-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in maalintii saddexaad dagaal u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish uu ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Dagaalka oo billowday labo maalin ka hor ayaa geystay khasaare isugu jiri dhimashio iyo dhaawac, waxaana xoogiisa uu ka socdaa buuraha Calmiskaad iyo Galgala. Saraakiil ka tirsan Puntland oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay dhul ballaaran ka qabsadeen Daacish, sidoo kalena ay gaarsiiyeen khasaare lixaad leh. Wararka ayaa intaasi kusii saraya in haatan ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa PSF-ta Puntland lagu daad gureeyey deegaanada uu dagaalku ka socdo, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, maadaama ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshan dagaalladaasi, iyaga oo bilaabaya inay isaga barakacaan goobaha ay ku dagaalamaan Puntland iyo Daacish. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Daacish oo ku aadan dagaalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada ammaanka ee Puntland. Muddooyinkii u dambeeyey waxaa Puntland ay xoojisay howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Baro. Arrimahan waxa ay kusoo aadayaaan, iyada oo Puntland dhowaan kooxo ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ay toogasho ku fulisay, kadib xukun dil ah oo lagu ridday. The post Puntland iyo Daacish oo maalintii saddexaad ku dagaalamayo Gal-gala appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo degmada hodan ee gobalka banaadir ayaa sheegaya in goordhaw uu qarax xoogan ka dhacay inta u dhaxeyso isgoysyada Banaadir iyo Zoobe. Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay kolanyo ciidan ah oo uu la socday Taliyaha booliiska gobalka banaadir Farxaan Maxamud, Farxaan Qaroole. Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda taliyaha ayaa ka bad baaday qaraxa lala eegtay. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa . Wixii faahfahin warkaan ku saabsan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filaya in uu maanta gaaro magaalada garbahaarrey ee gobalke Gedo. Rooble ayaa kulama la qaadan doono maamulka magaalada, odyaaasha dhaqan hay’adaha amniga iyo ururada bulshada rayidka, inta uu ku sugan yahay magaalada garbahaarrey. Waxaa dhammaan aad loo adkeyay ammaanka magaalada, xilli shalay gelinkii dambe magaalada ay gaareen wafdi horudhac u ah socdaalka ra’iisul wasaaraha . Saaka ayaa magaalada laga dareemaya diyaar garowga loogu jiro soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha, oo saacadaha soo socda gaari doona magaalada garbahaarrey. Magaalada garbahaarrey ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxaxmuud ayaa sheegay in ay wal-wal xooggan ka qaban in doorashooyinka dalka ay waqtigooda ku qabsoomaan. Xasan Sheikh oo waregsi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in jadwallo horay loo dejiyay ay fashilmeen kanna ay ka walwalsan yihiin in sida loo qorsheyay uu ku qabsoomi waayo. “Wax badan in aan ku mashquulno wixii shalay dhacay ma ahan cashar ka barashey noogu filan tahay, horay in aan u soconan rabna, jadwalka hadda la sameeyay in uu dhaqan galaa rabnaa, oon dib looga dhicin, kan hadda la sameeyay labada bilood ee hadda la dhigay inaaney dib uga dhicinaan rabnaa, oo sida loo dejiyay loo qabto, taasanaa walwal ka qabna in ay dib uga sii dhici doonto” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud. Madaxweynihi 8-aad ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka uu muujiyay in dadaal xooggan uu ku bixinayo in dalka ay doorasho ka dhacdo. “Maxamed Xuseen Rooble aad iyo aad uu u dadaalay, horayna waa u soo dadaalay hadana weli dadaalkiisi wuu muuqdaa, dalka kama bixin wuu jooga, afar iyo labaatan saac wuu shaqeynooya guddiyadi doorashada waa uu magacabay wixii dhiniciisa ku xirna wuu qabtay. ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xasan Sheikh. Madaxweyne xasan sheikh ayaa sidoo kale sheegay in ay weli jiraan tabashooyin ay qabaan midawga musharixiinta oo aan laga xallin. ” Midawga Musharixiinta annaga tabashooyin badanaa qabna laakiin tabashada midaa ka asal ah dalkaan waa iney dooraha ka dhacda. mabda’a koow aan heshiiska ku nahay waxa waaye dalkaan in ay doorasho ka dhacdo, waxaan u soo halganay oo u qeylineynay oo naloo dili gaaray waa in ay doorasho dhacdo, welina waan ku taaganahay”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - The Banadir region's deputy governor for security and politics, Ali Yare Ali, has welcomed the execution of 18 Alshabab members in Puntland earlier this week. The nearly two dozen men were convicted of being behind a spate of killings and bombings in Galkayo since 2008. Source: Hiiraan Online
-
Hafsa Abdi Ahmed and Jackson Njogu Wanjiru had been charged with five counts of assault, abduction, conspiring to commit a felony, disabling and stealing from Hafsa Source: Hiiraan Online
