-
Content Count
212,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in saddex ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay raadinayaan ka mid noqoshada xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya. Xogta ayaa tilmaameysa in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ay doonayaan kamid noqoshada Golaha Shacabka. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa todobaadkaan la kulmay odoyaasha beesha Agoonyar, waxa uuna weydiistay kursiga iyadoo la sheegay in shanta oday ee beesha ay si buuxda u ogolaadeen kursigaas, ayada oo lagu wargeliyey in haddii uu doonayo aanay jirin cid kula tartami karta. Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo sida la sheegay Shariif abaal weyn u haya, una ixtiraama sida aabihiis oo kale, kaasi oo aan tartan la gali doonin madaxweynaha. Sababta ugu weyn ee Sheekh Shariif uga mid noqonaya Golaha Shacabka ama u raadiyay ayaa lagu sheegay laba qodob oo kala ah, in marka hore uu kursigaan kaga difaacayo madaxweyne Farmaajo oo u rabo wasiirka amniga Soomaaliya, iyo marka labaad oo la sheegay in loogu raadinayo xasaanad uu kaga badbaado qalalaase kasta oo uu wajaho. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sanadihii la soo dhaafay la kulmay dhowr weerar oo kaga yimid dhinaca dowladda waxaana la sheegay in haddii uu ku guuleesto tartanka xilka Madaxweynaha uu iska casili doono xilka xubinimada Golaha Shacabka. Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu odayaasha beeshiisa kala hadlay inuu isku sharxayo xildhibaan, waxaana wararka ay sheegayaan inaysan weli ogolaan, mana cadda halka ay ku dambeyn doonto. Dhanka kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa uu rabitaankiisa weli ku kooban yahay isaga, mana jirto cid ka tirsan odayaasha beesha Habar Cayno oo uu kala hadlay. Rag badan oo kamid ah Musharaxiinta Mucaaradka ah ayaa hada raadinaya kuraas baarlamanaa, waxaana sababta ugu weyn lagu sheegay inay doonayaan xasaanad. The post Xog: Qaar musharaxiinta madaxweyne ka mid ah oo raadinaya kursi xildhibaan appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta kulankoodii u horreeyay ku yeelanaya xarunta Baarlamanka Hargeysa. Baarlamanka Somaliland ayaa sida qorshaysan isla maanta dooranaya Guddoonka Golaha Wakiilada oo ka kooban Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka kowaad iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad. Murashixiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland, waxa ugu cad-cad Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland, islamarkaana ka soo jeeda Gobolka Sool. Yaasiin Faratoon ayaa ka sharraxan xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, wuxuuna tartan adag kala kulmi doonaa Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka sharraxan xisbiga Waddani. PUNTLAND POST The post Yaa loo saadaalinaya doorashada Guddoonka Baarlamanka Somaliland? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Hambalyo iyo farxad la wadaagay Bulshada reer Puntland Xafladda sanad-guurada 23-aad ee aasaaska Puntland. “Waxaan ugu hambalyeenaya Shacabweynaha Puntland Munaasabadda 1-da August oo aynu u dabaaldegayno 23-guuradii kasoo wareegatay marku aynu Puntland dhisnay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Sare iyo Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo marti sharaf isaga yimi dalka iyo dibediisa. Munaasabadda ayaa abaalmarin lagu guddoonsiiyay madaalayaasha ka shaqeeyay Mashaariicda ugu waaweyn ee Puntland laga hirgeliyay, kuwaasi oo kala ah Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo iyo Guddiga Dhismaha ee Dekadda Garacad. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa la dhisay 1998, 23 sano Dowladdnimada Puntland waxay hirgelisay Maamul wanaag, Nabad, horumar iyo Amni iyo dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Munaasabada Xuska Kowda Agoosto oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa maanta la filayaa inay ka dhacdo doorashada guddoonka golaha wakiilada maamulkaasi, taas oo ah mid xiiso leh, isla-markaana ay isku hayaan xisbiyada Kulmiye, Wadani iyo Ucid. Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan ka socota Hargeysa, waxaana lagu soo warrmayaa in goordhow shirka golaha uu ka furmay magaaladaasi Kulankan oo ay soo xaadireen 81 Mudane ayaa waxaa lagu dooran doonaa guddoomiye, ku xigeenkiisa koowaad iyo labaad, taas oo uu muran ka taagnaa maalmihii lasoo dhaafay. Wararka ayaa sheegaya in marka hore xildhibaanadu ay cod gacan-taag ah ku dooranayaan gudoomiyaha waxaana ku taramaya Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo metalaya xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka socda Xisbiga Wadani, isla markaana garab ka helaya Ucid, iyada oo cod dheeri ay ku kala bixi doonaan. Sidoo kale doorashada guddoomiyaha cusub, kadib ayaa waxaa la sii amba qaadi doonaa doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha wakiilada Somaliland. Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ah xubno ka socda xukuumadda iyo sidoo kale guddoonka xisbiyada mucaaradka Wadani iyo Ucid. Ammaanka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in aad loo adkeeyey, isla-markaana meelaha muhiimka ee Hargeysa la dhigay ciidamo Boolis ah, si loo adkeeyo amniga. Somaliland ayaa horey waxaa uga dhacday doorasho taariikhi ah oo isugu jirtay tan golaha wakiilada iyo sidoo kale mida goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka maamulkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka golaha wakiilada Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
WHAT IS ETHIOPIA? WHO ARE ETHIOPIANS? The Abyssinian Aksumites (Amhara and Tigre living at Axum or Aksum town founded in the first century of A.D) first identified themselves as Ethiopians in the 4th century of A.D during reign of Ezana. So, Amhara land and Tigre land in the North are together called Ethiopia. Only Abyssinians [Amhara and Tigre – known also as Habesha peoples of Semitic ethnic group] are Ethiopians. The rest of the people in Ethiopia are not Ethiopians but they are Cushitic peoples. Cushitic peoples were forced to claim Ethiopia and Ethiopians after Abyssinians under King Menelik II conquered and annexed them and their lands in 1889 even though mass-killings by Abyssinian invasion started with Oromo people in the Ethiopian highlands beginning 1850. Amhara believes that they are of superior race and they own Cushitic peoples and their lands claiming that they inherited them from their forefathers like cattle. Watch these Amhara clips claiming arrogantly that they have no negro blood, they came originally from Asia and they are superior to other Ethiopians: https://www.facebook.com/jigjigaonline/videos/820821738490847/ Amhara people believe that they are not Africans but came over to the Horn of Africa from the Middle East in ancient times. They also believe that they own Ethiopia and Ethiopians exclusively as cattle that they inherited from their forefathers even if they claim they came from the Middle East. Because of that false mentality, Amhara becomes the least liked ethnic group in Ethiopia. For outsiders, Ethiopia was a great empire more civilised and more advanced than the rest of Africa. An empire never colonized by Europeans when the rest of Africa became inevitable prey to European scramble for partition to colonise the continent brutally for cheap labour and raw materials. That is the false history of Ethiopia made by Abyssinians to cover up their colonial occupation of Cushitic peoples and their lands. But for insiders, Ethiopia is a country whose history is of invasions, conquests, violent annexations, massacres, genocides, repressions, oppressions, destructions, displacements etc inflicted on Cushitic peoples (Oromo, Somalis, Afar, Benishangul-Gumuz, Gambela, Wolayta and SNNAPR etc shown in the map) by the invading Abyssinians or Ethiopians, particularly by Amhara kingdoms, for over 170 years. That is the true history of Ethiopia that Abyssinians want to hide it from the outside world. Such humiliating subjugation and black colonial occupation of