Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Soomaaliya oo xalay bayaan soo saartay ayaa shaacisay in ay heshiis iskaashi oo gaarsiisan heer istiraatiijiyeed la gashay dowladda Masar. Bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayay ku sheegtay in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar ku heshiiyeen in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer istiraatiiji. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ku sugan magaalada Qaahira islamarkaana kulan la qaatay wasiirka Arrimaha dibadda Masar Badr Abdel Aty ayaa heshiiskani istiraatiijiyeed ku matalay dowladda. “Kulanka waxa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo raadinta fursado iskaashi oo cusub, iyada oo lagu heshiiyay in xiriirka la gaarsiiyo heer istiraatiiji” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya. “Labada dhinac ayaa sidoo kale isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha iyada oo loo marayo Madasha Soomaaliya iyo Masar, oo lagu qaban doono Qaahira Janaayo 2025” ayuu sii raaciyay bayaanka. Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli wefdi ka socda dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin dalka Itoobiya si ay u dhammaystiraan heshiis istiraatiijiyeed oo dhawaan dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo Masar la gashay heshiis cusub oo gaarsiisan heer istiraatiijiyeed appeared first on Puntland Post.
  2. Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad uu shalay ka jeediyay aqalka Knesset-ka ku sheegay in horumar laga gaaray wadahadallada socda ee lagu doonayo in lagu sii daayo la-haystayaasha Israa’iil ee lagu haysto Gaza. Netanyahu aya shegay in aaney shaqada joojin doonin ilaa inta dadkaasi dib loogu soo celinaayo guryohooda . Netanyahu ayaa sidoo kale Isniintii sheegay in uu doonayo in uu heshiisyo nabadeed oo cusub la saxiixdo dalalka Carabta, mid la mid ah heshiiskii Abraham ee 2020-kii ee uu Maraykanku gar wadeenka ka ahaa ee Israel iyo dhowr dal oo Carab ah Netanyahu waxa uu sheegay in dalalka Carabta ee qunyar socodka ah ay u arkaan Israa’iil inay tahay quwad goboleed iyo xulafo macquul ah uuna doonayo in uu si buuxda uga fayiideysto Dagaalyahannada Hamas ayaa weerarkoodii Oktoobar 2023-kii ee koonfurta Israa’iil ku dilay 1,200 oo qof iyagoo qafaashay ilaa 250 kale, sida ay sheegtay Isra’il. Ilaa iyo hadda waxaa Gaza ku sugan ku dhawaad 100 la haystayaal ah, inkastoo ugu yaraan saddex-meelood meel la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymaha Isra’il ay ku heyso Gaza. Weerarkii rogal celiska ahaa ee ay Israa’iil ku qaaday Gaza, ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 45,200 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.
  3. Abdullahi Aden, Director of the Blue Economy at the Ministry said that they have established a strategy to benefit from the blue economy so that the country becomes self-sufficient in the future. Source: Hiiraan Online
  4. A delegation led by Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ali Omar, arrived in Addis Ababa today, December 14, 2017. The visit aims to strengthen commitments outlined in the historic Ankara Agreement. Source: Hiiraan Online
  5. Somalia accused Ethiopian forces of a deadly attack on its troops in a border region on Monday, just days after the two countries signed an accord aimed at resolving months of tension. Source: Hiiraan Online
  6. The Ambassador of Italy in Mogadishu, Pier Mario Daccò Coppi, was received by the President of Somalia, Hassan Scheik Mohamud, on the occasion of the closure of the second session of the 'Training and Advisory Programme for the Federal Government of Somalia on UN Security Council Membership', an intensive training course financed by the Italian Ministry of Foreign Affairs and organised by Unitar and the Med-Or Foundation. Source: Hiiraan Online
  7. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in horumar laga gaaray wadahadallada socda ee lagu doonayo in lagu sii daayo La-haystayaasha Israa’iil ee lagu haysto marinka Gaza. Netanyahu aya shegay in aaney shaqada joojin doonin ilaa inta dadkaasi dib loogu soo celinaayo guryohooda. Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in uu doonayo in uu heshiisyo nabadeed oo cusub la saxiixdo dalalka Carabta, mid la mid ah heshiiskii Abraham ee 2020-kii ee uu Maraykanku gar wadeenka ka ahaa ee Israel iyo dhowr dal oo Carab ah. Netanyahu waxa uu sheegay in dalalka Carabta ee qunyar socodka ah ay u arkaan Israa’iil inay tahay quwad goboleed iyo xulafo macquul ah uuna doonayo in uu si buuxda uga fayiideysto. Ilaa iyo hadda waxaa Gaza ku sugan ku dhawaad 100 la haystayaal ah, inkastoo ugu yaraan saddex-meelood meel la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymaha Israa’il ay ku heyso Gaza. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo raja ka muujiyay sii deynta La-haystayaasha Israa’iil ee Gaza ku xiran appeared first on Puntland Post.
