-
Content Count
212,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa waali iyo layaab ku sifeeyay doorashooyinka dowladda Somaaliya gadhwadeenka ka tahay ee dadka reer Somaliland loogu qabanayo magaalada Muqdisho. “Maanta Xamar waxa ka socda doorashadii Somaliland ee aqalka sare iyo aqalka hoose, in ay dadku waalanyihiin ayaan idiin sheegayaa, bal dadkan caga badnaanteenu inoogaysay 1960 waa cagliga maanta ku leh gudidii doorashooyinka Somaliland ayaa la samaynayaa bisha todobadeeda” ayuu yidhi. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in sharci laga soo saaro dadka ka shaqeeya arrimaha Soomaaliwayn, waxaanu golaha wakiilada Somaliland ee dhawaan la doortay ugu baaqay in ay ka howlgaal sharciyo lagu xakamaynayo dadka ku lugta leh arrimaha. “Ilaa shirkii Carta ee 2000 ayay bilaabeen in ay qaar ina sheegtaan oo magaceena heshiisyo ku galaan, waxan baarlamaanka cusub leeyahay 75% sharciyada in ay dowladu soo saarto weeyaan oo baarlamaankuna ka eego, dowladu waxba soo saari wayde howshaasi idinka ayay idin haysataa” ayuu yidhi. Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa marar kala duwan xukuumada Somaliland iyo golayaasha sharci dajinta ugu baaqay in ay sharci kasoo saaraan dadka ku eedaysan in ay xidhiidh la leeyihiin dowlada Soomaaliya. Source
-
(SLT-Washington)-Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay Liiska argagixisadda caalamka ku dartay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab. Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamed Raage (Cali Dheere) iyo Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo loo yaqaan Ikrima ayaa liiskan lagu daray, iyagoo qeyb ka ah shan xubnood oo ka tirsan ururada xidhiidh la leh Al-Qaacida. Cali Dheere oo ahaa afhayeenka guud ee Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2009, ayaa ah xubin saameyn ku leh golaha shuurada ee kooxda Alshabaab. In kasta oo Cali Dheere uu muddo dheer ka tirsanaa kooxda Alshabaab, haddana waa markii ugu horraysay oo uu Maraykanka ku daro liiska argagixiso. Ikrima oo ah sarkaalka labaad ee liiskaan lagu daray, ayaa Alshabaab u qaabilsan qorsheynta howlgallada gudaha Kenya. Maraykanka ayaa muddo dheer indhaha ku hayay. Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in Ikrima uu yahay dhex-dhexaadiyaha u dhexeeya dhowr urur oo xidhiidh la leh Al-Qaacida taasina waxay si toos ah ugu lug lahayd qorsheynta weerarkii Westgate Mall ee 2013-kii ka dhacay caasimadda Kenya oo ay ku dhinteen daraasiin dad ah. Wasaaradda arrimaha dibadda waxay shaacisay in ay bixinayso abaalmarin lacageed oo dhan 3 milyan oo doollar qofkii keena xog horseedi doonta in lasoo xidho. Source
-
Dowladda Maraykanka, ayaa Liiska Argagixisada Caalamiga ah ku dartay laba xubnood oo ka tirsan Hoggaanka Sare ee Al-shabaab. Bayaan ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka, ayaa lagu shaaciyay in Liiska Argagixisada Caalamiga ah lagu daray Af-hayeenka Al-shabaab, Cali Maxamuud Raage oo lagu naanayso Cali Dheere. Cabdulqaadi Maxamed Cabdulqaadir, oo ku magac dheer Ikirama, islamarkaana Al-shabaab u qaabilsan Madaxa Saadka iyo Hawlgallada, ayaa isna lagu daray Liiska Argagixisada Caalamig ah. Ikirama iyo Cali Dheere, waxay ka soo muuqdeen liis ka kooban shan xubnood, oo ka tirsan kooxaha jihaad doonka ah ee qaaradda Afrika, kuwaas oo lagu daray Argagixisada Caalamiga ah. Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in la xayirayo dhammaan hantida iyo danaha shakhsiyaadka lagu daray Liiskan. PUNTLAND POST The post Af-hayeenka Al-shabaab oo lagu daray Liiska Argagixisada Caalamiga ah appeared first on Puntland Post.
