-
Content Count
211,174 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hoggaamiyaasha ururka Xamaas ayaa la sheegay inay ka guureen dalka Qatar oo 10-kii sanoo la soo dhaafay xarun u ahaa, ka dib markii dowladda dalkaasi ay ku dhawaaqday inay hakisay dhexdhaxaadintii iyo dadaalkeedii ku aaddnaaa soo afjaridda dagaalka lagu hoobtay ee marinka Qasa. Dowladda Qatar ayaa beenisay inay madaxda siyaasadda Xamaas ku wargelisay inay dalkeeda isaga baxaan, balse Xamaaas ayaa xaqiijisay in hoggaamiyaashoodu ay ka guureen magaalada Dooxa, ayagoo ka gaabsaday faahfaahinta halka ay u wareegeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in hoggaamiyaasha Xamaas ay saldhigan doonaan Turkiga oo todobaadyadii la soo dhaafay ay socdaallo ku tagayeen, balse wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas ayaa beenisay jiritaanka xogtaas. Qatar ayaa 10-kii sano ee loo dhaafay hormuud u ahayd taageerayaasha ugu waaweyn ee falastiiniyiinta, warbaahinta dalkaasina waxay ahayd isha ugu horraysa ee baahisa dhawaaqa dadka dhiban ee maamulka Israa’iil uu go’doominta iyo xasuuqa joogtada ah ku hayo. Si kastaba ha ahaatee Qatar ayaa bilihii la soo dhaafay qeyb ka ahayd wada-hadal ay Mareykanka iyo Masar garqaadayaal kula ahaayeen oo ku saabsanaa xal u helidda dagaalka Qasa, dhowr wareeg oo mira-dhal noqday ayaana ka qabsoomay caasimadda Dooxa. Hayeeshee Qatar ayaa dhowaan shaacisay inay joojisay kaalinteedii dhexdhaadinta Xamaas iyo Israa’iil, waxaana go’aankeeda loo arkaa mid salka ku haya culays siyaasadeed oo isbadelka Mareykanka ka dhacay iyo macangagnimada madaxda Israa’iil ay ugu horreeyaan. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa saaka kulankii u horreeyay tan iyo intii uu xilkan ku guulaystay la yeeshay saraakiisha Ciidamada Somaliland. Qoraal kooban oo ay faafisay warbaahinta Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha la doortay ee Cabdiraxmaan Cirro uu kulan la yeeshay taliyaha ciidamada Somaliland, oo ay weheliyaan saraakiisha ciidamada. Dhinaca kale, dabbaal-degyo lagu soo dhaweynayo madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa xalay ka dhacay magaalooyin ka tirsan Somaliland, oo ay ku jiraan Burco iyo Hargeysa, sida ay muujinayaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada. Madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo shalay khudbad jeediyay, kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada ayaa isagu ku baaqay in la joojiyo dabbaaldegyada guusha sababa la xiriira geeridii ku timid madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha la doortay ee Somaliland oo kulankii u horreeyay la yeeshay Saraakiisha Ciidamada appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha milatariga iyo saraakiisha kale ee hoggaanka u haya ciidanka Somaliland. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista wada shaqaynta u dhexeysa madaxda iyo ciidamada si loo xoojiyo nabadgelyada iyo adkeynta ammaanka deegaanada Somaliland. Madaxweyne Cirro ayaa ku boorriyay saraakiisha ciidamada in ay sii wadaan dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo nabadda Somaliland, isaga oo ballanqaaday taageero dhammaystiran oo dhinacyada tababarka, qalabeynta, iyo sare u qaadista tayada ciidanka ah. Sidoo kale, Cirro ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamadu kaalin mug leh ka qaataan ilaalinta shacabka iyo ilaalinta xuduudaha Somaliland si looga hortago caqabado amni. Kulankaan ayaa yimid xilli wali Madaxweyne Muuse Biixi oo looga guuleystay doorashadii Madaxtinimada Somaliland wali uusan hambalyeyn Madaxweynaha la doortay. Source: goobjoog.com