-
A roadside bomb explosion killed two civilians on board a passenger minibus and injured several others in Somalia’s central Mudug region, an official said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Dabageed ayaa ugu dambeyn Beledweyn uga sii gudbay degmada Buulo-Burte ee isla gobolka Hiiraan, halkaas oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyey. Yuusuf Dabageed oo hoggaaminayo wafdi ay qeyb ka yihiin xildhibaano, wasiiro, saraakiil ciidan iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa gaaray magaalada Buulo-Burte. U jeeda socdaalka madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ayaa la xiriira xarig jarka xerada taliska qeybta 27-aad oo laga furi doono gudaha degmadaasi. Sidoo kale Dabageed ayaa kulamo ku aadan xaaladda Buulo-Burte la qaadan doono mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan halkaasi. Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle sidoo kale inta uu ku sugan yahay halkaasi, waxa uu kormeeri doono xarumaha ciidamada iyo meelaha muhiimka ah ee magaaladaasi. Safarka Dabageed ayaa kusoo aadayo, maalmo uun kadib, markii ay kasii dartay xiisada ka taagan Beledweyne ee u dhexeysa HirShabelle iyo Janaraalka gadoodsan ee Xuud. Generalka oo dhowaan gudaha u galay magaalada ayaa maleeshiyaadkiisa iyo ciidanka ammaanka waxay isku rasaaseeyeen gudaha degmada Beledweyne. HirShabelle ayaa weli wajaheysa dhibaatooyin is-biirsaday, sida khilaafka ka dhashay doorashadii hoggaanka maamulkaasi iyo fatahaadda webiga Shabelle ee Jowhar. The post Yuusuf Dabageed oo u sii gudbay Buulo-Burte + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Network upgrades and expansions in developing regions are very much in the news again – this time through a Millicom announcement involving some of its key Latin American markets and through plans from Hormuud Telecom in Somalia to bring 4G coverage to rural areas. Source: Hiiraan Online
-
16-kii January ee sannadkan 2021, xukuumadda Puntland ayaa go’aamisay in mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada 20% lagu bixiyo Shilin Soomaali, si loo socod-siiyo isticmaalka Shilinka. Dowladda ayaa sidoo kale hirgelisay xarumo kooban oo qaabilsan sarrifka lacagta, halkaas oo dadka looga sarrifo Shilin Soomaaliga, si loo soo celiyo kalsoonida lagu qabo Shilinka. Haddaba, Tallaabadaas oo mudda lix bilood ah shaqaysay ayaa haatan caqabad ku timid, kadib markii xarumihii qaabilsanaa sarrifka ay si cad u diideen qabashada Shilin Soomaaliga. Arrintan ayaa saamayn ba’an ku yeelatay shaqaalaha kala duwan iyo ciidamada Puntland oo 20% mushaharka ku qaata Shilin Soomaali, kuwaas oo hadda aan haysan cid u sarrifta lacagta. “ waxa nala dhahay: dowladda ha ceebaynina ee wixiina guryaha dhigta (Shilinka), hadaad sarrif u waydeen” ayuu yiri qof shaqaale ah oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto. Waxa xusid mudan, in lacagta shilin Soomaaligu aysan haatan ka shaqayn gudaha Puntland, iyadoo aysan wax isbeddel ah keenin dhammaan go’aannadii dowladdu ku wajahday socod-siinta Shilinka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Caqabad soo wajahday mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, kaas oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana uu geystay khasaare kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in lagu weeraray taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo xilligaas la socday kolonyo gaadiid ah oo mareysay waddadaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Farxaan Qaroole uu ka bad-baaday qaraxa, balse waxay waxyeelo soo saartay askar kamid ah ilaaladiisa. Sidoo kale waxaa jira waxyeelo soo gaartay dad badan oo shacab ah oo waddada marayey iyo kuwa kale oo ku sugnaa goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi. Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Faah faahinta kala soco: Caasimada.net The post Qarax ka dhacay Muqdisho iyo taliye sare oo ka bad-baaday appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada difaaca dowladda Puntland, ayaa maalintii saddexaad hawlgal culus oo ka dhan ah Daacish waxay ka wadaan buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Hawgalkan oo Khamiistii bilowday, ayaa xooggiisu ka socdaa buuraleyda Dhabancado, Hul-caanood iyo Togga Il-Cameyra oo ka tirsan Calmiskaad, halkaas oo dhufays u ahayd kooxda Daacish. Saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ayaa sheegay in dhammaan degaannadaas laga qabsaday kooxda Daacish, islamarkaana laga dilay xubno badan halka qaar kalena maxaabiis ahaan looga qabtay. Sidoo kale, Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad fara badan oo kayd u ahaa Daacish kadib markii laga qabsaday saldhigyo kala duwan. PUNTLAND POST The post Dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Daacish oo maalintii saddexaad galay appeared first on Puntland Post.
