Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Wasiirada Puntland ayaa shir ay maanta oo sabtiya yeesheen uga hadlay amniga, dugsiyada quraanka, xaaladda Covid-19, nabadaynta shiqaaqadii Saax-maygaag iyo siyaasadda biyaha. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka guddoomiyey ayaa guddi heer wasiiro ah u saaray dib-u-habeynta iyo horumarinta dugsiyada quraanka. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntlqnd ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Dugsiyada Quraanka ee Puntland, Xaaladda COVID-19, Nabadaynta Shiqaaqadii Saax-maygaag iyo Siyaasadda Biyaha”. “Shirka Golaha Wasiirada waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaana ka mid ahaa arrimaha Goluhu ka dooday xaaladda Dugsiyada Quraanka lagu barto ee Puntland, Iyadoo ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu guddi heer Wasiir ah u saaray dib-u-habeynta iyo horumarinta Dugsiyada quraanka” ayaa la sii raaciyay qoraalka. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  2. Mid ka mida xarumaha laga dukaameysto ee Nairobi oo 9 milayan oo Dollar ka macaashay Soomaalida Muddo 6 cisho Gudahood ah Xarunta Two Rivers Mid kamid ah xarumaha waaweyn ee laga dukaameysto magaalada Nairobi ayaa ka macaashay munaasabad lagu xusayay dhaqanka Soomaalida oo ay kasoo qeybgaleen dadweyne badan oo Soomaali ah xilliggii malmihii lagu gudo jiray Ciidda oo lagu qabtay halkaas, sida uu qoray wargeyska Business Daily. Xarunta Two Rivers ayaa xuska dhaqanka Soomaalida ka qabtay in ka badan 9 malyan oo doolar intii u dhexeysay 19-kii ilaa 25-kii bishii July ee sanadkan. Xarumaha ganacsiga iyo dukaamada ku dhex yaalla xarunta Two Rivers ee Nairobi ayaa si weyn ugu tiirsan dadka inta badan soo booqdo halkaas gaar ahaan marka ay dhacayaan xafladaha. “Muddadii toddobaadka aheyd ay socotay munaasabadda waxaan ka qabanay in ka badan 9 malyan oo doolar…in ka badan 100 kamid ah ganacsatada waratada ayaa ku sugnaa goobta” ayay tiri Shurea Nkutu oo xisaabiye ka ah mid kamid ah xarumaha Two Rivers. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo deg deg ah u diray Guddoonka garab kamid ah Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT oo maanta isku doortay Muqdisho. Qoraal daqiiqado kadib kasoo baxay Xafiiska Rooble kadib doorasho khilaaf hareeyay oo uu isagu amray ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dardar galiyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT. Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu sii wadi doono waanwaantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland oo ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isulwasaare ku xigeen Mahdi Guuleed. Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Ra’iisal wasaaruhu aqoonsaday Guddi hal dhinac ah, isla markaana qeyb ka noqday labadii Garab ee siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi, halkii uu dhexdhexaad ka noqon lahaa. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey xubnaha Guddoonka Gudiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee maanta oo Sabti ah is doortay. Ra’isul Wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT. Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed. The post Rooble oo qoraal deg deg ah kasoo saaray doorashadii maanta ka dhacday Afisyooni appeared first on Caasimada Online.
  4. MOGADISHU (HOL) - Khadar Hussein has been re-elected chairman of the Somaliland elections team led by Deputy Prime Minister Mahdi Guled as the Abdi Hashi team failed to turn up. Source: Hiiraan Online
  5. Turkey has decided to donate 30 million dollars to Somalia, which will be divided into 2.5 million dollars per month, as per an international agreement signed between the two countries in July. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee dalka garabka uu hoggaaminayo Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa doortay guddoon ka dib doorasho ka dhacday xerada Afisyooni. Waxaa Guddoomiyaha guddiga loo doortay Khadar xariir Xuseen, iyada oo aysan goobta soo xaadirin Afartii Xubnood ee Gudoomiye ee uu soo magacaabay Gudoomiye Cabdi Xaashi. Doorashada ka dhacday xerada Afisyooni ayaa waxaa amarkeeda lahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Goobta ay doorashada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa wasiiro iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble. Dhanka kale, garabka Cabdi Xaashi ayaa lagu wadaa in dhankooda ay doortaan guddoon Saacaddaha soo socda taasoo sii dheereyneyso khilaafka u dhaxeeyo guddiga doorashooyinka Somaliland. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku eedeeyay ra’iisul wasaare Rooble inuusan dhexdhexaad ka ahayn khilaafka siyaasiyinta gobolada Waqooyi. “Ra’iisul Wasaarahu haduu u dhinac raaco sideen u garowsan karaa Ra’iisul Wasaaraha cadaalad sameynaya, ma u arki karo, Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa waxaan rabnaa cadaalad.”ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi. Guddiga doorashada gobollada waqooyi ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda kalana uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble. The post Garabka Mahdi Guuleed ee Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi oo guddoomiye doortay appeared first on Caasimada Online.
