Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaareysay weerarkii lagu qaaday shacabka Dacawalay, kaas oo ay ku tilmaamtay xasuuq ay geysteen ciidanka Liyuu Booliska. Sidoo kale waxay xukuumadda gef iyo xad-gudub cad ku tilmaamtay afduubka ay ciidamada Liyuu Booliska u gaysteen odayaal dhaqameed kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo deegaankaas u tegay ka shaqaynta nabadda iyo daminta colaadda halkaas ka dhacday maalmihii u danbeeyey. Somaliland ayaa dhacdadan u gudbisay dowladda federaalka Itoobiya, iyadoo ku dacweysay ciidamada Liyuu Booliska ee deegaanka maamulka Soomalida Itoobiya, oo ay sheegtay inay qaadi doonaan masuuliyadda ka dhalata. Hoos ka aqriso bayaanka kasoo baxay Somaliland; Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasi oo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka Dawladnimo. Dhinaca kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad. Wasiirka Amniga Gudaha JSL waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan. Madaxweynaha Maamuul Soomaalidda Itoobiya, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Degaanka Dacawalay. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay la xidhiidhay Dawladda Federaalka Itoobiya oo xidhiidh Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya maalinta beri ah wada hadal ku dhex mari doono Xadka labada Dawladood.
  2. Boorama-25-12-2024-(Qaran news)-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Wafti balaadhan oo u hoggaaminayo ayaa magaalada Borama kaga qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Alle hawnaxariistee Marxuum Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mid ahaa madax-dhaqameedka ugu wakhtiga dheer Dalka oo maalintii shalay ku geeriyooday Magaalada Borama. Madaxweyne Kuxigeenka Qaranka JSL ayaa Marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door laxaadleh ka soo qaatay dib u dhiskii dalka Somaliland iyo nabadayntii beelaha Somaliland kuwada dhaqan, kuna xusnaa nabad-doonimo iyo waayo aragnimo dheeraada oo uu u lahaa xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda. Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajaheysa culaysyo gudaha iyo daruufo adag oo siyaasadeed, milateri, diblomaasiyad, iyo isbahaysi. Tan ayaa muujineysa itaal yarada hoggaamin ee madaxweynaha, iyadoo daqarro laxaadka leh iyo dhaawcayo culus gaarsiiyeen qaranka iyo dowladnimada, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Warsame oo sidoo kale kamid ah siyaasiyiinta waayahan dambe aan la dhacsaneyn siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxweynaha u furan tahay labo waddo, taas oo midkood ay dhaymo u noqon karto xaaladda taagan. Hoos ka aqriso qoraalka CC Shakuur; Culaysyada gudaha iyo cadaadiska dibadda, xaaladaha qalafsan iyo duruufaha adag ee siyaasadeed, milateri, diblomaasiyad, iyo isbahaysi ee haysta maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ma aysan qaawin oo keli ah itaal yaradiisa hoggaamin ee waxay daqarro laxaadka leh iyo dhaawcayo culus gaarsiiyeen qaranka iyo dowladnimada. Waxay kaloo burriyeen labo go’aan oo uu Madaxweyne Xasan xafiiska kula soo laabtay dadkana si kalsooni leh ugu sheegayey ; 1- In uu doonayo in uu markaan isagu is eedo, cid uu talo kaga baahan yahayna jirin, maadaama uu aqoon PhD ka gaaray, da’na 70 jiro, laba jeerna la doortay, taasoo laga rabay in ay tawaaduc u kurdhiso, balse ismahdin iyo islaweyni uu ku qaaday. 2- Wuxuu kaloo la yimid in dadku waxba is dhaamin oo ay isku wada mid yihiin, qof mid kale ka karti (aqoon, waaya aragnimo iyo xirfad) badan jirin, keliya ay muhiim tahay daacadnimo, dhega fudayd iyo culays yari ka dhigan in qofka xilka loo dhiibayo uusan u doodin degaan iyo dad la metalayo, ama is bidin aqoon iyo waaya-aragnimo dood iyo muran keenaysa, ama sheegan xiriir dadweyne ama mid dibadeed. Mar uu sifaynayey qof uu xil wayn u dhiibay, dadkuna la ahayd in uusan qaadi karin ayuu Madaxweynuhu ku tilmaamay; “in uu yahay qof dhega fudud, culays degaan iyo dadna ku wareerin, fixer ah oo wax furdaamiya. Xukun wanaagsan waxaa aasaas u ah xeerinta danta qaranka iyo badbaadinta dowladda oo ku dhisan aragti la hiigsanayo, istaraatiijiyad iyo qorshe la raacayo, talo la rogrogay oo la isku miisaamay, xog, xisaabtan iyo suurgalnimo ku dhisan, si taasi u hirgashana waxay ka fursan karin kaadir aqoon, waaya-aragno iyo xirfad leh, iyo hoggaan dulqaad, dabeecad tanaasul, tawaaduc iyo ogaal tabar guuris leh. Labo mid ayaa u furan Madaxweyanaha; 1- In uu cashar ku filan ku qaato, garawsadana in guuldarrada siyaasadeed, dhaawacyada soo gaaray qaranka, iyo daqarrada ku dhacaya dowladnimada ay sabab u tahay taladiisii ahayd aan is eedo iyo dadku waxba isma dhaamo oo uu tawaaduco, qaladkiisa garto, ogaadana in uusan talo ka dhammayn, lana yimaado tanaasul uu dadka iskugu baadigoobo, taladana dhexda dhigo. 