-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
New York (Caasimada Online) – Ergeyga Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo maanta warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya siinayay Golaha Ammaanka QM, ayaa sheegay in horumar laga sameeyey siyaasadda Soomaaliya. Swan ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu muujiyay hogaamiyenimo, isagoo kullamo wada tashi oo joogta ah la lahaa madaxda maamul goboleedyada si loo hirgeliyo heshiiskii doorashada. Waxa uu u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ay ka bilaabatay maamul goboleedyada. Swan ayaa intaas ku daray in kastoo guulo la taaban karo la gaaray, haddana loo baahanyahay in la xoojiyo ammaanka doorashada, oo uu sheegay in si gaar ah uu uga werwersanyahay. Waxa uu sheegay in sidoo kale loo baahanyahay in la xaqiijiyo qoondada kuraasta ee dumarka, dhallinyarada, iyo dadka la takooro oo laga qeyb geliyo siyaasadda. James Swan ayaa booriyay in caqabada mustaqbalka ka hor imaan kara doorashadan loo baahanyahay in lagu xaliyo si xasiloon iyo wada-hadal ku dhisan ismaqal. Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay weli ku tahay halis amaanka Soomaaliya, isla markaana ay xafiiska QM ee Somaliya ee UNSOM uu diwaan geliyay sanadkan 2021-ka 708 qof oo rayid ah oo rabshadaha Soomaaliya wax ku noqday. Dadkaas ayuu sheegay in 321 ka mid ah ay dhinteen, 387 kalena la dhaawacay. Swan ayaa sidoo kale sheegay in tacdiyada ka dhanka ah dumar ay kordheen, islamarkaana xaaladda bani’aadaminimo ay meel xun mareyso. Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay James Swan in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan howlaha doorashada, si buu yiri, waddanku uu xoogga u saaro dhinaca nabad gelyada iyo ahdaaftiisa horumarineed. The post Maxaa kasoo baxay kulankii Golaha Ammaanka QM uu ka yeeshay Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
(ERGO) – Fadumo Kulow Mohamed briefly returned to her village of Xanlay in southern Somalia’s Middle Shabelle region this month to plant seeds she was given to revive her two-hectare farm that was earlier destroyed by river floods. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Qoor Qoor ayaa dib u dhigay shaacinta musharraxiinta laba kursi oo kamid ah sideeda xubnood oo uu maamulkaasi ku leeyahay Aqalka Sare ee Soomaaliya. Qoor Qoor ayaa kal hore ku dhowaaqay liiska lix kamid ah kuraastaasi oo ay ku tartami doonaan illaa 12 musharrax, labada kursi ee dhimman ayaa waxaa haatan ku fadhiya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Senator Cabdiwaaxid Cilmi oo loo yaqaan Goonjeex. Kursi kamid ah labadaan kursi ayaa waxaa ku hardamaya madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horey digniin culus u jeediyey iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo haatan ku sugan jiida dagaalka, isaga oo doonayo inuu difaacdo kursigiisa. Haddaba, Maxaa ka dhalan kara haddii midkooda uu kasoo muuqan waayo liiska musharaxiinta? Cali Baashi Faarax Cali oo ah siyaasi kasoo jeeda Galmudug, horeyna uga tirsanaa maamulkii Ahlu-Sunna ee ka talin jiray maamulkaas, ayaa waxa uu sheegay in kursiga ay ku loomayaan Xaaf iyo Qeybdiid uu yahay mid muhiim ah oo loo baahan yahay in doorashadiisu ku dhacdo hab daah-furan oo nabdoon. Waxa uu sheegay in cawaaqib xumo daran ay ka dhalan doonto haddii labada musharax ee ku loolamaya kursigaas uu midkood kasoo muuqan waayo liiska laga sugayo madaxweyne Qoor Qoor. “Waa in kursigaan dhexda la dhigo oo ay