-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib uga noqday fasax maanta la siiyey shaqaalaha ka howl-gala xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, kaas oo ku aadanaa munaasabadda Ciidul Adxaa oo maalinta beri ah ku beegan. Qoraal wargelin ah oo kasoo baxay xafiiska waaxda shaqada iyo shaqaalaha ayaa lagu sheegay in la-laalay fasaxii la siiyey shaqaalaha, kadib amar ka yimid duqa Muqdisho. Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay inay keentay ka noqoshada fasaxan baahi shaqo oo ka jirta xarunta gobolka Banaadir, loona baahan yahay in loo adeego bulshada. “Iyadoo la fulinayo go’aanka duqa magaalada ahna guddoomiyaha gobolka baahi shaqo awgeed waxa laga noqday fasaxi shaqaalaha maanta kaliya, sidaas darteed madaxda shaqaalaha xukunta waxa laydinku wargelinayaa in aad si degdeg ugu yeertaan shaqaalaha goobaha shaqadana saacad gudeheed la bilaabo shaqooyinkii,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa amarkan lagu sheegay in safaxa shaqaalaha ee Ciidul Adxaa uu bilaabanayo maalinta Talaadada oo berri ah, illaa Khamiista. “Fasaxa berri ayuu ka bilaabanayaa, waana illaa Khamiis insha Allaah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka. Dhinaca kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay fasax yihiin shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah, munaasabadda Ciida aawgeed. Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay fasax yihiin seddex maalmood oo ka bilaabaneysa maalinta Talaadada oo noqoneyso maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, illaa Khamiista soo socota. Sidoo kale wasaaradda ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda Ciidul Adxaa. Halkan hoose ka aqriso: The post Maamulka gobolka Banaadir oo ka laabtay fasax maanta la siiyey shaqaalaha + sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Faderaalka oo is garabsanaya iyo Alshabaab ayaa hadda ka socda deegaanka Qeycad oo udhaxeeya Bacaadweyn iyo Shabeelow. Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ciidankan oo markii hore ka soo ruqaansaday Bacaadweyn uu ujeedkoodu yahay deegaanka Camaara oo ka tirsan Gobolka Mudug. Ciidamadan ayaana waxa hogaaminaya Wasiirka Amniga ee maamul goboleedka Galmudug Axmed fiqi iyo Senatorka aqalka saree e baarlamaanka federaalka ah Gen. Abdi Qeybdiid. Dhanka waxa jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo deegaanka Qod-Qod oo u dhaxeeya Camaara iyo Xinlabi oo ay shalay ilaa xalay ay dagaalo qaraar ku dhaxmareen ciidamo uu hogaaminayo Jen. Saadaq joon iyo Alshabaab. Maamulka Galmudug ayaa wada guluf laba geesood ah oo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan degaanka camaara ee koofurta Mudug oo gacanta ugu jira Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Xasan Shire Abgaal oo wariyeyaasha kula hadlay Garoowe ayaa markale digniin culus u diray ganacsatada ku dhaqan deegaanada maamulkaasi. Wasiirka ayaa shaaciyey inay waajib ku tahay ganacsatada inay bixiyaan lacagaha canshuuraha ee laga rabo, wuxuuna digniin u diray shaqsiyaadka ka dhega adeegaya. Xasan Shir Abgaal ayaa sidoo kale tilmaamay inay mas’uuliyad darro weyn tahay inay ganacsatadu bixin waayaan lagacaha canshuuraha oo wax loogu qabanayo bulshada. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan wixii ka dambeeya ay ka maamul ahaan tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo diida bixinta canshuurta Puntland. “Waa ceeb in dad wax ku soo bartay canshuur dalka in maanta hantidooda ay ka bixin waayaaan canshuurta lagu leeyahay, waa qasab in qofka diida arrintaan tallaabo laga qaado” ayuu yiri wasiirka Mmaliyadda dowlad goboleedka Puntland Xasan Shire Abgaal. Ugu dambeyn wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in bixinta canshuurta ay muhiim u tahay bulshada qeybaheeda iyo maamulka, isla-markaana wax looga qabanayo arrimaha amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo sidoo kale dhismaha wadooyinka intaba. Puntland ayaa marar kala duwan soo saartay digniino ku socda ganacsatada, gaar ahaan kuwa aan bixin lacagaha canshuuraha ee lagu leeyahay, waxaana maamulka uu shaaca ka qaaday inay qaadi doonaan tallaabooyin sharci ah oo wax looga qabanayo dadkaasi. The post Puntland oo markale digniin culus u dirtay ganacsatada appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Suxufiyiinta, Siyaasiyiinta iyo dadka kale ee u dhaq-dhaqaaqa Xaquuqul Insaanka oo caalamka daafihiisa ku kala sugan ayaa la sheegay in telefonadooda la basaasay iyadoo la adeegsanayo Software iyo Barnaamijo ay soo saareen shirkadaha laga leeyahay Israa’iil. Barnaamijka telefonada lagu jabsado ama lagu basaaso ee (Pegasus) ayaa loo adeegsaday in lagula socdo dhaq-dhaqaaqa iyo xogta in ka badan 50.000 telefoono ay leeyihiin suxufiyiin iyo siyaasiyiin ku kala sugan wadamo kala duwan oo caalamka ah. Software-ka Pegasus ayaa waxaa sameeyey shirkada laga leeyahay Israel ee lagu magacaabo (NSO group) taasoo farsamadan ka iibisa dowlado kala duwan oo caalamka ah. Baadhitaankan lagu helay xogtan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Jaraa’idka ugu waaweyn caalamka oo ku jiraan Washington Post, the Guardian, Le Monde iyo shirkadaha warbaahinta caalamka. Source
-
(SLT-Doxa)-Kulamadii magaalada Doxa, Qatar uga socday kooxda Talibanka iyo Dowlada Afghanistan ayaa wax guulo ah laga gaadhi waayey kadib markii ay labada dhinac isku mari waayeen qodobo muhiim ah. Warmurtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen labada dhinac ayaa lagu sheegay in qodobka kaliya oo ay isku afgarteen ay tahay in wadahadalka lasii wado! Talibanka ayaa ku eedeeyey dhinaca wafdiga ka socda dowlada Afghanistan inay diideen in laga wadahadlo qodobo iyaga muhiim u ahaa oo ay kamid ahayd Dastuurka dalka Afghanistan qaadanayo iyo waliba siideynta Maxabiista laga heysto kooxda Talibanka. Dowlada Afghanistan ayaa dhankeeda dooneysay in lagu dhawaaqo xabad joojin deg deg ah arrintaasi oo ay ka cago jiidayaan kooxda Talibanka oo iyagu dhawaan awood ciidan kula wareegay in badan oo kamid ah goballada dalkaasi. Source
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle ayaa si cad uga horyimid qoraalkii kasoo baxay xubnaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka ee lagu sheegay in aysan suuragal aheyn in doorasho lagu qabto magaalada Beledweyne ee maamulkaasi. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabelle, Siraaji Sheekh Isaaq iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa ka hadlay warka kasoo yeeray musharraxiinta, iyaga oo si weyn uga soo horjeestay. Siraaji oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dano siyaasadeed laga leeyahay warqadda kasoo baxday Midowga Musharraxiinta, wuxuuna tilmaamay in doorashada xildhibaanada labada aAal lagu qaban karo gudaha magaalada Beledweyne. Sidoo kale waxa uu xusay in hadalka siyaasiyiinta mucaaradka ah uu qas iyo fowdo horleh ka abuurayo deegaanada HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay inay HirShabelle raalli-gelin uga fadhido Golaha Musharraxiinta. Dhankiisa guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaciyey inay Midowga Musharraxiinta u gefeen reer Hiiraan, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha magaalada Beledweyne. Jayte ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in musharraxiinta hadalkan faafiyey ay doonayaan in doorashada laga weeciyo magaaladaasi, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn waxa uu ka digay sii socosha arrintan, isaga oo tilmaamay inay baal-marsan tahay heshiiskii doorashada, isla-markaana lagu dulminayo reer Beledweyne. Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli Midowga Musharraxiinta mucaraadka qoraalka ay soo saareen ku sheegeen in dhibaatooyin amni iyo kuwa siyaasadeed oo aan saamixi karin in doorasho lagu qabto Beledweyne ay ka jiraangudaha magaaladaasi. The post HirShabelle oo ka hortimid hadalkii Golaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
