-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU, Somalia (AP) -- A large explosion in Somalia's capital killed at least nine people and injured eight others, a health official said Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Xisbiga uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee Prosperity Party (PP) ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashooyinkii baarlamanka Ethiopia, waxaa sidaas ku dhowaaqay guddiga doorashada. Guushan la shaaciyey, ayaa ka dhiggan in Abiy Ahmed uu xilli labaad ku guuleystay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Xisbiga Abiy ayaa ku guuleystay tiro ay adag tahay in la rumeysto oo ah 410 ka mid ah 436-ka kursi ee baarlamanka, ama 94%, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Woubshet Ayele, oo shir jaraa’id ku qaabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Abiy ayaa doorashadii dhacday 21-kii June ku macneeyey tii ugu horreysay oo si xor oo dhex-dhexaad ah uga dhacda dalka, kadib tobaneeyo sano oo nidaam dadka caburiya ah. Si kastaba, qaadacaadda mucaaradka, dagaallo, rabshado qowmiyadeed iyo caqabado dhanka farsamaha ah ayaa hareeyey doorashada. Sidoo kale doorashada kama aysan dhicin saddex ka mid ah 10-ka gobol ee Ethiopia. Hoggaamiyaha mucaaradka Berhanu Nega ayaa sheegay in xisbigiisa Ezema ay diiwaan-geliyeen 207 ashtako kadib markii saraakiisha deegaanka iyo maleeshiyo ay u diideen kormeerayaasha inay tagaan gobolka Amhara iyo gobollo kale. Birhanu ayaa doorashada ku waayey kursigiisa, waxaana xisbiyada mucaaradka ay ku guuleysteen kaliya 11 kursi. Dowladda Mareykanka ayaa doorashada ugu yeertay mid ay qaladaad badan ka buuxeen, ayada oo cuskaneysa xarigga qaar ka mid ah mucaaradka iyo amni-darro ka jirto qeybo badan oo dalka ka mid ah. Doorashada ayaa tijaabo u aheyd Abiy Ahmed oo xukunku yimid bishii April 2018 kadib markii ra’iisul wasaarihii hore uu is-casilay xilli ay rabshasho iyo dibad-baxyo hareeyeen dalka. Abiy ayaa isbeddelo siyaasadeed ka sameeyey dalka bilihii ugu horreeyey xukunkiisa, hase yeeshee wuxuu dib uga laabtay ballan-qaadyadii uu sameeyey ee la xiriira siyaasadda iyo warbaahin xor ah. Waxa uu sidoo kale cambaareyn caalami ah kala kulmay dagaalkii uu ku qaaday gobolka Tigray oo ay ku dhinteen kumanaan qof, lagana soo weriyey xasuuq iyo xadgudubyo bani’aadannimo. The post Natiijada rasmiga ah ee doorashadii Ethiopia oo la shaaciyey iyo tiro yaab leh oo kasoo baxday appeared first on Caasimada Online.
-
First the police person is a son or a daughter of a father and a mother The police person is a peace person. His duties are keeping the peace and enforcing the law. Our police and military are doing these things in a very hard circumstances Mistakes can happen and they do happen in our country and in all countries in the world. Some get good training some don’t due to circumstances surrounding them. They carry weapons to protect their lives, to protect the lives of the citizens and to protect properties and infrastructures as ordered. When to discharge live weapons depends on their training, I.e to defend their lives, the infrastructure ordered to protect and other situations deemed warranted etc, etc. Now, in the case of the student of the Camuud university died as a result of a police shooting as we heard. I think these questions must be asked and answere: what was the circumstances that lead the police man to discharge life weapons, considering the alterations occurred. Before we all ride the emotions of the moment the government must explain clearly and candidly all the circumstances which lead the death of the student. Likewise the people particularly the political parties and the cultural leaders must not pass judgment Let us be fair for both the deceased and the accused police officer. Ibrahim Mead Qaran News
-
Xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPP ayaa ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday 21 bishii hore ee Juun. Guddiga doorashooyinka qaranka dalkaas ayaa goordhaweyd sheegay in xisbiga EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey uu ku guuleysay 410 ka mid ah. Xisbiga xisbiga EPP ee hoggaamiyo Ra’iisul awasaare Abiy Axmed ayaa 174 kursi u baahnaa, si uu ugu guuleysto doorashada. Doorashada ayaa weli ka dhicin ku dhawaad 100 deegaan doorasho oo ay uga qabsoomi wayday sababa amni darro. Doorashadii dhawaan qeybo ka mid ah Itoobiya ka dhacday ayaa gorfeeyeyaal badani ku tilmaameen mid “Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed isku boqrayo.” PUNTLAND POST The post Yaa ku guuleystay doorashadii Itoobiya? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa iska dhex doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen. Garabkaan oo ka kooban afar qof ayaa guddoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, halka gudoomiye ku xigeen ay u doorteen Cabdishakuur Abiib Hayir. Doorashadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo galabta ay guddoon doorteen todobadii xubnood oo kale ee guddigaan, kuwaas oo afar kamid ah uu soo magacaabay Mahdi Guuleed, halka seddaxda kale uu soo magacaabay R/Wasaare Rooble. Wasiirkii hore ee warfaafinta, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee la safan guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook-ga waxa uu hambalyo ugu diray xubnaha cusub ee guddoonka ay u doorteen afartii xubnood ee Cabdi Xaashi uu soo magacaabay “Waxaan hambalyo u dirayaa Gudoonka cusub ee ay galabta doorteen Gudiga Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee Somaliland oo Gudoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, Gudoomiye ku xigeenna u doortay Cabdishakuur Abiib Hayir.Doorashada Gudoonka waxaa goobjoog ka ahaa Gudiga Doorashada ee heer Federaal. waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maareeye. Bogga Facebook ee Guddiga Doorashada FIET, ayaa galabta lagu shaaciyey doorashada guddoonka 7-da xubnood ee Mahdi iyo Rooble ay soo magacaabeen, kuwaas Khadar Xariir Xuseen u doortay guddoomiyaha guddiga, halka guddoomiye ku xigeen ay u doorteen Najiib Xuseen Samaale. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah siyaasiyiinta garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, xubnaha ugu jira guddiga laguma soo war-gelin doorashadaan, waxayna ka war heleen garabkii kale oo doortay guddoon, taas oo keentay in iyaguna ay caawa doortaan guddoon kale. Sida muuqata khilaafkii siyaasiyiinta labada garab ee gobollada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, waxaana xubnaha guddiga ee labada garab markii horaba khilaafkaas dartiis loo kala dejiyey laba hotel. Kolkii hore waxaa taagneed dood ah in guddoonka ay soo doortaan 8-da xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, iyadoo doorashada guddoonka aan laga qeyb gelineyn seddaxda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble, waxaana doodaas keenay garabka Cabdi Xaashi. The post Garabka Cabdi Xaashi ee guddiga doorashooyinka oo doortay guddoon cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo degmada warta nabadda ee gobalka banaadir ayaa sheegaya in goordhaw hoobiyayaal ay ku dhaceen agagaarka madaxtooyada dalka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa tira hoobiyayaal ah kuwaas oo ku soo dhacay xaafadaha hoostaga madaxtooyada Soomaaliya. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay hoobiyayaasha ayaa ku kala dhacay mid ka mid ah Hotel ka agdhaw madaxtooyada halka mid kalena uu ku dhacay Iskuul. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyayaashaan. Goobjoog News. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobalka Gedo. Rooble iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada garbahaarrey ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeyba heeda kala duwan. Rooble ayaa kulama la qaadan doono maamulka magaalada, odyaaasha dhaqan hay’adaha amniga iyo ururada bulshada rayidka, inta uu ku sugan yahay magaalada garbahaarrey. Magaalada garbahaarrey ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka baarlamaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Wararka PP) — Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay inuu bixiyay amarka lagu soo xidhxidhay hablo magaalada Laascaanood ku dhex xirtay calanka Soomaaliya. Odayaal Wasiir Saleebaan ay hayb wadaagaan ayaa ka codsaday isaga sii daynta gabdhaha. Wasiirka wuu ku gacan-saydhay codsiga odayaasha. Saleebaan Y. Cali Koore: “Amarkayga ayaa hablaha Laascaanood lagu soo xidhxidhay.” “Sharciga dalka waa loo siman yahay. Way ogaayeen in dowladda Somaliland mamnuucday ku labbisashada calanka Soomaaliya sidaas darteed hablaha waxaa lagu qaadayaa sharciga” ayuu Saleebaan ku yidhi odayaasha ku sugan Laascaanood oo telefoon kula hadlay wasiirka. Wasiir Saleebaan ayaa mowqif la mid ah mowqifkan gaadhay toddobaad ka hor markii dhallinyaro Boorame ku sugan xabsiga loo taxaabay iyagoo lagu eedeeyay inay ku xafladeeyeen calanka Soomaaliya. © Puntland Post, 2021 The post Saleebaan Cali Koore: “Aniga ayaa bixiyay amarka lagu soo xidhxidhay hablaha calanka Soomaaliya xidhtay” appeared first on Puntland Post.