-
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta u qorsheeyey qabashada doorashada xubnaha guddiga doorashada dadban ee heer maamul ee Somaliland xilli guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi uu arrinkaas iska didaay. Qoraal soo baxay khamiistii ayaa lagu shaaciyey in doorashada ay dhaceysa 7-bada bisha oo maanta ah, kana dhaceyso Afisyooni. Waxaa goordhaw la shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada guddoonka guddiga doorashada Somaliland. Arrimaha uu guddoomiye Xaashi diidan yahay waxaa ka mid ah in doorashada ay qeyb ka noqdaan 3-da xubin ee ra’isul wasaare Rooble ku daray SIET, waxaa uuna marar badan ku celiyey in lagu koobo 8-dda xubnood ee ay kala magacaabeen isaga iyo Khadar Guudleed oo ah ra’isul wasaare ku xigeenka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada hoggaanka guddiga maamulaya doorashada xildhibaanada labada Aqal ee ka imaanaya gobollada waqooyi ama Somaliland. Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan socota, wuxaana guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal uu soo saaray ogeysiis ku aadan qabashada doorashada hoggaanka guddiga gobollada waqooyi oo haatan labo garab u kala noqday. Xubnaha guddiga ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf aad u xoogan, waxaana afarta xubnood ee uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare ay shaaciyeen in aysan ka qeyb-geli doonin doorashada maanta dhaceysa, illaa inay guddoonka u codeyaan sideed xubnood oo doorashada aysan ka qeyb gelin xubnaha uu Rooble soo magacaabay iyo in wadahadal iyo heshiis dibadda ah oo lagu dhammeeyo muranka jira doorashada ka hor. Xaaladda ayaa aad usii cakirmeysa, waxaana marba marka ka dambeysa kasii daraya khilaafka u dhexeeya labada dhinac ee ku aadan sida loo wajahaypo doorashada guddiga. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse saacadaha soo socda ayaa la kala ogaan doonaa inuu dhacayo is-bedal & in la guda-galo doorashada hogaanka gudiga Somaliland. Sidoo kale arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu uga noqday doorashadii hore ee hoggaanka guddigan, kadib markii ay cabasho xoogan ka keeneen garabka Cabdi Xaashi oo weli iyagu ku doodayo in aan xal loo helin tabashadooda. Si kastaba khilaafkan ayaa uga sii daraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, maadaama haatan la bilaabay doorashada Aqalka Sare. The post Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada hoggaanka guddiga gobollada waqooyi appeared first on Caasimada Online.
-
Jabhadda Tigray ee dalka Ethiopia, ayaa ka hortimid baaq ka soo baxay Mareykanka ku aaddanaa in ay ciidamadeeda ay kala baxdo gobollada deriska la ah. Hoggaanka Jabhadda TPLF ee Gobolka Tigray, ayaa sheegay in aysan dheg jalaq u siin doonin baaqaas, inta iyaga laga qaadayo xanibaadda saaran. Baaqa Maraykanka ayaa soo baxay, maalin ka dib markii Jabhadda TPLF qabsatay magaalada Lalibela, oo hay’adda UNESCO u aqqoonsan tahay xarun ay ku yaallaan goobo taariikhi ah. Saraakiil sarsare oo ka tirsan Mareykanka oo ay ka mid tahay madaxa hay’adda USAID Samantha Power oo asbuucan booqatay Ethiopia ayaa ugu baaqay TPLF in ay ciidamadeeda la baxdo, islamarkaana ay dhamaan dhinacyadu joojiyaan colaadda. PUNTLAND POST The post Jabhada TPLF oo diiday baaq ka soo baxay Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Despite marginalisation, systemic subjugation and other burdens, women have played active roles in sustaining communities in Somalia. In fact, argues Ruqia Botan, women are paramount to lasting peace in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The U.S. State Department announced that it had added five alleged Islamist militants based in Africa to its Specially Designated Global Terrorist list on Friday, including two senior Al-Shabaab members. Source: Hiiraan Online
-
Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Guddoonka Guddiga Somaliland ee maamulaya doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi. Xubnaha Guddiga doorashada Somaliland ayaa doorashadooda Maanta ku dooran Guddoon hoggaamiya Guddiga oo ka kooban 11-xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi, Mahi Guuleed iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble. Dhinaca kale doorashada dhaceysa ayaa waxaa diiday in ay ka qeyb galaan xubnaha Garabka ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Xubnahan oo ah afar ka mid ah sideedda Guddiga doorashada heer Somaliland ee ka yimid dhanka Cabdi Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galkooda doorashada. Waxaa ay dalbadeen afarta xubnood ee Cabdi Xaashi inay uga qeyb geli karaan oo kaliya doorashada in wada hadal iyo heshiis dibadda ah oo lagu dhammeeyo muranka jira. PUNTLAND POST The post Garabka Cabdi Xaashi oo diiday in ay ka qayb-galaan Doorashada AFISYOONI appeared first on Puntland Post.
