Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - The Speaker of the Upper House of the Somali Parliament Abdi Hashi Abdullahi has questioned the Somali PM's neutrality in the dispute over Somaliland's regional electoral commission. Source: Hiiraan Online
  2. (ERGO) – Bahjo Mohamoud Ibrahim never imagined she would be selling fish in the northern Somali port town of Bossaso, where she graduated in public administration from a local university, until she and six other graduates decided to set up their own business. Source: Hiiraan Online
  3. Mid kamid ah Beelaha Gobolka Mudug ayaa soo saaray Bayaan ay ku codsanayaan in sannadkan la siiyo xubinta Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo warbixinta iyo Sawirada PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Beel codsatay in Sanadkan la siiyo xubinta Baarlamanka Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  4. Three officers involved in the December shooting will not be criminally charged. Source: Hiiraan Online
  5. The Somali government has formally rejected African Union recommendations for a scaled-down peacekeeping presence in the Horn of Africa country, calling a report and its proposals “devoid of realities. Source: Hiiraan Online
  6. At age 44, the marathoner is the oldest U.S. runner to ever make the Olympic team. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Garab ka mid ah Guddiga doorashada Somaliland ayaa diiday inay berri ka qeyb galaan doorasho uu iclaamiyey xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, taas oo loo qorsheeyey inay ka dhacdo Teendhada Afisyooni. Doorashadaan ayaa la doonayaa in loo qabto xubnaha guddiga oo gaaraya 11-qof, si hoggaankooda ay isaga dhex-doortaan, balse laba garab ayuu u kala jabay guddigu. Xubnaha diidan inay ka qeyb galaan doorashada la qorsheeyey in berri lagu qabto Afisyooni ayaa ah afartii uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo hoggaaminaya mid ka mid ah labada garab oo ay u kala jabeen siyaasiyiinta reer waqooyi. Afarta xubnood ee guddigaas uu ku leeyahay garabka Cabdi Xaashi ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galkooda doorashada berri, waxayna shaaciyeen in doorashadaas ay qeyb uga noqon karaan laba qodob midkood. 1 – Inay guddoonka u codeyaan 8-xubnood oo doorashada aysan ka qeyb gelin xubnaha uu Rooble soo magacaabay. 2 – Iyo in wadahadal iyo heshiis dibadda ah oo lagu dhammeeyo muranka jira doorashada ka hor. Qoraal war-gelin ah oo galabta uu baahiyey guddiga doorashooyinka qaranka ee heer federaal ayaa lagu adkeeyey balankii ahaa in Sabtiga berri ee 7-da Agoosto la qaban doono doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada kuraasta baalamaanka federaalka ee gobollada waqooyi. “Doorashada Guddoonka Guddiga Maamulka doorashadda kuraasta labada aqal ee Somaliland waxa lagu qabanayaa Teendhada Afisiyoone , Sabti 10:00 Am, oo ku beegan 7-Aug-2021. Waxa lagu casuumayaa Saxaafada, Hay’adaha Dawladda, Ururada Bulshada Rayidka, Gudiyada Doorashada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal. Fariinta guddiga doorashada heer federaal ayaa muujineysa in xukuumadda Rooble ay ku adkeysaneyso in berri la qabto doorashada guddoonka guddiga doorashada Somaliland, iyadoo aan xal laga gaarin tabashada cirka isku shareertay ee hanaanka loo marayo doorashadaas ay ka qabaan siyaasiyiinta reer waqooyi garabka uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdi Xaashi. The post Xubno ka mid ah guddiga gobollada waqooyi oo qaadacay doorashada berri appeared first on Caasimada Online.
  8. (SLT-Hargeysa)-Maxamed Axmed oo asalkiisu yahay Soomaali deegaan ahaana ka soo jeeda Somaliland balse u orda dalka Canada ayaa ka galay kaalinta labaad tartanka orodada 5000 mitir ciyaaraha Olombikada adduunka ee ka socda dalka Japan. Mo Ahmed ayaa ku orday 12.58.61,hase yeeshee waxaa kaalinta koowaad galay tartankan Orodyahanka reer Uganda Joshua Cheptegei oo heysta rikoorka adduunka waxana uu ku orday 12: 58.15. Kaalinta 3aad ayaa waxaa galay Paul Chelimo oo u ordayay dalka Maraykanka waxana uu ku guuleystay bilada maarta 12: 59.o5. Orodka 5000 ayaa ka mid orodada caalamka ugu muhiimsan waxaana dhowrkii sano ee la soo dhaafay haystay tartankan orodyahanka Mo Farah oo sanadkan ka hadhay tartanka Olombikada ee ka soconaya wadanka Japan. Orodyahano asalkoodu yahay Soomaali balse u ordaya wadamo kale ayaa ka mid ah ciyaartoyda ka qeybgalaysa tartanka olombikada oo haatan gabagabo ku dhow. