Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,926
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey dhaqaalaha ku baxayo doorashada dadban ee Soomaaliya iyo qoondada laga sugayo Beesha Caalamka, oo caqabad ay ka taagan tahay. Rooble ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxayo doorashada dadban ee Soomaaliya ay gaareyso illaa $26 Malyan, taasoo inteeda badan laga sugayo beesha Caalamka. Rooble ayaa xaqiiiyey in weli lacagtaas aysan soo wada gelin gacanta Xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in beesha Caalamka laga helay dhaqaalihi ugu horreeyey. Sida uu sheegay Rooble, dhaqaalahaasi ayaa laga hayaa 7.2 Milyan Dolllar oo ay dhowaan kala saxiixdeen Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Lacagta ay beesha Caalamka bixiso maahane inta kale ayaa la qoondeeyey in laga qaado musharixiinta u taagan xilalka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana musharixii u tartamayo xilka aqalka sare laga rabaa inuu bixiyo lacag gaareyso ilaa 20 kun oo dollar halka haweenka laga rabo 10 kun oo oo dollar, sidoo kale musharixiinta aqalka hoose ayaa laga rabaa 10 kun oo dollar halka kuwa haweenka ah laga rabo 5 Kun oo Dollar. Maalmaha soo socdo ayaa waxaa la filayaa inay Muqdisho isugu imaadaan golaha wadatashiga qaran, waxaana la filayaa in kulankaas lagu ansixiyo miisaaniyadda doorashada Soomaaliya ee 2021. Rooble wuxuu sheegay in doorashada ay duwan tahay doorashadii hore, ergaduna ay tahay labalaab, laakiin lacagta inteeda badan aysan soo xeroon, ayna arrintaas uga hadli doonaan shirka Wadatashiga qaran ee Muqdisho ka dhacaya maalmaha soo socdo. Ra’isulwasaare Rooble oo hadda ku maqan safar dalka Kenya ah ayaa la filayaa inuu dalka dib ugu soo laabto 2 berri kadib, wuxuuna xooggiisa isugu geyn doonaa sidii uu usoo xareyn lahaa lacagta ku baxeyso doorashada si loo bilaabo doorashada aqalka Hoose oo aan weli bilaaban. Mar kasta oo doorasho ka dhaceyso Soomaaliya beesha Caalamka ayaa bixiso lacagta ugu badan ee doorashada ku baxeyso, waxaana sanadkaan weli la heli la’yahay lacagihii ka imaan jiray beesha Caalamla taasoo ay sabab u tahay khilaafka mudada dheer u dhaxeeyey saamileyda siyaasa. Doorashada Soomaaliya ee madaxtinimada ayaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 10-ka October, 2021. Balse waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dib-u-dhac uu yimaado maadaama dhaqan-gelinta jadwalkii lasoo saarey 27-dii May 2021 la baalmaray taariikhaha qaar. The post Rooble oo shaaciyey xog ku saabsan doorashada oo caqabad cusub noqon karta appeared first on Caasimada Online.
  2. Xiriirka TAQBALL oo aduunka ku soo biiray sanadii 2012 ayaa laga daah furay magaalada Muqdisho, waxaana xiriirkan Soomaaliya ka hergeliyay Macow Xuseen Xasan oo horay kaga soo ciyaaray Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudi Carabiya, waxaana munaasabada shaacinta Xiriirkan kasoo qeybgalay madaxda ka tirsan Dowladda iyo laacibiintii hore dalka. Xiriirka TAQBALL waxaa aas aasay muwaadiniin kasoo jeeda dalka Hungary, waxaana hada aqoonsan Olombikada Afrika iyo Assia, waxaan si rasmi ah loo daah furay 16-October 2018 waxaan daah furay laacibkii hore kooxda Barcelona iyo dalka Brazil Ronaldo de Assis Moreira, isagoo hada ah safiirka caalamka ee Xiriirka TEQBALL, madaxda Dowladda iyo laacibiintii hore dalka ayaa u mahadceliyay Macow Xasan Xuseen oo Xiirkan keenay Soomaaliya, wuxuuna Xiriirka TEQBALL fursad u yahay dadka baahiyaha gaarka qaba in ay kasoo muuqdaan dhacdooyinka ciyaaraha dalka iyo dibadda. Yaasiin Maax oo horay ugu soo ciyaaray kooxaha dalka ayaa sheegay in loo baahanyahay in garab la siiyo Xiriirada TEQBALL iyo Xiriirada kale ee ka dhisan Soomaaliya, si mustqbalka loo gaaro guulo waaweyn. ” Ciyaartooydii hore Gabdhaha waxay soo dhawaynaynaa Xiriirka TEQBALL, waxayna diyaar u yihiin garab istaagida madaxda Xiriirkan ku soo biiray Soomaaliya” ayay munaasabada ka sheegtay Asli Carfaaye Cumar oo horay ugu ciyaartay kooxaha kubbadda Kolayga Soomaaliya. Maxamed Xuseen Majabe oo ka mid ahaa ciyaartooydii hore ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay is caawiyaan Xiriirada dalka, isagoo bahda isboortiga kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan caawinta xidigihii hore Soomaaliya oo qaba baahiyo kala duwan. Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyaraha mudane Xaaji Aadan Cabdulle Mahadi ayaa munaasbada daah furka Xiriirka TEQBAAL ka sheegay in ay soo bataan Xiriirada, isagoo sheegay hadii ay bataan dhacdooyinka ciyaaraha fursado badan ay helayaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo leh xirfado kala duwan oo cajiib ah. Xoghayihii hore Olomikada Soomaaliya Dr.Cali Cusmaan ayaa bahda isboortiga ku dardaarmay in lala shaqeeyo Xiriirka TEQBALL iyo dhamaan Xiriirada Soomaaliyeed ee ka dhisan dalka, wuxuuna sheegay in isaga uu diyaar u yahay garabsiinta dhamaan Xiriirada Wadanka. Guddoomiyihii hore Olombikada Soomaaliya Cabdiqaadir Ibaarhim Gacal (Abkow) ayaa sheegay in ay waajib tahay in dhaqaalo la geliyo isboortiga dalka, wuxuuna bahda ciyaaraha ku dhiirigeliyay in ay soo dhaweeyaan sidoo kalane ay caawiyaan Xiriirka TEQBALL oo ku soo biiray Xiriirada dalka. “Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya waxay soo dhawaynaysaa Xiriirka TEQBALL” ayuu munaasabada ka sheegay Ibraahim Xuseen Roonbe oo ah la taliyaha Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada mudane Xamse Saciid Xamse. Cabdiqaadir Macallin Qooje oo ah wakiilka dhalinyarada iyo ciyaaraha xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaalliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Raysal Wasaare Roooble ay ka go’antahay dhiirigelinta Isboortiga Soomaaliya, wuxuuna mudane Cabdiqaadir Qooje uu balanqaaday in ay garab istaagayaan Xiriirka TEQBALL. Guddoomiyaha Xiriirka TEQBALL mudane Macow Xuseen Xasan ayaa sheegay in sabaha uu Xiriirka u aas aasay ay tahay in fursad ay helaan dhalinyaarad baahiyaha gaarka qaba, wuxuuna dhinaca kale sheegay in uu diyaar u yahay horomarinta iyo kor u qaadida Xiirka TEQBALL oo dalka ku soo biiray. Daawo Warbixin Ku Saabsan Xiriirka TEQBALL Sidoo Kale Aqriso Warar Kale Cabdiqaadir Macallin Qooje “Waxaan Diyaar U Ahay Caawinta Dhamaan Xiirirada Kale Ee Ka Dhisan Dalka” W/D-Maxamed Xuseen Qalinl Source: goobjoog.com
