Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,866
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaaa Galabta si rasmiya xariga uga jaray garoonka Ciyaaraha Gaalkacyo ee Cawaale Stadium, oo hab isku-tashi ah lagu dhisay. Madaxweyne Deni oo ka soo laabtay safar uu muddooyinkii u dambeeyay ku joogay magaalada Nairobi ayaa saaka gaaray magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa sida lagu wado Gaalkacyo ka bilaabi doona kulamo kala duwan oo uu la qadanayo Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada magaaladaas. Sidoo kale, waxa la filayaa in kormeer ku tegi doono dekedda magaalada Garacad oo dhismaheedu meel wanaagsan marayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Galabta xariga ka jaray Garoonka Ciyaaraha Gaalkacyo ee Cawaale Stadium appeared first on Puntland Post.
  2. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa soo saaray liiska musharixiinta 8-da kursi oo ay HirShabelle ku leedahay Aqalka Sare ee Soomaaliya. Liiska Musharixiinta ee uu soo saaaray Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka muuqda inu yahay liis furan oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin magaca ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana ugu adag kursiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow. Kursiga Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxaa ku tartamayo illaa 4 musharax oo kale, wuxuuna noqon doonaa kursi si weyn loogu tartamo, waxaana kurisgan ku tartamayo. 1- Muuse Suudi Yalaxow 2- Cabdullaahi Sheekh Xasan 3- Axmed Xasan Caddo 4- Xaaji Muxyadiin Xasan Afrax 5- Dr. Xasan Caddaay Cali Sidoo kale, kursiga uu ku fadhiyo Dr. Cusmaan Dufle ayaa la filayaa inuu tartan adag ka dhasho, waxaana murashaxiinta u taagan lagu soo daray safiirrka Soomaaliya ee Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. Inta badan kuraasta Aqalka Sare ee HirShabele ayaa waxaa ku tartamayo 4 illaa 6 musharax, wuxuuna Cali Guudlaawe noqday madaxweynaha kaliya ee ogolaaday in musharixiinta ay si cadaalad ah u tartamaan. Caasimada Online ayaa horey u sheegtay in Guudlaawe uu liiska ka dhigi doono mid furan sababo la xiriira cabsi uu ka qabo in dagaal uu ka dhaco Jowhar, oo ay sameeyaan beelaha qaar, haddii kuraasta uu ka dhigo kuwa u xiran shaqsiyaad gaar ah. Halkaan hoose ka akhriso liiska oo dhameystiran The post DEG DEG: Guudlaawe oo soo saaray liiska murashaxiinta Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shaaciyay liiska sideeda kursi ee dowlad gobaleedka Hirshabeele ku leeyahay Aqalka sare. Liiska xubnahan uu magacabay Madaxweynaha ayaa ka dhigan maamulki ugu dambeyay ee soo saara xubnahiisa Aqalka sare Hoos ka akhriso magacyada Liiska Xubnaha uu soo magacaabay madaxweynaha Hirshabeelle Source: goobjoog.com
  4. Mogadishu (PP News Desk) — Puntland and Jubaland leaders have rejected a proposal from the Prime Minister of Somalia Mohamed Hussein Roble to renegotiate key terms of the electoral modalities. Last month, Roble convened a summit for the heads of Federal Member States to make changes to an electoral agreement that broke a political deadlock resulted by a controversial term extension. The amendements to the electoral agreement grant more powers to heads of Federal Member States to decide who could be selected as an MP. Amendments further complicate the already shaky electoral modalities that allegedly made easier for heads of Federal Member State to handpick senators for the Upper House. MPs of Federal Member States’ parliaments had selected the senators after the role of the traditional elders was confined to the selection of MPs. “The rejection from Puntland and Jubaland affects the mandate of Roble to prepare Somalia for indirect elections,” an analyst told Puntland Post. Roble has proposed to have some articles in the amended agreement revised to ensure transparency in the electoral process. © Puntland Post, 2021 The post Jubaland and Puntland Decline Renegotiation of Somali Electoral Modalities appeared first on Puntland Post.
