Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,026
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. All domestic and international flights which were bound to land at Ethiopia's main airport have been diverted to land elsewhere. Source: Hiiraan Online
  2. Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalka Itoobiya (Anfar,Amhara & Tigray)+Madaxweynaha Canfarta oo shaaciyey Mawqifkiisa TPLF Dagaalka ayaa ku sii fiday meelo ka baxsan gobolka Tigrey Dowlad deegaanka Canfarta ayaa ugu baaqday dadka deegaanka inay la dagaalamaan falaagada Tigreega, sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP. “Qof walba oo Canfar ah waa in uu difaacaa dhulkiisa sida ugu macquulsan, haddii uu ku difaci lahaa xabbad, ulo ama dhagxaan,” ayuu yiri madaxweynaha Canfarta Awal Arba, sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP. “Ma jiro wax hub ah oo na wiiqi kara. Waxaan ku guuleysan doonnaa dagaalkan” ayuu intaa ku daray. Xukuumadda gobolka Axmaarada ayaa baaq kan la mid ah horey u dirtay. Waxay wararku sheegayaan in falaagada TPLF ay weeraro ka bilaabeen meel u dhaw xadka Tigray iyo Canfarta. Madaxa Maareynta Masiibooyinka ee Gobolka Canfarta ayaa usbuucii la soo dhaafay u sheegay BBC-da in in ka badan 70,000 oo qof ay ku barakaceen colaadda. Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dad ka badan 20 qof oo rayid ah la dilay. Afhayeenka TPLF Gitachew Reda ayaa dhankiisa ku tilmaamay howlgalka ka socda gobolka Canfarta mid “aad u xadidan” oo lagu qaaday ciidamada gaarka ah ee Oromiya ee ka dagaalamaya gobolka Canfarta. Hasa yeeshee madaxweynaha dowlad deegaanka Canfarta ayaa beeniyay eedeymahaasi. “Dadka qaar waxay u maleynayaan in TPLF ay ku raadjoogaan ciidamada gaarka ah ee Oromiya,laakiin taasi waaa mid runt aka fog, ” ayuu yiri. Dhanka kale dibadbaxyo ayaa shalay ka dhacay dhowr magaalo oo dalka Itoobiya ka tirsan. Warbaahinta Axmaarada ayaa ku warantay in banaanbaxyo lagu qabtay magaalooyinka Gonder, Dansha, Gonder iyo Injibara kuwasai oo lagu taageerayo ciidamada difaaca qaranka isla markaana looga soo horjeedo jabhadda TPLF. Wakaalada wararka ee Itoobiya ayaa dhankeeda ku warantay in banaanbaxyo dadweyne lagu qabtay magaalooyinka Semera-Logia, Aisaita iyo Abela oo ka tirsan Gobolka Canfarta. Malmo ka hor ayay ahayd markii caasimadda Addis Abab lagu qabtay dibadbaxyo lagu taageerayay militariga dowladda Itoobiya. Qaran News
  3. Ardayda jaamacadda Kinshasa ee dalka Democratic Republic of Congo ayaa sii wada dibadbaxyo iyadoo boliiska dalkaasi lagu eedeeyey inay xadgudubyo iyo ganaax ay u geysanayaan ardayda dalkaas kaddib markii ay dul dhigeen ganaax ardaygii aan wadan afsaabka looga hortago cudurka Covid19. Dibadbaxyada ayaa sii xoogeystay markii sarkaal boliis ah uu toogtay arday usbuucii hore sabab la xiirta inuusan xiran afsaab xilli uu muuqaallo ka duubayey waddooyinka magaalada. Ardayda ku fasal ahayd ardayga la dilay ayaa arrintaas aad uga carooday waxayna taasi keentay inay dibadbaxyo cabasho ah dareenkooda ku muujiyaan. “Waan naxsan-nahay, dareenkeennu waa kacsan yahay,” ayuu yiri arday ka mid ah ardayda dibaxyada dhigeysa isagoo intaas sii raaciyey inay bannaanka sii joogi doonaan illaa caddaalad loo helo ardaygii la toogtay. Ardaydu waxay sheegeen in saaxiibkood Honore Shama oo ah ardayga la dilay islamarkaana ka dhiganayey maaddama farshaxanka jaamacadda Kinshasa la toogtay xilli oo muuqaallo duubanayey waxaan ardaydu ku baaqeen in maxkamad la keeno qofkii dilka geysta oo caddaalad loo helo Honore Shama. Boliiska dalka DRC waxay sheegeen in ardayga la dilay uu jabiyey amar dowladdu soo-saartay kaasoo ah in la xirto afsaab si cudurka Covid19 looga hor-tago laakiin uu kasoo tagay waxaana boliisku intaas ku daray in ciqaabtiisu aysan ahayn dil islamarkaana dilku yimid markii uu iska caabbiyey boliiska. Dad marqaatiyaal ah oo kale ayaa sheegay in dilkaas ay boliisku geysteen. Ninkii boliiska ahaa ee dilka ka dambeeyey ayaa goobta