Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa ku sii xoogeysanaysa ka qayb-galka siyaasadda gudaha ee dalkaas, iyadoo dhalinyaro Soomaaliyeed ay hadda u tartamayaan xilal muhiim ah, oo ay ka mid tahay duqa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Dhallinyaradaas waxaa ka mid ah Omar Fateh oo 35 jir Soomaali-Mareykan ah, kaas oo tartan adag la geli doona duqa haatan talada haya oo ah nin caddaana oo lagu magacaabo Jacob Frey. Warbixin uu daabacay Axios Twin Cities ayaa lagu sheegay in doorashada magaalada Minneapolis ay sanadkan noqon doonto mid adag, iyadoo musharrixiinta duqa magaalada ay ka mid yihiin Senator Omar Fateh, oo asal ahaan Soomaali ah. Omar Fateh, oo horey u soo noqday senatar ka tirsan baarlamaanka gobolka Minnesota, ayaa hadda u taagan duqa magaalada Minneapolis, isagoo ka mid ah siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee si xooggan uga dhex muuqda siyaasadda Mareykanka. Doorashada guud ee magaalada Minneapolis ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 4ta Nofeembar 2025 oo caawo ku beegan, balse cod-bixinta hore ayaa si rasmi ah u bilaabatay 19-kii Sebteembar, taasoo u sahlaysa shacabka Minnesota in ay xilli hore codkooda dhiibtaan. Magaalada Minneapolis ayaa horey ugu caan baxday ka qayb-galka bulshada Soomaaliyeed ee siyaasadda Mareykanka, waxaana dhowr jeer la arkay Soomaali ku guuleysatay xildhibaanno, xubno gole deegaan iyo xilal dowladeed. U tartamidda Omar Fateh ee duqa magaalada ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa sida bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku mooli ay dhab ahaan u qaateen dhaqanka dimoqraadiyadda Mareykanka. Sida lagu sheegay warbixinta Axios, musharrixiinta kale ee la tartamaya duqa hadda joogta Jacob Frey waxaa ka mid ah DeWayne Davis iyo Jazz Hampton, kuwaasoo dhamaantood ku jira ol’oleyaal xooggan oo lagu kala jiidayo codbixiyaasha magaalada oo dhan. Dhanka kale, dhammaan 13-ka kursi ee Golaha Magaalada Minneapolis ayaa sanadkan ku jira tartan cusub, taasoo ka dhigaysa doorashada mid si weyn u saamayn karta jihada maamulka magaalada mustaqbalka dhow. Source: goobjoog.com
  2. Kadib wada-tashi iyo dood dheer oo dhex martay guddi ka socday ganacsatada iyo guddi kale oo ka socday xukuumada, kuwaas oo ay xubno ka ahaayeen golaha wasiirrada qaarkood iyo maareeyaha guud ee Hay’adda Dekedaha Somaliland, ayaa si rasmi ah xal buuxa looga gaadhay cabashadii ka taagnayd maaraynta fursadaha gaadiidka ee dekedda. Wadahadalladaasi oo ku dhacay jawi isfahan iyo dan-wadaag ah, ayaa lagu go’aamiyay in la dardar geliyo horumarinta guud ee qaybta gaadiidka dekedda, isla markaana la mideeyo ururka gaadiidleyda hadda jira iyo gaadiidka kale si ay si wadajir ah uga qayb qaataan qorshaha horumarineed ee mustaqbalka. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in nidaamka maamulka iyo maaraynta fursadaha gaadiidka uu hadda sidiisii hore ahaado, iyadoo aan wax isbeddel degdeg ah lagu samayn. Si loo sii amba-qaado hawsha midaynta iyo habaynta nidaamka mustaqbalka, waxaa la isla qaatay in la magacaabo guddi cusub oo labada dhinac ka kooban, kuwaas oo lagu wado in ay shaqadoodu bilaabaan maalmaha soo socda. Go’aamadan ayaa ujeeddadoodu tahay in la adkeeyo wada-shaqaynta ka dhexaysa ganacsatada, Ururka gaadiidlayda, hay’adda dekedaha Somaliland iyo hayadaha kale ee daneeyaha ka ah hawshan, si loo hubiyo in habsami u socodka dekeddu uu noqdo mid waara, caddaalad iyo hufnaan ku dhisan. Source
  3. RSF ayaa sheegtay iney qorshaynayaan weerar kale oo ay ku qaadayaan Magaalada El-Obeid kadib qabsashadooda Al-fasher, iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay cawaaqibka bini’aadantinimo ee ka dhalanaya barakicinta dadka, maadaama Ciidamada RSF ay weli wadaan Dagaalka iyo weerarrada. Ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa hadda gacanta ku haya magaalada El-Obeid. balse labada dhinacba waxay isu diyaarinayaan dagaal culus oo ka dhaca magaaladaas iyadoo Muuqaalo ay iska duubeen Askar ka tirsan RSF, ay ku dhawaaqayaan “Dhammaan ciidamadeennu waxay isugu tageen magaalada Bara” oo u jirta Magaalada El-obeid keliya 40km oo dhanka waqooyi bari ah. Colaada waxa ilaa haatan ku barakacay In ka badan 70,000 oo qof tan iyo markii xoogagga RSF ay toddobaadkii hore la wareegeen magaalada El-Fasher, oo ah caasimadda gobolka Waqooyi Darfur ee dalka Suudaan Source
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey fahamka iyo taageerada ay siiyeen barnaamijka Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isagoo tilmaamay in aqoonsigani uu muhiim u yahay dhammaan adeegyada dowladeed iyo kuwa bulshada. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Kaarka Aqoonsiga Qaranku uu yahay albaabka laga galo adeegyada casriga ah ee ay dowladdu qorshaynayso in lagu hormariyo nolosha muwaadinka Soomaaliyeed, sida adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo ganacsiga. Isagoo ka hadlayay cabashooyinka shacabka ee la xiriira safafka dhaadheer iyo waqtiga dheer ee lagu sugo helitaanka kaarka, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si cad ugu amray Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) in ay qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu fududeynayo bixinta kaarka. “Shacabka Soomaaliyeed waa ku mahadsanyihiin sida ay u fahmeen waxtarka Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Hay’adda NIRA waxaan farayaa in ay u fududeeyaan shacabka helidda kaarka aqoonsiga. Ama xarumaha hala kordhiyo, ama waqtiga shaqada 24 saac hala dhigo waa in aysan hooyooyin dambe meesha noo seex seexan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay ka go’an tahay in muwaadin kasta uu si fudud ku helo aqoonsigiisa qaranka, si loo dardar geliyo nidaamka dowladnimo iyo isku xirka adeegyada kala duwan ee bulshada. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku baaqay in dhammaan hay’adaha dowladda ay garab istaagaan dadaallada NIRA, si loo xaqiijiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo casri ah oo degdeg ah, loona dhiso kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda. Source: goobjoog.com
  5. Muhiimada istaraatijiga ah ee Al Fashir iyo waa maxay waxa ay lumiyeen milatariga iyo faa’iidada RSF? Al-Fashir waa magaalo qadiimi ah oo ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka Suudaan, waxayna ahayd caasimadda gobolka waqooyiga Darfur, dhul taariikh dheer leh, hodan ku ah dhaqamo iyo qabiilooyin kala duwan, isla markaana mar ahaa wadnaha ganacsiga iyo xiriirka u dhexeeya galbeedka Afrika iyo Bariga dhexe. Magaalada waxay qiyaastii 800 kiloomitir u jirtaa caasimadda Khartuum, waxayna ku fadhidaa dhul iska darka buuraley, carro midabkeedu casaanka yahay iyo dhul beereed bacrinta ku habboon oo deegaannada ku xeeran ay si weyn ugu tiirsan yihiin. Dadka deegaanka, oo lagu qiyaaso boqollaal kun, waa kuwo nolol fudud ku nool ,xoolo dhaqato, beeralay iyo ganacsato yar-yar, halka magaalada gudaheeda ay ku yaalaan suuqyo waaweyn oo isku xidha dalagyada miraha, galleyda iyo xoolaha nool ee laga keeno tuulooyinka Darfurta kale. Taariikh ahaan Al-Fashir waxay ahayd xarun uu boqoradii Darfur ku lahaa qalcad iyo qasri, halkaas oo ay safarradii ganacsiga ee ka imaan jiray Fezzan, Chad, iyo Masar ay marayeen, ka hor inta aan saldanaddii Darfur lagu darin dawladnimadii Suudaan ee casriga ah qarnigii 20-aad. Waxa maanta ka dhigay Al-Fashir mid muhiim ah ayaa ah isku dhafka taariikh, juqraafi iyo istiraatiijiyad militari. Magaalada waxay tahay albaabka waqooyi ee Darfur iyo xarun maamul oo muhiim u ah dawladda dhexe. Waxa ay sidoo kale tahay meel xiriirisa magaalooyinka kale ee muhiimka ah sida Nyala iyo El Geneina. Sidaas darteed, cid kasta oo gacanta ku dhigta Al-Fashir waxay si dhab ah u xakameynaysaa jihada waqooyi ee Darfur. Taasi waa sababta ay ciidamada RSF ugu taamayeen in muddo dheer ay gudaha u galaan magaalada, maadaama ay tahay calaamad awood iyo xasillooni siyaasadeed oo ay SAF, ciidanka qaranka Suudaan, weli ku haysteen gobolka. Muddo bilooyin ah Al-Fashir waxay ahayd goob go’doon ah oo RSF ay hareeraysay, iyadoo la gooyey waddooyinka sahayda, la jaray