-
Content Count
213,016 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Hay’adda Taageerada Caalamiga ee Norway ee NIS u qaabilsan Soomaaliya Qaasim Gaaboow Ducaale ayaa shaaciyay in ay qorsheynayaan dhismaha taallo weyn oo loo dhisayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoraal uu wakiilku bartiisa Twitter-ka soo dhigan ayuu ku sheegay in taalladda madaxweyne Farmaajo laga dul dhisi doono dusha sare ee qeybta shakhsiyaadka muhiimka ah (VIP) ee Stadium Muqdisho. “Waa madaxweynaha Jamhuuriyada. Hada weliba Taala ayaan uga dhiseynaa meesha VIP-da korkeeda – seriously (Waa iga dhab),” ayuu yiri Qaasim Gaaboow. Qaasim faahfaahin kama bixin xilliga la fulinayo mashruuca uu ku dhawaaqay iyo ujeeddada laga leeyahay, balse waxaa laga cabsi qabaa in uu mashruucan dhaliyo xiisad siyaasadeed, maadaama dhaqaalaha hay’addan uu yahay mid loogu yaboohay horumarinta Soomaaliya. Hay’adda NIS oo Soomaaliya mashaariic badan ka fulisay waxay maamushaa deeqo inta badan ka yimaada dowladda Norway iyo qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub oo deeqaha ay Soomaaliya ku bixinayaan soo mariya. Muwaadiniin badan ayaa baraha bulshada kaga falceliyay adeegsiga kooxda olelaha madaxweyne Farmaajo ee shaashadda Stadium Muqdisho oo si joogta ah loogu soo bandhigo sawirkiisa oo weyn xilliyada ay socdaan ciyaaraha. Dayactirka garoonkan waxaa gacan ka geystay hay’adda NIS. “Shaashadda garoonka Stadium Mogadishu ee loogu talo galay in saacadda iyo natiijada ciyaarta lagala socdo ayaa mararka qaar la soo saaraa Sawirka Farmaajo” ayuu Twitter-ka ku soo qoray Cabdullaahi Axmed oo ku lifaaqay sawir arrinkan muujinaya. Madaxweyne Farmaajo waxa uu horay u dayactiray taallooyin ku yaalay Muqdisho oo ku burburay dagaalladii sokeeye. Haddii ay hirgasho dhismaha taalladan waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee loo dhiso taallo iyo madaxweynihii ugu horreeyay adduunka oo taallo loogu dhiso lacag gargaar loogu talo galay. Isha: Mustaqbal Radio The post Norway oo Farmaajo taallo uga dhiseysa Stadium Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Xeer Ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa guddi u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June ee sanadkan. Xeer ilaalintu waxay sheegtay in saddax sarkaal oo ka kala socdo xafiiska Xeer ilaalinta, Boliiska iyo Nabad-Sugidda loo xilsaaray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd gabar da’yar oo u shaqeynaysay hay’adda NISA. Xeer Ilaaliyaha ayaa faray taliska NISA in ay ula shaqeeyaan saraakiisha magacaaban wadda kasta oo lagu gaari karo danta cadaaladda. Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida waxa uu sheegay in ay aqbaleen furashada gal-dacwadeed ay u soo gudbisteen ehelka maqanad Ikraan Tahliil. Ikraan Tahliil ayaa hay’adda NISA ku soo biirtay 2017, waxayna horay uga soo shaqeysay xafiiska duqa magaalada Muqdisho, markii uu xilka hayay guddoomiyihii qaraxa lagu dilay Cabdiraxmaan Yariisoow. Sida la sheegay Ikraan markii cid ugu dambaysay waxay ahayd xilli habeen ah oo ay raacday gaari u diiwaan gashan hay’adda NISA. PUNTLAND POST The post Guddi baaris oo loo magacaabay kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Puntland Post.