  8. Hargeisa (HOL) —The deaths of two young people found inside a vehicle in Hargeisa last week were caused by carbon monoxide poisoning, medical officials confirmed Sunday, leaving a shaken community grappling with questions of safety and accountability. Source: Hiiraan Online
  9. JOHANNESBURG, South Africa (HOL) — Authorities in Durban, South Africa, launched a major operation in the neighbourhood known as “Little Somalia” on Monday, targeting unlicensed businesses and alleged by-law violations. According to local officials, the raid uncovered expired groceries, unmarked food products, and unauthorized meat. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — The scene is set for a tantalizing encounter as Somalia, the reigning champions of the CECAFA U-17 tournament, prepares to face hosts Uganda in the semi-final of the TotalEnergies CAF U-17 Africa Cup of Nations (AFCON) qualifiers. Scheduled for Tuesday at the Nakivubo Hamz Stadium, this match offers far more than a route to the 2025 AFCON in Morocco; it is a contest imbued with history, pride, and immense stakes. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Shirkadda Halla Airlines ayaa dowlad goboleedka Jubbaland ku eedeeyey in shalay ay afduubteen mid kamid ah diyaaradaha shirkadaas oo si xoog ah ciidan ka tirsan Jubbaland ku geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo. Masuul u hadlay shirkadda ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ku xad-gudbay nidaamkooda, isla markaana uu xoog ciidankooda ku saaray diyaaradoodii shalay rakaabka geystay Kismaayo, iyadoo si qasab ah looga dejiyey degmada Doolow. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hay’adda duulista rayidka ee dowladda federaalka ay gaxaanday shirkadda diyaaradaha ee Halla Airlines, maadaama ay qabatay howl laga mamnuucay diyaaradaha ka shaqeeya Soomaaliya. DF Soomaaliya ayaa diyaaradaha ku amartay in shaqo aan la ogeyn aysan ka qaba karin Jubbaland iyo in labo magaalo oo Jubbaland ku taalla aysan u kala duuli karin, iyagoo aan soo marin Muqdisho, si loo hubiyo waxa ay sidaan. Diyaaradda ay shalay afduubatay Jubbaland ayaa Kismaayo ka qaaday ciidan gurmad ah iyo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxayna ka dejisay Doolow oo dagaal ka socday. Diyaaradii ayaa dib ugu laabatay Kismaayo, waxayna Muqdisho ka soo dejisay rakaab muddo ku xayirnaa garoonka Kismaayo, dowladda federaalka oo sugeysay ayaa la sheegay in ganaaxooda ay farta ka saartay maamulka shirkadaas, in kastoo aan weli saxaafadda loo soo bandhigin ganaaxsaas iyo waxa uu yahay oo wadahadal uu socdo. Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ka hadashay wixii maanta ka dhacay Doolow, ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay u bareereen inay la dagaalamaan oo laayaan ciidankii qaranka Soomaaliyeed ee saldhigyada ku lahaa Doolow. Ugu yaraan 3 askari ayaa shalay ciidanka dowladda looga dilay Doolow, ilaa 7 kale ayaa dhaawacooda la dhigay isbitaalka, halka ciidan kale ay isku dhiibeen ciidamo taabacsan Jubbaland iyo kuwii Itoobiya ee is garabsanayey. Sarkaalkii hoggaaminayey Ciidanka NISA ee Doolow u jooga DF oo magaciisa lagu sheegay Shiiqaalow oo wata ciidan xoogleh ayaa weli dhinac ka jooga Doolow, kuwaas oo dagaalamaya, balse goobjoogayaal ku sugan Doolow ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in la go’doomiyey ciidankaas. Ciidan kale oo gurmad ah oo ka tirsan dowladda federaalka oo ka baxay Beledxaawo oo 40 KM u jirta Doolow oo watay ugu yaraan labo gaari oo nooca dagaalka ah ayaa lagu laayey jidka dhexe, waxaana la garan waayey waxa loo adeegsaday in kastoo Jubbaland ay sheegtay in Shabaab miino u dhigeen, hadana waxaa la aaminsan yahay in ciidamada Itoobiya ay madaafiic la beegsadeen.
