-
Content Count
212,856 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
M/weyne Shaaciyey inuu Ciidamadiisa kala baxaayo Muqdisho haddii aan khilaafka Aloosan Xal loo helin Madaxweyne Farmajo iyo Museveni oo ku kulmaya madaxtooyada Uganda Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay inuu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya kadib markii uu soo cusboonaaday khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Wareysi uu siiyay Frace24 oo oo hawada laga sii daayay Khamiista maanta ah ayuu Museveni ku sheegay inuu ka daalay murannada siyaasadeed ee aan dhammaadka lahayn ee ka socda Muqdisho. Uganda ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee gacan ka geysta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo taageera ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa uu dalka soo maray marxalado kala duwan iyo dowlad isaga kala dambeeyay xukunka, hasayeeshee asaaskii maxaakiimta iyo dagaalkii dhexmaray iyaga iyo Itoobiya oo dhacay sannadkii 2007-da ayaa waxay beesha caalamka garatay in Soomaaliya la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah, kuwaais oo hadda tiradoodu ay gaareyso 18 kun oo askari. Ciidammada ugu badan ee nabad ilaalin ahaan u jooga Soomaaliya, kana tirsan AMISOM ayaa ah kuwa Uganda oo intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho. Xiisadihii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ayaa horseeday in si isku mid ah loo kala magacaabo wasaaradda amniga Soomaaliya iyo hay’adda sirdoonka oo halis ku ah inay carqaladeeyaan hawlgallada amniga ee dalka aan xasilloonayn. Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa walaac ka muujiyay in khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble uu dib u dhac ku keeni doono hanaanka doorashada ee socda. Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa weji cusub yeeshay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto xalay ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka. Rooble iyo Farmaajo oo dhoolla-caddeynaya inta uusan khilaafkooda soo shaac-bixin Farmaajo ayaa dhanka kale si kumeelgaar ah xilka uu banneeyay Fahad ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir. Ra’iisal wasaaraha oo ka jawaabaya go’aanka madaxweynaha ayaa sheegay in talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax. Museveni iyo kaalintii heshiiskii Kampala Madaxweyne Museveni Heshiiska caanka ahaa, Kampala accord, ee dawladda Soomaaliya looga saaray KMG ayaa qalinka lagu duugay, xilligaasi waxaana si wadajir ah u saxiixay Madaxweynihii dawladda ku meel gaarka ahyad ee Soomaaliya isla markaana uu madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka ee xiligaasi Shariif Xasan. Waxaa kale oo markhaati ahaan u saxiixay heshiiskaas madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni iyo Ergaygii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Augustine Mahiga, waxaana lagu saxiixay magaalada Kampala ee caasimada Uganda. Dowladdaas waxaa xiligaas raysal wasaraae ka ahaa Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya ee hadda,waxaana xusid mudan in wakhtigaas Farmaajo looga yeeray Kampala si loola socodsiiyo heshiiskii Kampala oo dhigayey inuu xilka baneeyo, uuna madaxweynuhu soo magacaabo raysal wasaare cusub mudo 30 cisho ahayd oo ka bilaamanaysay markii la saxiixay oo ahayd 9-kii bishii Juun sanadkii 2011-kii. Museveni ayaa isla xilligaasi ku hanjabay inuu la bixi doono ciidammadiisa o ahaa kuwii ugu horreeeyay ee AMISOM ee Soomaaliya la geeya 2007 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni oo wareysi gaar ah siiyey Frace24 ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda ka soo cusboonaatay dalka ee haatan ka taagan Villa Soomaaliya. Museveni ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa qeybta ka ah howl-galka AMISOM uu kala baxayo Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya Rooble & Farmaajo. Sidoo kale wuxuu wareysiga uu bixiyey ku sheegay inuu ka daalay muranada siyaasadeed ee aan dhammaadka laheyn ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Madaxweynaha Uganda ayaa intaas kusii daray in hoggaamiyeyaasha Soomaalida looga baahan-yahay inay ka fakiraan, sida looga gudbi karo caqabadaha haatan taagan, si xal loogu helo khilaafaadka iyo is jiid jiidka weli ka jira qabsoomida doorashooyinka dalka. Uganda waa dalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ugu badan marka loo eego waddamada ee ku jira howl-galka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika. Hadalka Yoweri Museveni wuxuu ku soo aadayaa xilli ay horey kormeerayaasha caalamiga ah walaac xoogan uga muujiyeen khilaafka haatan u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble. Si kastaba tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay qaadeen labada dhinac ayaa sii horseeday in si isku mid ah loo kala magacaabo wasaaradda amniga Soomaaliya iyo hay’adda sirdoonka oo halis ku ah inay carqaladeeyaan hawlgallada amniga guud ee Soomaaliya. The post Madaxweyne Museveni oo soo saaray hanjabaad la xiriirta xiisadda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyeyaasha ciidamada qeybahooda kala duwan ayaa haatan shir gaar ah wuxuu uga socdaa xarunta taliska Booliska ee magaalada Muqdisho. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taliyaha ciidanka Xoogga dalka, taliyaha ciidanka Asluubta, taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir iyo agaasimaha cusub ee uu dhowaan NISA sida ugu KMG ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ugu magacaabay Yaasiin Farey. Ilo wareedyo lagu kasoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkan diiradda lagu saarayo arrimaha ammaanka iyo xaaladaha soo kordhay, si loo adkeeyo nabad-gelyada. Saxaafadda ayaa sidoo kale dibad-joog kulanka ay haatan leeyihiin laamaha ammaanka, kaas oo ku soo aaday xilli aad xasaasi u ah dalkana ay ka taagan tahay xiisad xoogan. Dhinaca kale hadal heyn badan ayaa ka dhalatay ka soo dhex muuqashada shirkan ee Yaasiin Farey oo horey u ahaa agaasimaha NISA ee gobolka Banaadir, balse dhowaan Farmaajo uu u magacaabay inuu si KMG ah u sii hayo xilka agaasinka guud ee hay’adda. Sidoo kale waxaa la filayaa in go’aano adag ay kasoo baxaan shirka, iyada oo faah faahinta laga sugayo saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa qeyb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ka socda caasimada, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda cusub ee soo kordhay. Si kastaba khilaafka u dhexeeya Rooble iyo Farmaajo ayaa u muuqdo mid kasii daraya, waxaana labada xafiis ay qaadayaan tallaabooyin liddi isku ah oo la xiriira awooda. The post Taliyeyaasha ciidamada oo shir xasaasi ah ku leh xarunta booliska + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ee muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa wareysi uu bixiyey kaga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee Villa Soomaaliya. Zakariye ayaa shaaca ka qaaday in haatan dalka uu ku jiro xaalad qatar ah, isla-markaana loo baahan-yahay in la qaado tallaabooyin lagu bad-baadinayo dowladnimada dalka. Xildhibaanka oo sii hadlayey shaaca ka qaaday in aysan ka jirin wax dhib ah oo ka weyn isku dhaca madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka. “Dalka wuxuu ku jiraa xaalad qatar ah anigu Xamar baan joogaa iska hor imaadka labada nin ee dalka ugu sarreysay waa wax dhib ah oo la sameeyo oo ka weyn ma jirto,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalka uu leeyahay sharci iyo dastuur, loona baahan yahay in lagu dhaqmo ama khilaafka la geeyo baarlamaanka, si xal waara looga gaaro. “Dalku dastuur buu leeyahay baarlamaan buu leeyahay iyaga la dhex-geeyo oo iyagu kala saaraana waa meel kale,” ayuu kusii daray hadalkiisa. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in labada nin ee ugu sarreysa dalka looga baahnaa inay u turaan shacabka, ayna keenaan is-bedal dhab ah, misana ay doorasho qabtaan. Hadalka Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa kusoo aadaya, iyada oo meeshii ugu xumeyd ay gaartay xiisadda Villa Soomaaliya oo ku soo aaday, xilli kala guur ah. The post Muxuu xildhibaan Zakariye ka yiri khilaafka Rooble iyo Farmaajo? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, haatan ah gudoomiyaha golaha midowga musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka. Shariif ayaa shirkiisa jaraa’id uga hadlay xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya, kiiska Ikraan Tahliil iyo heshiiskii laga gaaray murankii ka taagnaa doorashada gobollada waqooyi. Ugu horreyn wuxuu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday, isaga oo ku tilmaamay nasiib darro. Sidoo kale wuxuu xusay inuu dhaawacayo rajada ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan inay horay u socota dowladnimada Soomaaliya. “Runtii waxaan leenahay nasiib darro waaye khilaafka maanta u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, wuxuuna aad u niyad-jabinayaa dadka Soomaaliyeed oo rajada ka qabay in dowladnimada ay horay u sii socoto,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheehh Axmed. Guddoomiyaha golaha midowga musharixiinta ayaa sidoo kale shaaciyey, sida lagu xalin karo khilaafka u dhexeeya labada xafiis ee ugu sareysa ee dalka, wuxuuna tilmaamay inuu ku jiro xalka in horay loo sii wado doorashooyinka dalka ee horay heshiiska looga gaaray. “Mushkiladaan waxay ku xallismi kartaa in doorashooyinka horey loo wado oo ay socdaan, kuna socdaan si wanaagsan oo habsame leh,” ayuu sii raaciyey. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday heshiiskii ay wada gaareen guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ugu dambeyn soo afjaray murankii ka taagaan sida loo wajahayo doorashooyinka kuraasta labada aqal ee gobollada waqooyi, isaga oo ugu hambalyeey siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland heeshiiska ay gaareen. Ugu dambeyn wuxuu codkiisa ku biiray in cadaalad loo helo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo uu tilmaamay in hooyada dhashay ay ku garab taagan yihiin dadaalkeeda. “Qof hay’adaha amniga ka shaqeeya haddii uusan nabad helin, qof kalena nabad ma helaayo,” ayuu yiri Sheekh Shariif xilli uu ka hadlayey kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xiisadda ka dhalatay ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax ay gaartay meeshii ugu sarreysay, waxaana kasii daraya khilaafka ka taagan Villa Soomaaliya The post Shariif oo shaaciyey hal arrin oo lagu xalin karo xiisadda Villa Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Xoogagga gadoodsan ee ka soo jeeda gobolka Tigray ayaa 120 qof oo rayid ah ku dilay tuulo ka tirsan gobolka Amxaarada ee Itoobiya, sida ay saraakiisha deegaanka u sheegeen Reuters Arbacadii. Dilkan oo ka dhacay tuulo 10 km u jirta magaalada Dabat ayaa dhacay 1-dii iyo 2 -dii Sebtembar, sida uu sheegay Sewnet Wubalem, oo ah maamulaha deegaanka ee Dabat. “Ilaa hadda waxaan soo helnay 120 meyd. Dhammaantood waxay ahaayeen beeraley aan waxba galabsan. Laakiin waxaan u maleyneynaa in laga yaabo in tiradu intaas ka badan tahay. Waxaa jira dad la la’yahay,” ayuu yidhi Sewnet, oo ah maamulaha deegaanka, oo kładka telefoonka ugu warramay wakaaladda wararka ee Reuters. Chalachew Dagnew oo ah afhayeenka magaalada u dhow ee Gondar ayaa sheegay inuu booqday goob lagu aasayay dadka la dilay, kuwaas oo uu sheegay inay ku jireen carruur, haween iyo waayeel. Ciidammada Tigreega ayaa markii dambe soo saaray bayaan ay ku diidayaan wax ay ugu yeedheen “eedeyn la been abuuray” oo ka timid dowlad deegaanka Amxaarada, waxayna beeniyeen inay wax lug ah ku lahaayeen dilka dadka rayidka ah. Waa warbixintii ugu horreysay oo noocan oo kale ah oo ay ciidamada Tigreegu ku laayaan dad badan oo rayid ah tan iyo markii ay qabsadeen dhulka Amxaarada. Tobanaan kun oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii gobolkaas. Reuters. Source