isgaarsiinta, lana kordhiyay weerarrada cirka iyo madaafiicda dhulka , taas oo ugu dambeyntii sababtay in magaalada ay ku dhacdo gacanta RSF. Qabsashada RSF ee Al-Fashir ma ahayn oo keliya guul milatari, balse waxay ahayd calaamad weyn oo muujinaysa isbeddelka awoodda ee ka socda Suudaan. Ciidamadan ka soo farcamay Janjaweed-kii Darfur ee caan baxay intii lagu jiray dagaalladii sokeeye, waxay magaalada u arkayeen xarun istiraatiiji ah oo ay ku xoojin karaan gacanta ay ku hayaan Darfur oo dhan. Marka ay Al-Fashir ku guuleystaan, RSF waxay heli karaan laba faa’iido oo waaweyn; mid milatari iyo mid siyaasadeed. Dhinaca milatariga, waxay si buuxda u xakameyn karaan waddooyinka sahayda ee isku xira woqooyiga iyo bartamaha Suudaan, halka dhinaca siyaasadda ay ku kasbanayaan kalsooni beelaha qaar iyo awood ay ku sheegan karaan maamulka gobolka. Waxaa sidoo kale jira arrin kale oo RSF u aragto muhiim; Al-Fashir waa magaalo ay ku yaalaan kumannaan xarumo barakacayaal ah oo kasoo qaxay dagaalladii hore ee Darfur, taas oo macnaheedu yahay in cidda maamusha magaalada ay gacanta ku hayso nolosha boqollaal kun oo rayid ah. Si kastaba ha ahaatee, qabsashada magaalada waxaa dhinac socotay khataro waaweyn oo bani’aadamnimo. Warbixino caalami ah iyo kuwa maxalli ahba waxay sheegayaan in RSF ay fulisay dilal xasuuq ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, iyadoo lagu eedeeyay in ay beegsatay qabiilooyin gaar ah oo aan Carab ahayn, kuwaas oo ku nool waqooyiga Darfur. Xogaha laga helay hay’adaha samafalka iyo warbaahinta caalamka waxay tilmaamayaan in kumannaan qof lagu laayay duleedka Al-Fashir, iyadoo meelo ay rayidku isku dayayeen in ay ku dhuuntaan la weeraray ama la gubay. UNICEF iyo Qaramada Midoobay waxay ku tilmaameen xaaladda magaalada mid argagax leh , maadaama in ka badan 800,000 carruur ah ay halis ugu jiraan gaajo iyo cudurro ka dhashay go’doonka iyo dagaalka. Dhakhaatiirta deegaanka ayaa sheegay in isbitaalladii magaalada ay ka dhammaadeen dawo, halkii dadkii dhaawaca ahaanna ay isbitaallada uga daba yimaadeen dagaalyahannada RSF oo toogasho ka geystay gudaha isbitaallada. Su’aasha muhiimka ah ayaa ah maxay RSF dadka rayidka u beegsanaysaa haddii ay magaalada qabsadeen? Jawaabta waxaa laga raadin karaa dhaqanka dagaalka ee kooxdan oo muddo dheer lagu eedeeyay in ay isticmaasho cabsi gelin iyo nadiifin qowmiyadeed si ay u xoojiso xukunkooda, laakin qabsashada Al Fashir ayaa dunidda oo dhan tustay dagaalyahannada RSF inay yihiin kuwa ka fog bani’aadanimada oo arxan darran, qof walbana wuxuu arkay wajiga wasaqda ah ee kooxdan oo aan anshax barin dagaallamayaashooda. Al-Fashir waxaa ku badan beelaha Zaghawa iyo Fur qowmiyado aan Carab ahayn oo taariikh ahaan xiriir adag la lahaa ciidanka caadiga ah ee Suudaan (SAF). RSF, oo ay hoggaaminayaan madax u badan beelaha Carabta ee reer koonfureedka Darfur, waxay u arkayeen in ka saarista kooxahan ay muhiim u tahay in ay xasiliso xukunka magaalada iyo in ay jabiyaan meel kasta oo taageero ka heli karto SAF. Sidaas darteed, weerarrada lagu qaaday xaafadaha dadka aan Carabta ahayn waxaa loo arkaa qayb ka mid ah xeelad dagaal ah oo lagu burburinayo dhidibka taageerada cadowgooda. Dhanka kale, ciidamada qaranka Suudaan waxay lumiyeen wax ka badan magaalo , waxay lumiyeen calaamaddii ugu dambeysay ee awoodda dawladnimada ee gobolka Darfur. Ilaa hadda Al-Fashir waxay ahayd magaaladii ugu dambeysay ee nidaam dawladeed ka jiro oo ka tirsan Darfur oo ay haysteen. Halkaas waxaa ku yaallay xarumo ciidan, isbitaallo dawladeed, iyo maamul goboleedyo hoos imanayay Khartuum. Marka RSF ay gacanta ku dhigto magaalada, waxay ka dhigan tahay in milatariga Suudaan uu ka baxay gobolka oo dhan, isla markaana ay waayeen meel ay ku keydiyaan sahay, hub iyo ciidamo. Waxaa sidoo kale saameyn ku yeelatay sumcadda ciidamada qaranka, maadaama luminta Al-Fashir ay muujisay daciifnimadooda difaac iyo isku xirnaanta hoggaankooda. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in maalmo ka hor inta aysan RSF gudaha u gelin, ciidamada qaranka ay isaga baxeen qaybo ka mid ah magaalada, iyagoo ka cabsi qaba in ay hareereeyaan RSF oo hub iyo ciidamo badan haysta. Faa’iidada RSF ka hesho gacan ku haynta Al-Fashir waa mid aad u ballaaran. Marka hore, waxay helayaan meel dhexe oo ay kaga dhaqaaqi karaan hawlgallo kale oo Darfur ah, isla markaana ay ku urursan karaan sahay, hub iyo dhaqaalaha lagu xakameeyo suuqyada iyo canshuurta deegaanka. Marka labaad, waxay awood u leeyihiin in ay abuuraan maamul maxalli ah oo ay ku magacaabaan saraakiishooda, taas oo siinaysa muuqaal dawladnimo oo iyaga gaar ah. Marka saddexaad, waxay kasbanayaan sumcad siyaasadeed oo ka dhigaysa in ay isu arkaan awood la mid ah dawlad. Haddii ay sii hayaan Al-Fashir muddo dheer, RSF waxay noqon karaan xoog siyaasadeed oo ka madax bannaan dowladda dhexe ee Khartuum, taas oo keeni karta kala go’ ama nidaam laba dawladood ah oo dalka Suudaan kusoo food leh. Ugu dambeyntii, Al-Fashir waa indhaha Darfur, qalbiga waqooyiga Suudaan, iyo imtixaanka ugu adag ee muujinaya halka uu u socdo mustaqbalka Suudaan. Qof kasta oo doonaya inuu fahmo Suudaan maanta waa inuu fahmaa waxa ka socda Al-Fashir ,sababtoo ah halkaas ayaa laga arki karaa isbeddelka ugu weyn ee awoodda, kala qaybsanaanta, iyo dagaalka cusub ee ku saleysan cidda u qalanta in ay xukunto dhulkaas qadiimiga ah. Dagaalkaas, sida muuqata, wali ma dhammaan, balse Al-Fashir waxay horey u noqotay calaamaddii ugu weynayd ee beddeshay taariikhda dagaalka Suudaan. Source
  6. Garsoorka Iran ayaa dalbaday in lagu ganaaxo 170 milyan oo doolarka Mareykanka ah mulkiilaha markab xamuul ah oo horaantii sanadkii hore lagu qabtay gacanka Persian, laguna eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay Israel. Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa markabka la wareegay 20 bilood ka hor bishii April 2024 waxayna xidheen 25 ka mid ah shaqaalihii markabka, kuwaas oo qaarkood markii dambe la sii daayay. Sannadkii hore, isla markii uu baahay warka ku saabsan qabashada markabka “meel u dhow marinka Hormuz”, ayaa la sii daayay muuqaal muujinaya ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran oo markabka ku galay diyaarad helikobter ah. Asghar Jahangir, oo ah afhayeenka garsoorka Iran ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Tehran ku yidhi: “Qaar ka mid ah konteenarada markabkan waxay sideen walxo khatar ah oo waxyeello leh, kuwaas oo marka loo eego sharciga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee xeebaha Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan, lagu helay inay ku xad-gudbeen mabaadi’da marinka ee in ah in si dhib la’aan ah lagu maro, ayna khalkhal geliyeen nabadda, nidaamka, iyo amniga gobolka.” Waxa uu sheegay in dacwad ka dhan ah shirkadda iska leh markabkaasi la gudbiyay taa oo lagu eedeeyay “maalgelinta argagixisada”, arrintaasina ay ku socoto dib u eegis dhanka garsoorka ah, balse aan weli la cayimin xilliga la qaadi doono dacwadda. Asghar Jahangir ayaa sheegay in mulkiilaha markabka uu yahay “qof saameyn ku leh” dawladda iyo “kaaliyaha dhaqaale” ee ciidamada badda Israel. Maraykanka ayaa falkaasi ku tilmaamay mid “budhcad badeed” isagoo dalbaday in lasii daayo shaqaalahooda. Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa sidoo kale ugu baaqay Midowga Yurub in ay Ilaalada Kacaanka Iran ku darto “ururada argagixiso”. Sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay garsoorka dalka Iran, markabkan marka laga reebo shixnaddiisa ayaa qiimihiisu dhan yahay 170 milyan oo doolar, wuxuuna siday 2,760 konteenar. Markabkan oo lagu magacaabo MSC Aris, isla markaana ku socda calanka dalka Portugal ayaa waxaa iska leh shirkadda Zodiac Shipping oo hore dhowr markab lagaga qabsaday biyaha ku teedsan dalka Iran. Markii la qabtay markabka, Zodiac Shipping wuxuu sheegay in aanay mas’uul ka ahayn markabka, inkastoo uu xidhiidh la leeyahay MSC. Zodiac wuxuu sheegay inay “si buuxda mas’uul uga tahay” xamuulka, shaqaalaha iyo waddada uu qaadayay. Source