2- In uu waddada qarda jeexa iyo hubanti la’aanta ah ku sii socdo, subaxba kastana xaaladdii soo wajahda iyo sideey u qabataba kula tacaalo, eeddana dadka kale iyo duul shisheeye dusha kaga tuuro. Tan hore in uu Alle waafajiyo ayaan ugu ducaynaynaa, laakiin haddii uu tan danbe doorto, Madaxweynuhu markaa waa nin garnayl gaanjadiisu furan tahay dadka la dhex ordaya ama gaari xawaare dheereeya ku socda oo aan fariin lahayn shacabka ku dhex wada ee waa in aan isagana naftiisa ka badbaadinno, innagana iska badbaadinno.
  4. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda. Qaran News
  5. Boorama (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa maanta waxaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wafdi balaaran oo u hoggaaminayo ayaa magaalada Boorama kaga qayb-galay aaska marxuum Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo kamid ahaa madax-dhaqameedka ugu wakhtiga dheer oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Boorama. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door laxaadleh ka soo qaatay dib u dhiskii Somaliland iyo nabadayntii beelaha Somaliland ku wada dhaqan, kuna xusnaa nabad-doonimo iyo waayo aragnimo dheeraada oo uu u lahaa xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda. Sidoo kale wuxuu marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Suldaan Saleebaan ayaa ahaa oday dhaqan oo wehel u ahaa nabada, isagoo door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland. Sidoo kale wuxuu kamid ahaa salaadiinta ugu facaweyn salaadiinta Somaliland ama guud ahaan umadda Soomaaliyeed, ayadoo geeridiisana ay si weyn uga tacsiyadeeyeen madaxda Soomaalida.
  6. AQNho5XF4zpEboocdP4RwP2fBFLToRg9R2-BhN60WegrAv3VlTiFaIdkmX0hokBgmkHNUqTV7DA8VnOkIabFup3L Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan qorsheyneyso in gole deegaan loo dhiso gobolka Banaadir, si loo guda galo howlaha doorashooyinka iyo arrimaha hortabinta u leh, maadaama la aadayo qof iyo cod. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan oo ka hadlay qorshahooda ku aadan hannaanka doorashooyinka ayaa sheegay in sanadka ina soo aadan ee 2025-ka la dooran doono Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kadibna ay dooran doonaan guddoonkooda. Cabdikariin Axmed ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha ugu wayn uu yahay in laga gudbo Maayar lasoo magacaabo, si loo helo hoggaan ay soo doortaan reer Muqdisho. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in arrintan ay qayb ka tahay hoos u daadejinta maamulka iyada oo saddex heer ay noqon doonto doorashada dalka sida Golaha Deegaanka, Dowlad-Goboleedyada iyo tan Dowladda Dhexe ee Federaalka. “Doorashadeennu waa saddex heer, waxa aan kasoo billaabeynaa Golaha Deegaanka, Marka xigta waa Dowlad-Goboleedyada halka tan saddexaad tahay Doorashada Federaalka, waxa aan wadnaa shaqadeenna oo ah 100% hirgelinta Doorashada, 2025 waxa aan wadnaa in aanay mar dambe digreeto lagu soo magacaabin Maayar dambe oo la doorto Golaha Deegaanka” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed. Qorshaha lagu doonayo in gobolka Banaadir uu ku yeesho gole deegaan waxaa horay uga dhawaajiyay guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay Maxamed Axmed Amiir oo sheegay inuu rajeynayo inuu noqdo guddoomiyihii ugu dambeeyay ee lasoo magacaabo, isaga oo ballan qaaday inay ka shaqeyn doono sidii ay doorasho uga dhici lahayd gobolka. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku howlan diyaarinta doorashooyin qof iyo cod ah, balse waxaa diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka.