  3. Kufsigu waa nooc ka mid ah galmada oo inta badan loo adeegsado awood iyada oo aan oggolaansho laga haysan qofka lagu samaynayo falakan. Falkan waxaa laga yaabaa in lagu fuliyo Xoog jidheed, Qasbid, ku Takri fal Awoodeed, taas oo ka dhan ah qof aan awood u lahayn inuu bixiyo oggolaansho sax ah, sida Qof Miyir beelay (mid waalan), Qof naafo ah, Qof baahan oo doonaya wuxuu q ama shaqo uu ka shaqeeyo, qof awood loo adeegsado oo ay koox ama qof qabteen, ama qof ka hooseeya da’da sharciga ee oggolaanshaha. Ereyga kufsiga ayaa mararka qaarkood loo adeegsadaa ereyga faraxumaynta galmada Qeexitaanka guud ee faraxumaynta galmada ama xadgudubka aan habboonayn waa ficil xadgudub jidheed, maskaxeed iyo sharafeed oo ah qaab fal xoog ah oo galmo, taasoo loo gaystay qof oggolaansho la’aan. Dhammaan kiisaska faraxumaynta galmada kuma lug laha rabshad, waxay keenaan dhaawac jidheed ama waxay reebaan calaamado muuqda. Ku -xadgudubka galmadu wuxuu sababi karaan dhib aad u daran, waxyeelo sharafeed iyo dhaawacyo aan la arki karin kuwaas oo dhammaantood qaadan kara waqti dheer in laga soo kabto islamarkaana aad ku soo naqoto nolosha caadiga ee bulshadaada. Kiisaska kufsiga ee dhulalka Soomalida ka dhacaa waxaa 99% (boqolkiiba sagaal iyo sagaashan) waxaa uu falkaasi lagu sameeyaa Dhediga (Haweenka) iyada oo ay ku sameeyaan Labku (Raggu) madaama ay dadka Somalidu u badanyihiin dad islaam ah islamarkaana dhaqankoodii soo jireenka ahaa iyo Diinta islaamku ay aad isku matalaan dumarka Soomalidu maaha qaar aad ugu dheeraya dhanka galmada ama daydayga arrimaha jinsiga iyadoo sababta ugu weynina ay tahay xishoodka uu Ilahay ku manaystay isla markaana waalidkuna ku tarbiyadeeyay, dhawarsanoontoodaas, xishoodkoodaas iyo ka taxadiristooda falkaas ayaa ah sababta ugu weyn ee ay Raggu ugu gaystaan kufsiga madaama ay iyagu yihiin kuwo ka baahi badan dumarka xagga Galmada, wali laguma hayo ama lama arag dhulalka ay Somaalidu dagto Kiis Kufsi la leeyahay Qof ama Koox Dumar ah ayaa u gaystay Ninkaas Hebel oo la garanayo taas ayaana kuu cadaynaysa inay Dumarka Soomalidu ay yihiin dhibanayaasha loo gaysto Kufsiga. Dumarka Somaalidu Kufsiga loo gaystay 90% (boqolkiiba sagaashan) ma helaan cadaalad u dhiganta fal danbiyeed loo gaystay kaas oo waxyeeleeyay Mustaqbalkeedii, Jidhkeedii iyo Sharafteedii ay bulshada ku dhex joogtay oo wax lagu xaliyaa dhaqan soo jireen iyo kiisas hore oo dhexmaray labada reer ee ay ka soo kala jeedaan Ninka iyo Gabdha kufsiga loo gaystay taas oo 90% (boqolkiiba sagaashan) cadaalada daro ku dhamaata iyo xaq duudsiin loo gaysanyo qoftaa dumar ah ee dhibaatada loo gaystay. Qoftaa dumar ah ee dhibaatada loo gaystay inay 90% (boqolkiiba sagaashan) Cadaalad daro la kulanto waxaa sabab u ah inaan Dawaladaha iyo Baarlamaanada ka jira dhulalka Somalidu ay hindisi kari la’yihiin ama soo saari kari wayeen xeer ciqaabeed taabacsan diinteen islaamka oo aan ahayn xeerkii Kufsiga ee ay soo qoreen Hayaadaha faafiya dhaqanka reer galbeedka iyo gaalada kuwaas oo soo dhexmaraya Ururo wadniya oo calooshood ushaqaystayaal ah kuwaas oo qaarkood ay maalgalin ku soo qataan in dhalinyarada Somaliland diinta islaamka laga saaro oo la Galeeyo. Ururadaa aynu soo sheegnay ayaa lacago ay ka soo qadeen hayadahaa maalgaliya u qaybiyay Golahii hore Wakiilada Somaliland si ay ugu ansixiyaan xeerkan sida tooska ah uga hor imanayay dhaqankeena suuban ee ay inoo jidaysay diinteena islaamku kaas oo ay u ansixiyeen madaama uu golaha muddo hor yaalay kadibna jawaabtii bulshada labeenteeda iyo waxgardkeeda ka soo noqotay uu sababay in la joojiyo xeerkaas ku dhaqankiisa. Iyadoo aanay jirin xeer ciqaabeed falakan lagag hortago kaas oo imika bulshadeen aad ugu soo badanaya ciqaabta ugu badan ee loo adeegsadaanaa ay tahay xeer iyo dhaqan soo jireen oo cadaalada ka fog si bulshada iyo dadka wax magartada ah loo majaro habaabiyo ayaa waxaa maalmahan danbe warbaahinta iyo baraha bulshada lagu arkayay dad aad is odhanayso waxay mashaariico ka soo qaateen hayadihii dhaqanka gaalada faafinayay kuwaas oo bulshada u soo gudbinaya fariimo khaladan oo ay ku sheegayaan kufsi si ay u dimiyaan qoysas islaam ah oo dhisan fariimaas waxaa ka mid ah, Qofta Dumar Ah Haddii Uu Ninkeedu Qasbo Inay Tahay Kufsi qodobkani horta waxaa ka mid ah xeerkii kufsiga ee la laalay lakiin dadka imika doonaya inay bulshada ku wacyi galiyaan waa kuwo ka fog diinta islaamka iyo ku dhaqankeeda waayo gabdhu iyadoo bilaa cudur daar ah hadii ay ninkeed xalaasha ah ay u diido inay galmo usamayso waxaa habeenkaas oo dhan nacdala malaiigta sida uu inoogu sheegay xadiis Nabi Maxamed NNKHH عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: إذا دعا الرجل امرأته إلى فراشه فأبت فبات غضبان عليها لعنتها الملائكة حتى تصبح. صحيح بخاري. Waxa laga soo wariyey nabiga (NNKHA) inuu yidhi; haddii ninku uu gabadhiisa ugu yeedho furaashka (yacni ka dalbado galmo) oo ay ka diiddo (cudur-daar la’aan), kadibna uu ka cadhoodo diidmadaa, malaa’igta ayaa gabadhaasi nacdalaysa ilaa inta waagu ka baryayo. Xadiisku waa saxeex (bukhaari) Madaama ay xaaskiisa nacdali ku socoto habeenkaas oo dhan si uu uga badbaadiyo nacdashaas inuu xoogo oo uu qasab ugu galmoodo wax dhibaato ahi kuma jiro mana ah kufsi ee wuxuu ka badbaadiyay dhibaato weyn oo ku dhici lahayd. WABILAAHI TAWFIIQ W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine Qaran News
