-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Kadib kulan saacado badan qaatay oo shalay ilaa xalay u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilli dambe oo xalay ah waxa natiijo la’aan ku soo idlaaday. Dad xog ogaal ah ayaa BBC-da sheegay in arrinta taliyayaasha ay labada mas’uul u kala magacaabeen hay’adda sirdoonka iyo kiiska Ikraan Tahliil ay yihiin qodobada ugu adag ee la isku fahmi waayay. Lama oga in wadahadallada oo ay dedaal badan ku bixiyeen madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed mar kale dib maanta dib la isugu soo laaban doono. Xiisad siyaasadeed oo culus ayaa ka billaabatay Soomaaliya kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay labada mas’uul ee ugu sarreysa dalka, oo kala ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Waxaa hadda socda waanwaan lagu dhexdhexaadinayo. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa billaabay dadaal xooggan oo ujeeddadiisu tahay in xal loo helo muranka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, si dalka oo markii horeba nuglaa looga badbaadiyo xasarado hor leh. Isku dhaca madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa abuuray cabsi xoog leh iyo walaac laga muujinayo inay sii xumaato xasiloonida Soomaaliya oo isu diyaarineysay doorashada waqtigeeda ka dib dhacday Source
-
(SLT-Laascaanood)-Ciidammada ammaanka ee Somaliland ayaa saaka iyo xalay howl-gallo baadhitaan ka sameeyey Laascaanood, kadib dilkii loo geystay xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo ka tirsanaa golaha deegaanka ee degmadaasi. Duqa degmada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dad tuhmanayaan loo soo qab qabtay dilka marxuumka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan ku socdaan baadhitaano dheeraad ah oo lagu kala ogaanayo dadka ay hayaan ciidammada booliska, kadibna qofkii ku lug yeesha kiiska la maxkamadeynayo, halka ruuxii lagu waayo xorriyaddiisa la siinayo. Cabdiraxiin Cali ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray inay faah faahinta rasmiga ee baadhitaanada socda dib ka shaacin doonaan. “AUN Cabdirisaaq Axmed Cilmi waxaa lagu hor dilay gurigiisa, saraakiisha booliiska ayaa inoo sheegay in baadhitaan uu socdo, kama hor dhaceyno balse si feejigan ayaa loo baarayaa dadka loo qabtay dilkaan,” ayuu yidhi Duqa magaalada Laascaanood. Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) ayaa lagu dilay meel u dhow gurigiisa, iyada oo ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi toogashada ah. Sidoo kale marxuumka ayaa ka mid ahaa xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, wuxuuna ka soo baxay xisbiga WADDANI. Source
-
Kulamo xiriir ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu dhex-dhexaadinayay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa sida la xaqiijiyay goor dambe oo xalay ku dhammaaday natiijo la’aan. Labada dhinac ayaa isku-mari waayay hannaanka loo wajahayo kiiska Ikraan Tahliil iyo sidoo kale arrinta hay’adda NISA, kadib markii dhinac kasta ku adkaystay mowqifkiisi hore. Madaxweyne Farmaajo, ayaa dalbaday in kiiska Ikraan Tahliil laga soo celiyo maxkamadda, loona saaro guddi madax-bannaan oo baaritaan ku sameeya, balse Ra’iisul wasaare Rooble ayaa diiday qodobkaas. Sidoo kale, labada mas’uul ayaan wax isu-tanaasul ah ka muujin arrinta ku saabsan hoggaanka hay’adda Sirdoonka NISA, taas oo keentay in lagu kala tago kulanka. Muranka labada dhinac ayaa u muuqda mid sii fogaaday, inkastoo aan la ogayn tallaabada xigta ee dhinac kasta qaadi karo. PUNTLAND POST The post waan-waantii laga dhex waday madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble oo fashilantay appeared first on Puntland Post.
-
Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa gacanta ku dhigay laba kamid ah shabakadihii ugu weynaa ee Khamriga keeni jiray gudaha Puntland. Saraakiisha Booliiska Gobolka Mudug, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in maalmihii la soo dhaafay gacanta lagu dhigay labada shabakadood oo in mudda ah lagu raad-joogay. Shabakadda kowaad ayaa lagu qabtay degmada Jarriiban, halka shabakadda labaad lagu qabtay degmada Galdogob. Booliiska ayaa sheegay in dhammaan xubnihii shabakadahan iyo gaadiidkii ay ku hawl-geli jireen gacanta lagu hayo, islamarkaana dhowaan sharciga la marin doono. PUNTLAND POST The post Booliiska Gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay shabakado lagu raad-joogay appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s may have last week struggled with its old political problems after President Mohamed Farmaajo bitterly differed with his Prime Minister Hussein Roble. But the country faces another continual problem: female genital mutilation (FGM). Source: Hiiraan Online
-
Xiisad ayaa saaka ka aloosan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaas oo xalay lagu dilay xildhibaan ka tirsan golaha degaanka degmadaas. Dabley hubaysan ayaa xalay gurigiisa Laascaanood ku hor-dilay xildhibaan, Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe), sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoyskiisa. Dilka marxuumka ayaan cidna loo qaban, islamarkaana aysan weli ka hadlin mas’uuliyiinta Somaliland u qaabilsan gobolka Sool. Dadweynaha magaalada ayaa xalay sameeyay bannaan-bax looga horjeedo maamulka Somaliland oo dadka qaarkood ku eedaynayan dilalka qorshaysan ee ka dhaca degmada Laascaanood. Wararku waxay sheegayaan, in saaka gudaha Laascaanood lagu arkay dhalinyaro hubaysan oo ku hanjabaya in ay dagaal la geli doonaan ciidamada Somaliland. Sidoo kale, waxa laga cabsi qabaa in magaalada uu ka dhaco kacdoon dadweyn oo ka dhan ah joogitaanka Somaliland. PUNTLAND POST The post Xiisad ka aloosan degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
-