-
Ururka 5-aad, Guutada 16aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa howl gallo qorsheysan oo ay ka fuliyay deegaano ka tirsan gobalka jubada hoose, waxa ay ku burburiyeen fariisimo ururka al-shabaab ay ku la haayeen gobalka . Saraakiisha hogaamineysay gowlgalka ayaa sheegay in inta howlgalka ay ku guda jireen ay dileen xubna ka tirsan ururka alshabaab. Ciidamada ayaa sheegay in xubnaha shabaab ka tirsan ee la dilay ay gaarayaan illaa 15- xubnood kuwaas oo ku sugnaa deeganno hoostaga gobalka Jubbada hoose. Sikastaba ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah ee Alshabaab lagaga xoreynayo deeganada ay kaga sugan yihiin guud ahaan dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay qabsoomida doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan ka dhacaya deegaanada maamulkaasi. Wasiirka maaliyadda Jubbaland, ahna xubnin ka tirsan guddiga uu baarlamaanka u magacaabay qabsoomida doorashada Aqalka Sare xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed oo wareysi siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday inay si cadaalada u dhici doonto doorashada, wuxuuna ugu baaqay musharraxiinta inay muujiyaan kalsooni gaar ah. Xirsi ayaa sidoo kale meesha ka saaray in Jubbaland ay dooneyso inay is hortaagto qaar ka mid ah musharraxiinta, gaar ahaan kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeda, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay wel-welka laga muujinayo arrintaasi. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in doorashada ay si wadajir ah u maamuli doonaan guddiga federaalka iyo Jubbaland, taas oo qeyb ka aheyd heshiiskii doorashada. Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaa intaasi kusii daray in iyagu ka guddi ahaan ay u sinaan doonaan xubnaha musharraxiinta ee u tartamaya ka mid ah noqoshada Aqalka Sare. “Doorashadu waxaa maamulaya guddiga federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland sida ku xusan heshiiska, Wax cabsi ah ma jiri karto in shaqsi lagu dhibaateeyo, Guddi ahaan waxa aan diyaar u nahay in aan u sinnaano Musharixiinta si ay u dhacdo Doorasho qurux badan” ayuu yiri wasiirka maaliyada Jubaland. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta tartamaya inay diyaar garow muujiyaan, isla-markaana ay ku kalsoonaadaan guddiyada maamulaya doorashada iyo Jubbaland. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay jiraan musharraxiin badan oo cabasho ka muujinayo hoggaanka Jubbaland oo siyaasad ahaan ay ka soo horjeedaan, waxaana ka mid ah siyaasiga Cabdi Cali Raage oo dhowaan laga soo celiyey magaalada Kismaayo. The post JUBBALAND oo war cusub kasoo saartay doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
-
Rebels in Ethiopia’s war-hit Tigray have carried out operations against pro-government troops in neighbouring Afar region, a spokesman said Sunday, opening a new front in the widening eight-month conflict. Source: Hiiraan Online
-
The Afghan government and the Taliban concluded diplomatic negotiations in Qatar on Sunday, but both sides said they are committed to further talks. Source: Hiiraan Online
-
