Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xilli RW Rooble uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa waxa uu kulmo siyaasadeed la qaatay siyaasiyiin ka soo jeedda Gobalka Gedo isagoona kala hadlay arrin la xiriirta doorashada ka dhaceysa magaalada Garbahaareey. Sidoo kale RW Rooble waxa uu madaxweyne Axmed Madoobe la shir guddoomiyay shirka Golaha wasiirada ee maamulka Jubbaland shirkaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah. Dhanka kale RW Rooble ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada garbahaareey ee gobalka Gedo si uu halkaasi uga furo dib u heshiisiin ku saabsan doorashada Gedo. Booqashada RW Rooble ee Jubbaland ayaa ku soo aadeysa xilli xasaasi ah oo uu dalku isku diyaariyay Doorasho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Somaliland: Supreme Court Ratifies Election Results The Somaliland Supreme Court has officially ratified the parliamentary and local council election results. This came after the court had listened to at least 20 complaints lodged by unsuccesful candidates and their parties, Kulmiye, UCID and Waddani. The first complaint was lodged with court on the 6th of June, 2021, exactly a week after the election date, May 31st. Addressing the court, Chief Justice, Adan Haji Ali Ahmed, declared that after arguments from the plaintiffs and the defence, [in this case, the Somaliland National Elections Commission], the court had reached a unanimous decision to ratify the result, with no dissenting vote. It is expected that the newly elected members of the House of Representatives will be called into session, to be sworn in and to elected a new Speaker and two deputies. Qarannews.com Qaran News
  3. MOGADISHU (HOL) - Federal Minister of Planning Gamal Hassan and Puntland presidency have traded accusations over the upcoming elections in the easterly state. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay warbixin dhowaan kasoo baxday Global Initiative oo ah urur caalami ah oo daraaseeya dambiyada abaabulan, wuxuuna si gaara uga hadlay arimaha kalluumeysiga. Warqad kasoo baxday wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya oo loogu jawaabayey Global Initiative ayaa lagu sheegay in warbixinta uu soo saaray ururkaasi ay tahay dacaayad lagu suura xumeynayo horrumarada laga sameeyey kalluumeysiga. Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in warbixintan si gaar ah loogu beegsaday iyada, isla-markaana laga leeyahay dano siyaasadeed, sida qoraalka jawaabta ah lagu sheegay. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale intaasi ku sii daraya in arrintan looga gol-leeyahay in lagu difaaco dano shisheeye, gaar ahaan maraakiibta xaalufinta ka wada xeebaha dalka. Wasaaradda oo lagu dhaliilay qaabka ay u bixiso shatiyada ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaatay inay sii wadi doonto gudashada waajibaadka loo igmaday, isla-markaana ay taageeri doonto shirkadaha wadaniga ah ee ka shaqeeya arrimaha kulluumeysiga dalka. Si kasta warbixinta kasoo baxday Global Initiative ayaa lagu sheegay inay haatan sii xoogeysteen kuluumaysiga sharci darrada ah ee ka jira xeebaha Soomaaliya, Kadib markii hoos loo dhigay weerarada kooxaha burcad-badeeda tan iyo sanadkii 2012-kii. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in maraakiibta shisheeye ee kaluumeysiga ay si tartiib tartiib ah ugu laabteen badda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Iran, Yemen iyo Koonfurta Aasiya. The post DF oo jawaab kulul ka bixisay warbixintii Global Initiative appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada ammaanka ay xalay ka sameeyeen agagaarka isgoyska Ex-Control Balcad, waxaana ciidamada ay toogteen nin hubeysnaa oo la sheegay inuu doonayey inuu weerar ku soo qaado ciidanka amaanka ee jooga halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay toogteen ninkaasi oo watay qoray AK47 ah, kadib markii uu isku dayey inuu rasaaseeyi ciidamada Booliska ee ilaalada ka haya dhismaha ka socda wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Taliska Boolisk Soomaaliyeed oo ka hadlay dhacdadan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ninka la toogtay uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana uu doonayey inuu carqaladeeyo amniga wadadaasi oo ay waardiyo ka hayaan ciidamo ka tirsan ammanka. “Ciidanka oo ka feejignaa dhagarta cadowga mar walba soo maleego ayaa ka hortagay ninkaan, isla markaana toogasho ku