Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,016
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday ku dhowaad 200 milyan oo dollar oo ah kaalmo dheeraad ah oo loogu talo-galay shacabka Soomaaliya, oo muddo wajahayey dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunno yari, rabshado iyo daadad iyo abaaro soo noqnoqday. Kaalmadan oo ah 199 milyan oo dheeri ah oo oo lasoo marinayo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID iyo Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa tirada guud ee kaamlmada uu sanadkan Mareykanka ugu talo-galay shacabka Soomaaliya ka dhigeysaa 408 milyan oo dollar. War-saxafaadeed uu soo saaray afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu caawin doono ku dhowaad lix milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bani’adannimo. Dadkan ayaa waxaa ku jira saddex milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo qiyaastii 500,000 oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya. “Maal-gelintan cusub waxay kaalmo cunno iyo nafaqo deg deg ah, biyo nadiif ah oo ay cabaan, nadaafad, hoy, waxbarasho iyo daryeel caafimaad siin doontaa shacab wajahaya caqabado ka dhashay dagaallo iyo xaalad deegaan oo sii xumaaneysa,” ayuu yidhi Ned Price. Price ayaa sheegay in Mareykanka uu yahay dalka deeqda ugu weyn siiya Soomaaliya iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee gobolka ku sugan. Afhayeeenka ayaa intaas ku daray in Mareykanka uu weli ka walaacsan yahay baahida bani’aadannimo ee sii kordheysa, wuxuuna deeq bixiyayaasha caalamka ku booriyey inay ku tabarucaan jawaabaha caalamiga ah ee laga bixinayo iyo taageerada lagu badbaadinayo nolosha. Source
  2. Dabley hubaysan oo ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa xalay degaanka Carrooley ee Gobolkaas ka af-duubtay dad rayid ah, oo ka soo jeeda magaalooyinka Burco iyo Berbera ee Somaliland. Dadkan rayidka ah ayaa la af-duubtay, xilli ay socdaal kaga yimaadeen beeraha XALIN oo ka tirsan degmada Taleex ee Gobolka Sool. Dableyda af-duubka gaystay ayaa sida wararku sheegayaan la-hayb ah nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur, kaas oo mudda bil ah ku xiran magaalada Berbera. Cabdikariin Cali Nuur oo u dhashay Gobolka Sool, ayaa Somaliland xirtay kadib markii uu dhawr jeer warbaahinta dhaliilo ka jeediyay. PUNTLAND POST The post Dad ka soo jeeda Somaliland oo lagu af-duubtay Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  3. Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Jubbaland. Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Jubaland oo ka kooban 5 xubnood ayaa goobjoog ka noqon doona Doorashada Aqalka sare ee senitorada kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Jubaland oo maalinta Khamiista ka dhici doonta Magaalada Kismaayo. Waxaa hore ugu sugnaa Jubaland Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo xubno ka tirsna guddigaas. PUNTLAND POST The post Guddiga xallinta Khilaafaadka oo ku wajahan Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga uu dhowaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, ahna guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliya, Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa ka hadashay liiska xubnaha musharraxiinta Golaha Aqalka Sare ee Jubbaland. Batuulo ayaa ka hortimid sideeda xubnood ee uu shalay soo saaray Axmed Madoobe, waxayna sheegtay inay saluug ka muujinayaan in hal gabar oo kaliya ay kasoo dhex-muuqato musharraxiinta u tartamaya afarta kursi ee la shaaciyey musharraxiintooda. “Hadda waxaa saluugeynaa soo saarista musharraxiinta waayo waxaan aragnay sideed musharraxiin oo lasoo saaray oo hal gabar oo kaliya ay ku jirto,” ayey tiri Marwo Batuulo. Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Waxba kama qabno in hal gabar ay kasoo baxdo afarta kursi, afarta kalena ay hal gabar kasoo baxdo,”. Ugu dambeyn waxay ugu baaqday madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) inuu dib ugu laabo liiskaas, isla-markaana uu kusoo daro gabar kale, si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee 30% ee horey heshiiska looga gaaray. “In kursiga Xaliimo laga reebo ninka la tartamaya ee lagu bedalo gabar kale ayaan codsaneynaa,” ayey markale tiri Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gaballe. Guddigan ee uu maalmo ka hor magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla-markaana ay soo dhoweysay Qaramada Midoobay ayaa ujeedka loo aas aasay wuxuu yahay inuu ka shaqeeyo ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, si maamul goboleedyada cadaadis loogu saaro inay xubnaha soo saaraan ay ku jiraan kuwo haween ah. Waalaca soo wajahay guddigan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan la guda-galo doorashada Aqalka Sare, waxaana ugu horreyn lagu qaban doonaa magaalada Kismaayo ee Jubbaland. The post Guddigii uu magacaabay Rooble oo ka horyimid liiska musharraxiinta JUBALAND appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Bayle Cumar Daad, oo ah Suldaanka beesha Mareexaan oo Madaxwayne Farmaajo uu ka dhashay, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu u kala eexday beeshiisa, isagoo fariin u diray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoor Qoor. Suldaanka ayaa Qoor Qoor uga digay inuu fuliyo rabitaanka Farmaajo inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka, waxuuna shaaciyey in Farmaajo uu gadaal ka riixayo qorshe doorashada looga reebayo gabar u sharaxan Senator. “Gabadha la yiraahdo Deeqo Xuseen Mire waxay u sharaxan tahay Senator, waxaa la rabaa in laga reebo tartanka doorashada, xildhibaanada Mareexaan waxaa Galmudug laga soo doortaa kuwa metelaya jufooyinka kala ah Wagardhac iyo Raada-miir, afartii sano ee la soo dhaafay kursiga Senatorka waxaa ku fadhiyey Raada-miir, maanta Wagardhac ayaa iska leh, Farmaajo waxa uu yiri Raada-miir ayaa hadana leh kursiga, gabadhaasna waxa uu amray in laga reebo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee Galmudug,” ayuu yiri Suldaan Bayle. Suldaanka beesha Mareexaan ayaa Madaxweyne Qoor Qoor uga digay inuu godob ka galo jufada Wagardhac ee beesha Mareexaan oo doorashada uu ka reebo gabadhaas. “Qoor Qoorow dadku waa Soomaali, waana 4.5 beeshaada Saleebaan ee Habargidir iyo beesha Wagardhac ee Mareexaan waa dagaaleen, waana heshiiyeen ee maanta adigu kiis haka gelin Wagardhac oo doorashada ha ka reebin gabadha la yiraahdo Deeqo Xuseen Mire oo ah musharax Senator, liiska ma soo geleyso oo qori mayo oo Farmaajaa sidaas igu yiri hadaa dhahdo waa godob,” ayuu yiri Suldaan Beyle Suldaanka beesha Mareexaan. Sidoo kale waxa uu uga digay in beeshiisa uu u soo jiido godob noocaas ah, “Qoor Qoorow Madaxweynaa tahay, anigaan Suldaan Beyle ah ayaa ku soo doortay ee Farmaajo kuma soo dooran, anagaa madaxweyne noo tahay ee godob hana gelin, gabadhaas hadey rabto doorashada yeysan ku guuleysan ee adigu liiska ku soo dar,” ayuu yiri Suldaanka beesha Mareexaan Suldaan Bayle Cumar Daad. The post Daawo: Suldaanka beesha Mareexaan oo ka digay qorshe uu QOOR QOOR fulin rabo appeared first on Caasimada Online.
