-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
My take out of that debate was disappointing indeed Whether they deliberately disregarded or unconsciously omitted They didn’t sufficiently talked about what the diaspora is to Somaliland 1_ the Diaspora saved Somaliland during the Afwayni economic strangulation 2_ they were the back bone of SNM the Somaliland libration 3_ they were the only resources for the reconstruction of the new liberated Somaliland 4_ They were and still are the economical resources of hundreds of thousands of Somaliland families. 5_ they have invested the country mentally and materially. They built Somaliland 6_ Around 80% of the national budget of all the successive governments of Somaliland came and still comes from diaspora the debaters called “qorba joog” As Somaliland forgot the martyrs who sacrificed their lives for Somaliland the debaters did intentionaly forgot what the diaspora did for their country. It was all envy and ignorance The qorba joog and the wolqol joog was created by the Afwani suicidal regime. We all became refugees, internal ones and diaspora. However both of them are citizens of Somaliland. They created a wedge and and a division between the bothers and sisters. Tribal divisions are enough The thing I regret most was that the new and popular Mayer of Hargeisa has participated that disappointed debate and like most of the participants vilified and diminished the role the Diaspora played in building the second Republic of Somaliland The Mayer fumbled and dropped the ball there I hope he will grow in time By the way I still trust the morality of the new Mayer. He must unite all the citizens of Somaliland, he must not divide them, uniter and not divider I assume you are not a divider. Somaliland must at least respective their diaspora brothers and sisters who immensely contributed to our country Mead’s observation 2021-07-18, 04:36 – Ibrahim Mead: PS: most of the participants including the new mayor were not respectable to the Diaspora at times their tone was discriminative In one moment the mayor said” we don’t want them to come back with empty pockets” what ever that means Well, they are citizens and they can come back home with or with out money, dead or alive however they come home with money and the ” qolqol joog” is the receiving end in some way or the other In the end we are all brothers and sisters sharing one home land. Show quoted text Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo ay ku qiimeeyeen xaaladda guud dalka, gaar ahaan habsami u socodka doorashooyinkii loo ballansanaa, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay walaac uga muujiyeen shan qodob oo ay sheegeen in hadii aan wax laga bedelin aysan muuqan ififaalo ay dalka uga dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah. “Goluhu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa in doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta waqtigii loo asteeyey ay ka dhacdo dalka, isagoo ku salaynaya ifafaalooyinka muuqda ee khuseeya arrimihii ugu waa weynaa ee ahaa caqabadaha horyaala doorashooyinka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:” 1 – Maareyn la’aanta ismari-waaga ka jira habraaca doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, taas oo abuurtay in laba guddi doorasho ay sameysmaan. 2 – Xaaladda gobolka Gedo oo weli aan xal dhinacyada wada qanciya laga gaarin. 3 – Waxaa sidoo kale aan weli xal loo helin caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Gobolka Hiiraan ee deegaanka Hirshabeelle, si loo hubiyo inay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah. 4 – In aan weli dhaqaalihii doorashada meel la saarin, waqtigii doorashadana la taagan yahay. 5 – U-diyaargarowgii doorashada xubnaha AqaIka Sare oo aad u hooseeya, taas oo shaki gelinaysa in jadwalka doorashada lagu dhaqmo. Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa qoraalkaan ku sheegay in hadii aan xal deg deg ah loo helin caqabadaha kor ku xusan, ay dib u dhac ku keeni karto habsami u socodka doorasho hufan oo loo wada dhanyahay. “Goluhu wuxuu ku boorrinayaa Xukuumadda iyo Madaxda Dawlad goboleedyada in ay si deg deg ah wax uga qabtaan caqabadaha hadda taagan, kana tabaabusheystaan kuwa imaan kara, si dalka looga hirgeliyo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta. Golaha ayaa ugu dambeyntii war-saxaafadeedkaan ku sheegay inuu ka walwalsan yahay faragelinta uu Madaxweynaha xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu weli ku hayo habsami u socodka doorashooyinka dalka. The post Midowga Musharaxiinta oo soo saaray 5-qodob oo muujinaya in doorasho xor ah aysan ka dhaceyn dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Midawga musharixiinta ayaa warsaxaafadeed ay soo saaren waxa ay walaac kaga muujiyeen xaaladaha cakiran ee ku horgudban qabsoomidda doorashooyinka Soomaaliya. Golaha ayaa sheegay in welli ay jiraan qodobo muran uu ka taagan yahay oo aan la xalin. Musharixiinta ayaa sidoo kale warsaxaafadeedka ay soo saareen waxa ay ku sheegen in arrima ay ka midyihiin Khilaafka Beladweyne, Somaliland iyo Lacagta doorashada oo aan la heyn ay sura gelin karaan in aysan qabsoomin doorasho xor iyo xalaal ah. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Midawga Musharixiinta. Source: goobjoog.com
-
Mekelle (Caasimada Online) – Jabhadda ka dagaalanta dalka Itoobiya ee Tigreega ayaa hawlgallo ka dhan ah ciidamada dawladda taabacsan ka fulisay gobolka ay jaarka yihiin ee Canfarta, sida uu sheegay Afhayeenka TPLF. Afhayeenka aya sheegay inay fureen waji cusub oo ku saabsan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana ay ballaariyeen colaadda gobolkooda ka taagneyd mudadii 8-da bilood aheyd. Afhayeenka TPLF Getachew Reda oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo aad u xadidan oo lagu bartilmaameedsaday ciidamo gaar ah iyo dagaalyahanno maleeshiyaad ah oo kasoo jeeda gobolka Oromiya oo ah kan ugu weyn dalka Itoobiya, kuwaas oo isku uruursanayay xadka ay wadaagaan is-mamullada Tigrayga iyo Canfarta. “Waxaan u qaadnay ficilladaas si aan u hubinno in xoogaggaas dib loogu celiyo Oromiya, waana ku guuleysannay inaan taas sameyno,” ayuu yiri Getachew, isagoo intaas ku daray inay jiraan dhaawacyo ay gaarsiiyeen ciidamadas, balse ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha gaaray ciidamada ay weerareen. “Tallaabada aan qaadnay kaliya waxay ku koobneyd inaan kala dirno maleeshiyada reer miyiga ah ee ka soo jeeda Oromiya, kuwaas oo doonayey inay ka qeyb-galaan dagaalka aan natiijada laga keeneyn ee lagula jiro TPLF,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka TPLF. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ciidamo u diray Tigray bishii November ee sanadkii 2020, si ay u kala ceyriyaan, hubkana uga dhigaan ciidamada taabacsan hogaamiyayaasha TPLF ee gobolka Tigray. Abiy Axmed ayaa tallaabadaas ku micneeyey inay jawaab u tahay weeraradii kooxda TPLF ay ku qaaday xeryaha ciidamada dawlada dhexe ay ku lahaayeen gobolkaas, isagoo howlgalkaas u bixiyey “Soo celinta sareynta Sharciga.” Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sanadkii 2019-kii ku guuleystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa ku dhawaaqay guul dabayaaqadii bishii November, kadib markii ciidamada dowladdu ay qabsadeen magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, laakiin hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa u baxsaday duurka, waxaana sii daba dheeraaday dagaalka. Bishii la soo dhaafay dagaalku waxa uu galay weji la yaab leh, kadib markii xoogagga TPLF ay dib ula wareegeen caasimadda Mekelle, Abiy wuxuu ku dhawaaqay xabbad-joojin hal dhinac ah, waxayna ciidamadu inta badan isaga baxeen gobolka Tigray. Dowlada Itoobiya ayaa tan iyo markii dib looga qabsaday Mekelle soo abaabushay ciidamo ka kala yimid gobalo horay colaaduhu aysan uga jirin, kuwaas oo uu kamid yahay gobolka Oromiya. Afhayeenka maamulka gobolka Canfarta oo wax laga waydiiyey dagaalka ay kusoo qaadeen gobolka Tigrey ayaan wax jawaab ah ka bixin. Warbixin ay faafisay warbaahinta dawladda federaalka ayaa lagu sheegay in kooxda TPLF oo ay dowladda u aqoonsatay argagixiso, isla markaana ay kooxdu hor istaagtay gargaarkii la geyn lahaa gobolka Tigrey, kaas oo loo marin lahaa deegaanada ismaamulka Canfarta, kadib markii ay halkaas ka bilaabeen duqeyn culus. “Sababta ay kooxda TPLF u diidan tahay xabad joojinta ay ku dhawaaqday dowladda dhexe ayaa ah in kooxdaan ay isku dayayso inay ku fidiso colaadda gobolka deriska la ah