  8. The newly constructed Siaya County Stadium will host two heads of state; William Ruto and Uganda’s Yoweri Museveni during its official opening on January 2, 2025, Siaya Governor James Orengo has announced Source: Hiiraan Online
  9. NAIROBI — Kenya’s security report this year has been dominated by the violence and killings of women and girls, with more than 7,100 cases of gender-based violence since September 2023. Included in that number are 100 documented cases of murder against women since August 2024. Source: Hiiraan Online
  10. The Swedish Ambassador to Somalia, Joachim Waern: “Now I think it is time to talk about some kind of peace conference. The EU is working on a reconciliation process [in Somalia].” Mogadishu (PP News Desk) — The European Union is planning a political reconciliation conference in Somalia following the conflict in Raaskaambooni. The Swedish Ambassador to Somalia, Joachim Waern, told a Somali news website: “Now I think it is time to talk about some kind of peace conference. The EU is working on a reconciliation process [in Somalia],” said the ambassador. There is a growing consensus that Somalia’s federal system faces critical challenges, which predispose the incumbent federal government to overreach and undermine Federal Member States that oppose it on controversial constitutional amendments and the impractical initiative of one-person, one-vote elections in 2026. These challenges exist within an atmosphere of pervasive political mistrust across the political spectrum. “We have to constantly discuss with Jubaland, for example, and the Federal Government of Somalia, on how we can bring them together to some kind of reconciliation conference. I think the only way to solve these issues is to sit at the table and resolve them peacefully,” said the Swedish Ambassador to Somalia. © Puntland Post, 2024 The post EU to Organise Reconciliation Conference for Somali Political Stakeholders appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta u baxo safar qarsoodi ah oo aan horay loo sii shaacin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha ayaa u dhoofaya magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho qaadaneyso dhowr cisho. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu wada-hadallo toos ah la yeelan doono dhiggiisa Isiask Afwerki oo ay ka wada-hadali doonaan arrimo xasaasi ah. Eritrea oo ciidamo u tababarto Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay saameyn ku lahayd arrimaha Soomaaliya, waxaana kulamadii ugu dambeeyay ay labada dal ku sameysteen iskaashi cusub oo ay ku wajahayaan heshiiska badda ee Itoobiya ee carada dhaliyay. Dhanka kale, Eritrea ayaa haatan saluug ka muujineyso isku soo dhawaanshaha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib heshiiskii ay dhowaan ku gaareen magaalada Ankara. Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Idris, isla-markaana wasaaradda kala taliyo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay walaac ka qabaan heshiiskii ay Soomaaliya lagashay Itoobiya ee ka dhacay Ankara. La-taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan ka fileynin Soomaaliya gelidda heshiis noocaasi oo kale ah, isaga oo hoosta ka xariiqay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya haddii ay ogolaato in marin biyood ay siiyaan dowladda Itoobiya oo uu tilmaamay inay qatar ku tahay xasillonida iyo amaanka guud ee Eritrea. Sidoo kale wuxuu Cabdulqaadir Idris soo hadal qaaday iskaashiga ka dhexeeya Asmara iyo Muqdisho, gaar ahaan heshiiskoodii ugu dambeeyay, isaga oo sheegay inuu ku saleysnaa difaacidda biyaha Soomaaliya “Ma jirin heshiis gaar ah ay Dowladea Eritrea la gashay Soomaaliya, heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya” sidaasi waxaa Bbc da laanteedi afka Soomaaliga u sheegay Cabdulqaadir Idris oo ah lataliye Wasaaradda arrimaha Dibadda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya. Si kastaba, Eritrea ayaa kamid ah dalalka hadda xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, waxaana dhowaanahan iskaashi cusub la sameynayay madaxweynaha Xasan Sheekh.
