-
Content Count
212,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (PP News Desk) – Several days after Puntland Post broke the news that year eight Puntland certificate examinations had not been marked, the State Minister for Education Abdullahi Hassan Roble told Daljir Radio on the sidelines of Somalia Islamic Banking Forum that “year eight certificate examinations have not been marked due to time and resource constraints.” Roble: “Constraints are hardly insurmountable.” Pressed to specify the constraints, Roble said that “they are hardly insurmountable. Puntland Education Ministry will mark examinations and publicise results so that pupils can begin their secondary school education.” Puntland State Government has allocated a budget for the education sector. “Either overspending or embezzlement has resulted in the failure to mark year eight certificate examinations. I expected Puntland MPs would take the government to task for dereliction of duty” said a retired teacher in Garowe. © Puntland Post, 2021 The post Unmarked Year Eight Exams Leave Puntland Pupils in Limbo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta shir guddoominayay Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxa uu uga warbixiyay golaha doorashada Aqalka Sare, isagoona siiyey go’aan uu ka gaaray khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha u sheegay inkastoo uu jiro dib u dhac yar, hadana kulan labo habeen ka hor uu la yeeshay Madasha Qaran ay isku afgarteen inay ku soo afjaraan doorashada Aqalka Sare asbuuca soo socda. Waxa kale oo uu sheegay in kulan ay iskugu imaan doonaan Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran, kadib marka lasoo afmeero doorashada Aqalka Sare, kaasi oo looga arinsan doono sidii horey loogu sii amba-qaadi lahaa doorashada Gollaha Shacabka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu golaha uga warbixiyay dhex-dhexaaditii uu ka sameeyay khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland, oo ayagu u kala jabay labo garab, islamarkaana uu mid kastaa leeyahay guddoon u gaar ah. Waxa uu sheegay Rooble in uu waqti badan ku bixiyey sidii uu is-faham uga dhex abuuri lahaa Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, hase yeeshe uu xiligaan go’aansaday in doorashada guddoonka la guda galo, guddiguna uu dhexdiisa is doorto. Go’aanka uu Rooble ka gaaray khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa qaadacay garabka Cabdi Xaashi oo u arka mid uu Ra’iisul wasaaraha ugu xaglinayo dhinaca Mahdi Guuleed, waxayna arrintaan mugdi hor leh galin kartaa doorashada kuraasta gobolada Waqooyi. The post Rooble oo war cusub kasoo saaray doorashada iyo go’aan uu ka gaaray khilaafka guddiga Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Ambassador to the United Nations, Samantha Power testifies before the Senate Foreign Relations Committee to be the next Administrator of the United States Agency for International Development (USAID), on Capitol Hill in Washington. Power landed Saturday, July 31, in Khartoum, aiming to support Sudan’s fragile transition to democracy before travelling to Ethiopia to press the government there to allow humanitarian aid to the war-torn Tigray region. (Greg Nash/Pool via AP, File) NAIROBI, Kenya — The head of the U.S. Agency for International Development expressed concern Wednesday about the “dehumanizing rhetoric” used by Ethiopia’s leaders amid the nine-month conflict in the Tigray region, whose forces last month were described as “weeds” and “cancer” by the country’s Nobel Peace Prize-winning prime minister, Abiy Ahmed. Samantha Power spoke to reporters after pressing Ethiopia’s government to ease a blockade of humanitarian aid to Tigray, where hundreds of thousands of people face famine in the world’s worst hunger crisis in a decade. Just 10% of targeted aid has reached the region since mid-July, she said — 153 trucks as of two days ago, while the United Nations has said 1,500 trucks were needed during that time. Ethiopia’s government in recent weeks has accused aid groups of arming Tigray forces, without providing evidence, and suspended the work of two international aid groups while accusing Doctors Without Borders and the Norwegian Refugee Council of “disseminating misinformation.” Meanwhile, Power said, “desperate humanitarian needs are growing more acute with every passing day” in Tigray, where more than 5 million people need help after Ethiopian and allied forces pursuing Tigray fighters were accused of looting and destroying food supplies. Tigray remains cut off from the outside world, with communications links down and just one road available for aid convoys, which have faced numerous checkpoints and searches. While the West is said to be exploring the possibility of a humanitarian aid corridor from neighboring Sudan into western Tigray, the head of Ethiopia’s national disaster risk management commission this week rejected that idea. A USAID spokesman did not respond when asked whether Power, who visited Sudan before Ethiopia, discussed the idea with Sudanese leaders. Power also noted the increasingly heated talk by both sides in the conflict and said the kind of “virulent” language used by the prime minister and other officials, also seen on social media in Ethiopia, “often accompanies ethnically motivated atrocities.” She called for an immediate cease-fire and dialogue. Chances of dialogue appear slim as Ethiopia’s government has declared the Tigray forces a terrorist group. The war started in November after a political falling-out between the Tigray ruling party, which had dominated Ethiopia’s government for nearly three decades, and the current prime minister. Now the Tigray forces say they want Abiy out as a precondition to talks. Power also warned that the resurgent Tigray forces’ presence near key roads “is going to obstruct access” as well. She said some 76,000 people have been displaced in the neighboring Afar region and 150,000 in the Amhara region after the Tigray forces entered those areas in recent