ee Canfarta,” ayaa lagu yiri warbixinta wakaalada wararka ee Itoobiya ay daabacday. Hase yeeshee Afhayeenka TPLF Getachew ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray dowladda ee ah inay kooxdaan diidan tahay in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo gobolka Tigrey. “Halka uu dagaalka ka dhacay, ma jiraan wax jid weyn oo loo isticmaalo ujeeddooyin gargaar,” ayuu yiri Afhayeenka TPLF Getachew. Getachew ayaa xaqiijiyay in Axadii cutubyo ka tirsan kacdoonka ay sidoo kale ka howlgaleen waqooyiga gobolka Amxaarada, halkaas oo todobaadkii la soo dhaafay saxafiyiinta wakaalada wararka ee AFP ay ku arkeen kumanaan maleeshiyo ah oo ka abaabulaya magaalooyinka xuduuda ah dagaal ka dhan ah kooxda TPLF. The post TPLF oo jihooyin cusub ka furtay dagaalka, weerarna ku qaaday maamullo kale appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (PP News Desk) — The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed has posted a controversial Amharic tweet that describes Tigrayans as “weeds” to be removed. “We will work to remove the weed. But while removing the weed, we will try our best not to damage the wheat” tweeted Abiy Ahmed. Winning a Nobel Peace Prize has not prevented Abiy Ahmed from using a dehumanising language against his fellow citizens in Tigray. About his decision to call up regional forces to fight alongside Amhara’s extremist Fano militias, Abiy Ahmed paints a picture of all Ethiopian ethnicities fighting another ethnicity: “The children of Ethiopia have risen from all four corners to undo the plans of the junta. This itself is a victory. The children of Ethiopia have identified their enemy. In our country, we weed [out] collectively. And this is what the children of Ethiopia are doing”. Abiy’s tweet normalises persecution of Tigrayans. Observers alluded to the Ethiopian Prime Minister’s characterisation of Tigrayans as a clear example of a dehumanising language that resulted in persecution of Tigrayans by Amhara militias, Eritrean forces and Ethiopian National Defence Forces. “The silence of the International Community about the unfolding genocide in Ethiopia is deafening” said a human rights lawyer in Addis Ababa. © Puntland Post, 2021 The post Abiy Ahmed Threatens to “Weed Out” Tigrayans appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa gebi ahaan lagu wadaa in berri oo Isniin ah ay soomaan dadka muslimiinta ah, ee ku nool daafaha caalamka. Bisha Xaj ayaa berri ku beegan maalinta sagaalad oo ay xujeeyda taagan yihiin banka carafo. Soonka berri ayuu rasuulku sheegay in qofka loo dambi dhaafo dambiyadi uu galay sanadkii la dhaafay iyo midka soo socda. Sagaalka bisha Xaj ayaa sidoo kale ah maalintii la dhameystiray diinta Islaamka, allena uu yiri ” Maanta waan idiin dhameystiray Diinta, Waxaana taamyelay dushiina nimcadeyda Waxaana Raalli idiin kaga ahay diinta Islaamka”. Akhriso Fadliga Soonka Berri. Maalinta Carafo waa Maalin uu Illaah (SW) ku Dhaartay weynideeda Daaraadeed, waa maalin uu rasuulkeena Muxamad(NNKH) umada islaamka faray inay soomaan mar la waydiiyay uu yidhi (soonka maalinta carafo waxaa loo dhaafaa dambiyadii sandkii hore iyo sanadka soo socda). Maalinta carafo waa maalintii la dhamaystiray diinta iyo nimcada uu Allaah (SW) ku maneeystay muslimiinta, waxaana soo dagay iyadoo carafo la taagay aayado muslimiinta ugu bishaareynaya in diintoodii loo dhamaystiray. Maalinta carafo waa maalinka ugu badan ee uu Allah(SW) naarta dadka ka xoreeyo rabina adoomadiisa ugu dhow yahay,“Bukhaari iyo Muslim ay wariyeen inuu Nabigeena suuban Muxamad(NNKH) yidhi:- Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir ku socota bulshada reer Muqdisho inta lagu guda jiro maalmaha ciida Carafo. Amarradan ayaa la xariira goobaha lagu gowracayo xoolaha Udxiyada ee maalmaha ciida Carafo, waxaana bulshada reer Muqdisho iyo hey’adaha samafalka ee ka howlgala caasimadda looga digay inay xoolaha ku gooracaan meel aan aheyn kawaanada loogu tala galay. Ugu horeyn war-saxaafadeed ka kooban afar qodob oo ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, ayaa lagu yiri, “Wasaaradu ayada oo ka duuleysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah, waxa ay soo saartay baaqan wargelinta ah: 1 – Dhammaan hey’adaha Samafalka Khayriga ah, kuwooda wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ka howlgala ee ka shaqeynaya fulinta barnaamijka Udxiyada sanadkan 1442- 2021, waa in ay u hogaansamaan awaamiirta Wasaaradda , Gobolka Banaadir, iyo Wasaaradaha Diinta Dowlad Goboleedyada Dalka. 