-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nin Soomaaliya oo Dalka Talyaaniga ku tooriyeeyay 4 Qof+Sababta Nin la rumaysanyahay inuu yahay Soomaali ayaa Talyaaniga ku tooriyeeyay afar qof oo uu ilmo yar ku jiro kaddib markii la weydiiyay tikitka uu ku raacayay baska oo u socday magaalada Rimini ee dalka Talyaaniga. Wuxuu mindi ku weeraray labada gabdhood ee kirishbooyo ka ahaa baska ka hor inta uusan baxsan. Ninka ayaa sii waday weerarka isagoo saddex qof oo kale tooriyeeyay kaas oo lagu tilmaamay weerarka argagaxa leh, waxaa ka mid ahaa haweeney iyo ilmo yar , sida ay qortay warbaahinta TGCom24. In kasta oo labada kirishbooy aysan dhaawac halis ah soo gaarin, hadana waxaa la sheegay in cunugga mindida looga dhuftay cunaha, waa sida warbaahinta maxaliga at baahisay. Ninka hubeysan ee weerarka geystay ayaa ku guuleystay inuu ka dego baska isagoo ku amray darawalka inuu albaabka furo isagoo ugu hanjabay inuu mindi gelinayo. Mar uu jidka marayay, wuxuu sidoo kale isku dayay in uu afduubto baabuur. Laakiin, ka dib markii uu u orday dhinaca waddooyinka tareenka ee u dhow, booliisku waxay ku guuleysteen inay qabtaan oo ay xiraan gacan ku dhiiglaha. Qabashada ninkan waxaa amray xeer ilaaliye Davide Ercolani. Sida laga soo xigtay TG Comm 24, qofka wax weeraray ayaa lagu hayey xarun Laanqeyrta Cas iyadoo markhaatiyaasha qaarkood ay ku tilmaameen inuu yahay “shaqsi rabshad iyo dagaal badan”. Waxaa loo malaynayaa in baarayaashu aysan meesha ka saarin suurtogalnimada in uu isticmalay maandooriye intii uu weerarka socday. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Marwo Aamina Jane Maxamed. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, Farmaajo iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wadahadlay shan qodob oo kala ah: 1- Arrimaha horumarinta bulshada (SDG) 2- Xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya 3- Dhammeystirka doorashooyinka dalka 4- Awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka 5- Iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortebinta u leh Shacabka Soomaaliyeed. Soomaaliya oo ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku bogaadisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed horumarka ay ka xaqiijiyeen dhinacyada dib u dhiska ciidamada, amniga, hannaanka dayn cafinta, koboca dhaqaalaha, la dagaallanka Musuq-maasaqa iyo la tacaalidda cudurka saf mar ah ee COVID-19. “Farmaajo ayaa la wadaagay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Aamina Jane Maxamed sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo hirgelinta xeerarka aas-aaska u ah dowlad wanaagga, waxa uuna uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. Kulanka waxa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Mudane Cabdi Cali Raage, dhanka kale waxaa goob-joog ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan. The post Wafdigii ka socday QM oo 5 qodob kala hadlay Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Muddaharaad rabshado wata ayaa xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Laascaanood ayaa xalay lagu dilay Cabdirisaaq Axmed Cilmi oo ka tirsanaa golaha degaanka degmadaas, kadib markii dabley hubaysan ku weerartay bannaanka hore ee gurigiisa. Kooxdii weerarka fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday,mana jirto cid loo qabtay dilkiisa, islamarkaana weli mas’uuliiyiinta Somaliland kama hadlin. Dadweynaha ayaa ka caraysan dilalka xiriirka ah oo muddooyinkii dambe loo gaysanayay hal-doorka Laascaanood, kuwaas oo aan la garanayn cid ka dambaysa. Dadka qaarkood ayaa Somaliland ku dhaliilaya in aysan wax ka qaban arrintan, halka qaar kalena isla Somaliland ku eedaynayaan dilalka ka socda Laascaanood. PUNTLAND POST The post Muddaharaad rabshado wata oo ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