ka baxsaday iyadoo boliiska magaalada falku ka dhacay ay raadinayaan sarkaalka boliiska ah ee dilka geystay sida uu sheegay madaxa boliiska magaalada Kinshahsa General Sylvano Kasongo. “Boliisku waxay xireen laba sarkaal oo boliis ah, kuwaas oo joogay markii falku dhacayey sabab la xiirta kheyru-mas’uulinimadooda ayaana u xirnay, sidoo kale waxaan xirnay sarkaalkii haystay saldhigga boliiska ee goobta falku ka dhacay,” ayuu yiri General Sylvano Kasongo. In la xirto afsaabka ayaa waajib ka ah DRC iyadoo dadka ku xadgudba lagu ganaaxayo 10,000 oo lacagta dalka DRC ah taas oo u dhiganta shan dollar. Magaalada Kinshasa, boliiska waxaa si joogto ah loogu eedeeyaa inay geystaan xadgudubyo islamarkaana ay shaqo ka dhigteen dadka aan wadan afsaabka una arkeen fursad ay dadka ku dhacaan waana eedeymo si joogto ah u soo gaara saldhigyada boliiska ee magaalada Kinshasa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. The introduction of Turkish language courses has been met with great interest in the East African nation of Rwanda, where classes started this month, according to a Turkish diplomat. Source: Hiiraan Online
  5. Dowladda Soomaaliya ayaa guddi saraakiil ka kooban u magacaawday kiiska Ikraan Tahliil oo la sheegay in ay afduubteen xubna ka tirsan taliska NISA. Guddigan ayaa waxaa magacabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay, waxa ayna gaarayaan xubnaha guddiga seddax sarkaal oo ka kala socda Xeer ilaalinta, Boliiska & Nabad-Sugidda Baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June Sanadkan. Gen. Kameey ayaa ugu baaqay in taliska nabad sugidda looga baahan yahay in uu la shaqeeyo saraakiisha inta lagu guda jiro baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd askariyad ka tirsan NISA. Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in magaacabista guddiga ay ku timid kadib markii waalidiinta Ikraan ay furteen galdacawadeed ka dhan ah NISA. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. HARGEISA (HOL) - Police in Somaliland seized over 25,000 litres of liquor in the first half of this year, police chief General Mohamed Aden Saqadhi has said warning of increasing smuggling of the banned products into the break-away region. Source: Hiiraan Online
  7. Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa Talaadada maanta ah sheegtay in ciidamadeeda amniga ay xireen shabakad u shaqeyneysay Israel, islamarkaana ay qabatay keyd hub ah oo la doonayey in loo adeegsado xasillooni darro ka dhalatay biyo la’aan oo dalkaas ka jirta, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda. Iran ayaa inta badan cadowgeeda dibedda sida Israel, Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ku eedeysa inay qalalaase ka abuurayaan dalka, ayaga oo hurinaya dibad-baxyo iyo rabshado. Warka maanta kasoo baxay dowladda ayaa yimid ayada oo ku dhowaad laba toddobaad ay dalka ka socdaan dibad-baxyo looga cabanayo biyo yari, oo badankeed ka jirta koonfurta galbeed ee Iran, kuwaas oo isku rogay siyaasad kuna faafay qeybo kale. Mas’uuliyiinta ayaa ku eedeeyey mucaarad hubeysan inay huriyeen isku dhacyo intii ay socdeen dibad-baxyada. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ciidamada amniga ay rasaas ku fureen dibad-baxayaasha. “Howlwadeeno ka tirsan Mossad ayaa doonayey inay qalabkan u isticmaalaan dibad-baxyada magaalooyinka iyo dilal,” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan Wasaaradda Sirdoonka, oo ay soo xigatay warbahainta dowladda, isaga oo ula jeeda hay’adda sirdoonka Israel. Hubka la qabtay ayaa waxaa ku jira bistoolado, bam gacmeedyo, qoryo iyo rasaas, sida uu sheegay sarkaalka oo aan la magacaabin, oo intaas ku daray “Qaar ka mid ah kuwan waxaa loo adeegsaday in lagu huriyo isku dhacyo intii ay socdeen dibad-baxyada.” Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Israel. REUTERS + VOA The post Iran oo gacanta ku dhigtay hawl-wadeenno ka tirsan sirdoonka Mossad iyo hub appeared first on Caasimada Online.