  7. Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa shaaciyay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), uu waraaqo rasmi ah u diray Hoggaamiyeyaasha 193ka waddan ee caalamka oo ay ku jirto Israa’iil, kuwaasi oo uu ku booriyay inay si rasmi ah u aqoonsadaan madaxbannaanida JSL. Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA,waxaannu tibaaxay in tallaabadaasi ka turjumayso diblomaasiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee aan leex-leexadka lahayn ee ku wajahan xoojinta masiirka dalka. Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay xaq u leedahay inay iskaashi caalami ah la yeelato dunida, isla markaana ay sii taabogeliso nabada iyo dimuqraaddiyadda dalkeeda. Xuseen Deyr wuxuu xusay in muddo ka badan 30 sannadood ay JSL ka soo dhalaashay adkaynta xasiloonida, nidaamkeeda dawladnimo iyo horusocodkeeda dhaqan dhaqaale, iyadoo is bixisay aqoonsi la’aan oo aan helin taageero shisheeye. Afhayeen Deyr wuxuu bayaamiyay in Qaddiyadda aqoonsiga Somaliland ay tahay mid sharci ah, oo istaraatiji ah oo muujinaya ummad xor ah oo doonaysa inay hantaan mustaqbalkooda isla markaana ay door shariif ah ka qaataan nabadda iyo barwaaqada caalamka. Source
  8. Boosaaso (Wararka PP) — Wasiirkii Hore ee Arrimmaha Dibedda ee Soomaaliya Cabdisiciid Muuse Cali oo maqaal qoray ayaa ku dooday in 2025, diyaarado ay si joogto ah uga duulayeen Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) kaddibna ku hakanayeen Boosaaso iyagoo u sii socda Liibiya iyo Suudaan. Duulimaadyadani ayaa lagu tilmaamay inaysan ahayn safarro ganacsi caadi ah, waxay u ekaayeen waddo qorshaysan oo hub loogu rarayo kooxda RSF ee Suudaan oo lagu eedeeyey inay dhowaan xasuuq ka geysatay Alfasher iyo qeybi ka mid Daafuur. Qaar ka mid ah diyaaradahaas ayaa maray hawada iyo gegi diyaaradeed ku taalla Soomaaliya. “Haddii dawladda Soomaaliya ay siisay oggolaansho duulimaadyadan, taasi waxay muujin kartaa xilkasnimodarro ama ka qaybqaadasho toos ah oo lagu caawinayo ciidan dembiyo ka geysanaya Suudaan, ayuu ku dooday Cabdisiciid. Imaaraadku wuu beeniyay eedaynta. Cabdisiciid wuxuu ku baaqay in dawladda Soomaaliya ay baaritaan samayso si loo ogaado cidda oggolaatay duullimaadyadaas, lana hubiyo dhammaan duullimaadyada xamuulka tan iyo bartamihii 2025. Haddii ay caddaato in Soomaaliya ay kaalin ku leedahay rarista hubka, waxaa soo foodsaari doona cunaqabatayn caalami ah, ciqaab dhaqaale iyo inay wayso kalsoonida caalamka, sida Cabdisiciid ku dooday. © Puntland Post, 2025 The post Wasiirkii hore ee arrimmaha dibedda Soomaaliya oo Boosaaso ku eedeeyey kaalin inay ku leedahay colaadda Suudaan appeared first on Puntland Post.
  9. Nairobi (PP News Desk) — In 2023, Ndindi Nyoro, a Kenyan politician, entrepreneur and Member of Parliament (MP) for Kiharu Constituency, was compelled to delete a tweet expressing support for Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), the commander of the Rapid Support Forces (RSF) in Sudan, who has been accused of massacring civilians in Al-Fashir. “Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), the commander of RSF. We are African and Africa is our business,” tweeted Nyoro. The Kenyan MP deleted the tweet after reports emerged of atrocities committed by the RSF. Supported by the United Arab Emirates (UAE), the RSF is engaged in a war with the Sudanese Armed Forces. The deletion followed a post by Shoba Gatimu, who highlighted Nyoro’s 2023 tweet in a quote on the platform X (formerly Twitter). “Effusive or knee-jerk praise can cost a person his/her career, especially during a conflict. You never know how a leader in a civil war will behave in future, so it’s wiser to hedge your bets,” said a retired economist in Nairobi. © Puntland Post, 2025 The post Kenyan MP Ndindi Nyoro Deletes Tweet Supporting Sudan’s Hemedti appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan la qaatay guddiyada nabadgelyada, horumarka iyo arrimaha bulshada ee gobolka Nugaal. Kulanka ayaa looga hadlay adkeynta amniga iyo horumarinta gobolka Nugaal, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, waxaana ka qaybgalay xubno ka tirsan golaha xukuumadda, la-taliyaha amniga ee madaxweynaha, taliyaha guud ee ciidanka booliska, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garowe. “Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Guddiyada Nabadgelyada, Horumarka iyo Arrimaha bulshada ee Gobolka Nugaal,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, La-taliyaha Amniga ee Madaxweynaha, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, ayaa looga hadlay adkeynta Amniga iyo horumarinta Gobolka Nugaal” ayaa la raaciyay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo la kulmay guddiyo ka jira gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  11. President Hassan Sheikh Mohamud attended the ceremony marking Somalia’s official membership in the East African Community. Garowe (Opinion) — The Federal Republic of Somalia officially joined the East African Community (EAC) on 4 March 2024, becoming the bloc’s eighth partner state at a ceremony held in Arusha, Tanzania. Somalia anticipated that membership in the EAC would contribute both to the bloc’s economic growth and to Somalia’s national development. Integration was expected to enhance key areas such as the customs union, common market, and eventual political federation, which other EAC members already enjoy. For example, Kenya has significantly benefited from EAC integration, positioning itself as a net exporter and dominating intra-regional trade volumes. Kenyan citizens also enjoy the benefits of free movement within EAC countries, traveling with only a national ID card under the bloc’s free movement protocols. Similarly, Uganda has gained from hosting major EAC institutions, including the East African Development Bank (EADB) and the Civil Aviation Safety and Security Oversight Agency (CASSOA). These institutions have contributed to Uganda’s economic development while creating employment opportunities for its citizens. By contrast, Somalia has yet to reap meaningful benefits from EAC membership [due to institutional constraints]. On 10 January 2025, the Daily Nation reported that Kenya has been the primary beneficiary of Somalia’s integration. Kenya recorded a historic trade volume of US$658 million (Sh85 billion) in the quarter to September 2024, compared to only US$154.26 million in exports to Somalia in 2023, according to United Nations COMTRADE. This represents more than a fourfold increase in Kenya’s exports within just one year of Somalia joining the bloc. Advocates of Somalia’s membership had argued that the country would gain access to larger markets and the freedom of movement within the EAC. On 24 November 2024, President Hassan Sheikh Mohamud described Somalia’s integration into the bloc as a “beacon of hope” that would create future opportunities and prosperity. However, the reality has been different. Instead of facilitating free movement, integration has resulted in greater restrictions for Somali citizens. Before joining the EAC, Somali passport holders paid US$100 for a single-entry visa. After integration, the fee increased to US$200, undermining the bloc’s core principle of free mobility. This outcome suggests that the integration has disproportionately benefited other EAC members—particularly Kenya and Uganda—while placing additional burdens on Somali citizens. Concerns over unequal treatment were further reinforced on 13 July 2025, when Kenya announced the removal of visa requirements for all African nations, granting free stays of up to two months—with the exceptions of Somalia and Libya. Given that EAC partner states are entitled to a six-month stay under existing free movement protocols, this decision has been viewed as evidence that Kenya, the bloc’s leading member, has promoted Somalia’s entry into the EAC primarily to advance its own national interests rather than fostering balanced regional integration. Sharmarke Abdullahi Ali Director of Capital Care Business consultant Corporation Eamil: sharma@capitalcare.so © Puntland Post, 2025 The post Somalia’s Entry into the East African Community: Gains and Setbacks appeared first on Puntland Post.