FBI-da oo baahisay xog cusub & Doorkii Sucuudiga ku lahaa weeraradii Sept.9/11? FBI-da Mareykanka ayaa Sabtidii soo saartay macluumaadkii ugu horreeyay ee lala wadaago dadweynaha Mareykanka kaas oo la xiriira baaritaankii 11-kii Sebtember 2001, weeraradii lagu qaaday Mareykanka iyo eedeymaha ku aaddan taageerada dowladda Sacuudiga ee afduubayaashii diyaarahada. Soo saarista warbixintan ayaa ka dambeysay amar fulineed uu bixisay Madaxweyne Joe Biden, kaas oo la xiriiray in warbixinta baaritaanka ee la xiriirka Sucuudi Carabiya dadweynaha loo soo bandhigo. Ehelada dadkii ku dhintay weeraradii September 11 ayaa ugu baaqay Biden inuu ka baaqdo munaasabadaha xuska sanad-guurada 20 -aad haddii uusan daboolka ka qaadin macaluumaadka la xiriira tuhunka laga qabay in Sacuudi Carabiya ay taageertay weeraradii Mareykanka lagu soo qaaday. Warbixinta FBI-da oo lagu soo koobay 16 bog ayaa lagu sheegay inuu jiray xiriirka ka dhexeeyay afduubayaasha iyo saaxiibo u dhashay Sucuudiga, laakiin aysan jirin wax caddayn ah oo la xiriirta in xukuumadda Riyaad ay ku lug lahayd weeraradaas, oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof. Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer sheegeysay inaysan wax door ah ku lahayn weeraradaas, iyadoo Safaaradda Sacuudi Carabiya ee Washington aysan ka jawaabin codsi la xiriira sida ay u aragto warbixinta cusub ee la soo saaray goor dambe oo Sabtidii ah. Shan iyo toban ka mid ah 19-ka qof ee diyaaradaha afduubtay ayaa u dhashay dalka Sacuudi Carabiya. Guddi ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa waayay wax caddeyn ah oo sheegaya in Sacuudi Carabiya ay si toos ah u maalgelisay Al-qaacidda oo ay Taalibaan ku qarineysay Afghanistan xilligaa, hase yeeshee baaritankan ayaan meesha ka saariin inay dhici karto in shakhsiyaas masuuliyiin Sucuudi ah ay taageero siiyeen Al-qaacida. Wakaaladda warararka ee Reuters ayaa qortay in qoysaska qiyaastii 2,500 oo ka mid ah dadka lagu dilay weeraradaas, iyo in ka badan 20,000 oo qof oo ay soo gaareen dhaawacyo, meherado iyo caymisyo kala duwan ayaa dacweeyay Sacuudiga, iyagoo raadinaya balaayiin doolar oo magdhaw ah. Qaran News
-
Taalibaan oo si rasmi ah u bedeshay calankii Afghanistan Taalibaan ayaa calankooda ka taagay xarunta madaxtooyada Afghanistan Sabtidii, sida uu xaqiijiyay afhayeenkooda, xilli Mareykanka iyo adduunka intiisa kale ay xusayaan sannad-guuradii 20 -aad ee weeraradii 11 -kii September. Calanka cad oo ay ku xardhan tahay Aayad Qur’aanka ah, ayaa waxaa saaray Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ah Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda ku-meelgaarka ah ee Taalibaan, waxaana loo sameeyay xaflad kooban, sida uu sheegay Ahmadullah Muttaqi, oo ah madaxa laanta warbaahinta ee guddiga dhaqanka Taalibaan. “Calan-saaridda Taalibaan waxay calaamad u tahay bilowga rasmiga ah ee shaqada xukuumadda cusub,” ayuu yiri Ahmadullah Muttaqi. Dhismaha dawladda Taalibaan oo dhammaan golaha wasiiradu ay rag yihiinn ayaa lagu dhawaaqay horraantii toddobaadkan ,waxayna la kulanta niyad jab beesha caalamka oo rajaynaysay in Taalibaan