-
Internally displaced people in their shelter at a camp in the town of Azezo, Ethiopia, on July 12. Photographer: Eduardo Soteras/AFP/Getty Images Protesters in eastern Ethiopia blocked and damaged a vital trade artery linking the landlocked African nation to a port in neighboring Djibouti, a government official said. The railway between the two eastern African nations has been closed since the demonstrations took place Monday, Mohamed Rooble, a spokesman for the government of Ethiopia’s Somali region, said Tuesday. The protest followed an attack by special forces and militia fighters from neighboring Afar region carried out on the town of Garbaiisa, where many ethnic Somalis live. Somali authorities confirmed at least 300 people died in the violence, which began on July 24, Mohamed said. The protesters also closed the road that links the Somali region to Ethiopia’s capital, Addis Ababa. The blocked trade route risks further damage to Ethiopia’s economy, which is already struggling to deal with the impact of the coronavirus pandemic and a nine-month conflict in its northern Tigray region. Ethiopia relies on Djibouti’s port and transport-related infrastructure for 95% of its maritime trade, according to the Pretoria-based Institute for Security Studies. Yields on the nation’s 2024 Eurobonds rose for a fifth straight day on Tuesday, climbing to 10.26%, the highest since May 2020. The conflict that began in Tigray in November has spread to Afar and risks spilling over into the Amhara region. The violence has displaced has displaced at least 2 million people and left thousands dead. A spokesman for the regional government in Afar didn’t immediately respond to calls seeking comment. Tilahun Sarka, director-general of the state-backed Ethio Djibouti Railway company, didn’t immediately respond to a call seeking comment. Source: Bloomberg The post Protesters Block Ethiopia Rail Link After Clashes Leave 300 Dead appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Midowga Yurub (EU) iyo la-hawlgalayaashooda Caalamiga ah ayaa in ka badan kala bar dhimay dhaqaalihii ay ku bixin jireen ciidamada Kenya ee Soomaaliya u jooga la dagaalanak argagixisada Al-Shabaab. Dhimista dhaqaalaha uu ku sameeyay Midowga Yurub ayaa waxaa loo sababeynaa qiyaano ay sameysay dowladda Kenya, oo qaar kamid ah ciidamadeeda si qarsoodi ah ugala baxday Soomaaliya, balse weli lacag uga qaadaneysa Midowga Yurub. Waaxda maaliyadda ee dalka Kenya ayaa kal hore meel ku sheegi weysay in ka badan 23 milyan oo dollar oo uu dalkaas ka helay Midowga Yurub, si loogu maal-geliyo ciidamadiisa qeybta ka ah la dagaalka Al-Shabaab, sida ay daabacday warbaahinta Kenya. Xukuumadda Kenya ayaa shalay baarlaamanka u sheegtay in howl-galka Midowga Afrika ay ka heshay 4.5 bilyan oo lacagta Shilingka Kenya ah, mudadii 12-ka billood, marka loo eego bartilmaameedkii hore ee ahaa SH8.5 bilyan. Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Keyna oo ayaguna dhankooda baaris ku sameeyay sababta ka dambeysa dhimista dhaqaalihii ay ciidamadooda ka heli jireen beesha caalamka, ayaa sheegay inay tahay ka bixitaanka ciidamadooda qeybo kamid ah Soomaaliya. “Lacagta la helay waxay ku saleysneyd tirada ciidamada dhabta ah ee la keenay Soomaaliya. Bishii Luulyo, 2018, tirada ciidamada ayaa markii dambe la dhimay.” Lacagtii uu Midowga Yurub siin jiray ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa bishii hore laga jaray 66 boqolkiiba oo ah in ka badan 45 milyan oo dollar. Arrintan ayaa si rasmi ah u dhaqan-gashay sanad maaliyadeedka cusub ee bilowgii bishaan July, maadaama ay soo dhowaatay taariikhda la qorsheynayo in ay ka baxaan Soomaaliya taas oo ay hogaaminayso Qaramada Midoobay, sida ay qoreyso qaar ka mid ah warbaahinta Kenya. Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland. Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jabuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab. The post Midowga Yurub oo lacagta ka jaray ciidanka Kenya ee Somalia kadib qiyaameyn yaab leh appeared first on Caasimada Online.