  8. Wasaarada arimaha Gudaha ayaa sheegtay inay xilkii ka qaaday Caaqil Nuur xaaji cabdilaahi Heetiye oo ka mid ahaa Cuqaasha Gobolka Togdheer. Caaqilka ayaa dhawaan ka qayb galay caleemo Saar aanay Xukuumaddu ogolayn oo ka dhacay Degmada Balidhiig oo lagu caano shubayay Suldaan Abokor Cumar aadan. Source
  9. Dekadda Berbera waxaa shalay subax dib uga noqday markab u rarnaa ganacsato reer somaliland ah oo siday Noocyada kala duwan ee bagaashka noqoshada markabkani ayaa lala xidhiidhinayaa in la soo xidhi waayay sababo la xidhiidha dabaylo xoogan oo wiigan ka dhacayey magaaladda iyo badda. Warar kale oo laga helayo markabkan ayaa sheegaya in alaabadii uu iskaga rogayo Dekadda Jeddah, halkaasi oo muddo dambe ay oolayso inta laga helayo markab xagga somaliland u soo baxaya. Ganacsatadii uu u rarnaa markabkani ayaa iyaguna dhankooda walaac weyn ka muujinaya alaabtoodan dib uga noqonaysa dekada berbera, maadama bishan gudaheeda uu noqonayo markabkii labaad ee ka noqday dekada berbera, taasi oo keenayso dib u dhac badeecadeedd, sidoo kale suuro-gal ka dhigaysa in markale ay sababto maceeshada oo qaaliyowda. Hawlaha Badda oo ay ka mid tahay xidhista iyo furista maraakiibta ayaa ah shaqo ay gaar u leedahay Somaliland, gaar ahaan hayadda Dekada Somaliland. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta oo maanta dib uga qarxay dalka Itoobiya, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa haatan wuxuu ka socdaa duleedka magaalada Garba Ciise oo ku taalla wadada dheer ee isku xirta wadamada Itoobiya iyo Jabuuti. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyo xoolo dhaqato Soomaali ah iyo sidoo kale maleeshiyaad ka soo jeedo dhanka deegaanka Canfarta. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dhawaaqa rasaasta si xoogan looga maqalayo magaalada & agagaarkeeda, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalkan ayaa sidoo kale daba socda mid kale oo todobaadkii hore ka dhacay aagga haatan lagu dirirayo, waxaana ku dhintay Soomaali fara badan. Wasiir ku xigeenka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Rooble Maxamuud oo u warramay VOA wuxuu shaaciyey in qiyaastii 400 qof la dilay, islamarkaana magaalada ay la wareegeen maleeshiyaadka Canfarta ee la dagaalamaya Soomaalida. “Dadka gudaha ku jira ee aan la xiriirnay waxay innoo sheegeen dad illaa 350 qof illaa 400 u dhexeeyo in lagu dilay halkaasi,” ayuu yiri Maxamed Rooble Maxamuud oo ah wasiir ku xigeenka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Si kastaba dagaalka labada dhinac ee haatan dib u bilowday ayaa kusoo aadaya, xilli shalay maamulka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya uu shaaciyey inuu difaaci doono dadka Soomaalida ah ee deggan aagga magaalada Garba Ciise iyo deegaannada kale ee ku dhow. The post Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Soomaalida iyo Canfarta ee ITOOBIYA appeared first on Caasimada Online.