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal war-gelin ah oo ka soo baxay guddiga doorashooyinka qaranka ee heer federaal ayaa mar kale lagu shaaciyey in Sabtiga berri ee 7-da Agoosto la qaban doono doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada kuraasta baalamaanka federaalka ee gobollada waqooyi. Doorashada waxaa lagu casuumay dhanacyo ay ka mid yihiin warbaahinta iyo daneeyayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya. Sida ku cad qoraalka guddiga, doorashadu waxay bilaaban doontaa 11:00 AM – barqonimo, waxayna ka dhici doontaa teendhada Afisyooni. “Doorashada Guddoonka Guddiga Maamulka doorashadda kuraasta labada aqal ee Somaliland waxa lagu qabanayaa Teendhada Afisiyoone , Sabti 10:00 Am, oo ku beegan 7-Aug-2021. Waxa lagu casuumayaa Saxaafada, Hay’adaha Dawladda, Ururada Bulshada Rayidka, Gudiyada Doorashada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal. Fariintaan ayaa muujineysa in xukuumadda Rooble ay ku adkeysaneyso in berri la qabto doorashada guddoonka guddiga doorashada Somaliland, iyadoo aan xal laga gaarin tabashada cirka isku shareertay ee hanaanka loo marayo doorashadaas ay ka qabaan siyaasiyiinta reer waqooyi garabka uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdi Xaashi. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa mar kale shaaciyey in aysan marnaba ka qeyb-gali doonin doorashada guddoonka guddiga Somaliland, ee uu go’aamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble. Maareeye oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in Rooble uu ka baxay xayndaabkii dhex-dhexaadnimada, isla markaana uu u xaglinayo dhanka Ra’iisul wasaare ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed oo uu gacanta u geliyay saddexdii xubnood ee guddigaas ee isagu uu soo magacaabay. “Ra’iisul wasaaraha wax dhex-dhexaad ah ma magacaabin saddexda xubnood ee ka imaanaya dhanka xukuumadda, kuli wuxuu ii siiyey team-kii kale ee Ra’iisul wasaare ku-xigeenkiisa,” ayuu yiri Maareeye oo kamid ah siyaasiyiinta garabka Cabdi Xaashi. Maareeye ayaa Ra’iisul wasaaraha u soo jeediyay in sidii uu ballan-qaaday uu dhex-dhexaad ka noqdo khilaafka kala dhaxeeya Mahdi Guuleed, uuna qabto doorasho degan oo heshiis lagu yahay, oo uusan gacan siin dhinac gaar ah. The post Guddiga doorashada heer federaal oo ku adkeystay qabashada doorashada Sabtida ee muranku ka taagan yahay appeared first on Caasimada Online.
  10. It took about 200 metres for Moh Ahmed to discard the strategy he had assembled for the next 13 minutes, his plan to end years of disappointment. Source: Hiiraan Online
  11. Xulka Nugaal Xulka Nugaal ayaa la wareegay hoggaanka guruubka ‘A’ ee tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu ka faa’iideystay guuldarro soo gaartay xulka Bari. Nugaal oo difaacanaysa tartankan ayaa galabta 2-0 ku garaacday dhigooda Sool, waxayna goolasha uga mahadcelinaysaa Bashiir Xaashi iyo Cabdiqaadir Daa’uud (Naani). Xulka Haylaan Dhanka kale xulka gobolka Haylaan ayaa 1-0 uga adkaaday xulka gobolka Bari, waxaana goolka oo rigoore ahaa u dhaliyay Xamse Sheekh. Nugaal ayaa 6 dhibcood ku hoggaaminaysa garuubka geerida A, waxaana ku xiga Bari oo leh 4 dhibcood, Haylaan 3 dhibcood ayuu leedahay, Sanaag wuxuu leeyahay 2 dhibcood, halka Sool uu leeyahay 1 dhibic. Xulka Bari oo labadii kulan ee ugu dambeeyay la kulmay barbardhac iyo guuldarro waxaa ka maqnaa ciyaaryahan Saqraawi oo dib ugu laabtay tababarka 17 jirada Soomaaliya ku matali doona tartanka ‘Arab Junior Cup’ ee ka dhici doona dalka Marooko. PUNTLAND POST The post Tartanka Ciyaaraha Puntland: Nugaal oo guul gaartay iyo Bari oo laga badiyay appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa markale shaaciyey inaysan marnaba ka qeyb-gali doonin doorashada guddoonka guddiga Somaliland, ee uu go’aamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble. Maareeye oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in Rooble uu ka baxay xayndaabkii dhex-dhexaadnimada, islamarkaana uu u xaglinayo dhanka Ra’iisul wasaare ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed oo uu gacanta u geliyay Saddexdii xubnood ee uu soo magacaabay, sida uu hadalka u dhigay. “Ra’iisul wasaaraha wax dhex-dhexaad ah ma magacaabin (Saddexda xubnood ee ka imaanaya dhanka xukuumadda) oo kuli wuxuu ii siiyey team-kii kale oo ah Ra’iisul wasaare ku-xigeenkiisa,” ayuu yiri Maareeye oo kamid ah garabka Cabdi Xaashi ee guddiga doorashooyinka Somaliland. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in doorashada Sabtida loo ballansan-yahay ee guddiga Somaliland aysan ka qeyb-gali doonin haddii aan wax laga bedelin sida ay u socdaan, islamarkaana ay meesha ka saaran 3 xubnood ee loogu xagliyey garabka Mahdi Guuleed. “Anagu marnaba kama qeyb-galeyno doorasho ay galayaan 11, wixii lagu heshiiyeyna ma aha, wax ay bulshada kuraastan iska lehna ay qabto ma aha. Markaa wax qariib ah maaha in 8 xubnood is doorato oo waa wax sharci ah.” Maareeye ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Ra’iisul wasaaraha usoo jeediyay in sidii uu ballan-qaaday uu dhex-dhexaad ka noqdo khilaafka kala dhaxeeya Mahdi Guuleed, uuna qabto doorasho degan oo heshiis lagu yahay, oo uusan gacan siin dhinac gaar ah. Hadalka Maareeye ayaa imanaya xili uu garabka Cabdi Xaashi ee guddiga doorashooyinka Somaliland uu qaadacay ka qeyb-galka doorashada guddoonka guddigaas oo la mudeeyay inay qabsoomto maalinta berri ah. The post Garabka Cabdi Xaashi oo soo bandhigay shuruud ay uga qeyb-gali karaan doorashada Sabtida appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib go’aankii uu ka gaaray Ra’iisul wasaare Rooble. Dr Baadiyow ayaa ugu horeyntii ka digay in looga sii daro khilaafka ka dhex jira hogaanka labada garab ee guddiga, islamarkaana laga daayo deg-degta, sida uu hadalka u dhigay. “Gudoomiye Cabdi Xaashi waa astaanta wadan-jaceylka iyo midnimada. Wa oday ku caanbaxay dhawridda sharciga. Waa in la qadariyo, lana ixtiraamo. Khilaafka jira waa la xallin karaa ee degdegta waa in laga daayo. Taariikhdu yeey naga xumaan oo damacu na indha tirin. Tawfiiq Ilaahow,” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in la qadariyo tabashada Cabdi Xaashi oo uu ku sifeeyay shaqsiga ku caanbaxay dhawrida sharciga, asaga oo garabka kalena uga digay in damacu indho tiro. Khilaafka u dhaxeeya Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa curyaamiyey shaqadii guddiga doorashooyinka, oo u kala jabay labo garab oo ay kala hogaaminayaan, kuwaasi oo mid walba uu doortay guddoon u gaar ah. Waxaa xusid mudan in khilaafka guddiga Somaliland uu dab kusii shiday go’aanka uu qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo dhigaya in maalinta Sabtida ah uu guddiga doorto guddoon cusub, si hore loogu sii wado howlaha doorashada, waxaana doorashadaas ka maqnaan doona garabka Cabdi Xaashi oo qaadacay. “Waxaa Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxgaradka Soomaaliyeed iyo daneenayaasha doorashada 2021-ka la socodsiinaynaa inay muuqato in Ra’iisul Wasaaruhu ka baxay heshiisyadii la gaadhey iyo wada-hadalladii socdey. Waxaan si cad u sheegaynaa in aanan qayb ka noqon karin go’aan hal dhinac ah loogu daneynayo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay garabka Cabdi Xaashi The post Muxuu Dr. Baadiyow ka yiri khilaafka Cabdi Xaashi iyo DF? appeared first on Caasimada Online.
  14. Mid ka mida Madaxda ugu waaweyn Maafiyada caalamka oo la qabtay+Sawirro Booliska Spain ayaa xiray Domenico Paviglianiti, oo ka mid ah hogaamiyayaasha mid ka mid ah ururada maafiyada ee ugu weyn dunida ee (Ndrangheta) sida ay qoreen warbaahinta Talyaaniga . Paviglianiti, oo hore loogu yiqiinay “madaxda”, ayaa lagu qabtay Madrid isagoo wata baasaboor been abuur ah oo Bortuqiis ah, lix taleefan iyo 6,000 euro, oo u dhiganta 45,000 oo koron. Hogaamiyaha kooxda Ndrangheta ayaa lagu xiray Madrid. Waxaa loo arkaa mid ka mid ah ragga loogu doon doonista badan yahay caalamka gaar ahaan Talyaaniga, booliska Spain ayaa ku soo qoray bartooda Twitterka. Domenico Paviglianiti ayaa la rumeysan yahay inuu ku lug lahaa in ka badan 140 dil, iyo sidoo kale tiro kale oo dambiyo la xiriira Maafiyada. Horay waxaa loogu xukumay xabsi daa’in, laakiin waxaa si qalad ah loo sii daayay Oktoobar 2019, wuxuuna illaa xiligaas ku jiray xaalad dhuumaaleysi ah. Qaran News
  15. Maxaad ka taqaanna diyaaradaha dagaalka ee Jiilka 6aad ee Mareykanka & Shiinuhu ku tartamayaan? XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Mareykanka iyo Shiinaha waxaa ka dhex billaabmay tartan ay ugu jiraan sameynta diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad, ee noqon doono kuwa ugu casrisan caalamka. Soo saaridda diyaarad militari oo “qarsoodi ah” ee loogu magac daray jiilkii lixaad ee ciidanka cirka, ma waxay dhalisay tartan cusub oo dhinaca hubka ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha? Iyada oo laga duulayo astaamaha soo ifbaxaya ama la helayo, waxaa la ogaaday in jawaabta su’aashan ay tahay ‘Haa’. Bishii June ee 2021-ka ciidamada cirka Mareykanka waxay shaaca ka qaadeen diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad ee weli sameyntooda gacanta lagu hayo, in 10-ka sana ee soo socota gudahood loo adeegsanayo nidaamka xukunka hawada ee jilka xiga ee loo yaqaanno NGAD. Taliyaha ciidanka cirka Mareykanka Janaraal Charles Q. Brown wuxuu guddiga joogtada ee arrimaha ciidamada ee baarlamaanka u sheegay in diyaaraddan cusub ee casriga ah ay beddelyso diyaaradda Raptor F-22, waxayna awood u yeelaneysaa in hal mar howlo badan ay wada qabato. Shiinaha oo soo bandhigay diyaarad casri ah Maxaa diyaaraddan dagaal ee Mareykanka ay uga baqayaan dalalka caalamka? Ruushka ma waxa uu