weeks. Separately, Secretary of State Antony Blinken spoke Wednesday with Sudanese Prime Minister Abdalla Hamdok about the “expansion of armed confrontation in the Amhara and Afar regions of Ethiopia, the deteriorating humanitarian situation in the Tigray region, and reports of Eritrean troops re-entering Ethiopia, all of which impact regional stability,” the State Department said. Witnesses in Tigray have alleged widespread abuses by soldiers from Eritrea, which shares a border with the region and fought on the side of Ethiopian forces. Abiy for months denied their presence. Source: Washington Post The post US warns Ethiopia of ‘dehumanizing rhetoric’ on Tigray appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo uu maanta shir guddoomiyey madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi, Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday qaraxii lala beegsaday kooxda kubadda cagta JCCI ee dhowaan ka dhacay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay wasaaradda amniga, taas oo ku aadan qaraxii Kismaayo iyo amniga guud ee dowlad goboleedka Jubbaland. Wasaaradda amniga ayaa shaaca ka qaaday in tiro dad ah loo soo qab-qabtay qaraxaas, kuwaas oo ay tilmaamtay inay weli ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Sidoo kale wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland ayaa golaha la wadaagtay sidii loogu gurmaday ciyaartooydii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaasi oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah ciyaartoyda. Golaha ayaa sidoo kale soo jeediyey in la xoojiyo amniga, si looga hortego weerarada iyo dilalka qorsheysan, maadaama haatan lagu jiro soo doorashada xildhibaanada labada Aqal Ugu dambeyn wasaarada maaliyadda ayaa gudbisay xeerka i-sbadalka sharciga qoondada, kaas oo golahu ay falanqeyn kadib dib ugu soo celin doonaan fadhiyada kale ee soo socda. Jubbaland ayaa haatan billowday doorashada Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, iyada oo Senataro cusub lagu doortay magaallo xeebeedka Kismaayo. The post Jubbaland oo dad usoo qab-qabatay qaraxii lagu dilay cayaartoyda + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddig qandaraasyada qaranka Somaliland ayaa maanta shaaciyay shirkadda ku guulaystay mashruucii iftiiminta garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium oo ay dhawaan shaaciyay tartankiisa. Guddig qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen ayaa shaaciyay shirkadda ku guulaystay mashruuca waxaanu yidhi “mashruucii iftiiminta garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium waxa ku guulaystay shirkadda be green energy” Guddoomiye Nuux Maxamed Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa shirkadda ku guulaystay mashruuca waxa uu kula dardaarmay inay qaranka u dhisaan laydh tayo leh waxaanu yidhi “shirkaddaa ku guulaystay waxa ay guddiga qandaraasyadda kula dardaarmayaan inay qaranka u dhisaan laydh tayo leh, waa masuuliyad shirkadda fuushay, guddiga qandaraasyada qaranku waxa ay bilow iyo dhammaadba daba-gal ku samayn doonaan qandaraaskaa haddii Alle ka dhigo, shirkadaha hadhayna nasiib wanaagsan ayaan u rajaynaynaa” ayuu yidhi Nuux Maxamed Xuseen. Dhankooda iyaguna waxa halkaasi ka hadlay shirkadda guulaystay iyo shirkadihii laga guulaystay Ugu horrayntii masuul ku hadlayay magaca shirkadda ku guulaystay qandaraaskan ayaa yidhi “kolay masuuliyad weyn ayaa na fuushay xil weyn ayaanu qaadnay waxa lanooga fadhiyaa in aanu iftiimino garoonka Hargeysa stadium oo wakhtiyadda qaar aniga laftigaygu aan ka ahaan jiray ciyaartoy markii dalka la soo galay maanta Illahay igu simay in aan ka qayb-qaato gandaraaskaa iftiiminta garoonka” Masuul kale oo ku hadlay mid ka mid ah shirkadihii laga guulaystay ayaa yidhi “waxa aan ka socdaa Shirkadda daabacaadda casriga ah ee Color Zone waxaanu u soo tartanay mashruucan iftiiminta garoonka Hargeysa stadium runtii waanu dadaalnay meel fiicana waanu soo gaadhnay laakiin calaf ayaanaan ku lahayn, shirkadda ku guulaystay waanu u hanaynaynaa waxaanan leenahay Illahay ha idinku asturo kolay waa masuuliyad culus oo qaranka oo dhan saamaynaysa, waxaanu rajaynaynaa in aanu tartamada dambe ku guulaysan doono” Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta soo rogtay amar cusub oo waajibanaya in howl-wadeenada diyaaradaha dalka ay xirtaan af-saabka (Face-mask), si looga gaashamto mowjada saddexaad ee cudurka Covid-19. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ku socday howl-wadeenada diyaaradaha ayaa waxaa lagu faray in dhammaan howl-wadeenada diyaaradaha dalka ka shaqeeya ay qaatan af-saabka, ayada oo la dhaqan-gelinayo tilmaamaha caafimaad ee Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Amarka cusub ee kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ayaa waxaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay dadaalada looga hortagayo mowjada cusub ee cudurka Covid-19, islamarkaana ay kiisaska cudurka sare uga kacayaan dalka. “Maamulka Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA} waxa uu qaadaya mas’uuliyadda ah in la dhaqan-geliyo tallaabooyinka bad-baadada iyo tilmaamaha ay bixisay Wasaaradda Caafimaadka, si loo ilaaliyo rakaabka saaran diyaarad iyo kuwa adeegsada Gegida Diyaaradaha Soomaaliya, loona yareeyo faafitaanka halista fayraska. SCAA waxay ku wargelinaysaa dhammaan howl-wadeennada in Face-mask ay xirtaan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa qoraalka Hay’adda Duulista Rayidka lagu sii adkeeyay go’aamkii hore ee ahaa in rakaabka ka dhoofaya garoomada dalka ay xirtaan af-saabka ka hor inta aysan u gudbin gudaha diyaaradda. Amarkaan ayaa imaanaya xili maalmihii u dambeeyay ay sare u kaceen kiisaska cudurka Covid-19 ee dalka, waxaana 48 saac ee u dambeeyay dalka oo dhan laga helay cudurka dad kor u dhaafaya 161 qof, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka. The post DF oo amar cusub maanta kusoo rogtay diyaaradaha SOOMAALIYA ka howlgala appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarunta Madaxtooyada maamulkaas ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Marwo Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay hogaaminayso oo maanta gaaray magaalada Dhuusmareeb. Wafdiga sare ee ka socda Qaramada Midoobay iyo madaxweynaha Galmudug ayaa waxay ka wada-hadleen xaalada Galmudug, arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa doorashada maamulkaas. Waxa kale oo kulanka looga hadlay amniga doorashada iyo arrimaha horumarinta maamulkaas oo ay kaalin weyn ka qaadan doonto Qaramada Midoobay. Qoor Qoor ayaa dhinaciisa uga warbixiyey wafdiga QM howl-galada ka dhanka ah cadowga argagaxisada iyo guulihii u danbeeyay ee laga gaaray dagaalanka ay kula jiraan ciidamada dowladda. Sidoo kale waxa uu Qoor Qoor uu la wadaagay wafdiga xaaladaha bini’aadanimo ee soo foodsaaray shacabka ku sugan deeganada dhawaan laga sifeeyay argagaxisada Ugu dambeyntiina wafdiga ayaa kulan doceed la qaatay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug, Marwo Faadumo Cabdi Cali (Faandhe) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada oo kulanka Qoor Qoor ku wehlinayay. The post Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor iyo wafdigii ka socday QM appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeysa Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi ku mashquulsan yahay isbadel weyn oo uu ku samaynayo Golihiisa Xukuumadda kadib Guuldarooyinkii ay Xukuumaddiisa iyo Xisbigiisa Kulmiye kala kulmeen Doorashooyinkii Isku sidkannaa ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda, gaar ahaan Shirgudoonkii Wakiilada iyo Maayaraddii Caasimaddaha Dalka. Warar madax bannaan oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegay in dhawaan la filayo inuu Madaxweyne Biixi Talaabadan qaadayo, waxaanay wararku sheegayaan in mudooyinkii u dambeeyay ay masuuliyiin miisaanlihi Cv-yadooda ula sii socdeen Dhinaca Qasriga Madaxtooyada halkaasi uu Madaxweyne Biixi ku kala xulanayo Xubnaha ka mid noqonaya Golihiisa Xukuumadda ee dhawaan la filayo inuu ku dhawaaqo, islamarkaana waxa aad loo naawilayaa inay rag baddan oo Miisaanlihi oo Cusub ay kasoo dhex muuqan doonnaan magacaabistaasi Madaxweynaha ee loo dhegtaagayo. Ma jiro War Rasmiya oo arrintani ku saabsan oo kasoo baxay cidda ay khusayso balse Ilo-wareedyo Wargeyska Foore helay oo ka agdhaw Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo xilka hayay Muddo afar sanno ah uu hadda doonnayo inuu Xukuumaddiisii ugu dambaysay Muddo Xileedkiisa uu soo dhiso, islamarkaana aad loo hadal hayo inay wax badan kaga duwanaan doonto Xulashooyinkiisii hore oo aad loo dhaliilsanaa. Wararkan ayaa sheegaya in talaabadan uu Madaxweyne Biixi soo wadaa ay iskugu jirto Isku-shaandhayn, Xil ka qaadis iyo Magacaabis taasi oo ay kasoo dhex muuqan doonaan rag miisaan culus ku leh Siyaasadda Somaliland kuwaasi oo intii hore Xukuumadda Madaxweyne Biixi dibad joog ka ahaa.Waxa uu Warku intaa ku darayaa in Madaxweynuhu uu xilka ka qaadi doono Wasiirro door ah iyo Agaasimeyaal, isagoo beddelkoodana Magacaabi doono. Sidoo kale waxa uu isku-shaandhayn ku samayn doonaa Gudoomiyayaasha iyo Agaasimeyaasha Hay’adaha Madax-bannaan ee Dawladda Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sida la sheegay waxa uu Golihiisa Xukuumadda kasaari doonaa liis uu si gaar ah diiradda ugu hayay, islamarkaana la sheegay inay iskugu jiraan Wasiiro door ah, Gudoomiyayaal iyo masuuliyiin kale kuwaasi oo qayb ku lahaa guuldarooyinkii Xukuumadda Madaxweyne Biixi kasoo gaadhay Doorashooyinkii Wakiiladda iyo Deegaanka islamarkaana faro madhan ka kala soo hoyday Deegamaddii ay kasoo jeedeen. Bulshada iyo dadka la socda Siyaasadda Somaliland ayaa si weyn ugu dhegtaagaya Nooca ay noqon doonto Isku shaandhaynta uu Madaxweyne Biixi soo wado iyo ragga uu dibada uga soo tuurayo Xukuumaddiisa, iyadoo sidoo kale aad looga dhursugayo Masuulka uu u Xulanayo Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland oo muddo lix bilood ah bilaa Wasiir ahayd kadib markii uu Wasiirkii Wasaaraddaaasi Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon uu iska casilay xilkaasi, kana mid noqday Xildhibaannada Cusub ee Golaha Wakiiladda Somaliland. Source
-
(SLT-Mudug)-Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah ku toogatay nin lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay Nabi Muxamed [NNKH]. Sida lagu daabacay warbaahinta Al Shabaab, Xasan Tooxow Fiidow oo lagu magacaabay Luglug ayaa waxaa lagu toogtay deegaanka Al-Ansaar ee gobolka Mudug. Xasan Luglug aha 87 jir, sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa, waxaa soo eedeeyay laba qof oo dadka degaanka ka mid ah kuwaas oo geeyay marqaatiyeyaal. Falkan toogashada ah ee laga fuliyay gobolka Mudug ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug ay howlgalo ay ugaga saarayaan dagaalamayaasha Alshabaab ay ka wadaan Koofurta gobolka Mudug. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa gabi ahaanba waxa ay hawada ka saartay oo ay albaabada isugu dhufatay in ka badan Lix xawaaladood oo Soomaalidu ku lahaayeen gudaha waddanka Itoobiya, sidoo kalena ay xabsiyada ku gureen dhammaanba masuuliyiintii xawaaladaaasi. Masuuliyiin u hadlay qaybta Booliska Baadhista dambiyada dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Federaalka Itoobiya lana hadlay Wakaaladda Wararka ee FANA ayaa sheegay in ay in ka badan Lix Xawaaladood oo ah kuwo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ahi lagu xidhay caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa iyo laamo kale oo ay dalkaasi ku lahaayeen kadib markii sida ay boolisku ku eedaynayaan ay xawaaladaasi ka ganacsayeen dambiyo ay dawladda Itoobiya ku sheegtay kuwo dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga ah iyaga oo ku eedeeyey in ay lacago u dirayeen una fudaydinayeen dhaqdhaqaaqyo dhaqaale jihooyin ay ku sheegeen argagixiso iyo kooxda Tigreega. Xawaaladaha ay Masuuliyiintani magac dhabeen waxa ka mid ahaa Xawaaladaha TAAJ, Jubba, AMAL, Tawakal iyo 24 Online. Koomishaneer Birhanu Ababe oo ah baadhaha guud ee dambiyada, ganacsiga iyo dhaqaalaha la xidhiidha ee Booliska Dawladda Federaalka