-
SOMALILAND DOES NOT NEED SOMALIA FOR RECOGNITION APPROVAL European Colonial Borders define patriotism, nationalism, independence, statehood, and diplomatic recognition of each country in Africa, Asia, and Arab World. Somaliland is not an exception. It inherited its Internationally recognised colonial borders from Somaliland British Protectorate as any other African Country did from its colonising power. The borders of Djibouti, Somaliland and Somalia have internationally the same legitimacy and status for being all colonially-drawn borders defining their independence, territory and nation as the rest of Africa. There is no disputed land or area in Somaliland as there is no disputed land or area in any other African country inhabited by different tribes kept together by European colonial borders and sharing colonial history and Independence Day. There are no clan or tribal borders in Africa but there are state borders. Borders of countries are based on land, not on clan lineage or tribal origin. Any tribe or entity which tries to claim parts of Somaliland on the basis of tribal lineage or tries to dismember Somaliland territory for aggression must pay price for such attempt. Any foreign enemy that tries to violate Somaliland borders in order to seize a span or a part of Somaliland territory must face humiliating defeat. The unity of Somaliland nation and territory are sacred and inviolable. The internal security, stability, and peace of the continent of Africa depend upon respecting, recognizing, and implementing its current borders that rose from colonial borders. If an African country would claim the tribe and its area located in another African country, the whole continent would fall to endless devastating, bloody clan wars, violence and anarchy. The African continent would not exist as we know it today if tribes were allowed to dismember African countries by rejecting land-based colonial borders. The peace and stability of African states as well as Arab World states and Asian countries depend on respecting and recognizing colonial borders. Somaliland does not need approval from Somalia for its recognition as no African country needed approval of its independence and recognition from another African country. Similarly, Somaliland does not need to hold referendum for its independence and recognition as there are no African countries that needed to hold referendum for the approval of their independence and recognition. Somaliland calls on the UN and International Community to recognize it for its colonial borders and independence dated June 26, 1960. Abandoning colonial borders in Africa on which the independence and recognition of each African country depend upon would bring destruction to current African states and lead to endless tribal wars of catastrophic proportions. The declaration of Organization of African Unity (O.A.U) in 1964 on African Borders was the formal acceptance of the existing colonial borders inherited from colonial powers on which independence and recognition of each African country were based including Somaliland. That declaration had nothing to do with unifications, federations, and unions between two or more African countries like the failed union between Somaliland and Somalia formed with chauvinism and haste in 1960. A union or federation could be dissolved anytime if the sides disagree each restoring and retaining its original independence and borders. That declaration reinforces the rightful claim of Somaliland to be recognized as independent nation based on its colonial borders inherited from Somaliland British Protectorate on June 26, 1960. That declaration does not prevent Somaliland from withdrawing from the union with Somalia and restoring its independence and diplomatic recognition achieved on June 26, 1960 without the need of approval from Somalia. If Uganda and Kenya share union or federation today and after some time they disagree and dissolve that union or federation, each country would still be independent, recognized nation on its own colonial borders. Senegal and Gambia founded federation or union in February 1982 calling it Senegambia. That union was dissolved in September 1989 after disagreement and each country retained its original independence and diplomatic recognition without changing the borders of Africa. So, why denying Somaliland of retaining that independence and recognition it had before the union with Somalia 1960? Somaliland is not a secessionist or separatist or breakaway region from Somalia but Somaliland just withdrew from the union with Somalia after Somalia breached the emotionally-driven union with injustices and atrocities against