Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,856
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - Somalia's Speaker of Parliament Mohamed Mursal Abdirahman accused Prime Minister Roble of thwarting government oversight by unilaterally firing the former Internal Security Minister Hassan Hundubey Jimale and replaced him with a vocal Farmaajo detractor. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si adag ugu hanjabay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xili ay taagan tahay xiisad siyaasadeed cusub. Waxa uu ku hanjabay in tallaabo ay qaadi doonaan ciidankii Badbaado Qaran, haddii uu Farmaajo joojin waayo tallaabooyinka guracan, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Waxaa moodaa in Farmaajo uu iloobay inay joogaan ciidamadii Badbaado Qaran, inay joogaan ayaa u sheegaya oo aysan aqbaleyn wax kasoo horjeeda Dastuurka, Cadaalada, Qaranimada iyo Jiritaanka umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jeneraal Indha-cadde. Indha-cadde ayaa sidoo kale shaaciyey in uu socdo inqilaab qarsoon oo u adeegaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana uu xagal daacinayo dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee amniga iyo doorashada. “Waxa uu ka soo horjeeda (Farmaajo) inay cadaalada hesho Ikraan Tahliil oo aheyd hay’adda Sarkaal ka tirsan (NISA), gacanta hay’adda NISA ku maqan inay cadaalada hesho, umadda Soomaaliyeedna ay cadaalada hesho. Ikraan oo cadaalada hesha waxay lamid tahay umadda Soomaaliyeed oo cadaalada heshay.” Waxa kale oo uu hoosta carabka ku adkeeyay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu lug ku leeyahay kiiska Ikraan, maadama uu in muddo ah ka aamusna, haddana uu Ra’iisul Wasaaraha kula dagaalay xil ka qaadistii Fahad Yaasiin. Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday Farmaajo in uu faraha kala baxo shaqada Ra’iisul Wasaaraha, uuna ka noqdo, islamarkaana uusan dalka u horseedin qas hor leh. Hoos ka daawo muuqaalka Jeneraal Indha-cadde The post Indha-Cadde oo shaaciyey in ciidamada badbaado qaran ay tallaabo qaadayaan + Video appeared first on Caasimada Online.
  3. Tartanka ay iska kaashaadeen Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya iyo Xiriirka Minifootboolka ayaa lagu soo gabagabeeyaya magaalada Muqdisho, waxaana tartankan ka qeyb gala ilaa afar naadi oo ka mid ah kooxaha u diiwaangashan, waxaana tartankan maal gelinayay Ha’y adda UNFP ee Qaramada Midoobay. “Waa Nasiib Darro in Warbaahinta ay ka Maqnaadaan Dhacdooyinka Minifootboolka iyo xirfadda quruxda ee ciyaartooyda kubadcag yaraha” ayuu munaasabada xeritaanka tartanka Minifootboolka ka sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle. “Waan soo dhawaynaa horoamrka iyo guulaha Xiriirka Minifootboolka sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa Guddoomiyaha Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya Xaaji Aadan Cabdulle oo igu marti qaaday xeritaanka tartankii xiisaha badnaa ee Minifootboolka“ ayuu sheegay ciyaaryahankii hore Xulka Qaranka Soomaaliya iyom naadiga Batroolka Muqtaar Cuti. “Waan U Hambalyaynaa kooxda Barwaaqo ee ku guulaystay koobkii ay iska kaashadeen Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya” ayuu warbaahinta u sheegay Agaasiamaha waaxda Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Saacid Maxamed Xuseen (Saacid Baariyow). Daawo Warbxin Ku Saabsan Tartanka La Soo Xeray Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan “ Waxaan Diyaar U Nahay In Aan La Shaqayno Wasaaradda Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Soomaaliya” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka horyimid dhaarintii maanta ee Wasiirka cusub ee amniga, sheegayna inay baalmarsan tahay sharciga. Mursal ayaa ku dooday in dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaariyo Golaha Shacabka, taasi