dilay,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliska. Sidoo kale Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay boorso uu watay ninka la dilay oo la rumeysan yihiin inuu sitay walxaha qarxa, balse haatan waxaa socda baaritaano ay weli wadaan saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya. Ciidamo gaar ah ayaa loo diyaariyey ilaalinta dhismaha jidka xiriiriya labada magaallo ee Muqdisho iyo Jowhar, kuwaas oo loogu talagalay inay ka hortegaan weerarada qorsheysan. Laamaha amaanka ayaa sidoo kale maalmihii u dambeeyey xoojiyey howl-gallada iyo baaritaanada lagu sugayo amniga , si looga hortego falalka lidiga ku ah nabad-gelyada Howl-galladii ugu dambeeyey ayaa waxaa lagu soo qabtay rag hubeysan oo burcad ah oo dhac ka geysanayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. The post Ciidamada ammaanka ‘oo nin hubeysan ku toogtay’ Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. MOGADISHU (HOL) - The international payment service, Visa Card has made its first arrival in Somalia following its launch by the International Bank of Somalia (IBS). Source: Hiiraan Online
  7. Muqdishp (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ku geeriyooday taliyihii qeybta Booliska eee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu magacaabi jiray, Gaashaanle Sare Muuse Cabdulqaadir Idiris. Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho oo loo keenay xaalado caafimaad, isaga oo ugu dambeyn xalay ku geeriyooday gudaha Muqdisho. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay geerida ku timid Marxuum Muuse Cabdulqaadir Idiris, waxaana si gaar ah qoraalkan tacsi loogu diray ehellada marxuumka, Booliska & guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. “Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed waxuu ehelka iyo ciidanka boliiska ugu tacsiyeenaa geerida naxdinta lahayd ee ku timid Gaashaanle Sare Muuse Cabdulqaadir oo ahaa Taliyaha Qeybta Shabeelaha Hoose oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay inuu marxuumka khabiir sare oo lasoo shaqeeyey Booliska dalka iyo kuwa caalamiga ah. AUN Gaashaanle Sare Muuse Cabdulqaadir Idiris ayaa sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay ciidamada Booliska, gaar ahaan hoggaanka Interpol, sida uu shaaciyey talisku. “Col Muuse waxuu ahaa khabiir dhanka shuruucda boliiska dalka iyo caalamiga asigoo xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka boliiska gaar ahaan hoggaanka Interpol”. Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhankiisa ka tacsiyeeyey geerida taliyihii Booliska ee gobolkaasi, kaas oo inta uu noolaa wax badan ka qabtay amniga gobolka. The post Taliyihii Booliska gobolka Shabeelaha Hoose oo ku geeriyooday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday magaalada Kismaayo ayaa kulamo gaar gaar ah ka bilaabay gudaha magaaladaasi, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda dalka. Wararka ayaa sheegaya in xalay Rooble uu si gaar ah u qaabilay siyaasiyiinta Jubbaland, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Gedo, isaga oo kala hadlay arrimaha gobolkaasi. Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday arrimaha dib u heshiisiinta gobolka Gedo iyo sidii loola shaqeyn lahaa guddiga loo xil-saaray arrintaasi, si howsha loo bilaabo. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Kismaayo kula kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo taas oo qeyb ka ah dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dib u heshiinta Gedo,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisuul wasaaraha dalka. Rooble iyo siyaasiyiinta ku abtirsada Gedo ayaa sidoo kale iska xog wareystay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii doorasho loogu qaban magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi, maadaama uu yar yahay waqtiga, welina ay caqabado iska jiraan. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha ayaa maanta lagu wadaa inuu mashaariic kala dunwa oo horumarineed ka dhagax-dhigo gudaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose. Booqashada uu Rooble ku joogo Jubbaland ayaa ah tii ugu horreysay, waxaana ay ku soo aadeysaa, xilli xasaasi ah oo la galayo doorashooyin, maadaama heshiis la gaaray. Si kastaba, Jubbaland ayaa in muddo ah ka mid aheyd maamullada sida weyn uga soo horjeedo dowladda federaalka, walow haatan ay isaga soo dhawaadeen sidii hore. The post Sawirro: Muxuu Rooble kala hadlay siyaasiyiinta GEDO? appeared first on Caasimada Online.