u tartamaan dadka loo xulo oo ay sidaas guushu ku raacdo qofkii calafku u yeesha, waana arrin xal wanaagsan ah,” ayuu yiri Cali Baashi Faarax. Sidoo kale waxa uu ka digay in hanashada kursigaas loo maro waddo khaldan, midaasi oo ay ka dhalan karaan cawaaqib xumo daran, sida uu sheegay. Si kastaba, waxaa si weyn loo wada sugaya tallaabada uu qaadi doono Qoor Qoor oo gadaal u dhigtay kursiga ay isku hayaan Xaaf iyo Qeybdiid, iyo sida uu ka yeeli doono xifaaltanka u dhaxeeya labada musharax oo laga cabsi qabo in uu sababo xiisad dagaal. The post Loolanka Xaaf iyo Qeybdiid: Arrinta laga cabsida qabo appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Tel Aviva)-Israa’iil oo isku dayeysa inay carqaladeyso wada-hadalla u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ee ku saabsan heshiiska Nukliyeerka ayaa madaxa CIA-da Mareykanka u gudbisay warbixin yaab leh oo ku saabsan madaxweynaha cusub ee Iran, Ebrahim Raisi. Israa’iil ayaa CIA Mareykanka u sheegtay in madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi uu qabo cudur “Khalkhal maskaxda ah,” sidaas darteedna aan lagala hadli karin wax ku saabsan heshiiska nukliyeerka sida ay Maanta qortay Times of Israel. Israa’iil ayaa shalay martiqaad u sameysay madaxa CIA-da Mareykanka William Burns, waxayna ka wada hadleen arrimaha Iran. Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in Israa’iil ay ku dadaaleyso sidii ay u fashilin lahayd isu soo dhawaansho kasta oo dhex mari kara Washington iyo Tehran. Walla News ayaa asaguna weriyay in Burns uu la kulmay raysal wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett, madaxa hay’adda sirdoonka ee Mossad David Barnea iyo saraakiil kale oo sirdoon ah. Sidoo kale, Wargeyska Israa’iil Today oo soo xiganayo Channel 12 ayaa qoray in madaxa sirdoonka Mossad David Barnea uu madaxa CIA usoo bandhigay macluumaad muujinaya in Raisi aan la aamini karin, oo uusan awood u lahayn inuu ka gorgortamo heshiis cusub oo nukliyeer ah ama uu ku dhaganaado ballan-qaadyadiisii hore. Sida uu sheegay Channel 12, Barnea ayaa sidoo kale Burns u gudbiyey warbixin uu ku sheegay in madaxweynaha Iran uu yahay mid xagjir ah, naxariis daran, musuq maasuq badan sidoo kalana aan xasilloonayn. “Mossad waxay ku tilmaamtay madaxweynaha Iran inuu yahay qof maskaxda ka jiran (Dhimirka la’),” ayaa lagu yidhi warbixinta uu qoray wargeyska Times of Israa’iil oo soo xiganaya Channel 12. Burns, oo ah diblomaasi xirfadle ah ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay isu soo dhawaanshaha Maraykanka iyo Iran oo horseeday heshiiskii Iran iyo quwadaha waaweyn, ee 2015 la gaaray, balse 2018 uu ka baxay madaxweyne Trump. Source
-
(SLT-Addis ababa)-Hoggaamiyaha Jabhada Oromada ee OLA, Kumsa Diriba ayaa xaqiijiyey inay isbaheysi la sameysteen ciidamada Tigreyga ee la dagaalamaya dowladda Federaalka ee Abiy Ahmed. Kumsa Diriba oo Arbacadii shalay wareysi siiyey wakaalada AP ayaa sheegay in heshiiska isbaheysiga lagu sameeyey uu dhacay toddobaad kahor isla markaana uu ahaa codsi uga yimid dhinaca Tigreyga. Waxaa ku heshiinay inaan xukunka ka tuurno xukuumada Abiy Ahmed, oo awood ciidan u adeegsano waana luuqada kaliya oo uu fahmi karo Taliska Abiy… ayuu yidhi hogaamiyaha Oromo Liberation Army. Kooxda OLA ayaa bilihii lasoo dhaafay la wareegtay dhul badan oo ku yaalla koonfurta iyo Galbeedka dalka Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Oromada, waana Jabhad ka go’aday OLF. Hogaamiyaha kooxda OLA ayaa sheegay in xogta millatari isdhaafsadaan Tigreyga isla markaana wada sameytaan qorshe duulaan oo ay ku mideysan yihiin, walow uu sheegay in labada ciidan ayna isdhexgelin oo qoloba dhankeeda ka dagaalanto. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu hada socdo wadahadalo kale oo la doonayo inay isbaheysiga kusoo biiraan kooxo kale oo hubeysan ee ka jira gudaha dalkaasi Itoobiya. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo culeys weyn xiligan kala kulmaya xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda ayaa todobaadkan ugu baaqay shacabka dagaalami kara inay ka qeyb qaataan dagaalka ka socda Gobalka Tigrey, xilli uu waajahayo kacdoonka kale ee ka jira gudaha qawmiyada uu kasoo jeedo ee Oromada. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddiga qandaraasyadda qaranka JSL ayaa maanta shaaciyay tartan loo geli doona qandaraaska dhismaha maxadka tababarka shaqaalaha dawladda hoose. Madashii lagu shaacinayay tartanka dhismaha maxadka tababarka shaqaalaha dawladda hoose waxa ka soo qayb-galay guddoomiyaha guddiga qandaasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen, masuuliyiin ka socday maxadkaasi iyo 29 shirkadood oo soo xaraystay inay tartanka ka qayb-galaan. Ugu horrayntiina guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen ayaa shaaciyay magacyadda shirkadaha kala duwan ee soo xaraystay qandaraaskan waxaanu yidhi “saaka oo ay bishu tahay 12-ka bishii sideedaad sannadka 2021-ka waxa aynu furanaynaa qandaraaska dhismaha maxadka tababarka shaqaalaha dawladda hoose ee dalka waxa ku tartamaya 29 shirkadood, waxa aanu u ballanqaadaynaa shirkadahaasi in aanu si daah-furan oo cadaaladi ku jirto in aanu u xulan doono shirkadda ku guulaysta haddii alle yidhaa” ayuu yidhi Nuux Maxamed Xuseen. Dhankooda waxa iyaguna madasha ka hadlay qaar ka mid ah shirkadihii soo xaraystay qandaraaska dhismaha maxadka tababarka shaqaalaha dawladda hoose ee dalka waxaana ka mid ahaa hadalladoodii “anigu waxa aan ku tartamayaa shirkadda Xaaji Muuse construction company waxa aan Alle ka rajaynayaa in aanu guulaysano waananu ku qanacsanahay wax kasta soo baxa” sidaa waxa yidhi masuul ku hadlaya magaca shirkadda Xaaji Muuse construction company oo ka mid ahayd shirkadihii maanta ka soo qayb-galay tartanka. Halkan hoose ka DAAWO warkan Source
-
Siyaasi Axmed Siciid Aw-nuur, oo ka tirsan urur siyaasadeedka Mideeye oo galabta warbaahinta la hadlay, ayaa si adag u cambaareeyay doorashadii Aqalka sare ee shalay ka dhacday magaalada Garoowe. Mudane Axmed Siciid, ayaa sheegay in doorashadii Aqalka sare aysan ku dhicin si caddaalad ah, islamarkaana laga reebay siyaasiyiin doonayay in ay u tartamaan kuraasta Aqalka sare, taas beddelkeedana lagu qoray dad tiro-buuxis ah, si ay ugu camiraan xubnaha madaxweynuhu soo xushay. Madaxweyne Deni, ayuu sidoo kale ku dhaliilay in uu caddaalad-darro ah u maamulay doorashada Aqalka sare, isagoo shaki ka muujiyay sida madaxweynuhu Puntland uga hirgelin karo doorasho qof iyo cod ah, maadaama uu caddaalad u maamuli waayay doorashada 11 xubnood oo keliya. Ex. Wasiir Axmed Siciid Aw-nuur oo Puntland ka soo qabtay wasiirka Waxbarashada iyo wasiirka Kalluumeysiga, wuxu sidoo kale ka hadlay doorashada Soomaaliya ee 2021, isagoo sheegay in ay ka liidan doonto doorashadii dhacday 2016, maadaama ay ka muuqato ifafaalo aan fiicnayn. halkan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Ex. Wasiir Axmed Siciid Nuur oo si adag u cambaareeyay doorashada Aqalka sare ee Garoowe ka dhacday appeared first on Puntland Post.