When terrorists leveled New York City’s Twin Towers, Kassim Busuri shared the same fear felt by all the other eighth-graders sent home early from his middle school classroom in North Mankato, Minn. It wasn’t until the next day that he also had to shoulder everyone else’s fear. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xaliimo Maxamed oo ah xaaska Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo warbaahinta kula hadashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegtay in afduubka seygeeda Aqoonyahan Cabdiwahaab ay ogaadeen inuu ku lug-leeyahay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Maalinkii Arbacada ee lasoo dhaafay ayaa Prof. Cabdiwahaab laga afduubtay bartamaha magaalada Nairobi oo uu deganaa, waxayna xaaskiisa iyo walaashiis warbaahinta u sheegeen in aysan garaneyn illaa hadda halka lagu hayo Cabdiwahaab. “Cabdiwahaab maalinkii afaraad ayuu naga maqan yahay, waxaana na soo gaartay in amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble uu ku xiran yahay, runtii aad ayaan ula yaabnay arrintaas, waa laga fiican yahay anagoo Soomaali ah in aan dad kale isku adeegsano,” ayey tiri Xaliimo Maxamed. Waxay sheegtay in Seygeeda Cabdiwahaab uusan wax u jeedo ah ka laheyn Soomaaliya, balse uu mar walba ka hadli jiray waxa ay dantu ugu jirto dalkiisa Hooyo. “Wax aan la gambaneyno ma ahan, waa rasmi in xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble uu ku lug leeyahay arrinta Cabdiwahaab, hadii dhib soo gaaro Cabdiwahaab, waxaa mas’uuliyadda qaadaya Rooble,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xaliimo Maxamed oo ah xaaska Prof. Cabdiwahaab. Faa’iso Sheekh Cabdisamad oo ay walaalo yihiin Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa sheegtay inay aad uga xunyihiin oo ay ka walwalayaan maqnaasha Prof. Cabdiwahaab. “Waxaa naloo soo sheegay in xafiiska Rooble uu codsaday in Prof. Cabdiwahaab loo soo qabto, taasna ma aanaa filaneyn, sababtoo ah Cabdiwahaab nin Soomaaliya dano kaleh ma ahan, waa nin jecel in Soomaali midowdo, mana jiro wax dembi ah oo loo heysto,” ayey tiri Faa’iso Sheekh Cabdisamad. Hoos ka Daawo The post Daawo: Xaaska Cabdiwahab Cabdisamad oo afduubkiisa la xiriiisay R/Wasaare Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Deg-deg:Faahfaahino ka soo baxaya Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Waddani oo lagu dilay Laascaanood Xildhibaan Cabdirisaaq Cardoofe oo ka mid ahaa xubnaha Golaha degaanka Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa caawa lagu dilay isla magaaladaas. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanka ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo weerar ku soo qaaday, xili uu ku sugnaa meel ku dhow hoygiisa. Dableyda dilka fulisay ayaa la sheegay iney ku baxsadeen gaadhi ay wateen. Ciidamada amaanka Somaliland ayaa gaadhay goobta uu dilku ka dhacay, kuwaasoo bilaabay baadhitaano iyo howlgalo lagu raadinaayo ragii dilka fuliyey. Xildhibaan Cabdirisaaq Cardoofe ayaa ka mid ahaa xubnihii ku soo baxay doorashadii goleyaasha degaanka ee ka dhacay degaanada Somaliland siiba Xisbiga Waddani, welina ma cadda sababta iyo cida ka dambeysa dilkiisa. Qaran News
-
Abiy Axmed oo booqasho Kedisa ku Tagay jiidaha Dagaalka ku dhexmaraayo ciidamada Itoobiya & TPLF+Sawirro Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa booqasho ku tagay meelo ka mid ah jiiddaha dagaalka ay isaga soo horjeedaan ciidamada Itoobiya iyo Jabhada TPLF. Abiy ayaa wakhti la qaatay ciidanka difaaca Itoobiya ee ku sugan goobtaasi.Ra’isul Wasaaraha ayaa xuska sannad-guurada cusub ee tirsiga taariikhda Itoobiya kula xusay halkaasi ciidanka difaaca qaranka, isagoo halkaasi ka soo jeediyay hambalyada sannad-guurada cusub.. Waxaa uu sheegay in ciidanka difaaca qaranku soo hooyeen guulo la taaban karo, iyagoo si weyn u burburiyay wax uu ugu yeedhay cadawgii dhabar-jabinta ku sameeyay qeybta waqooyi oo ula jeeday ciidamada Tigray. Ra’isul-wasaraha ayaa sida oo kale sheegay in ay beesha caalamku qirtay geesinnimada ciidanka difaaca qaranka, waxaana uu kula dardaarmay guusha kaddib inay ilaaliyaan akhlaaqda Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in dagaalkani laga kororsaday khibrad iyo waayo-aragnimo, ayna cadaatay in Itoobiya leedahay ciidan u babac dhigi kara cadow kasta. Itoobiya ayaa dagaal kula jirta xoogaga gobolka Tigray ee TPLF oo haatan ka dagaalamaya qeybo ka mid ah gobolada Cafarta iyo amxaarada. Qaran News
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa saaka iyo xalay howl-gal baaritaano ah ka sameeyey Laascaanood, kadib dilkii loo geystay xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo ka tirsanaa golaha deegaanka ee degmadaasi. Duqa degmada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dad tuhmanayaan loo soo qab qabtay dilka marxuumka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu kala ogaanayo dadka ay hayaan ciidamada booliska, kadibna qofkii ku lug yeesha kiiska la maxkamadeynayo, halka ruuxii lagu waayo xorriyaddiisa la siinayo. Cabdiraxiin Cali ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray inay faah faahinta rasmiga ee baaritaanada socda dib ka shaacin doonaan. “AUN Cabdirisaaq Axmed Cilmi waxaa lagu hor dilay gurigiisa, saraakiisha booliiska ayaa inoo sheegay in baaritaan uu socdo, kama hor dhaceyno balse si feejigan ayaa loo baarayaa dadka loo qabtay dilkaan,” ayuu yiri Duqa magaalada Laascaanood. Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) ayaa lagu dilay meel u dhow gurigiisa, iyada oo ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi toogashada ah. Sidoo kale marxuumka ayaa ka mid ahaa xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, wuxuuna ka soo baxay xisbiga Wadani. Si kastaba, waxaa maalmihii lasoo dhaafay degmada Laascaanood oo ku taalla waqooyiga dalka Soomaaliya ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan. The post Yaa loo soo qabtay dilka loo gaystay xildhibaan Cardoofe? appeared first on Caasimada Online.