Itoobiya oo ah sarkaalka u xil saaran wixii la xidhiidha dambiyada dhaqaalaha iyo ganacsiga ee qaybta baadhista dambiyada Booliska heer Federaal ee Itoobiya oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Fana waxa uu yidhi: “Xawaaladaha TAAJ, JUBBA, AMAL, TAWAKAL IYO 24 online ayay Dawladda Dawladda Itoobiya Albaabadda u laabtay, waxaanan xabsiga dhignay madaxdoodii. Waxa ay lacagaha ka saari jireen qaybta mooyaale iyo xagga Matame ee dalka Suudaan iyo dhinacan kale ee Wajaale qaybta Itoobiya. Waxaanu daba gal muddo ku haynay xawaaladahan waxaana noo caddaatay dambiyada waaweyn ee ay galeen. Waxaan la tiigsanaynaa sharciga. Waxa ay dhaqaale iyo lacago lagu burburinayo dalkayaga u dirayeen argagixisada kala duwan ee dalka Itoobiya dhibaatada ku haysa”. Ayuu yidhi Komishaneer Birhanu Ababe. Masuuliyiintani waxa ay warbaahinta u sheegeen in Lacagaha la soo diro in ay dibadda ku urursadaan, oo dalka Itoobiya gudihiisana nidaam sharci darro ah ku siiyaan lacagta, “Waxaanu gacanta ku dhignay iyo in ka badan 100 buug, akoonada bangiyada kala duwan ee ay isticmaali jireen. Kuwaasi oo xidhiidhsanaa min Wajaale illaa Addis Ababa. Waxa ay u adeegayeen argagixiso. Dhammaan waanu xidhnay xataa maamulayaashoodii ayaan xabsiyada dhignay walina baadhitaan iyo daba gal ayaanu ku wadnaa, sharciga ayaanu horgaynaynaa sida ugu dhakhsaha badan” sidaa waxa yidhi isna Sarkaalka saree e u badlay Booliska Federaalka Itoobiya. Ugu dambayn waxa ay saraakiishani xawaaladahan Soomaalida ku eedeeyeen in ay dhaqaale xaddi abdan ah ku urursadaan dibadda, gudaha dalka Itoobiyana ay uga shaqeeyaan nidaam baal marsan shuruucda lacageed ee Itoobiya taasi oo keenaysa bay yidhaahdeen in sharciga lala tiigsado dhammaanba masuuliyiinta xawaaladahaasi. Foore Source
-
(SLT-Hargeysa)-Warara ay warbaahintu heshay ayaa daaha ka rogay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ay ku kala aragti duwanaayeen Cidda noqonaysa Shirgudoonka Golaha Wakiiladda Somaliland oo maalin saddexaadkii lagu kala calaf qaaday. Inkasta oo aanay jirin warar rasmi ah oo arintani xaqiijinaya kaasi oo ku saabsan inay si cad ugu kala boodeen oo ay isku afgaran waayeen cidda ay Ka Xukuumad ahaan ku dhisayaan Shirgudoonka Golaha Wakiilada Cusub ee dhawaan lasoo doortay haddana Wararkan ayaa sheegaya inay jirto kala aragti duwanaashiyo u dhexdooda ah. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Iyo Ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici ayaa la sheegay inay si kala madax bannaan mid waliba dhankiisa uu u taageersanaa Cidda Shirgudoonka qabanaysa ee loo dooranayo. Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uu fursadan uga faa’iidaystay cadhadii uu ka qaaday Hogaankii Kulmiye ee la waydaariyay 2020-kii islamarkaana uu illaa Xubnihii Golaha Wakiiladda Gobolkiisa ama deegaamada uu kasoo jeedo ka tartamayay uu dhisayay Xubnaha Dhinaca Mucaaridka uga sharaxnaa. Arintan ayaa la sheegay inuu ka dhiganayay fursad uu awoodiisa ku tusinayay Madaxweyne Biixi oo markii hore u arkayay in Saylici uu Gobolka Awdal kaga awood roon yahay Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamud Xasan Sacad “Saajin” kaasi oo uu kasoo dhawaystay Saajin. Wasiir Saajin ayaa doorashadii dhawayd ku fashilmay, islamarkaanna ay aad isku badeshay aragtii uu Madaxweyne Biixi ka haystay. Sikastaba ha noqotee, waxa si weyn u soo shaac baxay in Madaxweyne Biixi iyo Ku xigeenkiisa Saylici ay ku kala aragti duwanaayeen cidda loo xulanayo Hogaaminta Golaha Cusub ee Wakiilada Somaliland oo ay si weyn ugu loolamayeen Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon iyo Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif, taasi oo la sheegay inuu Madaxweyne ku Xigeenku dhisayay Cabdirisaq Khaliif oo aakhirkii ku guulaystay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland. Source
-
(SLT-Kabul)-Kooxda Taalibaan ayaa wacad ku maray inay weerarro dheeri ah la beegsaneyso madaxda dowladda Afghanistan, maalin kaddib markii wasiirka gaashaandhigga dalkaas uu ka badbaaday isku day dil, iyagoo sheegay in dagaalkoodu ku wajahanyahay sidii ay ula wareegi lahaayeen magaalooyin badan oo go’doonsan. Weerar loo adeegsaday bam iyo rasaas oo lagu qaaday Wasiirka Difaaca Bismillah Mohammadi habeenimadii Salaasadii ayaa markii ugu horreysay muddo bilooyin ah sababay dagaal ka billowday magaalada caasimada ah. Laakiin dagaalku wuxuu ka socday baadiyaha tan iyo bishii May, markii ciidamada shisheeye ay billaabeen heerkii ugu dambeeyay ee ka bixitaanka oo lagu wado in la soo afjaro dabayaaqada bishan. Ciidamada Afghanistan iyo kuwa Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha cirka ee ka dhanka ah muqaawimada Taaliban, waxaana kooxdani ay sheegtay Arbacadii in weerarka Kabul uu yahay jawaabta weerarradaas. “Weerarkani wuxuu bilow u yahay hawlgallada aargoosiga ah ee ka dhanka ah kooxaha iyo hoggaamiyeyaasha maamulka Kabul ee amra weerarada iyo duqeynta meelo kala duwan oo dalka ah,” ayuu afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ku yiri war uu ku soo qoray baraha bulshada. Ciidamada Afghanistan ayaa iska caabbiyey kooxihii soo qaaday weerarka lagu bartilmaameedsaday wasiirka, laakiin afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Mirwais Stanikzai ayaa sheegay in siddeed qof ay dhinteen, tiro intaas ka badanna ay dhaawacmeen. Hanjabaadda Taalibaan ayaa timid kaddib markii militariga Afghanistan ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen koonfurta magaalada Lashkar Gah, halkaas oo Taalibaan ay ku soo qulqulayeen. Ciidanka Afghanistan wuxuu sheegay in markii ay billaabatay duqeynta diyaaradaha in 200,000 oo qof oo magaalada ku nool ay ka guuraan Salaasadii, waxaana Saleh Mohammad oo ka mid ah dadka deegaanka uu sheegay in boqolaal qoys ay ka qaxeen magaaladaas. “Ma jirto waddo aan uga baxsan karno aagga dagaalka, sababta oo ah dagaalku wuu socdaa. Ma jirto wax dammaanad ah oo aan u heysanno inaan jidka nalagu dili doonin,” ayuu yidhi Mohammad. AFP Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada guddoonka guddiga doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi ayaa la filayaa inay Sabtida ka dhacdo xerada Afisyoone, si loo mideeyo labada garab ee guddiga ee la kala safan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. Si kastaba, garabka siyaasiyiinta gobollada waqooyi iyo Cabdi Xaashi ayaa diidan doorashadan, oo ay u arkaan in hoggaanka guddiga loogu gacan gelinayo garabka Mahdi Guuleed. Qoraal shalay kasoo baxay garabka Cabdi Xaashi ayey ku qaadaceen doorashada, ayaga oo caddeeyey inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaaray kulamadii ay la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble. Muxuu Cabdi Xaashi u diidan yahay doorashada? Doorashada ayaa ah mid Rooble uu doonayo inuu hoggaanka guddiga ugu gacan geliyo Mahdi Guuleed iyo madaxweyne Farmaajo Guddiga ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble. Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya. Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan. Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub, oo la filayo inay ka dhacdo teendhada Afisyoone? Dhibaatada ugu weyn waxa ay ka taagan tahay; in Rooble uu soo magacaabay xubno aan dhex-dhexaad aheyn, ayada oo aan taas la xalinna ma iman doono xal. Waxaa jiray heshiis ay horey u gaareen Rooble iyo Cabdi Xaashi oo dhigayey in saddexda xubnood ee uu soo magacaabay aysan ka qeyb-gelin wax codeyn ah, maadaama aysan dhex-dhexaad aheyn, taasi oo Rooble uu diiday inuu fuliyo. The post Xog: Sababta rasmiga ah ee Cabdi Xaashi u diidan yahay qorshaha R/Wasaare Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Halkan ka Daawo Muqaalka Fadhigii Golaha Wasiirada S/land . Fadhigii 77aad Ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Lagaga Dooday Odoroska Miisaaniyadaha Sannadaha 2022 ilaa 2024 Fadhigii 77-aad golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wassaaaradaha, wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, horumarinta maaliyadda iyo deegaanka horumarinta reer miyiga. Waxaanu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha warbixin ka siiyey qorsheyaasha lagu dardar gelinayo nabadgelyada guud ee dalku halka ay marayso iyo dedaallada ay ciidamada kala duwan ee amnigu ugu jiraan sugidda amniga qaranka, iyada oo sidoo kale uu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibedda, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan oo golaha uga war bixiyey qodobbada uu ka kooban yahay buugga xogsidaha qaran (Country Profile) oo ay wasaaraddu soo diyaarisay loona qaybiyey nuqullo ka mida golaha wasiirradda. Goluhu waxa kale oo ay warbixin ka dhegeysteen wasiirka horumarinta maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo golaha warbixin ka siiyey oddoroska miisaaniyadaha 2022 ilaa 2024 iyo xaaladda dhaqaale ee dalka, isagoo wasiirku golaha la wadaagay saadaasha dakhliga iyo waxyaabaha mudnaanta la siinayo ee lagu kharash garaynayo, waxaana fadhiga lagaga wada hadlay xaaladda dhaqaale ee dalku ku sugan yahay wakhtigan. Intaa ka dibna Goluhu waxa uu dood guud ka yeeshay Oddoroska Miisaaniyadaha 2022 – 2024. Ugu danbayntiina goluhu waxa uu warbixin ka dhegeystay wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo golaha uga war-bixisey, dedaalada ay wasaaraddu sii kordhisay ee lagaga hortegayo Xaalufka deegaanka, gaar ahaan shidiska dhirta qoyan ee laga samaynayo dhuxusha oo maal-mahan dambe si sharci-darro ah oo xawli ah looga ganacsado iyo dedaallada Wasaaraddu ilaa hadda kaga hor tagtay ama ku joojisay xaalufinta lagu hayo deegaanka oo ay laba jibbaareen. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Qaran News
-
Wasiiru-dowlaha Waxbarashada dowladda Puntland, Cabdullaahi Xasan Rooble, oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Daljir ayaa si kooban uga hadlay dib u dhaca ku yimid sixidda imtixaanka shahaadiga ah ee 8-aadka. Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan duruufo kala duwan oo keenay, in aysan wasaaraddu weli dhammaystirin sixitaanka imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe ( 8-aadka), balse wuxu ka gaabsaday in uu faahfaahin intaas ka badan bixiyo. Wasiir Rooble ayaa u ballan-qaaday waalidiinta iyo ardayda, in la dhammaystiri doono sixitaanka Imtixaanka, islamarkaana la shaacin doono natiijadiisa, si ardaydu u bilaaban fasalka kowaad ee dugsiyada sare. Dhinaca kale, Wasiirka ayaa ka horyimid kordhinta lagu sameeyay lacagta laga qaado Ardayda wax ka barta iskoolada magaalada Garoowe, waxaana uu sheegay in go’aankaas dib u eegis lagu samayn doono. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka hadashay dib u dhaca imtixaanka Shahaadiga ah ee 8-aadka appeared first on Puntland Post.
-
Sidoo loo wajahay raadinta Raggii fuliyay weeraradii 1998 ee magaalooyinka Nairobi & Daru-salaam? XIGASHADA SAWIRKA,AFP 23 sano ka hor bishan oo kale waxaa dhacay labo weerar oo kooxo argagixiso ah ay mar qura ka fuliyeen magaalooyinka Nairobi iyo Daru-salaam ee dalalka Kenya iyo Tanzania. Maxaa laga garanayaa dadkii abaabulay qaraxyadaas, maxaase laga sameeyay raadintooda? Weerarradii dhacay bishii August ee sannadkii 1998-kii waxay gabi ahaanba baddaleen xaaladaha amniga ee gobolka geeska Afrika, waxaana la guda galay “dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada”. Qormadan waxaan ku eegeynaa waxa laga yaqaanno saddexda nin ee loo arko in ay ahaayeen dadkii ugu waaweynaa ee ka dambeeyay weerarradaas. 7-dii bishii August ee sannadkii 1998 ayay magaalooyinka Nairobi iyo Daru-Salaam gilgileen qaraxyo abaabulan oo lala eegtay safaaradaha uu Mareykanka ku lahaa labadaas waddan. Khasaare isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo burbur ayaa ka dhashay, Kenya iyo Tanzaniya na waxaa u furmay bog cusub. Wali waxaa muuqda astaamaha weerarradaas iyo garaafada dadkii ay waxyeellada ba’an kasoo gaartay. Weerarka Kenya waxaa ku dhintay 213 ruux, in ka badan 4,500 oo qofna way ku dhaawacmeen, halka Tanzania khasaaraha ka dhacay uu isugu jiray 11 dhimasho ah iyo 85 dhaawac ah. 12 ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen muwaadiniin u dhashay dalka Mareykanka. Ninka lagu tilmaamay inuu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarradaas wuxuu ahaa hoggaamiyihii Al-Qaacida, Osama Bin Laden, kaas oo sano kaddib la dilay. Waxaa kale oo jiray rag la tuhunsan yahay in ay mas’uul ka ahaayeen fulinta weerarradaas. Ka hor inta aannaan ka hadlin waxa laga yaqaanno saddexda nin ee lagu tilmaamay in ay fuliyeen weerarradaas, aan eegno dhacdooyinkii daba socday qaraxyadaas. 