-
Qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa dhaliilay doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka. Daahir Geelle oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa sida ay ku bilowdeen doorashooyinka Aqalka Sare ku tilmaamay mid dhibaato u keeni karta nidaamka is doorashada iyo kalsoonida bulshada ee dimuqraaddiyadda. Wuxuu sheegay in ismuquuninta iyo kala adkaanshahu uu dhibaato u keeni karo dowlad goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay cabashooyinkii ka dhashay doorashooyinkii tan ka horreeyay ee markii dambe natiijooyinkii ka soo baxay ay galaafteen qaar ka mid ah madaxdii maamulaysay doorashooyinkaas. Daahir Geelle ayaa ugu digay madaxda dowlad goboleedyada in ay doorashada Aqalka Hoose u maamulaan sida tan Aqalka Sare. Dhanka kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isna dhaliilay qaabka ay dowlad goboleedyadu u maamuleen doorashada Aqalka Sare. “Waxaa habboon in aan doorashooyinka la sumcad iyo sharciyad tirin, mar haddii damac shakhsi ah horay loo xaqiijin kari waayey” ayuu Cabiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook. Jubaland, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhacay doorashooyin la dhaliilay oo ay ku soo baxeen xildhibaano ka mid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Daahir Geelle iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliilay doorashooyinka Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
-
Tehran (Caasimada Online) – Israel oo isku dayeysa inay carqaladeyso wada-hadalla u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ee ku saabsan heshiiska Nukliyeerka ayaa madaxa CIA-da Mareykanka u gudbisay warbixin yaab leh oo ku saabsan madaxweynaha cusub ee Iran, Ebrahim Raisi. Israel ayaa CIA Mareykanka u sheegtay in madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi uu qabo cudur “Khalkhal maskaxda ah,” sidaas darteedna aan lagala hadli karin wax ku saabsan heshiiska nukliyeerka sida ay Maanta qortay Times of Israel. Israel ayaa shalay martiqaad u sameysay madaxa CIA-da Mareykanka William Burns, waxayna ka wada hadleen arrimaha Iran. Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in Israel ay ku dadaaleyso sidii ay u fashilin lahayd isu soo dhawaansho kasta oo dhex mari kara Washington iyo Tehran. Walla News ayaa asaguna weriyay in Burns uu la kulmay ra’iisul wasaaraha Israel Naftali Bennett, madaxa hay’adda sirdoonka ee Mossad David Barnea iyo saraakiil kale oo sirdoon ah. Sidoo kale, Wargeyska Israel Today oo soo xiganayo Channel 12 ayaa qoray in madaxa sirdoonka Mossad David Barnea uu madaxa CIA usoo bandhigay macluumaad muujinaya in Raisi aan la aamini karin, oo uusan awood u lahayn inuu ka gorgortamo heshiis cusub oo nukliyeer ah ama uu ku dhaganaado ballan-qaadyadiisii hore. Sida uu sheegay Channel 12, Barnea ayaa sidoo kale Burns u gudbiyey warbixin uu ku sheegay in madaxweynaha Iran uu yahay mid xagjir ah, naxariis daran, musuq maasuq badan sidoo kalana aan xasilloonayn. “Mossad waxay ku tilmaamtay madaxweynaha Iran inuu yahay qof maskaxda ka jiran (Dhimirka la’),” ayaa lagu yiri warbixinta uu qoray wargeyska Times of Israel oo soo xiganaya Channel 12. Burns, oo ah diblomaasi xirfadle ah ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay isu soo dhawaanshaha Maraykanka iyo Iran oo horseeday heshiiskii Iran iyo quwadaha waaweyn, ee 2015 la gaaray, balse 2018 uu ka baxay madaxweyne Trump. The post Israel oo CIA-da u gudbisay arrin yaab leh oo ku saabsan madaxweynaha cusub ee Iran appeared first on Caasimada Online.