oo ku sheegay inay iskugu jirto ansixin iyo dhaarin wada socda. “Waxaan si xushmad iyo qadarin leh kuula socodsiinayaa in ay Golaha Shacabka soo gaartey in Wasiirka magacaaban uu dhaariyey maanta Wasiirka Cadaalada ee Xukuumadaada iyadoon wax ansixin ah laga codsan Golaha Shacabku si waafaqsan Qodobka 69 (d) iyo 100aad farqadiisa (C) ee Dastuurka Federaalka iyo qodobka 104-aad ee kusaabsan dhaar marinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. “Mudane Ra’iisul Wasaare, si aad ula socoto, dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaarinaayo Golaha Shacabka ma aha keliya dhaarmarin ee waxay isgu jirta ansixin iyo dhaarin si xubnaha ay xilalkooda xafiiseed rasmi ahaan u bilaabi karaan. Dhaqan ahaanna haddu kalfadhiga furan yahay Kulanka guud ee Golaha ayaa lagu ansixiyaa laguna dhaariyaa. Haddiise u kalfadhiga Golaha markaa uu xiranyahana waxaa lagu ansixiyaa laguna hor dhaariyaa Guddiga Joogtada oo ka wakiil ah Golaha Shacabka,” ayuu ku daray. Sidoo kale waxa uu dhaarinta wasiirka amniga ee maanta ku tilmaamay mid uu iska watay Ra’iisul Wasaaraha, oo asagu hore u soo magacaabay, ansixiyey, haddana dhaariyey, kadibna xilka ku wareejiyay. “Hadda sida ay u muuqato, xubin ka mid ah Golaha Fulinta ayaa magacawday, ansaxisay isla markaana dhaarisey isla xubin iyaga ka mid ah, taas oo si cad u baalmarsan kala soocnaanta Xilalka iyo Awoodaha Hay’adaha Dawlada ee Laanta Sharci Dajinta, Laanta Fulinta iyo Laanta Garsoorka iyo qodobada Dastuuriga ah ee aan kor ku soo xusnay. Waxa kale oo xusid mudan inaanu dalka ka jirin firaaq Baarlarnaani ah si waafaqsan Sharci Lr. 30 ee xeeranayo in Baarlamaanka 10aad ee hadda jooga oo wata awoodihiisa Dasturiga ah u dhamaytiran tahay ay Xilka sii haynayaan inta Baarlamanaan kale lag adooranayo.” Mursal ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha in uu si qoto dheer uga baaran dego tallaabooyinka uu qaaday, asaga oo mudnaanta koowaad siinaya xasiloonida siyaasadeed iyo kala dambeynta nidaam dowladeed, ee u baahan yahay dalkeen oo maraya marxalada xasaasiga ah. The post Guddoomiy Mursal oo ka horyimid dhaarinta wasiirka cusub ee amniga + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  5. Mogadishu (PP News Desk) —Prime Minister of Somalia Mohamed Hussein Roble has ordered Radio Mogadishu and Somali National Television managers not to report on appointmentss made by President Mohamed Abdullahi Mohamed “It reminds me of General Aidid, when he captured Radio Mogadishu during 1990s” said Ali Adan, a news reporter in Mogadishu. “Roble has damaged his reputation as a statesman. He chose the path of a warlord” added Adan. Roble’s capture of the state’s media organs to authorise a news blackout against President Mohamed (left) amounts to an attempted coup d’état. The matter was subtly addressed by the Commander of Somali Police Force Major General Abdi Hassan Hijar, who urged the media to play a positive role and avoid spreading disinformation and misinformation. The relations between the President and Prime Minister soured following the suspension of the former national intelligence agency director Fahad Yasin by Roble. The Police Commander Hijar tweeted about a security meeting attended by the acting intelligence director Yasin Abdullahi. A photo of the new acting intelligence director Yasin Abdullahi with commanders of the police force, the army, and custodial corps has emerged, a development seen by many as indication that Lieutenant General Bashir Gobe, whom Roble had appointed to replace Fahad, is reluctant to be dragged into the political turmoil. The Police Commander tweeted about the meeting. “If Roble has taken over the national media, his actions amount to treason and an attempted coup d’état. We have to call a spade a spade” said a Mogadishu-based lawyer who spoke to Puntland Post on the condition of anonymity. The Former President of Somalia Sharif Sheikh Ahmed Sheikh today urged Somali leaders to prevent Mogadishu from going to through “tribulations similar to the 1991 debacle.” © Puntland Post, 2021 The post Roble’s Media Coup Reflected in News Blackout Against Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  6. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay qaabka loo maray dhaarinta wasiirka cusub ee amniga. Qoraal uu Baarlamaanku u diray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Mudane Ra’iisul Waasare sida aad la socoto xubnaha Golaha wasiiradda ee lagu hor-dhaariyo Golaah Shacabka ma han keliya dhaarin ee waxay isugu jirtaa ansixin iyo dhaarin, si xubnaha ay xilalkooda xafiiis rasmi ahaan u bilaabaan”. “Sida muuqata xubin ka mid ah golaha fulinta ayaa magacowday, ansixisay, islamarkaana dhaarisay, taas oo si cad u baalmarsan kala soocnaanta hay’adaha dowladda ee sharci dejinta, fulinta iyo garsoorka iyo sidoo kale qodobada dastuuriga ah ee 96-aad, 100-aad iyo 104-aad ee ku saabsan dhaar marinta xubnaha golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya” ayaa qoraalka Baarlamaanka la raaciyay. Qoraalka ayaa lagu xusay in Baarlamaanka 10-aad awoodiisa dastuuriga ah ay u dhameystiran tahay, maadaama uusan jirin firaaq baarlamaani ah. Waxaana qoraalka Baarlamaanka lagu soo gabagabeeyay “Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaan kaa codsaneynaa in arrimahan aad si qoto-dheer uga baaraan degto, adigoo mudnaanta siinaya xasilloonida siyaasadeed iyo kala dambeynta nidhaam dowladeedka ee dalkeena u baahan yahay oo maraya marxalad xasaasiya”. Warka ka soo baxay Baarlamaanka ayaa ku soo aadaya, iyadoo sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka oo ka horyimid qaabka loo maray dhaarinta wasiirka amniga appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta kulan qarsoodi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, gaar ahaan taliska hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay taliyayaasha Milateriga, Booliska, Asluubta iyo taliyayaasha gobalka Banaadir ee NISA iyo Booliska Soomaaliya. Saraakiishan ayaa kadib kulankooda waxay warbaahinta kula hadleen xarunta taliska booliska, oo ay sheegeen inay ku kulmeen iyagoo warbaahinta ka qariyay kii ka dhacay xarunta taliska NISA ee Habar-khadiijo waana sababta keentay in su’aalo badan uu ka dhasho shirkooda. Si rasmi ah looma oga sababta ay taliyayaasha u qariyeen inay ku kulmeen Habar Khadiijo iyo cida shirisay maadaama uu dalka ka jiro khilaaf adag oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, hase yeeshee xogaha aan helnay ayaa tilmaamay in ciidamada ay ka tashadeen cidda ay amarkiisa ku shaqeyn lahaayeen xiligaan kala guurka iyo in amniga dalka uusan saameen ku yeelan khilaafka hogaanka dowladda Soomaaliya. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in kaliya ay ka shireen amniga doorashada Soomaaliya iyo sidii la isaga kaashan lahaa, balse waxaa xusid mudan in amniga doorashada ay kaliya masuul ka yihiin booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Haddii la raacayo habraaca amniga doorashooyinka, Taliye Xijaar oo keli ah ayey ahayd in uu shirka fadhiyo, sidoo kale uu goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare Rooble. Taliyayaasha xoogga, asluubta iyo gobolka banaadir kuma xusna heshiiska, waana su’aal kale oo dood keentay sababta ay uga qeyb galeen NISA, Milateriga iyo Asluubta maadaama laga hadlayay amniga doorashada. Waxaa illaa iyo hadda lagu wareersan yahay cidda ay Farmaajo iyo Rooble raacsan yihiin taliyayaasha, maadaama ay isugu jiraan xubno la ogyahay inay daacad u yihiin Farmaajo, kuwa daacad u ah Rooble iyo kuwa dhex-dhexaad ah. The post Xog: Been weyn oo laga sheegay kulankii maanta ee taliyayaasha ciidamada appeared first on Caasimada Online.
