-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kabul (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay ururka Taalibaan ee todobaadkan dib ula wareegay gacan ku heynta guud ahaan dalka Afghanistan ayaa beeniyey kuna adkeystay inuusan la hadlin warbaahinta Israel, sida uu qoray Arabi21.com. Suhail Shaheen ayaa la maqlay isaga oo ka jawaabaya su’aalo ku saabsan xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Afghanistan, oo ay ku jiraan Yuhuudda, oo uu waydiiyey wariye u dhashay Israel oo aan markii hore is sheegin. Wareysiga afhaayeenka Taalibaan ee Shaheen oo ahaa mid dhanka Taleefoonka ah ayaa la maqlayey isago weydiinaya suxufiga “Waa kee TV-ga aad ka shaqeyneyso?” Wariyaha ayaa ku jawaabay, “Kan News, Kan News”, waxaa TV-ga Kan laga leeyahay Israel. Shaheen wuxuu tilmaamay in xarakadu u furan tahay inay la hadasho warbaahinta reer galbeedka iyo suxufiyiinta qaata aqoonsiyo kala duwan. Mar wax laga weydiiyey Shaheen hambalyada ay kooxda Xamas usoo dirtay Taalibaan, wuxuu sheegay inay aad ugu mahadcelinayaan Dhaqdhaqaaqa iska-caabinta Islaamka ee Falastiin, balse wuxuu diiday inay wax wada-shaqeyn ah kala dhaxeyso Xamas. “Waxaan u dagaalameynaa kaliya inaan xureyno Afghanistaan,” ayuu yiri isagoo hadalkiisa kusii daray “Wax iskaashi ah nagama dhexeeyo Xamas, waan u mahad-celinaynaa cid kasta oo noogu hambalyeynaysa madax-bannaanideena.” Kooxda Taalibaan ayaa dib ula wareegtay talada dalka Afghanistaan kadib marakii uu Mareykanka kala baxay ciidamadiisa. Dawlado badan ayaa tan iyo markaas muujiyey dareenkooda ku aaddan xorriyadda madaniga ah iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee dalkaas. Si kastaba ha ahaatee, Taalibaan waxay xaqiijisay inay ilaalin doonto xorriyadda qof walba iyadoo aan loo eegeyn aragtiyadooda diimeed iyo midooda siyaasadeed. The post Afhayeenka Daalibaan oo beeniyey warar laga faafiyey oo la xiriira weriye Israeli ah appeared first on Caasimada Online.
-
Dabley hubaysan oo ka tirsan kooxda Daacish ayaa caawa degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari ku dilay Guddoomiyihii degmadaas Maxamed Axmed Mu’min. Kooxda oo weerar ku soo qaaday degaanka ayaa gudaha u galau degmada Balli-dhidin halkaas oo ay maalmo ka hor ka baxeen ciidamadii Puntland ee ku sugnaa sida ay sheegeen Goob-joogayaal. Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Puntand ee Gobolka Bari oo aan xiriir la samaynay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dhacdadaan inkastoo ay xaqiijiyeen dilka Guddoomiyaha. PUNTLAND POST The post Puntland: Daacis oo dilay guddoomiye degmo appeared first on Puntland Post.
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay inay “sababo bani’aadaminimo” u marti-gelineyso madaxweynihii hore ee dalka Afghanistan Ashraf Ghani kadib markii uu dalkiisa ka cararay xilli ay qabsadeen Taalibaan. “Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta waxay xaqiijineysaa inay dalka kusoo dhoweysay madaxweyne Asharf Ghani iyo qoyskiisa, sababo bani’aadaminimo dartood,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Imaaraadka Carabta. Ghani ayaa Afghanistan ka cararay Axaddii kadib marrii Taalibaan ay kusoo dhowaadeen Kabul, kahor inta aanay kooxda soo gelin magaalada, ayada oo aan la iska caabin. Qoraal uu ku daabacay Facebook ayuu Ghani ku sheegay in “Taalibaan ay guuleysteen” islamarkaana uu dalka uga cararay si looga baaqsado “dhiig data.” Halka uu ku sugan yahay ayaan horey loo ogeyn illaa maanta, waxaana warar la isla dhex-marayey ay sheegayeen inuu u cararay Tajikistan, Uzbekistan ama Oman. Tani ma noqon doonto markii ugu horreysay ee Imaaraadka Carabta ay gacmo furan kusoo dhoweeyaan hoggaamiyeyaal hore iyo qoysaskooda oo kasoo cararay dalkooda. Sanadkii 2017, Imaaradda Dubai ayaa marti-gelisay ra’iisul wasaarihii hore ee Thailand Yingluck Shinawatra, oo lagu xukumay shan sano oo xabsi isaga oo maqane ah. Boqorka Spain Juan Carlos ayaa sidoo kale dibad-joog ku noqday Imaaraadka bishii August ee sanadkii tegay, xilli ay su’aalo ka taagnaayeen halka uu ka keenay hantidiisa. Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale hoy u aheyd hoggaamiyihii hore ee mucaaradka Pakistan Benazir Bhutto muddadii sideedda sano ee dibad-joogga ay aheyd, kahor inta aan dalkeeda lagu khaarijin 2007. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah saddex dal, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya iyo Pakistan, oo aqoonsaday taliskii hore ee Taalibaan ee Afghanistan xukumayey 1996-kii ilaa 2001. The post Madaxweynihii cararay ee Afghanistan oo iska dhiibay dal ka mid ah KHALIIJKA appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa shaacisay kulan aan horey loo shaacin oo maalintii Sabtidii ay gudaha magaalada Muqdisho ku yeeshen Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka Imaaraadka, Mohamed Al-Osmani. Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta twitter-ka ee Safaaradda ayaa lagu sheegay in Rooble iyo Al-Osmani ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal, kaasi oo muddo badan uu ragaadiyey mad-madow badan. Ra’iisul wasaare Rooble iyo Maxamed Axmed Al-Osmani ay si gaar ah u lafo-guray sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa xiriirka labada, loona horumarin lahaa, sida lagu sheegay qoraalka Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya. “Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Sabtidii, 14-ka August 2021-ka qaabilay Mudane Maxamed Al-Osmani, Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya. Intii uu kulanku socday waxaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo siyaabaha loo horumarin karo.” Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa inta badan xumaa muddadii uu Soomaaliya madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xiriirka u wada-jiray dalalka ugu dhow Soomaaliya deris ahaan iyo ganacsi ahaan, sida Kenya, Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya. Imaaraadka ayaa bishii April 2018 joojiyey tababarkii uu siinay jiray ciidamada Soomaaliya kadib markii dowladda ay garoonka Aadan Cadde ku qabsatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo loo waday howlaha safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho. Waxaa hadda socda dadaalo ay xukuumadda xil-gaarsiinta ku horumarineyso xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dalka, taasi oo qeyb ka ah siyaasadda cusub ee Rooble uu ku wajahayo arrimaha dibedda, si loo hagaajiyo xiriiradii uu xumeeyey Farmaajo. The post Imaaraadka oo shaaciyey kulan aan horey loo ogeyn oo ay la yeesheen R/W Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida bilicda Somaliland, ayaa dib u cusboonaysiiyay amar uu sanadkii 2015 madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxammed Maxamuud (Siilaanyo) Somaliland kaga mamnuucay isticmaalka bacda. Wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire, oo u hadlay gudida bilicda, ayaa ku dhawaaqay in dib loo qadhan galin doono amarkii uu madaxweyne Siilaanyo ku mamnuucay isticmaalka bacda noocyadeeda kala duwan ee loo isticmaalo in alaabada lagu qaato. “Kulan aanu yeelanay waxa kasoo baxay in la dhaqan galiyo oo la dar dar galiyo digreetadii uu 2015 soo saaray madaxweynihii hore ee Somaliland ee mamnuucaysay isticmaalka bacaha, in cidii lagu qabto ku xad gudubka sharcigaa sharciga la mariyo, in lagu wargaliyo dadka ka ganacsada in xeerkan la dhaqan galin doono maanta oo bishu 18 tahay” ayuu yidhi. Isticmaalka bacda ayaa Somaliland digreeto madaxweyne lagaga mamnuucay sanadkii 2015, xiligaas oo xukuumadii Siilaanyo qaaday dagaal ka dhah ah bacda, balse mudo kooban kadib fashil ayaa ku yimid oo muu noqon go’aan sii shaqeeya, maanta ayaa markale dib loo cusboonaysiiyay dagaalka ka dhan ka ah bacda, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Kapu)-Ugu yaraan saddex qof ayaa la dilay, 12 kalena dhaawac ayaa soo gaadhay kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen shacab dibad-baxayey oo dejiyey calanka Taalibaan, magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan. Calanka caddaanka iyo madowga ah ee Taalibaan, oo ka taagnaa ranaboot ku yaalla magaalada Jalalabad oo 115 km bari ka xigta caasimadda Kabul, ayaa la dejiyey waxaana laguna beddelay calanka madowga, casaanka iyo cagaarka ah ee dowladii hore ee Afghanistan, Arbacadii. Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan ee dhowaan ay ku dhowaaqday Taalibaan ayaa illaa hadda isticmaaleysa calanka caddaanka iyo madowga ah ee ay dhexda kaga qoran tahay shahaadada. Calanka madowga, casaanka iyo cagaarka ah, oo ay adeegsanayeen dibad-baxayaasha maanta ayaa loo akraa inuu matalayo dowladdii la riday ee dalkaas. Afhayeen u hadkay Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay inay socdaan wada-hadallo ku saabsan calanka qaran ee mustaqbalka, ayada oo go’aan ay ka gaadhi doonto dowladda cusub ee dhalan doonta. Sidoo kale, Arbacada maanta ah, taallada Sheekh Shiico oo caan ah oo la-dagaalamay kooxda Taalibaan intii uu socday dagaalkii sokeeyey ee Afghanistan ee sagaashamaadkii, ayaa lagu burburiyey gobolka ku yaalla badhtamaha ee Bamiyan, sida ay muujinayaan sawirro lagu faafiyey baraha bulshada. Dhanka kale, Taalibaan ayaa sheegtay in mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda iyo aas-aasayaasheeda, Mullah Abdul Ghani Baradar uu Afghanistan kusoo laabtay markii ugu horreysa in ka badan 10 sanno. Afhayeen u hadlay kooxda ayaa tweet ku sheegay in Baradar oo ah madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan, uu yimid magaalada Kandahar ayada oo ay wehliyaan wufuud. Muuqaal uu afhayeenka soo dhigay twitter ayaa muujinayey dad kasoo degaya diyaarad una sacbinaya nin la rumeysan yahay inuu yahay Baradar, ayada oo qoraal la socday muuqaalka lagu sheegay inuu ka yimid dalka Qatar. Muuqaalka ayaa sidoo kale muujiyey diyaaradda Qatar ee C17 oo ku sugan garoonka Kandarah. Goobta muuqaalka ayaa waxaa xaqiijiyey Reuters, oo la barbar dhigtay xogta dhulka iyo aagga ku hareereysan. Baradar ayaa waxaa 2010-kii lagu xidhay Pakistan, hase yeeshee waxaa xabsiga laga sii daayey 2018 kadib markii uu codsaday maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, si uu uga qeyb-galo wada-hadalladii u dhaxeeyey labada dhinac. Source
-
