-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macalin Fiqi oo shalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ayaa wada-hadallo rasmi ah halkaas kula yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Mudane Badar Cabdilati. Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, sida lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. “Waxaa wadahadalladaas xoogga lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, sida amniga, siyaasadda, waxbarashada, iyo dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Cilaaqaadka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku saleysan walaaltinimo iyo iskaashi waxtar leh, kaas oo qayb ka qaadanaya horumarinta labada dal.” Sidoo kale, waxaa laga wadahadlay dadaallada la dagaallanka argagixisada, iskaashiga militariga, amniga, iyo howlgalka cusub ee Soomaaliya ka bilaabanaya AUSSOM. Intii uu socday kulanka labada wasiir, ayuu Axmed Macalin Fiqi warbixin ka siiyay Badar heshiiskii Ankara ee dhawaan dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo dan u ah nabadda gobolka, sida ay u dhigtay Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Masar u sheegay in heshiiskaas uu buuxinayo dhammaan dalabaadka Soomaaliya ee ah in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Warar soo baxay markii uu heshiiskaas ka dhacay Ankara ayaa sheegayay in Masar ay ka carootay heshiiska ay Soomaaliya la gashay Itoobiya oo ah dal cadowga koowaad u ah labada dal ee Masar iyo Somalia, balse Masar ayaan weli ka hadlin heshiiskii Ankara. Masar oo qeyb ka noqon doonta howlgalka ciidan ee ATMIS bedelaya ee Soomaaliya ka bilaabanaya 2025-ka ayaa si weyn ula dagaashan Itoobiya, waxayna gobolka Geeska Afrika si rasmi ah u soo jaleecday bilowgii sanadkaan, markaas oo Itoobiya ay daan-daansi ku bilowday Soomaaliya.
-
Egypt's foreign minister said Monday that his country will take part in a new African Union peacekeeping force in Somalia, as the two countries draw closer amid tensions with Ethiopia. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Ethiopian and Jubaland forces have reportedly seized control of Dolow, a key town in Somalia’s Gedo region, after intense clashes with the Somali National Army on Sunday. The confrontation left heavy casualties on both sides and escalated tensions between Somalia, Ethiopia, and the Jubaland administration. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu soo bandhigayo lacag cusub oo Puntland ay yeelato taasoo muujineysa khilaafka xooggan ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Puntland ee ku saabsan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sida hannaanka doorashada iyo dastuurka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladdiisa ay soo bandhigi doonto lacagteeda sanadka 2025-ka, go’aankaas oo la macno ah in lacagta Shilinka Soomaaliga aan laga isticmaali doonin Puntland marka uu si buuxda u dhaqan galo hadalka madaxweynaha. “Dhibaatooyinka ugu weyn ee dhinaca maaliyadeed ee na haysta waxaa kamid ah dhinaca lacagta, shilinkii Soomaaliyeed waxa uu ka baxay khidmadii shaqada, lacagteenna iyo shaqadeedii waxa ay kusoo uruurtay qaab elektaroonik ah”, ayuu yiri madaxweyne Deni. Waxa uu madaxweynuhu sheegay in deegaannada fog-fog ee miyiga ay ku adkaatay isticmaalka lacagaha hawada la’isu mariyo taasina ay qasabtay xal u raadin lacageed. “Waxaa jira dalal badan oo fadaraal ah oo labo lacageed kala isticmaala, macneheedu ma aha Soomaalinimada in aan ka baxno balse waxa aan rabaa in Punland lacag ay leedahay aad daraaddeeda bilowdaan oo aad raadisaan”,ayuu sii raaciyay madaxweyne Deni. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in muddo ay sugayeen Lacag Soomaaliyeed oo lagu mideysanyahay balse taasi aysan dhicin. Go’aanka ay Punland ku isticmaaleyso lacag u gaar ah ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo istaraatiijiyad lagu horumarinayo dhaqaalaha. Puntland ayaa tan iyo 2021 inteeda badan isticmaalaysay lacagta dollarka Mareykanka kadib markii ay joojisay lacagta shilinka Soomaaliga ah kadib sicir barar baahsan oo dhacay. Deni ayaa sheegay in lacagta cusub ay la jaanqaadi doonto nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya mustaqbalka maadaama Puntland ay u dhaqaaqday madax-banaani dhaqaale. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay ka gaabisay in ay soo daabacdo lacago cusub oo lagu bedelayo lacagaha duugga ah Dastuurku muxuu ka qabaa in maamul uu sameysto lacag u gaar ah? Kadib markii madaxweynaha Punland u uku dhawaaqay go’aanka ah in Puntland ay ku sameysaneyso lacag u gaar dood badan ayaa ka dhalatay sida maamul ka tirsan dhowladda dhexe uu u qaadan karo go’aankaas marka laga eego dhinaca sharciga. Abuukaate Zakariye Yuusuf oo ka faallooda arrimaha sharciga ayaa faah faahin ka bixiyay waxa dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya uu ka qabo arrinkan iyo sida ay ku dhaqan geli karto. “Waxa aan eegeynaa cutubka shanaad ee dastuurka dalka, cutubkaan waxa uu kala dhig dhigayaa qaab dhismeedka iyo mabaadii’da wadashaqeynta heerarka xukuumadda, cutubkan waxa uu dowladda federaalka ah siinayaa awoodo gaar ah, dowlad goboleedyadana waxa uu siinayaa awoodo gaar ah iskuma Darsana”. “Marka aad fiiriso qodobka 54-aad ee dastuurka ‘Kala qaybinta awoodaha’, awood qaybisga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa kawada xaajoon doonaya xukuumadda federaalka iyo dowladaha hoostaga, si gaar ah [D] Arrimaha siyaasadda lacagta oo ay awooddooda iyo mas’uuliyaddooda yeelaneyso dowladda fedraalka ah”, ayuu sii raaciyay Abuukaate Zakariye Yuusuf. Waxa uu sheegay in sidaas daraadeed qodobakaas uu qeexayo in dowlad goboleed xubin ka ah dowladda federaalka ah aysan dowlad kale iyo shirkad kale la xaajoon Karin haddii ay noqoto arrimo lacageed iyo waxyaabo kaleba. Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa muddaba soo jiitamayay iyada oo Punland ay sheegtay in aayeheeda masiiriga ah ay maamulan doonto una tashaneyso. Madaxweyne Deni oo markii ugu dambeysay ka hadlay arrinkan ayaa yiri, “Dowladdii dhexe ee dalkan si mideysan ayey u shaqeyn jirtay oo qaabka dowladnimo uu ahaa hal mid oo Soomaaliya oo dhan ka jirtay, balse hadda taasi majirto, waana tan sababtay Puntland iyo aas-aaskeedii”. Si kastaba ha ahaatee ganacsatada Puntland ayaa horay u qaadan jiray lacagta doollarka ah, taasi oo sii xoojisay fikirka ah in Puntland ay ka fakarto sameynta lacag cusub oo ay yeelato. Sidoo kale, Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dalka uu si weyn ugu tiirsan yahay isticmaalka Doollarka Mareykanka iyo lacagaha Elektarooniga ah ee ay bixiyaan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay. Isha: BBC
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdigii u horreeyay u direysa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, tan iyo intii uu soo hagaagay xiriirka labada dal. Socdaalka wafdigan ayaa daba socda heshiiskii dhawaan ay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ay ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad, sida lagu sheegay bayaan ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. “Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyb dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay sida ay uga go’an tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska oo kamid tahay Itoobiya, iyadoo xiriirkiisa saldhig looga dhigayo ixtiraamka buuxa ee madax-banaanida, midnimada iyo wadajirka dal kasta. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in safarkan uu qeyb yahay agaasimaha hey’adda sirdoonka iyo nabad-sugida Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe, inkastoo aan lagu xusin bayaanka kasoo baxay wasaaradda. Socdaalkan wafdiga dowladda Soomaaliya uga ambabaxayaan Addis Ababa ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo dagaal ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya, kaai soo dhex-maray ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa taabacsan Jubbaland.