isu diyaarinayaa dagaal nukliyeer ah? Taliyaha ciidamada qalabka sida wuxuu sheegay hindisaha miisaaniyadeed ee sannadka 2022, lagu sheegay ujeeddada diyaaraddan dagaalka ee cusub inay tahay in uu Mareyknka noqdo kan marweliba hoggaamiya hawada sare. Sidoo kalana, diyaaraddan waxay wood u yeelan doontaa inay beegsato bartilmaameedyo dhulka ku yaalla. Diyaaradda dagaalka ee Jiilka lixaad “waxay awood u leedahay inay fuliso duqeymo dhinaca cirka ah oo marka hore lagu sugayo ammaanka diyaaradda lafteeda iyo in Saraakiisha ciddamada cirka iyo ciidamada iskudhafka ah ay u helaan fursad ay ku maamulaan”. Brown waxaa kaloo uu sheegay, “diyaaradda dagaalka ee NGAD in ay balaarisay waxqabadka diyaaradda F-22, waxayna awoodda inay halki mar ay qaaddo hub iyo rasaas aad u tira badan, taas oo u saamaxeysa inay ku duusho Indo-Pacific (Badweynta Hindiya, Aasiya, Autralia iyo Bariga dhexe).” Diyaaradda NGAD waxaa lagu tilmaamay inay ka mid tahay diyaaradaha adeegsado habka ay ku shaqeeyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee awoodda badan u leh in ay cadowga weeraraan, qaadidda weerarrada elektroonigga ah iyo mashiinno hub dheeri ah leh ama isticmaalaya. Balse saraakiisha militariga Mareykanka waxay sheegayaan inay naqshadda aasaasiga ah ee diyaaradda ay tahay midda diiradda la saarayo ee cajiibka ah. XIGASHADA SAWIRKA,US AIRFORCE Khatarta Shiinaha Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu qaado hanjabaad dhan walba ah oo ku wajahan ciidamada cirka ee Shiinaha iyo gantaalka Indo-Pacific. Madaxa waaxda istaraatiijiyadda, Sarreeya Guud S. Clinton High, ayaa bishii May sheegay in caqabadaha jiilalka soo socoda ay wajahayaan ay yihiin diyaaradaha casriga ah ee Shiinaha iyo gantaallada riddada dheer. Waxaa uu sheegay in soo bandhigista diyaaradaha dagaalka ee riddada dheer ay qayb ka tahay olole “hufan” oo looga golleeyahay in Baarlamaanka dalka Mareykanka looga digo khatarta Shiinaha iyo xaaladda firfircoon ee horumarka degdegga ah. “Waa in aad heshaa qof xaaladdan wax ka qaban kara”.”Runtii waqtigu wuxuu ku dhow yahay in uu soo dhawaado marka gantaallada awoodda badan sida J-20 ay khatar ku noqon karaan ciidamada cirka ee Mareykanka,” ayuu yidhi.J-20 waa diyaaraddii ugu horreysay uu Shiinaha sameeyey (oo aan lagu arkin raadaar iyo qalabka diyaaradaha basaaso), oo ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee hadda dunida ugu casrisan. Wadaxaajoodyo xooggan ayaa u dhexeeyay ciidamada cirka ee Shiinaha iyo ciidanka cirka ee Mareykanka inkasta oo aysan mira dhalin.Sida laga soo xigtay maqaal sannadkii hore lagu daabacay wargayska ugu afka dheer Shiinaha ee Global Times, waxaa lagu sheegay, “Shiinaha kama hari doono dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad, wuxuuna dhisi doonaa diyaaradaha dagaalka ee jiilka xiga 2035.” Maxaa diyaaraddan dagaal ee Mareykanka ay uga baqayaan dalalka caalamka? Ruushka iyo Maraykanka oo isku khilaafsan hawada Suuriya Turkiga oo sameystay hub casri ah oo uu Jarmalka horay ugu diiday Wang Hefeng, oo ah khabiir hormuud u ah diyaaradaha dagaalka Shiinaha, ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad ee Shiinaha la bilaabi doono sannadka 2035.Wang Hefeng waa naqshadeeyaha guud ee Machadka Cilmi-baarista iyo Hal-abuurka ee Chengdu, kaas oo sidoo kale ku hawlanaa samaynta diyaaradaha J-20 iyo J-10.Warbixinta waxay sheegaysaa in farsamooyin cusub lagu daray diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad, iyo sidoo kale in ay ka mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sirdoonka macmalka ah iyo hawada sare (awoodda ay ku duuli karaan iyo si degdeg ah in ay u yareyn karaan xiisadda hawada). Awoodda ayaa ku jirta. XIGASHADA SAWIRKA,CONTRINUTOR Doorka Ciidamada cirka Mareykanka markii ay soo bandhigayeen miisaaniyadda sannadka 2022-ka, waxay sheegeen in doorka diyaaradda dagaalka ee cusub uu Mareykanka sameysanaya ee jiilka lixaad, ay yihiin kuwa halki mar dhowr howlood wada qaban kara oo sameyn kara duqeymo dhulka ah. Brown wuxuu sheegay in bishii May ay ciidamada Mareykanka qorsheeyeen in diyaaradaha loo adeegsado ciidamada cirka ay ku soo koobeen diyaaradaha afarta nooc ee kala ah F-35, F-15EX, F-16 iyo NGAD. Muxuu yahay gantaalka uu haysta Shiinaha ee ka cabsiiyey Maraykanka? Muxuu yahay hubka u qarsoon Shiinaha ee uu doonayo in uu bannaanka soo dhigo? Warbixin: Shiinaha awooddiisa Niyukilarka ayuu ballaarinaya Wasaaradda gaashaandhiggana waxay gudbisatay miisaniyadda 2022-ka si looga horumariyo barnaamijka sameynta diyaaradda dagaalka ee NGAD. Ciidamada cirka Mareykankana waxay sheegeen in mashruuca diyaaraddaasi dagaalka ay ku sameysanayaan si loo meel mariyana waxay u baahan yihiin miisaaniyad dhan 1.5 balyan oo doolar. Lacagtaasi waa qorsha miisaaniyadeed ee sanadki hore marka la barbar dhigo 623 malyan oo doollar ka sarreeyo. Qaran News