-
Daalibaan waxay qabsadeen magaalada Zaranj ee gobolka Nimruz ee Afgaanistaan, taasoo ka dhigaysa caasimaddii ugu horraysay ee gobolka ee kooxdu ka qaadato dawladda Afqaanistaan iyada oo sii xoojinaysa weerarada laba gobol oo kale. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in kooxda ay la wareegtay magaalada Lashkar Gah oo ah xarunta gobolka Helmand. Talibanka ayaa bilihii la soo dhaafay qabsaday daraasiin degmooyin iyo isgoysyada ah waxayna cadaadis saareen dhowr caasimad goboleed, oo ay ku jiraan Herat oo galbeed ah iyo Qandahaar oo koonfurta ah, markii ay ciidamada shisheeye ka baxeen. PUNTLAND POST The post Taalibaan oo qabsaday magaalo ka tirsan Afgaanistaan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo ayaa lagu wadaa inay booqasho rasmi ah ku timaada Muqdisho maalinta Axadda, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Omamo ayaa la filayaa inay wada-hadallo ku aadan xiriirka labada dal la yeelato madaxda dowladda federaalka, kuwaasi oo si gaar ah diiradda loogu saari doono xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia, oo Caasimada Online u xaqiijiyey imaanshaha Raychelle Omamo, ayaa sheegay in waxyaabaha looga hadli doono kulanka ay ka mid yihiin isu socodka shacabka labada dal, xiriirka ganacsi, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dhowaan dib loo soo celiyo. Kenya ayaa si gaar ah isugu dayeyso in dowladda Soomaaliya ay ka dhaadhiciso inay dib u fasaxdo qaadka dalkaas ka iman jiray oo muddo hakad ku jira. Sida aan xogta ku helnay, kulankan ayaan wax shaqo ah ku laheyn arrimaha badda, iyo dhex-dhexaadin la sheegay in Midowga Afrika uu isku dayi doono inuu ka dhex-sameeyo labada dal, sida ay werisay warbaahinta qaar. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dhowaan sheegay in dawladda Soomaaliya diiday dhex-dhexaadin ku saabsan muranka xuduudda badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in dhex-dhaxaadinta dhanka xuduuda ah ee Midowga Afrika uu soo jeediyey ay salka ku heyso arrinta badda, balse mowqifka Soomaaliya uu yahay in lagu dhaqmo go’aanka ay ka soo saari doonto Maxkamadda ICJ oo qaaday dacwadda badda. “Arrinta xuduudaha ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya waxay salka ku heysaa arrinta badda, kiiska badana waxa uu yaallaa maxkamad, umana furna Midowga Afrika iyo cid kale toona, Soomaaliyana ma aqbaleyso, ilaa sanadkaan gudihiisana waxaan maxkamadda ka sugeynaa jawaab rasmi ah,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq. Mowqifka dowladda Soomaaliya ayaa weli sidaas ah, mana jiro wax iska beddelay. The post Xog: Ujeedka socdaal ay wasiirka arrimaha dibedda Kenya ku imaneyso Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa laba hoggaamiye oo sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dartay liiska argagixisada caalamka, laga billaabo August 6, 2021. Labada hoggaamiye ayaa kala ah Sheekh Cali Maxamed Raage oo loo yaqaan Cali Dheere iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo loo yaqaan Ikrima, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Xoghayaha Arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken. “Cali Maxamed Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, waa afhayeenka iyo hoggaamniye sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Wuxuu Mukhtaar Roobow ka beddelay xilka afhayeenka bishii May 2009. Cali Dheere