Taiwan celebrated the first anniversary of its diplomatic cooperation with Somaliland with a promise to help in the economic empowerment of the people of the Horn of Africa nation. Taiwan opened its embassy in Somaliland capital Hargeisa in August last year and marked the first anniversary by awarding scholarships to students to study Taipei. Taiwan Representative to Somaliland Ambassador Allen C. Lou hosted Somaliland vice president H.E. Abdirahman Abdallahi Ismail Saylici, and other dignitaries from Foreign Affairs and International Cooperation, Ministries of Health, Agriculture, Telecommunication and Technology, Education and Science and National Commission for Higher Education. “On August 17, 2020, the Taiwan Representative Office was established in Hargeisa. This marked a milestone in relations between our two nations. Accordingly, our cooperation has deepened in many areas.”Ambassador Allen C. Lou, Representative of Taiwan Representative Office in the Republic of Somaliland said “We celebrate together 1st anniversary of the establishment of the Taiwan Representative Office in the Republic of Somaliland and Taiwan Scholarships awarding ceremony” Ambassador Allen C. Lou added: “We are pleased to have implemented numerous cooperation in areas that are fundamental to national development, such as agriculture, healthcare, ICT, energy, business, etc. We are confident that the mutually beneficial and friendly ties between Taiwan and Somaliland will be further deepened.” Ambassador Allen C. Lou Taiwan is also helping Somaliland to foster human capital development. To this end, Taiwan is helping Somaliland young talents building dreams through education as the USA did for Taiwan several decades ago. We believe that once the Somaliland young talents are equipped with big wings, the sky is their limit. In today’s celebrations, I am happy to see that 20 young talents have been awarded for the Taiwan Government Scholarships (Taiwan Scholarship and Taiwan ICDF Scholarship). While quoting an African proverb, the Taiwan representative said: ” If you educate a man you educate an individual, but if you educate a woman you educate a family (nation). I am also happy to see that today there are four female young talents to be awarded Taiwan Scholarships to study in Taiwan. Most of them study medicine and medical management. ” Taiwan has already set goals to develop Somaliland in key areas among them Healthcare, Agriculture, ICT, and Democratic Development (2021 Somaliland Parliamentary and Local Government elections). The government of Taiwan supports the Somaliland government in its efforts to advance democracy and freedom. Taiwan is to implement emergency and humanitarian aids, development cooperation, and mutual assistance, and mutual benefits cooperation to benefit both peoples. Business week Qaran News
-
Kabul (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa la dilay, 12 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen shacab dibad-baxayey oo dejiyey calanka Taalibaan, magaalada bari ee Jalalabad ee dalka Afghanistan. Calanka caddaanka iyo madowga ah ee Taalibaan, oo ka taagnaa ranaboot ku yaalla magaalada Jalalabad oo 115 km bari ka xigta caasimadda Kabul, ayaa la dejiyey waxaana laguna beddelay calanka madowga, gaduudka iyo cagaarka ah ee dowladii hore ee Afghanistan, Arbacadii. Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan ee dhowaan ay ku dhowaaqday Taalibaan ayaa illaa hadda isticmaaleysa calanka caddaanka iyo madowga ah ee ay dhexda kaga qoran tahay shahaadada. Calanka madowga, gaduudka iyo cagaarka ah, oo ay adeegsanayeen dibad-baxayaasha maanta ayaa loo akraa inuu matalayo dowladdii la riday ee dalkaas. Afhayeen u hadkay Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay inay socdaan wada-hadallo ku saabsan calanka qaran ee mustaqbalka, ayada oo go’aan ay ka gaari doonto dowladda cusub ee dhalan doonta. Sidoo kale, Arbacada maanta ah, taallada Sheekh Shiico oo caan ah oo la-dagaalamay kooxda Taalibaan intii uu socday dagaalkii sokeeyey ee Afghanistan ee sagaashamaadkii, ayaa lagu burburiyey gobolka ku yaalla bartamaha ee Bamiyan, sida ay muujinayaan sawirro lagu faafiyey baraha bulshada. Dhanka kale, Taalibaan ayaa sheegtay in mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda iyo aas-aasayaasheeda, Mullah Abdul Ghani Baradar uu Afghanistan kusoo laabtay markii ugu horreysa in ka badan 10 sano. Afhayeen u hadlay kooxda ayaa tweet ku sheegay in Baradar oo ah madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan, uu yimid magaalada Kandahar ayada oo ay wehliyaan wufuud. Muuqaal uu afhayeenka soo dhigay twitter ayaa muujinayey dad kasoo degaya diyaarad una sacbinaya nin la rumeysan yahay inuu yahay Baradar, ayada oo qoraal la socday muuqaalka lagu sheegay inuu ka yimid dalka Qatar. Muuqaalka ayaa sidoo kale muujiyey diyaaradda Qatar ee C17 oo ku sugan garoonka Kandarah. Goobta muuqaalka ayaa waxaa xaqiijiyey Reuters, oo la barbar dhigtay xogta dhulka iyo aagga ku hareereysan. Baradar ayaa waxaa 2010-kii lagu xiray Pakistan, hase yeeshee waxaa xabsiga laga sii daayey 2018 kadib markii uu codsaday maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, si uu