-
Riydh (Caasimada Online) – FBI-da Mareykanka ayaa Sabtidii soo saartay macluumaadkii ugu horreeyay ee lala wadaago dadweynaha Mareykanka kaas oo la xiriira baaritaankii 11-kii Sebtember 2001, weeraradii lagu qaaday Mareykanka iyo eedeymaha ku aaddan taageerada dowladda Sacuudiga ee afduubayaashii diyaarahada. Soo saarista warbixintan ayaa ka dambeysay amar fulineed uu bixisay Madaxweyne Joe Biden, kaas oo la xiriiray in warbixinta baaritaanka ee la xiriirka Sucuudi Carabiya dadweynaha loo soo bandhigo. Ehelada dadkii ku dhintay weeraradii September 11 ayaa ugu baaqay Biden inuu ka baaqdo munaasabadaha xuska sanad-guurada 20 -aad haddii uusan daboolka ka qaadin macaluumaadka la xiriira tuhunka laga qabay in Sacuudi Carabiya ay taageertay weeraradii Mareykanka lagu soo qaaday. Warbixinta FBI-da oo lagu soo koobay 16 bog ayaa lagu sheegay inuu jiray xiriirka ka dhexeeyay afduubayaasha iyo saaxiibo u dhashay Sucuudiga, laakiin aysan jirin wax caddayn ah oo la xiriirta in xukuumadda Riyaad ay ku lug lahayd weeraradaas, oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof. Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer sheegeysay inaysan wax door ah ku lahayn weeraradaas, iyadoo Safaaradda Sacuudi Carabiya ee Washington aysan ka jawaabin codsi la xiriira sida ay u aragto warbixinta cusub ee la soo saaray goor dambe oo Sabtidii ah. Shan iyo toban ka mid ah 19-ka qof ee diyaaradaha afduubtay ayaa u dhashay dalka Sacuudi Carabiya. Guddi ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa waayay wax caddeyn ah oo sheegaya in Sacuudi Carabiya ay si toos ah u maalgelisay Al-qaacidda oo ay Taalibaan ku qarineysay Afghanistan xilligaa, hase yeeshee baaritankan ayaan meesha ka saariin inay dhici karto in shakhsiyaas masuuliyiin Sucuudi ah ay taageero siiyeen Al-qaacida. Wakaaladda warararka ee Reuters ayaa qortay in qoysaska qiyaastii 2,500 oo ka mid ah dadka lagu dilay weeraradaas, iyo in ka badan 20,000 oo qof oo ay soo gaareen dhaawacyo, meherado iyo caymisyo kala duwan ayaa dacweeyay Sacuudiga, iyagoo raadinaya balaayiin doolar oo magdhaw ah. VOA The post FBI-da oo shaacisay haddii Sacuudi Carabiya ay ku lug laheyd weeraradii Sep. 11 appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ku guuleystay in ay is-hortaagaan in Agaasimaha cusub ee KMG ah ee NISA Jeneraal Bashiir Goobe uu tago xarunta NISA ee Habar Khadiijo. Madaxweyne Farmaajo ayaa Xarunta hay’ada NISA dibadeeda dejiyay ciidamada Duufaan oo heysta gaadiid dagaal, waxaana sababta ay halkaas u joogaan lagu sheegay in ay qalalaaso abuuraan haddii Janaraal Bashiir Goobe la geeyo xarunta NISA. Xarunta NISA ayaa waxaa haysta ciidamada Waran, oo uu hoggaamiyo Maxamed Xasan oo taabacsan ra’iisul wasaare Rooble, hase yeeshee dibedda iyo isgoysyada ku dhow xarunta ayaa waxaa haysta ciidamada Duufaan. Ra’iisul Wasaare Rooble oo diidan in uu sabab u noqdo isku dhac ciidan oo ka dhaca Muqdisho iyo in lagu eedeeyo in uu weerarka isaga bilaabay ayaa baajiyay qorshihii Bashiir Goobe lagu geyn lahaa taliska Habar Khadiijo oo ah xarunta NISA. Ciidamada Duufaan oo daacad ah Fahad Yaasiin oo shaqo joojin lagu sameeyay iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo magacaabistii Janaraal Bashiir Goobe waxay joogaan albaabka weyn ee hay’adda NISA, iyadoo sidoo kalane ay joogaan albaabka dhinaca Hotel Global ee degmada Cabdicasiis. Wada-hadalladii saacadaha badan qaatay ee xalay illaa shalay u socday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu kala tagay, ayada oo aysan wax natiijo ah oo kasoo baxay, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Ra’iisul Wasaare Rooble oo diidan in uu sabab u noqdo isku dhac ciidan oo ka dhaca Muqdisho iyo in lagu eedeeyo in uu weerarka isaga bilaabay ayaa doonayey inuu wada-hadallada fursad siiyo, balse ma cadda tallaabada uu hadda qaadi doono. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa hadda haysta laba daran mid door. Haddii uu Bashiir Goobe tagi waayey NISA waxay guul u tahay Farmaajo, haddii uu weerar qaadana waxaa ka dhalan kara in dhiig badan uu daato, oo isaga lagu eedeeyo. The post Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo baajiyay qorshe uu watay Ra’iisul Wasaare Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Aabaha Dhalay Sarkaaladii Sirdoonka Somalia ee la khaarajiyey oo Afka Furtay Dr. Tahliil Faarax oo ah Aabaha gabadha loo heysto NISA ee Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in wax diyo ah aysan qaadan doonin, baaqna u diray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Aabe Tahliil Faarax ayaa sheegay in isaga iyo hooyada dhashay gabadhiisa ee Qaali Maxamuud Guhaad aysan qaadan doonin diyo ama mag, “Xataa hadii ay bilyanis noqoto” sida uu sheegay. “Markii ay NISA shaacisay geerida Ikraan, ee Ra’iisul wasaaruhu amray hey’adaha garsoorka in kiiska ay baaraan, durbadiiba waxaa ka hor yimid Fahad iyo Farmaajo oo in ka badan laba bilood ah dhegaha ka fureystay qeyladhaanteena iyo tan shacabka, ficilkii ugu horeeyey ee Farmaajo waxa uu noqday inuu hor istaago cadaalad u raadinta kiiska gabadheyda,” ayuu yiri Dr. Tahliil Faarax. Diktoorka ayaa madaxweyne Farmaajo u sheegay in uusan jirin qof cadaaladda ka weyn umadda uu u dhaartana ay cadaaladda un deeqdo, “Hadii aadan wax ka ogeyn dilka gabadheyda, fadlan Farmaajo ka wareeg cadaaladda, hanaga hor istaagin,” ayuu yiri. Waxuu intaas ku sii daray, “Go’aanka reer Tahliil Faarax iyo reer Maxamuud Guhaad ee kiiska Ikraan waxa uu yahay in wax gorgortan ah aysan ka geli doonin cadaaladda u helidda gabadhooda, wax cadaalad aan aheyna nama deeqdo, madaxda NISA waxaan ka rabnaa hadii ay hayaan gabadheenii inay si deg deg ah u sii daayaan, hadii la dilayna in meydkeeda nala siiyo, si aan u aasano.” “Aniga iyo hooyada dhashay gabadha ee Qaali Maxamuud, waxaan u cadeyneynaa madaxda dhex-dhexaadinta ku howlan in marnaba aanaa diyaar u aheyn in kiiska lagu dhameeyo xeer Soomaali, wadahadal iyo diyo, xataa hadii ay bilyanis tahay,” ayuu yiri. Aabe Tahliil Faarax ayaa u mahad celiyey dhammaan dhinacyadii isku howlay cadaalad u raadinta gabadhiisa Ikraan Tahliil, sidoo kale waxa uu u mahad celiyey madaxda ku howlan waan-waanta laga dhex-wado Farmaajo iyo Rooble oo isku khilaafay kiiska Ikraan. Hoos ka daawo Dr. Tahliil Faarax Qaran News
-
Dal uu sannadkiisu ka kooban yahay 13 bilood+Sababta Dadka reer Itoobiya waxay maanta u dabaaldegayaan curashada sanadkooda cusub, in kasta oo ay jiraan dhibaatooyin ay keeneen sicir -bararka iyo dagaallada iyo sidoo kale dhibaatooyinka gaajada ee ka jira waqooyiga dalka. Wax badan ka ogow jadwalka gaarka ah ee Itoobiya iyo hidaha dhaqanka. 1) Sannadkooda waxa uu ka kooban yahay 13 bilood Intaas oo keliya maahee – jadwalka taariikhda Itoobiya ayaa sidoo kale toddoba sannadood iyo siddeed bilood ka dambeeya jadwalka reer galbeedka, taas oo ka dhigaysa in maanta Sabtida ah uu u bilowdo sannadka 2014. Sababtoo ah waxay Itoobiya si ka duwan u xisaabisaa sannadka dhalashada Ciise Masiixi. Markii Kaniisadda Kaatooligga ay wax ka beddeshay jadwalka sannadkii 500 ee AD, Kaniisadda Orthodox ee Itoobiya waxba ma aysan baddalin. Markaa sannadkooda cusubi wuxuu ku bilowdaa 11ka Sebtember ee jadwalka reer Galbeedka, ama 12ka Sebtember. Dad ka soo jeedo qowmiyadda Oromada oo u dabbaal degaya munaasabadda Irreecha Si ka duwan sida carruurta ku koraysa meelaha kale, waxaa aad u yar baahida loo qabo in dhallinyarada Itoobiya ay bartaan heesaha ku saabsan sannadka si ay u xasuustaan inta maalmood ee bil kasta ku jirta. Itoobiya waa wax fudud: 12 bilood mid walba waxay leedahay 30 maalmood halka bisha 13 -naad ee sanadka ugu dambeeysana ay leedahay shan ama lix maalmood. Waqtiga ayaa sidoo kale loo tiriyaa si ka duwan – iyadoo maalinta loo qaybiyey laba meelood oo ah 12 -saac ah laga bilaabo 06:00, taas oo ka dhigaysa labada duhurnimo iyo saqda dhexe lixda saac ee waqtiga Itoobiya. 2) Wadanka kaliya ee Afrika ku yaalla ee aan waligiis la gumaysan Talyaanigu wuxuu isku dayay inuu ku duulo Itoobiya, ama Abyssinia oo ah magacii loo yaqaanay, 1895 -tii, waa markii quwadaha reer Yurub ay kal qeybsanyeen qaaradda Afrika balse Talyaaniga ayaa Itoobiya kala kulmay guuldarro bahdilaad ah. Talyaanigu wuxuu ku guulaystay inuu gumeysto dalka deriska la ah ee Eritrea kadib markii shirkad maraakiib Talyaani ah ay iibsatay dekedda Casab ee Badda Cas. Balse dhawr sano ka dib markii Talyaanigu isku dayay inuu sii riixo Itoobiya, waxaa lagu jabiyay Dagaalkii Adwa. Afar guuto oo ka tirsan ciidamada Talyaaniga ayaa saacado gudahood lagaga adkaaday 1 -dii Maarso 1896 -dii gaar ahaan Itoobiyaankii ka hoos shaqayn jiray Boqortooyadii Menelik II. Talyaanigu waxaa lagu