Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo dowlad goboleedka Jubaland. Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa inta uu joogo Jubaland waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta degaanka. Sidoo kale, Inta uu joogo magaalada Kismaayo Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dhagax dhigi doonaa mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo Jubaland. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale daarran dhammeystirka dib heshiisiinta Gedo iyo si guud howlaha doorashooyinka oo uu hormuud ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta ku wajahan Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Asluubta dowlad goboleedka Puntland ayaa faah faahiyey sida uu u baxsday Axmed Cabdi Jaamac oo ku xirnaa xabsiga magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, kuna xukunaa, xukun dil toogasho ah. Afhayeenka ciidanka Asluubnta oo lagu magacaabo, G/le Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay in maxbuuska oo ay soo wajahday xaalad caafimaad uu u baahday daryeel caafimaad oo ka baxsan xabsiga kadibna marka la waday uu baxsaday. Xirsi ayaa sidoo kale xusay in tuhun ay ka qabaan saraakiishii iyo ciidankii loo xil-saaray soo daaweynta maxbuuska fakaday, isaga oo tilmaamay inay dayacaad sameeyeen. “Xukumane Axmed Cabdi Jaamac oo u xirnaa dil toogasho ah ayaa arrimo caafimaad loogu qaaday Isbitaalka guud si loo daweeyo, saraakiil ayaa loo xilsaaray howshaas balse way la garab mareen oo afka ayay la galeen ciidan hubeysan oo u diyaarsanaa, markii aan baaris dheer sameynay waxaa inoo caddaatay in dayacaad la sameeyay”ayuu yiri Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi oo afhayeenka ciidanka Asluubta Puntland. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la xiray saraakiishii loo xil-saaray caafimaadka maxbuuska , sidoo kalena lagu raad joogo mid ka mid ah askartii waday maxbuuska oo maqan.. “Waxaa dhici karto in qaarkood ay xiriir la leeyihiin Raggaas hubeysnaa, waxaa maqan mid kamid ah ciidankii waday Maxbuuska balse waxaa xiran saraakiishii mas’uulka looga dhigay in ay isbitaalka geeyaan xukmanaha dibna ugu soo celiyaan Xabsiga ” ayuu yiri. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso ay ka baxsadeen qaar ka mid ah maxaabiistii ku jirtay, kadib markii ay weerar culus ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo si gaara u beegsaday xasbigaasi. The post Sidee ayuu Puntland uga baxsaday maxbuuskii ku xukunaa dilka? appeared first on Caasimada Online.
  3. Maanta waxaa ku eg 4 bil iyo 29 maalin oo ah inta ayaamood ee ay madaxweyneyaasha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu darsantay 4-tooda sano oo dastuuriga ahayd kaddib, 151-kaas maalin oo aan qiimeyn ku sameyn doonno waxaa ku jira kala adkaashiyo hawlo shaqo, casharro iyo cibrooyin, guulo iyo guul-darro iyo arrimo u baahan in la barto si dowladnimada Soomaaliya u sii jirto. Isbarbardhigga aan maanta qormadan ku sameynay kuma jiro sida labada madaxweyne ay dalka ugu yimaadeen xilliga ay la wareegayeen, oo madaxweyne Xasan waa tii uu u yimid dal federal ah balse ay Puntland keliya jirto, Al-shabaab ay haysato inta badan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, miisaaniyad rasmi ah jirin, IMF iyo World Bank aaney joogin, aan lahayn aqoonsi caalami ah, oo qalfoof uun ah halka madaxweyne Farmaajo lagu wareejiyey dal dunida aqoonsan tahay oo 32 safaarad u shaqeyso, 5 dowlad goboleed oo dhisan, marka laga reebo Jubbada hoose inta kale oo xor ah, miisaaniyado iyo xisaab-xirro 4 sano jiray, barnaamijka deyn cafinta oo socda iyo arrimo kale si uu wax ugu sii daro. 4-tii sano ee Farmaajo joogay wax ma ku daray mise maya? Waa dood iyo qormo maalin kale ah, balse maanta sida aan sheegnay isbarbardhiggu waa 5-tii bil ee muddo xilkeedka labada masúul ugu darsantay iyo mid weliba waxaa ay ku qabteen? Yaase guuleystay? Heshiiska Doorashada: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu September 10, 2016-kii gaaray iyada oo madasha wadatashiga qaran ay heshiis ku yihiin dhammaan habraacyada doorashada, laakiin madaxweyne Farmaajo 8-dii February 2021-kii waxaa uu gaaray isaga oo maalin ka hor uu shir uga soo baxay Dhuusamarreeb, golaha wadatashiga qaran ugana soo carooday arrimo ay ka mid yihiin Gedo, Somaliland iyo guddi doorasho loo agu muransanaa. Wareejinta Awoodaha: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu awoodihiisa wareejiyey September 5, 2016-kii, oo inta aanu dhammaan waqtigiisa halka