20-kii August, 1998-kii – Mareykanka ayaa gantaallo ku garaacay goobo lagu tuhunsanaa in ay joogeen dadkii weerarradaas geystay oo ku kala yaallay Afghanistan iyo Suudaan. 27-kii August, 1998-kii – Booliska Mareykanka waxay dacwad kusoo oogeen muwaadin u dhashay dalka Yemen oo lagu magacaabayay Maxamed Rashid Daaud al-‘Owhali, kaas oo lagu eedeeyay dilal iyo inuu ku lug lahaa weerarkii ka dhacay safaaradda Mareykanka ee Kenya. 28-kii August, 1998-kii – Booliska Mareykanka waxay dacwad ku soo oogeen Maxamed Sadiiq Odeh oo lagu eedeeyay dilal iyo inuu heystay hub sharci darro ah. Bishii September, 1998-kii – Nin lagu magacaabo Wadih el-Hage ayaa lagu qabtay magaalada Arlington, ee gobolka Texas. El Hage waxaa loo heystay inuu la shaqeyn jiray Bin Laden. 16-kii September, 1998-kii – Mamdouh Maxamud Salim, oo la sheegay inuu ahaa ninkii aasaasay Al-Qaacida, ayaa lagu xiray magaalada Munich ee dalka Jarmalka. Markii dambe waxaa loo gacan geliyay Mareykanka waxaana lagu oogay dacwad ku saabsan weerarradii safaaradaha Mareykanka. Marka laga soo tago dadkaas la xiray, saddex nin oo kale ayaa loo aqoonsaday inay ahaayeen raggii ugu muhiimsanaa ee abaabulay weerarradaas, kaddibna ka fuliyay Nairobi iyo Daru-Salaam. 1- Fazul Abdullah Mohammed Fazul Cabdullah Maxammed, oo ahaa hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacidada Bariga Afrika, ayaa lagu tilmaamay eedeysanaha ugu weyn ee lala xiriiriyay weerarradii Kenya iyo Tanzania. Sannadkii 2011-kii ayaa lagu dilay is rasaaseyn ka dhacday bar-koontorool oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka, Hillary Rodham Clinton ayaa tidhi: “Geerida Fazul waxay dhabar jab weyn ku tahay Al-Qaacidda iyo howlaheeda Bariga Afrika.” Fazul Cabdallah, oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii sida weyn loo doon doonayay ee gudaha qaaradda Afrika wuxuu Mareykanka madixiisa dul dhigay $5 milyan oo doolar, oo loo ballan qaaday qofkii soo gudbiyay macluumaad horseedi kara in lasoo qabto ama la dilo. Askar ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa rasaas ku furay gaari uu saarnaa Fazul, iyagoo ka jawaabayay rasaas looga soo furay dhanka kale, halkaasna waxaa kula dhintay qof kale oo la tuhunsane ahaa. Ninkaas wuxuu ahaa shakhsi dhuumaaleysiga yaqaannay, wuxuuna aqoon u lahaa dhowr luuqadood. Waxaa la aaminsan yahay inuu gacan ka geystay xeeladaha ay Al-Qaacidda ku timid gobolka iyo ficillada ay ka fulinaysay, sida qaraxyada ismiidaaminta ah, miinooyinka lagu aaso waddooyinka iyo adeegsiga maleyshiyaadka ajaanibta ah ee gudaha Soomaaliya. Sida laga soo xigtay saraakiisha Soomaalida iyo Mareykanka, wuxuu lacago ku bixiyay in waxyaabaha qarxa la geeyo Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu maalgalin jiray dhaqdhaqaaqyada waddanka lagu soo galinayay shakhsiyaad argagixiso ah oo laga keenay dalalka Afghanistan, Pakistan, Chechnya iyo xitaa Mareykanka. Abu Anas al-Libi Bishii October ee sannadkii 2013-kii, oo ahayd 15 sano kaddib markii ay dhaceen weerarradii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa ee laga fuliyay safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania, ayuu Abu Anas al-Libi, gaarigiisa dhigtay waddo buuq yar oo ku taalla caasimadda dalka Liibiya. Xoogaa yar kaddib, ciidamada khaaska ah ee Mareykanka oo hubeysan ayaa xoog ku saaray gaari kale, wayna la baxsadeen. Waxay durbadiiba saareen markab taagnaa badda Mediterranean-ka, ka hor inta aysan u sii gudbinin magaalada New York. Waxaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu gacan ka geystay dilka 224 qof, oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah, iyo dhaawaca in ka badan 4,500 oo ruux. Laakiin Al-Libi, oo beeniyay falalka lagu eedeeyay, ma uusan noolaanin ilaa inta laga gaarayay dhageysiga dacwaddii lagu qaadayay oo ku waqtiyeysneyd 12-kii bishii January ee sanadkii 2015-kii. 2-dii isla bishaas ayuu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada New York, wuxuuna u dhintay xanuun la xiriira beerka oo laga baddalay. Da’diisu waxay markaas ahayd 50 sano. Al-Libi, oo ar ay hay’adda FBI-da Mareykanka madixiisa dul dhigtay $5 milyan oo doolar, wuxuu qabay cagaarshowga noociisa “C” marka lasoo xirayay. Magaca Al-Libi, oo micnihiisa luuqadda carabiga uu yahay “ninkii u dhashay Liibiya”, wuxuu ahaa naaneystiisa. Magaciisa dhabta ah waxaa la dhihi jiray Nazih Cabdul-Xamed al-Ruqaa’i. Dacwad oogeyaasha Mareykanka ayaa sheegay in al-Libi uu ku jiray koox ka tirsan madaxda Al-Qaacidda oo amar ku bixisay weerarro ay fuliyeen oo uu ka mid ahaa kii Mareykanka lagu qaaday September 11, 2001. Wixii markaas ka horreeyay, weerarkii ugu xumaa ee ay Al-Qaacidda u geysteen Mareykanka wuxuu ahaa kii dhacay 7-dii bishii August ee sanadkii 1998-kii, kaasoo lagu beegsaday safaaradaha Nairobi iyo Daru-Salaam. Khalid al-Fawaaz Ninkan wuxuu taageere u ahaa Osama bin Laden, waxaana lagu helay dambi ku saabsan inuu qorsheeyay weerarradii Al-Qaacida ay ka fulisay safaaradaha Mareykanka ee Bariga Afrika, oo lagu dilay 224 qof. Khalid al-Fawwaz, oo ahaa muwaadin u dhashay Sacuudiga, waxaa bishii February ee sannadkii 2015-kii xukun ku ridday maxkamad uu fadhigeedu yahay agaalada New York. Dhageysiga dacwaddiisa wuxuu socday saddex maalmood. Sannadkii 2012-kii ayaa laga qaaday UK waxaana loo gudbiyay Mareykanka, si loogu maxkamadeeyo. Al-Fawaaz, oo markaas ahaa 52 sano jir waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa afhayeenkii bin Laden ee London. Waxaa lagu qeexay inuu ka mid ahaa shakhsiyaadkii uu aad ugu kalsoonaan jiray Bin Laden, taageerada weynna u hayay, xitaa waxaa lagu tilmaamay inuu u ahaa la taliye. Mid ka mid ah howlaha loo igmaday waxay ahayd inuu warbaahinta u gudbiyo hanjabaadaha bin Laden ee ka dhanka ah Mareykanka, si caalamka loo gaarsiiyo. Saddexdaas nin waxaa loo aaminsan yahay inay ka war qabeen qaabkii loo qorsheeyay iyo qaabkii ay u dhaceen weerarradii Kenya iyo Tanzania laga fuliyay 1998-kii. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Israel ayaa maanta sii xoojisay duqeymo cirka ah oo ay ku qaaday dalka Lubanaan, ayada oo sheegtay inay ka jawaabeyso gantaallo halkaas looga soo tuuray toddobaadkan. War-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Israel ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka ay weerareen goobo gantaallada looga soo tuuray dhowrkii maalmood ee tegay, iyo goobo cusub oo horey Israel looga soo weeraray. Ciidamada ayaa ku eedeeyey dowladda Lubnaan weerarka, waxayna ka digeen “Isku dayo kale oo lagu waxyeeleynayo shacabka iyo madax-banaanida Israel.” Weerarada cusub oo xaaladda kasii daraya ayaa imanaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo kacsan. Dowladda isbaheysiga ah ee Israel oo ka kooban sideed xisbi ayaa isku dayeysa inay ilaaliso xabad-joojin aan cago adag ku taagneyn oo lala galay kooxda Xamas ee maamusha Gaza, taasi oo soo geba-gebeysay dagaal socday 11 maalmood, bishii May. Dhowr dhacdo oo ka horeeyey gantaallada toddobaadkan laga soo tuuray Lubnaan ayaa diiradda saaraya xuduudda waqooyi ee Israel, islamarkaana Mareykanka ayaa si deg deg ah u cambaareeyey weerarada lagu soo qaaday Israel. Taleefishinka Al-Manar oo ay leedahay kooxda Xizbullah ayaa weriyey duqeymaha Israel, qiyaastii 2:00 AM, wuxuuna intaas ku daray inay ku dhaceen goob banaan oo ku taalla xaafadda Mahmoudiya ee degmada Marjayoun. Avichai Adraee, oo ah afhayeenka luuqadda Carabiga ku hadlay ee ciidamada Israel, ayaa sheegay in dowladda Lubnaan ay mas’uul ka tahay waxa ka dhacaya dhulkeeda, wuxuuna ka digay weeraro kale oo Israel looga soo qaado Koonfurrta Lubnaan. AP+VOA The post Israel oo sii xoojisay weerarka ay ku qaaday Lubnaan iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Shirka Madasha Bangiyada Islaamiga ah oo muddo labo maalmood ah ka socon doona Garoowe. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shirweynaha Bangiyada, wuxuuna rajeeyay in hadii siwanaagsan loo hagaajiyo nidaamka Bangiyada dalka in dalku horumar fiican uu gaari doono. Wuxuuna la wadaagay madaxda Bangiyada ee Shirka ka qeybgalaysa in Dowladda Puntland ay ahmiyad gaar ah siisay horumarinta maalgashiga iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka. “Bangiyada waxaan rajeynaynaa inay maalgashi u sameeyaan dhallinyarada iyo fursadaha ganacsi ee ay sameyn karaan, Dowladd ahaana diyaar baan u nahay inaan idinkala qeybgalno, xagga la fududeynta in damaanada ” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Shirweynaha Bangiyada Islaamiga ah ee Soomaaliya oo ay ka qeybgalayaan illaa 10 Bangi oo ka kala yimi guud ahaan Soomaaliya oo dhan, waa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Soomaaliya, waxaana kasoo qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Madaxda Bangiyada iyo Khuburo ku takhasustay dhaqaalaha adduunka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ka daah-furay Shirka Madasha Bangiyada Islaamiga ah appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Itoobiya ayaa guullo militeri ka sheegatay jabhadda TPLF oo muddooyinkii la soo dhaafay ay kula jirtay dagaallo xooggan. Ciidamada difaaca Itoobiya ee ku sugan gobalka Amxarada ayaa sheegay in ay iska caabiyeen guluf ka tirsan ciidamada TPLF oo gobalka qeyba ka mid ah dagaal ku soo qaaday . Deeganada Maytebri, Telemet oo ka wada tirsan gobalka Amxarada ayaa la sheegay in ay weerar ku soo qaaden ciidamada Junta. Taliyaha Qeybta 31 -aad ee Ciidanka Difaaca, Korneyl Jemal Kedir, ayaa sheegay in ay ciqaab adag marsiiyeen ciidamadi soo weeraray isagoo yiri “ciidanka Junta si adag ayaa loo ciqaabay.” Toddobaadkii hore ayaa la sheegay in kooxda TPLF lagaga adkaaday gobolka Canfarta ee Itoobiya waxaana la sheegay in ay meydadka dagaalka kasoo daabuli jireen gobolka Tigreega. TPLF ayaa sidoo kale dhankeeda sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ay waddo ee ka dhanka ah dowladda Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareen (Caasimada Online) -Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa in shalay gelinkii dambe nin da’ah ay ku toogtay fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Toogashada ayaa waxaa fuliyey xoogag ka tirsan Al-Shabaab, waxaana goobta ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan kooxda iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi. Al-Shabaab ayaa ku eedeysay ninka la toogtay oo da’diisu ay aheyd 87 sano jirin ‘inuu aflagaadeeyey’ Nabi Maxamed naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha’ahaatee. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Tooxow Fiidow oo loo yaqaanay (Luglug), wuxuuna ku noolaa deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud. Maxkamadda Al-Shabaab ee xukuntay marxuumka ayaa shaaca ka qaaday in caddeymo iyo sidoo kale marqaatiyaal lagu helay, sidaasna lagu dilay. Sidoo kale ninka da’da ah ee la toogtay ayaa la sheegay inuu ka sheekeeyey taariikhda Idaacadaha ku yaalla Soomaaliya, balse marka la weydiiyey abtirsiga Nabi Maxamed (NNKH) uu ku jawaabay “Marka aan baranayo abtirsigiisa ma aniga ayaa dhalay, ma aniga ayaa habartiis ka dhalay,” kadib garsooraha ayaa ku dhawaaqay in falkaasi ay u arkaan mid ‘Diin ka bax ah’, isla-markaana yahay xad riddo ah, sidaas daraadeedna lagu xukumay dil. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal ka fulisa deegaanada ay maamusho ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Si kastaba dilkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay Al-Shabaab ku fuliso ruux ay sheegeen inuu aflagaadeeyey Nabiga naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha’ahaatee. The post Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay nin ‘aflagaadeeyey’ Nabi Maxamed (NNKH) appeared first on Caasimada Online.