  12. Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay dhiggiisa Masar Dr. Badr Abdel Aty, waxaana kulankooda oo ka dhacay magaalada Qaahira diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo raadinta fursado iskaashi oo cusub, iyada oo lagu heshiiyay in xiriirka la gaarsiiyo heer istiraatiijiyadeed, labada dhinac ayaana isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha, iyadoo loo marayo Madasha Soomaaliya iyo Masar, oo lagu qaban doono Qaahira Janaayo 2025. Intii lagu jiray wada hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Masar ay ku leedahay taageeridda dadaallada dib-u-dhiska Soomaaliya iyo sida ay uga go’antahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo dhuleed ee Soomaaliya, waxaana uu mar kale xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’antahay dhammaan heshiisyada ay la gashay Masar, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee lagu gaari karo xasilloonida iyo horumarka gobolka. Dhinaca kale Dr. Badr Abdel Aty ayaa markale xaqiijiyay sida Masar uga go’antahay taageeridda madax-bannaanida, midnimada iyo dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah, waxaana uu hoosta ka xarriiqay dadaallada joogtada ah ee Masar ku bixinayso taageeridda dawladda iyo hay’adaha Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in la xoojiyo xiriir xooggan oo waara oo dhexmara labada dal. Source: goobjoog.com
  13. Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saaka oo Talaado ah joojisay dhammaan diyaaradihii Rakaabka u qaadi jiray magaalada Kismaayo. Wararka ayaa sheegaya in saaka dowladda Soomaaliya baajisay dhammaan duullimaadyadii Rakaabka ee shacabka u qaadi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland. Go’aanka lagu Joojiyay diyaaradihii Rakaabka u qaadi jiray Kismaayo ayaa lagu tilmaamay mid siyaasadaysan oo salka ku haya khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubaland. Waxase tallaabadani dhibbane u noqday shacabka Reer Jubaland oo sida muuqata dano siyaasadeed looga xannibay xuquuqdii dhinaca safarka ee dastuurku siinayo. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo diyaaradihii Rakaabka ka joojisay magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa soo saartay qoraal dheer oo xiisadda Jubbaland ay uga hadashay oo ciwaan looga dhigay “Eedaysane Axmed Madoobe waa lagula xisaabtamayaa weerarada uu ku hayo Shacabka Jubbaland.” War-saxaafadeedkaan oo ka soo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa looga warbixiyey dhibaatooyin culus oo la sheegay in Axmed Madoobe uu ka geystay, isla markaana uu weli ka wado deegaanada Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose, sida Magaalooyinka Kismaayo, Raaskambooni, Dhoobley iyo Afmadow. Hoos ka akhriso warkaan ka soo baxay DF ee lagu eedeynayo Axmed Madoobe: Muqdisho – 23, Descembar – 2024: Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay si dhow ula socotaa tacadiyada tiro beelka ah ee Eedaysane Axmed Maxamed Islaam uu kula kacayo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Deegaanada Jubbaland. Tacadiyadiisa oo ahaa kuwa muddaba soo tixnaa waxaa u danbeeyay mid uu saakay ku qaaday Shacabka ku nool deegaanka Kulbiyoow ee Gobalka Jubbada Hoose, kuwaas oo ahaa dad isku abaabulay in ay Khawaarijta iska caabiyaan, balse nasiib-darro uu Axmed Madoobe iyagii weeraray, isla markaana u gaystay dil, dhaawac, jir dil iyo dhac intaba. Falkaan waxa uu daba socdaa falal noocaan oo kale ah, kuwaas oo uu ka gaystay Magaalooyinka Kismaayo, Raaskambooni, Dhoobleey iyo Afmadoow. Sidoo kale, waxa uu Eedaysane Axmed Madoobe ku hawlanyahay in uu iska horkeeno shacabka u diyaarsan in ay Khawaarijta ka difaacdaan deegaanadooda, iyada oo la ogyahay in uu duulaanadiisa u kaalmaysto Khawaarijta oo markasta marin u ah gacanna ku siya wax yeelaynta Shacabka reer Jubbaland ee xorta ka ah Khawaarijta. Falalkiisu waa kuwa loo diin-waan galiyay, waana lagula xisaabtamayaa mana noqon doonaan kuwa la iska hilmaamo. Shacabka Jubaland waxaan ugu yeeraynaa midnimo, adkaysi iyo wadajir. Waxaan halkaan tacsi uga diraynaa Shacabkii uu Eedaysane Madoobe ku laayay, kuwii uu dhaawacay iyo kuwa u afduuban ee ku dhaqan deeganada kala duwan ee Jubbaland. Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la suuliyo dhaqamada noocaan ah, isla markaana sharciga lasoo taago kuwa ka danbeeya ee dhiig miratada ah. –DHAMAAD–