-
Weriye Soomaaliya oo u shaqeeya Telifishanka Itoobiya Dawlada “ETV” oo Shaqadii uga tegay cadaaladaro war tebineed ee dagaalka Canfarta & Soomaalida ka dhex oogan Nasridiin Xasan Daahir Nasridiin Xasan Daahir oo kamid ah suxufiyiinta Soomaalida ee ka howlgala teleefishinka Qaranka Itoobiya ee ETV ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagey shaqadiisa kadib dhibataada ka dhalatay dagaalka ka dhacay degmada Garba Ciise halkaas oo ay colaad ku dhexmartay Soomaalida iyo Canfarta. Wuxuu jeediyay dhaliil ah in si caddaalad ah waxbo loogu tebin shacabka Soomaalida gaar ahaan dhibaatooyinka ka dhaca gobollada ay degan yihiin. “Go’aankeygu wuxuu ku saleysan yahay kadib markii aan arkay caddaaladda darrada warbaahinta dalka oo aanan u sineyn in bulshada ay si sinaan wax ugu tebiso” “Mar haddii codkeyga aan ugu tebin karin baahiyaha bulshadeyda ayaa waxaan qaatay in aan sii wadi karin shaqada iyo xilka aan ka hayo warbaahinta qaranka, Turjaamano ayaan aheyn oo waqooyiga iyo dhibaatooyinka qowmiyadaha kale ka dhaca ayaan tebineyay” ayuu yiri Nasridiin oo BBC la hadlayay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan bil lagu la’yahay gacanta Hay’adda NISA, sida ay sheegeen qoyskeeda ayaa maanta waxay dowladda u magacowday Guddi khubaro ah oo baara kiiska maqnaashaheeda. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa saddex Sarkaal oo ka kala tirsan Xafiiska Xeer Ilaalinta, Booliska iyo Nabad-sugida u magacaabay baarista kiiska Ikraan Tahliil. Xeer Ilaaliyahay ayaa sidoo kale faray Taliska NISA iyo cidkasta oo ay quseyso arrintaas inay si dhow ula shaqeeyaan Saraakiisha loo magacaabay kiiskeeda, si loogu xaqiijiyo cadaalada. Magacaabista guddiga baaraya kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxa uu imaanaya kadib markii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta uu aqbalay furashada Gal-dacwadeed ay kal hore gudbiyeen ehelka Ikraan oo muddo ka badan bil la la’yahay. Arrinta Ikraan ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayey, maadama ay aheyd Sarkaal muhiim ah oo ka tirsan NISA, islamarkaana ay ku maqan tahay gacantooda, sida ay warbaahinta u sheegen eheladeedu. The post DF oo guddi khubaro ah u magacowday kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.
-
The first act of a newly elected parliament, after members have taken the pledge of loyalty, is the election of a speaker. The parliament speaker is an elected MP who presides the sessions of the parliament, maintains order during sessions, punishes MPs who break the rules of the house, determines which members might speak and, once bills and proposals are introduced, decides which ones are to be discussed first, to assign them to a committee whose members peruse and make changes to the bills and proposals when necessary, to put them before the parliament to be voted on. Principally, contemporary MPs are considered to have two duties, or three when they belong to a political party. Their primary responsibility is to act in the national interest. They must also act in the interests of their constituents where this does not override their primary responsibility. Examples of having a sincere interest for national progress include enhancing peoples’ living standard, performing acts of kindness without expecting anything in return and creating an environment that can equip communities with relevant skills and knowledge that will enable them to be self-reliant and active in the economic. This sums up that an MP’s primary role is, at the very least, to come up with the effort to guide their conduct by sincerity –that is, to do what there are the best reasons for doing – while giving equal weight to the interests of each citizen who will be affected by what a representative does. If every Somaliland MP is elected to observe above noble role, why the age-old tribal intrigues and streams of invective once again come into play and Kulmiye party is restlessly calling on some MPs from opposition parties to come to its side? What is the aspirational goal that led Kulmiye leadership to strike an alliance deal with MPs from opposition parties? Who will the parliament speaker serve? The presidency or the public? Public representation is ‘not an experieental policy, but an endeavor that must be won’; a social responsibility that could dictate and design what the future for one’s constituencý and country would look like and how every elected representative is going to make that future a reality. As they say, “becoming is better than being.” Today Somaliland population is expecting to see a parliament that is totally different from the previous parliament in every ethical aspect. The participation of Somaliland population in recent parliamentary