  16. PRESS RELEASE UNFPA helps to restore hope and dignity of fistula survivor Approximately 2 million women currently live with fistula globally FREETOWN, Sierra Leone, August 6, 2021/ — “I was depressed and ashamed to interact with friends and relatives because of fistula. My husband who was my source of support told me at one point that he almost abandoned me. I was not a happy woman as a result of this [fistula] predicament,” recollected 38-year-old Maseray Bangura, a petty trader from Mambolo, a chiefdom headquarter town in the Kambia district. Obstetric fistula, a childbirth injury wherein a hole develops between the birth canal and the urinary system resulting in constant leakage of urine or faeces is often the direct result of failure by a health system to provide quality health care during childbirth. Women who develop fistula often have prolonged labour due to the failure to make a timely decision to go to the health facility when labour starts, or a delay in reaching a health facility due to a poor referral system or bad road network, or the failure of a health facility to provide timely and apt treatment to women during childbirth. Approximately 2 million women currently live with fistula globally. In 2003, in line with universal targets to advance maternal and newborn health and with the goal of making fistula as rare as possible, UNFPA, the United Nations’ sexual and reproductive health agency, and its partners, launched a global campaign to end fistula. Sierra Leone, estimated to have 2,400 women living with obstetric fistula, is among the 55 nations participating in the global campaign. Pregnant with her fifth child, Maseray Bangura was taken for her delivery to the Government Hospital in Lungi, a referral hospital in Port Loko district. There, she encountered difficulties and was unable to deliver the baby. “For three agonizing days, I was experiencing severe labour pain. Clearly I was unable to deliver my baby. The nurses told me I was not having enough blood. It was a difficult moment for me. To save my life and that of the baby, a caesarean delivery was performed successfully and few days later, I was discharged,” she narrated her ordeal. With 717 deaths per 100,000 live births, according to the 2019 Demographic and Health Survey, Sierra Leone is still among countries with the world’s highest maternal mortality ratio. Bleeding in pregnancy (obstetric haemorrhage) accounts for about 40 per cent of maternal deaths in the country. Safe pregnancies and childbirth depend on functioning health systems and provision of quality care. In Sierra Leone, therefore, UNFPA is addressing fistula prevention (as well as prevention of maternal and newborn mortality and morbidity, and stillbirth, and improving the quality of maternal care) by supporting the Ministry of Health and Sanitation in improving quality services for pregnant and postnatal women. When Maseray was discharged a week later, she realized she had developed serious complications, having returned home with fistula. “Four days after returning home, I realized I was leaking urine unconsciously. This was too much for me. It was a shameful thing to experience. I chose not to tell anyone and only confined it to my husband and my mother,” she revealed with sadness. Obstetric fistula is preventable and in most cases can be repaired surgically. In Sierra Leone, with funding from the Government of Iceland, UNFPA partners with non-governmental organizations like Haikal Foundation and Aberdeen Women’s Centre to conduct screening for women with suspected obstetric fistula, and surgery to repair their fistula and restore their dignity. UNFPA also supports the government in preventing the incidence of obstetric fistula by strengthening the quality of obstetric services, a key component to addressing maternal mortality. In 2020, for instance, 260 women were screened for suspected obstetric fistula. Of these women, 129 had surgery to repair their fistula, with 31 of them receiving livelihood skills as part of their rehabilitation and reintegration. Since 2011 to date, Aberdeen Women’s Centre, with funding support from UNFPA, has successfully performed 1,731 fistula surgeries. When Maseray learned of the work of Aberdeen Women’s Centre, she travelled to Freetown with her husband to be admitted at the centre for her fistula surgery. “I successfully underwent the surgery without paying a cent. I have seen so much improvement and I am beginning to gain my happiness and self-confidence. My dignity has been restored. I