-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Loolanka loogu jiro Buuxinta Jagada Gudoomiyaha Golaha Guurtida S/land oo si hoose u Bilowday +Xubnaha ilaa hadda shaaciyey Hankooda Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dhawaan Iscasilaada xilka Gudoomiyaha golaha guurtida Ugudbiyay madaxwaynaha Somaliland, oo sida warar sheegeen madaxwaynuhu ka Aqbalay Istiqaalada Katagista xilka ee gudoomiye saleebaan oo ku sobobeeyay xaalada caafimaad oo isaga ugaar ah. Hadaba Tan iyo intii ay soo baxday iscasilaada gudoomiye Saleeban ee golaha guurtida ayaa waxaa bilowday Tartanka iyo shirar hoose oo loogu jiro Buuxinta jagada gudoomiyaha golaha guurtida taasi oo ay wadaan xubno kamid ah xildhibaanada golaha guurtida oo iyagu leh damaca gudoomiyaha golaha guurtida Iyo shakhsiyaad kale oo Aan kamid ahayn golaha guurtida balse dabada ka jooga oo quudaranaya gudoomiyaha guurtida. Sidoo kale xogaha laga helayo loolanka buuxinta gudoomiyaha golaha guurtida ayaa sheegaya in ay jiraan xildhibaano katirsan golaha guurtida oo bilaabay ololaha ay ugu jiraan buuxinta gudoomiyaha golihii ay kamid ahaayeen. Xildhibaanada ilaa hada shaaciyay damacagooda gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ayaa waxaa kamid ah xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheikh Muxumed oo kamid golaha guurtida horena dhowr jeer ka dhawaajiyay damaciisa kursiga gudoomiyaha golaha guurtida ka hor intaa aanu saleebaan maxamuud aadan banaynin Dhanka xildhibaan suldaan ismaaciil ayaa ilaa iyo intii ay soo baxday katagista gudoomiye saleebaan ayaa wuxuu bilaabay shirrar hoose oo uu kula tashanayo xildhibaanada golaha guurtida ee ay isku aragtida yihiin iyo xulafaysi kale oo uu ku damacsan yahay in uu ku kasbado aqlabadiya golaha guurtida. Xildhibaan suldaan ismaaciil suldaan cabdiraxmaan ayaa kamid ah dhalinyaradii xildhibaanada golaha guuryida soo galay isagoo mudadii uu golaha katirsanaa siwayn wax uga badalay hanaankii golaha guurtida ee hore kaasi oo isku badalay mid xildhibaanada golaha guurtida marwalba dood ka yeesheen xaalada dalka ka taagan islamarkaana ay uyeedhaan hadba masuulka ay khusayso arinta taagani Golaha guurtida Somaliland ayaa wakhtigii uu geeriyooday gudoomiyihii golaha guurtidu sheikh ibraahim waxaa dabada laga keenay saleebaan gaal oo sidaasi gudoomiye loogaga dhigay golihii guurtida taasi oo marwalba caqabad ku noqota damaca xildhibaanada golaha in dabada lagaga keeno masuul aan kamid ahayd islamarkaan gudoomiye looga dhiga. Iskusoo wado duub oo loolanka loogu jiro buuxin gudoomiyaha golaha guurtida ayaa laga war sugu doonaan wakhtiyada soo socda iyo halka uu cago dhigto hirdankiisu iyadoo mudanayaasha golaha guurtidu ay doortan si gaar ah isha ugu hayaan kana soo horjeedaan in gudoomiye dabada lagaga keeno iyadoo golaha ay fadhiyaan xildhibaano buuxin kara booska oo leh damac taasi oo shardi ku ah xukuumada muuse biixi oo hadii ay isku daydo in sidii xukuumadii daahir riyaale in golaha dabada lagaga keeno siyaasi ay madaxtooyadu soo dooratay, ay dhaabad adag ku noqon doonto xukuumada hada talada haysa Qaran News
-
Xukuumadda dowlad Deegaanka Soomaalida DDS ayaa sheegtay in aysan u dul-qaadan doonin shakhsiyaadka sida ay sheegtay u gacan-haadinaya ururka TPLF, oo hadda u muuqda in uu soo rogaal celiyay kadib markii uu toddobaadkan qabsaday magaalada Mekelle. Kulan uu yeeshay golaha fulinta ee dowlad deegaanka, uuna shir guddoomiyayay madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa lagu sheegay in ururka TPLF uu sanado badan dhibaatooyin dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ah ku hayay Soomaalida Itoobiya. Wasiirka warfaafinta deegaanka, Cali Baddal Muxumed, ayaa sheegay in mar kasta ay jecel yihiin in aan “la uus duugin” taaiikhda ay soo mareen shacabkooda. “Waxaan muujineynaa in TPLF ay yihiin urur dhibaato u geystay shacabka Soomaalida oo dhankeenna ay ka yihiin urur dembiilayaal ah,” ayuu yiri wasiirka. PUNTLAND POST The post Dowlad degaanka Soomaalida DDS oo digniin u jeediyay shakhsiyaad taageersan TPLF appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa markii labaad noolashiisa kacdoon hubaysan oo ka dhan ah dowladda Itoobiya ka wada buuraha Tigray janan ka tirsanaa milateriga dalkaas, sida uu qoray falanqeey Alex de Waal. Taliyaha xooggaga Tigray, Jenaraal Tsadkan Gebretensae, ayuu qoraaga ku tilmaamay mid kamid ah ragga jiilkiisa Afrikaanka ah ugu wanaagsan dhanka istaraatijiyadda milateriga. 68 jirkan ayaa sanadkii 1976 ka tegay jaamacadda Addis Ababa oo uu ka baranayay maadada Biology, waxaana uu ku biiray igray People’s Liberation Front (TPLF). Xilligaas jabhadda ayaa dagaal kula jirtay dowladdii Mengistu Haile Mariam. Qiimeyntiisa, xirfaddiisa abaabul iyo sida uu u so jiidan jiray kalsoonida dagaalyahannada ayaa ka dhigtay in sanado gudahood uu kamid noqdo ragga ugu magaca weyn taliyayaasha jabhadda. May 1991, Jen Tsadkan oo hoggaaminaya xooggagii TPLF iyo Eritrean taabacsan ayaa gacanta ku dhigay caasimadda Addis Ababa, waxaana ay xilka ka tuureen Mengistu. Waxa uu ku guulaystay in xooggagii TPLF ee qabsaday caasimadda ay sugaan ammaanka, isla markaana ay ilaaliyaan kala dambeynta iyo hawlaha dowladda. Saddex maalmood kadib markii ay caasimadda galeen 28-kii May 1991, waxaa si habsami leh mushaaraadkoodii loo siiyay shaqaalaha dowladda. Duulaankii Gedo Todobadkii sano ee xigtay, Jen Tsadkan, ayaa hormuud u ahaa dib u dhiska ciidamada Itoobiya. Waxaa xilligaas loo dalacsiiyay darajada Jeneraal. Waxa uu dib ugu laabtay waxbarashadiisii, isagoo shahaadada MBA ka qaatay jaamacadda Open University ee UK. Xilliyadaas waxa ay xaalad amni darro xooggan ah ka jirtay dalal ku yaal Geeska Afrika. Jananka ayaa sanadkii 1996 milateriga Itoobiya u diray gobolka Gedo ee Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ururkii Al-Itixaad ee saldhigyada ku lahaa gobolkaas. Waxa kale oo uu si qarsoodi ah ciidamadiisa u geeyay gudaha Sudan si ay u taageeraan jabhaddihii ku kacsanaa Cumar Xasan Al-Bashir. Xilka ayaa laga qaaday Jen Tsadkan ayaa muddo dheer aaminsanaa in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afewerki, uu halis muuqata ku yahay Itoobiya, arrintaas oo ay ku diideen qaar badan oo kamid ah hogaanka TPLF. Jananka ayaa ahaa ninka qorsheynta u qaabilsan milateriga Itoobiya markii uu qarxay dagaalkii uu dalkiisa la galay Eritrea 1998. Waxa uu ahaa dagaal ba’an oo ay ku dhinteen ku dhawaad 80,000 oo qof oo labada dhinac ah. Jen Tsadkan ayaa doonayay in ciidamada Itoobiya ay galaan caasimadda Asmara, balse waxaa qorshahaas ku gacan-sayray Ra’iisal wasaarihii xilligaas, Meles Zenawei. Dagaalka kadib, waxa ay kala qeybsanaan xooggan soo dhex-gashay hogaanka TPLF. Meles ayaa xilka ka qaaday Jen Tsadkan oo markaa ahaa taliyaha ciidamada Itoobiya. Intii muddo ah, waxa uu jananka la qabsan la’aa noolashada shacabnimada. Muddo kadib waxa uu shaqo ka helay hay’adda UK u qaabilsan horumarinta caalamka. Sidoo kale waxa uu noqday ganacsade, isagoo warshad khamri ka sameystay magaalada uu ka soo jeedo ee Raya, galbeedka Tigray. Soo dhoweyntii Abiy Qeyb kamid ah saaxibbadiisa TPLF ayaa ku dhaliilay inuu soo dhaweeyay magacaabista Abiy Axmed oo 2018 noqday ra’iisal wasaaraha Itoobiya. Waxa uu xilligaa sheegay in uu diyaar u yahay la shaqeynta Abiy. Sanadkii 2019 waxa uu qeyb ka noqday koox ku dedaalaysay inay dhexdhexaadiso Abiy iyo TPLF, balse waxa uu isaga baxay sanad ka hor, isagoo sheegay in ra’iisal wasaaraha aanay ka go’neyn inuu si nabad ah ku xalliyo khilaafka. Markii uu billowday cadaadiska ka dhanka ah mas’uuliyiinta Tigray, jananka ayaa waxa uu u wareegay magaalada Mekelle. Bishii November 2020, waxaa billowday dagaalka Tigray. Jen Tsadkan oo u muuqda inuu dhinac iska dhigay khilaafka kala dhexeeya TPLF ayaa ku biiray jabhadda iska caabinta. Dhalinyaro badan oo ka caraysan tacaddiyada ka dhacaya gobolkooda ayaa ku biiray jabhadda. Waxaa sidoo kale hubka qaatay rag da’ ah oo horay u diidanaa nidaamka TPLF. Dowladda Itoobiya oo jananka iyo saraakiil kale ku eedaysay khiyaano qaran ayaa amartay in la soo qabto. Isha: BBC The post Waa kuma Jeneraalka ka dambeeya guulaha Tigrayga? appeared first on Caasimada Online.