  12. Mogadishu (HOL) – The Somali government has announced plans to provide Ethiopia with access to the Red Sea for commercial purposes, according to Somali Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi. Source: Hiiraan Online
  13. Dagaal ayaa ka socda deegaanka Jiicbor ee gobolka Mudug sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka ee halkaasi ku sugan. Dagaalka ayaa ka bilowday dhul daaqsimeed muran xooggan uu ka taagan yahay. Dagaalka oo u dhaxeeya laba beelood oo wada dega halkaasi ayaa sababay khasaare xooggan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray labada dhinac, inkastoo tirakoob rasmi ah wali la helin. Sidoo kale, hanti badan ayaa la burburiyey, halka qoysas badan ay ku khasbanaadeen inay guryahooda ka barakacaan sababo la xiriira cabsi dagaalka sii socda. Deegaanka Jiicbor ayaa muddo dheer ahaa goob lagu muransan yahay, waxaana colaaddan cusub ay baqdin gelisay dadka deegaanka ee nabadda jecel. Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ku fashilmay in ay hakiyaan dagaalkaan oo heshiis dhex dhigaan beellaha dagaallamaya. Source: goobjoog.com
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo maanta wareegto soo saaray ayaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Somaliland u magacaabay Jaamac Maxamuud Cigaal. Wareegtada oo kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in Jaamac Maxamuud lagu xushay aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. “Waxa aan go’aamiyey; In Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka. Maalmihii dambe madaxweyne Cirro ayaa ku howlanaa dhismaha xukuumaddiisa iyo hay’adaha kala duwan ee Somaliland, taas oo qayb ka ah isbedalka dhacay. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:- Wareegto Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-014/122024 uu ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku u leedahay Amniga Dalka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan ku qancay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan; Markii aan sameeyey: La-tashi; Waxa aan go’aamiyey; In Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH
  15. Asmara (Caasimada Online) – Xukuumadda Asmara ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrimo ku aadan isku dhowaashaha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib heshiiskii Ankara ee ay dhex-dhexaadisay dowladda Turkiga. Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Idris, isla-markaana wasaaradda kala taliyo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay walaac ka qabaan heshiiskii ay Soomaaliya lagashay Itoobiya ee ka dhacay Ankara. Idirs ayaa tilmaamay in hehsiiskaas ay u arkaan mid uu ku ku jiro mad-madow, isla-markaana aan la’isku haleyn karin, sida uu hadalka u dhigay. La-taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan ka fileynin Soomaaliya gelidda heshiis noocaasi oo kale ah, isaga oo hoosta ka xariiqay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya haddii ay ogolaato in marin biyood ay siiyaan dowladda Itoobiya oo uu tilmaamay inay qatar ku tahay xasillonida iyo amaanka guud ee Eritrea. Sidoo kale wuxuu Cabdulqaadir Idris soo hadal qaaday iskaashiga ka dhexeeya Asmara iyo Muqdisho, gaar ahaan heshiiskoodii ugu dambeeyay, isaga oo sheegay inuu ku saleysnaa difaacidda biyaha Soomaaliya “Ma jirin heshiis gaar ah ay Dowladea Eritrea la gashay Soomaaliya, heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya” sidaasi waxaa Bbc da laanteedi afka Soomaaliga u sheegay Cabdulqaadir Idris oo ah lataliye Wasaaradda arrimaha Dibadda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya. Eritrea ayaa kamid ah dowladaha haatan xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, waxaana dhowaanahan iskaashi cusub la sameynayay madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa kale oo ay Eritrea taageero milatari siisaa Soomaaliya, si gaar ah waxa ay tababaro umsiisaa ciidamo kala duwan ee qalabka sida.
