Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka ee Somaliland ayaa maanta doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Hargeysa. Doorashadan oo aheyd mid xiiso leh ayaa waxaa ku tartamay labo musharrax oo kala ahaa Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed. Faratoon ayaa metalayey xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, halka Cabdirisaaq uu ka socday xisbiga mucaaradka ee Wadani, kaas oo ay guushu raacday. Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland oo shaaciyey natiijada ayaa sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu helay 42 cod, halka Yaasiin Maxamuud Faratoon oo laga guuleystay uu helay 39 cod, waxaana sidaas guddoonka golaha wakiilada ugu guuleystay Wadani. Cabdirisaaq Khaliif ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Somaliland, wuxuuna laba jeer soo noqday wasiir xilligii Siilaanyo, isaga oo sidoo kale xisbiga Wadani ku biiray 2015-kii. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa ku guuleystay Saciid Mire Faarax oo metalaya xisbiga mucaaradka ah ee Ucid , wuxuuna helay 41 cod, halka musharraxii la tartamayey ee Cumar Jaamac uu helay 40 cod. Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa sidoo kale kusoo baxay Cali Xaamud Jibriil oo isna metalaya xisbiga Ucid, isla-markaaana hekay 43 cod, halka Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo laga guuleystay uu helay 38 cod, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda sare. Doorashadan ayaa aheyd mid la wada sugayey, waxaana guushan ay xisbiyada mucaaradka u horseedeydaa inay lalan adag la galaan xisbiga talada haya ee Kulimye. The post Xildhibaanada Somaliland oo guddoon cusub doortay – Yaa guuleystay mucaaradka iyo muxaafadka? appeared first on Caasimada Online.
  2. Al-Shabab militants killed three Kenyans over the weekend in two separate terror attacks in northeastern Kenya's Mandera County, authorities confirmed on Monday. Source: Hiiraan Online
  3. Degdeg:Musharaxa ku Guulaystay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland oo la shaaciyeyada Musharax Cabdirisaaq Khaliif ayaa ku guulaystay Gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka Somaliland oo Helay 41 Cod,halka Musharax Faratoona Helay 39 Cod Qaran News
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Kulanka golaha wakiilada Somaliland oo haatan ka socda gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxaa hareeyey buuq iyo fowdo, kadib markii shir guddoonka golaha lagu wareejiyey xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir oo loo yaqaano Faratoon. Buuqa ayaa ka dhashay, kadib markii guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland uu shir guddoominta ku wareejiyey Faratoon oo ah musharrax u taagay xilka guddoomiyaha, waxaana xildhibaanada qaar ay ka biyo diideen arrintaas, iyaga oo, kadib fowdo bilaabay. Xubnaha mucaaradka ee ku jira golaha ayaa shaaca ka qaaday in aysan suurtogal aheyn in Faratoon uu guddoomiyo kulanka, sababo la xiriira in nuu musharrax yahay. Sidoo kale kadib waxaa laga dajiyey kursiga guddoonka ee golaha, si loo joojiyo buuqa, isla-markaana uu sii socdo kulanka golaha oo ah kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan. Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka uu haatan si habsami leh ku socdo, waxaana khudbado jeediyey musharraxiinta u taagan xilka guddoonka sare ee golaha wakiilada. Xildhibaanada ayaa cod gacan-taag ah ku dooranaya gudoomiyaha cusub waxaana u taramaya Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo metalaya xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka socda xisbiga mucaaradka ee Wadani, isla markaana garab ka helaya xisbiga Ucid, iyada oo cod dheeri ay ku kala bixi doonaan. Sidoo kale doorashada guddoomiyaha cusub, kadib ayaa waxaa la sii amba qaadi doonaa doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha wakiilada Somaliland. Doorashadani ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka socda xukuumadda iyo sidoo kale guddoonka xisbiyada mucaaradka Wadani iyo Ucid. The post Maxaa dhaliyey buuqa hareeyey kulanka golaha wakiilada Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
  5. Ahmed Mohamud, an elderly pastoralist from Mudug region in north-central Somalia, has witnessed the devastations climate change has wrought in his ancestral village where livestock keeping has strong economic and cultural value to his folks. Source: Hiiraan Online
  6. Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayuu guddoomiyaha Maxkamadda sare sheegay inuu yahay Xildhibaanka ugu da’ weyn yahay sidaas darteed uu shirguddoonka noqdo,Hase yeeshee Buuq Iyo Sawaxan ayaa bilaabmay Ku darsoo Waxaa ku ganacansaydhay Hogaaminta shirka ee faratoon Musharax Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo loolan ka dhexeeyo Faratoon Isku soo wada duuboo Waxaa laysku raacay in Gudoomiyaha Maxkamada Sare Gudoomiyo hagana fadhigaa ilaa la dooranyo Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Qaran News