  5. MOGADISHU, Sept 8 (Reuters) – Somalia’s two most powerful leaders were locked in a deepening standoff on Wednesday after they named different men to head the politically unstable Horn of Africa nation’s intelligence service. The open row between President Mohamed Abdullahi Mohamed and Prime Minister Mohammed Hussein Roble, nominally over a murder investigation, marks an escalation of months of tension between them in a country already riven by militant attacks and clan rivalries. It was triggered on Monday when Roble suspended Fahad Yasin, the director of the National Intelligence Service Agency (NISA), saying he had failed to deliver a report on the case of one of its agents who disappeared in June. Roble appointed another man, Bashir Mohamed Jama, as interim head of NISA. The president called Roble’s move unconstitutional and, late on Tuesday, named a third man, Yasin Abdullahi Mohamed, to head the agency. The president’s appointee took over at a handover ceremony Wednesday morning, NISA said in a tweet. Security around the agency’s headquarters was tight, local residents said. The African Union, U.N. and foreign donor nations including Britain and the United States on Tuesday urged a de-escalation of the row and called on the president and prime minister to “avoid any actions that could lead to violence.” Roble and Mohamed had clashed in April, when the president unilaterally extended his four-year term by two years, prompting army factions loyal to each man to seize rival positions in the capital Mogadishu. read more The confrontation was resolved when the president put Roble in charge of security and organising delayed legislative and presidential elections. That process was supposed to be concluded next month but several days ago was pushed back again. In his late Tuesday statement, the president also named Yasin, the man Roble had sacked, as his personal security advisor. Also late on Tuesday, Roble accused Mohamed of “obstructing effective investigation of Ikran Tahlil Farah’s case,” referring the agent who went missing while working in the intelligence agency’s cybersecurity department. Her family have said publicly they believe she was murdered, and that they hold the agency responsible. The agency has not responded to the family’s allegation. Reporting by Abdi Sheikh; Writing by Duncan Miriri; Editing by Maggie Fick and John Stonestreet The post Somalia on edge as president, PM clash over intelligence chief appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) - Political tensions between Somali President Mohamed Farmaajo and Prime Minister Mohamed Roble took an unexpected turn on Wednesday morning following the announcement by Somalia's intelligence agency that Farmaajo's appointee had taken up office as the nation's spy chief. The statement came less than 12 hours after Roble directed his pick to report to the office. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) - The political battles between Prime Minister Mohamed Roble and President Mohamed Farmaajo escalated Tuesday night and extended to who would control Somalia's state-run media. Source: Hiiraan Online
  8. Xilka Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa waxa saaka la wareegay G/sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Yaasiin Faray, sida lagu sheegay war ka soo baxay NISA. “Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.” Ayaa lagu yiri warkaas. Madaxweyne Farmaajo, ayaa xalay sheegay in uu Yaasiin Faray u magacaabay Agaasimaha ku meel gaar ah ee NISA, kadib markii uu xilka iska casilay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo uu horay shaqada uga joojiyay Ra’iisul wasaare Rooble. Balse, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka horymid magacaabidda Yaasiin Faray wuxuuna sheegay in xilka hay’adda lagu wareejin doono S/Guuto Bashiir Maxamed Jaamac oo isagu magacaabay. PUNTLAND POST The post Hay’adda NISA oo sheegtay in Yaasiin Faray xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Habar Khadiijo oo ku taalla degmada Shibis ayaa haatan laga dareemayaa xiisad xoogan iyo sidoo kale dhaqaqaaq ciidan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa NISA lagu arkay agagaarka xarunta iyo waddooyinka laga galo, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo. Sidoo kale saacado ka hor ayey aheyd markii barta Twitter-ka ee NISA lagu shaaciyey inuu si rasmi ah xilka ula wareegay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo uu xalay si KMG ah xilkaasi ugu magacaabay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday. Xiisaddan ayaa daba socota khilaafka u dhexeeya Rooble iyo Farmaajo, kaas oo ka dhashay kiiska ‘dilka ah’ ee Ikraan Tahliil Faarax. Dhinaca kale waxaa maanta ay ku beegan-tahay waqtigii uu ra’iisul wasaaraha u qabtay Fahad Yaasiin, si uu xilka usoo wareejiyo, loona guda-galo baarista kiiska Ikraan Tahliil. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhinaca xafiiska ra’iisul wasaaraha ay ka socdaan dadaallo kale oo lagu doonayo in Bashiir Goobe lagu geeyo xarunta NISA, taas oo keeni karta isku dhac, maadaama taliyihii Farmaajo magacaabay uu ku sugan yahay halkaasi. Si kastaba xaaladda ayaa haatan aad u kacan, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac. The post Xiisad culus oo ka taagan xarunta NISA iyo wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa soo saaray Liiska musharixiinta ku tartamaya Sideed kursi oo Hirshabeelle ku matali doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Hirshabeelle oo shaaciyay liiska xubnaha Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa)-Ciidanka Socdaalka JSL (Immigration) oo maanta ku soo bandhigay Xaruntooda Hargeisa Dad u dhashay wadanka Neyjeeriya iyo hal qof oo Somali ah, kuwaas oo ku hawlanaa samayn lacago foojari oo ay doonayeen inay ku khalkhal galiyaan dhaqaalaha Wadanka. Taliyaha Ciidanka Socdaalka Sareeye Guuto Maxamed Calin (Dayib) ayaa hawl gal ay sameeyeen waxay kusoo qabqabteen islamarkaana kusoo bandhigeen Eedaysanayaashii iyo agabkii kale ee ay faldambiyeedka ku galen,Nimankan oo saaka Lagu soo bandhigay Taliska Ciidanka Socdaalka. Sidoo kale waxa lagu qabtay Aqoonsiyo been abuur ah. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lasoo dhigay twitter-ka rasmiga ah ee NISA ayaa lagu sheegay in agaasimihii uu sida KMG ah xalay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud uu maanta xilka kala wareegay Fahad Yaasiin. Qoraalka lagu taabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu yiri “Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.” Sidoo kale warka qoraalka ah ayaa lagu yiri “Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday.” Ma jirto cid xaqiijin karta xil kala wareegistan lagu sheegay bogga twitter-ka ee NISA, oo uu maamulkiisa hayo agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, oo la rumeysan yahay inuu dalka ka maqan yahay. Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii uu xalay Farmaajo sameeyey magacaabis deg deg, kadib wareegta uu soo saaray, waxaana Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi si KMG ah loogu dhiibay NISA, halka Fahad Yaasiin loo magacaabay la-taliyaha amniga qaranka. Ninka haatan la wareegay NISA ayaa horey u ahaa agaasimihii nabad sugida ee gobolka Banaadir ‘wuxuuna ka mid yahay’ shaqsiyaadka lagu eedeynayo kiiska Ikraan Tahliil. Si kastaba talaabadan ayaa uga sii dareysa xiisada u dhexeysa ra’iisul Rooble iyo Farmaajo, maadaama ra’iisul wasaaraha uu dhankiisa agaasimaha NISA u magacaabay Bashiir Goobe. The post Twitter-ka NISA oo sheegtay in Yaasiin Farey uu maanta la wareegay xilka agaasimaha appeared first on Caasimada Online.
  13. Camaara (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo sidoo kale dalka uu kasoo jeedo ninkii fuliyey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay deegaanka Camaara ee koonfur gobolka Mudug, kaas oo geystay khasaare xoogan. Magaca ninka fuliyey qarixii ismiidaaminta ahaa ee uu ku billowday warkaasi ayey kooxda Al-Shabaab ku sheegtay Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali oo magaciisa afgarashaduna uu ahaa (Haashim), kaas oo oo ay shaacisay inuu sidoo kale ka soo jeedo wadanka dariska Kenya. Sidoo kale Idaacadda Andaluus oo baahisay wareysi laga qaaday ninkaasi, ka hor inta uusan weerarka geysan ayaa sheegay inuu ka dhashay magaallo xeebeedka Mombasa, kuna barbaaray, isaga oo markii dambe kusoo biiray Al-Shabaab, kadib markii uu kasoo safray Kenya. Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali (Haashim) ayaa wareysiga marka laga qaadayey ku hadlayey luqadda Sawaaxiliga, wuxuuna farriin u diray dhammaan dadka muslimiinta ah. “Farrinteda ugu horreyso waxaan u dirayaa muslmimiinta ku nool dhulalka gaalada waxaana leeyahay soo haajira,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali. Haashim ayaa sidoo kale sheegay inuu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2014-kii, isla-markaana uu ka qeyb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay gudaha Soomaaliya. Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Camaara oo uu xigay dagaal toos ah ayaa dhaliyey khasaare xoog leh oo soo gaaray qaar ka mid ah ciidamada huwanta iyo saraakiisha, waxaana sidoo kale Al-Shabaab au ku qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal. The post Al-Shabaab oo shaacisay MAGACA iyo dalka ninkii fuliyey weerarkii Camaara appeared first on Caasimada Online.
