-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay eedeynta ay u jeedisay Soomaaliya, kadib dagaalkii shalay ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo oo ay ka qayb-qaateen ciidamada Itoobiya, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in eedeyntan ay Soomaaliya uga gol leedahay in aan xariirka la wanaajin, ayna jirto gacan 3-aad oo daganaanta Geeska Afrika diidan, oo la rumeysan yahay inay kala jeedo dowladda Masar. “Eedeyntan run maaha. Dhacdadan waxaa billaabay dhinacyo gaar ah oo doonayo in ay wiiqaan caadiyeynta xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya. Dhinacyadan saddexaad ayaa damacsan inay khalkhal galiyaan xasilloonida Geeska Afrika, waana qaswadayaasha joogtada ah ee nabadda gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya. Itoobiya iyo Masar ayaa maanta hadallo ad adag hawada isku mariyey, waxayna Qaahira sheegtay in marnaba Itoobiya aan loo ogolaan doonin Badda Cas, xilli uu goobtaas ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Fiqi oo booqasho ku jooga Qaahira. Dhinaca kale waxaa jira kulan kale oo dhex-maray wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo dhiggiisa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda toobiya, Amb. Mesganu Arega, iyaga oo yeeshay wada-hadallo laba geesood ah. Labada wasiir ayaa isla soo qaaday dagaalkii Doolow, wuxuuna Cali Balcad u gudbiyay Itoobiya cabashada Soomaaliya ee ku aadan in dagaalkii shalay dhacay ay ka qayb qaateen ciidamadooda. Dhankiisa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda toobiya, Amb. Mesganu Arega, ayaa sheegay inay sameynaayaan baaris dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi iyo haddii ay ku lug leeyihiin ciidankooda. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Addis Ababa ay ka bilowdeen wada-hadallo u dhexeeyo Somalia iyo Itoobiya oo lagu sii amba qaadayo heshiiskii lagu gaaray Ankara.
-
Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay dhacdo halis ku ah amniga nidaamka duulimaadyada iyo badbaadada rakaabka sida ay sheegtay hay’adda duulista Soomaaliyeed. Shirkadda Halla Airlines ayaa la sheegay in diyaarad ay leedahay lagu afduubtay si xoog leh, iyadoo qalabkeedii isgaarsiinta laga xayuubiyay. Tani waxay keentay xaalad khatar ah oo amniga rakaabka saameysay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen maamulka shirkadda duulista rayidka ee Soomaaliya. Falkaas argagaxa leh ayaa sababay in diyaaradihii maanta ku wajahnaa magaalada Kismaayo ay hakiyaan duulimaadyadoodii. Tani waxay saameyn taban ku yeelatay shacabka halkaas u safra, iyadoo dhabar jab weyn ku noqotay howlaha duulimaadyada rayidka ee Kismaayo. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxay falkaas u aragtay mid mas’uuliyad darro ah oo dhaawacaya nidaamka duulimaadyada rayidka ee Soomaaliya. Waxay si degdeg ah u bilowday baaritaanno lagu xaqiijinayo sababaha iyo cidda ka dambeysay dhacdadaas, iyadoo sidoo kale wada shaqeyn la sameyneysa hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha duulista. HDRS waxay balanqaaday inay qaadi doonto tallaabooyin adag si looga hortago in dhacdo noocan ah ay dib u soo noqoto, lana xaqiijiyo amniga iyo badbaadada rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradaha. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in Xabbad-joojin buuxda laga gaaray Dagaal beeleedkii maalmo ka hor ka dhacay degmada Xarfo ee Gobolka Mudug. Go’aankaasi ayaa lagu dhawaaqay kaddib shir wada-tashi ah oo dhexmaray mas’uuliyiinta dowladda iyo guddigii loo xilsaaray dhex-dhexaadinta darafyada, oo ay weheliyaan odayaasha labadii beelood ee dagaallamay. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in degmada Xarfo laga saaro dhammaan ciidan beeleedkii dirirtu dhexmartay, lana geeyo goobo cayiman oo la isla gartay, magaaladana aan hub lala soo geli karin, lalana dhexmari karin. Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay” in labada darafba ay u diyaar garoobaan gogol nabadeed iyo wada hadal, si loo xaliyo khilaafka arrintaan, gogoshaas oo ka dhacaysa Degmada Xarfo, gaar ahaan guriga Suldaan Maxamed Suldaan Maxamuud, taariikhdu marka ay tahay 25/12/2024.” Dowladda ayaa sheegtay in sidoo kale la go’aamiyay in kharashka ku baxaya gogoshada nabadda iyo martida ay mas’uul ka yihiin labada Beelood ee Maxamed Cumar iyo Reer Mahad si siman, waxaana ugu danbayn labada dhinac la faray in ay u hoggaansamaan go’aannada soo baxay. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Puntland: Dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Xarfo oo Xabbad-joojin buuxda laga gaaray appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday wada-hadallo xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhameystiro heshiiska ay ku gaareen magaalada Ankara. Wada-hadalladan ayaa waxaa maanta yeeshay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo dhiggiisa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda toobiya, Amb. Mesganu Arega, iyaga oo yeeshay wada-hadallo laba geesood ah. Kulankan ayaa looga hadlay sii amba qaadisa heshiiskii Ankara iyo sida ay labada dowladood u xoojin lahaayeen xiriirkooda, waxaana warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya lagu sheegay in la’isku raacay arrimo ay kamid ah ilaalinta madax banaanida. Sidoo kale waxaa wada-hadalladan lagu soo qaaday arrinta Jubbaland, iyada oo wasiir Cali Balcad uu Itoobiya u gudbiyay cabashada Soomaaliya ee ku aadan in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Doolow ay ka qayb qaateen ciidamadooda, waxaana Itoobiya dhankeeda ay sheegtay inay sameyneyso baaris ku aadan dhacdadaasi iyo haddii ay ku lug leeyihiin ciidankooda. Hoos ka akhriso qoraalka; War saxaafadeed 24ka Diseembar 2024 – Addis Ababa, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah la yeeshay dhigiisa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Mudane Amb. Mesganu Arega. Intii kulanku socday, labada dhinac ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-hadallada iyo kor u qaadidda xiriirka shaqo ee labada dal, iyagoo sidoo kale dib u xaqiijiyey in ay ixtiraamayaan midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal. Wada-hadalladan ayaa daba socday Baaqa Ankara ee December 11, 2024, waxaana lagu qabtay qaab-dhismeedka lagu hirgelinayo qodobadiisa. Wasiiru Dowlaha Soomaaliya ayaa sheegay cabashada iyo cambaaraynta Soomaaliya ee ku saabsan ficilada ciidamada Itoobiya ee Doolow, Soomaaliya. Dhigiisa ayaa muujiyey u diyaar ahaanshaha dowladda Itoobiya ee ku aaddan in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo arrintaasi, isagoo ballan qaaday in ay wada shaqayn la yeelan doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si looga hortago dhacdooyinka noocan oo kale ah. Qodobada kale ee wada-hadalladu diiradda saareen waxaa ka mid ahaa ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka iyada oo lala dagaallamayo argagixisada, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka laba geesoodka ah si loo mideeyo dadaallada lagu hirgelinayo Baaqa Ankara, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeyey labada dal tan iyo Janaayo 2024.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay hakisay duulimaadyadii tegi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanno kale oo kamid ah gobolka Gedo. Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda duulista rayidka hawada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in la joojiyay duulimaadyadii tegi jiray deegaanada Jubbaland oo ay ugu horreyso magaalada Kismaayo. Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay la xiriirto kadib markii shalay ay sheegtay in Kismaayo lagu afduubtay diyaarad ka degtay oo kadib mas’uuliyiin lagu geeyay Doolow. Hay’adda ayaa sidoo akle tilmaamtay in diyaaraduhu ay cabsi ka muujiyeen tagista Kismaayo, maadaama ay soo korortay xaalad amni darro. Maamulka Shirkadda Halla Airlines oo war soo saaray ayaa horay dowlad goboleedka Jubbaland ugu eedeeyay in shalay ay afduubteen mid kamid ah diyaaradaha shirkadaas oo si xoog ah ciidan ka tirsan Jubbaland ku geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu maamulka diyaaradda sheegay in maamulka Jubbaland uu ku xad-gudbay nidaamkooda, isla markaana uu xoog ciidankooda ku saaray diyaaradoodii shalay rakaabka geystay Kismaayo, iyadoo si qasab ah looga dejiyey degmada Doolow. Si kastaba, xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland oo u weecatay Gedo ayaa kasii dareysa, waxaana shalay labada dhinac ay ku dagaalameen degmada Doolow.