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda wadanka Kenya ayaa ugu dambeyn gacanta ku dhigtay, isla-markaana xabsiga dhigtay illaa saddex nin oo loo heysto falal la xiriira agagixisanimo, kuwaas oo laga baadi-goobayey gudaha dalalka Soomaaliya iyo Masar., Booliska Kenya ee la dagaalanka argagixisada ayaa gacanta ku dhigay saddexdan qof oo uu mid ka mid ah yahay Masaari, halka labada kale ay yihiin Kenyaan asal ahaan Soomaali ah. Saraakiisha ammaanka ee dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in raggan lagu qabtay magaallo xeebeedka Mombasa, xilli ay wadeen falal ay ka shakiyeen ciidanka amniga. Saddexda nin ee haatan xiran ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mohamed Shendy Elhosseiny, Mustafa Abdi Saciidi iyo Mohamed Mohamed Abdullahi. Sidoo kale raggan oo labo ka mid ah ay baadi-goobayeen dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin koox argagixiso ah oo ku kala sugan dalalka Kenya, Uganda, Soomaaliya iyo Masar, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka Booliska. Raggan oo sidoo kale maxkamadda ka soo muuqday ayaa waxa ay amartay in xabsiga lagu haayo muddo 15 cisho ah, si loo soo dhammeystiro baaritaanka eedaha loo soo jeediyey. Kenya ayaa si aad ah u xoojisay howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, kadib markii ay kasii dareen weerarada ay Al-Shabaab ka geysato gudaha wadankaasi. The post Kenya oo xirtay rag ay baadi-goobayeen Somalia iyo Masar appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo war qoraal ka soo saaray doorasooyinka billowday ayaa walaac ka muujiyey sida loo qabtay doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay Garoowe iyo Dhuusamareeb ee maamullada Puntland iyo Galmudug. Cirro ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan-yahay in la tartamo oo tanaasul la’aan ay codeynta doorashada u dhacdo, si uu tartanka socda u noqdo mid lagu qanco. “Waan jeclaan laheyn in la tartamo oo tanaasul la’aan ay codeynta u dhacdo ,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xasan Cirro. Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inuu soo dhoweynayo natiijooyinka haatan ka soo baxay doorashooyinkii qabsoomay ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. “Waan soo dhoweyneynaa in natiijada si sharciga waafaqsan ku soo baxday,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa doorashadii shalay ka dhacday Dhuusamareeb, kadib ku ammaanay Galmudug ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, maadaama lixda kursi ee la doortay labo ka mid ah ay yihiin dumar. “Waa tallaabo ammaan mudan sida qoondada haweenka xil isaga saaray hoggaanka Galmudug,” ayaa markale lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiye Cirro. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka kala dhacay Garoowe iyo Dhuusamareeb ay Senatarada ku soo baxeen tartan la’aan, kadib markii ay tanaasuleen musharraxiintii la tartami lahaa, taas oo macno beel doorasho lagu tilmaamay. The post Guddoomiye Cirro oo hal arrin walaac ka muujiyey, kadib doorashooyinkii Galmudug & Puntland appeared first on Caasimada Online.
  6. ‘AIPAC is putting Rep Omar’s life at risk with repeated Islamophobic attack ads,’ says Omar aide. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shir u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan cudurka safmarka ah ee Covid-19 oo mar saddexaaad soo kacleeyey. Shirkan oo ku qaabsoomay aaladda fogaan araga ee Zoom ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirada caafimaadka ee dowladda dhexe, kuwa dowlad dowlad goboleedyada, agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha caafimaadka iyo sidoo kale la-taliyeyaal caafimaad. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in inta uu shirka socday diiradda lagu saaray sidii markale looga hortegi lahaa faafista cudurkan oo haatan kusii baahaya dalka. Sidoo kale waxaa warbixino la xiriira saameynta xanuunka laga dhageystay qeybta gaarka ah ee la socoshada iyo dabagalka xaaladaha caabuqa Covid-19, kuwaas oo ku taliyey in si wadajir ah loola dagaalamo cudurka, si loo bad-baadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fawsiya Abiikar Nuur oo madasha ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday in wasaaraddu ay waddo dadaallo guud oo ku aadan xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus, si loo yareeyo saameyntiisa dhinaca bulshada Soomaaliyeed. Fawsiya ayaa sidoo kale sheegtay in kaliya xanuunka looga gungaari karo qaadashada talaalka Covid-19 iyo in dadka Soomaaliyeed sameeyeen feejignaan dheeri ah. “Dagaalka dowladda ee ku aadan afjaridda masiibada Covid-19 waxaan kaga gungaari karnaa in dadka Soomaaliyeed qaataan tallaalka iyo taxadar dheeri ah, waxaana muhiim ah in inta ugu badan ee suurtogalka ah ee gaari kara goobaha aan dhignay tallaalka ay qaataan, Tallaalka aan keenay waa mid amaan ah oo nabdoon, taas waxaa cadeynaya aniga, waayo waxaan si buuxda u qaatay 2 deydii tallaal, wax dhib ahna ma arag,” ayey tiri. Dhinaca kale mas’uuliyiinta iyo saraakiisha caafimaad ee ka qeyb-gashay shirkan ayaa isla qaatay in ay lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabo degdeg ah, si loo bad-baadiyo bulshada, loogana hortego culeys kasta oo keeni kara in dalka uu galo xaalad deg deg ah. Si kastaba warbixinadii ugu dambeeyey ee maalmihii lasoo dhaafay ka soo baxayey wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa muujinaya kororka xanuunka, waxaana wasaaraddu ay diiwaan-gelisay kiisas horleh, iyada sidoo kale ay jirto tiro dhimasho ah. The post DF & dowlad goboleedyada oo shir ka yeeshay xaaladda dalka + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay xarunta madaxtooyada Garoowe kulam kula yeeshay guddiga dhismaha dekedda Garacad ee Gobolka Mudug. War kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay dhameystirka wejiga koowaad ee dhismaha dekadda Garacad. Sida warka lagu sheegay, kulanka waxa sidoo kale looga hadlay in degaanka Gacarad laga hawl-geliyo hay’addaha dowladda, si loo gaarsiiyo mashaariicda horumarineed. Dhismaha dekedda Garacad oo ku socda hab isku-tashi ah, ayaa meel wanaagsan maraya, waxaana la doonaya in halkaas laga hirgeliyo deked ganacsi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Garoowe kula kulmay guddiga dhismaha dekeda Garacad appeared first on Puntland Post.
