Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,846
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. On Wednesday February 22, 2017, at an inauguration ceremony attended by over 1200 people including two presidents, a prime minister and more than 100 diplomats, Mohamed Abdullahi Farmaajo, the ninth President of Somalia, promised to restore Somalia’s dignity and bring peace and reconciliation to the country. In his inauguration speech, the new President also promised to tackle head-on the widespread insecurity and instability in the region as well as to prioritize the elimination of political corruption, address the poverty crisis and deal with the humanitarian catastrophe that is destroying the nation. During his address, the President also thanked the African Union Mission in Somalia (AMISOM) for securing a transparent and honest election process. The Special Representative of the United Nations, Michael Keating, was present at the inauguration and delivered the following goodwill message on behalf of the UN Secretary-General, Antonio Guterres… “The peaceful handover of power is a major step in strengthening Somalia as a federal and inclusive state and towards the goal of achieving one-person one-vote elections in 2020.” As we look back at that Wednesday afternoon more than four years ago, two things are crystal clear. One, the optimism of that day has been replaced by the depressing and stark realization that Somalia is in a far worse state than it was before President Farmaajo took office. And two, every single word spoken that day was a lie. For more than four years, the security of our citizens has been ignored in favor of building an administrative environment of nepotism and political exploitation. For more than four years, our economy has been on the verge of collapse as political instability, the ever-looming threat of terror, and the lack of a viable plan to combat the coronavirus is slowly pillaging the citizen population. And for more than four years our foreign policy has been, at best, unfocused, as allied states have become alienated and new relationships are being formed with countries willing to submit to the unlawful underground impulses of a man with more regard for his personal wealth and status than the wellbeing of his citizens. Let’s face it. Farmaajo is doing his best to protect the interests of Qatar even if it is at the expense of strategic and historic relationships with other Gulf states and Egypt. And even if it is at the expense of the diplomatic relationships established by previous regimes. Farmaajo has put all his eggs into a single basket, and this has resulted in a complete reversal of years and years of security and stability progress. Farmaajo’s four-year term in office expired on February 8, yet he has remained illegally and unconstitutionally holding the office as “Acting President” until the country’s long-delayed presidential election will be held end of the year. This resulted in a cycle of brutal violence on the streets of Mogadishu and proved beyond a shadow of a doubt that this transition has been anything but a peaceful handover of power. The legacy of this President will be one of total corruption, collusion, and cronyism. He has been accused of obstruction of justice in his attempt to shield his Svengali, Fahad Yasin, the Director of the National Intelligence and Security Agency (NISA) of Somalia, from suspicions related to the disappearance of 24-year-old Ikran Tahlil. He also refused to allow the Attorney General to participate in the investigation, knowing full well that the findings would likely result in consequences that he is not willing or able to face. The Ikran Tahlil case, unfortunately, is not the first time that the disappearance of a Somali citizen was a leading talking point in the debates of the merits of a Farmaajo administration. Qalbi Dhagax was a Somali national who was rich with patriotism and filled with naïve aspirations for a better life for his people. And he willing to die for those beliefs. A mere six months after the Farmaajo election in 2017, the government illegally extradited Qalbi Dhagax to Ethiopia in what has been alleged to be a sacrificial offering in a sinister plot to establish a diplomatic relationship with Ethiopia. It is abundantly clear that the rules of established government play absolutely no role in the Farmaajo administration. In a recent and very public clash with Prime Minister Mohammed Hussein Roble regarding the investigation into Tahlil’s disappearance, Farmaajo blatantly and willingly ignored longstanding Parliamentary rules when he asked the outgoing speaker of the Parliament, Mohamed Mursal Abdirahman to publicly condemn Roble’s decision to swear-in a new security minister, a move largely believed to be coordinated by the President himself. And a move that dishonors the Constitution and renders the Federal Parliament compromised and ineffective. All of this is well known to our nation, and now we must make it clear to the global community and to our international friends. The words of this administration ring hollow when the actions are wholly totalitarian, and the government is clearly being led by a ring of corrupt politicians concerned only about personal welfare and individual wealth. And all the money being funneled to the Somali government by, among others, the United States and the European Union, under the pretext of humanitarian aid, is simply being used to fund a crooked and contaminated administration. And the citizens of these countries should be outraged at how their tax dollars are being spent. This President has caused enough damage. The only question that remains is can we remove him from office before the destruction he’s inflicted becomes permeant. Ismail D. Osman: Former Deputy Director of Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA) – Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him osmando@gmail.com. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You The post EU, UK and United States Must Decide If Farmajo Is a Friend or a Foe appeared first on Caasimada Online.
  2. (SLT-Muqdisho)-Sida uu sheegay, Dr. Xasan Faarax Axmed oo sheegay in uu yahay adeerka Ikraan Tahliil Faarax Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay siyaasiyiin iyo odoyaal sheeganaya inay yihiin ehellada marxuum Ikraan Tahliil Faarax. Dr. Xasan Faarax Axmed ayaa sheegay in xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ganacsade Xuseen Dhoobow iyo odoyaal kale oo qaraabo kore la ah Ikraan ay la kulmeen Farmaajo kadibna ay kula hadleen in uu bixiyo Magta Ikraan, isagoo sidoo kale codsaday in kiiskaan la xidho oo aan maxkamad la geynin. “Anigoo ah adeerka runta ah ee Ikraan waxaa halkaan ka sheegayaa in aanan wax diyo ah qaadan doonin, xildhibaan Jeesow iyo Xuseen Dhoobow waxaan ugu baaqayaa in kiiska Ikraan gacanta kala baxaan,” ayuu yidhi Dr Xasan Faarax Axmed. Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan ayaa hore u sheegtay in waxa kaliya ee ay ku qanceyso ay tahay in gabadheeda ay caddaalad hesho, waxayna uga digtay Daahir Amiin Jeesow oo isku beel ah Ikraan, balse aan wax xidhiidh ah kala dhaxeyn, inuu faraha kala baxo kiiska gabadheeda. In madaxweyne Farmaajo uu codsado Magta bixinta Ikraan Tahliil ayaa ka dhigan qirashada dilka Ikraan oo loo haysto xubnihii ugu sarreeyay hay’adda NISA, waxaana la sheegay in sababta ugu weyn ee u hortaagan yahay ay tahay difaaca xubno kamid ah saraakiisha ku lugta leh. Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi saaray baadhitaanka kiiska Ikraan Tahliil, waxaana ka dhashay mowjado siyaasadeed aad u culus iyo khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Kabul)-Magaalada Doha ayey gaadheen in ka badan 100 qof oo u badan qoysas heysta dhalashada dalal kala duwan kuwaasi oo ku xanibnaa caasimada Afghanistan ee Kabul. Duulimaadkan oo ah kii ugu horreeyey oo caalami ah oo kasoo baxa magaalada Kabul ayaa yimid kadib markii Qatar gacan kasiisay Talibanka in dib loo furo madaadkra Kabul oo uu burbur soo gaadhay. Saraakiil amni iyo kuwa socdaalka oo ka socda Qatar ayaa hada gacanta ku haya Madaarka Kabul, kuwaasi oo dib u shaqo geliyey towerka diyaaradaha laga hago iyo Terminalka. Magaalada Kabul ayey sidoo kale gaadheen duulimaadyo deeq raashin ah geeyey halkaasi, xili Qaramada Midoobay ay ka digeyso hoos u dhaca dhaqaalaha dalkaasi iyo cunto yarida ka jirta magaalooyinka waaweyn. Source