madaxweyne Farmaajo uu sidaasi sameeyey May 1, 2021-kii 83 maalin February 8, 2021-kii, weliba mar ay dagaallo ka dhaceen Xamar oo ciidamo ka gadooday muddo kordhin 2 sano ah oo uu sameeyey ay Villada u jirsadeen hal KM. Xasillooni Siyaasadeed: Muddada 4 bil 29-ka maalin ah ee madaxweyne Xasan u raacday ma jirin qalalaaso siyaasi ah, oo dalku nabad u ahaa, wadar oggol ayaa wax walba lagu qabanayey halka madaxweyne Farmaajo uu April 12-keedii sannadkan si iskiisa ah ugu darsaday laba sano, isaga oo halis geliyey dalka iyo naftiisa, natiijada ka dhalatayna ay sababtay kalsooni la’aan illaa hadda jirta. Farmaajo February 19, 2021-kii waxaa uu xabbadeeyey musharraxiin dibadbax dhigayey, illaa hadda uu 5 bil ku darsadaydna aan la ogeyn goorta la dooran doono Senetorka ugu horreeya baarlamaanka 11-aad. Shaqada Doorashada: Madaxweyne Xasan Sheekh bil kaddib markii muddo xileedkiisu dhammaaday, yacni October 15, 2016-kii waxaa la doortay Senatorkii ugu horreeyey ee baarlamaanka federaalka ah halka xilliga Farmaajo la dhisay guddiga doorashada dadban June 19, 2021-kii. Dowlad is-oggol: Madaxweyne Xasan Sheekh, 5-ta bil ee kaddib muddo xileedkiisa waxaa jiray is-oggol labada heer ee dowladda federaalka ah, waxaana heshiis ahaa madaxweynaha JF iyo madaxda dowlad goboleedyada halka madaxweyne Farmaajo aaney isa salaamin labo ka mid ah maamul goboleedyada sida madaxweyne Deni iyo madaxweyne Madoobe. Dhammeystirka Xulista: Maanta oo kale oo 151 beri ay raacday muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa qabsoomay doorasho ay ka qeyb galeen 135 odey, oo soo xulay in ka badan 14 kun oo ergo doorasho ah oo dooratay 275 ka tirsan golaha shacabka iyo weliba in 400 ka badan oo baarlamaannada dowlad goboleedyada oo doortay 54 Senetor oo BF halka maanta iyada oo madaxweyne Farmaajo uu ku darsaday 5 bil aan lahayn odeyaal iyo ergo midna. Dhammeystirka doorashada Baarlamaanka: Madaxweyne Xasan Sheekh, 5 bil kaddib muddo xileedkiisa waxaa uu dalku lahaa labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah oo ka kooban 329 xubnood. Doorasho Madaxweynaha Xiga: Madaxweyne Xasan 151 maalin gudahood waxaa uu ku guuleystay in ay tartamaan in ka badan 20 musharrax oo madaxweynenimo, iyada oo doorashada uu qabtay uu kusoo baxay Farmaajo, laakiin isla muddadaas oo maanta ku beegan, madaxweyne Farmaajo far ma dhaqaajin, waxaa la billaabi la’yahay doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. “Wufuud Ka Socota Dalalka Somaliland Ka Taageera Doorashooyinka & Dimuqraadiyadda Oo Dalka Ku Soo Wajihan” (SLT-Hargeysa)-Beesha Caalamka ayaa si dhaw ula socota arrimaha dhaawac ku ah dimuqraadiyadda Somaliland ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku doonayso iyada oo aan haysan aqlabiyadda Golaha Wakiillada Somaliland inay ku hantido shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland . Doorashadii Golaha Wakiilllada ee dalka ka dhacday ayaa Xisbiga KULMIYE uu helay 30 Xildhibaan ,halka ay labada Xisbi Mucaarad heleen aqlabiyadda Golaha ah in shir guddoonka Golaha ay iyagu xaq u leeyihiin haddii la tixgelinayo dimuqraadiyadda,balse Xukuumadda KULMIYE ayaa wadda ciddiyo ku dagaalan iyo fallal dhiig-bax ku ah dimuqraadiyadda curdinka ah ee Somaliland,kuwaas oo ah qaar ay doonnayso inay ku iibsato Xildhibaanadda ka soo baxay Xisbiyadda mucaaradka si ay u hesho tirada ay rabto oo ay u gaadho aqlabiyadda ay raadinayso “Waxay ku odhanayaan Xukumadda waxay u baahantay laba iyo toban 12 Xildhibaan oo ay soo iibsato,marka sidaa la leeyahay sharraftii Xildhibaanada la soo doortay ayaa meel lagaga dhacayaa,waxa aan leeyahay arrinkaa Xukuumaddu haka joogsato, cidda ay u doorranayaa shir guddoonka iyaga ayaa xor u ah, Madaxweynaha waxa aan leeyahay tacab baddan ayaad gelisay doorshada ee dib haka xumayn sharrafta iyo karraamada Xildhibaanada dhawr,Xildhibaanadu waa Xildhibaano la soo doortay oo huwan sharraf iyo karraamo marka ay Golaha galaan cidda ay dan u arkaan ayey u doorranayaan shir guddoonka.”Xildhibaan Khadar Cali Xakiin. Geesta kalena tallaabooyinkaa iyo qaar kale oo ay waddo Xukuumadda KULMIYE,kuwaas oo ay ku doonnayso inay ku hantido shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa si dhaw ula socda daneeyayaasha iyo Saaxiibada Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo kobcinta dimuqraadiyadda Somaliland,kuwaas oo ay qaarkood hadda dalka joogaan Beesha caalamka ayaa hore bayaan ay u soo saareen ku amaamay Somaliland doorashooyinkii dalka ka dhacay ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada,iyagoo si gaar ah uga hadlay doorashada Golaha Barlamaanka Somaliland “Saaxiibada caalamku waxay ugu hambalyeynayaan shacabka reer Somaliland, xisbiyada siyaasadeed, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo hay’adaha kale ee dawlada sida wanaagsan ee ay u dhacday qabsoomida doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee 2021 iyo habsami u socodka doorashada.”ayey ayaa lagu sheegay war-muriyeed ay sooo saareen Midowga Yurub, Beljam, Danmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Nederland, Norway, Sweden, Switzerland, Ingiriiska” Dhanka kalena qaar kamid ah goob-joogayaashii caalamiga ahaa ee doorshooyinkii isku sidkanaa ee Somaliland ka dhacay,ayaa iyagu hadda joga Magaalada Hargeysa,balse xoggo kale oo soo baxaya ayaa sheegay in Wufuud ka socota Beesha Caalamka gaar ahaana dalalka Somaliland ka taarra doorashooyinka iyo geedi socodka dimuqraadiyadda in la filaayo inay dalka soo gaadhaan dhawaan,kuwaas oo kullamo la yeellan doonna Madaxweynaha iyo Xisbiyadda Qaranka . Source
  5. Hoggaanka Militiriga ee TPLF Jeneraal Tsadkan Gebretensae shaaciyay in ay diyaar u yahiin dhaqan-gelinta xabbad-joojin heshiis lagu yahay iyo in xal siyaasadeed laga gaaro colaadda ka taagan Gobolka Tigray. Jeneraal Tsadkan oo la hadlay wakaallada wararka ee Reuters ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku guulaysan weyday dagaalka, haddana la joogo xilligii ay dhinacyadu geli lahaayeen wadaxaajood ku aaddan xabbad joojin buuxda si lo gaaro xal nabadeed. “Waxaan isu xakameyneynaa si xal siyaasadeed looga gaaro mushkiladda oo dhan. Waxaan jeclahay in Beesha Caalamka ay fahanto xaaladda taagan, haddii la waayo xal kale, waxa xiga ee aan sameyneyno ayaa ah in aan arrinta ku wajahno cudud milateri,” ayuu yiri Jen. Tsadkan. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo Isniintii khudbad u jeediyay baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in aan looga adkaan dagaalkii ka dhacay gobalka Tigre, balse taa bedalkeeda aad loo wiiqay awoodda TPLF, waxuu intaa ku daray in ka bixitaankii magaalada Mekelle uu ahaa mid muddo la qorsheynayay oo tashi badan ay gelisay Xukuumadda. PUNTLAND POST The post Jabhadda TPLF oo ku dhawaaqday xabad-joojin appeared first on Puntland Post.
  6. Somaliland Oo Shay Kasta Oo Maceeshadda Ka Mid Ah Qiimihii La Siin Jiray Ay Ku Korodhay Lacag U dhaxaysa 7 Illaa 10 Dollar (SLT-Hargeysa)-Culays dhanka nolosha ah ayaa ka jira guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, ka dib markii Qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga ahi aad sare ugu kacday. Guud ahaan Raashinka ayaa Magaalooyinka dalka Qiimihiisu aad sare uga kacay, taasi oo dhibaato ku noqonaysa Dadka danyarta ah ee aan awoodin inay culayskaa Qaabilaan. Wargeyska Geeska Afrika oo u kuur-galay korodhka Qiimaha Raashinka ku yimid, ayaa ogaaday in faraq aad u badan u dhexeeyo Qiimaha cusub iyo Qiimihii hore. Mid ka mid ah Dadka Bakhaarrada ku haysta Magaalada Hargeysa, ayaa u sheegay Wargeyska in Raashinka dalka dibeddiisa ka yimaadda ka sakow uu kordhay qiimaha waxa gudaha Somaliland laga soo saaro. “Shay walba oo aanu iibino sare ayey u kaceen, iska daa wax dibedda inooga yimaadda’e ee xittaa waxaa sare u kacay qiimaha waxyaabaha dalkeena laga soo saaro.” Ayuu yidhi mid ka mid ah Dadka Bakhaarrada ku haysta Hargeysa, waxaanu intaa ju daray “Waxyaabaha sare u kacay muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka mid ah Bariiska, oo gadbadda waxaanu siin jirnay 24 dollar, haddana waxaanu siinaynaa 30 dollar, daqiiqda oo aanu siin jirnay 21 dollar, hadda waxaanu siinaynaa 24 ilaa 25 dollar, Sonkorta oo aanu siin jirnay 23 dollar, hadda waxay maraysaa 26, 27 illaa 28 dollar, Saliidaha noocyadeeda kala duwan iyana waxaa ku kordhay qiime, oo tusaale ahaan saliidaha qaarkood oo jirikaankii joogay 18 dollar, hadda waxaa la siinayaa 28 dollar oo 10 dollar ayaa ku kordhay, Baastada iyana qiimaheedii wax baa ku kordhay, oo kartoonkii 6 dollar ahaa hadda wuxuu marayaa 8 dollar..” Waxaanu intaa ku daray in sababta kordhisay qiimaha Raashinku aanay ahayn Cashuur Dawladdu ku kordhisay, balse la kordhiyey Qiimihii lagu soo qaadi jiray Koontiinnarada “Wax Cashuur ah oo kordhay ma jiraan, laakiin sida aan ka war hayo waxaa jira in lacagtii Koontiirada la kordhiyey, oo halkii ay awalba ka hayeen saddex kun ayaa 7 kun laga dhigay, markaas Xukuumadda waxaanu u soo jeedinaynaa inay arintan hoos u eegto oo ay wax ka qabato, maxaa