  9. 'Squad' member Ilhan Omar's office has fears that her life in danger over new attack ads claiming she sees no difference between America and the Taliban, according to her spokesman. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka heer Federaal. Xubnahan oo Garoowe u yimid in ay goob-joog ka noqdaan doorashadii Aqalka sare waxa waxa hoggaaminayay Muuse Geelle Faroole. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo la kulmay xubno ka tirsan Gudiga Doorashooyinka heer Federaal appeared first on Puntland Post.
  11. Ra’isul Wasaare Rooble oo khudbad u jeedinayey qaar ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday khilaafka maalmahaan u dhaxeeyey isaga iyo madaxweynaha uu waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Rooble wuxuu khudbadiisa ku xaqiijiyey jiritaanka khilaafka, isagoo intaas raaciyey in hadda la heshiiyey, waxaana warbixintaan ku eegeynaa shan dhinac oo kamid ah hadalkii Rooble oo duulaan ku ah Farmaajo, sidoo kalana muujinayey inaan weli la heshiin. Marka hore inuu Rooble qirtay inuu khilaaf jiray waxay aheyd arrin biyo qabow ku shubtay dadkii aaminsanaa inaysan labada nin is heyn, weliba sida xogta lagu hayo Rooble dagaal ma rabin balse kooxda Farmaajo ayaa abaabushay dagaalka oo isku dayeysay inay baqdin gelin ku hayaan inta laga gaarayo doorashada. 1- Rooble wuxuu sheegay inuu dalka joogo meel ka xun meeshii uu joogay sanadki 2016, islamarkaana uu ka badbaaday dagaal sokeeye. Yaa gaarsiiyey meel ka xun meeshii sanadkii 2016 oo mas’uul ka ah dhibaatada? Waa farriin cad oo sheegeysa in Farmaajo dalkii burburiyey. 2- Rooble wuxuu sheegay in markii xaalad xun la galay in lagu qasbanaaday in isaga la aamino taasina ay tahay sababta uusan isku soo sharaxi karin doorashadaan. Cidda laga aamin baxay oo uu Rooble sheegayo inuu isaga ka mudnaaday aaminaada waa Farmaajo, tanina waa dagaal kale oo cad. 3- Rooble wuxuu khudbadiisii Nairobi ku sheegay in la isku dayey in isaga la sumcad dilo oo laga dhigo inuu isaga bixinayo baddii Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in sidii dadkii hore loogu shaabadeyn jiray inay iibiyeen badda ama ay iibinayaan in duulaan noocaas ah isaga lagu soo qaaday, wuxuuna beeniyey inuu rabo inuu galo heshiis bad ama inay jirto cid Soomaali ah oo geli karta heshiis dhanka badda ah. Qeybtaan wuxuu si toos ah ugu jawaabay Farmaajo iyo kooxdiisa oo isku dayey inay Rooble ku shaabadeeyaan inuu rabo inuu arrinta badda kala hadlo dowladda Kenya. Waa jaawaab culus oo ku fooggan qoraalkii uu Farmaajo ku muujiyey in Kenya lala geli rabo heshiis halis ah. Tani waa astaan kale oo muujineysa meesha labada nin weli kala joogaan. 4- Rooble wuxuu sheegay inuu ka tanaasulay damaciisa musharaxnimada, isagoo fursad fiican heysta si uu dalkii lagu aaminay u badbaadiyo, sidoo kalana aysan macquul aheyn in qof kale damaciisa dalka loo afduubo, tanina waa jawaab la xiriirta damaca doorasho ee Farmaajo. 5- Arrinta qaadka, wuxuu sheegay inuusan hadda arrimo jaad u imaan Nairobi, balse ay labada dal bilaabanayaan wada-hadallo iyo kulamo lagu soo celinayo cilaaqaadkii iyo wax wadaagii, wuxuuna sheegay in natiijada wada-hadalaas haddii ay kasoo baxdo arrin ku saabsan qaadka inaysan dhib laheyn. Halkaas waxaa iyadana laga fahmay in heshiisyada ganacsiga deg deg loo guda geli doono oo aan loo xayirnaan doonin Farmaajo, wuxuuna Rooble sheegay in wada- shaqeynta madaxda sare ay waajib tahay. Khudbadii uu Rooble ka jeediyey magaalada Nairobi markii indho siyaasadeed lagu fiiriyo waxay muujineysay inaan labada nin weli si rasmi ah u heshiinin, laakiin illo xog-ogaal ah waxay sheegayaan inay jiraan wada-hadalo ay garwadeyn ka yihiin xubno Farmaajo ku dhow dhow oo aaminsan in haddii dagaalka Rooble sii socdo inay halis ku jirto dib u doorashada Farmaajo. Rooble waxaa la sheegay inuu soo dhaweeyey waan-waantaas, balse wuxuu ku adkeystay in awoodihiisa iyo maamulka xilliga kala guurka aan lasoo faragelin. Faalladan oo cod ah, hoos ka dhageyso. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Shan qodob oo khudbadii Rooble ku jiray oo muujinaya in aaney weli heshiin Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  12. The U.N. special envoy for Somalia reported "significant progress" Thursday in implementing an agreement between the federal government and regional states aimed at holding long-delayed national elections but said greater efforts are needed to ensure electoral security in light of the ongoing threat from the al-Shabab extremist group. Source: Hiiraan Online
  13. Al Shabab insurgents are working to derail Somalia’s repeatedly delayed elections with a “sinister” campaign of military raids, kidnappings, executions and assassinations, an African Union official said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  14. China on Thursday said that it is ready to make positive contribution to lasting peace in Somalia. Source: Hiiraan Online
  15. The United Nations and the African Union urged Somalia on Thursday to hold already delayed national elections this October despite attempted intimidation by Islamist militants. Source: Hiiraan Online