Cushitic peoples imposed by Abyssinians resulted in creating deep hostility, bitterness and hatred between Abyssinians (the dominating minority) and Cushitic peoples (the dominated majority peoples). The gathered resentment, anger and hatred over long-time of injustices, atrocities and brutalities by Abyssinians against Cushitic peoples resulted, as historical consequences, in the uncontrollable explosive civil wars in Ethiopia today. Cushitic peoples at the head of Oromo people, the biggest ethnic group in Ethiopia, believe that it is their unchallenged chance to rule Ethiopia as both Amhara and Tigre failed Ethiopia for their long-time brutal, abusive kingdoms and repressive, oppressive governments. The West should not support unilateral government declared by TDF to avoid endless bloodbath between Cushitic peoples and Abyssinians in future considering the unique sad history of Ethiopia. Change of Ethiopia name is recommended for country name that all maybe satisfied with. But if coexistence among Ethiopian ethnic groups becomes difficult and interethnic civil wars become rampant, frequent and persistent with no hope of accepting one another, then it is reasonable to support them go on their separate ways for self-determination to have independent republics taking article 39 of Ethiopian federal constitution in order to have peace and stability instead of having perpetual bloodshed, gun violence, massacres, ethnic cleansing, displacement, fleeing, influx of refugees, instability etc in the Horn of Africa. #Ibrahim Hassan Gagale ibrahim_hg@yahoo.com Qaran News
-
Claims of favouritism have marred Somalia’s senate elections after outspoken opposition politicians were elbowed out of nomination lists in Jubbaland and South West states. Jubbaland voted last Thursday, electing four of eight senators in a vote that saw two prominent candidates drop from the race at the 11th hour. In that race, outgoing senators Faduma Sheikh Dahir ‘Gerio’ and outgoing Deputy Speaker of the Senate Mawlid Hussein Guhad were locked out of the candidature in spite of their protests. Protest And the claims favouritism were louder on Monday as South West prepared to hold elections for five of its eight seats. South West President Abdiaziz Hassan Mohamed, also known as Laftagareen, omitted the names of two prominent senators from the list of contenders, effectively meaning they won’t defend their seats. When he tabled the five candidates to the local legislative assembly for the vote on Sunday, he said it was balanced. But two outgoing senators—Ilyas Ali Hassan and Hussein Sheikh Mohamud—who had been omitted, protested. The two leaders belong to opposition parties and complained immediately that their seats had been targeted to ensure only those allied to Laftagareen are elected. Hassan is the Secretary for Foreign Affairs of opposition party Himilo-Qaran, led by former President Sharif Sheikh Ahmed, while Mohamud is a senior member of the UPD party led by another ex-President Hassan Sheikh Mohamud. Moments after the list was tabled, Hassan wrote on Twitter than he will only stand for “democracy, sovereignty and development” of Somalia, rejecting the nomination lists. Under Somalia’s electoral laws, federal presidents of the five states nominate candidates who are then endorsed by the local parliaments in the states. Each of the five states has a specified number of seats to fill in the Upper House, often based on an arrangement known as 4.5 for clan representation. But while the law presumes the selection is based on merit, those thrown out think favouritism has played a role. Hassan protested that his association with ex-President Ahmed had made him and his sub-clan the sacrificial lamb, arguing there had been no nomination from candidates from his clan. Laftagareen has argued that some of the seats will go to women in an attempt to elevate the status and representation of women. Hassan’s seat was given to a woman contender, but his clan protested that the candidates had been