  9. (SLT-Dubai)-Saacadihii hore ee saaka oo Khamiis ah ayaa waxa uu dab iyo qarax ka kacay Markab xamuul oo ku sugnaa Dekedda Jebel Cali oo ku taalla Koonfurta magaalada Dubai. Xafiiska Warbaahinta ee Dowlad-gobaleedka Dubai ayaa sheegay inay Kooxaha Dab-damiska ku guuleysteen daminta dabka ka kacay Markab nooca Kontaynarada xambaara, mana kala cadda waxa sababay qaraxaasi. Dekedda Jebel Ali Port waa Dekedda ugu mashquulka badan Dekedaha ku yaalla Bariga Dhexe, waxayna xarun u tahay 8,000 oo Shirkado Ganacsi. Dadka Deegaanka waxay maqleen Qarax weyn, kaasi oo ruxay dhismayaal dhowr Kiilomitir ka fog Dekedda Jebel Cali. Muuqaalo la soo bandhigay Baraha Bulshadda ayaa muujinaya Dab ka kacay Markab taagnaa Dekedda, iyadoo qaraxaasi uu ruxay Dhismooyin ku yaalla meel 25 Kiilomitir u jirta Dekedda Jebel Cali. Maamulka shirkadda DP World ee gacanta ku haya Dekedda Jebel Ali weli qoraal rasmi ah kama soo saarin Qaraxaasi. Source
  10. (SLT- Koonfur Afrika)-Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa isku dhiibay booliiska si uu u bilaabo xukun xabsi ah oo ku saabsan quudhsiga maxkamadda. Waxaa loo kexeeyey xabsi ku dhow gurigiisa sida ay sheegtay hay’addiisu. Booliska ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay xidhaan 79 jirkaan haddii aanu isa soo dhiibin isla maalintaas. Mr Zuma ayaa toddobaadkii hore lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ka dib markii uu ku guurdarraystay in uu ka qayb qaato baadhitaano musuqmaasuq. Xukunka ayaa dood sharciyeed oo aan hore loo arag ka dhaliyey Koonfur Afrika, ayadoo waqti kama dambays ah loo qabtay soo xidhitaanka Zuma oo ku aaddanaa Arbacadii 22:00 GMT. Waqtiga loo qabtay ayaa lagu soo rogay ka dib markii Mr Zuma uu diiday inuu is dhiibo Axadii. “Madaxweyne Zuma wuxuu go’aansaday inuu u hogaansamo amarka xidhitaanka,” ayaa lagu yidhi qoraalkiisa oo kooban. Gabadhiisa, Dudu Zuma-Sambudla, ayaa goor dambe ku qortay Twitter-ka in aabaheed “uu ku sii jeedo (xabsiga) xaaladdiisuna ay aad u fiican tahay”. Mr Zuma waxaa loo xukumay 15-bilood oo xadhig ah 29-kii June kadib markii uu ka horyimid awaamiirtii la siiyay ee ahayd in uu caddeyn ka bixiyo baadhitaanka musuqmaasuqa sagaalkii sano ee uu xukunka hayay. Ganacsatada ayaa lagu eedeeyay inay shirqooleen siyaasiyiinta si ay saameyn ugu yeeshaan hanaanka go’aan qaadashada intii uu xafiiska joogay. Balse Mr Zuma wuxuu dhowr jeer ku celceliyay inuu dhibane u yahay shirqool siyaasadeed. In kasta oo uu xisbigiisa ka saaray xafiiska 2018, African National Congress (ANC), haddana wuxuu heystaa koox daacad u ah taageerayaashiisa, gaar ahaan gobolka uu ka soo jeedo ee KwaZulu-Natal. Taageerayaashiisa ayaa gurigiisa ku soo xoomay ka dib intii uusan is dhiibin Arbacadii. Source
  11. The Daily Mail has agreed to pay £15,000 plus legal costs to a Muslim charity it falsely accused of colluding with people smugglers. Source: Hiiraan Online
  12. Aimed at transfiguring the conventional & costly ways of doing the livestock export business, Ethio-Djibouti Livestock Export Promotion Forum kicked off on Sunday (July 4, 2021) attracting scores of high-level officials from each side, several experts from relevant stakeholders as well as dozens of exporters in the sector. Source: Hiiraan Online