Somaliland people(1960-1991). If Nyanza Province of Kenya, or Arusha Region of Tanzania, or Puntland province of Somalia break away from their own respective countries, that would make them secessionists, separatists, or breakaways and that would change or shift the colonial borders of Africa inherited from colonial powers and that would create instability and political unrest in the continent of Africa because these provinces share history and colonial borders with their own countries. There is no doubt that Somaliland Republic will be recongnized soon or later for its colonial borders from Somaliland British Protectorate and for its independence achieved on June 26, 1960; two conditions necessary for the diplomatic recognition of each African country. So, People of Somalia are urged to focus on their interests and needs instead of chasing an unattainable unity. Both Somaliland and Djibouti locked their gates permanently from unity with Somalia, not for bilateral relations. Somaliland people don’t hate people of Somalia but the nightmares of the hijacked thirty-year old virtual union by Somalia dismiss any chance of restoring it. Somaliland people do not need to be convinced to come back to Somalia or get apology from Somalia for the atrocities committed against them. They just want to have their country back with respect and dignity. Ibrahim Hassan Gagale Qaran News
-
Xubnaha guddiga maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland ayaa maanta fadhi rasmiya oo ay yeesheen ku doortay shir gudoon cusub. Xilka Gudoomiyaha guddiga waxaa loo doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye Ku Xigeen loo doortay Mudane Najiib Xuseen Samaale. Doorashada waxaa ka maqnaa 4-ta xubnood ee ka yimid garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana isdoortay 7 xubnood oo ka kala yimid garabka Mahdi Guuleed iyo xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble. Xubnaha garabka Cabdi Xaashi ayaa doonayay in aysan doorashada ka qeybgelin 3-da xubnood ee laga soo magacaabay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble. Waxaa muuqata in khilaafka siyaasiyiin Waqooyi uu saameeyay guddiga maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland. PUNTLAND POST The post Khilaafka siyaasiyiinta Waqooyi oo saameeyay guddiga doorashada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha guddiga maamulaya doorashada kuraasta labada Aqal ee xildhibaanada metelaya Somaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku doorteen guddoon cusub. 7-xubnood oo ka mid ah guddigaas ayaa Khadar Xariir Xuseen u doortay xilka guddoomiyaha guddiga, halka guddoomiye ku xigeen ay u doorteen Najiib Xuseen Samaale. Bogga Facebook ee Guddiga Doorashada FIET, ayaa lagu shaaciyey doorashadaan, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in xubnaha wax doortay aysan ku jirin kuwii uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi. Todobada xubnood ee maanta guddoonka dooratay afar ka mid ah waxaa soo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, halka 3-da kale ay yihiin kuwii uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana goobta doorashada guddoonka ka maqnaa xubnihii uu soo magacaabay guddoomiye Cabdi Xaashi. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah siyaasiyiinta garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, xubnaha ugu jira guddiga laguma soo war-gelin doorashadaan, waxayna ka war heleen garabkii kale oo doortay guddoon. Kolkii hore waxaa taagneed dood ah in guddoonka ay soo doortaan 8-da xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, iyadoo doorashada guddoonka aan laga qeyb gelineyn seddaxda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble, oo la xajinayo dhanka Mahdi Guuleed, waxaana doodaas keenay garabka Cabdi Xaashi, ayada oo la sheegay in Rooble uu aqbalay. Si kastaba, doorashadii maanta ayaa lagu jebiyey ballan-qaadkii uu sameeyey Rooble, ayada oo saddexdii xubnood ee uu magacaabay ay doorashada ka qeyb-galeen, sidoo kalena doorashadii lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi. Sida muuqata khilaafkii siyaasiyiinta labada garab ee gobollada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, waxaana xubnaha guddiga ee labada garab khilaafkaas dartiis loo kala dejiyey laba hotel. Sida aan xogta ku helnay guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu wadaa inuu berri warbaahinta la hadlo, isla markaana uu cadeeyo mowqifkooda ku aadan guddoonka la doortay ee guddiga maamulaya doorashada kuraasta xildhibaanada federaalka ee gobollada waqooyi. The post Doorasho ay ka maqan yihiin garabka Cabdi Caashi oo guddoon loogu doortay guddiga gobollada Waqooyi appeared first on Caasimada Online.