  6. Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida DDS waxa saaka ka socda bannaan-bax weyn oo looga horjeedo xasuuq la sheegay in Canfartu ka gaysteen gobolka SITI. Dibad-baxayaasha ayaa ka caraysan weerarkii malayshiyaadka Canfartu ku qaadeen degaanka lagu magacaabo Garbo-ciise oo ka tirsan gobolka SITI halkaas oo lagu laayay dad rayid ah. Dumar iyo carruur badan ayaa sida la xaqiijiyay lagu laayay weerarkii u dambeeyay ee Canfartu ku qaadday tuulada Garbo-ciise inkasoo markii dambe laga saaray. PUNTLAND POST The post Banaan-bax weyn oo saaka ka socda magaalada Jigjiga appeared first on Puntland Post.
  7. Markab ay leedahay India oo Xeebaha Soomaaliya ka bilaabay Dhoolatus. Markabka Talwar ee ay leedahay Dowladda Hindiya ayaa ku biiray dhoolatus sanadle ah oo ka bilawday Magaalo Mombasa kaas oo soconaya inta u dhaxeysa 26-ka July 2021 ilaa 6-da August 2021 sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Ciidanka Badda India. Dhoolatuskaan waxaa lagu soo bandhigayaa awoodda ciidamadaan ay u leeyihiin ilaalinta biyaha Caalamiga iyo xeebaha Soomaaliya si ay uga hor tagaan la dagaalanka Burcad Badeeda sida hadalka loo dhigay. India waxaa ku wehliya dhoolatuskaan 12 dal sida Mareykanka, India, Ururo Caalami ah iyo Dowladda Kenya oo martigelinta xooggeeda leh maadaama Magaalada Mombasa loo doortay goobta laga bilaabayo howlgalka. Dhoolatuskaan waxa diiradda lagu saarayaa kahortagga khatarta qafaalka Kooxaha Burcadda, badbaadinta marka ay qabsadaan Markab ama Doon iyada oo si feejigan loo ilaalinayo dadka la socda ama hantida saaran. Afhayeenka u hadlay Ciidamada Badda India waxa uu tilmaamay in nabadgalyada Badaha ay qayb ka qaadaneyso isu gudubka ganacsiga si xor ah oo ka fog welwelka laga muujiyo kooxaha qafaasha kadibna dul dhiga lacagaha Madax furashada ah. Ciidanka Badda Kenya ayaa fursad u helaya in ay ka faaiideystaan dhoolatuska ay sameynayaan Maraakiibta hubka casriga ah ku xiran isla markaana ay la socdaan askar loo dhameeyay hubka iyo qalabka ay ku howlgalayaan. Qaran News
  8. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday ku dhowaad 200 milyan oo dollar oo ah kaalmo dheeraad ah oo loogu talo-galay shacabka Soomaaliya, oo muddo wajahayey dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunno yari, rabshado iyo daadad iyo abaaro soo noqnoqday. Kaalmadan oo ah 199 milyan oo dheeri ah oo oo lasoo marinayo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID iyo Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa tirada guud ee kaamlmada uu sanadkan Mareykanka ugu talo-galay shacabka Soomaaliya ka dhigeysaa 408 milyan oo dollar. War-saxafaadeed uu soo saaray afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu caawin doono ku dhowaad lix milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bani’adannimo. Dadkan ayaa waxaa ku jira saddex milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo qiyaastii 500,000 oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya. “Maal-gelintan cusub waxay kaalmo cunno iyo nafaqo deg deg ah, biyo nadiif ah oo ay cabaan, nadaafad, hoy, waxbarasho iyo daryeel caafimaad siin doontaa shacab wajahaya caqabado ka dhashay dagaallo iyo xaalad deegaan oo sii xumaaneysa,” ayuu yiri Ned Price. Price ayaa sheegay in Mareykanka uu yahay dalka deeqda ugu weyn siiya Soomaaliya iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee gobolka ku sugan. Afhayeeenka ayaa intaas ku daray in Mareykanka uu weli ka walaacsan yahay baahida bani’aadannimo ee sii kordheysa, wuxuuna deeq bixiyayaasha caalamka ku booriyey inay ku tabarucaan jawaabaha caalamiga ah ee laga bixinayo iyo