  4. The government has declared drought a national disaster. Some farmers in the country have been prepared for such an eventuality as they try to mitigate the resultant drought effects. Source: Hiiraan Online
  5. Somali Journalists Syndicate (SJS) has completed journalists’ safety and media freedom training for local journalists in Galkayo town, Mudug region on Thursday 9 September. Source: Hiiraan Online
  6. Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada difaacada Tigrayga dagaal looga soo saaray gobalka ay dagaan Canfarta. War ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidamada Tigrayga jab xooggan la gaarsiiyay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen deegaanada Canfarta. Afhayeenka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Billene Seyoum ayaa shir jara’id oo ay qabatay ku sheegtay in ka bixitaanka ay sheegatay Jabhadda in ay isaga baxeen dhulka Canfarta uu yahay mid been ah. “Sheegashada Falaagada ee ka bixitaanka Canfarta taasi run ma ahan ciidamadeenna ayaa ka saaray dhulka jab xooggan ayaana la gaarsiiyay” ayeey tiri Billene Seyoum. Afhayeenka Abiy ayaa sidoo kale waxa intaas ku sii dartay in Ciidamada Canfarta iyo kuwa Xukuumadda oo iskaashanayo ay jab gaarsiiyeen Tigrayga iyadoo tiri “Ciidamada Canfarta iyo kuwa qaranka oo iskaashanaya ayaa isbuucyadii la soo dhaafay khasaaro weyn gaarsiiyay Falaagada”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida la filayo todobaadkan socdaal ku tegi doona magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Degmada Qardho, waxay kamid tahay saddexda degmo ee dhowaan laga qabanayo doorashooyinka hordhaca ah ee golayaasha degaanka oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan. Wararku waxay sheegayaan in madaxweynuhu halkaas u tegayo olole siyaasadeed, kadib markii uu ka cabsaday in urur siyaasadeedka xukuumadda looga guulaysto degmada Qardho. Madaxweyne Deni, ayaa doonaya in uu Qardho ka bilaabo ololaha urur siyaasadeedkiisa Kaah ee ku wajahan doorashada hordhaca ah ee golayaasha degaanka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo olole siyaasadeed u tegaya degmada Qardho appeared first on Puntland Post.
  8. Somali politicians have launched frantic efforts to defuse tensions after a damaging feud between the president and prime minister plunged the troubled country into fresh crisis, a lawmaker and multiple officials said Friday. Source: Hiiraan Online
  9. Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu soo gaba gabeynaya diiwaan gelinta iyo shahaado siinta musharixiinta Aqalka Sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Arbacadii soo gudbiyay liiska 8-kursi ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle uu ku leeyahay Aqalka Sare. Musharixiintaan ayaa kor u dhaafayo 30-musharax kuwaas oo kuraasta qaar ay ku tartami doonaan illa 5-musharax. Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa khamiisti bilaabay bixinta shahaadooyinka Musharixiinta, iyadoo maanta oo sabti ah la soo gaba gabeynayo shahaado siinta Musharixiinta. Jadwalka doorashada ayaa lagu sheegay sidoo kale in Axadda beri ah ay musharixiinta ay jeedin doonaan khudbadahooda Musharaxnimo. Maalmaha Isniinta iyo Arbacada ee todobaadkaan ayaa doorashooyinka kuraastan lagu qabanaya magaalada Jowhar. Maamulka Hirshabeelle ayaa ah maamulki ugu dambeyay ee si rasmi ah u guda gala doorashooyinka Aqalka sare ee dalka, isagoo sidoo kale maamulka noqonaya maamulki seddaxaad ee soo dhameysitira Musharixiintiisa kadib maamulada Puntland iyo Koonfur galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Three members of Djibouti's national football team are seeking asylum in France, where one of them was allowed to leave an international airport in Paris on Friday after a week in the transit zone. Source: Hiiraan Online
  11. This piece of writing is trying to script some of analysis is what is happening in Afghanistan and what can be learned from the onset. Situation is tightening its firm grip in Afghanistan. Every country, be in with the advance stable democracy and with stable security, but could be overwhelmed by such kind of situation caused by unpredictable crisis. What media is reporting from Afghan is disturbing, though yet with no significant civilian casualties. Difficulties in this regard is bearing the fruit of sudden withdrawal of US-NATO. This has ravaging the country like no any other thing living in the memory. Taliban have gained grounds in all over the towns and districts in the country while Afghan security forces were massively retreating their positions which demonstrates grieving circumstances, despite billions of dollars spending to support and training the Afghan forces since 2001 when US troops and NATO forced out Taliban from power. Source: Hiiraan Online
  12. Waxaa magaalada Muqdisho ka socda Muqdisho ka socda dadaalo xal loogu raadinaayo khilaafka ka dhex taagan labada xafiis ee ugu sareyso dalka. Dadaaaladaan oo ay hor kacayaan madaxweynayaashada dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Koonfur galbeed, Axmed Cabdi Kaariye iyo Cabdi casiis Xasan Maxamed ayaa kulama kala gedisan waxa ay saacadihi la soo dhaafay la qaateen Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble. Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyadaan oo Muqdisho ku sugan ayaa waxa ay xalay kulan la qaateen Ra’iisul wasaare Rooble kulankaas oo aan illa iyo hadda natiijo mira dhal ah aysan ka soo bixin. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa la sheegay in uu weli ku adkeysanayo in Sareeye Guud Bashiir Goobbe uu yahay taliyaha NISA iyo in kiiska Ikraan aan xal looga gaarin meel aan Maxkamad aheyn. Madaxweynayaashaan ayaa sidoo kale Farmaajo kulan ay la qaateen waxa ay kala hadleen sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka. Maanta ayaa lagu wadaa dadaalada ay wadaan Qoor-qoor iyo Lafta-gareen in lagu kulmiyo Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda. Khilaafka Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka dhashay xil ka qaadista Fahad Yaasiin oo ahaa Taliyihii hore ee NISA, kaas oo lagu tuhun san yahay in uu qeyb ka ahaa waayitaanka Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaalad dhalinyaro ah oo ka tirsaneyd NISA. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo gudbiyay gal dacwadeed ka dhan ah Fahad Yaasin iyo xulafadiisa kuwaas oo waalidiinta Ikraan ay codsadeen in Baaritaan lagu sameeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. When Maymuuna Birjeeb opened her Harlem-based restaurant Safari over six years ago, she had little notion it was once the site of a social haven—a lively spot to enjoy a cup of tea or have a smoke—in the 1950s for fellow Somali immigrants in NYC. Source: Hiiraan Online
  14. Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha urur siyaasadeedka Caddaalad iyo Sinnaan, Eng Maxamuud Khaliif Xasan (Jebiye), ayaa safar ku soo maray degaanno kala duwan oo ka tirsan degmada Eyl ee Gobolka Nugaal. Guddoomiyaha iyo wefdigiisa oo u kuur-galayay xaaladda nololeed ee ka jirta halkaas ayaa safar ku soo maray degaannada Qarxis, Dhiganle, Diillin iyo Xasbahalle oo dhammaantood ka tirsan degmada Eyl. Bulshada kala duwan ee ku nool tuulooyinka iyo degaannadan ayaa si weyn u soo dhoweeyay wefdiga urur siyaasadeedka Caddaalad iyo Sinnaan oo uu hoggaaminayay guddoomiye Eng Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye. Wefdiga ayaa kulamo la yeeshay Bulshada degaannadaas oo uu ka dhegaystay baahiyaha dhanka nolosha, gaar ahaanna xaaladda biya la’aanta ka jirta tuulooyinka qaarkood. Degaanka Dhiganle oo qarka u saarnaa in biya la’aan looga guuro, kadib markii dowladdu waxba ka qaban wayday, ayuu guddoomiye Jebiye u ballan-qaaday in uu Ceel u qadi doono, si looga baxo biya la’aanta jirta. “Urur Siyaasadeedka Caddaalad iyo Sinnaan waxa uu markasta u taagan yahay ka jawaabista dareenka bulshada.” Ayuu yiri Eng Jebiye. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Nugaal: Eng Jebiye oo ballan-qaaday in uu ceel u qodayo degaan biya la’aan looga guuri lahaa appeared first on Puntland Post.