uga qeyb-galo wada-hadalladii u dhaxeeyey labada dhinac. REUTERS + VOA The post Wararkii ugu dambeeyey Afghanistan iyo dad maanta loo dilay sabab yaab leh appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Islamic Development Bank (IsDB) Group Private Sector Institutions to Host the Private Sector Forum 2021 The main objective of the Private Sector Forum is to highlight IsDB Group activities, services, initiatives and joint solutions in member countries (investment, trade and insurance) TASHKENT, Uzbekistan, August 18, 2021/ — The private sector institutions of the Islamic Development Bank (IsDB) Group (www.IsDB.org) will organize the “Private Sector Forum” on September 2, 2021, in Tashkent City Congress Hall, Tashkent – the Republic of Uzbekistan, from 09:30 am to 04:30 pm (Tashkent time), in conjunction with the 46th Annual Board of Governors Meeting of the Islamic Development Bank Group, under the theme “Respond, Restore, Restart: Post-COVID Resilience and Prosperity for all”. The main objective of the Private Sector Forum is to highlight IsDB Group activities, services, initiatives and joint solutions in member countries (investment, trade and insurance). The Private Sector Forum shall provide a unique platform to network and establish business relations and partnerships with other leading representatives and counterparts from the business community to share their related experience, success stories & best practices, and explore together the investment and trade opportunities offered by CIS countries. Furthermore, it will connect business communities in member countries by arranging parallel B2B and B2G scheduled meetings. The Forum will discuss the future outlook to overcome the COVID-19 pandemic. In addition, the Forum will highlight the IsDB Group’s US$ 2.3 billion Strategic Preparedness and Response Program (SPRP) for COVID-19 under its 3Rs approach “Respond, Restore and Restart”. The Forum will also witness high callibre of speakers who will join and share their in-depth perspectives with the IsDB Group Entities Chief Executive Officers: Mr. Oussama Kaissi, the Chief Executive Officer of the Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC); Mr Ayman Sejiny, the CEO of the Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD) and Eng. Hani Salem Sonbol, the Chief Executive Officer of the International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC). The Forum will gather more than 1,000 participants from multiple sectors across the globe such as government officials, Chairmen, Presidents & CEOs of local and international companies, multilateral and financial institutions, chambers of commerce & industry, business associations, investment promotion agencies, individual investors, entrepreneurs, hundreds of policy and decision-makers, as well as their Excellencies the Governors of the Islamic Development Bank. For further information, please refer to the event’s website (www.IsDBG-PSF.org). Distributed by APO Group on behalf of Islamic Development Bank Group (IsDB Group). Access Multimedia Content About Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC): ICIEC is a member of the Islamic Development Bank (IsDB) Group. ICIEC was established in 1994 to strengthen the economic relations between member countries of the OIC. Over 27 years, ICIEC has insured in trade and investment more than USD78 billion. USD 62.3 billion represents support for exports and imports, while USD 15.6 billion covered foreign direct investments into ICIEC’s member countries. ICIEC is Rated Aa3 by Moody’s. ICIEC’s cover has been provided to its 47 member countries across the Muslim world, assisting in their economic prosperity, development and diversification. ICIEC is recognized as the preferred enabler of trade and investment for boosting sustainable economic development in Member Countries, facilitating trade and investment between member countries and the world through Shariah-compliant risk mitigation solutions and tools. iciec.isdb.org Website: ICIEC.IsDB.org Social media: Twitter: @ICIEC_IDB LinkedIn: ICIEC Facebook: @ICIEC.IsDB YouTube: ICIEC.IsDB About the Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD): The Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD) is a multilateral organization affiliated with the Islamic Development Bank (IsDB). Its authorized capital stands at USD 4 billion, of which USD 2 billion is available for subscription. Its shareholders consist of the IsDB, 55 member countries and five public financial institutions. Headquartered in Jeddah, ICD was established by the IsDB Board of Governors during its 24th annual meeting held in Jeddah in Rajab 1420H (November 1999). The mandate of ICD is to support the economic development of its member countries by providing financial assistance to private sector projects in accordance with the principles of Shari’ah, aimed at creating employment opportunities and enhancing their export potential. Furthermore, ICD has the mandate of mobilizing additional resources for projects and encouraging the development of Islamic finance. It also attracts