taageerada lagu badbaadinayo nolosha. The post Dowladda Mareykanka oo ku dhowaaqday boqolaal milyan oo la siinayo Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  9. Xildhibaan khadar Guun oo xisbiga mucaaridka ee waddani uga soo baxay gobolka Maroodi-jeex ayaa shaaciyay in uu taageerayo shirgudoonka xisbiga xukuumiga kulmiye Xildhibaankan ayaa hore uga tirsanaa isbahaysiga xisbiyada mucaaridka isagoo kamid ahaa xildhibaanadii laba cisho ka hor soo dhaweeyay xildhibaan Maydhane oo kasoo baxay xisbiga kulmiye oo taageeray shir gudoonka isbahaysiga mucaaridku uxusheen in uu utartamo gudoomiyaha golaha ee cabdirasaaq khaliif hormuudka uyahay Balse xildhibaan khaddar guun ayaa badalay aragtidiisii hore hadana ka mid noqday xildhibaanada mucaaridka ee taabacsan shir gudoonka xukuumadu wadato. Loolanka loogu jiro shir gudoonka golaha wakiilada ee ay ku hirdamayaan isbahaysiga xisbiyada wadani iyo Ucid oo isku dhinac ah iyo xisbiga xukuumada ee kulmiye ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne Muuse Biixi ayaa maraya meel xasaasiya iyadoo isla caawana uu xildhibaan xisbiga kulmiye uga soo baxay gobolka sool uu shaaciyay in uu taageersan yahay isbahaysiga mucaaridka ee cabdirasaaq khaliif hormuud u yahay. Ilaa hada ma cada sida loogu kala guulaysan doono shir gudoonka golaha wakiilada oo lafilayo in fadhigoodii u horeeya ay yeelan doonan bilowga todobaadka soo socda wallow aanu wali madaxwayne Muuse Biixi soo saran qoraalkii uu ku mudayn lahaa maalinta ay fadhiisanayaan golaha wakiiladu! Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay iyo xubno ka mid ah bahda fanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay xorriyadiisa dib usiisay Abshir Gaarane Axmed oo bishii Janaayo ee sanadkii hore warbaahinta ka sheegay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab. Abshir Gaarane oo sidoo kale ka tirsanaa Kooxda Fanka ee maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka soo muuqday isagoo sheegaya inuu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2013-kii, islamarkaana uu qaabilsanaa aruurinta arrimaha dhaqaalaha ama canshuuraha, waxa uuna markaaa u xirnaa hay’adda NISA. Abshir Gaarane ayaa lagu arkay Muqdisho toddobaadyo ka hor balse waxaa la sheegay in muddo bilooyin ah uu banaan joog yahay, sidoo kale waxaa jira tuhun laga qabo in lagu daray ciidamada ilaalada shacabka ee dharcadka ah isagoo ka baxay bahdii fanka. Dad xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in wiilkaan, oo ay isku beel yihiin madaxweyne Farmaajo, in sii deysamadiisa uu wax ka ogaa Madaxweynaha kadib markii ay dhowr jeer u tageen odoyaal ku beel ah oo ka socday qoyska Gaarane. Abshir Gaarane Axmed ayaa xarigiisa kadib la waayay warkiisa iyadoo ay xusid mudantahay in aanan la geynin Maxkamad si loo baaro amaba loo hubiyo waxyaabaha uu sheegtay iyo eedaha loo jeediyay. Ma cadda illaa iyo hadda sida ay ku timid sii deyntiisa, wuxuuna ka mid yahay kiisad sidan oo kale ay dad ay dowladdu xirtay, haddana kadib la iska sii daayey ayada oo aan dacwado lagu soo oogin. The post Xog: Dowladda oo sii deysay fanaankii sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyey ee bilaaba qabashada doorashada Aqalka Sare, kadib markii shalay madaxweynaha Jubbaland uu soo saaray musharraxiinta u tartameysa afar ka mid ah sideeda kursi ee maamulkaasi. Jubbaland ayaa sidoo kale maanta oo ay ku beegan tahay 28-ka July billowday diiwaan-gelinta xubnaha musharraxiinta, waxaana haatan ku howlan guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ee maamulkaas oo garab ka helaya kan doorashada ee heer federaal. Sidoo kale Jubbaland