have spent a week without experiencing urine leaks. My wish now is to return to my hometown because I am not leaking anymore.” Distributed by APO Group on behalf of United Nations Population Fund (UNFPA). Access Multimedia Content SOURCE United Nations Population Fund (UNFPA) Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhexda u galay khilaaf siyaasadeed doorasho iyo mid maamul, kadib markii uu qaatay go’aamo iska soo horjeeda oo uu ku qanciyo dhinacyada ku hirdamaya siyaasadda dalka. Cali Guudlaawe ayaa waxaa lagu soo waramaya in uu qaatay go’aan ah inuu wada qanciyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Musharixiinta Mucaaradka oo dhinac ah. Sidoo kale waxaa madaxweyne Guudlaawe u dheer khilaafka doorashada mid ka taagan gudaha maamulkiisa, oo ay si weyn uga soo horjeedan qaar kamid ah Beelaha dega deegaanada maamulkaas. Madaxweynaha maamulka HirShabeelle ayaa la rumeysan yahay in uu muddo badan ahaa garabka Farmaajo, inkasta oo markii dambe uu ka horyimid muddo kororsigii doorashada, waxaana loo sababeynaya in khilaafka uu dhexda ugu jiro ay hormuud u tahay go’aan qaadasho la’aanta iyo in uusan u madax banaaneyn awoodiisa. Guudlaawe iyo Musharaxiinta mucaaridka ayaa dhowr jeer la kala dhex-galay, kadib markii uu soo magacaabay guddiga doorashooyinka ee maamulkaas, kuwaasi oo inta badan ay si toos ah uga soo galeen xafiiska Farmaajo, taasi oo ay ka biyo diideen musharaxiinta, hase yeeshe uu madaxdii hore ee dalka uu ku qanciyey inay ku kalsoonaadan oo asaga meesha u joogo. Go’aan qaadasho la’aanta Guudlaawe ka sakow waxaa weli taagan xaaladii ka dhalatay Doorashadiisa iyo gadoodka Beesha Gobolka Hiiraan u badan oo keenay inuu tegi waayo magaalada Beledweyne oo uu doonayey inuu isku caleemo saaro, markii loo cimaamaday xilka. Inta badan madaxda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa xiligan xarun u noqotay magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin muddo dheer, iyadoo aan in muddo ah ku laaban degaanada ay maamulaan oo xaalado adag heystaan iyo mid maamul la’aan. Sidoo kale ma cadda sida doorashada uga dhici doonto magaalada Beledweyne, iyadoo uu taagan tahay khilaafka Cali Guudlaawe iyo Beesha Gobolka Hiiraan u badan, mana jiro wax dadaal ah oo uu u galay sidii arrintan wax looga qaban lahaa mudaddii 10-ka bilood ahaa ee uu ahaa Madaxweynaha Hirshabeelle. Waxa kale oo soo baxaya inuu olole ugu jiro inaysan doorasho ka dhicin Beledweyne, shuruudna uga dhigay inuu isago tago marka hore, sida uu shaaciyey ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed. Si kasktaba, tan iyo intii uu HirShabeelle madaxweynaha ka noqday Guudlaawe wuxuu maamulkaasi galay xaalad hubanti la’aan ah iyo mugdi siyaasadeed oo hareeyay mustaqbalka iyo wada-jirka maamulkaas, sida la fahamsan yahayna waxa uu ku fashilmay inuu maamulkaasi hore u wado ama isku dayo xal u helida caqabadaha hortaagan. The post Guudlaawe oo dhexda ka galay khilaaf cusub oo la xiriira Farmaajo iyo mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo ay Muqdisho ku yeeshaan kulan looga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyey dalka iyo doorashooyinka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka wada-hadli doono qodob ku saabsan in la yareeyo tirade ergada soo dooraneysa mudaneyaasha Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka. Sidoo kale xogta ayaa sheegeysa inay suurtagal ah tahay in madaxda isla falanqeyso in hal degaan doorasho lagu soo koobo goobaha codeynta. Labadan qodob waxay kamid ahaayeen ajandaha shirarkii ka qabsoomay Muqdisho. In doorashada lagu qabto laba magaalo ayaa wajaheysa caqabado farsamo, kuwa amni iyo mid dhaqaale iyo xiisado u dhaxeeya qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo beelaha dega magaalooyinka la qorsheynayo in doorashada ay ka dhacdo. Illaaa saddex magaalo oo ka mid ah deegaan doorashada ayey adag tahay in doorasho laga qabto, waxayna kala yihiin Beledweyne, Garbahaarey iyo Baraawe. Madaxweynayaasha Jubaland iyo HirShabeelle Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaan maamulladooda laga taageersaneyn Gedo iyo Hiiraan, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda, taasi oo adkeyneysa inay doorasho ku qabtaan Gabahaarey iyo Beledweyne. Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa aad ugu xooggan deegaano ku dhow magaalada Baraawe, waxaana magaalada ku sugan ciidamo aan badneyn oo isugu jira Soomaali iyo Amisom, oo ay adkaan doonto inay Shabaabka iska caabiyaan haddii weerar culus uu kaga yimaado, taasi oo adkeyneysa in maamulka Koonfur Galbeed uu doorasho ku qabto magaalada. Si kastaba, Madaxweyne Farmaajo oo weli awood ku leh siyaasadda dalka ayaan marnaba aqbali doonin in hal magaalo lagu soo koobo doorashada, taasi oo meesha ka saareysa doorashada Garbahaarey, oo uu aad isugu haleynayo 16-ka kursi ee halkaas yaalla. Heshiiskii ay kala saxiixdeen madaxda Soomaalida 27-dii May, 2021 ayaa xeerinayey in eragada soo xuleysa mudaneyaasha ay noqoto 101 iyo in maamul kasta laba magaalo lagus oo xulo sharci-dejiyeyaasha xeer-dejinta 11-aad. Si kastaba ha ahaatee, haddii isbedelkan uu yimaado waxay ka dhignaan doontaa in mar kale lagu laabanayo doorashadii qabsoontey 2016-kii, waxaana labadaan qodob ay yihiin farqiga kaliya ee coddeyntan kaga duwanaan lahayd. The post Qorshaha ku hoos qarsoon kulanka Rooble iyo madax goboleedyada ku yeelanayaan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  19. Camaara (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in Dowlad-Goboleedkiisa uu diyaariyay qorshe Deegaannada Al-Shabaab ay ka qabsadeen loogu sameynayo maamullo ku shaqeeya & helista adeegyada aasaasiga ah. Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug, isla markaana hoostagta Degmada Xarardheere ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen xaqiijinta amniga, haatanna ay magaalada tahay mid nabdoon oo Nabadgelydeeda la isku haleyn karo. Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa xusay in magaalada Camaara laga hirgelin doona Saldhig boolis, xarumo caafimaad iyo Waxbarasho iyo waxyaabaha kale ee ay bulshada u baahantahay, maadaama Al-Shabaab ay kalhore baabi’iyeen goobihii bulshada loogu adeegi jiray. Ciidamada Militariga ah ee Dowladda Federaalka & kuwa Daraawiishta Galmudug ayuu shaaciyay in ay kusii soconayaan howlgallada ka socda deegaannada ay joogaan Al-Shabaab sidaas awgeed ciidanka amniga lagu wareejinayo magaalooyinka ay qabsadaan. Galmudug ayaa ku hanjabtay in ay gacanta ku dhigeyso Magaalo Xeebeedka Xarardheere ee Gobolka Mudug oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ciidanka uu jiheysanayo Degmadaas. Howlgalka ka socda Gobolka Mudug oo socda dhowr todobaad waxaa ka qaybgala diyaaradaha duulliye la’aanta Mareykanka oo saddex fuliyay duqeymo ay la eegteen deegaannada ay isaga baxeen Al-Shabaab oo markii dambe ay galeen Ciidanka DFS & Daraawiishta Galmudug. The post Galmudug oo shaacisay qorsho ay ka damacsan tahay deegaanada laga saaray Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  20. Lalibela (Caasimada Online) – Fallaagada ka dagaalanta gobolka Tigray ee waqooyiga waddanka Itoobiya ayaa waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Lalibela, halkaas oo ah magaalo ay Unecso u aqoonsan tahay inay ku yaallaan goobo taariikhi ah oo caalami ah, kuna taal gobolka midkaas dariska la ah ee Amxaarada. Lalibela, ayaa waxaa ku yaal kaniisado qarnigii 13-aad laga dhisay buuro la qoray, halkaas oo ah meel barakaysan oo ay leeyihiin malaayiin kirishtaan ah. Dadka magaaladaas ku nool ayaa ka qaxayay ruqaansiga fallaagada, waxaa sidaasi BBCda u sheegay saraakiil maxalli ah. Kumannaan qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay Nofeembartii la soo dhaafay. Dagaalka ayaa haatan ku fidaya gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo xad la leh gobolka Tigray. Malaayiin qof ayaa sidoo kale guryahoodii ka barakacay. Ciidammada fallaagada Tigray iyo milateriga Itoobiya iyo xulafadiisa ayaa waxaa lagu eedeeyay inay galeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaalba. Maayir ku xigeenka magaalada Lalibela, Mandefro Tadesse, ayaa BBCda u sheegay in magaalada ay gacan ku haynteeda la wareegeen fallaagada Tigray. Waxa uu sheegay in aanay wax rasaas ah halkaas ka dhicin, hasayeeshee dadka magaaladu ay halkaas isaga baxsanayeen, uuna ka walaacsan yahay badqabka kaniisadaha taariikhiga ah. Waxaa halkaas ku yaal 11 kaniisadood oo laga sameeyay buuro la qoray kuwaas oo la dhisay intii u dhaxaysay qarnigii 12-aad iyo midkii 13-aad. Waxaa loo dhisay inay badel u noqdaan xajka loo aado Dhulka Barakaysan, dhulkaas oo waagaas ahaa mid aanan la gaari karayn. “Halkani waa dhaxal caalami ah, waxaana qasab ah inaan ka shaqayno inaan xaqiijinno in hantidaasi aan dhawro,” ayuu yiri Mr Mandefro. Dagaalka sii fidaya ayaa waxa uu yimid kaddib markii bishii Juun ay dhul ballaaran qabsadeen fallaagada Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray (TPLF), oo ay ku jirto inay la wareegeen gacan ku haynta magaalo madaxda gobolka Mekelle kaddib markii ciidammada dowladda Itoobiya ay halkaas isaga baxeen ayna dowladdu ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac. TPLF ayaa maamuli jirtay gobolka Tigray illaa ay Nofeembartii la soo dhaafay awooddii ay ka tuureen ciidammada federaalka. Waxa ay dowladda Itoobiya ku astaysay inay yihiin urur argagixiso. Sikastaba xaalku ha ahaadee, fallaagada ayaa sheegtay