-
Click here to read more about this article Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa maanta lagu doortay Lix Senator oo kamid ah xubnaha maamulkaas ku metelaya Aqalka Sare ee baarlamanka ee 11-aad ee Soomaaliya. Haddaba, wax ka ogow taariikhda Senator-da maanta la doortay, kuwaasi oo dhamaantood ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii ay tanaasuleen musharaxiintii kula tartamayey kuraastaas. 1- Saciid Siyaad Shirwac – Saciid oo kasoo jeeda beesha Saleebaan, waxaa uu muddo 20 sano ah ku jiray siyaasadda, qeybna uu ka ahaa shirarka dib u heshiisiinta, hadda xisbi kama tirsana, waana wasiirka deegaanka. Sidoo kale waxa uu hore u soo noqday wasiirka maaliyada, wuxuuna ku guuleystay kursigii koowaad ee Aqalka Sare ee maamulkaas, isagoo helay 87 kamid ah codadka xildhibaanada, kadib markii musharaxii la tartamayey Maxamed Daahir Maxamed uu tanaasulay. Waxaa diiday laba xildhibaan, mana jirin cid ka aamustay. 2- Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) – Yuusuf oo kasoo jeeda beesha Duduble, waxaa uu hore uga tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka tirsan yahay kooxda Waayo-arag. Sidoo kale waxa uu kaalinta hore kaga jiraa siyaasiyiinta la soo shaqeeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor Qoor, waxa uu ku soo baxay 87 codad, ayada oo mid uu diiday midna uu ka aamusay. Waxaa tanaasulay Daahir Faarax Fiidow oo la tartamayey. 3- Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer – Dhagdheer oo kasoo jeeda beesha Murusade, waxa uu ahaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, wuxuuna xiligaan lagu tiriyaa inuu kamid yahay kooxda Waayo-arag. Senator Dhagdheer ayaa waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta la soo shaqeeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor Qoor, waxaa uu ka guuleystayna Nuur Xasan Gutaale. Dhagdheer ayaa waxa uu ku soo baxay 86 cod, waxaa diiday 2, halka uu mid keliya ka aamusay. 4- Zamzam Dahir Maxamuud – Zamzam oo kasoo jeeda beesha Waceysle, waxay hore u aheyd Senator ka tirsan baarlamaanka 10-aad, waxayna ku dhalatay Caabudwaaq 1984-kii. Waxay waxbarasho ilaa heer jaamacad ku qaadatay Muqdisho, ayada oo Master ku sameysay dalka Maleysia, sidoo kale waxay kaalin hor leh ka ciyaarta arrimaha samafal. Zamzam ayaa maanta markale noqotay haweeneydii u horeysay ee maamulka ku metelaysa Aqalka Sare, halka ay October 16, 2016-kii ay sidoo kale noqotay gabadhii ugu horeysay ee Senator loo doorto. Waxay doorashada maanta kasoo hoysay 89 cod, waxayna sidaas ku hanatay kursiga Afaraad ee maamulka Galmudug ee Aqalka Sare. Waa loo tanaasulay. 5- Cabdixakiim Macalin Axmed – Cabdixakiim oo kasoo jeeda beesha Ceyr, waxa uu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ahaa xildhibaan ka tirsanaa golaha shacabka ee baarlamaanka 10-aad. Waxa uu ka baxay Jaamacadda Culuumta iyo Tecnolojiyadda ee Yemen, wuxuuna xiligan xoghaye ka ahaa guddiga maamliyadda ee golaha shacabka iyo madaxa guddiga dhaliyarada ee baarlamaanka Afrika. Cabdixakiin ka hor siyaasadda, Koonfurta Suudaan waxaa uu jaaliyadda u ahaa xoghayaha guud muddo 10 sano ah, waana ganacsade, wuxuuna maanta kusoo baxay oo uu helay codadka 86 xildhibaan, halka uu ka aamusay mid keli ah. 6- Duniyo Maxamed Cali – Duniya oo kasoo jeeda beesha Dir, waxay ku dhalatay magaalada Dhuusamareeb 1970-kii, waxayna hadda ka tirsaneyd golaha shacabka ee baarlamaanka 10-aad. Waxay waxbarasho ilaa dugsi sare ku sameysay magaalada Dhuusamareeb, waxayna muddo lasoo shaqeysay madaxdii kala duwanaa ee Galmudug. Sidoo kale waxaa lagu tiriyaa inay ka tirsan tahay kooxda Waayo-arag ee madaxweyne Qoor Qoor, waxayna maanta ku guuleystay kursiga lixaad ee maamulkaas ee Aqalka Sare, kadib markii ay u tanaasushay Qadro Abdullahi Isxaaq. The post Yey yihiin, maxaase ka naqaan lixda Senator ee maanta la doortay appeared first on Caasimada Online.