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee uusan weli ku dhawaaqin madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa waxaa ku tartamayo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo muddo 4 sano ah ku fadhiyey kursiga laga leeyahay Koonfurta Gaalkacyo iyo madaxweynihii hore ee Maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle Xaaf. Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa dib u dhigay magacaabista liiska kursigaan oo la filayo in loo xiro Cabdi Qeybdiid, waxaana kursigaan ka taagan dood culus oo ka dhex jirto Beesha Sacad oo ah Beesha isla leh kursiga iyo madaxweyne Qoor Qoor. Sida ay xogta ku heleyso Caasimada Online, waxaa socdo wada-hadal u dhaxeeyo madaxweynaha Galmudug iyo Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, waxayna wararka hoose sheegayaan inay suuragal tahay in Xaaf lagu qanciyo inuu isaga haro tartanka kursiga. Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa Xaaf usoo bandhigay in la siiyo mashruuca soo dajinta qaadka ee Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sidoo kalana la siiyo lacag si uu isaga haro tartanka kursiga islamarkaana loo siiyo Cabdi Qeydiid. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo , madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dalbaday in la siiyo lacag illaa 2 Malyan ah si uu isaga haro tartanka, balse waxaa arrintaas ku gacan seyray madaxweyne Qoor Qoor oo u sheegay inuusan hadda awoodin bixinta lacag intaas la eg balse uu isaga diyaar u yahay in lagu wareejiyo mashruuca soo dajinta qaadka ee Muqdisho la keeno. Haddii Xaaf uu aqbalo qorshaha uu wado Qoor Qoor, waxaa hoos u dhici doonto cabsida laga qabay dhibaato ka dhalato kursiga maadaama uu Xaaf ku hanjabay inay dhibaato weyn dhici doonto haddii kursigaan loo xiro shakhsiyaad gaar ah, waxaana sidoo kale jiro musharax u taagan xilkaan balse aad ayey u yar tahay fursadda uu kursigaan kaga qaadan karo Cabdi Qeybdiid. Sababta Xaaf looga cabsanayo in lagu soo daro dadka u tartamayo kursigan ayaa ah ilaa 3 qodob: 1- Inuu taageero weyn ku dhex leeyahay Baarlamaanka Galmudug 2- Beesha kursiga iska leh oo uu taageer xoog leh ka heysto. 3- Inuu yahay siyaasi diyaar u ah inuu lacag xoog leh ku bixiyo sidii uu kursigaas u heli lahaa. Qeybdiid waxaa lagu eedeenayaa afartii sano ee lasoo dhaafay inuu kursiga ugu adeegay jufadiisa hoose marka la eego sida uu u maareeyey boosas shaqaaleysiin ah, saraakiil la dalacsiiyey iyo dad xilal loo magacaabay intaba. Galmudug waxay hadda dagaal kula jirtaa Al-Shabaab, dagaalkaan wuxuu qarxay kadib markii kooxdaan qabsatay deegaan kamid ah kuwa ay dagto beesha iska leh kursiga ay ku tartamayaan Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf. Marka la eego sida uu Cabdi Qeybdiid uga falceliyey dagaalkaas iyo shaqada uu qabtay waxaa macquul ah inay dhinaca kale ka daboosho hoos u dhicii ka dhashay sidii uu u maareeyey fursadihii ay Beesha ka heshay Dowladda Federaalka ah afartii sano ee lasoo dhaafay. The post XOG: XAAF oo laga yaabo inuu u tanaasulo QEYBDIID iyo waxa uu dhaafsanayo appeared first on Caasimada Online.
  17. Hal sano kahor, 25-kii bishii tagtay ee July waxaa kala tegay mid ka mid ah lamaanayaashii ugu isbaheysiga adkaa siyaasadda Soomaaliya ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii Xasan Cali Kheyre, oo hadda ah musharax madaxweyne. Sida Xasan Cali Kheyre uu ku baxay iyo sanad kadib wixii dhacay waxay cashar weyn naga barayaan siyaasadda daneysiga ku dhisan ee Soomaaliya, iyo halka ay ku dhammaadaan siyaasiyiinta loo adeegsado danaha shaqsiyeed. Maxaa isku hayey Farmaajo iyo Kheyre? Farmaajo iyo Kheyre markii horeba kuma wada joogin is-jaceyl iyo dan Soomaaliyeed ee waxaa isku hayey dan siyaasadeed, oo midba uu dhinaciisa ka ilaashanayey. Kheyre wuxuu ku fariistay kursi uusan maqam iyo saameyn siyaasadeed ku helin, islamarkaana uusan weligiis ku hamin, halka Farmaajo uu helay ra’iisul wasaare edban oo fuliya siyaasadihiisa khalafsan ee xooggooda lagu caburinayey shacab iyo siyaasiyiin ku beel ah Kheyre, iyo Soomaali kale oo Farmaajo cadow u arkay. Intii uu Kheyre ra’iisul wasaare ka ahaa dal, waxaa xadgudubyo waa weyn loo gaystay shacab iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed, oo u badan reer Muqdisho, ayada oo xukuumaddiisa ay fulineyso siyaasadda Farmaajo. Tacaddiyadii xukuumadda Kheyre Xukuumaddii Kheyre waxay 20-kii August 2017 Ethiopia u gacan gelisay muwaadin Soomaaliyeed, Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax, kadibna waxay urur gobanimo u dirir ah oo Soomaaliyeed, ONLF ku calaameysay inuu yahay urur argagixiso, ayada oo noqotay dowladdii ugu horreysay caalamka ee sidaas sameysa. Xukuumaddii Kheyre waxay amartay weerarkii 18-kii December 2017 lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdoishakuur Warsame, oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa, isagana dhaawacyo iyo jirdil loogu gaystay. September 22, 2019, xukuumaddii Kheyre waxay bah-dishay oo ay maqaamkooda meel uga dhacday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Maxamuud oo loo diiday inay garoonka Muqdisho uga dhoofaan Kismaayo. Xukuumaddii Kheyre waxay sidoo kale fulisay soo qabashadii Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ee December 2018 iyo weerarkii ay ciidanka dowladda ku dileen 15 ka mid ahaa shacabkii ka dibad-baxay qabashadaas. Tacaddiyada ay xukuumaddii Kheyre geysatay ma ahan wax lasoo koobi karo, hase yeeshee intaas waa kuwii ugu waa weynaa. Maxay isku qabteen Farmaajo iyo Kheyre? Farmaajo iyo Kheyre waxaa isku daray dantii marki hore isku keentay. Kheyre waxa uu soo damcay kursigii Farmaajo, isaga oo kasoo gudbay xeendaabkii fulinta danaha siyaasadeed ee Farmaajo. Inkasta oo Kheyre isu muujiyey inuu diidanaa damacii muddo kororsiga Farmaajo, iyo inuu ilaalinayey