-
Muxuu Guriga Ex-madaxweyne Aadan Cadde u noqday lama taabtaan? Aadan Cadde Dad badan ayaa is weydiinaya su’aasha aan hordhaca uga dhignay mowduuceenna ee ah sababta guriga madaxweynihii ugu horreeyey Soomaliya uu u noqday meel ay xushmeeyaan oo aysan ku xadgudbin dhinacyadii dagaallada sokeeye ee dalka ku lugta lahaa, dagaallamayaashii qabaa’illada, qabqablayaashii dagaalka, Al shabaab, kooxaha burcadda qowlaysatada ah, iyo xataa dawladdii laga baqi jiray ee kacaanka. Su’aasha waxaa keenay markii ciidan si gaar ah u tababaran oo Soomaali ah ay habeennimo gudaha u galeen beerta Aadan Cadde, dabadeedna, sida uu BBC u sheegay Dr Siciid Aadan Cadde oo uu dhalay madaxweynihii hore, ay gurigii uu ku noolaa xoog ku jabiyeen, ayagoo ka qaatay alaab dhex taallay, dadna ka kaxaystay sanaddii 2018-kii. Dhowr arrimood oo dhamaantood waaqici ah ayey isugu soo biyo shubanayaan sababaha haddii la rogrogo. Qayb ka mid ah guriga 1- Shuruucda caalamiga, iyo kuwa Soomaaliyaba waxay xurmo iyo xasaanad ka duwan tan bulshada siiyaan madaxweyne kasta oo dalka soo maray. Naftiisa iyo hantidiisa laguma xadgudbi karo. Weliba wuxuu qaranku u damaanad qaadayaa madaxweyne kasta oo xukunka ku wareejiya si nabdoon, dhibna aan gaysan, in kharashka noloshiisa, halka uu ku noolaanayo, amnigiisa, gaadiidkiisa, caafimaadkiisa, safarradiisa IWM uu qaranku damaanad qaadayo inta uu nool yahay, haddii uu geeriyoodana si heer qaran ah loo aasayo. 2- Aadan Cadde wuxuu madaxweyneyaasha kale kaga duwanaa isagoo ahaa madaxweynihii 1aad ee ay yeelato Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay. Wuxuu kaloo ahaa, Soomaaliya kaliya ma ahee, nin Afrikada madow tusaale u dhigay oo xukunka si dimoqaraaddi ah u wareejiyey, xilli afgembiyada iyo kali talisnimada ay Afrika ku soo badanayeen. Waxaa taas barbar socday isagoo ka mid ahaa raggii u soo halgamay gobannimada Soomaaliya. 3- Wuxuu ku noolaa dalkiisa intii ka harsanayd noloshiisa, gaar ahaan guriga iyo beerta la weeraray. Madax aad u yar oo fara ku tiris ah mooyee inta badan madaxda Afrikaanka waxay xilligii Aadan Cadde ahaan jireen kuwo la afgambiyo oo la dilo, ama carara, ama haddiiba cod looga qaado xukunka aan dalkooda ku noolaan ee dibadaha musaafuris ku jooga, halkaasna ku dhinta. 4- Dadka aadka u yaqaannay Aadan Cadde kuma aysan sheegin xatooyo iyo musuqmaasuq, carruurtiisana ma ahayn kuwo uu ku soo koriyey nolol la mid ah tan ay ku soo koreen carruur badan oo ay dhaleen dad madax ah. Qayb kale oo ka mid ah guriga Qodobbadaas iyo qaar kale oo ay dhici karto in aan halkan lagu xusin oo u badan sumcad uu bulshada ku dhex lahaa ayaa ugu weyn in la xurmeeyo Aadan Cadde, ehelkiisa iyo hantidiisaba. Qoyskiisa waxay BBC u sheegeen in guriga uu beerta ka degganaa, gaar ahaan qolkiisa jiifka iyo xafiiskiisa, ay iska xirnaayeen tan iyo markii uu geeriyooday 11 sano ka hor, oo in la nadiifiyo mooyee aysan gadaashiis cidina ku noolayn. Inkastoo uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya si degdeg ah raalli gelin u siiyey qoyska madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya, haddana dad badan waxay dareensan yihiin in ay arrintaas aysan ahayn gef loo gaystay reer Aadan Cadde oo kaliya ee ay tahay gef laga galay Soomaalida oo dhan. Waxaa iyadana muhiim in talaabo laga qaado ciidankii falkaas gaystay haddii uu ahaa fal aan ku talagal ahayn, lagana feejignaado in mar dambe uu soo laabto. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Golaha Guurtida u gudbiyey waraaq is-casilaada, isagoo ku wargeliyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, is-casilaada guddoomiye Saleebaan ayaa waxaa dhinaciisa ka aqbalay madaxweynaha Somaliland, waxaana kursigaas buuxin doona Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Maxamed Kaahin, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa waxa uu xilkaas sii hayn doona ilaa inta laga soo dooranayo golaha guurtida cusub, xili ay dhawaan deegaanada Somaliland ka dhaceen doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada. Guddoomiye Saleebaan ayaa waxay is-casilaadiisu imaaneysa xili ay mudaneyaasha goluhu baneynayaan kuraasta mudada badan ay ku fadhiyeen, taasi oo loo sababeynayo is-casilaadiisa. Si kastaba, waxaa la filayaa in maalinta Sabtida ah uu guddoomiyaha ka hadlo waraaqda is-casilaada ah ee uu gudbiyey golaha, ee uu aqbalay madaxweynaha The post Xog: Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland oo is-casilaad gudbiyey + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Buundo dul marta Wabiga Tekeze, oo ahayd marin muhiim u ah in cunno gargaar ah la gaarsiiyo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Tigray ayaa la burburiyay. Mr Roger Sandberg oo ka socda dhaqaatiirta caafimaadka ee caalamiga ah, oo ku sugnaa buundada seddex saacadood ka dib markii la qarxiyay subaxnimadii Khamiista, ayaa sheegay in shaqaalaha gargaarka ay la halgamayaan sidii ay u gaarsiin lahaayeen waxyaabaha aasaasiga ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool Tigray-ga. Guddiga Badbaadinta Caalamiga IRC) ayaa sidoo kale xaqiijiyay burburka buundada. Waxayna sheegtay in gaarsiinta gargaarka cuntada ay ka sii dhib badnaan doonto sidii hore, IRC waxay sheegtay inay aad uga xun tahay burburka waxayna intaas ku dartay inay sii wadi doonto baaqyada ay u jeedinayso dawlada Itoobiya ee ku aadan gargaarka bina’aadanimo ee aan xadidnayn ee ay la wadaagto gobolka Tigray. PUNTLAND POST The post Buundo muhiim u ahayd Gobolka Tigray oo la burburiyay appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si dabacsan uga hadlay xiisada diblumaasiyadeed ee u dhexeeysa wadamada Mareykanka iyo Iran ee ka dhalatay ka bixitaanka heshiiskii barnaamijka Nukliyeerka ee 2018-kii. Antonio Guterres ayaa ugu baaqay maamulka Joe Biden inuu qaado cunaqabateynta haatan saaran Iran, taas oo sare u qaaday dagaalka siyaasadeed ee labada dal. Sidoo kale wuxuu ka codsaday dowladaha Mareykanka iyo Iran inay dib ugu laabtaan heshiiskii Nukliyeerka ee soo baxay sanadkii 2015-kii. “Waxaan ka codsanayaa Mareykanka in uu qaado ama ka tanaasulo cunaqabateyntiisa,” ayuu ku yiri xoghahaya guud ee Qaramada Midoobay. Guterres oo warbixin siinayey golaha ammaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan-yahay dadaallada dhowaanahan socday ee ay sameynayeen labada dhinac. Xiisada Mareykanka iyo Iran ayaa ka dartay wixii ka dambeeyey markii uu Trump ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee bishii May ee 2018-kii, isagoo kadib cunnaqabateyn saaray Iran. The post Guterres oo Mareykanka u diray baaq ku saabsan Iran appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed at a campaign rally in Jimma on June 16, 2021. AFP – EDUARDO SOTERAS The surprise fall of the Tigrayan regional capital, Mekelle, this week has put Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed in a tough spot, dealt a blow to the country’s military and placed the Tigrayan forces in a position of strength. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed may have won a Nobel Peace Prize, but on Monday, June 28, he seemed unable to grasp the difference between war and peace, ceasefire and defeat, and – more critically – the distinction between spin and the hard realities on the ground. The disconnect has threatened not just Abiy’s credibility, but the security of his country, the wider Horn of Africa region, and exposed the challenges confronting the African Union – based in the Ethiopian capital, Addis Ababa – in its bid to deliver “African solutions to African problems”. On Monday evening, reports started emerging from Mekelle, capital of war-ravaged northern Tigray province, that Ethiopian troops were suddenly withdrawing from the city. Before long, crowds gathered in Mekelle’s streets to celebrate the departure of Ethiopian government forces and welcome the arrival of Tigray Defense Forces (TDF) rebel fighters. The Abiy administration, however, had an unusual spin on the latest development in the devastating eight-month-long Tigray conflict. The government had declared an “unconditional, unilateral ceasefire” in the province, according to a statement published by state media. Tigrayan leaders offered a different narrative. In a statement released Monday night, Tigrayan leaders asserted that Mekelle’s fall was due to a “lightning operation” by the Tigray Defense Forces, a rebel army composed of members of the region’s former ruling party, the Tigray People’s Liberation Front (TPLF) as well as non-members. The TDF was formed shortly after Abiy ordered a military operation on Tigray in November 2020, and this was their “victory” against “the invading forces”, the statement proclaimed. “It’s clearly, without a doubt, a military defeat. You can’t have a situation where one party declares a unilateral ceasefire while fleeing areas it once controlled. They could have at least said they retreated for tactical reasons,” said Awol Allo, senior lecturer at Keele University in England. Days later, the official narrative was starting to unwind and the ceasefire was in doubt. “If it is required, we can easily enter Mekelle and we can enter in less than three weeks,” Redwan Hussein, spokesman for the Ethiopian government’s task force for Tigray, told reporters in Addis Ababa on Wednesday. Abiy, meanwhile, acknowledged that government troops had left Mekelle, and that his army units had been ambushed and “massacred” while advancing through Tigrayan villages. But he attempted to downplay the fall of the Tigrayan regional capital, insisting it was not a defeat. “It was the centre of a government. A centre for known and unknown resources. But by the time we exit, there is nothing special about it except that there are some 80,000 people, and those who loot people,” said Abiy in a videotaped address posted on his website, vastly underestimating the city’s population of around 500,000, according to demographers. ‘Monumental fall from grace’ From a globally fêted peacemaker to hawk overseeing a conflict that has seen mass killings, displacements and allegations of serious human rights violations by the UN, Abiy’s international stature has taken a sharp nosedive over the past eight months. “For Abiy, it’s such a monumental fall from grace. This is somebody who came to power on the back of widespread popular protests. He was popular, his team was popular, and he received extensive international praise for establishing friendship with the Eritrean dictator,” said Awol, referring to the 2018 peace deal signed by Abiy and Eritrean President Isaias Afwerki. Awol – who was among the experts who nominated the Ethiopian prime minister for the 2019 Nobel Peace Prize – believes Abiy’s credibility began to slide with his attempts to “consolidate power and enact his childhood ambitions on 100 million inhabitants of Ethiopia”. Abiy’s rise from rural poverty to the country’s highest office is by now the stuff of legend in Ethiopia, a rags-to-riches tale that acquires a messianic quality with every retelling. As recounted in a 2018 interview with the New York Times, the story goes that his impoverished mother once whispered into the ear of a 7-year-old Abiy that he would “end up in the palace” and “serve the nation”. Critics, however, question whether Abiy, now 44, is best serving his country and its military, the Ethiopian National Defense Force (ENDF). “This is a military that has a reputation for being tough. Unfortunately, with this particular defeat of a big national force being repulsed by a tiny region, the Ethiopian military no longer has the same standing,” said Awol. Rebel ‘mastermind’ rises from forced retirement The Ethiopian military’s loss of stature has been the TDF’s gain. On November 4, 2020, when the Ethiopian prime minister ordered a military operation in Tigray following escalating tensions with his former coalition partner, the TPLF, military experts immediately warned of a tough fight between “battle-hardened” troops. With a combined force of around 140,000 active personnel, mostly in the army, the ENDF is considered a military heavyweight in the Horn of Africa region, one that has conducted cross-borders campaigns in neighbouring Eritrea and Somalia. But the northern Tigray province – with its well-armed regional paramilitary force led by former national army generals – could also put up a fierce resistance, analysts warned. That resistance strengthened as Abiy’s controversial use of Eritrean troops and militias from the rival ethnic Amhara group united Tigrayans, including those who had fallen out with the TPLF. Formed in the 1970s, the TPLF emerged as the biggest and most powerful armed rebel group in Ethiopia following the 1991 ouster of brutal dictator Mengistu Hailemariam. The party then dominated Ethiopian politics for over two decades, overseeing economic development in the impoverished nation, but also maintaining power through repression. The TPLF’s excesses sparked several splits within the ranks, including a particularly acrimonious one in 2001, after the Eritrea-Ethiopia war. One of the casualties of the internal TPLF splits was Gen. Tsadkan Gebretensae, considered one of Ethiopia’s finest military strategists, who was fired from his post as Ethiopia’s chief of general staff. When Abiy launched a military offensive in Tigray, Gen. Tsadkan was among several former TPLF senior military officers who joined the freshly minted TDF. “The TPLF is a party with a contested legacy because it brutalised the Ethiopian public for nearly a quarter of a century,” explained Awol. So when the TDF emerged out of the TPLF last year, it attracted “all the Tigrayans who disagreed with the TPLF in the past and who saw no reason to reject the TDF,” he explained. Gen. Tsadkan immediately assumed joint responsibility for the TDF’s military affairs, and spent months training new recruits before the latest offensive was launched, wrote leading Africa analyst Alex de Waal in a BBC column. Following the spectacular fall of Mekelle, the retired army general is being hailed as the Tigrayan “mastermind” in a recruiting coup for the TDF. No African solution for this African problem Ethiopia’s decommissioning of senior Tigrayan military commanders raised eyebrows in November, when the AU fired its security chief a day after the bloc’s chair, Moussa Faki Mahamat, received a letter from the Ethiopian defense ministry requesting the Tigrayan general’s dismissal, according to Reuters. Gen. Gebreegziabher Mebratu Melese was on a list of military officials accused of treason for belonging to the TPLF “junta”. Headquartered in Addis Ababa, the AU has faced criticisms over its inability to intervene in a conflict that has killed thousands of people, displaced over a million and has plunged the area to the brink of a humanitarian disaster, according to the UN. “I think the AU’s credibility is in tatters, its prestige has been undermined by its failure to tackle the issue or even table a resolution on the Tigrayan crisis. There is a widespread belief among Tigrayans that the AU simply followed the Ethiopian government’s talking points,” said Awol. Following a call by US Secretary of State Antony Blinken for the AU to do more to address the crisis, the bloc launched a commission in June to investigate alleged human rights violations in Tigray. But like the UN, the