  14. Wasiirkii hore ee arrimaha guddaha Somalia Cabdi Faarax Juxa, ayaa sheegay in Farmaajo cagta saaray jidkii dhamaadka hayaankiisa siyaasadda, welina uu iska indho tirayo xaqiiqada hortaalla. Qoraalkan uu baahiyey ayuu sidan ku yidhi Juxa “Bilowga dhamaadka sheekada oo wareegtooyin ah:4 sano oo muddo-xileed ah iyo 8 bilood oo dulqaadasho shacab ah ayaa dhamaaday, saaka ayeyna ugu indho xun tahay. Calaamadihii dhamaadka oo far waaweyn ah ayaa derbiyada ku qoran. Go’aan weliba kan ka dameeya waa ka yaab badan yahay. Dhawaaqa kalsooni-darro ayaa sii kordhaya, saaxiibadii siyaasadduna waa sii yaraanayaan. Keli ah Tani waa kasii daraysaa. Mudane Madaxweyne, Ookiyaalaha iska bixi, hareeraha eeg, codka kalsooni-darro ee shacabka iyo miyuusigga dhamaadka dhegeyso. Mudane Madaxweyne, Wajah qadarta siyaasadda iyo dhamaadka saacadda. Source
  15. KULMIYE VS WADDANI 13/11/18. 31/05/21- difference KULMIYE. 55% 36..7%. -18.3% WADDANI 41%. 38.3%. -2.7% UCID. 4% 25%. +21% Marka aynu isbarbar dhigno labadii doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada iyo boqoleeyada codadka ay ka kala heleen labada doorasho waxa muuqata in xisbiga Kulmiye 55% ka helay codbixiintii doorashada Madaxwaynuhu uu hoos u dhacay wax ka badan 18% halka Xisbiga WADDANI oo 41% ka helay codbixintii doorashadii Madaxtooyadu uu hoos u dhacay wax ka yar 3%. Labadan xisbi ayaa marka la isku daro ka helay tiradii codbixinta doorashada Madaxtooyada 96%, halka ay ka heleen 75% doorashadii Wakiilada sababtuna ay tahay korodhsiimada UCID oo ah 21%. Tiradan ayaa 2:7 wuxu kala wareegay Xisbiga WADDANI halka 18.3% uu kala wareegay Kulmiye. Hadaba hadii aynu qiyaastan u rogno taageerada shacbiyadda labada xisbi ee waawayn waxa muuqanaysa in xisbiga WADDANI oo doorashadii Madaxtooyada uu Kulmiye ka horeeyay 14% uu kor maray Kulmiye qiyaas 1.4% ah. Hadaba sua’aashu waxay tahay hadii sadexdii musharax ee hore ay mar kale tartamaan November 2022 siday noqon kartaa xaaladda labada xisbi ee Kulmiye iyo WADDANI. Marka hore waxa laga yaabaa in kor u kaca Ucid ee ah 21% ay meesha ka baxdo oo halkiisii hore (4%) ku noqdo. Waxa markaa ay WADDANI iyo Kulmiye ku loolamayaan waa 21% ee Ucid ka wareegi doona yaa badsanaya? Waana sua’aasha milyan doolarka ah. Doorashadiina waxa ka hadhsan 15 bilood oo keliya. Kulmiye oo afartii sanadood ee Madaxwayne Biixi uu xilka hayay hoos uu u sii socday taageerayaashiisii horena uu wada saydhay oo cidla ciirsila kaga dhaqaaqay uu kaga soo kaban karo khasaarahiisa mudo 15 bilood ah gudahood??”Lagama yaabo hadiise ay dhacdo waxay noqon mucjiso yaab leh saw maaha? Xisbiga WADDANI runtii wuu shaqaysanayay. Ugu yaraan wuxu ku guulaystay in horta uu xejisto taageeradii uu haystay markiisii hore haddana 15 bilood wuxu ku dagaalamayaa in uu Kulmiye la boobo taageeradii uu haystay xiligii doorashadii Madaxtooyada ee uu ku loofaray. Xataa hadii 21% ka uu nus ka rito wuu guulaystay ayay ka dhigan tahay. Weliba in uu ka badsan karana u dhaw. Source
  16. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saacadihii tagay aqbalay xil ka qaadista uu ra’isul wasaare Maxamed Rooble ku sameeyey madaxii hore ee basaasiinta Fahad Yaasiin, taasi oo ka dhiggan in lasoo afjaray 4 sano oo Fahad ahaa milkiilaha dowladda federaalka ah, isla markaana uu hey’adda ka dhigay mid siyaasadeysan. Farmaajo keliya kuma ekaan aqbalaadda xil ka qaadista Fahad ee waxaa uu xilka agaasimaha NISA u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, arrintaas oo kahor imaaneysa tallaabada uu ra’isul wasaare Maxamed Rooble isna