  8. Press Statement: The Quarterly Report of Human Right Centre Date: 8/09/2021 Human Rights Centre is publishing its second quarterly report for the months of May-August 2021. The report emphasizes human rights abuses occurred for the past 4 months in Somaliland. These violations comprise of police brutality, arbitrary detentions, issues related to freedom of expression and gender-based violence. Gender-based violence cases has seen an increasing numbers of violations. Of cases related to police brutality, a police officer from Qudhac[GP1] dheer police station shot a victim seven times in his legs on April 19, 2021. The victim is Abdiassis Abdillahi who lives in the city of Hargeisa. The police officer involved in the case was arrested for a month before being released. Abdiassis is still in the hospital, as a result of multiple injuries and damage done to his body. Article 24(2) of the Somaliland constitution states “Every person shall have the right to security of his person. Physical punishment and any other injury to the person are prohibited.” Arbitrary detention of political opposition leaders has also seen an increasing trend. Saleeban Cawaale Good is the UCID Deputy National Information Secretary. He was arrested on August 28, 2021 without warrant and held without trial for holding a press conference in which he criticized the governor of Awdal region. The arbitrary arrest of Saleeban Cawaale Good is against Somaliland constitution, as mentioned in article 25(1), in particular states that “No person shall be deprived of his liberty except in accordance with the law.” On the other hand, article 32(1) grants citizens the right to express opinions orally, visually, artistically or any methods they so choose. Human Rights Center is concerned with the reoccurring violations and urges for Somaliland government to accept these conditions: 1. Find better methods to implement and enforce laws and reform the police force 2. Hold the police accountable for infractions occurred on the job 3. Release Saleeban Cawaale Good without conditions. 4. Find better laws that are specific to gender and until parliament can find a better law, to enforce the 2018 Act. Yaasmiin Omar H. Mohamoud Chairperson of the Human Rights Center Hargeisa Somaliland hrcsomaliland@gmail.com Twitter: @hrcsomaliland Qaran News
  9. “Between the devil and the deep blue sea” by Colin Freeman is a book about luck, tragedy, and the enduring spirit of mankind to dig deep into their moral fibre for the good of others in times of extreme hardship. The word ‘others’ is important here because the key protagonists of the story have no direct relationship with the many kidnapped seamen who fall victim to Somali pirates during the height of the epidemic between 2008-2012. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin ay kamid yihiin duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi, Mahad Salaad iyo Wasiir Fiqi ayaa si weyn Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha ee dalka, oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay. Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii xilka cusub ugu hambalyeey Cabdullaahi Maxamed Nuur, isagoona dalbaday in si wadajir ah loola shaqeeyo guud ahaan hay’addaha amniga si loo gaaro xasilooni guud. “Hambalyo wasiirka amniga mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato mus’uuliyadda culus ee laguu idmaday waqtigaan xasaasiga ah. Waxaan shacabka ugu baaqayaa in si wadajir ah loola shaqeeyo guud ahaan hay’adaha amniga si loo hubiyo xasillonida guud ee dalka,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay hortaallo wasiirka cusub mas’uuliyad culus oo ay qeyb ka tahay dardar-gelinta amniga doorashada dalka xiligan xasaasiga ah. “Wasiirka Amniga Gudaha ee XJFS Mudane Cabdullahi Maxamed Nuur waxaa hortaalla mas’uuliyad culus oo ay ugu horeyso nabadgalyada guud ee dalka & dardar gelinta amniga doorashada. Ma jirto sabab loo sameeyo xasarad, ciddii tuhun soo galaa waa in ay wajahdaa garsoorka iyada oo aan ummadda la jahwareerin,” ayuu yiri. Mahad Salaad ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Wasiirka cusub, isagoona garab istaag u muujiyey, islamarkaana u rajeeyay in Allaha la garab galo. “Hambalyo sxb mar labaad, xilka aad ummadda u qaadayna Allaha kula qaado. Aamiin.” Ugu dambeyntiina Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa asaguna si cajiib ah ugu hambalyeey wasiirka cusub, kadib markii maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilkaas, looguna wareejiyay. “Wasaaraddii amniga gacanta ayaa laguu geliyey ee iga qabo, waa kaa haayaa mudane, ma difaacan kartaa? haa Mudane, marqaatiguna waa noo jeedaa!. Hambalyo wasiir Abdullahi Mohamed Nor.” The post Siyaasiyiin miisaan leh oo ka hadlay xil la-wareegista Cabdullaahi Maxamed Nuur appeared first on Caasimada Online.