-
Wakiilka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xafiiska Raysal Wasaraha Soomaliya mudane Cabdiqaadir Macallin Qooje sidoo kalane ah Guddoomiyaha isboortiga iyo dhaqanka Wadanka Finland ee SOCUS ayaa bogaadiyay da’dalaada ay wadaan madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcagyaraha iyo dhamaan Xiriirada ka dhisan dalka. “Waxaan dhiirigelinaynaa shaqooyinka culus ay hayaan madaxda SOMFA , waxaan ka mahadcelinaynaa sida wanaagsan ay ii soo dhaweeyeen Xiriirka Kubadcagyaraha dalka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Mudane Cabdiqaadir Macallin Qooje oo ah Wakiilka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble. Ururka uu hogaamiyo Gudoomiye Cabdiqaadir Macallin Qooje ee SOCUS ee ka dhisan dalka Finland wuxuu sanadihii lasoo dhaafay kaalin wanaagsan ka qaatay dhiirigelinta Xiriirada kala duwan ee dalka, iyagoo qalab isboortis u keenay dhamaan kooxaha kala duwan ee Soomaaliya, waxayna Ururka SOCUS uu balanqaaday horomarinta isboortiga Soomaaliya. “Laga bilaawo maanta waxaan diyaar u nahay in aan la shaqayno garab istaagno Xiriirka Kubbadcagyaraha Soomaaliya oo waxqabad wanaagsan soo bandhigay bilooyinkii kasoo dhaafay, waxaan sidoo kale diyaar u nahay caawinta dhamaan xiriirada kala duwan ee ka dhisan Wadanka ” ayuu hadalkiisa soo raaciyay Mudane Cabdiqaadir Macallin Qooje oo ah wakiilka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xafiiska Raysal Wasaraha Soomaaliya. Daawo Guddoomiye Qooje Oo Ka Halday Arrimo Badan Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Qooje Cabdifataax Qaaje “Waxaan Finland Ugu Soo Safarnay Guusha Iyo Horomarka Galmudug” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
ISBAHAYSIGA SIYAASADEED WAXA UU LA KOWSADAY HANAANKA DIMUQARADIGA AH EE SOMALILAND OO SOO BILAABMAY 1960 KII , WAXAANA UU XAL U NOQON KARAA CAQABADAHA SAAMI QAYBSIGA. Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa aan ka dhamaan tabashooyin iyo murugyo marwalba sababa in doorashooyinka dalku dib u dhacaan oo ay mudo dhaafaan kuwaasi oo ku salaysan saluug laga muujiyo sida goleyaasha xeer dejinta kuraasidu ugu qaybsan yihiin gobolada jamhuuriyada Somaliland oo ahayd xal laga keenay 1960 kii , iyo xukuumada oo dadka Somaliland ku eegaan il deegaamaysan oo la iska wada dhex arki waayo . Haddaba hadii aynu ku noqono taariikhda sida uu ku xusay qoraaga Xasan Cabdi Madar buugiisa Duco-Qabe bogiisa 18naad waxa uu si wanaagsan u sharaxayaa halka uu ka soo bilaabmay hanaanka dimuqaradiga ah ee Somaliland iyo taariikhda isbahaysiga ama is xulafaysiyada oo ahaa doorashooyinkii 1960kii. Doorashadaasi waxa galay afar xisbi sida uu qoraagu buugiisa ku xusay oo kala ahaa SNL,USP,NUF iyo SYL oo mar dambe tartanka soo gashay waxaana loo tartamayey 33 kursi metalaad wakiilada ah oo loo qaybiyey 6 dii degmo ee jamhuuriyada Somaliland ee 1960 kii oo u kala helay sida tan: Hargeysa 7 Kursi Burco 6 Kursi Borama 5 Kursi Berbera 5 Kursi Ceerigaabo 5 kursi Laascaanood 5 kursi Waxaana ay u kala heleen axsaabtii siyaasadu sidan; SNL 20 kursi USP 12 Kursi NUF 1 Kursi Waxaa talo wadaag yeeshay hogaamiyeyaashii SNL iyo USP oo samaystay isbahaysi kuna midoobay himiladoodii siyaasadeed ee mustaqbalka , waxaana dhacday in aqlabiyadii baarlamaanka ay yeeshaan SNL iyo USP oo is bahaystay waxaana uu qoraagu xusayaa in ay tahay sababta loo magacaabay 4 wasiir ee 1960kii in ay tahay isbahaysigan awgii. 1- Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal wasiirka dawladaha hoose. 