  15. Golaha midawga Musharixiinta ayaa gudoomiya golaha shacabka baarlamaankii 10-aad ku eedeyay in uu carqaladeynayo geddi socodka dadaalada doorashooyinka iyo maamulka Amniga ee ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble. War-saxaafadeed ay soo saareen midawga Musharixiinta ayaa lagu sheegay in golaha uu uu garab taagan yahay Ra’iisul wasaare Rooble. Midawga musharixiinta ayaa sidoo kale sheegay in Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Mursal uu horay ugu fashilmay hogaanka golaha isagoo dalka Dagaal sokeeye geliyay ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Midawga. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Midawga Musharixiinta. Source: goobjoog.com
  16. Madaxweyne Mustafe ayaa gurigiisa casho sharaf ugu sameeyay Sh. C/rashiid Sh. Cali Suufi oo ay weheliyaan culimmo kale oo waa-weyn. Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa madaxtooyada ku qaabbilay Sh. C/rashiid Sh. Cali Suufi oo ah sheekh qaari ah oo laga ciseeyo guud ahaan dhulka muslimiinta ah. Madaxweynaha ayaana kulan la qaatay sheekha oo ay weheliyaan Sh. Maxammed Cumar (Dirir) iyo Sh. Maxammed Ismaaciil iyo tiro culummo ah. Sh. C/rashiid ayaa ugu horreyn kulanka ku furay akhriska aayado Qur’aanka kariimka ah. Madaxweynaha ayaa si gaar ah deegaankooda iyo dhulkooda ugu soo dhaweeyay sheekha iyo culimmada wehelisa oo maalmihii u dambeeyayba ku sugnaa magaalada Jig-jiga, islamarkaasina muxaadarooyin kala duwan ku qabtay. “Waajibaad ayaa dhammaanteen inaga saaran dhawrista diinteenna, akhlaaqdeenna iyo dhaqankeenna suubban. waana lagama-maarmaan in dadkeennu aynan ogolaannin dullaysi dambe”, ayuu yidhi Mudane Mustafe Muxummed Cumar. Ugu dambayn, waxa ay culimmadu si wadajir ah ugu duceeyeen madaxweynaha in uu Ilaahay–swt–ku asturo xilka iyo waajibaadka ballaadhan ee ka saaran shacabka, waxa ay sida oo kale ugu duceeyeen shacabka in Ilaahay uu isku duubo, garansiiyana xaqa iyo walaalnimada ka dhaxaysa, danbigoodana uu dhaafo. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble. Dadaallada ayaa waxaa wada madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo xalay kulamo duwan la yeeshay labada mas’uul. Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa kulankii ugu horreeyey oo saacado badan qaatay la yeeshay ra’iisul wasaaraha, waxaana la sheegayaa in illaa iyo hadda aanay wax natiijo ah oo la taaban karo kasoo bixin kadib saacado ay wada-hadlayeen. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay Ra’iisul Wasaaruhu uu wali mowqifkiisa iyo go’aamadii hore ku adkeysanayo, maadaama uu mas’uul ka yahay amniga iyo siyaasadda dalka, sababtuna ay tahay in Farmaajo ay sharciyaddii ka dhacday. Qodobada Rooble ku adkeysanayo ee uu sheegay inaanay jirin meel uu uga laabto ayaa waxaa ka mid ah ah; shaqo ka ceyrinta Fahad Yaasiin, in Bashiir Goobe uu yahay taliyaha NISA, in Cabdullaahi Maxamed Nuur uu yahay wasiirka amniga, iyo in kiiska Ikraan Tahliil ay baarto maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo kuwii ay ku caddaatana sharciga la mariyo. Dhinaca kale Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa sidoo kale xalay kulan la qaatay Farmaajo, balse weli lagama hayo wax faah-faahin ah. Si kastaba, waxaa horey loo ogaa in Farmaajo uu raali ka yahay xil ka qaadista Fahad, balse uu doonayo in kiiska Ikraan Tahliil aan la baarin oo halkaas lagu damiyo, qoyskeedana diyo la siiyo. Ma cadda sababta Farmaajo uu caddaalad ugu diidan yahay gabadhaas yar ee la dulmay, balse waxaa jira tuhun ah in kiiska uu dhallin karo fadeexad weyn, oo isaga taaban karta. Sidoo kale, Farmaajo ayaa diidan xil ka qaadista wasiirka amniga Xasan Xundubey, balse waxaa suurta-gal ah inuu aqbali karo in Bashiir Goobe uu noqdo taliyaa NISA, qodobkaas oo la fahamsan yahay inaanu sidaas ugu adkeyn. The post Xogta dhex-dhexaadinta FARMAAJO iyo ROOBLE ee xalay iyo waxa kasoo baxay appeared first on Caasimada Online.