AU is limited by the interests and actions of its member states, a fact underscored by the Ethiopian government’s call on the bloc to “immediately cease” the human rights commission leading the inquiry. Eritrean troops, Amhara militias ‘sandwich Tigray’ The most serious implications of Abiy’s use of military force in Tigray, however, concern the future security and stability of his own ethnically diverse nation. Abiy’s use of troops from neighbouring Eritrean – which was denied as “fake news” for months – in northern Tigray, and of Amhara militias in the southern and western regions was part of a “sandwich Tigray” strategy to isolate the recalcitrant province, according to analysts. But by turning one ethnic group against another and inviting soldiers from a neighbouring country that has long been an enemy of the Ethiopian state, Abiy has played with fire. Those flames could engulf the nation and the region. Traditionally, ceasefire declarations are welcomed as opportunities to try to bring warring camps to the table. But the Ethiopian government’s so-called ceasefire could spark an intensification of the conflict, many analysts warn. “It’s difficult to bring the two parties to the table,” Awol explained. “Abiy invited the enemy country, Eritrea, and that’s really hard to reconcile. Barbaric crimes were committed, there’s been a polarisation of the populace and hatred fueled by propaganda. I find it very hard to see how the country can move on.” On the domestic front, the Amhara “elites” have long contested pieces of territory in what is now Tigray province, particularly the Benishangul-Gumuz region near the eastern border with Sudan, where the massive Grand Renaissance Dam is under construction. Politically sidelined in recent years, the Amharas nevertheless consider themselves the country’s cultural elites. Critics say Abiy has stoked Amhara nationalism, including frequent references to Menelik I, the first Solomonic emperor of Ethiopia who is believed to be the ancestor of the last emperor, Haile Selassie. The rise in the TDF’s military fortunes are a troubling development for the Amhara militias, noted Awol. “The biggest losers could be the Amharas because the Ethiopian National Defense Forces have left. Will Abiy now defend the areas the Amharas have taken and now control? There will be military, economic and ideological problems ahead,” he warned. The only hope, according to Awol, is for the international community, specifically the Western powers, to bring the two sides to the negotiating table. But the seasoned Ethiopian analyst is not putting any bets on a peaceful outcome in the short term. “This defeat puts the government, that until recently resisted any suggestion of peaceful negotiations, in a very weak position. If there are any negotiations, the TPLF will be negotiating from a position of strength,” Awol noted. It’s a position Ethiopia’s Nobel laureate leader is unlikely to accept in the spirit of peace. Source: France 24 The post A regional capital falls, and so does the stature of Ethiopia’s leader and its military appeared first on Puntland Post.
-
Halista ugu weyn ee Somaliland ka jirtaa waa ajaanibka aan tixraaca lahayn ee dalka meel walba jooga iyo xuduudaha iska furan ee ciddii doontaa iska soo geli karto goorta ay doonto. Haddaad Somaliland ka soo gasho xuduudka ugu galbeedeeya, adiga oo aan baadhitaan macne leh la kulmin ayaad ka gudbaysaa xuduudka ugu bariyeeya – sidii dhul aan cidi lahayn oo kale, adigoo iska degi kara halka aad doonto, gurigaad doontana kiraysan kara. Suxufiyadda iyo qoraaga Mary Harber, buuggeega ‘Everything you told me is true’ waxay ku sheegtay inay Somaliland tahay halka ugu nugul ee ay ka unkami karaan kooxo argagixiso ahi. Dabcan, waxay ahayd digniin weyn oo la inoo soo diray, laakiin waxay ku dhacday dhego laydh u daloola. Tixraac la’aanta ajaanibka ee iska caadiyowday waxay soo jiidan kartaa dambiilayaasha waaweyn ee dalalka jaarka oo dhan, iyaga oo gabbood u arki doona; xiitaa kuwo dalal fogfog ku nooli hadday xogtan helaan, waxay ka dhigan karaan gabbood, waxaanay taasi horseedi doontaa qalalaase riiq dheeraada. Kolkaas aragagixiso kaliya uma nuglin, dalku wuxuu u diyaarsan yahay in dambi kasta sida ugu fudud dhexdiisa looga abaabulo, loogana fulin karo. Waynu wada xasuusan nahay sidii fududayd ee sannadkii 2008dii Hargeysa gudaheega looga abaabulay qaraxyadii waaweynaa, ee aan xiitaa inay xog ka helaan iska daaye, aanay marqudha laamaha amnigu ka shakiyin. Dhacdadaasi waxay innagu baraarujisay itaaldarrida laamaheenna amniga. Somaliland waxay kulmisay ajaanib tirabadan oo ka kala yimid Itoobiya, Yemen, Suuriya, Soomaaliya, Hindiya, iyo dalal kale; 90% hadday ajaanibtaas laga ma hayo xog sugan, hadday dambiyo geystaanna ma jirto meel loo raacaa. Waxaa qasab ah ajaanibkaas wixii haysta sharciyad qoxoontinimo ama mid degganaansho oo la hubo mooyaan e, in inta kale oo dhan wakhtiga ugu dhaw dalka lagaga saaro, xuduudahana la xidho; haddii kale aynu iska sugno inta dambiyadu ka gudbayaan inan yar oo saqdhexe gurigooga lagala baxay. Qore: Subeer Waaberi subeerwaab@gmail.com Qaran News
-
Several dozen members of Columbus' Somali community sang the Somalian national anthem as they raised the nation's flag in front of the Ohio Statehouse on Thursday. They hoisted the blue banner marked with a white star to commemorate the African country's independence from European rule. Source: Hiiraan Online
-
PRESS RELEASE Islamic Development Bank (IsDB) Group and AIM Partner to Promote Sustainable Investment in Africa The event featured a pillar dedicated to Foreign Direct Investment (FDI) which includes investment roundtable discussions DUBAI, United Arab Emirates, July 1, 2021/ — The Annual Investment Meeting Africa Edition (AIM AFRICA), in multilateral partnership with the Islamic Development Bank (IsDB) (www.IsDB.org), the Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD) and the IsDB Group Business Forum (THIQAH), organized the first digital edition of AIM AFRICA. The event was held on 29–30 June 2021, AIM AFRICA, the 2nd Regional Edition of Annual Investment Meeting witnessed a prestigious gathering of top government officials and reputable speakers from different countries and international organizations, as well as major investment stakeholders for the African region to explore rewarding investment opportunities that will benefit a multitude of sectors and enhance economic cooperation and support among nations. As multilateral partners of AIM AFRICA, the ICD whose key motives are private sector investments, mobilizing funds in international financial markets, and offering corporate and government consultancy services; aims to promote and sustain long-term economic growth in Africa through AIM AFRICA. The event featured a pillar dedicated to Foreign Direct Investment (FDI) which includes investment roundtable discussions. The IsDB, on the other hand, is focused on building collaborative partnerships through investments, between communities and nations, across the public and private sectors while fostering innovative and sustainable solutions to the world’s greatest development challenges. The IsDB Group Business Forum, THIQAH was established as a unique and innovative platform for effective dialogue, cooperation, and partnerships for IsDB Group and business leaders committed to joining in promising investment and trade opportunities. Through THIQAH, the IsDB Group seeks to reinforce the effectiveness and success of the partnerships that have been forged amongst the Group and business leaders and establishments in our Member Countries. The event focused on increasing cross-border investment along with AIM AFRICA, which is supported by IsDB Group’s financial products and services. The Annual Investment Meeting, ICD and THIQAH, with their huge potential, will give a major boost to Africa’s economic stability, sustainability, and prosperity. Further information is available at: www.AIMcongress.com/africa. Distributed by APO Group on behalf of Islamic Development Bank Group (IsDB Group). Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe ku dagaalamay taalada Daljirka Dahsoon, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray qaar kamid ah shacabkii u dabaal-dagayay munaasabadda 1-da Luulyo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan. Ilo-wareedyo kuwa amaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in askari ka tirsan ilaalada guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu rasaas furay, waxayna taasi sababtay in ay u jawaabaan ciidamo ka tirsan NISA oo ku sugnaa taalada Daljirka Dahsoon. “Askari ayaa rasaas ku furay ciidanka ku sugan Godka Jilacow, markii loo jawaabay waxaa dhankooda soo furay rasaas ciidamada Duufaan oo iyagana ku sugnaa banaanka taalada, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo dumar u badan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Dadka dhaawacmay ayaa saddex qof oo ka mid ah waxay ahaayeen dumar halka labada kalane ay ahaayeen rag, waxayna dhamaantood dhaawacmeen iyagoo kor ululaya Calanka Soomaaliya markii ay xalay saacada isku taagtay lix saac oo habeennimo taariikhdana ay ku beegantay 1-da Luulyo oo ku began markii ay xurnimada qaateen gobalada Koonfurta islamarkaana ay midoobeen labada gobal ee Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya. Xeer ilaalinta guud Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xalay fiidkii hore soo saartay digniin ku aadan in aan rasaas la ridi karin markii la gaaro munaasabadda 1-ada Luulyo, waxaana muuqato in amarkaas uusan fulin Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa NISA ayaa la sheegay in ay soo qabteen askarigii xalay rasaasta furay, kaasi oo la sheegay in uu ka tirsan ciidanka ilaalada Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish. The post Askar ka tirsan DF oo ku dul-dagaalamay shacab ku dabaal dagayey Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Saddex sano ka hor, mawjad isbeddel siyaasadeed ah ayaa ku baahday Geeska Afrika. Suudaan iyo Itoobiya, mudaharaadyo waawayn ayaa horseeday isbeddel xagga hoggaaminta ah iyo waxa ay dad badani u qaateen inuu ahaa kala-guur dimuqraadi ah. Itoobiya iyo Eriteriya ayaa soo afjaray loolankii u dhaxeyay 20 sano, kaas oo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed lagu siiyay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel. Shucuubta Geeska Afrika waxa ay ahaayeen kuwo raynrayn ka qaba waxa dad badani u maleeyeen inuu baal cusub u noqon doono taariikhda gobolka. Maanta, si ka duwan wixii laga filaayay, xasuuqyada baaxadda leh, dagaallada dowlad-goboleedyada, iyo kala gaynta maamuladda waxa ay noqdeen astaamaha lagu garto gobolka. Sideedii bilood ee la soo dhaafay, dhowr khilaaf oo caalami ah ayaa (dib) u soo ifbaxay, oo si gaar ah ugu dhexdhacay Itoobiya iyo Suudaan, Ereteriya iyo gobolka Tigreega ee Itoobiya, iyo Soomaaliya iyo Kenya. Masar iyo Suudaan ayaa sidoo kale Itoobiya ugu hanjabaya in ay dagaal toos ah la galayaan hadii ay sii wado buuxinta labaad ee biyo xireenka Grand Ethiopia Renaissance Dam ee wabiga Blue Nile. Gudaha Itoobiya oo keliya, laba kacdoon oo muuqda ayaa ka qarxay, halka xasuuqyada ballaaran ee ku saleysan qowmiyadda ay si joogto ah u dhacayaan. Geeska Afrika waxaa ku soo kordhay rabshado halkaasoo isku dhacyada gudaha iyo kuwa gobolku ay ku dagaalamayaan iyada oo wali isku hub iyo shidaal qaadanaya. Colaadaha, ku xadgudubka xuquuqda Aadana bilihii la soo dhaafay waxa ay ahaayeen kuwo xargaha goostay, waxa ayna sababeen khalkhalgalinta gobolka,waxaana sabab ah u hoggaansanaan la’aanta xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka iyada oo ay u sii dheertay adeegsiga awoodaha Millatari. Afar isbeddel oo sababay xasillooni darro! Tilmaamaha ugu horreeya ee fowdada ku socda Geeska Afrika ee ku faafay maanta waxaa ka mid ah khilaafaadka dhuleed iyo guud ahaan tixgelinta xudduudaha gobollada. Tusaale ahaan Ereteriya waxay biloowday in ay qabsato qaybo kamid ah gobolka Tigray ee woqooyiga Itoobiya waxayna siisaa kaararka aqoonsiga Eriteriya dadka deegaanka. Itoobiya waxa ay sheeganaysaa lahaanshaha dhuleed ee gobolka Fashaga ee Suudaan, saraakiisha Suudaan waxa ay sheeganayaan qaybo ka mid ah Benishangul Gumuz ee Itoobiya. Gudaha Itoobiya, Abiy wuxuu taageeray ku darsiga Dawlad Deegaanka Amxaarada qaybo kamid ah Dawlad Deegaanka Tigray. Markii ay dareentay daciifnimada Itoobiya, Jabuuti waxay dhawaan shaacisay damaceeda ah in ay ka faa’iideysato webiga Cawash ee ku yaal Itoobiya. Isla mar ahaantaana, siyaasiyiinta Itoobiya waxa ay si cad u diideen in waqooyiga dalkaas ay qabsadaan ciidanka Ereteriya. Ugu dambeyntiina, Soomaaliya iyo Kenya waxa ka dhexeeya muran badeed u gudbay maxkamada caalamiga ah ee ICJ. In kasta oo aysan jirin wax khalad ah oo ku saabsan damaca dhuleed ee loo maro dariiqa sharciga ah, haddana waxa aan aragno ayaa ah isbeddello dhawaanahan socday oo ay sameynayeen dowlado isku dayaya in ay xoog kula wareegaan dhulka si ay u abuuraan wax wada qabsi ah Tani waxa ay horseeday saameyn isdhaafsi ah in hal dhinac ku xad gudbo midnimada dhulka kuna dhiiri geliyo jilayaasha kale in ay sidaas oo kale sameeyaan. Talaabada labaad ayaa ah sumcadda ciidamada shisheeye iyo calooshood u shaqeystayaasha khilaafaadka gudaha iyo gobolka. Abiy Ahmed wuxuu kadhigay jabhadeyn askarta Eritereya dagaalka uu kula jiro Tigreega sidoo kale wuxuu ka shaqaaleeyay xadka ay wadaagaan Suudaan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu kaloo u adeegsaday ciidamada Itoobiya siyaasiyiinta ka soo horjeeda. Isla waqtigaasna, askar Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ka dagaallameen Itoobiya iyaga oo ka soo galay dhanka Eretareeya. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta xoogaggan ayaa ah madmadowga xagga sharciga ah, u janjeerida in ay ku kacaan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo awooddooda gaarka ah ee hurinta xiisadaha u dhexeeya beelaha. Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waa wadaha dhexe ee isbeddelkan. Wuxuu dhisay dhaqaale badan oo udub dhexaad u ah raadinta kirooyin dhaqaale oo ka yimaada calooshood u shaqeystayaal iyo saldhigyo milatari. Dhibaatada saddexaad ayaa ah tixgelin la’aanta sii kordheysa ee sharciga caalamiga ee bani’aadamnimada Sideedii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, ciidamada Itoobiya iyo Eriteriya waxay ku hawlanaayeen tacadiyo, kufsi, gaajo, iyo xasuuq baaxad leh oo aan horay loo arag. Ciidamada Eriteriya waxay sidoo kale burburiyeen xeryo qaxooti oo kuyaala dalka Itoobiya oo ay ku jireen qaxootiga Eritrea waxayna kumanaan kamid ah si qasab ah dib ugu celiyeen Eritrea Illaa iyo hadda, ma jirto cida dusha loo saaray dambigaan, markii dhaleeceyn la soo daristay, Abiy iyo Afwerki waxaa la eryay dhowr salkaal balse majirto cid qaadatay masuuliyada tacadiyada. Maanta Geeska Afrika sidoo kale waxaa lagu arki karaa inuu hoos u dhac weyni ku yimid diblomaasiyadda dhinacyo badan leh. Hay’adda gobolka ee Horumarinta ayaa laga saaray inta badan khilaafaadka iyo geeddi-socodka nabadda; waxay si gaar ah uga maqnayd geedi socodkii nabadeed ee Itoobiya iyo Ereteriya iyo dagaalkii Tigray. Taa baddalkeeda, hoggaamiyeyaashu waxa ay doorteen in ay qaabeeyaan iskaashigooda oo ay maareeyaan khilaafaadka ka baxsan