2 – Sida horay loo caddeeyay majirto hey’ad xoolo ku qali karta meel ka baxsan kawaannada loo asteeyay. 3 – Hey’addii la ogaado in ay xoolo ku qaleyso gooba ka baxsan goobaha loo asteeyay maamul ahaan, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan. 4 – Sidoo kale waxaa Ia farayaa hey’adaha samafalka in ay si dhaw ula shaqeeyaan Guddiga loo xilsaaray arinkaan, Culumada, Dhakhaatiirta iyo kormeerayaasha howshan u xil-saaray, si Ioo hubiyo badqabka xoolaha Udxiyada. Dhanka kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa ka digay in sanadkaan xoolaha lagu gowraco meel aan kawaan aheyn, isagoo sheegay in ka maamul ahaan aysan ogolaa doonin. “Sharciga ayaa la marin doonaa ciddii maalinta ciidda xoolo ku qasha meel aan ahayn goobaha loo asteeyey, shaqsi ama hey’ad cid aan ka yeeleyno ma jirto,” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir. Hoos ka daawo Saalax oo u waramay Dalsan TV The post DF iyo maamulka G/Banaadir oo soo saaray amarro ku socda shacabka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiiirada Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa lagu eedeeyey inay ka mashquuleen shaqadii Qaranka, isla markaana ay u xuub siibteen olollaha shir guddoonka Golaha Wakiillada iyo raadinta & raacdada Xildhibaano kooramka Golaha Wakiillada u buuxiya Xisbiga KULMIYE. Wasiiradda ugu tunka weyn leh Xukuumadda Biixi ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey aan sal dhigan xafiisyaddood,kuwaas oo la sheegay in aanay qaarkood-ba ka soo xaadirin xafiisyadood, kuwaas oo ah qaar ku mashquulsan doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland . Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-” Maamulkii Dawladda ayaa laga fadhiistay shaqadoodii oo wasiiraddii waxay ku mashquulsan yihiin doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada” Xildhibaan Cumar Dhanka kalena Wasiiraddan shaqadii Qaranka ay u hayeen ee rasmiga ahayd ka door-biday olollaha shir guddoonka ayaa iskugu jira laba qaybood oo kale ah wasiiro doonnaya inay iska dhaadhiciyaan Madaxweyne Biixi iyo qaar ka baqanaya in xilka laga qaadayo oo is-daad raacinaya hawlaha socda. Geesta kalene dhawr iyo toban Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa ay shalay xafiisyadoodii haawanayeen,isla markaana ay xidhnayeen,kuwaas oo ku mashquulsanaa doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,taas oo ka baxsan shaqadii Bulshada ay u hayeen, isla markaana aan meel-na ka soo gelin,waxaanay ka ahayeen wasiiradda shalay jibaysnaa ee xafiisyadoodu xidhnayeen kuwan:- Wasiir Maxamed Kaahin Axmed Wasiir Siciid Sulub Maxamed Wasiir Axmed Muumin SeedWasiir Maxamed Muuse Diiriye Wasiir Shugri Xaaji Baander Wasiir Xasan GaafaadhiWasiir Jaamac Maxamuud Cigaal Wasiir Axmed Toorno Wasiirka wasaaradda dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiir Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, Wasiir Maxamed Axmed CawadWasiir Maxamuud Sacad Saajin Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Xinif Mareeyaha Mad-bacadda Qaranka Maxamuud Raage . Si kastaba ha-ahaatee Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaan qaarkood muddooyinkii ugu dambeeyey aanay furrin xafiisyadooda,isla markaana aanay ka ag-wareegin Wasaaraddaha ay maamulaan,kuwaas oo u xuub-siibtay raadinta Xildhibaano kooramka u buuxiya Xisbiga KULMIYE. Source
-
Warar Wargeyska Waaberi ka helay ilo rasmi ah, ayaa tibaaxay in Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici uu ka biyo diiday xubnaha Musharraxinta shir guddoonka Golaha Wakiillada ee Xisbiga KULMIYE u xulay,iyadoo meesha laga saaray in lagu darro Xildhibaannada reer Awdal ee Xisbiga KULMIYE ka soo baxay,isla markaana laga doorbiday Xildhibaano ka soo baxay UCID oo aanay qaarkood hal Xildhibaan ka wadda beelahooda. Hase-yeeshee, sida xoggaha lagu sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici,ayaa wararku sheegeen inuu si cad ugu biyo diiday shaxda Musharraxiinta KULMIYE ee shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,taas