dastuurka, haddana ku dhowaaqistiisa musharaxnimo ee bilo un kadib ayaa muujiyey, in dan shaqsi uu kaga horyimid Farmaajo. Kheyre wuxuu yeelan waayey karti iyo go’aan siyaasadeed oo uu mowqifkiisa ku caddeeyo si toos ahna uga horyimaado Farmaajo, wuxuuna billaabay inuu isku dayo inuu kursigana kusii fadhiyo, hoosna ka xagal-daaciyo Farmaajo, taasi oo keentay in yadda lagala hormaro. Sideee Kheyre ku baxay? Muddadii uu xilka hayey Kheyre, wuxuu lacag iyo dacaayado badan ku bixiyey inuu isu muujiyo inuu yahay ninka ugu awoodda badan Nabad iyo Nolol, ayna ku xiran yihiin inta badan xildhibaanada golaha shacabka. Si kastaba, Kheyre wuxuu noqday ra’iisul wasaarihii ugu dhibka yaraa Soomaaliya ee xil laga qaado, markii lagu kala baxay 7 daqiiqo gudahood, inkasta oo habkii sharci ahaan loo maray ay su’aalo badan ka taagan yihiin. Iska daa, xildhibaanada xulufada la ah Farmaajo e, waxaa xitaa xil-ka-qaadistiisii u codeeyey xildhibaano aan weligood taageerin Farmaajo, oo illaa maanta mucaarad ku ah, taasi oo muujisay sida uu cidlada siyaasadeed ugu jiray. Maxaan baranay sanad kadib? Casharka ugu weyn ee xil-ka-qaadista Kheyre aan ka baranay ayaa ah aayo xumada siyaasadeed ee u danbeysa siyaasiyiinta lagu daneysto ee aan go’aan qaadasha laheyn. Kheyre, wuxuu goobjoog u noqday tacaddiyo badan oo dalka ka dhacay, oo illaa iyo hadda ay tahay in wax laga weydiiyo, markii uu isku dayey inuu Farmaajo xagal-daaciyana si fudud ayaa loo siibay. Wuxuu dib ugu soo laabtay siyaasiyiinta uu ku xadgudbay, oo uu soo hoos-fariistay, sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, waxaana si bah-dilaad ah loogu qasbay inuu raali-gelin siiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, si uu usoo galo xeendaabka mucaaradka, taasi oo uu aqbalay. Kheyre wuxuu tusaale iyo cashar siyaasadeed nool u yahay siyaasiyiinta lagu daneysto iyo meesha ay ku dambeyn doonaan. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Sanad kadib ceyrintii Xasan Kheyre, maxaan ka baranay siyaasadda isku daneysiga? appeared first on Caasimada Online.
  18. Maxay Askarta Mareykanku u ooyeen markii la deldelaayay Madaxweynihii hore ee Ciraaq? 12 askari oo Mareykanka ah – oo loo diray in ay waardiyeeyaan Saadaam Xuseen – ayaa lagu tilmaamay in ay ahaayeen saaxiibbadii ugu dambeeyay ee uu yeeshay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq. Waxay ahaayeen askar laga soo xushay ciidamada booliska ee ay tiradoodu ahayd 551 askari, kuwaasoo qaabilsanaa amniga Saadaam ilaa intii laga dilayay. Waxaa lagu naaneysayay “12-ka askari ee heerka sare ah”. Mid ka mid ah askartaas, oo lagu magacaabo Will Bardenwerper, ayaa qoray buug uu u bixiyay ‘Maxbuus ku jira qasrigiisa, ilaaladiisa Mareykanka ah iyo taariikhda uu ka tagay’. Waxa uu buuggaas ku sheegay arrimo ku saabsan xiriirkii wadashaqeynta ee dhex maray Saadaam Xuseen iyo ilaaladiisii Mareykanka ahaayeen. Waxaa kale oo uu ku sharraxay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha Saadaam. Bardenwerper wuxuu qiray in markii uu Saadaam ku wareejinayay dadkii daldali lahaa ay askarta ilaaladiisa ah wada ilmeynayeen. ‘Saadaam waxa uu noola muuqday awowgeen’ Will Bardenwerper waxa uu ka mid ahaa 12-kii askari ee ilaalineysay Saadaam Xuseen Bardenwerper waxa uu buuggiisa kusoo xigtay mid ka mid ah askartii ay howsha ilaalada Saadaam isla hayeen, oo lagu magacaabo Adam Rogerson, kaasoo yidhi: “Waligeen Saadaam ma uusan noola muuqanin nin dilaa ah. Wuxuu nala ahaa awowgeen oo kale”. Saadaam waxaa loo maxkamadeynayay inuu bixiyay amar lagu dilay 148 qof oo ka mid ahaa dadkii maamulkiisa kasoo horjeeday. Maalmihii ugu dambeeyay noloshiisa waxa uu xabsiga Ciraaq ku yaallay ku dhageysanayay heeso ay leedahay fannaanadda reer Mareykan ee lagu magacaabo Mary J. Blige, sida lagu sheegay buuggaas. Waxa uu jeclaa inuu aad u isticmaalo baaskiilkiisa jimicsiga, kaasoo uu ugu yeeri jiray ‘Pony’. Macmacaanka ayuu aad u xiiseyn jiray, mar walbana agtiisa lagama waayi jirin doolshada nooceeda yar yar. Cuntada ayuu si aad ah uga taxaddari jiray Saadaam, sida uu buuggiisa ku sheegay Bardenwerper. Wuxuu daneyn jiray ukunta la dubay iyo miraha kala duwan ee khudaarta. Sigaarka ayuu isticmaali jiray, isagoo sheegay in markii ugu horreysay uu ka bartay Fidel Castro, oo ahaa madaxweynihii hore ee Cuba. Fidel Castro iyo Saadaam Xuseen Bardenwerper waxa uu qoray in Saadaam uu maalmihiisii ugu dambeeyay si akhlaaq wanaagsan leh ula dhaqmayay askarta ilaalineysay, uuna iska baddalay dabeecaddii xukunkiisa ee aadka u adkeyd. Askarigan waxa uu xasuustaa in mar uu Mr Saadaam uga sheekeeyay wax uu ku sheegay ficilladii arxan darrada ahaa ee uu sameyn jiray wiilkiisa Cuday, taasoo isaga uu dhibsan jiray. Waxa uu u sheegay in Cuday uu rasaas ku furay dad badan oo joogay xaflad, halkaasoo ay qaar ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen. Saadaam aad buu u carooday wuxuuna amar ku bixiyay in baabuurtii uu Cuday lahaa oo dhan dab la qabadsiiyo. “Isaga qudhiisa wuu qoslay marka uu noo sheegayay sida uu gacantiisa ugu gubay gawaari aad qaali u ahaa oo uu iska lahaa wiilkiisa Cuday, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Rolls-Royce, Ferrari iyo Porsche”. Askari Mareykan ahaa oo ku jiray dadkii ilaalinayay Saadaam ayaa mar u sheegay in uu dhintay walaalkiisa, kaddibna intuu qoslay Saadaam ayuu ku yiri, ;maanta laga bilaabo aniga iga dhigo walaal’. Saadaam waxa uu askari kale u sheegay in haddii loo oggolaan lahaa inuu lacagtiisa isticmaalo