  11. With a long-running Islamist insurgency and elections delayed for months, Somalia is no stranger to instability, but the country now faces the risk of renewed violence because of an increasingly bitter stand-off between its president and prime minister. Source: Hiiraan Online
  12. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Muqdisho aysan gaarsiisnayn heerka warbaahintu sheegto. Taliye Xijaar oo maanta ka hadlayay Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya madaxda dalka aysan gaarsiisnayn heer amni-darro keeni karta. Taliyaha Booliiska ayaa warbaahinta kala duwan ka codsaday in ay dalka u turaan oo joojiyaan wararka xaasaasiyadda abuuraya, islamarkaana laamaha Amniga kala shaqeeyaan xaqiijinta Amniga. Gen. Xijaar ayaa tilmaamay in warbaahinta maanta noqotay qalab lagu dagaallamo sidaas darteedna loo baahanyahay in ay dhinaca wanaagsan wax ka eegaan mar kasta. PUNTLAND POST The post Taliye Xijaar: Xiisadda jirtaa ma gaarsiisna heerka warbaahintu sheegto appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada Gaalkacyo kulan kula yeeshay Isimada iyo madaxda dhaqanka Gobolka Mudug. War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu kulan qado ah la qaatay isimada iyo madaxda dhaqanka Gobolkaas Mudug. Madaxtooyadu ma sheegin arrin gaar ah oo madaxweyne Deni kala hadlay Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Gobolka, balse wararku waxay sheegayaan in uu kala hadlay Arrimaha Gobolka iyo doorashada. Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan Goleyaasha dowladda sida Xildhibaano iyo Wasiiro, waxaa sidoo kale ka qeybgalay Lateliyayaal Madaxweyne, Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Isimada Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyada oo si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Lafta Gareen ayaa ka yimid dalka Turkiga, waxaana isaga iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyey Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda oo uga hortegay garoonka. Sidoo kale Qoor Qoor ayaa ka soo duulay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, waxaana isna soo dhoweeyey xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya. Safarkan waxaa sidoo kale madaxweynaha Galmudug ku wehlinaya mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Senator Cabdi Qeybdiid oo ku sugnaa gobolka Mudug. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labadan hoggaamiye ay kulamo siyaasadeed ka bilaabi doonaan Muqdisho, kuwaas oo looga hadlayo doorashada iyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan, ayaga oo isku dayi doona inay gacan ka gaystaan sidii xal loogu heli lahaa. Socdaalka labada madaxweyne goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa sidoo kale kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay Muqdisho ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka. Si kastaba dhowaan ayey markii Farmaajo oo soo saaray digreeto uu shir deg-deg ah isugu yeeray golaha amniga qaranka, kaas oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, balse illaa iyo hadda madaxweynayaasha soo gaaray caasimada iyo kuwa kale kama hadlin shirkaasi. The post Laba madaxweyne goboleed oo soo gaaray Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  15. Maayirka Hargeysa oo xilka ka caydhiyey qaar ka mida Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Hargeysa Halka qaarna kalena uu isku-shaandheyn ku sameeyay. Qaran News
  16. MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Mohamed Roble officiated the swearing-in of new Security Minister Abdullahi Mohamed Nur Thursday afternoon following his appointment Wednesday night, even as President Mohamed Farmaajo cried foul over the move. Source: Hiiraan Online