yeelay dadkeenu waxay u badan yihiin danyar, oo ma qaadi karaan culayskan oo kale, ta kale Raashinka oo qudha maaha ee waxaa sidoo kale sare u kacay qiimihii shidaalka, iyo qiimihii agabka dhismaha…” ayuu yidhi Axmed Shabeel Cige oo ka mid ah Ganacsatada Bakhaarrada ku haysata Magaalada Hargeysa. Ibraahim Cabdi Cismaan oo isna ka mid ah Ganacstada ka ganacstada qaybaha kala duwan ee maceeshada, isla-markaana haysata Bakhaarka Alnajax, ayaa isna wuxuu ka xog-warramay aragtidiisa ku wajaahan qiimaha sare u kacay ee maceeshada, waxaanu yidhi “Labadii bilood ee ugu dambeeyey Raashinka iyo waxyaabaha kala duwan ee aanu iibino qiimahoodu uu sii kordhaayey, ciladuna anaga maaha ee qiimihii aanu markii hore ku soo iibsan jirnay ayaa shay kastaba wax lagu daray, sidaas darteedna anaguna wax baanu ku darnay, inkasta oo aanan ku darin wax buuran, Saliidda ayaa ugu daran oo waxaa ku kordhay 7 dollar iyo wax ka badan, Bariiska ugu yaraan 6 ilaa 7 dollar, ayaa ku kordhay, Sonkorta ilaa 4 dollar baa ku kordhay, daqiiqda 3 ilaa 4 dollar baa ku kordhay, Bastaada 2 ilaa 3 dollar baa ku kordhay, markaas Dawladda ayaa dalka iyo dadkaba ka masuul ah, ee arintan wax ka ha ka qabato, oo haddii ay tahay Dekadda iyo haddii ay tahay cid kaleba xooga ha saarto sidii ay arintan wax uga qaban lahayd, maceeshadana loo jabin lahaa”. Xariir Cabdilaahi Axmed oo isna haysta Dukaan oo aanu wax ka weydiinay siduu u arko maceeshada qaaliga noqotay wuxuu ku jawaabay “Haa…waa dhab oo wax walba qaali ayey noqdeen, anaguna maadaama aan tukaan haysto qiimihii awal la iga soo siin jiray Raashinka, qiimo ka qaalisan ayaa la iga soo siisay, aniguna sanaati ayaan saaray, dadkii macaamiisha noo ahaa iyo dadkii kale ee wax naga iibsanaynayeyba, aad bay u yaaban yihiin, markaas Ganacstada waaweyn dadkooda ha u naxariistaan, oo wax walba ha u jabiyaan”. Maxamed Nuur Cabdi oo isaguna ka mid ah dadkii raashinka iibsanayey, oo aanu wax ka weydiinay is beddelka ku yimid qiimaha maceeshada wuxuu yidhi “Qiimihii awalba aanu wax ku iibsan jiray qiimo ka qaalisan ayaa hadda wax na lagaga iibiyaa, wax kastana kor bay u kaceen, wax kasta oo sare u kacaana waxaa laga jaraa oo ay ka go’an tahay dadka masaakiinta ah, ee Dawladdu sida ugu dhakhsaha badan arintan wax ha uga qabato” Source
  7. Areas in Somalia’s central Galmudug state that were considered strongholds of the al-Shabaab terror group were reclaimed in military operations, authorities announced on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku sii jeeda gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in wafti hordhac u ah ra’iisul wasaaraha ay haatan ku sugan yihiin degmada Kismaayo, kuwaas oo shalay gaaray magaaladaasi. Sidoo kale waxaa haatan socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta waftiga ra’iisul wasaaraha oo saacadaha soo socda gaari doono halkaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaal magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Rooble ayaa marka uu tego Kismaayo la kulmi doono hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyaga oo ka wada-hadli doono, xaaladaha Jubbaland, ammaanka, dagaaalka Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale kormeeri doono xarumaha muhiimka ah ee Jubbaland, isaga oo la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada. Waa safarkiisii ugu horreeyey ee uu ku tegayo magaallo xeebeedka Kismaayo, tan iyo markii uu la wareegay xafiiska, waxaana uu horey u booqday xarumaha kale ee maamul goboleedyada, sida Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo sidoo kale HirShabelle. Socdaalkan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli haatan la guda galayo doorashooyinka dalka, waxaana Kismaayo ay ka mid ah meelaha lagu qabanayo doorashooyinka. The post Wararkii ugu dambeeyey safarka ROOBLE ee Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqtar Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo ah maamulaha hay’adda Xabeeb Mental Health Foundation oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan jadwalka doorashooyinka dalka. Dr Xabeeb ayaa cabasho ka muujiyey jadwalka soo baxay ee ay soo saareen golaha wada-tashiga qaran, siiba doorashada madaxweynaha oo loo asteeyey 10-ka October. Dhaqtarka ayaa tilmaamay in maalintaas ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee Dhimirka, isla-markaana ah ay tahay in dadka laga wacyi-geliyo xanuunka Dhimirka. Waxa kale oo uu sheegay in munaasabada uu qabto 10-ka October lagu casuumo madax kala duwan, sidaas daraadeedna, haddii doorasha la qabanayo ay saameyneyso martida. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay wal-wal ka qabaan xuska maalintan, maadaama lagu soo aadiyey qabashada doorashada madaxweynaha oo saameyn ku yeelaneysa tabinta munaasabadda uu ugu dabaal-dagayo xuska maalinta Dhimirka. “Wal-walka na heestaa waxa uu yahay caalamka maanta waa Social Media, haddii ay noqon laheyd TV, haddii ay noqon laheyd Facebook, haddii ay noqon Youtube ma fahantay, laakiin maalinta doorashada hadda nin anaga naga miisaan weyn, inkastoo afar sano uuu ku egyahay ayaa la dooranayaa Involved-baa ku nahay, anaa Involed ku ah maalintaas ma xus-baa qabtaa, mise waxaan daawadaa qaabka ay codeynta u socoto,” ayuu wareysigan xasaasiga ah ku yiri Dhaqtar Cadiraxmaan Cali Cawaale. Sidoo kale waxa uu baaq u diray madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo ka dalbaday in doorashada madaxweynaha ee haatan la shaaciyey in la qabanayo 10-ka bisha soo socota October, laga wareejiyo maalintaasi. “Tabarta aan leenahay maanta waa (Abil) codsi aan u jeedineyno dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo go’aanka wada gaaray, waxaan ka codsaneynaa walaalayaalow maalintaas waa maalin 18 sano aan la saan qaadeynay caalamka walaalayaalow hanaga reebina ee doorashadiina ka dhigta maalin kale.” ayuu raaciyey. Arrintan ayaa hadal heyn ka dhex-dhalisay baraha bulshada ay ku xiriirto, waxaana la is-weydiinayaa, sida ay suuragal ku tahay in doorashada dib loogu dhigo xuska maalinta caalmiga ah ee Dhimirka ee 10-ka October, maadaama marxalad adag lasoo maray. The post Xabeeb oo sabab yaab-leh uga horyimid doorashada madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  10. Ethiopia oo ku dhaqaaqday arrin ay Dawlada Masar ka digtay Wasiirka waraabka dalka Masar ayaa sheegay in Isniintii uu ka helay ogeysiis rasmi ah dalka Itoobiya, kaas oo ku saabsan in ay bilaabeen buuxinta kaydka biyo-xidheenka weyn ee loo yaqaan GERD sanadkii labaad. Masar ayaa dhinaceeda ku wargalisay Ethiopia diidmado qayaxan oo ay ka qaadatay talaabadan, taas oo ay u aragto mid khatar ku ah xasiloonida gobolka. Wasiirka waraabka Maxamed Cabdel Aty ayaa bayaan ku sheegay diidmada Masar. Masar waxay u aragtaa in biyo-xireenkan uu yahay mid khatar weyn ku ah biyaha webigeeda Nile, kuwaas oo ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin shacabka dalkeeda. Suudaan, oo ah wadan kale oo arrintaan khuseyso ayaa walaac ka muujisay badqabka biyo-xireenka iyo saameynta ay ku yeelan karto biyo-xireenkeeda iyo xarumaha biyaha. Baaxadda biyaha uu qaadanayo biyo-xireenkan waxay ku xirnaan doontaa xaddiga roobabka ka da’a Itoobiya. “Ma aragno wax saameyn ah oo hadda laga dareemayo Webiga Nile. Waxay qaadaneysa bil ama bil iyo bar” ayuu afhayeen u hadlay Wasaaradda Waraabka ee Masar oo la yiraahdo Maxamed Ghanim u sheegay telefishanka maxalliga ah ee dalkaas. Masar iyo Suudaan waxay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ku saabsan heshiis sharci ah oo ku saabsan hawlgalka biyo-xidheenka, laakiin wadahadallada ayaa marar badan hakad galay. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrintan maalinta Khamiista, waxaana bayaanka uu saasaray wasiirka waraabaka ee Masar Abdel Aty lagu sheegay in warqad uu u qoray golaha Golaha Ammaanka, si uu ugu wargaliyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay. Itoobiya ayaa sheegtay inay ugu dambayntii adeegsanayso xuquuqdeeda ku aaddan biyaha webiga Niil oo muddo dheer ay maamulayeen waddamada dariska la ah. Safiirka Itoobiya u fadhiya Khartoum ayaa Axaddii sheegay in Masar iyo Suudaan ay horeyba u ogaayeen faahfaahinta sadexda sano ee ugu horeysa ee biyo-xireenka la buuxinayo, arrintaasna aan la geyn Golaha Amnaanka, maadaama aysan aheyn arrin ku saabsan nabada iyo amaanka. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka beesha Ebakar-gaab Macalin Dhiblaawe oo ka mid ah beesha Waceysle ee Abgaal maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid saami qeybsiga xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee beeshooda. Kuraastaan ay beesha Ebakar-gaab Macallin cabashada ka qabto waxay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, waxayna baaq u direen madaxweynaha Galmudug. Waxgaradka beeshaan ayaa madaxda dowladda federaalka iyo tan Galmudug ka dalbaday inaan lagu hungoobin in la duudsiiyo kuraas ay iyagu xaq u leeyihiin. War-murtiyeed ka soo baxay beesha Ebakar-gaab Macallin oo laga shaaciyey shirkaan jaraa’id ayaa lagu soo bandhigay cabashada ay beeshu ka qabto hanaanka loo qeybiyo kuraas ugu darsan beesha Waceysle. Waxgaradka beeshaan oo warbaahinta la hadlay ayaa beesha Waceysle ka dalbaday in si cadaalad ah sanadkan oo qeybiyo kuraasta, maadaama ay soo dul qaadanayeen mudo dheer oo sida ay sheegeen ay ka maqnaayeen kuraas ay xaq u leeyihiin. Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee waxgaradka beesha Ebakar-gaab The post Beel ka mid ah ABGAAL oo ka hor-timid saami qeybsiga xildhibaanada BF (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  12. Shirkad war cusub ka soo saartay Xoggo tibaaxaya in Siciid deniga Puntland ka iibsaday Hotel Qaaliya Waxaa saacadihii lasoo dhaafay la baahinayay war ku aadan in Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu iibsaday Hoteelka caanka ah ee Sarova Stanley ee kuyaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaana qoray warkan ku saabsan Madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu iibsaday Hotelka Huteelka Sarova Stanley, waxaana warkan uu noqday mid hadal heyn badan ka abuuray gudaha Kenya. Geesta kalena Maamulka Huteelka Sarova Stanley ayaa beeniyay wararka sheegayay in madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillahi Deni uu iibsaday huteelkooda ku yaala caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.. Qoraal ay bartooda twitter-ka soo dhigeen ayey ku sheegeen in ay shacabka uga digayaan wararka been abuurka ah ee la xidhiidha in “huteelkooda Nairobi uu iibsaday ganacsade ka soo jeeda Soomaaliya waa Siciid Deniye.” Sarova Hotels and Resorts Kenya would like to caution the public on a post making rounds on social media alleging that our Nairobi hotel, Sarova Stanley, has been bought by a Business Tycoon from Somalia. The aforementioned post is not factual and is FAKE NEWS. — Sarova Stanley (@SarovaStanley) July 5, 2021 Maamulka Goboleedka Puntland ayaa horay u beeniyay arrintan oo aad loogu hadal hayay baraha bulshada kaddib markii wargaysyada dalka Kenya ay qoreen warbixin ay ku sheegeen in madaxweyne Siciid Deni uu iibsaday huteelka Sarova Stanley qaybtiisa magaalada Nairobi. Warkan ku saabsan in hotelka Sarova Stanley uu iibsaday Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa imaanaya xili uu joogo magaalada Nairobi uuna halkaasi ka wado kulamo siyaasadeed. Qaran News
  13. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka waraabka dalka Masar ayaa sheegay in Isniintii uu ka helay ogeysiis rasmi ah dalka Itoobiya, kaas oo ku saabsan in ay bilaabeen buuxinta kaydka biyo-xidheenka weyn ee loo yaqaan GERD sanadkii labaad. Masar ayaa dhinaceeda ku wargalisay Ethiopia diidmado qayaxan oo ay ka qaadatay talaabadan, taas oo ay u aragto mid khatar ku ah xasiloonida gobolka. Wasiirka waraabka Maxamed Cabdel Aty ayaa bayaan ku sheegay diidmada Masar. Masar waxay u aragtaa in biyo-xireenkan uu yahay mid khatar weyn ku ah biyaha webigeeda Nile, kuwaas oo ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin shacabka dalkeeda. Suudaan, oo ah wadan kale oo arrintaan khuseyso ayaa walaac ka muujisay badqabka biyo-xireenka iyo saameynta ay ku yeelan karto biyo-xireenkeeda iyo xarumaha biyaha. Baaxadda biyaha uu qaadanayo biyo-xireenkan waxay ku xirnaan doontaa xaddiga roobabka ka da’a Itoobiya. “Ma aragno wax saameyn ah oo hadda laga dareemayo Webiga Nile. Waxay qaadaneysa bil ama bil iyo bar” ayuu afhayeen u hadlay Wasaaradda Waraabka ee Masar oo la yiraahdo Maxamed Ghanim u sheegay telefishanka maxalliga ah ee dalkaas. Masar iyo Suudaan waxay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ku saabsan heshiis sharci ah oo ku saabsan hawlgalka biyo-xidheenka, laakiin wadahadallada ayaa marar badan hakad galay. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrintan maalinta Khamiista, waxaana bayaanka uu saasaray wasiirka waraabaka ee Masar Abdel Aty lagu sheegay in warqad uu u qoray golaha Golaha Ammaanka, si uu ugu wargaliyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay. Itoobiya ayaa sheegtay inay ugu dambayntii adeegsanayso xuquuqdeeda ku aaddan biyaha webiga Niil oo muddo dheer ay maamulayeen waddamada dariska la ah. Safiirka Itoobiya u fadhiya Khartoum ayaa Axaddii sheegay in Masar iyo Suudaan ay horeyba u ogaayeen faahfaahinta sadexda sano ee ugu horeysa ee biyo-xireenka la buuxinayo, arrintaasna aan la geyn Golaha Amnaanka, maadaama aysan aheyn arrin ku saabsan nabada iyo amaanka. Reuters + VOA The post Ethiopia oo ku dhaqaaqday arrintii ay MASAR ka digtay appeared first on Caasimada Online.