-
Kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayaa markii u horreeysay weerarray markab laga leeyahay Turkiga oo isku dayay in uu adeegsado badda cas, isagoo shixnad u siday dekedaha Israa’iil. Xuutiyiinta ayaa si toos ah u garaacay markabka iyagoo adeegsanaya gantaallada ballistic-ga , waxayna ku guuleysteen inay soo bandhigaan magaca markabka oo lagu sheegay Anadolu S, laakin marka la tixraaco markabka wuxuu soo galaya saaxiibbada Erdogan iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbiga Erdogan ee AK Party. Markabka Anadolu S, wuxuu ka tirsan yahay shirkadda Oras Shipping ee fadhigeedu yahay Istanbul, waxaana leh ganacsadaha Turkiga ah ee Salih Zeki çakır — ganacsadahan iyo shirkadiisa waxay caan ku yihiin inay xiriir ganacsi la leeyihiin Israa’iil. Ganacsatada Salih Zeki çakır , wuxuu xiriir ganacsi iyo saaxiibbo dhow la yahay xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbiga Erdogan ee AK Party— dadka ay ganacsiga wadaagaan waxaa ka mid ah Wehbi Koch, oo ah xubin firfir-coon oo ka tirsan xisbiga AK Party. Sidoo kale , Salih ayaa saaxiib dhow la ah qoyska ra’iisul wasaarihii u dambeeyay ee Turkiga , Bin Ali Yildirim oo ka tirsan xisbiga AK Party. Erdogan wuxuu horey u sheegay inuu xiriirka ganacsi u jaray Israa’iil oo ay xigtay toddobaadyo ka hor in dhammaan nooc kasta oo xiriir inuu Turkiga u jaray Israa’iil. PUNTLAND POST The post Xuutiyiinta Yemen oo badda Cas ku weeraray Markab laga lee yahay Turkiga oo Israa’iil u socday appeared first on Puntland Post.
-
Ethiopia’s Ministry of Foreign Affairs on Tuesday issued a statement congratulating Somaliland’s new president-elect, Abdirahman Mohammed Abdullahi. Source: Hiiraan Online
-
The President assured Kenyans that the government is united in its mission to drive the country forward. He spoke during the signing of the FY 2024/2025 ministerial performance contracts at State House Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Ukraine ayaa marki ugu horreysay Ruushka ku ridday dhowr gantaal oo ah nuuca riddada dheer, kuwaasi oo ka mid ah hubka culus ee uu Mareykanka geeyay Ukraine. Sida laga soo xigtay sarkaal Maraykan ah, Ukraine ayaa ridday ilaa siddeed ka mid ah gantaalladaasi, balse gantaallada difaaca cirka Ruushka ayaa ka hortagay laba ka mida. Sarkaalku waxa uu sheegay in Maraykanku uu wali qiimaynayo khasaaraha ka dhashay gantaalladaasi. Wuxuu intaasi raaciyay balse in gantaaladu ay ku dhaceen goob sahayda rasaasta ah oo ku taal Karachev, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 18,000 oo qof oo ku taal gobolka Bryansk ee Ruushka. Adeegsiga gantaallada loo yaqaanno ATACMS, ayaa yimid xilli uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu si rasmi ah hoos ugu dhigay marinka isticmaalka hubka niyukleerka, taas oo albaabada u fureysa suurtagalnimada jawaab ay Moscow ka bixiso weerar kasta oo kaga yimaada quwadaha taageera Ukraine. PUNTLAND POST The post Ukraine oo Ruushka ku ridday gantaalaha Ridada dheer ee Mareykanku sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Howlgalka Kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa abaalmariyay Ciidanka Booliska ee ka socda dalka Sierra Leone kuwaasoo ka qeyb qaatay sugitaanka Amniga iyo Xasilloonida Soomaaliya. Munaasabad lagu qabtay magaalada Kismaayo, gobolka Jubbada hoose, ayaa kulan sagootin iyo abaalmarin ah lagu guddoonsiisay 160 xubnood oo ka tirsan Booliska