drawn from another group. Ayan Adan Abdullahi, seen as a favourite to take the seat, comes from Harin clan, leaving the Elay clan unrepresented. Mohamud of the Hadamo clan will be replaced by Somalia’s State Minister for Home Affairs Aden Abdinasir Hassan Aden who is from the same clan. “I believe that I have done everything for my country and the people…but it is not doubt that I bothered the oppressors. Everybody knows what has happened today,” Hassan wrote in a statement on Sunday. “I promise the people of Somalia that we will stand up for the democracy, sovereignty and development of Somalia.” Accusations However, Laftagareen was fighting social media accusations that the nominated the candidates are loyal to him and President Mohamed Farmaajo. Critics charged that some of those in contention were his relatives, claims his office denied on Monday. “Recent elections in Jubbaland and now in South West have shown just how wild favouritism can go in the whole election process,” said Adam Aw Hirsi, a Political Analyst in Somalia. “If the trend continues into the selection of the Lower House next month, we will witness the most sham election in Somalia,” he told The EastAfrican on Monday. The two federal states, which have been holding elections since last Thursday, were supposed to elect eight senators each. But each of the local state Presidents; Ahmed Madobe of Jubbaland and Laftagareen of South West, have chosen to nominate candidates for some of the seats, while delaying the vote for the other seats. The two state presidents are routinely on the opposite sides of the political divide, with the Jubbaland leader often opposing Farmaajo while Laftagareen plays in Mogadishu’s camp. Powers In this election, however, their powers to nominate candidates have come in handy to play a national political game, seen as centred around pro or anti-Farmaajo, Aw Hirsi said. Though the President is normally elected in a joint seating of the Upper House and Lower House, having more senators in a candidate’s camp grants the candidate one foot in power. It means that each of the five federal state presidents—Jubbaland, South West, Galmudug, Hirshabelle and Puntland—could still nominate only those that toe the line. South West, Galmudug and Hirshabelle MPs have traditionally voted in favour of Farmaajo. There may be risks, however, that such a plain manoeuvre to safeguard the vote could contribute to the overall blot on the much-delayed elections. “The sham senatorial election in Kismayu, Jubbaland, sets bad precedence for the other regional states and national leaders to hold hoax elections driven by nepotism, patronage and unembarrassed [sic] favouritism,” claimed Dr Abdullahi Hersi, a Somali Researcher on peace and security. Madobe, however, dismissed the claims, saying there had been a contest. Senators are usually elected by local legislators in the federal states under the watch of the local electoral commission in conjunction with the federal polls team. Jubbaland elected four senators—Ilyas Badal Gabose, Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag, Abdirizak Mohamed Osman and Iftin Hassan Iman. But Fartaag and Iman got easy victories when their opponents pulled out of the race and others were locked out. Mursal Khalif, Jubbaland’s Minister for Planning and International Cooperation, said the elected officials are “gentlemen who are highly qualified and capable to hold such an office.” The post Accusations of favouritism emerge as Somalia polls enter week two appeared first on Caasimada Online.
-