  13. In a move that will expand its East Africa portfolio to 18 hotels, Radisson Hotel Group has signed up to create Radisson Hotel Djibouti. Salaam Properties will be the property’s owning company. Source: Hiiraan Online
  14. U.S. Army civil affairs Soldiers in support of Combined Joint Task Force-Horn of Africa (CJTF-HOA) completed their final lessons of first aid and English at Solidarte Feminine July 1, 2021, in Djibouti City, Djibouti. Source: Hiiraan Online
  15. Once the most pirate-infested region on the planet, the waters off the coast of Somalia are now home to a different maritime crime - illegal, unreported and unregulated (IUU) fishing, according to a new report by the Global Initiative Against Transnational Organized Crime. Source: Hiiraan Online
  16. Qarax xooggan oo Gilgilay Dekedda Dubai+Khasaaraha Markab ku xidhnaa dekedda magaalada Dubai, oo mid ka mid ah dekedaha ugu weyn caalamka, ayaa waxaa ka dhacay qarax xooggan oo sababay dab qabsaday qeybo ka mid ah dekeedda. Qaraxa ayaa sababay holac xooggan oo laga arkayey hawada sare ee qeybo ka mid ah magaalada, hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa hadda sheegaya inay xaaladda gacanta ku hayaan oo ay xakameeyeen. “Dab ka dhashay qarax ka dhacay mid ka mid ah konteenarada saarnaa markab ku xidhnaa dekedda Jabel Ali ayaa la xakameeyey. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay,” waxaa sidaas barta twitter-ka soo dhigay xafiiska warbaahinta Dubai ee Dubai Media Office (DMO). Qarax ayaa ruxay dhismooyinka badan oo magaalada ka mid ah, waxaana soo daatay daaqadaha guryaha qaarkood, ayada oo saameynta ay gaartay illaa 25km meelo ka baxsan dekedda. Ganacsi ahaan ka sokow, dekeddan ayaa sidoo kale waxaa inta badan kusoo xidha maraakiibta dagaalka Mareykanka. Ma cadda xaddiga waxyeelada uu dekedda gaadhsiiyey qaraxa. Sidoo kale ma cadda waxa sabab qaraxa.Saraakiisha dekedda ayaa sheegay inay qaadayaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si howlaha dekedda ay usii socdaan. Mona al-Marri, oo ahaa agaasimaha Dubai Media Offica ayaa sheetay in markabka uu xidhanayey markii uu qaraxa uu dhacay. Dekedda Jabel Ali oo ku taalla waqooyiga Dubai ayaa ah tan ugu weyn caalamka waxayna u adeegtaaa dalalka Asia iyo Afrika badankood. Qaran News
  17. Muxuu salka ku hayaa khilaafka Sacuudiga iyo Imaaraadkaka dhex qarxay,Halkeese Sartu ka qudhuntay? Amiir Maxamed Bin Salmaan iyo Amiir Maxamed bin Zayed al Nahyan Khilaafka iyo xiisada udhaxeysa dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka oo muddo dheer xulufo ku ahaa arrimaha gobolka Khaliijka, ayaa dhowaan soo shaac baxay.Halka xiisaddu ka bilaabatay ayaa ahayd shirkii OPEC ee toddobaadkan oo uu qabtay Ururka waddammada dhoofiya shidaalka iyo waddamada kale ee soo saara saliidda. Soo saarayaasha ugu waaweyn ee saliidda adduunka, waxaa ka mid ah dalalka Sacuudiga iyo Ruushka, waxayna soo jeediyeen in la sii wado dhimista isu gudbinta saliidda illaa dhammaadka sanadka 2022-ka. Dhanka kale, Imaaraadka ayaa sheegay in arrintaa uu ku diiday sababo ay ku sheegeen “inay iyaga ku noqonayso caddaalad darro”. Si kastaba ha noqotee, khubarada iyo falanqeeyayaasha Bariga Dhexe ayaa sheegaya in khilaafkan uu muujinayo xiisadda u dhaxeysa Sacuudiga iyo Imaaraatka, oo muddo dheer ka wada shaqeynayay gobolka Khaliijka, arrimo kala duwan. Marvan