ayaa shaacisay in doorashada Aqalka Sare ay dhaceyso beri isla-markaana lasoo dooran xubnihii ugu horreeyey ee Senatorada cusub, waxaana qorshuhu yahay in lasoo doorto illaa 4 Senator oo ka mid ah xubnaha ka imaanaya Jubbaland. Dhanka kale waxaa Kismaayo maanta ku wajahan wafdi uu hoggaaminayo Cabdullaahi Abyan Nuur oo ah guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dalka. Guddigan ayaa Kismaayo u tegaya ka qeyb-galka doorashada Aqalka Sare ee beri ka dhaceyso halkaasi, si ay goob joog u noqdaan doorashada Senetarada cusub. Jubbaland oo mar ka mid ah aheyd muumallada sida weyn uga soo horjeeday dowladda dhexe, isla-markaana diidanaa hannaanka u wajaheyso doorashada ayaa hadda hoggamineyso maamullada kale, si loo qabto doorashada xildhibaanada labada Aqal. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad doorasho, kadib markii heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho is jiid-jiidkii siyaasadeed ee muddada ka taagnaa doorashada. The post Maamulkii ugu horreeyey oo bilaabay diiwaan-gelinta musharraxiinta Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa mar kale ka hadlay kiiska gabadhii la waayey ee Ikraan Tahliil Faarax, isagoo sheegay in gabadhaas aysan weli ku heynin nolol iyo geeri, sidoo kale xildhibaanka ayaa soo dhaweeyey guddiga loo xil saaray baaritaanka kiiska Ikraan. Xildhibaan Daahir Jeesow oo golaha shacabka ku metela beesha ay ka dhalatay Ikraan Tahliil ayaa sheegay in baadi goobka gabadhaas aysan marna ka fariisan, isagoo codsi hor leh u diray shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa shaaciyey in la qabtay nin soo wacay reerka gabadha, kaas oo sheegay in gabadhii uu meel ku ogyahay, balse markii lasoo qabtay oo la baaray uu noqday nin doonayey inuu been abuur madax furasho ku qaato. “Saakay waxaan tegay saldhigga Xamarweyne, nin ku xiran ayaa la I tusay, kaas oo lasoo xariiray ehellada gabadha maqan, waxuu u sheegay inuu yahay askari, oo gabadhii uu meel ku ogyahay, laakiin ninka markii la baaray askari waa noqon waayey, waxuuna raadinaayey in lacag la siiyo oo tuugnimadaas oo kaliya ayuu damacsanaa,” ayuu yiri Daahir Jeesow. Waxa uu sheegay in wararka aan la hubin ay ka fogaanayaan, isla markaana ay kalsooni ku qabi doonaan baaritaanka guddiga uu kiiskaas u magacaabay Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. “Waxaan soo dhaweynayaa guddiga loo magacaabay baaritaanka kiiska gabadhaas, waxaan ka codsanaa in kiiskaas ay si hufan u baaraan, arrinta Ikraan xanuun badan ayey nagu heysaa, nolol iyo geeri ilaa hada mid kuma heyno, saxna ma ahan in ilaa hadda hey’adaha amniga ay meel ku soo sheegi waayaan gabadhaas, taas wax aan sugeynay maaha, ee waa in ehelka gabadhaas ay cadaalad helaan,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Ikraan Tahliil Faarax waxaa la waayey 26-kii bishii hore ee Juun, xilligaas oo gaari laga leeyahay taliska NISA ay ka raacday banaanka hore ee xarunta Habar-Khadiijo, halkaas waayihii dambe ay ka howlgeleysay, eedeynta ugu badan waxaa loo jeedinayaa saraakiisha ugu sareysa NISA, balse illaa hadda xog saxan lagama gelin halka la geeyey Ikraan, nolosheeda ama geerideeda, toona. Hoos ka daawo Xil Daahir Jeesow The post Daawo: Jeesow oo xog cusub ka bixiyey kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa muuqaal uu iska soo duubay waxa uu uga hadlay baaqii Ilhaan Cumar ee ahaa in la hubiyo duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, si looga badbaadiyo dadka rayidka ah iyo jawaabtii hadalka Ilhaan uu ka bixiyey wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi. Xasan Daahir ayaa aad u dhaliilay jawaabtii wasiir