wuxuu ku lug lahaa qorsheynta weerar lala beegsaday goobo ka tirsan Kenya iyo Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka Blinken. “Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo loo yaqaan Ikrima, waa fududeeyaha iyo qorsheeyaha howlgallada. Cabdulqaadir waa hoggaamiye sare iyo madaxa howlgallada iyo saadka. Wuxuu sidoo kala hagay weeraro ay horey u qorsheeyeen Al-Shabaab.” Blinken ayaa sheegay in laga billaabo maanta ay qasab tahay in la xanibo dhammaan hantida iyo danaha shaqsiyaadkan, laguna soo wargeliyo Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka. Waxaa taas sii dheer, in qof kasta oo la macaamila shaqsiyaadkan isna lagu dari doono liiska argagixisada caalamiga, sida uu sheegay Blinken. Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale ka digay in hay’ad kasta oo maaliyadeed oo shisheeye oo shaqsiyaadkan u fududeysa gudbinta lacago ama siisa adeeg lacageed ay waihi doonto cunaqabateynta Mareykanka. Blinken ayaa sheegay in Mareykanka ay go’an tahay carqaladeynta hababka maaliyadda Kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada, si loo xadido awoodda ay u leeyihiin fulinta weeraro ka dhan ah shacabka. The post Mareykanka oo Cali Dheere iyo C/Qaadir Ikrima ku daray liiska argagixisada caalamka appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Itoobiya ayaa shaacisay in ay hawlgal ku qaadi doonto jabhadda Tigrayga ee TPLF kadib markii ay qabsadeen magaalooyin horleh. Jabhadda TPLF ayaa Khamiistii la wareegay gacan ku haynta magaalada Lalibela, oo ah magaalo ay hay’adda Unesco u aqoonsatay in ay tahay magaalo qadiimi ah. Magaaladan ayaa waxay ku taallaa gobolka Amxaarada oo daris la ah gobolka Tigrey. Dagaallada ayaa sii xoogeysanayay tan iyo bishii Juun markaas oo jabhadaha (TPLF) iyo xulufadeeda, ay dib u qabsadeen inta badan deegaanada gobolka Tigray. PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay hawlgal ku qaadi doonto TPLF appeared first on Puntland Post.
-
TPLF oo ku gacansaydhay Baaq uga yimi Dawladda Mareykanka Madaxa USAID Samantha Power Jabhadda gobolka uu dagaalku halakeeyay ee Tigray ee dalka Ethiopia ayaa Jimcaha maanta ah diiday baaqyadii Mareykanka ee ahaa in ay ciidamadeeda ay kala baxdo gobollada deriska la ah, maalin ka dib markii ay qabsatay magaalada Lalibela, oo hay’adda UNESCO u aqqoonsan tahay xarun ay ku yaallaan goobo taariikhi ah. “Arrinatni ma ahan mid dhaceysa illaa la qaadayo xannibaadda,” ayuu yiri Getachew Reda, oo ah afhayeenka Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) oo ay soo xigatay wakaaladda wararka AFP. Gobolkan waqooyi ayaa waxaa baabi’iyay colaadda soo bilaabatay bishii Novermber ee sanadkii hore markaasi oo RW Abiy Axmed oo u diray ciidamada federaalka ah in ay xukunka ka eryaan TPLF oo xukumeysay gobolkaasi, islamarkaana ahaan jiray xisbiga ugu awoodda badan siyaasadda dalka ku dhowaad soddon sano intii uusan xafiiska iman Aby 2018-kii. Saraakiil sarsare oo ka tirsan Mareykanka oo ay ka mid tahay madaxa hay’adda USAID Samantha Power oo asbuucan booqatay Ethiopia ayaa ugu baaqay TPLF in ay ciidamadeeda la baxdo, islamarkaana ay dhamMaan dhinacyadu joojiyaan colaadda, xoogoodana isugu geeyaan wax ka qabashada xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta gobolka Tigray. Qaran News
-