co-financiers for its projects and provides advice to governments and private sector groups on policies aimed at encouraging the establishment, expansion and modernization of private enterprises, the development of capital markets, best management practices, and the enhancement of the role of market economy. ICD’s operations complement the activities of IsDB in member countries and also those of national financial institutions. Website: ICD-PS.org Social media: Twitter: @ICD_PS LinkedIn: ICD_PS Facebook: @icdps YouTube: ICD_PS _TV About the International Trade Finance Corporation (ITFC): The International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) is a member of the Islamic Development Bank (IsDB) Group. It was established with the primary objective of advancing trade among OIC member countries, which would ultimately contribute to the overarching goal of improving socioeconomic conditions of the people across the world. Commencing operations in January 2008, ITFC has provided more than US$55 billion of financing to OIC member countries, making it the leading provider of trade solutions for these member countries’ needs. With a mission to become a catalyst for trade development for OIC member countries and beyond, the Corporation helps entities in member countries gain better access to trade finance and provides them with the necessary trade-related capacity building tools, which would enable them to successfully compete in the global market. Contact us : Twitter: @ITFCCORP Facebook: @ITFCCORP Linkedin: International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) Tel: +966 12 646 8337 Fax: +966 12 637 1064 E-mail: ITFC@itfc-idb.org About the Islamic Development Bank Group Business Forum (THIQAH): The Islamic Development Bank Group Business Forum (THIQAH) is the window of the IsDB Group that facilitate contact and coordination between entities concerned of the IsDB Group and private sector firms and related institutions in IsDB Group member countries. The main objective of THIQAH is to establish a unique platform for effective dialogue, cooperation and inclusive partnership for business leaders committed to partnering in promising investment opportunities. Through facilitation and catalyst roles, THIQAH will be leveraging IsDB Group’s resources to offer necessary services and confidence to investors and to establish strategic partnerships with the leaders of the private sector. The primary focus will be on maximizing cross-border investment among member countries to be supported by IsDB Group’s financial products and services. (www.IDBGBP.org) SOURCE Islamic Development Bank Group (IsDB Group) Qaran News
-
Maxkamada Ciidamada S/land oo dil toogasho ah ku xukuntay Askari Dil geystay Maxkamadda Ciidanka Milatariga Somaliland ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay Cismaan Diiriye Buraale oo ah askarigii jaamacadda Camuud ku dilay Marxuum Ibraahim Salaad oo ka mid ahaa ardayda jaamacadda Camuud Qaran News
-
Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Oo Daah-Furay Xarunta Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyada Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray xarunta barashada dastuurka iyo waddaniyada Jamhuuriyada Somaliland oo ay aas-aastay wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurku. Munaasibadaa ballaadhan ee daahfurka Xarunta Barashada Dastuurka iyo waddaniyadda waxa kasoo qayb-galay xubno ka mid ah golaha wasiiradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka, badi aqoonyahanka iyo waxgaradka Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxda Jaamacadaha dalka, ururada bulshada rayidka ah, dhalinyaro iyo marti sharaf kale. Ugu horeyn waxa sharaxaad guud ka bixiyey xaruntani lagu baran doono dastuurka iyo waddaniyada agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf. Waxaana hadalka iskaga dambeeyey Drs Edna Aden Ismaaciil, Gudoomiyaha dallada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan Warsame iyagoo dhammaantood tilmaamay ahmiyadda ay xaruntani Qaranka u leedahay. Sidoo kale waxa madasha ka hadlay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, mudane Maxamed Kaahin Axmed, Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, mudane Mustafe Cali Bille, Cadaaladda, mudane Saleebaan Warsame guuleed, Macdanta iyo Tamarta, mudane Jaamac Maxamuud Cigaal, waxaanay soo dhaweeyeen muhiimada ay xarruntani u leedahay qaranka. Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo munaasibada ka hadlay ayaa tilmaamay marxaladihii kala duwanaa ee xaruntani soo martay waxaanu hoosta ka xariiqay qorshaha mustaqbalka ee xaruntani hiigsanayso. Gebo-gebadii iyo Gunaanadkii waxa madashani soo xidhay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ku amaanay wasiirka iyo wasaaradda ka *****nta ujeedooyinkii loo aas-aasay wasaaradda, sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku booriyey bulsho weynta Somaliland Barashada Dastuurka iyo wadaniyadda. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay xubnaha guddiga, kaasi oo salka ku haya soo saarista harbaaca doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee shalay la shaaciyey. Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in khilaafka ka dhex aloosan xubnaha guddiga uu salka ku hayo faro-gelin uga imaaneysa maamulada qaarkooda, oo ayagu ku qasbaya inay diidan habraaca doorashada Golaha Shacabka. “Waxaa jira waa cadaadis ka imaanaya maamul goboleedyada oo ay saarayaan guddiyada ka socda, oo ay soo magacaabeen, taasi waxay xad-gudub ku tahay madax-bannaanida guddiga iyo hufnaanta doorashada,” ayuu yiri Guddoomiye Cirro. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in xubnaha ay soo xuleen maamul goboleedyada ee qeybta ka ah Guddiga, ay hadda yihiin kuwa madax-banaan oo aan ka amar qaadan karin madaxdii soo magacaabay. “Guddiga maamul goboleedyada waa ay soo magacaabeen oo keliya, laakin hadda waa guddi madax-banaan, wada-ogol ayaa muhiim ah iney wax ku dhamaadaan.” Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in si gaar ah farta loogu fiiqayo madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullahi Deni, oo ayagu doonaya in habraaca doorashada awood badan lagu siiyo maamul goboleedyada, ayna kasoo horjeedaan habraaca soo baxay shalay, oo aan noqon sidii ay doonayeen. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa si gaar ah u doonaya inay awood weyn ku lahaadan soo xulista ergooyinka soo dooranaya xildhibaannada golaha shacabka, wuxuuna habraacu jideynayaa inay soo xulaan guddiga xulista ergada oo ka kooban Oday dhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga. The post Cirro oo shaaciyey cidda ka dambeysa khilaafka ka dhex qarxay guddiga doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Islaamiyiinta Soomaaliya, oo ay hoggaan u ahaayeen Maxkamadihii shareecada Islaamka ee soo shaac-baxay sannadkii 2006, waxa ay ku fashilmeen in ay midnimadooda iyo wadajirkooda adkeeyaan, sida ay u adkeeyeen Islaamiyiintii Afghanistan, oo ay horkacayeen Taalibaan oo, markii u horreysay la wareegtay xukunka Afghanistan sannadkii 1996, ka hor inta uusan Mareykanku afgambinin sannadkii 2001. Maxkamadaha inay kala qaybsamaan, oo ay qaybo badan u kala go’aan, waxa ay ku timid fara-gelin shisheeye ee dhanka Mareykanka, oo xoogga saaray inuu kala jejebiyo garabkii siyaasadda iyo garabkii militariga ee Maxkamadaha, maadaama ay halis weyn ku noqdeen danihii awoodeed, ee uu ka lahaa Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe. Maxaa Mareykanka uga suuragalay Soomaaliya? Hal arrin oo istaraatiijiyad ahaan muhiim u ahayd Mareykanka, waxay ahayd inuu hubiyo in cadowgiisu uusan yeelanin midnimo uu kaga hor-yimaado quwaddiisa, kuna soo hujuumo danihiisa. Sidaas awgeed, waxaa Mareykanka Soomaaliya uga suuragalay arrin uga suurageli weyday Afghanistan. Mareykanka wuxuu ku guuleystay in Maxkamadihii Islaamka loo kala qaybiyo laba kooxood oo iska horjeeda, oo dhexdooda dagaallama, iskuna haysta awoodda xukunka. Waxay ka kala dhigeen: Koox ay ku sheegeen qunyar-socod, oo uu madax ka yahay Guddoomiyihii dhammaa ee Maxkamadaha, Shariif Sheekh Axmed, oo ka fakaday furimihii dagaalka ee jiidda Jubada Hoose, si lama filaan ahna isugu dhiibay safaaradda Mareykanka ee Nairobi, Kenya. Iyo koox ay ku sumadeeyeen ‘mintidiin’, oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo dhallinyaro uu isagu ku soo ababiyey fekerka jihaadiga, sida Axmed Cabdi Godane, Aadan Xaashi Ceyrow iyo Mukhtaar Roobow Mansuur. Kooxda hore, ee ay Mareykanka ku sheegeen ‘qunyar-socodka’ ayaa la dowladeeyey, ka dib shirweyne siyaasadeed oo lagu qabtay dalka Jabuuti, sannadihii 2008/2009, waxaana lagu wareejiyey magacii dowladnimada ‘federaalka’ Soomaaliya, oo ay horey u haysteen koox ka koobneyd qabqableyaal dagaal, oo jaal la ahaa Itoobiya. Hab-dhismeedka federaalnimo ee dowladdaas, oo ay lahaayeen Itoobiyaanka, ayaa ahaa mid ka soo horjeeday ahdaaftii Maxkamadaha, laakiin maadaama xilal sare loo dhiibay waxay kooxdii qunyar-socodku ku qanacday jagooyinkii looga qaaday kuwii Itoobiyaanka ay dowladeynayeen. Qorshaha militari iyo xeeladda siyaasadeed ee Mareykanku uu ka lahaa shirkii Jabuuti, oo hoggaamintiisa ay u dhiibeen ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midiobay, Ahmedou Ould-Abdalla, waxay ahayd inuu Maxkamadaha ka dhex helo xulufo ‘qunyar-socod’ ah oo ogol faragelinta Mareykanka, oo uu ka horgeeyo kuwa uu u aqoonsaday ‘mintidiinta’ ee diiddan faragelinta Mareykanka. Dhanka Afghanistan, Mareykanka – iyaga oo ka faa’iideysanaya tijaabada ay ka sameeyeen Jabuuti iyo guushaas kala-qaybinta ee ay ka gaareen Soomaaliya – waxay damceen in ay sidii oo kale siyaasaddaas kala-furfurka ka fuliyaan Afghanistan. Waxaa-se ay ku guuleysan kari waayeen in ay sidii Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya oo kale u kala qaybiyaan Taalibaan. Muxuu Mareykanku ugu fashilmay Afghanistan? Guuldarrada Mareykanka ka qabsatay Afghanistan waxaa ugu wacnaa hoggaanka Taalibaan oo adkeeyey midnimadooda, iskana diiday isku-daygii Mareykanku ku doonayey inuu ku damac-geliyo in iyaga lagu dowladeeyo, oo ay xilal iyo xoolo helaan. Hoggaanka Taalibaan wuxuu aaminsanaa in cidda bixin doonta sharciyadda dowladnimo ay tahay shacabka Afghanistan, halka hoggaankii Maxkamaduhu aaminay in cidda bixisa sharciyadda dowladeed ay tahay Mareykanka, Itoobiya iyo wadammada ajnabiga ee danaha ka leh Soomaaliya. Diidista ay Taalibaan iska diiday inay la mid noqoto Maxkamadihii Islaamka Soomaaliya, ayaa Mareykanka ku kallifay inay dalka Afghanistan dibaddiisa ka soo daabulaan dad dibad-joog ah, sida Madaxweynihii fakaday, Ashraf Ghani. Arrintaan dambe ayaa shaqeyn weyday oo keentay guusha degdegga ah ee Taalibaan, oo dalkii Afghanistan dib u wada qabsatay labaatan sano kaddib. Waxaa qoray Maxamed Xaaji Ingiriis oo wax ka dhigo Jaamacadda King’s College ee Magaalada London. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Guulaha uu Mareykanka ka gaaray Soomaaliya balse uu Afghanistan kaga fashilmay appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa baaraya dhimashada dad rayid ah oo reer Afgaanistaan ah oo ka soo dhacay diyaarad militari kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Kabul. Muuqaalo ay baahiyeen warbaahinta Afgaanistaan Isniintii la soo dhaafay ayaa muujinayay muwaadiniin rogrogaya meydadka dad ka soo dhacay guryo ka dib markii ay ku dhegeen taayirada diyaarad ka duushay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Afghanistan ee Kabul. Isniintii la soo dhaafay, warbaahinta maxalliga ah iyo dadka isticmaala baraha bulshada ayaa faafiyay muuqaalo naxdin leh oo muujinaya muwaadiniin reer Afgaanistaan ah oo ku dheggan taayirada diyaarad militari oo Mareykan ah markii ay ka duushay gegida diyaaradaha ee Kabul ka hor inta aysan ka soo dhicin markii diyaarada gashay hawada sare. Muuqaalka ayaa muujinaya diyaaradda xamuulka ciidamada Maraykanka ee C-17 oo isku diyaarinaysa inay duusho, halka boqolaal dhalinyaro reer Afgaanistaan ah ay ordayaan horteeda iyo hareeraheeda, tiro ka mid ahna ay ku dhegganayeen lugaha diyaaradda oo weli kusii socotay dhabaheeda inta aysan duulin ka hor. Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sidoo kale aad isula wadaagay clip kale oo muujinaya qof rakaab ah oo saran mid kamid ah dayaaradaha oo qof kale gacanta kaso qabanaya si uu uga so galiyo albaab furan oo diyaaradda ku yaal, waxaana qofkii dhulkajoogay u suurogashay inuu fuulodiyaarada isagoo kaashanaya dadka kale ee dhulka jooga, iyadoo aan la ogeyn halkii ay ku dambeeyeen. Muuqaal kale ayaa muujinaya koox dad ah oo taagan hareeraha meydka qof ku soo dhacay dhisme dushiisa kadib markii ay ku dhegeen isaga iyo kuwa kale taayirrada diyaarad ka duushay garoonka diyaaradaha ee Kabul. Waxaana jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay fowdo iyo isbuurasho ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul subaxnimadii Isniinta taas waxana ciidamada Mareykanka ay rasaas kor ugu rideen dad badan oo reer Afgaanistaan ah oo soo buux dhaafiyay dhabaha diyaaradaha ku ordaan ee garoonka. Askarta Mareykanka ayaa mas’uul ka ah sugidda amniga garoonka si ay gacan uga geystaan daadgureynta shaqaalaha safaaradda Mareykanka iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee ka socda wadamo dhowr ah, iyo sidoo kale rayidka kale ee doonaya inay baxaan kadib markii xoogagga Taaliban ay Axadii lasoo dhaafay la wareegeen inta badan xarumihii ku yaalay caasimadda. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (PP News Desk) — Members of the Somali Electoral Commission have issued contradictory press releases on guidelines for overseeing indirect elections. One group has described the new guidelines as “exclusive”. “It is unfortunate that members of the Commission under the chairmanship of Mohamed Hassan Irro have issued a press release on electoral guidelines for the selection of MPs without unanimous approval of the Commission members” reads the press release from the disgruntled members of the Somali Electoral Commission. Disagreements on overseeing indirect elections emerged after some members of the Commission demanded revision of guidelines. A voting on the proposal carried out in Mogadishu resulted in the majority of the members to oppose what a member describes as “unnecessary and a waste of time”. A faction of Somali Presidential Candidates has expressed dismay over the recent selection of Upper House senators in Puntland, Jubaland and Galmudug. © Puntland Post, 2021 The post Somali Electoral Commission Members Disagree On Guidelines appeared first on Puntland Post.
-
Hotel Dhammaan Shaqaalihii Dumarka ahaa ka yaaceen markii Taalibaan u cunto doonteen Xoogaga Taliban Iyadoo ay shacabka Afghanistan billaabeen inay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda, noolashuna ay si tartiib ah caadi ugu soo laabatay, ayaa waxaa si weyn isu bedalay dhaqamada markii hore caadiga ka ahaa caasimadda Kabul. Milkiilaha huteel ku yaal caasimadda ayaa BBC u sheegay in 28 kamid ah ciidamada Taliban ay cunno u soo doonteen maqaayaddiisa, taasoo dhalisay in shaqaalaha goobta ay dareemaan cabsi. “Eeg, waxaan rabnaa in aan xaqiijinno amniga goobtan, cid kastana wey sheegan kartaa in ay tahay Taliban, marka na tusa aqoonsi muujinaya in aad tihiin Taliban si aan u hubino heybtiina,” ayuu ragga hubaysan u sheegay madaxa ilaalada huteelka. Isfahan kadib, raggii hubeysnaa ayaa