and local council election proves the reality that the people of this country are in dire need of having MPs who should revive the honor of public representation; representatives who by all means prove that the legislature is a political institution with high-minded principles and innovative policies; a legislature that would leave no stone unturned in order to clean the rotten system from under the carpet; a parliament whose activity in public engagement should embody a considerable sense of connectivity that offers forms of symbolic representation, which ought to present the public with what this age requires. Faced limitless levels of distrust from the forner parliament, the election of the speaker should be about choosing a personality that can ponder on how to make right what has already gone wrong; a person who has the ability to materialise the means that can make Somaliland stronger; an individual who has the capacity to set plans and policies that can uplift the poor; an honorable MP who can inspire the legislature with the will to act effectively and the courage to create an efficient environment where all legal institutions are accountable for their actions by re-introducing check-and-balance procedures to Somaliland’s current political system. Picking the speaker from among the PMs is not about selecting a yes-man, who only fulfills the wishes and wants of the current Somaliland presidency. Somaliland is fed up of a parliament that always followed the directions and dictations given by the executive body. The way in which Somaliland presidency (‘the executive) worked was not built to deliver promising results in the public interest or to foster policy innovation. Instead it was based on political corruption – that is, abuse of power, to put the context on its proper pretext. In politics, a political alliance, also known as a coalition, is collaboration by members of different political parties, in countries with a parliamentary system, on a common goal. This usually involves formal agreements between two or more entire parties, to choose a prime minister or parliament speaker. The coalition between the two parties, Waddani and Ucid, is a constitutional move in the first place and, in addition a temporary agreement which, in and of itself, is not a destructive pact. Rather it is a defining mission or a motto fundamentally designed for reactivating and reinforcing measures ensuring adherence to the principles of supremacy of law, equality before the law, accountability to the law, fairness in the application of the law, division of government tasks among legal institutions, separation of powers, participation in decision-making, legal certainty, procedural transparency, and avoidance of arbitrariness. As the old gag goes to say, “Change is the law of life.” Change is what mostly makes people grow. The new parliament must examine how government officials work, what they do and how they do what they do. Moreover the MPs must also throw their weight behind implementing political innovation that would help government institutions intellectualise governing system, so that Somaliland’s mode of governance can grow. Having a sincere interest for human development is what realistically plants the seeds of progress. Much like a seed, any progress must be nurtured. And much like a plant, the progress becomes more durable as it grows. Left unattended, for any length of time, a plant begins to wither. Likewise, so progress and persistence. Looking into and investing in following sectors are the areas where projections of change-making movements should begin: 1. Invest in education and job skills training. Pay teachers more and modernize and support public schools, vocational education, community colleges, job training academies, and apprenticeships. 2. Invest in innovation. Enhance governing by systemising how people work and inspire them with confidence and courage to get things done and hold them accountable. 3. Identifying differences between regions.Study regional strengths and weaknesses, support enabling and creative ideas, create the conditions for local communities to thrive in future growth areas such as regenerative agriculture, self-reliance and knowledge-based enterprises (when the ability to do is avsilable). 4. Invest in Infrastructure. Repair and modernize roads, bridges. 5. Invest health. Clean common areas, keep wellness centres tidy, supply public places with better lighting and community policing so that people can feel safe. If the new parliament will look Somaliland’s current situation in a new way and act on that new look, things may change for the better. But if the newly elected MPs begin their duty with the intenationality to look only what comes into their pockets, it is cetain that Somaliland would miss a promising future. By : Jamafalaag Hargeisa, Somaliland. Qaran News
