 4. Ansixinta sharciga wax ka baddelidda qodobka 10-aad ee sharciga lagu dhisay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo federaalka. 5. Ansaxinta sharciga hay’adda diiwaamgelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed. 6. Ansixinta wax ka baddelidda qodobka 9-aad ee sharciga lagu dhisay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka. PUNTLAND POST The post Maxay yihiin shuruucda iyo dhismaha hay’adaha uu digniinta ka soo saaray Aqalka Sare? appeared first on Puntland Post.
-
Muddo 20 sanadood ka badan CabdiNasir oo xildhibaanada UCID ee Gobolka Maroodijeex ka mid ahi wuxu ahaan jiray gacanta midig ee Gudoomiye Faysal. Sadex goor oo Faysal uu u tartamay Madaxwayne oo sadexdaba uu dhacay CabdiNasir marna kamuu baydh Faysal. Xildhibaan CabdiNasir oo hankiisu yahay in uu u ordo Gudoomiye xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada qof ahaan iyo aqoon ahaanna u bisil una qalma jagadaasi waxa laga yaabaa in caqabad ugu wayn uu ku noqdo heshiiska labada xisbi ee mucaaridku. Shirgudoonka codka lagu dooranayaa maaha sidii Dawladaha Hoose cod haldheeri ah ee wuxu noqonayaa cod badnaanshe-buuxa ah(absolute majority) oo ah kala badh tirada guud ee xildhibaanada Golaha iyo hal cod oo noqonaya (42cod). Xogo u dhuundaloola isbahaysiga mucaaridka ayaa tibaaxaya in Gudoomiyaha loo wado Xildhibaan Cabdirazaaq Khaliif oo WADDANI halka labada ku xigeenna la siinayo UCID balse heshiiska labada xisbi yahay in ay kala noqdaan Xildhibaan Cumar Jaamac iyo Xildhibaan Cali Xaamud oo ka soo kala jeeda gobolada Sanaag iyo Awdal. Hadii ay sidaasi run tahay Xildhibaan CabdiNasir iyo Guddoomiyaha xisbigiisu waxa muuqata in aanay wada socon ee ay kala socdaan taas oo noqonaysa markii ugu horeysay ee ay labadoodu talo ku kala baydhaan. Si kastaba xaalku ha ahaado eh Xildhibaan CabdiNasir heshiiska labada xisbi kuma qasbi karo in uu ka hadho tartanka ee sharci ahaan isaga ayaa xaq u leh in uu tartamo iyo in uu tanaasulo labadaba. W/Q Cali Guray Source