  7. (SLT-Hargeysa)-Agaasimihii xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa iska casilay xilkii agaasimenimo ee uu ka hayey Xisbigaasi. Agaasimahan oo lagu magacaabo Caydaruus Aadan, ayaa sidan ku sheegay qoraal uu Madaxda Kulmiye u diray, inuu ka tegay shaqadii uu ka hayey Xarunta dhexe ee Kulmiye. Shaqo ka tegista Masuulkan, ayaa ku soo beegmaysa, xilli dhawaan Xisbiga Kulmiye ku guul daraystay damacii uu ku doonayey inuu ku hanto Shirguddoonka Golaha Wakiillada. Sidoo kale, iscasilaadan, ayaa ku soo aadaysa, iyada oo xubno ka tirsan isla Kulmiye shalay Burco kaga dhawaaqeen in ay iska casileen Xisbiga Kulmiye. Source
  8. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta daahfurtay hannaan lagu mideynayo lacag bixinta bangiyada dalka. Kulanka daahfurka waxaa ka qeybgalay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorsheynta, Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay. Hannaankan oo Bankiga dhexe ee Soomaaliya uu ku mideynayo bangiyada Soomaalida ayaa sahlaya in bulshada ay si fudud bangiyada isugu diri karaan. Waa markii ugu horreysay ee Bangiyada dalka iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya ay isugu yimaadaan ka arrinsiga hannaankan cusub ee lagu soo kordhinayo adeegayda Bangiyeed ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Hannaanka lacag bixinta bangiga Soomaaliya oo la mideynayo appeared first on Puntland Post.
  9. Sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland waxaa dib loo dhigay labo kulan oo ka mid ah tartanka ciyaaraha gobolada Puntland. Kulamadii maanta oo Sabtiya dhici lahaa ee Gardafuu vs Mudug iyo Karkaar vs Cayn ayaa loo wareejiyay 11 bishan Agoosto oo ay ahayd maalin nasasho, sidoo kale waxaa la sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono isku aadka labada kulan. Dhanka kale kulamadii berri oo Axad ah ballansanaa iyo dhamaan kulamadii kale ee tartanka ayaa sidoodii u sii socon doona. Labada kulan ayaa loo baajiyay cabasho ka timid xulka goboka Ceyn, taas oo la xiriirtay kulamo isa saaran, waxayna cabashadoodu gaartay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo markii dambe soo farageliyay Puntland. Sidoo kale xildhibaano ka tirsan Puntlland oo laga soo doorto gobolka Ceyn oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in cabashada xulka Ceyn ay tahay mid jirta, waxayna dhaliil u jeediyeen xiriirka kubadda cagta Puntland iyo Wasaaradda ciyaaraha. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in la hakiyay tartankii ciyaaraha gobolada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe ayaa si adag kaga hadlay arrimo ku aadan doorashada Soomaaliya, gaar ahaan, tan hoggaanka guddiga gobollada waqooyi ee maanta ka dhaceysa Muqdisho. Feysal Cali Waare ayaa waali ku tilmaamay dadka leh doorashadii Somaliland ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ayaa ka dhaceysa magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wax aan suurtagal aheyn ay tahay in Xamar lagu dhiso guddi ‘metalaya’ Somaliland. “Maanta Xamar waxa ka socda doorashadii Somaliland ee aqalka sare iyo aqalka hoose, in ay dadku waalanyihiin ayaan idiin sheegayaa, bal dadkan caga badnaanteenu inoo gaysay 1960 waa cagliga maanta ku leh gudidii doorashooyinka Somaliland ayaa la samaynayaa bisha todobadeeda” ayuu yiri gudoomiyaga xusbiga mucaaradka Somaliland ee UCID. Dhinaca kale Feysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in Somaliland, gaar ahaan golaha wakiilada inay wax ka qabtaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee ololaha ka wada magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay inay ku qaraabanayaan magaca Somaliland. “Ilaa shirkii Carta ee 2000 ayay bilaabeen in ay qaar ina sheegtaan oo magaceena heshiisyo ku galaan, waxan baarlamaanka cusub leeyahay 75% sharciyada in ay dowladu soo saarto weeyaan oo baarlamaankuna ka eego, dowladu waxba soo saari wayde howshaasi idinka ayay idin haysataa” ayuu markale yiri guddoomiye Feysal Cali Waraabe. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan la filayo in gudaha Muqdisho ay ka dhacdo doorashada hoggaanka guddiga gobollada waqooyi, waxaana haatan socda dadaalladii ugu dambeeyey ee lagu soo afjarayo khilaafka xoogan ee u dhexeeya labada garab ee guddiga. The post Feysal Cali Waraabe oo war la yaab-leh kasoo saaray doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa saacadaha soo socda la filaya in ay soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare. Maamuladan oo muddooyinkii u dambeyay ka caga jiidayay in ay shaaciyaan liiska musharixiinta ayaa la sheegay in ay salka ku hayso dib u dhacooda is qabqabsi weli ka dhax taagan beelaha kuraasta iska leh. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa la sheegay in illaa iyo galinka dambe ee maanta uu soo gudbiyo liiska musharixiinta Aqalka sare, xilli uu doonayo maamulkiisa in uu noqdo maamulki seddaxaad ee bilaaba doorashada Aqalka sare. Deni ayaa sida la filayo liiska waxaa ka soo dhax muuqan doono siyaasiyiin miisaan ku dhex leh siyaasadda, iyadoo sida wararka ay sheegay inta badan ay soo noqon doonan Senatoradi hore. Dhanka kale Cali Guudlaawe iyo Qoorqoor ayaa 24-ka saac ee soo aaddan iyagana ku dhawaaqi doono liiskooda Aqalka sare. Labadaan maamul ayaa qorshahu ahaa in ay soo gudbiyaan liiska Arbacadii la soo dhaafay balse aaney soo gudbin. Madaxda ayaa la sheegay in ay weli caqabad kala kulmayaan beelaha ayna ku adkaatay in ay go’aan ka qaatan liiska laga sugayo, xilli musharixiin fara badan ay ku tartamayaan Aqalka sare. Liisaska musharixiinta ee la soo saari doono ayaa maanta la filaya in ay ka maqnaadaan musharixiin waaweyn, xilli weli hardanka uu socdo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu soo warramayaa inuu bilaabay dadaallo xal loogu raadinayo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada garab ee guddiga gobollada waqooyi. Wararka ayaa sheegaya in haatan dadaallo ay ka socdaan xafiiska ra’iisul wasaaraha, si xal waara looga gaaro is jiid-jiidka u dhexeeysa xubnaha guddiga maamulaya doorashada kuraasta labada Aqal ee ka imaaneysa Somaliland, kuwaas oo ay soo kala magacaabeen ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya. Ilo wareedyo lagu kasloonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu doonayo in arrinta si hoose loo dhammeeyo, isla-markaana labada garab ee is haya ay kala qaataan labada xil ee ugu sarreeya, sid guddoomiye iyo sidoo kale ku xigeen. Wada-hadallada haatan billowday ayaa kusoo aadaya, xilli maanta oo ay tahay 7 August ay ku beegan tahay waqtigii loo asteeyey qabashada doorashada hoggaanka guddiga Somaliland. Afarta xubnood ee uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ayaa dhanka kale wacad ku maray in aysan ka qeyb-geli doonin doorashada, iyagoo soo bandhigay shuruudo ay tahay in la fuliyo. Rooble ayaa horey uga noqday doorashadii dhacday ee hoggaanka guddigan, kadib markii ay cabasho ka keeneen xubnaha garabka Cabdi Xaashi ee guddiga ku jira, kuwaas oo weli iyagu ku doodayo in aan xal loo helin tabashadooda ku aadan hoggaanka guddigaasi. Sii socoshada khilaafkan ayaa uga sii daraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, maadaama haatan la bilaabay doorashada Aqalka Sare. The post Rooble oo bilaabaday wada-hadallo xal loogu raadinayo khilaafka guddiga Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  13. Addis Ababa (AFP) - Rebel forces from Ethiopia's war-torn Tigray on Friday rebuffed US calls to leave neighbouring regions, one day after they seized famed UNESCO heritage site Lalibela, the latest turn in the nine-month conflict. Source: Hiiraan Online