  14. Xulka kubbada cagta Talyaaniga ayaa u soo baxay kam-dambaysta (final) tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, ka dib markii uu kulankii afar dhamaadka gool kulaadyo uga adkaaday xulka Spain. Talyaaniga ayaa kulanka gool la hormaray daqiiqadii 60-aad waxaana u saxiixay Federico Chiesa, hase yeeshee waxaa Spain qadiiqadii 80-aad u barbareeyay Alvaro Morata oo baddel ku soo galay ciyaarta, waxaana 90-qadiiqo ku dhmaatay 1-1. 30-kii daqiiqo ee dheeriga ayaa labada xul midkoodna awoodi waayay in uu keeno goolal, waxaana la aaday riigoorayaal uu 4-2 ku adkaaday xulka Talyaaniga. Xulka Talyaaniga ayaa sugaya midkood kii soo baxa xulalka England iyo Denmark oo Arbacada fooda isdari doona. Kulanka kama-dambaysta tartanka Euro 2020 ayaa la ciyaari doonaa Axada July 11, 2021, wuxuuna ka dhici doona garoonka Wembley ee magaalada London. PUMTLAND POST The post Talyaaniga oo u soo baxay kama-dambaysta koobka Yurub appeared first on Puntland Post.
  15. An Ethiopian Ship named “Gibe” has started cargo service at Berbera of Somaliland after two decades, APA learned on Tuesday.The ship has transported over 11,000 ton of Sugar and Rice through the Gulf-India Sub-Continent line to the Berbera Port in groundbreaking shipment. The ship which is property of the Ethiopian Shipping and Logistics Services Enterprise has been accorded welcome from diplomats in Ethiopian Consul General in Somalia, Seid Mohammed and Enterprise’s manager Roba Megerssa. Dubai Ports Authority officials have also attended the event held to announce commencement of the shipping service. Upon Eritrean independence in 1993, Ethiopia became landlocked and therefore dependent on neighbors – especially Djibouti – for access to international markets. This dependency has hampered Ethiopia’s aspiration to emerge as the uncontested regional power in the Horn of Africa. Journalducameroun Qaran News
  16. Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle, ayaa ka faah faahin ka bixiyay howlgaladii saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug. Wasiir Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug ay dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegeen degaano hoostega Bacaadweyn oo horey u qabsadeen. Waxaa uu sheegay Wasiirka in Ciidamada ay gacanta ku hayaan degaanada kala ah Bacaadweyne, Tuulooyinka Qeycad iyo Hareeri dheer, isla markaana laga saaray Al-shabaabkii ku sugnaa, kadib dagaalo saacado qaatay oo halkaas ka dhacay. Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa beeniyay wararka sheegaya in Al-shabaab ay dib u qabsadeen Bacaadweyne oo shalay ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug la wareegeen. PUNTLAND POST The post Galmudug oo ka hadashay dagaalladii ka dhacay Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  17. Weriye caan ah oo dambiyada baara oo u dhashay dalka Holland ayaa si culus loo dhaawacay ka dib markii lagu toogtay waddo ku taal magaalada Amsterdam. Booliiska ayaa sheegay in weriye Peter R de Vries cisbitaalka loo qaaday asagoo ku jira xaalad adag ka dib markii fiidnimadii Talaadada lagu toogtay faras magaalaha Amsterdam. Warbaahinta qaranka ee NOS ayaa sheegtay in la soo weeraray ka dib markii uu ka soo muuqday barnaamij lagu sheekeysto oo ka baxa TV-ga. Muuqaal ayaa muujiyay isaga oo jiifa sagxada oo madaxiisa uu dhaawac ka muuqdo. NOS ayaa soo xigatay goob jooge sheegaya in shan xabadood lagu dhuftay weriyaha ayna xabadahaasi madaxa ka haleeleen. PUNTLAND POST The post Weriye caan ah oo lagu toogtay bartamaha magaalada Amsterdam appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, khilaaf culus iyo is mari-waa xoog leh ayaa maanta ka dhashay doorashadii guddoonka guddiga doorashada