ay ka dhabeyso ballanqaadkii hore ee ahaa dhismaha dowlad loo dhanyahay. Madaxweynihii hore ee Afghanistan Hamid Karzai, ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay wuxuu ku baaqay “nabad iyo xasillooni” wuxuuna muujiyey rajada ah in golaha cusub ee ku-meelgaarka ah oo aysan ku jirin haween iyo qof aan Taalibaan ahayn ay noqon karto “dowlad loo dhan yahay” kaliya marka loo fiiriyo wejiga dhabta ah ee Afghanistan oo dhan.” Labaatan sano kahor, xukunka Afghanistan waxaa gacan adag ku hayay Taalibaan, iyagoo xilligaas mamnuucay telefishinka, waxaana weeraradii argagixisada ahaa ee lagu soo qaaday Mareykanka ay dadka ka dhageysanteen Idaacadaha Kabul. Labaatan sano kadib, Taalibaan ayaa dib ugu soo laabatay Kabul, Mareykankuna waa ka baxay dalkaas, isagoo soo afjaray dagaalkiisii laba toddobaad kahor sannad -guuradii 20 -aad ee 9/11 iyo laba toddobaad ka dib markii Taalibaan ay ku laabteen caasimadda Afgaanistaan 15 -kii Agoosto. Qaran News
-
Guddigii nabadaynta colaadda Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye, ayaa maanta ku guulaystay in la kala qaado dhinacyadii ku dagaallamay degaannadaas. Guddi oo ka kooban labada dhinac ayaa si rasmiya u kala qaaday labadii malayshiya-beeleed ee dirirtu dhexmartay, si loo bilaabo wada-hadal nabadeed. Midkood ayaa loo raray balli lagu magacaabo Godimaale oo qiyaastii 25KM dhanka koonfureed ka xiga tuulada Birta-dheer oo ka tirsan gobolka Nugaal. Ciidankii fadhiyay Sanga-jebiye ayaa iyana loo raray degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool. Sidoo kale, waxa lagu wadaa in ay bilowdaan wada-hadallo ku saabsan nabadaynta labada dhinac, si loo xalliyo xiisaddaas oo ku salaysan muranka dhuleed. PUNTLAND POST The post Malayshiyaadkii ku dagaallamay Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye oo maanta la kala qaaday appeared first on Puntland Post.
-
Maxay tahay sababta loo gubay Masaajidka magaalada Manchester? Booliska Britain ayaa sheegay inay baarayaan fal dambiyeed dab lagu qabadsiiyay masaajid ku yaalla magaalada Manchester. Ma jirto cid wax ku noqotay dabka galinkii dambe ee habeenkii Jimcada ka kacay masaajidka Desbury, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen. Maamulka masaajidka ayaa u mahad celiyay dadka dariska la ah oo dadaal xoog leh ku bixiyay daminta dabka, iyagoo adeegsanayay baaldiyaashooda. Hanjabaado muddo socday Waxa ay intaas ku dareen inay dhowr sano soo gaarayeen hanjabaado ka imaanayay dad ku gooddinayay inay masjidkaas dab qabadsiin doonaan, haddana ay u muuqato in qaarkood ay ka dhabeeyeen hanjabaaddooda. “Haddii aannaan garab weyn ka heli lahayn dadka deegaanka ee ku dhow goobta uu masaajidka ku yaallo, kama fikiri karo waxa dhici karay, waxay nagu caayiyeen inay baaldiyaashooda ku soo qaadaan biyo ay dabka ku damiyaan, ma garaneyno si aan ugu mahad celinno,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay mas’uuliyiinta gacanta ku haya masjidka. Ma jirin cid wax ku noqotay dabka Howl wadeennada dab damiska ee Greater Manchester ayaa sheegay in shaqaalahooda ay labo saacadood ku ku sugnaayeen goobtaas, haddana booliska ay baarayaan sababta keentay dhacdadan. Ku xigeenka duqa magaalada Manchester, Lutfur Rahman, ayaa sheegay in gubitaanka masaajidka uu ahaa “fal lagu abuurayay cabsi iyo naceyb”. “Waxaan bogaadinayaa dariska qeylo dhaanta sameeyay, waxay ka turjumayaan astaanta saxda ah ee magaalada, lama mid aha kuwa dabka sababta u ah,” ayuu yiri. Maamulka masaajidka, oo shaaciyay muuqaal ay xilliga dhacdada duubeen kaamirooyinka la socda dhaqdhaqaaqa, ayaa dadka deegaanka ka codsaday inay feejidnaadaan, iyagoo ugu baaqay inaysan aqbalin dadka dhibaatada wada ee dhexdooda ku jira. Muxuu masaajidkan u noqday Bartilmaameed? Muddo sannado ahba isha ayaa lagu hayay masaajidka Desbury, sababtoo ah waa meesha ay ku tukan jireen Salman Abedi iyo qoyskiisa. Abedi ayaa ka mid ahaa dadkii qaraxa ka fuliyay fagaaraha loo yaqaanno Manchester Arena. 