-
Addis Abeba– delegation from Somalia, led by the Minister of State for Foreign Affairs and International Cooperation, Ali Omar, is set to travel to Addis Abeba today, December 23, 2024, to reinforce commitments outlined in the Ankara Declaration. In a statement on Monday, Somalia’s Minister of State for Foreign Affairs and International Cooperation said the visit “underscores Somalia’s unwavering commitment to deepening bilateral ties with Ethiopia, as outlined in the Ankara Declaration forged by the leadership of both nations.” The delegation will “focus on exploring transformative opportunities to cultivate a partnership founded on mutual respect, common interest, and cooperation.” “The Federal Government of Somalia remains resolute in its vision to foster robust relations with neighboring countries, firmly anchored in the principles of sovereignty, unity, and territorial integrity,” the ministry added. The Ankara Declaration, signed in Ankara during a meeting between Turkish President Recep Tayyip Erdoğan, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, and Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud, reaffirmed “respect and commitment to one another’s sovereignty, unity, independence, and territorial integrity,” according to a joint statement. The agreement recognized the “potentially diverse benefits” of Ethiopia gaining “assured access to and from the sea,” while emphasizing respect for “the territorial integrity of the Federal Republic of Somalia.” It also stated that the leaders agreed “to forgo and leave behind differences and contentious issues.” Relations between Ethiopia and Somalia had deteriorated earlier in 2024 after Ethiopia signed a memorandum of understanding (MoU) with Somaliland to lease 20 kilometers (12 miles) of coastline in exchange for recognizing Somaliland’s independence—a move Mogadishu called an “infringement on Somalia’s territorial sovereignty.” The Ankara Declaration, welcomed by the African Union, the United States, and the United Kingdom, aims to rebuild cooperation between Ethiopia and Somalia. Following the agreement, Turkish President Recep Tayyip Erdoğan announced plans to visit Ethiopia and Somalia in January or February 2025. Addis Standard Qaran News
-
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta kulan laba-geesood ah la yeeshay dhigiisa, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Mudane Amb. Mesganu Arega. Kulanka ayaa labada masuul ku adkeysteen go’aankooda ku aaddan xoojinta wadahadalka iyo hagaajinta xiriirka shaqo ee labada dal, iyagoo mar kale isku xiray inay dhowraan madax-bannaanida, midnimada, madaxbannaanida siyaasadeed, iyo jiritaanka dhuleed ee labada dal. Wadahadalka ayaa daba socday Bayaan Addis Ababa ee 11-kii Diseembar 2024, iyadoo diiradda lagu saaray hirgelinta qodobadii kasoo baxay. Wasiiru Dowlaha Soomaaliya, Mudane Cali, ayaa ka dhawaajiyey cambaareynta dowladda Soomaaliya ee ku aaddan habdhaqankii ciidamada Itoobiya ee Doolow, Soomaaliya. Dhigiisa ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay inay si degdeg ah u bilaabaan baaritaan dhacdadaas ku saabsan, isagoo ballan qaaday inay si buuxda ula shaqeyn doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si looga hortago in dhacdooyin noocaas ah aysan mar kale soo laaban. Qodobada kale ee lagu falanqeeyey kulanka waxaa kamid ahaa ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, iyadoo lagu wada shaqeynayo la dagaallanka argagixisada. Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in si wadajir ah loo xoojiyo xiriirka laba-geesoodka ah si loo dardargeliyo hirgelinta heshiisyadii lagu gaaray Ankara, kuwaas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo khilaafaadka labada dal ee bilowday Janaayo 2024. Source: goobjoog.com
-
Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay xuntahay bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee soo baxay 23-ka Disembar 2024, kaas oo ku eedaynayay ciidammada Itoobiya in ay ka qeyb qaateen dagaalkii shalay ka dhacay degmada Doollow. Itoobiya ayaa eedeynta Soomaaliya ku tilmaamtay waxba kama jiraan. “Dhacdada waxaa huriyey shakhsiyaad ujeedadoodu tahay inay carqaladeeyaan dadaallada dib-u-heshiisiinta u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya. Shakhsiyaadkani waxay rabaan inay xasillooni darro ka abuuraan Geeska Afrika, iyadoo ay si joogto ah uga shaqeeyaan burburinta nabadda gobolka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya. Warka ayaa intaasi kusii daray “Lama oggolaan karo inay carqaladeeyaan dadaallada labada dal ee ku aaddan nabadda, sida lagu caddeeyey Heshiiska Ankara. Dowladda Itoobiya waxa ay sii wadaysaa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya si loo hortago dhacdooyin noocan oo kale ah” Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraynaysay falka xadgudubka ah ee shalay ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Ethiopia denies Somali allegations of attack in Gedo region
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Addis Ababa (HOL) – Ethiopian government has denied Somali allegations that Ethiopian troops operating under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) launched an attack on Somali National Army (SNA) forces in the Doolow district of the Gedo region. Source: Hiiraan Online -
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin loo heysto inuu xalay dilay Laba Xidigle Xasan Cabdi Maxamed oo loo yaqaanay Xasan Quuri. Allaha u naxariistee Xasan Quuri ayaa ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Galmudug. Dilka sarkaalkan ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana howl-gal ay fuliyeen ciidamada amniga lagu soo qabtay ninkaan, waxaana hadda ku socda baaritaan, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha booliska Dhuusamareeb. Ninka loo soo qabtay dilka sarkaalka ayaa ah askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana laga dhursugayaa natiijada baaritaanka oo laamaha amniga sheegeen inay bulshada lasoo wadaagi doonaan. Dilkan ayaa xalay ka dhacay meel aanan sidaas uga fogeyn isbitaalka magaalada Dhuusamareeb, waxaana sarkaalkan lagu dhex dilay gaari uu watay oo lagu rasaaseeyay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xiliga sarkaalkaan lagu dhex rasaaseynayay gaarigiisa ay la saarneyd haweeney, taas oo rasaasta ay kasoo gaartay dhaawac fudud. Dilka sarkaalka ayaa lasoo warinaya inuu la xiriiro arrimo jaceyl, islamarkaana dilkiisa uu geystay nin la sheegay inuu jeclaa gabadha la joogtay sarkaalka xiliga la dilayay, balse weli lama oga xaqiiqda, waxaana socda baaritaanka kiiska.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 24 saac ee u dambeeyay qaaday tallaabooyin dhowr ah, iyadoo wafdi sare u dirtay Itoobiya, halka ay geesta kale wada-hadallo ku saabsan galka Itoobiya la yeelatay dowladda Masar. Tallaabooyinkan oo dadka qaarkood ku macneeyeen is-diidooyinka siyaasadda dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayadoo dowladda lagu dhaliilay inay ka shaqeynayso danta dalal kale. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo dhiggiisa Masar Badar Cabdilati kula kulmay Qaahira ayaa wuxuu warbixin ka siiyay Badar heshiiskii Ankara ee dhawaan dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya. Masar oo qeyb ka noqon doonta howl-galka ciidan ee ATMIS bedelaya ee Soomaaliya ka bilaabanaya 2025-ka ayaa si weyn ula dagaashan Itoobiya, waxayna gobolka Geeska Afrika si rasmi ah usoo jaleecday bilowgii sanadkaan, markaas oo Itoobiya ay daan-daansi ku bilowday Soomaaliya. Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintan? Saajid Axmed: “Masar oo la yaaban siyaasada Soomaaliya sababaha aan Masar u aadnay sow kama mid aheyn in Itoobiya inaga celiso hadane Itoobiyadii ayaa dowladeenu u ogalatay sii joogista dalka siyaasad la yaab leh oo aan jiho laheen bee dowladeenu wadaa!!.” Cabdiraxmaan Madoobe: “Laba wafti aya la kala diray mid Masar aday iyo mid cadawga Ethiopia aaday, waana laba dal oo cadow isku ah, yaa ku aaminaya marka waa isku dhex yaacaas cajaa’ib.” “Diblumaasiyadeenu waxa ay noqotay cadow loo madax salaaxaayo iyo saaxiibtinino igu soo haad ah,” ayuu yiri Nuur Cabdi Jimcaale. Cabdixakiin Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Masar, Turki, Kenya, Itoobiya, mid ba mar in lagu cararo dal laguma difaaci karo ee waddanka aan anaga difaacano ama aan Itoobiya iska siino. Hal milyan oo qof hadii ay ku dhintaan xitaa waan u qabnaa inta soo hartay iyo wixii dhalan doona ayaa si xoriyad leh ugu noolaan doona.” “Ethiopia iyo Masar see leeysu qabadsiin rabaane?,” ayuu yiri Faarax Xuseen Jimcaale. Mahad Xasan Cawaale: “Dalkasta danihiisu ilashadaa laakiin Soomaaliya danaha dalalka kala ayey ilaalisaa xukuumadda hada jirta waxaana kuu cadaynasa tan maanta taagan.” “Waad fashilanteen meel kasta sidan ugu dhac-dhaca ballan inta soo gashan uga baxa, hadda waa la idin yaqaana,” ayuu yiri Ciise Macalin Waddani. Cabdinuur Ciise: Dowladda Masar in ay Soomaaliya taageerto way rabtay laakiin mowqif la’aanta madaxda dalka ayay ku dabci wayday.” Kayse Jaamac Ducaale ayaa isna waxa uu yiri “Dowladan ma shacabka Soomaaliyeed ayey u shaqeysaa mise shisheeyahay ayey qancisaa.”
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa wada hadal wax ku ool ah khadka telefoonka kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Thérèse Kayikwamba Wagner. Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo DRC, kor u qaadista iskaashiga dhinacyo kala duwan, iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan DRC. Gaar ahaan waxaa xooga la saaray sidii loo taageeri lahaa ganacsatada Soomaaliyeed, loo fududeyn lahaa danahooda, loona xaqiijin lahaa in baahidooda si hufan loo daboolo. Isku xidhkan wuxuu muujinayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirada iyo horumarinta dano wadaagga ah ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah. Source: goobjoog.com
-
Puntland State President Said Abdullahi Deni has authorised aid distribution mechanism to enable SSCK interim administration to distribute aid in its constituencies. Garowe (PP News Desk) — Puntland State government is preparing for the transfer of Chinese aid to Sool, Sanaag, Cayn and Khaatumo interim administration. The aid sent through the Somali Disaster Management Agency (SODMA) will arrive at Bosaso Port. The Puntland State government made contact with SSCK leadership about the potential transfer of aid to the beneficiaries. Puntland and SSCK have reached an understanding about an aid distribution mechanism to prevent the mismanagement of the aid. Last month’s food sent by the World Food Programme was looted in Buuhoodle after the Puntland government bypassed the SSCK administration to distribute food in Buuhoodle, where SSCK leader Abdulkadir Aw Cali was visiting. SSCK Leader Abdulkadir Aw Cali has made concessions on mandating registration requirements for donors sending aid to SSCK constituencies. SSCK leadership has climbed down from demands that aid agencies should register with the Laascaanood-based administration to be able to distribute aid. Such a policy has turned out to be a frantic attempt to mandate registration in an administration that is not officially a Federal Member State. Donors send aid through Federal Member States, not through sub-entities. SSCK is now an interim non-Federal Member State recognised by the Puntland State of Somalia on the basis of the 6 February Laascaanood Declaration of 2023. © Puntland Post, 2024 The post Puntland and SSCK Agree on the Distribution of Chinese Aid appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Federal Government of Somalia yesterday issued two conflicting press releases on relations with Ethiopia. One press release focused on the visit of Ali Omar, the State Minister for Foreign Affairs, to Ethiopia, whereas the