  15. AQOe62m9MF-YHS13mdwRgKTd2m4KDs977PClp_b2FE9JYqD5NXjK13UWm4SIdnGGJDG4tIJCdlISe7IDGY5j4ynd Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Jubbaland Yuusuf Xuseen Cusman (Dhuumaal) oo ku sugan degmada Doolow ayaa qabtay Shir jaraa’id oo dagaalkii maanta dhacay iyo sababtii uu ku bilowday uu faahfaahin uga bixiyey. Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ay bilaabeen ciidmada dowladda federaalka ee ku sugan degmada Doolow, isagoo dowladda federaalka ku eedeeyey in qorshaheeda uu ahaa in gacanta Jubbaland laga saaro Doolow, balse ay iska difaaceen. Wuxuu sheegay in ciidanka dowladda federaalka uu saakay daandaansi cad ka bilaabay Doolow, balse hub ka dhigis ay ku sameeyeen dhamaan ciidamadii DF ee joogay degmada Doolow. Sidoo kale Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in ciidan kale oo dowladda federaalka ay ka dirtay Beledxaawo, si ay ugu gurmadaan ciidankii ka dagaalamayey Doolow ay dhex miino kula kacday, isagoo sheegay in miinadaas ay Shabaab u dhigeen gaadiidkii iyo ciidankii xoogga dalka ee watay. Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey waxa ka dhacaya Jubbaland, wuxuu sheegay in dalka oo nabad ah uu Xasan la wareegay xukunka, balse hadda meel kasta uu dagaal ka socdo, ciidankii qarankana siyaasad loo adeegsaday. Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ka hadashay wixii maanta ka dhacay Doolow, waxayna ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay u bareereen inay la dagaalamaan oo laayaan ciidankii qaranka Soomaaliyeed ee saldhigyada ku lahaa Doolow. Ugu yaraan 3 askari ayaa maanta ciidanka dowladda looga dilay Doolow, ilaa 7 kale ayaa dhaawacooda la dhigay isbitaalka, halka ciidan kale ay isku dhiibeen Jubbaland iyo Itoobiya oo wada socda. Sarkaalkii hoggaaminayey ciidamada dowladda federaalka ee Doolow ku sugan oo ah nin mayal adag iyo ciidan xoogleh oo uu wato ayaa weli gees ka jooga Doolow, kuwaas oo dagaalamaya, balse goobjoogayaal ku sugan Doolow ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in la go’doomiyey ciidankaas. Ciidan kale oo gurmad ah oo ka tirsan dowladda federaalka oo ka baxay Beledxaawo oo 40 KM u jirta Doolow oo watay ugu yaraan labo gaari oo nooca dagaalka ah ayey dhex miino kula kacday, waxaana gaaray khasare lixaad leh. Hoos ka daawo Dhuumaal
  17. The Somalia Integrated Business Census 2024 has been released by the Somali Bureau of Statistics, providing critical insights into the country's business landscape. According to the census, Somalia has a total of 174,149 businesses, with 55.9% concentrated in three key cities: Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadashay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxayna ku eedeysay ciidamada Itoobiya. Dowladda Soomalaiya aya falka Xadgudubka ah ku tilmaantay wixii ay maanta Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow Soomaaliya. “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda. Qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Saaka abaare 10:00AM ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.” Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid si qorsheysan loo fuliyay, isla markaana Ciidamada Itoobiya ay ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad Nugidda Qaranka ee NISA, iyo Booliska. “Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi,” aya lagu yiri warka dowladda. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waxyeello soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa magaalada Doolow ee falkaasi uu maanta ka dhacay. “Falkan waxaa lagu soo beegay xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka DF Soomaaliya ayaa Nasiib-darro ku tilmaantay ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya oo ah kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaramada Midoobay iyo dhaqanka deris-wanaagga. “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa ficilladan daandaansiga ah iyo kuwo la midka ah, kuwaas oo halis gelinaya nabad ku wada noolaanshaha, Sidoo kale, Dawladdu waxay ka digaysaa in aysan ka aamusi doonin tallaabooyinkan cad ee ku xadgududbka madax-bannaanida Soomaaliya,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
  19. Following a year of bitter disputes between Somalia and Ethiopia over an illegal Memorandum of Understanding that Ethiopia signed with Somaliland—a self-declared state in the Northern region of Somalia—on the first day of 2024 have agreed to end their bitter dispute though a wide-range of voices of discontent and public outcry from the Somali public surrounded the agreement. This illegal MoU, which was an act of aggression and a breach of international law and legal norms, allowing Ethiopia to lease a 20km (12-mile) section of Somalia’s coastline for 50 years to establish a naval base. Source: Hiiraan Online
  20. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/VID-20241223-WA00061.mp4 Qaran News
  21. Garowe (HOL) — Puntland’s plan to introduce its own regional currency by 2025 signals a direct challenge to Somalia’s federal government, intensifying disputes over governance and financial autonomy in the fragile federal system. Source: Hiiraan Online
  22. A private phone call from the US secretary of state may have convinced Abiy Ahmed to go to Ankara and sign a breakthrough memorandum Source: Hiiraan Online
  23. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysay falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya. Saaka abaare 10:00AM, ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo. Weerarkan oo u muuqday mid si qorsheysan loo fuliyay ayay Ciidamada Itoobiya ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugidda NISA, iyo Booliska. Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi, Sidoo kale waxay waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa. Falkan waxaa lagu soo beegay xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa, Nasiib-darro, ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya waa kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaramada Midoobay, iyo dhaqanka deris-wanaagga. Source: goobjoog.com
  24. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Cambaaraynayso waxay ku tilmaantay” Fal Xadgudub ah oo ay Ciidamada Itoobiya ka Geysteen Magaalada Doolow”. “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya. “Saaka abaare 10:00AM, ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.” “Weerarkan oo u muuqday mid si qorsheysan loo fuliyay ayay Ciidamada Itoobiya ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugidda NISA, iyo Booliska.” “Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi. Sidoo kale, waxay waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa” ayuu sii raaciyay qoraalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si adag u cambaaraynayso ficilladan daandaansiga ah waxay Sidoo kale, dowladdu ka digtay inaysan ka aamusi doonin tallaabooyinkan cad ee ku xadgududbka madaxbannaanida Soomaaliya. Halkaan ka akhriso qoraalka dowladda Soomaaliya PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya weerar ku soo qaaday magaalada Doolow appeared first on Puntland Post.
  25. How many football teams can lay claim to a league and cup double in their first season of competition? Source: Hiiraan Online