in ay yihiin dowladda sharciga ah ee gobolka Tigray. Bilowgii todobaadkanna janaraal ka tirsan fallaagada ayaa waxa uu BBCda u sheegay in ujeedka ururka ay tahay in ciidammada dowladda federaalka lagu qasbo inay xayiraadda ka qaadaan gobolka oo ay ogolaato in xal siyaasadeed lagu dhammeeyo dhibaatada. Dowladda ayaa gaashaanka u daruurtay inay jirto wax xayiraad ah, dhanka kalana waxa ay meesha ka saartay wax wadahadal ah. Sikastaba xaalku ha ahaadee gulufka TPLF ay ku waddo Amxaarada iyo Canfarta ayaa waxaa dhaleeceeyay caalamka, iyadoo Qaramada Midoobay iyo Mareykankaba ay todobaadkan ku baaqeen in dhammaan dhinacyada ay joojiyaan dagaalka. The post Xogagga TPLF oo gacanta ku dhigay Magaalo taariikh weyn u leh Ismaamulka Amxaarada appeared first on Caasimada Online.
  21. Maamulka qeybta Booliiska ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa la wareegay kow iyo toban gaari oo loogu talagalay in kor loogu qaado hawlgallka ku aaddan sugidda amniga doorashada dalka.Soomaaliya. Deeqdaan gaadiidka ah oo isugu jira shan Gaari oo gaashaaman iyo lix baabuur oo ah nooca Toyota Land cruiserka ah.waxaa bixiyay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). Baabuurtaan waxay inta badan ay taageeri doonaan Unugyada Booliska AMISOM ee la shaqeeya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed . Ku -xigeenka Ergeyga Gaarka ah ahna Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (DSRCC) ee Soomaaliya, Simon Mulongo, ayaa maalinimadii shalay gaadiidkaasi ku wareejiyay Taliyaha Booliska AMISOM,ahna, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (AIGP), Augustine Magnus Kailie. Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa hormuud ka noqon doonta sugidda amniga doorashada, iyadoo booliiska AMISOM ay kaalin taageero ah ka qaadan doonaan , si loo hubiyo in geeddi -socodku yahay mid ammaan ah oo sugan. PUNTLAND POST The post Boliiska AMISOM oo la wareegay gaadiid loogu talagalay amniga doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  22. On May 31st, the people of Somaliland went to the polls to participate in long-delayed parliamentary and municipal elections. The largely autonomous region in the north of Somalia, which had a different colonial history from the rest of the country and declared its independence in 1991, is building an impressive history of credible elections and peaceful transfers of power. While Somalilanders were peacefully making their will clear at the ballot box, giving opposition parties control of Somaliland’s parliament, citizens in the rest of Somalia continued coping with a government that provides little in the way of security or services, depends on African Union peacekeepers and international aid, and too often cannot seem to agree on even the most basic parameters of its political system. It’s not as if Somaliland was destined to be a regional democratic champion. While it is true that British colonizers’ indirect rule left local leadership more intact than Italians did in Somalia, plenty of factors work against Somaliland’s success. It is extremely poor, but has made some hard-won development gains. It carries a legacy of trauma from the brutality of the Siad Barre regime, yet historical grievance is not at the heart of its national vision. Its clan and sub-clan dynamics are not as complex as those to the south, but they are by no means uncomplicated. It has less capacity to engage other states or international financial institutions than its neighbors because the world does not recognize its independence, yet it forges ahead with plans to improve infrastructure, provide jobs to its youthful population, and hold its leaders accountable at the ballot box. Somaliland is not perfect; no place on earth is. But in the midst of regional crisis and global democratic backsliding, Somaliland’s achievements and dogged commitment to its principles deserve more notice. Somaliland stands as a rebuke to those who claim that authoritarianism is simply the required price of stability in the region, or that democratic principles are a fetish of foreigners with no real traction on the ground. Its successes should also prompt policymakers abroad, currently fixated on the Horn of Africa’s multiple crises, to rethink what is possible in the region. Somaliland’s example suggests that the answer may be vastly more ambitious, and far less sensitive to external influence, than conventional wisdom might suggest. CFR Qaran News
  23. Rebels from Ethiopia’s war-hit Tigray region have seized Lalibela, a UNESCO World Heritage Site in the neighbouring Amhara region famed for its 12th-century rock-hewn churches, residents told the AFP news agency. Source: Hiiraan Online