The U. S. is expanding air strikes against members of a group affiliated to al-Qaeda who’ve intensified attacks in Somalia since hundreds of American troops exited the country earlier this year. The latest strike occurred close to the central towns of Bacadweyne and Geedaley on Sunday morning, hitting a position held by al-Shabaab militants who were engaging members of the Danab, an elite Somali commando force trained by the U.S., Somalia’s Information Ministry said. The remote attack was the third in less than two weeks and marked an escalation in counter-terrorism operations in the Horn of Africa nation since President Joe Biden took office in January. “The air strikes destroyed a large al-Shabaab firing position engaging Danab and Somali National Army forces as they approached,” the ministry said in a statement. An increasing number of al-Shabaab fighters had defected to join the Somali security forces as a result of the recent counter-terrorism measures, it said. A spokesperson for al-Shabaab didn’t respond to questions seeking comment, while a U.S. Department of Defense spokeswoman declined to comment on the strikes. Somalimemo, a pro-al-Shabaab media outlet, reported that the latest strike had no impact and the group’s militants remained in the area. It also said that Somali forces had suffered casualties in recent clashes in central Somalia but didn’t specify how many. Al-Shabaab has waged an insurgency in Somalia since 2006 in a bid to impose its version of Islamic law. The group has continued to carry out suicide bombings and other attacks despite being the target of frequent U.S. drone strikes, and the Somali government’s grip on power remains tenuous. Fatalities linked to al-Shabaab attacks are projected to rise by 16% this year, and the number of battles with Somali security forces by 28%, according to the Africa Center for Strategic Studies, a research body within the U.S. Department of Defense. Ethiopia Attack Al-Shabaab activities along Somalia’s border with Ethiopia have increased of late, United Nations security documents obtained by Bloomberg show. On July 15, its forces attacked a camp belonging to special forces in Ethiopia’s Somali region, while on July 27, a group of them were spotted close to the Ethiopian town of Abaalay, according to the documents. The U.S. began sending more troops to Somalia in mid-2017 as President Donald Trump’s administration stepped up counter-terrorism efforts in the Horn of Africa. Trump ordered most U.S. forces to leave Somalia by early 2021, saying their redeployment wouldn’t undermine the fight against terrorism. “The recent strikes are significant as they signal the U.S. is still prepared to use air power to support Somali forces and keep the pressure on al-Shabaab, despite a six-month pause under the Biden administration,” said Omar Mahmood, a Somalia analyst with the International Crisis Group. Source: Bloomberg The post U.S. steps up air strikes against al-Qaeda ally in Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa beri si rasmi ah 9 Subaxnimo uga furmaya Xarunta gollaha wakiiladda Kulankii Kowaad ee ay yeeshaan Xildhibaanadda cusub ee gollaha wakiillada ee Ku soo baxay doorashadii dalka ka dhacday 31 May ee sannadkan. Sida ay Ku waramayso Wakaallada wararka Somaliland ee Solna Kulankan oo uu Iclaamiyey Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee distooriga ah ku dhaarin doonaa 82-ka Mudane ee gollaha Wakiilladu ka kooban yahay. Dhaarinta kadib sida uu Sharcigu dhigayo Waxaa hogaaminta gollaha la wareegi doona Mudanaha ugu da’da weyn Iyadoo la dooran doono Shirgudoonka gollaha wakiilladda oo ka kooban Gudoomiye iyo Labadiisa ku xigeen, waxana sharcigu dhigayaa hadii shaqsiga ugu dadaweyni uu tartamaayo shir gudoonka uu golaha hogaamin doono shaqsiga kale ee golaha ugu dadaweyn Loolanka doorashadda shirgudoonka gollaha wakiillada ayaa si weyn looga dareemay guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland Waxaana u taagan Jagada Gudoomiyaha Gollaha Wakiilladda Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon iyo C.risaaq Khaliif Axmed oo labadooduba ka soo jeeda Gobolka Sool, Halka ay Gudoomiye ku xigeenka 1aad u taagan Yihiin Xildhibaan Siciid Mire Faarax ( Giire ) iyo Mudane Cumar Jaamac Faarax oo labadooduba ka soo jeeda gobolka Sanaag, Geesta kale waxaa Gudoomiye ku xigeenka 2aad ku wada tartamaya Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) iyo Mudane Cali Xaamud Jibriil oo ka soo kala jeeda Gobollada