Wax ka ogow shanta Qori ee riddada dheer ee ugu halista badan Qoryahan halista ah ee riddada dheer ee shiishka loo adeegsado waxaa laga yaabaa inaad ku aragtay filimaanta dagaalka ee kala duwan. Dad badan ayaa u hanqal taaga iney wax badan ka ogaadaan qoryahan riddadad dheer ee shiishka loo adeegsado oo inta badan adeegsadaan ciidamada dambiyada ka hortaga iyo kuwa ku sugan goobaha dagaalka iyaga oo og khatarta hubkan ay leeyihiin. Marka laga soo tago tababarrada gaarka ah uu qofka qoryahan isticmaalaya uu u baahan yahay, haddana waa in la ogaadaa qoryahan meesha fog wax ka toogta noocyadooda inay badan yihiin marwelibana kuwa cusub la soo saaro kuwi horay loo soo saarayna dib u habeyn badan lagu sameeyo. Haddaba qoryahaasi shiishka loo adeegsada ee riddada dheer 5 ka mid ah oo aan warbixintan ku eegeyno waxaa soo saaray waddamada Britain, Mareykanka iyo Ruushka inkasta oo ay weli jiraan kuwo ka halis badan oo aan liiskan ku jirin. Askariga looga talagalay inuu maamulo qorigan riddada dheer ee Sniper-ka waa askari si gaar ah loogu tababaray dhibaatooyinka dagaalka, kaasoo xirfad iyo tababar buuxda u leh toogashada bartilmaameedka. Qoriga riddada dheer ee Sniper-ka marka la isticmaalayo waxaa lagu qariyaa sida dhismayaasha dushooda iyo duurka. Ujeedka loo qarinayana wuxuu yahay iyada oo aan la ogaan qoriga halka uu yaallo inuu cadowga qasaara lixaad leh uu u geysto. Haddaba waxaan halkan idi nkula wadaageynaa xogta shan qori oo ka mid ah qoryaha riddada dheer ee Sniper-ka loo yaqaanno oo inta badan ay waddamadaasi itsicmaalaan dalalka kalana ay ka iibiyaan. 5. Qoriga Mareykanka uu sameeyey ee US CHEY M200 Qorigan waa qori weyn oo aad u culus oo uu Mareykanka sameeyey sanadki 2000. Waxaana loo naqshadeeyey in lagu weeraro cadowga ku sugan ilaa iyo 2 km. Marka aad xabbado ka rideysana waa inaad adigu maamushaa oo iskii isu maamulin. Malahan diiradda meesha fog wax looga arko (Telescope) balse marka aad wax kaa fog shiisheyso waad ku xiran kartaa si aad wixi kaa fog aad si fudud ugu aragto cadowgaagana u beegsato. Qasnadda rasaasta culeyskeeda waxay kaa caawineysaa marka aad qorigan isticmaaleysid waxaadna ku rakibi kartaa cod bi’iyaha (silencer) si aan codka xabbadda qoriga ka dhaceyso loo maqlin. Taasoo ka sameysan muraayad adag oo aan jabeyn. Qorigan oo la farsameeyey 2001-dii. 4. Qoriga u Ruushka sameeyey ee Orsis T5000 Qoriga afaraad ee ugu weyn qiimeyntaan waa midka ay soo saartay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Ruushka ee Promtekhnologii.Qorigaan ayaa caan ku ah in si sahlan loo isticmaalo. Waa mid ka mid ah qoryaha ugu khatarsan ee riddada fog oo la rumeysan yahay in lagu kala iibiyo dalal kala duwan. Qorigan wuxuu ka sameysan yahay maaddo ay xabbaddu karin oo ka sameysan bir, wuxuuna leeyahay naqsahad aad u qurux badan. Awoodda loo baahan yahay si loo yareeyo culeyskiisa waxaa lagu hagaajin karaa 600-900 garaam ama 1-1.5 kg, taasooy ku xiran tahay nooca soosaaraha. Waxaa kale oo uu leeyahay laba lugood oo miisaanka qoriga qofka ridaya la qaybsada xilliyada loo baahan yahay xoogga uu qoriga xajintiisa u baahna in la kordhiyo. 