Fiqi, isagoo yiri, “Waxaan la yaabay jawaabtii uu Fiqi ka bixiyey hadalkii ay gabadhaas Mareykanka joogta ku dalbatay in aan dadka la layn, war inaad hadalkaas wanaagsan ka hor imaato ma aheyn, qof ciil qaba oo cadawgiisa raadsanaaya ayaa dadkeena baabi’iyey.” Waxa uu ku canaantay in isagoo careysan oo cadawgiisa raadsanaaya uu gabadhii danyarta u doodeysay uu hadalkeedii xumaan u fasiray, “Nin walaalkaa ah oo diin kula wadaaga, wadankana kula leh ayaad cadaw u raadsatay, gabadhiina waxay leedahay war dadka yaan la wada baabi’in, iyadoo kula qabta in nimankaas lala diriro, laakiin waxa gabadhu ilaalineyso inaad fahmi weyso waa cadaab, ‘Illaahow Fiqi oo kale hanagu badin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Daahir Aweys. Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facbook-ga 24-kii bishaan waxa uu u jawaabay Senator Ilhaan Cumar, taas oo si adag uga hadashay duqeyntii Mareykanka uu ka fuliyey gobolka Mudug, isla-markaana dalbatay in baaris dhab ah lagu sameeyo, haddii ay jiraan waxyeelo soo gaartay dad raydi ah. “Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed. Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin,” ayuu yiri Fiqi. Jawaabtii Wasiir Fiqi ee ku socatay Ilhaan Cumar ayaa intaas ku sii dartay, “Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Somalia sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday! Dumaashi dagaalka nala soo gal.” Hoos ka daawo Xasan Daahir The post Daawo: Xasan Daahir oo la saftay Ilhaan Cumar, weerar culusna ku qaaday FIQI appeared first on Caasimada Online.
  14. Leading multinational logistics company DP World is determined to transform Somaliland Port city of Berbera into a major maritime, industrial, and logistics hub in the Horn of Africa, especially for Ethiopian transit cargo. DP World in partnership with the government of Somaliland recently opened a new container terminal at Berbera Port, with work underway to further expand the terminal’s capacity. Sultan Ahmed Bin Sulayem, the Chief Executive Officer of DP World says a boost to trade competitiveness is a central focus of Berbera and the region as a whole. The DP World CEO says infrastructure is critical to the economic recovery of Somaliland and the Horn of Africa in the post-COVID-19 pandemic. “The first phase of Berbera port’s expansion began in October 2018, when President (Musa) Abdi and I broke ground to start construction. Just two and half years on, we have a modern, world-class infrastructure asset that helps improve operational efficiency and productivity to meet growing demand. The new terminal, with a deep draft quay of 400 metres and three gantry cranes, is capable of handling the largest container vessels in operation today and increases the port’s capacity from the current 150,000 TEUs to 500,000 TEUs a year,” he said. He added: “We are building a Berbera fit to handle the demands of today’s trade economy, whilst helping expedite its progress towards a self-reliant society. For example, edible oil was previously brought in pre-packaged containers, but now DP World is building a state-of-the-art facility that can store goods in bulk, and allow companies to package them locally.” Bin Sulayem said that to maximise the economic potential of Berbera’s strategic location and the benefits that will follow from the port’s ability to handle increased levels of trade, DP World is also rapidly developing the Berbera Economic Zone (BEZ). “Modelled on Jebel Ali Free Zone (Jafza), our flagship Free Zone in Dubai, BEZ will provide local and foreign investors with a conducive and competitive environment