  7. Waxaa goordhaw xarunta golaha wakiilada Somaliland ee magaalada Hargeysa lagu soo gaba gabeeyay dhaarinta xildhibaanada cusub ee golaha. Xildhibaanadan oo gaaraya illa iyo 82 mudane, ayaa bishii May dhamaadkeedii laga soo doortay deeganada Somaliland. Golaha wakiilada Cusub ayaa sidoo kale lagu wadaa in saacadaha soo socda ay doortaan shir guddoonka golaha wakiilada iyo ku-xigeenadiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Wali waxa si toos ah u socda kulanka kowaad ee golaha wakiillada Somaliland, iyaga oo uu guddoomiyaha maxkamadda sare Somaliland Aadan Xaaji Cali uu gobolka gobol u dhaarinaya xildhibaannada cusub. Xildhibaannada gobolka Marooji-jeex ayaa noqday gobolkii ugu horreeyay ee la dhaariyo. Xildhibaannada gobolka Togdheer ayaa noqday gobolkii labaad ee la dhaariyo. Xildhibaannada gobolka Awdal ayaa noqday gobolkii saddexaad ee la dhaariyo. Xildhibaannada gobolka Sanaag ayaa noqday gobolkii afraad ee la dhaariyo. Xildhibaannnada gobolka Sool ayaa noqday gobolkii shanaad ee la dhaariyo. Xildhibaannada gobolka Saaxil ayaa noqday gobolkii lixaad ee dhaariyo. Source
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare ayaa si rasmi ah u bilaabatay, waxaana doorashooyinkii ugu horreeyey ee Golahaasi lagu qabtay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo ka kala tirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Maamullada harsan waxaa ka mid ah Puntland, haddaba yaa ku dhagan qabashada doorashada Aqalka Sare ee maamulkaasi?. Warqad kasoo baxday xafiiska guddiga doorashooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in la joogo waqtigii lagu heshiiyey doorashada Golaha Aqalka Sare, waxayna dalab xasaasi ah u direen madaxweyne Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo weli ku dhagan doorashadaasi. Guddiga ayaa ka codsaday Saciid Deni inuu soo saaro liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamaya kuraasta taalla magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. “Waxaan halkan kuugu soo wadaagayaa codsi ku aadan inaad noo soo gudbiso liiska musharraxiinta Aqalka Sare,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland Cabdikariin Muuse Maxamed. Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyey ” Mudane madaxweyne anigoo ku kalsoon codsigeyga inaad iga aqbali doontid, si aan u gudano waajibaadka na saaran ee qaran,”. Deni ayaa laga sugayaa inuu ka jawaabo dalabkan, isla-markaana uu ku dhawaaqo liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamaya doorashada ka dhaceysa magaalada Garoowe. Si kastaba Puntland ayaa la filayaa inay qaado dhabihii ay mareen maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, isla-markaana ay soo xusho Senatorada ka imaanaya maamulkaasi. The post Yaa ku dhagan doorashada Puntland ee Aqalka Sare? appeared first on Caasimada Online.
  10. Sarkaal u dhashay waddanka Sudan ayaa sheegay in masuuliyiinta gobolka Kassala ay ka heleen maydka ku dhawaad 50 qofood webiga u dhexeeya Sudan iyo Itoobiya, oo sida muuqata ka cararayay dagaalka gobolka Tigray, kuwaas oo qaarkood ay ka muuqdeen dhaawacyo rasaas lagu furay. Qaar kale oo ka mid ah dadkan ayaa gacmaha ka xirnaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal arkay maydadkan. Sarkaalkan ayaa sheegay Isniintii in loo baahan yahay baaritaan dambi baaris ah, si loo ogaado sababaha dhimashada dadkan, waxaana sarkaakan uu codsaday in aan magaciisa la shaacin, maadaama aan warbixintan loo fasixin warbaahinta. Laba shaqaale caafimaad oo Itoobiyaan ah oo ka tirsan bulshada ku nool xadka Sudan ee Hamdayet ayaa xaqiijiyay inay arkeen maydadka laga helay Webiga Setit, oo Itoobiya looga yaqaan Tekeze. PUNTLAND POST The post Maydadka 50 qof oo laga helay webiga u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  11. Piratical attacks on vessels are as old as the hills. Vessels traversing stretches of sea have, since time immemorial, been subjected to piratical attacks. Source: Hiiraan Online
  12. Claims of favouritism have marred Somalia’s senate elections after outspoken opposition politicians were elbowed out of nomination lists in Jubbaland and South West states. Source: Hiiraan Online
  13. Xildhibaanada Garabka is-isbahaysiga Mucaaridka oo ku sugan Hoolka Xarunta golaha Wakiilada Somaliland+Sawirro Qaran News
  14. Sannad-dugsiyeedka iskuulada Waxbarashada Puntland, ayaa furmaya maanta oo Isniin ah, xilli aan weli la sixin imtixaankii shahaadiga ahaa ee laga qaaday Ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe. Markii ugu horreysay taariikhda waxbarashada Puntland, dugsiyada sare ma heli doonaan arday ka gudubtay imtixaanka fasalka siddeedaad oo billaabi kara fasalka kowaad ee dugsiga sare, sida ku jirtay warbixin Puntland Post qortay maalmo ka hor. In ka badan 12,000 oo arday ayaa u fariistay Imtixaankan Shahaadiga ah, oo sida wararku sheegayaan loo waayay dhaqaale lagu saxo, inkastoo aysan weli Wasaaraddu ka hadlin arrintaas. Imtixaanka ka hor, arday kasta oo kamid ah 12,000 kun waxa laga qaaday lacag dhan $20 Dollar, waxaana lacagtaas wadar ahaan u dhigantaa $240,000 kun oo Dollar, haddii lagu dhufto tirada guud ee ardayda. Haddaba, sideee u aragtaa in Imtixaanka dhaqaale loo waayay, iyadoo ardayda laga qaaday $240,000 kun oo Dollar? PUNTLAND POST The post Lacag intee le’eg laga qaaday Ardayda Puntland ee loo sixi waayay Imtixaanka? appeared first on Puntland Post.