3. Qoriga US Barrett M82 Kani waa qori weyn oo ka mid ah qoryaha riddada oo ay soo saartay shirkadda soo saarto hubka gacmaha lagu qaado ee lagu magacaabo Barret Firearms. Qoryaha kale ee meesha fog wax ka dila wuxuu kaga duwan yahay waxaa loo adeegsaday teknooloojiyad wanaagsan oo daciifinta rasaasta ka soo dhacdo iyada oo qoriga la dhigayo meel fog oo aammaan ah. Birta uu ka sameysan yahay waa mid qabowga u dulqaadaneyso waxayna leedahay dabool ku dahran qoriga afkiisa iyo laba kaameero oo gaar ah. Waxayna awood u leedahay heerkulka iney xakameyso xilliyada qoriga wakhti la isticmaalo oo ay qoryaha badankood ay kululaadaan. Waxayna leedahay seddex lugood oo qoriga lagu joojiyo iyada oo qorigan loo adeegsan karo baabuurta sidata qoryaha APC xilliyada dagaalka. 2- Qoriga ay British sameysay ee British Accuracy International AW50 Qorigan weyn uu Ingiriisku sameeyey wuxuu awood u leeyahay inuu dhinac kasta uu u leexdo oo marka aad isticmaaleyso uma baahnid inaad kacdo oo aad toosiso. Masaafada ugu dheer ee qorigan la dhigi karo waxna uu ka dili karo waa 2 km, wuxuuna halki mar uu keydin karaa shan xabbadood oo xiriir ah. Wakhti xaadirkanna qorigan waxaa isticmaala ciidamada gaarka ah ee Australia iyo Ingiriiska. Saxnaashaha sarreysa ee qorigan ayaa ka dhigtay mid dad badan soo jiitay, iyada oo qorigan si weyn looga adeegsado dagaallada faraha looga gubto ee u baahan qoryaha sida weyn cadowga loogula dagaallami karo. 1- Qoriga Britain ay sameysay ee Britain L96A1 Waxaana dalka Britain qorigan lagu sameeyey 1982-kii ilaa iyo haddana qoriga heerki uu taagnaa marki la sameeyey waxba iskama beddelin oo si aad ah ayaa loo daneeyaa wali. Laga billaabo qorigan, qoryaha riddada dheer ee meesha fog wax ka dili kara oo dhanka masaafada lagu tartansiiyey waxaa loo dhigay bartilmaameed gaaray ilaa iyo 2475 mitir. Masaafada la yaabka leh ee lagu toogtay qoriganna waxay noqotay 1.5 km. Qiimaha uu suuqa hubka lagu kala iibsado uu qorigan ka joogana waxaa lagu qiyaasat ilaa iyo 110 kun oo doolar. Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa ka digtay Jimcihii inay howlgelin doonto “dhammaan awoodaheeda difaac” kadib markii ciidamada Tigray-ga ay ku siqeen gobollada deriska la ah. Dowladda “waxaa lagu qasbayaa inay is abaabusho oo ay daad-gureyso dhammaan awoodaheeda qaran haddii nabadda iyo xaaladda bani’aadaminimo halis la geliyo,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku tiri wasaaradda arrimaha dibdda. “Ficillada koox aan mas’uul aheyn ayaa tijaabinaya dulqaadka dowladda federaalka, waxayna ku qasbayaan inay beddesho xaaladda difaac ee loo qaatay sababo la xiriira xabad-joojin bani’aadaminimo oo hal dhinac ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Goor sii horeysay oo maalintii Jimcaha aheyd, afhayeenka Jabhadda TPLF ee Tigray-ga Getachew Reda ayaa ku gacan seeray baaqyo ku saabsan inay ka baxaan gobollada Afar iyo Amhara. Hadalladiisa ayaa yimid maalin kadib markii ciidamada ay qabsadeen magaalada Lalibela, oo ah dhaxal caalami ah oo ay aqoonsan tahay hay’adda UNESCO, oo ku taalla gobolka Amhara. Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa bishii June ku dhowaaqay xabad-joojin hal dhinac ah kadib markii ciidamada Tigrayga ay dib u qabsadeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray. Saraakiisha ugu sarreysa Mareykanka ayaa ugu baaqay TPLF inay ka baxeen gobollada ku yaalla bariga iyo koonfurta Tigray, waxayna ku booriyeen dhammaan dhinacyada inay joojiyaan dagaalka ayna taa beddelkeed diiradda saaraan wax ka qabashada “musiibada” bani’aadaminimo ee Tigray. The post Ethiopia oo ku dhowaaqday inay dhammaan ciidamada qaranka dagaal gelineyso appeared first on Caasimada Online.