20 qof ayaa ku dhimatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 2017-kii ka dhacay Manchester Abedi ayaa dilay 22 qof markii uu qarax ismiidaamin ah ku beegsaday xaflad ka socotay xaruntaas sanadkii 2017-kii. Weerarkaas kaddib, mid ka mid ah dadka gacanta ku haya masaajidka ayaa sheegay in ninkaas oo 22 jir ahaa uu u muuqday qof xirxiran. Tan iyo xilligaas, Maskidka waxa uu fuliyay howlo aad loogu amaanay oo dhinaca bulshada ah, waxaana ka mid ahaa inuu caawinaad badan sameeyay markii ay fatahaadaha dhaceen xagaagii lasoo dhaafay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray wasaaradda maaliyadda inaysan bixin karin lacag uusan isaga soo saxiixin, islamarkaana aan ogolaansho looga heysan. Warqadda amarka lagu bixiyey oo loo diray wasaaradda Maaliyadda 9-kii bishan ayaa waxaa sidoo kale la ogeysiiyey Xisaabiyaha guud, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo hanti dhowraha guud ee qaranka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si gaar ah u xayiray in ogolaansho la’aantiisa la isticmaalo lacagta Hay’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ah ee loo yaqasan SDRs. Rooble ayaa sheegay in iyada oo laga ambaqaadayo marxaladda kala-guurka ee dalku marayo iyo baahida loo qabo in taxaddar dheeraad ah loo yeesho hannaanka kharash-bixinta DFS iyo isticmaalka qoondada lacagta hay’adda IMF ee looyaqaan SRDs uu amray Wasaaradda Maaliyadda ee ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto: In aan la bixin karin wax kharash, noocii doono ha ahaadee, ilaa oggolaansho laga helo RW XFS. Mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, waa in marka ay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, oggolaansho ka helaan RW XFS inta aan la bixin wax lacag ah. Wax lacag ah lagama soo qaadi karo qoondada DFS ee lacagta hay’adda IMF ee loo yaqaan SDRs iyada oo aan oggolaansho laga helin Ra’iisul Wasaaraha XFS. Ma jirto wax kale oo iska beddelay shaqada hay’adaha dowladda ee warqaddani ku socoto. Halkaan hoose ka akhriso warqadda uu Rooble u diray wasaaradda Maaliyadda The post R/W ROOBLE oo amar culus oo afar qodob ah dul dhigay Wasaaradda Maaliyadda appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar ku bixiyay in aan wax kharash ah oo aan laga fasixin xafiiska ra’iisul wasaaraha aan laga bixin bankiga dowladda. Wareegto ka soo baxday xafiiska Rooble ayaa lagu mamnuucay in la aan laga bixin wax hantida dowladda, iyadoo Rooble uu sheegay in wareegtada ka soo baxday xafiiskiisa ay badaleyso wareegto Farmaajo horay uga soo baxday Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa markale ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan khilaafka Farmaajo iyo Rooble iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax Mahad Salaad oo ka hadlayey wada-hadalladii u dambeeyey ayaa shaaca ka qaaday in weli Farmaajo uu ku dhagan-yahay in maxkamadda laga soo celiyo kiiska Ikraan, sidoo kalena uu isagu magacaabo agaasimaha hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya. Ujeedka ayuu ku sheegay in la doonayo in lagu baabi’iyo raadka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo sababay khilaafka iyo xiisadda siyaasadeed ee haatan ka taagan magaalada Muqdisho. “Farmaajo wuxuu ku dheganyahay: Kiiska Ikraan Tahliil waa in maxkamada laga soo celiyo si Fahad loo badbaadiyo. Taliyaha NISA waa inaan anigu soo magacaabo, si loo baabi’iyo raadka kiiska Ikraan!” ayuu ku yiri xildhibaanka mucaaradka ah ee Mahad Salaad. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kiiska Ikraan uu ka weyn yahay inta loo maleynayo, isla-markaana wararka soo baxaya haddi ay xaqiiqo noqdaan ay ceeb ku tahay dowladnimada. “Kiiska Ikraan inta la malaynayo waa ka weyn yahay waxaana soo baxaya xogo hor leh oo hadii ay run noqdaan ceeb iyo foolxumo aan la arag oo la maqal ku ah dowladnimada Soomaaliya, Dhaqankeena suuban iyo Diinteena Islaamka!” ayuu raaciyey Mahad Salaad. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada lagu kala tegay natiijo la’aan wada-hadalladii u dhexeeyey Farmaajo iyo Rooble oo u burburay qodobka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil. The post Kiiska IKRAAN TAHLIIL ‘oo ka weyn yahay inta la malaynayo’ appeared first on Caasimada Online.
-
Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxaya Villa Somalia ayaa sheegaya in xalay lagu kala kacay shirkii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble iyada oo nin weliba booskiisa joogo. Warar ayaa intaas ku daraya in xataa uu fashilmay guddi labada dhinac ah oo la faray iney war murtiyeed iyo qodobbo soo qoraan, kadib markii kooxda Farmaajo ay ku adkeysteen dhammaan qodobadii horay looga diiday Farmaajo. Farmaajo ayaa inta badan labo arrin aad ugu adag (1). Inuu isaga keeno taliyaha NISA iyo (2). In Fahad Yaasiin iyo saraakiisha kale ee NISA laga daayo dacwada ka taalla maxkamadda ciidanka. Dhankiisa, ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa ku adkeysanaya in taliyaha loo magacaabayo NISA loo baahanyahay inuu noqdo mid madaxbannaan oo kiiska Ikraan horay u wadi kara, una cadaalad fali kara, taasi oo aanu sameyn karin Farmaajo iyo cidda uu magacaabayo, qodobka kale ayaa ah in kiiska lagu maxkamadeynayo Fahad Yaasiin, Ikraan Tahliilnka ay cadaalad ku heleyso uu yahay lagama laabtaan. Ra’isul wasaare Rooble oo heysta kalsooni shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil ayaa u muuqda ilaa hadda mid ku dhinac ah dareenka umadda. Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur galbeed Axmed Kaariye Qoor-qoor iyo Cabdicasis Lafta-gareen oo dhex-dhexaadinta qeyb ka ah ayaa ku daalay labada dhinac, iyaga oo Farmaajo ka dhaadhicin la’ iney uga dhammaatay maamulidda marxaladda kala-guurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay Natiijada Fasalada 8-aad ee Imtixaanka shahaadiga Somaliland oo sanadkaan ay u fadhiisteen arday fara badan. Guddiga Imtixaanka oo Natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay tirada ka dhacday gobal walba iyo kuwa ku soo baxay Imtixaanka. Gobalka Salal ee Somaliland ayaa la sheegay in sanadkaan ay ka baaseen 153 ardya halka gobalka ay ka dhaceen 8 arday oo keliya. Gobalka Sanaag ayaa sanad dugsiyeedkaan waxaa fasalka sideedaad ka gudbay 609 arday kuwaas oo imtixaanka ku baasay, halka 9-arday Imtixaanka ay ku dhacday gobalka Sanaag. Gobalka Saraar ee dhulka Somaliland ayaa sanadkaan waxaa isna ka gudbay oo imtixaanka fasalka Sideed