  11. Amnesty International waxay ugu baaqday Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid inuu “si cad u damaanad qaado inuu ixtiraamayo oo ilaalinayo xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan xuquuqda xorriyadda hadalka iyo isu imaatin nabadeed. ” Hay’adda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay: “Madaxweynaha Tunisia qeys Saciid waa inuu si cad ugu hogaansama ixtiraamka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan xuquuqda xorriyatul qowlka, urur siyaasadeed iyo isu imaatinka nabadeed, ka dib markii uu shaqada ka joojiyay baarlamaanka isla markaana uu qaatay awoodii garsoor.” “Walaaca in xuquuqda aadanaha ay qatar ku jirto ayaa sii kordhay kadib weerarkii foosha xumaa ee ciidamada amaanka ay ku qaadeen xafiiska Al Jazeera ee magaalada Tunis Isniintki iyo hanjabaadii madaxweynaha intii uu ku guda jiray khudbadiisa inuu adeegsado xoog adag oo ka dhan ah kuwa qatarta ku ah amniga gobolka.” ayaa lagu yiri bayaanka Amnesty. Waxay intaas ku dartay, “Xorriyadihii lagu guuleystay iyo guulaha xuquuqda aadanaha ee ay Tunisia ka gaadhay kacdoonkii 2011 halis ayey ku jiraan, gaar ahaan maqnaanshaha maxkamad dastuuri ah oo ilaalisa xuquuqda qof walba oo dalka ku nool.” Dhanka kale Wadahadal uu la yeeshay Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Anthony Blinken, Madaxweynaha Tunisia qeys Saied wuxuu cadeeyay in talaabooyinka dhawaan laga qaaday ee Tunisia “ay waafaqsan yihiin Qodobka 80aad ee dastuurka Tunisia. ” War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Tunisia ayaa lagu sheegay in “wada hadal qadka taleefanka ah uu dhacay fiidnimadii shalay, Isniintii, laa oo dhax maraynmadaxweynaha Jamhuuriyadda, qeys saciid iyo Mr. Anthony Blinken, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka.” Bayaanka ayaa intaas ku daray, “hogaamiyaha Qaranku wuxuu cadeeyay sida uu u jecel yahay in la ixtiraamo sharcinimada, xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda. Wuxuu tilmaamay in talaabooyinka la qaaday ay ka mid yihiin hirgelinta cutubka 80aad ee dastuurka si loo ilaaliyo hay’adaha dastuuriga ah, si lamid ahna loona sugi nabada bulshada. . ” Dhiniciisa, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka wuxuu muujiyey kaqeybgalka joogtada ah ee dalkiisa ee horumarinta xiriirka iskaashi ee kala dhexeeya Tunisia dhinacyo dhowr ah, iyo kor u qaadida qiyamka guud iyo mabaadi’da la xiriira difaaca xuquuqda aadanaha iyo dimuqraadiyadda. Aya laguso gaban gabeeyay bayaanka .adaxtooyada tunusia. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qallinka ku duugay Xeerka furista Ururrada Siyaasaadda ee Xeer 14 oo dhawaan ay ansixiyeen Golaha Guurtidu. Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa la sheegay inuu toddobaadkan saxeexay xeerkan oo si rasmi ah u dhaqan geliya, saxeexa Madaxweynaha ka dib. “Madaxweynuhu wuxuu saxeexay Xeerkii furista ururrada siyaasadda, waxaana innagu waajib ah in aynu Ururro furano” sidan waxa yidhi Xildhibaan Cali Barre, oo ka mid ah Xildhibaannada xilka banaynaya ee Golaha Wakiillada. Sidoo kale, warar xogogaal ah ayaa tibaaxaya in Madaxweynuhu wax ka beddelka Xeerka furista Ururrada saxeexay, isla markaana maalmaha soo socda lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah. Xeerkan Madaxweynuhu saxeexay, ayaa dhabbaha u xaadhaya in la furo ururrada siyaasadda Somaliland, iyada oo xeerkani dhigayo in lix bilood ka hor wakhtiga uu dhacayo Ruqsada Saddexda Xisbi ee Waddani, Kulmiye iyo UCID, Kuwaas oo wakhtigoodu dhacayo bisha December ee 2022-ka, halka xeerkan dhigayo in wakhtigaas lix bilood ka hor oo ah June 2022-ka in la furo, iyada oo loo marayo doorasho toos ah oo Ururrada lagu soo dooranayo. Source