  18. Wararkii ugu danbeeyay ee Dagaalo culus oo dhexmaray Falaagada TPLF & Ciidamada Itoobiya. Dagaalada udhexeeya dawlada itoobiya oo kaashanaysa jabhada Axmaarada iyo xoogaga TDF Ayaa Labadii todobaad Ee lasoo dhaafay Sida wararka laga helayo aagaga dagaalku waxay sheegayaan in uu jiray, ismarin waa labada dhinac ah iyadoo dagaalku aanu istaagin, balse maanta ayuu xaalku isbadalay sida lasoo warinayo kadib markii ay iskaga hor yimaadeen dagaalo culus oo sobobay dhimasho iyo maxaabiis dagaal oo lakala qaybsaday. Xoogaga TDF ayaa dhankooda sheegaya in ay guulo waaweyn ka gaadheen dagaaladii maanta, waxayna dhanka kale digniin Udireen ciidamada Ethiopia & kuwa Eritrea ee kusugan Magaalada Dessia oy sheegen inay 24 saac kaga baxaan Magaalada ama dagaal gudaha magaalada ah isu diyaariyan. Halka ciidamada dawlada itoobiya ay sheegeen inay Aagga Gonder ay guulo ka gaadheen ciidamada huwanta , Ethiopia & Axmaarada, kumanaan maxaabiisana ka qabteen TDF. Gooban la isku haysto magaalada Gonder 30 illaa 50 km Majiro warar rasmi ah oo kazoo baxaya aagaga dagaalka ee Ciidamada dawlada iyo kuwo tigreygu balse sida ay qolo kastaa Dhinacooga ku baahinayaan warbhaainta ay leeyihiin amaba Taageera ayaa soo gudbinaya wararka ah midwalba dhinacooga ay guulo ka gaadheen dagaalka. Qaran News
  19. Filim Soomaaliya ku saabsan oo $26 milyan oo doollar laga helay 60 maalmood Gudahood Sawir laga soo jaray filimka “Escape from Mogadishu” Filim cusub oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed oo laga dhigay intii ay socdeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ee 1991-kii ayaa ah filimka ugu lacagta badan waddankan ku yaalla qaaradda Aasiya sannadkan. Illaa $ 26.9 milyan lagu iibiyey tigidhada. Filimkan oo la yirahdo Escape from Mogadishu ayaa ka hormaray filimada Hollywood-ka ee Black Widow iyo Fast & Furious 9, sida ay sheegeen golaha filimada Kuuriya. Filimkan Kuuriyada Waqooyi ayaa dhowaan la baahiyay, sidoo kalana laga sii daayay shaashado aan badnayn. Waa filimkii ugu horreeyey ee dhaafa 3 milyan oo tikidh oo dalka lagu iibiyo sannadkan. Waxaa filimka Escape from Mogadishu oo uu soo saare ka ahaa Ryoo Seung-wan, oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed waxa uuna ka hadlayaa dhacdooyinkii dhabta ahaa ee 1991-dii Soomaaliya, gaar ahaan markii shaqaalaha safaaradda Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed iyo qoysaskoodu, ay ku xayirmeen dagaalkii sokeeye, taas oo horseedday in ay si lama filaan ah u midoobaan shaqaalihii labada Kuuriye. Waxayna diiradda saareen sidii ay uga baxsan lahaayeen magaalada Muqdisho, waxayna iska illaaween khilaafkii u dhexeeyay. Sawir ka mid ah filimka “ka baxsashadii Muqdisho” Filimka Ka baxsashada Muqdisho ayaa gebi ahaanba lagu jilay dalka Morocco sannadkii 2019 waxaana laga sii daayay Kuuriyada Koonfureed 28-kii July ee sannadkan. Waxaa jilaya xiddigaha Koonfurta Kuuriya Kim Yoon-seok, Jo In-sung, Heo Joon-ho iyo Kim So-jin. Filimka oo ay ka muuqdaan labo jilaa oo caan ka ah oo u dhashay dalkaas, Kim Yun-seok iyo Zo In-sung, wuxuu ku saabsan yahay “sheeko dhab ah oo qabsatay diblumaasiyiin u dhashay dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ee ku sugnaa Muqdisho markii uu dagaalkii sokeeye bilowday, 1991”. Sanadihii 1980-meeyadii, dalalka Afrika waxaa si wayn ugu hardamayay Labada Kuuriya oo colaad ba’an ay ka dhexeysay. Afrika waxay Qaramada Midoobeey ku lahayd illaa 50 cod – xilli caalamka uu u kala qeybsanaa Shuuciyad iyo Hanti-wadaag. Sannadkii 1990-kii, labadan dal waxay ku dagaallamayeen sidii ay u heli lahaayeen xubinnimada Qaramada Midoobey. Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii awoodda lahaa ee codkooda laga raadinayay Golaha Loo dhanyahay ee UN. Sida filimka ka muuqato, markii uu dagaalka ku sii xoogeystay Muqdisho Sida filimka lagu sameeyay, Safiirkii Kuuriyada Koonfureed ee Soomaaliya ku sugnaa Han Shin-sung (oo uu matalayo Kim Yun-seok), wuxuu ku sii socday kulan uu la lahaa madaxweynihii Soomaaliya. Wuxuu xilli sii horreeyay abaalmarin ku helay sida uu dalkiisa uga caawiyay in ay hesho codadkii ay uga mid noqdeen Qaramada Midoobeey. Balse, intii uu ku sii socday madaxtooyada wuxuu la kulmay burcad oo dhac u geysatay. Kulankii madaxweynaha sidaa ayuu ku baaqday maadaama uu ka soo dib dhacay ballantii loo qabtay. Xilligaas, wuxuu arkay Safiirkii Kuuriyada Waqooyi Lim Yong-su (oo uu metelayo Huh Joon-ho), oo la sheekeysanayay madaxweynaha. Kuuriyada Waqooyi oo xiriir dhow oo wanaagsan la lahayd dalalka Afrika, waxay markasta ka horeysay Koonfurta Kuuriya oo xifaaltan adag uu kala dhexeeyo – dhinac siyaasadda iyo sirdoonka. Xilligaas oo mustaqbalka dowladda Soomaaliya uusan kala caddeyn, haddana waxaa sii xoogeysanayay loolankii labada Kuuriya u dhexeeyay, sida Filimka lagu jilay. Waxaa filinka ka muuqdo in inta badan magaalada ay maleeshiyaadkii mucaaradka ka dagaalamayeen iyo isgaarsiinta dhan oo la jaray. Markii uu dagaalka xoogeystay, Safiirkii Kuuriyada Waqooyi waxaa weeraray dad ka careysnaa dowladda Soomaaliya. Ka dib wuxuu megengelyo waydiistay Safaaraddii Kuuriyada Koonfureed oo ay boolis hubeysan ilaalinayeen. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dhacay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku biiray dadaallada looga hortagayo in Ikraan Tahliil Faarax ay hesho cadaalad, taasi oo uu ka shaqeynayo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Maxamed Mursal, oo hoos taga Farmaajo, horena ugu gacan siiyey muddo kororsigii fashilmay ee dhaliyey dagaalka, ayaa xiligan door ka qaadanaya daminta kiiska Ikraan, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sidoo kale, Mursal ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo Golihii Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhamaaday lagu soo nooleeynayo, si loo carqaladeeyo dadaalka Ra’iisul Wasaaraha, laguna hor istaago cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo Qoyskeeda. Mursal ayaa Khamiistii ka horyimid dhaarintii Wasiirka cusub ee amniga, taasi oo uu hore u diiday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, waxayna marag ma doon cad u noqoneysa in Mursal oo markale dhinaca saaray saaxiibkii Farmaajo. Mursal ayaa ku doodaya in dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaariyo Golaha Shacabka, wuxuuna shaki galiyay awoodaha Ra’iisul Wasaaraha ee xiliga kala guurka. “Waxaan si xushmad iyo qadarin leh kuula socodsiinayaa in ay Golaha Shacabka soo gaartey in Wasiirka magacaaban uu dhaariyey maanta Wasiirka Cadaalada ee Xukuumadaada iyadoon wax ansixin ah laga codsan Golaha Shacabku si waafaqsan Qodobka 69 (d) iyo 100aad farqadiisa (C) ee Dastuurka Federaalka iyo qodobka 104-aad ee kusaabsan dhaar marinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. “Waxa kale oo xusid mudan inaanu dalka ka jirin firaaq Baarlarnaani ah si waafaqsan Sharci Lr. 30 ee xeeranayo in Baarlamaanka 10aad ee hadda jooga oo wata awoodihiisa Dasturiga ah u dhamaytiran tahay ay Xilka sii haynayaan inta Baarlamanaan kale laga dooranayo.” Maxamad Mursal ayaa hore ugu fashilmay hirgelinta qorshayaasha Farmaajo, kuwaasi oo qaarkooda ay halis u geliyey dalka colaad sokeeye, kadib markii uu meel-mariyey mudda-kororsigii labada sano ahaa ee uu dalbaday Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhamaaday. The post Xog: Mursal oo kusoo biiray dadaallada looga hortagayo in Ikraan ay caddaalad hesho appeared first on Caasimada Online.