oo uu arko in aanay wax dan ahi ugu jir Gobolka Awdal,isla markaana cid gaar ah loogu danaynayo. Dhanka Kalena Xoggaha ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyo hor dhac ahi oo gooni-gooni ah u bilaabmeen siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka reer Awdal iyo qaar kamid ah Xildhibaannada Gobolkaas.Ma jiro Warar amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay dhinacyada la sheegay in kullamadu dhex mareen. Waxa kaloo, Wararku intaa ku dareen in kullamada dhinacyadani yeeshen qaarkood dhaceen shalay ila Xalay, halka qaar kale-na xuseen in xidhiidhada reer Awdal ee la xidhiidha arrintani ay soo taxnaa, tan iyo markii ay xubna u cadaatay in Qasriga Madaxtooyaddu go’aansaday in xubnaha xisbiga KULMIYE u xulayo Musharraxiinta shir guddoonka Golaha Wakiilada in aan lagu darin reer Awdal. Inkastoo sida xogguhuu ka dhawaajiyeen uu hadda bilow yahay dhaq-dhaqaaqyada indho-indheynta ah ee reer Awdal ay ku sahan-sanayaan Jabadkey u digo-rogan lahaayeen iyo halkii ay ku jirto danta degaankooda iyo danta Qaranka ee ay marin lahayeen codka Xildhibaannadooda oo middaysan Si kastaba aha ahaatee oodi jiidis iyo qaadis waa isla guri geyn’e, waxa arrimuhuu kala cadaan doonaan maal-maha soo socda, waxaana la oggaan doonna halka ay maraan aqlabiyada Xildhibaannada Reer Awdal Xigasho: Waabari Source
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Guray ayaa ka hadlay afar Xildhibaan oo ka soo baxay UCID oo ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Biixi, isla markaana uu markii hore diiday KULMIYE inay iska sharraxaan,kuwaas oo uu fursado siiyey Xisbiga UCID, balse nasiib darro markii ay soo baxeen carrooga qaybaalada looga afuufay Madaxtooyadda,iyagoo halkaas iska xaadiriyey. Siyaasi Cali Guray oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay ” Niman la yidhi Berbera ayey ka soo baxeen oo Xisbiga UCID ayey ka soo baxeen oo waa saddex iyo nin Hargeysa ka soo baxay saw afar maaha ,afartaasiba UCID ayey ka soo baxeen, waxa la igu leeyahay farta ayaa loogu yeedhay oo waxa la yidhi saw niman reer Habela ma tihidin waar xaggan soo mara.” Dhanka kalena Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in markii hore uu KULMIYE diiday inay iska sharraxaan”Nimankaas markii hore inay iska soo sharraxaan waa loo diiday UCID ayaa bannaanka ka qaatay oo soo saaray .” Sidoo kalena Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in arrintan ay keeni karto in Xildhibaannada Beelaha kale ee ka soo baxay Xisbiga KULMIYE inay qadaan jidkaas qaybyaaladeed ee uu jeexay Madaxweyne Biixi,”Waxa aan ka baqayaa inay keento taasi illayn ragga lama xiniinyo taab-tee marka aad in taada reer Hebel halkan soo mariso in kuwa reer hebel oo xaggan joogaa ay yidhaah-daan annana xaggan ayaanu marnay.” Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Khilaaf u dhaxeeyay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Xildhibaanada Maamulkaas ayaa la xaliyay, iyadoo ay kala saxiixdeen heshiis rasmi ah. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in khilaafka uu ka dhashay markii baarlamaanka Jubaland ay Axmed Madoobe u sheegeen in kaliya ay codkooda siin doonaan Senatorkii siiya 5 kun oo dollar xildhibaan kasta, laakiin aysan ka yar ku dooran doonin xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya degaanada Jubaland. Baarlamaanka Jubaland ayaa Axmed Madoobe u sheegay in dhowr bil oo mushaar ah uu ka maqanyahay, islamarkaana ay qorsheesteen in Xildhibaanka kasta uu helo ugu yaraan 40 kun, haddii qof kasta bixiyo 5 kun, sidaas darteed xubnaha uu rabo Axmed Madoobe uu ka bixiyo lacagtaas ama uusan ku tashan codkooda. Murankan ayaa hadda la xaliyey, ayada oo Axmed Madoobe uu ogolaaday inuu xildhibaanada siiyo lacagta ay dalbadeen. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa isku dayaya in uu soo saaro Senatoro uu ku kalsoonyahay, iyadoo ay sidoo kale ku daba-feylan yihiin saaxiibo badan oo difaac u ahaa intii uu culeyska kala kulmayay Villa Somalia. Xildhibaanada dowlad gobaleeedyada ayaa badanaa xiligaan oo kale lacag ka sameeya doorashada xubnaha Aqalka Sare oo sanadkaan ka adag doorashadii hore. Xildhibaanada Aqalka Sare oo ay dooranayaan xildhibaanada maamul goboleedyada ayaa ah kugu ugu fudud ee madaxweyne goboleedyada musuq-maasuqi karaan, kana dhiga karaan cidda ay doonaan, marka loo eego kuwa golaha shacabka oo ay dooranayaan ergooyin. The post Qorshaha Axmed Madoobe uu kusoo saarayo Senataro taabacsan oo la is-hortaagay appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka jubbaland ayaa shuruudo ku xiray xoolaha laqalayo maalinta ciidda. Wasaaradda Xanaanada iyo Xoolaha Jubbaland ayaa sheegtay in ay diyaarisay sheybaar lagu hubinayo caafimaadka xoolaha ka hor intaan la qalin. Jubbaland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in ay goobo lagu qalo xoolaha ay u diyaarisay. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa magaalada Dhagaxle ee deegaankaasi waxa uu maanta ka sagootiyay ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Gaarka ah ama Liyuu Booliska. Ciidamada ayaa la sheegay in la gayn doono jiidda hore ee gobolka Tigray, halkaas oo ay muddo bilooyin colaad ka taagnayd. Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa u muuqda inuu ka jawaabayay baaq uu dhawaan deegaannada u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ahaa iney ciidamo soo diraan si dalka looga difaaco waxa uu ku sheegay cadowga TPLF. Maamulka Soomaalida ayaa noqonayaa maamulkii afaraad ee ku biira dagaalka gobolka Tigray. Saddex ka mid ah maamul goboleedyada kale ee Ethiopia ayaa Khamiistii ku dhowaaqay inay ciidamo dirayaan si ay uga qeyb-galaan howlgalka gobolka Tigray, kuwaas oo kala ah; maamul goboleedyada Oromia, Sidama iyo SNNP. “Ciidamada gaarka ah ee maamullada SNNP, Oromia iyo Sidama waxay u dhaqaaqeen jiidda hore ee dagaalka, si gaar ahna ciidamada Sidama waa ay gaareen furinta hore,” waxaa sidaas lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana. Waxaa horey dagaalka qeyb uga ahaa maamulka Amxaarada, oo ay deris yihiin Tigrayga. Go’aanka uu maamulka Soomaalida ciidamada ugu diray gobolka Tigray ayaa yimid maalmo kadib markii madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya. “Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu Mustafa ku yiri qoraalka. The post Ciidamada Is-maamulka Soomaalida oo si rasmi ah ugu biiray dagaalka Tigray appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida Mustafa Maxamed Cumar Cagjar, ayaa soo bandhigay ciidamo ka tirsan kuwa militeriga dowlad deegaanka oo uu shegay in loo diyaariyay in ay ka qeyb galaan dagaalka ka socda dalka Itoobiya. Cagjar ayaa sidoo kale sheegay ciidamadaan oo au tiradoodu badan tahay in ay garab istaagayan kuwa militeriga dalka Itoobiya. Ciidamada dagaalka loo diyaariyay ayaa ah kuwa soomaali ah. Dagaalka TPLF iyo xukuumadda Abiy ayaa sii xoogeystay saacadihi la soo dhaafay xilli Ra’iisul wasaaraha uu ku baaqay howlgal culus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu ( Wararka PP) —Maxamed Xaaji Ingiriis oo wax ka qora taariikhda Soomaaliya ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay ciidammo u dirto Itoobiya si loola dagaallamo xoogagga Tigreega. Ingriis oo ka qabgalay dood, ayaa sheegay inay bannaan tahay in wax kasta la sameeyo si looga hortago soo noqoshada TPLF. Wuxuu taageero u muujiyay baaqa ka soo yeeray qowmiyadda Amxaarada oo doonaysa in qowmiyadaha kale ee Itoobiya u midoobaan la dagaallaanka TPLF. Tigreega ayaa dib u qabsaday degmooyin Amxaaradu xoog kula wareegtay dhowr bilood ka hor. Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu qabaa in Amxaarada loo gurmado si ay Tigreega iskaga dhiciyaan. Dooddu waxay ku saabsanayd dadaalka uu Madaxweynaha Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cagjar wado si ciidanka Liyuuga loogu diro gobolka Amxaarada si ay dhiggooda ugu daadiyaan Amxaarada oo dagaal kula jirta Tigreega. “Ma garan karo sababta Maxamed Xaaji Ingriis ugu baaqay in Soomaaliya dirto ciidaammo Gondar iyo Gojam ka dagaallama si ay Amxaarada u difaacaan” ayuu yiri Cali Aadan oo ah arday wax ka barta mid ka mid jaamacadaha Muqdisho. Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, ayaa wada qorshe ku sallaysan sarraynsiinta Amxaarada. Wuxuu dhowr jeer xusay dagaalkii 1977kii isagoo tusaale u soo qaatay dagaal ka dhacay buurta Kaaramardha. © Puntland Post, 2021 The post Maxamed Xaaji Ingiriis: “Waa inay Dowladda Soomaaliya Ciidammo u Dirto Itoobiya” appeared first on Puntland Post.