  13. Madaxda Wasaaradda Warfaafinta JSL waxay bishii September 2020 soo saareen amar ku aaddan in Warbaahinta Dawladdu si siman ugu adeeggaan Muwaadiniinta Somaliland, si dheelitirana uga warramaan dhacdooyinka dalka iyo gaar ahaan barmaamijyada ku aaddan xisbiyada Mucaarad iyo Muxaafad ba.Waxa go’aankaasi lagu tilmaamay rabitaan ka yimid madaxweynaha oo tayaynaya warbaahinta Dawladda. Arrintaasi waxay wax ka fuleen intii lagu jiray ololihii Doorashada Wakiillada iyo deegaannada ee May 31 2021 dhacday oo la arkayay in ay maalmihii ololaha wararka mucaaradka tebinayeen qaybaha kala duwan ee warbaahinta Qaranka, hase yeeshee arrintan looga dan lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa warbaahinta Qaranku waxay durba wiiqantay oo fashilantay wakhtigan lagu jiro loolanka shirguddoonka Golaha Wakiillada oo ay si cad ula safatay Musharraxa Xisbiga Kulmiye wato ee Xil Yaasiin Faratoon oo barmaamijyo lagu buun buuninayo laga sii daynayo Warbaahinta Qaranka. Waxa la yaab mudan in madaxda wareegtadii Sep 2021 soo baxday sida tooska ah u khusaysay fulinteedu hadda yihiin kuwa buun buuninaya Musharrax Faratoon iyaga oo majaro habaabinaya nidaamka doorashada ee Golaha ka dhacaysa doonayana in ay aragtida dadweynaha ku jiitaan in Faratoon yahay kan haboon. Arrinta warbaahintu ku kala jeclaysatay cidda noqon doonta hoggaanka Golaha Wakiillada ee aan wali la dooran waa mid dhabar jebisay go’aankii heer wasiir ee wakhtiga kooban ka soo wareegay muujinaysana siyaasadda gabi-dhaclaynaysa ee aan jahada lahayn oo lagu maamulayo warbaahinta Qaranka. Warbaahinta Qaranka oo kala ah Reedhyow Hargeysa, Telefishanka Qaranka, Wargeyska Dawan iyo Wakaaladda Wararka waxa Qaranka kaga baxda lacag adag kamana muuqdaan Barmaamijyo saamayn leh oo Qaranka u dan ah marka laga reebo buun buuninta shakhsiyaad xukumadda ah. Sidaa awgeed waxa fiican in laga bedelo magaca Qaranka oo loo bixiyo warbaahinta xukumadda Kulmiye lana dhimo cashuurta bulshada ee lagu bixiyo. Inkasta oo madaxweyne Biixi si buuxda u taageersan yahay Musharraxnimada Xil Faratoon haddana ma cadda in uu ka war qabo tallaabada warbaahinta Qaranku kaga leexatay jidkii uu bilo ka hor ku boorrinayay in ay raacaan ee dhexdhexaadnimada. Sida oo kale waxa suuro gal ah in haddii mucaaradku ku guulaysto shirguddoonka Golaha Wakiillada ay noqon doonto mid hoosta uga xariiqan tallaabada laga qaadayo warbaahinta Qaranka oo miisaaniyad badan ku baxdo haddana la saluugsan yahay waxqabadkeeda iyo dhexdhexaadnimadeeda. Source
  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul uga hadlay weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Ugu horreyn Fiqi ayaa tacsi u diray ehellada dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay weerarkaasi oo ahaa mid qorsheysan, kana dhacay galbeedka gobolkaasi. “Waxaan ka tacsiyadaynayaa Isla markaana cambaaraynayaa dilka ka dhacay shalay galab deegaanka u dhexeeya Goldogob iyo Saaxa-wanaag ee Galbeedka gobolka Mudug ee lagu beegsaday dad xoolo dhaqato ah ayna ku dhinteen 2 qofood, laguna dhaawacay qof kale,” ayuu yiri wasiirka amniga dowla goboleedka Soomaaliyeed Galmudug Axmed Macalin Fiqi. Sidoo kale wuxuu amray laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi dilka ah oo uu tilmaamay inuu fidno ka buurayo deegaanka. Fiqi ayaa sidoo kale intaasi ku daray in sharciga la horkeeni doono raggii ka dambeeyey weerarkaas, si looga hortego falalka lagu beegsanayo dadka rayidka ah. “Waa fidno cusub oo xasiloonida deegaanka iyo wada noolaasha dadka deriska leh lagu Qalaad-gelinayo, waxaan ku baaqaynaa in kooxdii danbigaas geysatay sharciga la horkeeno, baaritaan qoto dheerna lagu sameeyo xiriirka ka dhexeeya kooxaha deeganadaas mar walba dilalka ka geysta iyo argagixisada,” ayuu markale yiri wasiirka. Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Eheladii iyo qaraabadii dhibbanayaashaas waxaan leenahay sabir iyo iimaan Allaha idinka siiyo”. Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa labo qof, halka mid kale lagu dhaawacay, waxaana loo sababeynayaa dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan gobolka Mudug. The post Galmudug oo war kasoo saartay weerarkii gobolka Mudug appeared first on Caasimada Online.