-
Sanadahaan dambe xidhiidhka dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo siyaasaddooda dibadda ku dhisnayd cudud (Hawkish) ku muquuninta “Kacdoonka Carbeed” ee 2011 iyo ka xiridda albabbada xukunka ururrada Akhwaan Muslimiinta ayaa u muuqday mid uu soo dhexgalay is-maandhaaf khuseeya arrimaha gobolkooda. Dagaalka Yaman iyo taageerada xad-dhaafka ah oo la siiyay inqilaabka askareed ee Masar iyo faraggelinta baahsan ee lagu hayo dawladaha Liibiya, Tuunis, Soomaaliya, Suuriya, oo ay wehlisay cadawtinnimada heerka sare la gaarsiiyay ee dalalka Iran, Turkiga, iyo Qatar ayaa tusaalooyinka ugu cad-cad ah. Balse, waxaa la yiri “Labadii Sir Ku Heshiisay Caad Bay Ku Collobaan.” Muranka wax soo saarka OPEC waxuu soo bandhigay loollanka u dhaxeya labada dal. Si loola socdo awoodda suuqa ayay aqlabiyadda isbahaysiga OPEC soo jeediyeen in la kordhiyo wax soo saarka 400 kun bishii ilaa laga gaaro 2022. Haseyeeshee Abu Dhabi oo Covid-19 dhulka la dhacay dhaqaalaheedii ayaa dooneysa inay iibiso in ka badan inta loo qoondeyay iyadoo baahida suuqa ay weli hooseyso. Kala fogaashaha labada dal ayaa sii kordhaya iyadoo Imaaraadku uu si arxan la’aan ah u raacanayo danahiisa taas oo marqaati ma doonto u ah in saaxibtinnimo aysan waxba ugu ool. Xidhiidhka Israa’iil ee waqtigan iyo ka takhalluska Shacbiga Falastiin waa arrin kale oo ay ku kala fogaadeen labada dal. Sidoo kale, xayiraadda Qadar, oo ay Riyadh horraantii sanadkan dib u soo celisay xidhiidhka diblomaasiyadeed ayaa ah iyana arrin kale oo lagu kala tagay. Gugii dhawaa, Amiir Maxamed bin Zayed oo ka cagajiidayay inuu fool-ka-fool ula kulmo Amiirka Qadar ayaa ka soo qaybgelin casuumaad uu boqor Salmaan u fidiyey dalalka Qadar, Turkiga, iyo Imaaraadka. Ujeeddada kulunka waxay ahayd midaynta xoogagga iskaga soo horjeeday geeddi- socoka dowlad dhisidda Soomaaliya. Xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carbeed oo in mudda ah heerkii ugu hooseeyay marayay ayaa Ra’iisalwasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble uu June 8, 2021 qaabbilay Danjire Maxamed Axmed Othman Al-Hammadi oo ah safiirka Imaaraadka Carbeed u fadhiyay Soomaaliya, balse fariisinkiisa ka dhigtay Nairobi, halkaasoo dalkiisa safiir kale u fadhiyo. Ma sahlana in dowladdaha khaliijka ay dib u soo celiyaa cilaaqaadka mar haddii uu burburo. Balse xog Jamhuriyadda soo gaartay ayaa sheegaysa in dal Carbeed oo gargelyo ka ahaa Amirka Abu Dhabi u soo jeediyey Soomaaliya inay wadaxaajood toos ah la yeelato Imaaraadka. Walow, aan la fahmin sababta Imaaraadku u raadinayey heshiis aysan qayb ka ahayn Riyadh, haddana Villa Soomaaliya si taxaddar leh ayey u soo dhaweesay talada. Balse ma najixin. Imaaraadka oo indhaha ku haya tartanka madaxtooyada Soomaaliya ayay u muuqataa inuusan dayacin waqti uu ku xusho musharrax ay taageersan yihiin. Danjire Al-Hammadi waxaa hore looga bartay in markastoo uu soo dhawaado xilliga doorashada madaxweynaha inuu ka dhex muuqdo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee u xusulduubaya hoggaanka dalka. Saciid Cabdullahi Deni oo u daayey xulafadiisii inay mala-awaalaan musharraxnimadiisa, ayaa socdaalkiisii Kismaayo, eedeyntii Wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo warar ay faafiyeen baraha bulshada dhaliyeen hadal hayn. Malaha Deni waxuu u soo tafaxeetay inuu fuliyo qorshe laga la’yahay Cabdirakiim Xusein Guuleed, Daahir Maxamuud Geelle iyo Xasan Cali Khayre oo u cadcad musharrixiinta tartanka ugu jirto madaxweynaha. Mise Amirka Abu Dhabi ayaa u adeegsanaya carqaladeenta dadaalka