dalkaasi kuwaasoo hal sano ka soo shaqeeyay gudaha Soomaaliya. “Waxaan ku faanaynaa dadaalkooda, iyaga oo abaalmarinno ku helay wada shaqeynta ay la yeesheen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, UN-ka, UNSOS, iyo maamulka Jubbaland. Waxay si heer sare ah uga soo baxeen waajibaadkooda, gaar ahaan taageerada ay siiyeen ATMIS IPOs iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ku lahaayeen hawlgallada Booliska Soomaaliyeed.” ayuu yiri Taliyaha qeybta Lixaad ee Ciidanka ATMIS. Taliyaha Ciidanka Booliska Sierra Leone, ee ka howlgalayay Soomaaliya Samuel Abu Bakarr Kargbo, ayaa uga mahadceliyay saraakiisha xilka ka tagaya sida ay u taageereen xasilloonida iyo horumarka Jubaland. “Waxaan saameyn muuqata ku yeelanay dadka Soomaaliyeed anaga oo kor u qaadnay amniga iyo taageeridda howlaha shaqo ee UN iyo ATMIS,” ayuu yiri SP Kargbo. Intii ay ku guda jireen howlgalkooda, ciidamada booliska ka socday dalkaasi waxay ka taageereen Booliska Soomaaliyeed ilaalinta sharciga, ilaalinta madaxda sar-sare, sugidda goobaha dowliga ah, iyo xaqiijinta amniga munaasabadaha muhiimka ah. Source: goobjoog.com
-
PORTLAND, Oregon (HOL) — Senator Kayse Jama has been elected Majority Leader of the Oregon State Senate, becoming the first Somali-American and the first Black Muslim to hold this position. Jama, who represents the 24th District, was chosen by the Democratic Party, which holds a majority in the chamber. His election marks a significant milestone in representation for immigrant communities and people of colour. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif hoggaamiyo oo war ka soo saaray doorashada iyo dhaarinta xildhibaanada Jubbaland oo galabta liiskooda lagu dhawaaqay ayaa ugu horeyn hambalyo u diray Baarlamaanka 3-aad ee Jubaland, waxaana warkaan lagu bogaadiyey guddiga doorashooyinka maamulkaas. “Sida uu qabo godobka 120-aad ee Dastuurka KMG ah, Dhismaha laamaha xeer-dejinta iyo fulinta ee maamullada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waa arrimo lagu nidaaminayo Dastuurrada maamul-goboleedyada, sidaa awgeed Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u hogaansamaan Dastuurka Dalka,” ayaa lagu yiri warkaan uu soo saaray Xisbiga Sheekh Shariif. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu kula dardaarmayaa Baarlamaanka Jubaland in ay xilkoodu u gutaan sida sharciga uu qabo oo ay danta Jubaland ku jirto.” Shacabka reer Jubaland ayaa loogu baaqay inay ilaashadaan nidaamkooda, amnigooda iyo wadajirkooda. Dhinaca kale Baarlamaanka Puntland ayaa qoraal ka soo saaray doorashadaan, war-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wakiillada Puntland ayaa hambalyo loogu diray dhammaan xildhibaanada baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland. “Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa si weyn u soo dhaweeynaya tallaabadan muhiimka ah ee ay qaadeen Dawladda Jubbaland, waxaana rajaynaynaa inay si guul leh u gudan doonaan masuuliyadaha culus ee loo dhaariyey,” ayaa lagu yiri qoraalka. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay baarlamaanka Puntland oo dhameystiran: Golaha Wakiillada Dawladda Puntland wuxuu kaloo ku rajo weyn yahay in Xildhibaannadani ay ka shaqeyn doonaan sidii doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ee Jubbaland ay ugu dhammaan lahaayeen si nabad ah, hufan, oo guul leh, waafaqsana dastuurka Dawladda Jubbaland. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon. Abdirisak Ahmed Said, wuxuu yiri: “Waxaa annigoo ku hadlaya Afka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland hambalyeynayaa dhammaan Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiillada Jubbaland. Tallaabadani waxay muujineysaa guul laga gaaray Hanaanka hirgalinta nidaamka Federaalka, kaas oo dhigayaa in Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ay masuul ka yihiin Arrimohoda gudaha. Waxaan rajeynayaa inay si hufan oo mas uuliyad leh uga shaqeyn doonaan horumarinta iyo daryeelka shacabka Jubbaland, iyo sidii ay ugu guuleysan lahaayeen waddooyinka nabadda iyo horumarka.” Mudane Guddoomiye Cabdirisaq Axmed Siciid wuxuu sidoo kale si gaar ah u mahadceliyay Odayaasha Dhaqanka iyo guddiga madaxa banaan ee doorashoyinka Jubbaland, kuwaas oo si wanaagsan u gutay waajibaaadkooda soona xulay xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada, iyadoo loo maraaayo hanaanka dooorasho iyo dastuuur ee Juballand. Golaha Wakiillada Puntland wuxuu EEBBE uga baryeynaa in Xildhibaanada cusub ay si wanaagsan ugu adeegaan shacabka Jubbaland, ayna ka shaqeeyaan sidii ay gobolka ugu horseedi lahaayeen horumar, nabad, iyo xasilooni waarta. The post Sheekh Shariif iyo Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay xulashada xildhibaanada Jubaland appeared first on Caasimada Online.
-
Kismayo (HOL) — Jubaland’s government has dismissed Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre’s accusations that the region failed to honour commitments on unifying electoral processes and transitioning to a one-person, one-vote system. The Prime Minister’s remarks, delivered during a public speech, have reignited tensions between Somalia’s federal government and the southern regional state. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Muungaab ayaa qoraal ka soo saaray doorashada xildhibaanada Jubbaland oo maanta lasoo saaray liiskooda, wuxuuna garab istaagay go’aanka Jubbaland, isagoo farriin u diray madaxda dowladda federaalka. Muungaab ayaa sheegay in Jubbaland ay ku saxan tahay go’aankeeda doorashada, isagoo yiri “Loo joojin mayo waxay dhashaa kuu joojin mayo.” Muungaab ayaa madaxda DF ugu baaqay inay dhowraan dastuurka dalka oo ka tanaasulaan muddo kororsiga ay ku heshiiyeen, isla markaana ay ka waantoobaan farogelinta iyo car-qaladeynta doorashooyinka dowlad goboleedyada. Hoos ka akhriso qoraalka Muungaab: Waxaan halkaan Hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Baarlamaanka 3aad ee Dowladda Jubbaland oo Galabta lagu dhaariyay Magaalada Kismaayo. Waa tallaabo wanaagsan oo Jubbaland ka ilaalineysa inay ku dhacdo Marnaasho (Firaaq) Dastuuri ah, sida uu dhigayo Dastuurka Jubbaland oo xaq u siinaya inay waqtigeeda ku qabsato Doorashadeeda. Waxaan Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha ku bogaadinayaa howsha ay qabteen, waxaana rajeynayaa Doorashada Jubbaland inay sidii loogu talogalay kusoo dhammaato nabadgelyo iyo xasilooni. Madaxda Dowladda Federaalka waxaan ugu baaqayaa inay dhowraan Dastuurka Dalka, kana tanaasulaan inay muddo kordhin sharci darro ah u sameeyaan madaxda Maamul Goboleedyada waqtigu ka dhammaaday, isla markaana ay ka waantoobaan faragelinta iyo carqaladeynta joogtada ah ee ay ku haayaan Dowlad Goboleedyada doonaya inay qabsadaan Doorashooyinkooda. “ LOO JOOJIN MAAYO WAXAY DHASHAA… KUU JOOJIN MAAYO, Liikiin Tan Jubbaland waa gar waafaqsan Dastuurka Dalka ee aan garab istaagno.” The post Muungaab oo ka hadlay doorashada baarlamaanka Jubaland, farriin culusna u diray DF appeared first on Caasimada Online.