for investment and trade through readily available infrastructure including prebuilt warehousing facilities, serviced land plots, and office and business centre spaces.” He said that the BEZ, combined with the increased power of the Berbera port development, will also support Somaliland’s fast-growing neighbour, Ethiopia, as it seeks to bolster the export competitiveness of its manufacturers. “Ethiopia is one of the fastest-growing economies in Africa and its policymakers and business leaders continue to be well poised to maximize results from improved national productivity as it aims to reach lower-middle-income status by 2025.” The DP World’s Chief Executive observed that the Horn of Africa, with a population of more than 140 million people, is dynamic and ever-evolving and despite the economic shocks of the pandemic, the region has showcased remarkable resilience, managing to grow by 0.88% in 2020. He said the sharp decline in remittance levels and significantly reduced livestock exports to the gulf resulting from the pandemic are crucial issues the government will need to grapple within the years to come to ensure a robust recovery. Nairobi news Qaran News
  15. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee Jubaland u gudbiyay tartamayaasha qaar kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Jubaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa gudbiyay 9 musharax oo mid ka mid ah haween tahay, kuwaas oo u tartamaya 4 kursi, waxayna kala yihiin. 1. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag). Axmed Maxamed Jamaamac. 2. Xaliimo Jaamac Maxamed Cabdirisaaq Maxamed Cismaan 3. Ilyaas Badal Gaboose Maxamed Axmed Sayid Sharmaarke Maxamed Cabdi 4. Ibraahim Yacquub Ismaaciil Iftin Xasan Iimaan. Madaxweynaha Jubaland ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu horreeyay ee soo gudbiyay liiska musharaxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare. Jubaland ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee gudbiya musharaxiinta Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa shalay isku dayay in uu xoog ku soo furto 11 nin oo ay habeen hore soo bandhigeen ciidamada booliska Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsanaa maleeshiyaad ka amarqaata guddoomiye Jacfar iyo Sarkaal lagu magacaabo Xasan Jaamici. Caasimada Online ayaa ogaatay in dood habeenkii oo dhan ka dhax taagneyd booliska, guddoomiye Jacfar iyo Xasan Jaamici oo Milateri ah inuu soo farogeliyay ra’iisul wasaare Rooble kadibna la amray in la sii daayo 11-kii nin iyo hubkooda. Maleeshiyaadka la soo bandhigay ayaa ahaa kuwii ciidamada dowladda kula dagaalamay Ex-Controol Afgooye ee Muqdisho, dagaalkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof. Sidoo kale Maleeshiyaadka ayaa intii lagu howlanaa soo qabashadooda waxaa ka dhintay laba qof. Rooble ayaa Guddoomiye Jacfar ku amray in uu ka samro labada qof ee ka dhintay balse si deg deg ah loogu soo celiyo hubkooda iyo dhallinyaradii kale sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah. Afhayeenka cusub ee booliska Soomaaliya ayaa habeen hore fiidkii hore u sheegay Warbaahinta in la soo qabtay koox burcad ah oo weerartay ciidamada ammiga ee ku sugnaa Ex-controol Muqdisho. Afhayeenka ayaa xilligaas sheegay in booliska ay ku guuleystay inay weeraraan halkii ay ku dhuumaaleysanayeen ragii isku rasaaseeyey Ex Control, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen inta badan kooxdaas, qaar kalena weli lagu daba joogo. The post Xog: Jacfar oo xoog kusoo deestay maleeshiyo ay ka qabteen ciidamada booliska appeared first on Caasimada Online.