  12. Su’aalaha Itoobiya ee ku saabsan in ay hesho marin-badeed ayaa shaki galiyay aqoonsigeeda madax-bannaanida Eritrea. Bayaan ka soo baxay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya oo waqtiyo kala duwan soo baxay ayaa cadho xooggan ka dhex abuuray shacabka Eritrea. Jawaabta madaxda Eritrea ayaa muujineysa in hadalka Itoobiya uu yahay mid weerar ku ah madax banaanida Eritrea. Madaxda sare ee dowladda labadii sano ee la soo dhaafay, oo uu ku jiro ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa tilmaamay in qaabka go’aanka dekedd ay ku helayaan uu yahay mid aan caddayn. Waxay sidoo kale soo jeedinayaan in go’aanka ‘la saxo’ maadaama xilligii ay Eritrea qaadanaysay xornnimada ay Itoobiya ku jirtay ‘dowlad ku-meel-gaadhka Source
  13. Garowe (Wararka PP) — Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka golaha wasiirrada. Shirka golaha wasiirrada Puntland ayaa todobaadkan looga hadlay amniga guud, tayeynta booliska, hawlgalka ciribtirka argagixisada iyo dib-u-dejinta & xasilinta deegaannada hawlgalku ka dhacay ee Calmiskaad. Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay dardargelinta dimuqraadiyadda iyo dhameysyirka shuruucda doorashooyinka, arrimaha shaqaalaha iyo daryeelka naafada Puntland. Golaha ayaa boggaadiyay todobaadka dalxiiska Puntland, oo sanadka lagu qabtay gobolka Bari, kaasi oo shalay ka bilowmay deegaan dal-xiiseedka Mareero ee duleedka Boosaaso. Golaha ayaa warbixin ka dhegaystay, wasaaradaha cadaaladda, arrimaha gudaha, amniga, caafimaadka, xanaaannada xoolaha, deegaanka iyo gargaarka & mareeynta masiibooyinka. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirrada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  14. Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ku meelmariyey xeerka qoondada miisaaniyadda 2026. Shirka golaha oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale lagu ansixiyay heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Uganda, kaas oo ku saabsan iskaashiga socdaalka. Sidoo kale Golaha ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Qatar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha amniga iyo la-dagaallanka dambiyada. Dhanka kale shirka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka, iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabka-sida ka gaarayaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Golaha wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo lala galay Qatar iyo Uganda appeared first on Puntland Post.
  15. Asmara (Wararka PP) — Madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Masar, halkaas oo uu ku joogi doono booqasho qaadan doonta shan maalmood, kadib markii uu martiqaad ka helay Madaxweynaha Masar Abdel Fatah Al-Sisi. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona sii wanaajinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee muhiimka u ah labada dal. Madaxweyne Isaias iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale ka qeybgali doona 1-da Noofeember munaasabadda furitaanka Madxafka Weyn ee Masar. Wafdiga Madaxweynaha Ereteriya waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda, Cismaan Saalax. Safarka uu madaxweyne Isaias Afwerki ku aaday dalka Masar ayaa ku soo aaday, xilli ay jirto xiisad u dhexeysa dalkiisa Ereteriya iyo Itoobiya. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa talaadadii farriin adag u diray dalka Ereteriya, wuxuuna mar kale ku celiyay in aanay Itoobiya wax qorshe ah ka lahayn dagaal dhex mara iyaga iyo Ereteriya. Abiya wuxuu ugu baaqay Ereteriya in aysan noqonin wax uu ku sheegay ‘xabbad-gudbiyayaal’ ee ay noqdaan dal, isagoo intaas ku daray in aysan Itoobiya dagaal waqti u hayn oo ay ka shaqaynayso mashaariic balaayiin doolar ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Ereteriya oo u safray Masar appeared first on Puntland Post.
  16. Magaalada Carta ee dalka Jabuuti waxaa maanta ka dhacaysa munaasabad weyn oo lagu xusayo shirkii Soomaalida ee Carta, kaas oo hadda laga joogo rubuc qarni. Munaasabada oo ay soo qabanqaabisay dowladda Jabuuti waxaa ka qaybgalaya madaxda dowladda Soomaaliya, madaxdii hore ee dalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galinkii dambe gaaray Jubuuti, si uu uga qaybgalo munaasabadaas. Sidoo kale madaxdii hore ee dalka oo qaarkood hadda mucaarid yihiin iyo madax dhaqameed badan ayaa labadii maalin ee u dambeeyay gaaray dalkaas. Shirkii Carta ee 2000 waxaa lagu dhisay dowladdii kumeelgaarka oo uu hoggaaminayay madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, taas oo ahayd dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah loo aqoonsado tan iyo 1991-dii. PUNTLAND POST The post Munaasabad kulminaysa muxaafidka iyo muraacidka Soomaaliya oo ka dhacaysa Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  17. David Anderson oo ah Qareen Australian–American ah ayaa warbixin uu ku qoray warbaahinta caalamiga ah uu ku sheegay in maamulka Trump uu qorsheynayo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo beddeli karta mustaqbalka Geeska Afrika. Anderson wuxuu xusay in Somaliland ahaan jirtay maxmiyad Ingiriisku xukumi jiray, ay si nabadgelyo ah isu bixisay, iskuna maamulaysay tan iyo markii ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya 199kii. Wuxuu ku ammaanay in Somaliland ay hirgelisay doorashooyin xor ah, dawladnimo rayid ah, iyo ammaan la isku halleyn karo, taasoo ka dhigaysa tusaale lagaga daydo mandaqada ay ku taallo. David Anderson wuxuu warbixintiisa oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, ku sharraxay in aqoonsiga Mareykanku uu u furi doono Jamhuuriyadda Somaliland maalgelin, iskaashi amni iyo fursado ganacsi. Waxa kaloo uu intaas ku daray in Somaliland ay kasban doonto saaxiibtinimada iyo xidhiidhada dunida reer gslbeedka. Anderson wuxuu ugu dambeyn tilmaamay in Somaliland ay haysato fursad ay kaga baxdo aqoonsi la’aanta siyaasadeed, isla markaana ay noqon doonto dal xasilloon oo horumaraya, halka Soomaaliya ay weli la daalaa-dhacayso qalalaase, argagixiso iyo dowlad la’aan. Source
