-
Content Count
212,856 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo baxay go’aanka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya shaqo joojinta ugu sameynayey Taliyihii NISA, Fahad Yaasiin, ayaa waxaa sare u kacay hadal haynta shaqsigaan iyo saameynta dowladda madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Haddaba, Waxaa si gaar ah isku dul-taagi doona qaabkii uu Fahad ugu soo biirey siyaasadda Soomaaliya. 2012-kii ayaa markii ugu horreysay si toos ah loogu arkay siyaasada, xilligaasi oo uu socday ololaha doorashada Soomaaliya, waxaana la sheega inuu qeyb ka ahaa kooxdii ololaha doorashada musharax Xasan Sheekh Maxamuud, oo markii dambe ku guuleystay doorashada. Waxaa loo magacaabay Fahad Yaasiin in uu xilligaas noqdo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee xukuumaddii Cumar Cabdirashiid, sida la sheegayna xilkaas wuu iska diiday. 2016-kii ayaa sidoo kale waxa uu qeyb ka noqday hormuudka ololaha doorashada madaxweynenimada ee madaxweynaha hadda xilka haya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kadib guushii doorashadaas waxa Fahad loo dhiibay agaasimaha madaxtooyada. Ka hor inta uusan noqon Fahad Yaasiin madaxa Hay’adda Sirdoonka waxaa uu ka noqday agaasime ku-xigeen. Waxaa lagu tiriyaa in uu yahay shakhsiga ugu saameynta badan dowladda madaxweyne Farmaajo, islamarkaana gacan weyn ku leh go’aannada iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee madaxweynaha. Hase yeeshe waa lagu kala qeybsan yahay kaalinta uu ku leeyahay dowladda, dadka qaar baa u ammaana, halka qaar kalena ay ku dhaliilaan. Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu Fahad ku tilmaamay nin wax weyn kusoo kordhiyey dowladnimada Soomaaliya, qeybna ka noqday geedi socodka soo kabashada dalka. “Waxkasta oo laga tabanayo iyo waxkasta oo lagu tuhunsan yahay ba, waxaa jirta arrin aan dood ka taagneyn oo ah in uu yahay nin hay’adeed oo karti badan, wuxuu sameeyay xoghayntii ugu horeesay ee madaxtooyada Somaaliya ee sida xoghayn la yaqaano u shaqeysa tan iyo burburkii iyo taliska sirdoonka sida uu u habeeyay tan iyo intii uu ku biiray”, ayuu yiri Ibraahim Faarax Bursaliid. Si kastaba, Fahad Yaasiin ayaa xilligan wajahaya tuhuno culus oo la xiriira Kiiska Ikraan Tahliil oo galaaftay shaqadiisii NISA, kadib markii ay shaacisay inay ku baxday gacanta Al-Shabaab, oo ayadu iska fogeysay arrintaas. The post Sidee ayuu FAHAD Yaasiin kusoo galay siyaasadda? appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha taagan ee saameynta ku leh amniga, siyaasadda iyo arrimaha geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka in is faham laga gaaray horumarinta doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland lana soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna deg-deg u bilaaban doonto doorashada Sooomaaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska murshaxiinta isagoo u rajeeyay in doorashadu ay u dhacdo sida ugu dhaqsaha badan. Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen jadwalka doorashooyinka oo faahfaahsan. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahaliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo madaxweynuh arrintaas isku aragti ka noqdaan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Itoobiya oo shaaca ka qaadey xabaalo wadareedyo Saraakiisha dowladda Ethiopia, ayaa ku eedeeyey dagaal yahanada Tigreega, iney ku dileen 120 qof oo rayid ah ismaamulka ay dariska yihiin ee Amxaarada. Waxey sheegeen iney shaaca ka rogeen labo xabaalo wadareed oo waa weyn, kuwaasoo ku yaalla degmada Dabat. Saraakiisha ayaa intaa ku darey in dilkan la fuliyey labo maalmood gudahood oo ah horraantii bishan. Ma jirto jawaab kasoo baxdey xoogagga Tigreega, kuwaasoo dagaal kala soo horjeeday dowladda federaalka Itoobiya, iyo kuwa isbaheysiga la leh illaa iyo bishii November ee sanadkii hore ee 2020-ka. Ma jirto ilo wareed madax bannaan oo laga xaqiijin karo dagaalada ka socda waqooyiga Ethiopia. Qaran News