  21. Ururada ugu caansan Dunida ee ka soo baxay caloosha Al-qaacidda? Xididdada dhaqdhaqaaqyada Salafi-jihaadku waxay dib ugu noqonayaan dabayaaqadii toddobaatameeyadii ee qarnigii la soo dhaafay, Waxa ay ka bilowdeen Masar, ka dib markii la aasaasay kooxo xag-jir ah oo ujeedkoodu ahaa in lagu soo rogo nidaam “xukun Islaami ah”. Halkaas waxaa ka bilaabmay fikirka jihaadka, kaas oo ku saabsanaa la dagaalanka cadowga gudaha iyo dibaddaba, yacnii, la dagaalanka maamulada ka taliya wadamada muslimiinta u badan yihiin iyo quwadaha caalamka ee taageera iyaga. Ikhwaanul Muslimiin, oo uu aasaasay Xasan al-Banna sannadkii 1928-kii, ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay ururada islaamiga ah ee ugu faca weyn u, wuxuuna saamayn weyn ku lahaa dhaqdhaqaaqyada islaamka ee dunida. Ka dib markii Islaamiyiintu dileen madaxweynihii Masar Maxamed Anwar al-Saadaat 1981, badankooda waxay u qaxeen Afgaanistaan, oo isu beddeshay fagaare “jihaad-doon” oo ka dhan ah Midowgii Soofiyeeti, Mareykanka iyagoo taageero ka helaya dawladaha Khaliijka Carabta oo dhiirri-galinayay socdaalka dhallinyarada Muslimiinta si ay ula dagaallamaan xoogagga Soofiyeeti, iyo xukuumaddii shuuciga ahayd ee Kabul ee dalka ka talineysay ilaa dhammaadkii 1980-maadkii, markaasoo ayna Al-Qaacida u soo if-baxday urur ahaan. Osaama Bin Laden Ururka Al-Qaacida Magaca “Al-Qaacida” wuxuu ka soo bilaabmay maqaal uu qoray Abdullah Azzam oo ah (sheekh Urdun iyo Falastiini ah, oo ku dhiirri-galiyay ragga dhallinyarada ah jihaadka, waxaana lagu dilay qarax baabuur 1989-kii) waxaa lagu dabaacay mid ka mid ah majalladaha lagu daabacay Afgaanistaan. Markaa, Azzam wuxuu ku baaqay in saldhig loo sameeyo mujaahidiinta Afghanistan. Guushoodii halkaas ka dib, qaar ka mid ah dagaalyahanno ka tirsan dalal kala duwan oo Carab iyo kuwa Aasiyaan ah, sidaa darteed waxay si firfircoon ugu faafeen Masar, Liibiya, Sacuudi Carabiya, Urdun, Aljeeriya, Bosnia, Tajikistan, Chechnya iyo waddamo kale. Sannadkii 1998 ayaa la aasaasay “Jabhaddii Islaamka ee Caalamiga ahayd ee la dagaallami lahayd Yuhuudda iyo Saliibiyiinta”, waxaana billowday wixii loo yaqaannay “jihaadkii caalamiga ahaa” ee Al-Qaacida. Isla sannadkaas waxaa la duqeeyey safaaradihii Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania. Balse qaraxii ka dhacay Xarumaha Ganacsiga Adduunka 11 -kii September 2001 -dii, kaas oo ay ku dhinteen saddex kun oo qof, ayaa ahaa kii ugu weynaa abid, kaas oo sababay la iclaamiyay dagaal ka dhan ah mujaahidiinta Afghanistan, ee socday muddo 20 sano ah. Ururo kale iyo dhaqdhaqaaqyo Jihaadi oo Salafi ah ayaa ka soo muuqday gobollo kala duwan, kuwaas oo qaarkood ay ku dhawaaqeen inay daacad u yihiin ururka iyo hoggaamiyahooda Usaama Bin Laadin, kuwo kalena ay ka soo baxeen, laakiin markii dambe waxay sameeyeen ururo madaxbannaan oo wata ajendayaal u gaar ah iyaga oo aan tixraacin Al-Qaacida. Febraayo 2014: Hoggaamiyihii Al-Qaacida ee xilligaas, Ayman Al-Zawahiri ayaa ku dhawaaqay in laga baxay Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Levant, isagoo sharraxay in Al-Qaacida aysan wax xiriir ah la lahayn kooxdan. Al-Qaacidada Gacanka Carabeed Qasim Al-Rimi Waa koox mintidiin ah oo fadhigeedu yahay Yemen oo la aasaasay 2009, isku keentayna shabakadaha xagjirka ah ee Sacuudi Carabiya iyo Yemen waxaa lala xiriiriyaa weerarada lagu qaaday Yemen, Sacuudi Carabiya, Mareykanka iyo Faransiiska. Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in la dilay hoggaamiyihii kooxda, Qassem al-Rimi, kadib weerar Mareykanku ku qaaday Yemen bishii Janaayo 2020. Ururku wuxuu weeraro isdaba joog ah ku qaadayay bartilmaameedyo Maraykanka iyo kuwo kale oo reer galbeed ah oo ku yaal Sacuudi Carabiya iyo Yemen intii u dhaxaysay 2000 iyo 2004. Xagjirnimada Islaamiyiinta ayaa aad ugu soo badatay Yemen 2006, ka dib markii 23 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Qaacida ay ka baxsadeen xabsi ku yaal Sanca. Bishii Ogosto 2009, kooxdan ayaa lala xiriiriyay isku day la yaab leh oo lagu doonayay in lagu dilo Muhammad bin Nayef, oo markaas ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya. Dhowr isku day oo ismiidaamin ah oo ay kooxdu dooneyso inay ka fuliso Mareykanka intii u dhaxaysay 2009 iyo 2010 balse ay ku fashilantay. Xarakada Shabaabul ‘Mujaahidiin’ ee Soomaaliya Qaar ka mid ah xubnaha Al-Shabaab Waa dhaqdhaqaaq Salafiyiin xagjir ah oo ka soo ifbaxay Soomaaliya 2006 -dii, oo ahaa cudud milatari oo ka tirsan Midowgii Maxaakiimta, oo gacanta ku hayey Muqdisho oo ujeeddadiisu ahayd in dalka lagu soo rogo Shareecada Islaamka. Hadafkeedu waa in la dhiso dawlad Islaami ah oo ku salaysan aasaaska Shareecada, waxaana lala xiriiriyay Al-Qaacida iyada oo loo marayo dhexdhexaadinta qaar ka mid ah saraakiisha ururada caalamiga ah ee Bariga Afrika. Sannadkii 2009, xarakadu waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay daacad u tahay al-Qaacida iyo hoggaamiyihii xilligaas, Bin Laden. Dagaalyahanadooda waxaa ka mid 800 oo dagaalyahan oo ka kala socda waddamada Carabta iyo Pakistan, sida uu qoray wargeyska Faransiiska “Le Monde”. Xarakadu waxay maamushaa qayb weyn oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, laakiin waxay kaloo ku guulaysatay inay saamaynteeda ku fidiso meelaha ay ka taliso dawladda Soomaaliya, ee fadhigeedu yahay caasimadda Muqdisho. Warbixin uu soo saaray machadka Hiral, oo ku takhasusay arrimaha amniga, kadib markii uu wareystay xubno ka tirsan Al-shabaab ganacsato, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo kuwo kale, ayaa lagu