Alblushi, la-taliyihii hore ee Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Carabta, ayaa u sheegay wargeyska Financial Times, in “Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ay aasaaseen iskaashi istiraatiiji ah muddo ku dhow 10 sano. Balse waxaa uu yiri” waxaan aragnaa in loolanka dhaqaale ee u dhexeeya dalalka Khaliijka uu xoogeystay dhawaanahan.” Maxaa dhowaan ka dhacay Imaaraadka iyo Sacuudiga? Tallaabo la xiriirta ganacsiga ayaa ka timid Sacuudiga isla markii ay Imaaraadku diidday shirkii OPEC +. Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in cashuur dhaafka la hoosgeeyay Golaha Iskaashiga Khaliijka ee (GCC) uusan dabooli doonin badeecadaha laga soo saaray aagagga xorta ah iyadoo la adeegsanayo wax-soo-saarka Israel.Go’aankan wuxuu si dhow ula xiriiray Imaaraatka, oo ah dalka labaad ee ugu weyn ganacsiga Sacuudiga marka laga reebo Shiinaha. Sababtoo ah wax soo saarka ugu badan ee Imaaraadka waxaa lagu sameeyaa aagagga bilaashka ah, iyadoo ay jiraan heshiisyo kala duwan oo cashuur, ganacsi iyo dhaqaale oo ay kala saxiixdeen Imaaraatka iyo Israa’iil kuwaas oo qayb ka ah hanaanka caadiga ee bilowday sanadkii hore. Dhaqaaleyahan sare oo ka tirsan Bangiga Qaranka ee Sacuudiga laguna magacaabo Caamir Khayr Amiir Khaan oo la hadlayay Telefishinka Al-jazeera ayaa yiri, “Meesha ugu horeysa ee fikirka lagala baxay wuxuu ahaa in la sameeyo suuq GCC oo wadajir ah. Balse hadda waxaa muuqata in ahmiyadda Sacuudiga iyo Imaaraadka ay aad u badan yihiin. midba midka kale ka duwan Go’aanka ugu dambeeya ee Sacuudiga ayaana ah in labada dal uu yahay mid ka tarjumaya kala duwanaanshaha danaha siyaasadeed,”. Arrinta kale ee jirta ayaa ah in Sacuudi Carabiya ay ka mamnuucday muwaadiniinteeda inay u safraan dhowr dal, oo Imaaraadku ku jiro sababo la xiriira cudurka faafa ee Covid-19. Imaaraadku waa dalka kaliya eexubin ka ah GCC ee ku jira liiska wadamada la mamnuucay. Intaa waxaa dheer, Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inay dhisi doono shirkad diyaaradeed oo caalami ah taas oo qayb ka ah dadaalkooda si loo yareeyo ku tiirsanaanta dhaqaalihiisa dakhliga saliidda waxayna arrintaas ay samayn doontaa maalgashiyo.Hadalkan waxaa loo fasiray tallaabo sii kordhisay loolanka ka dhanka ah dalal ay ka mid yihiin Qatar, iyo Imaaraatka. Halkee dhibaatadu ka soo bilaabatay? Falanqaynta iyo faallooyinka la sameeyay, ayaa tibaaxaya in inkastoo labada dal ay xiriir dhow la leeyihiin marka laga hadlayo saaxiibtinimada shaqsiyeed ee amiirrada ilaa muddo sano ah haddana wixii ka dambeyay sanadkii 2019-kii waxaa bilowday dhibaato dhanka xiriirka ah . Sanadkii 2019-kii Imaaraadku wuxuu ku dhawaaqay inuu ka baxay isbahaysiga uu hogaaminayo Sacuudigu ee dagaalka kula jira fallaagada Xuutiyiinta Yemen,waxaana la sheegaa in halkaa ay ahayd halkii xurguftu ka soo askuntay.Qiyaastii hal sano kadib Imaaraadku wuxuu heshiis la saxiixday Israa’iil si loo hagaajiyo xiriirka kala dhaxeeya. Waxaa la ogyahay in Sucuudigu uusan raali ka ahayn in wadamada Carabtu ay Israel xiriir la sameystaan. Ugu dambeyntiina, dowladda Sacuudiga ayaa heshiis nabadeed la saxiixatay dalka Qatar, oo ay go’doomin galisay tan iyo sanadkii 2017-kii, markaa oo Mareykanku u kala dabqaadayay. Tallaabadaan ayaa soo ifbixisay inuusan Imaaraadku jecleysan sida wax u socdaan.Diblumaasi sare oo Carab ah oo lana hadlayay wargayska Wall Street Journal ayaa yiri, “Xumaanshaha xiriirka labada dal waxay ahayd kaliya wakhti go’an. Arintu waxay ka soo baxday shirarkii OPEC.”