  18. AQOONSIGII S/LAND WUXUU MARAYAA HALKII U DANBAYSAY. Aqoonsigii Somaliland oo si habsami ah uga socday carriga Maraykanka ayaa bilaha soo socda noqon doona mid si toos ah dawlado badan oo caalamka ahi ay ku dhawaaqaan kaas oo isbeddel weyn ku soo kordhin doona geeska afrika gaar ahaan shanta soomaaliya. Daraasad dheer oo ay aduunyadu samaysay waxa lagu ogaaday aqoonsiga Somaliland inuu nabad Soomaalida dhexdeeda ah uu keeni doono’ waayo dadka reer Somaliland waxay khibrad dheeraad ah iyo waayo aragnimo ku haystaan dib u heshiisiinta iyo xallinta dhibaatooyinka qabaa’ilka ee aan weli xalka looga helin Somaliya. Daraasad ay sameeyeen khubaro ku xeel dheel khilaafaadku waxay dawladda Maraykanka iyo caalamkaba ku adkeeyeen in la aqoonsado Somaliland si aanay amnidarradu ugu soo fidhin badda cas iyo geeskaba. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  19. Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Alshabaab, Jabsatay. Khatar ta Dijitaal ka iyo Al-Shabaab Warbixin cusub oo ku saabsan Cilad ku timi E-Visa ha somalia ayaa daaha ka rogtay xaaladda amni ee halista ah ee ku jirta nidaamyada dijitaalka ah ee meelaha aan xaaladooda amni deganayn, . Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya ayaa lagu ogaaday cilad amni oo aad u halis ah, taas oo fursad u siisay kooxaha argagixisada Al-Shabaab in ay si Fudud ku heshay xogtii keydka ee Ajahanibka Somalia gala iyo koo ka baxa, Alshabaab waxay si fudud ku helaan xogta shakhsiyeed ee muwaadiniinta iyo shisheeye ee dalbaday fiisaha Soomaaliya. Warka Cilladan, oo uu helay koox amni oo uu hogaaminayo Abdi Daud, khabiir dhanka dhismaha nidaamyada tignoolajiyadda ah, waxay ku jirtaa qaybta xaqiijinta ee nidaamka E-Visa oo aan lahayn wax ilaalin ah: ma jiro aqoonsi, oggolaansho, ama xaddidid tirada la gelayo (rate limit). Taas macnaheedu waa in qof kasta oo leh isku xidh internet ah uu gali karo xogta fiisayaasha shisheeyaha — xaalad ka dhigaysa nidaam dowladeed mid halis ugu jira inuu noqdo il xogeed oo argagixiso. Somaliland Chronicle ayaa si madax-bannaan u xaqiijisay jiritaanka iyo halista cilladan. Mr. Daud ayaa sheegay in tani aysan ahayn jabsasho farsamo adag, balse ay tahay dayacaad aasaasi ah oo ku jirta dhismaha nidaamka. “Cilladdu waa mid aad u fudud, waxayna qof walba yaab gelinaysa,” ayuu yidhi Daud. “Tani ma aha jabsasho; ee waa habka tiring xogta, Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya wuxuu la mid yahay in qof walba fiisihiisa lagu tiriyo bog internet ah oo furan. Qof kasta wuu beddeli karaa lambarka fiisaha si uu u arko xogta qofka xiga, oo ay ku jiraan sawirkiisa iyo faahfaahinta baasaboorkiisa. 30 daqiiqo gudahood waxaan helay diiwaanno badan anigoo adeegsanaya barnaamij aan qoray 10 daqiiqo gudaheed.” Cawaaqib xumada ka dhalatay arrintan waa kuwo horseedi kara Beegsasho toos ah oo ay samayso Al-Shabaab, oo caan ku ah awoodda sirdoon ee ay leedahay iyo weerarrada ay ku qaaddo ajaanibta, hadda waxay si fudud uga faa’iidaysan kartaa xogtan si ay u beegsato shaqaalaha safaaradaha, ururrada caalamiga ah, iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay. Taasi waxay u dhigantaa in nidaam dowladeed lagu dhiibay koox argagixiso ah liiska dhammaan ajaanibta booqanaya Soomaaliya — oo leh sawirradooda iyo xogtooda baasaboorka. Dayacaadani waxay muujinaysaa in aan la raacin xeerarka aasaasiga ah ee amniga dijitaalka. Nidaamkan ayaa gebi ahaanba ka madhan tixgelin amni, inkasta oo uu maamulo xog aad u xasaasi ah oo khuseysa socdaalka caalamiga ah ee meel colaado ka jiraan. Halistu kuma koobna argagixisada oo keliya; waxay gaadhaysaa xatooyada aqoonsiga, basaaska, iyo beegsiga kooxo nugul sida carruurta iyo mucaaradka siyaasadeed. Arrintani waxay sidoo kale jebinaysaa heshiisyo caalami ah oo dhowr ah, sida Xeerka Xuquuqda Aadamiga ee Caalamiga ah iyo Axdiga Afrikaanka ah ee Xuquuqda Aadamaha iyo Shacabka. Muwaadiniinta Midowga Yurub, arrintan waxay si cad uga hor imanayso xeerka GDPR, halka ay sidoo kale ka hor imanayso siyaasadda amniga qaranka ee Maraykanka (Executive Order 14117). Ugu dambayn, fashilkan dijitaalka ahi wuxuu astaan u yahay fashilka joogtada ah ee dowladnimada Soomaaliya. Qoraal hore oo Aqalka Cad ee Maraykanka ah ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya “aanay lahayn awood ay ku maamusho dhulkeeda.” Nidaamka E-Visa ee fashilmay ayaa noqday muuqaal dijitaal ah oo ka tarjumaya isla xaaladdaas, isagoo muujinaya dayacaad amni oo halis ku ah qof kasta oo safar ku tagaya halkaas. Mr. Daud wuxuu baaq toos ah u diray dawladaha: “Dal kasta oo muwaadiniintiisu xogtoodu furan tahay waa inuu ku qasbaa Soomaaliya inay isla markiiba joojiso nidaamkan. Shirkadaha martigelinta iyo bixiya adeegyada lacag bixinta waa in ay isla markiiba ka baxaan nidaamkan khatarta ah. Ma jiro qandaraas ama faa’iido dhaqaale oo u qalma halisdan.” Waxaa lagu boorinayaa dalxiisayaasha iyo hay’adaha caalamiga ah in aanay gabi ahaanba isticmaalin nidaamkan E-Visa ilaa xaaladda si buuxda loo saxo. Arrintani waa fashil dowladeed oo leh natiijooyin naf-go’an. Qaran News
  20. Gudoomiyaha gobalka Bari Cabdirisaaq Siciid Shaahdoon ayaa ka hadlay rag lagu xiray magaalada Boosaaso iyo kuwa kale oo lagu raad-joogo, kuwaas oo ku eedeysan dambiyo kala duwan. Guddoomiye Shaahdoon ayaa sheegay in ay xireen rag xirtay wadada halbowlaha ah ee isku xirta Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland, kuwaas oo uu tilmaamay in ay sheegteen qaadwadayaal, hase ahaatee aysan jirin wax ruqsad ah oo ay haystaan. Guddoomiyaha ayaa xusay in ragaas xiran sharciga la marin doona oo maxkamad la horgeyn doono. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ku daba jiraan dadka la shaqeeya Daacish iyo Al-shaab, kuwaas oo dhowr jeer cafis loo firiyay , hase ahaatee ka dhaga adaygay oo weli la shaqaynaya kooxaas. Guddoomiye Shaahdoon ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan rag ganacsato waaweyn ah oo ka ganacsada hubka, kuwaas oo uu sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan. Hoos ka daawo hadalka guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Puntland oo ka hadashay rag Boosaaso lagu xiray iyo kuwa lagu raad-joogo appeared first on Puntland Post.
  21. Micheal Crow: “Jaamacadaha si xeeladaysan u adeegsada Garashada Sancaysan waxay noqon doonaan kuwa hoggaamiya mustaqbalka tacliinta sare.” Minnesota (Wararka PP) — Isbeddel weyn ayaa ka socda jaamacadaha adeegsiga Garashada Sancaysan (Artificial Intelligence) awgiis. Guddoomiyaha Jaamacadda Gobolka Arizona (ASU) Micheal Crow ayaa sheegay in Garashada Sancaysan (AI) ay noqotay wax saamayn badan ku leh tacliinta sare iyo qiimeynta ardayda. Barnaamijyada ay Garashada Sancaysan ku salaysan tahay waxay u oggolaanayaan ardayda inay si degdeg ah wax u baran karaan, u heli karaan jawaab-celin, iyo in barashadooda lagu saleeyo baahidooda gaarka ah. Arrintani waxay beddeli doontaa habkii hore oo uu hal bare wax u bari jiray arday badan. “Barayaashu wax ma bari doonaan oo keliya ardayda, waxay kale oo ku hagayaan ardayda habab arday kasta uu si gaar ah wax ugu baranayo” ayuu yiri Micheal Crow. Jaamacadaha waxaa soo foodsaaraya caqabado ay ka mid yihiin: dib-u-habeynta manhajka, tababbarka barayaasha iyo dhowrista in si anshax leh loo adeegsado Garashada Sancaysan. Micheal Crow wuxuu Intaas ku daray in jaamacadaha si xeeladaysan u adeegsada Garashada Sancaysan ay noqon doonaan kuwa hoggaamiya mustaqbalka waxbarashada, halka kuwa diida adeegsiga Garashada Sancaysan noqon doonaan kuwo dib u dhici doona, hase ahaatee guusha laga gaaro u adeegsiga Garashada Sancaysan tacliinta sare “waxay ku xiran tahay sida habboon oo loo fuliyo loona dhowro kaalinta aadanuhu ku leeyahay waxbarashada” ayuu yiri Micheal Crow. © Puntland Post, 2025 The post Sida jaamacaduhu dib ugu qeexayaan wax ku barashada Garashada Sancaysan appeared first on Puntland Post.