-
Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa taliye cusub u magacaabay qaybta booliiska gobolka Sool. Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Puntland ayaa G/sare Aadan Maxamed Cabdi loogu magacaabay taliyaha qaybta booliiska gobolka Sool. Hoos ka akhriso wareegtada Axmed Karaash Garoowe: 18 July 2021: Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sool. Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Talo soojeedinta Taliska Booliiska Puntland. Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu tixgeliyay: Shaqada ka socota Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sool. Wuxuu u magacaabay:- G/sare Aadan Maxamed Cabdi Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Sool. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay. =DHAMMAAD= PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo xil magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne kuxigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa magaalada kismaayo kulan kula qaatay guddiga dib u hishiisinta gobalka gedo oo shalay soo gabagabeyay wadahadallo ay la lahaayeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobalka. Guddigan oo uu hor boodayay wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobaleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa madaxweyne kuxigeenka warbixin ka siiyay xogtii ay ka soo aruuriyeen gobalka iyo sidii loo xaliyay khilaafki taagna. “Guddigan oo isugu jira Wasiiro ka kala tirsan Dowladd Goboleedyada Dalka sida Puntland Galmudug Hirshabeele iyo Koonfur galbeed ayaa Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland waxa ay oga warbixiyeen xaalada Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Garbahaarey ee Dowladd Goboleedka Jubbaland oo ay ku sugnaayeen afartii casho ee ugu dambeeysay halkaas oo ka wadeen xal u raadinta iyo dib u hishiisiin laga hirgaliyey Gobolkaa”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooya Jubbaland. Sikastaba maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo Farmaajo oo deegaan ahaan ka soo jedo gobalka Gedo ayaa mudda dheer isku haytay cidda maamuleyso gobalka gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddiga Wasiirada Arrimaha Gudaha Maamul Goboleedyada dalka ayaa muddo ay ku sugnaayeen magaalada Garbahaarey kadib saaka kasoo dhoofay halkaas, iyagoo gaaray Magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland. Guddiga oo uu horey u magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kana koobnaa wasiirada arrimaha gudaha dowlad Goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Kismaayo u tagay sidii ay madaxweynaha Jubaland ugu gudbin lahaayeen magacyada illaa 4 qof uu sharaxan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka Magaalada Garbahaarey oo la filayo in lagu qabto qaar ka tirsan kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka. Magacyada afartaan qof ayaa waxaa guddiga usoo gudbiyey waxgaradka iyo odayaasha Garbahaarey ee taageersan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib kulamo dhex maray odayaasha iyo guddiga uu magacaabay Rooble. Sida ku qoran heshiiskii labaad oo ay 27 May ku saxiixdeyn Muqdisho madaxda Maamul Goboleeyada dalka iyo Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa magacabaya Guddoomiyaha magaalada Garbahaarey iyo ku-xigeenkiisa. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo hadda ka maqan Magaalada Kismaayo ayaa la filayaa inuu afartaan qof ka doorto laba qof oo noqonayo guddoomiyaha iyo ku xigeenka Magaalada Garbaahaarey. Magaalada Garbahaarey ayaa la filayaa in lagu qabto doorashada illaa 16 kursi, waxaana heshiiska la gaaray ku qoran in magaaladaas la geeyo ciidamo boolis ah oo ka socdo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM Xubnaha ay xilka maamulka magaalada Garbahaarey usoo sharxeen odayaasha iyo maamulka dowladda Federaalka hoostaga ee Gobolka Gedo ayaa kala ah: Xilka guddoomiyaha Garbahaarey: 1- Cali Xashi Diiriye 2- Nuur Muxumed Jaamac Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka: 1- Aadan Cismaan Nuur 2- Xuseen Baniin The post Aqriso: Axmed Madoobe oo loo gudbiyey liiska magacyada musharaxiinta xilalka Garbahaarey appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulammo goonni goonni ah la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga & Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen. War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Mr. Rooble uu kulammo goonni goonni ah la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga & Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen. Qoraalka waxa lagu sheegay in mas’uuliyiintu ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad oo si rasmi ah dib loogu doortay markisii afraad bishii May ayaa loo dhaariyay madaxweynaha dalkaas Sabtidii shalay aheyd, inkasta oo ay jireen dalal badan oo reer Galbeed ah oo wax isdabamarin ku eedeeyay. Bashar al-Asad oo muddo todoba sanadood ah sii ahaan doona Madaxweynaha Suuriya ayaa rogga cas ee qasriga madaxtooyada waxaa ku soo dhaweeyay koox militari ah, isagoo la hadlay dadweyne aad u badan oo iskugu jiray saraakiil iyo marti share kale. Laba sarkaal oo ciidan ah ayaa waday nuqullo ka mid ah Quraanka iyo dastuurka Suuriya oo uu Assad ku dhaartay. Wuxuu ku sheegay khudbadiisa in sababaha ugu weyn ee dhibaatada dhaqaale ee Suuriya ay hada tahay xayiraadda ay saareen bangiyada Lubnaan hantida dalkiisa. PUNTLAND POST The post Bashar al-Assad oo markii afraad loo dhaariyay madaxweynaha Suuriya appeared first on Puntland Post.