-
Warbixin ku saabsan Roobkii habeenimadii xalay ka da’ay magaalada Caasimada Hargeysa iyo badbaadooyinka ciidanka Dab-demisku sameeyeen. Ciidanka Caasimada Hargeysa ayaa ilaa xalay saacado badan ka hawlgalayay Roob weyn oo ka da’ay magaalada hadaba, warbixinta samata bixinta iyo badbaadooyinkii ciidanku sameeyeen raxmaadkii Eebe ee ku hoorey Hargeysa oo faahfaahsan waxay kala tahay :- 1- Badbaado gaadhi Vitz iyo Mark One-10 oo laag galay goobta Isgoyska Togdheer. 2- Guri Buul ah oo gubtay xaafada Sheekh Mubaarig ee degmada Gacan_Libaax. 3-Badbaado gaadhi V8 ah oo waddo la go’aday agagaarka Deero Mall. 4. Badbaado Gaadhi Mark X oo God galay Daami ee degmada Gacan_Libaax. 5. Gacansiin dawlada hoose kaabad duntay goobta agagaarka Deero mall ee degmada 26 June. 6. Badbaado gaadhi Iskarogo ah oo Dooxa galay xaafada Kuwaytiga ee degmada Gacan_Libaax. Guud ahaan hawlgalada ciidanka Dab-demisku u gurmadeen ilaa hadda ayaan jirin dhimasho iyo dhaawac la soo sheegay, waxaana ciidamadu ku guuleysteen dhamaantood. Hawlgaladan waxaa iyaguna dhankooda gurmadka ku jiray ciidanka Booliska, cisbitaalka weyn iyo dawlada hoose Hargeysa. Ugu dambayn Taliyaha ciidanka dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada inay sameeyaan taxadar dheeraad ah xilliyada Roobabka, sidoo kalena ka fogaadaan Dooxyada, laagaha, biyo mareenada iyo xadhkaha Korontada. Gaar ahaan darawalada gaadiidku ay ciqaab iyo ganaax ku mutaysan doonaan hadii ay isku qaadaan goobaha dooxyada iyo biyomareenada. Allah Mahad leh Info@fire.govsomaliland.org 990 Emergency Service Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo haatan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa fashiliyey qorshe culus oo uu wado guddoomiyaha golaha shacabka, wuxuuna shaaciyey inuu doonayo in shir deg deg ah uu isugu yeerayo xildhibaanada Soomaaliya. Xildhibaan Idiris oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa tilmaamay in guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu farriimo u diray qaar ka mid ah xubnaha golaha, taas oo ku aadan shir deg-deg oo uu yeelanayo baarlamaanka dalka. “Waxaan arkaayey farriimo uu guddoomiyaha baarlamaanka uu soo diray uu ku leeyahay shir deg-deg ah oo albaabada u xiran yahay ayaa baarlamaanka iskuugu wacay,” ayuu yiri. Idiris ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in haatan Mursal uu shir isugu yeero baarlamaankii 10-aad, iyada oo kii 11-aad laga soo doortay 29 Senatar, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray in aysan jirin fowdo ka weyn oo dalka la gelin karo, marka la eego tallaabada uu qaadayo guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed. “Waa nasiib darro aad u weyn in guddoomiyihii golaha shacabka hadda baarlamaankii 10-aad uu iskuugu yeero, baarlamaankii 11-aadna 29 senator ay dooran yihiin oo ay bannaanka joogaan marka taa fowda ka weyn oo dalka la gelin karo ma jirto,” ayuu raaciyey. Ma shaacin xildhibaanku waxyaabaha looga hadlayo kulanka uu sheegay in baarlamaanka uu isugu yeerayo Mursal, balse wuxuu hadalkiisa kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jirto xiisad xoogan. Si kastaba khilaafka u dhexeeya ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareeraya, waxaana labada xafiis ay haatan qaadayaan tallaabo uu midba mid kale ku weerarayo. The post Xildhibaan fashiliyey qorshe culus oo uu wado MURSAL appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiir Cali Mareexaan oo hadal ka jeedinayay munaasibad ay joogeen maayarka caasimadda iyo Xildhibaan Sheekh Kucaddeeye ayaa duray hadalladooda ku aaddan wax u qabashada bulshada. Waxa uu ku dooday in maayarku markii uu shaqada qabtay u muuqdo in hawluhu noqdeen si ka duwan sidii uu moodayay halka uu Xildhibaanka ku eedeeyay difaacidda Coldoon iyo in uu shaadhka Sheekhnimada siyaasad dhex marinayo. https://fb.watch/7Vp6M3X9Vx/ Source