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo, waxaana si diiran u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka Gobolka. Socdaalka Ra’iisul Wasaaruhu uu ku yimid Garbahaarey ayaa la xiriira arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta deegaanka. Rooble ayaa dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee degmada Garbahaarey, kaa soo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee Xukuumaddu ka hirgelinayso gobolka Gedo. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka kugu tagey Ciidanka Xoogga ee ku sugan garbahaaray ayaa ku boggaadiyey difaaca dalka iyo howlgalada ay ku beegsanayaan kooxaha argagixisada. Safarka Rooble ee Garbahaarey ayaa yimid kadib markii uu soo gabagabeeyey safarkii shaqo ee uu ku joogay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland ayaa sheegay in uu kormeerayo dhammaan magaalooyinka ay ku qabsoomeyso doorashada Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka FS. “Safarkaygan waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka iyo habraacooda, Jubbaland waa deegaankii ugu horreeyey ee an ka bilaabayo safarkaygaas, waxaanna mari doonaa dhammaan magaalooyinka kale ee ay ka dhacayso doorashado, sida Baydhabo, Marka, Jowhar iyo Beladweyne, Dhuusamareeb, Gaalkacayo, Garoowe iyo Boosaaso,” ayuu yiri Rooble. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa inta uu ku sugnaa Kismaayo waxa uu kulammo la qaatay odeyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo sidoo kale ka qeyb galay kulan Golaha Wasiirrada ah ee heer Dowlad-goboleed ee Jubbaland. The post Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Rooble ee Garbahaarey + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo ah xildhibaan asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland, dhawaana loo doortay inuu ka mid noqdo golaha wakiilada ee dalka Finland, isla markaana ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ee caasimada dalkaasi ee Helsinki, isagoo noqday taariikhda markii u horaysay ee uu ka soo muuqdo masuul asal ahaantiisu ay tahay madaw saafiya oo aan iska dhal ahayni. Waxaana kulanka madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wasiiradda wasaaraddaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, mudane Siciid Sulub Maxamed iyo gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan. Xildhibaanka oo safarkii sii u horeeyey intii la doortay uu kaga baxo dalka Finland ayaa go’aansaday inuu ku yimaado dalkiisi hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu maalmo kooban ku joogi doono booqasho, waxa madaarka ku soo dhaweeyey wasiirada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo ay wehelinayaan masuuliyiin kale oo ka mida xukuumada, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabiley Xildhibaankii U Horeeyey ee Madaw Ah ee ka mid noqday Barlamaanka Dalka Finland Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo ah xildhibaan asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland, dhawaana loo doortay inuu ka mid noqdo golaha wakiilada ee dalka Finland, isla markaana ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ee caasimada dalkaasi ee Helsinki, isagoo noqday taariikhda markii u horaysay ee uu ka soo muuqdo masuul asal ahaantiisu ay tahay madaw saafiya oo aan iska dhal ahayni. Waxaana kulanka madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wasiiradda wasaaraddaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, mudane Siciid Sulub Maxamed iyo gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan. Xildhibaanka oo safarkii sii u horeeyey intii la doortay uu kaga baxo dalka Finland ayaa go’aansaday inuu ku yimaado dalkiisi hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu maalmo kooban ku joogi doono booqasho, waxa madaarka ku soo dhaweeyey wasiirada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo ay wehelinayaan masuuliyiin kale oo ka mida xukuumada. Qaran News
-
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Digniin Adag Diray Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Iyo difaaca baddaha Jamhuuriyadda Somaliland, Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa uga digayaa dadka degan degaanada xeebaha Somaliland in ay ajaanibta ka caawiyaan dhoofinta duurjoogta iyo keenista kootarabanka uu ka mid yahay hubku. Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa sheegay in ciddi lagu helo danbigaas muwaadin iyo ajaaniba sharciga la horgayn doono ciqaab adagna ay mutaysan doonan sida xeerku dhigaayo. Taliye Xiirane ayaa faray Dhammaan taliyayaasha saldhigyada, barada hoos yimaada in ay fiiro gaara ay u yeeshaan si gaarana ula socdaan una ilaaliyaan xeebaha Somaliland Qaran News
-
MOGADISHU, Somalia (AP) — A large explosion in Somalia’s capital killed at least nine people and injured eight others, a health official said Saturday. Dr. Mohamed Nur at the Medina Hospital told reporters that the toll reflected only the dead and wounded who were taken to the facility in Mogadishu where he works. “I am sure the number is bigger as some of the victims were rushed to other hospitals, such as the privately owned ones,” he said. The al-Shabab extremist group claimed responsibility. A Somali police spokesman said Mogadishu’s police commissioner, Col. Farhan Mohamud Qaroleh, was the target of the attack but he was safe. “A suicide car bomber with heavy explosives plotted by the terrorist group al-Shabab has targeted the Mogadishu police commissioner,” police spokesman Sadiq Adam Ali said. “They hit the vehicle of the Mogadishu police commissioner.” It was the second such large explosion in the city this month. A blast targeting a teashop killed at least 10 people last week. Last month, a suicide bomb attack at a military base in Mogadishu killed at least 15 people. AP The post Extremist attack in Somalia’s capital kills at least 9 appeared first on Caasimada Online.