  15. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ayaa ku sugan London caasimadda Ingiriiska si uu ga qeyb galo Shirka waxbarashada adduunka, kaas oo socon doona 28 – 29 July. Shirkan oo looga hadlayo arrimaha Waxbarshada caalamka, waxaa shir guddoominaya ra’isul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Madaxda ka qeyb galeysa ra’isul wasaare Rooble kasokow waxaa ka mid ah : Madaxweyneyaasha Malawi Chakwera, Nageria Bukhaari iyo Madaxweynaha Liberia Dr Julius Maada Bio. Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Xasan Axmed Diheeye oo ka mid ah Culimada Reer Somaliland ayaa ka hadlay loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,waxaanu sheegay in aan loo baahnayn in shir guddoonka Golaha Wakiillada loo dhiibo Oday weyeel ah oo kamid ahaa guul-wadaashii Maxamed Siyaad Barre. Sheekh Diheeya ayaa ugu horayn tallooyin mihiim ah u soo jeediyey Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland “Baarlamaanka hadda la doortay ama muxaafid ha-ahaado ama muxaafid ha –ahaado waxa laga rabbaa danta waddanka in aad gacanta ku dhigtaan oo aydaan u shaqayn caloolihiina iyo mushaharkiina iyo gacanta oo wax la idiinku rido oo aamusa la yidhaah in aydaan u shaqayn ,waxa weeyaan taas baylaho baddan ayaa taal waddanka oo soddonkaa sanno laga hadli la’yahay wax laga qaban la yahay.” Dhanka kalene Sheekh Xasan Diheeye ayaa sheegay in aan loo baahnayn in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto oday Gaboobay oo kamid ahaa guul-wadayaashii Maxamed Siyaas Barre,waxaanu ku taliyey in loo doorto Xildhibaan dhallinyaro ah ” Habel ayaan guddoomiye u doonnayaa socon mayso,lakiin waxa aan leeyahay odayaasha Gaboobay ee guul-wadayaashii Maxamed Siyaad Barre kamid ahaa ee waddanka soo daashaday ee meesha lagu cel-celinayo ha laga daayo dhallinyar ha loo dhiibo meesha sidan Maayarada oo kale,Barlamaanka waxa aan rab-naa in rag dhallinyar ah oo waddani ah oo aqoon yahana loo dhiibo .” Waxa uu intaas ku daray sheekhu “Illaahay wuu idin weydiin doonnaa cida aad meesha u dooranaysaan,waayo marka nin aan meesha u qalmin loo doorto ninkii u qalmayna la dhaafo illaahay ayaa idinkula xisaabtami.” Dhanka kalene Sheekh Xasan Diheeye ayaa Xildhibaannada reer Awdal ugu baaqay Inay tageeraan Musharraxiinta isbahaysiga Mucaaradka,isla markaana ay codka siiyaan ” Xildhibaannada Golaha Wakiillad ee ka soo baxay Gobolka Awdal waxa ayaan iyaga leeyahay ama Mucaaradka ka soo baxa ama muxaafad ka soo baxa waxa la idinka rabbaa in aad gacan keliya noqotaan Gobolkani waxa uu idiinka baahan yahay mid-nimo cidii anfacaysa ummadda Somaliland la yidhaah taageera cidii Awdal anfacaysa taageera,waa in aad noqotaan gacan qudha oo wixii Gobolka u dan ah isku raacdaanoo aydaan u kale hadhin ama mucaaradka ku jir ama muxaafidka ku jir sidaas ayaad wax noogu qaban kartaan,Gobolkuna wuu idinla xisaabtami annigu kolay dadka xisaabtamaya ayaan ku jiraa ee idinla xisaabtamaya.” Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Kulan Albaabadu xidhnayeen ayaa la sheegay inuu huteel maamuus ee Magaalada Hargeysa ay ku yeesheen Xildhibaannada aqlabiyadda Golaha Wakiillada iyo hoggaanka Xisbiyadda UCID Kullankan oo ay saxaafadu debad joog ka ahayd ayaa ahaa mid daba socday kullamo hore oo goo-goos ahaa oo dhex-maray Xildhibaannada iyo hoggaanka labada Xisbi,waxaana la sheegay inay kullankan ay ka soo qayb-galeen Xildhibaannada aqlabiyadda Mucaaradka iyo hoggaanka sarre ee laba xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI. Dhanka kalene xoggo hoose oo aanu ka helnay kullankaas ayaa sheegay inuu ahaa mid is xog warraysi ah iyo u diyaargrowga doorshada shir guddoonka Golaha Wakiillada,isla markaana ay Xildhibaannada iyo hoggaanka Xisbiyaddu ay halkaas isku dhaafsadeen afkaaro la xidhiidha doorashada shir guddoonka iyo arrimo kale oo mihiim Geesta kalene kullankan ayaa ku soo beegmay xili ay maal-mo koobani ka hadheen wakhtigii uu Madaxweyne Biixi dastuurku siiyey inuu iskugu yeedho Xildhibaannada Golaha Wakiillada si loo dhaariyo ,kadib-na ay u doortaan shir guddoonkii hoggaamin lahaa Golaha. Source