maalin hor isla jagada ugu magacaabay NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac. Saacado kadib go’aanka Farmaajo, waxaa qoraal soo saaray Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxed Xuseen Rooble isaga oo soo dhoweeyey Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, laakin waxaa uu iska diiday in Yaasiin Fareey oo lug dhigo hey’adda, waxaa uuna faray Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amray in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac. Ra’isul wasaare Rooble, ayaa ka walaacay talaabooyinka uu qaaday Farmaajo isaga oo intaa raaciyey in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas. Arrimahan dhacay saacidihii tagay ayaa waxaa ka horeeyey in ra’isul wasaare 6-dii bisha uu shaqada ka ceyriyey Fahad isla markaana uu magacaabay Bashiir Goobe taasi oo careysiisay Farmaajo, keentana uu dhaho Fahad hasii wato shaqadiisa. Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa hoggaanka amniga iyo doorashada dalka kala wareegay Farmaajo May 1, 2021-kii kadib markii uu sidaasi ogolaaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, laakin waxaa muuqata in Farmaajo uu mar kale awood raadinayo isaga oo fowdo ka dhex bilaabay hey’adaha dowladda. Midowga musharaxiinta oo qoraal soo saaray ayaa taageeray tallaabada ra’isul wasaare Rooble, waxaa isla sidaasi sameeyey aqoonyahanka iyo abwaannada Soomaaliyeed iyo xataa hoggaanka beesha Mogadishu Clan. Dhankeeda beesha caalamka, oo qoraal soo saartay ayaa ku baaqday in la joojiyo wax walba oo kicin kara colaad iyo iska hor imaad. Isjiid-jiidka labada nin ayaa laga cabsi qabaa iney mugdi geliso doorashada 2021-ka ama keentaba in noqoto doorashadan oo hadda socoto bil iyo 10 maalin midd ugu waqtiga dheer caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. La’taliyaha Madaxwaynaha Somaliland Ee Arimaha Doorashooyinka Cabdilaahi Maxamed Daahir ” Cukuse ” Ayaa la’ sheegay inuu ka Cudur-daartay in xil kale loo magacaabo, Cukuse ayaa la’ filayay inuu safka hore kaga jiro Isku-shaandhayntii dhawaan Madaxwaynuhu soo saaray ILaa hadda ma cadda sababta Arintaasi keentay , Balse Cukuse, oo dhankiisa aan isku-dayay inaan arintani wax ka waydiiyo ayaanay ii suurto-galin, Badri Kozar Source
  18. (SLT-Muqdisho)-Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble wuxuu soo dhawaynayaa Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisul wasaaraha. Waxaa kale oo uu Ra’iisul wasaaruhu ka walaacsanyahay tallaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaadho kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo hore hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas. Ra’iisul wasaarahu wuxuu mar kale ku adkaynayaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida in ay dardargaliyaan hawlaha Baadhista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hore geeyaan maxkamadda awoodda u leh. Waxaa la farayaa dhammaan taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu hay’adaha Amniga farayaa in ay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaadaan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta Xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Shacabka Soomaliyeed uga baaqayaa in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd Ikraam Tahliil Faarax. Ugu danbayn, Ra’iisulwasaaruhu isaga oo ku hadlaya magaca Golaha wadatashiga Qaranka wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinayaa in la dardargalin doono arrimaha Doorashooyinka dalka oo si wanaagsan u socda, wuxuuna ku baaqayaa in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahayd doorashadu isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah. Source
