Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Ottawa)-Saraakiil Mareykan ah ayaa soo farageliyay dacwad ka socoto Canada oo uu ku lug leeyahay Madaxii hore ee Sirdoonka Sacuudiga Sacad Al-Jaabiri, taasi oo daaha ka qaadeysa shaqo sirdoon oo xasaasi ah oo qarsoon. Sacad Al-Jaabiri, Madaxii hore ee Sirdoonka oo loo masaafuriyay Canada, waxaa ka dhashay khilaaf soo kala dhexgalay Amiirkii hore ee xilka dhaxal-sug ee Sacuudiga laga qaaday Mohammed bin Nayef (MBN) iyo Dhaxal-sugaha kala wareegay ee Amiir Mohammed bin Salman (MBS). Al-Jaabiri oo muddo fog wax ka ogaa howlgalka Wadajirka ah Sacuudiga & Mareykanka ee “La dagaalanka Argagixisada,” ayaa sanadkii tagay ku andacooday in Amiirka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu u qorsheeyay shirqool dil ah, halka uu xiray labo carruur ah oo uu dhalay. Al-Jaabiri ayaa ku lug lahaa howlaha qarsoon ee Maxamed Bin Salmaan. Saaxiibkii hore, Amiir Maxamed Bin Naif, oo uu ula shaqeyn jiray ayaa xabsi guri ku jira, kadib markii laga qaaday Dhaxal Sugenimada 2017-kii waliba si afgambi ah. Sacad Al-Jaabiri waxa uu kaalin weyn ka qaatay howlgaladii uu dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan ku beegsaday dad maalqabeeno ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qoyska Boqortooyadooda. Qoraal uu diyaariyay Qareenka Al-Jaabiri oo ay aragtay Wakaaladda Wararka AFP ayaa waaxda Cadaaladda Mareykanka waxay ku codsatay “dib u dhigista dhammaan gal dacwadeedyada” maxkamadda Ontario ilaa 30-ka September si Washington ay u hesho waqti ay uga fakirto tallaabooyinka lagu ilaalinayo danaheeda. “Xidhiidhka Arrimaha Dibadda iyo Amniga qaranka Mareykanka waxa ay u baahan yihiin in la dabciyo marna la adkeeyo,” Sidaasi waxaa qoraal ku taariikheysan 29-kii June ku yidhi Qareenka Dowladda Malcolm Ruby. Inkasta oo ay Washington in aysan “wax Mowqif ah ka laheyn kiiska” haddana waxa ay ka welwelsan tahay “Ilaalinta macluumaadka Amniga Qaranka,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay Malcolm Ruby Qareenka Dowladda. Faafitaanta siraha Warqad loo dusiyay (Lala wadaagay) Elizabeth Ricards oo ah La taliye ka tirsan waaxda Cadaaladda Canada ayaa Mareykanka loosoo jeediyay in uu si hoose ula shaqeeyo dhiggooda Canada “Si Xushamad leh”. Richards iyo qareenka Al-Jaabiri kama aysan jawaabin codsiga AFP, Halka Ruby uu qoraalka AFP u weeciyay waaxda Cadaaladda Mareykanka oo iyanna dhankeeda diiday in ay jawaab ka bixiso arrintaan. Qoraalka Ruby ayaa lagu sheegay in soo gudbinta difaaca Al-Jaabiri ay si toos ah u kicin doonto qodobbada hoos yimaada “qaybta 38 ee Sharciga Caddaynta Canada”, taas oo ku qasbi doonta qareennadiisa in ay dib u saxaan macluumaadka xasaasiga ah. Xeer-dheerayaasha ayaa sheegay in sharciga qodobkaan xasaasiga ah shaacinta macluumaadka iyo xogaha ku jira ee xasaasiga ah ay u baahan doonto in la helo fasax (Ogolaansho) laga helo qareenka guud ee Canada ama Mid maxkamadeed. “Maxkamadaha Canada waligood ma aanay arag wax lamid ah tan,” ayuu yiri garyaqaan fadhigiisu yahay Magaalada Toronto oo codsaday in aan magaciisa la adeegsan. “Halka qodobka 38 uu si KMG ah uga hortagayo gudbinta macluumaadka amniga qaranka Mareykanka haddana Dr Al-Jaabiri waxa ay kahor joogsaneysaa in uu adeegsado caddeymo udub dhexaad u ah difaaciisa,” ayuu Qareenka u sheegay AFP. Dacwadaha waxaa iska leh shirkado badan, oo ay ku jirto Sakab Saudi Holding, kuwaas oo xareynaya galdacweedka aasaaska Amiir Maxamed Bin Salman waxaana ay qayb ka ahaayeen shirkado isku xiran oo gabbaad looga dhigtay howlgalka la dagaalanka “Argagixisada” Sacuudiga iyo Mareyianka. Bishii March, Sakab waxa ay Al-Jaabiri ku eedeysay in uu lunsaday $3.47 Bilyan oo dollar, isaga oo ka shaqeynayay Wasaaradda arrimaha Gudaha Sacuudiga. Maxkamadda Massachusetts waxa ay Boston ku wargelisay in ay xayirto $29 Milyan oo dollar oo lacagiisa ah. Tani waxa ay timid kamid markii shirkado badan oo Sacuudiga laga leeyahay oo ay kamid tahay Sakab ay Canada ka dalbatay in ay xayirto sidaas oo kale si loo joojiyo dhaqdhaqaaqa hantidiisa taalla Dalkaas. Si loo caddeeyo in uusan dambi lahayn, Al-Jaabiri wuxuu leeyahay maxkamaduhu waxa ay u baahan doonaan in ay baaraan dhaqaalaha Shirkadda Sakab oo ay kamid tahay sida loo isticmaalay maalgelinta barnaamijyada howlgallada CIA, Hay’adda Amniga Qaranka ee Mareykanka iyo Waaxda Difaaca Dalkaas. Murankaan ayaa khilaaf ka dhex geliyay xubnaha boqortooyada dhexdooda, waxaana uu gaaray in la xiro shaqsiyaadka qaar, Sacad Al-Jaabiri waxa uu sanooyin badan aad ugu dhawaa dhaxal-sugihii hore Maxamed Bin Nayef oo lagu ammaano in uu ka adkaaday Al-Qaacida sanadkii 2000. Sidoo kale waxa uu Aljaabiri udub dhexaad uu ahaa Xidhiidhka Sacuudiga uu la yeeshay Sirdoonka Dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Canada, Austarlia & New Zealand, waana tan keentay in baacsigiisa uu bato in xogta uu hayo loo af qabto. Source