-
Ra’iisul-wasaaraha Somalia oo Xilkii ka qaaday Wasiirka Amniga,Wasiir Cusubna magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxmaed Xuseen Rooble ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale oo xilka laga qaaday “shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay” muddadii uu xilka hayay. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxmaed Xuseen Rooble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka,tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.” Wasiirka xilka laga qaaday Xasan Xundubey ayaa la sheegaa in saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, sidoo kale wasiirkaan cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo ku magac dheer ayaa aad u mucaaradi jiray xukunka Farmaajo. Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa qeyb ka ah qorshe uu ku xaqiijinayo awooddiisa dowladda, meeshana looga saaray shaqsiyaadka Farmaajo kala shaqeynaya in dalka la geliyo xiisad dagaal oo cusub. Wasiir Xundubey oo ka horyimid xil ka-qaadistii lagu sameeyey Wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hor-yimid xil ka qaadistii uu caawa ku sameeyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo sheegay in Rooble uu yahay ‘xil-gaarsiiye, balse uusan aheyn xil ka qaade.’ “PM Rooble, asaga ayaa Wasiirada ku yiri: cid xil kama qaadi kartaan, waayo, waa kala guur, waddankuna waxa uu galay doorasho, marka ha ku dhaqmo xeerkii uu asagu golihiisa wasiirada ku dhaqayay,” ayuu Xundubey ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka. Waxa uu intaas ku daray “PM Rooble, waxa aan isku ogeyn in dalka qalalaasa dambe laga ilaaliyo, haddasa – nasiib daro – asaga ayaa [kaligiis] go’aansaday in uu dalka qalalaasa cusub geliyo!” Dhanka kale madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Xundubey ay saaxiibo dhaw ahaayeen ayaa qoraal uu soo saaray ku diiday xil ka waadistii uu Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey wasiirkii amniga Xasan Xundubey. Farmaajo ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay waxa uu ku yiri, “Xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey kuma imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna dhaqan gal ma ahan. Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dikreeto ka soo baxday xafiiskiisa xilkii uga xayuubiyey wasiirkiisii amniga Xasan Xundubey Jimcaale, isagoo xilkaas u magacaabay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo aad u dhaliili jiray siyaasadda Farmaajo. Qoraalkii uu caawa baahiyey xafiiska Farmaajo ayaa intaas ku sii daray, “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad, sidaas darteed dhaqan gal maaha xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey.” Wasiirka cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo caan ku ah naaneysta (Sodon jir Sodon Milyan heysta) ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii ugu firfircoonaa ee ka hor tegay mudo kororsigii Farmaajo, kuwaas oo garab istaag xoog leh u muujiyey ciidankii Badbaado Qaran ee Farmaajo ka fashiliyey damaciisii mudo kororsiga. Qaran News
-