sheegay in dhammaan shirkadaha waaweyn ee Soomaaliya ay siiyaan mujaahidiinta lacag, lagu bixiyo bil ama “sakada” sanadlaha ah oo gaareyso 2.5%. Ururka IS Khorasan ee Afghanistan Isis-K – ama Gobolka Khorasan ee ururka la baxay Dawladda Islaamiga ah (ISKP)- waa urur-goboleed ka tirsan kooxda Isis (ama kooxda la magacbaxday Dowladda Islaamka) oo ka hawlgala Afghanistan iyo Pakistan. Waa ururka ugu xag-jirsan marka laga hadlayo dhammaan kooxaha jihaad doonka ah ee dalka Afghanistan. Waxaa la aasaasay bishii Janaayo 2015-kii oo ahayd xilligii ay IS haysatay awoodda ugu sarraysa ee Ciraaq iyo Suuriya, ka hor intii aanay kooxda jabinin isbahaysigii uu Maraykanku hoggaaminayay. Waxay shaqaaleysiisaa jihaadiyiinta Afghanistan ​​iyo Pakistan, gaar ahaan kuwa ka goosta Taalibaan-ka Afghanistan ​​oo aan u arkin ururkooda inuu yahay mid ku fulinaya wixii ay rabeen. Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Dowladda Islaamka ayaa lagu qabtay gobolka Nangarhar, Afghanistan. Isis-K ayaa lagu eedeeyay qaar ka mid ah gabood-falladii ugu xumaa sannadadii la soo dhaafay, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday dugsiyada gabdhaha, isbitaallada iyo xitaa qeybta dhalmada halkaas oo sida la sheegay ay ku toogteen haween uur leh iyo kalkaaliyeyaal. Si ka duwan Taliban, oo jeedkoodu ku kooban yahay Afghanistan, kooxda Isis-K ayaa qayb ka ah shabakadda IS ee caalamiga ah oo doonaysa inay weerarro ku qaado bartilmaameedyada reer galbeedka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa bani’aadamnimada, meel kasta oo ay gaari karaan. Isis-K waxaa saldhig u ah gobolka bari ee Nangarhar, oo u dhow waddooyinka mukhaadaraadka iyo kuwa dadka tahriibiya ee gudaha iyo dibadda Pakistan. Tirada kooxda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 3,000 oo dagaalyahan – balse waxaa soo gaaray khasaare aad u weyn markii ay isku dhaceen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afghanistan, iyo sidoo kale Taliban. Tirada kooxda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 3,000 oo dagaalyahan – balse waxaa soo gaaray khasaare aad u weyn markii ay isku dhaceen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afghanistan, iyo sidoo kale Taliban. Dr Sajjan Gohel oo ka socda hay’adda Aasiya Pacific Foundation, ayaa sanado badan kormeerayay shabakadaha mintidiinta ee Afghanistan. Wuxuu yiri: “Dhowr weerar oo waaweyn oo dhacay intii u dhaxeysay 2019-kii iyo 2021, waxaa ku lug lahaa iskaashi dhex maray Isis-K, shabakadda Xaqqani ee Taliban iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee fadhigoodu yahay Pakistan”. Dagaalyahannada IS ayaa hadda ah caqabad weyn oo xagga amniga ah oo ay Taalibaan wajaheyso, arrintaas oo hoggaanka Taliban ay wadaagaan hay’adaha sirdoonka ee reer galbeedka. Ururka Boko Xaraam ee ka dagaallama Nigeria Boko Haram waxay dagaalka hubeysan waqooyiga Nigeria ka billaaben 10 sano ka hor Kooxda Boko Xaraam oo micnaheedu yahay ‘waxbarashada reer galbeedka waa xaaraam’ ayaa weeraro ka bilowday dalka Nigeria sanadkii 2009-kii, iyada oo sheegtay in khilaafo islaami ah ay ka samaynayso Waqooyiga Afrika. Illaa 20 kun qof ayaa ku dhimatay rabshadahan, 2 milyan oo kalena waa ay ku barokaceen sida la sheegay. Sanadkii 2015-kii ayay ku dhawaaqeen in ay ku biireen kooxda Daacish, balse 2016-kii ayay kala go’een kadib markii Daacish ay sheegtay in la badalay Abubakar, laguna badalay nin kale oo lagu magacaabo Abu Musab Al-Barnawi. Ururka Boko Haram kama dhaqdhaqaaqa oo keli ah Nigeria wuxuu sida oo kale uu ka dhaqdhaqaaqaa waddamada dariska la ah sida Chad, Niger iyo Cameroon. Boko Haram waxay soo caan baxday oo ay warbaahinta caalamka soo jiidatay 2014-kii marki dugsi ku yaallo magaalada Chibok ee gobolka Borno oo ay kooxda si aad ah uga dhaqdhaqaaqdo ay ka afduubteen 300 oo gabdhood oo dugsigaasi wax ka baraneysay. Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda sanaddi 2015-kii kooxda Boko Haram wuxuu ka dhigay ururka ugu waxyeellada badan kooxaha uu machadku ku sheegay argagixisada ee caalamka ka dagaallama. Deegaannada kooxda gacanta ugu jira ayaa sanadihi ugu dambeeyey hoos u dhacayey maadaamaa ururka dhexdiisa ay kala qaybsnaan ka dhalatay. Si kastaba ha ahatee, kooxaha islaamiyiinta weli deegaankaasi wey ka dhaqdhaqaaqaan, iyada oo ciidamada dalkaasina ay dadaal ugu jiraan sidi ay kooxdaasi u soo fajari lahaayeen. kooxda Abu Sayaaf ee Filibiin Kooxdan ayaa loogu magac daray Abu Sayyaf oo ah aasaasihii kooxda oo magaciisa caadiga la yirahdo Abd-Razzaq Abu Bakr Janjalani, oo loo yaqaanay Filibiin Abuu Sayyaf, oo ay dileen ciidanka Filibiin sanadkii 1998-kii. Kooxdani waxay ka go’day Jabhaddii Xoreynta Qaranka ee “Moro Front” sannadkii 1991 -kii ee koonfurta Filibiin. Kooxdu waxay higsaneysaa inay dowlad Islaami ah ka hirgaliso jasiiradda galbeedka Mindanao ee koonfurta Filibiin, halkaas oo ay ku badan yihiin Muslimiinta, waxayna kooxdu xiriir la leedahay ururka “Dawladda Islaamka” ee ka soo ifbaxay Suuriya iyo Ciraaq. Maraykanku wuxuu ku liis gareeyay kooxdan oo uu ku daray ururada argagixisada, waxaana kooxdan lagu lagu eedeeyaa in ay fuliyeen hawlgallo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin weerar weyn oo lagu qaaday magaalada Ipil ee jasiiradda Mindanao sannadkii 1995, iyo afduubkii iyo dilkii muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa Maraykanka iyo Reer Yurub, si ay dawladda ugu cadaadiyaan inay fuliso dalabkooda. Waxaa la wareegay hoggaanka kooxda Qaddaafi Janjalani, oo la dhashay Abuu Sayyaf. Janjalani wuxuu Carabi iyo diinta ku