  18. (SLT- Garbe-ciise)-Maleeshiyaad iskugu jira Canfar iyo Tigreey ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay weeraro geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ku qaadeen degaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Maleeshiyaadka ayaa dhowr jiho ka weeraray Magaalo lagu magacaabo Garbe-ciise oo ku taalla galbeedka Gobolka SITI ee dowlad deegaanka Soomaalida, iyagoona halkaas ku dilay dad badan, halka kuwo kalena dhaawac u geystay. Fowzia Afcase oo kamida dadka Degaanka la wareeray oo la hadashay Telefashinka Dalsan ayaa u sheegtay in Maleeshiyaadka Canfarta iyo Tigrey-ga ay xasuuq ka geysteen Garbe-ciise oo lagu dilay dad shacab oo aan waxba galabsan. Sidoo kale Fowzia Afcase ayaa tilmaamay in sidoo kalen degaanka laga afduubtay in ka badan 40-dumar ah oo kunoolaa Garbe-ciise, isla markaana maleeshiyaadka hubeysan ay xidh-xidheen dad ku jiray Masaaj, ayna weli ku sugan yihiin degaanka. Waxaa kaloo ay sheegtay in dhibaato xoogan ay ka taagan tahay Magaalada Garbe-ciise iyo deegaano kale oo hoostega, isla markaana inta badan dadkii halkaas kunoolaa ay guryahooda isaga barakaceen, halka qaarkood dadka loo geystay falal isugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Si kastaba degaano iyo Magaalooyin ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ay horey uga dhacay weeraro lagu xasuuqay dad shacab ah, waxaana inta badan falalkaas geystay ciidanka deegaanka Canfarta ee dalka Itoobiya. Source
  19. (SLT-Khartoum)-Xafiiska Ra’isal wasaaraha Suudaan oo soo bandhigayay warbixin ku saabsan wadahadal dhinaca Taleefoonka ah ee uu la yeeshay Ra’isal wasaaraha Sudan Cabdullaahi Xamduuk iyo madaxda dowladaha IGAD ayaa magaca Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku qalday magaca madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Barta Facebook ee Xafiiska RW Xamduuk ayaa la soo geliyey Sawirada Ra’isalwasaaraha Suudaan, madaxda Dalalka Koofurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Jabuuti iyada oo xafiisku sidoo kale soo geliyey Sawirka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xagga hoose ay ugaga qoran tahay magaca Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hase yeeshee 20 daqiiqo kadib ayuu Maamulka Barta Facebook ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Sudan Cabdullaahi Xamduuk waxa uu guud ahaanba ka saaray Boggaas Sawirrada Ra’isul Wasaare Xamduuk iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Source
  20. London (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayAa faah faahin ka bixiyey safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee London wuxuuna sheegay inuu ka qeyb-galayo shir looga hadlayo tayada waxbarashada Caruurta. Macalimuu ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Rooble uu la kulmi doono dhiggiisa UK Boris Johnson iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda dalkaasi, Mr Dominic Raab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka wada-hadli doonaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo dadaallada ay wado xukuumadda Rooble ee ku aadan hirgelinta doorashooyinka. “Muddada kooban ee uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku sugan yahay London waxa uu la kulmayaa Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson & Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Dominic Raab oo ay kawada hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka,” ayuu yiri. Waxa kale oo kulankan lagu soo qaadi doonaa taageerada ay dowladda UK siiso Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku aadan xiriirka labada wadan. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada London wuxuu kulan duceedyo la qaadan doonaa madaxda ka soo qeyb-geleysa shirka ku saabsan sare u qaadista tayada waxbarashada caruurta ee ku dhaqan guud ahaan dunida. Socdaalka Rooble ee London ayaa noqonayaa kiisii saddexaad ee ugu baxay dalka dibaddiisa, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Si kastaba, safarkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, dalkana uu ku jiro marxalad doorasho, isla-markaana uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyey ee doorashooyinka. The post Maxay ka wada-hadlayaan Rooble iyo dhiggiisa UK? appeared first on Caasimada Online.
  21. Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga Baarlamanka Puntland, ayaa maanta oo Talaado ah looga hadlay arrinta ku saabsan anshax-marinta xidlhibaan, Axmed Cabdiraxmaan Jaamac kuluc oo horay u dhaliilay wax-ka beddelkii xeer-hoosaadka Baarlamanka. Guddiga Anshax Baarlamanka, oo maanta horyimid Golaha ayaa sheegay in aysan weli soo dhammaystirin kiiska xildhibaan Kuluc, sidaad darteedna aysan go’aan ka gaarin arrintaas. Wararku waxay sheegayaan ,in guddiga Anshaxa uu isku khilaafay kiiska anshax-marinta xildhibaan Kuluc, islamarkaana badankoodu soo jeediyeen in kiiskaba halkaas lagu xiro oo aan mar dambe laga hadlin. Sidoo kale, xildhibaan ka tirsan Baarlamanka oo kulankii maanta ka hadlay ayaa sheegay in kiiskan noqday diyaarad cagihii u bixi waayee, isagoo soo jeediyay in aan mar dambe la soo hadal qaadin. Intaas kadib Baarlamanka ayaa galay fasax lix maalmood ah, waxaana lagu ballamay in dib la isu-gu soo laabto 3-da bisha Agoosto, iyoo markaas loo gudbi doono doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo kordhay Kiiskii Xildhibaan Kuluc? appeared first on Puntland Post.