  2. (SLT-Nairobi)-Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto, ayaa ka hadlay tallaabadii lagaga joojiyay safar uu doonayay inuu ku tago dalka Uganda. Wareysi uu siiyay Idaacada Inooro FM ayuu ku sheegay in qorshahaasi ahaa mid siyasadeed waxana uu xusay in uu booqan jiray dalka Uganda isagoo aan fasax u qaadan. “Safarkeygu waxa uu salka ku hayay in aan wax ka soo barto sanduuqa maalgeinta ee Uganda si waafaqsan ololihayga dhowaan ee ahaa in sare loogu qaado nolosha dadka dakhligoodu hoseeya ee ku nool Kenya iyo sido kale in la kobciyo guud ahaan dhaqaalaa Kenay.”ayuu yidhi Ruto oo ka hadlayay ujeedka safarkiisa. Markii la weydiiyay sababta aanu madaxweynuhu Uhuro uusan war uga hayn qorshaha socdaalkiisa, Ruto ayaa ku jawaabay ‘Ma hubtaa in madaxweynuhu aanu xogta safarkayga?’ Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in muddadii 9 -ka sanno ahayd ee uu soo ahaa madaxweyne ku -xigeenka, aan marnaba la weydiin fasax la xidhiidha safaradii uu dibadda ku aaday, wuxuuna la yaabay sababta ay hadda arrintan u soo ifbaxday. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa ayaan dib ugu ku raaxaysan xidhiidhkii walaaltinimo ee ay lahaayeen bilowgii 2013 kii oo ahayd markii ay qabteen hoggaanka dalkani Kenya. Xidhiidhkooda ayaa xumaaday ka dib markii ay ‘is -gacan qaadeen dhex hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta sannadkii 2018 -kii, kadib doorashadii ku celiska ahayd ee muranka dhalisay. Tan iyo markaasina madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu u muuqday mid dhinac ka taagan waajibaadka rasmiga ah ee dalka. Source
  3. Rihanna ayaa haatan si rasmi ah u noqotay bilyaneer iyo weliba haweenayda ugu qanisan dumarka heesa ee caalamka, sida lagu sheegay wargeyska Forbes. Xiddigtan heesta ayaa waxa ay haysataa hanti gaaraysa $1.7 bilyan (£1.2 bilyan), iyadoo la qiyaasayo in $1.4 bilyan ay ku fadhiso shirkadeeda sameesa alaabaha ay haweenka isku qurxiyaan ee Fenty Beauty. Dhaqaalaheeda kale waxa uu inta badan ka yimid shirkaddeeda dharka hoosta laga xirto, Savage x Fenty, taas oo lagu qiyaasay $270 milyan, iyo lacagaha ay ka hesho heesaha iyo jilliinka. Waxa ay kaalinta labaad ugu jirtaa Oprah Winfrey oo ah haweenayda ugu qanisan dumarka caalamka ee madadaalada sameeya. Rihanna – taas oo magaceeda rasmiga ah uu yahay Robyn Fenty – ayaa sanadkii 2017 waxa ay bilowday shirkadda Fenty Beauty iyadoo shirko la noqotay shirkadda iibisa alaabaha qaaliga ah ee LVMH. Waqtigaas, waxa ay sheegtay in ujeedkeedu uu yahay inay “haweenka oo dhan” ay gaarto markaas oo ay bilowday 40 nooc oo kala duwan oo walxaha la isku qurxiyo ah, arrintaas waqtigaas aanan nooceeda oo kale hore loo arag. Waxa ay arrintaasi horseedday waxa loo bixiyay “Fenty Effect” xilligaas oo shirkadaha kale ee farsameeya waxyaabaha la isku qurxiyo ay iyaguna wax ka badaleen wax soo saarkoodu. Ganacsigaas sanadkii ugu horreeyay waxaa laga soo xareeyay dakhli ka badan $550 milyan, LVMH ayaa sidaasi sheegtay. Sikataba xaalku ha ahaadee dhammaan ganacsiyada Rihanna ma aanay wada bulaalin. Bilowgii sanadkan, 33-jirkan ayaa waxa ay LVMH ka ogolaatay in la hakiyo faashiyanka Fenty loogu magacdaray laba sanadood kaddib markii la soo saaray. Heesaaga u dhalatay dalka Barbadia ayaa waxa ay gadday in ka badan 250 milyan oo cajaladood oo ay duubtay, hasayeeshee tan iyo 2016-kii ma aanay sii dayn albam ay istuudiyow ku duubtay. Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa dhawaantan la arkay iyadoo muuqaal la duubaysa saaxiibkeed heesaaga ah ASAP Rocky. Rihanna waxay ka mid tahay fanaaniinta heesohooda aadka loo iibsado, oo waxa laga iibiisay ilaa 250 milyan. Waxa ay sidoo kale ku caan baxday jilidda filimaanta iyo naqshadeynta dharka. Waxa ay ku dhalatay magaalada Saint Michael ee dalka Barbados, waxa ayna ku kortay magaala madaxda dalka ee Bridgetown Waxa ay halkaasi ku qaadatay waqtiyadeedii da’yarta markii uu soo saare ameerikaan ah ogaanayay hay’badeeda heesaanimada, kaas oo ka caawiyay in ay ku soo biirto shaxda Mareykanka. Sanadkii hore ayay ahayd markii waddo ay ku nooleed loo bixiyay Rihanna oo lagu sharfay. Waxay ku guuleeystay in ay noqoto qof caan ah oo ganacsiga ku xeeldheer, sidaas darteed waxay awood u leedahay in ay door weyn ka cayaarto isbedelka waddanka Barbados. fanaanaddan oo macagaceedoo dhamaystiran la yirahdo Robyn Rihanna Fenty, ayaa sannadkii 2018-kii loo magacaabay jaga sare oo safiirnimo ah. Shaqadeeda waxaa ka mid ah, hormarinta wax barashada, dalxiiska iyo maalgashiga Xigasho: BBC Source
  4. U.S. forces have recently unleashed a flurry of airstrikes in Somalia and Afghanistan, continuing a long string of bombings targeting militants in those and other countries. More attacks are sure to come, especially in Afghanistan as the United States works to support the Afghan government from afar to fend off the Taliban. Source: Hiiraan Online
  5. A charity kitchen set up by a mum-of-five in Bethnal Green to help “hard to reach” Somali families has been given special foods by staff from a global technology company. Source: Hiiraan Online