-
Falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur oo ka mid ah gorfeeyaasha isboortiga dalka ayaa sheegay in muhiim tahay in ciyaartooyda Xulka Qaranka Kubabdda Cagta Soomaaliya ay helaan tababaro joogta iyo ciyaaro saaxiibtinimo, hadii la rabo in ay guul gaaraan xidigaha Xulka Qaranka Soomaaliya,wuxuuna soo jeediyay in hogaanka Xiriirka ay qaataan aragtida ka imaanaysa bahda kubbadda cagta dalka. “Ciyaartii u danbeesay uu Xulka Qaranka la dheelay dhigiisa Cumaan waxay ciyaartooyda soo bandhigeen tayo wanaagsan,balse sida ay sheegeen waxaa jirta diyaar garow la’aan waa muhiim in Qaranka uu helo ciyaaro saaxiibtinimo oo badan iyo diyaar garow joogta ah” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur. Daawo Waraysi Uu Cabdullahi Daguur Siiyay Goobjoog Sports Sidoo Kale Aqriso Warar Kale Oo Dheeraad Ah Cabdullahi Faarax Daguur “Macallin Cismaan Iskoot Waa Hanti Qaran ” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Iran oo sheegtay inay qabatay hawl-wadeeno ka tirsan Mossad Iran ayaa Talaadada maanta ah sheegtay in ciidamadeeda amniga ay xireen shabakad u shaqeyneysay Israel, islamarkaana ay qabatay keyd hub ah oo la doonayey in loo adeegsado xasillooni darro ka dhalatay biyo la’aan oo dalkaas ka jirta, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda. Iran ayaa inta badan cadowgeeda dibedda sida Israel, Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ku eedeysa inay qalalaase ka abuurayaan dalka, ayaga oo hurinaya dibad-baxyo iyo rabshado. Warka maanta kasoo baxay dowladda ayaa yimid ayada oo ku dhowaad laba toddobaad ay dalka ka socdaan dibad-baxyo looga cabanayo biyo yari, oo badankeed ka jirta koonfurta galbeed ee Iran, kuwaas oo isku rogay siyaasad kuna faafay qeybo kale. Mas’uuliyiinta ayaa ku eedeeyey mucaarad hubeysan inay huriyeen isku dhacyo intii ay socdeen dibad-baxyada. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ciidamada amniga ay rasaas ku fureen dibad-baxayaasha. “Howlwadeeno ka tirsan Mossad ayaa doonayey inay qalabkan u isticmaalaan dibad-baxyada magaalooyinka iyo dilal,” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan Wasaaradda Sirdoonka, oo ay soo xigatay warbahainta dowladda, isaga oo ula jeeda hay’adda sirdoonka Israel. Hubka la qabtay ayaa waxaa ku jira bistoolado, bam gacmeedyo, qoryo iyo rasaas, sida uu sheegay sarkaalka oo aan la magacaabin, oo intaas ku daray “Qaar ka mid ah kuwan waxaa loo adeegsaday in lagu huriyo isku dhacyo intii ay socdeen dibad-baxyada.” Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Israel. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo ku socda Guddoomiyeyaasha guddiga heer federaal iyo dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa lagu shaaciyey liiska musharaxiinta qeyb kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Jubaland laga soo dooranayo. Nuqul kamid ah waraaqdaas oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxa uu madaxweyne Axmed Madoobe ku gudbiyey Liiska Musharaxiinta 4 Kursi, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 9 xubnood, iyo sida ay u tartami doonaan, waxayna kala yihiin: 1- Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac. 2- Xalimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cismaan 3- Ilyaas Badal Gaboose, Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaarke Maxamed Cabdi 4- Ibraahim Yacquub Ismaaciil iyo Iftin Xasan Iimaan. Kuraasta 4-ta ah ee uu maanta gudbiyey madaxweynaha Jubbaland ayaa waxay kamid yihiin 8 Kursi oo ay Jubbaland ku leedahay Aqalka Sare, waxaana weli dhiman liiska musharaxiinta 4 kursi oo kale. Jubbaland ayaa noqonaya maamulkii u horeeyay ee gudbiya qeyb kamid ah Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, xili uu maanta Guddiga maamulka doorashada heer dowlad-goboleed ee Jubbaland uu soo saaray Jadwal cusub. Guddiga ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka bisha July u dejiyay in lagu shaaciyo magacyada Musharaxiinta iyo Jadwalka, midaasi oo ku eeg in 6:00pm ka hor lagu soo wada gudbiyo liiska musharaxiinta. Sidoo kale waxa uu guddiga Jadwalka cusub ee uu maanta soo saaray ku sheegay in diiwaan-gelinta, qabashada codsiyada iyo shubitaanka Khidmooyinka ay bilaaban doonaan maalinta berri ah oo taariikhdu tahay 28-ka bisha July. Sida uu dhigayo Jadwalka ay maanta soo saareen Guddiga maamulka doorashada heer dowlad-goboleed ee Jubbaland in hadal Jeedinta Musharaxiinta iyo Doorashadooda ay qabsoomi doonto maalinta Khamiista ah. The post Axmed Madobe oo shaaciyey musharaxiinta Aqalka Sare + Xilliga doorashadu dhaceyso appeared first on Caasimada Online.