-
Madrid- Prof Xavier Gutherz ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay qiimeeyaan kuna xushmeeyaan halyey Maxamed Cabdi Cali sahamintiisa iyo helitaanka Aasaarta Laas Geel, oo Geeska Afrika ugu mudan, caalamka qiimaha ku leh, oo weli u taagan ilaalinta dhaxalka iyo dhaqanka taariikhda Somaliland. Prof Gutherz, oo hogaaminayey khubaradii caalamka gaadhsiisay jiritaanka iyo taariikhda muuqaalada ku xardhan Laas Geel oo faahfaahin ka bixinaya siduu ku yimi Somaliland ayaa ku bilaabay warbixintan uu wargeyska LaVanguardia oo dalka Spain ka soo baxa sabtidii ku bilaabay. “Waxu difaac weyn u yahay ilaalinta dhaxalka dhaqanka & taariikhda dalkiisa, oo mudan yahay in lagu qiimeeyo sahaminti 2000 ee Laas Geel & dheeraad aasaarta Somaliland.” Warbixin dheer oo Gutherz kaga hadlay siduu ku bilaabay Maxamed Cabdi Cali, khabiir is-baray aqoon, jaamacad la’aan- helitaanka aasaarta qadiimiga ee muhiimsan Geeska Afrika ee Somaliland ku taal, iyo siduu ku helay Maxamed Cabid ayaa yidhi, “Wuxuu safar u xidhxidhay isagoo kalsooni qaba. 21 sannadood horteed, Maxamed Cabdi Cali waxuu ku qaatay shandad dhabarka oo weysadiisa biyeystay. Waxuu bilaabay inuu dhexlugeeyo dhulka miyi iyo magaalo ee dalkiisa, Somaliland. Wuu helay hadafkiisii habeen madow, isagoo dab kulaalaya, waxaanu sannadkii 2000 Maxamed, helay Laas Geel, oo ah godad ay ku xardhan yihiin muuqaalo la sameeyey 500 sannadood horteed, ee ugu muhiimsan Geeska Afika.” Waxaanu sii raaciyey: 23 goobood oo dhagxaan qadiimi ah oo ku taal buur dhererkeedu yahay 950 mitir, oo ku taal lama-deegaanka u dhexeeya Berbera & Hargeysa, waxa ku yaala 350 xabaalo muhiim ah oo ay ku aasan yihiin meydad, alaabooyinkii hore isticmaali jireen oo laga joogo muddo 5 kun oo sannadood ah. Dadku waxay ka aaminsan yihiin mucjisooyin. Dadka reer miyiga ee deegaanka ku nool waxay u yaqaaniin in muuqaalada uu JIN sameeyey, taasoo cabdisa awoowayaashooda keentay ilaa wakhtigan in aagaga muuqaalada dadku ka fogaadaan oo go’doon yihiin. Markii da’diisu ahayd 60 jir, Maxamed wuxuu xusuustaa sida uu ugu faraxsanaa helitaankiisa. “Ma aaminsani, waxaan dareemay dareen weyn. Isla markiiba waxaan gartay qiimaheeda iyo in tani ay tahay dhaxalkayga. Ilmadii indhaha ayaan iska masaxay, oo muuqaalada ku xardhay buugayga xusuus-qorka. Waan la yaabanaa-laakiin waxaan dareensanaa inaan arrinkan si taxaddar leh u maareeyo, xogteedana dhowro, cidna umaan sheegin, waxaan qarinayey muddo laba sannadood ah, Maxamed waxuu bilaabay inuu qoraalo iyo fariimo la xidhiidha aasaarta qadiimiga la wadaago khubaro Talyaani iyo Faransiis ah oo ka shaqeeya dalalka jaarka sida Itoobiya iyo Jabuuti, si ay aqoontan baadhitaankeeda qeyb uga noqdaan. Hawl sahlan ma ahayn. Laba sannadood ka dib, 2002, ayey kooxdii ugu horeysay oo dalka Faransiiska u dhalay soo gaadheen dalka, iyagoo shaki kaga jiray xogta Maxamed u gubiyey, balse waxay qaadeen talaabadii Laas Geel caalamku ku ogaaday. Xavier Gutherz, oo ahaa hoggaamiyahii kooxda, wakhtigana hawlgab, oo dib u milicsanayey doorkii muhiimka ahaa Maxamed ‘Furahii Aasaarta) ayaa yidhi “Ahmiyaddiisu aad bay u weynayd, laakiin kuma ekayn Laas Geel oo keliya: balse dhammaan goobaha ugu waaweynaa ee aasaarta qadiimiga Somaliland, ugu muhiimsanaa, ayuu ogaaday. Wuxuu had iyo jeer u hawlgalaa si fudud, uguna socdaalaa daafaha geyigiisa, isagoon aqoon wakxbarasho u lahayn cilmiga Aasaarta, balse muu noqon khabiir ku xeel-dheer cilmiga aasaarta, bals ewaxuu bartay dhaqanka iyo caadooyinka deegaamada uu maro. “Waxu difaac weyn u yahay ilaalinta dhaxalka dhaqanka & taariikhda dalkiisa, isla markaana mudan yahay in lagu qiimeeyo helitaanka Laas Geel 2000 & dheeraad aasaarta Somaliland..” ayuu yidhi Xavier Gutherz. Maxamed oo ah aabe dhalay sagaal carruur ah ayaa hawo sahamin ay haysaa, isagoo koodhkiisa duuga ah xidhan iyo koofiyadiisa cadceeda aanu ka maarmin. Waxuu degdeg miiska u soo saaray khariidado goobaha aasaarta dalkiisa oo u gacantiisa ku sameeyey, waxaanu xariiq qiyaasteeda uu yaqaano isaga talaabinayaa boqolaal goobaha qadiimiga ku yaal dalkiisa ee uu helay. Waxuu si kalsooni leh u soo saaray qoraalo uu ka helay khubaro caalami ah, sida mid ka timi koox dalka Spain oo u hogaaminayey Dr. Alfredo González Ruibal, oo bogaadin ah, una dhignayd: “Doorka Mr. Maxamed oo ah khabiir & Sahamiye ku takhasusay goobaha aasaarta ayaa lagama maarmaan u ah gaadhitaanka ujeeddooyinka mashruuca maadaama uu leeyahay aqoon gaar ah, xog buuxdana ku hayo goobaha taariikhda qadiimiga ah ee Somaliland ”. Wiil uu dhalay nin milateri ah iyo hooyo kalkaaliye caafimaad oo u weyn toban walaalo ah, Maxamed wuxuu aad u jeclaa cilmiga barashada aasaarta qadiimiga, xilligii yaraantiisi, waxuu abaal u haya adeerkii, oo u ogolaaday inuu la qodo qabuuraha qadiimiga qaarkood. Ilaa wakhtigaa, waxuu wakhtigiisa u huray sahaminta dalkiisa. “Sahaminta Aasaartu dhiigga ayey igaga jirta, waana himilo iyo hafad micno u sameeya noloshayda”, ayuu qirtay Maxamed In kastoo Somaliland aanay si weyn aqoonsan muhiimadiisa & dal la tacaalaya caqabado siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale! Maxamed, oo hagaajisanaya xadhkaha kabahiisa buudhka, iyo koofiyadiisa xadhigeedu garbaha ka laalaado boodhka ka tumaya, ayaa aamusnaan muddo ka dib waxuu yidhi ‘waxaan dareemayey mudnaan gaar xilligii daahfurka”, laakiin, wax walba waxa ka muhiimsan ogaanshaha talaabooyinka lagu ilaalinayo. “Waxaan ogaaday waxyaabo qarsoonaa, oon cidna baran aqoontooda, balse werwerka iigu weyn waa hanaankii ilaalintooda. Wali waynu haysanaa wakhti aynu lumitaan ka ilaalino”. Source