  6. South Sudan's vice president Riek Machar has been ousted as head of his party and its armed forces, say rival leaders who accused the rebel-turned-politician of no longer representing their interests. Source: Hiiraan Online
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in saacadaha soo socda la filayo in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu ku dhawaaqayo liiska xubnaha musharraxiinta ee Aqalka Sare ku metalaya maamulkaasi. Deni ayaa haatan wada wada-tashiyadii ugu dambeeyey ee la xiriira shaacinta xubnaha u sharraxan Puntland Senatorada ay ku yeelaneyso Aqalka Sare ee afarta sano ee socota. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Saciid Deni uu xalay kulan gaar ah la qaatay guddoonka iyo xildhibaannada golaha wakiilada Puntland, isaga oo kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa doorashada Aqalka Sare ee Puntland, si loo dhaqan-geliyo jadwalkii hore. Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa suuragal ah in liiskan ay iska waayaan qaar ka mid ah Senatorada haatan Puntland ku metala Aqalka Sare ee Soomaaliya. Garoowe ayaa waxaa sidoo kale muddooyinkii dambe ka socday kulamo xasaasi ah oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan tan xildhibaanada labada Aqal. Puntland ayaa ka mid ah maamullada ka daahay qabashada doorashada Aqalka Sare, waxaana isa soo tarayey baaqyada loo dirayey ee ku aadan bilaabista doorashooyinka. Si kastaba Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulladii ugu horreeyey ee ku guuleysta bilaabista soo xulista Senatotada cusub, kuwaas oo qaarkood lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo xarumo KMG u ah labadaasi maamul goboleed. The post Madaxweyne Saciid Deni oo maanta shaacinaya LIISKA musharraxiinta Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  8. Businesses at Two Rivers recorded transactions worth Sh1 billion during the Somali cultural festival held at the venue last month, giving the vendors a much needed boost in revenue at a time when footfall in malls has fallen due to Covid-19 precautions. Source: Hiiraan Online
  9. Somaliland: Opposition Candidate Elected As Speaker The newly elected Somaliland House Of Representatives have elected, Abdirizak Khalif Ahmed, as the Speaker. Mr. Ahmed, from the opposition party Waddani, defeated the administration’s candidate, the veteran politician and former Foreign minister, Yasin Haji Mohamud Hir “Faratoon”, by three votes. The newly elected House held it’s first session on Tuesday, August 3rd, whereupon the new members were sworn in. There had been intense lobbying for the position of the Speaker, with Mr. Faratoon, heavily backed by the Kulmiye administration However, even with a splinter group from the other opposition party, UCID, the Waddani candidate prevailed. In what can be considered as a rarity in Africa, Somaliland has one party, Kulmiye, controlling the executive, and the opposition parties in charge of the legislature. New parliamentarians, Saeed Gire & Ali Hamud of Ucid were elected first and second deputies, respectively. Qarannews. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ugu dambeyn ay Qaramada Midoobay u gudbiso qorshaheeda dhinaca is-bedelka cimilada, kaas oo waafaqsan heshiiskii Paris ee la gaaray 2015-kii. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka hadlay qorshahan, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaca ka qaaday in uu faraxsanyahay in Soomaaliya ay gudbiso qorshaheeda tabarrcaadyada Qaran ee waafaqsan heshiiskii Paris ee isbedelka cimilada. “Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Soomaaliya ay soo gudbisay tabarrucyadii Qaran ahaan loo qoondeeyay si waafaqsan waajibaadka caalamiga ah iyo heshiiskii Paris ee isbeddelka cimilada,” ayuu Mahdi Guuleed ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitterka. Heshiiska Paris ayaa waxaa la ansixiyey sanadkii 2015, waxaana dhinacyada laga rabay inay soo gudbiyaan tabarrucaadkooda Qaran ugu dambeyn sanadkii 2020-kii Sidoo kale heshiiska Paris ayaa wuxuu tilmaamayaa qaab dhismeed caalami ah oo lagula dagaallamayo isbedelka cimilada ee caalamka oo dhan. Si kastaba u jeeddada ugu weyn ee qorshahan ayaa ah in la xoojiyo awooda wadamada caalamka ee la tacaalida saameynta is-bedelka cimilada oo lagu taageero dadaalkooda. The post Somalia oo QM u gudbisay QORSHIHII laga sugayey appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulamo ku saabsan Arrimaha Doorashada Aqalka Sare, wuxuu la yeeshay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamanka Puntland. Madaxweyne Deni, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeenka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame. Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha Doorashada Aqalka Sare, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay. Sidoo kale, Siciid Deni ayaa Gobol-gobol ula kulmay dhammaan xildhibaannada Baarlamanka Puntland, isagoo kala-hadlay Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Puntland. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa, in uu maanta oo Khamiis ah soo saaro liiska xubnaha u sharraxan Aqalka Sare ee laga soo doorto Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta soo saaraya liiska xunaha Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Cabdixakiin Ashkir ayaa u hanjabay xubnaha uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ee ku jira guddiga doorashada Somaliland, sida ay ogaatay Caasimada Online. Rooble ayaa xubnaha guddiga oo guud ahaan ka kooban 11, waxa uu xafiiskiisa kula kulmay Talaadadii, halkaasi oo uu kaga dhowaaqay in la baabi’iyay doorashooyinkii hoggaanka guddiyada doorashada gobollada waqooyi ee muranka uu ka dhashay, lana qabanayo doorasho cusub. Qaar ka mid ah afarta xubnood ee guddiga ee uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ayaa Caasimada Online u sheegay in intii uu socday kulanka uu Rooble ugu hanjabay in ciddii diida inay ka qeyb qaadato doorashada cusub ee hoggaanka guddiga laga saari doono guddiga. Isla habeenkii Talaadada, ayaa wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Cabdixakiin Ashkir, oo aad ugu dhow Farmaajo, wuxuu casho u sameeyey xubnaha guddiga isaga oo mar kale ku celiyey hanjabaaddaas, sida aan xogta ku helnay. Maalinkii xigay oo aheyd Arbacadii shalay ayaa Guddiga doorashooyinka heer federaal waxa uu iclaamiyey in doorashada guddoonka xubnaha guddiga doorashada kuraasta Somaliland la qabto maalinta Sabtida ah ee soo socota, laguna qabto Afisyoone. Si kastaba, garabka Cabdi Xaashi ayaa durba soo saaray qoraal ay ku qaadaceen doorashada, ayaga oo caddeeyey inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaaray kulamadii ay la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble. Si kastaba, Rooble ayaa mowqifkiisa ku adkeystay, waxaana xalay uu Cabdixakiin Ashakir soo saaray qoraal uu xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku taageerayo qabashada doorashada halka dhinac ah. Muxuu Cabdi Xaashi u diidan yahay doorashada? Doorashada ayaa ah mid Rooble uu doonayo inuu hoggaanka guddiga ugu gacan geliyo Mahdi Guuleed iyo madaxweyne Farmaajo Guddiga ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble. Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya. Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan. Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub, oo la filayo inay ka dhacdo teendhada Afisyoone? Dhibaatada ugu weyn waxa ay ka taagan tahay; in Rooble uu soo magacaabay xubno aan dhex-dhexaad aheyn, ayada oo aan taas la xalinna ma iman doono xal. Waxaa jiray heshiis ay horey u gaareen Rooble iyo Cabdi Xaashi oo dhigayey in saddexda xubnood ee uu soo magacaabay aysan ka qeyb-gelin wax codeyn ah, maadaama aysan dhex-dhexaad aheyn, taasi oo Rooble uu diiday inuu fuliyo. The post Xog: Rooble iyo Ashakir oo u hanjabay xubnaha guddiga doorashada ee Cabdi Xaashi appeared first on Caasimada Online.
  13. Congratulations to all new #Somaliland MPs sworn in to the House of Representatives this morning, and also to the newly elected speaker and deputies. The UK looks forward to working with you over the next five years. pic.twitter.com/KIA8awXCT6 — Stuart Brown (@StuartBrownFCDO) August 3, 2021 Qaran News
  14. Ugu yeraan 17 qof oo ka qeybgalay xaflad aroos ah ayaa dhintay ka dib markii biriq ku dhacday, sida ay saraakiishu sheegeen dalka Bangladesh. 14 qof oo uu ku jiro arooska ayaa sidoo kale ku dhaawacmay biriqda, hase yeeshee aroosadda ama gabadha la guursaday waa ay ka maqaneyd xafladda. Xafladda arooskan ayaa ka socotay magaalada Shibgani ee dalka Bangladesh, iyadoo xilliga biriqda dhacaysay sii raacayeen doon si ay u tagaan guriga arooska loo diyaariyay. Sanad kasta, boqolaal qof ayaa biriqdu ku dishaa dalalka qaaradda Asiya. 2016 Bangladesh waxaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah ka dib markii biriq ku dishay in ka badan 200 oo qof. Bishii May ee sanadkan, maalin keliya ayaa dalka Bangladesh biriq ku dishay 82 ruux. Khubarada deegaanka waxay leeyihiin kororka biriqda waxaa sabab u ah xaalufinta deegaanka. PUNTLAND POST The post Ku dhowaad 20 qof oo biriq ku dishay Bangladesh appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaayo lama filaan ah ayaa ka socda xeendaabka siyaasadda Soomaaliya, kadib markii musharaxiin madaxweyne oo badan ay billaabeen dadaallo ay ku doonayaan inay ku noqdaan xildhibaano. Xubnahan ayaa isugu jira siyaasiyiin la rumeysan yahay inay fursad u leeyihiin in loo doorto madaxweyne, iyo kuwa rajadoodu ay yar tahay. Waxaa sidoo kale kala duwan ujeedka ay musharaxiinta madaxweyne u raadinayaan xildhibaannimada, inkasta oo si guud ay u wada sheegayaan hal ujeed oo isku mid ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online, musharaxiinta raadinaya xildhibaannimada ayaa waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa todobaadkaan la kulmay odoyaasha beesha Agoonyar, waxa uuna weydiistay kursiga iyadoo la sheegay in shanta oday ee beesha ay si buuxda u ogolaadeen kursigaas, laguna wargeliyey in haddii uu doonayo aanay jirin cid kula tartami karta. Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo sida la sheegay Shariif abaal weyn u haya, una ixtiraama sida aabihiis oo kale, kaasi oo aan tartan la gali doonin madaxweynaha. Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu odayaasha beeshiisa kala hadlay inuu isku sharxayo xildhibaan, waxaana wararka ay sheegayaan inaan jawaab rasmi ah la siin. Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya Saciid Nuur Giriish. Dhanka kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa uu rabitaankiisa weli ku kooban yahay isaga, mana jirto cid ka tirsan odayaasha beesha Habar Cayno oo uu kala hadlay. Waxaa sidoo kale jira musharaxiin kale oo dhowr ah, balse ah kuwa aan markii horeba sidaas looga aqoon saaxadda siyaasadda dalka. Waa maxay ujeedka loo doonayo xildhibaannimada? Sababta ugu weyn ee musharaxiinta ay u raadinayaan xildhibaanada ayaa lagu sheegay inay tahay inay helaan xasaanad, sida qaarkood laga soo xigtay. Si kastaba, Inkasta oo xasaasnadda ay tahay daaha gadaashiisa la isku qarinayo, haddana wararka qaar ayaa sheegaya in musharaxiinta qaar ay rumeysan yihiin inaysan haysan wax fursad ah oo lagu dooran karo, sidaas darteedna ay u raadinayaan xildhibaannimo. Musharaxiinta madaxweyne ayaa ka kooban saddex koox. Kooxda koowaad waa koox ay dhab ka tahay inay u tartamaan xilka madaxweynaha. Kooxda labaad waa musharaxiin ku raadinaya xilal hoose. Halka kooxda saddexaad ay musharaxnimada ku raadinayaa dhaqaale. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah kooxda koowaad ee rajada madaxweyne leh, ayna dhab ka tahay loolanka madaxweeynaha. Shariif ayaa raadinaya xasaanadda kadib markii sanadihii la soo dhaafay uu la kulmay dhowr weerar oo kaga yimid dhinaca dowladda, waxaana la sheegay in haddii uu ku guuleysto tartanka xilka Madaxweynaha uu iska casili doono xilka xubinimada Golaha Shacabka. Si kastaba, musharaxiinta kale, waxaa la rumeysan yahay inaysan musharaxnimada madaxweyne dhab ka aheyn, sidaas darteedna ay doonayaan xildhibaannimo. Waxaa sidoo kale jirta koox saddexaad oo ah musharaxiin xil dhan aan dooneyn balse dhaqaale raadis ah. Kooxdan ayaa saaxiibadooda iyo beelaha ay kasoo jeedaan lacag badan uga qaadanaya inay yihiin musharax madaxweyne, kadibna ayaga oo aan wax badan ka qarash gareyn lacagtaas ka haraya tartanka. Arrintan ayaa dhacday doorashooyinkii lasoo dhaafay markaasi oo ganacsato qiireysan ay lacago ku shubeen rag ku beel ah, oo kadibna xitaa aan helin hal cod, ama tartanka ka haray markii doorashadu soo dhowaatay. Si kastaba, ganacsatada ayaa sanadkan ka feejigan arrintaas, waxayna taageerayaan kaliya musharax ay hubaan inuu rajo wanaagsan leeyahay. Waxay tani horseeday in ganacsato badan ay taageeraan musharaxiin aan ku beel aheyn oo ay doonayaan inay wax ku darsadaan. Wax ay ahaataba, toddobaadyada soo socda ayey kala caddaan doonaan musharaxiinta madaxweyne ee dhabta ah iyo kuwa leh ujeedooyinka kale ee qarsoon. The post Maxay tahay sababta ay qaar ka mid ah musharaxiinta u raadinayaan xildhibaanimo? appeared first on Caasimada Online.
  16. Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa maanta gaaray wefdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay, kaas oo ay hoggaamineyso Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay. Wefdigan ayaa waxa garoonka Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Ujeedka wefdigan ee ay Qaramada Midoobay u dirtay Dhuusamareeb ayaa qiimeyn waxa ay ku sameyn doonaan xaaladaha guud ee ka jira deegaanada maamulka Galmudug. Sidoo kale Anita Kiki Gbeho iyo xubnaha la socda ayaa kulamo la qaadan doono hoggaanka Galmudug, iyaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada iyo horumarinta maamulkaas. Socdaalka wafdiga Qaramada Midoobay ee Dhuusamareeb ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo magaaladaas laga dareemayo qaban-qaabada doorashooyinka Soomaaliya. Galmudug ayaa haatan wada dadaalkii ugu dambeeyey ee qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana madaxweyne Qoor Qoor saacadaha soo soda uu ku dhawaaqi doonaa liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo wefdi u dirtay magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  17. M/weyne Xigeenkii Hore ee Somaliland oo si adag u duray Madax-dhaqameedka S/land,Soona Jeediyey Arrin Xasaasiya oo lagu xakameeyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa Madax-dhaqameedka ugu baaqay inay ku ekaadaan xilka iyo masuuliyadda loo doortay, siyaasaddana aanay faraha la soo galin, waxaanu ku baaqay in la sameeyo xeer xakameeya. Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu sidoo kale ka hadlay Doorashadii Shir-guddoonka ee Shalay ka dhacday Xarunta Golaha Wakiilada, ee lagu doortay Shir guddoonka Golaha Wakiilllada ee cusub, waxaanu ugu horeyn yidhi “Inagu Somaliland ahaan waxaynu cid walba kaga horaynaa waa wax wada qabsashada, wada tashiga, isku duubnimada iyo isku tanaasulka, oo maanta Koonfurta (Soomaaliya) nidaam la’aanta iyo qorshe la’aanta ka taagan weynu aragnaa, halka inaga dalkeena uu nidaam dimuqraadiyad iyo wada tashi ka jiro, waxaa kale oo xusid mudan inaynu Doorashooyinkeena u qabsano si aad u wanaagsan, oo ah hal cod iyo hal qof ah, halka Soomaaliya aanay weli heerkaas gaadhin, sidaas darteed haddii aan u soo noqdo Doorashadii shalay ee Shir-guddoonka Golaha Wakiilada ee cusub, si fiican baa loo tartmaay, tartan wanaagsana wuu dhexmaray Musharrrixiintii kala duwanaa ee ku tartamayey Shir-guddoonka Wakiillada, sidaas awgeed ciddii ALLE u qoray ayaa Shir-guddoon noqotay, dhammaanteena weynu wada guulaysanay, masuuliyiinta Shir-guddoonka ku tartamayey ee waayey, waxaan leeyahay waad dedaasheen, balse calaf baydaan ku lahayn, Masuuliyiinta guulaystay ee Shir-guddoonka noqdayna waxaan leeyahay waa inaad isku waddaan Golaha, waana idiin ducaynayaa, waana idin hambalyeynayaa, dhammaan 82 mudane ee Golaha Wakiiladana waan hambalyeynayaa, waanan u ducaynayaa, mar haddii ay tartan hore soo galeen, oo hadda la dhaariyey, waa Xildhibaano Qaran, oo mar walba si daacadnimo ku jirto Ummaddiina ugu adeega, oo xilkiina si daacadnimo ku jirto u guta”. Mar uu ka hadlayey Madax-dhaqameedka wuxuu yidhi “Wakhtigayagii aanu ahayn Golaha, Madax-dhaqameedka dalku aad bay u koobnayeen, balse hadda Madax-dhaqameedkii aad bay u bateen, runtiina anigoo ixtiraam iyo sharaf u haya Madax-dhaqameedka dalkeena, haddana Madax-dhaqameedku waa inay ku eekaadaan xilka iyo waajibka dhaqanka ee ay Reeraha u hayaan, mana aha inay hawlaha siyaasadda faraha la soo galaan oo ay mar walba ka hadlaan, imika 82 mudane waxay Wakiil ka yihiin ummaddii soo dooratay, oo Siyaasadda ayey ugu mataalan, markaas Madax-dhaqameedku dantooda ha ku eekaadaan, Goleyaasha Sharci-dejintana waxaan ka codsanayaa inay soo saaraan Xeer nimdaamiye xakameeya Madax-dhaqameedka, oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa marka hore looga baahan yahay inay Xeerkan soo curiso, oo waliba ay iskugu yeedho Madax-dhaqameedka, kadibna u soo gudbiso Fulinta, kadibna ay Goleyaasha u soo gudbiso, sidaasna ay Goleyaashu ku ansixiyaan, haddii la soo saaro Xeerkaana waxaa hubaal ah in aanay jiri doonin Madax-dhaqameed ku hadla waxay doonaan, Waddanka Maleeshiya iyo Waddamo badan oo Caalamka ah ayaa Xeer nidaamiyahan leh, markaas Xeerkani faa’iido ayuu inoo yeelanayaa ee ha la sameeyo” Qaran News
  18. Odayaal ku sugan degmada Boocame, ayaa beeniyay warkii xukuumadda Puntland ku sheegtay in la kala qaaday dhinacyadii ku dagaallamay tuulada SAAX-MAYGAAG. Odayaasha ayaa sheegay, in aysan waxba ka jirin warkaas, islamarkaana dhankooda aysan u hoggaansami doonin amarka ka soo baxay Puntland ee lagu faray dhinacyada dagaallamay, in ay kala qaadaan ciidamada. Sidoo kale, Odayaasha ayaa tilmaamay in go’aanka lagu joojiyay degaamaynta Saax-maygaag iyo Sange-jebiye uu yahay mid baaddil ah, sidaas darteedna dhankooda aysan fulin doonin go’aankaas. Halkaan ka daawo Hadalka Odayaasha PUNTLAND POST The post Odayaasha Boocame oo beeniyay in la kala qaaday dhinacyadii ku dagaallamay Saax-maygaag appeared first on Puntland Post.
  19. Toronto (Caasimada Online) – Saraakiil Mareykan ah ayaa soo farageliyay dacwad ka socoto Canada oo uu ku lug leeyahay Madaxii hore ee Sirdoonka Sacuudiga Sacad Al-Jaabiri, taasi oo daaha ka qaadeysa shaqo sirdoon oo xasaasi ah oo qarsoon. Sacad Al-Jaabiri, Madaxii hore ee Sirdoonka oo loo masaafuriyay Canada, waxaa ka dhashay khilaaf soo kala dhexgalay Amiirkii hore ee xilka dhaxal-sug ee Sacuudiga laga qaaday Mohammed bin Nayef (MBN) iyo Dhaxal-sugaha kala wareegay ee Amiir Mohammed bin Salman (MBS). Al-Jaabiri oo muddo fog wax ka ogaa howlgalka Wadajirka ah Sacuudiga & Mareykanka ee “La dagaalanka Argagixisada,” ayaa sanadkii tagay ku andacooday in Amiirka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu u qorsheeyay shirqool dil ah, halka uu xiray labo carruur ah oo uu dhalay. Al-Jaabiri ayaa ku lug lahaa howlaha qarsoon ee Maxamed Bin Salmaan. Saaxiibkii hore, Amiir Maxamed Bin Naif, oo uu ula shaqeyn jiray ayaa xabsi guri ku jira, kadib markii laga qaaday Dhaxal Sugenimada 2017-kii waliba si afgambi ah. Sacad Al-Jaabiri waxa uu kaalin weyn ka qaatay howlgaladii uu dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan ku beegsaday dad maalqabeeno ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qoyska Boqortooyadooda. Qoraal uu diyaariyay Qareenka Al-Jaabiri oo ay aragtay Wakaaladda Wararka AFP ayaa waaxda Cadaaladda Mareykanka waxay ku codsatay “dib u dhigista dhammaan gal dacwadeedyada” maxkamadda Ontario ilaa 30-ka September si Washington ay u hesho waqti ay uga fakirto tallaabooyinka lagu ilaalinayo danaheeda. “Xiriirka Arrimaha Dibadda iyo Amniga qaranka Mareykanka waxa ay u baahan yihiin in la dabciyo marna la adkeeyo,” Sidaasi waxaa qoraal ku taariikheysan 29-kii June ku yiri Qareenka Dowladda Malcolm Ruby. Inkasta oo ay Washington in aysan “wax Mowqif ah ka laheyn kiiska” haddana waxa ay ka welwelsan tahay “Ilaalinta macluumaadka Amniga Qaranka,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay Malcolm Ruby Qareenka Dowladda. Faafitaanta siraha Warqad loo dusiyay (Lala wadaagay) Elizabeth Ricards oo ah La taliye ka tirsan waaxda Cadaaladda Canada ayaa Mareykanka loosoo jeediyay in uu si hoose ula shaqeeyo dhiggooda Canada “Si Xushamad leh”. Richards iyo qareenka Al-Jaabiri kama aysan jawaabin codsiga AFP, Halka Ruby uu qoraalka AFP u weeciyay waaxda Cadaaladda Mareykanka oo iyanna dhankeeda diiday in ay jawaab ka bixiso arrintaan. Qoraalka Ruby ayaa lagu sheegay in soo gudbinta difaaca Al-Jaabiri ay si toos ah u kicin doonto qodobbada hoos yimaada “qaybta 38 ee Sharciga Caddaynta Canada”, taas oo ku qasbi doonta qareennadiisa in ay dib u saxaan macluumaadka xasaasiga ah. Xeer-dheerayaasha ayaa sheegay in sharciga qodobkaan xasaasiga ah shaacinta macluumaadka iyo xogaha ku jira ee xasaasiga ah ay u baahan doonto in la helo fasax (Ogolaansho) laga helo qareenka guud ee Canada ama Mid maxkamadeed. “Maxkamadaha Canada waligood ma aanay arag wax lamid ah tan,” ayuu yiri garyaqaan fadhigiisu yahay Magaalada Toronto oo codsaday in aan magaciisa la adeegsan. “Halka qodobka 38 uu si KMG ah uga hortagayo gudbinta macluumaadka amniga qaranka Mareykanka haddana Dr Al-Jaabiri waxa ay kahor joogsaneysaa in uu adeegsado caddeymo udub dhexaad u ah difaaciisa,” ayuu Qareenka u sheegay AFP. Dacwadaha waxaa iska leh shirkado badan, oo ay ku jirto Sakab Saudi Holding, kuwaas oo xareynaya galdacweedka aasaaska Amiir Maxamed Bin Salman waxaana ay qayb ka ahaayeen shirkado isku xiran oo gabbaad looga dhigtay howlgalka la dagaalanka “Argagixisada” Sacuudiga iyo Mareyianka. Bishii March, Sakab waxa ay Al-Jaabiri ku eedeysay in uu lunsaday $3.47 Bilyan oo dollar, isaga oo ka shaqeynayay Wasaaradda arrimaha Gudaha Sacuudiga. Maxkamadda Massachusetts waxa ay Boston ku wargelisay in ay xayirto $29 Milyan oo dollar oo lacagiisa ah. Tani waxa ay timid kamid markii shirkado badan oo Sacuudiga laga leeyahay oo ay kamid tahay Sakab ay Canada ka dalbatay in ay xayirto sidaas oo kale si loo joojiyo dhaqdhaqaaqa hantidiisa taalla Dalkaas. Si loo caddeeyo in uusan dambi lahayn, Al-Jaabiri wuxuu leeyahay maxkamaduhu waxa ay u baahan doonaan in ay baaraan dhaqaalaha Shirkadda Sakab oo ay kamid tahay sida loo isticmaalay maalgelinta barnaamijyada howlgallada CIA, Hay’adda Amniga Qaranka ee Mareykanka iyo Waaxda Difaaca Dalkaas. Murankaan ayaa khilaaf ka dhex geliyay xubnaha boqortooyada dhexdooda, waxaana uu gaaray in la xiro shaqsiyaadka qaar, Sacad Al-Jaabiri waxa uu sanooyin badan aad ugu dhawaa dhaxal-sugihii hore Maxamed Bin Nayef oo lagu ammaano in uu ka adkaaday Al-Qaacida sanadkii 2000. Sidoo kale waxa uu Aljaabiri udub dhexaad uu ahaa Xiriirka Sacuudiga uu la yeeshay Sirdoonka Dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Canada, Austarlia & New Zealand, waana tan keentay in baacsigiisa uu bato in xogta uu hayo loo af qabto. The post Maxay tahay sirta ku saabsan Maxamed Bin Salmaan ee lagu shaacin rabo Canada? appeared first on Caasimada Online.
  20. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee dowlad gobaleedka Galmudug, Gaashaanlle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xassan ayaa shaaciyey in tallaabo adag laga qaadi doono Askariga bulshada dhexdeeda ku fura rasaasta. Guddoomiyaha oo khudbad u jeedinayay Saraakiisha iyo Askarta ciidanka xooga dalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale sheegay in aan la ogolaan doonin Askari xooga dalka ka tirsan uu fasax la’aan iska aado gudaha magaalooyinka. Waxa kale oo uu sheegay inay dambi tahay in Ciidamada Milatarigu soo galaan shacabka dhexdooda, ayada oo uu sidoo kale faray hay’addaha amniga sida Booliska iyo Nabad-sugida. Guddoomiye Cabdulaahi Abuukar ayaa waxa uu ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan ku amaanay guulahii ay kasoo hooyeen howl-galada ka socda gobolka Mudug ee xoreynta magaalooyinka cusub sida Camaara ee maamulka Galmudug. Waxa uu ku tilmaamay howl-galada ay ciidamada deegaanadaas kaga sifeynayaan argagixisada mid tusaale u ah soo afjarida Al-Shabaab iyo in aysan haynin Awood ay kusii joogi karaan deegaanada maamulkaas. Go’aanka uu shaaciyey Guddoomiyaha ayaa waxa uu kusoo aadaya xili ay shacabka cabasho badan ka gudbiyeen rasaasta ay ciidamada ka dhex ridaan xaafadaha iyo gudaha magaalooyinka, islamarkaana ay ku dhib qabaan iska hor-imaadyada macnaha laheyn ee dhex-mara ciidamada. The post GO’AAN culus oo laga soo saaray askarta rasaasta ku dhex furta SHACABKA appeared first on Caasimada Online.
  21. Sheikh Maxamed Xoosh oo kamid ah culimaa’udiinka Puntland ayaa si adag uga hadlay xuskii maalmo ka hor loo sameeyay as’aaskii Puntland ee kowda Agoosto. Wadaadka ayaa sheegay in xafladdii lagu xusay kowada Agoosto ay ahayd munkar iyo fisqi Ilaahay xarrimay oo u baahan in wax laga qabto sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka daawo hadalka Sheikha PUNTLAND POST The post SHeikh Maxamed Xoosh: Xuska Agoosto waxa ka dhacay Munkar iyo Fisqi appeared first on Puntland Post.