-
400 qof oo shacab Soomaali ah oo lagu xasuuqay ItoobiyaDagaal culus oo socda Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta oo maanta dib uga qarxay dalka Itoobiya, kadib markii maamulka Cafarta ay xasuuqeen dad gaaraya 400 oo qof oo Soomaali ah. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa haatan wuxuu ka socdaa duleedka magaalada Garba Ciise oo ku taalla wadada dheer ee isku xirta wadamada Itoobiya iyo Jabuuti. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyo xoolo dhaqato Soomaali ah iyo sidoo kale maleeshiyaad ka soo jeedo dhanka deegaanka Canfarta. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dhawaaqa rasaasta si xoogan looga maqalayo magaalada & agagaarkeeda, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalkan ayaa sidoo kale daba socda mid kale oo todobaadkii hore ka dhacay aagga haatan lagu dirirayo, waxaana ku dhintay Soomaali fara badan. Wasiir ku xigeenka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Rooble Maxamuud oo u warramay VOA ayaa shaaciyey in qiyaastii 350 illaa 400 oo qof la dilay, isla-markaana magaalada ay la wareegeen Canfarta, sida uu hadalka u dhigay. “Dadka gudaha ku jira ee aan la xiriirnay waxay innoo sheegeen dad illaa 350 qof illaa 400 u dhexeeyo in lagu dilay halkaasi,” ayuu yiri Maxamed Rooble Maxamuud oo ah wasiir ku xigeenka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Si kastaba dagaalka labada dhinac ee haatan dib u bilowday ayaa kusoo aadaya, xilli shalay maamulka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya uu shaaciyey inuu difaaci doono dadka Soomaalida ah ee deggan aagga magaalada Garba Ciise iyo deegaannada kale ee ku dhow. Qaran News
-
Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland ayaa goordhaw shaaciyay xunbanaha u tartamaya kuraasta aqalka sare ee deeganada Jubbaland. Musharixiinta la shaaciyay ayaa gaaraya illa iyo 9 musharax oo u tartamaya afar ka mid ah 8- kursi ee Aqalka sare ee Jubbaland. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shaaciyay xubnaha tartanka galayo ee jubbaland . Dhanka kale Guddiga hirgelinta doorashooyinka Aqalka sare ee Jubbaland ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada Aqalka sare ee jubbaland. Maalinta khamiista ah ayeey guddiga shaaciyeen in ay dhaceyso doorashada aqalka sare ee dowlad gobaleedka Jubbaland. Hoos ka akhriso magacyada Musharixiinta iyo jadwalka doorashada aqalka sare ee Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalka Itoobiya (Anfar,Amhara & Tigray)+Madaxweynaha Canfarta oo shaaciyey Mawqifkiisa TPLF Dagaalka ayaa ku sii fiday meelo ka baxsan gobolka Tigrey Dowlad deegaanka Canfarta ayaa ugu baaqday dadka deegaanka inay la dagaalamaan falaagada Tigreega, sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP. “Qof walba oo Canfar ah waa in uu difaacaa dhulkiisa sida ugu macquulsan, haddii uu ku difaci lahaa xabbad, ulo ama dhagxaan,” ayuu yiri madaxweynaha Canfarta Awal Arba, sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP. “Ma jiro wax hub ah oo na wiiqi kara. Waxaan ku guuleysan doonnaa dagaalkan” ayuu intaa ku daray. Xukuumadda gobolka Axmaarada ayaa baaq kan la mid ah horey u dirtay. Waxay wararku sheegayaan in falaagada TPLF ay weeraro ka bilaabeen meel u dhaw xadka Tigray iyo Canfarta. Madaxa Maareynta Masiibooyinka ee Gobolka Canfarta ayaa usbuucii la soo dhaafay u sheegay BBC-da in in ka badan 70,000 oo qof ay ku barakaceen colaadda. Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dad ka badan 20 qof oo rayid ah la dilay. Afhayeenka TPLF Gitachew Reda ayaa dhankiisa ku tilmaamay howlgalka ka socda gobolka Canfarta mid “aad u xadidan” oo lagu qaaday ciidamada gaarka ah ee Oromiya ee ka dagaalamaya gobolka Canfarta. Hasa yeeshee madaxweynaha dowlad deegaanka Canfarta ayaa beeniyay eedeymahaasi. “Dadka qaar waxay u maleynayaan in TPLF ay ku raadjoogaan ciidamada gaarka ah ee Oromiya,laakiin taasi waaa mid runt aka fog, ” ayuu yiri. Dhanka kale dibadbaxyo ayaa shalay ka dhacay dhowr magaalo oo dalka Itoobiya ka tirsan. Warbaahinta Axmaarada ayaa ku warantay in banaanbaxyo lagu qabtay magaalooyinka Gonder, Dansha, Gonder iyo Injibara kuwasai oo lagu taageerayo ciidamada difaaca qaranka isla markaana looga soo horjeedo jabhadda TPLF. Wakaalada wararka ee Itoobiya ayaa dhankeeda ku warantay in banaanbaxyo dadweyne lagu qabtay magaalooyinka Semera-Logia, Aisaita iyo Abela oo ka tirsan Gobolka Canfarta. Malmo ka hor ayay ahayd markii caasimadda Addis Abab lagu qabtay dibadbaxyo lagu taageerayay militariga dowladda Itoobiya. Qaran News