-
Warbixin ay soo saareen midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay Soomaaliya quus joogto, lagana cabsi qabo in dib ugu noqoto dal baaba’ ah, waxay carabka ku dhufteen iney ka jirto dhibaato badan oo dhan walba oo xagga amniga, siysaasadda, iyo adeegyada ah, isla markaana la joogo waqtigii isbadal la sameyn lahaa. Warbixintan ay sabtidii soo saareen waxaa ku jirta in AMISOM ay joogtay 14 sano balse ay heysto dhibaato maalgelin la’aan sidaasi darteedna aaney wax badan u qaban karin, waxaa ay ka sheegteen in EU ay maalgelin u weysay(PCC), loona soo jeesto oo daacad laga noqdo hawlgalka si uu u mira-dhalo. Arrimaha warbixinta ay iftiimisay waxaa ka mid ah in magaalooyinka uun laga helo adeeg bulsho halka miyiga aaney jirin wax adeeg ah, oo nolosha ay liidato, haba ugu darnaadeen kaabayaal dhaqaale, booliiska iyo maxkamado oo aan jirin. Dhibaatada warbixinta ku jirta waxaa ka mid ah wada shaqeyn la’aanta dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, fulin la’aanta heshiisyada ay galaan iyo isla socod la’aanta midowga Afrika iyo beesha caalamka. Waxaana la soo jeediyey 4 Qaab oo midkood arrimahan lagu maareyn karo: Isku dhafka AU-UN: Hawlgalka inuu noqdo mid hoos taga AU-UN oo isku dhaf ah, waa qaabka koowaad ee lasoo jeediyey iyada oo lagu shaqeyn doono Chapter VII iyada oo la qiimeyn doono awoodda AMISOM, lana kordhin doono. Dib-u-habeyn lagu sameynayo AMISOM: AMISOM hawlgalkeeda hadda waa mid nabadeed iyo amni, waxaa uu qaabkan soo jeedinayaan in siyaasad lagu daro, oo ay xasiloonida la shaqeyn karaan, isla markaana dib loo qiimeeyo hawlgalka isla markaana ay AMISOM gacan ka geysato jawi siyaasadeed, lana adeegsado baa’binta Al-shabaab qaabab ka duwan midda military ee hadda jira sida dhismaha nabadda. IN La Hawlgeliyo Ciidamo dariska ah ee EASF: Arrintaas ay ka shaqeyaan midowga Afrika, ciidamadan dariska oo hadda ku jira AMISOM, marka ay hawsha guud la wareegaan, waa iney ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa nabadda, amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaa kale oo lasoo jeediyey iney maalgeliso Qaramada Midoobey. Bixitaanka AMISOM & Soomaaliya oo masuuliyadda Lagu Wareejinayo: Qaabkan waxaa uu soo jeedinayaa in AMISOM ay lix bil gudaheed ku baxdo, isla markaana ay shaqada amniga la wareegaan xoogga dalka, taasi ayaa ka dhalatay ayaa la leeyahay kalsooni darrada ay qeybaha Soomaalida ku qabaan AMISOM iyo niyadjabka ay ka muujiyeeen hawlgalkeeda. Dhanka kale, xukuumadda Soomaaliya oo qoraal soo saartay waxaa ay ka hortimid warbixintan, iyada oo qiil uga dhigtay in aan lagala tashan. Goobjoog News Source: goobjoog.com