ka baasay 228 arday, halka 8 arday ay ka hartay Imtixaanka. Gobalka Sool ayaa Natiijada lagu sheegay in sanadkaan ay ka gudbeen Imtixaanka 1162 arday halka 4-arday oo keliya ay gobalkaas Imtixaanka ku dhacday. Gobalka Togdheer ayaa guddiga Imtixaanka sheegen in sanadkaan ay ka gudbeen imtixaanka 2950 arday, halka 148 arday ay imtixaanka ku dhaceen. Gobalka Xaysimo oo ka mid ah gobalada Somaliland ayaa isna sanaadkaan Imtixaanka fasalka 8-aad ka gudbay 76 arday halka uu Hal arday imtixaanka uu ku dhacay. Gobalka Awdal ayaa waxaa dhankiisa Imtixaanka fasalka sideed sanaadkaan uga gudbay 2322 arday, iyadoo 115 arday ay Imtixaanka ku dhaceen sanaadkaan. Gobalka Badhan ayaa fasalka Sideed waxaa sanaadkan imtixaankiisa ka gudbay 609 arday, halka 9-arday ay imtixaanka ku dhaceen. Gobalka Buuhoodle ee Somaliland gobaladeeda ka tirsan ayaa isna waxaa sanadkaan imtixaanka ku soo baxay 385 arday, iyadoo 6 arday ay imtixaanka ku dhaceen. Gobolka Daadmadheeh ayaa sanadkaan waxaa Imtixaanka shahaadiga fasalka sideed ee dowladda kaga gudbay 124 arday, iyadoo 2 arday imtixaanka Imtixaanka. Gobolka Gabiley ayaa sanadkaan waxaa isna imtixaanka ka gudbay 1265 arday, iyadoo 60 arday ay gobalkaas imtixaanka uga dhacday. Gobalka Hawd ayaa sanadkaan waxaa Natiijada Imtixaanka dowladda lagu shaaciyay in ay 31 arday ay baaseen, halka gobalka Hawd uusan jirin Arday Imtixaanka ku dhacay. Gobalka Maroodijeex oo ah gobalka ay ardayda ugu badan Imtixaanka uga fadhiisteen ayaa la sheegay in ay imtixaanka ka gudbeen 8860 arday, halka 433 arday imtixaanka ay ku dhaceen. Gobalka ugu dambeya oo ah gobalka Saaxil ee Somaliland ayaa Natiijada saaka lagu dhawaaqay lagu sheegay in ay 830 arday imtixaanka ay ka gudbeen halka 31 ardayna Imtixaanka ay ku dhaceen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT- Rimini)-Nin Soomaali ah ayaa xalay shan qof ku dhaawacay weerar tooreey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Rimini, oo ka tirsan gobolka Emilia-Romagna ee dalka Talyaaniga, sida ay qortay jariirada Corriere di Bologna. Eedeysanaha oo 26-jir ah ayaa ku safrayay tikidh la’aan isagoo saaran bas ka yimid Riccione kuna socday Rimini. Wuxuu markii hore mindi ku weeraray laba haween ah oo hubinayey tikidhada ka dibna wuxuu dhaawacay saddex qof oo rakaab ahaa oo uu ku jiray wiil 5 jir ah, ka hor inta aanu ka degin gaadhiga. Booliska ayaa xidhay eedeysanaha kadib markii uu isku dayay inuu cagihiisa ku baxsado. Sida laga soo xigtay Corriere di Bologna, eedeysamaha ayaa u muuqda in aanu wax xidhiidh ah la lahayn ururada argagixisada ama xagjiriinta. Waxayna Baadhayaashu hubinayaan inuu isticmaalayay maandooriye. Ninkan Soomaaliga ah ayaa dhowaan yurub yimid wuxuuna dhowr bilood ka hor dalbaday qaxootinimo. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, oo muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanaa dhismaha guddi-hoosaadyada Golahaasi, ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan Liisaska iyo xubnaha guddi walba ku jiri doonta illaa berri Isniinta. Guddiyadan oo shaqooyin muhiim ah mid walba qaban doono, isla markaana Mudaneyaasha loo qaybin doono, guddiyada ay ku haboon yihiin, iyada oo aqoontooda la eegayo, ayaa lagu wada in ay noqdaan guddiyo gaadhaya 10 illaa11 guddi. Guddidan oo dhismahooda dooddo adag hadheeyeen muddadii lagu gudo jiray xulista iyo aasaaskooda, taas oo salka ku haysay qaab deegaameed, mid Xisbiyo, mid kale isbahaysi, madaama oo Xildhibaanno badan