Riyad, Qadar, Turkiga iyo Mareykanka ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya? W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Kala fogaashaha Imaaraadka iyo Sacuudiga iyo saameynta doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Dawladda Finland oo soo Masaafurinaysa Muwaadin Somali Ah+Sababta Maxkamadda Sare ee dowladda Finland ayaa xukuntay in Laanta Socdaalka ee dalkeeda ay masaafurin karto nin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, sababo la xidhiidha dambi uu galay awgeed. Go’aankeeda, maxkamadda ayaa sheegtay inay jiraan sababo adag oo ku saabsan diidmada iyo masaafurinta ninka. Shakhsigu wuxuu leeyahay rikoodh dambiyeed baaxad leh, markii lagu xukumay 11 dhac, xatooyo daran, gacan ka hadal, iyo jujuub inta udhaxeysa sanadihii 2010 iyo 2017, isagoo ku xukumay xabsiyo badan oo ay kujirto 18-bilood oo xabsi ah. Sidaas darteed, Maxkamadda Sare waxay xukuntay in sii joogitaankiisa Finland ay ka dhigan tahay khatar “bulshada iyo amniga” waxayna siisay iftiinka cagaaran ee dacwadaha masaafurinta. Ninkaani wuxuu ku dhashay kuna noolaa noloshiisa oo dhan Finland, Wuxuu kaloo u sheegay maxkamada inuusan waligiis booqan Soomaaliya oo aanuu aqoon cid ku nool. Booliska ayaa markii hore soo jeediyay in la musaafuriyo ninkan sanadkii 2017-kii, Migri ayaa go’aansaday in la masaafuriyo wax yar kadib, iyagoo amrey in laga mamnuuco inuu soo galo deegaanka Schengen muddo saddex sano ah. Ninka ayaa marki hore racfaan ka qaatay go’aankan maxkamada maamulka kadibna maxkamada sare ee maamulka. Maxkamadda ayaan soo bandhigin magaca ninkaan iyo sawirkiisa balse waxay sheegtay in ay shaacin doonto markii dib loo celiyo. Ninkaasi ma haysto dhalashada Finland, laakiin wuxuu haystaa sharci deggenaansho oo sax ah. Muwaadin Finnish ah lama masaafurin karo, laakiin dhalashada waa lagala noqon karaa haddii qofku galo dambiyo aad u culus. Qaran News
-
Nin Soomaaliya oo soo noqday Imaam & Khatiib Masaajid oo loo haysto inuu 60 Dumara Dhacay,Wuxu ka dhacay & Sidu u dhacay Cabdifitaax Cali Cumar ayaa dhowaan ka soo muuqday warbaahinta, waxaana loo haystaa kiiskiisa dhac ah oo hadal-hayn badan ka abuuray Soomaalida Baraha bulshada adeegsata. Dad badan waxay dhacdada kiiskiisa la xiriirta ku tilmaameen mid la yaab leh. Cabdifataax, oo Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya la hor keegeeyay ayaa lagu soo eedeeyay dacwado la xiriira inuu dumarka xiriir Jacayl la sameynayay si uu u dhaco. Wuxuu tilmaamay in arrimaha lagu soo eedeeyay qaar ka mid ah ay jiraan, kuwana ay “yihiin been abuur”. “Arrimaha dhaca ee la igu soo eedeeyay qaarkood wax ayaa ka jiro, qaarna waxba kama jiraan. Inta kiis ee aan aniga ogahay waa ilaa 30 oo ah kuwa aniga ii qoran oo aan diyaar u ahay, hadii uu qof igu sheegta inaa siinayo,” Ayuu yiri Cabdifataax oo ka hor hadlay maxkamadda Ciidamada. Tirada dumarka ee dhibbanaha u ah eedaysanaha, ee booliska ay diiwaan geliyeen, waxay gaarayaan in ka badan 60. Qaar ka mid ah dumarkaas ayaa ku sugnaa gudaha maxkamadda oo dhagaysanaysay dacwadaan. Mid ka mid ah oo ka hadashay maxkamadda horteeda ayaa sheegtay in ay xitaa dambiilaha “ka codsatay inuu dilo xilli ay ka sheekaynaysay dhibaatada uu mariyay ninkan.” “Aad ayaan u qalqalay oo aan u cabsaday, waxaana xitaa ku iri idil. Muddo hal saac ah ayaan gaarigiisa saarna. Markaan wax yar soconaba wuu ii hanjabaayay. Markaan ogaaday inuu idili rabay ayaan waxa sameeyay falcelin.” Mid ka mid ah haweenka ninkan ku eedeeyay in uu ka dhacay telefoon. “Wuxuu iga qaatay laba teleefon, booliska ayaan wacay waxaana toban daqiiqa ka dib la ii sheegay in ninka la qabtay,” Ayey tiri mid ah dumarka sheegay inuu ninkan afduubtay uuna ka dhacay teleefoon. Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa sheegtay inuu faafidda diinta Islaamka uu ka gaaray heer uu noqdo Imaam masaajid uu hadana bilaabay inuu ku kaco falalka lagu soo eedeeyay, sida uu eedeysanaha u sheegay xeer ilaalinta. Ninkan loo haysto dhaca telefoonnada waxaa lala soo qabtay nin kale oo ay isla socdeen oo la sheegay in ay dhaca isla fulinayeen. “Qofka bini’aadamka ah qad ayuu dhaafaa, dhanka diinta mid ay celinayso maahan. Wuxuu gaaray heer uu khadiib noqdo, maantana uu dadka dhaco,” ayuu yiri dacwad-oogaha. Qaar ka mid ah dhibbanayaasha oo sidoo kale ku sugnaa Maxkamadda, ayaa codsaday in sharciga iyo cadaaladda la mariyo eedeysanaha. “Ninkaas wuu i ceejiyay, taraxadda ayuu igu ceenjiyay, isbitaal Madina ayaan tagay daawa ayaa la ii soo qoray. Dhibaatada uu ii gaystay illaa iyo hadda waan naxsanahay,” Ayey tiri mid ka mid ah dhibanayaasha ku sugnaa maxkamadda. Qareenkiisa wuxuu ku adkeysanayaan in Cabdifitaax uusan dhicin 65 telefoon, balse isaga uu qirtay 30. Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in Cabdifitaax uusan dhicin tirada teleefoonnada lagu dacweeyay. Wuxuu Maxkamadda ka codsaday in xukunkiisa lagu salleeyo, keliya 30-ka telefoon ee uu qirtay in uu dhacay. “Arrinta dhaca, eedaysanaha wuxuu ogolyahay 30 teleefoon inuu qaatay, ma jiraan 65 qof ee uu dhac u gaystay, sida ay xafiiska xeer ilaalinta sheegeen. “Maxkamadda waxaan ka codsanayaa in maadama uu ogolyahay 30 teleefoon, ay maxkamadda ku xukunto 30 kaaas oo keli ah,” Ayuu qareenka u doodayay eedaysane Cabdifitaax. Qaran News
-
Xildhibaano Shaaciyey in Xil ay loolan ugu jireen isaga Tanaasuleen. Xildhibaan Maxamuud Xayir oo kamida mudaneyaasha golaha Wakiillada cusub, ee loollanka ugu jiray jagada Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaasi, ayaa sheegay inuu hankiisa uga tanaasulay Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ay Isbahaysiga Mucaaridku u xuleen inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad. Shir-jaraa’id oo ay jimcaha maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa labada xildhibaan ee isu tanaasulay oo uu weheliyo xildhibaan Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo isagu ka odayeeyey isu soo dhaweynta labada mudane, ayaa waxa ay ku faahfaahiyeen sida ay uga go’antahay inay isbahaysi ahaan u dhisaan xubnaha loo xullay shirguddoonka Golaha Wakiillada. Loollanka loogu jiro qabashada xilalka Shirguddoonka Wakiillada oo aad u soo kulullaanaya, ayaa waxa ku hirdamaya xildhibaanno ka kala tirsan xisbiyada Mucaaridka iyo Xisbiga talada haya, waxaana ilaa hadda aqlabiyad xooggan ku goodiyaya dhinaca Mucaaridka oo haysta aqlabiyada xildhibaannada Golahaasi. Xildhibaan Maxamuud Xayir oo ka soo baxay Xisbiga UCID oo uu sidoo kale ka tirsan yahay Mudane Cumar Jaamac, ayaa sheegay inaanu hankiisa dhaafsanin wax ka hooseeya go’aan mabdi’i ah oo uu ku taageeray xildhibaanka uu u tanaasulay. Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax ayaa dhankiisa si weyn ugu mahad celiyey Xildhibaan Xayir oo uu ku tilmaamay siyaasi waayo-arrag ah oo kamida raggii rukumada u taagay Xisbiga Kulmiye. Mudane Cabdilaahi Yuusuf Axmed, ayaa dhankiisa ku bogaadiyey xildhibaannada isu tanaasulay, isagoo ku tilmaamay talaabo guul ah oo meesha ka saaraysa isgarab yaac iyo muwaafiqo xumo. Qaran News
-