  17. Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu shalay Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay Amniga Gudaha ayaa maanta loo dhaariyay xilkaas. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta wasiirka cusub ee Amniga, waxaana dhaariyay Wasiirka Caddaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka u guto xilka loo idmaday. Dhaarinta ka dib wasiirka cusub ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda kula wareegay xilka. Dhanka kale wasiirkii uu Rooble xilka ka qaaday Xasan Xundubey ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “waxaa xarunta Wasaaradda Amniga ka socda afduub lagu sheegay xil-wareejin”. PUNTLAND POST The post Wasiirka cusub ee Amniga oo xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
  18. MOGADISHU (HOL) - The family of the deceased female intelligence agent Ikran Tahlil Farah has sued four senior officials at the National Intelligence and Security Agency (NISA) among them immediate former boss Fahad Yasin for complicity in her death. Source: Hiiraan Online
  19. Maayirka Hargeysa oo xilka ka caydhiyey qaar ka mida Guddoomiyeyaaasha Degmooyinka Hargeysa qaarna isku-shaandheyn ku sameeyay. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa goordhoweyd loo dhaariyey xilkaas cusub oo uu shalay u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, waxaana dhaariyey Wasiirka Cadaalada, Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka. Dhaarinta kadib, ayaa munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda amniga, waxa uu wasiirka cusub ee amniga si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiir ku-xigeenka amniga Farxaan Cali Axmed, kadib markii wasiirka amniga Xasan Xundubey uu diiday inuu xilka wareejiyo. Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee amniga, Xundubeey ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in Wasaarada arrimaha Gudaha uu ka socda afduub lagu sheegayo xil wareejin, sida uu hadalka u dhigay. “Hadda waxaa i soo gaaraya in Xarunta Wasaaradda Amniga Gudaha uu ka socdo AFDUUB lagu sheegayo xil-wareejin!,” ayuu Xundubey ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Xundubeey ayaa kal hore ka horyimid xilka uu ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha, kuna tilmaamay sharci-darro, isaga oo la safan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay is-hayaan. The post DEG DEG: Wasiirka cusub ee amniga oo la dhaariyey xilkana la wareegay (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  21. Dacwad Lid ku ah Taliyihii Xilka laga qaaday ee Sirdoonka Somalia oo loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada+Cida Gudbisay Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay inuu qabatay cabasho lid ku ah Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA. dacwaddan ayaa la sheegay inay gudbisay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo horay uga tirsanayd hay’adda sirdoonka oo dhawaan la shaaciyay inay dhimmatay kadib markii la la’aa muddo laba bilood ka badan. Qoraalka loo gudbiyay Maxkamada ayaa waxaa lagu xusay magacyada afar eedeysane oo loo heysto iney wax ka ogyihiin isa markaana shirqool ku dileen Ikraan TahliilMagacyada lagu xusay Dacwada waxay kala yihiin:- 1-Fahad Yaasiin Xaaji Daahir 2-Yaasiin Farey 3-C/llaahi Aadan Kulane 4-Cabdiqani diirane (Wadna-qabad) Hay’adda sirdoonka ayaa horay u sheegtay in Al Shabaab ay dishay Ikraan, eedeyntaasi oo Al-Shabaab ku gacan saydhay. Ra’iisal wasaaraha Somalia ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii NISA Fahad Yasiin, taasoo ka cadheysiisay madaxweyne Farmaajo.Khilaafkii arrintaasi ka dhashay ayaa saaameyn ballaadhan ku yeeshay howlaha Xukumada farmaajo. Qaran News