qasbay inuu saxiixo heshiis lagu aqoonsanayo madax -bannaanida Itoobiya – in kasta oo tobannaan sano ka dib uu hoggaamiyihii faashiistaha Benito Mussolini ku xadgudbay heshiiskaas, oo uu dalkaas haystay shan sano. Mid ka mid ah ragii bedelay Menelik, waa Haile Selassie, ayaa ka faa’iidaystay guushiisii Talyaaniga isaga oo dabada ka riixayay bilowga Ururka Midnimada Afrika (OAU), oo hadda ah Midowga Afrika, oo xaruntiisu tahay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. “Xorriyaddeennu micno ma yeelanayso haddii dadka Afrika oo dhami aysan xor ahayn,” ayuu Selassie ka sheegay furitaankii OAU 1963 -dii, xilligaas oo inta badan qaaradda ay weli maamulayeen quwadaha reer Yurub. Waxa uu tababar ku casuumay kuwa hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah gumaysiga – oo uu ku jiro Nelson Mandela oo u dagaallamayay xornimada Koonfur Afrika oo la siiyay baasaboor Itoobiyaan ah, kaas oo u oggolaaday in uu Afrika ku dhex wareego 1962-dii. 3) Rastafariyiinta waxay caabudaan Boqor Haile Selassie Waxaa laga soo xigatay xigasho 1920 kii timid hogaamiyaha xuquuqda dadka madow ee Jamaican Marcus Garvey, oo ka dambeeyay dhaqdhaqaaqa Back to Africa: “Fiiri Afrika, marka boqor madow la caleemo saari doono, waayo maalintii samatabbixintu waa dhowdahay.” Toban sano ka dib, markii 38-jirka Ras Tafari (ama Chief Tafari) loo caleemo saaray Haile Selassie I ee Itoobiya, in badan oo ka mid ah Jamaica waxay u arkeen tan inay tahay hadalka saadaashaa oo rumowday, waxaana dhashay dhaqdhaqaaqii Rastafari. Halyeeygii Reggae ee Bob Marley ayaa kaalin weyn ka qaatay faafinta farriinta Rasta – iyo heesaha uu u qaaday,. Illaa maanta beel yar oo Rastafariyiin ah ayaa ku nool magaalada Shashamene ee Itoobiya, oo 225km (150 mayl) koonfurta ka xigta Addis Ababa, gaar ahaan dhul uu Selassie siiyay dadka madow ee ka soo jeeda Galbeedka. 4) Hoyga Sanduuqa Axdiga Dad badan oo Itoobiyaan ah, sanduuqan muqaddaska ah oo ay ku jiraan Tobanka Amar oo Baybalku sheegay in Ilaah usoo dhiibay Muuse ayaanan weli lumin. Kaniisadda Orthodox ee Itoobiya ayaa sheegaysa in sanduuqa si joogto ah loo ilaaliyo iyada oo lagu keeydiyay Kaniisadda Marwada Mary ee Aksum , halkaas oo aan qofna loo oggolayn inuu arko. 5) Hoyga Muslimiintii ugu horreeya ee meel ka baxsan dhulka Carabta “Haddii aad tagto Abyssinia, waxaad heli doontaa boqor aan u dulqaadan doonin caddaalad-darrada,” Nebi Muxammed NNKH ayaa la sheegay inuu u sheegay xertiisa markii ugu horreysay ee ay la kulmeen cadaadis qarnigii 7-aad ee Maka. Waxay ahayd waqtigii nebigu bilaabay khudbadiisii, taas oo noqotay mid aad loo jecel yahay balse oo ay hanjabaad u arkeen hogaamiyaasha aan Muslimiinta ahayn. Qaadashada taladiisa, koox yar ayaa u kicitimay Boqortooyada Aksum, oo markaas haystay inta badan Itoobiya iyo Eritrea, halkaas oo runtii lagu soo dhoweeyey loona oggolaaday inay ku dhaqmaan diintooda. Tuulada Negash, oo ah meesha hadda loo yaqaan Tigray, ayaa ah meesha loo malaynayo in tahriibayaashani ay degeen oo ay dhiseen waxa dadka qaar u haystaan inuu yahay masaajidka ugu faca weyn Afrika. Sanadkii hore, masaajidka al-Negashi ayaa la duqeeyay intii uu socday dagaalkii Tigray. Muslimiinta maxalliga ahi waxay rumeysan yihiin in 15 xerta nebiga ay sidoo kale ku aasan yihiin Negash. Maanta muslimiintu waxay ka yihiin ku dhawaad 34% dadka ku nool Itoobiya oo ka badan 115 milyan. Qaran News
-
Ra’iisul-wasaare loo haysto dilka madaxweynehiisa Raysal wasaare Ariel Henry Dacwad oogaha guud ee Haiti ayaa ku casuumay ra’iisul wasaare Ariel Henry si uu ugu sharaxo xiriirka uu la leeyahay qofka ugu weyn ee looga shakisan yahay dilka madaxweyne Jovenel Moise. Madaxweyne Moise ayaa la dilay ka dib markii dabley hubaysan ay gurigiisa ku weerareen 7d-ii bishii Luulyo. Dacwad -ooge Bedford Claude ayaa sheegay in Mr Henry uu wicitaanno badan oo dhanka taleefoonka ah la yeeshay eedeysane Joseph Felix Badio saacado uun kaddib dilka madaxweynaha. Mr Claude ayaa sheegay in Mr Henry “lagu casuumay” inuu ka soo qeybgalo dhageysiga , maadaama uusan awood u lahayn inuu si rasmi ah ugu yeero. Dacwad -oogayaasha ayaa sheegay in diiwaanno laga helay shirkadda telefoonka ee Digicel ay xaqiijiyeen in Mr Badio iyo Mr Henry ay laba jeer hadleen 7dii Luulyo saacado uun kaddib dilkii Madaxweyne Moise. Xogta deegaanka ayaa sidoo kale muujisay