-
ISLAMABAD - President Asif Ali Zardari has tasked Interior Minister Rehman Malik with taking measures for the release of Pakistani hostages held by Somali pirates. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Nov 19 (Reuters) - Somaliland opposition leader Abdirahman Cirro defeated incumbent president Muse Bihi Abdi in last week's election, the electoral commission said on Tuesday, setting up a handover of power as the breakaway Somali region pushes for global recognition. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxaa hor yaalla qodobo dhawr ah oo uu ballan qaaday muddadii uu ku jiray ololaha doorashooyinka Somaliland iyo kuwo aan huri doonin dadkuna ay eegayaan sida uu u wajaho. Waxaan eegi doonaa 5 qodob oo lagu qiimey doono hoggaaminta Cirro: 1 – Qodobka koowaad ee maamulka Cirro lagu qiimey doono waa sida uu u wajaho heshiiskii sharci darrada ahaa ee Muuse Biixi uu la galay Itoobiya. In kastoo is-afgaradkaas uu diidmo caalami ah la kulmay Soomaaliyana ay garab istaag ku heshay, waxaa la eegi doonaa sida Madaxweynaha la doortay uu arrinta Itoobiya u wajaho. Dad badan waxay qabaan in Cirro ka xeeladeysa doono heshiiskaan, isla markaana ay suurtagal tahay inuu u daayo baarlamaanka, si ay u eegaan oo go’aan uga gaaraan, maadaama dadka yaqaana Cirro ay qabaan inay adag tahay in si toos ah uu u wajaho go’aan ka qaadashada heshiiskaan ama u bareeridda Itoobiya. 2 – Xiisadda gobolka Sool iyo qadiyadda SSC Khaatumo oo galaafatay nolosha boqolaal qof, halkaas oo Somaliland ay ku weysay dhulkii ay maamuleysay waayaha badan, sida magaalada muhiimka ah ee Laascaanood. Cirro, waxaa hor talla in nabad uu kula deganaado reer Khaatumo, maadama aysan dooneyn inay dib ugu laabtaan Somaliland iyo inuu dagaal wax ku raadiyo sidii Muuse Biixi. 3 – Wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland, Cirro waxaa lagu tiriyaa shakhsiyaadka aan mayalka adkeyn eek u dhaqma siyaasadda furfuran, waxaana loo badinayaa in wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland uu sii amba qaado, kuwaas oo hakadday markii Muuse Biixi uu badda u saxiixay Itoobiya. Inkastoo qadiyadda gooni isu-taagga ay weli xoogan tahay, hadana waxaa Cirro loo arkaa nin aan ka didsaneyn wadahadallada midnimo doonka ah, waxaana rajo badan laga qabaa inuu soo fariisto miiska wadahadalka. 4 – Ilaalinta xorriyadda iyo isku heynta bulshada: 7-dii sano ee Muuse Biixi uu joogay xukunka waxaa cadaadis la kulmay bulshada, iyadoo la adkeeyey isku socoda iyo xorriyadda hadalka, waxaana la xiray, la jirdilay ama loo diiday inay Somaliland dhex joogaan dad badan. Cirro, waxaa hortaalla wax ka bedelidda arrintaan, isla markaana uu fasaxo xorriyadda hadalka iyo isku socodka bulshada, si uu ula yimaado siyaasad ka duwan tii Muuse Biixi. 5 – In Siyaasadiisa aan dhibane loo noqon: Cirro wuxuu jeediyey khudbad xambaarsan farriin midnimo, wuxuuna balan qaaday in aysan jiri doonin cid dhibane u noqon doonta hoggaamintiisa, waxaana muhiim ah in balan-qaadkaas uu ka dhabeeyo. The post Shan qodob oo xasaasi ah oo lagu qiimeyn doono hoggaaminta Cirro appeared first on Caasimada Online.