-
Xawaaldle Somali Ah Oo Lagu Eedeeyey Inuu Si Sharci Darro Ah Lacag Uga Saarayey Dalka Norway Booliska magaalada Oslo ayaa xawaaladle soomaali ah kusoo oogay dacwad-danbiyeed la xidhiidha inuu qaab aan sharci aheyn dalka uga saaray lacag gaadhayso 422 milyan kr oo lacagta Norway ah. Ninkan soomaaliga ah ayaa dhankiisa iska fogeeyay danbiyada lagu soo oogay. 48-sano jirkan soomaaliga ah ayay boolisku ku qabteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Oslo, isaga oo Shandadao ku watay lacag gaadhayso 13,5 milyan kr, kuna sii jeeday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Ilaalada garoonka ayuu ku wargaliyay inuu wato lacag gaadheyso lix(6) milyan oo kr, laakiin markii la furay Shandadihiisa kale oo uu watay, waxaa laga helay todobo(7) milyan kale oo uusan ilaalada garoonka diyaaradaha ku wargalin. Wuxuuna sidoo kale watay waraaqda cadeynta ee iibsiga saacad nooca qaaliga ah(Rolex) oo qiimaheeda uu gaarayo 2 milyan. Qabashada ninkan ee xiligaas ayaa aheyd markii labaad ee la qabto isaga oo lacag cadaan ah ka bixinayo Norway, maadaama sanadkii 2018 lagu qabtay isla garoonka diyaaradaha Oslo, isaga oo wato lacag cadaan ah oo gaashayso 110.000 Euro, taas oo boolisku ay markii danbe la wareegeen, Booliska ayaa sheegay in wixii intaas ka danbeeyay ay il gaar ah ku hayeen xawaadlahan Soomaaliga ah oo boolisku ay sheegeen in mudadii u dhaxeysay 2015 ilaa 2018 uu Norway ka diray lacag gaadhayso 617 milyan kr. 422 milyan kr oo lacagtaas kamid ah ayay boolisku sheegeen inay tahay lacag la dhaqay ama sifo aan sharci aheyn dalka looga saaray. Qareenka booliska ayaa sheegay in laamaha danbi baadhistu ay ka shaki qabaan in qeybo badan oo lacagtaas kamid ah ay tahay lacago ay kooxo burcad ah oo ka shaqeeya daroogada ay ka bixiyeen dalka. Dad aan lacag dirsan, ayaa magacooda lagu diray: Mid kamid ah waxyaabaha yaabka badan ee ninkan xawaadlaha ah ay boolisku ku eedeynayaan ayaa ah in lacag uu u dirayayay uu ku diray magacyada dad macaamiil ka ah xawaaladiisa oo aan lacagtaas wadanka ka dirsan. Waxeyna sheegeen in boolisku ay heleen magacyo kala duwan oo wax xidhiidh ah aanuu ka dhaxeyn, kuwaas oo hal qof lacago kala duwan ku diray. Booliska uu helay diiwaanga macaamiisha ninkan xawaaladlaha ah, ayay waxey boolisku sheegeen in hal magac uu numbero kala duwan lacag ku diray, halka dad kala duwan oo lacag loo direyna, ay lacagta ku qaateen isla hal magac. Ujeedka adeegsiga magacyada dadka aan lacagaha dirsan ee magacooda lacagta lagu diray, ayay boolisku sheegeen inay tuhunsanyihiin in nidaamka xawaaladaha ee sharciga ah la mariyo lacag kooxo burcad ah ay rabaan inay dalka ka saaraan. Arrintaas oo ay boolisku sheegeen inay kasoo horjeedo dhowr sharci oo kuwa lacagaha ah. Booliska ayaa aaminsan in xawaaladluhu uu kooxo burcad ah ka ganacsato daroogada ah ka gacansiin jiray inay malaayiin dollar oo kasoo xarooto daroogada uu dalka uga saaro, isaga oo marayo nidaamka xawaaladaha. Qareenka booliska ayaa sheegay in kiiskan uu yahay mid culus oo halis ah oo waqti badan qaadan kara, wuxuuna sheegay in tuhuno badan oo boolisku ay qabaan aanay wali cadaan. https://www.vg.no/nyheter/innenriks/i/A3dPR5/oslo-mann-siktet-for-hvitvasking-av-minst-422-millioner-kroner Qaran News