ee beelaha Banaadiriga, taas oo keentay lagu kala dareero. Goobtii ay maanta doorashadu ka dhaceysay waxaa isku qabtay xubno ka wada socday dowladda federaalka, oo u kala jabay laba garab oo kala taabacsan madaxtooyada iyo hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA. Kooxda ka socota madaxweyne Farmaajo ayaa guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada ee beelaha Banaadiriga la doonayey nin lagu magacaabo Prof. Maxamed Xaaji Maye. Hase yeeshee nin lagu magacaabo Cabdinaasir oo isna kasoo jeeda beesha Shiikhaal reer Jazeera ah oo la sheegay inuu ka socday NISA, ayaa ka hor yimid qorshaha garabka Villa Somalia, kaas oo guddoomiye ku xigeen u raba nin lagu magacaabo Maxamed Cabdixamiid Axmed. Khilaafka ugu weyn waxa uu ka dhashay qaabka loogu cadeynayo xubnaha musharaxiinta ah, waxaana doorashada oo markii hore ku bilaabatay gacan taag guddoomiyaha guddigaas loogu doortay Sacdiya Cali Aweys Boolaay oo ah xaaska guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg. Markii ay soo dhamaatay doorashada guddoomiyaha ayaa la isku qabtay qaabka loogu codeynayo guddoomiye ku xigeenka, taas oo hoolka ka dhalisay buuq iyo in doorashadii dhacday laga soo qaado waxba kama jiraan. Sida aan xogta ku helnay xubnaha guddiga ee beelaha Banaadiriga oo maanta ku soo kala tegay hoolkii ay dooran lahaayeen goddoonkooda ayaa berri u balansan doorasho kale. Waxaa jira khilaaf ka taagan qaab loogu codeynayo musharaxiinta, waxayna labada garab ee ka kala socota NISA iyo Villa Somalia kala dalbanayaan in lagu codeeyo gacan taag iyo in lagu codeeyo sanduuq. Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in Villa Somalia ay dooneyso in guddoonka guddiga beelaha Banaadiriga loogu codeeyo gacan taag, halka garabka NISA ay dooneyaan in lagu codeeyo sanduuq. The post Xog: Loolan dowladda dhexdeeda ah oo sababay in lagu kala tago doorashadii guddiga Banaadiriga appeared first on Caasimada Online.
  19. Jigjiga (Caasimada Online) – Gabar lagu magacaabo Qureesh Abiib Xuseen oo dhawaan ka tagtay magaalada Muqdisho ayaa lagu xiray magaalada Jigjiga oo reerkeeda ay degan yihiin, kadib markii ay goor habeen ah guriga Hooyadeed ay kala baxeen ciidamo ka tirsan booliska is-maamulka dowlad deegaanka Soomaalida. Nimco Yuusuf oo ah Hooyada dhashay gabadhaas oo la hadashay BBC ayaa sheegtay in 29-kii bishii hore ee June xilli habeen ah ay gabadheeda guriga kala bexeen ciidamada dowlad deegaanka ee Liyuu boolis loo yaqaano. Gabadha ayaa dhawaan ka soo tagtay magaalada Muqdisho oo ay mudo ku nooleyd, sida ay sheegtay hooyadeed, waxayna mudo ay weysanaayeen meesha lagu hayo kadib dhawaan loo sheegay in boolisku ay baaritaan ku hayaan gabadha. “Habeen xilli dhexe ayaa guriga la igu soo garaacay, waxaa la igu yiri fur guriga baaritaan ayaa socdee, markii aan furay waxaa la watay gabadheyda, anigana xoog ayaa la igu reebay, gabadha markiiba taleefanka ayaa laga qaaday, waxaan ka dalbaday booliska inay na baaraan, maadaama aan guriga uga furnay inay na baarayaan, balse jir-dil ayaa nagu bilaawday,” ayey tiri Hooyo Nimco Yuusuf. Sidoo kale Hooyadaan waxay sheegtay inay sido Asaay, haatana ay cadaalad u la’dahay gabadheeda oo booliska u xiran maalmo badan, isla markaana maalin kasta loo sheego in loo soo deynayo. “Habeenkii gabadha la iga watay kadib waxaan la xariiray booliska waxay igu dhaheen ma heyno gabadhaas, afar cisho kadib ayey mar kale ii sheegeen inay gacanta ku hayaan oo la ii soo deynayo, weli iska dabawareejis ayaan ku jirnaa, gabadheydiina meel kuma sheego,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Hooyo Nimco Yuusuf. The post Gabar ka tagtay Muqdisho oo lagala baxay guri ku yaalla magaalada Jigjiga appeared first on Caasimada Online.