qaab dhismeedka hay’adaha iyo marinnada shaqsiyadeed, taas oo caqabad weyn ku ah diblomaasiyadda ka hortagga ah. Siyaasada gudaha ayaa hurineysa xasilooni darada gobolka. Xasilooni darrada Geeska Afrika ayaa ugu horreynba ah mid ka shaqeysa siyaasadda gudaha ee Itoobiya, Ereteriya, iyo Soomaaliya. Abiy, Afwerki, iyo Farmaajo waxa ay abuureen isbahaysiga saddex geesoodka ah ee 2018 iyagoo ujeedkoodu ahaa in qaabaynta nidaamka gobolka lagu saleeyo himilooyinkooda siyaasadeed ee gudaha. Saddexda hoggaamiye waxa ay ka soo horjeedaan federaalka, dejinta kala duwanaanta qowmiyadeed, iyo dowlad-goboleedyada. Taabadalkeed, waxa ay doorbidaan dowlad dhexe oo ka amar qaadata hoggaan dhexe oo awood badan ama Xukunka Fiat. Xukunka Fiat oo ah mid milatari, waa geedi socod lagu gaaro go’aanada laguna fuliyo qaab militari iyadoo aan laga qeyb galin qeybaha kale ee siyaasada. Ereyga fiat oo ah laatiin, ayaa loo tarjumay “ha ahaato,” Afwerki – aabihii isbahaysiga – wuxuu xukumayay Ereteriya bilaa dastuur ama hal doorasho ku dhawaad 30 sano. Aqoonta hoggaamineed ee Afwerki, waa siyaasad ciidan, waxa uu ku qasbay boqolaal kun oo dhalinyaro ah in ay dalka ka haajiraan ama ku biiraan ciidanka Milatariga. Xaaladahaani waxa ay mucaaradku ku sheegeen wax aan macquul aheyn. Itoobiya, Abiy waxaa xushay xisbigiisa siyaasadeed si uu dalka ugu wareejiyo dimuqraadiyadda sanadka 2018. Si kastaba ha noqotee, isagoo, marmarsiinyo ka dhigaya covid-19, ayuu dib u dhigay doorashadii Juun 2020, waxa uu xirxiray kuwa ka soo horjeedaIsku daygiisii ahaa inuu awoodda uruuriyo dowladda dhexe oo uu caburiyo kooxaha qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya taasina waxa ay horseeday dagaal sokeeye iyo macaluul badan. Farmaajo, waxa uu marmarsiyo ka dhiganayay in uu Soomaaliya u diyaarinayo doorashadeedii ugu horreysay oo toos ah dhawr iyo toban sano. Taabadalkeed, wuxuu iskudayay inuu udub dhexaad u noqdo awoodda dowladda federaalka, taas oo keentay isku dhacyo kaladuwan dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland, inkastoo uu ku guulaystay in uu maamulo taabacsan oo xoog lagu dhisay uu ka hirgaliyo Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle. Farmaajo waxa uu waqtigiisu ku ekaa bishii Febraayo, isagoo raacaya tusaalaha xulafadiisa gobolka, wuxuu u kordhistay labo sano oo dheeri ah. Taasi waxa ay horseeday qalalaase dastuuri ah iyo isku dhac hubaysan, oo ugu dambeynti ku qasbay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in ay joojiyaan muddo kordhintiisa. Waa madaxweynihii ugu horreeyay tan iyo markii howsha dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ay billaabatay 2004-tii isku dayay inuu xafiiska sii joogo ka dib markii waqtigiisu dhammaaday. Isbedelada gobolka ka socda ee maanta khalkhal gelinaya Geeska Afrika waxay ka imanayaan xaaladahaas gudaha ka jira. Dadaalladii lagu kala qaybiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa horseeday in lagu kala firiyo khilaafaadka xudduudaha dowladda waxayna sii hurisay loollannada gobollada. Xubnaha isbaheysiga seddex geesoodka ah waxa ay sidoo kale u maareeyaan xiriirka ka dhexeeya dowlad-goboleedyada si isku mid ah sida ay u xukumaan siyaasaddooda gudaha – waxa ayna ku qasbaan siyaasadooda iyaga oo u maraya qaab militari. Dhaqanka isbahaysiga ayaa si gaar ah wax u dumiya sababtoo ah cawaaqibkiisa muddada dheer. Tusaale ahaan, isku dhacyada dhuleed, isir sifeynta, iyo kufsiga oo ah hub dagaal ayaa miraha u abuuraya cabashooyinka jiilka soo socda. Itoobiya gudaheeda, siyaasadaha Abiy waxa ay durba soo nooleeyeen dareenka kala qaybinta Tigray iyo Oromiya. Iyo ilaa heerka ay kusii jiri doonto Itoobiya hal wadan dagaalka kadib hada su’aal baa ka taagan. Lixdii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, isku dhacyadani waxay barakiciyeen in ka badan laba milyan oo qof oo ku nool Tigray, ergeyga Midowga Yurub ee Itoobiyana wuxuu leeyahay tani waxay noqon kartaa “bilowga mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu badan ee qaxooti ee adduunka ka dhici kara”. Waxa ka socda Geeska Afrika ayaa khatar weyn ku ah amniga caalamiga. Joojinta tusaalooyinka muuqda ee dowlad la’aanta waxa ay u baahan tahay, dadaal wadajir ah oo lagu qasbayo hoggaamiyeyaasha gobolka in ay ixtiraamaan dastuurradooda. Labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliyaba, Abiy iyo Farmaajo waa in lagu cadaadiyaa in ay wadahadal siyaasadeed la galaan kuwa la tartamaya si ay dib ugu soo celiyaan geeddi-socodkooda dib-u-habeynta dimuqraadiyadda Markii labaad, adeegsiga calooshood u shaqeystayaasha shisheeye ee khilaafaadka gudaha waa in laga hortagaa. Gaar ahaan, qaababka xaqiijinta waa in la dejiyaa si loo hubiyo ka bixitaanka ciidamada Ereteriya ee iskahorimaadyada ka socda guud ahaan gobolka. Ugu dambeyntiina, dambiilayaasha xadgudubyada halista ah u geysta sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada waa in lala xisaabtamo si loogu gogol xaaro geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta, sidoo kale looga hortago kuwa kale in ay ku kacaan falalka noocan oo kale ah. W/Q: Goitom Gebreluel oo ah falanqeeye siyaasadeed oo diiradda saaraya Geeska Afrika iyo agaasimaha machadka Hatèta Policy Research. W/T: Mowlid Mo’allim Adan Mustaqbal Media. The post Isbahaysiga saddex geesoodka ah ee xasillooni darada ka wada Geeska Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta dib u fasaxday Shirkadda Diyaaradaha ee Fly Dubia oo kal hore ay xayiraad kusoo rogtay, midaasi oo joojisay duulimaadyadii ay sameyn jirtay. Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, Cumar Sayid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Fly Dubai ay dib usoo buuxisay shuruudihii looga baahna ee sababay in la joojiyo duulimaadyadeeda. Somaliland ayaa hore u soo saartay amar ay ku mamnuucayso in shirkadaas aysan ka shaqeyn Somaliland, kadib markii ay shirkadda u hoggaansantay amar kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya. Mareeyaha ayaa carabka ku adkeeyay in dhammaan diyaaraddaha ka shaqeeya degaanada Somaliland kaliya ay qaadan karaan Amarka Somaliland, islamarkaana ay ku shaqeyn karin mid ka duwan. Somaliland oo ku dooda inay tahay dal madax banaan ayaa ka carootay amar kasoo baxay dowladda federaalka, oo ayadu gacanta ku haysa maamulka Hawada Soomaaliya oo qeyb ka tahay Somaliland. Dowladda federaalku Soomaaliya ayaa 19-kii March 2020 dib u celisay diyaaradii Fly Dubai oo qorshaheedu ahaa inay ka dagto madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa. Somaliland ayaa xilligaas sheegtay in arrintaasi ay la macno tahay in Villa Somalia ku iclaamisay dagaal ka dhan ah Xukuumadeeda, maadama ay soo faro-gashatay hawadeeda, waa sida uu hadalka u dhigay Wakiilka Somaliland ee Qaramada Midoobay. Dowladda federaalka ayaa xilligaas joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka, midaasi oo dhalisay in dib loo celiyo diyaaradaasi oo rabtay inay ka soo dagto madaarka Somaliland. The post Somaliland oo ka laabatay xayiraad ay saartay shirkad u hogaansantay amarka DF appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo sii galbiyey madaxtooyada maamulka, ayada oo kulamo la qaatay madaxda sarre ee maamulka Jubbaland. Sida ay wararka qaarkood sheegayaan Saciid Deni oo maalmihii dambe arrimaha doorashooyinka u joogay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Kismaayo u aaday si uu u dar-dar geliyo loolan adag oo ugu jiro madaxtinimada dalka. Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lasoo warinaya inuu ku jiro damac xilka madaxweynaha Soomaaliya ah oo uu doonayo inuu qeyb ka noqondo musharaxiinta u taagan madaxtinimada Soomaaliya. Saciid Deni ayaa kamid ahaa madaxda sida weyn uga soo horjeestay mudo korosigii uu meelmariyay baarlamaanka, asaga oo ku dagaalamay in doorashada Soomaaliya u dhacdo si dhaqso leh, midaasi oo uu jideynayo heshiiskii dhawaan lagu gaaray Muqdisho. Doorashada Soomaaliya oo muddo badan uu khilaaf ka taagna ayaa xiligan waxaa socda dadaalo lagu rabo in dalka ka dhacdo doorasho wada-ogol ah, taasi oo uu ka shaqeynayo ra’iisal wasaaraha dalka. The post Sawirro: Ujeedka safarka uu Saciid Deni maanta ku tegay Kismaayo oo la ogaaday appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Scottish African Business Association and KURO Consulting Drive Trade and Investment at African Energy Week 2021 Prioritizing Africa-Scotland partnerships, both SABA and KURO Consulting’s participation will drive investment into African markets JOHANNESBURG, South Africa, June 30, 2021/ — In a move to increase trade, investment and knowledge sharing between Scotland and Africa, the Scottish African Business Association (SABA) and KURO Consultancy have confirmed their presence at African Energy Week (AEW) 2021, taking place in Cape Town on the 9th-12th of November 2021. SABA, together with KURO Consulting, will be leading a delegation of Scottish companies to AEW 2021 in a bid to offer their services, foster partnerships, and interact with African National Oil Companies. Participation by an esteemed partnership-oriented organization such as SABA, and global consultancy company such as KURO, is particularly valuable for the African Energy Chamber (AEC) (www.EnergyChamber.org), as deal-making, networking, and establishing Africa-international ties remain top of the agenda. Africa not only represents one of the final frontiers for exploration, leading to a wide range of opportunities continent-wide, but, backed by significant electricity accessibility challenges, offers prime prospects within the power sector. SABA works to identify opportunities in African markets and then assists in the process of executing deals. As a membership organization that seeks to ensure ease of doing business for its members through established networks, SABA prioritizes partnerships and cooperation in increasing trade and investment between Scotland and Africa. By directing investment in these sectors, Scottish companies can benefit from commercial ventures whilst spurring socioeconomic growth across Africa. “With an abundance of opportunities across the entire energy value chain, Africa offers lucrative trade and investment prospects for international stakeholders. Participation by organizations such as SABA and KURO will not only further AEW 2021’s agenda of attracting global capital into African markets, but will allow African and Scottish companies to capitalize on long-term, mutually beneficial partnerships. Scottish companies can help fast-track Africa’s growth, making energy poverty history by 2030 a reality,” stated NJ Ayuk, Executive Chairman, the AEC. SABA’s primary objective is to help deliver tangible commercial outputs, beneficial to both African countries and Scottish companies, by coordinating specific opportunities within emerging African markets. By facilitating a targeted approach in which African opportunities – particularly in the power, oil and gas and renewables sectors – are presented to Scottish stakeholders, SABA seeks to establish ‘win-win’ business ventures for both Africa and Scotland. Accordingly, by participating at AEW 2021, SABA will be presented with both an in-depth and interactive view of a myriad of opportunities across the entire African energy sector value chain. AEW 2021 unites African and global stakeholders, driven by a commercial focus that seeks to accelerate African energy sector growth through investment partnerships with the international community. With networking and partnerships comprising a key focus as AEW 2021, this event represents the most ideal networking platform for SABA, in which established international ties can enable accelerated business development, fast-tracking African energy sector growth through increased trade and investment by Scottish companies. Representing the only pan-African energy conference to take place in Africa in 2021, AEW 2021 is the platform where deals are made, partnerships established, and economic-sectoral growth realized. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd ka degay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubalnad. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan bulshada Kismaayo ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland iyo wafdiiga. Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa booqasho maalmo qaadan doonta ku yimid Jubaland iyagoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda dowlada Jubaland iyo bulshada rayidka. Mas’uuliyiinta Puntland iyo Jubaland ayaa inta booqashadan ay socoto kulamo ka yeelan doona xaalada dalka iyo iskaashiga labada dhinac. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ka degay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Musharaxiinta mucaaridka ah ee ku bahoobay Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa waxa uu si adag u naqdiyay khudbadii maanta ee madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hor-yimid aragtida Farmaajo ee uu maanta ku sheegay in dalka ay ka jiraan labo afkaarood oo kala ah Waddaniyada iyo Qabyaalad, xili uu ka hadlayay munaasibadda 1-da Luulyo oo ka qabsoomtay xarunta Tiyaatarka Qaranka. Waxa uu sheegay in dalkeena ay ka jiraan labo fikradood oo xagjir ah, kuwaasi oo labadooduba ay magac dileen Diintii iyo dalkiiba, sida uu hadalka u dhigay. “Dalkeenna laba fikradood oo xagjir ah ayaa ragaadiyey. Kaligii Islaam iyo kaligii Waddani. Labadduba Diintii iyo Dalkiiba magaca ayey ka dileen,” ayuu yiri. “Diintu waa caqiidadeenna, dakuna waa deegaankeenna cid aan magacooda nagu dulmin ee inna wada deeqsiisa, deriskana nabad kula noolaata, dunidana la jaanqaadda ayey shacabku doonayaan.” Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta shaaciyey in dalka ay isku hayaan labo qolo, kuwaasi afkaaro kala duwan ah oo Waddaniyada iyo Qabyaalada, taasi oo ay tahay in muwaadinka kala doorto, isagoona xusay in qaybaalada kala qeybsanaanta ay keentay ka faa’iideysanayaan cadowga dalka, sida uu sheegay. “Dalkaan waxaa isku haysta afkaar dad maaha, labo afkaar ayaa isku haysata, anaga ayaa nalaga rabaa midda aan qaadan laheyn, Ilaahay waxa uu ina-siiyey in aan kala doorano, midka aad qaadato waxa uu leeyahay dhibaatadiisa midna wuxuu leeyahay wanaagiisa. Labada afkaar ee dalkaan isku haysatay waxay ahaayeen Waddaniyada iyo Qabyaaladda.” The post CC Shakuur oo u jawaabay Farmaajo: “Dalka waxaa ragaadiyey kaligii waddani iyo kaligii…” appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Mareeyaha hay’ada duulimaadyada Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi, ayaa sheegay in la fasaxay shirkada Fly Dubai. Mareeyaha ayaa sheegay in Fly Dubai oo mudo xayiraadi saarnayd la fasaxay kadib markii ay xukuumada Somaliland heshiis la gashay. “Dowlada Somaliland waxay go’aamisay in diyarad kasta oo calan waddan sidata heshiis lala galo” ayuu yidhi. “Waddankii labaad ee Somaliland heshiis la gala waa Imarada Dubai, iyadoo heshiis kaas lagu go’aamiyay in diyarada dib loo fasaxo” ayuu hadalkiisa ku daray. Mareeyaha ayaa sheegay in waddan kasta oo danaynaya in diyaaradihiisu isticmalan madaarada Somaliland ay heshiis ku iman doonaan. Mareeyaha ayaa sheegay in Fly Dubai loo hakiyay shuruudo anay buuxin darteed, isla markana hada la fasaxay kadib markii ay heshiis galeen. Fly Dubai ayaa la joojiyay sanadkii hore ee 2020 https://youtu.be/sLdQ1NGjGkU Source
-
Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa la filayaa inuu noqdo guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland isagoo badali doona Saleebaan Maxamuud Aadan oo xilkaasi banaynaya, sida ay MM-TV u sheegeen ilo-wareedyo xog ogaal ah. Xilka gudoomiyaha golaha guurtida ee la filayo inuu qabto Maxamed kaahin Axmed, ayay fursaddeedu abuurantay, kadib markii warqad is casilaad ah uu Gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Muddane Saleeban Maxamuud Aadan, muddo laga joogo ugu yaraan sadex usbuuc. Sidoo kale labadii maalmood ee ugu danbeeyay waxaa laga shaqaynayay sidii loo banayn lahaa kursiga uu deegaan ahaan kagasoo gali lahaa Wasiir Maxamed kaahin, si uu xilkaasi u hanto. Tallaabooyinka dhiman ee lagu taabbo galinayo xilka cusub ee wasiir Kaahin ayaa la shaacin doonaa maalmaha dhaw ee soo socda. MM-TV Source
-
Qoraalkan waxa igu kalliifey markii waraysi aan siiyey MMTV 29.06.2021, lana sii daayey xalay 01.07.2021 laga reebay ujeeddadii aan ka lahaa, waayo qofku marka uu waraysi bixinayo ujeeddo ayuu ka leeyahay, tas oo ah in uu xog ama farriin ku gudbiyo, waraystuhuna ujeeddo kale ayuu ka leeyahay, lagana yaabo in ay labada ujeeddo kala duwanaadaan. sidaa darteed waxaa laga rabaa waraystuhu marka uu waraysigii gudbinayo in labadii ujeeddaba ay ka dhex muuqdaan, haddiise ay mid keli ahi ka muuqato waxa is beddelayaba Nuxurkii iyo ujeeddadii, waxaanay keeni kartaa faham khaldan oo daawaduhu ka qaato, waayo hadalku isaga ayaa is dhamaystira ama is macneeya. waxa kale oo igu kalliifey in aan halkan si xaqiiq & tirooyin ah (Fact and Figures) u soo dhigo caddaymaha sida doorashooyinkii dhacay xisbiyadu codadka u kala heleen gaar ahaan KULMIYE & WADDANI si daawaduhu ama akhristuhu u helo xog ka maqan ama hadday ugu liidato uu xaqiiqda ogaan karo, waa qofka ay sidaa ula socone. akhristayaal waxaan idinka raalli gelinayaa haddii qoraalkani dheeraado, anigoo og in qoraalka gaaban ee nuxurka xambaarsani ka fiican yahay kan dheer hadduu doono faa’iido badaniba ha ku guda jirtee. waan daawaday masuulyiin iyo siyaasiyiin meelo fagaarayaal ah kaga doodaya KULMIYE taageeradiisii hoos u dhacday marka loo eego doorashadii Madaxtooyada 2017kii. Horta marka hore doorashooyinka waxa la isu barbar dhigaa siday isugu egyihiin sida Doorasho Madaxtooyo iyo mid kale oo madaxtooyo, mid Wakiillo iyo mid kale oo Wakiillo, sax maaha in la is barbardhigo laba doorasho oo kala nooc ah sida Doorsho Madaxtooyo iyo mid deegaan. DOORASHADII 2005 ============== Doorshadii 2005 KULMIYE halkuu taagnaa. waxa uu helay 28 xidhibaan, tan maantana waxa uu helay 30 xidhibaan. waxa xisbiguu UDUB kaga sareeyey saddex Gobol oo kala ah Awdal, Saaxil iyo Sool, oo isku darkooda laga sarreeyey 8 Xildhibaan. KULMIYE waxa uu ku sarreeyey laba gobol oo kala ahaa Maroodi jeex iyo Togdheer oo isku darkooda oo ku sarreeyey saddex Xidhibaan. gobolka sanaag isku mid ayay ahaayeen. DOORASHADA 2021 ============= Doorshada 2021 Xisbiga KULMIYE wuxuu ku sarreeyey Gobollada Maroodi jeex, Sool, iyo Saaxil oo isu geyntooda kaga sarreeyo xisbiga WADDANI saddex Xidhibaan. waxa anu ku sareeyaa Gobollada Togdheer iyo Sanaaga oo isu geyntooda uu ku horreeyo afar Xidhibaan waana halka uu ku jiro xidhibaanka 31aad. waxay is le’egyihiin gobolka Awdal. Haddaba tirada guud ee codadka Hordhaca ah labada xisbi waa sidan WADDANI = 259,144 Cod KULMIYE = 257,020 Cod Faraqa Waddani ku horreeyo 2,124 Cod Marka Degmooyin loo dhigo oo ah 2oka degmo ee doorashadu ka dhacday iyana waa sidan: KULMIYE = 268,806 cod WADDANI= 260,841 faraqa Kulmiye ku horreeyo 7,965 Cod Marka la kala gooyo 7,965 iyo 2,124 waxa Kulmiye ku sarreeyaa guud ahaan 5,841. horta dhinaca codadka marka laga eego waxa sarreeya KULMIYE dhinac kale aan u dhigo Kulmiye waxa uu ku horreeyaa xidhibaanno deegaan ahaan 9 Degmo oo kal ah:- Berebera, Gebiley, balligubadle, Sallaxley, Gar’adag, Lughaya, Caynabo, Xuddun iyo Taleex. Waddani waxa uu ku horreeyaa 6 degmo oo kala ah:- Burco, Oodweyne, Buuhoodle, Hargeysa, Ceerigaabo iyo Baki. Waxa labada Xisbi is le’egyihiin shan degmo oo kala ah:- Ceeelafweyn, Boorame, saylaca Laascaanood iyo Sheekh. haddaba waxa la is weydiin karaa sidee xisbiga intaas oo codad iyo demooyin ah ku sarreeya looga qaaday maayarrada shan degmo oo A Garade ah loona dheeraaday xubin Baarlamaan. jawaabtu waa sahlan tahaye iga hooya. Hortra maayarrada xisbi ma qaadin ee laba xisbi ayaa is kaashaday. xubinta baarlamaanka, codadka Xisbi helo iyo sida xubnaha doorashada ku soo baxa loo kala helaa waa kala nooc. waxaa jira Gobol ugu yaraan 5-11 musharrax oo aan soo bixini ay cod badan yihiin musharraxiin kale oo soo baxay, sababta adigu dib u baadh. arrin kale aan wax yar ka idhaahdo. doorashayooyinka noocan ah lama kala doorto xisbiyo, waxase deegaanku raacaa hlka musharraxoodu iska sharraxo isagoo aan xisbigaba taageersanayn. waxa kale oo jirta taageere xisbi oo laba musharrax oo laba xisbi ka kala sharrax midba goonnidiisa ugu codeeye, macnuhu waxa weeye midna wakiillada yuu ugu codeeyey midna deegaanka. Gebo Gebo. ======== Kulmiye ma jiro codad lagaga horreeyaa ee isaga ayaa saddexda xisbi ugu sarreeya marka codad la eegayo, qofkii ku qanci waayaana ha isu geyso isagu natiijadii hordhacaya hayd oo saxeexanna ha raadsado. KULMIYE ma jiro maayarro xisbi ka qaaday ee laba xisbi ayaa is kaashaday xaqna way u leeyihiin, cidina filan mayso in hal xisbi lanba xisbi ka codad bato. Dhaqankeenna ayay ahayd in labada xisbi mucaarad ku midoobaan doorashooyinka noocan ah ee ugub maaha. waxaan mar kale idinka raalli gelinaya dheeraanta qoraalkan, iyo haddii wax error ahi ku jiran waayo dib umaan soo akhriyin. waxaan idinka raalli gelinayaa haddii wax khalad ahi xisaabtan ka soo baxaan waayo bashar baan u wada nahay. W/Q Cabdikariim Xinif Guddoomiyaha hay’adda Barakacayaasha Source
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland Government Spokesman Jama Daparani tweeted that the President of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed had funded pro-Al-shabaab propaganda against Puntland State. Daparani’s tweet pertains to a cartoon by Amin Amir, a Somali-Canadian cartoonist, on the recent execution of 18 Al-shabaab ringleaders in Galkayo. A cartoon that will trigger a debate on the fine line between freedom of speech and incendiarism. Amir’s cartoon conveyed the message that then the men found guilty of masterminding Al-Shabaab assassinations had been innocent. One of the characters in the cartoon was made to say in Maay dialect, “Oh boy! I am innocent; you are wrong”. Amir portrays Puntland President Said Abdullahi Deni as the executioner. Puntland State Government publicised interviews with suspects who shared stories about their recruitment and how they carried out assassinations in North Galkayo. “Amin Amir’s cartoon seeks to exonerate criminals who were investigated under due process and convicted of terrorist activities” said Adan Mohamud, a former member of Galkayo City Council. “Amin Amir is not exercising freedom of speech when he implies Puntland Government illegally incriminates Somalis from Southwest State. Puntland Government is looking into making representations to the respective Canadian authorities about what we see as glorification of terrorism” said a senior official at Puntland Presidency, who prefers to be quoted anonymously. There is no evidence that Somalia President bankrolls pro-Al-shabaab propaganda. “Daparani has acted hastily without consulting legal experts of Puntland Government” added the official. © Puntland Post, 2021. The post Puntland Spokesman Accuses Somalia President of Bankrolling “Pro-Al-shabaab Propaganda” appeared first on Puntland Post.