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee wasaarrada waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa madaxweynaha muddo xilleedkiisa uu dhammaaday ee Farmaajo uga digay in uu dagaal ka rido dalka. Goodax Barre ayaa sheegay in dalka aanu ka bixi karin Farmaajo, haddii uu dagaal ka dhaco magaalada Muqdisho, maadama uu xili xasaasiga ah ka shaqeynayo iska hor-keenka dadka, taasi oo ku weyna karo naftiisa, sida uu sheegay “Waxaa ogaata haddaa dalka dagaal ka ridid, magaalada Xamar meel la kala tagayo majirto, Xamar waa kala reebto, haddaad qaadid dagaal meel aad uga baxeyso majirto, haddaa isku haleynayso in Garoonka ka baxeyso, Airport-ka dad buu u xidhan yahay la yidhaahdo UN iyo AMISOM, hub inta Soomaaliya haysato ka badan ayey haystaan, Soomaali is-raacdeysaneysa ma u galeyso,” ayuu yidhi. “Haddaad magaalada dagaal ka kiciso waxaa ku talo-gashaa mar haddaad ku dhex guuleysan karin ha ku dhiman, ha dhimanin waddankana kaalin xun ha usoo jiidin, adigu ma tihid nin naftiisa ka naxaya.” Sidoo kale waxa uu ku eedeyay in uu asagu shisheeye u cararay, halka uu ku doodo inuusan marnaba aqbaleyn in shisheeyuhu soo fara-geliyo arrimaha dalkeena. Goodax ayaa ugu dambeyntiina madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ku booriyey in uu ka wantoobo dagaal hurinta uu ka wado magaalada Muqdisho, oo ku soo koobnay, haddii kale uu naftiisa ku waayi doono. https://www.facebook.com/watch/?v=4626079017436217 Source
-
Mogadishu (HOL) - The political struggles between Somalia's national executive leadership continued on Wednesday after the PM dismissed the Federal Minister of Internal Security, Hassan Hundubey Jimale and appointed opposition lawmaker Abdullahi Mohamed Nur to the post. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Guinea)-Urur Goballeedka ECOWAS ee galbeedka Afrika ayaa ugu baaqay millatariga inqilaabay xukuumadii Guinea inay si deg deg ah kusii daayaan Madaxweynihii ay afgembiyeen Alpha Conde. Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in dalka Guinea ay soo gaadhaan wafti ka socda urur Goballeedka ECOWAS oo ku hanjabay inay cunaqabateyn saari doonaan millatariga Guinea. Kulan deg-deg ah oo ay shalay yeesheen dalalka xubnaha ka ah ECOWAS ayaa dalka Guinea si kumeel gaadh ah looga joojiyey xubinimadii ururkaasi, walow ayna jirin cunaqabateyn adag oo lagu soo rogay dalkaasi. ECOWAS ayaa hore cunaqabateyn u saartay waddanka Mali oo si lamid ah Guinea uga dhacay inqilaab millatari. Source
-
Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato. Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Saxaafada iyo shacabweynaha somaliland. Ano in muda ka maqnaa warbaahinta aya jeclaysatay in maqaalkan qoro oo dhowr arimood ka hadlo,anagoo ka soo baxnay doorasho shacabku ku doortayn xildhibaano iyo ay u muujiyeen xisbiyo tageeradooda, waxaana yimaada wakhti khilaaf walba layska ilaabo oo danta laysku wada raaco,khilaaf iyo kala fogaasho guul ma dhaliso ee guuldari dhalisa, in gacmaha lays qabsado oo loo wada kaco guusha higsanayno aya haboon, waxaana cadenaya in guusha cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi cirro 2022 doorashada madaxtooyada at tahay mida in laga shaqeyo guusheeda. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxay kasbadayn sumcad iyo siyaasadd ku dhisan cadaalad iyo sinaan wata keentay guushii golayaasha deegaanka iyo barlamaanka , iyaadu somaliland siyaasadiidu ay marayso maxalad xun hadi noqoto xaga khilaafaadka haysata maamulkan maanta dalka kala daadiyay ee ah xukuumadda madaxweyne muuse biixi, waxaana gudoomiye Cirro kasbaday taageero balaadhan marku ka dhibto fikirkiisa waddaniyadu ku dheehantahay arimaha dalka haysta iyo mashaakilka ay xukuumaddan ku riday qadiyadda somaliland, waana Gudoomiyaha kaliya ee maanta xidhiidho fiican ku leh waddamada jaarka iyo beesha caalamaka una soo bandhiga siyaasadda dhabta ah ee somaliland marayso , iyo jaaliyaddaha dibadaba oo runti taageero baaxad leh siyay musharaxnimadda cabdiraxmaan cirro iyo xisbiga Waddani 2022, waana xisbiga ugu laamaha badan dibadda, Cabdiraxmaan waa siyaasi dulqaad leh, degan, karti leh, deeqsi ah iyo xikmad siyaasadeed saaxada ku wada. Murashaxa Madaxwaynaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani md. cirro kama suurtawdo inuu ku kaco talaabooyin lid ku ah geedi socodka dimuqraadiyada curdinka ah ee ka hana qaaday wadankan yar ee ka ifaya Geeska Africa, waa masuul ku abtirsada wadaniyadd ,horumar,maamul wanaag,aqoon, akhlaaq,sinaan , sifoyinkaas waa taa keenaty inuu gudoomiye Cirro ka dhex lahaado taageero buuxdda dhanka shacabweynaha, iyo aqoonyahanadda cilmiga la saaxiibka ah, iyagoon hab qabiiliya ku taageerayn, ogsoona in Cabdiraxmaan yahay ninka kaliya ee hogaan hufan noqon kara, cilmi iyo waayo aragnimana u leh maamul wanaag saldhig u yahay daacadnimo iyo hawlkar,jecelna inuu dalka ka saaro marxaladan ay marayso maanta iyadoo meel walba albaabka laga xidhay muse muuse biixi. Diblomaasiyiinta reer Galbeedku ayay Cabdiraxmaan ku sifeeyaan nin macquula oo si miisaaman u hogaamin kara siyaasadda Somaliland marxaladda soo socota, Beesha Caalamku waxay dooneyaan siyaasi la jaan qaata xidhiidhka dawladdaha oo dublomaasi ah ,lana dhiso Xukuumadd mustaqbaleed uu hogaaminayo Masuul shacbiyad leh sida Cabdiraxmaan Cirro,aragtedaas waxay ku timi shacabiyadda weyn ee gudaha ee ku leeyahay cirro maadama ay dadku arkayn hogaamintiisa wanaagsan intuu u xilka barlamaanka hayay 2005 ila 2017, waa siyaasi isaago laba xil haya oo si wanaagsan u waday waana mid na tusaysa inuu yahay siyaasiga ay higsanayso Somaliland iyo bulshadeeduba . waxan ku soo kahtimaya maqaalkaygan Cabdiraxman Cirro waa geesi hantay tageeradda shicibweynaha Somaliland, waa ninkaa leh fikir sidi u shacabka Somaliland u horumarin lahaa, waa ninkaa haddii illaahay nafta u daayo, Xilka Madaxweynaha Ka Soo bixi doona inshalaah 2022, waxaana bararojinaya shacabweynaha higaamyihiina dhabta ah taageeradiisa muujiya waano so dhawaaday wakhtiga isbedelku dhici lahaa inshalaah, codkiina ku badala marxaladdan ay manta marayso Somaliland, badbaadintona waxay ku jirta musharaxnimadda gudoomiye Cirro 2022 oo si wada jir ah isbedelkiisa raacno . Qore Mukhtar Cilimi mukhtarcilmi@hotmail.com Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay guddiga Amniga Gobolka Mudug. Guddiga ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda Amniga Gobolka, horumarada laga sameeyay iyo qorsheyaasha Amni ee diyaarsan. Madaxweyne Deni, ayaa isna bogaadiyay shaqada Amni ee laga qabtay Gobolka oo isbedelkeedu uu ka muuqdo guud ahaan, wuxuuna laamaha Amniga faray in la sii dardargeliyo Howlaha Amni ee socda. PUNTLAND POST The post Madaxwweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay guddiga Amniga Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Somali youth shaping the future of peace building in Dobley