Maroodi Jeex iyo Awdal. Waxaa Shirgudoonkan laba geesoodka ah kala wata Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye iyo Axsaabta Mucaaridka ah oo Midaysan iyo Xildhibaanada Isbahaysiga Labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid. Hadaba Gudoomiyaha Gollaha Wakiilladda oo ay u taagan yihiin Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon iyo C.risaaq Khaliif Axmed ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Taariikh nololeedkooda. Waana sidan Ugu horayn Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon Wuxuu Sannadkii 1947-kii ku dhashay Magaaladda Laascaanood, Wuxuu dugsiga hoose ku dhamaystay isla magaaladaasi, Halka uu dugsigii dhexe ku qaatay dugsiga dayaxa ee Magaaladda Ceerigaabo. 1974-kii ayuu ka baxay Jaamacadii Lafoole, gaar ahaan Kuliyada Waxbarashadda iyo adeega Bulshada, Waxaanu Jaamacadaasi ka noqday Macallin khaasatan sannadkii 1977-kii. Prof Faratoon markaas kadib Waxaa loo wareejiyey Wasaaradii Waxbarashadda ee Somalia waxaanu madax ka noqday qaybtii waxbarashadda dadka waaweyn. 1978-kii ayuu waxbarasho dalka dibadiisa ah u baxay waxaanu shahaadada Mastarka ku soo dhamaystay Jaamacada Manchester ee dalka Ingiriiska. 1980-kii ayaa lagu eedeeyay Kacaan diid, Waxaana lagu amray in aanu dalka dibadiisa u bixi karin hasa yeeshee waxa uu si dhuumasho ah ugu baxay waddanka Gadar halkaas oo mudo ku noolaa. Prof Faratoon Waxa uu noqday 1991-kii Gudoomiyihii ugu horeeyay ee Gobolka Sool xiligaas oo lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshadda madax bannaanida JSL. 1993-kii ayaa Madaxweynihii 2aad ee Somaliland Marxuun Maxamed Ibraahin Cigaal u magacaabay Prof Yaasiin Faratoon Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqada. 1997-kii ayuu noqday Xildhibaan ka tirsan Gollihii wakiillada ee hab beeleedka lagu soo dooran jiray, Waxa uu Xildhibaanku door weyn ku lahaa guddiyadii gacanta ka gaysatay qoraalka distoorka jamhuuriyadda Somaliland. Mar kale ayaa Madaxweynihii 3aad ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin u magacaabay Wasiirul dawlihii wasaaradda dib u dejinta xilkaas oo uu markii danbe iska casilay. 2016-kii ayaa Madaxweynihii 4aad ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu u magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha. 2017-kii ayaa Madaxweynaha Shanaad ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu u magacaabay Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare Waxaana mar kale Madaxweyne biixi u cugtay inuu noqdo wasiirkiisa arrimaha dibadda Jagadaas oo uu markii danbe iska casilay maadaama uu ka mid noqday Mudanayaashii ka qayb galay tartankii doorashadii wakiillada waxaana laga soo doortay gobolka sool. Sidoo Kale Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo u taagan Gudoomiyaha Gollaha Wakiillada ayaa Sannadkii 1967-kii waxa uu ku dhashay Gobolka Sool, gaar ahaan magaaladda Laascaanood. Wuxuu warbarashadiisa sare ku dhamaystay dalkii Somalia isagoo takhasuskiisa ku qaatay Caafimaadka guud inkasta oo aanu Mihnadaas ku shaqayn. Cabdirisaaq Khaliif Wuxuu waayo aragnimo u leeyahay oo uu wakhti dheer ka soo shaqeeyay dhanka Maamulka ganacsiga isagoo hawlaha ganacsiga ku jiray ilaa 1991-kii ilaa 2010-kii. Sannadkii 2010-kii ayuu Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo u magacaabay Wasiirka wasaaradda ganacsiga. Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Waxaa mar kale sannadkii 2013-kii uu Madaxweynihii hore u magacaabay Wasiirka Hawlaha guud, Dhulka iyo guryaynta. Hasa yeeshee Xilkaas wuu iska casilay markii danbe waxa uu sannadkii 2016-kii noqday xoghayaha dhaqaalaha iyo maaliyada ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani. Sannadkii 2018 kii ayaa loo doortay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Waddani isagoo xilkan haya ilaa iyo hada. 31.05.2021 Waxa uu ka mid noqday Mudanayaasha u tartamaya doorashadda gollaha wakiiladda iyadoo laga soo doortay Gobolka Sool. Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed Waa aabe laba Xaas iyo 8 Caruur ah leh. Geesta Kale Gollaha wakiillada waxa Mudadii ay Jamhuuriyadda Somaliland madax bannaanideeda la soo noqotay Gudoomiye ka soo noqday. 1 – Ibraahin Maygaag samatar Sanadadii 1991- 1993 2- Axmed Cabdi Xaab’sadde intii u dhaxaysay 1993-1995 . 3- Axmed Baydaani Sannadadii 1995- 1997 4 – Maxamed Adam qaybe intii u dhaxaysay 1997-2005 . 5- Cabdiraxmaan Maxamed C.laahi Cirro intii u dhaxaysay 2005-2017 . 6- Iyo Baashe Maxamad Faarax. Oo xilkan soo hayay 2017- 2021 . Waxaana loo dheg taagayaa Cida noqon doonta Gudoomiyaha 7-aad ee Gollaha Wakiilladda Jamhuuriyadda somaliland oo beri Subax si rasmi ah loo dooran doono Qaran News
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdcasiis Lafta-gareen ayaa xubnaha Aqalka Sare kasoo galaya maamulka Koonfur Galbeed badankood ka dhigay kuwa ka tirsan ehelkiisa ama saaxiib dhow la ah, sida ay ogaatay Caasimada Online. Lafta-gareen, oo dhowaan soo saaray liiska musharaxiinta shan kursi, ayaa afar ka mid ah ka dhigay xigtadiisa, waxaana dhammaantood maanta si guul leh loogu doortay magaalada Baydhaba, ayaga oo aan wajahin tartan adag. Laba ka mid ah xubnaha maanta la doortay ayaa waxa ay qabaan gabdhaha uu dhaley taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan, oo loo yaqaan “Taliye Shub,” waxayna la dhasheen xaaska Lafta-gareen, oo sidoo kale uu dhalay taliyaha, ayaga oo Lafta-gareen la noqonaya Owriyo Walaalo. Xubnaha maanta la doortay ee xigtada la ah Lafta-gareen ayaa kala ah 1- Aadan Cabdinaasir Maxamed, oo ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya, kana soo jeeda beesha Hadamo, wuxuu qabaa Anisa Mahad Cabdirahman, oo ay isla dhasheen xaaska Lafta-gareen, Zamzam Mahad Cabdirahman. Labadaba waxaa dhaliye taliye Mahad Cabdiraxmaan. Aadan Cabdinaasir Maxamed wuxuu beddelayaa Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo kursigan ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhoofay kana tirsan xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh. 2- Dr. Xuseen Maxamed Daahir, oo kasoo jeeda beesha Boqol Hore, wuxuu qabaa Ilhaan Mahad Cabdirahman oo sidoo kale ay isla dhasheen xaaska Lafta Gareen Zamzam Mahad Abdirahman. Dr. Xuseen Maxamed Daahir wuxuu bedelayaa Senator Timiro Maxamed Cali oo kursigan ku fadhisay labadii sano ee tagtay. 3- Ayaan Aadan Cabdullahi, oo kasoo jeeda beesha Hariin waxay ilma adeer la tahay madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen, waxayna bedeleysaa Senator Ilyaas Cali Xasan oo kasoo jeeda beesha Eelaay. Kursigan oo ay laheyd beesha Eelaay, ayuu gebi ahaan Lafta-gareen kasoo wareejiyey, wuxuuna siiyey beesha Hariin, si uu kursiga ugu fadhiisiyo Ayaan. 4- Maxamuud Maxamed Cabdi Garabey, oo kasoo jeeeda beesha Geeladle, wuxuu ka tirsanaa waaxda dowladaha hoose ee magaalada Baydhaba. Waxaa saaxiibo aad isugu dhow ah Maxamed Cabdi Garabey, aabaha Maxamuud iyo Lafta-gareen. Senator-ka kaliya ee maanta la doortay ee aan wax xiriir ah la laheyn Lafta-gareen ayaa ah Zamzam ibraahim Cali, oo kasoo jeedo beesha Jiido. Zamzam ayaa horey kursigan ugu fadhisay, waxaana sababta uusan Lafta-gareen u taaban kursigooda ay tahay in Zamzam uu qabo Suldaan Warsame Ibrow oo ah suldaanka beesha Jiido, oo aan loo dhowaan karin. Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in xubnaha uu soo xulay Lafta-gareen uusan ugu daneyn cid ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, balse uu qoyskiisa ugu daneeyey. “Lafta-gareen musharaxna uma daneyn ee wuxuu dhisay qoys siyaasadeed. Wuxuu doonayaa in xildhibaano isku xiran uu kula gorgortamo musharaxiinta madaxweyne, kana iibiyo kan ugu lacagta badan,” ayuu yiri ilo-wareed la hadlay Caasimada Online. Waxaa sidoo kale la filayaa in kuraasta shanta ah ee harsan uu sidoo kale usoo xulo Lafta-gareen, sida aan xogta ku helnay. Baarlamanka Soomaaliya ee cusub, ayaa la filayaa inuu noqdo mid xubnihiisa badankood aysan ku fadhin karti iyo tartan siyaasadeed oo ay galeen, balse ay ku yimaadaan sida ay ugu dhow yihiin madaxweyne goboleedyada oo la filayo in badankood ay qadaaan tallaabo la mid ah tan Lafta-gareen. The post Lafta-gareen oo maanta dhisay qoys siyaasadeed – Sidee xigto u yihiin xubnaha la doortay? appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (XINHUA) – The Somali National Army (SNA) yesterday captured some key areas in Qaycad, in Mudug region, after heavy fighting against the militant group of al-Shabab, officials said. Source: Hiiraan Online