second press release pertains to clashes in Doolow between Jubaland Forces and the Somali National Army. “Somalia has an unwavering commitment to deepening bilateral ties with Ethiopia,” reads a press statement from the Somali Foreign Ministry regarding the visit to Ethiopia. The statement was released shortly before reports emerged alleging that Somali Army contingents in Doolow attacked positions held by Jubaland Forces in the district. The two conflicting press releases issued by the Somali Foreign Ministry. Within hours, the Somali Foreign Ministry issued another press release accusing Ethiopian peacekeepers of launching an “unprovoked and unexpected attack” on positions held by the Somali National Army (SNA) in Doolow, located in Gedo. This incident comes just a week after the Federal Government of Somalia reversed its decision to exclude Ethiopian forces from peacekeeping operations in Somalia starting in 2025. While Ali Omar is visiting Addis Ababa, Somali Foreign Minister Ahmed Moallim Fiqi is in Cairo, where he announced that Egyptian troops would join the peacekeeping forces in Somalia in 2025. © Puntland Post, 2024 The post Somalia Government Issues Conflicting Press Releases on Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
Hargeisa (HOL) — A senior police officer was shot and killed Monday night in Dhuusamareeb, the capital of Somalia’s Galmudug state, in what investigators describe as a crime of passion. Authorities have arrested a suspect believed to be responsible for the killing, which has sent shockwaves through the community. Source: Hiiraan Online
-
The 500 recruits applied through a transparent recruitment process following awareness sessions held in Garowe, Qardho and Boosaaso. Garowe (PP News Desk) — The Puntland Police Command has officially announced that the police force has recruited 500 young officers, all of whom are university graduates. “The 500 new recruits consist of both males and females and will undergo training to become police officers specialising in specific policing fields,” reads a press release by the Puntland Police Force. The 500 recruits applied through a transparent recruitment process following awareness sessions held in Garowe, Qardho and Boosaaso. Applications to join the Puntland Police Force remain open until 25 December 2024. The Commander of the Puntland Police Force, Brigadier General Muumin Abdi Shire, also inspected the recruitment committee tasked with ensuring that applicants benefit from the fair and transparent recruitment process designed to allow university graduates to join the Puntland Police Force. © Puntland Post, 2024 The post Puntland Police Recruits 500 Officers appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigey nin loo haysto dilka sargaal ka tirsanaa ciidamada oo lagu toogtay magaalada dhuusamareeb. Hay’adaha ammaanka ayaa ninkan goordhaw ka soo qabtay duleedka Dhuusamareeb, waxaana eedaysanahan lala xariirinayaa dilka Labo Xidigle Xassan Quuri oo ahaa Sarkaal ka tirsan Booliiska Galmudug. Eedaysanaha ayaa hadda ku jira gacanta laamaha ammaanka, waxaana ku socda baaritaan ku aaddan falka loo haysto, iyo sababta ka dambeysa dilka sargaalka ee asaga lagu eedeeyay. Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa sanadkii ugu dambeeyay isku dayaysay inay dhex dhexaadiso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo ka dhalatay go’aankii Itoobiya ay heshiis dhinaca badda ah kula gashay Somaliland. Kadib labo wareeg oo wada hadal ah oo aan lagu guuleysan, mas’uuliyiinta Turkiga ayaa horaantii bishan Ankara ku casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si ay wada hadallo toos ah u yeeshaan. Si kastaba ha ahaatee, madaxda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa shaki ka qabay in Abiy uu ka soo qeybgeli doono iyo in kale inkasta oo uu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Go’aankii Erdogan uu 2021-kii uga iibiyay Itoobiya diyaaradaha hubaysan ee aan duuliyaha lahayn ayaa ka caawiyey Abiy in uu iska caabiyo ciidamada Tigrayga iyo sugidda ammaanka caasimadda Itoobiya. 