bartay Liibiya, Suuriya iyo Sacuudi Carabiya sannadihii sideetameeyadii. Markii uu ku laabtay Filibiin 1990 -kii, wuxuu awood u yeeshay inuu soo jiito dhallinyaro badan oo Muslimiin ah si ay ugu biiraan ururkiisa. Waxaa la sheegay in Usaama Bin Laadin uu taageero dhaqaale oo weyn ku siiyay aasaaskii kooxda kadib markii ay ku kulmeen Afgaanistaan ​​dabayaaqadii siddeetameeyadii, waxaana la sheegay in uu ka soo dagaalamay safka hore ee Al-Qaacida ee ka soo horjeeday duullaankii Soofiyeeti ee Afghanistan xilligaas. Kooxda la baxday Dowladda Islaamka (IS) Duullaankii Mareykanka ee Ciraaq 2003 wuxuu dhiirri -geliyay dhalashada dhaqdhaqaaqyo jihaadi oo salafi ah. kooxda la magacbaxday Dawladda Islaamka waa urur jihaad doon ah oo Ciraaq ka bilowday, kaas oo markii dambe u guuray Suuriya ka dib dagaalladii sokeeye ee qarxay. Sanadkii 2004, Urdun Abu Muscab al-Zarqawi wuxuu aasaasay saldhigga “Jihaadka Mesopotamia”, wuxuu horseeday kacdoon hubeysan oo dhiig ku daatay oo ka dhan ah dowladda Ciraaq iyo ciidamada Mareykanka, wuxuuna fuliyay qaraxyo ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen kumanaan qof oo rayid ah. Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii al-Zarqawi lagu dilay duqeyn cirka ah oo Maraykanku ka fuliyay meel u dhow Baqubah, waqooyiga Baqdaad, waxaa lagu beddelay Abu Ayyuub al-Masri, oo ku dhawaaqay in la aasaasay “Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq”. Sannadkii 2010, Abu Ayuub al-Masri ayaa isku qarxiyay suun qarxa kadib markii uu la kulmay weerar gaadmo ah oo ay qaadeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ciraaq. Hoggaamiyaha Ciraaq, Abu Bakar al-Baqdadi, oo ku dhawaaqay 2013, midowga “Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq” iyo laanta al-Qaacida ee Suuriya “Jabhat al-Nusra” si ay u sameeyaan Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Levant. Hase yeeshee Jabhadda Al-Nusra, ee uu hoggaaminayey Abu Muhammad al-Julani, waxay ku dhawaaqday sannadkii 2016 inay xiriirka u jartay al-Baqdaadi. Jabhadu waxay magaceedii u beddeshay “Jabhadda Fatax al-Sham” ka dib markii Maraykanku ku daray liiska argagixisada, markii dambena magaceedii u beddeshay “Xayaat Taxriir al-Shaam”, oo weli ah awoodda ugu weyn ee saamaynta weyn ku leh Gobolka Idlib, waqooyi -galbeed ee Suuriya. Gobolka Siinaay ee Masar Ururkan ayaa hore loogu yaqiinay magaca”Ansar Beit al-Maqdis” ka hor inta uusan ku dhawaaqin in uu daacad u yahay “Dawladda Islaamka” bishii November 2014. “Ansar Beit al-Maqdis” ayaa soo shaac baxay kacaankii bishii Janaayo 2011, ka dib markii dabley Falastiiniyiin ah ay ku biireen kooxda “Tawxiid iyo Jihaad” ee Masar ee ka hawlgasha Siinaay, waxayna si wadajir ah u sameeyeen kooxdan. Kooxdu waxay hawlaheeda ka bilowday Siinaay ka dib markii la afgambiyay Madaxweynihii Masar Xusni Mubaarak waxayna inta badan bartilmaameedsadaan dhuumaha gaaska Masar ee mara Siinaay ilaa Israa’iil. Markii xukunka laga tuuray madaxweynihii Masar Maxamed Mursi sannadkii 2013 -kii, kooxdu waxay ballaarisay dhaqdhaqaaqyadeedii waxayna xoogga saartay bartilmaameedka kooxaha amniga Masar iyo ciidamada militariga ee Sinai markii hore, ka dibna waxay ballaarisay hawlgalkeeda oo ay ku dartay caasimadda Qaahira, Goza Governorate, iyo meelo kale. Kooxdu waxay hawlgalladeedii ku sii baallaarisay Saxaraha Galbeedka, taas oo ka caawisay in dhulka buuraleyda ah ee gobolka ay gabbaad ka dhigtaan. Weerarada ka dhanka ah Masiixiyiinta ka sokow, ururku wuxuu bilaabay inuu hanjabaad u diro Suufiyada, oo uu u arko inay yihiin bidco. Waxay sheegeen in la dili doono Suufiyada aan toobad keenin. Hawlgallada kale ee ururka ​​waxaa ka mid ahaa weerarro ismiidaamin ah, toogasho, qoor goyn, dil toogasho ah iyo dilal kale oo qorsheysan. Ka sokow ururka Wilayat Sinai, kooxo iyo dhaqdhaqaaqyo kale ayaa ka soo baxay Masar, sida Jund al-Islam, Ajnad Misr iyo al-Murabitoun. Dhaqdhaqaaqyada iyo ururo kale Waxaa jira kooxo, dhaqdhaqaaqyo iyo ururo kale ee ka jira adduunka, waxaana ka mid ah kuwa maxalliga ah sida Al-Qaacidada Maqrib, Ansaar al-Islaam ee gobolka Kurdistan ee Ciraaq, Ansaar al-Shareeca ee Liibiya iyo Dawladda Islaamka ee Galbeedka Afrika oo uu hoggaaminayey Abu Muscab al-Barnawi. Qaran News
  22. Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa weli ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada golaha aqalka sare, gaar ahaan xubnaha sideeda kursi ee ka imaanaya dhanka maamulkaasi, laguna dooranayo Jowhar. Diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah ayaa lasoo gaba-gabeynayaa gelinka dambe ee maanta, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ee HirShabelle. Sidoo kale beri oo Axad ah, kuna beegan 12-ka bisha September ayaa qorshuhu yahay inay hadal jeedin sameeyaan xubnaha musharixiinta ah ee is-diiwaan-geliyey, kadibna waxaa la guda-geli doonaa qabashada doorashada, si loo soo xulo Senatarada ka imaanaya Jowhar. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamada booliiska ay howl-gallo lagu xaqiijinayo nabad-gelyada ka wadaan halkaasi. Doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa ah mid xamaasad leh, kana duwan marka loo eego doorashooyinkii ka dhacay xarumaha kale ee dowlad goboleedyada, kadib markii madaxweyne Cali Cabdullaahi Guudlaawe uu tartanka doorashada ka dhigay mid furan. Kuraasta ayaa waxaa ku tartamayaa ugu yaraan saddex musharrax illaa ugu badnaan lix musharrax, waana sababta xiisadaha u yeeshay doorashada Aqalka Sare ee HirShabelle. Dhinaca kale musharixiinta oo haatan intooda ku sugan Jowhar ayaa wada ololahhoodii ugu dambeeyey, waxaana ka mid ah xubnahaasi siyaasiyiin saameyn ku leh Soomaaliya. Si kastaba HirShabelle ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu dambeeyey ee guda-gala qabsoomida doorashooyinka golaha aqalka sare oo horay uga bilowday maamullada kale. The post Wararkii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  23. Turkiga oo toban sano ka hor August 19, 2011 u soo gurmaday Soomaaliya oo ay ka jirtay macaluul iyo colaad sokeeye ayaa khibrad la wadaaggiisa aqoon, maalgashi dhaqaale iyo ciidan dhiskiisaba gacan weyn ka geysteen dib u soo kabashada dowladnimada dalka. Burburka ka dhacay Afghanistan ayaa marqaati ma doonto u ah inaan laysku hallayn karin cudud shisheeye. Afartii sano ee la soo dhaafay, mudnaanta kowaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa ahayd dhismaha ciidamo tayo xirfadeed iyo asluub waddaninimo leh si loogala wareego AMISOM mas’uuliyadda amniga dalka. September 2017, ayuu Turkiga ka furay Muqdisho Kulliyadda TurkSom oo ay ku baxday maal dhan ilaa 50 malyan doolar lehna awood ay ku tababbarto in ka badan 1,500 askari markiiba iyo 200 sarkaal. Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yılmaz oo la hadlayey wakaaladda wararka “Anadolu” ayaa sheegay in dalkiisu uu u tababbari doono Soomaaliya inta u dhaxeysa 15,000 ilaa 16,000 askari, (Daily Sabah 04/08/2020). Dhawaan, dowladda Turkiga waxay ku deeqay Soomaaliya gawaarida gaashaaman oo iskugu dhafan kuwo aysan karin waxyaabaha qarxa iyo gaadiid leh udub dhexaad lagu rakibo qoryaha darandoorriga u dhaca oo lagula dagaallami doono xagjirta. Wixii ka horreyey 1975-78, Turkigu waxuu lahaa warshado yar oo lagu farsameeyo hubka. Mareykanka oo uu ka iibsan jireen qalabka kabka ayaa ku soo rogay xayiraad, taasoo ku dhalisay inuu si dhaqsa leh u hormariyo warshadaha muhiimka u ah baahidiisa, si uu uga kaaftoomo ku tiirsanaanta Dibedda. Shantii sanadood ee u dhexeysay 2015 – 2019 hub soo dejintiisa waxay hoos u dhacay 48% marka la barbardhigo shantii sano ee ka horreysay. Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo saaraan in ka badan 70% qalabka baahida dalkiisa (BBC News 23/10/2019). Dadaalka heerarka kala duwan ee niyadsamida ku bilowday ayaa unkay xidhiidh bulshadeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Haseyeeshee, siyaasiyiin xildoon ah iyo baraha bulshada aan xasillooneyn ayaa meel kaga dhacay hiilkii walaalnimo. Waxay ahayd faduul dalal gaar ah ay ku doonayeen inay Turkiga suuqa kaga saaraan. Intii u dhexeysay 2010 ilaa 2019 waxuu hub u dhoofiyey ilaa iyo 28 waddan. Waxaa lagu qiyaasayaa hubka uu dhoofiyey 2018 keliya ilaa 2.2 bilyan doolar. Dalka Kenya ayaa ka iibsaday ilaa 118 gawaariga gaashaaman kaddib markii ciidamada gorgor oo ku qalabeysan hubka Turkiga muddo saacada ah ku soo afjareen miliishiya Kenya soo hubaysay. Warshadaha Turkiga ayaa ka mid yihiin 100 shirkadood ee ugu waaweyn adduunka. Waxay si tartiib tartiib ah u kordhiyeen ka iibinta badeecadooda dalal Afrika oo ay ka mid yiniin: Algeria, Burkina Faso, Ghana, Liibiya, Mauritania, Nigeria, Rwanda, Senegal, Tunisia, Uganda (Geopolitical Monitor 16/12/2019). Sida ay December 2020 sheegtay hay’adda “Stockholm International Peace Research Institute’s (SIPRI’s)” Turkigu waxuu ka mid yahay afarta hub dhoofiyeyaal ee soo shaac baxay waayahaan oo ay ka mid yihiin Brazil, Koonfurta Kuriya iyo Imaaraadka [oo dulaala ah]. Maalka la qiyaasayo in dowladda Turkiya ay gelisay warshadaha qalabka difaaca ayaa kor u dhaafaya 60 bilyan doolar, taas oo qiimaha warshadahaas oo ahaa hal bilyan doolar 2002kii, gaarsiisay ilaa iyo 11 bilyan 2020kii (Carnegie Endowment for International Peace 09/10/2020). Lama dafiri karo in Turkigu wixii ka dambeyey u soo gurmadkii Soomaaliya uu noqday ciyaaryahan saameyn ku leh Afrika. Isha: Jamhuriyadda.com The post Soomaaliya – Ma albaabkii TURKIGA ee Bariga Afrika? appeared first on Caasimada Online.
  24. Mogadishu (PP News Desk) — The former Somalia President Sharif Sheikh Ahmed had privately voiced concerns about the electoral bias towards his successor President Hassan Sheikh Mohamud, whose ally Abdullahi Mohamed Nur has been controversially appointed as the Minister for Internal Security. Nur was a State Minister for Finance under the government of President Hassan Sheikh Mohamud. A senior advisor for Sharif Sheikh earlier today told Puntland Post that “the former President is looking into releasing a statement on the partiality of Mohamed Hussein Roble”, the Somali Prime Minister. Former President Hassan Sheikh Mohamud (left) with Roble, the Prime Minister (middle) and Former President Sharif Sheikh Ahmed in Mogadishu in July 2021. On Thursday, Sharif urged the Prime Minister to concentrate on preparing Somalia for indirect elections in line with the agreed timelines. President of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed and the Speaker of the Parliament Mohamed Mursal described Roble’s appointments as a violation of the caretaker government’s duties ahead of presidential elections slated to take place in eight weeks’ time. “Why did we oppose President Mohamed’s term extension of we are expected to be indifferent to what we view as bias to a former President who is plotting a comeback through the Prime Minister’s office? Roble has dropped the ball. His position is gradually becoming untenable” the senior adviser added. © Puntland Post, 2021 The post Former Somalia President Raises Concerns About “Electoral Bias” Towards His Successor appeared first on Puntland Post.