. Dad badan, way ku adag tahay in ay saadaaliyaan sida xiisada hadda muuqata ee u dhaxeysa Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ay ku dambeyn doonto. Si kastaba ha noqotee, dhaq dhaqaaqyada uu Sacuudigu wado si loo yareeyo ku tiirsanaanta shidaalkiisa ayaa loo arkaa inay u badan tahay inay kordhiso xiisadaha iyadoo suurtagal ay tahay in la wiiqo mowqifka Imaaraadka ee gobolka. Qaran News
  18. Goobtan ma tahay halkii ay ku degtay Doontii Nebi Nuux? Jasiiradda qaddiimiga ah ee Nessebar Nessebar waa magaalo hore oo ku taalla meel u dhaw jasiirad dhacda xeebaha Bulgaria. Magaaladan waxaa ku yaalla guryo qaddiimi ah oo lagu tiriyo inay jiraan 3,000 oo sano. Hay’adda Qaramada Midoobey ee qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa waxay u aqoonsatay goob taariikhi ah. Seynisyahannada iyo khuburada taariikhda ayaa daraasaad ku sameeyay qalab badan oo la rumeysan yahay inay adeegsan jireen dadkii qarniyeyaal hore halkaas u deganaa. Daraasad cusub oo tixraaceysay sida ay jasiiradda aheyd 7000 oo sano ka hor ayay khuburada ku sheegeen in badda madow xilliggaas ay aheyd mid baaxad ahaan yar. Cilmi-baaris laga sameeyay gudaha baddan ayaa ugu dambeyntii lagu ogaaday daadaadka la garan wayaay ee dhacay iyo qisadii doonta nebi Nuux. Zdravka Georgieva, oo kamid ah khuburada ku takhasustay cilmiga dhulka kana mid ahaa cilmibaarayaasha badda Sozopol ee Bulgaria kuna dhashay jasiiradda Nessebar ayaa sheegay in uu doonayo in uu wax ka ogaado waxyaabaha lagu arkay badda. “Waxaa doonayay in aan ogaado waxa ku jiray badda,” ayuu yiri Zdravka Georgieva oo markii ugu horreysay arkay haraagga dooni la garan waayay oo lagu arkay matxaf ku yaalla jasiiradda Nessebar. Wuxuu sheegay in matxafkan la dhigay waxyaabo taariikhi ah oo ku saabsan taariikhda dadka iyo deegaanka oo uu rajo weyn yahay in uu baaritaan ku sameeyo. Markii uu cilmiga badda kasoo bartay jaamacadda Southampton wuxuu ka rumeeyay riyadiisii aheyd in uu ka qeyb qaato mashaariic ku aadan baaritaannada lagu sameynayo gunta hoose ee badda iyo xeebaha. Koox ka socota Belgium iyo Britain oo uu hoggaaminayo Professor Jon Adams oo ka socda jaamacadda Southampton oo kaa kashanaya laanta dowladda u qaabilsan baaritaanada biyaha badda ayaa waxay arkeen doon jirtay 2400 sano oo uu lahaa ganacsade u dhashay Giriigga iyo doomo kale oo 60 ah oo ku burburay xeebaha badda. Khuburrada qaabilsan cilmiga badda waxay rumeysan yihiin inay heleen halkii ay kasoo faracmeen biyihii lagu halaagay qowmkii nebi Nuux iyo burburkii soo gaaray magaalooyinkii qaddiimiga ahaa ee ku yaalla badda Mediterranean-ka iy badda madow muddo lagu qiyaasay 7,600 sanadood ka hor. Qisada Nebiga Nuux waxaa mid caan ah oo lagu sheegay Qur’aanka iyo Injiilka. Sida lagu xusay buug laga qoray qisadan, ku dhawaaad 20,000 sano badda madow waxaa kala xiray buuro ku yaallay badda Mediterranean-ka. Dalka Bulgaria waxaa ku yaalla goobo taariikhi ah oo ku xusan marxaladihii ay soo mareen dowladihii Ruum, Giriigga iyo qowmiyadihii hore ee adduunka ku noolaa. Qaran News