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ismail* and Jamal* from Dobley, Somalia, are close friends. They both used to be gang members, a common practice by young men in some parts of the country. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo katirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka, waxaa magaalada Muqdisho ka socda dadaallo ay wadaan guddi saraakiil ah oo ka socda ciidankii Badbaado Qaran ee ka dagaalamay Waqooyiga Muqdisho. Saraakiishan ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay bilaabeen dadaallo ay kula kulmayaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Xogta ayaa tilmaamay in saraakiishaan oo ka soo horjeeda tallaabooyinka uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u wadaan talooyin ku aadan in awood ciidan looga hortago dhaq-dhaqaaqyada sharciga baalmarsan ee ka socda xafiiska Farmaajo. Sidoo kale saraakiishaan ka tirsan ciidankii Badbaado Qaran ayaa la sheegay in ay sheegeen in Muqdisho ay u muuqato magaalo aan dagaal hureyn ilaa laga qabto Madaxweyne Farmaajo. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa uu ka jiro mashquul badan ayaa la sheegay in aan la ogeyn sida uu ka yeeli doono dalabka kulanka ay codsadeen saraakiishaan. Xubnaha ka socda guddiga Badbaado Qaran waxaa kamid ah Janaraa Gacma-dulle, Janaraal Koronto, Korneel Xareed Raage iyo Korneel Cusmaan Xaadoole oo dhamaantoodba ah saraakiishii hogaamineysay ciidankii fashiliyey muddo kororsigii Farmaajo. Rooble ayaa la sheegay inuu rumeysan yahay in ciidanka yar ee diidan inay ka tagaan aagga xarunta NISA, looga saari karo wada-hadal, oo aysan qasab aheyn dagaal dhiig uu ku daato. Lama oga xaalada ay ku dambeyn karto Muqdisho oo wajaheysa xiisad culus oo ka dhalatay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil oo lagu eedeeyay taliska hay’adda NISA. The post Xog: Guddi ka tirsan Ciidanka Badbaado Qaran oo soo gaaray Muqdisho + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa (HOL) - Authorities in Somaliland collared a criminal network involved in making counterfeit money on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uga digay in uu dagaal ka rido dalka. Goodax Barre ayaa sheegay in dalka uusan ka bixi karin Farmaajo, haddii uu dagaal ka dhaco magaalada Muqdisho, maadama uu xili xasaasiga ah ka shaqeynayo iska hor-keenka dadka, taasi oo ku weyna karo naftiisa, sida uu sheegay “Waxaa ogaata haddaa dalka dagaal ka ridid, magaalada Xamar meel la kala tagayo majirto, Xamar waa kala reebto, haddaad qaadid dagaal meel aad uga baxeyso majirto, haddaa isku haleynayso in Garoonka ka baxeyso, Airport-ka dad buu u xiran yahay la yiraahdo UN iyo AMISOM, hub inta Soomaaliya haysato ka badan ayey haystaan, Soomaali is-raacdeysaneysa ma u galeyso,” ayuu yiri. “Haddaad magaalada dagaal ka kiciso waxaa ku talo-gashaa mar haddaad ku dhex guuleysan karin ha ku dhiman, ha dhimanin waddankana kaalin xun ha usoo jiidin, adigu ma tihid nin naftiisa ka naxaya.” Sidoo kale waxa uu ku eedeyay in uu asagu shisheeye u cararay, halka uu ku doodo inuusan marnaba aqbaleyn in shisheeyuhu soo fara-geliyo arrimaha dalkeena. Goodax ayaa ugu dambeyntiina madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ku booriyey in uu ka wantoobo dagaal hurinta uu ka wado magaalada Muqdisho, oo ku soo koobnay, haddii kale uu naftiisa ku waayi doono. Digniinta Goodax ayaa u muuqata middii ugu adkeyd ee hawada loo mariyo Farmaajo, oo kal hore horseeday dagaal culus oo ka qarxay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, xiligan uu wado xiisad abuur dhalin karta xiisad dagaal. The post Farmaajo oo looga digay in Xamar lagu dili karo + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay masuuliyiin ka socda dowladda Galmudug oo ka kooban Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyeyaasha Gobolka iyo Degmada ee Galmudug. Dowladaha Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhaxeeya Iskaashi dhinac walba ah sida Amniga iyo horumarka, waxaana kulanka looga hadlaya is-xogwareysi iyo sidii loo sii horumarinlaha Iskaashiga guuleystay ee labada dhinac, gaar ahaan Amniga oo siwanaagsan looga shaqeeyay. Waxaa Madaxweynaha kulanka ku weheliya Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ee dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad iyo Xasan Shire Cabdi. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Galmudug oo Amniga ka shiray appeared first on Puntland Post.