-
Daawo:Sac Curri ah oo soo jiitay indhaha dalxiisayaasha Caalamka Beer ku taala dalka Bangladesh waxaa ku sii qulqulaya boqollaal qof, si ay u arkaan sac caan ah oo cilin ah, kaas oo loo yaqaano Rani. Neefkan lo’da ah oo aad u baryar, wuxuu jiraa 23-bilood, wuxuuna dheererkiisu yahay 51 sentimitar oo keliya, culeyskiisuna waa 28 kilo gram. Halkan ka Daawo:- Qaran News
-
Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb ama (GIIB) ? Qaybta 3aad By Cabdiraxmaan Fadli WA Australia. Waxay inoo joogtey in cashuurtii lagu waajibiyey ay ka horyimaaddeen dadkii reer burco, haddaba inaggoo marka hore qoraalladii arrinka laga qorey oo aad u badan qaybo kasoo qaadaneynna website-ka www.kaiserscross.com ama (The soldeirs’s buden) qaybta the Somaliland camel corps waxaa ku xusan in xagga Hargeisa qudheeda laga hawl geliyey 300 oo ciidamadii camel corpska ah oo uu madax u ahaa maammulihii soomaaliya oo dhan uga wakiilka ahaa ingiriiska ee Sir Geoffrey Archer iyagana cashuurta loo direy iney baadiyaha xagga hargeysa cashuurta kasoo kasoo guraan, laakiin meeshii diidmada koowaad kaga timi ay ahayd CADAADLEY. Taasoo keentey in bilowgii September 1921-kii cadaadley dab la sudho xoolihii iyo hantidii dadka deegaankana si arxan darro ah loo baabbi-iyo. Markeynu tii burco ku noqonno sidaas oo kale, ayaa culeys loo saarey waxaana ingiriisku cuqaashii iyo salaadiintii togdheer oo berigaa faro-ku tiris ahaa, caaqil walba lagu amrey inuu geelasha reerkooda kasoo qaado cashuurta. Sida taariikhaha afka la isugu gudbiyaa sheegayaan marka qofku diido cashuurta waxaa report ama ribboodhkiisa gudbin jirey dad ingiriiska u shaqeeya qofkaasina wuxuu noqon jirey WANTED qof la raadinayo isaga iyo xoolihiisaba. Tusaale ahaan waxaa loo fadhiisan jirey ceelasha jiilaalkii xooluhu ka cabbaan ee ama oodweyne, Burco, Caynaba ama Beer iyo meeshii jiilaal lagagasoo gabbado. Waa markan marka culeyskii kusii badanayo dadkii waxana qoraalka arrintaa ku saabsan ee (The soldier’s burden) qaybta Somali Camel Corps (SCC) ee dilka Giib lagaga faaloonayaa qoreysaa, in burco noqotey xarunta ugu weyn ee cashuurtii dawladdu soo rogtey sida weyn ugasoo horjeesatey ee diiddey. (Burao now became a centre for dissent against the poll-tax). Mar kalena qoraal aan in yar oo kooban kasoo qaadaneynno oo ku xusan WIKIPEDIA (The free encyclopedia), qaybta loogu magacdarey 1922 Burao Tax Revolt). Waxaa lagu xusayaa (The 1922 Burao Tax Revolt was a revolt waged by Habr Yunis tribesmen in the city