  17. Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Coomaad ee hoos-taga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay deegaanka. Qaraxa ayaaa la sheegay in uu ahaa noca miinada dhulka lagu aaso, waxa uuna qaraxa uu haleelay sida ay ciidamada Xoogga sheegen gaari ay saarnaayeen xubna ka tiraan Al-shabaab. War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada xoogga dalka ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 15 ka mid ah ururka Al-shabaab. “Dadka Deegaankaasi ku nool ayaa Warbaahinta Ciidamada u xaqiijiyay in ay arkeen dhimashada 15 kamid ah Maleshiyaadka Argagaxisada Alshabaab iyo dhaawac intaasi kabadan, waxaana guud ahaan qaraxa uu bur buriyay gaarigii Maleeshiyaadkaasi ay saarnaayeen”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidamada dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxan lagu aasay wadada lana qorsheynayay in lagu wax yeeleyo ciidanka xoogga . Source: goobjoog.com
  18. Dubai carrier flydubai will start its three-times weekly service to Hargeisa Egal International Airport (HGA) from August 10, it announced on July 27. Source: Hiiraan Online
  19. The relationship between the Somalia National Army (SNA) and the continental peacekeeping force, Africa Mission to Somalia (Amisom), seems headed for tougher times, as Amisom claimed it was in the dark about the SNA’s recent fights with al-Shabaab in parts of Galmudug state and Hirshabelle, where the militant group had laid siege. Source: Hiiraan Online
  20. Kismayo (HOL) The president of Jubbaland, Ahmed Mohamed Islam (Ahmed Madobe), officially submitted the list of candidates running for the upper house of the Somali parliament on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale) ayaa si adag u beeniyay inuu qoray warqad lagu daabacay baraha bulshada oo canaan iyo digniin loogu jeediyay Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ah Xoghayaha koowaad ee Ergada Joogtada ee Qaramada Midoobay. Qoraalka uu beeniyay Danjire Baale oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada ayaa waxaa ku qornaa “hadalo gef ku ah” shaqada iyo shaqsiyada Wiilkii uu dhalay marxuum Yariisoow, ayada oo lagu sheegay in Maxamed uu ka hor-yimid jiheynta Baale. “Dabeecadaada waxay si taban u waxyeeleysay waxqabadka shaqsiyadaada iyo wada-shaqeynta kooxeed mudadii koobneyd ee joogtay howl-galka, waxaan ka niyad jabay howshaada, waxaad caadi ahaan dhaqankaaga iska indho tirtaa tilmaamahayga,” ayaa lagu yiri qoraalka uu beeniyay Danjire Baale. Danjiraha ayaa iska fogeeyay waraaqda loogu gefay Maxamed Cabdiraxmaan Cumar, isagoona sheegay in laga been abuurtay saxiixa ku yaala waraaqdaas oo toddobaadyadii u dambeeyay si weyn loogu baahiyey baraha bulshada. “Warqadaan waxaa ku arkay Social Media, saxiixa ku yaala meesha ma dhihi karo waa keyga, dad baa sameeyay, wuxuu u eegyahay saxiix meesha lagu dhajiyey oo lasoo gooyay, waana beeninayaa warqadaan,” ayuu yiri. “Xiriirkeena (Maxamed Cabdiraxmaan Cumar) aad ayuu u fiican yahay, waa wada-shaqeynayna, waana nin caqli badan, markaa waxaa rajeynayaa in uu noqdo Diblumaasi fiican.” Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ah Wiilka duqii hore ee Muqdisho ee la khaarajiyey marxuum Eng. Yariisoow AUN, ayaa waxa jagada uu hadda hayo loo magacaabay 4 November 2019-kii. The post Maxaa ka jira warqadda la sheegay in danjire Baale uu ka qoray wiilka Injineer Yariisow? appeared first on Caasimada Online.