  16. Recep Tayyip Erdoğan: “You cannot reach the sea from Ethiopia. It is really frustrating for such a vast land to be landlocked.” Mogadishu (PP News Desk) — In a recent briefing for the media about the Ankara Somalia-Ethiopia Agreememt, Turkish President Recep Tayyip Erdoğan’s remarks have sparked controversy. Critics argue that his language suggested that Ethiopia exerted undue influence over Somalia, and that he overlooked Somalia’s sovereignty, implying a subordinate relationship between Somalia and Türkiye. “When Ethiopia exerted pressure on Somalia, we also stood by Somalia. We made investments there” Erdoğa said. The Ankara Declaration, facilitated by Türkiye, aims to resolve tensions over the maritime MoU, particularly regarding Ethiopia’s desire for access to the Red Sea. The agreement includes provisions for Ethiopia to gain commercial access to Somali ports based on a lease. President Erdoğan’s speech has been scrutinised for certain expressions that some interpret as diminishing Somalia’s sovereignty . His use of phrases implying that Ethiopia had “put pressure” on Somalia has led to perceptions that Ethiopia is preying upon Somalia. Erdoğan’s failure to explicitly affirm Somalia’s sovereignty and the primacy of the International Law has been interpreted by some as viewing Somalia as a vassal state of Türkiye. This perspective is further complicated by the Somali Federal Government’s reversal of an earlier decision to exclude Ethiopia from the new peacekeeping operations in Somalia. Critics contend that this condition undermines Somalia’s self-determination and portrays the nation as yielding to external pressures, particularly from Türkiye and Ethiopia. Erdoğan endorsed Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed’s claim that the lack of access to the sea hinders Ethiopia’s economy. “You cannot reach the sea from Ethiopia. It is really frustrating for such a vast land to be landlocked” Erdoğan said. © Puntland Post, 2024 A transcript of Erdoğan’s speech in Turkish Gerçekten Somali ve Etiyopya arasındaki sıkıntı devam ediyordu. Tabi Etiyopya Somali’nin iki büyüklüğünde devasa biryer ama denize kapalı. Etiyopya’dan denize çıkamıyorsunuz. Bu kadar büyük devasa bir araziye sahip olan yerinhakikaten denize kapalı olması onları tabi ciddi manada rahatsız ediyor. Ve bu konuda da bugüne kadar birçok ülkedevreye girmiş ama bu işi çözememişler. Ben de gerçekten. Etiyopya Başbakanının benimle olan özel muhabbetisebebiyle kendisiyle bunları konuştuk, görüştük. Tabi Somali biz en kritik döneminde sahiplenen bir ülke olduk. Ve terörörgütlerindeyiz. Etiyopya’nın Somali’ye yüklendiği dönemde biz tabi Somali’yi de sahiplendik. Orada yatırımlarımız oldu.O yatırımlarla beraber Somali’de terör örgütlerine karşı da adımlar attık. Ve şimdi de Etiyopya’nın bu yeni ayağakalkışında dedik ki biz size her türlü, her türlü desteği vereceğiz. Ekonomide, savunmada. Elimizden gelen desteğikendilerine verdik. 7 saat süren. Bir görüşmeden sonra sağ olsunlar. Parafları attık. İşi bitirdik. Ve ondan sonra da bizim basın toplantısı salonumuza geçiporadan dünyaya. Bunu açıkladık ve kendilerine şunu da söyledim, dedim inşallah önümüzdeki yılın ilk iki ayındaEtiyopya’yı ve Somali’yi ziyaret edeceğim ve bu attığımız adımı dünyaya duyuracağız dedik. Ve kararımızı bu şekildeaçıkladık. Sağolsunlar onlar da bu attığımız adımı kendi ülkelerine taşıdılar, taşıyorlar. Güzel bir geleceği Afrika’ya buşekilde duyurmuş olduk, tüm dünyada bu attığımız adımın, aldığımız adımın, aldığımız neticenin iftiharını bizlerle paylaştı, samimi olunca, niyet hâlis olunca