of Burao in early 1922 against British Somaliland authorities, n.d.). In Beesha ku calaamadsan Galbeedka Burco iyo maamulkii dawladda ingiriisku ay isku qabteen oo isku diidsanaayeen arrinka cashuurta waana markhaatiyada la taaban karo ee loo hayo in sababta Giib loo diley ay tahay cashuurtii beeshaasi diiddey. Markeynu kusii soconno dhuuxa sheekada iyo sidii Giib loo diley waxaynu u kala qaadaynnaa qayb ku saabsan sheekooyinkii odayadii hore ee soomaalida ahaa ee arrinkan soo gaadhey usoo tebiyeen, iyo qaybta dawladdii ingiriisku qortey ee taariikhdaasi ugu jirto kaydadka Libraies ama qoraalada internetka ku jira. (Wax baahi ah uma qabno in aanu wax buunbuuninno balse xaqiiqda allaah hannagu sugo). Qaybta dawladdi ingiriisku u qortey waa in markii cashuurta la diidey dabeeto 24 February 1922, niman kusoo talo-galey ay ku dileen Giib isagoo xafiiskii maammulka dawladda ee burco jooga taasoo keentey in dawladdii ingiriisku si aad u daran arrinkaasi u dhibsatey oo ay dabeeto siyaabo dhawr ah u aargoosatey. Sida uu ku qorey (Rolland A Hill, MBE) qoraalka uu u bixiyey (A tribute to captain A Gibb, DSO, DCM) wuxuu sheegey in maydkii Giib loo qaadey magaalada Sheekh oo uu immikadan xataa ku aasan yahay ( Gibb’s body was taken to sheikh where he now lies buried). (tallow reer sheikh ma ogyihiin arrinkaas). Wuxuu kaloo xusayaa in markii lasoo gaadhey 5 March 1922 inuu ninkii u sarreeyey maammulka degmadu u yeedhay qabiilkii dilka geystey oo uu ku amrey iney bixiyaan 3000 Halaad (waa sida qoraalkaas ku jirta). Waxaa qoraalka ku xusan in qabaa-ilka dilka geystey iyagu markey nin dilaan ay kala qaataan 100 Halaad. Waxaa Waaligii ama badhasaabkii ingiriisku u sheegey qabiilkii in marka laga reebo masaajidka burco ee lagu tukado magaalada inteeda kale la gubi doono oo dabka la sudhi doono weyna dhacdey taasi. La soco qaybta 4aad ……….. HALKANI KA AKHRISO QAYBTII LABAAD IYO KOOWAAD Qaran News
-
Waxanan u qalab qaataa wax akhris, wax qoris ama wax qabad.- Waa maxay wadaniyad, bal dib u jaleec hillinkii dheeraa ee xornimada iyo qaranimada Somaliland loo soo maray, sideese shacabkayga loogu beeri karaa geedka wadaniyada ay lahaayeen. Mudane madaxweyne, xasuuso, magaalada burco, xasuuqii 20.12.84. lagu toogtey waxgarad kii, Somaliland. Mudane madaxweyne, xasuuso, magaalada Muqdisho, xasuuqii, 18.07.89. Waxii shucuur iyo qiiro aad uqabto dalkaaga iyo deegaankaaga wey kuu hayaan; Waxaad damqasho iyo diirnax aad u hayso dadkaaga dalkaaga iyo duunyadiisaba wey kuu og yihiin. Waxii wel wel iyo walaac kusoo food-saara, ama waxqabad, shacabkaaga iyo dalkaaguba wey kuu og yihiin, dhalinyarada u xidhan calamada ee ka soo jeeda Sool iyo Awdal, kuna xidhan qeyrul dastuuri, maxkamadna lana marin, degdeg haloo sii daayo. (Waa talo). PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA) ANKARA, TURKIYA. jaafaa66@gmail.com Qaran News