Ciidanka Booliiska Puntland, ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ka fuliyay hawlgal qorshaysan oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, gaar ahaanna Khamriga. Hawlgalkan oo ahaa mid culus ayaa bilowday saq-barkii habeenimo ee xalay waxaana lagu beegsaday shabakado ka gacacsada Khamriga laga keeno gudaha waddanka Itoobiya, sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska. Saraakiisha ayaa mid guulaystay ku tilmaamay hawlgalkaas qorshaysan oo ka dhacay aga-gaarka Hoteelka ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale, waxay sheegeen in ay dib ka faahfaahin doonaan hawlgalkaas lagu beegsaday kooxaha caadaystay Khamriga. PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Booliska Kenya oo baadigoobaya haweenay askariyada oo Ragga laysa Booliska dalka Kenya ayaa baadigoob ugu jira haweenay boolis ah oo lagu eedeeyay inay dishay laba nin, kuwaas oo la sheegay in horraantii isbuucan ay toogatay, mid ka mid ah labada nin ayaa boolis ahaa. Haweenaydan oo lagu magacaabo Caroline Kangogo, ayaa warbaahinta dalka Kenya qabsatay kaddib markii ay magaalada Nakuru ku dishay askari magaciisa lagu sheegay John Ogweno. Meel 200km u jirta halka ay dhacdada koowaad ka dhacday, ayey ku dishay Peter Njiru oo 32 sano jir ah. Marxaladaha ku xeeran dilka labada nin ayaa ah kuwo muran badan dhaliyay, ilaa hadda ma jirto cid wax badan ka og sababta loo dilay. Bayaanka ay soo saareen booliska ee ay ku shaacinayaan baadi- goobka ka dhanka ah haweenaydan ayaa waxay ku tilmaameen inay la mid tahay sheeko ku jirta filimada cabsida leh . Balse farqiga u dhexeeya sheekadan iyo mida filimada ayaa ah in tani ay tahay dhacda dhab ah. waxaana jira warar sheegaya in qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee booliiska ay dhunteen kadib markii Kagongo ay fariin u dirtay. Sidee ayay wax walba ku bilowdeen? Kangogo ayaa looga shakisan yahay dilka nin ay saaxiibo ahaayeen oo boolis ah maalintii Isniinta . Dilka kadib ayaa la sheegay inay qaadatay bistoolad nooceeda tahay Ceska oo ay ku jirto rasaas. Kaddib waxay u jihaysatay Juja, oo 200 kiiloomitir u jirta magaalada Nakuru halkaas oo ay hoteel ka kiraysatay. Dhibbanaha labaad ayey qolka ugu yeertay kaddibna madaxa ayey ka toogatay intii ay qolka ku jireen. Xilli dambe isla habeenkaas Kangogo waxay maydka Peter Njiru uga carartay qolkii ay huteelka ka daganayd. Mid ka mid ah shaqaalaha huteelka ayey u sheegtay inay soo iibsanayso adeeg ayna wax yar kaddib soo noqon doonto. Balse haweenaydan Ayaan dib ugu soo noqonin huteelka. ‘Khatar iyo iska caabin’ Booliska ayaa sheegay inay dhib badan kala kulmeen raadinta haweenaydan maxaa yeelay waxaa adag in la helo qaab lagula xiriiro maadama ay teleefonkeeda kaga tagtay goobtii ugu horeysay ee ay dilka ka geysatay. Saraakiisha dowladda ee baaraya kiiskan ayaa ku tilmaamay mid la yaab leh sababtoo hal qori ayey u adeegsatay dhibanayaasheeda, iyada oo ku hubaysan bastoolad la soo xaday oo ay ku jiraan 14 xabadood. Agaasimaha Waaxda Dambiyada George Kinoti, ayaa shacabka ka codsaday inay gacan ka geystaan soo qabashada haweeneyda uu ku tilmaamay “mid hubaysan oo qatar ah”. Kangogo waxay ka soo shaqaysay saldhigyo boolis oo kala duwan, oo ay ku jiraan qaybta booliska ee maamula Tareenka, ka hor inta aan loo wareejin magaalada Nakuru, halkaas oo ay ka shaqeynaysay ku dhowaad saddex sano. Kinoti ayaa sheegay in tuhunsanaha ay dhuumanaysay tan iyo horaantii Isniinta. “Waxaan uga digeynaa shacabka, gaar ahaan ragga, inay ka taxadaraan sarkaalkaan ujeedkeeda uu yahay in ragga ay dabinkeeda galiso ka hor inta aaney si naxariis daro ah u dilin,” ayuu yiri. Qaran News