11-kii December, Abiy ayaa yimid Ankara. Toddobo saacadood oo wadahadalo adag ah ka dib, isaga iyo Xasan Sheekh waxay saxiixeen “Baaqkii Ankara” oo ah qoraal wadajir ah oo xaliyay khilaafkooda. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana la billaabay wada-hadallo ku saabsan sidii Itoobiya ay marin badeed uga heli lahayd Soomaaliya. Haddaba maxaa keenay in Abiy uu ka qeyb galo shir madaxeedkii Ankara? Laba qof oo arrintan la socda ayaa warbaahinta Middle East Eye u sheegay in Washington ay door muhiim ah ka cayaartay ku dhiirigelinta Abiy inuu ka qayb galo wada-hadallada. Sida ay dadkan sheegeen, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa si gaar ah teleefonka ugula hadlay Abiy, isaga oo ugu baaqay inuu ka soo qayb galo wada-hadallada Ankara. Wicitaankii ugu dambeeyay ee taleefoon ee shaacsanaa ee dhex maray Blinken iyo Abiy waxa uu dhacay bishii November, mana jiro diiwaan rasmi ah oo wada-hadal bishii December. Sarkaal Turkish ah ayaa qiray dadaallada reer galbeedka ee Abiy looga dhaadhiciyey inuu ku biiro wada-hadalka Ankara, balse wuu diiday inuu ka hadlo kaalinta Blinken ee la sheegay. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in Washington aysan ka hadleynin wada-hadallada gaarka ah ee aan shaacsaneyn. Si kastaba ha ahaatee, afhayeenku wuxuu intaas ku daray: “Sida Xoghaye Blinken ku xusay qoraalkiisii December 12, waxaan soo dhawaynaynaa Baaqa Ankara, waxaana rajaynaynaa nabad iyo barwaaqo mustaqbalka dhexmarta Itoobiya iyo Soomaaliya.” Xafiiska Abiy Ahmed oo arrintan wax laga weydiiyey, ayaan bixin wax jawaab ah. Dhinaca kale, sarkaal Turkish ah ayaa carabka ku adkeeyay in martiqaadka shaqsiga ah ee Erdogan ee wada-hadallada ay qeyb weyn ka qaadatay sidii Abiy loogu qancin lahaa inuu ka qeyb galo.
-
Hargeisa (HOL) — In Kenya's Dadaab refugee camps, where cultural norms rarely allow women to lead in sports, Janaay Isaaq Adan is breaking barriers as a boys' football coach. Over three years, the mother has transformed young lives, steering boys away from drugs and delinquency through discipline, teamwork, and a passion for the game. Source: Hiiraan Online
-
Taliye Xasan Quuri, oo ka mid ahaa saraakiisha firfircoon ee Booliska Soomaaliya, ayaa xalay lagu dilay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug. Dilka Taliyaha ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee isbitaalka weyn ee Dhuusamareeb, xilli uu ku dhex sugnaa gaarigiisa. Allaha u naxariistee, Taliye Xasan Quuri wuxuu ahaa shaqsi caan ka ahaa Galmudug, gaar ahaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel. Wuxuu ka soo shaqeeyay waayihii Ahlu-Sunna, isagoo hormuud ka ahaa nabadgelyada iyo howlgallada amniga ee gobolka. Ninkaan ayaa sidoo kale soo noqday taliye ku xigeen Saldhig. Markii weerarka dhacay, gaariga uu ku sugnaa Taliyaha waxaa la saarnaa gabar dhaawac fudud uu ka soo gaaray gacanta. Gabadhan ayaa ayaa gaartay isbitaalka oo u dhowaa, iyadoo aan awoodin inay aqoonsato cidda falka geysatay maadaama ay habeen madow ahayd. Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa wadda baaritaano ballaaran oo lagu ogaanayo cidda ka dambeysay dilkan qorsheysan. Waxaa la soo xiray dad lagu tuhmayo inay lug ku leeyihiin falka, waxaana la filayaa in baaritaannada socda ay horseedaan in gacanta lagu soo dhigo qofkii ka dambeeyay weerarka lagu dilay sarkaalkan muhiimka ahaa. Source: goobjoog.com
-
Madaxdhaqmeedka Beesha Absame ee Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya ayaa gaadhay magaaladda laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxaan halkasi kusoo dhaweeyey Madaxda dhaqanka Iyo Garaadada sool ee Sool clan. Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiilwaal, ayaa hogaaminaya weftigan waxaana la sheegay inay Casuumad ka heleen Garaadada Gobolka Sool. Qaran News