uu askarigaas wiilkiisa uga bixin lahaa kharashka iskuulka. Saaxiibtinnimada Saadaam iyo askarta ilaalineysay sidaas ayay usii weynaaneysay marba marka kasii dambeysa, sida uu sheegay Bardenwerper. Inta aan la daldalin ka hor waxa uu maray labo xabsi oo ku taallay Ciraaq. Aaskariga lagu magacaabo Adam Rogerson ayaa u sheegay Bardenwerper in Saadaam uu ka maqlay isagoo sheegaya inuu xaas cusub guursan doono marka xabsiga laga sii daayo. Askari wada sawirka Saadaam 30-kii bishii December, 2006-dii, Saadaam Xuseen waxaa hurdada laga soo kiciyay habeen ay saacaddu ahayd 9:00 p.m. Waxaa loo sheegay in mar dhow la daldali doono. Markii uu farriintaas helay, si tartiib ah ayuu usoo qabeystay waxa uuna isku diyaariyay dilka. Waxa uu ka cabsi qabay in “12-kii askari ee waardiyeynayay ay hurdayeen”. Daqiiqado ka hor inta aan la dilin, Saadaam waxa uu wacay Steve Hutchinson waxa uuna gacanta ka saaray saacaddiisa oo nooceedu ahaa “Raymond Weil”. Hutchinson wuu diiday in uu saacadda qaato laakiin Saadaam ayaa ku khasbay. Ilaa maanta, saacaddaas waxay iyadoo shaqeyneysa taallaa guriga Hutchinson uu ku leeyahay gobolka Georgia ee dalka Mareykanka. Qaran News
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Nairobi kulan gaar ah kula qaatay xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka Jubbaland. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka billowday, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo muhiim ah. Rooble ayaa ugu horreyn ku ammaanay guddiga doorashada ee Jubbaland qabashada doorashada Aqalka Sare, kadib Senataradii dhowaan lagu doortay magaalada Kismaayo. Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay inay sii wadaan waajibaadka loo igmaday, isla-markaana ay dhammeystiraan kuraasta weli dhimman ee taalla Jubbaland. Dhinaca kale xubnaha guddiga ee la kulmay ra’iisul wasaaraha ayaa dhankooda u mahadceliyey Rooble, kadib soo dhoweynta uu ugu sameeyey magaalada Nairobi. Jubbaland ayaa aheyd maamulkii ugu horreeyey ee bilaabay doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Si kataba, doorashada Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan ayaa haatan mareysa meel wanaagsan, waxaana gabagabo ah tan Aqalka Sare ee Soomaaliya. The post Xog: Muxuu ahaa ujeedka kulanka Rooble iyo guddiga doorashada ee Jubbaland? appeared first on Caasimada Online.
  20. Sawirka ay Iiraan ka cadhootay oo ay soo bandhigeen UK & Ruushka Labada safiir ayaa ku fadhiya kursi bannaanka safaaradda Ruushka ee Tehran Safiirrada Britain iyo Ruushka u fadhiya Iiraan ayaa ka careysiiyay dalkaasi, kaddib markii ay jileen sawir ay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ay galeen Winston Churchill iyo Joseph Stalin, markaas oo Iiraan la heystay. Safaaradda Ruushka ayaa soo wadaagtay sawirka labada diblomaasi oo dib u milicsanaya sawirkii caanka noqday ee hoggaamiyeyaashii dagaalka sanadkii 1943. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sawirka ku qeexay “mid aan habbooneyn”. Ruushka ayaa sheegay inaan wax ujeeddo ah laga lahayn sawirka, isla markaana ay keliya doonayeen inay xusuustaan dagaalkii xilligaasi ka dhanka ahaa Naasiyiintii Jarmalka. Labada safiir, Simon Shercliff iyo Levan Dzhagaryan, ayaa sawir laga qaaday iyaga oo kursi ku fadhiya bannaanka safaaradda Ruushka ee Tehran. Sawirkaasi waxaa laga matalay hoggaamiyeyaasha Stalin, Churchill iyo Madaxweynihii Mareykanka Franklin D Roosevelt markii ugu horreysay ee ay ku kulmeen shirkii Tehran sanadkii 1943. Xilligaas, Iiraan waxaa heystay xoogagga Ruushka iyo Britain. Shirka waxaa lagu xusuustaa in hoggaamiyeyaasha isbahaysiga ay isku raaceen iska caabbinta Naasiyiintii Jarmalka. Stalin, Roosevelt iyo Stalin posed in the same chairs at the 1943 Tehran conference Sawirka ayaa u muuqda mid dib loogu milicsanayo xilli farxadeed oo ay xiriir lahaayeen London iyo Moscow – balse sidaasi maaha sida ay dad badan oo Tehran ku sugan ay u arkeen. Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa hor kacayay cambaareynta sawirkaasi loo jeediyay, isgaoo ku sheegay inuu yahay “mid aan habbooneyn”. “Wxaaan dadka xusuusinayaa in August 2021 aysan ahayn August 1941 aysanna ahayn December 1943,” ayuu ku soo qoray bartiisaTwitter-ka. “Dadka Iiraan waxay muujiyeen – xitaa inta lagu guda jira wadahadalladii nukliyeerka ee JCPOA in qadiyaddoda aysan marnaba noqon karin wax go’aan looga gaaro safaaradaha ajaanibta amaba ay go’aan ka gaaraan quwadaha shisheeye.” Qoraal ay Twitter-ka soo dhigtay safaaradda Ruushka ee soo wadaagtay sawirka ayaa waxaa u jawaabay kumannaan qof oo careysa. “Safiirradu waxay ceynayaan dhammaa dadka reer Iiraan,” ayuu yiri Seyed Marandi oo ah bare luqadda Ingiriiska dhiga oo Tehran ku sugan. “Shirka Tehran wuxuu meel ka dhac ku yahay geyiga Iiraan wuxuuna astaan u yahaydembiyada taariikhiga ah ee ay geysteen Mareykanka, Ruushka iyo UK ee ka dhanka ah Iiraaniyiinta.” Safaaradda Ruushka oo arrintaasi ka jawaabeysa ayaa sheegtay in sawirku “uusan xambaarsaneyn ujeeddo ka dhan ah Iiraan”. “Micnaha keliya ee sawirkan uu wato waa in dib loogu milicsanayo dadaalladii wada jirka ahaa ee dalalkii isbahaysiga ee ka dhanka ahaa Naasiyiinta intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka,” ayay ku soo qortay Twitter-ka. “Meel ugama dhacayno dareenka dadka Iiraan.” Shercliff isaga qudhiisa ma uusan soo wdaaagin sawirka, balse wuxuu soo wadaagay falcelintii safaaradda Ruushka. Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xiisad kulul ay u dhaxayso UK iyo Iiraan. Horraantii bishan, UK ayaa Iiraan ku eedeysay “weerarka sharci darrada ah” ee ay ku qaadday markab shidaalka qaada oo ku sugnaa Cummaan, kaa soo ay ku dhinteen labo qof oo Britain iyo Romania u kala dhashay. Iiraan oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa ku tilmaantay war been abuur ah. Qaran News