Laamaha Amniga Puntland, oo xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, ayaa gacanta ku dhigay maandooriyaha Khamriga oo lagu qariyay guri ku yaalla magaalada. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sanaag, ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas lagu qabtay 23 dhalo oo Khamri ah, kuwaas oo lagu qariyay gudaha guri ku yaalla Badhan Ciidanka Booliiska Puntland ayaa saacadihii u dambeeyay hawlgalo kala duwan ka waday degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag gaar ahaanna magaalada Badhan. Saraakiisha ayaa sheegay in hawlgalkan lagu xaqiijinayo Amniga degmooyinka Gobolka Sanaag, islamarkaana lagu beegsanayo kooxaha maandooriyaha Khamriga ka ganacsada. PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Somalia says its lucrative fishing resources will be completely shielded from looters once a new law comes into force, and which will provide uniform regulation in all parts of the country. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda turkiga ayaa cambaareysay go’aanka maxkamadda sare ee midawga yurub ku mamnuucday xirashada xijaabka haweenka ku sugan yurub. Go’aanka ayaa maxkamadda ay ku sheegtay in ay dhaceen falal amniga liddi ku ah, xilli turkiga uu ku tilmaamay go’aanka maxkamadda mid ka soo horjeeda diinta Islaamka. Maxkamadda cadaaladda ee EU ee fadhigeedu yahay Luxembourg (CJEU) ayaa shaacisay in ururka guud ee shirkadaha ay ka mamnuucaan shaqaalaha inay xirtaan indho shareerka iyadoo la raacayo shuruudo gaar ah. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay xukunkan inuu astaan u yahay naceybka sii kordhaya xilli ay sheegtay in haweenka muslimiinta ah ee ku nool Yurub ay la kulmayaan takoorid sii kordheysa oo ku saabsan diinta ay aaminsan yihiin. “Go’aanka CJEU, waxa uu muujinaya sida ay u sii kordheyso Islaam naceybka, cunsuriyada iyo dhaqamada Islaamka, Yurub waa in ay tixgalinsa xoriyada diinta ,” ayay wasaaraddu tiri. Sikastaba Ankara ayaa marar badan ku eedeysay dowladaha reer Yurub in aysan waxbadan ka qaban ka hortaga takoorka lagu hayo Muslimiinta, iyadoo sheegtay in ay bilaabi doonto soo saarista warbixin sanadle ah oo ay kaga hadlayso waxa ay ugu yeertay tusaalooyinka Islaam nacaybka ee dunida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab labadii todobaad ee ugu dambeeyay ay u yeereen odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho, ganacsato, iyo qaar kamid ah macalimiinta Jaamacadaha gobalka Banaadir, waxayna kala hadleen arrimo quseeya doorashada Soomaaliya. Saraakiil amni oo ku sugan Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in hoggaamiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban Gobalka Banaadir, balse u dhaxeeya labada Shabeelle, uu dhinacyadan kala hadlay sidii loo taageeri lahaa in Al-Shabaab xubno ay wadato ay u galaan baarlamanka Soomaaliya. “Waxaan la fariisanay afar qof oo kamid ah qeybaha bulshada oo ay u yeereen waxayna dhamaantood kala hadleen arrimaha doorashada, ma rabo inaa ku siiyo xogta oo dhameystiran laakiin waxaan kuu sheegayaa in sanadkaan Al-Shabaab dhaq dhaqaaq xoog leh wadaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’aaha ammaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Al-Shabaab dadka ay u waceen ay isugu jiraan laba qeybood oo kala ah, kuwa ay rabaan in ay Xildhibaano ka dhigtaan iyo kuwa ka shaqeeya sidii ay Al-Shabaab xubno baarlamaan u heli lahaayeen. “Al-Shabaab waxay rabaan in dad la yaqaano oo aan laga shakin doonin in ay Xildhibaano ka dhigtaan waxayna dhax-galayaan bahda waxbarashada iyo ganacsatada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalka la hadlay Caasimada Online. Dhowr jeer oo hore ayaa dowladda Soomaaliya looga digay in Al-Shabaab ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in ay kaga mid noqdaan doorashada Soomaaliya, ayaga oo horey ugu yeeray odayaasha soo xulaya ergooyinka, waxaana muuqato in qorshahaas uu hadda banaanka u soo baxayo. The post Xog: Al-Shabab oo Muqdisho ka billaabay olole doorasho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in tobaneeyo kamid ah ciidamadii diidanaa muddo korarsiga ee ka dagaalamay aagga Barmuudo iyo KM4 ay dowladda Soomaaliya ka joojisay mushaarkii ay qaadan jireen. Ciidanka mushaaraadka laga joojiyay waxaa sidoo kale ku jira qaar ka tirsan ilaalada Janaraal Saadaq Joon, kuwa Janaraal Indhacade, ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo ciidan kale, kuwaas oo hore uga tirsanaa Mikateriga iyo booliska Soomaaliya. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in ciidankii diidanaa muddo korarsiga ee ku sugnaa aagga dabka iyo waqooyiga Muqdisho ay mushaarkooda qaataan, kuwaas oo beel ahaan u badan Abgaal iyo Murusade. Ma cadda sababta ay dowladda sida gaarka ah ugu beegsatay ciidanka u badan beesha Habar-gidir, halka kuwii la midka ahaa ee beelaha kale ay weli qaataan mushaharkood. Waxaa jirta abaabul ay billaabeen siyaasiin ka soo jeeda beesha Habar Gidir, kuwaas oo warqad cabasho ah u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo kasoo jeeda beesha, balse ma jirto ilaa hadda wax jawaab ah oo laga helay. Lama oga saameynta ka dhalan karta go’aanka mushaarka looga joojiyay ciidamadaan oo qeyb ka ahaa kuwii lamagac baxay Badbaado Qaran. Qaar kamid saraakiisha mushaarka laga joojiyay ayaa Caasimada Online u sheegay in uu beegsi gaar ah ku haayo taliyaha Mikateriga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, balse Caasimada Online ma helin cadeymo arrintaas la xariira. Arrintaan ayaa dhaawaceysa heshiiskii ay gaareen guddi ka socday ciidamadii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo dhigayey inaan laga aargudan karin ciidankii diiday muddo kororsiga. The post Xog: Ciidan Badbaado Qaran ah oo u badan hal beel oo mushaharka laga joojiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Gobalka Banaadir ayaa wajahaya saddex dhibaato oo waa weyn kuwaas oo gaaray heerkii ugu xumaa sanado kadib mana muuqato dhaq dhaqaaq socda oo dhinaca dowladda ah si wax looga qabto arrintaan. Waxyaabaha ugu daran ee hadda ka jira Gobalka Banaadir ayaa kala ah 1- Nadaafadda – Dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wajahaya nadaafad darro xoog leh iyo biyo wasaqeysan oo gooyay waddooyinka qaar ee Muqdisho. Xaafadaha qaar ayaa la sheegay in looga guurayo biyo aad u wasaqeysan oo sanado badan iska yaalla goobaha muhiimka ah ee Muqdisho. 2- Mushaar la’aan – In badan oo ka mid ah shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir ayaa bishii saddexaad mushaar la’aan ah lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa. Bilihii May, June iyo July oo aan wali dhammaanin ayaa qaar kamid ah shaqaalaha gobolka la siinin mushaar. Sidoo kale, waxaa sanadkii labaad aan lacag la siinin Macalimintii ilaaliyay Imtixaanka dugsiga dhexe ee uu qaado Maamulka Gobalka Banaadir. 3- Khilaafka Masuuliyiinta – Muddo bilooyin ah waxaa jiro khilaaf curyaamiyay shaqada gobalka Banaadir, kaas oo u dhaxeeya guddoomiyaha gobalka iyo ku xigeenkiisa 1-aad ee dhinaca maaliyadda. Labadaan mudane ayaa isku khilaafay waxyaabo la xariira dhinaca maaliyadda ilaa haddana laguma guuleysan in la xaliyo. Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Duceele Geelle Xaaf ayaa warbaahinta ka sheegay maalmo ka hor in 60-ka maalmood ee soo aadan Muqdisho looga guuri doono nadaafad darro, isagoo baaq u diray madaxda gobalka Banaadir iyo shacabka Muqdisho. Guddoomiye Cumar Filish ayaa shalay kormeeray biyo muddo sanad ah dhax fadhiyo waddada 30-ka gaar ahaan aagga Daalo, isagoo sheegay in dhawaan wax laga qaban doono. Ceel-qalow, Daalo, Fagax, Iskuul Buluusiya, SII SII iyo goobo kale ayaa ah meelaha ugu daran ee nadaafad darrada Muqdisho,iyadoo ay isa soo tarayaan qeyla dhaanta shacabka Muqdisho. The post Gobolka Banaadir oo saddex dhibaato oo weyn wajahaya appeared first on Caasimada Online.