  14. Colaadaha bilaha ah ka socda Itoobiya ayaa wajahaya mowjad dagaal oo cusub, xilli maamulka sare ee ciidamada Amxaarada ay sheegen in ay saaka oo sabti ah weerar ku qaadi doonaan ciidamada TPLF ee gudaha u soo galay gobalkooda. “Diyaargarow ayaa socda si dib howl gal loogu bilaabo, waxaan qaadi doonna weerar wuxuu bilaaban doonaa berri. Xorriyaddu ma ahan wax sahlan, Qof walba waa inuu soo baxaa oo is difaacaa”, ayuu yiri afhayeen u hadlay gobalka Amxarada jimcihii shalay. Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa Jimcihii ka digtay in duulaanka ciidamada Tigreega ee gobollada Amxaarada iyo Canfarta toddobaadyadii la soo dhaafay ay tijaabinayaan dulqaadka dowladda federaalka ayna ku riixayso inay beddesho niyadda difaaca ee loo qaatay xabad joojinta bani’aadamnimada ee halka dhinac ah. Duulaanka ka socda gobalka Amxaarada ayaa barakiciyay in kabadan 300,000 kuwaas oo hadda duurka maciin biday. Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabbad -joojin hal dhinac ah dabayaaqadii bishii Juun intii lagu guda jiray dagaalada Tigrayga ay bilaabayeen kadib dhabar jabintoodii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hortimid qorshaha uu Ururka Midowga Afrika ku dhimmayo ciidanka AMISOM ee ka how-gala dalka, xilli uu weli socda dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka hadlayey warbixintii Midowga Afrika ayaa tilmaamay inay tahay mid xaqiiqda ka fog, isla-markaana khuburada sameeyey aysan wax wada-tashi ah kala sameyn dowladda federaalka ah. “Warbixinta iyo xulashooyinka ma aha ikhtiyaarro wanaagsan xilligan. Khubarada sameeyay qiimeynta si ku filan uma la tashan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,”ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in dowladda Soomaaliya ay todobaadkii hore la wadaagtay mowqifkeeda Midowga Afrika, iyada oo laga fakirayo mas’uuliyada amniga. Maxamed Cabdirisaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ay doonayaan in ciidamada AMISOM ay qaataan doorkooda, iyaga oo taageeraya kuwa Xoogga dalka, isla-markaana looga baahan-yahay inay ka qeyb-qaataan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, isla-markaana dowladda ay u diyaar garoobeyso doorashada Soomaaliya oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha. AMISOM ayaa tan iyo 2007-dii ka howl-galeysa Soomaaliya, waxaana ciidamadeeda ay joogaan magaalooyin kala duwan oo ku yaalla gudaha dalka. The post DF oo si weyn uga hortimid qorshaha Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.
  16. (SLT-Hargeysa)-Shir-guddoonka cusub ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa xilkii kala wareegay shir-gudoonkii hore ee wakiilada. Madaxda xisbiyada ayaa xaflada xilwareejinta ka soo qayb galay. Xubnaha loo doortay Shir-guddoonka cusub ee golaha Wakiillada Somaliland oo kala ah Guddoomiyaha Golahaas Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad Siciid Mirre Giirre, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Cali Xaamud Jibriil, ayaa kala wareegay xubnaha Shir-guddoonkii hore, hantida Golahaasi leeyahay, Shaqaalaha ka hawl gala xaruntaas, Xeerarka golaha horyaalla ee u baahan in ay ka shaqeeyaan golaha cusub, qaybo qoraalka qorshaha shanta sanno uu ku shaqaynayo golaha cusub iyo waxyaabo kale. Dhinaca kale, Golaha cusub ee dhawaan la doortay, ayaa lagu wada in ay dhawaan si rasmi ah u bilaabi doonaan shaqada golahaasi, iyaga oo waxyaabaha horyaalla ee ay qaban doonaan ay ka mid tahay wax ka beddelka xeer-hoosaadka uu ku shaqayn doono golaha cusub iyo dhismaha guddida cusub ee golahaasi yeelan doono. Source
  17. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa jimcihii soo saartay liiska 5 ka tirsan Islaamitiinta Afrika, iyada oo sheegtay iney ku dartay liiska argigixisada, saartay cuna-qabateyn. Dadkaas waxaa ka mid ah Cali Raage(Dheere) oo ah afhayeenka xarakada Al-shabaab iyo madaxa hawl-gallada ururka Cabdiqaadir Maxamed Cikarama. Waxaa kale oo ku jira Bonomade Machude Cumar, oo dhaq-dhaaq ku heysta Mozambique, Sidang Hitta iyo Salem Ould al-Hasan, oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin. Goobjoog News Source: goobjoog.com