Xildhibaanad shaacisay inay Laba Sanadood gurigeeda u tagi la’dahay cabsi ay ka qabto Farmaajo iyo Fahad Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Yasiin oo hadal ka jeedisay kulan lagu dalbanayey in Ikraan Tahliil Faarax ay cadaalad hesho ayaa shaacisay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay gurigeedii uga go’day Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Kullane Jiis, sida ay sheegtay. “Laba sano gurigeyga oo Madaxtooyada ku dhax-yaalla waxaan u tagi waayey cabsi aan ka qabo Farmaajo iyo Fahad Yasiin, maxaad u maleyneysaa gabadh yar, anigoo xildhibaan ah ayaa banaanka reero kula nool oo gurigeygii tegi waayey,” ayey tidhi Xildhibaan Sacdiyo. Waxay sheegtay in aysan helin ciidan difaaca, isla markaana cabsi ay ka qabto Farmaajo iyo saraakiishaas u talisa NISA ay uga carartay gurigeeda oo ku dhex-yaalla madaxtooyada, kaas oo ugu ijaaran 1,500 oo dollar oo bil kasta ay bixiso, sida ay sheegtay. “Farmaajo, Fahad iyo Kullane Jiis heer waxay gaadheen xildhibaanadii ila deganaa ay gaadiidkooda gudaha soo galaan oo loo ogolaado, keygana banaanka lagu celiyo, war reer Muqdishow waxaan idinkaa ogolaaday, Falastiin ayaa la qabsan waayey ee ma Fahad iyo Farmaajaa idin qabsan kara?” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xildhibaan Sacdiyo. Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegay inay aaminsan tahay in Ikraan dhimatay, iyadoo sababta ku sheegay in dad badan oo sideeda loo shir qoolay ay ehelkoodu aasteen meydadkooda, balse Ikraan hadii la dilay uusan meydkeedu qarsoomeen. “Hadey dhimatay Ikraan ileen kuwii horaba waa la aasi jiraye waxaan qabaa nimankaan waa keeni lahaayeen meydkeeda,” ayey tidhi. Sidoo kale Xildhibaan Sacdiyo waxay sheegtay inay aad uga xumaatay dadka baraha bulshada ka soo leh “maxaa Ikraan loogu awrkacsanayaa oo dadkii dhiman jiray ay uga duwan tahay” Iyadoo tusaale u soo qaadatay koox afka soo duubatay oo shalay iska soo duubay banaanbax ay sheegeen inay ku taageerayaan Farmaajo iyo Fahad. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Yasiin oo hadal ka jeedisay kulan lagu dalbanayey in Ikraan Tahliil Faarax ay cadaalad hesho ayaa shaacisay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay gurigeedii uga go’day Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Kullane Jiis, sida ay sheegtay. “Laba sano gurigeyga oo Madaxtooyada ku dhax-yaalla waxaan u tagi waayey cabsi aan ka qabo Farmaajo iyo Fahad Yasiin, maxaad u maleyneysaa gabar yar, anigoo xildhibaan ah ayaa banaanka reero kula nool oo gurigeygii tegi waayey,” ayey tiri Xildhibaan Sacdiyo. Waxay sheegtay in aysan helin ciidan difaaca, isla markaana cabsi ay ka qabto Farmaajo iyo saraakiishaas u tali jirtay NISA ay uga carartay gurigeeda oo ku dhex-yaalla madaxtooyada, kaas oo ugu ijaaran 1,500 oo dollar oo bil kasta ay bixiso, sida ay sheegtay. “Farmaajo, Fahad iyo Kullane Jiis heer waxay gaareen xildhibaanadii ila deganaa ay gaadiidkooda gudaha soo galaan oo loo ogolaado, keygana banaanka lagu celiyo, war reer Muqdishow waxaan idinkaa ogolaaday, Falastiin ayaa la qabsan waayey ee ma Fahad iyo Farmaajaa idin qabsan kara?” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xildhibaan Sacdiyo. Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegay inay aaminsan tahay in Ikraan dhimatay, iyadoo sababta ku sheegay in dad badan oo sideeda loo shir qoolay ay ehelkoodu aasteen meydadkooda, balse Ikraan hadii la dilay uusan meydkeedu qarsoomeen. “Hadey dhimatay Ikraan ileen kuwii horaba waa la aasi jiraye waxaan qabaa nimankaan waa keeni lahaayeen meydkeeda,” ayey tiri. Sidoo kale Xildhibaan Sacdiyo waxay sheegtay inay aad uga xumaatay dadka baraha bulshada ka soo leh “maxaa Ikraan loogu awrkacsanayaa oo dadkii dhiman jiray ay uga duwan tahay” Iyadoo tusaale u soo qaadatay koox afka soo duubatay oo shalay iska soo duubay banaanbax ay sheegeen inay ku taageerayaan Farmaajo iyo Fahad. Hoos ka daawo The post Xildhibaan Sacdiya ‘oo laba sano gurigeeda u tagi la’ cabsida Farmaajo iyo Fahad appeared first on Caasimada Online.