  15. Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku eedeeyeen kooxda Taalibaan inay xasuuqeen dad rayid ah oo ku sugnaa deegaan ku dhow xadka Pakistan oo lagu magacaabo Spin Boldak,isla markaana hoostaga magaalada Qandahaar. Taalibaan ayaa lagu eedeeyay in ay dileen 40-ruux oo isugu jiray saraakiil iyo dad rayid ah,ka dib kolkii ay qabsadeen deegaan ka mid ag magaalada Qandahaar,waxaana dilalkani ay noqon karaan dambiyo dagaal, ”sida laga soo xigtay safaaradaha Washington iyo London oo adeegsaday bogga baraha bulshada ee Tuwiterka. Cambaareynta dibolomaasiyadeed ee Mareykanka iyo UK ayaa timid kadib markii Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Afgaanistaan ​​uu sidoo kale sheegay in dagaalyahannada Taalibaan ay ku kaceen dilal aargoosi ah oo loo geystay saraakiil ka tirsanaa dowladda oo aan ku jirin dagaalka iyo dad rayid ah. Suhail Shaheen, oo ka tirsan kooxda wada xaajoodka Taalibaan ee fadhigoodu yahay Doha, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in wararkaasi eedeynta ah ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan laheyn sal iyo raad toona. PUNTLAND POST The post Talibaan oo lagu eedeeyay xasuuq appeared first on Puntland Post.
  16. Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo Muqdisho (Caasimada Online) – Billowga doorashada Aqalka Sare, iyo tallaabooyinka ay qaadeen Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, waxay sidoo kale daah-fureen loolanka musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, xitaa kahor inta aan la gaarin doorashada madaxweyne. Labada liis ee kasoo kala baxay Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen waxay muujiyeen halka uu Farmaajo ka filayo inay ugu soo baxaan xildhibaanada uu isku haleynayo doorahadii madaxweyne. Afartii Senator ee Khamiistii lagu doortay Kismaayo waxay noqdeen kuwa ka baxsan xeendaabka Farmaajo, kadib markii xubnihii taageersnaa la reebay, waxaana taa beddelkeed soo xubno ka tirsan xisbiga Xasan Sheekh ee UPD ama taageersan. Dhanka kalena, madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen waxa uu liiskii uu soo saaray ka reebay xildhibaanada mucaaradka ku ah Farmaajo, isaga oo ku beddelay musharaxiin la filayo inay taageeraan Farmaajo. Tallaaoobyinka ay qaadeen Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen la-yaab ma leh, oo waa kuwa ay filayeen xog-ogaalka siyaasadda Soomaaliya. Si kastaba, siyaasadaha aan la saadaalin karin ee madaxweynayaasha Gamudug iyo HirShabelle, Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe, iyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee ay soo gudbin doonaan, ayaa wax badan nooga sheegi doona heerka ay gaarsiisan tahay daacad u ahaanshahooda Farmaajo. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay cadaadis xooggan kala kulmayaan Villa Somalia, si liiska musharaxiinta looga reebo Senatorada mucaaradka ah, looguna beddelo musharaxiin ay raali ka tahay madaxtooyada. Hase yeeshee, ma ahan arrin sahlan in liiska musharaxnimo laga reebo xubnaha ay cabashada ka qabto Villa Somalia, sababtoo ah, badankood waa jilbo-weynta siyaasadda Soomaaliya iyo qabiillada ay kasoo jeedaan. Senatorada laga soo doorto Galmudug ee la sugayo inuu go’aanka ka gaaro Qoor Qoor waxaa ka mid ah, guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari, iyo Senatorada kala ah; Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, Yuusuf Geelle Ugaas, Jawaahir Axmed Cilmi iyo xubno kale. Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa isna laga dhowrayaa haddii uu liiska ka saari doono iyo haddii kale, xubno ay ka mid yihiin Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle, Prof. Maxamed Cusmaan Faarax, iyo Maxamed Xuseen Raage. Haddii Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay liiska musharaxnimo ka reebaan Senatorada mucaaradsan Farmaajo ama badankood, waxay caddeyn doonta halka ay daacadnimadoodu jirto, waxayna xoojin doontaa rajada dib u doorasho ee madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday. Haddiise ay labadan madaxweyne goboleed soo celiyaan Senatorada aan soo xusnay badankood, waxay tusmeyn doontaa inay dhammaatay daacadnimadoodii Farmaajo, ayna ka go’an tahay inay dhexdhexaad ka noqdaan doorashada. Inkasta oo xildhibaanada Aqalka Sare ee lagu soo dooranayo Galmudug iyo HirShabelle ay marka la isku geeyo yihiin 16, oo aysan wax badan ka tarin doorashada madaxweynaha, haddana go’aanada Qoor Qoor iyo Guudlaawe waxay sii ifin karaan sida ay u maamuli doonaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka. Madaxweyne Farmaajo ayaa gacanta ku haya, oo la filayaa in inta badan ay taageerayaashiisa noqdaan xubnaha Aqalka Sare ee kasoo baxay Koonfur Galbeed iyo Somaliland. Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen, oo Sabtidii soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare, ayaa billaabay fulinta qorshaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo. Lafta-gareen, oo awood u leh soo gudbinta liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed, ayaa liiska ka reebay laba ka mid ah Senatorada ugu caansan Aqalka Sare, oo kala ah; Ilyaas Cali Xasan iyo Xuseen Sheekh Maxamuud. Ilyaas Cali Xasan, ayaa waxa uu ka tirsan yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, waana xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbigaas, halka Xuseen Sheekh Maxamuud uu xubin sare ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo ka dhaceysa Muqdisho, ayaanay jirin cid Farmaajo iyo Mahdi Guuleed ka hor-istaagi doonta inay soo saartaan xubnaha ay doonaan. Sidaas darteed, xubno kasta oo intaas dheeri ku ah oo uu Farmaajo ka helo Galmudug iyo HirShabelle, waxay sii xoojin doonaan rajadiisa dib u doorasho. The post Liiska ay soo saarayaan Qoor Qoor iyo Guudlaawe iyo rajada Farmaajo + Video appeared first on Caasimada Online.
  17. Wasiirka beeraha Turkiga ayaa shaaciyey in 125 ka mid ah 132 goobood oo daba kacay kaymaha dalka la xakameeyey,isagoo xusay inay weli socdaan Dadaallada lagu doonayo in lagu demiyo dabka haray ayaa socda. Dabkan ayaa sababay khasaare deegaan iyo dhimashada siddeed qof. Agaasimaha isgaarsiinta Turkiga Fehrettin Altun ayaa dadka ka codsaday in aysan ku dhicin warar khaldan oo ku saabsan dabka baraha bulshada. “Fadlan aan ku tiirsanaano bayaannada mas’uuliyiinta ee rasmiga ah,” ayuu yiri, isaga oo raaciyay in Turkigu uu xoog badan yahay isla markaana uu dhammayn doono dhammaan khasaarihii soo gaaray. PUNTLAND POST The post Turkiga oo ku dhawaaqay inuu ku guulaysatay deminta dab ka kacay deegaano ka tirsan dalkiisa appeared first on Puntland Post.
  18. Mudanayaasha Baarlamanka Puntland, ayaa maanta oo Isniin ah dib u bilaabaya fadhiyadoodii caadiga ahaa, kadib fasax ay ku maqnaayeen mudda todobaad ah. Ajandaha keliya oo ka harsan Kal-fadhiga 48-aad Baarlamanka, ayaa ah doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland. Mudanayaasha Baarlamanka, ayaa la filaya in ay maalmaha u haray guda-galaan arrimaha ku saabsan doorashada xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya Puntland. Sidoo kale, madaxweyne Siciid Deni ayaa isna todobaadkan lagu wadaa in uu soo gudbiyo liiska xubnaha u sharraxan doorashada Aqalka sare, kuwaas oo la filay in ay ka soo muuqdaan dad ka tirsan dowladdiisa. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo dib uga soo laabtay todobaad fasax ah appeared first on Puntland Post.