gudaha galay, waxaan la siiyay cunnadii taalay maqaayadda oo dhan. Muddo kadib, waxaa raashin soo doontay dadkii huteelka jiifay, balse waxaa loo sheegay in wixii yaallay oo dhan ay dhameysteen Taliban. “Maalmo ka hor waxa ay ahaayeen cadowgeena, oo waxaan lahayn ilaalo naga difaacda. Maanta se waxa ay ku sugan yihiin huteelka hortiisa oo xitaa iyaga ayaa kala hagaya gaadiidka,” ayuu yiri milkiilaha huteelka oo ka hadlaya Taliban. Waxa uu intaa raaciyay in dhammaan dumarkii shaqaalaha ka ahaa huteelka, gaar ahaan kuwa ku hawlanaa soo dhaweynta iyo nadaafadda inay guryahoodda joogaan oo ay ka baqayaan Taliban. “Ragga shaqaalaha ah oo markii hore garka xiiran jiray ayaa timaha deystay oo ma aysan xiiran saddexdii maalmood ee la soo dhaafay,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Waxa uu sidoo kale sheegay in la joojiyay muusigii laga ciyaari jiray huteelka, oo ay shaqaalihiisa ka taxadarayaan in dhibaato uga timaado arrinkaas. Lama sheegin wax rabshado ah oo ilaa hadda ka dhacay Kabul tan iyo markii ay la wareegeen Taliban, balse dadka deegaanka ayaa ku warramaya in diyaarado badan oo kuwa ciidanka ah ay isticmaalayaan garoonka caasimadda. “Waxaa muuqata in tirada dagaalyahannada Taliban ee soo galaya caasimadda ay korortay oo intooda badan ay ka soo galeen dhanka gobolka Logar ee koonfurta uga beegan caasimadda. Inta aan ka arkay waa dad wanaagsan, oo xitaa qaarkood ayaa ku weydiinaya caafimaadkaaga iyo in aad caawin u baahan tahay,” ayuu yiri milkiilaha huteelka. Shacabka xoogsatada u badan ee Kabul ayaa sheegay in muhiimaddoodu tahay nabad oo aysan wax badan soo kordhineyn cidda maamulka haysan, Taliban ama Maraykan. Muuqaal aan saxnaashihiisa la xaqiijin oo Talaadadii lagu baahiyay Facebook ayaa muujinaya dumar xijaaban oo dibedbax ka dhigaya caasimadda. Waxa ay wateen boorar ay ku dalbanayaan in laga qeybgaliyo siyaasadda iyo waxbarashada isla markaana la siiyo xuquuqda ay mudan yihiin. Lama sheegin in dumarkaas la xiray. Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa wada-hadallo la leh dhammaan dhinacyada Afghanistan, oo ay ku jirto Taalibaan, waxayna si togan u aragtaa fariimaha ay kooxdan dirtay tan iyo markii ay la wareegtay xukunka dalka, waxaa sidaas sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mevlut Cavusoglu. Cavusoglu ayaa hadlayey maalin kadib markii ilo-wareedyo amni oo Turkish ah ay sheegeen in Ankara ay meesha ka saartay qorshe ay dooneysay inay ku ilaaliso garoonka diyaaradaha Kabul kadib ka bixitaanka ciidamada NATO ee Afghanistan. Ilo-wareedyada amni ayaa u sheegay Reuters in Turkey, oo leh ciidamada ugu badan NATO, ay taas beddelkeed diyaar u tahay inay kaalmo farsamo iyo mid amni siiso Taalibaan, haddii ay codsato. “Waxaan wada-hadal la leenahay dhammaan dhinacyada, oo ay ku jirto Taalibaan,” ayuu yiri Cavusoglu oo shir jar’aaid ku qabtay dalka Jordan. “Waxaan si togan u aragnaa fariimaha ay illaa hadda bixiyeen Taalibaan, marka ay noqoto kuwa ay u direen ajaaniibta, diblomaasiyiinta iyo shacabkooda. Waxana sidoo kale rajeyneynaa inaan sidoo kale aragno ficil,” ayuu yiri. Turkey, oo 600 oo askari ay ka joogaan Afghanistan, ayaa sidoo kale ammaanka garoonka iyo xaaladda kala guurka Afghanistan kala hadli doonta Mareykanka iyo dalal kale, sida uu sheegay Cavusoglu. “Dhinacyada Afghanistan ayaga ayaa ka wada-xaajoon doona dhammaan arrimahan – yaa qeyb ka noqon doona ku-meel gaarka, dowlad noocee ah ayaa la dhisi doonaa, dhammana arrimahaas waan ka hadli doonnaa, balse dalka wuxuu hadda u baahan yahay inuu dego,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey. Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa sheegay in wada-hadallada Taalibaan, oo billowday kahor inta aysan kooxda la wareegin guud ahaan dalka, ay weli socdaan, islamarkaana ciidamada Turkey ay sii joogi karaan garoonka, haddii Taalibaan ay codsadaan. “Ma garaneyno haddii Taalibaan ay haystaan shaqaale ku filan oo maamula garoonka. Waxaa laga yaabaa inay taageero farsamo na weydiistaan. Joogitaanka ayaa kusii jiri karaa naqshadaas,” ayuu yiri sarkaalka. Taalibaan ayaa horey uga digtay Turkeey inay ciidamadeeda sii joogaan Kabul si ay u ilaaliyaan garoonka, hase yeeshee sarkaalka ayaa sheegay inaysan weydiisan in ciidamada Turkey ay ka tagaan Afghanistan, ayaga oo rajeynaya in xiriir wanaagsan oo ay la yeeshaan dalalka Muslimiinta ah ay ka caawin karto inay helaan aqoonsi caalami ah. Turkey ayaa kulamo la leh “saraakiisha militari ee Taalibaan ayada oo u mareysa Pakistan, halka sidoo kale ay xiriir la leedahay garabka siyaasadeed ee koxoda ayada oo u mareysa Qatar,” sida uu sheegay sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin. Hay’adda sirdoonka Turkey ayaa ku lug leh xiriiradan, sida uu sheegay sarkaalka, oo intaas ku daray, “Waa laga laabtay qorshihii la wareegista maamulka garoonka diyaaradaha Kabul marka ay baxaan ciidamada Mareykanka, balse weli ma jiro dalab ah inaan deg deg u baxno. Fariin noocaas ah kama aynan helin Taalibaan illaa hadda.” REUTERS + VOA The post Qorshaha Turkey ee Afghanistan oo isbeddelay – Sidee ayey ula macaamileysaa Taalibaan? appeared first on Caasimada Online.