  22. Su’aalaha Itoobiya ee ku aaddan in ay hesho marin-badeed ayaa shaki galiyay aqoonsigeeda madax-bannaanida Eritrea. Bayaan ka soo baxay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya oo waqtiyo kala duwan soo baxay ayaa caro xooggan ka dhex abuuray shacabka Eritrea. Jawaabta madaxda Eritrea ayaa muujineysa in hadalka Itoobiya uu yahay mid weerar ku ah madax banaanida Eritrea. Madaxda sare ee dowladda labadii sano ee la soo dhaafay, oo uu ku jiro ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa tilmaamay in qaabka go’aanka dekedd ay ku helayaan uu yahay mid aan caddayn. Waxay sidoo kale soo jeedinayaan in go’aanka ‘la saxo’ maadaama xilligii ay Eritrea qaadanaysay xornnimada ay itoobiya ak jirtay ‘dowlad ku-meel-gaarka’. Goormaa iyo sidee ayaa loogu dhawaaqay madax-banaanida Eritrea? Goormaa iyo qaabkee ayay Itoobiya u aqoonsatay madax-bannaanida Eritrea? Ma ka noqon kartaa Itoobiya aqoonsigeeda? Maxaa ka dhalan kara? Sharciyada iyo heshiisyada caalamiga ah iyo khubarada xiriirka caalamiga ah maxay arrintan ka yiraahdeen? Ku dhawaaqidda madaxbanaanida qaranka Eritrea Eritrea waxay xornimada qaadatay dabayaaqadii May 1991 ka dib in ka badan 30 sano oo halgan hubaysan ay kula jirtay Itoobiya. Laakin ma aysan dooran in si degdeg ah loogu dhawaaqo madax-banaani qaran si uu u helo aqbalaad caalami ah. Taa bedelkeeda, golaha dhexe ee xisbigu wuxuu go’aansaday in la qabto afti ay kormeerayaan Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale. Xisbiga Halganka Hubaysan ee Jabhadda Xoraynta Ereteriya ayaa tan iyo dabayaaqadii 1970-aadkii wadahadallo qarsoodi ah kula jiray taliskii Dergiga si ay si nabad ah dagaalka ugu soo afjaraan. Qaar ka mid ah wadahadalada waxaa ay ka dhaceen waddamo ay ka mid yihiin Gariiga, Rome iyo Jarmalka. Sanadkii 1980-kii, fikradda ah in afti loo qaado dadka si ay aayahooda uga tashadaan ayaa markii ugu horreysay la soo jeediyay. Si kastaba ha ahaatee, taasi may aqbalin dawladdii Dergiga, dagaalkuna wuu socday ilaa dawladdii Dargi lagaga adkaaday Ereteriya iyo Itoobiya. Ka dib markii jabhaddii xoreynta Eritrea ay qabsadeen Casmara 24 May , TPLF oo hogaaminaysay xooggagii EPRDF forces ayaa sidoo kale la wareegay also took control of the capital, Caasimadda. Taariikhdu markii ay ahayd 29 May, Jabhadda Xoraynta Ereteriya waxay ku dhawaaqday inay dhistay dawlad, halka EPRDF ay dhistay dawlad ku meel gaar ah oo ka kooban xisbiyo badan shirweynihii nabadda iyo dimuqraadiyadda ee horaantii SePtember la qabtay. Shirweynihii Nabadda iyo Dimuqraadiyadda ee qabsoomay intii u dhaxaysay 1-dii ilaa 5-tii November 1991-kii, waxaa ka qayb-galay wafdi uu hoggaaminayo Xoghayihii Guud ee Xisbiga ee Dawladdii Ku-meel-gaarka ahayd ee Ereteriya ee xilligaasi jirtay iyo Madaxweynaha hadda talada haya ee Isayas Afewerki, waxayna isku raaceen in la qabto afti dadweyne oo ku aaddan aayo-ka-tashigooda. Shirka ka dib, Madaxweynihii hore ee Dawladii Kumeel gaarka ah ee Itoobiya, Meles Zenawi, waxa uu ka codsaday Qaramada Midoobay inay tixgeliso aftida la qabanayo 13-ka December. Warqad uu Isayas u diray xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Bohutros Bohutros Qaali oo ku taariikhaysan November 25, 1991, ayuu Isayas si cad ah ugu casuumay xisbiga inay ka qaybgalaan aftida Eritrea. Bishii April 1992, Dawladdii Kumeel gaarka ahayd waxay soo saartay go’aan ay ku dhisayso guddi afti oo diyaariya qabashada aftida. Bishii May 1992, wafdi ka socday Qaramada Midoobay ayaa booqasho ku tagay Casmara, waxayna wadahadal la yeesheen guddiga. Sidaas awgeed, waxaa si rasmi ah loo aasaasay howlgalka Qaramada Midoobay ee Kormeerka (UNOVER). Hannaanka codbixinta ee la qabtay intii u dhaxaysay 23 ilaa 25kii April 1993-kii oo ay hoos imanayeen Qaramada Midoobay (UNOVER), 99.8% codbixiyayaashu waxay ‘haa’ ugu codeeyeen madax-bannaanida dalka, guddiga aftida ayaa ku dhawaaqay. Xulashooyinka la soo bandhigay waxay ahaayeen ‘haa’ ama ‘maya’ si ay Eritrea u noqoto waddan madaxbannaan. Samiir Sambar oo u dhashay Lubnaan, oo ahaa wakiilka xoghayaha guud, ahaana madaxii hore ee kooxda kormeerayaasha Qaramada Midoobay, ayaa ku dhawaaqay aftida mid xor ah oo xalaal ah, waxaanu maalintaa caalamka u sheegay inuu ku qancay natiijada. Kooxdii kormeerayaashii ka socday Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku dhawaaqay hannaanka aftida inuu ahaa “xor iyo xalaal” Kadib markii lagu dhawaaqay natiijadii aftida, xoghayaha guud ee dawladda ku meel gaarka ah, Isayas Afewerki, wuxuu soo saaray bayaan 27-kii April, 1993-kii, isagoo ku dhawaaqay in Eritrea ay tahay dal madax-bannaan laga bilaabo taariikhdaas. “Inkasta oo loo qorsheeyay in madax-banaanida si rasmi ah loogu dhawaaqo May 24, 1993, laga bilaabo taariikhdaas Eritrea waxay noqotay dal madax-bannaan oo ay ku adkaysanaya madax-bannaanideeda,” ayuu yiri. Hannaankii ay caalamka ku aqoonsadeen Eritrea Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa madax-banaanida Eritrea ku tilmaamay mid nabad iyo rajo ka dhalinaysa gobolka. Xigashada Sawirka,Getty Images 12kii March 1993, dawladda ku meel gaarka ahayd ee Eritrea waxay warqad u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo ka codsanaysa in Eritrea xubin ka noqoto Ururka. “Waxaan codsaneynaa inaan xubin ka noqonno Qaramada Midoobay annagoo ka wakiil ah Eritrea,” Isayas ayaa sidaasi ku yiri su’aal la weydiiyay Butrus Qaali. Dhanka kale, xornimada qaran ee Eritrea ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay 24 May, 1993 iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax ka socotay dalalka deriska ah oo uu ka mid ahaa madaxweynihii Itoobiya Mallas Zeenaawi. Maalintaas oo keliya, dhowr waddan oo adduunka ah ayaa bilaabay inay ku dhawaaqaan inay Eritrea u aqoonsan doonaan dal. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in madax-banaanida Eritrea ay “gobolka u gogol xaareyso xilli rajo leh”. “Eritrea, iyagoo ah dad madax-bannaan, waxay muujiyeen naf-hurnimo weyn si ay u go’aamiyaan mustaqbalka dalkooda, hadafkaas hadda waa la gaaray.””Maanta waa isbedel taariikhi ah Eritrea iyo guud ahaan bariga Afrika. “Natiijooyinka aftida kaliya ma furin rabitaanka dadka Eritrea ee ah inay helaan madaxbannaani, laakiin sidoo kale waxay fureen xilli cusub oo fursadaha xorriyadda iyo nabadda, shaqo adag iyo go’aan qaadasho, nolol wanaagsan, horumar waara iyo xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadaha,” ayuu yiri. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray Qaraar tirsigiisu ahaa 828(1993) May 26, 1993, iyada oo Eritrea ku aqbalay inay xubin ka noqdaan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. “Golaha amaanka waxa uu go’aan ku gaaray in loo gudbiyo golaha loo dhan yahay in Eritrea ay xubin ka noqoto Qaramada Midoobay, aniga oo ku hadlaya magaca xubnaha golaha amaanka waxaan jeclaan lahaa in aan ugu hambalyeeyo Eritrea guushan taariikhiga ah” ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey. Golaha loo dhan yahay, ayaa isna shirkiisii ​​28-kii May 1993-kii, wuxuu go’aansaday “si wada jir ah” in Eritrea loo ogolaado Qarammada Midoobay iyadoo loo cuskanayo qaraarka Golaha Ammaanka iyo codsiga Eritrea. Goorma iyo sidee ayay Itoobiya u aqoonsatay Eritrea? madaxwaynaha EritreaXigashada Sawirka,Getty Images Itoobiya ayaa si rasmi ah u aqoonsatay madax banaanida Eritrea laba maalmood kadib markii lagu dhawaaqay natiijada aftida. 