-
Xoogagga gadoodsan ee ka soo jeeda gobolka Tigray ayaa 120 qof oo rayid ah ku dilay tuulo ka tirsan gobolka Amxaarada ee Itoobiya, sida ay saraakiisha deegaanka u sheegeen Reuters Arbacadii. Dilkan oo ka dhacay tuulo 10 km u jirta magaalada Dabat ayaa dhacay 1-dii iyo 2 -dii Sebtembar, sida uu sheegay Sewnet Wubalem, oo ah maamulaha deegaanka ee Dabat. Chalachew Dagnew oo ah afhayeenka magaalada u dhow ee Gondar ayaa sheegay inuu booqday goob lagu aasayay dadka la dilay, kuwaas oo uu sheegay inay ku jireen carruur, haween iyo waayeel. Waa warbixintii ugu horreysay oo noocan oo kale ah oo ay ciidamada Tigreegu ku laayaan dad badan oo rayid ah tan iyo markii ay qabsadeen dhulka Amxaarada. Tobanaan kun oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii gobolkaas. PUNTLAND POST The post TPLF oo lagu eedeeyay Xasuuq dad rayid ah appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa soo saaray jawdalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee BFS ka soo gelaya HirShabeelle, taas oo la guda geli doono Khamiista berri ah, sida ku cad jadwalka. Ugu horeyn guddiga ayaa jadwalkaan ku sheegay in Khamiista berri ah ee 9-ka bishan September illaa maalinka Sabtiga ah ee 11-ka bishaan ay socon doonto ‘qabashada araajida iyo diiwaan gelinta musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare’ ee yaalla Jowhar. Sidoo kale maalinka Axada ah ee 12-ka bishaan ayaa loo balansan yahay in musharaxiinta laga dhageysto hadal jeedintooda. Halka maalmaha Isniinta, Talaadada iyo Arbacada ay socon doonto doorashada xubnaha Aqalka Sare ee HirShabeelle ku metelaya dowladda federaalka. Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa maanta soo saaray liiska musharixiinta 8-da kursi oo ay HirShabelle ku leedahay Aqalka Sare ee Soomaaliya. Liiska Musharixiinta ee uu soo saaaray Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka muuqda inuu yahay liis furan oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin miisaan ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana kursi kasta ku tartamaya ugu yaraan seddax illaa afar musharax. The post Jadwalka doorashada Aqalka Sare ee HirShabelle (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka, xilli ay xiisad siyaasadeed ka taagan tahay magaalada Muqdisho. Kulankan oo u dhacay hab fogaan arag ah ayaa Rooble wuxuu wakiilada beesha caalamka kala hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha taagan ee saameynta ku leh amniga, siyaasadda iyo geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay. “Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka in is faham laga gaaray arrimaha doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland, lana soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna deg deg u bilaaban doonto doorashada Xildhibaanada labada gole ee matalaya Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Madaxweynaha HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska murshaxiinta, isagoo u rajeeyay in doorashadu u qabsoonto sida ugu dhaqsaha badan. Waxuu kaloo xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen jadwalka doorashooyinka oo faahfaahsan. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo Madaxweynuhu arrintaas ay isku aragti ka noqdaan. Xubnaha beesha caalamka ayaa la rumeysan yahay inay si buuxda u taageersan yihiin hoggaaminta ra’iisul wasaare Rooble, xilli ay awoodda dalka isku hayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. The post Maxaa kasoo baxay kulankii Rooble iyo beesha caalamka? appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’isul wasaaraha Ayaa Leh Xaqa Magacaabista iyo Ceyrinta Wasiirrada Sida ku xusan qodibka 100-aad ee dastuurka KMG ah, ra’isul wasaaraha ayaa leh xaqa magacaabista iyo ceyrinta wasiirada. Qodobkan dastuuriga ah, waxaa baabi’inayaa sheegashada Farmaajo ee iney geyr dastuuri tahay magacaabista wasiirka amniga gudaha. Farmaajo oo horay looga adkaaday siyaasad ahaan ahaa u muuqda mid dastuur xataa looga adkaaday. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hor-yimid xil ka qaadistii uu caawa ku sameeyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo sheegay in Rooble uu yahay ‘xil-gaarsiiye, balse uusan aheyn xil ka qaade.’ “PM Maxamad Xusen Rooble waa Xil-Gaarsiiye ee Xil-Kaqaade ma ahan!” ayuu Xundubey ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka. Dhanka kale madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Xundubey ay saaxiibo dhaw ahaayeen ayaa qoraal uu soo saaray ku diiday xil ka waadistii uu Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey wasiirkii amniga Xasan Xundubey. Farmaajo ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay waxa uu ku yiri, “Xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey kuma imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna dhaqan gal ma ahan. Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dikreeto ka soo baxday xafiiskiisa xilkii uga xayuubiyey wasiirkiisii amniga Xasan Xundubey Jimcaale, isagoo xilkaas u magacaabay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo aad u dhaliili jiray siyaasadda Farmaajo. Qoraalkii uu caawa baahiyey xafiiska Farmaajo ayaa intaas ku sii daray, “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad, sidaas darteed dhaqan gal maaha xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey.” Wasiirka cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo caan ku ah naaneysta (Sodon jir Sodon Milyan heysta) ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii ugu firfircoonaa ee ka hor tegay mudo kororsigii Farmaajo, kuwaas oo garab istaag xoog leh u muujiyey ciidankii Badbaado Qaran ee Farmaajo ka fashiliyey damaciisii mudo kororsiga. The post Wasiir Xundubey oo ka hor-yimid xil ka qaadistii uu Rooble ku sameeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ma qaadisti lagu sameeyay wasiirki Amniga Xukuumadda Rooble. Farmaajo ayaa sheegay in aan loo marin hanaan sharci ah xilka qaadista Xundubeey. War lagu faafiyay kaliya Baraha bulshada ee Villa Soomaaliya ayaa lagu ayuu Farmaajo ku sheegay in uu ka soo horjeedo Xilka qaadista Saaxiibkiis Xundubeey. Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo . XIL KA QAADISTA WASIIR XUNDUBEEY MA AHA MID WAAFAQSAN DASTUURKA Muqdisho, Sebteembar 8, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka. Madaxweynaha oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn. “Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaadha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla. DHAMMAAD Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha taagan ee saameynta ku leh amniga, siyaasadda iyo arrimaha geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka in is faham laga gaaray horumarinta doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland lana soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna deg deg u bilaaban doonto doorashada Sooomaaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska murshaxiinta isagoo u rajeeyay in doorashadu ay u dhacdo sida ugu dhaqsaha badan. Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen jadwalka doorashooyinka oo faahfaahsan. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahaliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo madaxweynuh arrintaas isku aragti ka noqdaan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu diiday xil ka waadistii uu caawa Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubey, kaas oo lagu bedelay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur. Farmaajo ayaa qoraalkaan ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku yiri, “Xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey kuma imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna dhaqan gal ma ahan.” Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo oo dhameystiran Muqdisho, Sebteembar 8, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka. Madaxweynaha oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn. “Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaadha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla. DHAMMAAD The post DEG DEG: Farmaajo oo diiday xil ka qaadistii wasiir Xundubey appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (PP Editorial) — Somalia Prime Minister Mohamed Hussein Roble interprets President of Somalia’s edicts as a violation of his decision to hand over the responsibility to prepare Somalia for indirect elections. President Mohamed Abdullahi Mohamed did not hand over key presidential duties enshrined in the draft constitution. If the President ever wanted to do so or circumstances necessitated it, the draft constitution is the ultimate reference. Roble’s misreading of the draft constitution might plunge Somalia into political uncertainty. The Speaker of the Parliament can take over presidential duties temporarily or in the event of resignation. That Roble fails to honour powers that the draft constitution vests in the President bodes ill for the endeavours to hold indirect elections in Somalia. The distinction between ad hoc powers to take a lead role in preparing Somalia for elections and constitutional prerogatives of the President is clear. The distinction lays an emphasis on the impartial role of the Prime Minister following the President’s decision to hand over to Roble the overall responsibility to oversee election preparations. Any action that might tip Somalia into political uncertainty should be avoided. It is the Prime Minister who, rather than making hasty and divisive decisions, should be setting an example to follow. As it stands, the Prime Minister is taking a