-
Somalia has raised the alarm over a food shortage that has hit the country this season, affecting at least six million people. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya diiday dhex-dhexaadin ku saabsan muranka xuduudda badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Wasiirka ayaa sheegay in arrintaan dhex-dhaxaadinta ah uu isku deyey ururka Midowga Afrika, balse dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin inay gorgirtan ka gasho taako dhuleed oo ay xaq u leedahay. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in dhex-dhaxaadinta dhanka xuduuda ah ee Midowga Afrika uu soo jeediyey ay salka ku heyso arrinta badda, balse mowqifka Soomaaliya uu yahay in lagu dhaqmo go’aanka ay ka soo saari doonto Maxkamadda ICJ oo qaaday dacwadda badda. “Arrinta xuduudaha ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya waxay salka ku heysaa arrinta badda, kiiska badana waxa uu yaallaa maxkamad, umana furna Midowga Afrika iyo cid kale toona, Soomaaliyana ma aqbaleyso, ilaa sanadkaan gudihiisana waxaan maxkamadda ka sugeynaa jawaab rasmi ah,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq. Dhanka kale wasiirka oo ka hadlay halka uu marayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in hadda dib loo furay labadii safaaradood, isla markaana ay iska dhamaa doonaan waxyaabaha la kala tabanayo. “Waa jiraan waxyaabo badan oo Kenya aan ka tabanay oo ugu dambeyn nagu kalifay inaan xiriirka u jarno, hadda Kenya waan wadahadalnay kulamo badana waan isugu tagnay, waxaana ku heshiinay in waxyaabihii keenay in xiriirku go’o si run ah oo qota dheer loo galo, arrintaasna si fiican ayey noogu socotaa, labadii safaaradoodna waa la furay hadda,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Hoos ka dhageyso codka wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/08/wasiirka.mp3 The post Soomaaliya oo diiday arrin ay soo jeediyeen Midowga Afrika oo la xiriirta kiiska badda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi, kuwaas oo khilaaf xoog leh uu ka dhaxeeyo, sidoo kalena ay kala hoggaaminayaan laba guddoon oo midba gaar uu u doortay. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa lagu soo gudbiyey dalabka kulankaan. “Xafiiska ra’iisul wasaaraha JFS waxa uu idin farayaa inaad ka soo qeyb gashaan kulan muhiim ah oo uu idinkugu yeeray ra’iisul wasaaraha, kana dhacaya xafiiskiisa, saacadu markii ay tahay 11:00 AM,” ayaa lagu yiri qoraalkan uu ku saxiixan yahay wasiiru dowlaha xafiiska RW Rooble Cabdixakiin Ashkir. Dhanka kale Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu maanta soo gabagabeeyey la tashiyadii uu la lahaa guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, kuwaas oo mudooyinkii dambe uu ka dhex taagnaa khilaaf salka ku haya guddiga doorashada gobollada waqooyi. “Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble markii uu tix-geliyey in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ay bilaabato, waxa uu go’aan ku gaaray in la guda galo doorashada, waxuuna ra’iisul wasaaruhu kulan deg deg ah berri isugu yeeray xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi ee SEIT,” ayuu yiri Macalimuu. Hoos ka daawo Afhayeenka The post Rooble oo go’aan gaaray, kulan deg deg ahna isugu yeeray gudiyada doorashada gobollada waqooyi + Video appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - South West state in Somalia today elected the first five senators joining Jubbaland which elected four senators last Thursday. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) - Lawmakers in South West State elected the first five senators, following Jubaland, which elected its senators last Thursday. Source: Hiiraan Online