29-kii April, Golaha Wakiilada Dadweynaha ee Itoobiya ayaa xaqiijiyay natiijada aftida “in ay xor iyo xalaal u yihiin kormeerayaasha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika iyo sidoo kale xubnaha kale ee beesha caalamka.” Wafdi ka socda madaxda sare ee Itoobiya ayaa u safray Eritrea si ay u kormeeraan aftida, waxayna xaqiijiyeen in habka codeynta uu ahaa mid xor iyo xalaal ah. Sidaa awgeed, bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya 4 May , 1993, “Xukuumadda ku meel gaarka ah ee Itoobiya waxay doonaysaa inay ku wargeliso beesha caalamka in Itoobiya ay aqoonsan tahay oo ay u aqoonsan tahay Ereteriya dal madaxbannaan. Males Zenawi oo ku hadlayay magaca Itoobiya oo ka qayb galayay xafladii lagu daah furayay madaxbanaanida Eritrea 24 May 1993, ayaa mar kale xaqiijiyay inuu aqoonsaday madax banaanida Eritrea, wuxuuna hambalyo u diray shacabka Eritrea. ayaa su’aal galiyay aqoonsiga Eritrea ee madax-banaanideeda. Saraakiisha ayaa sidoo kale ku andacoonaya in Itoobiya ay leedahay xuquuqda inay deked hesho maadaama ay juquraafi ahaan u dhowdahay badda cas. Waxa kale uu ak shanqariyay dekedda Casaab ee ay itoobiya “maamuli jirtay” xilligii dawladdii Dergiga, ay dawladdii ku meel gaarka ahayd ee Itoobiya ka dhigtay qayb ka mid ah Eritrea horaantii sagaashamaadkii. Xukuumadda Eritrea ayaa bishii hore ka jawaabtay iyadoo ku doodday in madax-bannaanida Eritrea lagu xaqiijiyay aftidii 1993-kii ee lagu saleeyay sharciga caalamiga ah iyo in afti ay Qaramada Midoobay kor-joogto ka ahayd, taasoo in ka badan 99 boqolkiiba dadka Eritrea u codeeyeen madaxbannaani ay ahayd mid sharci ah. waxa kale oo uu ku salaysnaa xuduudihii gumaystaha ee ay ku heshiiyeen talisyadii Talyaanigu, oo ay Itoobiya ka xigto koonfurta, galbeed iyo waqooyina ay ka xigto, Faransiiskana cirifka koonfureed. Sida laga soo xigtay Visoka, waxaa jiray kiisas taariikhda waddamo aqoonsiga madax-bannaanida laga noqday ama laalay. “dib uga laabashada aqoonsiga waxay inta badan sabab u tahay arrimo juqraafiyeed iyo mid dhaqaale oo aanay la socon ixtiraamka shuruucda iyo dhaqanka caalamiga ah.” Si kastaba ha ahaatee, saamaynta ka qaadista ama ka noqoshada aqoonsiga [madaxbanaanida] waxay keeni kartaa cawaaqib xumo, cadaawada labada dhinac iyo xulafada labada dal. Visoka ayaa sidoo kale sheegay in joojinta aqoonsiga ay horseedi karto xasillooni darro gobolka iyo gacan ka hadal ah oo u dhexeeya dalalka awoodda leh. “Sidaas darteed, ka-noqoshada aqoonsiga [madax-banaanida iyo madax-bannaanida dalka, waxaa guud ahaan loo arki karaa xasillooni-darro iyo mid d diblomaasiyada ka so horjeedda.” Marka la eego, aqoonsiga Itoobiya ee 1993-kii ee dawladda Ku-meel-gaarka ah waxay noqon kartaa “mid aan laga noqon karin,” ayuu yiri Visokan. Sidaa darteed, “Itoobiya ka laabashada aqoonsiga Eritrea waa mid aan sal lahayn. “Intaa waxaa dheer, maadaama Eritrea ay xubin buuxda ka tahay Qaramada Midoobay, ka bixitaanka Itoobiya ee aqoonsiga waxaa laga yaabaa inuu faa’iido amni u keeno labada dal laakiin ma wiiqi doono mowqifka caalamiga ah ee Eritrea iyo maqaamkeeda dal madax-bannaan,” ayuu yiri. Ilaa hadda, Itoobiya ma aysan sheegin inay doonayso inay si cad u aqoonsato madax-bannaanida Eritrea iyo in kale. Arrinkan, diblumaasiyadda sii wiiqmeysa ee Eritrea iyo duullaanka Ruushka ee Ukraine, ayaa waxay walaac ku noqdeen dad badan oo Eriteriyaan ah. Ku guuldaraysiga Eritrea ee ah in ay aqoonsatoa Falastiin ayaa sidoo kale isha lagu hayaa Source bbcsomali Qaran News
  23. Warbaahinta caalamiga ah ayaa todobaadyadii u dambeeyay si weyn uga faalloonayay isbeddelka muuqda ee ku yimid aragtida siyaasadda dawladda Maraykanka ee Geeska Afrika. Warbixinadani waxay si cad u iftiimiyeen danaha sii kordhaya ee ay Washington ka leedahay Somaliland, oo ah dal istiraatiiji ah kuna yaalla marin-biyood muhiim ah sida Gacanka Cadmeed, Badda Cas, iyo marinada ganacsi ee caalamka. Sidoo kale, waxay tilmaameen in Dekedda Berbera, oo ah marin xeebeed istiraatiiji ah oo ku yaalla Jamhuuriyadda Somaliland, ay noqotay meel si weyn u soo jiidatay indhaha quwadaha waaweyn ee caalamka, gaar ahaan dawaladda Maraykanka. Waxay tilmaameen in Dekeddani ay noqotay bartilmaameed muhiim ah oo ay si weyn u danaynayso Washington, maadaama ay tahay xarun leh qiime juquraafyadeed oo muhiim ah isla markaana bixisa fursado ballaadhan oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo tartanka awoodaha caalamiga ah. Doodaha iyo falanqaynta sii kordhaya ee warbaahinta caalamka ayaa muujinaya xaqiiqo aan la dafiri karin: dedaaladii iyo taageeradii siyaasadeed ee Maraykanku muddada dheer siinayay dowladda Muqdisho ayaa fashilmay. Warbixinadani waxay sidoo kale tilmaameen in si karta oo taageero kasta oo ballaadhan loogu bixiyay la dagaallanka argagixisada, haddana aan lagu guulaysan in xataa Muqdisho lagu soo dabaalo amni iyo xasillooni siyaasadeed. Sidaas darteed, Warbaahinta dunida ee arrimahani falaqaynta ka sameeyay waxay tilmaameen in Washington ay si muuqata dib u u eegis ugu samaynayso istaraatijiyaddeeda siyaasadeed ee Geeska Afrika, iyadoo raadinaysa aragti cusub oo ku wajahan guud ahaan Mandaqada. Iyada oo isbeddelkan diblumaasiyadeed uu Somaliland siinayo boos cusub iyo fursad taariikhi ah. Xukuumadda xilka haysa ayaa dhinaceeda qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo dadaallada ictiraaf raadinta, iyadoo adeegsanaysa xeelad diblomaasiyadeed oo taxaddar leh, dulqaad siyaasadeed, iyo hannaan sharci oo ku dhisan nidaam iyo geeddi-socod diblumaasiyadeed. Dhanka kale, Maraykanku wuxuu muujiyay xiise iyo tixgelin cusub oo ku saabsan doorka Somaliland ee amniga gobolka. Somaliland-na waxay si cad u muujisay in ay tahay saaxiib lagu kalsoonaan karo, oo iskaashigeedu aanu ahayn “fursad ku-meel-gaadh ah,” balse ay tahay tahay dal istiraatiji ah, isla markaana ah lama-huraan mudan in la aaminao Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Diblumaasi ah, waxay si xeeladaysan uga faa’iidaysatay fursadaha siyaasadeed ee caalamiga ah, sidoo kalena waxay si qoto-dheer u iib gaysay Nabadda gudaha, xasilloonida siyaasadeed, iyo muhiimadda istiraatijiga ah ee dalka, taas oo ka dhigtay goob ay si weyn u daneeyaan quwadaha caalamku. Gabagabo Maanta, indhaha quwadasha caalamku waxay si toos ah u hayaan muhiimadda juquraafiyadeed ee Somaliland iyo marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Berbera, kaas oo ay dunidu u aragto furaha mustaqbalka amniga Badda Cas iyo ganacsiga caalamiga ah. Ahmed Saleebaan Qaran News