leaf from the self-styled opposition’s playbook. There is a growing risk that his power struggle with the Presidency may alienate many Somali constituencies. The Prime Minister of Somalia Mohamed Hussein Roble must show teamwork and political maturity at a time Mogadishu is on the break of returning to warlord fiefdoms. Those who do not learn from history are condemned to repeat it, as the old dictum says. © Puntland Post, 2020 The post Roble Should Reread the Draft Constitution of Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo maanta hadal ka jeedisay kulan lagu dalbanayey in Ikraan ay cadaalad hesho ayaa shaacisay in dhowr mar ay ku guul-dareysatay inay ku hesho xiriirro ay la sameysay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo iyo Marwadiisa Seynab Macalin, si ay ugala hadasho arrinta gabadheedii Ikraan. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka dalbanayaa in dhibka igu dhacay ee Wadnaheyga dhimbisha dabka ah ku dhejiyey ay ka hor-tagaan, si gabar ama wiil dambe oo Soomaaliyeed uusan ugu dhicin,” ayey tiri Hooyo Qaali. Waxay sheegtay in Farmaajo ay marar badan codsi u dirtay oo ku hor oysay, balse codsigeedii iyo xiriirradii ay la sameysay uu dheg jalaq u sii diiday. “Madaxweynaha lambarkiisaan helay waan wacay, markii uu iga qaban waayey, fariin ayaan u diray, iigama soo jawaabin, marwadiisa ayaan taleefan u diray, waa iga qaban weysay, waxaa ii cad in Farmaajo cadaaladda iga hor-taagan yahay oo raggii gabadheyda ku dhex-dhibaateeyey xarunta NISA uu maanta xasaanad u raadinaayo, umadda Soomaaliyeed ha igu garab istaageen cadaalad u raadinta dhabadheydii Ikraan,” ayey yiri Hooyo Qaali. Sidoo kale Hooyo Qaali ayaa aad ugu mahad celisay Ra’iisul wasaare Rooble iyo dhamaan dadkii maalmihii lasoo dhaafay u banaan-baxay in Ikraan Tahliil ay cadaalad hesho, iyadoo Rooble ka codsatay in arrinteeda uusan ka quusan ilaa inta laga sal-gaarayo. Sidoo kale beesha caalamka iyo hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaya ayey ka codsatay in aysan ka sii aamusnaan arrinta gabadheedii Ikraan. Ugu dambeyntii Qaali Maxamuud Guhaad ayaa guddoomiyaha ururka haweenka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyo guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ku eedeysay inay ka gaabsadeen arrinta Ikraan Tahliil oo iyagu ay dad ugu xigeen, sida ay sheegtay. Hoos ka Daawo The post Daawo: Hooyo Qaali oo shaacisay wixii ay kala kulantay Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo ka mid ahaa Mucaaradka Farmajo u magacaabay Wasiirka Amniga XFS. Rooble ayaa sheegay in baahi badan oo ka jirta wasaaradda Amniga awgeed xilka looga qaaday Wasiirkii hore isaga oo magacabay wasiirka Cusub. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka. “Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” ayuu lagu yiri qoraalka Villa Somalia. Qoraalka madaxtooyada waxaa lagu xusay in shaqada xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaasha Barlamaanka, hadana taas laga sugayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka horyimid xilka qaadista Wasiirka Amniga appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada Aqalka sare. Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa maanta soo saaray liiska Musharixiinta Aqalka Sare. Jadwalka guddiga ay shaaciyeen ayaa lagu sheegay in Beri oo khamiis ah iyo sabtida la qaban doono diiwaan gelinta musharixiinta. Axadda soo socota ayaa guddiga uu sheegay in la dhageysan doono khudbadaha Musharixiinta. Isniinta iyo Arbacada ayaa loo kala qorsheyay in ay dhacaan doorashada Aqalka sare. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa goordhaweyd xilka ka qaaday Wasiirka Amniga Xasan Xundubey , wuxuuna xilkaas u magacaabay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsanaa Madasha Badbaado Qaran ee mucaaradka. Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha”. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay” ayaa qoraalka la raaciyay. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa khilaafkoodu cirka isku shareeray, markii saacadihii ugu dambeeyay ay soo saareen waraaqo iska soo hor-jeeda. PUNTLAND POST The post Rooble oo xilka ka qaaday wasiirkii Amniga, una magacaabay xubin ka mid ah mucaaradka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxmaed Xuseen Rooble ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale oo xilka laga qaaday “shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay” muddadii uu xilka hayay. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxmaed Xuseen Rooble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka,tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.” Wasiirka xilka laga qaaday Xasan Xundubey ayaa la sheegaa in saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, sidoo kale wasiirkaan cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo ku magac dheer ayaa aad u mucaaradi jiray xukunka Farmaajo. Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa qeyb ka ah qorshe uu ku xaqiijinayo awooddiisa dowladda, meeshana looga saaray shaqsiyaadka Farmaajo kala shaqeynaya in dalka la geliyo xiisad dagaal oo cusub. The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday wasiirkii amniga, magacaabay mid cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida u gudbiyay Cabasho ka dhan ah Hogaankii hore ee taliska NISA . Fahad Yaasiin, Kulane Jiis, Cabdillahi Wadna Qabad iyo Yaasiin Fareey oo dhamaantood NISA xilal ka hayay ayaa lagu eedeyay in ay qeyb ka ahaayeen kiiska Ikraan Tahliil. Abuukaate Daahir Maxamed Cali oo ah abuukataha qoyska Ikraan Tahliil ayaa Xafiiska xeet ilaalinta ka dalbaday in la bilaabo galka ka dhanka ah Raggaan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya walaaca ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan inuu saameyn xun reebo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo qarka u saaran inuu gaaro gacan ka hadal. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Farmaajo uu xiligaan khilaaf iyo qalqal siyaasadeed geliyo dalka, isagoo sheegay inuu aad ugu walwalsan yahay jawiga ay dalka uga qabsoomi karto doorasho. “Xaaladda dowladda dhexdeeda ka taagan mid sahlan maaha, sida aan ogeynba madaxweynihii hore Farmaajo waakii mas’uuliyadda amiga iyo doorashada wareejiyey, laakiin nasiib darro madaxweynuhu howshii uu shalay wareejiyey ayuu weli daba socdaa, wax fiicana maaha waxa uu sameynayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa Farmaajo kula taliyey in howsha socota uu faraha kala baxo, oo musharaxiinta uu ula sinaado, isagoo u sheegay in dalkaan uusan hal qof qalalaase geli karin. “Kiisaa taagan gabar sarkaal aheyd ayaa la waayey oo NISA dishay la yiri, waxaan uu madaxweynuhu sameynayo waxay carqalad ku yihiin in kiiska gabadhaas la baaro, intaasna hal qof ayuu gadaal ku wataa, marka dalkaan iyo hal qof waa kala weynyihiin, shalay ma uusan dhihin mas’uuliyadii amniga waan wareejiyey intaan Nabad sugidda ka aheyn,” ayuu yiri Mar Xasan Sheekh wax laga weydiiyey sida ay la tahay in murankaan uu u saameyn karo howlaha socda ee doorashooyinka ayaa waxa uu sheegay in aad uu ugu walaacsan yahay sii socoshada howlaha doorashada, hadii uusan Farmaajo sidaan wax ka bedelin. “Aad iyo aad ayaan uga walwalsanahay, waa ka xumahay inay sidaan wax u dhacaan doorashadu ayadoo awalba doorasho dadban aheyd, oo dib u dhacday wax badan, hadana jawigaan si ay ugu qabsoomi karto ma garan karo, caqabada taagan hadda dhanka madaxweynaha ayey ka socotaa, anigu waxaan leeyahay Farmaajo dalkaan sidii uu shalay ugu tanaasulay ha uga leexdo, hala kala saaro dalka iyo danta shakhsiyaadka,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/09/4f225217-fa13-497f-bae8-bcdb5511f264_16k.mp3 The post Wareysi: Xasan Sheekh oo si cajiib ah uga hadlay dagaalka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (AFP)- A rift inside Somalia's troubled government intensified on Wednesday as the president and prime minister traded accusations of abuse of power, plunging the country deeper into a political crisis. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa si adag uga hadlay khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, isagoo ku goodiyey in dagaalka uu ku soo biiri doono, hadii madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo uu isku dayo inuu fowdo geliyo dalka. “Raggii gabadha saan ogeyn u galay ayaa horteena jago isugu magacaabaya, taas macnaheedu waa qofkaan rabnaan dileynaa, waxaan doono ayaana sameyneynaa, taasna kama yeeli doono, Soomaaliya cadaalad ayey u baahan tahay, ra’iisul wasaaraha ayaana ku garab taaganahay raadinta cadaaladda,” ayuu yiri Jeneraal Xuud. Sarkaalkaan ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in cadaaladda ay u hiiliyaan oo garab istaagaan ra’iisul wasaaraha, isagoo ku amaanay inuu iska diiday nin jecleysi iyo in lagu hor dulmiyo mawaadiniinta. “Kuwa isku deyaya inay cadaaladda hor istaagaan, waxaan leeyahay afar sano ayaad nagu heyseen dhibkaan, hadaa isku daydaan inaad ra’iisul wasaaraha caburisaan, dagaalka waan soo geleynaa, garab ayaan u nahay Rooble, cid kasta oo uu bedelo ayaa bedelan, waa la dhacsanahay hogaamintiisa, Rooblow xaqa wad oo xaq-darrada diid, anagaa kugu difaaceynee,” ayuu hadalkiisa ku sii daray jeneraal Xuud. Xuud ayaa Farmaajo ugu baaqay in meesha uu isaga tago, maadaama sida uu sheegay uu fashilmay, “Inta aad Fahad Yaasiin hoosta ku wadato damac ma lihid, waa idin diidnay, namana qasbi kartaan,” ayuu yiri. Hoos ka daawo The post Daawo: Jeneraal Xuud oo shaaciyey inuu kusoo biirayo dagaalka Farmaajo iyo Rooble – Yuu la saftay? appeared first on Caasimada Online.