her şey oluyor.” A translation of Erdoğan’s speech Indeed, the tension between Somalia and Ethiopia was going on. Of course, Ethiopia is a big place, twice the size of Somalia, but it is landlocked. You cannot reach the sea from Ethiopia. It is really frustrating for such a vast land to be landlocked. And many countries have intervened in this matter before, but they couldn’t resolve it. I, too, had a special conversation with the Prime Minister of Ethiopia, and we discussed these issues. Of course, we are a country that supported Somalia during its most critical times. And we are involved in the fight against terrorist organisations. When Ethiopia put pressure on Somalia, we supported Somalia as well. We made investments there. Along with these investments, we also took steps against terrorist organisations in Somalia. And now, with this new phase of Ethiopia’s rise, we said we would provide them with all kinds of support, in both the economy and defense. We gave them all the support we could. After a seven-hour meeting, thanks to them, [Somalia and Ethiopia] signed the [Ankara] agreement. We finished the job. And then they came to our press conference room and announced this to the world. And I also told them this, I said, “God willing, in the first two months of the coming year, I will visit Ethiopia and Somalia and announce this step we have taken to the world.” And we announced our decision in this way. Thank goodness, they also conveyed this step we took to their own countries. We have announced a beautiful future for Africa in this way, and they shared the pride of this step we took, this decision we made, and this result we obtained with us. When you are sincere, when your intentions are pure, everything works out.” The post Erdoğan’s Remarks on Ankara Agreement Stir Controversy Over Somalia’s Sovereignty appeared first on Puntland Post.
  17. AQOOTrany38dtylMkLf9gLjT496jWmJyo2U7OVMT1m8_ppOM2OwVOqCySmnKn6dhQMcDeflyxdsnKmfxcnudqhjI Qaran News
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kadib markii uu soo magacaabay Madaxweyne ku xigeenadiisa, isagoo dib u soo celiyey xubnihii horay u joogay. Dikreeto ka soo baxday xafiiska Axmed Madoobe ayaa dib loogu soo magacaabay Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, madaxweyne ku xigeenka labaad. Wax is bedel ah ma muujin dikreetada Axmed Madoobe soo saaray, waxaana xusid mudan in labadaas nin ay ku xigeenno u ahaayeen Axmed Madoobe intii uu heystay Jubbaland. Haddaba sidee looga falceliyay? Cali Yare Cali oo ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Shaqsi ahaan lamaanan yaabin xaanshida Madoobe oo abidkeeyba nimcooyinka rabbi i siiyay ayay kamid tahay inuusan marnaba igu darin kuwa Madoobe iyo hab-dhaqankiisa ku sirma — waxaanse is waydiiyay nuuca tilmaameed ee la siin karo qofka Xasan Shiikh ku diidan maamul xumo iyo kali-talisnimo, midkaan falaadkiisu ilaa heerkaan gaaraysiisanyahayna taageersan!” Cabdiraxmaan Sandhool Cali “Agaasime waxeedka iyo madaxweyne ku xigeen Jubaland waa isku mid Axmed baa magacaaba Axmed baana eryi kara !!!!”. Mahad Cabdulqaadir Axmed “Madaxwyne ku xigeenka sowtii la dooran jiray, waa maxay magacaabistu!”. Siyaad Maxamed Dool “Hambaliyo mas’uuliyiinta dowladda Jubaland Alle ha idiin fududeeyo xilka iyo mas’uuliyadda”. Cabdiwahaab Xasan “Warqada 2019 unba Date laga beddalay Axmed daacad Jubaland waa xoraystay lol”. Axmed Dhaaye ayaa isaguna yiri “Reer Jubaland ayaa ku qanacsan ayey ila tahay ninka sidaa yeelaya”. Cabdiraxmaan Xarage “Ninkaan meesha waa u xureysan tahay wlhi madaxweyne ku xigeenka asigaaba iska magacaabanaa”.