-
Ardayda jaamacadda Kinshasa ee dalka Democratic Republic of Congo ayaa sii wada dibadbaxyo iyadoo boliiska dalkaasi lagu eedeeyey inay xadgudubyo iyo ganaax ay u geysanayaan ardayda dalkaas kaddib markii ay dul dhigeen ganaax ardaygii aan wadan afsaabka looga hortago cudurka Covid19. Dibadbaxyada ayaa sii xoogeystay markii sarkaal boliis ah uu toogtay arday usbuucii hore sabab la xiirta inuusan xiran afsaab xilli uu muuqaallo ka duubayey waddooyinka magaalada. Ardayda ku fasal ahayd ardayga la dilay ayaa arrintaas aad uga carooday waxayna taasi keentay inay dibadbaxyo cabasho ah dareenkooda ku muujiyaan. “Waan naxsan-nahay, dareenkeennu waa kacsan yahay,” ayuu yiri arday ka mid ah ardayda dibaxyada dhigeysa isagoo intaas sii raaciyey inay bannaanka sii joogi doonaan illaa caddaalad loo helo ardaygii la toogtay. Ardaydu waxay sheegeen in saaxiibkood Honore Shama oo ah ardayga la dilay islamarkaana ka dhiganayey maaddama farshaxanka jaamacadda Kinshasa la toogtay xilli oo muuqaallo duubanayey waxaan ardaydu ku baaqeen in maxkamad la keeno qofkii dilka geysta oo caddaalad loo helo Honore Shama. Boliiska dalka DRC waxay sheegeen in ardayga la dilay uu jabiyey amar dowladdu soo-saartay kaasoo ah in la xirto afsaab si cudurka Covid19 looga hor-tago laakiin uu kasoo tagay waxaana boliisku intaas ku daray in ciqaabtiisu aysan ahayn dil islamarkaana dilku yimid markii uu iska caabbiyey boliiska. Dad marqaatiyaal ah oo kale ayaa sheegay in dilkaas ay boliisku geysteen. Ninkii boliiska ahaa ee dilka ka dambeeyey ayaa goobta ka baxsaday iyadoo boliiska magaalada falku ka dhacay ay raadinayaan sarkaalka boliiska ah ee dilka geystay sida uu sheegay madaxa boliiska magaalada Kinshahsa General Sylvano Kasongo. “Boliisku waxay xireen laba sarkaal oo boliis ah, kuwaas oo joogay markii falku dhacayey sabab la xiirta kheyru-mas’uulinimadooda ayaana u xirnay, sidoo kale waxaan xirnay sarkaalkii haystay saldhigga boliiska ee goobta falku ka dhacay,” ayuu yiri General Sylvano Kasongo. In la xirto afsaabka ayaa waajib ka ah DRC iyadoo dadka ku xadgudba lagu ganaaxayo 10,000 oo lacagta dalka DRC ah taas oo u dhiganta shan dollar. Magaalada Kinshasa, boliiska waxaa si joogto ah loogu eedeeyaa inay geystaan xadgudubyo islamarkaana ay shaqo ka dhigteen dadka aan wadan afsaabka una arkeen fursad ay dadka ku dhacaan waana eedeymo si joogto ah u soo gaara saldhigyada boliiska ee magaalada Kinshasa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The introduction of Turkish language courses has been met with great interest in the East African nation of Rwanda, where classes started this month, according to a Turkish diplomat. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya ayaa guddi saraakiil ka kooban u magacaawday kiiska Ikraan Tahliil oo la sheegay in ay afduubteen xubna ka tirsan taliska NISA. Guddigan ayaa waxaa magacabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay, waxa ayna gaarayaan xubnaha guddiga seddax sarkaal oo ka kala socda Xeer ilaalinta, Boliiska & Nabad-Sugidda Baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June Sanadkan. Gen. Kameey ayaa ugu baaqay in taliska nabad sugidda looga baahan yahay in uu la shaqeeyo saraakiisha inta lagu guda jiro baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd askariyad ka tirsan NISA. Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in magaacabista guddiga ay ku timid kadib markii waalidiinta Ikraan ay furteen galdacawadeed ka dhan ah NISA. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa Talaadada maanta ah sheegtay in ciidamadeeda amniga ay xireen shabakad u shaqeyneysay Israel, islamarkaana ay qabatay keyd hub ah oo la doonayey in loo adeegsado xasillooni darro ka dhalatay biyo la’aan oo dalkaas ka jirta, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda. Iran ayaa inta badan cadowgeeda dibedda sida Israel, Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ku eedeysa inay qalalaase ka abuurayaan dalka, ayaga oo hurinaya dibad-baxyo iyo rabshado. Warka maanta kasoo baxay dowladda ayaa yimid ayada oo ku dhowaad laba toddobaad ay dalka ka socdaan dibad-baxyo looga cabanayo biyo yari, oo badankeed ka jirta koonfurta galbeed ee Iran, kuwaas oo isku rogay siyaasad kuna faafay qeybo kale. Mas’uuliyiinta ayaa ku eedeeyey mucaarad hubeysan inay huriyeen isku dhacyo intii ay socdeen dibad-baxyada. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ciidamada amniga ay rasaas ku fureen dibad-baxayaasha. “Howlwadeeno ka tirsan Mossad ayaa doonayey inay qalabkan u isticmaalaan dibad-baxyada magaalooyinka iyo dilal,” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan Wasaaradda Sirdoonka, oo ay soo xigatay warbahainta dowladda, isaga oo ula jeeda hay’adda sirdoonka Israel. Hubka la qabtay ayaa waxaa ku jira bistoolado, bam gacmeedyo, qoryo iyo rasaas, sida uu sheegay sarkaalka oo aan la magacaabin, oo intaas ku daray “Qaar ka mid ah kuwan waxaa loo adeegsaday in lagu huriyo isku dhacyo intii ay socdeen dibad-baxyada.” Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Israel. REUTERS + VOA The post Iran oo gacanta ku dhigtay hawl-wadeenno ka tirsan sirdoonka Mossad iyo hub appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaarada arimaha Gudaha ayaa sheegtay inay xilkii ka qaaday Caaqil Nuur xaaji cabdilaahi Heetiye oo ka mid ahaa Cuqaasha Gobolka Togdheer. Caaqilka ayaa dhawaan ka qayb galay caleemo Saar aanay Xukuumaddu ogolayn oo ka dhacay Degmada Balidhiig oo lagu caano shubayay Suldaan Abokor Cumar aadan. Source
-
Dekadda Berbera waxaa shalay subax dib uga noqday markab u rarnaa ganacsato reer somaliland ah oo siday Noocyada kala duwan ee bagaashka noqoshada markabkani ayaa lala xidhiidhinayaa in la soo xidhi waayay sababo la xidhiidha dabaylo xoogan oo wiigan ka dhacayey magaaladda iyo badda. Warar kale oo laga helayo markabkan ayaa sheegaya in alaabadii uu iskaga rogayo Dekadda Jeddah, halkaasi oo muddo dambe ay oolayso inta laga helayo markab xagga somaliland u soo baxaya. Ganacsatadii uu u rarnaa markabkani ayaa iyaguna dhankooda walaac weyn ka muujinaya alaabtoodan dib uga noqonaysa dekada berbera, maadama bishan gudaheeda uu noqonayo markabkii labaad ee ka noqday dekada berbera, taasi oo keenayso dib u dhac badeecadeedd, sidoo kale suuro-gal ka dhigaysa in markale ay sababto maceeshada oo qaaliyowda. Hawlaha Badda oo ay ka mid tahay xidhista iyo furista maraakiibta ayaa ah shaqo ay gaar u leedahay Somaliland, gaar ahaan hayadda Dekada Somaliland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta oo maanta dib uga qarxay dalka Itoobiya, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa haatan wuxuu ka socdaa duleedka magaalada Garba Ciise oo ku taalla wadada dheer ee isku xirta wadamada Itoobiya iyo Jabuuti. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyo xoolo dhaqato Soomaali ah iyo sidoo kale maleeshiyaad ka soo jeedo dhanka deegaanka Canfarta. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dhawaaqa rasaasta si xoogan looga maqalayo magaalada & agagaarkeeda, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalkan ayaa sidoo kale daba socda mid kale oo todobaadkii hore ka dhacay aagga haatan lagu dirirayo, waxaana ku dhintay Soomaali fara badan. Wasiir ku xigeenka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Rooble Maxamuud oo u warramay VOA wuxuu shaaciyey in qiyaastii 400 qof la dilay, islamarkaana magaalada ay la wareegeen maleeshiyaadka Canfarta ee la dagaalamaya Soomaalida. “Dadka gudaha ku jira ee aan la xiriirnay waxay innoo sheegeen dad illaa 350 qof illaa 400 u dhexeeyo in lagu dilay halkaasi,” ayuu yiri Maxamed Rooble Maxamuud oo ah wasiir ku xigeenka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Si kastaba dagaalka labada dhinac ee haatan dib u bilowday ayaa kusoo aadaya, xilli shalay maamulka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya uu shaaciyey inuu difaaci doono dadka Soomaalida ah ee deggan aagga magaalada Garba Ciise iyo deegaannada kale ee ku dhow. The post Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Soomaalida iyo Canfarta ee ITOOBIYA appeared first on Caasimada Online.