loo sii balan qaaday wakhtigii Ololaha shir-guddoonka in guddiyo madax looga dhigi doono. Xogo uu ka helay Wargeyska Saxansaxo guddiyadan, ayaa loo badinayaa in ay noqon karaan sidan hoos ku qoran, ■ Guddi hoosaadka Arrimaha Dibedda, ayaa loo badinayaa inuu Madax ka noqdo, Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur, UCID uga soo baxay Gobolka Maroodi-jeex ■ Guddi hoosaadka dhaqaalaha ayaa la filayaa inuu Guddoomiye ka noqdo Xildhibaan Cabdirashiid Cabdillaahi Muuse (Cago weyne), oo Kulmiye uga soo baxay Gobolka Saaxil ■ Guddida joogtada ah, ayaa lagu wada in Guddoomiye ka noqdo Nuur Guuleed oo ka soo baxay UCID, lagana soo doorto Gobolka Awdal, gaar ahaan Saylac. ■ Guddida Daba galka hantida qaranka, ayaa loo badinayaa inuu Guddoomiye ka noqdo Xildhibaan Garqayaan Mustafe xmed Cabdillaahi, waxaanu ka soo baxay Kulmiye Sool, gaar ahaan degmada Caynaba. ■ Guddida Arrimaha Guddaha iyo Amniga, ayaa laga yaabaa in loo dhiibo xildhibaan Axmed Nuur Guruuje, oo Kulmiye uga soo baxay Maroodi Jeex. ■ Guddida Hawlaha Guud, ayaa filayaa in madax looga dhigo Xirsi Cabdillaahi Xirsi, oo Kulmiye uga soo baxay Gobolka Saaxil. ■ Guddida Khayraadka iyo Macdanta, ayaa la filayaa in uu guddoomiye Mubaarik Muuse Ismaaciil, oo Waddani uga soo baxay Sanaag. ■ Guddi hoosaadka Shuruucda, caddaaladda iyo xuquuqul Iisaanka, ayaa in madax ka noqdo Xildhibaan Yaxye Aaraarse, oo Kulmiye uga soo baxay Maroodi-jeex. ■ Guddida arrimaha Bulshada, ayaa la filayaa in loo magacaabo Maxamed Maydhane, oo Kulmiye uga soo baxay Gobolka Awdal. Guddiyo kale ayaa iyaguna jira oo aan weli si rasmi ah loo ogeyn cidda madax ka noqon doonta, iyada oo sidoo kalena, guddida aan sheegnay qaarkood wax laga beddeli karo ka hor inta aan la shaacin. Wargeyska Saxansaxo Source
-
Norway Waxay Hore u joojisay Lacag Ay Ku Shubi Jiray Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) (SLT-Hargeysa) Dawladda Norway, ayaa dib ugu soo noqotay ka mid ahaanshaheedii Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), kaasi oo ay ka baxday dhawaan. Dawladda Norway ayaa dib u bilaabaysa Lacago ay ku shubi jirtay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), ka dib Wada-hadallo Magaalada Hargeysa ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Ergayga Norway u qaabilsan Soomaaliya iyo Haweenay ka mid ah Waaxda Nabadda iyo dhexdhexaadinta ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Norway iyo Weliba Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway. Wakiilka Somaliland ee dalka Norway Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan) oo safar ku jooga Magaalada Hargeysa, isla-markaana ka qayb-galay kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga ka socday Dawladda Norway, ayaa Warbaahinta Arabsiyo News uga warramay waxyaabaha Weftiga Norway kala hadleen Madaxweynaha ama ku war-geliyeen, waxaanu sheegay in Warka wanaagsan ee Weftigaasi Somaliland u sideen uu ahaa inay dib u bilaabayaan Kaalmadii ay ku soo shubi jireen Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Wakiilka Somaliland ee dalka Norway Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan) oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Norway, beri dhexdaa ahayd ayay ka baxday Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo lacagtii la joojiyey, laakiin Lacagtaa dib bay ugu soo noqdeen (Somaliland dib bay ugu bilaabayaan), waa Warkii ugu Qiimaha badnaa ee ay inoo sideen, iyadoo Lacagtaasi Mashaariic badan wax ka tari doonta, isagoo Madaxweynuhu qiray in markii Norway lacagta bixin jirtay in waxyaabihii lagu qabtay ahaayeen wax la taaban karo.” Source