  24. 𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Fadhigii 39-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 39-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa ka mid ahaa: 𝟏. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada siiyey warbixin guud oo ku saabsan xaaladda amniga dalka, isaga oo xusay in amnigu guud ee dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah nooc kasta oo ay tahayba oo ka jira Dalka JSL, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhex dhaca Bulshada. Dhinaca kale, Wasiir Cabdalle waxa uu sheegay in guud ahaanba 6-da Gobol ee Dalka JSL ay ka jirto deggenaansho siyaasadeed oo buuxda. 𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐥𝐠𝐚𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐂𝐞𝐞𝐫𝐢𝐠𝐚𝐚𝐛𝐨: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab). Wasiirka oo ka mid ahaa Guddidii Gudaha Wasiirrada ee Madaxweynuhu u diray arrinta Gogosha Nabadda ee Ceerigaabo, ayaa si qoto dheer uga xog warramay heerarka kala duwan ee ay Gogosha nabaddu soo martay, carqaladaha ay la kulmeen iyo qaabka ay uga gudbeen, hannaanka ay isula jaan-qaadeen Xubnihii ka socday Xukuumadda, Xildhibaanada Qaranka, Guddida Nabadda iyo Xubnihii uu soo xulay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. Wasiir Cismaan Afgaab waxa kale oo uu Golaha uga xog warramay kulammadii ballaadhnaa ee ay la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag, isaga oo hoosta ka xarriiqay sidii milgaha lahayd ee guud ahaanba Haldoorka, Waayeelka, Aqoonyahanka, Hoggaanka Dhaqanka, Waxgaradka, Haweenka iyo Dhallinyarada ay uga qayb qaateen Nabadda iyo walaalaynta bulshada wada degta Ceerigaabo. Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay in Guddi ahaan ay soo gudbin doonaan Warbixin qoto dheer iyo talo-bixin la xidhiidha qaabka ugu habboon iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si loo adkeeyo nabadda iyo wadajirka bulshada Gobolka Sanaag. 𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaarada Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha JSL, Mudane Siciid Maxamed Buraale. Wasiirku waxa uu Golaha siiyey warbixin guud oo la xidhiidha qabashada Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Somaliland, oo 02 ilaa 03 November, 2025-ka lagu qaban doono Caasimadda Hargeysa. Wasiirku waxa uu Golaha u sharaxay ujeedooyinka, muhiimadda iyo qorshaha guud ee laga leeyahay Shirweynaha, isaga oo tilmaamay in arrintani ay tahay fursad muhiim ah oo lagu soo bandhigayo khayraadka dalka iyo fursadaha maalgashi ee laga heli karo Somaliland; kuwaasi oo la doonayo in ay soo jiitaan maalgashadeyaasha gudaha iyo dibedda. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu xusay in Shirweynuhu diiradda saari doono Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Warshadaha gudaha, khayraadka dabiiciga ah sida Macdant, Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga iyo suuq-geynta fursadaha ganacsi ee yaalla Somaliland, si loo kobciyo dhaqaalaha qaranka loona abuuro shaqooyin badan oo dhalinyarada ah. 𝟒. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐓𝐞𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐚𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland, Mudane Jamaal Maxamed Jaamac. Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada siiyey warbixin kooban oo ku saabsan hab-sami u-socodka Carwada Teknoolajiyadda Somaliland, taas oo si guul leh uga socota caasimadda Hargeysa. Wasiirku waxa uu sheegay in Carwadu ay si habsami leh u socoto, isla markaana ay qayb ka yihiin dhammaan daneeyayaasha Teknoolajiyadda, Jaamacadaha dalka, Shirkadaha ICT-ga ee dalka, Hay’adaha Dawladda, Ganacsatada iyo Dhalinyarada hal-abuurka leh, kuwaasi oo soo bandhigay horumarka iyo hal-abuurrada dhinaca teknoolajiyadda ee dalka ka jira. Wasiirku waxa uu xusay in tartankii dhallinyarada ee xagga hal-abuurka tiknoolajiyadda casriga ah uu si wanaagsan u socdo, cidda ku guulaysata kaalinta koowaad-na la siin doono Abaal-Marin Madaxweyne oo uu guddoonsiin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. 𝟓. 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐛𝐲𝐨-𝐪𝐨𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 (𝐐𝐚𝐲𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟏-𝐚𝐚𝐝): Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax: Wasiirku waxa uu Golaha Wasiiradda siiyey warbixin guud iyo muuqaal guud oo la xidhiidha sababta loo curiyey Siyaasadda Dhallinyarada ee hortooda taalla. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Curinta Siyaasadda Qaranka ee Dhallinyarada ay tahay tallaabo muhiim ah oo dhiirri gelinaysa horumarka Dhallinyarada JSL, isla markaana qeexaysa istiraatiijiyaddii lagu dhaqan gelin lahaa Siyaasaddan iyada ah. Wasiirku waxa uu Xubnaha Golaha Wasiirrada ka codsaday in ay si buuxda u soo akhriyaan nuqulka Siyaasadda, nuxur ahaan iyo ujeeddo ahaana ay ku soo daraanwixii ay u arkaan muhiim. 𝟔. 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚: Fadhigii 39-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL oo uu Shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu ansixiyey Xeerka Kalluumaysiga JSL, kaasi oo noqonaya Xeerkii 7-aad ee ay ansixiyaan Golaha Wasiirradu muddadii ay jirtay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad. Madaxweynaha ayaa Xeerkan geliyay cod gacan taag ah. Golaha waxa fadhiyey 39 xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada; 37 Xubnood ayaa u codeeyey Xeerka, hal xubin ayaa diiday, halka hal xubina uu ka aamusay. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  25. Team Kenya captain being handed the winning trophy by representatives from the Somaliland Ministry of Sports and Dahabshiil Group after winning the Community Tournament in Hargeisa. Football Kenya Wins DahabPlus Community Football Tournament in Somaliland NAIROBI, Kenya, Oct 28 – Team Kenya was at the weekend crowned champions of DahabPlus community football tournament in Somaliland capital, Hargeisa. Click here to connect with us on WhatsApp The Community Football Tournament held in Hargeisa saw Team Kenya defeating Team Yemen 2-1 in a thrilling final match at the Ali Gadle Stadium. The Kenyan team had secured their place after a hard fought semi final game against Uganda. The tournament brought together players from 15 countries residing in Hargeisa, fostering unity and sportsmanship among participants. Other countries that participated included hosts Somaliland, Uganda, Sudan, Djibouti, and Ethiopia, among others. Dahabshiil Group, through its innovative digital financial platform DahabPlus sponsored the tournament. Team Kenya (in green) parade against Yemen in the finals of the Community Football tournament in Hargeisa over the weekend. Kenya beat Yemen 2-1 to emerge champions of the inaugural tournament. The sponsorship highlighted Dahabshiil’s continued commitment to supporting youth initiatives and promoting community development across Somaliland and beyond. Speaking at the closing ceremony, representatives from Dahabshiil Group emphasized the company’s dedication to empowering young people, encouraging healthy lifestyles, and building stronger community connections through sports. Dahabshiil Group has long been at the forefront of corporate social responsibility in the region, investing in education, technology, entrepreneurship, and youth engagement programs. The success of this year’s tournament reflected the Group’s belief in the power of collaboration, inclusion, and social impact and the power of sport in uniting communities. Capital FM Qaran News