-
TPLF oo Jihooyin cusub u rartay Dagaalkii+ weeraro ay ku qaadey Qowmiyado kale Jabhadda ka dagaalanta dalka Itoobiya ee Tigreega ayaa hawlgallo ka dhan ah ciidamada dawladda taabacsan ka fulisay gobolka ay jaarka yihiin ee Canfarta, sida uu sheegay Afhayeenka TPLF. Afhayeenka aya sheegay inay fureen waji cusub oo ku saabsan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana ay ballaariyeen colaadda gobolkooda ka taagneyd mudadii 8-da bilood aheyd. Afhayeenka TPLF Getachew Reda oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo aad u xadidan oo lagu bartilmaameedsaday ciidamo gaar ah iyo dagaalyahanno maleeshiyaad ah oo kasoo jeeda gobolka Oromiya oo ah kan ugu weyn dalka Itoobiya, kuwaas oo isku uruursanayay xadka ay wadaagaan is-mamullada Tigrayga iyo Canfarta. “Waxaan u qaadnay ficilladaas si aan u hubinno in xoogaggaas dib loogu celiyo Oromiya, waana ku guuleysannay inaan taas sameyno,” ayuu yiri Getachew, isagoo intaas ku daray inay jiraan dhaawacyo ay gaarsiiyeen ciidamadas, balse ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha gaaray ciidamada ay weerareen. “Tallaabada aan qaadnay kaliya waxay ku koobneyd inaan kala dirno maleeshiyada reer miyiga ah ee ka soo jeeda Oromiya, kuwaas oo doonayey inay ka qeyb-galaan dagaalka aan natiijada laga keeneyn ee lagula jiro TPLF,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka TPLF. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ciidamo u diray Tigray bishii November ee sanadkii 2020, si ay u kala ceyriyaan, hubkana uga dhigaan ciidamada taabacsan hogaamiyayaasha TPLF ee gobolka Tigray. Abiy Axmed ayaa tallaabadaas ku micneeyey inay jawaab u tahay weeraradii kooxda TPLF ay ku qaaday xeryaha ciidamada dawlada dhexe ay ku lahaayeen gobolkaas, isagoo howlgalkaas u bixiyey “Soo celinta sareynta Sharciga.” Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sanadkii 2019-kii ku guuleystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa ku dhawaaqay guul dabayaaqadii bishii November, kadib markii ciidamada dowladdu ay qabsadeen magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, laakiin hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa u baxsaday duurka, waxaana sii daba dheeraaday dagaalka. Bishii la soo dhaafay dagaalku waxa uu galay weji la yaab leh, kadib markii xoogagga TPLF ay dib ula wareegeen caasimadda Mekelle, Abiy wuxuu ku dhawaaqay xabbad-joojin hal dhinac ah, waxayna ciidamadu inta badan isaga baxeen gobolka Tigray. Dowlada Itoobiya ayaa tan iyo markii dib looga qabsaday Mekelle soo abaabushay ciidamo ka kala yimid gobalo horay colaaduhu aysan uga jirin, kuwaas oo uu kamid yahay gobolka Oromiya. Afhayeenka maamulka gobolka Canfarta oo wax laga waydiiyey dagaalka ay kusoo qaadeen gobolka Tigrey ayaan wax jawaab ah ka bixin. Warbixin ay faafisay warbaahinta dawladda federaalka ayaa lagu sheegay in kooxda TPLF oo ay dowladda u aqoonsatay argagixiso, isla markaana ay kooxdu hor istaagtay gargaarkii la geyn lahaa gobolka Tigrey, kaas oo loo marin lahaa deegaanada ismaamulka Canfarta, kadib markii ay halkaas ka bilaabeen duqeyn culus. “Sababta ay kooxda TPLF u diidan tahay xabad joojinta ay ku dhawaaqday dowladda dhexe ayaa ah in kooxdaan ay isku dayayso inay ku fidiso colaadda gobolka deriska la ah ee Canfarta,” ayaa lagu yiri warbixinta wakaalada wararka ee Itoobiya ay daabacday. Hase yeeshee Afhayeenka TPLF Getachew ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray dowladda ee ah inay kooxdaan diidan tahay in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo gobolka Tigrey. “Halka uu dagaalka ka dhacay, ma jiraan wax jid weyn oo loo isticmaalo ujeeddooyin gargaar,” ayuu yiri Afhayeenka TPLF Getachew. Getachew ayaa xaqiijiyay in Axadii cutubyo ka tirsan kacdoonka ay sidoo kale ka howlgaleen waqooyiga gobolka Amxaarada, halkaas oo todobaadkii la soo dhaafay saxafiyiinta wakaalada wararka ee AFP ay ku arkeen kumanaan maleeshiyo ah oo ka abaabulaya magaalooyinka xuduuda ah dagaal ka dhan ah kooxda TPLF. Qaran News