-
Wiil Soomaali ah oo billadii ugu horraysay ee orodka 5,000m u qaaday Canada Maxamed Axmed, ayaa lagu naanaysaa Mospeed. Orodyahan Maxamed Axmed, oo ah ninka haysta rikoorka abid uu dhigo qofka ugu dheereeya ee tartanka 5,000 ee mitir ee Canada iyo Waqooyiga Ameerika ayaa waddanka Canada waxa uu u soo hooyay billad Olympic ah. Maxamed ayaa tartankii galabta oo Jimco ah ka dhacay Tokyo waxa uu kagalay kaalinta labaad isagoo ku guulaystay billad qalin ah, waxa uuna ku orday 12 daqiiqo iyo 58.61 ilbiriqsi. Orodyahankan ayaa la arkayay isagoo dabaaldegaya markii uu soo gaaray xariiqa guusha, waxa uuna warbaahinta u sheegay inuu culays ka dhacay. Waxa uu ka dheereeyay Nicholas Kimeli oo Kenya u dhashay iyo Paul Chelimo oo Mareykanka u tartamayay ka horta inta uusan ku xigsan Joshua Cheptegei oo u dhashay Uganda haystana rikoorka adduunka ee orodkaasi. Maxamed Axmed oo daba ordaya Joshua Cheptegei oo ku guullaystay biladda dahabka ee 5,000 ee mitir Maxamed Axmed ayaa isgoo faraxsan waxa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay in “halkan uu soo gaaro muddo shan sanadood ah kaddib oo uu billad sugayay,” aad baan arrintaasi ugu faraxsanahay ayuu sii raaciyay. Waa kuma Maxamed Axmed? Maxamed Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, 10-kiisii sanadood ee ugu horraysay noloshiisa waxa uu ku qaatay waddanka Kenya, ka hor inta aanay qoyskooda u guurin waddanka Canada sanadkii 2001. Waxa uu digriiga koobaad ee jaamacadda ka qaatay Jaamacadda Wisconsin Madison sanadkii 2014, halkaas oo uu ka bartay cilmiga siyaasadda. Taariikhdiisa orodka Maxamed waxa uu bilaabay inuu ordo isagoo 13-sanno jir ah kaddib markii uu arkay walaalihii oo ka qeybgalaya tartamada orodka iskuullada. Waxa uu doonayay in xulka Canada uu ordo tan iyo 2004-tii. Hasayeeshee 2015-kii ayuu ku guulaystay billada dahabka ee tartankii Pan American Games ee Toronto lagu qabtay, halka isla sanadkaasi uu jabiyay rikoor 17 sanadood Canada u yaallay kaddib markii uu ku guulaystay orodka 5,000 ee mitir isagoo orday 13 daqiiqadood iyo 10 ilbiriqsi. Maxamed Axmed waxa uu 2012-kii ka qeybgalay tartankiisii ugu horreeyay ee Olympic-ada adduunka ah kaas oo lagu qabtay magaalada London, markaas oo kaalinta 18-aad uu ka galay tartanka 10,000 ee mitir. Tartankii Rio 2016 ayuu noqday orodyahankii ugu wanaagsanaa ee Canada, markaas oo uu kaalinta afraad ka galay orodka 5,000 ee mitir. Hasayeeshee haatan taariikh ayuu dhigay oo billadii ugu horraysay ee orodkaasi ayuu Canada u soo hooyay. 2018-kii waxa uu ku guulaystay laba biladood oo qalin ah ciyaarihii Commonwealth Games-ka ee lagu qabtay Gold Coast ee waddanka Australia markaas oo uu 5,000 iyo 10,000 ee mitir. Maxamed Axmed waxa uu taariikh kale sameeyay 2019 tartankii World Athletics Championships ee Doha lagu qabtay ayuu ku guulaysta billad maar ah. Tartanka Olympic-ada adduunka ee dhawaan lagu soo gebagabaynayo magaalada Tokyo-na taariikh ayuu ku sameeyay kaddib markii uu maanta ku guulaystay billada qalinka ee orodka 5,000 ee mitir, sidaasna uu ku noqday orodyahankii ugu horreeyay ee tartankaasi billad uga soo hooya Canada. Waxa uu hiigsadaa orodyahannada caanka ah dhowrka jeer ku guulaystay billadda dahabka ee Olympic-ada sida Kenenisa Bekele, Kobe Bryant, Kevin Sullivan, Moxamed Faarax, Hayley Wickenheiser iyo Clara Hughes. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo ka hadleysay arrimaha doorashooyinka ayaa farriin u dirtay hoggaamiyeyaasha shanta maamul goboleed ee dalka. Xaniifa ayaa ka dalbatay madaxda maamul goboleedyada inay ilaaliyaan heshiiskii laga gaaray qabsoomida arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan qoondada haweenka ee 30%. Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaady in loo baahan yahay in saddexdii musharrax ay hal musharrax haween noqoto, si ay kuraasta qaar ugu sameeyeen xubnaha haweenka ah. Wasiirka haweenka ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, maadaama laba gabdhood ay kusoo baxeen doorashada Aqalka Sare ee Baydhabo. Haweenka Soomaaliyeed ayaa haatan ku bixinaya inay si weyn uga soo dhex muuqdaan xildhibaanada soo socda ee baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa horey guddi gaar ah u xilsaaray ilaalinta qoondada haweenka, waxaana guddoomiye u ah guddoomiyaha ururka haweenka Batuulo Gabale. Si kastaba doorashooyinka ayaa haatan si rasmi ah u billowday, waxaana Senatoradii ugu horreeyey lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ee Jubaland iyo K/Galbeed. The post Wasiirka haweenka oo farriin u dirtay madaxda maamul goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey ayaa warbixin ka soo saartay sare u kac lagu qiimeeyey 80% oo ku yimid tacaddiyada loo geysto dumarka Soomaaliya, kuwaas oo wajaha kufsi iyo gaboodfallo kale. Sida ay warbixintu xustana tirada kiisaaska la diiwaan geliyey oo aad u badan waxay abuurtay ‘qeylo dhaan weyn’. Laba wakiil oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa arrintan ku qeexay “mid argagax leh” kadib markii xoghayaha guud loo gudbiyay laba warbixin oo dhawaan laga sameeyay gudaha Soomaaliya. “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh isku dhacyada Soomaaliya inay sida ugu dhakhsiyaha badan u joojiyaan tacaddiyadan,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha carruurta iyo isku dhacyada hubeysan, Virginia Gamba iyo wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan tacaddiyada kufsiga ee ka dhaca meelaha ay colaaduhu ka jiraan, Pramila Patten. Labada warbixin ee ay soo diyaariyeen wakiillada ayaa lagu diiwaan galiyay in sanadkii 2020-kii gudihiisa 400 oo qof oo rayid ah, oo u badan gabdho, ay dhibaneyaal u noqdeen tacaddiyo isugu jira kufsi iyo xad gudubyo kale oo la xiriira jimsiga, waxayna tiradaasi muujisay in uu jiro sare u kac dhan 80% marka la barbardhigo sanadkii 2019-kii. In ka badan 100 kiis oo tacaddiyada kufsiga ah waxay Qaramada Midoobay xaqiijisay afarkii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2021-ka. Dadka falalkaas geysta waxay inta badan ka faa’iideystaan gabdhaha nugul ee ku jira xeryaha barakacayaasha, iyagoo bartilmaameedsada marka ay xeryaha kasoo baxaan si ay u doontaan shaqooyin laga raadsado nolol maalmeedka, sida lagu xusay warbixinta. Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sare u kaca ‘naxdinta leh’ ee tacaddiyada jinsiga ay sabab u tahay xaaladda amni darro ee ka jira Soomaaliya. “Tani waxay kusoo aaday xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo ku qotoma hardanka loogu jiro doorashada, isku dhacyada beelaha ee salka ku haya murannada dhulka iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab, taas oo uu sidoo kale sii xoojiyay cudurka Covid-19,”ayaa lagu yiri warbixintan ay soo saartay QM. Kiisaska kufsiga ee ay ku lug leeyihiin Al-Shabaab ayaa labo jibaar noqday, sida lagu ogaaday warbixinta lasoo diyaariyay. “Taasi waxay muujineysaa in kooxda Islaamiga ah ay sii waddo tacaddiyada dhanka jinsiga ah ee la xiriira guurka khasabka ah ee ka dhaca deegaannada ay ka arrimiyaan. Xad-gudubyada ay geystaan maleyshiyo beeleedyada ayaa sidoo kale gaaray ku dhawaad saddex laab sanadkii lasoo dhaafay gudihiisa. Waxaa falalkaas loo adeegsaday hubka fudud,”ayaa lagu yiri bayaanka Qaramada Midoobey. Ugu dambeyntii sida ay shaaca ka qaaday warbixintaan, inta badan tacadiyada la diiwaan geliyey lama yaqaanno dadkii geystay, arrintaasina waxay meesha ka saareysaa in la ciqaabo dambiileyaasha, sida ay shegetay Qaramada Midoobey. The post Warbixin: Yaa ka dambeeya kufsiga sare u kacay ee ka dhaca gudaha Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
The hope of many Somalis was that the recurring discord and mayhem, that crippled the nation for decades, would pass one day. However, over the past four and half years, we had come to experience something new and deeply troubling: the long-held presumption of “good things to come one day” gave way to utter hopelessness. Source: Hiiraan Online