in Mr Badio, oo aan hadda la ogeyn halka uu ku sugan yahay, uu ka hadlaayay goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay. Warqad uu u diray ra’iisul wasaaraha, Mr Claude wuxuu ku nuuxnuuxsaday in casuumaaddiisa ay tahay mid ikhtiyaari ah, laakiin wuxuu sheegay inay xaq tahay marka la eego waxa uu ugu yeeray “xaalad aad u culus oo qaranka quseeysa”. Dhageysiga Maxkamadda Darajada Koowaad ee Port-au-Prince ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta Talaadada. Baarayaasha ayaa la sheegay inay ku eedeeyeen in Mr Badio, oo ahaa sarkaal hore uga tirsanaa Wasaaradda Caddaaladda, laga yaabo inuu ku lug lahaa isku dubaridka dilka. Si cad ugama uusan hadlin sheegashooyinkan. Mr Henry ayaa horay ugu sheegay warbaahinta maxaliga ah in uu yaqaan Mr Badio uuna difaacay isaga oo intaa ku daray in uusan rumeysneyn in Badio uu ku lug lahaa sababta oo ah ma uusan haysan awooddaasi. Afhayeen u hadlay xafiiska Mr Henry ayaa u sheegay wakaaladda warraka ee Associated Press inuusan ka hadli doonin casuumaadda. Casuumadda Mr Henry ayaa imaanaysa iyadoo mas’uuliyiintu ay sii laba jibaarayaan dadaalkooda ku aaddan soo qabashada tuhmanayaasha dheeraadka ah ee dilka madaxweynaha. Boolisku waxay sheegeen in hadda ay jiraan 44 qof oo loo haysto qorshaha dilka, oo ay ku jiraan 18 xubnood oo hawlgab ka ahaa milatariga Colombia. Qaabkee loo dilay Dablay aan la aqoonin ayaa gashay guriga madaxweynaha qiyaastii 01:00 habeennimo. Waxaa la sheegay inay ahaayeen ajnebi ku hadlayay luuqadaha Ingiriiska iyo Spanish. Haiti waxaa looga hadlaa kuuqadaha faransiiska iyo Creole. Wararka qaar ayaa sheegaya in raggu ay ku lebsinaayen dhar madow iyagoo iska dhigayay inay yihiin ciidammada gaarka ah ee la dagaalanka muqaaradka ee Mareykanka. Ilaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo arrintaa xaqiijiyay. Safiirka Haiti ee Mareykanka, Bocchit Edmond, ayaa sheegay inaysan jirin qaab ay ciidammada gaarka ah ee Mareykanka uga dambeyn karaan weerarkaasi. Wuxuu sheegay inay ka dambeeyaan calooshood u shaqeystayaal. Jovenel Moïse, waa 53 jir, wuxuu awoodda Haiti la wareegay bishii February ee sanadkii 2017 kadib markii uu xilka ka degay ninkii isaga ka horreeyay Michel Martelly. Intii uu xilka hayay wuxuu wajahay eedeymo ku aadan musuq maasuq, waxaana dalka ka dhacay mowjado dibadbaxyo oo looga soo horjeeday xukuumaddiisa kuwaas oo looga codsanayay in uu iscasilo. Mucaaradka Haiti waxay ku andacoodeen in muddo xileedka madaxweynaha la dilay uu ku ekaa 7-dii bishii February ee sanadkan. Wuxuu madaxweynaha la dilay ku dooday in sanad ay uga dhiman tahay muddo xileedkiisa. Bishii February markii mucaaradka ay ku cadaadiyeen in uu iscasilo, madaxweynaha la dilay wuxuu xilligg=aas sheegay in la fashiliyay isku day lagu doonayay in dowladda lagu afgembiyo. Xasilooni darrada joogtada ah, hogaamiyayaal kaligood talis ah iyo dhibaatooyinka ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah ayaa waxay Haiti u horseedeen in uu noqdo dalka ugu saboolsan qaaradaha Amerika. Waxaa sare u kacay weerarada ay geystaan burcadda iyo falalka afduubka ah iyadoo heerka maciishadda dalkaas ay hoos u dhacay oo ku dhawaad boqokiiba 60 dadweynaha ay ku nool macluul. Dhulgariirkii ka dhacay Haiti 2010 ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200,000 oo qof, halka uu burburiyay kaabayaashii dhaqaalaha ee dalkaas. Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socday Qaramada Midoobey ayaa la geeyay Haiti sanadkii 2004 si xaaladda amni darrada ah ay wax uga qabtaan balse waxaa ciidamadaas laga soo saaray sanadkii 2017. Waa kuma Jovenel Moïse? Wuxuu ahaa ganacsade iyo siyaasi caan ka ah Haiti, wuxuuna ku dhashay gobolka waqooyiga dhaca ee Trou du Nord sanadkii 1968. Wuxuu kasoo shaqeeyay ganacsi uu kamid yahay tabcashada mooska. Sidoo kale wuxuu kamid ahaa dadkii ugu horreeyay ee Haiti ka hirgeliya ganacisga xorta ah ee wax soo saarka beeraha. Jovenel Moïse wuxuu Haiti u horseeday in uu noqda dal ku horumaray dhinaca beeraha si loo xoojiyo dhaqaalaha. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa diyaariyey dacwad ka dhan ah madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo xubno kale, taas oo salka ku heysa wixii ka dhacay Baydhaba 2018-kii, xilligii doorashada maamulkaas, arrinta Mukhtaar Rooblow oo sifo aan sharci aheyn dowladda ugu xiran mudo sanado ah iyo arrimo kale. Yuusuf Xasan Mursal oo ay isku xisbi ahaayeen Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa wareysi uu siiyey Radio Kulmiye waxa uu ku sheegay in maalmahaan ay u socdeen kulamo la isaga xog wareysanayey dhibaatooyinkii ka dhacay Baydhaba sanadkii 2018-kii iyo xarigga Sheekh Mukhtaar. “Kulamo aan maalmahaan la yeelaneynay dhinacyada ay taabteen dhibaatooyinkaas waxaa lagu go’aamiyey in gal dacwadeed ka dhan ah Farmaajo iyo qolyihii ku lugta lahaa aan ka furano hey’adaha garsoorka ee ay khuseyso, sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal. Waxa uu sheegay in xogaha ay aruuriyeen ay ku ogaadeen in xilligii doorashada Lafta Gareen Baydbaba lagu dilay 14 qof oo rayid ah iyo xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaas oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Yacquub, sidoo kale 26 qof ayuu sheegay in la dhaawacay xalligaas. Yuusuf Xasan ayaa sheegay in dadka ku jira gal-dacwadeedka ay diyaariyeen ay badan yihiin, isagoo ka xusay madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Mahad Cabdiriraxman Aadan, iyo dhammaan taliyeyaashii ciidamada ee Baydhaba ka howlgalayey xiligaas. Sidoo kale waxa uu sheegay in saxaafadda ay u soo bandhigi doonaan liiska dadka ay dacwadaha ka gudbinayaan ee loo heysto wixii ka dhacay Koonfur Galbeed. “Waxaa halkaas laga soo xiray Sheekh Mukhtaar Rooblow oo Xamar ku afduuban sanadkii 3-aad, marka hadda waxaan isku afgaranay in gal-dacwadeedka yaga aan ka furano hey’adaha garsoorka dalka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Yuusuf Xasan Mursal. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayuu sheegay inay ka codsanayaan, marar badana ay ka codsadeen inuu ku garab siiyo cadaalad u helidda dadkooda la dulmay, sida uu hadalka u dhigay. Mar wax laga weydiiyey sababta ay xilligaan ugu soo aadiyeen dacwadaas ayuu yiri, “Xilligaan waa xilliga ugu roon oo xoogaa cadaalad ah ayaa noo soo iftiintay, ra’iisul wasaare Rooble ayaa sida aad ogtihiinba bilaabay in Ikraan Tahliil ay cadaalad hesho, anaga waxaan ka codsaneynaa inuu garab nagu siiyo inay cadaalad helaan dadkeenii lagu laayey Baydhaba iyo kuwa nool ee dulman.” Ugu dambeyntii Yuusuf Xasan Mursal ayaa sheegay in hadda ay walwal badan ka qabaan nolosha iyo badqabka Mukhtaar Roobow oo sida uu sheegay NISA u afduuban. “Mukhtaar Roobow waxuu ku nool yahay meel u dhaw xarunta la isku heyto ee NISA, waxaan ka walwalsanahay noloshiisa iyo sida ay wax noqon karaan, waxaa dareemi kartaan xaaladda qof guri ku afduuban oo cid u tegeysa aysan jirin, saacadaha ama maalmaha soo socda waan ka walwaleynaa xaaladda Sheekh Mukhtaar, waxaan ra’iisul wasaaraha ka codsaneynaa in si dhow uu ula socdo xaaladda Sheekh Mukhtaar Roobow,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/09/Yuusuf-Xasan-Mursal-.mp3 The post Dhageyso: Gal-dacwadeed laga diyaariyey Farmaajo iyo xubno saraakiil u badan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Onlin) – Abukaate Sakariye Yuusuf oo wax ka qoray dastuurka Soomaaliya ayaa baarlamaanka Soomaaliya ku eedeeyey inuusan xeer lagu dhaqo u dajin hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA taasoo uu ku sheegay sababta khilaafka ka taagan hey’adda. Abukaate Sakariye oo ka qeybgalay dood ay qabatay idaacadda BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inuusan kala garaneyn illaa hadda xeerka lagu dhaqo hey’adda NISA haddii uu yahay midkii Siyaad Barre iyo haddii uu yahay midkii lagu heshiiyey sanadkii 2004. “Haddii hey’adda lagu dhaqayo xeerkii Maxamed Siyaad Barre waxaa la raacayaa xeer la yiraahdo lambar-14 oo ah mid uu jideeyay golihii kacaanka Sare ee 1970-kii, ee uu saxiixay Gudoomiyihii Golahaas” ayuu yiri Abukaate Sakariye. “Haddii la yiraahdo Wasiirka Amniga ayey hoostageysaa, waxaa la raacayaa heshiiskii lagu gaaray Kenya ee lagu dhisay dowladdii 2004 ee Federaalka ahayd”, ayuu BBC Somali u sheegay Abukaate Sakariye. Dhanka kale, Abuukaate Sakariye ayaa sheegay in Ra’isulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu awood buuxda u leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha golaha Wasiirada iyadoo aysan ku xirneyn wax shuruud ah. Wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha Soomaaliya uu sidoo kale dastuurka dalka u ogolaanayo inuu xilka ka qaado ama u magacaabo xubanha Xukuumadda balse looga baahan yahay inuu ogolaansho iyo soo jeedin ka heysto Ra’isulwasaaraha. The post NISA ma waxa ay raacdaa xeerkii dowladdii Kacaanka mise heshiiskii 2004-ka? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadalladii saacadaha badan qaatay ee xalay illaa shalay u socday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu kala tagay, ayada oo aysan wax natiijo ah oo kasoo baxay, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Wada-hadallada ayaa u burburay qodobka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan NISA, oo lagu tuhmayo gacanta hay’adda, iyo habka loo baarayo. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ogolaaneyn in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan madax-banaan, oo ay baarto maxkamadda ciidamada qalabka sida, halka ra’iisul wasaare Rooble uu sheegay inuusan marnaba aqbaleyn in kiiskaas la daboolo oo gabadhaas iyo qoyskeeda aysan helin caddaalad. Xubno ku dhow madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo wada dhex-dhexaadinta ayaa sheegay in ay aad ula yaaban yahay sababta madaxweynaha uu uu caddaalad ugu diidan Ikraan iyo qoyskeeda. Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay inuu aad u ilaalinayo taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, ama laga yaabo in kiiska uu madaxweynaha naftiisa lugaha la galo. Waxaa sidoo kale la isku mari waayey qodob la xiriira cidda noqoneysa taliyaha cusub ee NISA, kadib markii labada taliye ee ay kala magacaabeen Farmaajo iyo Rooble la isla ogolaaday in meesha laga wada saaro oo mid cusub la magacaabo. Farmaajo ayaa ku adkeystay inuu doonayo inuu soo magacaabo taliyaha cusub, hase yeeshee Rooble ayaa soo jeediyey inay ka wada tashtaan, si qof lagu wada qanacsan yahay loo magacaabo. Ma cadda waxa xiga doono burburka wada-hadallada, iyo cidda guusha siyaasadeed ay ku dambeyn doonto. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalmihii tegay dib u dhigayey qorshe uu xarunta NISA ku geyn lahaa taliyaha cusub ee NISA Bashiir Maxamed Jaamac, ayada oo xarunta aageeda ay joogaan ciidanka Duufaan ee taageersan Farmaajo, halka xarunta ay haystaan ciidanka Waran ee taageersan Rooble. Ra’iisul Wasaare Rooble oo diidan in uu sabab u noqdo isku dhac ciidan oo ka dhaca Muqdisho iyo in lagu eedeeyo in uu weerarka isaga bilaabay ayaa doonayey inuu wada-hadallada fursad siiyo, balse ma cadda tallaabada uu hadda qaadi doono. The post Wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble oo lagu kala tegay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya wada-hadallada laga dhex wado madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegaya in hal qodob oo kaliya uu ka harsan yahay heshiis buuxa oo ay gaaraan. Shirar socday maanta oo dhan ayaa waxaa ka dhashay guddi labada dhinac ka kala socdo oo loo saaray inay ka soo doodaan qodobada la isku hayay, si ay heshiis uga soo gaaraan, kadibna loo soo saaro war-murtiyeed Farmaajo ayaa waxaa guddigiisa ka mid ah Xildhibaan Cabdishakuur Mire iyo Aadan Qoryooley oo ah Wasiirka Boostada Isgaarsiinta Galmudug, oo saaxib dhow la ah Fahad Yaasiin. Dhanka Rooble ayaa waxaa ka wakiil ah wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab iyo wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, waxaana korjooge ka ahaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed. Guddiga labada dhinac ayaa lagu warramay inay isku afgarteen dhowr qodob, ayada oo Farmaajo uu aqbalay xil ka-qaadista Fahad, iyo wasiirka amniga Xasan Xundubey. Si kastaba, qodobka la isku hayo ayaa ah cidda noqoneysa taliyaha cusub ee NISA. Guddiga ka socda Farmaajo ayaa soo jeediyey in labada taliye ee ay kala magacaabeen Farmaajo iyo Rooble la isla bixiyo oo loo daayo Farmaajo inuu soo magacaabo taliye cusub. Hase yeeshee, guddiga matalaya Rooble ayaa taas ku gacan seeray, waxaana ay dalbadeen in haddii labada taliye la isla bixinayo ay tahay in laga heshiiyo magacaabista taliyaha cusub, oo laga tala geliyo Ra’iisul Wasaaraha, si qof lagu wada qanacsan yahay loo magacaabo. Guddiga ayaa markii ay is-mari waayeen ayaa waxaa wada-hadal isugu laabtay Farmaajo iyo Rooble, oo hadda ka shirsan arrintan taliyaha NISA, waxaana la filayaa inay ayaga xal ka gaaraan. The post Xog: Hal qodob kaliya oo la isku hayo wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.