  19. Xisbiga Waddani oo digniin u diray xildhibaanada xisbiyada mucaaradka Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, ayaa xildhibaanada mucaaradka uga digay in ay laaluush ka qataan xukuumada.Afhayeen Batuun ayaa sheegay in ay aamin sanyihiin in xukuumadu laaluushayso xildhibaanada mucaaradka. “Marka dagaal la galo ee laba col isqabtaan cida gurmadka u baahata ayaa jabta, cida dhaqaale suuqa laso gashay ayaa jabtay” ayuu yidhi. Batuun ayaa xildhibaanada uga digay in ay qaataan wax laaluush ah.”Cashuurta laga qaaday hooyada milicda fadhida, ee aan suuli haysan, ee aan caafimaad haysan ka qaadanaya iyo ka bixinayaaba waa damiir laawe yaal” ayuu yidhi. “Waxan leeyahay masuuliyada xildhibaanadu Alle hakaga baqaan” ayuu hadalkiisa ku daray. Xukuumada iyo axsaabta mucaaradka ah ayaa loolan ugu jira sidii uu midba midka kale ugaga guulaysan lahaa shir gudoonka wakiilada. Qaran News
  20. Maxkamad dammaanad ku sii daysay Haweenay Soomaaliya oo Afduub Haweenay kale loo haysto+Sababta Hafsa Abdi iyo Jackson Njogu, oo loo haysto kiiska afduubka Hasfa Mohammed Luqman ayaa maanta lagu sii daayay dammaanad. Maxkamadda ayaa amar ku bixisay in labadan eedaysane aysan wax xiriirin ah la samaynin markhaatiyaasha iyo dhibanahaba. Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato ah oo 23 jir ah, ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibteed ay ka mid ahayd dadkii afduubtay. Waxay sheegtay in Xafsa Cabdi, haweeneyda ay maanta damaanadda ku sii daysay maxkamadda, ay ahayd maskaxdii afduubka ka dambaysay. Dhowr afduub oo loo geystay gabdho ayaa la soo werinayay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay. “Waxay ahayd saaxiibtay, in kasta aysan ahayn qof aan aad isugu dhownahay, laakiin iyada ayaa igu hoggaamisay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo ay ku yaallaan dukaankeeda kale, “ayay tiri Xafsa Luqman. Qaran News
  21. Hargeysa: Xaafad Go’doonsaneyd oo Waddo Baneyn loo Sameeyay Dowladda hoose ee Hargeysa ayaa banaysay wadada guryaha laynka Booliska oo muddo xidhnaa. Dhawaan ayay ahayd markii guri ku yaala halkaasi uu dab ka kacay isla markaasina ay ciidanka dab-demisku waayeen meel ay usoo maraan halkaana ku nafwayeen laba caruur ah. Haddaba waxaa shalay lagu baneeyay hawlgal uu hoggaaminayay duqa caasimada iyo ciidamada booliska oo iskaashanaya. Maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa mudane Khadar Xuseen ayaa sheegay in xaafadani ay go’doon ahayd isla markaana ay afarta jahaba ka xidhnayd. “Waxaanu baneynayn maanta oo aanu afar albaab u sameynay xaafada laynka Bileyska oo afarta jahaba ka xidhneyd. Waxaa hawshani nala fududeeyay ciidamada ammaanka iyo dadweynaha xaafadani degan oo in aanu albaabadan banneyno gacan naga siiyay. Xaafadaha magaalada Hargeysa ee meel loo maro la-laayahay waanu hagaajinayna, waxaa aanu dadweynaha ka codsanayna in shaqaalaha dawladda hoose iyo ciidamada Booliskaba ay garab siiyaan. Xaafadani marka hore waa ay dhibaateyneyd oo iskuulkaa ka soo horjeeda umu talaabi kareyn, waddooyinkan la baneeyayn waxaa iska kaashanaya ciidamada booliska iyo dawladda hoose ee Hargeysa, goobtani waa xaruntii laynka bileyska qorshe rasmi ah ayaanu ka yeelanaynaa, albaabadaasina waxaa lagu sameynayaa Gajeelo ah ayaanu ka dhigi doona haddii ILLAAHEY yidhaaho dadkuna waa ay mari doonaan” Taliyaha qaybta galbeedka ee caasimada Hargeysa oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in afar albaab oo xaafadani laga soo geli karo ay u baneeyeen waxaanu yidhi. “Halkan xaafada laynka bileyska waxaa aanu ka baneynay afar kadin, hawshaasina waxa ay ku dhammaatay si nabadgelyo ah waxa aanu ku wargelinayna cidkasta dadka gaadiidleyda ah ee doonaya in ay baarkino ka dhigtaan in aanay soo geli karin” Qaran News