-
Sheekh Dirir oo ummada uga digay Cuqubada ka dhasha ku xadgudubka nimcada Ilaahay SW siiyey “Qofka ku xadgudba nimcada Alle, maalinta qiyaame su’aashu way ku badanaysaa” Hargeysa- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa bulshada ugu baaqay inay iska ilaaliyaan cuqubada ka dhalata ku xadgudubka nimcada Ilaahay SW ummada siiyo. Khudbadii Jimcaha shalay oo Sh Dirir kaga hadlay israafka ama xadgudubka, waxa keena, cuqubada ka dhalata iyo sida loo daaweeyo, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya israafka iyo fasirkiisa sheegay inuu yahay dhaafinta shay walba xadkiisa, waxa loo baahan yahay inuu dhexdhexeysto, oo xad-gudub iyo gabood-fal u dhexeeyo. Xukunkeedu waa xaraam in qofku deeqda uu Ilaahay SW siiyey daaddaadiyo. Ilaahay SW ayaa quraanka inoogu sheegay “Deeqda Ilaahay SW idin siiyey cunna oo caba, hana ku xad-gudbinna,” Waxa kaloo islaamku inoo diiday oo israafka barbar yaala, in qofku noqdo mid adag, oo deeqdii Ilaahay SW siiyey diida inuu ku bixiyo halkii loogu talo-galay. Sida Ilaahay SW quraanka inoogu sheegay “Bakhayl ha noqon gacantu qoorta ugu xidhan tahay, wax aad bixinaysana ha wada bixin, sid aaanad marna u cadilmin, marna u ceebaysnaan.” Nebigu NNKH waxuu yidhi, “cunna oo caba waxii Ilaahay SW idin siiyey, dhar ka xidha, sadaqo ka bixiya, lakiin israaf iyo is-tusnimo iska ilaaliya.” Sheekh Dirir oo ka hadlayey meelaha israafku ka iman karo, qofkana looga baahan yahay inuu iska ilaaliyo, ayaa sheegay in biyahu ka mid yihiin, isla markaana sheegay in Nebiga NNKH mud (litir-badhkii) ayuu ku weyseysan jiray, laba litir ayuu ku meydhan jiray. Qof innagam mid ah waxa laga yaabaa inuu foosto badhkeed ku meydho? Dhalinyarada is-dhalaalinaya ha u badnaadeena. Nebiga NNKH oo nin barayey sida loo weyseysto iyo inay sadex sadex tahay, ayaa talo u raaciyey ah waa sidaa weysadu. “Weysadu waa sidaa qofkii ka kordhinay ama ka naaqusa, dulmi ayuu sameeyey.” Biyaha marka dadka iyo xoolahu u baahan yihiin, weyso, meydhasho, waraab beer ama gaadhi meydhid waa xadgudub, waa la gebagebaysanayaa. Meelaha lagu israafi karo waxa ka mid ah wax-bixinta. Sadaqada waad bixinaysaa, laakiin haku xadgudbin. Ilaahay SW waxuu amaanay mu’miniinta “Dhaqanka mu’miniintu marka ay wax bixinayaan kuma xadgudbaan, bakhayliina maaha, arinkoodu, labada ayey u dhexeeyaan.” Noocyada israafka waxa ka mid ah oo dadku ilbaxnimo u arkaan in guryaha aad loo qalabeeyo, oo kharash badan ku bixiyo, ha lagu arko darteed qofku isagoo guri hanti ah ama gaadhi lahayn? Xadiis saxeex ah, “Nebigu NNKH gurigii Caa’isha CS, ayuu yimi, markaa ayuu daahii fujiyey, oo yidhi annaga nalama farin inaan gidaarada dhar huwino, dadka huwiya ayaa la yidhi.” Innagana lacagteenii daahyo ayey ku baxday oo odeyga iyo islaantu isku qabsanayaan, haduu yidhaahdo innaga daa. Israafku waxuu geli karaa waxyaalaha wakhtigan moodada, sida haduu qofku dhar bil xidhnaado uu bedlad kale xidho, bacadlaha ayaa loo camirayaa. Danno badan ayaa hadda ka dayacan. Istaaraafka waxa ka mid ah casuumadaha oo Nebigu NNKH ku tilmaamay meelo raashinka ugu shar badan, oo dadkii cuntada aadka ugu baahna laga ilaalinayo, kuwo dheregsana la siinayo. Aroosyada, geerida, hurdada, cimriga, dhalinyaranimada, caafimaadka dhamaantood israaf ama xadgudub ayey keenaan marka si aan wanaagsanayn loo adeegsado. Sheekh Dirir oo ka hadlayey sababaha keena in qofku deeqda uu Ilaahay SW siiyey ku xadgudbo, ayaa sheegay inay ka mid yihiin, · In qofku aqoon-daro ka hayso diinta, ilayn