  19. Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa sheegay inay weerar gantaallo ah ka fuliyeen goobo ku yaalla gudaha maamulka Israa’iil iyo dhulalka kale ee la haysto. Af hayeenka ciidamada Xuutiyiinta Yaxye Saara ayaa sheegay inay gantaallo ku garaaceen bartilmaameedyo militari oo ku yaalla gudaha Israa’iil, gaar ahaan magaalada Jaffa ee la haysto. Xuutiyiinta ayaa weerarro joogta ah ku hayay Israa’iil iyo maraakiibta badda cas maraysa ee maamulkaas iyo reer galbeedku leeyihiin tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Qasa 7-dii Oktoobar sanadkii hore ee 2023. Source: goobjoog.com
  20. Dowladda Eritrea ayaa ku hanjabtay in ay xiriirka u jari doonto Soomaaliya haddii dowladda Xasan Sheekh marin badeed Itoobiya ka siiso badda Cas. Dibloomaasi sare Cabdiqaadir Idiris oo dowladda Eritrea kala taliya Arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale walaac xooggan ka muujiyay heshiiskii dalka Turkiga ku dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Diblomaasi Cabdiqaadir Idiris ayaa ku tilmaamay heshiiskii Ankara ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed mid uu mad-madow badan ka muuqdo oo aan la isku hallayn karin. Wuxu intaasi ku daray in haddii ay caddaato in Soomaaliya marin badeed ka siiso Itoobiya dhinaca badda Cas taasi ay kaga jawaabayaan in ay xiriirka diblomaasiyeed u jiraan dowladda Federaalka Soomaaliya. “ma jirin heshiis gaar ah ay Dowladea Eritrea la gashay Soomaaliya, heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiqaadir Idiris. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in aysan marnaba dowladda Soomaaliya ka filayn in ay Itoobiya u saxiixdo heshiis ku saabsan bixinta marin badeed oo laga siiyo badda Cas. Cabdiqaadir Idiris oo wasaaradda Arrimaha dibadda Eritrea kala taliya Arrimaha Soomaaliya oo wareysigan siiyay BBC-da ayaa sidoo kale xusay in haddii Soomaaliya heshiis badeed u saxiixdo Itoobiya uu halis gelin karo Amniga geeska Afrika. PUNTLAND POST The post Eritrea: Xiriirka ayaan u jaraynaa Soomaaliya hadday marin badeed siiso Iroobiya appeared first on Puntland Post.
  21. Jigjiga (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo saaka dib uga qaxay degaanka Dacawaley ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay isku fara saareen dadka deegaanka iyo ciidanka Booliska. Dagaalka saaka ayaa ah mid aad u culus, waxuuna ka socdaa 4 jiho oo deegaanka ah, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaad deegaanka kasoo jeedo iyo ciidanka dowlad deegaanka oo indhowanahaan ku dagaalamayay halkaasi. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli sii socdo, wuxuuna saameeyn ku yeeshay dadka deegaanka oo haatan dareemaya culeys xoogan. Sidoo kale waxaa fashilmay dadaallo nabadeed oo ay wadeen odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo saaka isaga cararay Dacawaley, kadib markii ay bilaabatay xabadda. Is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ciidamo badan oo boolis ah geeyay halka lagu dagaalamayo, si ay ula wareegaan deegaanka, balse waxaa diidan maleeshiyaad deegaanka. Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay deegaannada u dhow xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, waxaana labada dhinac ay horay uga soo saareen baaqyo nabadeed. Dagaalkan waxaa ka horreeyay weerar kale oo isla todobaadka lagu dilay 5 askari oo kamid ahaa ciidanka dowlad deegaanka, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan halkaasi. Waxaa kale oo jira dil kale oo todobaadkii hore agagaarka deegaanka Dacawaley loogu gaystay madaxii amniga ee degmada Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, waxaana ka dambeeyay dilkooda dabley hubeysan oo aan la garan, kadibna baxsatay.
  22. Jigjiga (HOL) – Ethiopian military forces have closed the border with the Somaliland breakaway region following intense clashes between Somali regional troops and armed militias in the Harshin district in Somali region. Source: Hiiraan Online
  23. The recently signed Ankara Declaration has raised questions about Ethiopia’s interpretation of its commitments, with analysts pointing to its naval ambitions and Somaliland’s role in regional geopolitics. Source: Hiiraan Online
  24. Mogadishu (HOL) — Yusuf Abdi Ali, a former Somali military officer accused of leading a brutal campaign of atrocities during the 1980s, was deported to Somalia on December 20 after decades of legal proceedings in the United States. Known as “Tukeh” or “The Crow,” Ali’s removal marks a significant victory for justice advocates and survivors of his alleged crimes. Source: Hiiraan Online