  22. 30-kii bishii hore Juun waxaa xabsiga weyn ee magaalada Qardho laga saaray nin dil toogasho ku xukunaa oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Jaamac. Xukumanaha oo markii hore nin ku dilay magaalada Laascaanood ayaa dowladda federaalku ku qabatay Muqdisho, waxayna ku soo warejiyay Puntland oo xukunka ku riday. Odayaal iyo waxgarad dhibane u ah kiiskan oo warbaahinta la hadlay ayaa madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ku eedeeyay in uu lug leeyahay siidaynta gacan ku dhiiglaha. Muuqaalka odayaasha Odayaasha ayaa sheegay in ninkaas hadda lagu hayo deegaan ka tirsan gobolka Sool, waxayna madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ka codsadeen in uu wax ka qabto dhacdadan. Dhanka kale Afhayeenka Ciidanka Asluubta Puntland Cabdirisaaq Maxmuud Xirsi ayaa sheegay in maxbuuska toogashada ku xukunaa xabsiga looga saaray arrimo caafimaad, hase ahaatee ay ciidamadii ilaalinayay ula galeen koox hubaysan. Muuqaalka Afhayeenka Asluubta Afhayeenka Asluubta wuxuu intaas ku daray in kiiskan ay u xiran yihiin saraakiil ciidan oo ku lug leh, kuwaas oo sida uu sheegay sharciga la horkeeni doono. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo lagu eedeeyay xukumane laga saaray xabsiga Qardho appeared first on Puntland Post.
  23. Dubai (Caasimada Online) – Markab ku xirnaa dekedda magaalada Dubai, oo mid ka mid ah dekedaha ugu weyn caalamka, ayaa waxaa caawa ka dhacay qarax xooggan oo sababay dab qabsaday qeybo ka mid ah dekeedda. Qaraxa ayaa sababay holac xooggan oo laga arkayey hawada sare ee qeybo ka mid ah magaalada, hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa hadda sheegaya inay xaaladda gacanta ku hayaan oo ay xakameeyeen. “Dab ka dhashay qarax ka dhacay mid ka mid ah konteenarada saarnaa markab ku xirnaa dekedda Jabel Ali ayaa la xakameeyey. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay,” waxaa sidaas barta twitter-ka soo dhigay xafiiska warbaahinta Dubai ee Dubai Media Office (DMO). Qarax ayaa ruxay dhismooyinka badan oo magaalada ka mid ah, waxaana soo daatay daaqadaha guryaha qaarkood, ayada oo saameynta ay gaartay illaa 25km meelo ka baxsan dekedda. Ganacsi ahaan ka sokow, dekeddan ayaa sidoo kale waxaa inta badan kusoo xirta maraakiibta dagaalka Mareykanka. Ma cadda xaddiga waxyeelada uu dekedda gaarsiiyey qaraxa. Sidoo kale ma cadda waxa sabab qaraxa, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay koronto. Saraakiisha dekedda ayaa sheegay inay qaadayaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si howlaha dekedda ay usii socdaan. Mona al-Marri, oo ahaa agaasimaha Dubai Media Offica ayaa sheetay in markabka uu xiranayey markii uu qaraxa uu dhacay. Dekedda Jabel Ali oo ku taalla waqooyiga Dubai ayaa ah tan ugu weyn caalamka waxayna u adeegtaaa dalalka Asia iyo Afrika badankood. The post Qarax xooggan oo caawa ka dhacay dekedda Dubai appeared first on Caasimada Online.