  22. Dhawaan waxaa nagu soo fool leh doorashadda Soomaaliya. Doorashooyinkani waa kuwa ka duwan kuwii aan hore u soo arki jirnay, sababtoo ah waxaa iska cad in siyaasadda dalkeena ay noqotay mid ka cakiran sidii hore, oo saamileyaal sidaadeed oo ka badan kuwii hore, kuwaas oo heerar kala duwan leh. Tani, marka dhinac laga eego waa guul weyn, iyadoo la eegayo in Soomaaliya 2012-kii loo aqoonsaday dowlad rasmi ah, tan iyo burburkii dowladnimadeena ee 1991-kii. Doorashadu waa mid xilligeedii dib uga dhacday, waxaana ugu wacan wada-xaajoodyada xasaasiga ah ee siyaasiyiinta iyo dadkeena u dhaxeeya, midaas oo dhanka kale marka laga eego kaabeysa in mustaqbalka dalkeena ay qeyb ka noqdaan dhamaan daneyayaasha Soomaaliyeed. Siyaasadda Soomaaliya waxaa muddoyinkii dambe majaraha u hayey siyaasiyiinta dabaqadda sare, sidaas daradeed in xilligan la balaadhiyo masraxa siyaasadeed si ay qeybaha kale ee bulshadda uga soo qeyb galaan waa ahmiyad aad u weyn. Dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka qeyb galaan siyaasada waxay lagama maarmaan u tahay horumar iyo dib-u-habeynta dowladnimada Soomaaliya. Waqti dheer, dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa loo sheegi jiray “waqtigii wuu imanayaa, waxaad tihiin mustaqbalka” balse fursadahoodii ka qeybgalka siyaasadda iyo mustaqbalka ah u qalmaan labadda midna wali ma imaan. Arrimaha ku xeeran ineysan suurtagalin himilooyinkani waa badan yihiin, balse dhamaan fursadaha, haddii ay yihiin kuwo bulsho iyo mid dhaqaale amaba kuwa kale waxay ku bilowdaan in marka hore ay dhalinyardu yeshaan cod iyo matalaad. Haddii dhalinyaradu aaney siyaasadda ku jirin, ma awoodi karaan inay qaabeyaan mustaqbalkooda, mana ku lahaan karaan saameyn muuqata aayatiinkooda. Tani waa masiibo weyn, sababtoo ah dhalinyarada waqtigoodu marwalba waa rajo ku dhisan aas-aas adag iyo kalsooni gelin ku hagta iney qeyb ka noqdaan dib-u-dhiska dalkooda. Marka maanta la eego xaaladda siyaasadeed ee dalkeena, intee ayay la eegtahay matalaadda dhalinyarada ee siyaasadda dalka? Waa tiro aad u yar. Maqnaanshiyaha iska cad ee mataaladda dhalinyarada ee labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya, waxaa soo raaca xafiisyada kale ee dowladda oo go’aamada waaweyn ee dalka laga gaadho. Waxaa intaasi dheer ineysan dhalinyaradu matalaad muuqata ku laheyn ururada bulshada rayidka ah. Dhamaan qeybahan, hoggaaminta dhalinyarada iyo kaqeyb galkoodaba waa in la dhiirigaliyaa oona la taageeraa, sababtoo ah iyagaa ah qiyaastii tiro ka badan 75% bulshadda Soomaaliyeed marka loo eego qiyaasta ay bixiyaan hey’addaha caalamiga ah. Dhaliyarada Soomaaliyeed waa inay u guntadaan helitaanka mataalada ay xaqa u leeyihiin, sababtoo ah waa sida kelliya ee ay ku soo dhacsan karaan xaqooda, isla markaasna ay uga bixi karaan faquuqa bulsho. Caqabadaha heysta dhalinyarada maanta waa kuwo ay la wadagaan dhamaan qeybaha kale ee bulshada sida amaanka, balse waxaa kale oo jira caqabado iyaga u gaar ah sida shaqo la’aan baahsan iyo dhiirigalin la’aan hal-abuur. Suurtagal maahan in mustaqablka dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah tirada ugu badan bulshadeena inay matalaan dad aan fahmi karin baahiyahooga. Dabcan, siyaasadeena loogama maarmo khibrad iyo waayelayn, balse la’aanta dhiig cusub iyo garaad caboon, suurtagal maahan in la gaadho halka la hiigsanayo. Bulsho walba awoodeedu waxay la eegtahay hadba inta muwadiniintoodu la eegyihiin, bulshana waxay awood ku yeelataa markii ay matalaad dhab ah heysato oo loo dhanyahay. Ugu dambeyn, dhamaan wakiilada siyaasadeed ee dalka waxaa waajib ka saran inay wada matalaan dadkooda, waana inay ka shaqeyaan horumarinta dalka, diinta iyo dalka Soomaaliyeed. Haddii dhalinyarada la siiyo fursad ay ku matalaan dalkooda iyo dadkooda waxay ka soo dhalaali karaan waajibaadka loo idmaday. Dalkeena aan wada jecelnahay ee Soomaaliya wuxuu u qalmaa inay matalaan kuweena ugu wanaagsan, madaama aan wajaheyno caqabado waaweyn, oo ay hareer socdaan fursaddo. Dhalinyarada Soomaaliyeed waa inay u istagaan gudashada waajibaadkan culus. Abdullahi Hussein Nor (Abdalla Boss) Qoraaga waxaad kala xiriiri kartaa: Email: Abdalle707@gmail.com Twitter, @Abdaleboss, Facebook: https://www.facebook.com/abdullahi.show AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Dhalinyarada Soomaaliyeed waa inay u istaagaan helitaanka matalaada ay xaqa u leeyihiin appeared first on Caasimada Online.