2- Axmed Xaaji Ducaale Wasiirka xoolaha , beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah. 3- Cali Garaad Jaamac wasiirka isgaadhsiinta iyo Hawlaha Guud. 4- Xaaji Ibraahim Nuur Jaamac wasiirka adeega bulshada. Halkani waa halka ay dad badani u soo qaataan saami qaybsiga xukuumada oo lagu doodo in Somaliland si siman xukuumada loo qaybsado , gaar ahaan beelaha darifyada Somaliland marka ay soo gudbinayaan qaabka ay rabaan in maamulka xukuumadu u qaybsanaado. Haddaba sababta ay ku timi qaabkani waxa uu ahaa qaab siyaasadeed iyo xukuumad isbahaysi ee muu ahayn saami si sax ah dadka jamhuuriyada Somaliland sida ay wax u wada yeelanayaan loo soo qaadan karo, hase ahaatee hadii in uun la isku dayo waa loo soo qaadan karaa xal ku meelgaadh ah. Sababta oo ah haddaba waxa dib loogu noqday curfigii beelaha Somaliland ku heshiiyeen 1993kii oo lagu soo xulay gudoomiyaha golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland, waxaana ay ka soo horjeedaa nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalku qaatay oo hadii laba walaalo ah umadu u aragto midina in uu madaxwayne noqdo midina gudoomiyaha golaha wakiilada aanay jirin wax diidayaa , laakiin ay sababtay in si aan dalku u kala hadhin oo maamulkii dawladnimada la isaga wada dhex arko. Jamhuuriyada Somaliland kama dhamaado saluuga maamulka dawladnimo iyo tabashooyinka beelaha wada degan dalku kala qabaan , isaga oo dalku nidaamka casriga ah ee dimuqaradiyadeed qaatay ee sida tooska ah dadweynuhu codkooda ugu soo doortaan cida ay u arkaan in ay dan u tahay. Waxaana uu marayaa in heer wanaagsan uu gaadhay doorashadii ugu dambaysay gaar ahaan Gobolka Maroodijeex ay kaga soo baxeen laba muwaadin oo u ololeeyey si ka duwan sidii doorashada deegaamaysan ama beelaysan , inkasta oo dadka kale ee soo baxayba aan la odhan karin hab qabiil , haddana labadani waxa ay kaga duwaanayeen cadadka codka ay ku soo baxeen . Cabdikareem Ahmed Mooge oo u sharaxnaa golaha deegaanka ee Hargeisa hadana noqday mayorku uu helay 26,000 kun oo cod, halka xildhibaan Barkhad Batuun oo golaha wakiilada u sharaxnaa uu helay 21,000 oo cod waa horumar wayn iyo aragti loo baahnaa in hore loogu guuro oo hadda hirgashay waxaana ay tusaale wanaagsan u tahay in hore loo socon karo. SOO JEEDIN; Waxa aan soo jeedinayaa; 1- In la horumariyo hanaanka dimuqaradiyada iyo axsaabta badan oo dadkeena loo bisleeyo sidii ay hore ugaga socon lahaayeen halka aynu maanta taaganahay oo aan mar dambe dib loo noqon. 2- in aan wax sharci ka yaalo oo dastuur iyo xeerar ku qoran aan Guurti iyo Maxkamadi afduubin oo aan xal lagu dhamaynin ee sharcigu shaqeeyo iyo waxii umadani dhigatay. 3- Khilaafka saami qaybsiga waxaa lagu xalin karaa : B) aragti siyaasadeed iyo habab isbahaysi oo xukuumada iyo xisbiyadaa jiraa u soo dhisan karaan maamulka xukuumada. T) Goleyaasha xeer dajinta dalkana waa in tirakoob dadwayne oo la sameeyo dadka iyo gobolada jamhuuriyada Somaliland wax loogu qaybiyo lagana guuro xalkani laga soo min guuriyey 33 kursi ee 1960 kii. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
-
DHUSAMAREEB (HOL) - Lawmakers in Galmudug State elected the first six senators, following Jubaland, Southwest and Puntland states which so far elected four, five and eleven senators since early month. Source: Hiiraan Online
-
Sudan's civilian Cabinet has resolved to turn former President Omar al-Bashir and other ex-officials over to the International Criminal Court to face multiple charges of genocide, war crimes and crimes against humanity, according to a statement obtained by VOA from the Sudan News Agency. Source: Hiiraan Online
-
Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta doortay lix (6) xildhibaan oo ka mid ah xubnana Galmudug ku matala Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo labo ka mid ah haween yihiin. Xubnaha la doortay waxaa ku jira saddex xubnood oo ka mid ahaa xubnihii Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday, kuwaas oo kala ah Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey), Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) iyo Samsam Daahir Maxamuud. Siciid Siyaad Shirwac ayaa ku guuleystay kursiga 1-aad ka dib markii uu tanaasulay Maxamed Daahir oo la tartamayey. Senator Siciid ayaa waxa uu helay 87 cod waxaana diiday 2 xildhibaan. Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa ku guulaystay kursiga 2-aad ka dib markii uu tanaasulay Daahir Faarax Fiidow waxaana ogolaaday 87 xildhibaam, waxaa diiday 1 mudane, waxaana ka aamusay mudane kale. Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) ayaa ku guuleystay kursiga 3-aad ee Aqalka Sare, waxaana u tanaasulay Nuur Xasan Guutaale, waxaana gacantaag ugu codaysay 86 mudane, waxaa diiday 2 xildhibaan, waxaa ka aamusay 1 mudane. Samsam Daahir Maxamuud ayaa ku guuleystay kursiga 4-aad ee Aqalka Sare oo laga soo dooranayo Galmudug waxaa u tanaasulay Farxiyo Daahir Guure, iyadoo heshay 89 cod. Cabdixakiin Macallin Axmed ayaa ku guulaystay kursiga 5-Aad ee Aqalka Sare xubnaha Galmudug ka dib markii ay tanaasushay Ismahaan Cabdi Xuseen oo la tartamaysay. Xildhibaanada ayaana codka kalsoonida u qaaday waxaana ogol ugu codaysay 86 mudane, waxaa diiday 1 xildhibaan, waxaana ka aamusay 2 mudane. Duniyo Maxamed Cali ayaa ku guulaysatay kursiga 6-aad ee kuraasta Aqalka Sare ku matala Galmudug ka dib markii ay tanaasushay Khadro Cabdullaahi Isxaaq oo la tartamaysay, Duniyo ayaa waxa u codeeyey 88 mudane, waxaana ka aamusay 1 xildhibaan. Galmudug ayaa Aqalka Sare ku leh siddeed (8) xubnood, waxaana doorashadoodu dhiman tahay labo xubnood oo weli Madaxweyne Qoorqoor soo gudbin. PUNTLAND POST The post Galmudug oo lagu doortay Lix xubnood oo ka mid ah Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa goordhaw magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug lagu doortay kursigii Lixaad ee Senatorada Aqalka sare galmudug ku matali doonta. Senator Marwo Duniyo Maxamed Cali kadib markii uu helay uu u tanaasulay musharixii la tartamayay oo lagu magacaabo Qadro Cabdullahi isxaaq. Duniyo Maxamed Cali, hadda waxay ka tirsaneyd golaha shacabka ee baarlamaanka 10-aad, waxay ku dhalatay Dhuusamareeb 1970-kii halkaas oo waxbarasho ilaa dusgi sare ku sameysay, waxay muddo lasoo shaqeysay madaxdii kala duwanaa ee Galmudug, waa kooxda waayo-arag ee madaxweyne Qoor-qoor, waxay ka adkaatay Qadro Abdullahi Isxaaq. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa goordhaw magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug lagu doortay kursigii Lixaad ee Senatorada Aqalka sare galmudug ku matali doonta. Senator Marwo Duniyo Maxamed Cali kadib markii uu helay uu u tanaasulay musharixii la tartamayay oo lagu magacaabo Qadro Cabdullahi isxaaq Gudoomiyaha Golaha wakiilada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada isagoo sheegay in Musharax Marwo Duniyo Maxamed Cali uu ku guuleystay kursiga Afaraad ee doorashada Aqalka sare ee Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa goordhaw magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug lagu doortay kursigii Shanaad ee Senatorada Aqalka sare galmudug ku matali doonta. Senator Cabdi Xakiin Macalin Axmed kadib markii uu helay uu u tanaasulay musharixii la tartamayay oo lagu magacaabo Ismahaan Cabdi Xuseen. Cabdixakiim Macalin Axmed, waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka 10-aad, Ku dhashay Dhuusamareeb, waxaa uu ka baxay Jaamacadda Culuumta iyo Tecknolojiyadda ee Yemen, hadda waxaa uu hoghaye ka ahaa guddiga maamliyadda ee golaha shacabka iyo madaxa guddiga dhaliyarada ee baarlamaanka Afrika, kahor siyaasadda Koonfurta Suudaan waxaa uu jaaliyadda u ahaa xogheyaha guud muddo 10 sano ah, waana ganacsade, waxaa uu ka adkaaday Ismahaan Cabdi Xuseen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa goordhaw magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug lagu doortay kursigii Shanaad ee Senatorada Aqalka sare galmudug ku matali doonta. Senator Cabdi Xakiin Macalin Axmed kadib markii uu helay uu u tanaasulay musharixii la tartamayay oo lagu magacaabo Ismahaan Cabdi Xuseen Gudoomiyaha Golaha wakiilada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada isagoo sheegay in Musharax Cabdi Xakiin Macalin Axmed uu ku guuleystay kursiga Afaraad ee doorashada Aqalka sare ee Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com