haduu ogaan lahaa waxa diintu ka tidhi, wuu ka joogsan lahaa, iyo ummadani inay tahay mid dhexdhexaad ah. · In qofkan lagu soo barbaariyey israafka iyo daadinta, hadhow ka daa lagu kari mayo, ilayn wuu ku kacaamee. · In qofku dabeecada aduunyada ka dhacsan yahay, una arko inay sidan isaga soconayso badhaadhahan, oo inay busaarado ka dambayn karto ma oga. · Waxa keena in qof faqiir ahaa, marka Ilaahay SW maal siiyo, uu maalka daadaadiyo, si loo ogaado in faqrigii hore ka baxay. · La saaxiibka kuwa maalka ku ciyaara, Nebigu NNKH waxuu yidhi “Qofku waa sida saaxiibkii, ha iska ilaaliyo qofkuu noqonayo” · Waxa ka mid ah in qofku jecel yahay in dadku arkaan, oo dabadeed is muujiyo. · Ubadka, oorida iyo ehelka ayaa ka mid ah waxa keena israafka, oo qofkii masuulka ahaa maamuli kari waayo? Sheekh Dirri ayaa sheegay in cuqubo iyo in Ilaahay SW inna naco ka dhalato marka qofku israaf sameeyo, sida aayad quraanka inoogu sheegay “Ilaahay SW ma jecla dadka waxuu siiyey ku xadgudba.” Waxay keeni kartaa in marka qofkii afku ka weynaado, ee baahidiisu badato, uu xaaraan raadiyo, oo weji ku-maal, af-ku-maal bilaabo, isagoo sharaftiisi, tii wadanka dhamaan iibsado. Qofku haduu xad-gudbe noqdo, sheydaan kama foga, ilayn waxii Ilaahay SW u diiday ayuu dhexgalee. Nebigu NNKH xadiis saxeex waxuu inoo sheegaya inaan waxii aynu u baahan nahay keliya isticmaalno, alaabta guryaha “Furaash ninka leh, furaash ooridiisa, furaashna martida, ka afaraadna sheydaanka” looma jeedo hadii caruur joogto dhulka seexi, laakiin, waa hadii aanay dad kula joogin, intee guryaheena sheydaan fuushan yahay. Qofka ku xadgudba nimcada Alle, maalinta qiyaame su’aashu way ku badanaysaa? Waxa ka mid ah in barakadu ku yaraato maalkiisa. Sheekh Dirir oo ka hadlayey waxa lagu daaweeyo ama laga gaashaanto xadgudubka oo u sheegay inuu ku badan yahay Soomaalida, waxuu sheegay inay ka mid yihiin, Qofku inuu cidhibta arrimaha eego, haduu sameeyo maxaa ka dhalan kara? Hadii qofku, qoysku, dalku sidan ku socdo, maxaa ka dhalan kara? Waa in la isweydiiyo. Qofku inuu go’aan yeesho uu naftiisa, ehelkiisa iyo dalkiisa ku maamuli karo. Dadku hadii aanay go’aan lahayn noloshoodu qiimo ma yeelato. Cumar binu khadaab RC ayaa maalin arkay inankiisa oo hilib badan diyaarsaday? Maxaad ku falaysa ayuu weydiiyey, markaasu ugu jawaabay, waan doonayaa? Waxuu Cumar ugu jawaabay ‘Nacasnimadaada, wax kastoo aad doonto miyaad cuntaa? Xadgudubka ayey ka mid tahay in wax kastoo aad doontid inaad cunto. Qofku inuu eego maalmahii uu soo maray, xilliyadii qaxootiga, la gaajaysnaa, muslimiinta hareerahiisa ee dhiban eego?oo Ilaahay SW ayaa mahad leh uu qofku yidhaahdo. Qofku inuu eego oo barto noloshii Nebiga NNKH, Caa’isha RC waxay leedahay “ilaa saddex bilood guryaha Nebiga CSW dab looma shidi jirin? Saxaabi ay habaryar u ahayd ayaa weydiiyey, maxaad quudan jirteen, Caa’isha ayaa ugu jawaabtay timir iyo biyo” In qofku dadka ku xadgudba nimcada Ilaahay SW iskaga hadho, oo uu dadka hankoodu sareeyo la saaxiibo oo ku deydo. Inuu aakhiro xusuusto qofku ayaa xalka xadgudubka ah iyo in hormoodka ummadu madaxda, culimadda, tujaarta, inay dadka kale tusaale u noqdaan si loogu deydo. Sheekh Dirir ayaa sheegay in waxyaalo badan oo duruufo dhaqaale ah oo maanta ummadeena haysta, sababteeda leenahay, isla markaana gacmaheena ku jiro xalkii lagaga bixi lahaa, markaa inaynu isa saxxno ayaa muhiim ah, Ilaahay SW isagaa farajka haye, ha inna waafajiyee, aamiin. — Mohamoud Ali Walaaleye Freelance Reporter http://www.funca.info/ Hargeisa- Somaliland Qaran News