-
Sweden’s Diplomatic Position on Somaliland and Regional Stability in the Horn of Africa – The debate over Somaliland’s recognition has sparked a heated exchange between Markus Wiechel of the Sweden Democrats (SD) and Foreign Affairs Minister Maria Malmer Stenergard. Wiechel has pressed the Minister to clarify Sweden’s position on Somaliland and its potential recognition, arguing that such a step is vital for Sweden’s geopolitical strategy, particularly in countering China’s growing influence in the Horn of Africa. In her response, Malmer Stenergard reaffirmed Sweden’s commitment to supporting democracy in Somaliland but dismissed the possibility of recognizing its independence, maintaining the current “One Somalia” policy. Wiechel’s challenge stems from Somaliland’s stark contrast to the broader failures of Somalia. While Somalia remains plagued by political instability, extremism, and corruption, Somaliland has achieved remarkable stability and built a functioning democratic system. Somaliland’s governance stands as a rare success in a region rife with chaos, making it an invaluable partner for Western democracies seeking stability and influence in the Horn of Africa. Wiechel emphasized that ignoring Somaliland’s achievements risks undermining Sweden’s commitment to democracy and leaves a vacuum for external actors like China to exploit. China’s increasing foothold in the region presents a significant challenge. Reports of Somali forces mobilizing with Chinese material support underline the geopolitical stakes. Beijing’s expanding influence in Africa, through infrastructure projects and military partnerships, threatens to erode Western influence in a strategically critical region. Recognizing Somaliland could provide Sweden and its allies with a reliable partner to counterbalance China’s ambitions and strengthen democratic governance in the Horn of Africa. Malmer Stenergard’s refusal to reconsider Somaliland’s recognition reflects a conservative approach that Wiechel argues is outdated and shortsighted. By adhering to the “One Somalia” policy, Sweden fails to adapt to the realities on the ground. Somaliland’s progress demonstrates that it is not only ready for recognition but deserving of it. Its success offers a beacon of hope for democratic ideals in a region where such achievements are rare. Failure to act decisively risks alienating Somaliland and its people, many of whom have strong ties to Sweden. The Somali diaspora in Sweden, particularly those of Somaliland origin, represents an untapped resource for fostering closer ties between the two countries. This community can serve as cultural and economic bridges, helping to strengthen bilateral relations and advance mutual interests. Yet, the government’s reluctance to acknowledge Somaliland’s autonomy undermines these opportunities. Wiechel’s argument highlights the disconnect between Sweden’s commitment to democracy and its failure to support a democratic state seeking international recognition. Wiechel’s push for recognition also underscores the moral imperative of supporting Somaliland’s sovereignty. Somaliland has achieved what many in the region have not—functioning democratic institutions, peaceful transitions of power, and a commitment to stability. Its achievements deserve not just applause but tangible support. Recognition would affirm Sweden’s role as a global advocate for democracy and human rights while securing a critical ally in the Horn of Africa. Malmer Stenergard’s response reflects a cautious diplomacy that prioritizes maintaining relationships with Somalia’s federal government. However, this approach overlooks the reality that Somalia’s failures do not represent Somaliland’s future. Continued adherence to the “One Somalia” policy risks leaving Sweden on the sidelines as other nations, such as the United States and Ethiopia, move toward recognizing Somaliland’s potential as a strategic partner. Wiechel’s stance challenges Sweden’s foreign policy to align its democratic values with actionable support for Somaliland. Recognition is not just a symbolic gesture but a strategic necessity in countering China’s influence, securing stability in the Horn of Africa, and affirming Sweden’s commitment to democracy. The time for Sweden to act decisively is now. Waryatv Qaran News
-
Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta gaaraya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia, si ay u sii ambaqaadaan heshiiskii Ankara ee dhexmaray madaxda labada dal. Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’antahay inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska ah, iyadoo xiriirkaas saldhig looga dhigayo ixtiraamka buuxa ee midnimada, iyo wadajirka dal kasta. madaxbannaanida Waa markii ugu horreysay oo wefdi ka socda dowladda Soomaaliya ay tagayaan dalka Itoobiya tan iyo markii ay xiisadda siyaasadeed laba dhinac ka dhex curatay bishii January, xilligaas oo Itoobiya ay heshiis la gashay Soomaaliland. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Daccò Coppi. Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka. Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey dowladda Talyaaniga doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, isagoo ku boorriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed. Safiirka Talyaaniga Amb. Pier Mario Daccò Coppi ayaa xaqiijiyey in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageeridda dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda. Sidoo kale wuxuu bogaadiyey safiirka dadaalka dowladda federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed. Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, islamarkaana ku dhisan wax wada-qabsi.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu wada-hadallo rasmi ah kula leh dhiggiisa Masar, Mudane Badar Cabdilati. Wada-hadalladaasi ayaa si gaar ah diiradda loogu saaraya sidii loo xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyada oo la tixgelinayo dhinacyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Amniga: Taageerada iyo iskaashiga labada dal ee dhinaca ammaanka. Siyaasadda: Dib-u-xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga siyaasadeed. Waxbarashada: Isku-xidhka iyo kobcinta fursadaha waxbarashada ee u dhexeeya labada dal. Dhaqaalaha: Kor u qaadidda iskaashiga ganacsi iyo maal-gashiga labada dhinac. Cilaaqaadka Soomaaliya iyo Masar, oo ku saleysan walaaltinimo, iskaashi waxtar leh, iyo xiriir soo jireen ah, ayaa muhiim u ah horumarinta labada dal, iyadoo wada-hadalladan ay muhiimad gaar ah siinayaan sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha wadajirka ah. Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imanaya degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijinaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo kala taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Iska horimaadka ayaa billowday kadib markii diyaarad kasoo kacday magaalada Kismaayo ay ku degtay garoonka Doolow, iyada oo siday wasiirro, mas’uuliyiin, iyo xubno ka tirsan Jubbaland. Waxaa kamid ahaa mas’uuliyiintaas Maxamed Xuseen Isaaq Al-Qaadi, oo dhowaan loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Jubbaland. Diyaaraddaasi waxay jebisay xayiraad ay dowladda Federaalka horey u saartay garoonka Doolow. Dagaalka ayaa xoogeystay, waxaana isku dhacay Ciidamada Dowladda Federaalka oo dhinac ah iyo ciidamada ka amar qaata Guddoomiyaha Degmada Maxamed Xuseen Lafey oo garab ka helaya ciidamo Itoobiyaan ah. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay degmada Beledxaawo ayaa ku eedeeyay Ciidamada Itoobiya inay si toos ah ugu soo xadgudbeen madaxbanaanida Soomaaliya. Saraakiishan ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay ku lug leeyihiin xaaladda kacsan ee ka taagan Gobolka Gedo, gaar ahaan dagaalada ka socda degmada Doolow. Waxay tilmaameen in faragelinta ciidamada Itoobiya ay tahay mid aan loo dulqaadan karin, iyaga oo ku adkeystay in Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaar u yihiin inay ka difaacaan magaalada Ciidanka Itoobiya. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Daccò Coppi. Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga, iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, isagoo ku boorriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed. Safiirka Talyaaniga Mudane Pier Mario Daccò ayaa xaqiijiyey in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageeridda Soomaaliya, isagoo bogaadiyey dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Daccò Coppi. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha iyo Safiirku ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga, iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida Villa Somalia sheegtay uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, isagoo ku boorriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed. Safiirka Talyaaniga Mudane Pier Mario Daccò ayaa xaqiijiyey in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageeridda Soomaaliya, isagoo bogaadiyey dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabiley Safiirka Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda u magacaabay Maxamed Xasan Saleebaan. Agaasime Maxamed Xasan ayaa ah khabiir muddo dheer ka soo shaqaynayay Kastamada Somaliland isla.markaasina ah khabiir in badan ka soo hawlgalay wasaaradda Maaliyadda xiliyo kala duwan isaga oo soo noqday agaasimaha cashuuraha bariga Somaliland Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka isaga oo Warbixin ka dhageystay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliyeed uga go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah iyadoo awoodda loo celinayo shacabka si ay codkooda ugu soo doortaan madaxda hoggaamineysa. Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddiga kula dardaarmay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galo hirgalinta Doorashooyinka dalka si hufan oo caddaalad ku saleysan maadaama uu Baarlamaanka dhawaan u dhammeystiray dhammaan shuruucdii fududeyneysay. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Soomaaliya ayaa wefdigii u horreeyay u direysa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaddib heshiiskii Madaxda labada dal ku gaareen Ankara. Wefdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad, sida lagu sheegay war saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Dibadda soo saartay. Wararka ayaa sheegaya in safarkan uu qeyb yahay Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe, inkastoo aan lagu xusin War Saxaafadeedka Wasaaradda. Socdaalkan wefdiga dowladda Soomaaliya uga ambabaxayaan Addis Ababa ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu maanta ka dhacay degmada Doolow ee Gobolka Gedo dagaal ay qeyb ka yihiin Ciidamada Itoobiya, kaasoo dhex maray Ciidamka DFS iyo kuwa taabacsan Jubbaland. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo wefdi heer sare ah u diraysa dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Hargeisa,(Qaran news)-Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa ku dhawaaqay Natiijada ka soo baxday baadhistii Alle haw naxariistee meydadka Xamse Iyo Huda oo dhawaan gaadhi meydkooda laga dhex heley Hargeysa. Agaasimaha ayaa sheegay in dhimashada Labada marxuum baadhistii ku ogaadeen inay sababtay maadada Carbon Monoxide oo ka soo baxday gaadhigay saarnaayeen oo Iksaasku xaga hoose ka daloolay. Alle haw naxariisto marxuumiintaasi. Eheladoodina samar iyo imaan ka siiyo https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQNDpuiLKv9JRLbLNIdFPRhoK3M2te_c8tSaIln4yUHrGLFyJTp3MNy5laFcE4mGo2o_N0CG_G_yW1aRbsVy_ILC.mp4 Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland, gaar ahaan kuwa nabad-sugidda maamulkaas oo xalay howlgal ka sameeyay magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa ka hortegay weerar qarax ah oo ay soo abaabuleen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab. Qaraxa oo miino ahaa ayaa lagu diyaariyay xaafadda Farjanno, balse waxaa fashiliyay ciidanka amniga, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Jubaland. “Ciidanka Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa ku guuleystey fashilinta miino nooca dhajiska ah oo ay khawaarijtu rabtey inay ku bartilmaameed-sadaan shacabka reer Kismaayo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adaha amniga Jubbaland. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in fashilinta qaraxa ay ka qayb qaateen dadka deegaanka, kadib markii ay soo wargeliyeen hay’adaha amniga oo sameeyay howlgal. “Miinadan sawirkeedu hoos idiinka muuqdo ayay ciidanku ku qabteen xaafada Farjanno ee magaalada Kismaayo kadib markey shacabka xaafadaasi ku wargeliyeen laamaha amniga.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Kismaayo ayaa waxaa badanaa howlgallo ka sameeyay ciidamada amniga Jubbaland oo horay sidaan oo kale u fashliyay weeraro ay soo abaabuleen maleeshiyada Al-Shabaab. Dhowaan ayay ahayd markii Kismaayo lagu qabtay nin hubeysan oo weerar bam-gacmeed ah ka gaystay gudaha magaaladaasi, kaas oo ay soo bandhigeen laamaha amniga.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka haatan u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd, kadib markii ay kala tageen Villa Soomaaliya iyo Axmed Madoobe oo isku qabtay arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka. khilaafka ayaa isku beddalay gacan ka hadal, ka gadaal markii labada dhinac ay dhowaan ku dagaalameen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada dowladda oo laga adkaaday iyo kuwa daraawiishta Jubbaland. Arrinta ayaa hadda u weecatay dhinaca gobolka Gedo oo ay dhaq-dhaqaaq culus ka waddo dowladda federaalka, si ay ula wareegto guud ahaan gacan ku haynta gobolkaasi oo ay u dirtay wafdi wasiiro ah iyo xildhibaanno oo hadda qorshe ka wada degmada Garbahaarey. Haddaba maxay tahay fursadda hortaallo reer GEDO kadib kala tegga Axmed Madoobe iyo DF? Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xildhibaan Cismaan Libaax oo kamid ah wasiirrada dhaq-dhaqaaqa ka wada Garbahaarey ayaa isaga oo la hadlayay odayaasha Gedo wuxuu sheegay inay hortaallo fursad muhiim ah oo kala dhalatay kala tagista Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe, wuxuuna usoo jeediyay inay ka faa’iidestaan. Cismaan Libaax ayaa shaaca ka qaaday in wixii loo talagalay Jubbaland la geyn doono Gedo, maadaama Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh ay ku kala tageen siyaasadda. “Axmed Madoobe, haddii uu dowladda la heshiin lahaa annaga taas ayaa noo darneyd fursad ma heli lahayn hadda fursad ayaan leenahay Axmed Madoobe iyo dowladda waa kala tageen wixii Jubbaland loo wado inta ayaa la keenayaa” ayuu yiri Cismaan Libaax. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Annaga iskama aanan imaanin wixii mashaariic ah halkan ayaa la keenayaa, marka waa inaan fursaddan ka faa’iideysanaa”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda federaalka ay isku dayeyso inay isku ballaariso gobolka Gedo oo dhan, halkaas oo ay joogaan qaar kamid ah ciidamdeeda.