-
Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ka bilaabmaya dhageysiga khudbadaha Musharixiinta Aqalka sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Hoolka weyn ee baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa hadda waxaa ka soconaya diyaar garowga loogu guda jiro dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta. Shalay ayaa magaalada lagu soo gaba gabeyay bixinta shahaadada musharaxnimada Aqalka sare, taas oo la shegay in ay jiraan musharixiin liiska ku soo baxday oo aan isdiiwaan gelin. Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleed Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in Beri oo isniin ah iyo maalinta Arbacada ay dhaceyso doorashada 8-kursi ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle uu ku leeyahay Aqalka sare. Maamulka Hirshabeelle ayaa ah maamulka Seddaxaad ee si rasmi ah u dhameystiro Xubnahiisa Aqalka sare kadib maamulada Koonfur galbeed iyo Puntland oo iyagu qabtay doorashooyinka Kuraastooda Aqalka Sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay dil Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool loogu geystay Magaaladaas. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa tacsi u diray Ehelada iyo Xisbiga WADDANI ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi Cardoofe oo xalay koox hubeysan ay ku toogteen gudaha Magaalada Laascaanood, xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee hoygiisa. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka WADDANI ayaa ka dalbaday laamaha amniga Gobolka Sool inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan raggii ka dambeeyay dilka Cabdirisaaq Cardoofe, si Cadaalada loo horgeeyo. “Marxuumku waxa uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka SOOL & xubin Golaha Deegaanka Deg Laasacaanod, Ilaahay ha u naxariisto Marxuumka, Jannadiisana ha geeyo, Xukuumaddana waxaa waajib ku ah in dableyda dishay Marxuumka degdeg caddaalada loo hor keeno. Samir iyo iimaan” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro. Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi Cardoofe ayaa kamid ahaa Xildhibaanada Golaha deegaanka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, sidoo kalena ka tirsanaa xubnaha Xisbiga WADDANI, waxaana toogtay dabley hubeysan oo watay Bastoolad Source
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay gudaha magaalada Laascaanood loogu geystay xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Cardoofe, oo ka mid ah munayaasha golaha deegaanka Laascaanood. Xildhibaanka ayaa waxaa dilay koox aan la aqoon haybtooda kuwaas oo sida la sheegay isaga baxsaday kadib markii ay dilka geysteen goobta. Cardoofe ayaa xilliga la dilayay waxa uu ku sugna Afafka hore ee hoygiisa oo ku yaallo magaalada Laascaanood. Banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo dilka xildhibaanka iyo dilal Habeenadii la soo dhafay gudaha magaalada ka dhacayay ayaa xalay lagu qabtay waddooyinka waaweyn ee magaalada Laascaanood. Shacabka ayaa ka cabanayay kooxa aan la aqoon kuwaas oo dilal qorsheysan maalmihi la soo dhafay ka geysaneysay magaalada Laascaanood. Dadka banaanbaxa dhigayay oo careysnaa ayaa maamulka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan xaaladda Amni darro ee deegaanka ku soo korortay. Goobjoog News Source: goobjoog.com