  19. (SLT-Minnesota)-Waaxda booliska magaalada Edina ee gobolka Minnesota ayaa xaqiijisay in la helay meydka Ikhlas Cabdullahi Axmed oo aheyd laba jir ah, taas oo muddo 18 saacadood ah la raadinayay, kaddib markii qoyskeedu ay waayeen. Meydka Ikhlas ayaa laga helay haro biyo oo u dhaw barxadda lagu ciyaarsiiyo carruurta ee Rosland Park oo markii ugu dambeysay ay la joogtay xubno ka tirsan reerkeeda. Ciidamada booliska, dabdamiska iyo kooxaha gurmadka oo dhow magaalo ka kala yimid ayaa baadhitaan dheer kaddib helay Ikhlas oo aheyd gabadh yar oo la xanuunsaneyd cudurka Austism-ka “Anigoo ku hadlaya magaca magaalada Edina, waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro qoyska gabadhan yar, musiibadan xoogga leh waxay saameysay qalbiyadenna” ayuu yidhi taliyaha booliska magaalada Edina Tod Melbourne. Bulshada Soomaalida ah ee ku nool magaalada Edina ayaa xalay iskugu yimid kulan baroordiiq ah iyo duco ahaa. Gobolka Minnesota oo ah gobolka ugu haraha badan Mareykanka ayaa ilaa hadda sanadkan waxaa biyaha ku geeriyooday 26 qof. Source
  20. Golaha Midawga Musharixiinta ayaa cambaareyay go’aanadii Farmaajo ka soo baxay ee lagu magacaabay Taliyaha NISA. Midawga ayaa sheegay in Farmaajo uu carqaladeynayo in baaritaanno daah furan lagu sameeyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Musharixiinta ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Farmaajo uu qorsheynayo in uu xagal ka daaciyo doorashooyinka Dalka. Dhanka kale Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday uu qeyb ka ahaa Dilka Ikraan Tahliil sida uu hadalka u dhigay. Cabdiraxmaan Cabishakuur ayaa sheegay in uu Farmaajo uu hor istaagayo cadaalad u helidda Ikraan Tahliil. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa uu ku yiri : Tallaabada uu Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday qaaday saddex eed ayay qoorta u suraysaa. 1- In uu dilka Ikraan Tahliil wax ka ogaa, maadaama uu difaacayo, xalayna uu xilal u magacaabay Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey oo ka mid ah seddaxda ruux ee lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil. 2- Caddaalad isku hor-gudbid (Obstruction of Justice), maadaama uu diiddan yahay in kiiska la baaro, oo laga gungaaro xaqiiqdiisa dhabta ah. 3- Abuuris qalqal amni iyo mid siyaasadeed, si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha Rooble ugu baaqay in uu cadaaladda hor keeno raggii ka dambeyay dilka Ikraan Tahliil. Haddaba, in uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble, ku eedeeyo in uu cadaaladda hortaagan yahay, carqaladayna ku hayo doorashooyinka, tuhunna geliyo in uu kiiska ku lug leeyahay waxay ahayd jawaab sax ah. Ra’iisul Wasaaraha, waxaa laga rabaa in uu Taliye Bashiir xilka ku wareejiyo, xarunta NISA na geeyo. Guddigii uu baaritaanka u xilsaarna waa in ay tillaabo ka qaadaan shakhsiyaadkii hor istaagay baaritaanka oo ay Fahad iyo Fareey ugu horreeyaan. “ ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Dhinaca kale Cabdi Faarax Juxa Wasiirki hore ee arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda Federaalka ayaa sheegay in afarti sano ee Farmaajo ay sii dhamaatay saaxiibadii uu ku lahaa siyaasadda. Juxa ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Farmaajo uu saaka taagan yahay halkii ugu xumeyd ee siyaasadda. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri Juxa “Bilowga dhamaadka sheekada oo wareegtooyin ah: 4 sano oo muddo-xileed ah iyo 8 bilood oo dulqaadasho shacab ah ayaa dhamaaday, saaka ayeyna ugu indho xun tahay. Calaamadihii dhamaadka oo far waaweyn ah ayaa derbiyada ku qoran. Go’aan weliba kan ka dameeya waa ka yaab badan yahay. Dhawaaqa kalsooni-darro ayaa sii kordhaya, saaxiibadii siyaasadduna waa sii yaraanayaan. Keli ah Tani waa kasii daraysaa. Ookiyaalaha iska bixi, hareeraha eeg, codka kalsooni-darro ee shacabka iyo miyuusigga dhamaadka dhegeyso.” Waxaa isa soo taraya siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka saacadihii la soo dhaafay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeynayo in uu diidan yahay in baaris iyo maxkamadeyn lagu sameeyo dadka lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyaan Kiiska Ikraan Tahliil. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa digreeto uu soo saaray ku magacaabay xilal cusub oo uu kamid yahay xilka siihayaha Agaasimaha NISA. Hoos ka akhriso magacaabista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan; Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaadh ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeedhayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan Villa Soomaaliya oo haatan sii xogeysanaya ayaa noqday hadal heynta ugu badan, waxaana dadka Soomaaliyeed ay u arkaan siyaabooyin kala duwan. Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Cismaan Muxudiin Shaatax oo wareysi siiyey VOA ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda siyaasadeed ee ka dhax-qaraxday ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ay ka qabaan wal-wal xoogan, maadaama ay kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jiro marxalad adag iyo doorashooyin guud. Shaatax ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka xoogan ee haatan soo kala dhex-galay madaxda ugu sarreysa ee dalka. “Runtii khilaafyadan siyaasadeed ee hadda soo kordhay 48-kii saac ee ugu dambeeyey waa mid wal-wal badan nagu abuuraayo, iyada oo maanta dalka doorasho u diyaar garoobaayo in hadane khilaaf horleh uu soo kala dhex-galo madaxdii dalka waa wax aad looga xumaado,” ayuu yiri guddoomiyaha bulshada rayidka Cismaan Muxudiin Shaatax. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii saaray in khilaafkan uu saameyn xoogan ku yeelan karo dadka saameeyey, isla-markaana uu wiiqi karo dhaqaalaha dalka. “Waxaan kaloo aad wal-wal uga qabnaa saameynta uu ku yeelan karo dad badan oo Soomaaliyeed khilaafkan, maxaa yeelay khilaafyadii horey usoo taagnaa ee dib u dhaca ku ridday doorashada waxay saameyn badan ku yeesheen dhaqaalihii dalka” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyn guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah ayaa ugu baaqay madaxda qaranka inay u turaan dadka iyo dalka, isla-markaana ay soo afjaraad khilaafkooda. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu cirka isku sii shareeray khilaafka u dhexeeyay Farmaajo iyo Rooble, kuwaas oo xalay soo saaray go’aanno kale oo liddi isku ah. The post Sidee loo arkaa khilaafka xoogan ee hareeyey Villa Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  23. Golaha Midawga Musharixiinta ayaa cambaareyay go’aanadii Farmaajo ka soo baxay ee lagu magacaabay Taliyaha NISA. Midawga ayaa sheegay in Farmaajo uu carqaladeynayo in baaritaanno daah furan lagu sameeyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Musharixiinta ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Farmaajo uu qorsheynayo in uu xagal ka daaciyo doorashooyinka Dalka. Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka Midawga Musharixiinta Source: goobjoog.com