  21. Jeneralkii ay ciidamada Turkiga jebiyeen Khaliifa haftar oo soo laba kacleeyay Waxaa lasoo tabiyay in Hafter uu amarro siiyay ciidamadiisa, qaar ka mid ah saraakiishana uu dalacsiiyay Wargeysyada Carabta ayaa falanqeynaya hadal dhawaan kasoo yeeray Janaraal Khalifa Haftar oo ah “in ciidamadiisa aysan wax mas’uuliyad ka qaadi doonin Liibiya mid magac shacab leh iyo mid kale toona,” arrintaas oo tooshka ku ifineysa warar la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in uu soo saaray go’aanno uu amar ku siinayo hoggaanka ciidamadiisa iyo in uu qaar ka mid ah saraakiisha dallacsiiyay. Qorayaasha wargeysyada qaarkood ayaa aaminsan in tallaabada uu Haftar qaaday ay tahay “afgambi” waxayna imaaneysaa xilli uu socdo “dagaal loogu hardamayo awoodda” oo u dhaxeeya isaga iyo dowladda Liibiya. Dadka u kuur galaya xaaladda ayaa ka digay in Liibiya ay dib ugu laabato meeshii ay taagneyd ka hor inta aan la gaarin heshiiska xabad joojinta ah ee ay hirgalisay aramada Midoobay. ‘Tallaabo afgambi ah’ Ernest Khoury, oo wax ku qora wargeyska Al-Carabi Al-Jadiid ee fadhigiisu yahay magaalada London, ayaa Haftar ku dhaliilay hadallada uu dhawaanahan jeedinayay, halkii “uu uga mahad celin lahaa dowladda uu madaxweynaha ka yahay Hamid al-Dabaiba” maadaama lagu daray ciidamadiisa kuwa wax laga siinayo miisaaniyadda guud. Haftar waxa uu xabad joojin ku dhawaaqay bishii Ramadaanka gudaheeda Qoraaga ayaa sheegay in Haftar uu yahay “nin militari ah oo ku fiican sida loogu dhaqmo qabyaaladda iyo xagjirnimada” waxbana uusan ka fahansaneyn “isku dheellitirka gobollada Liibiya, wax kasta oo uu sameynayana uu kaga amar qaato Masar, Faransiiska, Imaaraadka iyo Sacuudiga.” Wargeyska A-Quds Al-Carabi, oo laftiisa kasoo baxa London ayaa hadalka kasoo baxay Haftar ku tilmaamay “tallaabo afgambi ah” waxa uuna qoraaga maqaalka qoray sheegay in “isbadalladan ay muujinayaan afgambi uu Haftar ku sameynayo siyaasadda Liibiya ee ifafaalada wanaagsan yeelaneysay bilihii lasoo dhaafay”. Qormadan ayuu sidoo kale wargeysku ku sheegay in “dhaqamada Haftar ay ku xad gudbayaan natiijooyinka wadaxaajoodyadii siyaasadeed ee Liibiya lagu galay bishii November ee sanadkii 2020-kii”. “Hab dhaqanka Haftar wuxuu caddeynayaa in ay furin cusub ka sameynayaan caqabadaha Liibiya ay hadda la tacaaleyso oo isugu jira dhinaca siyaasadda, militariga iyo dastuurka,” sida uu sheegay wargeyska. Khilaafka ugu weyn waxa uu ka dhalan karaa sida la isugu dhafi doono ciidamada labada dhinac ee horay uu dagaalka uga dhaxeeyay. Mid ka mid ah shuruudihii ku xirnaa heshiiska Liibiya iyo xabad joojinta waxay ahayd in kooxaha calooshood u shaqeystayaasha ah ee garabka siinayay Haftar ay ka baxaan dalka. Waxaa dhammaaday saddex bilood oo loo qabtay inay ku baxaan balse waxay BBC-da xaqiijisay in wali qaarkood ay ku sugan yihiin Liibiya, taasoo sii xoojineysa wararka ku saabsan in uu waji kale u qarsan yahay Janaraalka. Dalalka shisheeye ee taageera Khalifa Hartar qaarkood waxay dareemayaan in aysan dani ugu jirin bogga cusub ee u furmaya Liibiya oo laga yaabo in ay dagaallada sokeeye kasoo afjarmaan, sida ay wargeysyada carabta qoreen. Dagaalka loogu jiro “awoodda” Ciidamada dowladda Liibiya ayaa meelo badan uga adkaaday xoogagga Janaraal Khalifa Haftar Bayaan kasoo baxay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in geeddi socodka Liibiya uu wax u dhimayo walaaltinnimada labada waddan. Qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinnimada ee tooska ah ayay Imaaraadka ku tilmaameen wax aan la aqbali karin. Hadalkaas ayaa loo arkay mid lagu diiddan yahay hannaanka doorashada ee ka socda Liibiya. Dhowr bilood ka hor ayey xoogagga Janaraal Kahlifa Haftar oo dhinaca bari weerar kaga soo qaaday magaalada Tripoli oo saldhig u ahayd dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto. Hase yeeshee ciidamadiisa oo aad u hubeysnaa, sida la sheegayna garab ka helayay maleyshiyaad iyo kooxo calooshood u shaqeystayaal ah oo dibadda ka yimid, waxaa ka adkaaday ciidamada dowladda oo taageero ka helayay diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Turkiga. Liibiya ayaa sannadihii dambe u muuqatay mid ay ku hardamayeen awoodo caalami ah oo ay ka mid yihiin Turkiga oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah Ruushka, Faransiiska, Masar, Imaaraadka iyo Sacuudiga. Qaramada Midoobay ayaa billowday wareeg cusub oo wadahadal ah, kaasoo eryooyin ka kala socda dhinacyada isku haya dalka Liibiya ay isku dayi doonaan inay heshiis ka gaaraan sida loo qabanayo doorashooyinka muhiimka ah. Ujeeddada ayaa ah in la dajiyo qaab dhismeedka dastuur lagu maamuli doono doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinnimada ee lagu wado in ay dhacaan bisha December. Eryooyinka ayaa ku guul darreystay inay ku heshiiyaan wadaxaajood noocan ah oo dhacay lix isbuuc ka hor. Dagaal sannado socday kaddib, waxaa la dhisay dowlad ku meel gaar ah oo loogu talogalay inay qabato doorashooyinka Liibiya. Laakiin in heshiis laga gaari waayo arrintan la xiriirta arrintan waxay shaki galineysaa in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talogalay. Qaran News