-
Content Count
212,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Anakara (Caasimada Online) – Dhulka ku teedsan Xeebta koonfureed ee Turkiga ayaa gubanaya. Kaymaha ku yaalla buuralayda degmada Manavgat ee Antalya, qiiqa ayaa hawada isku shareeray. “Mar kasta oo dab kaynta la xakameeyo, mid kale ayaa bilaabanaya,” ayuu laga soo xigtay guddiga gurmadka deg dega ah. Holaca iyo qiiqa ayaa baabi’inaya dhulbeereedyada, waxaa soo ifbaxaya haraadigii dhirta gubatay iyo qalfoofka geedaha. Tani, dad badani waxa ay rumaysan yihiin in ay tahay tusaalihii ugu dambeeyay ee muujinaya heerka ay gaartay xaallada cimilada oo ka sii daraysa, Turkigu diyaar ma u yahay ?. waa su’aal kale! Lixdii maalmood ee la soo dhaafay, 132 oo goobood oo ku yaalla koonfurta iyo qeybaha kale ee Turkiga, waxaa ka kacay dab waxaana ku dhimatay siddeed qof si lamid ah gubtay ugu yaraan 118,789 hektar oo dhul ah, sida uu qabo machadka Macluumaadka Dabka ee Yurub. In kasta oo muranku aad u badan yahay, hadana qaar badan oo ka mid ah shacabka Turkigu ayaa rumaysan in dabku ka dhashay “no siyaasadeed” – aragti ayna dhiirragalinayaan siyaasiyiin badan – laguna soo beegay bilo abaar ba’an iyo heerkul aad u daran ka jiro Turkey. Antalya, oo ah goob dalxiis ayaa heerkulkeedu caadiyan ahaan jiray xilligaan oo kale 30C (95 Fahrenheit) balse toddobaadkan ayaa heerkulku gaaray 40C. Bishii July 20 -keedii, Turkiga ayaa diiwaangeliyay heerkulkii ugu sareeyay abid 49.1 (120.38 Fahrenheit) gaar ahaan gobolka koonfur -bari. Dabka ayaa baabi’iyay kaymaha u dhow xeebaha ay caanka ku yihiin dalxiisayaasha deegaanka iyo kuwa reer Yurub, sida Bodrum iyo Marmaris, iyada oo ay dadku ku cararayaan baabuurta, doomo yaryar iyo mararka qaarkood doonyaha raaxada. Iyada oo heerkulku sii kordhayo hadana waa jira kaymo badan dabku ka kacay kuwaas oo ku yaalla koonfurta Yurub, sida Giriigga, Spain iyo Talyaaniga. Manavgat ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee dabku saameeyay wadanka Turkiga, waxaana saraakiisha Turkigu la halgamayaan in ay si dhaqso leh u xakameeyaan dabka. “Goobtaan oo dhami shalay way fiicnayd,” ayuu yiri Mustafa oo deggan tuulada Sirtkoy, isagoo farta ku fiiqaya dhagxaan madoobaatay oo ah gurigii saaxiibkiisa. “Dabka ayaa kacay saaka 5 -tii subaxnimo tanina waa gubatay. 6 -dii subaxnimo, dabku wuu dhammaaday, laakiin 9 -kii subaxnimo ayay dabayshu mar kale soo celisay sidaan ayaa dabku u baabi’yay dhulkaan. ” Qaar ayaa ku dhaleeceeyay dowladda Turkiga sida ay u maareysay musiibada, gaar ahaan, iyada oo ay ugu wacan tahay in aysan diyaarin dab -damiska ee dalka. Taa baddalkeeda, laakiin dabinta dabka waxaa kala qayb galay Ukraine, Russia, Azerbaijan iyo Iran si ay u caawiyaan, Midowga Yurubna wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay caawinta Turkey. Khabiir ku takhasusay cilmiga dabka oo la yiraahdo Ismail Bekker ayaa sheegay in si looga soo kabsado dabka, ay muhiim tahay in dhulka Kaymaha ah la geeyo qalabka dab damiska oo ku filan balse aysan xal ahayn in dib loo beero kaymaha dabku baabi’iyay. “Waxaan u baahannahay inaan kaymaha ku darno qorshaynta magaalooyinka maaddaama masiibadani muujisay in dababka kaynta ay hadda gaaray heer ay khatar oo keeni karata in uu saameeyo magaalooyinka,” ayuu yir. “Marka cimiladu is -beddesho, way sii kululaan doontaa oo dabkuna wuu kori doonaa.” The post Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Turkiga iyo quus iyo su’aalo taagan + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
GALKAYO (HOL) - Forces loyal to former Banaadir regional police boss Sadaq John have reportedly captured a senior al-Shabaab commander after fierce fighting in central Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray digniin ku saabsan doorashada Soomaaliya. Guddoomiye Shuute ayaa ciidamada qalabka sida ee kala duwan uga digay inay ku milmaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan inay farageliyaan doorashooyinka ka bilowday Soomaaliya. Guddoomiye Shuute waxaa uu ku amray Xeer ilaalinta maxkamadda inay dacwad kasoo gudbiyaan askarigii ama sarkaalkii farageliya Arrimaha doorashooyinka ee xilligaan ka socda dalka. Shuute ayaa sheegay in askarigi ama sarkaalkii lagu helo inuu faragelin ku sameeyey doorashada Soomaaliya lagu ciqaabi doono in gebi ahaanba laga saaro liiska Dowladda Soomaaliya. “ Meel kasta oo Ciidan uu joogo waan tegi doonaa, waxaana farayaa xafiiska Xeer ilaalinta in uu galdacwadeed kasoo gudbiyo ciidamada dhexdooda oo ka dhan ah shaqsiyaadka, iyada oo ciidamada ka tirsan ku milmay siyaasadda, waxaana qofkii lagu helo uu noqon doonaa mid aan u qalmin in uu ciidamada kasii mid ahaado ayuu yiri” Guddoomiye Shuute. Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa daba socda xilli Xubnaha musharixiinta Madaxweynaha ay dhowr jeer sheegeen in Madaxda joogta Villa Soomaaliya ay Ciidamada u adeegsadeen in lagu boobo doorashada. Lama ogo waxa ay faragelinta ciidamada ee doorashada Soomaaliya ka badali doonto hadalka guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida inkastoo dhawaan lagu heshiiyey inay amniga doorashada sugan ciidamo isku dhaf ah iyo kuwa AMISOM. Soomaaliya ayaa gashay xaalad doorasho, waxaana la doortay illaa 9 xildhibaan oo aqalka sare ah oo kasoo kala galay Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana doorashada Soomaaliya ka socoto mas’uul ka ah Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo lagu wareejiyey mas’uuliyadaas. The post Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo soo saartay digniin ku saabsan doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd shaaciyey in laga laabtay guddoonkii ay soo doorteen labada garab ee guddiga doorashada Somaliland, kadib kulan uu maanta la qaatay labada garab ee guddigaas. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in xafiisku uu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland oo maalmihii u dambeeyay u kala jabay labo garab. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxa uu sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.” Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in mas’uuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, islamarkaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey. “Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada.” Arrintaan ayaa imaneysa xili uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha kulamo wada-jir ah la qaatay hogaamiyeyaasha labada garab ee u kala jabeen guddiga doorashada kuraasta Somaliland, kuwaasi oo fashil kusoo dhamaaday, kadib markii uu Cabdi Xaashi ku gacan seyray dalab uu kusoo jeediyay Rooble in uu si toos ah ula wareego hogaanka doorashada gobolada Waqooyi. The post R/W ROOBLE oo ka laabtay gudoonkii ay doorteen labada garab ee guddiga G/Waqooyi appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada. Eng. Rooble ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, isla markaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey. “Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada”. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa horey kulamo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhashay hoggaanka guddiyada doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland ula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Cabdirisaaq Khaliif ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Somaliland, Waxa uu heley 42 cod, halka Yaasiir Faratoon oo la tartamayay uu heley 39 cod. Haddaba halkan ka akhriso taariikhda Mudane Cabdirisaaq Khaliif. Taariikhda Cabdirisaaq Khaliif Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1967-dii, waxabarshada hoose waxa uu ku qaatay isla magaaladaas. Halka uu waxbarashadiisii sare uu ku qaatay koonfurta Soomaaliya Waxaa se uu sheegay in aanu ku shaqayn wixii bartay isaga o u baydhay dhanka ganacsiga gaarka ah, maamulka iyo siyaasadda. Labaatankii sano ee u dhaxeeyey 1991 illaa 2010 hawlahaas ayuu ku mashquulsanaa. Xukuumadii ugu horreysay ee madaxweyne Siilaanyo ayuu ka noqday sannadkii 2010-kii wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska. Halka mar kale 2013 bishii 7aad uu noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland. Sannadkii 2015-kiina waxa uu ka mid tiro wasiirro ah oo iska casilay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo markii danbena ku biiray xisbigii mucaaradka ahaa ee Waddani. Sannadkii 2016 – kiina waxa uu noqday xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani. Halka 2018 bishii 3aad uu noqday Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee Xisbiga Waddani. Waxaana uu sannadkan xildhibaannadii cusbaa ee golaha wakiillada uga soo baxay gobolka Sool, isaga oo haatanna u tartamaya Guddoonka Aqalkaas. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada. Eng. Rooble ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, isla markaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey. “Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada”. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey kulamo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhashay hoggaanka guddiyada doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland ula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo war ka soo saaray muranka guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Falanqeeyaasha kala ah Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo iyo Cabdullahi Faarax Daguur oo ka faalooda ciyaaraha gudaha ayaa bogaadiyay da’daalada ay wadaan madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyaraha ee SOMFA,iyagoo soo jeediyay in Xiriirka Kubad Cagyaraha iyo Xiriirka Kubabdda Cagta Soomaaliya ay kawada shaqeeyaan horomarintan iyo guulaha kubbadda cagta gudaha iyo dibadda. “Xiriirka Kubad Cagyaraha oo guul gaara, waa Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo horomar gaara, labada xiriir waa mataano waxaan loo baahan yahay in ay is taageeraan oo ay kawada shaqeeyaan horomarinta kubbadda cagta gudaha iyo dibadda” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo. Xiriirka Kubad Cagyaraha waxaa Soomaaliya la aas aasay sanadii 2015, wuxuuna hoos tagaa Xiriirka Kubad Cagyaraha Caalamka iyo kan qaarada Afrika, halka Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo dhisanyahay tan 1951 wuxuuna ka mid yahay Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA, kan Qaarada Afrika ee CAF iyo sidoo kale Xiriirka Kubbadda Cagta Qaarada Afrika ee CECAFA, waxayna labada Xiriir Soomaaliya ku matalaan dhacdooyin ciyaareed iyo shirar caalami ah oo ka dhaca dalalka caalamka. “Da’daalada ay wadaan madaxda Xiriirka Kubad Cagyaraha waa mid ku dayasho mudan, waxayn fursad weyn siiyeen ciyaartyooydii hore dalka oo qeyb ka ah horomarka iyo guulaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyaraha, waxaan ka sugaynaa intaas iyo ka badann “ ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur. Gudoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle ayaa goor hore sidan u sheegay Goobjoog Sports “Xiriirka Kubbadda Cagta iyo Xiriirka Kubad Cagyaraha waa labo xiriir oo mataano ah ma jiraan wax khilaaf oo ka dhaxeeya labad dhinac ,balse SOMFA waxay diyaar u tahay in ay xaliso wixii dhibaatooyinka jira, waxayna diyaar u tahay wadahadal iyo horomarin”. Daawo Falanqeynta Kismaayo iyo Daguur Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle “Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya Waa Lawada Lee Yahay” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Hargeisa (HOL) - Abdirizak Khalif Ahmed, the vice-chairman of the Waddane Party, has been elected the new speaker of the 5th Somaliland House of Representatives on Tuesday morning following a closely contested race with Kulmiye Party's Yasin Faratoon. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Ali Idow Hassan, One of two Somalia Olympic athletes in Tokyo, has placed 10th in the first round of the Men's 1500M. Source: Hiiraan Online
-
Golaha wakiillada Somaliland ayaa goordhow waxaa ay Guddoomiye cusub u doorteen Cabdirisaq Khaliif oo ka tirsan xisbiga Waddani. Khaliif ayaa doorashada kadin afhayeen u noqon doona aqalka golaha wakiillada Somaliland 5-ta sano ee soo socota. Codbixin ka dhacday golaha, Cabdirisaq waxaa helay 42 cod halka ninka ay xukuumadda wadatay ee Faratoon uu helay 39 cod. Inta aan la dooran Khaliif waxaa hoolka lagu dhaariyey xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland oo gaaraya ilaa 81 xildhibaan. Waxaa kale oo la doortay guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mudanayaasha Baarlamanka Somaliland, ayaa maanta oo Talaado ah doortay guddoon cusub. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa loo doortay, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka sharraxnaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Cabdirisaaq ayaa 42-cod kaga guulaystay, Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka sharraxnaa xisbiga Kulmiye, kaas oo isna helay 39-cod, kadib loolan adag oo dhexmaray labada murashax. Guddoomiye ku xigeenka kowaad ayaa loo doortay, Siciid Mire Giirre oo isna ka sharraxnaa xisbiga mucaaradka ah ee UCID ,halka Guddoomiye ku xigeenka labaad uu ku guulaysay Cali Xaamud Jibriil (UCID). PUNTLAND POST The post Baarlamanka Somaliland oo guddoon cusub doortay appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Maxamuud Nuur, oo ka tirsan Baarlamanka Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka, oo maalmahan ku sugnaa caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa maanta lagu qaabilay xarunta Baarlamanka Puntland. Guddoonka Golaha Wakiilada iyo Xildhibaannada Puntland, ayaa Xaruntooda ku qaabilay Xildhibaanka oo Garoowe u yimid ka qayb-galka Munaasabadda Xuska Kowda Agoosto ee as’aaskii dowladda Puntland. Xildhibaan Maxamuud Nuur oo khudbad ka jeediyay Fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa Golaha la wadaagay Khibraddiisa Arrimaha Baarlamannada, gaar ahaana Habka ay u shaqeeyaan Baarlamanka Gobolka Minnesota. Mudane Maxamuud Nuur, ayaa sidoo kale Baarlamanka Puntland u ballan-qaaday in uu si dhow ula shaqayn doono isaga oo ka mahad-celiyay, sida loogu soo dhoweeyay Golaha wakiilada Puntland. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Minnesota oo khudbad u jeediyay Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.