  22. Shir lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa lagu codsaday in ambassador Sureer Abshir Muuse sannadkan la siiyo xubinada Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya. Halkaan ka daawo warbixinta PUNTLAND POST The post Shir lagu taageerayay ambassador Sureer Abshir Muuse oo lagu qabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey horumarada illaa iyo hadda laga gaaray arrimaha doorashooyinka, tan iyo markii uu maamulkeeda la wareegay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Warqad kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu soo koobay dhammaan waxyaabihii qabsoomay, illaa markii la billaabay wada-hadallada doorashooyinka, gaaraan ahaan wixii ka dambeeyey, markii la saxiixay heshiiskii doorashooyinka 27 bishii May ee sanada 2021. Sidoo kale warqadan waxaa lagu soo badhigay horurmada laga gaaray doorashooyinka, iyada oo mid walba la caddeeyey taariikh ahaan xilliga la qabtay. Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in guulo badan la gaaray, sida saxiixa heshiiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka, guddigii uu u magacaabay ra’iisul wasaaraha xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay, kulamadii Rooble iyo musharraxiinta oo iyana guullo waa weyn laga gaaray, guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad Goboleed iyo xalinta khilaafaadka iyo soo saarista jadwalka doorashooyinka dalka. Sidoo kale waxaa warqadan lagu soo qaaday dadaalladii dib u heshiisiinta ee gobolka Gedo iyo guddigii uu ra’iisul wasaaraha ee magacaabay ee loo diray magaalada Garbahaarey. Halkan hoose ka aqriso:- May 27 2021: Waxaa la saxiixay heshiiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka. May 30 2021: Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddi u magacaabay xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay. May 31 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaabilay xubno ka socda Midowga Musharaxiinta oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore, si uu uga dhageysto cabashadooda iyo talooyin. June 19 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Xalinta khilaafaadka. June 29 2021: Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa soo saaray jadwalka arrimaha Doorashooyinka Dalka. June 29 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiga dib u heshiisiinta Gedo. July 5 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka oo uu kala hadlay hirgelinta, Amniga Doorashooyinka iyo taageerada laga doonayo. July 7 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu socdaal 4 cisho qaatay ku tegay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey, si loo dhammeystiro dib u heshiisiinta Gedo. July 21 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku dhawaaqay xalkii laga gaaray arrinta Gedo. July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu kula dardaarmay inay dooraahada u maamulaan si hufan oo ka fog eex. July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu isu keenay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, si loo xalliyo faraqa u dhexeeya ee doorashada kuraasta Gobollad Waqooyi. July 25 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu magacaabay guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka 30% ee labada Aqal ee Baarlamaanka. July 25 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu habka fogaan arragga kula shiray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo uu ku booriyay inay doorashada dedejiyaan, maadaama la gaaray xilligii lagu balamay in ay bilaabato. The post DF Somalia oo shaacisay horumarada laga gaaray doorashooyinka DALKA appeared first on Caasimada Online.
  24. Wasiirka amniga dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay dil xalay fiidkii kooxa hubeysan ay dad shacab ah ugu geeysteen deegaan hoostaga degmada Galdogob oo ka tirsan gobalka Mudug. Fiqi ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado dad shacab ah in la dilo isagoo yiri “Waxaan ka tacsiyadaynayaa Isla markaana cambaaraynayaa dilka ka dhacay shalay galab deegaanka u dhexeeya Goldogob iyo Saaxa-wanaag ee Galbeedka gobolka Mudug ee lagu beegsaday dad xoolo dhaqato ah ayna ku dhinteen 2 qofood, laguna dhaawacay qof kale”. Wasiirka ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray in baaritaanno la sameynayo gacantana ay ku soo dhigi doonan kooxihi weerarkaas ka dambeyay. “Waa fidno cusub oo xasiloonida deegaanka iyo wada noolaasha dadka deriska leh lagu Qalaad-gelinayo, waxaan ku baaqaynaa in kooxdii danbigaas geysatay sharciga la horkeeno, baaritaan qoto dheerna lagu sameeyo xiriirka ka dhexeeya kooxaha deeganadaas mar walba dilalka ka geysta iyo argagixisada Shabaab”, ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi. Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay ka tacsiyadeynayaan dilka ka dhacay deeganka Dhagxanya-cadde oo hoostaga degmada Galdogob. “Eheladii iyo qaraabadii dhibbanayaashaas waxaan leenahay sabir iyo iimaan Allaha idinka siiyo”, ayuu yiri wasiir Fiqi. Goobjoog News Source: goobjoog.com